24.9 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Mareykanka oo fara-galiyay arrinta hubka Caabudwaaq

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdaddii Isniintii deegaanka Sheel-Madow ee u dhow degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud looga furtay hubka faraha badan ayaa u gudubtay beesha caalamka.

Xogaha soo baxaya ayaa sheegay in arrinta hubka sharci darrada ah ee lasoo galiyay Soomaaliya ay ka fogaatay kiis Soomaaliya ku eeg, ayada oo uu soo fara-geliyay Mareykanka oo baaris ku haya dhacdadan.

Safaaradda Mareykanka ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa Arbacaddii si deg deg ah ugu yeertay hoggaamiyaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor, waxaana wax laga weydiiyay dhacdadaan iyo dadka ku lugta leh.

Tallaadadiina safaaradda waxaa la sheegay inay wareysatay la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya.

Xogaha kasoo baxaysa kulamadan ayaa sheegay in Qoor-Qoor uu Mareykanka la wadaagay magacyada shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin arrintaan. Liiskan ayaa waxaa la sheegaya inay ku jiraan siyaasiyiin, ganacsato iyo xildhibaanno.

Dhinaca kale, golaha ammaanka qaranka oo shalay yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir-guddoomiyey madaxweyne Xasan, ayaa soo saaray go’aanno lagu xakameynayo hubka, si caalamka loogu caddeeyo sida ay dowladda federaalka uga go’an tahay in tallaabo lqga qaado dadkii ka dambeeyay wixii dhacay Isniintii, aanay dibna uga dhicin markale dalka.

Golaha amniga qaranka ayaa gaaray adkeynta kormeerka hubka iyo rasaasta, mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka, soo gudbinta warbixin faah-faahsan oo ku saabsan hubka sharci darrada ah iyo in si deg-deg ah maxkamad loo soo taago dadka ku lugta leh hawshan sharci darrada ah.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa adkeeyay muhiimada hirgelinta shuruucda xakameynta hubka iyo rasaasta, ayada oo kulankaas ay xaadir ku ahaayeen inta badan mas’uuliyiinta sare ee dowladda.

DF liiska cuna-qabateynta ku dartay shaqsiyaad cusub oo caan ah + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaqsiyaad cusub ku dartay liiska madow ee cunna-qabateynta maaliyadeed ee qaran, sida lagu soo saaray faafin rasmi ah.

Shaqsiyaadkan ayaa xilal sare ugu magacaaban kooxda Al-Shabaab, waxaana liiska cuna-qabateynta ku daray guddiga qaran ee ka hortagga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada (GQKLDH/LMA).

Saraakiishan Shabaab-ka ayaa waxaa ugu sareeya Abuukar Cali Aadan oo looga garan ogyahay ‘Xijaama’, waana ku-xigeenka horjoogaha kooxda, waana ninka ku xigga ninka Amiirka u ah ururkaan ee loo yaqaan Abuu Cubeyda.

Sidoo kale waxaa liiskan kasoo dhex muuqday oo ku jira horjoogaha Shuuradda ee kooxda iyo kan Wilaayaatka oo lagu kala magacaabo Xasan Yacquub (Abuu Cabbaas) iyo Maxamed Mire Jaamac (Mire).

Cuna-qabateynta lagu soo rogay shaqsiyaadkan ayaa waxaa gol-leeyahay in la yareeyo khataraha ficilada argagixisada iyo in xoojinta dagaalka dhanka maaliyadda, sida uu lagu sheegay bayaan kasoo baxay guddiga qaran.

“Guddigu wuxuu doonayaa in uu carqaladeeyo islamarkaana la cuna-qabateeyo shakhsiyaadka iyo hay’addaha taageera argagixisada, si sare loogu qaado nabad-galyada dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga.

Waa markii labaad ee guddiga qaran ee ka hortagga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada uu soo saaro magacyada dad la saaray cuna-qabateynta maaliyadeed, kana tirsan kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka aqriso magacyada shaqsiyaadka la saaray cuna-qabateynta;

Maxay ka dhigan yihiin go’aannada kasoo baxay Golaha Amniga Qaranka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha amniga qaranka oo shalay yeeshay kulan aan caadi ahayn oo uu shir-guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo looga hadlay hubka sharci-darro ee lagu bililiqeystay gudaha Galmudug.

Golaha amniga ayaa shirka kadib adkeeyay kormeerka hubka iyo rasaasta, mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka, soo gudbinta warbixin faah-faahsan oo ku saabsan hubka sharci darrada ah iyo in si deg-deg ah maxkamad loo soo taago dadka ku lugta leh hawshan sharci darrada ah.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa adkeeyay muhiimada hirgelinta shuruucda xakameynta hubka iyo rasaasta, ayada oo kulankaas ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan.

Go’aannada kasoo baxay golaha amniga qaran ayaa ka dhigan in dowladdu doonaysay in caalamka loo muujiyo in dowladu howl-galo wado, wixii dhaceyna ay ka xun tahay, sida uu sheegay Axmed Cabdilaahi Kaboole, oo ka faallooda arrimaha ammaanka.

“Maadaamada xayiraadii hubka laga qaaday Soomaaliyada, waxay rabaan inay tusaan in dowladdu la timi aragti ah in la xakeeyo hubka, haddana ay baaritaan ay ku wadaaan” ayuu yiri Kaboole oo la hadlay BBC.

Waxa uu intaas kusii daray “Dabcan, horrey in loo sameeyo ayey runtii ahayd ee an lala sugin dhacdadan.”

Kaboole ayaa sheegay in awaamiirta dowladda ay hadda soo saartay aysan ku filnayn jawaabta wixii ka dhacay Caabudwaaq, xilli laga deyrinayo hubka gacanta u galay shacabka oo ah xadi aad u badan.

“Waxaan is leeyahay khaladaad badan ayaa dhacay, laakin in wax laga barto oo mustaqbalka waxan oo kale dhicin iyo in wixii dhacayna warbixin saxa lala yimaado” ayuu yiri Axmed Kaboole.

Si kastaba, dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug ayaa hadda wada qorshayaal ku aadan sidii lagu soo celin lahaa hubkii lagu bililiqeystay waqooyiga gobolka Galgaduud kaas oo dhaawac weyn ku noqday hanaankii qaadista cuna-qabataynta.

Xadiga hubkii lagu qaatay magaalada Caabudwaaq oo ka badan inta la shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cadadka hubkii Isniintii lagu qaatay meel u dhow degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ee laga keenay dhinaca waddanka Itoobiya ayaa si weyn uga batay intii la faafiyay 48 saac ee lasoo dhaafay.

Dad xogagaal ah ayaa warinaya inuu hubka saddex jeer ka badan yahay intii warbaahinta Soomaalida faafisay, taas oo sawir ka siineysa culeyska dhacdada iyo khasaaraha maaliyaddeed ee gaaray raggii hubkaa watay.

Khasaaraha dhimashada ayaa sidoo kale gaaraya ku dhowaad 15 ruux, marka la isku daro ciidanka NISA iyo dadka hubka qabsaday.

Reerka uu hubka gacantooda galay ayaa ka digay in la isku dayo tallaabo milateri oo lagu baadi-goobayo hubka, taas oo uga sii dari karta xaaladda.

Deegaankana waxaa laga soo wariyay inay dadkiisa foojignaan galeen kadib markii dowladda madaxweyne Xasan Sheekh shalay sheegtay in awood ciidan lagu soo celinayo hubka.

Maamulka Galmudug ayaa isna sii daayey farriin uu kaga hadlaayo dhacdadan. Midda cajiibka ah waa in farriinta Galmudug ay wax badan ka macno iyo siyaasad qurxooneyd tii kasoo baxday dowladda federaalka ah.

Galmudug waxay iska ilaalisay inay si weyn u eedeysay qabiilka uu hubka gacanta u galay, halka ay dowladda federaalka ah si adag ula hadashay reerka uu hubka xagooda maray.

Dowladda federaalka waxay sheegtay in maleeshiyo jidgooyo ah hubka qaateen, laakiin Galmudug wax maleeshiyo ah ma sheegin, iyada oo cid walba ogtahay cidda uu hubka maanta gacantooda ku jiro.

Galmudug ma sheegin in loo baahan yahay soo celin hubeysan, taas oo ka dhigan inuu hadda iyaga xal wada-hadal ah u furan yahay, halka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay markii hore wax walba kaga ciyaartay hadaladdii hanjaabadda ahaa ee ku qornaa warqaddii ay soo saareen.

Galmudug waxay sheegtay inay u cadaatay cidda hubkaan soo gelisay deegaankan, oo ay yihiin sida ay sheegeen dad markii horeba caan ku ahaa shaqooyinka noocaan ah, ayna cadaaladda horkeeni doonaan. Galmudug waxaa laga rabaa inay soo bandhigaan dadka ay sheegeen inay aqoonsadeen.

Labada farriimood ee kasoo kala baxay maamulka Galmudug iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa jirta meel ay iska khilaafsan yihiin, waana inay dowladda federaalka tiri hubkaan inaga la soconay oo soo qabanay, halka Galmudug ay iyaduna gaar u sheegatay inay howsha hubkaan la socdeen, shaqadana ay iyagu waddeen.

Siyaasadda hab qoraalka farqi weyn ayaa u dhaxeeyay, labada dhinacna hadda Galmudug ayaa u muuqata inuu u banaan yahay wada-xaajood hoose oo lala galo reerka uu hubka gacantooda galay, kaas oo wejigiisa hore uu bilowday.

Hab hoggaaminta Xasan Sheekh oo aan sii shaqeyn doonin hal sabab darteed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hab hoggaaminta madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida muuqata sii shaqeyn doonin, ayada oo loogu baaqay inuu sida ugu dhaqsaha badan wax uga beddelo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh aysan usii socon doonin hab hoggaaminta ah “xaaladaha sideeda ku hay”, isaggoo tusaale usoo qaatay waxa hadda ka socda maamulka Galmudug.

“Waxa ka dhacaya Galmudug, bilaha soo socdana dalka ka dhici doona, waxay daaha ka rogayaan in aysan shaqayn doonin hab hoggaamintii madaxweynaha ee ahayd (retain the status quo). Waxaan dhexda ka geli doonaa mowjado siyaasadeed iyo dhacdooyin iswada, hoggaanka dalkuna daba ordo,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan.

Madaxweyne Xasan ayaa tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay May 2022 ayaa u muuqday mid ku howl-galaya siyaasad keli-socod ah, isaga oo meel iska dhigay jiheynta iyo kala-qabashada saaxiibada iyo xubnaha kale ee maamulkiisa ka tirsan, waana midda uu ka deyriyay xildhibaanka.

Fagaarayaasha siyaasadda ayaa waxaa caan ka ah oo oraah sifeynaysa hab-maamulka madaxweynaha, taas oo dhaheysa “ninkii raaya ayaa reerka u haraya”, oo la macno ah in madaxweynaha uu isku fiirsado laba kasta oo loollamaysa, xataa haddii dhexdooda ay ku dhimanayso maslaxadda guud ee dalka.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan

Siyaasaddu waa dan guud oo laga dhex doonayo dad kala damac ah oo dano is diidaya leh, waa dagaal aan dhiig ku daadan, sababtoo ah go’aannadeeda ayaa abuuraya godob iyo abaal, cadow iyo saaxib, taageero iyo diidmo, libin iyo jab, sumcad iyo magac xumo. Waa masiir ummadeed ee ma aha meel ilmo laga biisho ama muufo laga raadiyo.

Dhacdooyinka siyaasaddu waxay la mid yihiin hirarka badda oo hore iyo gadaal u socda, waa mowjado cartamaya, sawaxan iyo saxmad leh.

Dhacdooyinka waa in aad hagtaa oo aysan iyagu ku hagin, waxaa si fiican u tilmaamay Harry Truman oo ahaa Madaxweynihii 33-aad ee Maraykanka markuu yiri;

“Madaxweynuhu waa in uu dhacdooyinka ka sarreeyo, haddiise uu labalabeeyo, iyagaa ka sara mara”.

Waxa ka dhacaya Galmudug, bilaha soo socdana dalka ka dhici doona, waxay daaha ka rogayaan in aysan shaqayn doonin hab hoggaamintii Madaxweynaha ee ahayd, xaaladaha sideeda ku hay (retain the status quo). Waxaan dhexda ka geli doonaa mowjado siyaasadeed iyo dhacdooyin iswada, hoggaanka dalkuna daba ordo

Dowladda Xasan oo lugaha la gashay fadeexad weyn – Maxaadan ogeyn oo socda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhibaato xooggan kala kulmay madaxda sare ee dalka, oo ay sheegeen in dad kale u dhacayaan kuraastooda.

Isniintii waxaa golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ka istaagay xildhibaan Maalik Cabdalla, kaas oo sheegay in si xooggan shaqaalaha rayidka looga kacsanayo kuraastii shaqaalenimada, oo bedelkeedana lagu qoranayo dad ay madaxda wataan.

Wuxuu baarlamaanka ugu baaqay in wax laga qabto dhibaataddaasi lagu hayo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya oo u badan kuwo xilli adag usoo shaqeeyay dalka.

Xildhibaanka waxa uu xaqiijiyay in dadka ay dhibaatadan ku dhacday inay ku jiraan dad uu isagu xildhibaan u yahay. Maalik Cabdalla waxaa laga soo doorta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

In shaqaalihii rayidka ahaa ee horey u joogay laga kacsanayo kuraastii oo lagu beddelanaayo dad ku hayb ah wasiirada iyo madaxda sare ee dalka waxay muujinaysa in musuqa iyo eexda dowladda madaxweyne Xasan Sheekh inay dhinac walba ku faaftay.

Horey mid kamid ah xubnaha golaha wasiirada ee dowladda federaalka ayaa meel fagaare ah uga sheegay in haddii uu fursad shaqo arko inuu ku qorayo qof reerkiisa. Waxay kale oo arrintani caddeyn buuxda u tahay in Xasan Sheekh iyo xukunkiisa awoodi waayeen inay keenaan hal abuur cusub oo shaqo abuur ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ololaha doorashada kusoo galay inuu dhalin doono shaqo abuur cusub oo ay si weyn uga faa’iideystaan dhalinyarada Soomaaliyeed, laakiin taas waxay kusoo dhamaatay in shaqaalihii hore laga eryado boosaska oo kuwo madaxda ku hayb ah lagu qorto.

Arrintan waa fadeexad weyn iyo niyad-jab, waxay u baahan tahay in si deg deg ah wax looga qabto oo la joojiyo, haddii kale waxay dhalin doonta inay kororto dhalinyarada ka baxsaneysa dalka.

Tayo xumada golaha wasiirada iyo hal abuur la’aantooda waa mid kamid ah sababaha loo waayey shaqooyin cusub ee keentay in lagu soo laabto boosaska shaqaalihii hore.

Sidoo kale fadhiidnimada baarlamaanka ayaa qeyb ka ah inay wasiirada iyo madaxda dowladda foolxumadan u bareeraan.

Galmudug oo dalab deg-deg soo saartay kadib go’aanadii golaha amniga qaranka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa soo dhaweeyay go’aannada uu xalay soo saaray golaha amniga qaranka ee la xiriira hubkii lagu boobay gobolka Galgaduud, kaasi oo uu gacan galay dadka deegaanka.

Galmudug ayaa ku wargelisay hay’adaha garsoorka iyo fulinta cadaaladda oo horay u bilaabay baarista dhacdadan inay iska kaashadaan hay’adaha federaalka ah ee lagu tilmaamay go’aanka kasoo baxay golaha amniga, sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa kuwii ku lug lahaa falkaasi.

“Dowladda Galmudug waxay soo dhaweynaysaa go’aannada uu soo saaray golaha amniga qaranka oo la xiriira hubkii sharci-darrada ahaa ee sida dhuumaaleysiga ah lagu soo galiyay qeybo kamid ah deegaannada Galmudug,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyadda maamulka Galmudug.

Galmudug ayaa sidoo kale ka dalbatay hay’adaha garsoorka iyo fulinta cadaaladda inay deg deg cadaaladda u hor keenaan dadkii ka dambeeyay dhacdadan, oo horey maamulka tuhun uga muujiyay shaqsiyaad gaar ah.

Golaha amniga qaranka oo shalay yeeshay kulan aan caadi ahayn oo uu shir-guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa looga hadlay hubka sharci-darro ee lagu bililiqeystay gudaha dowlad-goboleedka Galmudug.

Go’aannada laga soo saaray kulanka waxaa ka mid ah; adkeynta kormeerka hubka iyo rasaasta, mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka, soo gudbinta warbixin faahfaahsan oo ku saabsan hubka sharci darrada ah iyo in si deg-deg ah maxkamad loo soo taago dadka ku lugta leh hawshan sharci darrada ah.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimada hirgelinta shuruucda xakameynta hubka iyo rasaasta, ayada oo kulankaas ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan.

Sawirro: Ciidanka dowladda oo toogtay nin Al-Shabaab ah, gacantana ku dhigay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka ayaa saaka toogtay nin ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu qabtay koontaroolka Mesagawey.

Ciidanka xoogga ee ku sugan magaalada Mesagawey ee gobalka Galgaduud ayaa ninkan toogtay, xilli uu ku hubeysnaa qoray AK-47 ah, sida ay warbaahinta dowladda u sheegeen qaar kamid ah saraakiisha ciidanka.

Dhinaca kale, ciidamada ayaa qabtay saddex gaari oo nuuca loo yaqaano Layla-calaawi ah oo jirkaano badan oo shidaal ah waday.

Gaarigan ayaa waxaa lagu qabtay deegaanka Xuseen-cagey, waxayna saraakiisha sheegeen inay saarnaayeen dumar argagaxisada u socday, ayna gacanta ku dhigeen, loona gudbin doono laamaha ammaanka.

Maalmo kahor ayey aheyd markii ciidanka ay bur-buriyeen goobo ay kooxda ku qoran jirtay dagaal-yahaannada cusub, oo ku yaallay deegaanada dhaca dhulka howdka ah ee kala qeybiya gobollada Baay iyo Bakool.

Sidoo kale waxaa howl-galkaas lagu nadiifiyay deegaano ay dadka shacabka ah ee mara wadooyinka isku xira gobollada Baay, Bakool iyo Gedo ay ku baadi jirtay kooxda Al-Shabaab.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo lagu doonayo in maleeshiyaadka Al-Shabaab, si looga saaro deegaanada ay weli ku harsan yihiin, xilli uu dib u dhac ku yimid wejiga labaad ee dagaalka, oo la filayo inuu dhawaan si rasmi ah u bilaaban doono.

Bannaanbax uu dhiig badan ku daatay oo ka dhacay…

Dhaka (Caasimada Online) – Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay Khamiistii shalay kadib markii ay isku dhaceen kumannaan arday ah oo ku hubeysnaa ulo iyo dhagxaan iyo ciidamada booliska magaalada Dhaca ee caasimadda dalka Bangladesh.

Rabshadihii shalay ayaa ahaa kuwii ugu khasaaraha badnaa tan iyo marki ay Bangladesh ka billowdeen mudaaharaadyada.

Ardayda dibad-baxa dhigayay ayaa waxay ka soo horjeedaan siyaasad ay dowladda soo rogtay oo shaqooyinka dowladda ka bannaan qeyb badan oo kamid ah siineysa dad gaar ah oo ka mid ah mujtamaca.

Dibad-baxayaasha ayaa dalbanaya in la soo afjaro nidaamka cusub ee kootada shaqada, kaas oo dhigaya in ilaa 30% shaqooyinka dowladda la siiyo qaraabada dadkii kasoo dagaallamay dagaalkii madax-bannaanida ee Bangladesh ee sannadkii 1971-kii.

Bannaan-baxyada ayaa xooggooda ka socda jaamacadda caanka ah ee Dhaka.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in muddo todobaad ah ay tirada dhimashada dadka lagu dilay mudaaharaadka ay gaareen 25 qof.

Qarax ka dhacay bartamaha Tel Aviv

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Subaxnimadii hore ee Jimcaha maanta ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu qarax ka dhacay bartamaha Tel Aviv ee caasimadda u ah Israa’iil.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay bartamaha Tel Aviv uu ka dhashay weerar ay diyaarad Drone ah ay fulisay.

Qaraxa oo ka dhacay meel u dhow qunsuliyadda Mareykanka, ayaa waxa uu sababay dhimashada hal qof oo ka dhacay dhismo ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay iyo kuwa kale oo ay soo gaareen dhaawacyo fudud, sida iu shaaciyay adeegga ambalaasta ee Israa’iil.

Muuqaal laga soo duubay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinayay dad Israa’iiliyiin ah oo isku soo ururay dhismo uu muraayadaha ka burburiyay qaraxa.

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta Yemen ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay goor sii horeysay in kooxdu ay fuliyeen howl-gal tayo leh oo ay ku bartilmaameedsadeen Tel Aviv.

Mana jirto faah-faahin intaan ka baxsan oo kasoo baxaysa maamulka Netanyahu, oo goordhow la filayo inay war rasmi kasoo saaran sida wax u dhaceen.

Wixii kasoo kordha waxaa idinkula wadaagi doona wararkayaga dambe Insha Allah.

Twice elected, Twice failed: The political tragedy of Hassan Sheikh Mohamud

On of the 99 names of Allah (Swt) is Al-Ghafour meaning he who is intensely forgiving, mostly forgiving if one sincerely repents for past sins. Humans are less forgiving to those who transgress on their boundaries, laws and trust. And if they heed the advice in Quran to forgive others, they will forgive it for the first offense, but will be less forgiving for repeated offenses. Fool me once, shame on you. Fool me twice, shame on me. So getting a second chance holds immense value and comes with great responsibility on the shoulders of the one getting a second chance. Hassan Sheikh Mohamed is one of the few and fortunate leaders who received a second chance from the public. Having squandered his first term on corruption, land grabbing, nepotism and weak leadership we can now, after two years in office, assess how he is heading towards failure again and more importantly how he lost this second chance.

First term of failure: 2012-2017

When Hassan Sheikh Mohamud was elected to the presidency in 2012 it was a big surprise to many and a joyful event to the public. For the first time since 1991 a leader was elected that was not part of the warring factions in the country and more importantly was well-known within civil society and the education sector in Somalia. He came over as an educated leader who through his civic action (SIMAD and other institutions) could steer the country in the right direction.

Fast forward to 2016, on the eve elections, the once promising leader turned out to be a very corrupt leader who has enriched himself and those around him. His first term, despite the few good things he did, was tainted by the numerous land grabbing cases, the widespread corruption, the small group (Damuljadid) he surrounded himself with who exploited their public offices to enrich themselves with Hassan Sheikh Mohamud being on the top of the pyramid of corruption. The election of Mohamud Abdullahi Farmajo in 2017 was celebrated widely by the public and showed how publicly despised Hassan Sheikh Mohamud’s corruption was.

Farmaajo who campaigned on a message of fighting corruption, Al-Shabaab and riding on a nationalistic wave,turned out to be a worse president than Hassan Sheikh Mohamud. Farmajo not only continued the widespread corruption of Hassan Sheikh Mohamud but brought it to new heights while at the same time continuing the same practice of nepotism and surrounding himself with a small, corrupt and unqualified group of politicians. Farmajo even came up with new ways to enrich himself and his family, like banning the Qat import from Kenya and letting his brother monopolize the Qat imports from Ethiopia. The public was quick to see through his fake nationalist credentials with his shameful handing over of a decorated SNA veteran (Qalbi-dhagax) to Ethiopia and promising Addis Ababa joint-exploitation of four ports in Somalia. 

Moreover, his dictatorial tendencies and immature dreams of bringing back the rule of dictator Siad Barre while being protected by more than 18.000 AU troops was the final nail in his coffin. In 2021 the public in Mogadishu rose up and the country was on the brink of a civil war. It was against this background that Hassan Sheikh Mohamud reinvented himself and presented himself as a safe alternative to the failed Farmajo. So history was written on 15 May 2022 when Hassan Sheikh Mohamud, despite the failure of his first term, received a second chance from the parliament and public.

Second term of failure: 2022-2024

Having secured a second chance, Hassan Sheikh Mohamud nominated an individual handpicked by the principle catalyst for the failure of his first term Farah Shiekh Abdulqadir, but who lacked public appeal or even the qualification necessary to be the head of government. Hassan Sheikh thus prioritized loyalty over competence and got neither. This false thinking  led him to bring back his first team of failure, appointing the same failed individuals of his first term to key positions. Even a donkey does not fall in the same hole twice.

The comeback of his team of failure was the first red flag to the public. Still, the public gave him the benefit of doubt since he seemed so determined to eradicate Al-Shabaab and succeed in his second term. In his first year, the war on Al Shabaab was progressing well and his war of words against corruption in the mosque gave him some support. Fighting corruption became a new theme in his first year, despite the fact of him dissolving the anti-corruption agency that was set up by his predecessor. The public forgave him this action since the anti-corruption agency was a decoy by his predecessor to hide his own corruption. It was better for Hassan Sheikh Mohamud to reform the anti-corruption agency by getting rid of the Farmajo appointed officials and transforming it into a credible and effective agency with a strong and clear legal mandate. Alas, he chose to wage war on corruption via his Friday sermons in the mosque of Villa Somalia.

One year later, all the high profile corruption cases were acquitted not because of lack of evidence but due to political expediency. The president needed the votes to pass his controversial constitutional amendments and the political dealers around him wanted the corruption case dismissed. This not only shows how shallow his anti-corruption promise was but is an outright betrayal of public trust to secure his re-election.  

In his second year the war against Al Shabaab stalled and his credibility to eradicate Al Shabaab seems to be lost. Soldiers on the front line are openly criticizing his defense minister and the government of looting their supplies and ammunitions. A fact that was revealed by the US decision to halt supplies to Danab battalions after an investigation showed that food rations ended up being sold in the markets of Mogadishu. The defense minister, known as Mr.Tiktok, was not sacked despite public outcry against his widespread corruption. In fact, lack of accountability is a major theme that punctuates the behavior of the Hassan Sheikh administration. People commit egregious crimes and incompetences and are rewarded for it.

Thus, the army commanders were not replaced and the inept Mogadishu mayor, a close ally of HSM and a key player in corruption cases in Mogadishu, is still in office. The ineffective and unqualified Prime Minister Hamza is surrounding himself with a group of advisors who crossed over from the Khaire ship just to continue their corruption tactics of capturing foreign aid and buying illegal properties in Nairobi and elsewhere.

It took just one year for HSM to fall back in the same trap that cost him his first term. Cases of land grabbing (auctioning public land without transparency and accountability) and widespread corruption (even involving corruption the Hadj organization in the ministry of religious affairs and endowment) resurfaced again and are posed to taunt his second term. The Qat business of his predecessor is continued with the re-opening of the Kenya market (which is monopolized by close allies of HSM). The countless foreign trips, a way to get large sums of cash, became another thing that reminded people of the first failure of HSM. If bringing back the corrupt practices of his first term was not enough he continued in the failed footsteps of his predecessor: centralizing power and manipulating the parliament and political process to seek another term. What he fails to understand is that the public has lost trust in him and that his second chance is squandered so another term is out of the question.

The few people who sincerely believe in him or want to give him the benefit of doubt might argue that this article is too harsh and that there is no evidence of widespread corruption. To that small group, I would say look at the global corruption perception report and how Somalia fell back on the ranking. Moreover, look at the legitimate criticism that was raised by the troops on the frontlines about misappropriation of diesel, food rations and ammunitions. Look at the shady auctioning of public lands. Look at the US decision to halt their support to Danab battalions after the investigation that revealed widespread corruption. Look at the major corruption cases that were mysteriously acquitted by the courts. Look at the countless foreign trips HSM and his government officials undertook in just two years. Look at the case of Ikran Talill and the repeated outcries by her mother.

Conclusion

If HSM reads this article, I sincerely hope it becomes a wake-up call to him so he can change while he still has time. The chances that this will happens are slim, but still he has time to do the right thing and chance course. If not, he should know that he will go down in Somali history as the leader that failed the country not one time but twice! To the public, this article should be a lesson not to recycle failed leaders. If someone is in office and shows you his true face, than believe it and do not believe whatever he is saying when out of office. Like Einstein said, insanity is doing the same thing over and over again and expecting different results.

Giving failed leaders like Sheikh Sharif, Hassan Khaire, Deni or Farmajo a second chance will be no different than the second chance Hassan Sheikh Mohamud has wasted. Choose new leaders, assess them critically, scrutinize their election promises and hold them accountable. If the public becomes hapless spectators than the corrupt leaders will fill their pockets while the suffering of the people increases. And remember, they are meant to serve the public and use the money of the public in a transparent, accountable way to better the lives of the people.

Public money is not meant to be embezzled so why is the public watching from the side-lines how political thieves steal their money? At least the younger generations of Kenya understood this and rose up against their corrupt leaders, what are the younger generations of Somalia waiting for?

Disclaimer:The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. 

Golaha Amniga Qaranka oo 5 qodob ka soo saaray hubkii lagu boobay Caabudwaaq

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay shirka golaha amniga qaranka oo galabta ka dhacay madaxtooyada qaranka, shan qodob oo looga hadlay hubkii sharci darada ahaa ee Caabudwaaq lagu boobay ayaa looga hadlay bayaankaan, iyadoo goluhu isku raacay in deg deg loo maxkamadeeyo dadkii dalka soo geliyey hubkaas.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo uu yeeshay Golaha Amniga Qaranka maanta oo ay Taariikhdu tahay 18-ka Luulyo 2024.

Kulanka ayaa qodobaddii looga hadlay waxaa ka mid ah dhacdadii hubka sharci darada ahaa ee sida dhumaaleysiga ah lagu soo galiyey deegaano ka mid ah Dowlad Goboleedka Galmudug. Intii uu socday shirka, waxaa warbixinno laga dhageystay hay’adaha amniga iyo La-Taliyaha Amniga Qaranka oo ku aaddan dhacdadan iyadoo Goluhu uu isku raacay go’aamadan;

1. Goluhu wuxuu adkeeyay in Waaxda Kormeerka Hubka iyo Rasaasta (CMD) ee Xafiiska Amniga Qaranka oo hore ugu soo baxday (Digreetada Madaxweyne.142) ay sii waddo isla markaasna ay xoojiso korjoogteynta iyo la socodka maaraynta hubka iyo rasaasta.

2. Wasaaradda Amniga Gudaha waxaa la faray in ay soo gudbiso warbixin faahfaahsan iyo talooyin ku aaddan dhacdada hubka sharci darada ah ee dhuumaaleysiga lagu soo galiyey dalka, lagulana xisaabtamo cidda ka dambeysa, isla markaana laga hortago dhacdooyinka noocan ah inay dhacaan mustaqbalka.

3. Goluhu wuxuu isku raacay dhameystirka siyaasadda Qaran ee Iibka Hubka, degdegna loo horgeeyo Golaha Wasiiradda.

4. Goluhu wuxuu sidoo kale isku raacay mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka.

5. Wasaaradda Caddaaladda iyo hay’adaha fulinta sharciga waxaa lagu adkeeyey in si degdeg ah maxkamad loo soo taago dhammaan dadka ku lugta leh hawshan sharci-darrada ah.

Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda weyn ee ay leedahay in si adag loo hirgeliyo shuruucda Xakameynta Hubka iyo Rasaasta. Wuxuu adkeeyay in guusha laga gaaray qaadista cunaqabateynta hubka ay aasaas u tahay hirgelinta siyaasadda dowladda ee Xakameynta Hubka.

Kulanka waxaa ka soo qeybgalay R/wasaaraha Xukumadda Mudane Xamza Cabdi Barre, R/wasaare ku xigeenka Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xassan Macalin Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), Wasiirka Gashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ibraahim Sheekh Muxyadiin, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sulub Axmed Firin, Taliyaha Ciidanka Asluubta Mahad Cabdiraxmaan, La-Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin iyo Agaasimaha Madaxtooyada JFS Cabdixakiim Maxamed Yuusuf.

Daawo: Muxidiin Saabey oo ku soo laabtay Muqdisho, shaaciyey-na qorshihiisa

0

Muqdisho Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee canshuuraha barigga u qaabilsanaa wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Muxudiin Xasan Saabey Jurus ayaa maanta ku soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii uu ka baxsaday 13 bilood ka hor.

Saabey ayaa ka baxsaday kiis ay ku soo eedeeyeen xafiisyada xeer ilaalinta guud iyo hantidhowrka qaranka, kaas oo la xiriiray musuq maasuq ka dhex dhacay hey’adaha dowladda, balse markii dambe waxaa dembigaas ku weysay maxkamadda gobolka Banaadir.

Muxudiin Saabey ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka Aadan Cadde oo uu ka soo degay, waxaana soo dhoweeyey waxgarad, siyaasiyiin, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo barbaarta gaashaaman.

“Maanta waa ii suurta gashay inaan ku soo laabto Muqdisho oo 13 bilood aan ka maqnaa, dalkaan waan jeclahay runtii oo wax badan ayaan ka soo marnay, laxawjeclaa naga heysa, wax qaloocana lama rabno,” ayuu yiri.

Saabey ayaa Soomaaliya uga baxay safar dhulka ah, markii uu ogaaday in la xirayo, wuxuuna dhowr bilood kadib kamid noqday masuuliyiin ay maxkamadda gobolka Banaadir ku weysay dembiyadii loo heystay.

Odayaashii dhaqanka ee soo dhaweeyey Saabey ayaa madaxweynaha ka codsaday inuu wiilkooda siiyo mag-dhowgii uu u balan qaaday qofkii inta lasoo eedeeyo dembi lagu waayo.

Masuuliyiinta Saabey lala eedeeyey waxaa ka mid ahaa labadii Agaasime ee soo maamushay hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, waxaana si lamid ah ninkaan lagu waayey eedeymihii uga yimid xafiisyada Hantidhowrka iyo Xeer ilaalinta.

Markaan waxaa madaxweyne Xasan Sheekh looga fadhiyaa inuu bixiyo magdhowgii uu ka balan qaaday qof kasta oo masuul ah oo inta maxkamad la geeyo lagu waayo xatooyo xoolo dadweyne.

Hoos ka daawo

Xogta kulan ka dhacay Villa Hargeysa oo lagu ansixiyay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka shanaad ee Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa, kaasi oo lagu ansixiyay ajendaha kulamada soo socda.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu horreyn xubnaha guddiga joogtada ah warbixin kooban ka siiyay qorshaha xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona baarlamaanka bulshada bariga Afrika.

Intaasi kadib, xubnaha guddiga ayaa ka dooday ajendaha kulanka oo ahaa ajendeynta fadhiyada isbuuca saddexaad ee kalfadhiga shanaad, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddoonka golaha.

Kulanka ayaa intii uu socday lagu soo bandhigay ajendayaasha ugu horeeya ee looga hadli doono kulamada guud ee golaha todobaadka soo socda iyo sida ay u kala horeeyaan.

Sidoo kale guddiga joogtada ah ayaa ka dooday muhiimada goluhu uu siinayo in shuruucda golaha la hor keenayo ay miisaaniyadooda wataan.

Xubnaha guddiga joogtada ayaa ugu dambeyntiina wadar ogol ku ansixiyay ajendaha kulamada guud ee golaha toodbaadka soo socda, kadib dood iyo fallan-qeynta kala horeyntooda.

FARTAAG oo go’aan cusub la wadaagay ugaaska SADE kadib hubkii la boobay + Sawirro

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray degmada Caabudwaaq ayaa kulamo hordhac ah la qaatay waxgaradka deegaanka oo uu hoggaaminayo Ugaas Maxamed Ugaas Axmed.

Wasiirka amniga gudaha ayaa ugaaska iyo odayaasha waxgaradka u sheegay in uu deegaanka u yimid sidii loo sii xoojin lahaa nabadda iyo xasilloonida, isaga oo ka shaafiyey hanjaabaddii kasoo baxday dowladda federaalka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Fartaag ayaa u caddeeyay Ugaaska in aysan dowladda federaalka Soomaaliya marnaba ogoleyn inay deegaanka ka dhacaan wax dhaawacaya nabadda iyo xasiloonida bulshada, taas oo ka dhigan in xal wada-hadal dib loogu soo celiyo hubkii Isniintii lagu dhacay halkaasi.

Kulankaan waxaa wasiir Fartaag ku wehlinayey xildhibaanno ka tirsan labada gole ee BFS, agaasimayaal, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Waayeel.

Dowladda federaalka ayaa dib uga joogsatay go’aankii ay horey uga qaadatay dhacdadan, kaasi oo ahaa in awood dib loogu soo celiyo hubkii la boobay, kaasi oo ay sheegtay inuu ahaa mid sharci darro ah oo ay iyadu gacanta ku dhigtay, balse jidka u galeen maleeshiyaad hubeysan.

Hubka gacanta u galay dadka shacabka ayaa lasoo warinayaa inuu ahaa hub aad u culus, ayada oo illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn ujeedka laga lahaa, marka laga yimaado in uu kasoo gudbay dhanka Itoobiya, mana sheegin dowladda federaalka cidda ay kusoo qabatay maadaama ay sheegtay inuu ahaa hub sharci darro ah oo ay soo qabteen ciidankeedu.

Si kastaba, Hubka gacan u galay shacabka ayaa imanaya, ayada oo Caabudwaaq iyo deegaanada ku hareereysan ay ka taagan yihiin colaado qabaa’il, xitaa beesha degta Caabudwaaq ay mararka qaar jifo-jifo u diriraan.

Guddoomiyaha Kaaraan oo soo saaray hanjabaad culus oo ku socota…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, Faarax Cadaani Maxamed oo ka warbixiyay howlgal ka dhacay degmadaas ayaa sheegay inay dhibaato ku hayaan shacabka Kaaraan ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Faarax Cadaani ayaa hanjabaad culus u diray ciidamada milatariga, wuxuuna sheegay in hadda kadib ay la dagaalami doonaan, haddii ay ku xad-gudbaan amniga iyo shacabka.

“Askari milatari ah oo qoray wato ma ogolin waan la dagaalameynaa gacan bir ah ayaan ku qaaneynaa, haddii uu diidana isla degmada ayaa lagu maxkamadeynayaa” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in askartu ay degmada ku imaan karaan si nabad-galyo ah, balse la rabo inay iska soo dhigaan hubka, oo uu xusay inuu dhibaato ku yahay amniga.

“Haddii ay imaanaayaan degmada Kaaraan cid u diideyso ma jirto dharka iyo hubka ha’iska soo dhigaan waa amni, guryahooda haddii ay ku yaallaan ha yimaadaan” ayuu ku daray.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale farriin u diray taliska ciidanka Xoogga dalka, wuxuuna ka dalbaday inay la xisaabtamaan ciidamadaas, si looga qabto reer Kaaraan.

“Mararka qaar waxaa degmada soo gala ciidan sheeganaayo Xoogga dalka oo oo dhib ka gaysto Kaaraan taliyeyaasha waxaan ka codsaneynaa ciidankaas inay u diraan difaaca, ayna la xisaabtamaan” ayuu sii raaciyay guddoomiyaha maamulka degmada Kaaraan.

Waxaa kale oo hadalkiisa kusii daray  “Ciidanka Xoogga dalka waxaa loogu talagalay difaaca, waxaa loogu talagalay inay Shabaabka la dagaalaan taliyeyaashooda hala xisaabtamaano ciidankaas dhib badan ayaan ku qabnaa”.

Kaaraan oo ku taalla cirifka waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa badanaa ka dhaca isku dhacyo ciidamada dhexdooda ah iyo dhac ay mararka qaar gudaha degmadaasi ka gaystaan askar ku labisan dareeska ciidamada milatariga Soomaaliya.

Maxaa looga hadlay shirka golaha wasiirada? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu dhageystay warbixinno kala duwan oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka.

Golaha ayaa wasaaradaha amniga gudaha, gaashaandhigga iyo caddaaladda ka dhageystay warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka, howl-galladii ugu danbeeyey ee dagaalka Al-Shabaab ee ay ciidanka qaranka ka wadaan qaar kamid ah gobollada dalka.

Golaha ayaa sidoo kale waxaa lala wadaagay warbixinta shaqaaqadii dhawaan ka dhacday xabsiga dhexe ee Xamar, taasi oo galaafatay nolosha askar iyo maxaabiis ku jiray xabsiga, kadib markii uu dagaal toos ah dhex-maray xubno Shabaab ah oo dil ku xukumnaa iyo ilaalada xabsiga.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey ra’iisul wasaare Xamsza Cabdi Barre ayaa waxa kale oo lagu dhageystay warbixinno kala duwan oo la xiriira arrimaha Xajka, isku-xirka dowladaha hoose iyo la-tacaalidda dhaawacyada iyo cudurrada faafa ee ay kamid yihiin shuban biyoodka, gawracatada iyo jadeecada.

Kulanka toddoobaadkan ee golaha wasiirada ayaa imanaya, ayada oo taagan tahay xiisadda hubkii lagu boobay duleedka Caabudwaaq, kaasi oo dowladda federaalka u dirtay soo celintiisa wafdi culus oo uu horkacayo wasiirka amniga gudaha Cabdullaahi Fartaag.

Dowladda federaalka ayaa waxay horay u sheegtay inay ka go’an tahay soo celinta hubkaasi, iyada oo xilligaan u mareysa qaab wada-hadal ah iyo inay la tashato waxgaradka Caabudwaaq, taas oo hoos u dhigeysa xiisadda ka dhalatay hanjabaaddii kasoo baxday dowladda.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay ka xun tahay falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen maleeshiyaadkaas wadada u galay ciidanka qaranka ee ku jiray gudashada waajibaadkooda qaran, waxaana ka go’an in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dowladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xad-gudubka ah,” ayaa horay lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wafdi culus oo ka socda DF oo gaaray Caabudwaaq + Qorshaha (Sawirro)

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Wafdi culus oo maanta ay dowladda federaalka Soomaaliya u dirtay degmada Caabudwaaq ayaa gaaray degmadaasi oo ku taal Waqooyiga gobolka Galgaduud.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Fartaag, ayada oo halkaas si diirran ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka ayaa inta uu joogo deegaanka waxa uu kulamo la qaadan doonaa maamulka iyo qeybaha bulshada deegaanka, xilli Isniintii duleedka degmadaas lagu bililiqeystay hub fara badan oo u gacan galay shacabka.

Wasiir Fartaag iyo wafdiga uu horkacayo ayaa Caabudwaaq u tegay qorshaha dowladda ee soo celinta hubkaasi, ayaga oo la fariisan doona waxgaradka deegaanka, oo ay kala hadlayaan xaaladda taagan iyo halista ka dhalan karta hubka la boobay ee haddana u gacan galay shacabka.

Dowladda federaalka ayaa waxay horay u sheegtay inay ka go’an tahay soo celinta hubkaasi, iyada oo xilligaan u mareysa qaab wada-hadal ah iyo inay la tashato waxgaradka Caabudwaaq, taas oo hoos u dhigeysa xiisaddii ka dhalatay hanjabaaddii kasoo baxday dowladda.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay ka xun tahay falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen maleeshiyaadkaas wadada u galay ciidanka qaranka ee ku jiray gudashada waajibaadkooda qaran, waxaana ka go’an in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dowladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xadgudubka ah,” ayaa horay lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa arrintan kasoo jawaabay Ugaas Maxamed Ugaas Axmed oo ah Ugaaska guud ee Beesha Sade oo nasiib darro ku tilmaamay in dowladda ay u goodiso shacabkii gacanta ku dhigay hubkii sharci darrada ahaa ee lagu qabtay waqooyiga Galgaduud.

“Sida la wada ogyahay, koox abaabulan, oo ka ganacsata hubka sharci darrada ah, ayaa saanad ciidan oo kontarabaan ah, soo gelisay waqooyiga Galgaduud,16-kii July 2024, hubkaas, oo ahaa mid aan lagu wargelin hoggaanka dhaqanka, madaxda maamullada iyo guud ahaan dadka deegaanka, ayaa qarka u saarnaa in uu gacanta u galo kooxo halis ah, qatarna galiyo amniga deegaanka, Galmudug iyo guud ahaan Dalka,” ayuu yiri Ugaas Maxamed.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Galmudug iyo dowladda federaalka ay wadaan qorshayaal ku aadan sidii lagu soo celin lahaa hubkii lagu bililiqeystay waqooyiga gobolka Galgaduud kaas oo dhaliyay walaac, maadaama uu galay gacanta shacabka.

Dagaalka Qoor-Qoor iyo siyaasiyiinta Galmudug oo sii laba qarxay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeyo madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor-Qoor iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaannada maamulkaasi ayaa sii laba qarxay, kadib fadeexaddii ka dhalatay hubkii lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka labada dhinac oo salka ku hayo is riixa doorashada kusoo foodka leh Galmudug ayaa sii laba jibaarmay, waxaana sii kordhay weerarada afka ah ee labada dhinac.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kana soo jeeda Galmudug ayaa ku eedeeyay Qoor-Qoor inuu isku beddalay ciyaal weeraro iyo inuu aflagaadeeyo siyaasiyiinta kasoo horjeedo ee ay isku hayaan doorashada maamulkaasi.

“Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Galmudug oo iskubadalay ciyaal weero iyo in uu caayo dadka ay siyaasadda iskuhayaan, waxay cadeen utahay in uusan jirin xigmad kale oo kuhartay maamulkiisa, horay ayuu u curyaamiyay maamulka hadana waxa uu ka shaqeynayaa burburka Galmudug iyo inaysan waxba ka danbeeyn” ayuu yiri Cagaweyne.

Sidoo kale wuxuu u eedeeyay Qoor-Qoor inuu ku fashilmay hoggaanka Galmudug, isla markaana 4 sano kadib ay Galmudug cagaha la gashay dagaal beeleedyo xooggan.

“Waa maamulka kaliya uu kasocda afartiisa dhinac dagaallo qabiil oo Madaxweynaha xilka kadhamaaday uusan wax tilaab ah uqaadin in uu kala dhaxgalo dadka walaalaha ah waxa uuna waqtigiisa ugubadan kubixiyaa sidii uu bulshada ukala geenlahaa. Soomalida ayaa horay ugu maahmaahday Afxumo gurigaaga ayay kaa saartaa guriga kalana kuma geeyso!” ayuu mar kale yiri xildhibaanka oo soo saaray warsaxaafadeed.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Waxaan leenahay Madaxweyne Qoorqoor Intaan kabadan sharci darro naguma hogaamineysid ee sharciyad la imow!”.

Dhankiisa Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa isna si toos ah hubkii lagu dhacay Caabudwaaq ugu eedeeyey Madaxweyne Axmed Qoor-Qoor, isagaoo ugu hanjabay in mardhow Galmudug ay ka sameyn doonaan is bedel deg deg ah.

Xildhibaan Saabir ayaa sheegay in madaxweyne Qoor-Qoor uu adeegsanayo dhalinyaro Facebook isticmaasha, isaga oo sumcad dilaya musharraxiin iyo mas’uuliyiin kale.

“Waxaa wax lala yaabo ah in nin ummad dhani ay hoggaan dowlad goboleed ku aaminatay oo hadana uu hada waqtigiisii dastuuriga ahaa dhammaaday in uu inta badan waqtigiisa ku lumiyo kuna mashquulo isagoo weliba ku bixiyanaya xoolihii dadka tabaaleysan – magac dilka iyo cayda siyaasiyiin kula jira tartan siyaasadeed isaga oo adeegsanaya ciyaal facebook biil ka raadsada,” ayuu isaguna yiri Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye.

Si kastaba, dhinacyadan oo uu mid kasto u hanqal-taagayo in talada maamulkaas uu dhaxlo ayaa dhammaantood ku howl-galaya kalsooni iyo isku-halleyn ay ku qabaan madaxweyne Xasan, maadaama ay wada aaminsan yihiin in taageerada dowladda dhexe ay muhiim u tahay gaarista damacooda. Waxaase layaab ah in loolanka dhexdooda ah uu galaafanayo sumcadda iyo ujeeddooyinka siyaasadeed ee madaxweyne Xasan.

Go’aan kama dambeys ah oo laga gaaray kiiska taliye Qoslaaye iyo kooxdiisii

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Maxkamadda sare ee ciidamada qalabta sida ayaa maanta soo saartay go’aanka ka dambeysta ah ee laga gaaray kiiska taliyihii hore ee degmada Heliwaa Cabdifataax Maxamed Xasan (Qoslaaye) iy kooxdiisii oo la haysto dilkii Allaha u naxariistee Marxuum Abuukar Axmed Kaabax.

Maxkamadda ayaa raacday xukunkii maxkamadda daradaja koowaad oo raggan horay usoo xukuntay dil iyo xabsi ay ku muteysteen dambiga culus ee lagu helay.

Hoos ka akhriso go’aanka maxkamadda oo dhammeystiran:

Maxkamadda Sare ee Ciidamada QS ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay Taliyihii saldhiga Heliwaa dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo Kooxdiisa oo mid maqane ah uu ku jiro, kuwaasi oo ka wada shaqeeyey dilka Marxuum Abuukar Axmed Kaabax, falkaasi oo dhacay Labaatan iyo Labadii bishii February ee sanadkaan 2024.

Kooxdaan oo kooban Lix qof, ayaa Qoslaaye waxaa ku wehliyey kiiskaan, Dable Bol. Maxamed Cabdi Qoone, Liibaan Maxamed Axmed oo ah Maskaxdii ka dambeysay dilka marxuumka, Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin], Maxamed Cadaawe Cali & Yaasiin Cabdi Jaamac.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS ayaa codsaday qaadista kiisaskan, fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay kiiskaan Lixdii April ee Sanadkaan, balse xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunadii lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda oo aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen xukunsaneyaasha Tobankii bishaan, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

1- Ex dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo 2- Ex Dable Bol. Maxamed Cabdi Maxamed Qoone, ayey Maxkamadda sare ee ciidamada ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Abuukar Axmed Kaabax.

3- Liibaan Maxamed Axmed oo maqane ah, ayaa lagu xukumay Xabsi Daa’in, halka 4- Maxamed Cadaawe Cali, 5- Yaasiin Cabdi Jaamac iyo 6- Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] ay Maxkamadda sare ku xukuntay min Todobo sano oo Xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.