24.8 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Maxaan ka naqaanaa ninka Trump u noqonaya ku-xigeen ee horey u dhaliili jiray?

Washington (Caasimada Online) – Markii uu James David Vance, u soo galay hoolka shirarka ee xisbiga Jamhuuriga si uu u aqbalo magacaabista madaxweyne ku xigeenka xisbiga, waxaa uuna gacan qaaday Trump.

Ergada Shirweynaha Qaranka ee Jamhuuriga ayaa si rasmi ah u doortay Mr Vance, Isniintii ka dib markii Trump uu ku shaaciyay bartiisa bulshada in uu doortay ka dib “talo-gal dheer iyo fikir”, uu noqon doono madaxweyne ku xigeenkiisa, haddii uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada Mareykanka ee sannadkaan.

Laakiin senetarka laga soo doorto Ohio, ayaa mar ka mid ahaa dadka aadka u dhaliila Trump isagoo saaxiibkisa cusub ee hadda horrey ugu yeeray “Hitler-ka Mareykanka”, balse markaas ka dib wuxuu noqday taageero aad u adag.

Doorashadii xilliga dhexe ee 2022, wuxuu ku guuleystey kursi ka mid ah senate-ka Mareykanka isagoo taageeray Trump, markii ugu horreysay oo loo doorto xafiis dadweyne.

Vance, ayaa ku dhaleeceyey Dimuqraadiyiinta inay ka been sheegeen qorsha caafimaadka isagoo madaxweyne Biden ku dhaliilay inuusan ku abaalmarin codbixiyaasha doorkaas.

Mr Vance ayaa intaa ku daray in uu Trump ka sheegay waxyaabo xun balse ay muhiim tahay in la qirto in uu qaldanaa.

Trump ayaa qoraal la soo dhigay bartiisa bulsho ee Truth ku sheegay. “Madaxweyne ku xigeenka J.D waxa uu sii wadi doonaa inuu u dagaalo dastuurkeena, wuxuuna garab istaagi doonaa ciidamadeena, wuxuuna sameyn doonaa wax walba oo uu ku caawin karo in aan mar kale midowno”

tallaabadan ayaa timi laba maalmood ka dib markii Trump uu ka badbaaday isku daygii dil oo ka dhacay goob uu khubad ka jeedinayey oo ku taalla Pennsylvania.

Markaas ka dib, Mr Vance ayaa bartiisa X ee hore loo oran jiray twitter ku soo qoray in xisbiga Dimuqraadiga ay “si toos ah u horseedeen isku daygii dilka ee madaxweyne Trump”.

JD Vance, ayaa kaalin muuqata ku yeeshay ololaha weyn ee Trump ee halku dhigiisu yahay ‘Markale Amarika ka dhig mid weyn’ isagoo si weyn uga soo muuqday munaasabadaha ololaha Trump, wuxuuna u safray magaalada New York si uu uga qayb galo dacwaddihii khiyaanada ee oo haystay Trump.

Mr Vance iyo Trump ayaa wajihi doona musharaxiinta Dimuqraadiga, Joe Biden iyo Kamala Harris, doorashada guud ee Maraykanaka ee dhacay shanta November ee sanadkan.

Hadalo kooban oo uu siiyay saxafiyiinta isniintii, Mr Biden waxa uu dhaleeceeyay Vance, isagoo ku tilmaamay “Qof an dhab ahayn oo ka hadla arrimaha Trump”.

Ololaha Biden ayaa shegay in sababta uu Trump ku xigeen uga dhigtay Vance ay tahay inuu samayn doono wax ku xigeenkiisi hore Mike Pence uu iska diiday taas oo ah in inuu dhabarka saarto qorshaha MAGA.

Mr Vance waa maalqabeen wax ku bartay Yale, waana qoraa filimkii ugu iibinta badnaa ee xusuusta ahaa ee Hillbilly Elegy.

Waa kuma JD Vance?

James David Vance, waxaa ku dhashay magaalada Middletown, ee gobolka Ohio, dalka Maraykanka sanadkii 1984-tii. Waalidkii waxay asal ahan ka soo jeedaan Scotland.

Isagoo arday ah oo dhigta dugsiga sare Vance, aabihis iyo hooyadiis ayaa kala tagay. Markaas ka dib hooyadiis ayaa magacisa dhexe ugu badashay David.

Hooyadiis ayaa sanado badan ku dhibatooday isticmaalka daroogada iyo khamriga, taas oo keentay in isaga ay soo koriyeen awoowayaashii.

Markii uu ka qalin jabiyay Dugsiga Sare ee Middletown sanadkii 2003, Vance waxa uu iska diiwaan galiyay Ciidanka Badda ee Maraykanka.

Intuu uu ku jiray ciidamada badda ee Marines-ka waxaa uu ku jiray ciidamo loo diray Ciraaq si uu uga qayb qaato dagaalkii Ciraaq.

Vance, waxa uu ka dib galay Jaamacadda Ohio State University, halkaas oo uu ku qaatay shahaadada koowaad ee jaamacadda ee cilmiga siyaasadda iyo falsafada 2009-kii .Wuxuu sanadkii 2013-kii sidoo kale shahaado sharciga ka qaatay Yale Law Schoolk. Ka dibna waxa uu u shaqeeyay shirkad sharci oo caalami ah.

2016 Vance wuxuu daabacay Hillbilly Elegy oo ahaa Xusuus-qorka uu kaga hadlay Qoyskiisa, dhibaatooyinkii uu so maray iyo waaya-aragnimadiisa ku soo koray Middletow.

Isla sanadaas Vance, waxaa uu ku laabtay Ohio isagoo ka tagay California, wuxuuna halkaas ka asaasay Ururka Cusboonaysiinta Ohio, oo ah hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo ujeedadeedu tahay in ay caawiso carruurta danyarta ah oo ay wax ka qabato dhibaatooyinka sida qabatinka daroogada iyo kaniinada opioid ka.. Vance wuxuu kaloo bilaabay shirkad maalgashi oo fadhigeedu yahay Cincinnati.

JD Vance, waxaa uu isku dayey inuu u tartamo kursiga Senate ee Ohio sanadkii sanadkii 2018-kii bale uma qabsoomin.

Bishii Luulyo 2021, Vance wuxuu si rasmi ah u galay tartanka kurisga Seante, waxay ahayd ololihiisii ugu horreeyay ee xafiiska dadweynaha.

Bishi Maar 2022-kii ayuu ku guulaystay doorashada hordhaca ah ee xisbiga Jamhuuriga isagoo ka adkaaday magacyo caan ka ahaa siyaasadda gobolka, doorashadii guud ee dhacady Nofember, Vance wuxuu kaga adkaaday doorashadii dhacdy musharraxa xisbiga Dimuqraadiga Tim Ryan isagoo helay 53% codadka halka Ryan uu helay 47%.

Ninkan 39 sano jirka ah ayaa hadda mar kale sameeyey sare u kac siyaasaddeed oo xoog leh ka dib doorashada xisbigisa iyo magacabista Trump ee ah inuu ku xigeen u noqday Trump oo la galayo doorashada sanadkan ka dhacaysa Maraykanka.

Isha: BBC

Galmudug oo sheegtay danta laga lahaa hubkii lagu dhacay Caabudwaaq, fariina u dirtay DF

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Dowlad Goboleedka Galmudug oo war ka soo saaray hubkii sida sharcirada ah dalka looga soo geliyey waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa ku guda jira sidii sharciga loo hor keeni lahaa dadkii falkaas ka dambeeyey, waxaana qoraalkaan hay’adaha amniga iyo cadaaladda ee dowladda federaalka looga dalbaday in ay arrinkaas gacan ka gaystaan.

Sidaan oo kale Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa maanta war ka soo saartay arrinta hubka, waxaana loogu goodiyey maleeshiyaadkii hubka dhacay, iyadoo dowladda federaalka ay cadeysay inay ka go’antahay in hubkaas uu soo galo gacanta dowladda.

Galmudug ayaa u muuqata inay ku mowqif tahay dowladda federaalka, waxaana la mideysan yahay in hubkaasi uu si sharci darro ah ku soo galay dalka, isla markaana lagu naaxinayo argagixisada iyo colaadaha qabaa’ilka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka ka soo baxay Galmudug:

War-Murtiyeed

Dawlada Galmudug waxay si dhow ula socotay dhaqdhaqaaqa hubka laga soo tahribiyey dhanka Toobiya ee ku aaddan Waqooyiga Galgaduud.

Hay’adaha Amniga oo ku dabajoogay ayaa iskudayey inay gacanta ku dhigaan hubka, si looga hortago halista amni iyo xasilooni darida uu hubkaasi abuuri karo.

Dowladda Galmudug waxay baaritaan ku sameysay falkaas argagaxa leh, waxaana u caddaatay in dad qowlaysato ah kuna caan baxay ka ganacsiga waxyaabaha sharci darada ah ay kadanbeeyeen, iyadoo u jeedku ahaa in loogu adeego danaha argagaxisada, la isagana horkeeno shacabka, laguna qalqalgeliyo amniga iyo xasiloonada Galmudug.

Dawlada Galmudug waxay kugudajirtaa sidii cadaaladda loo hor keeni lahaa dhagar qabayaashaas, waxayna kadalbaneysaa hay’adaha amniga iyo cadaaladda ee Dowladda Federaalka ah inay arinkaas gacan ka gaysataan.

Dowladda Galmudug waxay u tacsiyeyneysaa ehellada dadkii ku waxyeeloobay shaqaaqadii shalay ee uu sababay hubka tahribka ahaa, waxeyna ugu baaqaysaa shacabka Galmudug inay nabada iyo xasiloonida ka wada shaqeeyaan, meelna uga soo wada jeestaan argagixisada iyo kuwa fur- sadaha karaadinaya dhiigga dadka walaalaha ah iyo qalqal gelinta amniga Galmudug.

Sidee ayey ku timid guusha uu ku faanay R/W Xamza ee xaqiijisay DF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ku faanay in guulaha ay gaartay Soomaaliya oo ay ugu weyn tahay deyn-cafinta iyo qaadistii xayiraadda hubka ay ku timid shaqo adag iyo habeenno badan oo loo soo jeeday.

Ra’iisul Wasaaraha oo shalay ka qeyb-galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulaha maamulka maaliyadeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in jid dheer loo soo maray dib-u-casriyeynta iyo hayaanka horumarinta hannaanka maaliyadda dalka oo maanta 10-sano jirsaday.

Sidoo kale waxa uu xusay in Soomaaliya ay maanta leedahay nidaam adag, casri ah oo lagu kalsoon yahay, kaas oo sababay in deyntii laga cafiyo dalka, isla markaana dalka u horseedaya in isbeddel dhaqaale iyo horumar oo dhab ah lagu sameeyo.

“Geeddi socodka hannaanka maaliyadda dalka, waxa uu kulmiyey dhammaan geeddigii loo soo marayey dhismaha hey’adaha dalka dib-u-dhiskooda, taas oo ina tusaysa in aan qaan-gaarnay oo deyntii nalaga cafiyey, xayiraaddii hubka nalaga qaaday, kuna biirnay suuqyadii gobolka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan hoosta ka xarriiqayaa in dadka Soomaaliyeed ogaadaan in howshan aysan bilaash ku imaan ee habeenno badan loo soo jeeday, si guushan loo xaqiijiyo.”

Mudane Xamza ayaa wasaaradda maaliyadda iyo khubaradda kale uga mahad-celiyey dadaalkooda ku aadan geeddi socodka la soo maray 10-kii sano ee la soo dhaafay (2013–2023), taasi oo laf-dhabar u ahaa guulaha maaliyadeed ee la xaqiijiyey, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoojiyaan dadaalkooda si loo gaaro tallaabooyin kale oo wax ku ool ah.

Ugu dambeyntiina wuxuu u jeediyey hay’adaha la shaqeeya dowladda in mashaariicda ay fulinayaan ay mariyaan nidaamka dowliga ah, maadaama uu hadda dalku leeyahay hannaan maaliyadeed oo lagu wada kalsoon yahay.

Ciidamadii kusoo dhaawacmay dagaalkii Galgaduud oo la keenay Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta lasoo gaarsiiyay qaar kamid ah askartii shalay kusoo dhaawacantay dagaal culus oo ay Al-Shabaab kula galeen deegaanka Waniille oo ka tirsan Gobalka Galgaduud.

Dhaawacyada oo la dhigay isbitaalka Digfer ayaa waxaa maanta ku booqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin, isaga oo u kuur galayay xaaladdooda caafimaad.

Taliyaha ciidanka Xoogga ayaa caafimaad qab buuxda u rajeeyay askarta la dhigay isbitaalka, wuxuuna u ballan qaaday inay war hayn doonto dowladdooda.

Sidoo kale waxa uu dhaqaatiirta kula dardaarmay inay askarta ku bixiyaan dadaal dheeraad ah, isaga dhinaca kale alle uga baryay in Jannatul firdowsa uu ka waraabiyo askartii ku dhintay howlgalkaasi.

“Waxaan maanta isbitaalka ku booqday geesiyaasha XDS ee shalay jilibka u laabay kooxaha arxan-laawayaasha ee isku dayay inay dhibaateeyaan shacabka Magaalada Waniille ee Gobalka Galgaduud” ayuu yiri taliyaha ciidamada Xoogga dalka.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Geesiyaasha Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca deegaanka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa shalay cashar aysan hilmaami doonin u dhigay kooxaha Argagixisada ah, waxaana halkaasi looga dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyad badan”

Dowladda Soomaaliya oo horay war uga soo saartay howlgalkan waxa ay sheegtay inay ku dishay in ka badan 50 ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo laga saaray dhul ballaaran oo ku yaalla Galmudug.

   

BF oo loo gudbiyay dalab xasaasi ah oo la xiriira hubkii la bililiqeystay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya xiisadda ka dhalatay hub sharci darro ah oo xadka Soomaaliya laga soo geliyay dhinaca Itoobiya ee ku beegan gobolka Gobolka Galgaduud, kaas oo ay la wareegeen maleeshiyaad deegaanka ah.

Hubkan oo lagu keenay gawaari xamuul ah ayaa dagaal kadib waxa uu gacan galay shacabka degmada Caabudwaaq, taas oo halisteeda leh, maadaama halkaas ay ka jirto xiisad xoogan iyo dagaallo u dhexeeyo beelaha wada daga halkaasi.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si adag uga hadlay arrintan ayaa dalab culus u gudbiyay baarlamaanka, wuxuuna ugu baaqay inuu guddi u xilsaaro hubka la bililiqeystay, si loo ogaado cidda ka dambeysay falkan.

“Baarlamaanka Soomaaliya indhaha kama sii qabsan karo fashilka iyo foolxumada lagu wajahayo arrimaha difaaca iyo la dagaallanka argagexisada. Waa in guddi madax-bannaan loo saaro baaritaanka dhacdadaan, lana caddeeyo cidda qaadaysa masuuliyadda wixii dhacay” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray warsame.

Sidoo kale wuxuu weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo uu ku dhaliilay inay ka gabeen mas’uuliyadooda, wuxuuna su’aal ka keenay waxa xilligan kusoo beegay hubkan, maadaama la qaaaday cunaqabateyntii hubka ee saarnayd dalka.

Hoose ka akhriso:-

Madaxda laanta fulinta ee Dowladda Federaalka, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waa in ay shacabka Soomaaliyeed u caddeeyaan waxa sababay in hub baaxadaas leh uu galo gacan shacab.

Laga aqbali mayo Xukuumaddu in ay ka dhuumato fashilka masuuliyaddeeda ee xajmigaas leh.

Tani waa natiijo la filan karayey, haddiiba hannaankii iyo hay’adihii  dowladnimo ee heer Gobol iyo Federaal laga weecday, beddelkeedana la doorbiday wado qardajeex ah, macaamil shakhsi ah, iyo marin tahriib.

Soomaaliya waa laga qaaday cunaqabatayntii hubka, mana jirin xiriir nagala dhexeeya Itoobiya, mana dhici karto sabab hub looga soo tahriibiyo. Halkii uu hub u gacan galo shacab, waxaa halis gala nabadda iyo xasiloonida.

Waxaan uga baaqayaa Madaxweynaha in uu kala daayo dawladnimada iyo dhaqanka la isku milayo damaca siyaasada, danaysiga shakhsiga ah iyo macaashka dalaalnimada.

Baarlamaanka Soomaaliya indhaha kama sii qabsan karo fashilka iyo foolxumada lagu wajahayo arrimaha difaaca iyo la dagaallanka argagexisada. Waa in guddi madax-bannaan loo saaro baaritaanka dhacdadaan, lana caddeeyo cidda qaadaysa masuuliyadda wixii dhacay.

PUNTLAND oo si yaableh uga hadashay hubka lagu bililiqeystay Galgaduud

Garoowe  (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa war culus kasoo saartay hubkii shalay lagu qabtay deegaanka Shiilo Madow ee gobolka Galgaduud, kaas oo ay bililiqeysteen maleeshiyaad deegaanka ah, kadib markii laga soo gudbiyay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo si adag uga hadlay hubkan ayaa sheegay inuu khatar weyn ku yahay xasiloonida gobolka iyo Soomaaliya.

Juxa ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in hubkan uu qeyb ka yahay natiijada ka dhalatay qaadista cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, taas oo dhawaan uun lagu guuleystay, wuxuuna tilmaamay inay ahayd tallaabo lagu deg-degay, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad sharci ah, isaga oo sheegay in siyaasad ahaan aan heshiis lagu ahayn midda hadda jirta, sida uu ku dooday.

“Waa khalad weyn in xayiraadda hubka laga qaado dal aan lahayn Dawlad sharci ahaan iyo siyaasad ahaan heshiis lagu yahay. Dal aan sugi karin xuduudiisa, kana wada talin dalkiisa; dadkiisuna heshiis ahayn,” ayuu yiri wasiirka arriaha gudaha maamulka Puntland.

Dhankiisa wasiirka caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab oo isna ka hadlay qaddiyadan ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay hurineyso dagaallo sokeeye oo ka dhaca Puntland iyo Galmudug, maadaama uu sheegay lasoo galiyay hub sharci darro ah.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ujeeddada laga leeyahay ay tahay si aan doorasho iyo isla xisaabtan looga hadlin muddo kororsina uu u helo madaxweyne Xasan Sheikh.

“Hubka gacanta u galay bulshada Caabudwaaq wuxuu ka mid yahay hagardaamooyinka iyo dagaalada sokeeye ee dowladda Federaalku ka waddo Mudug iyo Galgaduud oo hubkaanu ku socdey si loo khalkhalgaliyo nabadda Puntland iyo Galmudug,” ayuu yiri wasiirka Caddaaladda.

Hadalkan wuxuu kusoo aadayaa, ayada oo haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemayo waqooyiga gobolka Galgaduud oo ah halka lagu dhacay hubkan tirada badan oo gaadiid xamuul ah lagu soo geliyay deegaanada Galmudug, balse u gacan u galay shacabka.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo qudheeda war kasoo saartay hubkan waxa ay sheegtay inay dalka soo geliyeen ganacsato, markii markii ay qabtee  ciidamada qaranka waddada loo galay sidaasna lagu boobag hubkaasi.

DF oo war culus kasoo saartay hubka u gacan galay shacabka Caabudwaaq

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saartay hubkii shalay lagu bililiqeystay duleedka magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, kaas oo u gacan galay maleeeshiyaad deegaanka ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha ayaa waxaa lagu sheegay in hay’adaha amniga ay la socdeen hubkaas oo ay sheegtay in si sharci darro ah ay dalka kusoo galiyeen ganacsato, balse markii laga war helay kadib ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka ee ku sugan aagga gobolka Galgaduud.

“Hay’adaha amniga DFS oo si joogta ah ula socda isku dayada hubka sida sharci darrada ah loo soo geliyo dalka ayaa waxay maalintii shalay ay gacanta kusoo dhigeen hub kooxo ka  ganacsata hubka sharci darrada ah kasoo geliyeen dhinaca Itoobiya oo ku beegan gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan oo kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha.

Dowladda Soomaaliya waxa ay intaasi ku dartay in ciidamada amniga oo la wareegay gawaarida ay waddada usii galeen maleeshiyaad hubeysan, kadibna ay u suuragashay inay la wareegaan qaar kamid ah hubka, sida ay ku caddeysay warsaxaafadeedkeeda.

“Laamaha amniga ayaa marka ay gacanta hubka kusoo dhigeen ayaa waxaa jidgooyo u dhigtay maleeshiyaad hubeysan, taasina waxay sababtay in hubka qaar kamid ah uu gacanta u galo maleeshiyaadkaasi” ayaa lasii raaciyay qoraalka

Waxaa kale oo ay dowladdu sheegtay inay ka go’an tahay soo celinta hubkaasi, waxayna ugu baaqday odayaasha deegaanka inay gacan ku siiyaan ciidamada howlgallada ka wada halkaasi, si loo soo qabto maleeshiyaadka oo ay sheegtay inay tallaabo ka qaadi doonto,

“Dowladda Soomaaliya waxa ay ka xuntahay Falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen Maleeshiyaadkaas wadada u galay Ciidanka Qaranka ee ku jiray gudashada waajibaadkooda Qaran, waxaana ka go’an in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dawladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xadgudubka ah” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Si kastaba, xaaladda degmada Caabudwaaq ayaa weli kacsan, inta badan dadka ku nool degmadaas ayaa waxaa gacanta u galay hub aad u badan, waxaana Caabudwaaq iyo deegaanada ku hareereysan ka taagan colaado qabaa’il, xitaa beesha Mareexaan ee degta Caabudwaaq ayaa jifo-jifo u dirirta.

 

Askar ka tirsan NISA oo xukun adag lagu riday maanta kadib markii lagu helay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku riday askar ka tirsan NISA iyo xoogga dalka oo ku eedeysan kiisas dil, afduub iyo dhac.

Dable Xoogga Axmed Maxamed Raage (Qataatow), Dable Nisa Cabdi Axmed Caddow Axmed iyo Dable Nisa Farxaan Aadan Nuur Cilmi ayaa si wadajir ah loogu soo eedeeyey in ay geeysteen dilka marxuum Cabdullaahi Cabdi Isxaaq oo ahaa arday siddeed iyo toban jir ah oo dhiganayey sanadkiisi ugu horreeyey ee dugsiga sare.

Waxaa kale oo diiwaankooda eeda ku jirta afduub iyo bur-burinta gaari uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed oo ay ku fureen rasaas.

Eedeysaneyaasha oo isticmaalayey waxyaabaha maanka dooriya ayaa dilay Marxuum Cabdullaahi Isxaaq oo marayey inta u dhexeyso Deyniile iyo Garasbaaleey, xilli uu la socday saaxiibadiis oo ay wada saarnaayeen Gaari Propox ah. Marxuumka ayaa u geeriyooday rasaas ay eedeeysaneyaasha ku fureen gaariga taariikdu markii ay aheyd 10-kii bisha April ee sanadkaan 2024.

Kahor falkaan waxay si khasab ah ku afduubteen Dhibane C/wahaab Siyaad Jamaal oo wade ka ahaa gaari Nooha oo ah kii lagu horjaray gaariga marxuumka uu saarnaa. Eedeysaneyaasha oo baxsaday dhacdadaan kadib, ayaa gacanta hay’adaha ammaanka oo ku raad-joogay soo galeen maalmo kala duwan oo is xig-xigay.

Baaris dheer kadib xafiiska xeer ilaalinta ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday 6-dii bishaan July.

Garsoorka maxkamadda ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay, Ex-Dable Xoogga Axmed Qataatow iyo Ex-Dable Nisa Cabdi Caddow dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Cabdullaahi Isxaaq, halka Ex-Dable Nisa Farxaan Cilmi lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiye Shuute.

GALMUDUG oo war kasoo saaray hubka lagu bililiqeystay CAABUDWAAQ

0

Dhusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horreysay ka hadlay hubkii ugu badnaa oo shalay laga soo geliyay dhanka Itoobiya, laguna bililiqeystay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Wasiir ku-xigeenka amniga Galmudug Cali Baashi Cabdullaahi ayaa sheegay in maamulka uusan ka war-hayn xogta hubkaasi, ayna gudaha maamulkaasi kusoo galeen inay sideen anteenooyinka isgaarsiinta, isaggoo sheegay inay bilowdeen baaritaanno la xiriira dhacdadaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay baarayaan cidda iska leh hubkaasi, oo hadda u gacan galay shacabka iyo maleeshiyaadka hubeysan ee degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, kuwaasi oo si xoog ah kula degtay.

Baabuurta hubka sidday ayuu sheegay in markii hore lagu sheegay inay sideen anteenooyinka isgaarsiinta, balse mar dambe uu yimid tuhun, kaasi oo keenay in maleeshiyaadka deegaanka ay jid-gooyo ugu dhigtaan deegaanka Shiilo Madow, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal saacado badan qaatay.

“Waxaa wadnaa baaritaan ku saabsan hubkaan cidda iska leh iyo sababata loo soo galiyay Galmudug,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka amniga Galmudug oo sheegay inay walaac aad u weyn ka qabaan hubka gacanta u galay dadka shacabka ah, maadaama uu ka qeyb qaadan karo colaadda gobolka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka uusan xaqiijin karin in hubkaasi ay galbinayeen ama ay ilaalo ka ahaayeen gawaarida hubka sidday, isaggoo ku gaabsaday in wax walba lagu ogaan doono baaritaanka bilowday marka uu soo idlaado.

Iska hor-imaadka dhex-maray maleeshiyaadka deegaanka iyo ilaalada gawaarida hubka sidday ee la furtay ayaa waxaa ka dhashay khasaare horleh, ayada oo ku geeriyoodeen ku dhawaad 20 qof ayaa ku geeriyooday, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay.

Xaaladda degmada Caabudwaaq ayaa weli kacsan, inta badan dadka ku nool degmadaas ayaa waxaa gacanta u galay hub aad u badan, waxaana Caabudwaaq iyo deegaanada ku hareereysan ka taagan colaado qabaa’il, xitaa beesha Mareexaan ee degta Caabudwaaq ayaa jifo-jifo u dirirta.

Sawirro: Jubbaland oo toogasho ku fulisay raggii dilay Sheekh Cumar iyo Ugaas Geedi

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee deegaanada Jubbaland ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Raggan ayaa horay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland uga gaystay dilal kala duwan, waxayna kooxda u qaabilsanaayeen dilalka qorsheysan ee madax-jebinta ah.

Dadka ay horay u dileen ragga maanta la toogtay ayaa waxaa kamid ahaa Sheekh Cumar Maxamed Daahir, Sheekh Cabdullaahi Dalab iyo Ugaas Aadan Maxamed Geedi oo caan ka ahaa magalaada Kismaayo.

Sidoo kale waxay raggaan qaraxyo iyo dilal kale oo deegaanada maamulka Jubbaland ay ka geysteen ayey maxkamaddu ku heshay 5-taas nin, waxaana ugu dambeyntii maanta lagu fuliyey qisaasta dadkii ay dileen.

Horay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sidaan oo kale xukuno dil ah ugu fulisay xubno Shabaab ah diall geystay, kuwaasi oo inta badan kooxda u qaabilsanaa waxa ay ugu yeerto “madax-jebiska”.

Sidoo kale waxay imaaneysa xilli ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay muddooyinkii dambe kordhisay fulinta dilalka toogashada ee ay horay u ridday.

Si kastaba, waxaa weli xabsiyada dowladda ku jira dad dilal geysatay iyo xubno ka tirsan Shabaab oo iyagana sugaya in la geeyo tiirka cadaaladda, maadaama la xukumay.

Al-Shabaab oo sheegasho yaab leh kasoo saartay qarixii Top Coffee

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay qaraxii habeen hore ka dhacay maqaayadda Top Coffee oo ku taalla agagaarka taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay sirdoon iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Kooxda ayaa sheegtay in maqaayadda la bartilmaameedsaday ay ku caweeynayeen howl-waddeeno ka tirsan wasaaradaha, sirdoonka iyo ilaalada xarumaha muhiimka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Qaraxa Al-Shabaab oo u muuqday is-xasuusin iyo inay muujiso in weli Muqdisho ka sameysan karto waxay rabto, maadaama ay bartilmaameedsatay goob ku taalla meel ammaankeeda aad loo ilaaliyo, xilli ay bilihii u dambeeyay reer Muqdisho ka nasteen qaraxyada argagixisada.

Weerarkan ayaa waxaa loo adeegsaday gaari ay kooxda ku soo rareen waxyaabaha qarxa, kaasi oo la dhigay banaanka maqaayadda, sida lagu ogaaday warbixinta hordhaca ah ee Booliska.

Goobta la weeraray ayaa waxaa ciyaar ku daawaneysay qaar kamid ah dhalinyarada caasimadda. Waxaana weerarka uu sababay dhimashada illaa 5 qof iyo dhaawaca 20 kale oo dad shacab ah, sida lagu sheegay war kasoo baxay talisa ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Markii laga soo tago khasaaraha soo gaaray dadkii ku sugnaa maqaayadda la weeraray, waxaa sidoo kale jira khasaare soo gaaray dadkii saarnaa gaadiid Mooto Bajaaj u badan oo marayey jidka, gaar ahaan laamiga isku xira isgoyska Shabeelle ee Daljirka iyo isgoyska Jubba.

Si kastaba, halka uu qaraxani ka dhacay waa goobtii 2021 lagu qarxiyey Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, waxaana laga furay maqaayad cusub oo lagu magacaabo Top Coffee, taas oo xalay iyana la beegsaday.

DF oo dhalleeceyn xooggan kala kulantay tallaabo ay qaaday oo ku gaar ah reer Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Gobolka Banaadir oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 3.5 million waxaa dowladda Federalka uu ka helaa 15% oo kaliya dakhliga Dekedda ,halka 85% dakhliga guud ee dhammaan inta canshuur la qaado uu ku baxo dowladda Federalka ah oo aan ognahay iney matalaad u tahay Soomaali oo idil.

Wasaaradda Maaliyaddu dakhli kama hesho maamulada kale sida:

  • Puntland
  • Somaliland
  • Koofur Galbeed
  • Jubbaland
  • Hirshabeelle
  • Galmudug

Magaalada sidaas canshuurta u bixiso ma jirto wax adeeg ah oo bilaash oo dowladdu bixiso marki laga soo tago Jaamacadda Ummadda iyo Iskuulo waxbarsho oo dowli ah oo qaarkood si billaash lagu dhigto, gaar ahaan Dugsiyada hoose iyo dhexe.

Intaas waxaa u sii dheer mashaariic ay Wasaaradda Maaliyaddu ka warheyso oo dakhligeeda ınta badan bannaanka lagu maamusho oo shirkado gaar ah maamulaan, iyadoo ay dowladda Federaalka ah ay leedahay ku dhawaad 6,000 oo shaqaale rayid ah, haddana howlaha canshurH ıyo adeegyadii ay laheyd waxaa qabta shirkado gaar loo leeyahay.

Haddaba Wasaaraddu iyadoo gabtay wanaajinta maamulka maaliyadda ayaa waxay rabtaa inay khaladkeeda ku qariso inay canshuur dul dhigto dadka reer Muqdisho oo kaliya.

Wasaaradda Maaliyadda ee dowladda Federaalka waa in lagula xisaabtamo oo Maamulka Gobolka Banaadir qorsha cad ka yeeshaa sidii canshuurta loogu celin lahaa ugu yaraan 40% magaalada Caasimadda ah si bulshada degan u hesho adeeg dadweyne iyo Kaabayaal Dhaqaale oo heerkoodu sarreeyo, si canshuurta maalin walba joogtada loogu kordhiyo ay u bixin karaan.

Sidoo kale Wasiirka waxaa laga rabaa inuu dadajiyo sharciga mideynta canshuuraha (Fiscal Federalism Law) taas oo fududeyneyso in dakhliga dowladda kordho ,adeegga dowladduna ugu baaho maamul goboleedyada, si gobol walba wixi uu keensado waxna laga siiyo waxna Federaalka lagu soo celiyo taas oo Muqdisho culeyska hadda saaran ka yareyn karta.

Dhinaca kale khudbadii uu jeediyay Wasiirka Maaliyadda waxaa uu ku dooday inay dalalka deriska ah canshuurtooda gadista (VAT) ay qaadaan 16% iyo ka badan, isaguna uu 5% soo rogay, hase ahaatee waxaa uu Wasiirka indhaha ka qarsanayaa in dalalkaas canshuurta laga qaado loogu fuliyo adeegyo bulsho sida nadaafadda, caafimaadka, waxbarashada, gaadiidka, waddooyin iyo ammaanka oo dadkooda sida ay rabaan iyo goorta ay rabaan shaqeysan karaan.

Xamar jid ma leh jiiro kastaa waa god, luuq walba waxaa taallo isbaaro dowladeed ama mid ciidan oo lacag lagu rabo.

Waxaa kale intaas dheer boqolkiiba shanta 5% ee la rabo in laga qaado ayaa kun jeer ka badan tan dalalkaas waayo 5% waxaa lagu dhuftaa waa dollar oo lama eka 16% oo Shilling Keyna ah ama birta Itoobiya ah, waayo lacag adag ayaa lagu dhuftay tan Soomaaliya.

Laakiin Kenya waxaa loogu dhuftay lacagtooda Kenyan Shilings, waxaa halkaas ka muuqdo farqi aad u weyn, sidaas darteed waa in canshuurta wasaaradda soo rogtay ee iibka lagu qaado 5% Shilling Soomaali, taas indhaha waa laga qabsan karaa marka canshuur ahaan loo qaado Shilinka Soomaaliga oo aan culeys badan ku dareemeyn shacabka Muqdisho.

W/Q: Abdiaziz Golfyare

Dad badan oo lagu laayay weerar lagu qaaday Masjid ku yaalla Cumaan

Muscat (Caasimada Online)Ugu yaraan afar Pakistani ah ayaa lagu dilay, 30 kalena waa lagu dhaawacay toogasho ka dhacday meel u dhow Masaajid Shiicada leeyihiin oo ku yaalla caasimadda dalka Cumaan ee Muscat, sida ay saraakiishu sheegeen Talaadada, taasi oo ah weerar naadir ah oo ka dhacay saldanaddan Khaliijka kale ee xasilloon.

Shiicadu waa dad tiro yar oo ka mid ah shacabka Muslimiinta ah ee Cumaan. Cumaaniyiinta badankood ayaa ah Sunniyiin.

Weerarkan Isniintii lagu qaaday Masjid, oo weli aanay cidna sheegan, ayaa yimid ayada oo Shiicada ay toddobaadkan xusayaan Caashuura, oo ah maalin sanadle ah oo ay u baroordiiqaan geeridii Imaam Xuseen, oo ay aaminsan yihiin inuu xaq u lahaa inuu khilaafadda Islaamka la wareego kadib geeridii Nebiga NNKH.

“Booliska Boqortooyada Cumaan ayaa ka jawaabay fal toogasho ah oo ka dhacay agagaarka masjid ku yaalla deegaanka Al-Waadi Al-Kabiir, ee caasimadda,” ayuu booliisku ku yiri qoraal uu soo saaray.

Booliska ayaa khasaaraha ku sheegay geerida afar qof iyo dhaawaca “dhowr” kale.

Wasaaradda arrimaha dibedda Islamabad ayaa sheegtay in afar qof oo Pakistani ah la dilay, islamarkaana mas’uuliyiinta Cumaan “ay dileen” rag hubeysnaa.

“Afar Pakistani ah ayaa ku shahiiday ka dib markii weerar rasaas oo argagaxa leh lagu qaaday masjidka Cali bin Abii Daalib” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

“30 kale oo Pakistani ah ayaa lagu daweynayaa isbitaallada,” ayay raacisay, iyadoo leh “Dowladda Cumaan way dishay kuwii weerarka soo qaaday.”

Safiirka Pakistan Cimraan Cali ayaa isbitaalka ku booqday qaar ka mid ah dhaawacyada, sida ay safaaraddu soo dhigtay barta bulshada ee X.

Fariin muuqaal ah ayuu Cali ku booriyay shacabka Pakistan inay la shaqeeyaan maamulka Cumaan oo ay ka fogaadaan agagaarka masaajidka la weeraray.

“Saddex ama afar isbitaal ayaan booqday, Allah fadligiis dhammaan dadkii ku dhaawacmay waa badqabaan,” ayuu yiri Cali.

Safaaradda Mareykanka ee Muscat ayaa soo saartay digniin amni ka dib toogashada, waxayna baajisay dhammaan balamaha fiisaha ee Talaadada maanta ah.

“Muwaadiniinta Mareykanka waa inay feejignaadaan, la socdaan wararka gudaha iyo inay raacaan tilmaamaha maamullada maxalliga ah,” safaaradda ayaa sidaas ku soo qortay X.

Maxamed Al-Dayf: Ninka sida weyn u raadiso Israel oo la bartilmaameedsaday

Gaza (Caasimada Online) — Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in duqeyn lagu garaacay deegaanka Al-Mawasi ee Khan Yuunis “in lagu bar-tilmaameedsaday Mohammed Dayf,” oo ah taliyaha guud ee guutada Izz ad-Din al-Qassam, garabka milatari ee Xamaas.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay tobaneeyo qof, kuwa kalena waa lagu dhaawacay xero ay ku jiraan dad barakacayaal ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta.

Ciidamada Israa’iil ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay bartilmaansadeen Mohammed al-Dayf iyo Rafex Salama, kuwaasi oo ka mid ahaa sida ay sheegeen kuwii lahaa qorshayaashii weerarkii 7-dii October.

Warka ka soo baxay ciidamada Israa’iil ayaa intaa ku daray in duqeynta ay ka fuliyeen goob xiran oo ay maamulaan Xamaas, halkaas oo ay sheegeen inay ku sugnaayeen Xamaas oo kaliya balse aysan jirin shacab ah.

“Ma jirto wax xaqiijin ah oo sheegaya in hoggaamiyaha ka tirsan Xamaas Mohammed Dayf lagu dilay duqeynta ka dhacday koonfurta Qasa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo shir jaraa’id qabtay.

Xamaas ayaa dhankeeda sheegtay in “eedaynta Israa’iil inay tahay isku day ay ku qarinayso baaxadda xasuuqii foosha xumaa.” Kooxda ayaa ku tilmaantay duqeynta Al-Mawaasi mid aad u fool xun.

Waa kuma Maxamed Al-Dayf

Maxamed Dayib Almasri, waa Falastiini ku dhashay Qasa sanadkii 1965-tii intii agaas ay gacanta ku hayeen Masar.

Qoyskiisa ayaa ahaa qaxooti sanadkii 1948-dii ka soo barakacay tuulada Al-Qubeyba una guuray Qasa, halkaasoo uu ku soo koray xerada qaxootiga Khan Yuunis, wuxuuna ku sugnaa halkaas noloshiisa oo dhan.

Wuxuu ka soo jeeedaa qoys sabool ah, waxaana uu kala shaqayn jiray aabihiis samaynta alababta guryaha. Waxa kale oo uu sameeyay beer lagu dhaqo digaagga oo uu kaga shaqayn jiray darawalnimo. Mararka qaar Dayf, waxaa uu joojin jiray waxbarashada si uu qoyskiisa ugu caawiyo baahiyaha asaasiga ah.

Muxamed Al-Dayf, waxa lagu naanaysi jiray “Abu Khaled”, naanaystani waxay ka raacday markii uu door jilid ah ka qaatay mid ka mid ahaa riwaayadihii wakhtigii uu jaamacada ku jiray, taas oo ahayd ruwaayadii “The Clown”, taas oo uu ku jilay doorka “Abuu Khaled”.

Sheekada riwaayada ayaa xambaarsanayd nin taariikh lahaa oo noolaa xilligii Umawiyiinta iyo Cabbaasiyiinta.

Waxaa kale oo mararka qaar loogu yeeri jiray sarbeeb ahaan ‘Marti’ oo loola jeeday in qaab nololeedkiisa oo dhan ahaa mid guur guura si uu uga badbaado duqaymaa Israa’iil.

Inkasta oo qoyskiisa ay faqri yihiin, Maxamed Al-Day, f aabihiis ayaa ku adkaystay in carruurtiisu ay waxbarasho helaan.

Wuxuu shahaadada heerka kowaad ka qaatay jaamacada Islaamig aah ee Qasa, halkaas oo uu ku bartay cilmiga fiisigiska, kimisteriga iyo biology-ga. Wuxuu lahaa xiiso sarreeya oo dhank fanka ah intii uu jaamacada dhiganyey.

Ku biiritaankiisii ururka Xamaas

Al-Dayf, intii uu ku guda jiray waxbarashadiisa Jaamacadeed waxa uu ku milmay “fikir Islaami ah”, sidaa awgeed waxa uu ku biiray Ikhwaanul Muslimiinka oo uu ka mid ahaa hawl-wadeenadii ugu caansanaa ee wakhtigaas ka hawl-geli jiray Isbahaysiga Islaamka.

Markii u ururka Xamaas asaasmay sanadkii 1987-dii, Al Dayf, kama laba labayn inuu ku biiro safkeeda hore.

Maamulka Israa’iil ayaa xiray sannadkii 1989-kii, waxaana uu 16 bilood ku qaatay xabsiga isagoo lagu eedeeyay inuu ka tirsanaan jiray ciidamada Xamaas.

Intii uu xabsiga ku jiray xilligaas, Al-Dayf, waxa uu Zakaria Al-Shorbagy iyo Salah Shehadeh kula heshiiyey in la sameeyo dhaqdhaqaaq ka gooni ah Xamaas oo ujeeddadiisu ahayd “qabsashada askarta gumaysiga ,” waxayna ahayd guutada Izz ad-Din al-Qassam.

Markii xabsiga laga sii daayey Dayf, waxaa bilowday dhismaha guutooyinka Izzaadiin Al_Qassam oo u dhismay qaab ciidan ah.

Ka dib, Al-Dayf, waxa uu u guuray Daanta Galbeed isaga iyo tiro ka mid ah madaxda guutooyinka Qassam ee Marinka Qasa, waxaanu ku sugnaa in muddo ah, halkaas oo uu ku kormeeray samaynta laan ka mid ah guutooyinka Qassam ee Daanta Galbeed, waxaanu noqday Hogaamiyeheedii ka dib dilkii Imad Caql 1993kii.

Sannadkii 2000, bilawgiisii maamulka Falastiin ayaa xidhay Mohammed Daif, laakiin wuu baxsaday ama waa la sii daayay wax yar ka dib, sida ay sheegtay Wakaaladda AFP.

Sannadkii 2002-dii, Al-Dayf, waxa uu noqday taliyaha guud ee guutada Izz ad-Din al-Qassam, ka dib markii taliyihii isaga ka horreeyay ee Salah Shehadeh lagu dilay weerar ay Israa’iil fulisay.

Sannadkii 2015-kii, Al-Dayf, ayaa lagu daray liiska Maraykanka ee “argagixisada caalamiga ah”, waxaana bishii December ee la soo dhaafay sidoo kale lagu daray liiska argagixisada Midowga Yurub.

Ninkan ayaa leh taariikh ciidan oo aad u dheer, taasoo soo bilaabatay 1980-meeyadii. Muddo ku dhow 30 sano, ninkan ayaa ka qaybqaatay dhawr hawlgal oo militari oo ka dhan ahaa Israa’iil, oo uu ka bilaabay afduubka askarta iyo weerarrada gantaalaha, waxaana ugu danbeeyey weerarkii 7-dii Oktoobar.

Tan iyo intii uu la waregay guutada ciidamada ee ka tirsan garabka militari ee Xamasa y, Maxamed Dayf, waxaa lagu tiriyaa inuu naqshadeyey hubka ugu caansan ee Xamaas sida gantaalka Qassam, iyo shabakada diyaarisa gododka dhulka hoostiisa ee Qasa.

Godadkan ayaa ah halka la rumeysan yahay in ninkan uu ku qaato inta badan waqtigiisa, isaga oo ka dhuumanaya militariga Israa’iil, isla markaana ka hagaya hawlgalada Xamaas.

Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo ka tirsan Xamaas, ayaa sheegtay in ninkan uu leeyahay sifooyin ay ka mid yihiin go’aan qaadasho , taxadar, xeelado gaara.

Al-Dayf oo tobannaan sano ay Israa’iil ku raad joogtay ayaa waxa u suurta-gashay in uu ka badbaado todobo isku day dil oo isaga lagu bartilmaameesaday kuwaas oo la fuliyay sannadihii 2001,2002,2003,2006,2014 iyo 2021,markii Israa’iil ay isku dayday in ay disho laba jeer.

Balse kii ugu darnaa ee la isku dayey in lagu dilo ayaa dhacay sanadkii 2022-kii kaas oo Dayf, u si mucjiso lahayd uga badbaaday. Weerarkaas waxaa la sheegay inuu ku waayey mid ka mida indhihisa iyadoo Israa’iilna ay sheegtay inu sidoo kale lug ku waayey.

Isha: BBC

TRUMP oo ku dhowaaqay madaxweyne ku-xigeenkiisa – Waa kuma shaqsiga uu xushay?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in J.D. Vance oo ah senator laga soo doorto gobolka Ohio, uu noqon doono madaxweyne ku xigeenkiisa, haddii uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada Mareykanka ee sannadkaan.

“Ka madaxweyne ku xigeen, J.D. wuxuu sii wadi doonaa inuu u dagaallamo dastuurkeenna, wuxuu garab istaagi doonaa ciidamadeenna,” ayuu yiri Trump oo markale u ordaya xilka u sareeya Mareykanka.

Waxa uu intaas kusii daray “J.D Vance wuxuu sameyn doonaa wax walba oo uu kari karo si uu iiga caawiyo in aan Ameerika mar kale ka dhigto mid weyn.”

Vance, oo 39 jir ah, ayaa mar ka mid ahaa dadka sida aadka ah u dhaliila Trump. Sannadkii 2016-kii marki uu Trump u tartamayay doorashadi uu ku guuleystay, wuxuu Vance kamid ahaa dadkii mucaaridksanaa, hase yeeshee wixii markaasi ka danbeeyay wuxuu kamid noqday difaacayaasha daacadda u ah Trump.

Waxyar kaddib marki uu Trump ku dhawaaqay in JD Vance uu u magacaabay madaxweyne ku xigeenkiisa tartanka doorashada, ayuu Vance kasoo dhex muuqday xarunta uu ka socdo shirweynaha qaran ee xisbiga Jamhuuriga ee magaalada Milwaukee, isaga iyo xaaskiisa Usha oo ah ah gabadh asal ahaan kasoo jeeda Hindiya.

J.D. Vance ayaa ku dhashay kuna koray magaalada Middletown ee gobolka Ohio. Wuxuu kamid noqday ciidanka badda Mareykanka, isaga oo kasoo dagaallamay dalka Ciraq.

Wuxuu markii danbe wax ka bartay jaamacadaha Ohio State iyo Yale, ka hor inta uusan galin siyaasadda sannadkii 2020-kii. Isaga oo sannadki 2022-kii loo doortay mudane ka tirsan Golaha Senatka Mareykanka oo uu kasoo galay gobolka Ohio.

Xog xasaasi ah: Hub laga keenay Itoobiya oo lagu bililiqeystay Caabudwaaq

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Shacabka iyo maleeshiyaadka hubeysan ee degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa bililiqeystay hubkii ugu badnaa oo dhanka Itoobiya laga soo geliyey deegaanada Galmudug, kadib markii ay jidka u istaageen gaadiidkii waday.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, ugu yaraan 3 gaari oo nooca xamuulka qaada ah ayaa lagu waday hubkaas, waxaana laga keenay gudaha dalka Itoobiya.

Si rasmi ah looma oga cidda iska leh hubkaas, balse xogaha hoose ee Caasimada Online ay heleyso waxay sheegayaan in siyaasiyiin reer Galmudug ay soo iibsadeen, isla markaana ay doonayeen inay geystaan Dhuusamareeb oo doorashada soo socota ee Galmudug ay ku boobaan.

Ragga hubkaas iska leh oo dhowr group ah, waxaa la sheegay inay u badan yihiin kooxdii Nabad iyo Nolol, waxaana hubkaan gudaha Itoobiya ka soo iibiyey Kulane Jiis oo ka mid ah xildhibaanadii kuraasta soo boobay, sida ay noo xaqiijiyeen xubno xog ogaal ah.

Taliyaha Nabad Sugidda Qaranka ee qeybta Galmudug ayaa hubkaas u diray ciidan ka soo gudbiya deegaanada u dhaxeeya Dhuusamareeb ilaa xaduuda Itoobiya, balse maleeshiyaad aad u hubeysan ayaa u galay duleedka Caabudwaaq, waxaana halkaas ka dhacay dagaal looga taag-roonaaday ciidankii hubka gelbinayey ee NISA.

Askar badan ayaa laga dilay ciidanka NISA ee gelbinayey gaadiidkii hubka siday, waxaana maleeshiyaadkii u suurtagashay inay la wareegaan gaadiidkii hubka ka keenay dhanka Itoobiya, intaas kadibna waxaa bilaabatay bililiqo culus.

Hubkii uu siday gaadiidkaas ee ciidanka NISA ay gelbinayeen oo u badnaa AK47, BKM, Dhashiike iyo Bistoolado ayaa gacanta u galay maleeshiyaadka, kuwaas oo muuqaalo iska soo duubay iyagoo hubka kala boobaya, isla markaana ula firxanaya dhanka magaalada.

Xogaha ay Caasimada Online heleyso waxay intaas ku darayaan in dowladda federaalka aysan waxba kala socon hubkaas laga soo daabulay gudaha dalka Itoobiya ee galabta lagu bililiqeystay duleedka Caabudwaaq.

Taliyaha NISA ee Galmudug ayaa caawa loo heystaa sababta uu ciidan soo gudbiya ugu diray hubkaas, si gudaha dalka loo soo geliyo, isagoo aan la wadaagin Taliska guud ee hey’adda NISA, Taliyaha oo lagu magacaabo Feysal Caanood wuxuu ka soo jeedaa isla Caabudwaaq.

Xaaladda degmada Caabudwaaq ayaa caawa kacsan, inta badan dadka ku nool degmadaas waxaa gacanta u galay hub aad u badan, waxaana Caabudwaaq iyo deegaanada ku hareereysan ka taagan colaado qabaa’il, xitaa beesha Mareexaan ee degta Caabudwaaq ayaa jifo-jifo u dirirta.

Dhinaca kale, Dhuusamareeb oo ay joogaan siyaasiyiintii loo waday hubkaas ayuu caawa ka taagan yahay guux badan oo siyaasadeed, wararka soo baxaya waxay sheegayaan in Madaxweyne Qoor Qoor uu wax ka ogyahay hubkaas laga keenay Itoobiya ee loo soo waday Dhuusamareeb, balse lagu dhacay Caabudwaaq.

Ma jiro hal siyaasi oo ku dhiiran kara in milkiyadda hubkaas uu sheegto, waxayna caawa xaaladu ku cakiran tahay ragii lahaa hubkaas oo ku cayrtoobay, halka sarkaalkii ugu sareeyey NISA ee wax ka ogaa ay DF u heysato sababta uu u qariyey xogta hubkaas ee hadana uu ciidan soo gelbiya ugu diray.

DF oo war rasmi ah ka soo saartay khasaaraha dagaal maanta lagu laayey Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saartay dagaal galabta lagu laayey Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Galgaduud, gaar ahaan dhulka miyiga ah ee u dhaxeeya deegaanada Mesegawaay iyo Cawsweyne, halkaas oo lagu weeraray Shabaab is uruursanayey.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta DF:

In ka badan 50 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen Ciidanka Qaranka, Geesiyaasha Dadka Deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka, kaasi oo ka dhacay deegaanka Dhabaqle oo ku yaala inta u dhaxaysa magaalada Masagaway iyo deegaanka Cawsweyne ee gobalka Galgaduud.

Xubnaha lagu laayay howlgalkaan ayaa isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah, waxaana howlgalku uu ka danbeeyay ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada degaanka ay heleen xogta cadowga oo isku aruursanayay halkaas.

Geesiyaasha Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa hadda ku sugan goobihii dagaalku ka dhacay, iyadoo wali lagu raad joogo maleeshiyaad fara ku tiris ah oo isku dayaya inay naftooda la baxsadaan.

Dhanka kale, maalmihii ugu danbeeyay Ciidanka Xoogga Dalka oo ay garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed waxay cadowga jab xoogan ku gaarsiiyeen deegaanka Beerayabaal oo hoostaga degmada Buulo Burde ee gobalka Hiiraan, iyagoo sidoo kale gacanta ku dhigay deegaanno ka tirsan Jubbooyinka kuwaas oo hadda shacabka ku nool ay gaartay neecawda dowladnimada.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta nafla caariga ah ee duulaanka ku ah dalkeena, dadkeena iyo diinteena.

DF oo qaaday tallaabo culus la xiriirta weerarkii Xabsiga Dhexe ee Xamar + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo kale o oculus, wuxuuna shaqada ka joojiyey oo baaritaan u diray Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Xamar Jeneraal Daahir Cabdulle Raage, talaabadaan ayaa salka ku heysa weerarkii ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe maalin ka hor.

Taliyaha ayaa Xabsiga Dhexe si ku meel gaar ah ugu magacaabay sarkaal lagu magacaabo Jeneraal Maxamed Xuseen Axmed, Sidoo kale Taliska Asluubta ayaa ka tacsiyeeyey wixii dhacay 13-kii bishaan.

Dhinaca kale, Taliyaha Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa magacaabay guddi baaris oo dhinacyo badan leh, kuwaas oo warbixin ka keeni doona sidii uu u dhacay weerarkii Xabsiga Dhexe.

Guddiga baaritaanka kiiskaas loo xil-saaray waxaa guddoomiye looga dhigay Jeneraal Maxamed Xuseen Axmed, iyadoo ku xigeen looga dhigay G/Sare Xasan Kulmiye, dhamaan xubnaha guddigaan ayaa ah saraakiil ciidan.

Saraakiisha soo baareysa kiiskaas ayaa ka kala tirsan Booliska, Asluubta iyo maxkamadaha ciidamada, waxaana bilaabatay barista kiiskaas oo ahaa mid aad looga argaagaxay khasaare badana geystay.

Shan maxbuus oo kuwii weerarka fuliyey ah ayaa la dilay, halka ayaguna ay dileen 3 askar, sidoo kale waxaa dhaawacmay 18 maxbuus iyo 3 askari, xaaladda xabsiga ayaa qalqal gashay, muddo saacado ah.

Ragga weerarka geystay dhamaantood waxay ku xukunaayeen dil toogasho ah, waxayna ka tirsanaayeen Al-Shabaab, balse waxay isku dayeen inay baxsadaan.

Baaritaanka socda waxaa lagu ogaanayaa sidii ay hubka ku heleen ragaas oo ku xiraa qeybta dadka ku eedeysan denbiyada culus ama dil sugayaasha ah.

Hoos ka daawo

50 Al-Shabaab ah oo lagu dilay dagaalkii ugu cuslaa oo galabta ka dhacay Galgaduud

0

Mesegawaay (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee gobolka Galgaduud ayaa galabta Khawaarijta ku qaaday weerar culus oo ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Cawsweyne iyo Mesegawaay, waxaana dhacay dagaalkii ugu cuslaa.

Muuqaal ay soo duubeen askarta dagaalka ku jirtay ayaa muujinaya in gacanta la isula tegay oo dagaal la isku riiqmay uu ka dhacay goobta, waxaana goobihii lagu dagaalamay la wareegay ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Dayax Cabdi oo la hadlay TV-ga dowladda ayaa sheegay in tirada Shabaab-ka lagu dilay dagaalkii galabta uu kor u dhaafayo 50 xubnood.

Taliyaha ayaa sheegay inay ka war-heleen in Shabaab ay isku uruursanayaan dhulka howdka ah ee bariga gobolka Galgaduud, isla markaana ay ku waadeen weerar culus.

“Dhagarqabayaasha la dilay waxaa ka mid ah Horjooge Xuseen Cali oo ahaa nin caanka ah oo hoggaamiya jabhadaha, shartiisa maanta ayaan soo afjarnay, sidoo kale Horjooge Ayman oo ka mid ahaa dhagarqabayaasha dadka dhibay ayaa dhaawac culus ah,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka.

Al-Shabaab oo galabta lagu jebiyey dagaalkii dhacay ayaa la sheegay inay u firxadeen dhanka deegaanka Cawsweyne ee gobolka Galgaduud.

Xogaha madaxa-banaan ee Caasimada Online ay ka heshay dagaalkaas waxay sheegeysaa in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka dhaawacmeen 8 askari, kuwaas oo diyaarad ciidanka looga soo qaaday goobtii dagaalka.

Waxaa aad u yaraa khasaraha gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, markii la eego kan gaaray Al-Shabaab oo halkaas uga cararay meydad tiro beel ah.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka dhulka ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaal maalintii labaad ka socda deegaanka Beerayabaal ee gobolka Hiiraan, wuxuuna sheegay in maanta lagu guuleystay in Shabaab dhanka galbeed loo dhaafiyo Wabiga Shabeelle.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Wasiirka Maaliyadda oo lugaha la galay fadeexad hor leh kadib mashruuc uu…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa lugaha la galay faddeexad horleh kadib markii ay soo baxday inuu siyaasadeeyay mashruuc muhiim u ah caasimadda.

Mashruucan oo ah mid wax looga qabanayo biyo-mareennada magaalada Muqdisho si xal loogu helo saamaynta roobabka ku keenaan caasimadda ayuu maanta sheegay inay xukuumadda bilowday iyada oo ka duuleysa in shacabka Muqdisho dib loogu celiyo canshuurtooda.

Mashruucan ayaa waxaa soo baxday in aysan wax dhaqaale ah uga baxeyn dowladda, oo uu yahay mashruuc deeq ah, waxaana lacagtiisa bixinayo Bangiga Adduunka, sida uu shaaciyay agaasimaha guud ee waaxda qorsheynta gobolka Banaadir.

Agaasime Cabdiqaadir Dalxa ayaa hadalka wasiirka ku tilmaamay mid lagu marin-habaabinayo shacabka, islamarkaana aysan jirin lacag cayiman oo ay dowladda dhexe bixinayso oo ku aadan mashruucan, uuna yahay deeq Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda oo tan iyo markii uu ku dhowaaqay in lasoo rogay canshuur cusub oo iibka, taas oo dhan 5%, lagana jaranayo lacagaha qofku ka diro Evc, eDahab iyo Wallet-yada ayaa la kulmayey dhalleeceyn xooggan, wuxuuna hadda lugaha la galay faddeexad horleh, maadaama uu siyaasadeeyay mashruuc deeq ah oo uuna ka been abuuray.

Hoos ka aqriso qoraalka agaasimaha ku beeniyay sheegashada wasiirka maaliyadda

Ma jecleyn in aan ka falceliyo warka Wasiirka Maaliyadda ee Dawladda dhexe ee Fadaraalka balse Waxaa lagama maarmaan ah in aan ilaalino dhagaha dadkeena dagan Banaadir oo aan la marin habaabin.

Wasiirka mashruuca uu sheegay ee biyo mareenada wax looga qabanayo waa DEEQ lacageed ee uu bixinayo Bank ga Adduunka (Somali Urban Resilience Project-SURP-PH2 under World Bank) qaabka mashaariicda ah ee lagu taageero Soomaaliya ee ma jirto lacag cayiman oo ay Dawladda dhexe bixinayso oo ka muuqato Miisaaniyadda 2024 balse waxa ay ugu jirtaa Miisaaniyadda Dawladda dhexe DEEQ bank ga Aduunka ah.

Doodda dadka Muqdisho ay qabaan ayaa ah in lacagaha Canshuuraha faraha badan oo ay Dawladda dhexe ka aruuriso barriga magaalo madaxda (Inland tax- Ganacsiga, Guryaha iyo Gaadiidka) ay ka bixiso qoondo lacageed oo lagu celsho dadka Muqdisho waxna looga qabto Dib u dhiska, adeegyada bulshada iyo shaqo abuurka.

Marka Waxaan codsanaynaa in uu Wasiirka noo sheego qoondada miisaaniyadeed ee Canshuurta bariga oo ay Dawladda dhexe Ku celinayso Muqdisho maadama iyada laga aruuriyay oo aysan jirin magaalo kale oo Soomaaliya ah oo ay Dawladda dhexe Canshuur ka aruuriso.