25.1 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

DF oo ka jawaabtay hadalkii yaabka lahaa ee kasoo yeeray la-taliyihii FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadal kasoo yeeray La-taliyihii hore ee amniga madaxweyne hore Farmaajo, kaasi oo soo jeediyay in xukunka dalka loo baneeyo Al-Shabaab haddii aan la iska dhicin karin damaca guracan ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo bartiisa X (ex-Twitter) ayaa ka jawaabay soo jeedinta Cabdisaciid Muuse Cali, isaggoo nasiib darro ku tilmaamay in hadal noocaan uu kasoo yeero masuul hore.

“Waxaan la socdaa hadal uu dhawaan wasiir hore Cabdisaciid ku sheegay waraysi uu siiyey BBC Somali,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi

Waxa uu intaas kusii daray “Anigoo ixtiraamaya xoriyatul qawlka, hadallada soo jeedinaya tanaasulka qaranimada Soomaaliya ama caadi ka dhigista fikradda ah in Al-Shabaab la aamini karo waa dhibaato qoto dheer oo aan la aqbali karin.”

Cabdisaciid oo sidoo kale soo noqday wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa soo jeediyay haddii madaxweyne Xasan iyo dowladdiisa ay iska dhicin karin damaca guracan ee Abiy Axmed ay meesha u baneeyaan kooxda Al-Shabaab, si ay meel u saaran Itoobiyaanka, sida uu hadalka u dhigay.

“Abiy Axmed waa nin mayal adag oo xagjir ah, mana yaqaano xishood ee haddii aadan iska dhicin karin rag (Al-Shabaab) iska dhicin karaa jiree u banee,” ayuu yiri la-taliyihii hore amniga qaranka Cabdisaciid Muuse Cali.

La-taliyihii hore ee Farmaajo ayaa ku dooday in dowladnimada Soomaaliya uu gaaray dhaawac weyn, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa uu ku dhaliilay inay si adag uga jawaabin hadallada kasoo yeeraya Abiy Axmed.

“Marwalba oo ra’iisul wasaaraha Itoobiya hadlo qof u jawaaba ma lahan, ama jawaabta haddii ay timaado jawaab daciif ah waaye,” ayuu markale Cabdisaciid ku yiri wareysi gaar ah uu siiyay BBC.

Sidoo kale wuxuu wareysiga ku yiri “Aniga marnaba ma dhiiro gelinaya Al-Shabaab ee waxaan dhiirro-gelinayaa in xukuumadda hadda joogta aysan iska celin karin mayal adagnimada ka socota Addis Ababa, nika hadda ra’iisul wasaaraha ka ah waxa uu ka tirsan yahay koox diineed oo xagjir ah marka waa xagjir.”

Al-Shabaab ayaa la sheegaa inay xiisadda ka dhalatay heshiiskii is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland oo banaanka keentay damaca guracan ee Abiy ay ku heshay dagaal-yahaano cusub, ayada oo adeegsaneysa masrixiyadda “Itoobiyaan naceybka”, xilli uu sanadkii hore hoos u dhac ku yimid kooxda, oo dagaal adag kala kulantay ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan.

DAD Soomaali ah oo lagu laayay deegaanka Canfarta

0

Awash (Caasimada Onine) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay maanta maleeshiyaad ka tirsan Canfarta ku laayeen dad Soomaali ah oo safar kusii ahaa magaalada Awash oo ka tirsan isla dowlad deegaanka Canfarta.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dadka laayay oo ganacsato ay ku jiraan lagala dagay gaari ay la socdeen, kadibna loo gaystay dil iyo dhaawac.

Dadka la laayay ayaa waxaa kamid ah Khadar Cilmi Cige iyo Mowliid Maxamed Cabdi, halka la dhaawacay Ismaaciil Muxumed Muuse, Siciid Muxumed Muuse iyo Cali Xuseen Jaamac.

Sidoo kale waxaa jira dad kale oo ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaas oo aan heli xogtooda iyo magacyadooda la helin, maadaama xaaladda meesha ay wax ka dhaceen la tagi karin.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarkan si gaar ah loogu beegsaday Soomaalida, isla-markaana iyaga kaliya lagala dagay gaariga, iyada oo dadkii kalena la fasaxay.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo ku aadan falkaasi lagu beegsaday dadka shacabka ee Soomaaliyeed, waxaase soconayo dadaallo ay wadaan mas’uuliyiinta deegaanka.

Horay ayaa waxaa u jiray digniino loo jeediyay Soomaalida oo ku aadan in aysan ku safrin waddadaas, marka ay aadayaan magaalada Addis Aababa, waxaana beddalkood loo soo jeediyay inay adeegsadaan diyaarad, inta ay jirto xaaladda adag ee ka taagan halkaasi.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo muddooyinkii u dambeeyay ay kasii dareysay colaadda u dhexeysa Soomaalida iyo Canfarta oo horay u wada dagaalamay.

QM oo war kasoo saartay khilaafka DF iyo Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ku simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo shalay booqasho ku tegay magaalada Garoowe ayaa war culus kasoo saaray khilaafka siyaasadeed ee weli ka dhexeeya dowladda iyo Puntland.

Swan oo faah-faahiyay kulan uu la yeeshay madaxweyne Saciid Deni ayaa ugu baaqay labada dhinac inay si hoose uga wada-hadlaan khilaafka dhexdooda ah, ayna soo celiyaan wada shaqeyntoodii oo hadda meesha ka baxday.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay inay dib u bilaabaan wada-hadallo deg-deg ah, si xal loogu helo xiisadda taagan

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in heshiiskooda ay faa’iido u tahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay muhii tahay in lagu gudbo khilaafka haatan jira.

“Madaxweyne Deni iyo aniga waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo qaranka muhiim u ah oo ay ka mid yihiin ololaha ka dhanka ah Al-Shabaab, hannaanka dib u habeynta dastuurka, iyo marxaladda doorashada soo socota. Iyadoo Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar baaxad leh sannadihii u dambeeyay, waxaan dhammaanteen ognahay in caqabado badan oo qoto dheer ay weli jiraan,” ayuu yiri Danjire James Swan.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay xaaladda Puntland, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka deegaanka ee looga diyaar garoobayo deegaanada Puntland, wuxuuna u rajeeyay guul.

“Waxaan rajaynaynaa in doorashooyinkan golayaasha deegaanka ay sii ambaqaadaan guulihii laga gaadhay doorashadii deegaanka ee qabsoontay May 2023, isla markaana ay sii xoojiyaan dimuqraadiyaynta iyo sidoo kale horumarka laga gaadhay ka qaybgalka haweenka iyo dhalinyarada,” ayuu yiri Swan.

Dhankiisa Saciid Deni ayaa la wadaagay James Swan aragtidiisa ku aadan xaaladaha ka taagan ee dalka, si looga gudbo caqabadaha waa wayn ee jira.

“Waxaan la wadaagnay dareenkeenna iyo aragtideenna ku aadan xaaladda dalka, waxaana rajeynayaa inay ka qayb qaadan doonto sidii uu xal ugu heli lahaa arrimaha murugsan ee Soomaaliya” ayuu isna yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Maalmihii u dambeeyay James Swan oo mar kale loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa waday kulamo wada tashi ah oo uu la qaadanay madaxda Soomaaliyeed, si hore loogu wada shaqeynta dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo Qaramada Midoobay.

Wararkii ugu dambeeyey Trump oo lagu dhaawacay toogasho kadib isku day dil

Butler (Caasimada Online) – Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii dhaawac madaxa ah uu soo gaaray balse xaaladdiisa ay wanagsan tahay, sida uu sheegay ololihiisa doorashada kadib markii rasaas lagu furay isaga oo ka hadlay isu soo bax olole doorasho oo ka dhacay gobolka Pennsylvania.

War qoraal ah oo uu soo saaray ololaha Trump ayaa lagu sheegay in musharraxa madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga lagu daweeyay xarun caafimaad oo maxalli ah. Waxa uu u tagay magaalada Butler ee gobolka muhiimka u ah doorashada si uu isu soo bax ugu qabto.

“Madaxweyne Trump wuxuu uga mahad celinayaa booliska iyo gurmadka deg degga ah ficilka deg degga ah ee ay qaadeen intii uu socday falkan foosha xun,” ayuu afhayeenka Trump Steven Cheung ku yiri bayaan uu soo saaray.

“Wuu fiican yahay, waxaana lagu baarayaa xarun caafimaad oo deegaanka ah. Faahfaahin dheeraad ah ayaan bixin doonnaa.”

Madaxweyne Joe Biden ayaa yiri “qof walba waa inuu cambaareeyaa” weerarka. “Rabshadaha noocan ah meelna kuma lahan Ameerika,” “Waa wax xun. “Waa wax xun.”

Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa sidoo kale qoraal uu soo saaray ku yiri “waxaa la igu toogtay xabad taasi oo jartay qaybta sare ee dhegteyda midig”.

“Waxaan isla markiiba ogaaday in ay wax ka khaldan yihiin in aan maqlay dhawaqa xabbado, isla markiiba waxaan dareemay xabbaddu jartay maqaarka,” Waxaa sidaas qoraal uu soo dhigay barta Truth Social ku yiri Trump, oo aan dhaawac halis ah soo gaarin.

“Waa wax cajiib ah in falkan oo kale uu ka dhici karo dalkeena.”
Dhinaca kale, ilaalada Secret Service ayaa qoraal ay soo saareen ku yiri “dhowr toogasho ay ka timid meel dusha sare ka ah dhulka oo ka baxsan goobtii uu Trumo ka hadlayey.”

Waxay sidoo kale sheegeen in hal qof oo ka mid ah dadkii daawanayey Trumo uu ku dhintay, labana dhaawac halis ah uu ka soo gaaray toogashada.

Dhinaca kale, xeer-ilaaliyaha magaalada Butler ayaa sheegay in la dilay ninkii rasaasta furay ee toogashada sameeyey. Waxaa sidoo kale dhintay qof shacab ahaa oo goobta ku sugnaa.

Trump ayaa soo bandhigayay shaxda tirada dadka muhaajiriinta ah ee ka soo gudbaya xadka markii ay billaabantay maqalka dhawaqa rasaasta. Trump ayaa la arkayey isagoo gacantiisa midig qoorta ku haya, waxaana ka muuqday wajigiisa dhiig.

Waxaa si deg deg ah isugu gadaamay saraakiisha ilaalada Secret Service, kuwaas oo kadib kala cararay masraxa, ayada oo dadweynihii goobta isugu yimid ay qeylinayeen.

Dadweynaha ayaa farxad la qeyliyey markii uu dhulka soo kacay isaga oo xabadka garaacaya. Waxaa kadib goobta loogala cararay baabuur.

Booliska ayaa kadib billaabay in ay goobta ka daad-gureeyaan dadka kadib markii Trump uu ka tegay.

VOA

War cusub oo kasoo kordhay xaaladda Imran Khan

Islamabad (Caasimda Online) – Maxkamad ku taal Pakistan ayaa Sabtidii laashay dacwado hore iyo xakun 7 sano ah oo horay loogu xakumay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Imran Khan iyo xaaskiisa, balse saraakiisha ayaa markiiba is hortaagay in Khan xabsiga laga sii daayo.

Baab’inta danbiga uu u xirnaa Khan ayaa la xiriiray sharci ahaanshaha guur uu ra’isulwasaarihi hore ee Pakistan uu sannadki 2018-ki guursaday xaaskiisa saddexaad Bushra Bibi, kaas oo marki hore ay dacwad oogayaasha ku sheegeen inuu ahaa mid aanan loo marin sharciga.

Kiiskan ayaa u muuqay caqabadi ugu danbeysay ee sii deynta Imran Khan, kaddib ku dhawaad muddo sannad ah oo uu xabsiga ku jiro. Taageerayaashisa ayaa hor dhoobnaa bannaanbka xabsiga lagu hayo ee magaalada Rawalpindi si ay u salaamaan.

Laakin afhayeen u hadlay xisbigiisa ayaa sheegay, in waxyar kaddib marki uu soo baxay go’aanka maxkamadda, dib loo xiray Khan. Wuxuu kaloo xisbigu sheegay in xaaskiisa, Bushra Bibi iyadana mar kale la xiray. Waxana lagu eedeeyay labadoodaba arrimo la xiriira musuq maasuq.

Xakumadda hadda jirta ee Pakistan ayaa horay Imran Khan ugu soo oogtay in ka badan 150 kiis, oo ay ku jiraan kicin rabshado, musuq maasuq iyo danbiyo kale.

Horaantii bishaan, koox madax bannaan oo tirsan xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo sii daayo Khan, iyagoo sheegay in loo xiray sabab la’aan, arrintaas oo xadgudub ku ah bay yiraahdeen shuruucda caalamiga ah.

Sawirro: Ciidanka DF oo ka hortegay weeraro qaraxyo ah

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta howlgallo culus ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ayaa ka hortegay weeraro qaraxyo ah oo ay soo maleegeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa howlgalladan waxay ay si gaar ah ugu fuliyeen inta u dhexeysa degaanada Mesagawaa iyo Baraak Sheikh Caamir, halkaas oo ay miinooyin ku aaseen Al-Shabaab.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in waddadaas ay kasoo saaree miinooyin ay maleeshiyaadka doonayeen inay ku dhibaateeyaan dadka isticmaala halkaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa qarxiyay miinooyinka ay kasoo saareen waddada xiriirisa labadaas magaallo oo ay haatan ka howlgalaan ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka.

Saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalladooda, isla markaana ujeedkooda uu yahay in dhulkaasi ka xoreeyaan kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro kusoo qaada saldhigyada ciidamada ee ku yaalla bariga gobolka Galgaduud.

Xaaladda ayaa haatan mid deggan, waxaana ciidamada huwanta ay sii wadaan howlgalladooda, si ay uga hortegaan duulaan mar kale uga yimaada Al-Shabaab.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca isku dhacyo u dhexeeya labada dhinac.

Inta badan Al-Shabaab ayaa qaraxyo ah u dhiga kolonyada ciidamada dowladda ee isaga kala kooshaya deegaanadaas, waxaa ka dhasha khasaarooyin kala duwan.

Faah-faahin: Trump oo ka bad-baaday isku day dil

Butler (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa lagala cararay masrax uu hadal ka jeedinayey, magaalada Butler ee gobolka Pennsylvania kadib rasaas la furay.

Ciidamada ilaalada madaxda ee loo yaqaan Secret Service ayaa la cararay Trump kadib markii la maqlay dhawaqa rasaasta, ayada oo la arkayey Trump oo dhegta haysta.

Waxaa sidoo kale la arkayey Trump oo ka dhiig-baxaya dhegta ama qeybta midi gee wejiga, islamarkaana uu gacanta ku hayo daanka.

Wax yar kadib markii ciidamada ay dhulka dhigeen oo ay isku dabooleen, Trump ayaa so istaagay ayada oo dhiiga uu soo gaaray wejigiisa, waxaana kadib lagula cararay baabuurta.

Ilaa hadda faah-faahin rasmi ah lagama hayo xaqiiqda waxa dhacay, iyo haddii waxa ku dhacay Trump ay yihiin rasaas, balse wax kasta oo ay ahaayeen-ba waxay u muuqata in aysan halis gelin naftiisa, islamarkaana dhaawaca gaaray uusan aheyn mid halis ah.

Illaa hadda ololaha Trump ayaa ka hadlin dhacdadan.

Afhayeen u hadlay Secret Service, Anthony Guglielmi, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Trump “uu badqabo” ka dib “shil ka dhacay” isu soo bax uu ku qabtay Pennsylvania. Ma uusan bixin faahfaahin intaas dheer.

Xeer-ilaaliyaha Butler, Richard Goldinmger ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay in la dilay nin dabley ahaa, sidoo kalena uu dhintay mid ka mid ah dadkii ka qeyb-galayey isu soo baxa.

Ololaha Donald Trump ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu “badqabo” madaxweynihii hore.

“Madaxweyne Trump wuxuu uga mahad celinayaa booliska iyo gurmadka deg degga ah ficilka deg degga ah ee ay qaadeen intii uu socday falkan foosha xun,” ayuu afhayeenka Trump Steven Cheung ku yiri bayaan uu soo saaray.

“Wuu fiican yahay, waxaana lagu baarayaa xarun caafimaad oo deegaanka ah. Faahfaahin dheeraad ah ayaan bixin doonnaa.”

Booliska Muqdisho oo xabsiga dhigay gabar kale oo caan ah – Maxaa loo heystaa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in caawa lasoo xiray Faadumo Qaasin Maxamed oo loo yaqaano (Faadumo Kaftan).

Qoraal kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in gabadhaan ay ku eedeysan tahay in ay ku kacday falal anshax-darro ah oo liddi ku ah diinteena suuban iyo dhaqanka wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in isna la xiray Catoosh Yare oo caan ka ah baraha bulshada, inkastoo booliska Soomaaliya aysan shaacin xarigiisa.

Booliska Soomaaliya ayaa horay u xiray dhalinyaro badan oo ku eedeysan inay baraha bulshada ku soo gudbinayeen muuqaalo anshax darro ah, kuwaas oo maxkamadeyntoodu socoto.

Muqdisho waxay boolisku ku beegsanayaan dadka baraha bulshada ku faafiya anshax xumada, aflagaadada iyo kicinta colaadaha, waana tallaabo aad loo mahadiyey oo qeyb ka qaadaneysa xasiloonida bulshada iyo yareynta fasahaadka.

Hey’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala Muqdisho ayaa isku garab wada sugidda amniga iyo la dagaalanka anshax xumada, waxaana qofkii lagu arko loo taxaabayaa xabsiga.

Qiyaastii 40 dhalinyaro ah ayaa muddo ku dhow 3 bilood xabsiga ku jira, kuwaas oo toddobaadkii hore lasoo taagay maxkamadda gobolka Banaadir, dhamaatood dadkaasi waxay caan ka ahaayeen oo dembiyada loo heysto ay ku galeen aalada TikTok.

Markii laga reebo in lasoo xiray inta badan dadkii caanka ku ahaa faafinta anshax xumada, hadda waxaa joogsatay oo lagu guuleystay in meesha laga saaro dhaqankii dhalinyarada qaar oo soo bandhigi jiray muuqaalo anshax darro ah.

Daawo: Axmed Madoobe oo DF iyo dowlad goboleedyada shir muhiim ah uga furay Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Aqalka Martida ee magaalada Kismaayo ka daahfuray madasha hoggaaminta wax ku-oolka ah ee bahda cadaaladda Dalka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay in la kobciyo tayada hay’adaha cadaalada, maadaama ay yihiin saldhigga ugu muhiimsan ee dowladnimada, loona baahan yahay in heer federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah DFS ay si siman u noqdaan kuwo leh awoodahooda gaarka ah, gaari karana go’aano wax ku ool ah oo ku dhisan sharciga dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in dacwadaha ka jira dadka dhexdiisa ay go’aan ka gaari karaan hay’ado garsoor oo madax-banaan, isla markana aan qabin baahiyo saamayn kara go’aamada ay gaarayaan.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dadka xukunka iyo cadaalada u baahan ay marar qaar isku dayaan in la dadajiyo kiisaskooda, taas oo sababi karta in musuq ay ku dhacaan hay’adaha cadaalada, si gaar ahna maxkamadaha, si taas looga fogaadana loo baahan yahay in maxkamadaha dalka ay si weyn u darsaan kiisaska ay go’aanka ka gaarayaan.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in madashan ay shacabka Soomaaliyeed ka filayaan inay kasoo baxaan go’aano wax tar leh oo wax weyn ka bedelaya hay’adaha cadaalada dalka shaqada ay u hayaan umadda Soomaaliyeed.

Madasha oo socon doonta mudo afar maalmood ah ayaa waxaa ka qeygalaya Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Wasiirka Cadaalada iyo arrimaha Dastuurka, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo wasiirrada cadaalada ee dowladaha xubnaha ka ah DFS.

Gudoomiyayaasha maxkamaddaha Dowladdaha xubnaha ka ah DFS, xeer ilaaliyayaasha dowladdaha xubnaha ka ah DFS, Taliyahaasha Ciidamada Asluubta ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa ka soo qeyb galay shirka uu maanta Kismaayo ka furay madaxweyne Axmed Madoobe.

Hoos ka daawo

 

Daawo: Xeer ilaaliyaha guud oo amar culus ka soo saaray weerarkii Xabsiga Dhexe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ka hadlay weerarkii maanta ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa sheegay in waxa dhacay aan la aqbali karin, isagoo dalbaday in Taliska Asluubta Soomaaliyeed uu jawaab deg deg ah ka bixiyo qaladkii dhacay.

Xeer Ilaaliye Suleymaan ayaa dalbaday i la sameeyo baaritaan deg deg oo la keeno warbixin dhameystiran, “waxaan aad uga xumahay wixii ka dhacay Xabsiga Dhexe, mana aheyn arrin la filayey,” ayuu yiri Dr. Suleymaan.

Xeer ilaaliyaha oo sii hadlayey ayaa yiri, “Madaxda xabsiga iyo taliyaha waxaan farayaa in si deg deg ah ay arrintaas warbixin uga keenaan, waxaan looma dul qaada karo, waana la xisaabtami doonaa cidii qaladkaasi ka dhacay.”

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha ayaa carabka ku adkeeyey in qalalaase noocaas ah aan mar dambe loo dulqaada karin inuu ka dhaco xabsiga dhexe oo maxaabiis badan ay ku xiran yihiin, kuwaas oo xaq u leh in ammaankooda la sugo.

“Cidii masuulka ka aheyd goobta uu falkaasi ka dhacay waa la xisaabtami doonaa, hey’adaheenu waa inay ka baxaam jileeca, jileec dowladeed ayaa jira, laakiin waxaan oo kale lama aqbali karo, waana in jawaab cad laga bixiyaa,” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

5 maxbuus oo loo heystay Shabaabnimo, laguna xukumay dil toogasho ah ayaa geystay weerarkaas, kuwaas oo la toogtay daqiiqado badan kadib markii ay weerarka bilaabeen, sida uu sheegay Afhayeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf.

Sidoo kale 3 askari ayaa ku dhimatay howlgalkii lagu soo afjaray kooxdaas, halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay Afhayeen Cabdiqani.

Maxaabiistii kale ee xabsiga qeybihiisa kale ku jirtay ayuu sidoo kale khasaare gaaray, waxaana dhaawac soo gaaray 18 maxbuus oo dembiyo kala duwan u xiraa, sida lagu xaqiijiyey warbixinta afhayeenka.

Waa markii labaad oo xabsiga dhexe ay maxaabiis ka dhex dagaalantay, 2020-kii ayuu dhacay fal noocaan oo kale ah, xiligaas waxaa baxsaday rag ka tirsanaa argagixsada Al-Shabaab, balse maanta waxaa la xaqiijiyey in wax maxaabiis ah aysan baxsan.

Hoos ka daawo

Madaxweyne Joe Biden oo shaaciyey go’aankiisa hanka dib u doorashada

Detroit (Caasimada Online) – Isaga oo doonaya in uu dib u soo nooleeyo ololihiisa dib-u-doorashada ee halganka ku jira, ayuu Madaxweyne Joe Biden magaalada Detroit ee gobolka Michigan ku qabtay isu soo bax dadweyne oo naadir ah.

Biden ayaa qaar ka mid ah taageerayaashiisa Ditroit oo aad u faraxsanaa u sheegay, in aanu ka bixi doonin tartanka isaga oo uga digay in Donald Trump oo ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga uu iyaga ku yahay khatar weyn.

Biden, oo 81 jir ah, ayaa isku dayaya in uu iska leexiyo diiradda iyo hadal-heynta siyaasadda ee maalmihi lasoo dhaafay ay shacabka Mareykanka uga hadlayeen awoodihiisa maskaxeed iyo jireed ee hogaaminta Mareykanka, haddii mar kale lasoo doorto.

Shakiga da’diisa ee taageerayaasha xisbigiisa dimoqraadiga ayaa soo baxay, kaddib dooddii uu 27-ki June la yeeshay murashaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, oo uu Biden ku soo bandhay wax lagu tilmaamay bandhig aad uga liitay kan Trump.

Khudbaddii uu shalay u jeediyay dimoqraadiyiinta magaalada Detroit ayuuse Biden ku yiri “Waan tartamayaa waana ku guuleysan doonnaa. Wuxuu intaasi ku daray inuu yahay murashaxa isla markaana uusan meelna u socon oo uu tartami doono.

Biden wuxuu kaloo shalay soo bandhigay qorshihiisa 100-ka maalin ee ugu horreeyo haddii mar kale lasoo doorto.

Kuwaas oo ay ku jiraan dib u habeynta xuquuqda ilmo soo rididda, saxiixida Xeerka Xuquuqda Codbixinta ee John Lewis, joojinta deynta caafimaadka, kordhinta mushaharka iyo mamnuucida hubka wax lagu weeraro.

Hase yeeshee, xeerarkaasi ayaa meelmarintooda u baahnaan doono in aqlabiyadda Koongareeska ay helaan mudanayaasha xisbiga dimoqraadiga.

Voa

Jab culus oo la gaarsiiyay Al-Shabaab maanta kasoo gudbay wabiga + Sawirro

0

Buuloburde (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal culus ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkan oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dhuumaaleysi kusoo galay deegaanka Beerayabaal ee gobolkaasi.

Ciidamada oo ka war helay kooxdaas ayaa weerar culus ku qaaday, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

War kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan lagu dilay ugu yaraan 10 ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana lagu gaarsiiyay khasaaare kale oo aad u culus.

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta weerar culus ku qaaday Khawaarij si dhuumaaleysi ah ku soo gashay deegaanka Beerayabaal oo hoos taga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan. Ugu yaraan 10 dhagarqabe ayaa Khawaarijta looga dilay dagaalkii maanta ka dhacay Beerayabaal, waxaana lasoo werinayaa in khasaaraha gaaray argagixisada uu intaas ka sii badan yahay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sisoo kale saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in deegaankaas ay ka saareen Al-Shanaabkii ka soo gudubay Wabiga, kadib markii dadka deegaanka oo helay xogta xubnahan oo ka yimid galbeedka Wabiga ay lasoo xiriireen Taliska qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, kuna aadan dagaalkaasi ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo lagu doonayo in maleeshiyaadka Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay ka joogaan gobolkaas oo hoostaga HirShabelle.

Maxaa ka jira in Saneey Cabdulle uu qabsaday saldhigga Gubadley?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Gubadley oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta saldhigga Booliska ee degmadaas ayaa ka hadlay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay in General Saneey Cabdulle Gaab oo kamid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka uu xoog ku qabsaday saldhigga Gubadley.

Guddoomiyaha degmada ayaa beeniyay warkaasi, wuxuuna sheegay in saldhigga aysan la wareegin wax ciidan milatari ah, isla markaana ay shaqadiisa usocoto si wanaagsan.

“Taliye Saneey ayaa saldhigga la wareegay ciidan la yimiday qoraalkii ayaa saldhigga laga tiray oo Wariye aan wax hubsan waxa jirana aan ka warqabin uu ka warbixiyay waxa la sheegaayana waa waxba kama jiraan” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Gubadley.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Degmada anaa xukumo ma jiro wax ciidan ah ama dhibaataa oo ka dhacay habayaraatee malaha”.

Waxaa sidoo kale arrintan ku baxay taliyaha qaybta booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi oo goobta tegay, waxaana uu soo qiimeeyay xaaladda, isaga oo la kulmay General Saneey, taliyaha cusub ee loo magacaabay saldhigga Gubadley, wuuna xog wareysto.

“Saldhigga waa kanaa waxaa wada jooga ciidanka Booliska iyo maamulka degmada waxa la sheegayana waa waxba kama jiraan, waxaana la jooga taliyihii qaybta gobolka Banaadir iyo taliyihii cusbaa ee lasoo magacaabay iyo saraakiishii ammaanka” ayuu sii raaciyay guddoomiyaha maamulka degmada Gubadley.

Degmadan ayaa kamid ahayd saddexdii degmo ee dhowaan uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo 20 degmo ka dhigay gobolka Banaadir.

Si kastaba, Saneey Cabdulle ayaa ciidamadiisa muddo dheer waxa ay gacanta ku hayeen amniga degmada Gubadley, welina waxa ay joogaan qaybo kamid ah degmadaasi.

Taliska ciidanka Asluubta oo shaaciyay khasaaraha weerarkii xabsiga dhexe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf oo warbaahinta kula hadlay gudaha xabsiga ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay weerarkii maanta ka dhacay halkaas.

Afhayeenka ayaa sheegay in ugu dambeyn weerarka lasoo afjaray, isla markaana uu sababay khasaare xoogan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qalaf ayaa shaaciyay in weerarka lagu dilay ugu yaraan 5 maxbuus, ayna ku dhaawacmeen 18 kale oo kamid ah maxaabiistii ku xirnaa halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay howlgalka kaga dhinteen saddex askari, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen saddex kale oo kamid ah ciidamada ilaalada ee xabsiga dhexe.

“Waxaa maxaabiista ka dhintay 5 maxbuus waxaa ka dhaawacmay 18, askarta waxaa ka dhintay saddex, waxaa ka dhaawacmay saddex kale intas ayuu howlgalka kusoo gabagaboobay” ayuu yiri afhayeenka.

Dhinaca kale waxa uu tilmaamay inay socoto baaris ku aadan weerarkan, isla markaana natiijadiisa ay la wadaagi doonaan shacabka Soomaaliyeed, kadib baarista.

“Wixii baaris ah iyo sababihii ay waxaan u dhaceen waxyaalahaas taliyaha ayaa baaris u diri doono, jawaabteedana waad heli doontaa” ayuu sii raaciyay.

Weerarkan ayaa waxaa laga dhex abaabulay isla xabsiga gudihiisa, waxaana fuliyay illaa 5 nin oo ka tirsan Al-Shabaab, balse horay loogu xukumay dil toogasho ah, kuwaas oo dhammaantood toogasho lagu dilay intii uu socday howlgalka ciidamada ammaanka.

Si kastaba waa markii labaad oo xabsiga dhexe iska hor imaad uu ka dhaco, sanadkii 2020 ayay aheyd markii sidan oo kale maxaabiis ku jiray xabsiga oo hub loogu qariyay raashin ay ka dhex dagaalameen xabsiga gudihiisa.

Ehellada Sayid-Cali oo war culus soo saaray kadib weerarkii Xabsiga Dhexe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib weerarkii tooska ahaa ee maanta ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, isla markaana ay fuliyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku xirnaa xabsiga oo horay dil loogu xukumay ayaa waxaa maanta arrintan war culus kasoo saaray ehellada Sayid-Cali Macallin Daa’uud oo isna ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar.

Aadeerka Sayid-Cali oo lagu magacaabo Nuur Xirsi ayaa Shabelle Tv u sheegay in wiilkooda uu lasoo xiriiray kadib weerarka ku qabsaday xabsiga, wuxuuna sheegay inuu nabad qabo.

“Wiilka waa nasoo wacay markii ay xabadda bilaaatay ayuu nasoo wacay meesha saas ayaa ka jirto ayuu nagu yiri, waana nabad qabaa” ayuu yiri Aadeerka Sayid Cali.

Sidoo kale Nuur Xirsi ayaa beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo ku aadan xaaladda Sayid Cali wuxuuna ku jawaabay “Waxaase waa been beentii iyo xaarantii la wadi jiray waayey kow dheh, mana jiraan waxaas wiilkeena wuu nabad qabaa”.

Dhinaca kale adeerka ayaa soo hadal qaaday kiiska Sayid-Cali oo xukuman dil toogasho ah, kadib markii lagu helay inuu gubay xaaskiiskii Luul Cabdicasiis, wuxuuna tilmaamay in weli arrintiisu ay taagan tahay, isla markaana ay racfaan u qaateen maxkamadda sare ee dalka.

“Arrinta waxa ay joogtaa halkii aad ku ogayd waxaa weeyey wiilkan arrintiisa waxa ay u gudubtay maxkamadda sare ee dalka” ayuu mar kale yiri.

Si kastaba, weerarkii maanta ee ka dhacay xabsiga dhexe ayaa waxaa ku dhintay qaar kamid ah maxaabiista, askar ka tirsan ciidanka Asluubta iyo shantii nin ee weerarka fulisay.

Halkan hoose ka daawo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo beeniyay war kasoo yeeray xildhibaano ka tirsan BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreeysay si cad u beeniyay inay jiraan degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka oo dib u qabsatay Al-Shabaab.

Xasan ayaa meesha ka saaray inay jirto in kooxda dib ula wareegtay goobo markii hore laga saaray oo ciidamada ka baxeen, isaggoo amaanay ciidanka xoogga dalka iyo shacabka hubeysan oo si wada-jir ah ula dagaalamaya Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu qalad dhici karo, wuxuuna sheegay in hadii la arko qof wax ka qaldameen uu yahay qof wax qabtay, uuna ka wanaagsan yahay midka an wax qabanin, islamarkaana la taageero ciidamada xoogga dalka.

“Dagaal markasta waa guul ama guul-darro, hase yeeshee macquul maaha in la xaqiro ciidamada xoogga dalka iyo deegaanka ee dagaalka kula jira kooxda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo ciidanka geesiyaasha ku amaanay sida ay naftooda ugu hurayaan xoreynta dalka.

Hadalka madaxweyne Xasan ayaa imaanaya xilli xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ay sheegeen in deegaano iyo degmooyinkii ay ku baxeen saraakiil muhiim ah ay dib ula wareegtay kooxda, wuxuuna u muuqda hadalka madaxweynaha mid jawaab u ah xildhibaannada.

Dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah oo wejigiisa koowaad uu dardar horleh ku bilowday, islamarkaana kooxda looga xoreeyay degmooyin iyo deegaan muhiim ah oo sanado ka talinayeen, ayaa waxaa bilihii dambe ku yimid gaabis, kaasi oo loo tirinayo hoggaan xumo haysata ciidanka.

Madaxweynaha ayaa toddobaadyadii u dambeeyay waday dadaallo dhiig cusub loogu shubayo howl-galka, si loogu gudbo wejiga labaad ee dagaalka oo dib u dhac weyn ku yimid, wallow uusan illaa hadda wax isbeddel ah ku sameyn hoggaanka sare ee ciidanka.

Daawo: Xildhibaan Jeesow oo dood culus ka keenay canshuurta ay soo rogtay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta hadal ka jeediyay kulanka baarlamaanka ayaa dood wayn ka keenay canshuuraha iibka (Sales Tax) oo haatan dowladdu ay bilaabeyso qaadisteeda, taas oo noqoneyso 5%, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa ka horyimid arrintan, wuxuuna tilmaamay in dhibaato horleh ay ku tahay shacabka Soomaaliyeed, maadaama buu yiri canshuur laga qaadayo lacagaha taleefoonada la’isugu diro sida EVC, eDahab ama lacagaha kale ee qaabka Wallet-aka ah.

“Waxaan arkaayay Wasiirka Maaliyada oo leh EVC-ga ayaan canshuur ka qaadayaa, hal doolar oo aan qof u diray ayaa canshuur layga waydiinaaa aniga maxay tahay taas micnadeeda?” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray  “Waxaa la rabaa inaan u ekaano dowlad ee ma aha inaan u ekaano NJO-yo isu yimid waa inaa noqonaa qaran jira oo ay u kala saaran yihiin sax iyo qalad”.

Arrintan ayaa waxa qeyb ka tahay dadaalka dowladda ee sare loogu qaadayo dakhliga gudaha, si loo gaaro isku filnaan dhaqaale oo ay gaarto Soomaaliya.

Wasiir Biixi Imaan Cige wuxuu hoosta ka xariiqay in qorshahan oo muddo dheer soo socday hadda la dhammeystiray, isaga oo la wadaagay shirkadaha isgaarsiinta iyo hay’adaha kale ee ka shaqeeya lacag dirista.

“Waxaan rabaa maanta dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatadaba gaar ahaan shirkadaha bixiya adeegga is gaarsiinta iyo adeegyada lacag dirista intaba aan rabaa inaan la wadaago in uu dhaqangeli doono hannaan casri ah oo wasaaradda maaliyadda ay muddo ku howlanayd oo ay ka shaqeyneysay oo soo dhameystirmay” ayuu yiri wasii Biixi Iimaan Cige.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in system-kan cusub oo ay yeelatay dowladda uu suuragelin doono inay goosato canshuuraha ka dhasha iibka ee Electronica ah.

“Hannaanka ayaa soo dhameystirmay wuxuuna wasaaradda u suuragelin in doonaa in canshuuraha ka dhasha iibka ee sida Electronica ah meel kasta oo dhaq-dhaqaaq iib ama gadasho ka dhaco oo hannaankaa ku dhaca inay dowladdu hadda yeelatay system iyo hannaan casri ah oo lagu daba galo lagu goosto canshuurta” ayuu sii raaciyay wasiirku.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Sida xeerka ina farayo canshuurta iibka ee hadda sharciga ina farayo waa 5%, waana marka la babar dhigo dalalka gobolka aan ka tirsanahay”.

Arrintan ayaa durbo dhalisay walaac xoogan, waxaana si wayn looga hadal hayaa baraha bulshada, maadaama ay tallaabadan saameyneyso qof kasta oo wax ku iibsanayo habka Electroniga, gaar ahaan lacagaha taleefoonada EVC-ga-, eDahab-ka ama kuwa Walleta-ka.

Ciidamada oo soo afjaray weerarkii xabsiga dhexe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar iyo dagaal toos ah oo maanta ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana haatan lasoo afjaray weerarka, kadib howlgal culus oo saacado qaatay.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay weerar toos ah xabsiga kasoo abaabuleen xubno loo haysto Shabaabnimo oo ku xirnaa qaybta Biya Mundo oo ka tirsan xabsiga dhexe ee Xamar, isla markaana ay ku xiran yihiin xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee ay soo xirtay dowladdu.

Wararka ayaa sheegaya in qaar kamid ah maxaabiista ay haleen qoryo AK47 ah iyo bambaamooyin, kadibna ay u suuragashay inay la dagaalamaan ilaalada xabsiga.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in la tooktay dhammaan raggii weerarka soo qorsheeyay oo tiradooda lagu sheegay 5 nin, waxaana ay ku xukunaayeen dil toogasho ah, kadib markii lagu helay Al-Shabaabnimo iyo dilal ay horay u gaysteen.

Sidoo kale waxaa weerarkan ku dhintay laba maxabuus oo kale, halka ay ku dhaawacmeen laba kale, kuwaas oo kamid ah maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana gudaha u galay xabsiga ciidamada amniga oo weli howlgal amni xaqiijim ah ka wada halkaasi.

Waa markii labaad oo xabsiga dhexe iska hor imaad uu ka dhaco, sanadkii 2020 ayay aheyd markii sidan oo kale maxaabiis ku jiray xabsiga oo hub loogu qariyay raashin ay ka dhex dagaalameen xabsiga gudihiisa.

Daawo: Saciid Deni oo arrin xasaasi la wadaagay QM

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta qaabilay Ergeyga kumeel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Saciid Deni iyo Jamees Swan ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan siyaasada, amniga, mashaariicda, bini’aadanimada iyo daadejinta adeegyada dowladda.

Madaxweyne Saciid Deni oo kulanka ka hadlay ayaa faah-faahiyey qodobada ay ka wada-hadleen isaga iyo wadiga QM, wuxuuna uga mahadceliyey Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan Booqashadiisa Magaalada Garoowe iyo taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Deni ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in labada dhinac ay ka wada-hadleen amniga, siyaasadda iyo arrimaha bani’aadanimada ee dalka.

“Waxaan is weydaarsanay wada-hadal dhinacyo badan taabanayay sida amniga, siyaasadda iyo dhinacada bani’aadanimada” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inuu la wadaagay aragtidiisa ku aadan xaaladaha ka taagan ee dalka, si looga gudbo caqabadaha waa wayn ee jira.

“Waxaan la wadaagnay dareenkeenna iyo aragtideenna ku aadan xaaladda dalka, waxaana rajeynayaa inay ka qayb qaadan doonto sidii uu xal ugu heli lahaa arrimaha murugsan ee Soomaaliya” ayuu sii raaciyay.

Kulankan waxaa madaxweyne Saciid Dei ku wehlinayey madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo qaar kamid golihiisa wasiirada, halka Swan ay garab  taagnaayeen xubno kamid ah xafiiska kaalmeynta UNSOS ee Qaramada Midooay.

Maalmihii u dambeeyay James Swan oo mar kale loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa waday kulamo wada tashi ah oo uu la qaadanay madaxda Soomaaliyeed, si hore loogu wada shaqeynta dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo Qaramada Midoobay.

Daawo: DF oo canshuur hor leh kusoo rogtay reer Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda federaalka ay markii ugu horreyso bilaabeyso qaadista canshuuraha iibka (Sales Tax), taas oo noqoneyso 5%, sida uu ku sheegay shirkiisa jaraa’id.

Biixi ayaa shaaca ka qaaday in arrintani ay qeyb ka tahay dadaalka dowladda ee sare loogu qaadayo dakhliga gudaha, si loo gaaro isku filnaan dhaqaale oo ay gaarto Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusay in qorshahan oo muddo dheer soo socday hadda la dhammeystiray, isaga oo la wadaagay shirkadaha isgaarsiinta iyo hay’adaha kale ee ka shaqeeya lacag dirista.

“Waxaan rabaa maanta dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatadaba gaar ahaan shirkadaha bixiya adeegga is gaarsiinta iyo adeegyada lacag dirista intaba aan rabaa inaan la wadaago in uu dhaqangeli doono hannaan casri ah oo wasaaradda maaliyadda ay muddo ku howlanayd oo ay ka shaqeyneysay oo soo dhameystirmay” ayuu yiri wasii Biixi Iimaan Cige.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in system-kan cusub oo ay yeelatay dowladda uu suuragelin doono inay goosatai canshuuraha ka dhasha iibka ee sida Electronica ah.

“Hannaanka ayaa soo dhameystirmay wuxuuna wasaaradda u suuragelin in doonaa in canshuuraha ka dhasha iibka ee sida Electronica ah meel kasta oo dhaq-dhaqaaq iib ama gadasho ka dhaco oo hannaankaa ku dhaca inay dowladdu hadda yeelatay system iyo hannaan casri ah oo lagu daba galo lagu goosto canshuurta” ayuu sii raaciyay wasiirku.

Waxaa kale oo uu ka dalbaday shirkahada isgaarsiinta iyo bangiyada dalka inay arrintan kala shaqeeyaan wasaaradda maaliyadda, si ay waaxda dakhliga u gudato waajibkeeda

Waxaan rabaa inaan faro shirkadaha isgaarsiinta inay waaxda dakhliga iyo dadka farsamayaqaanada ee howlahaa ku howlan inay gacan buuxda ku siiyaan inay gutaan waajibaadkooda” ayuu mar kale yiri wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Sida xeerka ina farayo canshuurta iibka ee hadda sharciga ina farayo waa 5%, waana marka la babar dhigo dalalka gobolka aan ka tirsanahay”.

Arrintan ayaa durbo dhalisay walaac xoogan, waxaana si wayn looga hadal hayaa baraha bulshada, maadaama ay tallaabadan saameyneyso qof kasta oo wax ku iibsanayo habka Electroniga, gaar ahaan lacagaha taleefoonada EVC-ga-, eDahab-ka ama kuwa Walleta-ka.