26.1 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Daawo: Jubaland oo soo bandhigtay maydadka Al-Shabaab maanta la laayey

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaallo culus oo maanta ciidamadooda kuwa Xoogga dalka ay maanta la galeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo saaka weeraro ku qaaday deegaanada Buulo-Xaji iyo Harboole oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Qoraal ay shaacisay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalladaasi lagu jebiyay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, isla markaana dib loo celiyay.

Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in maydadka xubno badan oo la laayay ay daadsan yihiin goobihii lagu dagaalamay, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay hub iyo saanad ka furteen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday ee beegsaday deegaanada Buulo-Xaaji iyo Harboole.

“Deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubada hoose saaka waxaa daadsan bakhtiga Khawaarijta oo tiro beel ah, sidoo kale halyeeyada Jubbaland ayaa furtay hub faro badan oo ay Argagixisada is lahaayeen ku dhibaateeya dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Sidoo kale deegaanka Harboole waxaa banaanada daadsan meydad kor dhaafaya 60 waxaana jira dhagarqabayaal la qabtay iyagoo nool.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, kaas oo ay guul ka sheegatay Jubbaland.

Deegaanada lagu dagaalamay ayaa waxaa maalmo kahor la wareegay ciidamada Jubbaland iyo kuwa Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Maalmihii u dmabeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa kordhiyay howlgallada ka socda aaggaas, waxayna la wareegeen Buuloxaaji iyo deegaano kale.

Daawo: Muxidiin Saabey oo shaaciyay go’aan culus kadib soo laabashadiisii

0

Muqdisho Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee canshuuraha barigga u qaabilsanaa wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Muxudiin Xasan Jurus (Saabey) oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan isugu yeeray siyaasiyiinta, waxgaradka nabadoonada, haweenka iyo culumo-udiinka Beesha Mudulood, isaga oo kula wadaagay qorshihiisa.

Saabey ayaa sheegay in uu go’aansaday inuu iska iloobo wixii horay loogu gaystay, isaga oo aad uga mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay Muqdisho, kadib soo laabashadiisii.

“Waxaan idin caddeyneynaa dowladda wax cuqdad ah oo aan u qabno ma jirto qof aan uga xunahay wixii dhacay malaha wixii horay noo galay waxaa naga baxshay tolkii nasoo dhaweeyay oo illaa garoonka noogu yimid” ayuu yiri Muxudiin Saabey.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Xaafaddii hal sano ayaa la moogaa in la barto waa la rabaa oo duqii ma joogaa aan la dhihin, ilaahey waa na soo aruurshay waan joognaa”.

Muxudiin Saabey ayaa ka baxsaday kiis ay ku soo eedeeyeen xafiisyada xeer ilaalinta guud iyo hantidhowrka qaranka, kaas oo la xiriiray musuq maasuq ka dhex dhacay hey’adaha dowladda, balse markii dambe waxaa dembigaas ku weysay maxkamadda gobolka Banaadir.

Ninkan ayaa Soomaaliya uga baxay safar dhulka ah, markii uu ogaaday in la xirayo, wuxuuna 13 bilood kadib kamid noqday masuuliyiin ay maxkamadda gobolka Banaadir ku weysay dembiyadii loo heystay.

Sidoo kale Odayaashii dhaqanka ee beeshiisa ayaa madaxweynaha ka codsaday inuu wiilkooda siiyo mag-dhowgii uu u balan qaaday qofkii inta lasoo eedeeyo dembi lagu waayo.

Masuuliyiinta Saabey lala eedeeyey waxaa ka mid ahaa labadii Agaasime ee soo maamushay hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, waxaana si lamid ah ninkaan lagu waayey eedeymihii uga yimid xafiisyada Hantidhowrka iyo Xeer ilaalinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh markan waxaa looga fadhiyaa inuu bixiyo magdhowgii uu ka balan qaaday qof kasta oo masuul ah oo inta maxkamad la geeyo lagu waayo xatooyo xoolo dadweyne.

Ciidamo la geeyay Ceelasha oo tallaabo culus qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Milataaro ayaa saaka lagu daadiyay laamiga dheer ee isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan deegaanka Ceelasha, kuwaas oo isku fidiyay guud ahaan xaafadaha deegaankaasi.

Ciidamada ayaa sidoo kale joojiyay dhammaan dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha waddadaas oo isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Sidoo kale arrintan ayaa saameyn ku yeelatay goobaha ganacsiga iyo waxbarasada oo xiran, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.

Gaadiid badan oo ka yimid dhinaca magaalada Afgooye ayaa sidoo kale waddadan ku xayiran, taas oo keentay inuu hakad galo dhaq-dhaqaaqa waddadaasi.

Sababta halkaas ciidamada loo geeyay ayaa ah inay howlgal burburin ah ka sameeyaan deegaanka Ceelashaha Biyaha, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Xaafadda la burburinayo ayaa waxaa lagu magacaabaa Ramadaan, waxaana deggan dad shacab ah oo muddo ka bdan 10 sano deegaansanayay halkaasi.

Ma jiro wax faah-faahin ah oo ay laamaha amniga ka bixiyeen howlgalka ka socda Ceelasha Biyaha iyo waddada muhiimka u ahayd ee shacabka ee saaka la xiray.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa mararka ay sameynayaan howlgallada gaarka ah xira waddooyinka, waxaana u dambeysay markii la burburinayay xaafadda Dab-damiska oo gebi ahaanba la jaray waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa, maadaama laga cabsanayay inay kacdoon sameeyaan shacabka laga barakicyay halkaas oo muddo dheer diidanaa.

DF oo shaacisay in ku dhowaad 100 Shabaab ah lagu dilay Jubbada Hoose

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dagaal culus oo maanta ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, kadib markii Al-Shabaab lagu jabiyay weeraro ay ku qaadeen deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in dagaalkaas oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dala iyo Daraawiishta Jubbaland lagu dilay in ka badan 80 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in ciidamada huwanta ay dagaalka kusoo furteen qoryo ka mid yihiin RPG, BKM, AK47 iyo kuwa kale.

Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:-

Muqdisho, 22, July 2024: In ka badan 80 Khawaarij ah oo isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ayaa lagu dilay hawlgal ka hortag ah oo ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ka sameeyeen deegaannada Buulo Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole ee gobalka Jubbada Hoose.

Hawlgalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaadka Khawaarijta ah ay weerar nafla caari ah ku soo qaadeen fariisimo geesiyaasha Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku lahaayeen deegaannadaan, laakiin ciidanka oo u diyaarsanaa dhagarta cadowga ayaa ku guulaystay inay cagta mariyaan maleeshiyaadka Khawaarijta ah.

Ciidammadda ayaa hawlgalkan ku furtay hub aad u farabadan oo ay wateen cadowga, kuwaasi oo ay ka mid yihiin qoryaha RPG, BKM, AK47 iyo kuwa kale.

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidammada Jubbaland ayaa hadda ku jira uruurinta meydadka cadowga ee daadsan goobaha lagu dagaalamay, iyadoo dhanka kale wali lagu raad joogo maleeshiyaad fara ku tiris ah oo isku dayaya inay naftooda la baxsadaan.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta nafla caariga ah ee duulaanka ku ah dalkeenna, dadkeenna iyo diinteenna.

-Dhammaad-

Ciidamada DF iyo kuwa Jubaland oo fashiliyay weerar ay soo qaadeen Shabaab

0

Afmadow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Sbabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen deegaanada Buulo-Xaaji iyo Harboole oo ay dhowaan kala wareegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta ee maamul goboleedka Jubbaland.

Weerarka oo ahaa mid gaamo ah oo ay aroortii hore saaka soo qaadeen Al-Shabaab ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo saacad ka badan qaatay.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay fashiliyeen weerarkaasi, isla markaana ay dib u celiyeen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday.

“Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saakay fashiliyay Weerar fuleynima ah oo ay Khawaarijto ku dooneysay in ay ku qaadaan Degaanka Harboole ee Degmada Afmadoow kana tirsan Gobolka Jubada Hoose” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in khasaaro lixaad leh la gaarsiiyay xubnihii weerarka soo qaaday, welina ay sii baacsanayaaan, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, kaas oo ay guul ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Deegaanka Harboole oo ah meesha uu weerarka ka dhacay ayaa u dhexeeyo degmada Afmadow iyo deegaanka Janaay Cabdalle, waxaana marta waddo muhiim u ah oo isku xirta gobolka Jubbada Hoose iyo gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo maalmo kahor laga fara maroojiyay Al-Shabaab.

Maalmihii u dmabeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa kordhiyay howlgallada ka socda aaggaas, waxayna la wareegeen Buuloxaaji iyo deegaano kale.

Si kastaba, Jubbaland ayaa waxaa si rasmi ah uga billowday wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, kaas oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Daawo: Deni oo war ka soo saaray xasaradaha Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo kumanaan shacab ah maanta kula hadlay fagaaraha Garowe ayaa soo hadal qaaday colaadaha iyo xasaradaha maamul ee ka taagan koonfurta Soomaaliya iyo Somaliland.

Saciid Deni ayaa ku faanay in Puntland ay gaartay xasilooni iyo isku filaasho, isagoo ilaahey nabad iyo xasilooni uga baryey Soomaaliya inteeda kale, gaar ahaan Somaliland iyo koonfurta Soomaaliya.

“Somaliland waxaan u rajeynayaa in maamulkaasi uu ka shaqeeyo nabad, oo doorasho sax ah qabto, in maamulkaasi uu ku fara adeygo nabadeynta inta uu maamulo oo aysan u hanqal taagin deegaano kale,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Saciid Deni  oo farriin u diray Somaliland.

Sidoo kale Saciid Deni wuxuu ka hadlay xasaradaha ka jira koonfurta Soomaaliya, isagoo sheegay in qabaa’ilku ay is dilayaan, wuxuuna ugu baaqay inay nabad ku wada noolaadaan, maadaama aysan jirin dowlad kala celineysa ama ku kala garqaadeysa.

“Labo reer oo meel degan waxaan ugu baaqayaa in nabad ay ku wada noolaadaan, gaar ahaan dadka reer Puntland, beelaha idinla degan nabad kula noolaada, maamulkeygu wuxuu xooji doonaa nabadda iyo dimoquraadiyadda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Saciid Deni.

Wuxuu ka digay in xoog lagu raadiyo xukunka “waxaan ka digayaa siyaasiyiinta caadeysatay inay xukunka ku koraan dhiigga dadka, xukunka waxaa lagu koraa cod,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Puntland ayaa shacabka reer Garoowe ka codsaday inay si gaar ah u taageeraan xisbigiisa Kaah, isagoo ka codsaday inay u codeeyaan Xisbigiisa Kaah.

“Waxaa inoo ballan ah maalinta Doorashada 23-ka July 2024 Insha’allaah, in aad codka siisaan Xisbi Siyaasadeedka Kaah, Astaanteenu waa Hasha,” ayuu yiri Deni oo fagaaraha Garoowe kula hadlayey kumanaan shacab ah.

Deegaanada Puntland waxaa ka socda doorashooyinka golaha deegaanka, koonfurta Soomaaliya waxaa ka socda dagaal beeleedyo saameeyey gobol kasta, dowladda federaalka ayaa dhegaha ka fureysatay colaadaha sokeeye ee dalka ka socda.

Somaliland ayaa xasarado cagaha la gashay markii ay la dagaashay SSC waxaana laga qabsaday goboladii koonfurta xigay ee Sool iuo Sanaag, waxayna xaaladu ku sii xumaatay bilowgii sanadkaan markii Muuse Biixi uu heshiis badda ah la galay Abiy Axmed, kacdoon xoogan ayaa ka socda gobolka Awdal.

Hoos ka daawo

Joe Biden oo ka haray doorashada Mareykanka, soona saaray war rasmi ah

0

Waahington (Caasimada Online) – Madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhowaaqay in aanu mar kale u tartami doonin xilka madaxweynaha Mareykanka, isaga oo soo afjaray ololihiisa dib u doorasho.

Biden ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay inuu sii wadi doono xilkiisa madaxweynaha Mareykanka iyo taliyaha guud ee ciidamada, illaa muddo xileedkiisa uu ka dhammaanayo bisha Janaayo ee 2025.

Waxa uu intaas ku daray inuu qaranka la hadli doono toddobaadkan.

“Waxay ii ahayd sharaftii ugu waynayd nolosheyda in aan noqdo madaxweynihiina. Islamarkaana in inkasta oo ujeedkaygu ahaa in aan mar labaad isku soo sharaxo, waxa aan aaminsanahay in ay dani ugu jirto xisbigayga iyo dalkaba in aan ka haro, oo aan diiradda saaro oo kaliya fulinta waajibaadkeyga madaxweynenimo inta ka hartay muddo xileedkayga,” ayuu qoray Biden.

Ka-haritaanka tartanka ayaa dhabbaha u xaaraya ku-xigeenkiisa Kamala Harris inay noqoto gabadhii ugu horreysay ee madow ah ee xilka madaxweyne u tartanta.

Biden oo 81 jir ah kuma qeexin magaca Harris warqaddii uu ugu dhowaaqay go’aankiisa.

Sioo kale ma cadda haddii xubnaha sare ee Dimoqraadiga ay Harris kula loolami doonin magacaabista musharaxa madaxweyne ee Dimoqraadiga, iyo in xisbiga dooran doono in tartanka laga dhigo mid cid kasta u furan iyo in kale.

Go’aanka Biden ayaa daba socda mowjado cadaadisyo shaacsan iyo kuwa qarsoon ah oo kaga yimid sharci-dejiyayaasha iyo saraakiisha Dimoqraadiga oo ahaa inuu tartanka ka haro kadib bandhiggii xumaa ee uu ka muujiyey dooddii uu la galay musharraxa Jamhuuriga Donald Trump.

VOA

Imaamka Masjidka Cali Jimcaale oo ka hadlay gefkii loo gaystay Sheekh Xiddig

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Masjidka Cali Jimcaale ayaa si rasmi ah uga hadlay kacdoonkii maanta ka dhashay qoraal uu baraha bulshada ku faafiyey nin la sheegay inuu ka mid yahay culimada Masjidka Cali Jimcaale, waxaana shir jaraa’id qabtay Imaamka masjidka Cali Jimcaale, Sheekh Cabdikariin Ciise Cali.

Shiiqa ayaa marka hore u tacsiyeeyay Sheekh Cismaan Xiddig, isagoo sheegay in Shiiqa uu ahaa caalim dhaxal uga tagay umadda Soomaaliyeed iyo tiir ka baxay bulshada.

Sheekh Cabdikariin waxa uu sheegay in qoraalka Ibraahim Ciyoow uu yahay mid isaga u gaar ah oo aan ka tarjumeynin maamulka masjidka.

“Maamulka majidka Cali Jimcaale wuxuu iska fogeynaa qoraalkii Ibraahim Ciyoow uu ku qoray bartiisa Facebook ee uu ugu gafay sheekha” ayuu yiri Sheekh Cabdikariin.

Qoraalkii uu soo dhigay bartiisa Facebook Ibraahim Ciyoow ayaa u muuqday mid uu ku naqdinayey culumo sheekha u tacsiyeeyay, shiikha qudhiisana uu ku durayey, isagoo yiri “Waa sax in uu kitaabo badan qoray, balse ma taqaan kutubtiisa oo ma aragtay? Kuligood ama badankooda waxa uu ku difaacayaa inta aan Suufiyo isku hayno”.

Imaamka Masjidka Sheekh Cabdikariin oo aqrinayay war-saxaafadeedka uu maamulka masjidka soo saaray ayaa sheegay in masjidka uu ku dadaalayo in cid walba oo sabab u noqon karta in ay kala geyso umadda aysan korin mimbarka masjidka.

“Maamulka Masjidka waxa uu cadeynayaa in Ibraahim Ciyoow iyo ruux walba oo la mid ah uusan mar kale fursad u siin doonin in masjidka ay qudbad ama kalmad ka jeediyaan. Dhaqanka Islaamka kama mid ahan in culumada la aflagaadeeyo ama lagu xadgudbo, hilibka culumada waa sun, ha noolaadaan ama ha geeriyoodaan” ayuu yiri Imaamka Masjidka Cali Jimcaale Sheekh Cabdikariin Ciise Cali.

Sheekh Cusmaan Xiddig, waxa uu muddo ka badan 40 sano ahaa daaci iyo macallin ka shaqaynayey fiidinta diinta Islaamka habeen hore ayuu ku geeriyooday Muqdisho oo shalay meydkiisa lagu aasay.

Dadka Soomaaliyeed iyo qaar kamid ah culimada dunida islaamka ayaa si weyn uga tacsiyeeyey geerida Sheekh Cismaan Xiddig, dadka yaqaana Sheekha ayaa ku tilmaamay inu ahaa “maktabad soconaysay.”

Sheekh Cusmaan Xiddig, ayaa muddo dheer lagu yaqiinay soo saarista kutub kala duwan oo ku saabsan culuumta kala duwan ee Islaamka iyo wacyiga nololeed ee Soomaalida, kutubta uu qoray Sheekh Cusmaan Xiddig oo aad u badan waxaa inta badan laga helaa jaamacado ku yaalla dalalka Islaamka, gaar ahaan jaamacada Axqaaf oo ku taalla dalka Yemen, sidoo kale dalka Ciraaq ayaa ka mid ah wadamada laga akhristo kutubta uu qoray Sheekh Cismaan Xiddig.

Sawirro: R/W Xamza oo u baxay safar dibadeed xilli uu socdo qorshe xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dalka Qatar kaga qeyb-gali doona shirweynaha qurba-joogta Soomaaliyeed, waxa uuna hal kaas ka jeedin doonaa khudbad dhinacya badan taaban doonta.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sido kale kulamo muhiim ah la yeelan doona ra’iisul wasaaraha iyo madax kale oo ka tirsan hoggaanka dalka Qadar.

Safarka Xamza ayaa imanaya xilli uu socdo qorshe ay xildhibaannada qaar ku doonayaan inay ku ridaan xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza. Xiisaddan ayaa ka dhalatay ballan-qaad uu horey u sameeyay Xasan Sheekh oo fuli waayay.

Xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo ka gadoodsan in la magacaabi waayo ra’iisul wasaare ku xigeen labaad oo uu dalka yeesho, kaas oo markii hore la qorsheeyay in la siiyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qorshahan oo la filayay in dhawaan uu dhaqan-galo, islamarkaana lasoo magacaabo ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ayaa dib loo dhigay, kadib abaabul iyo ka hortag ay sameeyeen siyaasiyiinta kasoo jeeda gobollada waqooyi oo hadda ku fadhiya xilka ras’iisul wasaare ku xigeenka dalka, waxayna diidan yihiin in kursigan la magacaabo.

Xubnaha Digil iyo Mirifle ee haatan ku shiray gudaha magaalada Muqdisho ayaa isla gartay tallaabada ay qaadayaan haddii muddo 24 saac gudahood lagu soo magacaabi waayo xilka ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad oo matela Beesha Raxanweyn, taas oo ka dhan ah xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza.

Madaxweynaha ayaa xilligaas reer Koonfur Galbeed ka dalbanayey inay ansixiyaan 4-tii cutub ee ugu horeysay dastuurka oo dhowaan la ansixiyey, isagoo ka ballan qaaday in kursiga ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee dalka uu siinayo Koonfur Galbeed.

Gobolkee ayey ku yaalan xirmooyinka shidaal ee Turkiga ka bilaabayo qodista?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmo ka hor ayey ahayd marii magaalada Ankara ee dalka Turkiga ay heshiis ku saabsan shidaalka ay ku wada saxiixdeen dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga sida ay daabacday wakaaladda wararka Tukriga ee Anadol oo soo xiganeysa waiirka Tamarta iyo Macdanta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar oo arrintaan ku dhaawaqay Khamiistii.

Heshiiska oo ay qalinka ku wada duugay waiirka Tamarta iyo Macdanta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar iyo dhigiisa Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Heshiiska ayaa xaq u siinaya dowladda Turkiga shidaal iyo gaaska dabiiciga ay ka baarto Soomaaliya ka dibna ay ka soo saarto saddex aag oo midkiiba ku fadhiyo ilaa 5,000 oo kilimitir oo isku wareeg ah sida uu sheegay wasiirka Tamarta Turkiga Bayraktar.

Labada ka mid ah aagagga ayaa waxay 50 kilimitir loo galayaa badda, halka mid ka mid ahna uu gudaha badda loo aadayo ilaa 100 kilomitir.

Halkee ku yaallaan Xirmooyinka?

Sida uu BBC-da u sheegay agaasimaha guud wasaaradda Batroolka iyo macdanta Maxamed Xaashi Carabay, Turkida ayaa bisha Sebtember ee sanadkan samayn doona Sahaminta shidaalka goobihii lagu heshiiyey inay shaqada shidaalka ka qabtaan Soomaaliya

Goobaha ay Turkigu ka bilaabayaan sahaminta iyo qodista shidaalka ayuu agaasime Xaashi ku sheegay inay ku yaalaan dhanka badda ee gobolka Mudug ee maamulka Galmudug.

“Saddexda aag ay hadda qaateen waa inta u dhaxaysa Xarardheere iyo Hobyo, halkii aagna waa ilaa 5,000 oo kilomiter oo isku wareeg ah, ” ayuu yiri Carabay.

Wuxuu sheegay in Sembeter ay Turkigu soo diri doonaan markabka iyo howlwadeena bilaabaya qorshadaha sahahimta shidaalka ka dibna ay guda gali doonaan shaqada

“Waxay samaynayaan marka hore sahaminta samaynayaan wax la dhaho 3D, markay ku sahamiyaan ka bacdi waa qiimayn waxay soo saaray warbixin, ka dibna waxay arkayaan meesha laga qadoyo ka dib markaas ayey qodista bilaabayaan” ayuu BBC-da u sheegay agaasime Xaashi.

Agaasime Maxamed Xaashi Carabay, ayaa intaa raaciyey in ka dib qiimaynta ay qodistu shidaalka ee Turkiga agaas ka bilaaban doonto saddexda bilood ee hore ee sanadka cusub ee 2025-ka.

Dhanka badda ee degmooyinka Xarardheere iyo Hobyo ayaa ka mida ah meelaha Soomaaliya ay ku yaalaan xirmooyin shidaal balse cadadkaasi waxaa uu Agaasimuhu ku tilmaamay inay ku yaallaaan wax ka badan tobban agaaas oo shidaal.

Bartamihii bishii febraayo ee sanadkan ayey ahayd markii Wasiirka Batroolka iyo Macdnta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo wareysi uu siiyey BBC-da uu sheegay in Soomaaliya ay dabayaaqada sanadkaan laga soo saari doono shidaalkii ugu horeeyay ee laga qodo gudaha Soomaaliya, kaas oo la filayo in uu noqdo maadada caeeriinka ah, kadibna loo diri doono tijaabo baaritaan.

Wasiirku wuxuu sheegay in dadaallada lagu doonayo in la soo saaro khayraadka shidaalka ceegaaga Soomaaliya uu marxaladdii ugu dambeysey marayo, islamarkaana qorshuhu yahay in saddexda bilood ee ugu dambeysa sannadkan lagu wado in ceelkii shidaal ee ugu horreeyey la bajiyo.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa nasiib u yeelatay in ay noqoto meesha ugu horreysa ee shidaalka laga qodi doono, waxaana degmada Hobyo oo qorshuhu yahay in xeebaheeda hawsha laga billaabo dhawaan booqday khubaro ka socotay Hay’adda Betroolka Qaranka oo halkaas kulamo kula yeeshay dadka deegaanka.

Maxaan ka ognahay qiyaasta shidaal ee Soomaaliya ku jirta?

Sida ay muujinayaan xoggo ay sii dayeen shirkado shisheeye oo sahamin ku sameeyey goobo agag dhanka badda Soomaaliya ah ayaa xusay in Soomaaliya leedahay kayd shidaal, balse weli lama hayo qiyaas rasmi ah oo lagu tiirsanaan karo taas oo sheegi karta tiro fuustooyin ah oo guud ahaan ku jirta dhulka iyo badda Soomaaliya.

Sannadkii 2020 kii, shirkadda sahaminta ee Norway, TGS, ayaa ku qiyaastay in qayb kamid ah badda Soomaaliyta uu ku jiro kayd saliid oo ku dhow 30 bilyan oo barmiil, oo leh kayd dheeraad ah oo badda ah.

Soomaaliya waxaa lagu sameeyay baaritaanno shidaal oo badan kuwaas oo sida uu BBC-da u sheegay Agaasimaha Guud ee wasaaradda bartroolka iyo macdanta ee Soomaaliya, Maxamed xaashi, soo bilowday sannadkii 1957 – saddex sano ka hor xornimadii Soomaaliya.

Ceelkii ugu horeeyay ayaa xilligaas “laga qoday woqooyiga Soomaaliya” tan iyo markaas waxaa la baaray 68 ceel, “afar iyo labaatan ka mid ah waxay tusaysay in uu shidaal ku jiro” ayuu yiri Agaasime Maxamed.

Qaar ka mid ah ceelashii lagu bilaabay qoditaanka, ayuu dagaalkii sokeeye iyo dhicitaankii dawladdi dhexe ku yimaadeen sidaasna ay hakad ku galeen, sida uu BBC da u sheegay agaasimuhu.

Markii ay Soomaaliya ka baxday dawlad ku meel gaar ah sannadkii 2013, wasaaradda batroolka ee Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay shirkad la yiraahdo Som Oil and Gas. Shirkaddan waxay sahamin ku samaynaysay laga bilaabo Kismaayo illaa Hobyo oo dhanka badda ah sida uu noo sheegay Agaasimaha wasaaradda.

Shirkaddaasi waxay sahamisay saddex aag oo kala duwan, “Waxayna sameeyeen baaritaan illaa 20 kun oo kilo mitir ah. Sanadihii 2015-2016 waxaa baaritaan kale sameeyay shirkad kale oo Spectrum la yiraahdo taas oo sida uu agaasimuhu sheegay iyaduna baartay 21 kun oo kilo mitir.

Haddaba labadaas baaritaan markii la sameeyay “waxaa la ogaaday keydka saliidda ee Soomaaliya ku jira ee badda inta laga baaray ah in uu yahay mid aad u badan oo fursad badan ay jirto, maalinkiina lagasoo saari karo in ka badan hal milyan oo fuusto” ayuu yiri Agaasime Maxamed Xaashi Carrabey.

Shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka oo ay ka mid yihiin Chevron, Eni, ExxonMobil iyo Shell ayaa sahamin ka bilaabay Soomaaliya 1950-meeyadii, balse waxaa la hakiyay markii uu dalka ka qarxay dagaal sokeeye 1991-kii.

Isha: BBC

Yaa hor-taagan in doorasho ay ka dhacdo Galmudug?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Mowduuca hubkii lagu qaatay degmada Caabudwaaq ayaa qeylo-dhaan ka dhex abuuray siyaasiyiinta kasoo jeeda Galmudug, kadibna waxaa si weyn loo dhalleeceyay hoggaamiyaha Galmudug, Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Sababta ay arrinta hubka dagaal siyaasadeed iskugu rogtay waa in qaar kamid siyaasiyiinta deegaanka lagu tuhansan yahay inay ku lug leeyihiin arrinta hubka sharci-darrada ah ee lasoo geliyay dalka.

Qaar kamid ah xildhibaannada heer federaal iyo daneeyayasha doorashada Galmudug ayaa ku baaqay in deg deg loo qabto doorasho. Xubnahan midkoodna horey uma dalban in doorasho la qabto.

Doodda kama taagno in Qoor-Qoor waqtigiisa dhamaaday laakiin labo su’aaloodba waa in dhab looga jawaaba. Mid waa maxaa dalabka doorashada soo dadajiyay, dabcan waa hubka oo siyaasiyiinta qaar gubay. Midda labaadna waa waayaha doorashada hortaagan.

Inay Galmudug ka dhacdo doorasho ama Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo dhamaan madaxdooda waqtigooda ka dhamaaday waxaa hortaagan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo diiday nuucii doorasho ee maamul goboleedyada qabsan jireen, kadibna furay hanaan doorasho oo cusub, markaa kadibna maamul goboleedyada siiyay muddo kororsi ku eeg bisha Novermber 2024.

Waxaa jirta dhacdo ay dhamaan siyaasiyiinta reer Galmudug ogyihiin oo si fudud ku fahamsiineysa in madaxweyne Xasan Sheekh hortaagan yahay doorashada Galmudug. Kal hore Qoor-Qoor ayaa magacaabay guddi doorasho oo ay madax u tahay Xaliimo Yarey.

Waxay muddo siddeed billood ah guddigaasi kusoo dhameeyeen daraasad ay ka sameeynayeen deegaanada Galmudug ee laga qaban karo doorasho dadweyne oo gole deegaan ah.

Waxay soo saareen guddigaas 21 degmo oo isugu jira degmooyinkii hore iyo kuwo mar dhexe la magacaabay oo nabad ah oo doorasho laga qaban karo. Waxay wada-shaqeyn iyo ballan-qaad ka heleen beesha caalamka.

Waxaa loo ogolaaday lacag 18 Milyan ah oo dollar ah oo doorashadaas ku qabtaan. Balse markii ay damceen inay howsha galaan madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la hadlay Qoor-Qoor oo yiri lama bilaabi karo doorashadaas, waana in aan raacna heshiiskii golaha wadatashiga qaran, taas oo ka dhigan wax bisha Novermber 2024 ka horreeya lama ogola iyo waa inay isku mar dhacaan dhamaan doorashooyinka maamul goboleedyada.

Intaan waa kugu filan tahay cidda hortaagan inay doorasho ka dhacdo Galmudug.

Xubnaha dalbanaya inay deg deg doorasho uga dhacdo Galmudug baaqooda ma ku xuseen inuu Xasan Sheekh ka hor wareego doorashada Galmudug, jawaabtu waa maya, sababtoo ah intooda badan dano gaar ah ayey ku haystaan Xasan Sheekh.

Siyaasiyiinta doorashada ka hadlay ee kasoo jeeda Galmudug haddii uu warkooda doorasho doon yahay waa inay toos farriintooda ugu xusaan inuu Xasan Sheekh ka hor wareego doorashada Galmudug, haddii kale farriintooda waxaa loo fahmayaa mid ay kaga baxsanayaan eedaha hubka.

Daahinta doorashooyinka maamul goboleedyada iyo muddo kororsiga la siiyay ragga xukuma waa dastuur ku tumasho uu sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh. Labada aqal ee baarlamaanka waa ku guul-dareysteen inay taas kala xisaabtamaan madaxweynaha.

Sawirro: Wafdi culus oo ka socda DF oo gaaray magaalo ay go’doomisay Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, taas oo go’doomisay kooxda Al-Shabaab.

Wafdigan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah wasiirka wasaaradda gargaarka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush iyo masuuliyiin ka socday hay’addaha gargaarka sida IOM, WFP, UNHC, OCHA iyo UNICEF.

Wafdiga guddoomiyaha ayaa kormeer ku tagay xarumaha ay degan yihiin dadka barakacyaasha ah ee is-beddelka cimilada saameynta ka soo gaartay iyo kuwo Al-Shabaab kasoo barakicisay degmooyinka Tiyeeklow iyo Rabdhuure, kuwaas oo haatan xaalad aad u adag wajahaya.

Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta kale ayaa u kuur-galay xaaladaha dhabta ah ee ka jira kaamamkaan, iyagoo mid mid u xogwareeystay dadka, waxaana ay goob fagaaro ah gargaar ugu qeybiyeen in ka badan 600 oo qoys.

Ugu danbeyn guddoomiyaha ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ah oo dhexmaray SODMA, waasaaradda gargaarka Koonfur Galbeed, maamulka gobolka Bakool iyo hay’adaha gargaarka.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii gargaar deg-deg ah oo ballaaran loo gaarsiin la ahaa shacabka ku tabaalaysan gudaha Xudur, degmooyinka iyo deegaanada kale ee gobolka Bakool.

Magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxay weli go’doon ugu jirtaa kooxda Al-Shabaab, iyadoo gadiidka kaliya ee xilligaan lagu tagi karo magaaladaasi uu yahay diyaaradaha.

War ka cusub beelihii ku dagaalamay Mudug ee Sacad iyo Leelkase

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Qodobo dhameystir u ah nabadeynta colaaddiii galbeedka Mudug ee beelaha Sacad iyo Leelkase ayaa maanta lagu gaaray deegaanka Maygaagta ee gobolkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug, oo ay wehliyaan odayaasha dhaqanka labada beelood ayaa ku dhawaaqay qodobada dhamaystirka fulinta go’aannadii xabbad-joojinta ee colaadda labada beelood, iyagoo go’aamiyay in hubin lagu sameeyo dhamaystirka fulinta qodobadii hore usoo baxay ee qaadista maleeshiyaadka beelihii dagaallamay.

Sidoo kale waxay fareen ciidamada qaabilsan amniga inay xaqiijiyaan in aan isku dhac dambe imaan inta laga hirgelinayo heshiis nabadeed oo rasmi ah, iyada oo sharci-darro loo aqoonsaday in dhismayaal iyo deegaameyn laga sameeyo dhulkii lagu dagaallamay.

“Waxaa loogu baaqay dhammaan odayaasha labada beelood in ay kaalintooda ka qaataan fulinta go’aannadii xabbad-joojinta labada dhinac,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka.

Sidoo kale waxay go’aamiyeen in 5-ta bisha August ee 2024 uu furmo shirka rasmiga ah ee nabadaynta labada beelood, kaasi oo lagu qabanayo magaalada Gaalkacyo, si loo dhammaystiro gogoshii wada-hadalka nabadda labada dhinac ee dirirtu dhex-martay.

Dhinacyada ayaa waxa kale oo ay go’aamiyeen in wada-hadallada gogoshu ay ku koobnaadan odayaasha labada dhinac, iyadoo maamullada Galmudug iyo Puntland ay korjoogteynayaan.

“Maamullada waxay marwalba la xallinayaan odayaasha wixii ay isku fahmi waayaan, sidoo kalena ay farsamao ahaan hagayaan maamulka shirka, iyada oo gogosha ku koobnaaneyso odayaasha labada dhinac,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay shirka.

Maamulka Masjidka Cali Jimcaale oo war culus kasoo saaray arrintii carada dhalisay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Masjidka Cali Jimcaale ayaa war xasaasi ah kasoo saaray caro ka dhalatay qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay wadaad lag magacaabo Ibraahim Cabdicasiis Faarax (Ciyow), kaas oo la sheegay inuu kamid yahay culimada masjidka, wuxuuna qoraalkaas ugu gefay caalimkii waynaa ee Sheekh Cusmaan Xiddig oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Maamulka Masjidka ayaa iska fogeeyay hadalka ninkan, wuxuuna sidoo kale sheegay in aanu kamid ahayImaamyada rasmiga ah ee Masjidka Cali Jaamac ee magaalada Muqdisho.

“Maamulka Masjidka Cali Jimcaale wuxuu cadeynayaa in uusan Ibraahim Ciyow kamid ahayn maamulka, Imaamyada rasmiga ah iyo Macallimiinta masjidkaba, Masjidkuna masuul kama aha fikirka qof gaar ah oo aan masjidka shaqo ku lahayn, Wuxuu maamulka masjidku ku baaqayaa in la hubsado waxa la baahinayo loogana baqo Allaah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Marka laga soo tago warka kasoo baxay maamulka Masjidka, waxaa jira muuqaalo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada oo muujinaya Ibraahim Ciyow oo khudbado ka jeedinayo gudaha Masjidka Cali Jimcaale, taas oo iyana dhalisay su’aallo iyo shaki kale.

Arrinta carada dhalisay ayaa ah in Ibraahim Ciyow uu sheegay in marxuumka uu qoray kutubo ka hadlayo waxyaalo shirki ah, isaga oo xusay in maalmaha soo socda la arki doono, ayada oo la caabudayo qabriga Sheekh Cismaan Xiddig, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale isla Ibraahim Ciyow ayaa mar kale soo hadlay, wuxuuna faah-faahiyay hadalkiisa carada dhaliyay, balse ma bixin wax raalli-gelin ah.

Hoose ka akhriso:-

Bismillaah .

Qoraal aan xalay meeshaan kusoo qoray baa waxaa laga soo saaray waxyaaba badan oonan ku jirin sidaa darteed waxaan istusay inaan cadeeyo dhawr shaay :

  1. Waxaan ucudur daaranayaa Masjidka Cali Jimcaale oo magacayga lagu gaaray laguna aflagaadeeyay , anigu waxba kama ihi , maamul iyo imaam toona , wixii aan soo qoro aniga naftayda ayaan ku matalaa .
  2. Ma aaminsani , mana dhihin in sh cismaan xidig gaal yahay , mana gaalaysiin , in la dhihi karo allaha unaxariistana waa aaminsanahay … lkn kutub baan ka hadlay oo sheekha lafihiisa kamaba hadlin .
  3. Waxaan aaminsanahay in kutubta sheekha ay ku jiraan qaladaad badan gaarsiisan bidcooyin iyo shirkiyaat oon cadaynteeda qofka ubaahan aan siin karo .
  4. Waxaan arkay qoraalo iyo videos laleeyahay ; hala dilo iyo hala xiro iyo malalac noocaas ah waxaan leeyahay qoladaas : hadalkayga hadii aad si cilmi ah ugawada hadlayno waa gar waana ogolahay , lkn qaaqle iyo siyaasi saaqiday aniga waxba iiga cuni maayaan inay meelaha iga caayaan iyo hanjabaad , hadda ka hor ayaanba kusoo kacay ayadoo la leeyahay saakay uu gaalkacyo isku qarxiyay iyo hala dilo , walina waa noolahay .
  5. ugu dambayn: Xaqa allaha nafahmsiiyo oo nagu dilo … wixii kutubta ku qoranna si cilmi ah halooga wada hadlo , illeen kuma baaba’ayaan in la iscaayee .

wabillaahi tawfiiq .

Daawo: DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo cajiib ah, dal kalena ku celisay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ku aadan raashin dhacay oo dhowaan lagu qabtay dekedda wayn ee magaalada Muqdisho, kaas oo la doonayay in loo gudbiyo suuqyada Muqdisho, si loo iibiyo.

Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed oo daba-gal ku sameysay raashinkan oo uu noociisu ahaa Bur ayaa ogaatay inuu dhacay, wuxuuna gaarayay illaa 7 kunteenar.

Intaas kadib waxaa kiiskan la wareegay xafiiska xeer ilaaliyaha oo baariis dheer kadib caddeeyay in Burkan uu yahay mid dhacay, wuxuuna kasoo saaray go’aan culus.

Xeer ilaaliye Mustaf oo dekedda kula hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in la go’aamiyay in Burkan lagu celiyo dalkii laga soo dhoofiyay oo ah waddanka Turkiga.

“Baaritaan dheer oo caddeymo lagu lifaaqay oo maxkamadda iyo xafiiska xeer ilaalinta ugu jira ay wadaageen waxaa go’aan lagu soo saaray in lagu celiyo meeshii laga keenay” ayuu yiri xeer ilaaliye Mustaf.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Todobada kunteenar waa la raray annaga oo ku hubinay mid walba inuu yahay sidii lagu keenay laga soo bilaabo maalinkii la qabtay, illaa hadda waxaa ilaalinayay oo gacanta ku hayay ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee saldhigga dekedda”.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in warbixin baariiseedkan ay la wadaagi doonaan dowladda Turkiga, si loola xisaabtamo shirkadda soo daabusha oo dalkaas laga leeyahay.

“Dukumintiyada iyo caddeymaha la helay iyo warbixin baariseedka la sameeyay waxaa qaab diblumaasiyadeed loo gaarsiin doonaa dowladda Turkiga, ayada oo loo marsiinayo wasaaradda arrimaha dibadda, lala wadaagaayo safaaradda Turkiga” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo la go’aamiyay in shirkadda keentay Burkan dhacay magdhow ahaan looga qaado lacagtii ka baxday ganacsatada Soomaaliyeed ee lagu soo qaldan badeecaddaasi.

Ugu dambeyn hay’adda Taya-dhowrka iyo Xeer ilaalinta ayaa digniin culus u diray guud ahaan ganacsatada, waxayna sheegeen in tallaabi laga qaadi doono cid kasta oo raashin dhacay dalka usoo dhoofiso, maadaama uu halis ku yahay nolosha dadka Soomaaliyeed,

Muxuu yahay MOOSHINKA cusub ee guddoonka golaha shacabka loo gudbiyay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Sabtidii shalay guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya u gudbiyay mooshin ama soo jeedin ku saabsan hubka sharci darrada ah, dagaallada sokeeye iyo dhowrista xasaanada Xildhibaanada, kaasoo ay saxiixeen 18 xildhibaan oo ka tirsan Golaha.

Xildhibaan Cali Mahdi Qalato oo ka tirsan xubnaha gudbiyay mooshinkan ayaa faah-faahiyay ujeedkooda, wuxuuna sheegay inay xaq u leeyihiin keenista mooshin, maadaama ay yihiin xildhibaanno, ayna tahay inay la xisaabtamaan cid kasta oo gudan wayso shaqadeeda.

“Mooshinka sidiisa xildhibaannadu xaqbey u leeyihiin inay keenaan oo waxaa weeye ciddii shaqadeeda gabta in laga keeno waajib waayay, baalamamaanka sidiisaba wuxuu ku shaqeeyo waa mooshin” ayuu yiri Xildhibaan Cali Mahdi Qalato.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ujeedka mooshinka ay gudbiyeen uu yahay mid ku toosinayaan xukuumadda oo uu ku eedeeyay inay ku fashilantay shaqadeeda,

“Mooshinkii maanta waxaan rabnaa in aan dalka ku toosino, waayo xukuumaddan waxaan ka war heynaa sida ay maanta fadhiidka u tahay” ayuu mar kale yiri xildhibaan Qalato.

Waxaa kale oo uu ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh inuu kala diro xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza, isla markaana uu soo dhiso xukuumad cusub,

“Aniga waxaan qabaa in madaxweynaha Soomaaliyeed ay hal arrin u furan tahay dalkii maanta siyaasad waa lagu kala tegay arrimaheenna gudaha qalalaase ayaa ka jira, dalkii maanta cadow ayaa kusoo duulay waxaa laga rabaa Xasan Sheekh in xukuumadda uu kala diro, maadaama ay fashilantay oo uu soo dhiso xukuumad ka shaqeyn karta midnimada iyo qaranka Soomaaliyeed” ayuu kusii daray xildhibaanku.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay dalka, taas oo leh wajiyo kala duwan, waxaana xaaladda ugu adag wajahaya xukuumadda.

Caro xooggan oo ka dhalatay Imaam Masjid ‘oo u gefay’ Sheekh Cusmaan Xiddig

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa habeen hore magaalada Muqdisho ku geeriyooday caalimkii waynaa ee Soomaaliyeed Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig), kaas oo isla shalay lagu aasay Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qaybgalay kumaan kun oo dad ah una badan Jamaacadiisa.

Geerida Sheekh Cusmaan Xiddig kadib ayaa waxaa haatan soo kordhay arrin kale oo uu ka dhawaajiyay Ibraahim Cabdicasiis Faarax (Ciyow) oo la sheegay inuu ka mid yahay Imaamyada Masjidka wayn ee Cali Jimcaale ee magaalada Muqdisho, kaas oo war yaableh kasoo saaray geerida marxuumka.

Ibraahim Ciyow ayaa soo saaray qoraal dheer oo ‘u muuqdo mid digasho ah’ wuxuuna si aad ah loogu baahiyay baaraha bulshada, kadib markii ay ka caroodeen dad badan.

Ninkan ayaa qoraalkiisa uga hadlay Kutubadii uu qoray Sheekh Cismaan Xiddig oo uu ku tilmaamay inay ka hadlaan shirki iyo la barakeysto maydkiisa.

“Geeridu digasho maleh laakiin mabaadi’da mujaamalo ma taqaan . Waxaan arkayay kuwa wahaabiyo ah oo leh “ sh cismaan xidig ilaaheey ha unaxariisto ,wuxuu allifay kutub badan oo naafico ah ……….” ayuu qoraalkiisa ku yiri Ibraahim Ciyow.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Nacam wuu allifay kutub lkn ma taqaan kutubtiisa oo ma aragtay ?? kulligood ama badankood wuxuu ku difaacayaa inta aan suufiyo isku haynayba oo mayd la baryo oo tawasul loo bixiyo iyo qubuuro laysku jiid jiido oo la baryo oo tabaruk uu ubixiyay iyo shirkiyaatkoodii iyo khuraafadoodii un , mana lahan nafci ee kutub baadi iyo shirki iyo khuraafo buu ka tagay , ilaaheey baana yaqaan sida uu yeelayo oo iiga naxariis badan”.

Imaamka Masjidka Cali Jimcaale oo sii hadlay ayaa xusay in maalmaha soo socda la arki doono, ayada oo la caabudayo qabriga Sheekh Cismaan Xiddig, sida uu hadalka u dhigay.

“Al muhiim qofku wuxuu yahay inuu yaqaan waa muhiim inta uusan caadifadii iyo qalbi jileecee ummu hebel galin, igana qor inaad arki doontaa isaga oo mardhow la caabudayo oo magac Ziyaaro loo bixin doono u tagistiisa iyo baryadiisa, illeen isagaaba usii dhigay in la barakeysto, haddii uu dhintee” ayuu mar kale yiri Imaamka Masjidka Cali Jimcaale.

Arrintan ayaa dhalisay dood xasaasi ah iyo falcelin xoogan, waxaana ka hadlay dad badan oo Soomaaliyeed oo ka carooday hadalka kasoo yeeray Ibraahim Ciyow.

Siyaasiga caanka ah Cali Yare oo ka falceliyay ayaa yiri ” Waxaan maqlayaa in ninkaan kibray ee baarqabka ah oo meydka AUN Shiikh Cismaan Xidig caayay kuna tilmaamay mushrigga inuu Iimaam ka yahay masjidka Shiikh Cali Jimcaale ee Muqdisho ku yaalla iyo inuu macalin u yahay ardayda masaajidka quraanka lagu baro. Middii ay labadaas tahayba xertii Sheekhu ka tagay ee kumanaanka kun ah iyo ummada muslimka ah ee ninkaan magaalada uu joogo la joogta ama haleeli karta masuuliyad in la edbiyo ah ayaa dushooda saaran”.

Shiriif Shire Axmed ayaa isna yiri “Waa xaqiiq in uu soo saarayo kuwa is qarxiya Somalia waxaa la dagay waa dadka nuucaan ah oo cid wax ka qabanaysa aysan jirin”.

Sakariye Cabdi Xakiin ayaa isna ku jawaabay “Ibraahiim Ciyow cilmiga aad soo baratay maku fari waayay inaad maytida afkaaga ka dhowrto. Sheekh Cismaan Xidig AUN inaad ku tilmaamto qof shirki faafinaya maaha wax lagaa aqbali karo, waliba Masjidka Cali Jimcaale in aad imaam noogu noqoto adigoo culimadeenii gaalaysiinayana”.

Ayuu Barre ayaa yiri “Ma jecleen inaan wax yaabo kale ka hadlo balse waxaan la aamusi waayay dhaqan xumada iyo jaahilnimada xargaha goosatay ee inankaas kula dhaqmaayo Ahlu-qabuurka”.

Ugu dambeyn Ibraahim Ciyow ayaa qoraalkii uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ka saaray, laakiin dad badan ayaa sawirro ka qaaday, kadibna jawaaba kulul ka bixiyay.

 

ISRAEL oo weerar culus ku qaaday dalka YEMEN

Xudeyda (Caasimada Online) – Ugu yaraan 3 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 87 kalana ku dhaawacmeen, kaddib marki ay diyaaradaha dagaalka ee Isra’il Sabtidi shalay duqeeyeen dekadda magaalada Xudeyda ee dalka Yemen.

Weerarkan ayaa yimid, maalin kaddib marki ay kooxda Xuutiyiinta ee taageerada ka hela Dowladda Iran ay gantaal nuuca riddada dheer ku dhufatay magaalada canagsiga Isra’il ee Tel Aviv, halkaas oo la sheegay in uu ku dhintay hal qof afar kalana ku dhaawacmeen.

Telafishanka Al-Masirah ee ku hadla codka Xuutiga ayaa sheegay, in dhaawacyada intooda badani ay yihiin gubniin kasoo gaaray dab ka kacay goobaha shidaalka lagu keydiyo ee dekadda, kuwaas oo ay bartilmaameedsadeen diyaaradaha f-15-ka Isra’il.

Afhayeen u hadlay milatariga Isra’il ayaa sheegay in dekadda Xudeyda ay Xuutiyiinta ay kala soo dagaan hubka uga yimaada Iran. Waxuu kaloo sheegay in meelaha kale ee ay beegsadeen ay ka mid yihiin xarumaha tamarta.

Dhanka kale, ayaa Sabtidi sii waday duqeymaha cirka ah ee ay ka wadaan Marinka Gaza, halkaas oo ay saraakiisha caafimaadka xaqiijiyeen dilka 29 Falastiiniyiin ah.

Dadka la dilay shalay waxaa ku jiray wariye lagu magacaabo Mohammad Abu Jasser, xaaskiisa iyo laba carruur ah oo uu dhalay, kaddib marki gurigooda oo ku yaalla waqooyiga Marinka Gaza la duqeeyay.

Xafiiska warbaahinta Gaza ayaa ku warramay in Maxamed Jaser uu noqday saxafigi 161-aad ee ay Isra’il ku disho Gaza tan iyo 7-badi bishi October.

Ciidamada DF oo deegaan cusub kala wareegay Shabab

0

Buurhakaba (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta deegaan cusub kala wareegay kooxda Al-Shabaab, kadib howlgal culus oo ay ka sameeyeen gobolka Baay.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamada huwanta ah kula wareegeen deegaanka Jameeco oo qiyaastii 25 KM u jira degmadaasi.

War kasoo baxay kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen deegaankaas oo ah mid istaraatiiji ah.

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Jameeco oo qiyaastii 25km u jira degmada Buur-hakaba ku dilay xubno ka tirsan khawaarijta, iyagoo kala wareegay gacan ku haynta deegaankaasi” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa howlgalkan khasaare culus oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa agagaarka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday guluf ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku xoogan deegaanada maamulkaasi.

Somalia mourns a revered cleric: Sheikh Osman Hidig’s legacy of faith and guidance

Somalia is in deep mourning following the passing of Sheikh Osman Sheikh Omar Sheikh Daud, widely known as Sheikh Osman Hidig – which literally means Sheikh Osman Star – as he was a star among his fellow students during their learning years. His death has profoundly impacted the nation, as he was a highly respected and influential Islamic scholar.

Thousands of mourners gathered to pay their respects, with many lifting his coffin in a show of collective grief and reverence. The solemn funeral procession moved to the cemetery, where the final rites were performed.

Sheikh Osman Hidig was renowned for his dedication to the propagation of Islamic teachings. His lifelong commitment to religious education made him a beloved figure in the country. His funeral was attended by individuals from across the country and abroad, all united in their respect and admiration for the scholar.

The funeral procession took place in the Karan neighborhood of North Eastern Mogadishu. Despite the intense heat of the sun, attendees walked several kilometers to reach the burial site.

Sheikh Mohamud Ow Abdulle Arif, a prominent Sheikh, delivered an emotional tribute, emphasizing Sheikh Hidig’s unwavering dedication to spreading religious knowledge and his significant impact on the community.

“His history does not need to be elaborated upon, as he was widely known for his dedication to spreading the faith. May Allah have mercy on him,” said the famous Sheikh, Mohamud Ow Abdulle Arif, almost in tears, due to grief. He said that the cleric was dedicated to serving the religion of Allah, and he taught many Imams who enlightened the Islamic religion.

Sheikh Bukhari, another cleric present at the funeral, described Sheikh Osman as a distinguished religious scholar.

“I kissed him three times on the forehead on your behalf,” he told the gathered mourners, attempting to calm them down.

As Sheikh Osman Hidig mastered several arts of the Arabic language, he became an expert in it. This enabled him to write over 19 books, which are now valuable resources for learning about religious studies.

The Somali government expressed its condolences, recognizing Sheikh Osman Hidig as a true servant of Allah.

Born in 1942 in Eeldheer town, Galgaduud region, Sheikh Osman memorized the Holy Quran at the age of ten. He then pursued advanced studies in Islamic studies and traveled to the city of Bardhere in the Gedo region, which is far from his hometown, thousands of kilometers.

Prominent lawyer Abukaate Dudaye described Sheikh Hidig’s death as a “great tragedy” while acknowledging that such losses are a part of the human experience.

Current and former leaders, politicians, and well-wishers have all expressed their sorrow, noting Sheikh Hidig’s rare dedication and significant contributions to the religious and educational landscape of Somalia.

May Allah grant him eternal peace and mercy.