26.1 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Madaxweyne Farmaajo oo war cusub ka soo saaray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qoraal ka soo saaray geerida caalimkii weynaa ee Soomaaliya Sheekh Cismaan Xidig oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, maantana lagu aasay.

Farmaajo ayaa ugu horeyn qoraalkiisa ku sheegay inuu murugada iyo tacsida geerida la qaybsanayo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, culimada diinta, ardaydiisii iyo ehellada uu ka baxay, AUN Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig).

“Sheekhu waxa uu ka mid ahaa tiirarka culimada Soomaaliyeed, isaga oo in ku dhow nus qarni u taagnaa faafinta diinteenna suubban ee islaamka, waxna soo baray jiilal badan. Sheekha oo caan ku ahaa cibaado badni, juhdi iyo dadaal diimeed waxa kale oo uu ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta uga tagay kutub badan oo ku saabsan culuumta Islaamka oo uu Sheekhu qoray,” ayuu yiri Farmaajo.

Ugu dambeyntii Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Waxaan Allaah u weydiinayaa Sheekha in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samiir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelkii, dhammaan umadda Soomaaliyeeed iyo ardaydii uu wax soo baray Sheekhu.”

Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif, ayaa geerida Sheekh Cismaan Xidig ku tilmaamay mid naxdin leh iyo qof miisaan weyn lahaa oo ka baxay diinta iyo ummada Soomaaliyeed.

“Xiddig weyn ayuu Soomaaliya u ahaa, marka geerida maanta dhacday masiibo ayey ahayd laakiin qofkasta geeridu waa haleelaysaa.”ayuu yiri Sheekh Cariif oo sheegay inay Shiiqa is yaqaaneen muddo 40 sano ka badan, uuna ku yaqaaney qof u go’ay fidinta diinta iyo waxbarida dadka Soomaaliyeed.

Doorkii uu kulahaa xalqooyinka fadhiga ahaa ee funuunka kala uu ku dhigi jiray barida diinta ayuu Sheekh Maxamuud Cariif ku tilmaamay inuu “Qof waqtigiis u huray diinta iyo mu’alifnimada kutub badan.”

Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif ayaa yiri “Fani ka mida culuumta Islaamka oo uusan akhrin jiran ma jirto Sheekhu, haday tahay tafsiirka, Axaadiista, Fiqhiga, calawiyada, wuxuu ahaa saaxiibul funuun, gaar ahaan wuxuu marin jiray oo ku sii badnaa xaga Axkaamta.”

 

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo loo soo jeediyay inuu xilka ka dego + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yuusuf Gamaadiid oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ugu baaqay inuu is casilo, una turo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Yuusuf Gamaadiid oo kamid ah xildhibaannada mucaaradka ah ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu ku fashilmay hoggaaminta dalka, isaga oo kula taliyay inuu noqdo madaxweynihii u horeeyay ee Afrikaan oo isku casilo fashil siyaasadeed dartiis.

“Madaxweyne waad ku fashilantay hoggaanka dalka ee noqo madaxweynihii koowaad ee Afrikaan ah ee ku fashilmay hoggaanka ee is casilay” ayuu yiri Xildhibaan Gamaadiid.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Madaxweyne Xasa Sheekhow waxaa ku haray hal shay inaa ka tagto kaliya, halkaasna wuxuu yahay oday da’ ah baa noqotay, dalkana god-baa ku riday is casil, xilkana isaga dag”.

Xildhibaan Yuusuf Gamaadiid oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in madaxweynuhuu uu dalka ku riday god dheer, isla-markaana ay meesha ka baxday rajadii laga qabay dib u doorashadiisii 15 May ee sanadkii 2022-kii.

“Dalkan fashil oo baqdin loo qabo dowladnimadeenna ayaa ka jira, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa la’is lahaa oday Soomaaliyeed oo da’ iyo waayo aragnimo u dhineyn oo 5 sano mucaarad soo ahaa oo bannaanka taagan, waxbuu toosin doonaan dowladnimada halka ay joogto ayuu kasii wadi doonaa ayaa la wada aaminsanaa, laakiin ma dhicin” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Yuusuf Gamaadiid.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in madaxweynaha uu isku soo koobay awooddii dowladnimada, isla markaana uu burburiyay hay’adihii dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan la soconaa systemkii dowladnimada ee saddexda hay’adood is xisaabineysay in meesha laga saaray oo hal xafiis madaxtooyada hoostaga dhamaan laga dhigay” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xaalad siyaasadeed ay ka taagan tahay dalka, taas oo leh wajiyo kala duwan waxaana madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay xilligan la kulmayaan culeys uga imaanaya dhanka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan ka tirsan BF oo shaaciyay inuu halis ku jiro, looguna hanjabay dil

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta xildhibaannada hortooda ka sheegay inuu ku jiro xaalad halis ah, isla-markaana mas’uul ka tirsan dowladda uu ugu hanjabay dil.

Xildhibaanka oo hadal ka jeediyay kulankii baarlamaanka ee maanta ayaa shaaca ka qaaday in uu eersaday hadal uu ka sheegay golaha oo ku aadanaa weerarkii todobaadkii hore ka dhacay maqaayadda Top Coffee oo lagu laayay dad badan oo shacab ah.

Cabdirsaaq Ciid ayaa tilmaamay i  mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, isla markaana qaabilsan amniga uu lasoo xiriiray, isla markaana uu ku qabsaday wixii uu ka sheegay baarlamaanka, balse ma shaacin magaca mas’uulkaas iyo qaybta uu ka tirsan yahay.

“Waxaa jirtay in la weeraray Top Coffee oo dhalinyaro banooni fiirsaneysay lagu laayay, markii aan ka hadlay oo meeshaan ka baxay ayaa mas’uul kamid ah mas’uuliyiinta dalka ee oo howlahaas qaabilsa uu taleefoon isoo diray isaga oo igu yiri Al-Shabaab miyaa tahay maxaad uga hadashayaa dadkan dhimashadooda iyo dhaawacooda?. Waxaan ku iri Al-Shabaab maahi, laakiin waxaan u damqanayaa dadkeyga mas’uuliyad ayaana iga saran” ayuu yiri Xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu ugu goodiyay inuu toogasho ku dilayo, haddii uu mar kale ka hadlayo arrimaha amaanka, gaar ahaan weerarada ka dhaca caasimada.

“Waxaa ku xigtay in hadalkii ku xigay uu ahaa maanta kadib, haddii aad ka hadasho madaxa ayaan ka tooganayaa, waa ogahay in uusan I toogan Karin tabarteedana uusan lahayn, laakiin qaladkaas waa ka dhacay” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Kolley waxaa laga yaabaa inuu is leeyahay ninkan waa qurbejoog waa cabsanayaa, laakiin nin la cabsi gelin karo inaan ahayn ayaan meeshaan ka caddeynaa”.

Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid ayaa ugu dameyn sheegay in arrintan uu warbixin kasoo diyaarin doono, kadibna uu kusoo celin doono baarlamaaka, si uu g’aan uga gaaro.

Hoose ka daawo:-

Taliska ATMIS oo qiraal ka sameeyay dilka shacab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska howlgalka ATMIS oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay dhacdo dad shacab ah lagu dilay oo ka dhacDay magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo lagu eedeeyay ciidamadaUganda ee ka tirsan ATMIS.

Ugu horreyn ATMIS ayaa qiraal ka sameysay dilkaas oo loo gaystay illaa 2 qof oo ku sugnaa Buulo Mareer, waxaana dilkooda uu dhacay 17-kii bishan July ee 2024-ka.

ATMIS ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay haatan billowday baaris ku aadan falkaas oo dadka shacabka ah ay waxyeelo kasoo gaartay, isla-markaana ay ka dhalatay caro xoogan.

Sidoo kale waxay ballan-qaadday in ay soo bandhigi doonto natiijada ka soo baxda baaritaanka marka la soo gabagabeeyo, ayna la wadaagi doonto ummadda Soomaaliyeed.

Taliska ATMIS ayaa intaasi kusii daray in ciidamadooda uu waajib wayn ka saaran badqabka shacabka, isla markaana ay Soomaaliya u joogaan kaliya nabad ilaalin.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaskii ay ka geeriyoodeen. Ciidamada ATMIS waxaa loo tababaray inay si adag ugu hoggaansamaan Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada, Heerarka Xuquuqul Insaanka, iyo Shuruucda Hawlgelinta ee lagu maamulayo hawlgallada militari, iyadoo xoogga la saarayo ilaalinta rayidka iyo carruurta,” ayaa lagu yiri war qoraalka ah ee kasoo baxay ATMIS.

Qirashada ATMIS ayaa kusoo aaday kadib dibad-baxyo ka dhacay magaalooyina Buulo Mareer iyo Muqdisho oo lagu cambaareeyay dhibaatada ay ka gaysatay halkaasi, ayada oo sidoo kale cadaalad loogu dalbayay dhibanayaasha oo ahaa dad beeraley ah.

Horay ciidanka ATMIS ayaa marar kala duwan dad raydi ah ugu laysay gudaha Soomaliya, waxaana dhacdooyinkan ay noq noqdeen kuwa soo laa laabtay, mana muuqato qorshe cad oo ay wax uga qabaneyso dowladda Soomaaliyeed oo iyada mas’uul ka ah dad & dadlkaba.

Xildhibaannada hal beel oo ka baaqday kulankii BF ee maanta + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah xildhibaannada beelaha Soomaaliyeed ayaan maanta ka wada baaqday kulan ay yeeshene xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee uu haatan galay dalka.

Xildhibaannada Digil iyo Mirifle ayaan maata xaadirin kulankii baarlamaanka, waxayna gooni u qabsadeen shir kale oo ay uga arrinsanayeen xiisadda ka dhalatay magacaabista ra’iisul wasaare ku xigeen labaad oo matela Beesha Raxanweyn.

Cabdirashiid Xidig oo kamid ah mudanayaasha baarlalamaanka Soomaaliya ayaa arrintan su’aal ka keenay, wuxuuna tilmaamay inay tahay markii ugu horreysay oo ay dhacdo.

“Waxaan rabnaa inaan ogaano beel dhan oo saaxibadeyn ah xildhibaannadoodii ayaa maqan waxaan jeclaan lahayn inaan ogaano, sida ay ku dhacday” ayuu yiri Xidig.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ma ahan dhaqan uu baarlamaanka lahaan jiray haddii ay xildhibaannada dareemayaan iyo haddii kaleba”.

Siyaasiyinta Digil iyo Mirifle ayaa haata wada olole wayn oo ay ku doonayaan in deg-deg loo soo magacaabo xilka ra’iisul wasaare ku xigeen labaad ee uu horay uga ballan qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligaas Koonfur Galbeed ka doonayay meel marinta 4 cutub ee ugu horreyso dastuurka KMG ah, taas oo lagu guuleystay.

Xubnaha Digil iyo Mirifle ee haatan ku shiray gudaha magaalada Muqdisho ayaa isla gartay tallaabada ay qaadayaan haddii muddo 24 saac gudahood lagu soo magacaabi waayo xilka ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad oo matela Beesha Raxanweyn.Sidoo kale waxa ay xubnahan ku doodeen inay yihiin canshuur bixiyayaal, sidoo kalena ay door wayn ku leeyihiin la dagaallanka Argagixisada iyo dhismaha dowladnimada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xilkan ayaa waxaa loo wadaa siyaasiga caanka ah ee Saalim Caliyoow Ibrow oo kasoo jeedo Koonfur Galbeed, kaas oo horay ra’iisul wasaare ku xigeen uga soo noqday dowladdii KMG aheyd ee soo martay dalka.

Shirkan waxaa ka horreeyay mid kale oo iyana ay xalay gudaha Muqdisho ku yeesheen xildhibaannada iyo wasiirada kasoo jeeda gobollada waqooyi, kuwaas oo ku fadhiya kursiga ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, waxayna diidan yihiin qorshaha hadda socda ee dhisida ra’iisul wasaare ku xigeen labaad oo uu xilligan yeesho dalka.

Maxaa dhacaya haddii uu Biden ka haro tartanka madaxtinimo?

Washington (Caasimada Online) – In kastoo deeq-bixiyeyaasha waaweyni ay ka caga jiidayaan in ay sii wadaan dhaqaalaha ay siiyaan ololihiisa ayna in badan oo ka mid xisbiga dimuqraadiga si cad u sheegeen in rajadiisa ku guuleysiga doorashada November ay sii yaraanayso, haddana madaxweyne Joe Biden ma muujin inuu tartanka ka harayo.

“Waxaan rajeynayaa in aan toddobaadka soo socda dib ugu soo laabto ololaha doorashada,” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray.

Biden ayaa ku jiraa “tartanka waxaana uu ugu jiraa in uu ku guuleysto,” ayuu bayaan uu soo saaray ku yiri Dan Kanninen, oo ah agaasimaha ololaha doorashada Biden ee qaabilsan gobollada sida weyn loogu loollamo. Waxa uu intaa ku daray in Biden uu yahay “qofka ay u badan tahay in uu noqdo musharraxa xisbiga uusanna jirin qorshe qof baddala lagu magacaabayo.”

“Waxaa la gaaray waqtigii aan joojin lahayn dagaalka dhexdeenna ah,” Kanninen ayaa yiri. “Markaan aan dagaalanno qofka kaliya ee guulaysanaya waa Donald Trump.”

Weli, haddii Biden uu ka haro tartanka, Dimuqraadiyiintu waa in ay si dhakhso ah u go’aansadaan cidda noqon doonta musharraxa xisbiga iyo sida lagu soo xulayo.

Mid ka mid ah waxa suurtagalka ah ayaa ah in Biden uu taageero musharrax kale oo uu weydiisto ergooyinka xisbiga Dimuqraadiga in ay codadkooda u weeciyaan musharrax kale marka ay ku kulmaan bisha soo socota Shirweynaha Qaran ee Dimuqraadiga (DNC) ee magaalada Chicago ee gobolka Illinois.

“Waxaa laga yaabaa in ay jiraan xoogaa gorgortan ah haddii Joe Biden uu go’aansado in uu ka haro tartanka oo, laga yaabee in ugu yaraan uu dhiirigelin karo ama taageeri karo amaba isku dayo in madaxweyne ku-xigeenka [Kamala] Harris ay noqoto musharraxa,” ayuu yiri John C. Forier, oo ka tirsan Machadka the American Enterprise Institute.

Laakin, ergada ayaan ku qasbaneyn in ay ku raacaan, sida uu Fortier u sheegay VOA. “Ma jirto dammaanad buuxda ama qaab sharci ah oo uu taageeradiisa ugu wareejin karo.”

Sidaas oo ay tahay, haddana Harris ayaa noqon doonta qof si degdeg ah ku hesha codadka ergooyinka. Waxa ay hadda tahay qofka koowaad ee baddalaya madaxweynaha. Magacaabista qof dumar ah oo madow ah ayaa sidoo kale gacan ka geysan karta xaqiijinta codadka bulshada Afrikaan Ameerikaanka ah, oo ah unugga udub-dhexaadka u ah taageerada Xisbiga Dimuqraadiga.

Fagaarayaasha waxa ay daacad u tahay Biden. “Joe Biden waa musharraxeena,” ayay tiri horraantii bishan. “Mar ayaan ka badinay Trump, mar labaadna waanu ka badineynaa.”

Maadaana ay ku jirto tigidka Biden-Harris, Harris ayaa macno dhaqaale sameyn doonta. Marka loo eego shuruucda maaliyadeed ee ololaha, Harris waxa ay xaq u leedahay in ay isticmaasho dhaqaalaha ololaha Biden-Harris u soo xarooday, kaasi oo ah ilaa $91 milyan, sida ku cad warbixintoodii ugu dambaysay ee bishii June.

58 boqolkiiba Dimuqraadiyiinta waxa ay rumeysan yihiin in Harris ay noqon doonto madaxweyne wanaagsan, sida lagu ogaaday ra’yi ururin cusub oo ka timid Xarunta Cilmi-baarista Arrimaha Bulshada ee AP-NORC, iyadoo qiyaastii 30% dadweynaha guud ahaan ay sidaasi oo kale qabaan. 43 boqolkiiba dadka waaweyn ayaa fikrad wanaagsan ka qaba Harris, oo ay ku jiraan 74% Dimuqraadiyiinta.

Si kastaba ha ahaatee, Dimuqraadiyiinta ayaa laga yaabaa in ay sidoo kale rabaan in ay ka fogaadaan muuqaalka aan dimoqraadiyadda ahayn ee si toos ah loogu dhawaaqi karo Harris in ay tahay qofka beddelaya Biden, gaar ahaan haddii musharraxiin kale ay isku soo sharraxaan magacaabista.

Haddii uu madaxweynuhu tartanka ka harayo, Dimuqraadiyiintu waa in ay si degdeg ah u ogaadaan cidda beddelaysa iyo cidda ay u badan tahay in ay ku guulaysato doorashada, ayuu yidhi Larry Sabato, oo ah maamulaha Xarunta Siyaasadda ee Jaamacadda Virginia.

“Taasina waa in ay noqotaa isla qofka,” ayuu u sheegay VOA. “Waxaa su’aal kale ah haddii ay ku samayn karaan wakhtiga loo oggol yahay – oo ah bil.”

 

Shirweyne furan ayaa macquul ah

Shirweynaha bisha soo socota ee xisbiga Dimuqraadiga (DNC) ayaa noqon kara shirwayne furan, halkaasi ergadu ay ku magacaabaan qof aan ahayn Biden. Waxa ay noqon doontaa shirweyne lagu tartamayo haddii ay jiraan wax ka badan hal musharrax oo u taagan in uu noqdo musharraxa xisbiga.

Shirweyne lagu tartamo ayaa keeni kara buuq iyo kala qaybsanaan, waana midda ay Dimuqraadiyiintu rabaan in ay ka fogaadaan laba bilood ka hor doorashada.

Haddii uu jiro tartan furan, magacyada la hadal hayo waxaa ka mid ah Guddoomiyaha California Gavin Newsom, Guddoomiyaha Pennsylvania Josh Shapiro iyo Guddoomiyaha Michigan Gretchen Whitmer.

Shirweynaha ayay Dimuqraadiyiintu sidoo kale ku go’aansanayaan cidda noqoneysa madaxweyne ku xigeen, oo ah hab kale oo abuuri kara farxad iyo kala qaybsanaan labadaba.

Kahor doorashooyinka November, taasi ayaa ah qas xooggan oo haysta dimuqraadiyiinta.

Marar kala duwan ayuu Biden sheegay in natiijada ugu xun ee saadaallada ay sababi karto in uu ka haro tartanka, ama haddii ay jirto “xaalad caafimaad oo la soo derista,” ama haddii “Rabbiga Qaadirka ah uu u sheego” inuu sidaasi sameeyo.

Madaxweynaha ayaa go’doon ku ah gurigiisa fasaxa ah ee gobolka Delaware, ka dib markii toddobaadkan laga helay COVID-19.

Xildhibaan Abiib oo si wayn loogu soo dhoweeyay Boorama + Qorshihiisa

0

Boorama (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha wakiilada maamulka Somaliland ayaa maanta gaaray magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, halkaas oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo, lagana soo doortay.

Maxamed Abiib ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay caasimadda Awdal ee Boorama, halkaas oo ay isugu baxeen boqolaal dadweyne ah oo isaga taageersan, sidoo kale waxaa soo dhaweynta qayb ka ahaa mas’uuliyiinta deegaanka iyo ciidamada ammaanka.

Ujeedka xildhibaanka ayaa ah inuu la tasho la sameeyo bulshada uu matelo, maadaama ay taagan tahay xiisad isaga kala dhexeyso hoggaanka sare ee Somaliland iyo tabasho kale oo ay maamulkan ka qabaan reer Awdal.

Qorshaha Maxamed Abiib ayaa sidoo kale ah inuu kulamo la qaato waxgaradka deegaanka, si ay go’aanno iskula meel dhigaan, kadibna uu ugula laabto magaalada Hargeysa.

Abiib ayaa waxaa sidoo kale loo haystaa dacwad culus oo ay ka gudbisay xeer ilaalinta Somalilad oo dhowaan golaha wakiilada ka dalbatay in ay xasaanadda ka qaadaan xildhibaanka

Xeer ilaalinta ayaa ninkan u heysata eedaymo ay ku jirto in uu la kulmay mas’uuliyiinta saafaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti iyo inuu ka haday arrimaha ciidamada Somaliland.

Xildhibaanka ayaa tagay dalka Jabuuti dabayaaqadii bishii May ee sanadkan, wuxuuna safarkaas xaqiijiyey maalmo ka hor mar uu warbaahinta la hadlay, isagoo sheegay in Jabuuti uu Passapor ka soo qaatay.

Intii uu Jabuuti ku sugnaa xildhibaan Abiib wuxuu bartiisa Facebook ku baahiyey sawir isaga iyo wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Dawaleh ay galeen, isagoo soo raaciyey qoraal u dhignaa “Waxaan Wasirka ka wada hadalnay halka ay marayso hawsha jid isku xidhi doona Somaliland iyo Djibouti. Imikana wuxuu ii sheegay inuu ku hawlan yahay dardargalinta bilawga jidka labada dal isku xidhiidhi doona.”

Arrimahan oo dil ayaa waxa ay kusoo aadayaa, ayada oo haatan uu xumaaday xiriirka Somaliland iyo Jabuuti, kadib heshiiska badda ee uu Muuse Biixi la galay Itoobiya.

Xildhibaanada iyo wasiirada kasoo jeeda K/Galbeed oo gaaray go’aan culus + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada iyo wasiirada kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa ka arrisaday caqabadda hortaagan in la magacaabo ra’iisul wasaare ku xigeen labaad oo uu dalka yeelanayo, kaas oo la qorsheeyay in la siiyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qorshahan oo la filayay in xalay la dhaqangeliyo, isla markaana lasoo magacaabo ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ayaa dib loo dhigay, kadib abaabul iyo ka hortag ay sameeyeen siyaasiyiinta kasoo jeeda gobollada waqooyi oo hadda ku fadhiya xilka ras’iisul wasaare ku xigeenka dalka, waxayna diidan yihiin lasoo dhiso ra’iisul wasaare ku xigeen labaad.

Xubnaha Digil iyo Mirifle ee haatan ku shiray gudaha magaalada Muqdisho ayaa isla gartay tallaabada ay qaadayaan haddii muddo 24 saac gudahood lagu soo magacaabi waayo xilka ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad oo matela Beesha Raxanweyn.

Sidoo kale waxa ay xubnahan ku doodeen inay yihiin canshuur bixiyayaal, sidoo kalena ay door wayn ku leeyihiin la dagaallanka Argagixisada iyo dhismaha dowladnimada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xilkan ayaa waxaa loo wadaa siyaasiga caanka ah ee Saalim Caliyoow Ibrow oo kasoo jeedo Koonfur Galbeed, kaas oo horay ra’iisul wasaare ku xigeen uga soo noqday dowladdii KMG aheyd ee soo martay dalka.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay xildhibaanada ka soo jeeda Koonfur Galbeed uga balan qaaday in kursigan uu siinayo, waxaana hadda socda balan-qaadkii madaxweynaha qorshe looga dhabeynayo.

Madaxweynaha ayaa xilligaas reer Koonfur Galbeed ka dalbanayey inay ansixiyaan 4-tii cutub ee ugu horeysay dastuurka oo dhowaan la ansixiyey, isagoo ka balan qaaday in kursiga ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee dalka uu siinayo Koonfur Galbeed.

Erdogan oo tallaabadii ugu horreysay u qaaday difaaca Badda Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online)  – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo haatan tallaabadii ugu horreysay u qaaday difaaca Badda Soomaaliya ayaa maanta baarlamaanka dalkiisa u gudbiyay mooshin uu ku dalbanayo in ciidamo uu ku geeyo xeebaha Soomaaliya.

Arrintan ayaa daba socota heshiiskii difaaca ee ay horay u wada gaareen Soomaaliya iyo Turkiga , kaas oo la saxiixay bishii Febraayo ee sanadkan 2024-ka, ayada oo ujeedka uu yahay in Ankara ay la wareegto amniga iyo difaaca guud ahaan Badda Soomaaliya.

Erdogan ayaa mooshinka uu geeyay baarlamaanka ku dalbaday in la siiyo muddo labo sano ah, taas oo awood u siinaysa in Turkiga uu ciidamada baddda usoo diro Soomaaliya.

“Soo daabulidda ciidamada Turkiga waxaa la kaashan doona madaxda Soomaaliya, waxayna dabooli doonaan amniga badda ee Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweynaha Turkiga.

Waxaa kale oo uu qorshuhu yahay in maraakiib dagaal oo ka socda Turkiga ay soo gaaraan biyaha Soomaaliya, kuwaas oo ka ilaalin doono cadow iyo kalluumaysiga sharci-darada ah.

Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid looga jawaabayo heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland bishii Janaayo, kaas oo ay ka caroortay dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale jirtay in horaantii bishan uu Turkiga isku dayayay inuu dhexdhexaadiyo, xalna laga gaaro xiisadda ka dhalatay badda, isaga oo martigeliyay wasiirada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, balse kulankooda uu kusoo dhamaaday natiijo la’aan.

Si kastaba, Turkiga ayaa ah dalka koowaad ee taageerada ugu badan siiyo dowladda federaalka, wuxuuna ka qayb qaataa dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sawirro: R/W ku-xigeenka dalka oo maanta tallaabo qaaday xilli uu wajahayo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta wasaaradda qorsheynta, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay wasiir Beene Beene iyo shaqaalaha wasaaradda.

Saalax oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in ujeedkiisa uu ahaa u kuurgelidda howlaha shaqo ee wasaaradda qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Sharaf bay ii ahayd in aan saaka kormeer ku tago Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha, aan na mid-mid u tago waaxaha hay’addan si aan u arko shaqada baaxadda leh ee ay dadweynaha u hayaan” ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac.

Sidoo kale waxa uu guddoomiyay shirka jiheynta qorshaha isbeddelka qaran oo muhiim u ah dowladda Soomaliyeed.

“Intii aan kormeerkan ku jiray waxa aan sida oo kale guddoomiyey shirka hoggaaminta ee jiheynta Qorshaha Isbeddelka Qaran oo ah ajande muhiim ah oo dardargelin doona xowliga horumarinta iyo taabbagelinta dawladnimada, amniga, dhaqaalaha, iyo adeegyada bulshada si dalku u gaadho yoolasha qaran ee uu higsanayo” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxa aan shaqaalaha iyo kaadariinta diyaarinta qorshahan ku hawllan la wadaagay farriinta madaxda qaranka, waxa na aan ku la dardaarmay labajibbaaridda dadaalkooda si waqtiga u cayiman uu qorshahani u gu meelmaro”.

Tallaabadan uu qaaday Saalax ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan uu wajahayo culays  wayn oo kaga yimid dhinaca madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo qorsheeyay inay soo magacaabaan ra’iisul wasaare ku xigeen labaad oo uu yeesho dalka, kaas oo la siinayo Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Qorshahan oo xalay banaanka usoo wada baxay ayaa la filayay in lagu magacaabo kulankii ay yeesheen golaha wasiirada balse dib ayaa loo dhigay, kadib abaabul ay sameeyeen siyaasiyiinta kasoo jeeda gobollada waqooyi oo isugu tagay xafiiska ra’iisul wasaaraha, kuwaas oo diidan qorshaha lagu soo dhisayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xildhibaanada ka soo jeeda Koonfur Galbeed horay uga balan qaaday in kursigaas uu siinayo, waxaana socda balanqaadkii madaxweynaha qorshe looga dhabeynayo. Madaxweynaha ayaa xiligaas reer Koonfur Galbeed ka dalbanayey inay ansixiyaan 4-tii cutub ee ugu horeysay dastuurka oo dhowaan la ansixiyey, isagoo ka balan qaaday in kursiga ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee xukuumadda uu siinayo  Koonfur Galbeed.

Daawo: Hogaamiyaha Ahlu-Sunna oo ka hadlay hubkii la boobay, kuna eedeeyey…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Ahlu-Sunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa ka hadlay hubkii lagu boobay Caabudwaaq, isagoo farriin u diray dowladda federaalka.

Macalin Maxamuud ayaa sheegay in dowladda federaalka hadii hubkaas ay leedahay ay suurtagal tahay inay awood ku raadsato, balse hadii aysan laheyn aysan xaq u laheyn inay ku duusho dadka reer Caabudwaaq.

“Waxaa la sheegayo iyo xaqiiqada meesha ka jirta waa kala duwan yihiin, hadii ay jiraan dad inta duulay soo qaatay xoolo dowladeed waa suurtagal in dowladdu ku duusho, si xoolaheedii ay u raadsato, laakiin hub la leeyahay cid leh lama yaqaan ee dadkaasi maxay u qaateen waxaan qaada karno maaha,” ayuu yiri Macalin Maxamuud.

Sidoo kale Macalinka ayaa ka digay fidnada ka dhalan karta hubkaas, isagoo sheegay in dadka hadii talada loogu dhiibo qof ‘jaahil ah’ aysan dhibaato ka baxayn, sida uu hadalka u dhigay.

“Umadda hadii loo dhiibo qof aan masuul noqon karin, musiibo ayaa ka dhalaneysa, waa ka digeynaa arintaas, war inta musiibo aysan ka imaan arrimaha dhacaya dadka aqoonta leh talada haloogu dhiibo umada,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Macalin Maxamuud.

Sidoo kale Macalinka ayaa sheegaya in hadda dadka la iska laayo iyadoo mansab la raadinayo, isagoo ka digay fidnada ka dhalan karta in umadda la laayo, iyadoo xil ama mansab kale la raadinayo.

“Dhibaatooyinka dhacaya waxay ku yimaadeen masuuliyad xumo jirta, qof aan ilaahey aqoon masuuliyadiisu waxaba tari meyso, dadkaan masuuliyadda haloogu dhiibo dadka diinta leh ee Rabbi ka cabsanaya, dadka islaamka ah waxa gaaraya inta islaam ah oo dhan ayey gaarayaan,” ayuu yiri Macalin Maxamuud.

Macalinka oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa u muuqda inuu durayo Qoor Qoor, wuxuuna muujiyey in uusan ku qanacsaneyn hoggaamintiisa, horay Macalin Maxamuud iyo kooxdiisii Ahlu-Sunna ayaa dagaal looga saaray Dhuusamareeb, Guriceel iyo Galmudug oo dhan, balse hadda waan waan siyaasadeed ayuu Macalinku ku joogaa Dhuusamareeb.

Hoos ka daawo

Guddiga doorashooyinka PUNTLAND oo soo saaray go’aan ka dhana xisbiga Deni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa xalay soo saaray go’aanno culus oo ka dhan ah xisbiga Kaah ee uu hoggaamiyo madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Saciid Cabdullahi Deni, kaas oo qayb ka ah doorashooyinka.

Xubnaha guddiga ayaa ku eedeeyay xisbiga Kaah inuu jabiyay anshaxa doorashada, isla markaana uu ku xad-gudbay olola doorashooyinka ee ka socda Puntland.

Guddiga ayaa si gaar ah ugu eedeeyay xisbiga Saciid Deni in maalmo uusan lahayn uu olole doorasho ka sameeyay deegaano ka tirsan maamulkaasi.

“Ujeedo ganaax xisbi siyaasadeed guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka dowladda Puntland ee PEC marka uu arkay qodobka 114-aad, farqaddiisa koowad xarafka T ee dastuurka Puntland, markii ay u cadaatay in xisbiga Kaah uu ku xad-gudbay xeerarka iyo habraaca ololaha doorashada, ayaga oo olole aan maalintooda ahayn ka sameeyay deegaannada hoos ku xusan:-1-Deegaanka Xaaji Khayre 2-Deegaanka Baqbaq 3-Deegaanka Uskule 4-Deegaaka Dalsan 5-Deegaanka Baarwayn 6-Deegaanka Budanbuto oo ka tirsa Degmada Dangoronyo” ayaa lagu yiri qoraalka ka kasoo baxay guddiga PEC.

Sidoo kale waxaa xisbigan la ganaaxay inuu bixiyo lacag dhan 5 kun oo Dollar, isaga oo sidoo kale laga mamnuucay in maalinta Axadda uu sameeyo olole doorasho.

“Haddaba guddiga isaga oo ka duulaya qodobada sare ku xusan wuxuu go’aamiyay in Xisbiga Kaah uusan olole ka sameyn karin maalinada Axadda ah 21 bisha July, 2024 dhammaan deegaannada kor ku xusan, in Xisbiga Kaah uu bixiyo ganaac lacageed oo dhan 5 kun oo Dollar, waana inuu ku shubo akoonka guddiga muddo 24 saac gudahood ah” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay guddiga doorashooyinka ee maamul goboleedka Puntland.

Guddiga PEC ayaa sidoo kale uga digay dhammaan xisbiyada inay jebiyaan xeerka iyo anshaxa u yaalla doorashada, inta uu socdo ololahooda doorashooyinka.

“Waxaan kale oo aan digniin u direynaa dhammaan xisbiyada muddada kooban ee ka hartay inay sameeyaan wax ka baxsan anshaxa ololaha, taas oo aan il gaar ah ku hayn doono muddada kooban, si ay doorashada u noqoto mid hufan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Puntland ayaa waxaa dhowaan ka qaybsoomaya doorasho qof yo cod ah oo laga qabanayo saddex degmo oo horay dib loogu dhibay doorashooyinkii ka dhacay maamulkaasi.

Golaha wasiirada oo yeeshay kulan deg deg ah soona saaray qodobo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Golaha ayaa kulanka aan caadiga ahayn ee caawa ku soo saaray Qaraarka Mamnuucidda ka ganacsiga Hubka iyo Saanadda Ciidanka ee loo yaqaan (Cir-toogte).

Sidoo kale, Golaha ayaa kulankii caawa ku ansixiyey Siyaasadda Iibka Hubka, Rasaasta iyo qalabka Ciidanka.

Qaraarka ayaa mamnuucaya ka ganacsiga hubka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan  in la soo dajiyo, la dhoofiyo, la warshadeeyo, laga ganacsado, la isu gudbiyo ama la daabulo hubka iyo saanadda ciidanka.

Sidoo kale, Siyaasadda libka Hubka iyo Rasaasta ee Golaha Wasiirradu ansixiyeen waxa ay qayb ka tahay dadaallada dowladda federaalka ugu jirto dejinta shuruuc, siyaasado iyo nidaamyo adag oo lagu xakameynayo hubka sida sharci darrada ah ku soo gala dalka, kaddib qaadista cuna qabataynta hubka.

Waxaa kale oo shirka Golaha Wasiirrada ay caawa yeesheen lagu ansixiyey heshiiska Difaaca ee ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Masar.

Kulankaan ayaa qalqal galay caawa fiidkii hore kadib markii xildhibaanada gobollada waqooyi ay heleen xogta ah in kulanka lagu magacaabi rabo ra’iisul wasaare ku xigeen labaad, taas oo caqabad iyo awood dhimis ku noqoneysa Saalax Jaamac.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo buuqii caawa ka dhacay xafiiska Ra’iisul WAsaaraha soo faro-geliyey ayaa amray in dib loo dhigo magacaabidda ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad, isagoo berri la kulmaya xildhibaanada gobollada waqooyi.

Madaxweynaha Soomaaliya oo war kasoo saaray geerida Sheekh Cusmaan Xiddig

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyaha dowladda federaalka Soomaaliya ah ee Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay geerida ku timid Allaha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig) oo xalay saq-dhexe ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada marxuumka, culimada iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka baxay caalimkii waynaa ee Sheekh Cusmaan Xiddig.

Sheekha ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanaay magaalada Muqdisho oo lagula tacaalayey xaaladdiisa caafimaad, waxaana geeridiisa xaqiijiyay Sheekh Maxamed Daa’uud oo kamid ah xertiisa, kaas oo sheegay inay xalay saq-dhexe uu geeriyooday Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Sheekha isla maanta lagu aasi doono agagaarka masjidu Shifaa oo ku yaalla gudaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo  dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Sheekh Cusmaan Xiddig uu ahaa caalim weyn, daaci iyo macalin udub dhaxaad u ahaa barida iyo faafinta diinta islaamka,  isagoo tacab iyo waqti badan galiyay soo saarista culumo aqoon durugsan u leh diinta Islaamka iyo Jiilal waxtar u leh dalkeenna.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.  Alle ha u naxariisto Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud waxa uu ahaa caalim tacab iyo waqti badan galiyay baridda iyo faafinta diinta islaamka, waxaana ka aflaxay culumo badan oo soomaaliyeed oo maanta door weyn ku leh fidinta diinta”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, sabar iyo iimaanna ka siiyo ehelada Marxuumka, culimaa’udiinka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed

DHAMMAAD

Caalimkii waynaa Sheekh Cusmaan Xiddig oo xalay ku geeriyooday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku geeriyooday caalimkii weynaa ee Soomaaliyeed Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud oo loo yaqaanay Sheekh Cusmaan Xidig.

Sheekha ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanaay magaalada Muqdisho oo lagula tacaalayey xaaladdiisa caafimaad.

Marxuumka ayaa waxaa geeridiisa xaqiijiyay Sheekh Maxamed Daa’uud oo kamid ah xertiisa, wuxuuna sheegay inay xalay saq-dhexe uu geeriyooday.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Sheekha lagu aasi doono agagaarka masjidu Shifaa oo ku yaalla degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Geerida Sheekha oo si weyn looga yaqaanay dalka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay madax kala duwan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo marxuumka alle uga baryay Jannadii Firdowso.

Sheekh Shariif “Waxaan dhamaan Umadda Soomaaliyeed ugu tacsiyadeynayaa Geerida Caalimkii Weynaa Sheikh Cusmaan Xidig, Waxaan Tiiraanyadda la qeybsanayaa Qoyskiisa iyo Xirtiisa meel walbo oo ey dunida ka jogaan.  Alaah u naxariistee Sheikh Cismaan Xidig waxa uu ahaa Caalim Umadda wax badan taray Juhdi & dadaal badan ku bixiyay cilmi gaarsiinta iyo wax barida Bulshadeen, Wuxuu soo saaray Mashaaikh wax tar u leh ummaddeen soomaaliyeed”.

Madaxweyne Cali Guudlaawe “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, waxaan farriin tacsi ah u dirayaa qoyska, saaxiibada iyo kutaabtiisa Caalimkii weynaa Sheekh Cismaan Xiddig oo aan ku xasuusaneyno barbaarintiisii Diinta. Rabbi ha Janneeyo.”

Khayre ” Waxaan guud ahaan qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaana qoyskiisa, qaraabadiisa, xertiisa, iyo culimada Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee caalimkeennii weynaa, Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xiddig) oo Muqdisho ku geeriyooday. Waxaan madaxda qaranka iyo culimada Soomaaliyeed ugu baaqayaa in la maamuuso Sheekha, lana nooleeyo dhaxalkii uu ummadda uga tagay, bulshadana lagu baraarujiyo sooyaalkiisa, cilmigiisa, iyo dhaqankii suubbanaa ee uu hormuudka u ahaa.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, asxaabta iyo dariiqadii uu ka baxay Allaha u naxariistee Sheekh Cismaan Xidig Sheekh Cumar Sheek Daa’uud Culusow oo ahaa caalim u go’ay faafinta diinta Islaamka iyo daryeelka dariiqadiisa. Sheekh Cismaan wuxuu ahaa tiir wayn, iyo hoggaan dariiqo oo ay ka aflaxeen xer badan oo maanta kaalimo wax ku ool ah bulshada kaga jira”.

Xildhibaan Ducaale “Waxaa Tacsi tiiraanyo leh la wadaagayaa dhammaan Ehelka, asxaabtii iyo  umadda Soomaaliyeed Geeridii ku timid Allaha u naxariistee caalimkii weynaa Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (SHEIKH CUSMAAN XIDDIG) oo xalay Mudisho ku xijaabtay. Sheekha Allaha u naxariisto, Jannatul firdowsana Allaha ka waraabiyo”.

Xog: DF oo caawa laga hor istaagay magacaabida R/Wasaare ku xigeenka 2-aad iyo ninka loo wado

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannadii gadoodsana ee ku sugnaa xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu qanciyay in caawa aysan jirin wax magacaabis ra’iisul wasaare ku xigeen labaad ah, kadib markii uu arrinta soo faro-geliyey Xasan Sheekh.

Waxaa caawa fiidkii hore xafiiska Ra’iisul wasaaraha isugu tagay xildhibaannada beesha Isaaq oo ku fadhisa kursiga Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, kuwaas oo diidan qorshaha lagu dhisayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad.

Madaxweynaha ayaa balan gaar ah u sameeyey xildhibaanada iyo wasiirrada ka soo jeeda gobollada waqooyi, kuwaas oo diidanaa in la magacaabo ra’iisul wasaare ku xigeen labaad oo Xasan Sheekh uu qorsheynayo inuu siiyo reer Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada reer waqooyiga ayaa madaxweynaha ka aqabalay balanta uu u sameeyey ee kulanka ah, iyadoo loo cadeeyey in caawa aan la magacaabi doonin ra’iisul wasaare ku xigeen, lagana codsaday iney culeeska ka qaadaan xafiiska Ra’iisul wasaaraha, si shirka deg degga ah ee Golaha wasiirradu u qabsoomo.

Dhinaca kale, xildhibaanada beesha loo ballan-qaaday kursiga ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ayaa hada isku aruursanaya guriga gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, iyagoo doonaya in magacaabistu dhacdo oo aysan baaqan caawa.

Saalim Caliyoow Ibrow ayaa la filayay in caawa loo magacaabo xilka Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee xukuumadda Xamza, kaas oo horay Ra’iisul wasaare kuxigeen uga soo noqday Dowladdii KMG aheyd, inkastoo ay wax isbadali karaan.

Shirka Golaha wasiirrada ee hada bilaabanaya ayaa sidoo kale la filaya in looga hadlo arrimo la xiriirka hubkii sharci-darada ahaa ee lagu boobay Caabudwaaq iyo arrimo la xiriira doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xildhibaanada ka soo jeeda Koonfur Galbeed horay uga balan qaaday in kursigaas uu siinayo, waxaana socda balanqaadkii madaxweynaha qorshe looga dhabeynayo.

Madaxweynaha ayaa xiligaas reer K/Galbeed ka dalbanayey inay ansixiyaan 4-tii cutub ee ugu horeysay dastuurka oo dhowaan la ansixiyey, isagoo ka balan qaaday in kursiga ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee xukuumadda uu siinayo K/Galbeed.

Qorshe lagu magacaabayo R/Wasaare ku xigeen 2-aad oo caawa socda iyo caqabad hortaagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa caawa shir deg deg ah isugu yeeray golaha wasiirrada, Caasimada Online waxay ogaatay in qorshuhu ahaa in caawa la magacaabo Ra’iisul Wasaare ku xigeen labaad.

Qorshaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa la ogaaday kadib markii xogtaasi ay ka baxday xafiiska Xamza, intaas kadibna waxaa is qabsaday buuq iyo sawaxan siyaasadeed oo ka dhashay magacaabidda ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee dalku yeelanayo.

Ilo wareedyo ka agdhow xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay xubnaha Golaha Wasiirada ay soo xaadireen shirka, balse ra’iisul wasaare Xamsa uusan weli soo gelin hoolka, si shirkaasi u furmo.

Waxaa xafiiska Ra’iisul wasaaraha isugu tagay xildhibaannada beesha Isaaq oo ku fadhisa kursiga Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, kuwaas oo diidan qorshaha lagu dhisayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad.

Siyaasiyiinta caawa isugu tagtay xafiiska Ra’iisl Wasaaraha waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Abshiroow, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac iyo wasiirka maaliyadda Biixi Iimaan Cige, kuwaas oo diidan in kursigooda ra’iisul wasaare ku xigeenka mid kale laga garab dhiso.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xildhibaanada ka soo jeeda Koonfur Galbeed horay uga balan qaaday in kursigaas uu siinayo, waxaana socda balanqaadkii madaxweynaha qorshe looga dhabeynayo.

Madaxweynaha ayaa xiligaas reer K/Galbeed ka dalbanayey inay ansixiyaan 4-tii cutub ee ugu horeysay dastuurka oo dhowaan la ansixiyey, isagoo ka balan qaaday in kursiga ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee xukuumadda uu siinayo  K/Galbeed.

Golaha Wasiirrada ayaa ku yimid balantii loo qabtay, balse ra’iisul wasaare Xamse ayaan weli soo gelin hoolka shirarka ee golaha, sababo la xiriira culeyska siyaasadeed ee xildhibaanada gobollada waqooyi uu kala kulmayo, kuwaas oo buux dhafiyey xafiiskiisa.

Siyaasiyiinta dowladda federaalka ku metesha gobollada waqooyi oo Ra’iisul wasaare ku xigeen Saalax Jaamac uu horkacayo ayaa si weyn u diidan in la magacaabo kursi cusub oo ra’iisul wasaare ku xigeen labaad ah, kaas oo daciifinaya awooda ay ku leeyihiin xukuumadda.

Xisbiga Sheekh Shariif oo war culus ka soo saaray kiiska hubka, kuna eedeeyey DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war kasoo saaray xaaladda ka dhalatay Hubkii dhawaan lasoo galiyey deegaanada Galmudug ee lagu boobay Caabudwaaq.

Xisbiga oo walaac ka muujiyey caqabadaha ka dhalan kara wixii dhacay ayaa dowladda federaalka ku eedeeyey masuuliyad darro, “khilaafka iyo khasaaraha ka dhashay hubkaas waxaa masuuliyadiisa iska leh dowladda federaalka,” ayaa lagu yiri qoraalka Himilo Qaran.

Xisbiga ayaa sheegay in arrintaan ay si weyn u dhaawacayso cunaqabateyntii hubka ee sida sharciga ah looga qaaday dalka, “waxaan aaminsanahay in dano gaar ah hubkaan laga lahaa, isla markaana loo keensaday in lagu waxyeeleeyo dowlad goboleedyada madaxweynaha ka aragtida duwan,” ayaa lagu yiri qoraalkaan.

War-saxaafadeedkaan waxaa lagu duray warkii xalay ka soo baxay shirkii golaha amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh uu shir guddoomiyey, kaas oo looga hadlay arrinta hubka.

“Xosbiga Himilo Qaran wuxuu ayaan darro u arkaa in dowladdu ay ka dhuumato masuuliyadii ka saareyd amniga dalka, waxaana tusaale ah qoraaladii ka soo baxay shirkii Golaha Amniga Qaranka iyo Wasaaradda Amniga dowladda federaalka,” ayaa lagu yiri bayaankaan.

Sidoo kale Xisbiga ayaa cabsi weyn ka qaba in hubkaasi uu galo gacanta argagixisada, “hadii taasi dhacdo waxaa masuuliyadda qaadi doonta dowladda federaalka,” ayaa lagu yiri qiraalka.

Xisbiga Himilo Qaran oo fariin u diray shacabka ayaa ugu baaqay inay masuuliyiinta dowladda iyo kuwa amniga kula xisaabtamaan ayaan darrada dhacday.

“Xisbigu wuxuu u soo jeedinayaa dowladaha deriska la ah dalkeena inay dhinacooda ka xilaaliyaan qulqulka tahriibka hubka soo gelaya Soomaaliya oo khatar ku ah amniga guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Hoos ka eeg War-saxaafadeedka

DF oo wada qorshe culus oo dalal kale ku qasbaya arrin faa’iido u ah bulshada Soomaaliyeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday inay wado qorshe culus oo dalalka kale ee aan ka helno badeecadaha ku qasbaya in iyagana loo dhoofiyo wax soo saarka dalkeenna.

Wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta ka qeyb-galay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa shaaciyay qorshahan cusub ee dowladda ay wado.

Waxa uu sheegay in dowladda ay waddo qorshe ku saabsan sidii loo heli lahaa isdhaafsiga badeecooyinka laga soo saaro gudaha iyo kuwa ka yimaada dibadda ee ay mamulaan ganacsatada.

Maareeye ayaa xusay in lacago aad u badan oo kaash ah loo daabulo dalka dibaddiisa, halkii ay habboonaan laheyd in la helo isdhaafsi dhanka ganacsiga ah oo ay wadaagaan Soomaaliya iyo dalalka kale.

“Dalka waxa soo gala badeecooyin laga heli karo soomaaliya sida hilibka iyo nuucyada miraha khudaarta, sidaa daraadeed waxaa dalalka kale lagu qasbi doonaa inay badeeco naga qaataan,” ayuu yiri Maareeye.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay socdaan dadaallo ku aadan dhiiri-galinta wax soo saarka gudaha dalka, si looga maarmo soo dejinta badeecooyinka laga heli karo dalka.

Waxa uuna dhinaca kale tilmaamay in dowladda u soo jeesatay qiimeynta waxa dalka soo saari karo iyo waxa uusan soo saari karin, si loo horumariyo wax soo saarka dalkeenna.

Madaxweyne Ruto oo wasiiro cusub magacaabay iyo Aadan Ducaale oo ku jira

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa dib u magacaabay lix xubnood oo ka tirsan golihiisa wasiirada todobaadyo kadib markii uu xilalka ka qaaday.

Madaxweyne Ruto ayaa magacaabay kow iyo toban xubnood oo ah kala bar tirada uu dastuurku ogol yahay.

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in uu wali wado la tashiyo sababo la xiriira kala qeybsanaanta siyaasadeed ka hor inta uusan soo dhisin dowlad sal ballaaran.

Waxaa xusid mudan in dadka dib loo magacaabay ay ka mid yihiin Kithure Kindiki oo horay u ahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo Aadan Barre Ducaale oo isna ahaa wasiirka gaashaandhigga.

Waxaa jiray baaqyo loogu baaqayay inuu iscasilo oo ku aaddan sida uu u maareeyay mudaaharaadyadii cashuuraha lagaga soo horjeeday ee toddobaadyadii la soo dhaafay ay ku dhinteen in ka badan 40 qof.

Booliska ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay afduubteen oo ay si aan sharci ahayn u xireen dadka mudaaharaadayay.

Horaantii bishan Luulyo, madaxweyne Ruto ayaa la kulmay hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, wuxuuna ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu sameeyo guddi wada-hadal oo ka kooban 150 xubnood si ay gacan uga geystaan​​xallinta xiisadda taagan.

Balse dhalinyarada Kenyanka ah ee soo abaabulay banaanbaxan ayaa ku gacan seyray qorshihiisa, waxayna ku adkeysteen inuu kala diro golaha Wasiirada, islamarkaana uu tallaabo ka qaado mas’uuliyiinta musuq maasuqa sameeyay.

Isha: BBC