24.8 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Goobo kooxda Al-Shabaab ay ku qoranayeen dagaal-yahaano oo la bur-buriyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howl-gal culus ka fuliyey deegaanada dhaca dhulka howdka ah ee kala qeybiya gobollada Baay iyo Bakool.

Howl-galkan oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayey ciidanka ku bur-buriyeen goobo ay kooxda ku qoran jirtay dagaal-yahaannada cusub, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka oo hoggaaminayay howl-galka.

Sidoo kale waxaa howl-galka lagu nadiifiyay deegaano ay dadka shacabka ah ee mara wadooyinka isku xira gobollada Baay, Bakool iyo Gedo ay ku baadi jirtay kooxda Al-Shabaab.

Taliye Dhamme Axmed Sheekh ayaa sidoo kale waxa uu warbaahinta dowladda u sheegay inay kusii raad-joogaan firxadka kooxda, islamarkaana ay sii socon doonaan howl-gallada.

Laba maalin kahor ayey aheyd markii ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda ay howlgal culus ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, halkaasi uu dagaal toos ah ku dhexmaray ciidanka iyo Al-Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dhuumaaleysi kusoo galay deegaanka Beerayabaal ee gobolkaasi, waxayna dowladda sheegtay in lagu dilay ugu yaraan 10 ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana lagu gaarsiiyay khasaaare kale oo aad u culus.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo lagu doonayo in maleeshiyaadka Al-Shabaab, si looga saaro deegaanada ay weli ku harsan yihiin, xilli uu dhawaan si rasmi ah u bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka.

Swan oo u kala dab qaadaya Xasan Sheekh iyo Deni + Qodobbada ugu adag

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda u dhaxeysa hoggaamiyaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labo sano jirsatay.

Labada nin ayaa iskaga soo dhawaanin wax siyaasad iyo wada-shaqeyn ah, tan iyo markii Xasan Sheekh uu ka baxay ballankii ahaa in ra’iisul wasaaraha la siiyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Ergeyga cusub ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire James Swan ayaa shalay tegay magaalada Garoowe, waxaana isaga iyo Saciid Deni ka wada-hadleen xaaladaha guud ee dalka, gaar ahaan khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland, oo runtiisa ay tahay khilaaf Xasan Sheekh iyo Saciid Deni.

James Swan oo faham fiican ka haysta siyaasadda Soomaaliya ayaa kulankaasi kadib ku baaqay inay muhiim tahay in la xaliyo khilaafka labada dhinac, taas oo ay dan-weyn ugu jirto dowladnimada Soomaaliya iyo hore u socodka dalka.

Wuxuu ugu baaqay labada dhinac inay dib u bilaaban wada-hadaladdii xalka doonka ahaa. Dhowr jeer oo hore oo la isku dayay in Deni iyo Xasan Sheekh la isku soo jiid-jiido ayaa waxba ka suurtoobin, laakiin hadda xoguhu waxay sheegayaan inuu James Swan billaabayo u kala dab-qaadida labada dhinac, uuna rejo fiican qabo.

Khilaafka hadda halkii hore waa ka dhowyahay oo Deni hadda waa ka baxday doonistii kursiga ra’iisul wasaaraha oo wuxuu dib u helay kursigii madaxtinimada Puntland, kaas oo uu shaqo badan ku qabsan karo inta uu ku jiro ololaha doorashada madaxtinimada Soomaaliya, oo uu rajeynayo inuu ka qeyb-gali doono markiisi saddexaad doorashada 2026.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa waxay aaminsan yihiin in maqnaashaha Saciid Deni ay wax badan u qabsoomayaan, laakiin waxyaabahaasi ma ahan kuwo guud oo dalka anfacaaya, dalkana uma wanaagsana in dano kooxeed iyo kuwo shaqsiyadeed khilaaf loo geliyo.

Waxaa la aaminsan yahay inuu Danjire James Swan wax badan isku soo jiid-jiidi karo labada nin, laakiin labada arrimood ee ugu adag haddana ugu muhiimsan waxay noqon doonaan arrinta doorashada iyo midda dastuurka.

Labadaasi qodob mid Saciid Deni wuxuu ku metelayaa reer Puntland waana midda dastuurka, midna naftiisa ayuu ku metelayaa waana nooca doorashada.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku adkeysanayaa inuu qaban karo doorasho qof iyo cod ah, waxaase loo arkaa dood madax furasho ah oo lagu raadinayo muddo kororsi balse aan la socon waaqica maanta yaalla Soomaaliya.

Halka kooxaha mucaaradka ah iyo dadka damaca doorashada qaba sida Saciid Deni ay ku doodayaan in uusan dalka hadda taas u diyaarsaneyn beddelkeedana ay muhiim tahay in si dhab ah looga heshiiyo nuuca doorashada la qaban karo, iyada oo marwalba la ilaalinayo waqtiga doorashada oo ah 15-ka May 2026.

Saciid Deni iyo Xasan Sheekh waxaa dhowr jeer loogu baaqay inay dalka iyo dowladnimada u tanaasulan oo ay khilaafkooda shaqsiga ah xal u beddelaan.

Itoobiya oo qaaday tallaabadi 1-aad ee cilaaqadka cusub ee Somaliland – Maxay tahay?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markii koowaad qaaday wax muujinaya inay Somaliland iyo iyagu aad iskugu dhow yihiin marxaladdan cusub.

Addis Ababa ayaa heshiis buuq badan dhaliyay la gashay Somailand horraantii sanadkaan. Laakiin illaa xilligaas taliska Abiy Axmed kuma dhaqaaqin wax muujinaya halka ay ka taagan tahay Somaliland.

Waxaa magaalada Wajaale laga qaaday ku dhowaad 2,000 oo askari oo reer Somaliland ah, kuwaas oo ay dowladda Itoobiya u diyaarineyso si gaar ah.

Waa ciidankii ugu badnaa oo Somaliland u hesho tababar dibadda ah. Somaliland oo hadda xaalka siyaasadda ku adag yahay markii ay fooda dartay Jabuuti, dhinaca kalena laga qabsaday magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xooga saareysa inay Itoobiya ka dhabeyso heshiiskii 1-dii Janaayo.

Inay ciidan ahaan dib isu abaabuleyso Somaliland ayaa muuqata hadda, laakiin taas waxaa ka horeysa waxay noqon doonto natiijada doorashada soo aadan ee Somaliland, taas oo dhaceysa bisha Novermber ee sanadkaan.

Inta ka horeysa tallaabooyin waaweyn ma qaadi karaan. Dadka arrimahan isha ku haya waxay leeyihiin Itoobiya ciidanka ay tababarka u qaaday waxay ugu tala-gashay inay Somaliland kusii aamusiiso illaa ay meel u dhacayaan wada-hadallada ay kula jirto dowladda federaalka Soomaaliya oo wejigooda labaad uu Turkiga ka dhici doono horraanta bisha September ee sanadkaan.

Dadka reer Somaliland waxay sugayeen fulinta wixii Muuse Biixi u sheegay oo aheyd in Itoobiya u bareeri doonto aqoonsiga Somaliland, mana u badna in tababar ciidan looga qanci karo, dadkuna badi waa fahamsan yihiin in Itoobiyaanka ay tallaabooyinka noocaan ah ula jeedaan seeta-dheereysi.

Si walba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna waxay dhinaca kale xoog badan gelinaysaa in guud lasoo afjaro heshiiskaas, oo meesha laga saaro, ayna Itoobiya kala hadasho Muqdisho sida loo wadaagi karo fursaddo ganacsi oo xagga badda ah, taas oo soo afjareysa ama meesha ka saareysa qaadashada qeyb kamid ah biyaha Waqooyi ee Soomaaliya.

Dad badan oo reer Somaliland oo markii hore aad ugu qanacsanaa is-afgaradka ama rejo badan ka qabay ayaa hadda kasoo dhacay halka ay markii hore joogeen, waxaana u sabab ah fahamkooda cusub ama inay arkeen sida Itoobiya wax u rabto iyo sida ay madaxda Somaliland sheegteen inay aad u kala duwan yihiin.

Warbixinta maaliyadda oo lasoo bandhigay iyo halka ay aado lacagta u badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad lagu soo bandhigayay warbixinta maamulka maaliyadda dalka ayaa maanta ka qabsoomtay magaalada Muqdisho, taasi oo uu ka qeyb-galay ra’iisul wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre.

Warbixinta oo ka hadleysa guulihii laga gaaray hannaanka maaliyadda dalka 10-kii sano ee lasoo dhaafay, ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay halka ay aado lacagta u badan ee laga qaado shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige oo kulanka ka hadlay ayaa shaaciyay in canshuurta laga qaado shacabka Soomaaliyeed ay badankeed ama illaa 70% lagu bixiyo amniga dalkeenna.

Wasiirka ayaa sheegay in sanadihii lasoo dhaafay dalka uu sameeyay kobac dhaqaale, balsa aya wax badan dhiman yihiin, isaggoo tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho ay xaq u leeyihiin in cashuurta laga qaado wax loogu qabto.

Iyadoo taas laga duulayana ay xukuumadda bilowday mashruuc wax looga qabanayo biyo-mareennada magaalada, si xal loogu helo saamaynta roobabku ku keenaan magaalada Muqdisho.

“Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho waxa ay xaq u leeyihiin in cashuurta laga qaado wax loogu qabto, annaga oo taas ka duuleyna ayay xukuumaddu bilowday mashruuc wax looga qabanayo biyo-mareennada magaalada si xal loogu helo saamaynta roobabku ku keenaan magaalada Muqdisho,” ayuu yiri wasiir Biixi Iimaan.

Dhinaca kale, agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyada XFS oo ka warbixiyay soo bandhigista warbixinta maamulka maaliyadda ee (2013-2023) ayaa sheegay in warbixintaan ay soo kobeeyso mudda 10-sano ah waxyaabihii qabsoomay.

Warbixinta ayuu sidoo kale sheegay inay qeyb ka tahay caqabadihii jiray sida looga gudbi karo, wuxuuna xusay in mudadaasi waxa badan laga qabtay habka maamulka maaliyadda ee dalka.

QARAXII xalay ka dhacay maqaayada Top Coffee oo muujiyay hal arrin oo halis ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xoogleh ayaa ka dhalaTay weerarkii xooganaa ismiidaaminta ahaa ee ay xalay Al-Shabaab ka gaysteen magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan maqaayadda Top Coffee oo ku taalla gudaha degmada Boondheere, kaas oo muujiyay hal arrin oo halis ah oo ka lahayd kooxda Al-Shabaab ee soo maleegtay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in weerarkan uu muujinao cadaawad uu sheegay in Khawaarijta u qabto dhalinyarada iyo ganacsatada Soomaaliyeed, marka loo eegto goobta ay beegsatay.

“Weerarkan wuxuu muujinayaa cadaawadda kooxaha argagixisada ay u qabaan dhallinyaradeenna oo ah mustaqbalka dalka iyo ganacsatada maalgashiga ku sameystay dalka,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee dalka.

Sidoo kale wuxuu si adag u cambaareeyay falkan argagixiso, isaga oo tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhintay qaraxaas, kuwa dhaawaca ahna uu u rajeeyay caafimaad buuxa.

“Waxaan cambaareynayaa weerarka wuxuushnimada ah ee lagu beegsaday dhallinyarada ku fiidsaneysay Makhaayadda Top Coffee ee magaalada Muqdisho”. ayuu yiri mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan dhammaan murugada la qeybsanayaa Eheladda Dadka waxyeelada ee ka soo gaartay weerarka caawa. Inta ku dhimatay Illaahay ha u naxariisto kuwa dhaawacana Rabbi caafimaad deg deg ha siiyo”.

Dhankiisa Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo isna qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in qaraxa ay ka dambeeyeen Al-Shabaab uu muujinayo sida ay cadow ugu yihiin nabadda iyo xasiloonida guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

“Allaha u naxariisto dadkii caawa ku shahiiday qaraxii ay argagexisada AS ka gaysteen maqaaxida Top Coffee. Sawirrada halkan ka muuqda waxay muujinayaan sida argagexisada AS ay cadaw ugu yihiin nabadda iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa reer Muqdisho. Waa in cadawga arxan la’aanta ah meel uga soo wada jeesanaa”. ayuu yiri.

Weerarkan ayaa sababay dhimashada illaa 5 qof iyo dhaawaca 20 kale oo dad shacab ah, sida lagu sheegay war kasoo baxay talisa ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Maamulka gobolka Banaadir oo tallaabo qaaday kadib qaraxii xalay ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir oo tallaabadii ugu horreysay qaaday, kadib weerarkii ismiidaaminta ee xalay ka dhacay maqaayadda Top Coffee oo ku taal degmada Boondheere ayaa saaka howlo nadiifin ah ka bilaabay halkaasi.

Agaasime ku xigeenka waaxda nadaafada gobolka Banaadir oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku howlan yihiin nadiifinta goobta ay mashaqadu ka dhacday oo dad badan ay ku dhinteen, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen, sidoo kale uu ka dhashay burbur xoogan.

“Waad aragtaan meeshaan waa meeshii ay musiibada ka dhacday xalay, illaa saaka maamulka gobolka Banaadir uma kala harin, waaxda nadaafadda iyo dhamaan gurmadka xalay oo dhan waa taagnayn, haddana waxaan rabnaa musiibadan dhancday inaan meesha ka nadiifino” ayuu yiri agaasime ku xigeenka waaxda nadaafada gobolka Banaadir.

Ujeedka waxa uu tilmaamay inuu yahay in waddadaas la furo, isla markaana ay halkeeda kasii socoto shaqo maalmeedkii ka jiray halkaasi.

“Waxaa nadiifineynaa goobta, si ay shaqada halkeeda uga sii socoto waxaan ku jiraa hadda howshii oo gabagab noo ah” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Sida uu warka igu soo gaaray khasaaraha wuu yasiran yahay meesha sidii loo maleynaayay waxba ugama dhicin”.

Qaraxan oo ahaa ismiidaamin ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab, waxaana lala eegtay dad badan ku fiidsanayay maqaayadda la qarxiyay.

Taliska ciidanka Booliska Soomaliya wuxuu warbixinta hordhaca ah ku sheegay in 5-qof ay ku geeriyoodeen, ku dhowaad 20 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaas, sidoo kale waxaa jira gaadiid iyo goobo ganacsi oo ku burburay qaraxa.

Waxaa sidoo kale weli socota qiimeynta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas, sida ay qortay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan.

Markii laga soo tago khasaaraha baaxada leh ee gaaray dadkii ku sugnaa maqaayadda la weeraray, wuxuu khasaare badan soo gaaray dadkii saaraa gaadiid Mooto Bajaaj u badan oo marayey jidka, gaar ahaan laamiga isku xira isgoyska Shabeelle ee Daljirka iyo isgoyska Jubba.

Si kastaba, halka uu qaraxani ka dhacay waa goobtii 2021 lagu qarxiyey Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, waxaana laga furay maqaayad cusub oo lagu magacaabo Top Coffee, taas oo xalay iyana la beegsaday.

Deni oo xilal u magacaabaya shaqsiyaad ka soo jeeda degaanada Koonfur Galbeed

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa shaaca ka qaaday in dadka kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ee ku dhaqan Puntland ay lee yihiin xuquuq lamid ah bulshada deegaanka.

Deni ayaa si weyn u diiday in dadkaasi loogu yeero barakacayaal, wuxuuna tilmaamay in mar hore ay liiskaas ka saartay dowlad goboleedka Puntland.

Sidoo kale wuxuu ballan qaaday  inuu xilal siyaasadeed u magacaabi doono shaqsiyaad ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo ku sugan deegaanada Puntland, si ay talada wax ugu yeeshaan.

“Anigu ma oranaayo dadka Koonfur Galbeed, waa dadka reer Puntland, kelmadda barakaca iyagaa ku celcelya annaga waa horaan ka saarnay, wixii ay ka helaan xilalka la dooranayo waa meesheeda laakiin waxaan balan qaadayaa dowladda inay wax ka heli doonaan doorashada markay dhammaato dadka la magacaabayo ayeyna qayb ka ahaan doonaan” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni.

Horay ayay usoo socotay arrintan, waxaana jira qorshayaal soo socday oo ku aadan sidii ay xubno maamulka Puntland ugu yeelan lahaayeen dadka soo jeeda Koonfur Galbeed ee ku dhaqan magaalooyinka maamulkaas oo ay ku leeyihiin ganacsiyo kala duwan uyo guryo.

Waxaa kale oo jira xubno siyaasiyiin ah oo hadda ku jira ururada siyaasadda ee Puntland, kwuaas oo rajo ka qaba doorashooyinka deegaanka ee ka dhacaya Puntland.

Hadalkaan ayaa madaxweyne Saciid Deni waxa uu ka sheegay munaasabad qayb ka ahayd ololaha cod raadinta xisbigiisa ee doorashada golayaasha deegaanka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiraan oo dhowaan qabsoomi doonta, kuwaas oo loogu jiro loolan aad u xoogan

Mid ka mid ah dhalinyaradii ka badbaaday qaraxii xalay oo xog xasaasi ah bixiyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo qarax ismiidaamin ahaa oo xalay kooxda Al-Shabaab ka fulisay magaalada Muqdisho, kaas oo lala eegtay dad badan oo ku sugnaa maqaayad ku taalla gudaha degmada Boondheere.

Cumar Xuseen oo kamid ah dadkii ku sugnaa maqaayadaas oo lagu magacaabo Top Coffee ayaa bixiyay xog ku aadan sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in isaga iyo asaxaabtiisa ay goobta ku sugnaayeen xilliga uu dhacaya qaraxa oo gaari loo adeegsaday.

“Xalay meeshaan waxaa ka dhacay musiibo aad u wayn qaraxa wuxuu dhacay abaare 10:00 haeenimo runtii meesha waa ku shaaxeyneynay sida idin muuqato qarax wayn ayaa halkan ka dhacay waxaana ka dhashay khasaare kala duwan” ayuu yiri Cumar Xuseen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in goobta ay u dhinteen qaar kamid ah saaxibadiisii oo ay wada joogeen, halka ku kalena ay ku dhaawacmeen, balse uu isagu badbaaday.

“Tiro badan oo kamid asxaabteyda meeshan way ku geeriyootay ilaahey ha u naxariisto, kuwa kalena way ku dhaawacmeen” ayuu mar kale yiri Cumar Xuseen.

Waxaa kale oo uu yiri “Maqaayaddu waxay ahayd maqaayad iska caad ah oo dhalinyarada iyo dadka kaleba ay ku shaaxeeyaan, waxayna ahayd maqaayadda ugu caansan degmada Boondheere”.

Taliska ciidanka Booliska Soomaliya wuxuu warbixinta hordhaca ah ku sheegay in 5-qof ay ku geeriyoodeen, ku dhowaad 20 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaas, sidoo kale waxaa jira gaadiid iyo goobo ganacsi oo ku burburay qaraxa.

Waxaa sidoo kale weli socota qiimeynta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas, sida ay qortay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan.

Markii laga soo tago khasaaraha baaxada leh ee gaaray dadkii ku sugnaa maqaayadda la weeraray, wuxuu khasaare badan soo gaaray dadkii saaraa gaadiid Mooto Bajaaj u badan oo marayey jidka, gaar ahaan laamiga isku xira isgoyska Shabeelle ee Daljirka iyo isgoyska Jubba.

Si kastaba, halka uu qaraxani ka dhacay waa goobtii 2021 lagu qarxiyey Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, waxaana laga furay maqaayad cusub oo lagu magacaabo Top Coffee, taas oo xalay iyana la beegsaday.

Baarlamanka oo war culus kasoo saaray weeraradii Top Coffee iyo Xabsiga Dhexe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdirsaaaq Ciid oo ku hadlayay afka Baarlamaanka Soomaaliyeed oo uu xubin ka yahay ayaa si kulul uga hadlay weeraradii ugu dambeeyay 72 saac ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay khasaare xoogan.

Xildhibaanka oo ka hadlayay qaraxii xalay ka dhacay Maqaayadda Top Coffee iyo weerarkii ka horreeyay ee xabsiga dhexe ayaa sheegay in ay yihiin wax aan loo dulqaadan karin, wuxuuna tilmaamay inay muujinayaan inuu faraha kasii baxay amniga caasimada dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka baarlamaan ahaan ay dalbanayaan isla xisaabtan dhab ah, si ay cid u qaadato mas’uuliyiinta dhibaatooyinkaasi dhacay.

“Runtii wax mar walba qalad ah oo wax loo dulqaadan karo ahayn inuu fal dambiyeen dhacdo dadna lagu gumaado lagu laayo, haddana aan hal qof loo soo xirin, hal mas’uulna aan shaqada looga qaadin” ayuu mar kale yiri xildhibaan Cabdirsaaaq Ciid.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Baarlamaan ahaan waxaan rabna in sharciga la horkeeno dadkii ka dambeeyay dhibaatadaas, jawaab cad ayaan ka rabnaa dowladda”.

Cabdirisaaq Ciid ayaa tilmaamay inay shaki wayn muujinayaan weeraradan marka loo fiiriyo goobaha lala beegsaday oo si wayn loo ilaaliyo amnigooda.

“Lama fiirsan karo in xabsiga dhexe ee Soomaaliyeed oo sidaa ognahay loo ilaaliyo in gudaha hub loogu dhex geeyo ay ka dhex dagaalamaan dadna ay ku laayaan” ayuu yiri.

Weeraradan is xig xigay ayaa kusoo aaday, ayada oo bilihii lasoo dhaafay ay reer Muqdisho ka nasteen qaraxyadii horay uga dhici jiray caasimada, kadib qorshe ay la timid dowladda.

 

 

Booliska oo shaaciyey khasaare culus oo ka dhashay qaraxii xalay ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxa xalay ka dhacay Maqaayadda Top Coffee oo ku taalla agagaarka taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, waxaa loo adeegsaday Gaari ay Khawaarijtu ku soo rareen waxyaabaha qarxa, kaas oo la dhigay banaanka maqaayadda, sida lagu ogaaday warbixinta hordhaca ah ee Booliska.

Warbixinta hordhaca ah waxay sheegeysaa in 5-qof ay ku geeriyoodeen, ku dhowaad 20 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaas, sidoo kale waxaa jira gaadiid iyo goobo ganacsi oo ku burburay qaraxa, waana socota qiimeynta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas, sida ay qortay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan.

Maqaayadda ayaa gubatay, kadib markii uu qabsaday dab ka dhashay qaraxa, dad badan ayaa maqaayadda ku sugnaa, kuwaas oo u badnaa dhalinyaro ciyaar daawaneysay.

Markii laga soo tago khasaaraha baaxada leh ee gaaray dadkii ku sugnaa maqaayadda la weeraray, wuxuu khasaare badan soo gaaray dadkii saaraa gaadiid Mooto Bajaaj u badan oo marayey jidka, gaar ahaan laamiga isku xira isgoyska Shabeelle ee Daljirka iyo isgoyska Jubba.

Qaar kamid ah dhalinyarada ka badbaaday qaraxaas oo Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay inay arkayeen dadka dhulka yaalla oo qaraxu saameeyey, balse aysan kala cadey karin inay dhinteen, inay dhaawac ahaayeen iyo inta ay tiradoodu dhameed toona.

Gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxa ayaa socday saacado, waxaana lagu guuleystay in la deminayo dabkii weynaa ee ka dhashay qaraxa, kaas oo maqaayadda qabsaday.

Xaaladda aagga uu qaraxaasi ka dhacay ayaa noqotay mid aad u kacsan, waxayna ciidamadu inta gees ah u ridayeen rasaas argagax ku sii riday dadkii gurmadka fidinayey, qaraxaan wuxuu ku soo aaday iyadoo 24 saac ka hor uu Xabsiga Dhexe ee Xamar ka dhacay weerar toos ah oo maxaabiis Shabaab ah oo dil ku xukuman ay fuliyeen.

Sidoo kale halka uu qaraxani ka dhacay waa goobtii 2021 lagu qarxiyey Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, waxaana laga furay maqaayad cusub oo lagu magacaabo Top Coffee, taas oo xalay iyana la beegsaday.

DF Soomaaliya oo shaqada ka cayrineysa qaar ka mid ah macalimiintii ay qoratay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya waxaa maanta ka dhacay banana-bax ay dhigeen qaar ka mid ah macalimiin dugsiyada dowladda wax ka dhiga, kuwaas oo ka cabanaya farriin uga timid wasaaradda oo loogu sheegay ‘inay iska tagaan.’

Cabashadaan ayaa ka dhalatay farriin macalimiinta uga timid wasaaradda waxbarashada, taas oo loogu sheegay in mushaarkooda uu ku egyahay 31-ka bisha soo socota ee Agosto.

Waxay soo qaateen boorar ay ku qoran yihiin farriimo ay ku jirto “Macalin soo shaqeeyay 11 sano in la yiraahdo iska bax cadaalad miyaa?” waxaa xusid mudan in hal ku dhigyo kale ay ku qoraayeen boorarka ay macalimiintu wateen maanta, waxaana ka mid ahaa hal ku dhigyada kale “100-kii hore banaanka gey ee boqol kale boosas sii cadaalad maaha.”

Macalimiinta qaar waxay la hadleen warbaahinta waxayna gudbiyeen cabashadooda, intii ay banaanbaxayeen waxay ku qeylinayeen “Cadaalad hala arko, dulmi dooni meyno” iyo erayo kale oo ay kaga soo horjeedaan qorshaha wasaaradda.

Macaalimiinta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shaqada loo qaatay sanadkii 2015-kii, kadib markii wasaaradda waxbarshada ay u baahatay barayaal dugsiyada dowladda wax ka dhiga, “Shaqadaan waxaan u galnay imtixaan, waxaana sidaas nagu qaadatay wasaaradda 7 sano ka hor,” ayuu yiri mid ka mid ah macalimiinta.

Qaar ka mid ah macalimiin arrintaan ka hadashay waxay ku doodayaan in ay soo mareen marxalado kala duwan, intii ay shaqada ku jireen, waxay ku cataabeen in shaqadaan ay soo hayeen sanado ay Muqdisho ka dhacayeen dilal qorsheysan oo dadka la beegsanayo ay ku jireen, sidoo kale ay meelaha qaar ka dhacayeen dagaal toos ah iyo qaraxyo galaaftay qaar badan oo saaxiibadood ahaa.

Macalimiinta cabashada qabta ee faiinta loo diray waxaa ka mid ah Macalin Khadiija Sheekh Abuukar waa bare wax ka dhigta dugsiga Ex-Karaan, waxay la hadashay BBC waxayna sheegtay in ay shaqada macalinimada soo bilowday sanadkii 1988-kii, xiligaas oo dowladdii dhexe ay u qaadatay in ay wax ka dhigto dugsiyada hoose iyo dhexe.

Khadiija sidoo kale waxay ka tirsan tahay guddiga macalimiinta cabanaya, waxayna sheegtay in ay dowladda u direen fariimo badan, balse ilaa hadda aysan ka hayn wax jawaab ah.

Cabashada macalimiintaan waxay ku soo aadeysaa iyadoo wasaaradda waxbarashada ay dhawaan shaacisay inay qaadaneyso 3,000 oo macalin, halka sanadkii hore ay qaadatay oo shaqaaleysiisay 3,000 oo kale, qorshaha dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah in dowladdu qaadato 1,000 oo macalin sanado kooban gudahood.

Qarax weyn oo caawa lala beegsaday maqaayad ku taalla Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax weyn ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga taallada Daljirka Dahsoon, waxaana ka soo werinayaa khasaare aad u culus.

Maqaayad lagu magacaabo Top Coffee oo ku taalla agagaarka taalada Daljirka Dahsoon ayuu ka dhacay qaraxaasi, xilli ay ku sugnaayeen dhalinyaro badan oo ciyaaro ku daawanayey.

Maqaayadda ayaa gubaneysa, waxaana qabsaday dab ka dhashay qaraxa, sidoo kale dad badan oo maqaayadda ku sugnaa ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa.

Markii laga soo tago khasaaraha baaxada leh ee gaaray dadkii ku sugnaa maqaayadda la weeraray, wuxuu khasaare badan soo gaaray dadkii saaraa gaadiid Bajaaj u badan oo marayey jidka, gaar ahaan laamiga isku xira isgoyska Daljirka ama Shabeelle iyo isgoyska Jubba.

Ilaa hadda ma jirto cid ogaatay oo faahfaahin ka bixisay nooca qaraxaas iyo khasaaraha uu geystay inta uu la egyahay, maqaayadda la qarxiyey oo ah mid cusub ayaa ku dhow maqaayadii lagu dilay Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika.

Qaar kamid ah dhalinyarada ka badbaaday qaraxaas oo Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay inay arkayeen dadka dhulka yaalla oo qaraxu saameeyey, balse aysan kala cadey karin inay dhinteen, inay dhaawac ahaayeen iyo inta ay tiradoodu dhameed toona.

Gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxa ayaa socda, isla markaana lagu deminayo dabkii weyn oo ka dhashay qaraxa, kaas oo maqaayadda qabsaday.

Xaaladda aagga uu qaraxaasi ka dhacay ayaa ah mid kacsan, waxayna ciidamadu inta gees ah u ridayaan rasaas teel teel ah, qaraxaan wuxuu ku soo aadayaa iyadoo 24 saac ka hor uu Xabsiga Dhexe ee Xamar ka dhacay weerar toos ah.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

Daawo: Taliye Shub oo taalo u dhisaya askarigii fashiliyey toogashadii Xabsiga Dhexe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa balan-qaaday in dalacsiin loo samey doono askarigii isku dayey inuu xakameeyo kooxdii maxaabiista aheyd ee weerarka ka geysatay gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, sidoo kalena taalo loo dhisi doono askarigaas oo shalay dhintay.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa maanta sheegay in askari ka tirsanaa ilaalada xabsiga dhexe ay raggii maxaabiista ahaa isku dayeen inay furaha qolkii ay ku jireen ay xoog uga qaataan, balse uu sameeyey naf hurnimo badbaadisay dad badan.

Raga fuliyey weerar ayaa ku xiraa hal qol, askarigii hayey furaha qolka ay ku jireen ayay u yeereen, wuxuu soo istaagay irida, kadibna waxay ku qabteen qori, waxayna ku amreen inuu dhiibo furaha, balse go’aan ayuu qaatay, wuxuuna si deg deg ah u tuuray furihii.

Markaas ayey bilaabatay rasaastu, ragii waxay toogteen askarigii, kadibna waxay xabado ku fureen Albaabka iyo qunfulkii saaraa, waxayna fursad u heleen inay banaanka u soo baxaan, balse wuxuu loo diiday jaanis ay ku baxsadaan.

Ciidankii ilaalada ka ahaa Xabsiga Dhexe ayaa ku dadaalay in ragaasi aysan baxsan, sidoo kalena aysan geysan khasaare badan, waxaana markii dambe lagu guuleystay in 5-tiiba la toogto, iyagoo dagaalamaya.

Ragaas waxay galaafteen nolosha 3 askari oo ninka taalada loo dhisayo uu ku jiro, sidoo kale waxay dhaawaceen 18 maxbuus iyo 3 askari oo kale, sida uu shalay sheegay afhayeenka ciidanka Asluubta Soomaaliya.

Taliyaha Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan ayaa sheegey in isla maanta uu dhagax-dhigayo taalada askarigii diiday inuu furaha siiyo dhagarqabayashii weerarka fuliyey, sidoo kale wuxuu sheegay in loo samey doono dalacsiin, isagoo geeriyooday, si loo maamuuso kaalintiisa iyo geesinimadiisa.

Ragga weerarkaas geystay waxay ahaayeen 5 nin oo horay maxkamadda ciidamada ay dil toogasho ah ugu xukuntay, kadib markii lagu helay dilal ay geysteen, maadaama ay ka tirsanaayeen Khawaarijta.

Hoos ka daawo

 

Sawirro: Horjooge ka tirsan Al-Shabaab oo nolosha lagu qabtay, isagoo u baxsanaya…

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Ciidamada dib u xoreeynta deeganka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo si dhuumaaleysi ah ku joogay deegaano hoos taga degmada Ceeldheer.

Ninkaan oo magaciisa ku sheegay Cabdi Maxamed Cumar ayaa mudo dhowr sano ah ka tirsanaa Khawaarijta, wuxuuna uga biiray gobolka Bakool.

Maxamed Khaliif oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Deeganka ee soo qabtay dhagarqabahaan ayaa sheegay inay heleen xogta ninkaan oo baxsad ah.

Howlgalka lagu soo qabtay Cabdi Maxamed Cumar ayaa ka dhacay inta u dhaxeeysa deeganada Qorya-wayn iyo Hul-caduur oo hoos tago degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ninkaan ayaa sheegay in 10 sano uu ka tirsanaa argagixisada, balse hadda uu jiray khilaaf ku kalifay inuu kasoo baxsado, balse qorshihiisu ma aheyn inuu dowladda u gacan galo.

Wuxuu sheegay inuu qorsheynayey inuu u baxsado dhanka gobolka Bakool oo markii hore uu uga soo biiray Khawaarijta, reerkiisana uu degan yahay.

Cabdi Maxamed ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab uu khilaaf culus ka dhexqarxay, isla markaana dagaalyanada kooxda ay u adkeysa la’yihiin nolosha adag ee ku heysata duurka.

Ciidamada Macawiisleyda degmada Ceeldheere ayaa ku jira howlgallo joogto ah waxayna deegaano fog fog ku ugaarsadaan kooxda, sidoo kale waxay howlgaladaan uga hortegaayaan in kooxdu ay weerar dambe ku soo qaado degmada.

ISLOW oo si adag ugu jawaabay Cabdisaciid, farriina u diray mas’uuliyiin kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa ka jawaabay wareysi uu bixiyay La-taliyihii hore ee amniga madaxweyne hore Farmaajo, Cabdisaciid Muuse Cali, kaasi uu ku sheegay in xukunka dalka loo baneeyo Al-Shabaab.

Cabdisaciid ayaa ku dooday in dowladda ay ku guul-dareysatay inay iska difaacdo daan-daansiga iyo xad-gudubka uga imaanay Itoobiyaanka uu hoggaaminayo Abiy Axmed, sidaas darteedna haddii aan la iska dhicin karin damacaasi xukunka loo baneeyo Shabaab.

Islow oo qoraal soo saaray ayaa hadalka la-taliyihii hore ku tilmaamay mid qeyb ka ah xarka goosadka siyaasiyiinta baryahaan, isaggoona u jeediyay inay mucaaradadu u kala soocnaato mas’uulka xilka haya iyo qarannimada, si naceybka shaqsiga uusan xadka uga tallaabin.

“Saaxiibadii hore ee Kaarka iska gubay, waxaan leeyahay: Waxaa jira wax badan oo aad ku mucaaradi karto madaxda dowladda oo aan ahayn in aan caddowga umaddan isu dhiibno,” ayuu yiri Islow si duur-xul ah ugu jawaabay Cabdisaciid.

Sidoo kale waxa uu ku yiri qoraalka “Xildhibaannada waxaan ugu naseexeynayaa inaan ku dhex shaqeynayo sharciyadda Baarlamaanka. Dowladnimada ayaa ka weyn Dan kasta oo gaar ah.”

Hoos ka aqriso qoraalka Islow

TALO QARAN

Waxaa muddooyinkan danbe baraha bulshada kusoo batay siyaasiyiin, madax hore iyo xildhibaanno xadka kasii tallaabaya. Waxaan rabaa inaan ka siyaasi iyo nabaddoon ahaan saaxiibadey u jeediyo talada soo socota:

“Walaalayaalow waa inay noo kala soocnaato naceybka mas’uulka xilka haya iyo Qaranimada: Micnaha adigoo Madaxweynaha ama Ra’iisal wasaaraha ku xumeynaya, yeysan mucaaradnimadu kula gelin inaad Caddowga Khawaarijta la safato.

Adigoo is leh dowladda joogta ku ceebeey, Qaranadimada ha dhaafsan inuu Dal caddow ah Qorshihiisa kuu soo dhiibo.

Saaxiibadii hore ee Kaarka iska gubay, waxaan leeyahay: Waxaa jira wax badan oo aad ku mucaaradi karto madaxda dowladda oo aan ahayn inaan caddowga umaddan isu dhiibno.

Xildhibaannada waxaan ugu naseexeynayaa inaan ku dhex shaqeynayo sharciyadda Baarlamaanka. Dowladnimada ayaa ka weyn Dan kasta oo gaar ah.

Mahadsanidiin

Sababihii qarsoona ee FARMAAJO ula diriri waayey Al-Shabaab oo soo if-baxay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mid kamid ah eedaha loo haysto waa in uusan si dhab ah ula diririn argagixisada 5 sano iyo 3 billood oo uu madaxweyne ka ahaa Soomaaliya.

Markii isaga iyo Xasn Sheekh la isbarbar-dhigo meelaha Farmaajo looga horreeyo waxaa kamid ah la-dagaalanka argagixisada, oo ah mushkilada ugu weyn ee maanta taalla Soomaaliya.

Sababo badan ayaa loo sameeya in uusan Farmaajo si dhab ah ugu bareerin la-dagaalanka argagixisada, mid kamid ah ayaa waxay tahay kooxdiisi ugu dhoweyd ama dadkii ku hareeraysna markii uu tallada joogay.

Haddii saaxiibadaada siyaasadda, dadka mas’uuliyadda amniga ku haya ama kuwa aad tallada ka qaadato aanay Shabaab u arkin cadow dhab ah waa arrin culus, waxaana adkaaneysa in aad hesho xog sugan oo argagixisada la xiriirta ama aad deg-deg u jiheyso dagaalkooda.

Dabcan lama dhihi karo madaxweynuhu isaga dabay argagixisada, laakiin dhowr jeer oo hore waxaa la duray taliyihiisi nabad-sugidda Fahad Yaasiin oo lala xiriiriyay inuu u dabcinayo kooxda, halka dhawaan La-taliyihii Farmaajo ee dhinaca amniga Cabdisaciid Muuse uu isna bixiyay wareysi muujinaayay inuu kooxda siinayo awood dheeri ah, kana fogaanayo in uu aad u muujiyo inuu meel adag ka taagan yahay argagixisada.

Tani waxay dadka qaar siisay inuu madaxweyne Farmaajo la noolaa xubno aan Shabaabka u arag halis weyn, beddelkeedana xooga badan gelinaayay siyaasiyiinta ka aragtida duwan dowladda ama dowladdaha deriska qaarkood.

Farmaajo wuxuu markale doonayaa xukunka Soomaaliya

Markii aad madaxtinimo raadineysid keliya lama fiirin doono wixii aad soo qabatay iyo ballamaadada cusub ee sidoo kale dadka waxay eegi doonaan xubnaha kugu hareeraysan. Farmaajo-na haddii uu isla safkii hore soo celiyo, iyada oo weli qabyo tahay la-dagaalanka argagixisada, waxay dhalin doontaa inay dadka il-gaar ah ku fiiriyaan safkiisa.

Inkasta oo kooxdiisa ay ku dooddo inay diyaarinta ciidanka xoogga saareen, oo ay rabeen inay abuuraan ciidan Soomaaliyeed oo ku filan inay kooxda wiiqaan, dhulka laga saaro maamulaan, dalkana difaacan.

Haddana, sida ay iskugu milmeen kooxaha argagixisada iyo laamaha amniga ee dowladda xilligii Farmaajo ama ay argagixisada ugu xoogeysatay Muqdisho waa dhaawac weyn oo uusan inkiri karin nidaamkii Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhinaca la-dagaalanka argagixisada waxa uu ka haysta diiwaan ka wanaagsan midka Farmaajo, wallow uu dhinaca kale taagan yahay Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ahaa ninka argagixisada ka saaray magaalada Muqdisho, kaas oo isna leh diiwaan wanaagsan oo ah dhinaca la-dagaalanka argagixisada.

Muxuu yahay iskaashiga cusub ee maanta gaareen Somalia iyo Italy? + Sawirro

0

Rome (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa iskaashi cusub dhidibada u taagay, kaasi oo la xiriira dhinacyada u diyaar garowga iyo ka jawaab celinta halisaha dabiiciga ah.

Iskaashigan cusub ayaa si gaar ah u dhex-maray hay’adda SODMA iyo hay’adda maareynta musiibooyinka ee dowladda Talyaaniga, ayada guddoomiyaha SODMA Maxamuud Macalin iyo wafdi uu hoggaaminayo ay booqasho ku tageen xarunta hay’adda Italian Civil Protection Department.

Wafdigan ayaa waxay si gaar ah booqasho ugu kala bixiyeen heerarka kala duwan ee xarumaha hay’adda oo kala ah; heer qaran, heer gobol iyo heer degmo.

Ujeeddada booqashada ayaa ahayd in labada dhinacba ay dhidibada u aasaan xiriir la isaga kaashanayo xirfadaha shaqo iyo aqoonta la xiriirta maareeynta khataraha musiibooyinka.

Waxaa booqashadaas gudoomiyaha ku wehliyay madax sare oo ka kala socday Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS iyo hay’adda SODMA.

Wafdiga ayaa mid mid u booqday xarumaha muhiimka ah ee nidaamyada Maareynta khataraha musiibooyinka heerarkooda kala duwan ee Talyaaniga – Saddexda heer ee (heer qaran, heer gobol iyo heer degmo).

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in ay dardar-geliyaan fulinta qorshe wax ku ool ah oo la isaga kaashanayo dhinacyada u diyaar garowga iyo ka jawaab celinta halisaha dabiiciga ah.

FBI-da oo shaacisay xogta ninka lagu tuhmayo inuu toogtay Trump ee la dilay

Washington (Caasimada Online) – FBI-da ayaa shaacisay in Matthew Crooks oo 20 jir ah uu ahaa “qofka looga shakisan yahay” isku daygii dil ee Sabtidii ka dhanka ahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Falkan ayaa noqonaya mid kamid ah falalkii ugu caansanaa ee rabshado siyaasadeed ee Mareykanka ka dhaca muddo tobanaan sano ah.

Hay’adda sharci fulinta ayaa war-saxaafadeed kooban ku sheegtay in Crooks uu ka yimid magaalada Bethel Park ee gobolka Pennsylvania, taasi oo hal saac u jirta goobta uu isu soo baxa siyaasadeed uu ka dhacayey ee Trump looga toogtay dhegta isaga oo khudbad jeedinaya.

Bayaanka laguma bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan Crooks, kaasi oo goobjoogeyaal ay sheegeen inuu rasaasta ka soo furay saqafka meel u dhow goobta isu soo baxa, kahor inta aysan toogan ciidamada amniga.

FBI-da ayaa sheegtay inuu jiro “baaritaan taagan oo socda” oo lagu sameynayo falkan, ayada oo codsatay in qof kasta oo akhbaar haya uu si degd eg ah ula soo xiriiro mas’uuliyiinta.

Ugu yaraan hal qof oo ka mid ah dadkii daawanayey Trump ayaa la dilay halka laba kale si darran loogu dhaawacay toogashada oo ka dhacday meel banaan ah oo ku taalla magaalada Butler.

Goor hore oo Axaddii ah, Kevin Rojek, wakiilka gaarka ah ee FBI-da ee xafiiska Pittsburgh ayaa weriyayaasha u sheegay “in ay la-yaab tahay” in ninka hubeysnaa uu riday afar ama shan xabbad kahor inta aan toogasho lagu dilin.

“Hadda ma hayno ujeeddo la aqoonsan yahay, in kasta oo baarayaasha ay si hagar la’aan ah uga shaqeynayaan inay isku dayaan inay ogaadaan waxa ujeeddadu ahayd,” ayuu yiri Rojek, isagoo xusay in baaritaanku uu qaadan karo bilo.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Trump ku sheegay in uu “wanaagsan yahay” kaddib markii lagu toogtay xabbad ka haleeshay qaybta sare ee dhegta midig. Trump ayaa laga soo saaray isbitaalka goor dambe oo Sabti ah.

“Waa wax cajiib ah in falkan oo kale uu ka dhici karo waddankeena,” ayuu Trump ku daray.

Dhacdadan ayaa halis galinaysa in ay sii xoojiso tartanka adag ee madaxtinimo iyo in ay sii huriso hadallada markii horeba kululaa ee ku xeeran doodda qaran.

Waxay sidoo kale dhalisay in madaxweyne Joe Biden, madaxweyne ku-xigeen Kamala Harris iyo madaxweynihii hore Barack Obama ay soo saaraan qoraallo xooggan oo ay ku cambaareynayaan rabshadaha siyaasadeed.

Cabdicasiis Lafta-gareen oo raajicinaya Axmed Madoobe – Maxaadan ogeyn oo socda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya wararka la xiriira in hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uu ku dhaqaaqayo doorasho iskiis ah.

Ninkan oo dhexda uga jira sanadkii lixaad ee xukunka Koonfur Galbeed ayaa isku arka inuu weli fursad ahaan nool yahay, laakiin marwalba wuxuusan haysan kalsooni dhanka Xasan Sheekh ah, kaas oo la fahamsan yahay inuu dowladdiisa ku dhex diyaarinayo qofkii uu ku beddeli lahaa Lafta-gareen.

Dhamaan madaxda maamulladu hadda xiriir siyaasadeed oo qaas ah lama laha madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin danaha isku haya ayaa nin walba qiimeynaya cimrigooda.

Lafta-gareen waxaa dhowr jeer laga soo wariyay inuu doorasho qabsanaayo, laakiin weli waa ku dhici la’yahay. Waxaa mararka qaar lagu cabsi-geliyaa Lafta-gareen in dowladda Xasan Sheekh saameyn ku leedahay caasimada rasmiga ah ee Koonfur Galbeed ee Baraawe, oo haddii uu doorasho qabsado mid kale halkaa lagu qaban karo.

Laakiin culeyska kale ee Lafta-gareen iska eegayo waa Sheekh Aadan Madoobe oo haddii loo baahdo lagu dhibi karo Lafta-gareen.

Xogihii ugu dambeeyay ee dhinaca Lafta-gareen waxay sheegaya in uusan weli ka tanaasulin damaciisa doorasho gaar ah, balse uu raajicinayo tallaabooyinka dhanka Axmed Madoobe.

Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa dhawaan furtay dastuurkiisa, isaggoo baneystay inuu marwalba isa-sharaxi karo, wuxuuna meesha ka saaray qodobkii labada mar ku eekaynayay inta jeer ee hal qof loo dooran karo hoggaanka maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa maalmahan wada guluf dagaal oo ka dhan ah kooxaha argagixisada, waxaa la sheegay in qorshihiisa uu yahay inuu daba-yaqaadda bishan ama horraanta August dhiso guddi doorasho kadibna is-doorto.

Cabdicasiis Lafta-gareen iyo inta kale ee madaxda maamullada ayaa dhamaan isha ku haya sida uu Axmed Madoobe u dhaqmo iyo waxa ay Villa Somalia sameyso.

Haddii Axmed Madoobe ku dhawaaqo guddi doorasho waxaa la filayaa in maamullada kalena ku dayan doonaan oo ugu horreeyo Lafta-gareen. Inta taas ka horreysa uma badna inuu Lafta-gareen keligiis bareeri karo.

Waxaa kale oo jira musharaxiin u taagan kursiga hoggaanka Koonfur Galbeed oo iyaguna eegaya dhinaca ay wax u dhacaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa waa fahamsan yihiin inay maamullada gaadmo ku jiraan oo ay xilli walba u dhaqaaqi karaan dhinaca doorasho dadban, taas oo haddii ay dhacdo burburin doonta wixii uu Xasan Sheekh dad badan kula kala dhintay una ogaaladay in dastuurkii dalka lagu tunto oo kuraasta iska fadhiyaan madax maamul goboleed oo uu muddo xileedkii marhore ka dhamaaday.

Wararka dheeriga ah ee arrimaha doorashooyinka la xiriira waxaa kamid ah in daba-yaqaadda bishan July la filayo inuu dhaco shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo ay madaxda maamullada sheegayaan inuu gebi ahaanba daarnaan doono arrimo doorasho, waana halka ay rabaan inay iyaga iyo Xasan Sheekh war cad kusoo kala qaatan.

Laakiin Villa Somalia oo fahamsan doonista maamullada ee shirkaasi ayaa la ogeyn sida ay daacad uga noqon doonto qabsoomida kulankaas iyo haddii ay mowduuca beddeli karto.

Daawo: Askari si arxan darro ah xalay Muqdisho ugu dilay gabar iyo hooyadeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday gudaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, taas oo ka dhalatay dil wadareed loo gaystay gabar iyo hooyadeed.

Wararka ayaa sheegaya in dilkan uu gaystay askari ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya oo weerar kusoo qaaday qoyskan oo degan xaafadda Faanoole ee degmada Kaaraan.

Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in askariga uu horay u qabi jiray gabadha, balse haatan ay guursatay nin kale, kadibna oo sidaas kusoo weeraray, kuna dilay.

Goobjoogayaal ayaa iyaguna u sheegay Caasimada Online in xilliga uu dhacayay falkan ay bannaanka gurigooda fadhiyeen gabadha iyo hooyadeed, uuna hal mar rasaas ooda kaga qaaday , waxayna ku geeriyoodeen isla goobta.

Nasteexo iyo hooyadeed Muslimo ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Nasteexo Nuur Dable iyo Muslimo Macallin Xasan, waxaana goobta ka baxsaday askariga dilka gaystay.

Falkan ayaa sidoo kale argagax ku reebay dadka deegaanka oo si wayn uga naxay dilka loo gaystay gabadha iyo hooyadeed oo ay muddo dheer ahaayeen dad daris ah.

Ma jiro illaa iyo ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Kaaraan iyo laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi argagaxa leh.

Falalka noocaan oo kale ah ayaa maalmahan kusoo badanayay gudaha dalka, kuwaas oo salka ku haya khilaafaad dhanka qoysaska ah, kadibna sababa dil ama dhaawac, sida horay uga dhacday dhowr magaallo oo kala duwan.