26.8 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Ciidankii TURKIGA usoo diri lahaa Soomaaliya oo laga soo horjeestay

Ankara (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah mucaaradka Turkiga gaar ahaan kuwa ku jira baarlamaanka dalkaas ayaa waxay walaac kamuujiyeen soo jeedintii dhawaan uu golaha baarlamaanka geeyay madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdoğan ee ku adanaa in ciidamada badda Turkiga la geeyo Soomaaliya.

Ciidamadaas oo la sheegay in ay milatariga ka imaan lahaayeen ayuu soo jeediyay madaxweynuhu in loo daabulo si ay u caawiyaan maraakiibta sahanka shidaalka ka sameynaysa Soomaaliya.

Mid ka mid ah ragga ugu tunka wayn mucaaradka oo ah ku xigeenka madaxa xisbiga Dadka Jamhuuriga ah ee Turkiga oo lagu magacaabo Yankı Bağcıoğlu, ayaa ka digay in ciidamo loo diro biyaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay qatar galineyso hawlgallada milatari ee haatan socda.

“In ciidamo hubaysan oo Turki ah loo daabulo aagagga biyaha Soomaaliya waxay qatar galineysaa hawl-galadeena haatan socda iyo amniga qaranka. Qatarta uu horseedi karo mooshinkaan waa in si baaxad leh looga fiirsada,” ayuu yiri Bağcıoğlu oo baahiyay warkaan oo qoraal ah.

Hadalka siyaasigaan Turkiga ah ayaa waxa uu imaanayaa xilli madaxweynaha Turkigu uu Jimcihii horgeeyay baarlamaanka in ay ansixiyaan soo jeedin ku saabsan in ciidamo Turki ah oo badeed la geeyo Soomaaliya.

Arrintaas ayaa timid kadib markii dawladda Turkiga ay ku dhawaaqday heshiis sahmin iyo qodis shidaal ah dawladda federaalka Soomaaliya. Waxa kale oo ay sheegtay dawladdu in ay hawlgalkii lagu sameyn lahaa hawshaan uuna dhawaan ka bilaaban doono Soomaaliya.

Dhanka kale Bağcıoğlu waxa uu sheegay in ay tahay in baarlamaanku xeerayo qatarta ururka al Shabaab ee xulafada la ah al Qaacida iyo sidoo kale khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Gobolkeena dab ayaa ku shidan, maraakiibta aan diri doono saameyn taban ayay ku yeelan doonaan badbaadadeena,” ayu uku yiri qoraalka uu daabacay Bağcıoğlu.

Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya

Inkasta oo bilowgii sanadkaan heshiis wayn ee difaac iyo dhaqaale ay wada saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa hadana maalinkii khamiista ee aynu soo dhaafyay dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa waxay heshiis baaris shidaal ah la saxiixatay dawladda Turkiga kaas oo uu Turkigu shidaal ka baari doono saddex aag oo ku yaalla gudaha biyaha Soomaaliya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Tukriga ee Anadol.

Munaasabad lagu saxiixay heshiiskaan oo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, cabdirisaaq Cumar iyo dhigiisa Turkiga, Alparslan Bayraktar ayaa waxay ka dhacday magaalada Istanbul.

Heshiiskaan ayaa waxa uu xaquuq qaas ah u siinayaa dawladda Turkiga in ay hydrocarbon oo ah – shidaal iyo gaaska dabiiciga ah ka baarto kadib ka soo saarto saddex aag oo kiiba yahay 5,000 oo kilomitir oo isku wareeg ah, sida uu sheegay wasiirka Tamarta iyo Macadanta ee dalka Turkiga Bayraktar.

Labada ka mid ah aagagga ayaa waxay 50 kilimitir loo galayaa badda, halka mid ka mid ahna uu gudaha badda loo aadayo ilaa 100 kilomitir.

Halka laga qodayo shidaalka

Sida uu BBC-da u sheegay agaasimaha guud wasaaradda Batroolka iyo macdanta Maxamed Xaashi Carabay, Turkida ayaa bisha Sebtember ee sanadkan samayn doona Sahaminta shidaalka goobihii lagu heshiiyey inay shaqada shidaalka ka qabtaan Soomaaliya

Goobaha ay Turkigu ka bilaabayaan sahaminta iyo qodista shidaalka ayuu agaasime Xaashi ku sheegay inay ku yaalaan dhanka badda ee gobolka Mudug ee maamulka Galmudug.

“Saddexda aag ay hadda qaateen waa inta u dhaxaysa Xarardheere iyo Hobyo, halkii aagna waa ilaa 5,000 oo kilomiter oo isku wareeg ah, ” ayuu yiri Carabay.

Wuxuu sheegay in Sembeter ay Turkigu soo diri doonaan markabka iyo howlwadeena bilaabaya qorshadaha sahahimta shidaalka ka dibna ay guda gali doonaan shaqada

“Waxay samaynayaan marka hore sahaminta samaynayaan wax la dhaho 3D, markay ku sahamiyaan ka bacdi waa qiimayn waxay soo saaray warbixin, ka dibna waxay arkayaan meesha laga qadoyo ka dib markaas ayey qodista bilaabayaan” ayuu BBC-da u sheegay agaasime Xaashi.

Agaasime Maxamed Xaashi Carabay, ayaa intaa raaciyey in ka dib qiimaynta ay qodistu shidaalka ee Turkiga agaas ka bilaaban doonto saddexda bilood ee hore ee sanadka cusub ee 2025-ka.

Dhanka badda ee degmooyinka Xarardheere iyo Hobyo ayaa ka mida ah meelaha Soomaaliya ay ku yaalaan xirmooyin shidaal balse cadadkaasi waxaa uu Agaasimuhu ku tilmaamay inay ku yaallaaan wax ka badan tobban agaaas oo shidaal.

Isha: BBC

Somaliland oo eedeyn culus u jeedisay dowladda Xasan Sheekh

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa eedeyn culus u jeedisay dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay sheegtay inay ku howlan tahay falal lagu wiiqayo amniga Somaliland.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda federaalka ay dagaal kula jirto madax-banaanida Somaliland, oo ayadu u dhaqanta sidii dal madax-bannaan.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in Somaliland ay xor u tahay inay heshiisyo la gasho waddamada caalamka, uuna heshiiska Itoobiya uu muhiim u yahay iskaashiga iyo horumarka labada dhinac.

“Wax laga xumaado weeyi in maamulka Muqdisho ee Xasan Sheekh ee aan maamulin caasimadiisa inuu ku hawlan yahay falal ay ku waxyeelaynayo amniga Somaliland, isaga oo isticmaalaya maleeshiyaad maxaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka Somaliland.

“Xukuumada Somaliland waa mid sharci ah oo ku dhisan mabda’a dimuquraadiga ah, wuxuuna madaxweynaha uu ku joogo cod dadweyna,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka oo lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya ay soo xuleen dad tiro yar.

Heshiiska is-afgaradka, oo ay Janaayo 1-da 2024 kala saxiixdeen ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhaliyay dood weyn oo heer gobol iyo mid caalami ah, taasi oo keentay in Itoobiya ay dib uga joogsato damaceeda guracan ee ay ku rabto dhul baddeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale meel-marisay qaraar ay ku diideyso heshiiska Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya, ayada oo diiday in lala fariisto madaxda Itoobiya illaa ay ka laabanayaan is-afgaradkan.

Tallaabaddii xalay oo muujinaysa arrin ay Xasan iyo kooxdiisa usoo bareereen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarigga xalay Muqdisho loogu geystay wariye Cali Nuur Salaad oo ka mid ah suxufiyiinta maalmihii dambe tabinayay dhaliilaha nidaamka Xasan Sheekh.

Wuxuu muujinaya sida madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisu ugu soo bareereen iney bur-buriyan saxaafadda madaxa-bannaan ee Soomaaliya.

Madaxweynuhu inuu abaal-dhaco oo Cali Nuur iyo rag la mid ah oo la ogyahay kaalintii ay ka qaateen olollihiisa uu ku abaal-dhaco lama yaabin, laakiin waxaa iga fajicisay inuu wali aaminsanyahay in saxaafadda xoog lagu aamusin karo, taas oo uu ku fashilmay mudo xilleedkiisii hore.

Madaxweynaha waxaan leenahay dhabe khaldan ayaad aadday, wanaagna kuuma horseedi doonan kuwa kugula taliyay inaad saxaafadda caburin, xariga iyo caga-jugleyn u geysato.

Waxaan ku baaqeyna in si deg deg ah wariye Cali Nuur Salad loo siidaayo, dastuurka dalka iyo xaqa muwaadinkana la ilaaliyo, Baarlamaankuna waa inuu la xisaabtama laamaha amniga ee muwaadiniinta kula kacaya falalka xeer-dhaafka ah.

Qofka madaxda ah isaga laga raba inuu ka dhowrsado shaqooyinka wax u dhimaya sumcaddiisa qofeed iyo qiimaha madaxtinimada, laakiin waxaan raban walaaqaya lamana sheegi karo sax ma’ahan.

W/Q: Abdullahi Osman Farah

Dad badan oo Ethiopia ku dhintay kadib markii…

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Meydadka illaa 50 qof ayaa dhoobada hoosteeda laga soo saaray dalka Itoobiya kadib markii uu koofurta dalkaasi ka dhacay laba dhul go’ oo aasay guryo badan.

Kassahun Abayneh oo ah afhayeenka maamulka degmada Gofa ee ismaamulka Gobolka Koofureed ee Itoobiya ayaa wakaaladda wararka ee Reueters u sheegay in roobab mahiigaan ah oo dorraad da’ay ay sababeen dhul go’a khasaaraha dhaliyay.

Khasaaraha dhimashada ayaa la xaqiijiyay in uu ka dhashay dhul go’i labaad kadib marki ay dadka deegaanka iyo saraakiil boolis ay isugu yimaadeen halki uu ka dhacay dhul go’i koowaad.

Saraakiisha gobolka ayaa sheegay in dadka ku dhintay masiibadaasi ay isugu jireen dumar, carruur iyo askar ka mid ah ciidanka booliska deegaanka.

Maamulka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in baadigoobka dadka badbaaday uu si xawli ah u socdo balse dhimashada ayaa weli sii kordhi karta.

Muuqaalo la soo bandhigay ayaa muujinayay boqolaal qof oo isugu soo baxay goobaha wax ka dhaceen iyo qaar kale oo qodaya dhooqada iyo ciidda iyagoo raadinaya dad ku hoos jira.

Gofa waa qayb kamid ah gobolka loo yaqaan koonfurta Itoobiya, waxayna ku taal qiyaastii 320km (199 mayl) koonfur-galbeed ee caasimadda dalkaas ee Addis Ababa.

Koonfurta Itoobiya ayaa kamid ah meelaha ay sida gaarka ah ugu dhufteen roobabkaas mahiigaanka ahi, iyaga oo fatahaado halkaa ka socdeen bilihii la soo dhaafay, sida uu sheegay xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee QM (Ocha).

Maqaamka Muqdisho iyo dhameystirka dastuurka oo la isku xirayo kadib arrin soo korortay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lasoo gaba-gabeeyay kulan howleedka maqaamka caasimadda ee hannaanka dib-u-eegista dastuurka.

Kulankan oo laba cisho ka socday Hoteel Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka ee XFS.

Kulanka ayaa lagu muujiyay sida aysan u kala harin maqaamka caasimadda iyo dhameystirka dastuurka oo cutubyo kamid ah uu meel-mariyay baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Xasan Macallin oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in wasaaradda iyo madaxda ugu sarreysa dalka ay ka go’an tahay sidii loo dhameystiri lahaa dastuurka.

Sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay wasiirka in dastuurka uusan dhameystirmeynin illaa meel la saaro maqaamka caasimadda iyo matalaadda gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale oo shirka qayb ka ahaa ayaa bogaadiyay kulan howleedkaan diiradda lagu saarayay hannaanka maqaamka caasimadda, wuxuuna xusay in shacabka caasimadda iyo kuwa gobolka ay baahi weyn u qabaan dhameystirka dastuurka iyo in ay helaan matalaaddooda.

Madashan ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiiru-dowlaha wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka, la-taliyeyaal ka socday xafiiska madaxweynaha iyo kan guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Sidoo waxaa qeyb ka ahaa qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, agaasimeyaal ka tirsan wasaaradda iyo maamulka gobolka Banaadir, ururka haweenka, madaxda bulshada rayidka iyo mas’uuliyiin kale.

Doorashada kursiga HOP#18 oo lagu kala baxay maanta – Yaa kusoo baxay?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Doorashada kursiga HOP#18 ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu kala baxay, kaas oo doorashadiisa ka qabsoomtay magaalada Dhuusamareeb.

Kursigan oo horey u banaana ayaa doorashadiisa waxaa kusoo baxay General Bashiir Maxamed Jaamac, iyadoo loo doortay mudane ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Keenadiid ayaa waxaa kursigan kula tartameysay Najax Axmed Maxamed, iyada la fahamsan yahay in kursiga loo xiray Bashiir Goobe. Generalka ayaa cod gacan taag ah ku guuleystay kadib markii Najax ay tanaasushay.

Generaal Bashiir ayaa hadda ka tirsan xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza, isaggoo ku magacaaban yahay wasiiru-dowlaha wasaaradda howlaha guud ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Kursigan oo deegaan doorashadiisu tahay Dhuusamareeb ayaa waxaa horay iska casishay Xildhibaan Sahro Colaad Cabdi.

Kursigan HOP#18 ayaa ka mid ahaa kuraasta ka banaanaa golaha shacabka, waxaana ugu dambeyn ay doorashadiisu maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

PUNTLAND oo markale taariikh qoreysa – Maxaa dhacay maanta? (Sawirro)

0

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa saaka degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan ee gobolka Nugaal looga dareeray saaka doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka Puntland.

Sida uu shaaciyay guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC doorashooyinka ayaa ka dhacaya 80 goobood oo ka kala tirsan saddexda degmo ee gobolka Nugaal.

Waxaa codeynayaan in ka badan 64 kun oo qof oo kala xulanaya 431 musharax oo ka kal socda siddeed xisbi siyaasadeed.

Doorashada doorashada ayaa waxaa si dhow ula socda korjoogtada caalamiga oo booqday qeybo ka mid ah seejooyinka cod bixintu ka socoto.

Maamulka Puntland ayaa horey u qabtay doorashada 33 degmo oo golaha deegaanka ah, iyadoo saddexdan degmo ay noqonayaan kuwii ugu dambeeyay.

Bulshada rayidka ayaa si weyn ugu bogaadisay maamulka doorashooyinka noocaan ah, maadaama tallaabo horumar leh loo qaaday dhanka dimquraadiyadda.

Si kastaba, Puntland ayaa markii ugu horreysay bartamaha sanadkii hore qabatay doorasho qof iyo cod ah oo ay si weyn isha ugu hayeen dadweynaha Soomaaliyeed, iyadoo doorashada maantana xujo kale ku noqon doonto maamullada kale iyo xitta dowladda dhexe.

Sawirro: Dowladda oo soo bandhigtay hubkii ugu badnaa oo laga furtay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay hubkii ugu badnaa oo laga furtay kooxda Al-Shabaab.

Hubkan ayey dowladda sheegtay in laga qabsaday dagaal-yahaanno ka tirsanaa kooxda oo lagu laayay deegaanada Buulo-xaaji, Harboole iyo Biibi ee gobolka Jubbada Hoose.

“In ka badan 80 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu xasuuqay weerarkii naflacaariga ahaa ee ay ku soo qaadeen fariisamada ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in nolosha lagu qabtay qaar kamid ah dagaal-yahaannadii weerarka soo qaaday, kuwaasi oo hadda gacanta ku hayaan ciidanka xoogga oo u gudbin doona hay’addaha ku shaqada leh.

Howl-galkaas ayaa sidoo kale lagu furtay hub aad u badan, ayada oo warbaahinta qaranka soo bandhigtay sawirada hubka laga qabsaday kooxda, kaasi oo aad u tira badan, iskuguna jira noocyo kala duwan.

Deegaanada lagu dagaalamay oo ku yaal Jubbada Hoose ayaa waxaa maalmo kahor la wareegay ciidamada Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland.

Maalmihii ugu dambeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa kordhiyay howl-gallada ka socda aaggaas, waxayna la wareegeen Buuloxaaji iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolkaasi.

Shariif oo war culus kasoo saaray xariga Calinuur oo eedeyn yaableh ujeedisay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay xariga Cali Nuur Salaad, kaas oo dowladda ay sheegtay inay usoo xirtay eedeynta falal iskugu jira anshax-daro, been-abuur iyo aflagaado ciidanka.

Shariif ayaa xariga Cali Nuur ku tilmaamay mid ka hor imaanaya xuquuqul Insaanka, muujinayana sida dowladda Xasan Sheekh ay uga go’an tahay inay aamusiiso warbaahinta madaxa-banaan iyo saxafiiyiinta, si ay u qariyaan xaqiiqada dhabta ah ee dalka ka jirta.

Dowladda ayuu ugu baaqay inay sida ugu dhaqsaha badan usii deyso Cali Nuur Salaad, oo soo noqday agaasimihii warfaafinta ee xafiiska ra’iisul wasaaraha xilligii Xasan Cali Kheyre, sidoo kale hadda la shaqeynayay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qoraalka

Waxaan si adag ah u cambaareynayaa xarigga wariye Cali Nuur Salaad, oo ah suxufi madax bannaan oo u adeega Shacabka Soomaaliyeed, kana hadla dhacdooyinka maalinlaha ah ee ka dhaca gudaha dalka.

Caburinta saxaafaddu waxay kasoo horjeeddaa Dastuurka Dalka iyo xeerarka caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha.

Xariggaan wuxuu caddeynayaa sida nidaamka hadda jira ee uga go’an tahay in la aamusiiyo warbaahinta madaxa bannaan, lana cabsi geliyo suxufiyiinta si ay dadka looga daboolo xaqiiqooyinka dhabta ah ee dalka ka dhacaaya sida musuqmaasuqa iyo ku takrifalka awoodda dowladda.

Waxaan ugu baaqeyaa in Dowladdu ay ixtiraamto xorriyadda hadalka, si degdeg ahna usoo dayso wariye Cali Nuur Salaad.

Daawo: Wasiir Maareeye oo shaaca ka qaaday tirada xildhibaanada mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka beeraha iyo waraabka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa u jawaabay xildhibaannada mucaaradka ku ah xukuumadda DanQaran ee hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza, isaga oo difaacay xukuumadda uu ka tirsan yahay.

Maareeye ayaa sheegay in xildhibaannadaasi ay yihiin kuwa aan laga nasan, isla markaana been u sheegaya dadka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Xildhibaano yar oo 7 illaa 8 ah oo aan nasan oo dadka kale warbaahinta wuu ka nastaa ayaa maalin kasta halkan soo istaago been bey sheegaan marka, waxay yiraahdaan hoggaanka ciidamadu hoggaan sax ah maahan, yaa ogeysiiyay?” ayuu yiri Maareeye.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta ciidamada oo uu ka digay in la siyaasadeeyo, wuxuuna tilmaamay inuu ka dhalan karo fal dambiyeed aad u wayn.

“Ciidamada in la borobogaando waa eray qatar ah iyo in laga hadlo oo shaki la geliyo ciidanka, hoggaankooda iyo sida ay u dalacaan, waxayna taasi lamid tahay dambiilenimo” ayuu mar kale yiri Maareeye oo sidoo kale ku jira golaha wasiirada Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sidoo kale farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay in aysan dhageysan oo aysan qaadan warka xildhibaannadaasi.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dowladda Soomaaliyeed ay hana qaatay, isla markaana labadii sano ee lasoo dhaafay la gaaray guullo aad waa wayn.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan leenahay haku sirmina kuwaas dalku horay ayuu u socdaa guulaha ay dowladdu gaartay labadii sano ee lasoo dhaafay waa wax aan qiyaasi karin oo bannaanka yaal yaal” ayuu mar kale yiri xildhibaan Maareeye.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dalka ay ka taagan tahay xaalad siyaasadeed oo ay qayb ka yihiin xildhibaannada oo si weyn u dhaliilsan Xamza iyo xukuumaddiisa.

Daawo: Xildhibaan Faa’isa Jayte oo u jawaabtay Madaale

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta si kulul ugu jawaabtay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale oo shalay weerar afka ah ku qaaday xildhibaannada mucaaradka ah ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Madaale ayaa ku eedeeyay xildhibaannadaas inay yihiin hunguri raadis, isla markaana ay ku fashilmeen siyaasadda iyo waajibaadkii loo igmaday.

“Xildhibaan Hunguri raadis ah miyuu la tashanayaa Madaxweynaha?. Xildhibaanoow waxa aad siyaasad ku raadineyso ka fikir” ayuu horay u yiri guddooiye Yuusuf Madaale.

Faa’iso Jayte oo maanta hadal ka jeedisay kulanka Golaha Shacabka ayaa ku eedeysay Madaale inuu mar kasta u gefo baarlamaanka Soomaaliyeed, isla markaana uu caayo xildhibaannada, sida ay hadalka u dhigtay.

“Madaale hadda waxa uu gaaray inuu Idaacadihii wacdo oo uu baarlamaanka caayo, isaga iyo dad kale ayaa lacag lagu siiyaa inay caayaan xildhibaanada” ayay ku jawaabtay Faa’iso.

Xildhibaanadda ayaa sidoo kale tilmaamay in Madaale uu isagu ku fashilmay shaqadii loo igmaday, isla markaana laga rabo inuu wax ka qabto dhiiqada daadsan Muqdisho.

“Xagaa haddii uu da’o lambar 4 afar booyad ayaa la keenaa horta mala geli karo kii kale oo jaayga godad ayaa laga qoday isna lama mari karo, waay uu wax u sheegaa ceebtiisa maba is ogee hoos inuu isku fiiriyo waayay marka uu qof caayaayo” ayay ku sii dartay Faa’iso.

Waxa ay sii raacisay “Waxaa la dhahaa ninka aad kobaha ka tolaneysid waxaa la fiiriyaa kobahiisa qof nuucaas ah oo iyada dhiiqo ku dhex jirto inay maalin kasto xildhibaan caayso ma aha”.

Ugu dambeyn waxay soo jeedisay in duqa Muqdisho & dadka kale ee u gefa baarlamaanka in laga qaado tallaabo adag, si loola xisaabtamo maadaama ay gaysanayaan xadgudub.

Falastiiniyiin badan oo lagu dilay Gaza iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Gaza (Caasimada Online) – Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in ugu yaraan 70 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymo iyo madaafiicda taangiyda oo ay ciidamada Isra’il ku garaaceen qeybo ka mid ah bartamaha Marinka Gaza.

Tani waxay ka danbeysay kaddib marki ay taangiyada Isra’il ay dib ugu laabteen degmada Khan Younis iyo hareeraheeda, iyadoo ay ciidanka Isra’il mar kale ku mareen dadka deegaanka in ay si deg deg ah uga baxaan.

Meelaha ugu badan ee ay dadka ku dhinteen ayaa waxaa ka mid ah degmada Bani Suhaila iyo deegaannada kale ee bariga Khan Younis, halkaas oo qoysas badan oo barakacayay ay haleeleen madaafiicda taangiyda.

Saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in dadka la dilay ay ku jireen dumar iyo carruur, halka dhaawacana uu gaaray ilaa 200 oo qof Isniintii.

Tirada dadka ay ciidamada Isra’il ku dileen Marinka Gaza tan iyo marki uu billowday duullaanka ay Isra’il ku qadday Gaza bishii October ayaa dhaaftay Isniintii, 39,000 oo Falastiiniyiin ah, halka dhaawacu uu marayo 89,800, sida laga soo xigtay waaxda caafimaadka ee Gaza.

Isra’il ayaa weerartay Gaza, kaddib weerarki ay 7-badi October Xamaas ku qaadday koofurta Isra’il, halkaas oo la sheegay in lagu dilay ilaa 1,200 oo Israa’iiliyiin ah, qaar kalana lasoo afduubay.

DF oo weji kale u yeeshay fadeexadda hubkii lagu boobay Caabudwaaq

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, isla markaana ciwaan looga dhigay “Xog bixin diblumaasiyadeed” ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan hubkii dhowaan lagu boobay duleedka degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, kaas oo u gacan galay maleeshiyaad iyo shacab.

Warxbixintan ayaa weji cusub u yeeshay fadeexadda ka dhalatay hubkaasi oo gaartay meeshii ugu darnayd, maadaama ay kusoo aaday kadib qaadistii cunaqabateynta hubka.

Qoraalkan oo ka koobnaa laba bog ayaa waxaa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaraddeeda arrimaha dibadda ku sheegtay in hubkaasi ay si sharci darro ah dalka kusoo galay dowladda federaalka Itoobiya oo haatan ay xiisad kala dhexeyso Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo ay dowladda Soomaaliya si toos ah u sheegto in hubkaasi ay dalka soo gelisay Itoobiya, halka warsaxaafadeedkii hore ay ku sheegtay in hubkaasi ay dalka soo geliyeen ganacsato, isla markaana uu dalka kasoo galay dhinaca Itoobiya.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale Itoobiya ku eedeysay inay hubeyneyso maleeshiyaad beeleedyada, sidoo kalena hubka ay soo gelineyso uu halis ku yahay amniga gobolka.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay ugu baaqeysaa dowlada Itoobiya in ay ka waantoowdo faragelinta ay ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay kamid tahay tababarida iyo qalabeynta maleeshiyaad beeleedyada soo gelinta hubka sharci darrada ah” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale waxaa lasii raaiyay “Tani waxay dhiirogelineysaa isku dhacyada beelaha iyo abuurista xasillooni darro ku baahda gobolka iyo soo nooleynta argagaxisadasii liiceysa”.

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday dadaalka dowladda iyo tallaabooyinka ay qaaday, kadib markii la bililiqeystaas hubkaas oo xaddi ahaan aad u tiro badan, waxayna sheegtay inay qaaday dhowr tallaabo, wafdina ay u diray Caabudwaaq, si hubka loo soo celiyo.

Hadalkan ayaa uga sii daraya xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan ka dhexeysa Muqdisho iyo Addis Ababa ee ka dhalatay heshiiskii uu Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.

Booliska oo soo xiray agaasime Calinuur Salaad, kuna eedeeyey laba arrin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir, gaar ahaan saldhigga degmada Waaberi ayaa soo xiray eedeysane Cali-Nuur Salaad Xasan 38 jir ah, kuna eedeysan falal iskugu jira Anshax-daro, been-abuur iyo

aflagaado Ciidammada Qalanka sida, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Taliska qeybta guud.

Calinuur Salaad ayaa soo noqday agaasimihii warfaafinta ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, xilligii Xasan Cali Kheyre, sidoo kale hadda wuxuu ka shaqeeyaa wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

“Waxaa ku socota baarista Boliiska. Waxaana la horgey doonaa Maxkammada awooda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Calinuur Salaad ayaa shalay bartiisa TikTok soo dhigay muuqaal uu ku yiri, “Goobaha ay joogaan ciidamada qaranka waxaa lagu iibiyaa Qaad ama Jaad, ciidankuna waxay ku bedeshaan lacagta mushaarka loo siiyo iyo mararka qaar hubkooda.”

Booliska Soomaaliya eedeymaha ay u soo jeediyeen Calinuur Salaad waxaa ku jirtay inuu “faafiyey anshax-xumo” balse Caasimada Online ma arkin halka uu ku faafiyey anshax xumada boolisku sheegay.

Booliska ayaa muddooyinkii dambe baacsanayey dadka baraha bulshada ku faafiya anshax-xumada, balse hadda waxay ku soo dareen Calinuur Salaad oo ku dhaliilay qaadka oo marar badan la sheegay inuu halis ku yahay ciidanka.

Sidoo kale booliska ayaa sheegay in Calinuur baaris kadib lasoo taagi doono maxkamad, taas oo ka dhigay inay doonayaan in sharciga lagu kala baxayo, isla markaana direysa farriin hanjabaad culus ah.

Muqdisho waxaa ka socota maxkamadeynta dadkii horay boolisku soo qabtay, kuwaas oo gabdho TikTok caan ah u badan, waxaana dacwadooda lasoo gabagabeynayaa oo xukun rasmi ah laga soo saarayaa maalmaha soo socda.

Xasan Sheekh oo war culus ka soo saaray dagaalkii maanta lagu laayey Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo war ka soo saaray dagaalkii maanta lagu jebiyey kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa dhambaal u diray ciidamada xoogga iyo kuwa Jubbaland.

Madaxweynaha ugu horeyn ku bogaadiyey sida nafhornimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida ay u wajaheen argagixisada soo weerartay deegannada Buulo-Xaaji iyo Harboole ee gobolka Jubbada Hoose.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in guushan ay ka marqaati kacayso tayada iyo awoodda Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso dib u dhiskooda.

Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Jubbaland ugu hambalyeeyey guushan taariikhiga ah ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ka soo hooyeen dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in loo midoobo sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxaha argagixisada ah.

“Maanta jabka weyn ee khawaarijta lagu gaarsiiyey deegaannada Buulo-xaaji iyo Harboole ee Jubbaland waa calaamad muujinaysa in gabbalkoodu uu dhacay, geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeedna ay awood u leeyihiin in ay ka xoreeyaan deegaan kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in wadashaqeynta ciidamada iyo bulshada ay aasaas u tahay xaqiijinta amniga iyo ka hortagga dhagarta argagixisada, sidaas awgeed waxa uu adkeeyey in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka.

In ka badan 100 Shabaab ah ayaa saakay lagu dilay dagaal ay kooxdu ku qaaday deegaano dhowaan laga qabsaday oo hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, khasaaraha gaaray ciidamada qaranka iyo kuwa Jubbaland ayaa aad u yaraa markii la eego sida loo laayey Shabaab-ka, sidoo kale waxaa laga qabtay maxaabiis nool iyo hub tiro beel ah.

War cusub oo kasoo kordhay arrinta xildhibaan Abiib

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa maanta war cusub kasoo saaray qorshaha socda ee maamuus ka xayuubinta Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf Jaamac oo ka tirsan golahaasi.

Guddoomiye Faratoon oo warqad soo saaray ayaa kulan aan caadi ahayn isugu yeeray xubnaha golaha wakiilada Somaliland si xasaanadda looga xayuubiyo xildhibaan Abiib, kadibna loo guda galo eed culus oo uu usoo jeediyay xeer ilaaliyada guud ee maamulkaasi.

Faratoon ayaa sheegay in kulankaas aan caadiga ahayn uu dhacayo maalinta Khamiista ee soo socota, wuxuuna ka codsaday xildhibaannada inay kasoo qayb-galaan.

“Waxaan go’aansaday in aan isugu yeedho kalfadhi aan caadi ahayn maalinta Khamiista ah oo ay bisha ku beegan tahay 25/07/2024, saacaduuna ay tahay 8:30 subaxnimo. Ajendaha kalfadhigan aan caadiga ahayni waxa kaliya oo uu khuseeyo, isla markaana laga go’aan gaadhayo soo jeedinta xeer-ilaaliyaha guud ee ah maamuus ka xayuubinta Maxamed Abiib Yuusuf Jaamac” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiye Faratoon.

Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Haddaba waxaan mudanayaasha ku wargelinayaa inay dhowraan, isla markaana kasoo qaybgalaan kalfadhigan aan caadiga ahayn” .

Ujeedka ugu wayn ee maamuus ka xayuubinta Maxamed Abiib ayaa la xiriirta qorshe ay wadato madaxtooyadu oo doonayso inay xirto si loo maxkamadeeyo.

Xildhibaanka oo si weyn uga soo horjeedo madaxweyne Muuse Biixi ayaa haatan ku sugan gobolka Awdal, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay maadaama uu yahay deegaanka laga soo doortay.

Sidoo kale wuxuu Boorama ka bilaabay dhaq-dhaqaaqy siyaasadeed oo ka dhan ah damaca madaxtooyada iyo kulamo la tashi ah oo uu la qaadanayo bulshada uu metalo.

Ninkan aya xeer-ilaalinti waxa ay u heysataa eedaymo ay ku jirto in mas’uuliyiinta ka tirsan Saafaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti uu la kulmay iyo in arrimaha ciidamada Somaliland uu ka hadlay.

Si kastaba, Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha wakiillada ayaa tagay dalka Jabuuti dabayaaqadii bishii May, wuxuuna safarkaas xaqiijiyey maalmo ka hor mar uu warbaahinta la hadlay, isagoo sheegay in Jabuuti uu Passapor ka soo qaatay.

Al-Shabaab oo arrin aysan fileyn maanta kala kulmay deegaanka Buulo-Xaaji

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay dagaallo culus oo maanta lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, kawaas oo ka dhacay deegaannada Buulo-Xaaji iyo Harboole oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Jaamac ayaa sheegay in Al-Shabaabka weerarka soo qaaday ay la kulmeen wax aysan fileyn, isla markaana loo dhigay cashar lama ilaawaan ah, kadib markii ay isku dayeen in ay weerar ku soo qaadaan faririsimo horay looga xoreeyay oo ku yaalla deegaanada Buulo-Xaaji, Baarsanguuni iyo Harboole oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee jilibka u dhigay maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday balse iyaga khasaare lagu gaarsiiyay dagaalka.

“Khawaarijtii maanta cashar aysan weligood hilmaami doonin ayaa loogu dhigey Harboole, Baarsanguuni iyo Buulo Xaaji ee Jubada Hoose. Mahadsanidiin Ciidanka Xoogga iyo Daraawiishta Jubaland” ayuu yiri wasiirku.

Al-Shabaab badan ayaa lagu dilay dagaalkan, kuwaas oo Mayadkooda lagu soo bandhigay deegaanada lagu dagaalamay, waxaana baraha bulshada lagu faafiyay muuqaalka maydad badan oo dhulka daadsan.

Sidoo kale waxaa laga soo furtay hub tiro badan oo ay wateen xubnaha la laayay, sida lagu sheegay qoraal kale oo ay shaacisay dowlad goboleedka Jubbaland.

“Deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubada hoose saaka waxaa daadsan bakhtiga Khawaarijta oo tiro beel ah, sidoo kale halyeeyada Jubbaland ayaa furtay hub faro badan oo ay Argagixisada is lahaayeen ku dhibaateeya dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Sidoo kale deegaanka Harboole waxaa banaanada daadsan meydad kor dhaafaya 60 waxaana jira dhagarqabayaal la qabtay iyagoo nool.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, kaas oo ay guul ka sheegatay Jubbaland.

Deegaanada lagu dagaalamay ayaa waxaa maalmo kahor la wareegay ciidamada Jubbaland iyo kuwa Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo aalmihii u dmabeeyay kordhiyay howlgallada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka.

Xamza oo arrimo xasaasi ah kala hadlay dhigiisa Qatar

0

Dooxa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo shalay gaaray magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar ayaa maanta ka bilaabay kulamo xasaasi ah oo uu la yeelanayo madaxda sare ee dalkaasi.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa kulan gaara la qaatay dhiggiisa Qatar Qatar, ra’iisul wasaare Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani oo ay ka wada-hadleen arrimo dhowr ah.

Labada ra’iisul wasaare ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka u dhaxeeya  Soomaaliya iyo Qatar iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, waxbarashada iyo horumarinta arrimaha bulshada, iyadoo la isku fahmay dhammaan qodobada laga wada hadlay.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar taageerada ay mar weliba siiso Soomaaliya, taas oo ay ugu muhiimsan tahay arrimaha bani’aadanimada iyo mashariicda muhiimka ah, sida dhismaha  jidadka oo ay ka qayb qaadato Qatar.

Dhankiisa wa’iisul wasaaraha Qatar Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaan oo madasha ka hadlay ayaa xaqiijiyay in dowladdda Qatar ay garab taagan tahay Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka horreeyay shir kale oo uu ra’iisul wasaare Xamza maanta qurbejoogta Soomaaliyeed uga furay magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, waxaana ka soo qaybgalay boqolaal Soomaali ah oo ku kala nool daafaha caalamka, kuwaasi oo shirku uga socon doono magaalada Dooxa 22 – 24 Luulyo 2024.

Xamza oo khudbad muhiim ah ka jeediyay furitaanka shirweynaha oo halkudhiggiisu yahay “Jiheynta awoodda Qurbajoogta Soomaaliyeed si loo gaaro Soomaaliya bilan oo barwaaqo ah” ayaa waxa uu sheegay ahmiyadda shirkan u leeyahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan baahida loo qabo xilligan in Qurbajoobta Soomaaliyeed ay sii laba jibbaaraan kaalinta firfircoon ee ay ka qaataan dib u dhiska dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku dheeraaday doorka Qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib u dhiska, waxbarashada, koboca dhaqaalaha iyo guud ahaan nolosha dalkeena iyo bulshadaba, iyaga oo door weyn ka qaata horumarka dalka. Waxaa kale oo ugu baaqay boqolaalka qof ee Soomaaliyeed ee ka soo qaybgalay shirka inay ka miradhaliyaan rajooyinka iyo yoolalka dadka Soomaaliyeed ay hiigsanayaan ee ah nabad, horumar iyo barwaaqo.

Sawirro: Xamza oo shir ay isugu timid Soomaali badan maanta ka furay Dooxa

0

Dooxa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar ayaa maanta magaaladaas si rasmi ah uga furay Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, ayaa waxa ka soo qaybgalay boqolaal Soomaali ah oo ku kala nool daafaha caalamka, kuwaasi oo shirku uga socon doono magaalada Dooxa 22 – 24 Luulyo 2024.

Ra’iisul wasaaraha oo khudbad muhiim ah ka jeediyay furitaanka shirweynaha oo halkudhiggiisu yahay “Jiheynta awoodda Qurbajoogta Soomaaliyeed si loo gaaro Soomaaliya bilan oo barwaaqo ah” ayaa waxa uu sheegay ahmiyadda shirkan u leeyahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan baahida loo qabo xilligan in Qurbajoobta Soomaaliyeed ay sii laba jibbaaraan kaalinta firfircoon ee ay ka qaataan dib u dhiska dalka.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay sida loogu baahan yahay in la dhiso kalsooni, lana dhexgalo bulshooyinka martida loo yahay, iyada oo aan laga tageyn ilaalinta dhaqanka iyo caadooyinka suubban ee Soomaaliyeed.

Xamza ayaa ku dheeraaday doorka Qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib u dhiska, waxbarashada, koboca dhaqaalaha iyo guud ahaan nolosha dalkeena iyo bulshadaba, iyaga oo door weyn ka qaata horumarka dalka,

Waxaa kale oo ugu baaqay boqolaalka qof ee Soomaaliyeed ee ka soo qaybgalay shirka inay ka miradhaliyaan rajooyinka iyo yoolalka dadka Soomaaliyeed ay hiigsanayaan ee ah nabad, horumar iyo barwaaqao.

Shirkan ayaa sanadkan kusoo aaday, ayada oo Soomaaliya ay sameysay horumaro ballaaran, isla markaana ay ku biirtay dalladda bulshada bariga Afrika ee EAC, kaas oo ay ku mideysay dalal ka tirsan gobolka.


Wasiir Jubaland ah oo lagu qarxiyay duleedka Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in goordhow kolonyo uu la socday Wasiirka Arrimaha Diinta maamulka Jubaland Abuu Yuusuf qarax miino lagula eegtay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in wasiir Abuu Yuusuf uu soo gaaray dhaawac, kadib markii ay miinadu haleeshay mid kamid ah kolonyadii uu la socday, waxaana loo soo qaaday gudaha magaalada Kismaayo oo haatan lagula tacaalayo xaaladdiisa caafimaad.

Wasiirka ayaa xilliga la qarxinayay la socday ciidamo gurmad ah oo kusii jeeday deegaanka Buulo-xaaji oo ay saaka weerar kusoo qaadeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabab.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa kadib ay howlgal ka sameeyeen ciidamada ammaanka, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi.

Xaaladda gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta ah mid kacsan, waxaana deegaano badan oo ka tirsan gobolladaas ku dagaalamay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, waxaana la jabiyay maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday oo laga dilay 100 xubnood, sida ay sheegtay dowladda dhexe.

In ka badan 80 Khawaarij ah oo isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ayaa lagu dilay hawlgal ka hortag ah oo ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ka sameeyeen deegaannada Buulo Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole ee gobalka Jubbada Hoose” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi ku sii daray “Ciidammadda ayaa hawlgalkan ku furtay hub aad u farabadan oo ay wateen Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ka mid yihiin qoryaha RPG, BKM, AK47 iyo kuwa kale”.

Maalmihii u dmabeeyay ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa kordhiyay howlgallada ka socda aaggaas, waxayna la wareegeen Buuloxaaji iyo deegaano