24.9 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Dib miyaa loo qiimeyn doonaa xayiraadda hubka ee laga qaaday Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Su’aallo iyo culays wayn ayaa ka dhashay dhacdadii hubka lagu boobay ee ka dhacday waqooyiga gobolka Galgaduud, kadib markii hub sharci darro ah oo ka yimid dhinaca Itoobiya uu u gacan galay shacabka ku dhaqan Caabudwaaq.

Arrintan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana Soomaaliya kowdii December, ee sanadkii hore 2023 laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarnayd muddada 31 sano.

Dib miyaa loo qiimeyn doonaa xayiraadda hubka ee laga qaaday Soomaaliya?

Saameynta ka dhalatay hubka lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq ayaa hadda gaartay meeshii ugu darnayd, waxaana ka dhashay walaac xoogan, ayada oo  dowladda dhexe iyo Galmudug ay kasoo saareen warar kala duwan waxaase si isku mid ah ay u sheegeen inay ku dadaali doonaan soo celinta hubkaas.

Dowladda ayaa ku dooday in hubka la boobay xilli ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada qaranka oo kala wareegay koox ganacsato ah oo si sharci darro ah dalka kusoo gelisay hubkaasi, balse ay waddada u galeen maleeshiyaad hubeysan, kadibna ay sidaas ku furteen hubka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho wuxuu durbo xogta hubkan la wadaagay Mareykanka, kadib markii uu kulan gaar ah la yeeshay Shane Dixon oo ah sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka, ahna ku-xigeenka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Aragtiyo kala duwan oo xasaasi ah ayaa sidoo kale laga bixiyay arrintan, waxaana Xildhiban Maalik Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya uu qabaa in hubkan loogu talagalay in lagu wareejiyo kooxaha argagaxisada, si loogu laayo ciidanka iyo Macawiieyda degaanka.

“Hubkaas lagu dhacay Caabudwaaq Al-Shabaab ayaa loo waday si Macawisleyda loogu laayo, dadka Caabudwaaq waxaan leeyahay hubkaas yuusan ka bixin gacantiina, waa hub Soomaaliyeed oo amniga dalka lagu difaaci doono” ayuu yiri xildhibaan Maalik Cabdalla.

Dhinaca kale Somalilad oo haatan xiisad xoogan ay kala dhexeyso dowladda federaalka ayaa iyaduna ka hadashay hubka lagu dhacay duleedka magaalada Caabudwaaq, waxayna sheegtay inay ka imaan karto halis saameyn karta dalalka dariska iyo gobolka, iyada oo intaas ku dartay in lagu deg degay qaadista cunaqabateyntii hubka ee laga qaaday Soomaaliya.

Somaliland ayaa sidoo kale beesha caalamka ka dalbatay in dib eegis lag sameeyo go’aankii cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliya bishii December ee sanadkii hore.

“Dhacdadii dhawaan ka dhacday magaalada Caabudwaaq oo dad rayid ah iyo maleeshiyo beeleed ay ku qabsadeen hub iyo saanado kale oo badan oo ay ka heleen dowladda Muqdisho, ayaa waxay sii muujineysaa xaalada adag ee dhanka ammaanka ah” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda maamulka Somaliland.

Si kastaba, arrinta hubka oo noqotay mowduuc wayn oo taagan ayaa ah xujo wayn oo hortaalla dowladda dhexe, waxaana laga war dhowri doonaa halka ay ku dhammaato iyo jawaabta ay ka bixiso beesha caalamka.

Ugaaska beesha Sade oo ganafka ku dhuftay hanjabaaddii DF, soona saaray dalab culus

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Ugaas Maxamed Ugaas Axmed oo ah Ugaaska guud ee Beesha Sade oo la hadlay warbaahinta ayaa si adag ugu jawaabay dowladda federaalka kadib go’aankeeda ku aadan hubkii lagu dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Ugaaska ayaa ugu horreyntii nasiib darro ku tilmaamay in dowladdy ay u goodiso shacabkii gacanta ku dhigay hubkii sharci darrada ahaa ee lagu qabtay waqooyiga Galgaduud.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka aysan waxba kasoo qaadin qatar uu sheegay inay baajiyeen shacabka hubkaas gacanta ku dhigay, taasi beddalkeeda loogu beddalay xasuuq bahalnimo ah oo loo gaystay, sida uu hadalka u dhiga.

Ugaas Maxamed Ugaas Axmed ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in hubkan uu halis ku ahaa deegaanka, isla markaana uu u gacan geli lahaa kooxo qatar ku ah amniga, balse laga hortegay, kadib markii ay ka war heleen shacabka degmada Caabudwaaq.

“Sida la wada ogyahay, koox abaabulan, oo ka ganacsata hubka sharci darrada ah, ayaa saanad ciidan oo kontarabaan ah, soo gelisay waqooyiga Galgaduud,16-kii July 2024, hubkaas, oo ahaa mid aan lagu wargelin hoggaanka dhaqanka, madaxda maamullada iyo guud ahaan dadka deegaanka, ayaa qarka u saarnaa in uu gacanta u galo kooxo halis ah, qatarna galiyo amniga deegaanka, Galmudug iyo guud ahaan Dalka,” ayuu yiri Ugaas Maxamed.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ciidamada amniga ee galbinayey hubkaas ay ku guul dareysteen n in ay shacabka ka qanciyaan walwalka amni ee la soo darsay, waxayna taas beddelkeeda ugu jawaabeen sida uu sheegay dagaal galaaftay 12 qof, laguna dhaawacay 50 kale.

Ugaaska waxaa kale oo uu ka hadlay qorshaha hadda socda ee lagu doonayo in lagu soo celiy hubkaasi, wuxuuna ku dooday in dhammaan beelaha Soomaaliyeed ay hubeysanyihiin, aysana jirin cid lagu sameeyey hub-ka-dhigis.

Gabagabadii wuxuu ka dalbaday dowladda dhexe ina si deg deg ah  u qaadato mas’uuliyadda shacabkii ku dhintay dagaalkii ka dhacay deegaanka Shiilmadow ee hoostaga degmada Caabudwaaq, maadaama halkaas ay dhibaato ka dhacday.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Galmudug iyo dowladda federaalka ay wadaan qorshayaal ku aadan sidii lagu soo celin lahaa hubkii lagu bililiqeystay waqooyiga gobolka Galgaduud, kaas oo dhaliyay walaac, maadaama uu galay gacanta shacabka.

Wararkii ugu dambeeyay dad SHACAB ah oo lagu dilay Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil dad shacab ah xalay loogu gaystay bartamaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaas oo ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubeysan.

Dilka oo ka dhacay waddada Suufi Xalwo ayaa waxaa loo gaystay laa qof oo shacab ah, isla markaana ahaa dhalinyaro ka mid ah dadka deegaanka.

Ilo wareedyo xilkas ah oo ku sugan Gaalkacyo ayaa innoo sheegay in dhalinyaradaasi loogu tegay xarun ganacsi oo ay ku sugnaayeen, kadibna rasaas lagu furay, waxaana baxsaday raggii ka dambeeyay dhacdadaasi.

Falkan ayaa waxaa lala xiriirinayaa dilal salka ku haya aanooyin qabiil oo ka taagan magaaladaasi oo ay ka wada arrimayaan maamullada Galmudug iyo Puntland.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo ka sameeyay halkaasi, inkastoo aysan ku gaarin wax natiijo ah.

Saraakiisha amniga waxa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgalkooda, illaa inta ay kasoo qabanayaan dambiilayaasha oo goobta isaga baxsaday.

Gaalkacyo ayaa waxaa marar badan ka dhacay dilal la xiriira aanooyin qabiil, waxaana magaaladaas muddo dheer ka taagan colaad beeleed, taas oo sanado badan qaadatay.

Si kastaba, dhacdadan cusub ayaa kusoo aadeyso, ayada oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay gobollada dhexe dib uga qarxee dagaal beeleedyo sababay khasaarooyin kala duwan.

Madaxweyne Biden oo laga helay COVID-19 xilli uu wajahayo cadaadis horleh

Laas Vegas (Caasimada Online) – Madaxweyne Joe Biden ayaa laga helay COVID-19 mar uu Arbacadii u safrayay magaalada Las Vegas ee gobolka Nevada ee dalka Maraykanka.

Waxaa madaxweynaha lagu arkay calaamado khafiif ah, sida xanuun guud oo ka mida astaamaha caabuqa COVID19, sida laga soo xigtay aqalka cad ee dalkan Maraykanka.

Xoghayaha warfaafinta Karine Jean-Pierre ayaa sheegtay in Biden uu u duuli doono gurigiisa oo ku yaala gobolka Delaware, halkaas oo uu ku geli doono “go’doomin” illaa uu xanuunka ka bogsanayo.

Dr. Kevin O’Connor, dhakhtarka gaarka ah ee madaxweynaha, ayaa qoraal ku sheegay in madaxweyne Biden lagu arkay calaamado dhinaca neef-mareenka sare ah iyo qufac qalalan.

Waxana isla markiiba madaxweynaha loo qoray daawooyin kala duwan, sida uu sheegay dhakhtarkiisu.

Madaxweyne Biden ayaa la filayey inuu khudbad ka jeediyo magaalada Las Vegas, taasoo qayb ka ah ololihiisa doorashada, balse markii xanuunka laga helay ayuu ka baaqday xafladaas, isaga oo u duulay gurigiisa.

Xog: DF oo wafdi culus u direysa Caabudwaaq iyo qorshe culus oo socda

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta wafdi culus u direysa magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, si ay ugu baxaan xiisadda ka dhalatay hubkii lagu boobay duleedka degmadaas ee u gacan galay shacabka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online wafdigan oo ka kooban wasiirro iyo xildhibaanno ayaa waxaa hoggaamin doono wasiirka amniga gudaha Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo beeshiisu ay dagto halkaas, isaga oo u tegayo qorshaha dowladda ee soo celinta hubkaasi.

Qaban-qaabadii ugu dambeeyay ee safarka wafdigan oo marka hore kusii hormari doono Dhuusamareeb ayaa haatan ka socota Muqdisho, waxaaa dadaalladan qayb ka noqon doonto Galmudug, gaar ahaan wasiirka amniga maamulkaas Maxamed Aadan Gaboobe.

Ujeedka ayaa ah inay la fariistaan waxgaradka deegaanka, ayna ka hadlaan xaaladda taagan iyo halista ka dhalan karta hubka la boobay ee haddana u gacan galay shacabka.

Dowladda federaalka waxa ay horay u sheegtay inay ka go’an tahay soo celinta hubkaasi, ayna u mari doonto qaab wada-hadal ah iyo inay la tashato waxgaradka Caabudwaaq.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay ka xuntahay Falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen Maleeshiyaadkaas wadada u galay Ciidanka Qaranka ee ku jiray gudashada waajibaadkooda Qaran, waxaana ka go’an in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dawladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xadgudubka ah” ayaa horay loogu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa arrintan kasoo jawaabay Ugaas Maxamed Ugaas Axmed oo ah Ugaaska guud ee Beesha Sade oo nasiib darro ku tilmaamay in dowladdy ay u goodiso shacabkii gacanta ku dhigay hubkii sharci darrada ahaa ee lagu qabtay waqooyiga Galgaduud.

“Sida la wada ogyahay, koox abaabulan, oo ka ganacsata hubka sharci darrada ah, ayaa saanad ciidan oo kontarabaan ah, soo gelisay waqooyiga Galgaduud,16-kii July 2024, hubkaas, oo ahaa mid aan lagu wargelin hoggaanka dhaqanka, madaxda maamullada iyo guud ahaan dadka deegaanka, ayaa qarka u saarnaa in uu gacanta u galo kooxo halis ah, qatarna galiyo amniga deegaanka, Galmudug iyo guud ahaan Dalka,” ayuu yiri Ugaas Maxamed.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Galmudug iyo dowladda federaalka ay wadaan qorshayaal ku aadan sidii lagu soo celin lahaa hubkii lagu bililiqeystay waqooyiga gobolka Galgaduud kaas oo dhaliyay walaac, maadaama uu galay gacanta shacabka.

Xildhibaan Saabir Shuuriye oo eedeyn culus oo hubkii la xiriirta u jeediyey Qoor Qoor

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan golaha shacabka ayaa si toos ah hubkii lagu dhacay Caabudwaaq ugu eedeeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor, isagoo ugu hanjabay in mar dhow Galmudug ay ka samey doonaan is bedel deg deg.

Xildhibaan Saabir ayaa sheegay in madaxweyne Qoor Qoor uu adeegsanayo dhalinyaro Facebook isticmaasha, isagoo sumcad dilaya musharaxiin iyo masuuliyiin kale.

Saabir ayaa qoraalkaan uu soo saaray ku sheegay in Qoor Qoor oo watigiisii dhamaaday mar hore uu dacaayad ku bixinayo dhaqaalihii dadka reer Galmudug, “Kuleylkaas waxaa ka keenaya rajo beelka  heysta,” ayuu yiri Cabdisaabir Nuur Shuuriye.

Hoos ka akhriso qoraalka xildhibaanka:

Waxaa wax lala yaabo ah in nin ummad dhani ay hoggaan dowlad goboleed ku aaminatay oo hadana uu hada waqtigiisii dastuuriga ahaa dhammaaday in uu inta badan waqtigiisa ku lumiyo kuna mashquulo isagoo weliba ku bixiyanaya xoolihii dadka tabaaleysan – magacdilka iyo cayda siyaasiyiin kula jira tartan siyaasadeed isaga oo adeegsanaya ciyaal facebook biil ka raadsada.

Waa nasiib daro iyo maan gaabnimo in uu u maciinsado dicaayad iyo warar beenabuur ah oo facebook lagu qaro in ay inaga hor istaagi karaan in Galmudug isbedel hoggaan lagu sameeyo.

Cayda iyo dicaayadda magacdilka ah waxa ay cadayn u tahay quusta iyo rajobeelka ku haya. Faanka iyo isboqrida Facebook gana waxaa isku sabarsiisa qof aan ogeyn in ay jirto maalin kale oo beri ah oo aad weli u baahan tahay in lagu beenfaaniyo.

Saaxiib waxaad sugtaa dhowaan waa isbedel iyo power transfer sababtoo ah waa hubaal in xil dadweyne aan SHARCIYAD LA’AAN IYO MAGACDIL DAD aan lagu sii joogi karin.

IN AAN JOOGO JECLAAYEE hortaa ayaa la waayey.

Sawirro: DF oo qabatay nin Itoobiyaan ah oo wata ‘Tattoo’ kana tirsan Al-Shabaab

0

Buuloburde (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta nolosha ku qabtay dhagarqabe Khawaarij ah oo u dhashay qowmiyadda Oromada ee Itoobiya.

Arrinta ka yaabisay ciidanka waa in ninkaas ay jirkiisa ku qoran tahay caalamadda Tattoo oo gaalada dhaqan u ah, halka ninkaan uu la socday koox sheegata inay ku dagaalamayaan islaamnimo.

Howlgalka lagu qabtay dhagarqabahaan ayaa ka dhacay deegaanka Beerayabaal oo hoos taga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, waxaana loo kaxeeyey dhanka Buuloburde, si loogu gudbiyo Muqdisho.

Maalmihii lasoo dhaafay howlgallo jab culus lagu gaarsiiyey Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ka socday gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanka maanta ninkaan lagu qabtay ee Beerayabaal.

Taliyaha ciidanka dhulka oo goor sii horeysay ka hadlay howlgalka ka socda Beerayabaal ayaa sheegay in halkaas lagu jebiyey argagixisada, isla markaana lagu guuleystay in galbeedka loo dhaafiyo wabiga Shabeelle.

Ciidanka xoogga dalka waxaa dagaalka ka socda aagaas ku garabsiinaya dadka xaq u dirirka ah ee reer Hiiraan, kuwaas oo ku guuleystay inta badan dhulkooda inay ka xoreystaan cadowga.

Al-Shabaab ayaa ku jabay Hiiraan, sababtuna waa kacdoonka shacabka oo dhiirigelin iyo garaba u noqday ciidanka qaranka oo waajibka koowaad ka dhigtay dabargoynta cadowgaan argagixisada ah.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa xaq u dirirka reer Hiiraan ayaa qorsheyneysa in maalmaha soo socda uu galbeedka Hiiraan ka bilowdo howlgal culus oo lagu soo afjarayo Khawaarijta, waxaana socda abaabul ciidan oo culus.

Xog: Hubkii lagu boobay Caabudwaaq oo abuuray loolan culus oo siyaasadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdada ku saabsan hubka lagu qabsaday magaalada Caabudwaaq oo xogtiisa iyo mas’uuliyadda cidda lehba weli la isku tuurtuurayo ayaa waxa uu u muuqdaa mid bannaanka u soo saaraya loollan siyaasadeed lafa-jebis ah oo in muddo ah ka dhex jiray awooddo iyagu is diiddan, balse dhammaantood ay Villa Somalia wada doonayso.

Dhinacyadan oo kala ah madaxda hadda ka talisa Galmudug iyo musharraxiinta u hanqal-taagaya inay talada maamulkaas dhaxlaan ayaa dhammaantood ku howlgalaya kalsooni iyo isku-halleyn ay ku qabaan Madaxweyne Xasan Sheekh, maadaama ay wada aaminsan yihiin in taageerada dawladda dhexe ay muhiim u tahay gaarista damacooda. Waxaase layaab ah in loolanka dhexdooda ah uu galaafanayo sumcadda iyo ujeeddooyinka siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan.

Dhacdooyin dhowr ah oo labadii sano ee la soo dhaafay Galmudug ka dhacay ayaa tusaale fiican u noqon kara sida ay awoodaha is-riixaya ee wada heysta raalli-ahaanshaha Xasan Sheekh ay haddana sababta ugu noqdeen guuldarrooyin waaweyn oo soo gaaray qorshayaashii waaweynaa ee Madaxweynaha.

Mid ka mida tusaalayaasha muhiimka ee loo soo qaadan karo waa hawlgalladii dib-u-xoreynta ee dartood uu Madaxweynuhu dhowr billood goballada dhexe ugu maqnaa, kuwaas oo ugu dambeyn dhabar-jebin kala kulmay legdanka is-diiddanayaasha uu Madaxweynuhu wada doonayo ee reer Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoorqoor, markii uu ka badbaaday weerarkii “Laas Gacameey” waxaa xoogeystay hadal-haynta ku saabsan inuu mas’uuliyadda weerarkaas ku eedeeyay Taliyihii NISA ee xilligaas Mahad Salaad. Waa markii ugu horreysay, taariikhda casriga ah, ee mas’uuliyiin xilal sare ka haaya dalka ay isku eedeeyaan argagaxisanimo, waxayse ahayd arrin aan sidii ay u cusleyd loo cusleysanin in Madaxweyne dowlad Goboleed uu tuhmo Taliye Sirdoon.

Qoorqoor waxaa loo arkayay nin fursaddii weerarka AS uga faa’ideysanaya dano siyaasadeed si uu meesha uga saaro Mahad Salaad oo uu uga baqayay inuu kursigiisa damacsan yahay. Laakiin ujeeddadii uu lahaa waxaa u suurtogaliyay Madaxweyne Xasan Sheekh, oo aan wax dan ah ka lahayn is-eedeynta iyo is-tuhunka mas’uuliyiintaas xilalka muhiimka ah haaya, xilligaasna waxaa uu Madaxweynuhu ku qasbay Taliyihiisa NISA inuu ka tago Galgaduud oo uu Muqdisho ku laabto, taasoo fursad u noqotay Qoorqoor oo ninkii uu saameyntiisa ka didsanaa si fudud uga bixiyay xeyndaabkiisa.

Muddo kaddib waxaa haddana maanta loollan dhibaatadiisa wata uu ka dhexeeyaa Qoorqoor iyo Liibaan Axmed Xasan oo ah musharrax Madaxweyne oo Galmudug ah, kana mid ah dadka ku dhow dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Qoorqoor oo isku arka in uu ka soo adkaaday saaxiibkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, Mahad Salaad, ayaa mar kale isku dayaya in uu u quus-gooyo Liibaan, si uu ugu kaliyoobo fursadda maamulidda Galmudug oo uu taageerada Xasan Sheekh uga talo-galayo. Waa is-dibrin iyo is-dibin-daabin siyaasadeed oo mar walba cidda ku khasaaraysa ay tahay Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh, tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay May 2022, waxa uu u muuqday mid ku howlgalaya siyaasad keli-socod ah, isaga oo meel iska dhigay jiheynta iyo kala-qabashada saaxiibbada iyo xubnaha kale ee maamulkiisa ka tirsan. Hab-dhaqankan waxa uu dhiirrigeliyay isqabqabsiga iyo loollanka gudaha ah, kaas oo noqday mid xiriirsan min xafiiska Madaxtooyada illaa xafiisyada kale ee dawladda iyo weliba dawlad-gobaleedyada qaar.

Fagaarayaasha Siyaasadda waxaa caan ka ah oo oraah sifeynaysa hab-maamulka Madaxweynaha, taas oo dhaheysa: “ninkii raaya ayaa reerka u haraya”, oo la macno ah in Madaxweynuhu uu isku fiirsado laba kasta oo loollamaysa, xataa haddii dhexdooda ay ku dhimanayso maslaxadda guud ee dalka.

W/Q: Cabdicasiis Golfyare

Wareysi: Ergeyga Maraykanka ee Geeska Afrika xog culus ka keenay colaadaha Itoobiya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Mike Hammer, oo ah ergeyga gaarka ah ee dowladda Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa bixiyey wareysi uu kaga hadlay xaaladda rasmiga ah ee ka jirta gudaha dalka Itoobiya oo dhexda uga jira qalalaase iyo colaado sokeeye.

Ergayga oo toddobaadkii hore safar ku tegay dalka Itoobiya ayaa VOA uga waramay xaaladda Itoobiya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in hadda xal u helidda colaadaha sokeeye ee gudaha dalkaas rajo badan laga qabo inay guuleystaan.

Waxa uu xusay in dadkii ka barakacay gudaha dalka ay billaabeen in ay dib ugu laabteen guryahoodii, xad gudubyadii ka dhanka ahaa xuquuqul insaanka ee gobolka Tigray-na ay si weyn hoos ugu dhaceen.

Maraykanka ayaa dhiirigeliyay ‘horumarka sii kordhaya’ ee laga gaarayo dadaallada nabada iyo dib u heshiisiinta ee Itoobiya, labo sano kadib, xabbad joojintii ka hirgashay gobolka waqooyi ee Tigray.

Bishii November sannadkii 2022-kii, dawladda Itoobiya iyo hoggaamiyeyaasha gobolka Tigray ayaa gaaray heshiis xabbad-joojin ah oo loo yaqaan Pretoria Agreement ama Joojinta Colaadda, kadib dagaal sokeeye oo laba sano socday, kaas oo burburiyey inta badan waqooyiga Itoobiya.

Mike Hammer, ergeyga Maraykanka ee Geeska Afrika wuxuu qiray in ay sii socdaan colaadaha ka taagan gobollada Axmaarada iyo Oromiya, isaga oo sheegay in Maraykanku uu diyaar u yahay in uu taageero dadaal kasta oo lagu nabadeynayo deegaanadaas, iyadoo loo marayo wadahadal.

Hammer ayaa toddobaadkii hore u safray Itoobiya si uu uga qayb galo shirkii labaad ee Midowga Afrika oo dib u eegis ku sameynaya dhaqangelinta heshiiskii Pretoria ayaa dalkaas kala soo noqday fekrad ka duwan tii uu ka heystay Itoobiya, sida u uku sheegay wareysigaan.

Sidoo kale wareysigaan qeybihiisa dambe wuxuu kaga hadlay xaaladda Suudaan oo dagaalo sokeeye ay ka qarxeen dowladiina burburtay, wuxuuna rajo weyn ka muujiyey in Suudaan nabad lagu soo dabaali karo.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Senatorada Aqalka Sare oo go’aan culus kasoo saaray hubka lagu dhacay Galgaduud

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Senatorada Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay hubkii Isniintii lagu dhacay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud kaas oo ka yimid dhanka Itoobiya.

Senator Deeqo Xasan Xuseen oo Wariyeyaasha kula hadashay bannaanka hore ee xarunta Golaha ayaa ku baaqday in hubkaas la bililiqeystay lagu soo celiyo gacanta dowladda federaalka, waxayna sheegtay in shacabku aanay xaq u lahayn hubkaas, uuna halis ku yahay amniga dalka.

“Waxaan ku baqayaa in hubkaas la dhacay lagu soo celiyo gacanta DFS si badbaadadii dalka iyo dadka ay iyadana ku hana qaado. Shacabka xaq u malaha inay hubka gacanta ku dhigaan waxaa xaq u leh ciidamada ay koontaroolka hubka yeeshaan” ayay tiri Senatoradu.

Sidoo kale waxay farriin u dirtay madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada oo ay ugu baaqday inay qaataan mas’uuliyadooda ka saaran badqabka dalka iyo dadka.

“Waxaan leenahay mas’uuliyiinta oo ay ugu horreeyaan federaalka, madax maamul goboleedyada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed cid walba waxaa mas’uuliyad ay ka saaran tahay ilaalinta badqabka iyo amniga dalka” ayay tiri mar kale sii raaciyay Deeqo.

Dhankeeda Senator Laylo oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ayaa iyaduna sheegtay in hubkan loo adeegsan karo dagaal beeleedyada ka socda gobollada dhexe, isla markaana ay ka imaan karto halis kale oo wayn, waxayna dowladda ka codsatay in lasoo celiyo.

“Hubkaas shacabka gacantooda, iyaga oo awal aagag isugu jro waa qatar wayn dowladdu waa in ay xakameysaa,” ayay iyaduna tiri Senetor Layla.

Hadalka kasoo yeeray Senatorada Aqalka Sare ayaa kusoo aadaya, ayada oo weli taagan tahay xiisadda ka dhalatay hubkan lagu dhacay degmada Caabudwaaq, waxaana haatan socda dadaallo ku aadan soo celinta hubkaas oo ay wadaan dowladda dhexe iyo Galmudug.

BF oo dood adag ka yeeshay sharci muhiim ah oo la hor-geeyay iyo guddi loo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa xarunta golaha shacabka ku yeeshay kal-fadhiga shanaad kulankiisa afaraad, kaasi oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ajendaha kulanka ee maanta waxa uu ahaa akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka maalgashiga Soomaaliyeed oo uu soo diyaariyay guddiga ganacsiga iyo warshadaha ee golaha shacabka.

Xildhibaanadda golaha shacabka oo dood kulul, islamarkaana saacado qaadatay ka yeeshay hindise sharciyeedkan ayaa aad uga dooday qodobada hindise sharciyeedkan, muhiimada uu waddanka u leeyahay iyo sidoo kale hadii uu miisaaniyad leeyahay.

Kulanka ayaa waxaa ku sugnaa wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene.

Guddoomiyaha guddiga ganacsiga iyo warshadaha ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Sheekh Nuur Osman ayaa sheegay in hindise sharciyeedkan uu hore usoo maray akhrinta koowaad, islamarkaana uu marayo akhrintiisa labaad.

Wuxuu dhanka kale sheegay inuu miisaaniyadiisa wato maadaamaa dooda xildhibaanadda ee maanta ay ku qotontay miisaaniyadda hindise sharciyeedkan.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in xildhibaanada ay aad uga doodeen qodobada hindise sharciyeedkan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in guddoonka golaha uu deg-deg u magacaabi doono guddi kasoo shaqeyn doona doodii xildhibaanadda golaha shacabka kulankii kan ka horeeyay ka yeesheen dhismaha hay’adaha madaxa banaan ee aan miisaaniyadda lahayn.

Guddigan ayaa warbixintooda goloha ku soo celin doona, islamarkaana uu qaraar arintaasi ku saabsan goluhu soo saaro doono, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka.

Qoor-Qoor oo Mareykanka u gudbiyay warbixinta hubkii gacanta u galay shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug oo maanta safar aan la shaacin ugu soo duulay Muqdisho, ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay masuuliyiinta sare ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Qoor-Qoor oo markii uu Muqdisho kasoo degay toos u galay xarunta safaaradda oo ku taalla gudaha xeyndaabka aadka loo ilaaliyo ee Xalane ayaa la kulmay Shane Dixon oo ah sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka, ahna ku-xigeenka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Xogaha kasoo baxaya kulanka Qoor-Qoor iyo safiir ku-xigeenka Mareykanka ayaa sheegaya in looga hadlay hubkii faraha badnaa ee Isniintii lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq, kaasi oo dowladda federaalka ay sheegtay inuu ahaa hub sharci darro ah oo ay soo qabatay, ayna sii dhaceen shacabka deegaankaasi.

Qoor-Qoor ayaa Mareykanka la wadaagay warbixinta hubkaasi oo walaac xooggan abuuray, xilli dhawaan ay Soomaaliya ku guuleystay in laga qaado xayiraadda hubka oo sanado badan saarneyd.

Xogaha laga helayo kulankaan ayaa sidoo kale tibaaxaya in Qoor-Qoor uu dowladda Mareykanka u gudbiyay shaqsiyaadka la tuhunsan yahay inay hubka ka keeneen Itoobiya iyo halka uu ku socday intaba.

Tan iyo markii ay Isniintii soo baxday in hubkaan culus uu u gacan galay dad shacab ah ayaa waxaa dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug kasoo yeerayey hadallo is-khilaafsan, oo halis gelin kara in dib u eegis lagu sameeyo xayiraadda hubka ee Soomaaliya, oo dhawaan laga qaaday.

Hubka gacanta u galay dadka shacabka ayaa lasoo warinayaa inuu ahaa hub aad u culus, ayada oo illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn ujeedka laga lahaa, marka laga yimaado in uu kasoo gudbay dhanka Itoobiya, ayada oo warar aan la xaqiijin sheegayaan inuu u socday qaar kamid ah musharaxiinta u taagan madaxtinimada Galmudug.

R/W Xamza oo laga dalbaday inuu is casilo + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta weerar culus ku qaaday ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo xukuumaddiisa, isagoo ku eedeeyay inay ku fashilantay adeegga ummadda Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday inay kasii dartay dhibaatada xilligan ka taagan dalka, isla markaana culeyskii ugu xooganaa ay dareemayaan shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay inay suuragal tahay inay kacaan, ayna sameeyaan sida shacabka Kenya oo kale.

“Sidaad la socotaan dalkan dariska nala ah ee Kenya muwaadiniintii waxay gaareen inay galaan xarunta baarlamaanka oo ay gubaan annaga diyaar uma nihin in aqalkeenna lasoo galo, shaqo kuma lihin waxa fashilka ka taagan yahay waa xukuumadda uu ra’iisul wasaaraha ka yahay Xamza Cabdi Barre” ayuu yiri Xildhibaan Maalik Cabdalla.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre inuu is casilo, isaga oo ku eedeeyay inuu ka gaabiyay waxqabadkii laga rabay xukuumaddiisa.

“Waxaan kula talinayaa ra’iisul wasaaraha dhowr mar wuxuu sheegay mayd fakaday xukuumaddan waa noolaan waysay waxaan ka codsaneynaa inay fakato dalkan wax uga haray malaha waxaan idin-kuugu baaqeynaa inaad si sharaf leh isku casihaan” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa soo hadal qaaday hubkii lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq, wuxuuna sheegay in loo waday Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Hubkaas lagu dhacay Caabudwaaq Al-Shabaab ayaa loo waday si Macawisleyda loogu laayo, dadka Caabudwaaq waxaan leeyahay hubkaas yuusan ka bixin gacantiina, waa hub Soomaaliyeed oo amniga dalka lagu difaaci doono” ayuu mar kale yiri xildhibaan Maalik.

Isaga oo ka hadlayay arrinta canshuurta waxa uu yiri “Dadka Muqdisho kaligeed canshuur lagama qaadi karo annagana raalli kaa nihin baarlamaanka ayaa canshurta shaqo ku leh”.

Maalmihii u dambeeyay xildhibaannada baarlamaanka ayaa waday dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka dhan ah xukuumadda DanQaran ee ra’iisul wasaare Xamza, kaas oo si weyn loo dareemay kadib furitaankii kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal.

Maamulka Caabudwaaq oo war culus kasoo saaray hubkii la bililiqeystay, lana saftay…

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Maamulka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay hubkii maalin kahor lagu bililiqeystay gudaha degmadaasi, kaas oo ka yimid dhinaca dalka Itooiya

Agaasimaha amniga iyo siyaasadda maamulka degmada Caabudwaaq Nasteex Cabdi oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa garab istaag u muujiyay shacabka ku dhaqan magaaladaasi, wuxuuna sheegay in dowladdu aanay ku dhiiran karin inay xoog kusoo weerarto.

Nasteex ayaa sheegay in dowladda dhexe looga baahan yahay inay la timaado qorshe kale oo hubkaasi lagu maareyn karo, maadaama markii horeba sharci darro lagu keenay.

“Maamulka degmo oo awood leh maleeshiyaad qabiil inta weeraraan ay hub ka qaadaan in aysan jirin ayaan aaminsanahay xitta dowladda dhexe ee Soomaaliya kuma dhiiran karto shacab meel dagan intay weerarto oo ay gumaado” ayuu wareysiga ku yiri Nasteex Cabdi.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in loo baahan yahay in la raadiyo farsamo aan gacan ka hadal hayn oo hubkaas lagu soo celin karo, ayada oo la adeegsanayo xeelad.

“Arirntan waxay u baahan tahay farsamo ee ma ahan wax u baahan awood iyo in lagu xeel dheeraado” ayuu mar kale yiri Agaasimaha amniga iyo siyaasadda degmada Caabudwaaq.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in cidda u baahan in tallaabo laga qaado ay tahay tan hubka soo gelisay gobolka Galgaduud, wuxuuna sheegay in markii horeba aan laga dalban Caabudwaaq.

“Caabudwaaq lagama lahayn, mana dalban waa dareemi kartaa sharci darro ayuu ku socday, waxaana loo baahan yahay in sharciga la horgeeyo ciida soo gelisay” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo ay kasii dareyso xiisadda ka dhalatay hubka lagu dhacay waqooyiga gobolka Galgaduud, waxaana dowladda dhexe oo ciidamo dheeraad ah u dirtay halkaas ay sheegtay inay ka go’an tahay in hubkaasi laga soo celiyo shacabka.

Somaliland oo dalab culus soo saartay kadib hubkii lagu dhacay Caabudwaaq

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxaa looga hadlay hubkii lagu dhacay waqooyiga gobolka Galgaduud, kaas oo u gacan galay shacabka ku dhaqan gudaha degmada Caabudwaaq.

Somaliland ayaa walaac ka muujisay hubkaas, waxayna tilmaamtay inay ka imaan karto halis saameyn karta gobolka, iyada oo intaas ku dartay in lagu deg degay qaadista cunaqabateyntii hubka ee Soomaaliya.

“Dhacdadii dhawaan ka dhacday magaalada Caabudwaaq oo dad rayid ah iyo maleeshiyo beeleed ay ku qabsadeen hub iyo saanado kale oo badan oo ay ka heleen dowladda Muqdisho, ayaa waxay sii muujineysaa xaalada adag ee dhanka ammaanka ah” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda maamulka Somaliland.

Sidoo kale Somaliland ayaa tilmaamtay inay ka digeyso halis ka dhalan karta hubkan oo ay xustay inay gaari karto waddamda dariska ah, sida ay hadalka u dhigtay.

Waxaa kale oo ay ka dalbaday beesha caalamka inay dib eegis u sameysyo go’aankii cunaqabateynta huba looga qaaday Soomaaliya bishii December ee sanadkii hore 2023-kii.

Horay dowladda federaalka oo uga hadashay hubkan ayaa sheegtay inay dalka soo galiyeen ganacsato si sharci darro uga ganacsada hubka, kadibna ay ka war heleen ciidamada ammaanka, balse markii ay qabteen hubkaas ay waddada u galeen maleeshiyaad hubeysan sidaasna lagu bililiqeystay.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay inay ka go’an tahay soo celinta hubkaasi, isla markaana ay tallaabi ka qaadi doonto cid kastaa oo ku lug yeelatay falkaasi.

Faah-faahinta khasaaraha qaraxii maanta ka dhacay…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare kala duwan gaystay oo maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiran, kaas oo lala beegsaday maqaaxi ay fadhiyeen dad badan.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay xaafada Xaawo Taako ee magaaladaasi, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Laba qof ayaa goobta ku dhimatay oo uu mid kamid ah ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda, halka kan kale uu ahaa qof shacab ah oo ku sugnaa maqaayadda la qarxiyay.

Sidoo kale waxa uu dhaawac soo gaaray haweeneydii maqaayadda lahayd oo la geeyay mid kamid ah goobaha caafimaadka magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka oo sameeyay howlgallo kooban, waxayna xireen waddada uu qaraxu ka dhacay, si ay u hubiyaan amniga goobta.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday ee sababay khasaaraha.

Beledweyne ayaa waxaa horay sidaan oo kale qaraxyo uga gaysatay kooxda Al-Shabaab. Magaaladan ayaa waxa ay xudun u tahay kacdoonka shacab ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo ku fiday gobollada kale e dalka.

GALMUDUG oo shaacisay waxa ay sameynayso kadib hubki lagu boobay Cabudwaaq

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga maamul goboleedka Galmudug Maxamed Aadan Gaboobe oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan hubkii maalin kahor lagu dhacay waqooyiga gobolka Galgaduud.

Wasiir Gaboobe ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan markii hore la socon hubkaas, balse ay ka war heleen markii uu soo galay xuduudka, kadibna ciidamo loo diray.

“Annaga waxaan ka war helnay marka uu xuduudka soo galay hubkan, kolley hay’adda sirdoonka ayaa la socotay iyada ayaana dirtay ciidanka” ayuu yiri wasiir Gaboobe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay wadaan baaritaanno ku aadan cidda hubkaas soo gelisay Galmudug iyo halka uu ku socday, kadibna ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Dhiaca kale wasiirka amniga Galmudug ayaa soo hadal qaaday xiisadda haatan ka taagan degmada Caabudwaaq oo loo diray ciidamo horleh, wuxuuna tilmaamay in ujeedkooda aanu ahayn in la weeraro shacabka, kadibna si xoog looga soo furto hubka u gacan galay.

“Ma jirto xeelad xoog ama awood ciidan ah oo aan shacabka ugasoo celineyno hubka balse qorshe kale ayaan isticmaaleynaa” ayuu mar kale yiri wasiirka amniga Galmudug.

Maxamed Aadan Gaboobe oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in wada-hadal iyo shirar ay la yeelan doonaan waxgaradka deegaanka, si ay ugala shaqeeyaan soo celinta hubkaasi.

“Waxaa lala tashanayaa dadka waxgaradka ah dadka hubka wixii halis ah ee dhibaato u keenaya ayay muhiimadda tahay in la ogaado kadibna waxgaradka ayaa lala sheekeysan doonaa iyaga ayaana nagala qayb qaadan doonto” ayuu hadalkiisa kusii daray

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in hubkan lagu siday laba gaari oo xamuul ah, midna uu waday qoryaha kan kale rasaasta, dhammaana ay la wareegeen shacabka.

Thabit oo ka digay halista wixii ka dhacay Caabudwaaq

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed oo war qoraal ah soo saaray aya digniin culus kasoo saaray hubka lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Thabit ayaa ayaan darro ku tilmaaay in qaadistii cunaqabateyna hubka uu ka dhasho qulqulka hub sharci darro ah oo uu tilmaanay inuu halis ku yahay xasilloonida dalka.

Sidoo kale wuxuu su’aal ka keenay halka uu ka yimid hubkan oo kasoo galay dhinaca Itoobiya isaga oo sheegay in xilligan aanu wax xariir ah nagala dhexeyn dalkaasi.

“Qaadistii cunaqabateynta hubka ma ahayn in ay dhasho qulqul hub sharci darro oo halis ku ah xasilloonida iyo badqabka ummadda Soomaaliyeed, oo wiliba ay wararku sheegayaan in xadka Itoobiya ee Dowlad Gobolleedka Galmudug kasoo galay iyadoo wax xiriir ah uusan nagala dhexeyn Itoobiya” ayuu qoraalkiisa ku yiri Thabit Cabdi Maxamed.

Duqii hore ee Muqdisho ayaa intaasi kadib farriin u diray saddex dhinac oo kala ah dowladda dhexe, Galmudug iyo baarlaamanka inay arrintaan jawaab ka keenaan, si loo ogaad cidda ka dambeystay halistaas ee hubka sharci darrada ah soo gelisay waddanka.

“Waxay sharafdhac ku tahay dowladnimada, hagardaamineysaa hannaanka xakameynta hubka, waana in si daahfuran baaritaan rasmi ah loo sameeyaa, si gaar ah Dowladda Galmudug hay’addaha ay quseyso lana horkeenaa sharciga cidkasta oo ku lug leh jarriimadan qaran ee Soomaliya iyo GalMudug-ba la rabo in lagu sharaf dilo”. ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Guddiga Difaaca iyo Amniga ee BJFS waajib ayaa ka saaran in ay islaxisaabtan ku sameeyaan Laanta Fulinta ee DFS.”

Hadalkan kasoo baxay Thabit Cabdi Maxamed ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xiisad xoogan ay ka dhalatay hubkan oo u gacan galay shacabka degmada Caabudwaaq, waxaana dowladda federaalka iyo Galmudug ay sheegeen inay ku dadaalayaan soo celinta hubkaasi.

Muxuu R/W ku-xigeenka kusoo arkay xerada Jeneral Dhagabadan? + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer ku tegey xerada tababbarka ciidanka xoogga ee Jeneral Dhagabadan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa halkaasi kula kulmay horin ka mid ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo qadanaya tababar sare loogu qaadayo xirfadooda ciidan, isaggoo isha soo saaray qeybaha kala duwan ee xerada.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaare ku-xigeenka xariga ka jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay dugsiga tababarka, kaasi oo uu gacan weyn ka geystay Midowga Yurub, oo ka taageeray Soomaaliya.

“Qaar kamid ah ciidanka uu tabarka u socdo ayaa iiga warbixiyey casharrada ay qaadanayaan iyo sida ay waxgal ugu noqon doonaan u-diyaarsanaantooda hawlgalladooda iyo guud ahaan amniga iyo xasiloonida dalka,” ayuu yiri mudane Saalax oo warbaahinta dowladda la hadlay.

Mudane Saalax ayaaa kula dardaarmay ciidanka uu tababarka u socdo in markii ay dhameystaan waxbarashada ay dalkooda ugu adeegaan daacadnimo, “waxaan idinkula dardaarmaya in aad ahaatan niman aaminsan inay wax wanaagsan qabanayaan, aadna Ilaahay ku xirnaatan.”

Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday tababarka ciidanka, kuwaasi oo lagu tababarayo gudah dalka iyo dibadaba, si ay awood ugu yeeshaan hanashada amniga dalka, maadaama qorshuhu yahay inay dhowaan la soo gaba-gabeeyo hawl-galka ATMIS.

Ciidamada ayaa bilihii u dambeeyay ciidanka ATMIS kala wareegay saldhigyo muhiim ah oo ay ku sugnaayeen sanado badan, kuwaasi oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Ciidanka Macawiisleyda oo jab culus gaarsiiyay Shabaab

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar culus oo xalay ciidamada Macawiisleyda ee ku sugan gobolka Galgaduud ku qaadeen deegaan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, kaas oo ay ku gaarsiiyeen jab xoogan.

Ciidamada deegaanka ayaa beegsaday saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen inta u dhexeysa deegaanada Budbud iyo Ceel Cali Xasan, waxaana kadib xiga dagaal toos ah uu dhexeeya labada dhinac, kaas oo qaatay muddo ku dhow saacad.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Macawiisleyda ayaa sheegay inay Al-Shabaab ka saareen deegaanka Ceel Jowle oo ah halka ay weerarka ku qaadeen.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha sheegeen inay soo bandhigi doonaan khasaaraha ay maleeshiyaadkii ku sugnaa halkaas u gaysteen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo ka dhacay dhinaca degmada Ceeldheer, kaas oo isna khasaare lagu gaarsiiyay xubnaha Al-Shabaab, kadib markii ay dagaal culus la galeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan halkaasi.

Maalmihii u dambeeyay waxaa gobollada dhexe ka socda guluf dagaal oo Al-Shabaab looga saarayo gobolladaasi, kaas oo ay iska kaashanayaan Galmudug iyo dowladda dhexe.