25.1 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

ITOOBIYA oo faro-geliyay dagaalka LUUQ + Sawirro

0

Luuq (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuna sugan gobolka Gedo ayaa si toos ah u faro-geliyay dagaal beeleedka degmada Luuq, kadib markii ay dowlad goboleedka Jubbaland ku wareejisay amniga guud ee degmadaasi.

Ciidamada Itoobiya ayaa door way ka qaatay sugidda amniga intii uu socday dadaalka nabadeed ee uu halkaas ka waday madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaga oo la wareegay amniga hoolka la’isugu keenay beelaha.

Sidoo kale ciidamada Itoobiya ayaa haatan isku ballaariyay qaybo badan oo kamid ah degmada Luuq, si ay uga hortagaan dagaal mar kale ka dhaca gudaha degmadaasi.

Maxamuud Sayid Aadan oo kulan la yeeshay saraakiisha ciidamada Itoobiya oo uu hoggaaminayay taliyaha qeybta sadexaad ee howlgalka ATMIS Besfat Fente iyo masuuliyiin kale oo katirsan howlgalka ATMIS ayaa kala hadlay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.

“Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada amniga, howlgalada kasocda deegaanada Jubaland ee lagu ciribtirayo Khawaariijta iyo qorshaha bixitaanka Ciidamada ATMIS.” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay Jubbaland kasoo saartay shirkaasi.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sheegay in guddi gaar ah loo xil-saarayo soo qiimeynta hantidii lagu gubay Suuqa Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, ayada oo uu guddigaas diyaariyo qorshaha lagu gacan-qabanayo Dadkaas.

Waxaa kale oo uu nasiib darro ku tilmaamay in Dagaal Beeleedka ka dhacay Degmada Luuq lagu gubo Suuqa Degmadaas oo muhiim u ah Bulshada halkaas ku sugan maadaama aanay ka maarmin badeecaha lagu iibiyo oo safar fog loo galo.

“Waxa aad uga xunnahay Dadka Soomaaliyeed ee Suuqaas ku hanti beelay, in ka badan 320 Ganacsi in lagu gubay, waan garab taaganahay, labadeenna heer Dowladeed waxa aan codsanaynaa in aan la cidleyn Dadkaas oo la gacansiiyo, Guddi Ayaan u xilsaaraynaa si dib noloshooda gacan looga siin lahaa” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Xaaladda degmada Luuq ayaa haatan ah mid deggan, kadib dagalalo culus oo halkaas ku dhex-maray laba beelood, kuwaas oo iska dilay dad badan, iskana gubay goobo ganacsi.

Maydadkii ugu badnaa oo laga helay GAZA kadib markii…

Gaza (Caasimada Online) – Ciidamada Israa’iil ayaa xalay dib uga baxay qeybo ka mid ah magaalada Gaza, kaddib muddo todobaad ah oo ay duqeymo ba’ani ku hayeen isla markaana meelaha qaar ay kala kulmayeen iska-caabin culus oo kaga imaneysay Xamaas.

Sida ay sheegeen goob joogayaasha iyo kooxaha gurmadka deg degga ah, ciidamada Isra’il ayaa kaga tagay xaafadihi ay xalay ka baxeen ee Gaza, meydadka tobnaan qof, burbur xoog leh oo soo gaaray dhismayaal tira badan iyo waddooyinki muhim u ahaa magaalada.

Adeegga Gurmadka Rayidka ah ee Gaza ayaa sheegay in ay xaafadaha Tel Al-xawaa iyo Sabta ee magaalada Gaza ay kasoo ururiyeen, meydadka ku dhawaad 60 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay dileen ciidamada Israa’iil usbuucii la soo dhaafay.

Inkasta ooay taangiyada ay ka baxeen meelaha qaar, hadana shaqaalaha gurmadka iyo goob-joogayaasha qaar ayaa sheegay, in kooxaha shish-wanaagga iyo taangiyada saaran dhulka jooggiisu sarreeyo ay meelaha fog kasoo tooganayaan dadka. Sidaasi daraadeedna uga digay dadweynaha in ay isku dayaan inay soo laabtaan.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay heleen hub iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo ay sheegeen in ay Xamaas ku hesyteen xarunta hey’adda Qaramada Midoobay ee Falastiin ee UNRWA. Waxay kaloo sheegeen in ay aaggaasi ka daad gureeyeen rayidka ka hor inta aysan weerarin.

Garabka hubeysan ee Xamaas iyo Islac Jihad ayaa sheegay in ay hoobiyaal iyo madaafiicda lidka taangiyada ay ku weerareen ciidamada Isra’il isla markaana ay gaarsiiyeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Hase yeeshee ciidamada Isra’il wax war ah arrintaasi kama aysan soo saarin.

Dagaalka ay Isra’il ku qaadday Gaza oo hadda 10 bil jirsaday ayaa billowday, waxyar kaddib marki ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il, halkaas oo ay ku dhishay in ka badan 1,000 Isra’iiliyiin ah boqollaal kalana soo qafaasheen.
Isra’il ayaa iyaduna duullaanka ay wali ka waddo Gaza ku dishay in ka badan 38 kun oo ruux oo Falastiiniyiin ah.

Dagaal toos ah oo ka socda xabsiga dhexe ee XAMAR

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow dhawaqa rasaas xooga iyo qaraxyo bambaanooyin ah laga maqlay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana lasoo wariyay inuu xiigay dagaal toos ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in markii hore qaraxyo ay ka dhaceen gudaha xabsiga, kadibna ay xigtay is rasaaseyn toos ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inay dagaalamayaan ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Asluubta ee gacanta ku haya xabsiga iyo qaar kamid ah maxaabiista oo hub heshay.

Lama oga khasaaraha ka dhashay, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, mana jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Soomaaliya.

Illa iyo hadda ma suuragalin in la qabto ama la toogto maxaabiista gudaha xabsiga dhexe ka dhax dagaalamaya, ayada oo haatan la maqlayo rasaas teel teel ah.

Horay sidaan oo kale ayaa weerar kan lamid ah oo laga soo dhex abaabulay uu ka dhacay isla xabsiga dhexe ee Xamar, halkaas oo ay ku xiran yihiin xubno loo haysto Shabaabnimo iyo kuwa kale oo ay ku eedeysan dambiyo kala duwan.

Wixii soo kordha kala soco Caasimada.net

Wasiirka arrimaha dibadda Masar oo ka hadlay 4 arrimood oo Soomaaliya muhiim u ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka dalka Masar Badr Abdelatty ayaa maanta yimid Muqdisho, wuxuuna la socday diyaaradda Egypt Air oo Soomaaliya ka bilaabeysa duulimaad toos ah, waa duulimaadkii ugu horeeyey 30 sano oo Soomaaliya burbursadeen kadib.

Wasiirka ayaa khudbad ka jeediyey qeybta VIP-da ee garoonka Aadan Cadde, isagoo muujiyey in dowladda Masar ay taageero weyn u heyso Soomaaliya, isagoo ka hadlay kursiga aan joogtada aheyn ee Soomaaliya ay ka heshay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.

“Waxaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, uga hambalyaynaya munaasabadda xuska maalinta xorriyadda, iyo sidoo kale doorashada Soomaaliya ee xubinnimada Golaha Ammaanka oo dhaqangaleysa bisha Janaayo ee socota,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Masar.

Wasiir Badr ayaa sheegay in Masar ay ka go’an tahay inay taageero u fidiso Soomaaliya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay u rajaynayaan inay ku guuleysto xilka gudashada kursigaas, isla markaana ay noqoto Soomaaliya xubin adag oo ka tirsan golaha.

“Mudanayaasha sharafta leh, sida aad ogtahiin gobolka waxaa ka taagan caqabado horleh oo u baahan in aan dadaalkeenna isku geyno oo aan si dhow uga tashano, anagoo ka duulayna xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, iyo in la isku duwo wada-shaqeynta ku aadan arrimaha kala duwan sida Ixtiraamka mabaadi’da deris-wanaagga iyo in laga fogaado fargelinta arrimaha gudaha ee dalalka,” ayaa yiri.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa intaas ku sii daray “Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan caddeeyo sida buuxda ee Masar ay u taageersan tahay midnimada, wadajirka dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyo diidmada qayaxan ee Masar ay ku diiddan tahay tallaabo kasta oo wax u dhimaysa madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.”

Munaasabadda xarigga looga jarayay duulimaadkii u horreeyay ee diyaaradda Egypr Air oo ka mid noqon doonta duulimaadyada caalamiga ah ee yimaada garoonka Caalamiga ah ee diyaaraddaha Aadan Cadde oo ka dhacday garoonka ayay si wadajir ah xarigga uga jareen Wasiirada Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Masar oo ay wehliyeen Wasiirada Gaadiidka labada dal.

Arrintan ayaa waxay astaan kale u noqoneysaa ahmiyadda Masar u leedahay Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ahaa ee labada dal, kaddib khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

DF oo soo saartay warbixin dheer oo 19 qodob ah – Aqriso qodobada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixinta toddobaadle ah oo ka kooban 19 qodob oo lagu faahfaahiyey waxyaabihii dhacay toddobaadkaan, qoraalkaan waxaa soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, waxayna soo baxdaa toddobaadkiiba hal mar.

Hoos ka aqriso qodobada warbixinta oo dhameystiran:

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u furay Kalfadhiga 5aad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Asmara kulan kula soo yeeshay Madaxweynaha Eritrea, Isaisas Afwerki. Madaxweynaha ayaa dib ugu soo laabtey dalka markii uu soo dhameystay booqashadiisa labada maalmood ahayd

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa kormeer ugu tagay cutubyo katirsan Ciidanka Cirka Soomaaliya oo tababar ku qaadanaya magaalada Asmara.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku saxiixay buugga tacsida Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen Dufcaddii 6-aad ee saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo Muqdisho lagu qabtey.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefonka kula xiriiray Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi , iyagoo ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Soomaaliya iyo Masar.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib dalka ugu soo laabtey kadib booqasho rasmi ah oo uu ku tegay dalka Ciraaq.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo intii uu joogay Ciraaq kulamo mira dhal ah kula soo yeeshay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamanka iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda Jamhuuriyadda Ciraaq.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaal beeleedyada macno darrada ah ee ka socda degmada Luuq ee gobolka Gedo, isagoo intaa ku darey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadayso tallaabooyin lagu xaqiijinayo nabadda degmada Luuq.

10- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarmalanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga Shanaad ee Baarlamaanka 11-aad, isagoo ka warbixiyay waxyaabihii Baarlamaanka u qabsoomay Kalfadhigii Afaraad Iyo shuruucda u qorsheysan ka shaqeyntooda.

11- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Mudane Maxamed Cali Xaamud oo ahaa Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya oo ku geeriyooday dalka Australia.

12- Shirkadda Diyaaradaha Masar oo bilowday duulimaadyo ay isaga gooshayso Muqdisho iyo Qaahira.

13- Wasirka Cadaaladda iyo Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa daah furay Shirweynaha Hal-abuurada Soomaaliyeed ee 2024-ka, isagoo xusay muhiimadda ay leeyihiin hal-abuurka, maalgashiga, iyo taageerada sharciga.

14- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.

15- Wasiirka Waxbarashada ee Soomaaliya Mudane Faaraxa Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ergeyga KMG ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyagoo ka wada hadley xaaladda waxbarashada dalka iyo mashaariicda hay’adaha Qaramada Midoobay ee horumarinta waxbarashada.

16- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka socday Xafiiska UNDP Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wakiilka Joogtada ah, Mudane Lionel Laurens.

17- Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka socotay hay’adda TSA oo Mareykanka u qaabbilsan amniga garoomada.

18- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo kulan la qaatay dhammaan hoggaanada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

19- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgalo ka dhan ah Khawaarijta Al-Shabab ka fuliyay deegaannada kala ah, Baar, Ceel Jeedow, Ceel Tuumed iyo Sijo oo ka tirsan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

 

Xasan, Farmaajo iyo Shariif: Waa kuma madaxweynaha ugu qabyaaladda badan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka Soomaaliyeed waxaa jirta laba arrin oo ay si weyn ugu nacaan madaxda, waana qabyaaladda iyo boobka hantida umadda ka dhaxeysa.

Waxaa warbixintan ku eegayna madaxda iyo dhinaca qabyaaladda. Waxaana isku bar-bardhigaynaa warbixintan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.

Madaxda Soomaalida qaar markii ay banaanka joogaan waxay muujinayaan oo wax ku raadinayaan Soomaalinnimo, laakiin markii xukunka helaan ayey la yimaadan dabeecad qabyaaladeed, naceybka reero gaar ah iyo u sad-burinta reerkooda hoose.

Dhawaan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed aya ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu qabyaalad uga shaqeynayo si aan fiicneyn, isaga oo tilmaamay in la ogyahay halka uu kusoo dhamaado qabiilka.

Saddexdan madaxweyne ee Xasan Sheekh, Farmaajo iyo Sheekh Shariif mid walba waxaan ku saleynay qeybta uu warbixintan ku leeyahay waxa lagu arkay xukunkiisa ama u yaalla suuqa siyaasadda oo dadweynuhuna marar badan kor u sheegeen.

Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu xukunka qabtay laba jeer. Madaxweynaha labadaasi jeerba waxaa lagu eedeeyay labo sifo oo qabyaalad la xiriirta.

Mid waa inuu diidan yahay ama muujinaayo naceyb la xiriira reero gaar ah.

Midna waa sad-bursi u sameynayo qeybta hoose ee uu ka yahay reerka uu awood-qeybsi ahaan ku metelo hanaanka 4.5.

Beesha degta Puntland ayaa marar badan la sheegay inuu madaxweyne Xasan Sheekh reer ahaan u diidan yahay, halka uu labadiisi xili xukuna xagga wax qeybinta uu si weyn sad-bursi ugu sameeyay reerkiisa hoose, gaar ahaan xagga dhaqaalaha, xilalka, ciidameynta iyo hub u sameynta.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Farmaajo ayaa intii lagu jiray waxaa lagu arkay hal sifo oo qabyaalad ah, waana diidmada ama naceybka beel gaar ah.

Waxaa si weyn loogu eedeeyay madaxweynihii hore madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu go’aadsaday in siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba u wiiqo reerka Muqdisho degan.

Isaga oo tijaabiyay inuu siyasaad ahaan u bur-buriyo hoggaankooda wax-galka ah, inta badan xilalkooda heer federaal iyo heer maamul goboleedna uu ku taxay kuwooddii ugu tayada liitay, taas oo lagu tilmaamay dagaal qaawan oo reerkaas ka dhan ahaa.

Farmaajo isagu wax sad-bursi ah uma sameynin reerkiisa hoose. Markii diiwaankiisa lagu laabto markii ra’iisul wasaaraha ahaa iyo markii madaxweynaha noqday Farmaajo ma muujin sad-bursi uu reerkiisa u sameyno, balse waxaa lagu haystaa diidamada beel gaar ah.

Shariif Sheekh Axmed

Shariif waxa uu haystaa diiwaanka madaxweynaha ugu qabyaaladda yar saddexdii madaxweyne ee ugu dambeysay Soomaaliya.

Shariifku ma lahan sumadda ah inuu reer gaar ah neceb yahay, waligiina laguma eedeyn. Xilligii xukunkiisana kuma kicin inuu reerkiisa xoolaha umadda u dhaco ama u sameeyo sad-bursi xileed.

Marka lasoo koobo nuxurka warbixinta iyo waxa suuqa siyaasadda u yaalla mid walba oo kamid ah saddexdii madaxweyne ee ugu dambeysay Soomaaliya.

Xasan Sheekh waxaa lagu haystaa diidmada reero gaar ah iyo u sad-burinta reerkiisa.

Farmaajo waxaa lagu haystaa diidmada reero gaar ah, balse isagu kuma suntana weligiis inuu reerkiisa wax u badiyay.

Halka aan Shariif Sheekh Axmed loo haysan wax qabyaalad la xiriira haddii ay tahay naceybka beel gaar ah ama wax u boobida reerkiisa.

Taliyihii guud ee booliska dalka Kenya oo is-casilay, kadib markii la dilay 40 qof

0

Nairobi (Caasimada Online) – Taliyihii guud ee ciidamada booliska dalka Kenya ayaa xilkii is-casilay, kadib mudaharaadyo rabshado wata oo toddobaadyo socda dalka, kuwaas oo galaaftay nolosha in ka badan 40 qof.

Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeyay booliska Kenya in ay toos u toogteen tobanaan dibad-baxayaal ah oo qaarkood ay dhinteen, boqolaalna ay qafaasheen ama si aan sharci ahayn loo xiray.

Bartamihii bishii hore waxaa ka dhacay dalka Kenya mudaaharaadyo looga soo horjeedo in la kordhiyo canshuuraha, dibadbaxa ayaa la xakameyn waayey.

Dibad-baxayaashu waxay xoog ku galeen baarlamaanka, wax yar kadib markii sharci-dajiyayaashu ay meel mariyeen sharciga muranka dhaliyay.

Intaas kadib Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qaaday tallaabo uu ku kala diray golihii wasiirrada dalka, taas dejisay inta badan shacabkii careysnaa ee mudaharaadayey maalmihii lasoo dhaafay.

William Ruto wuxuu Khamiistii shaqada ka eryay in badan oo ka mid ah golihiisa wasiirrada, isagoo ku dhawaaqay in uu soo dhisi doono xukuumad ‘ballaaran’.

Wasiirrada shaqada laga eryey waxaa ka mid ah Aadan Barre Ducaale oo ka soo jeeda Soomaalida Kenya, isla markaana ahaa wasiirka gaashaandhigga dalkaas, sidoo kale wuxuu saaxiib dhow la ahaa Madaxweyne William Ruto.

Sawirro: Duulimaadka tooska ah ee Egypt Air oo si rasmi ah looga daah-furay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay dhiggiisa Masar Badar Cabdulcaadi oo maanta Muqdisho u yimid daah-furka duulimaadka tooska ah ee diyaaradda Egypt Air.

Wasiir Fiqi oo shir-jaraa’id qabtay ayaa faah-faahiyay muhiimadda ay tallaabadan u leedahay xoojinta xiriirka labada dal, isagoo xusay in bilaabista duullimaadyadan tooska ah ay qayb ka qaadanayso xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee Wadan.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday doorka hormuudka ah ee Masar ay ka ciyaareyso taageeridda mowqifka dowladda Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in Masar ay sii wadi doonto ka hortagga tallaabooyin kasta oo hoos u dhigaya madax-banaanida dalka.

“Jamhuuriyadda Masar ayaa ku celisay mowqifkeeda diidmada xadgudubyada Itoobiya, kadib wadahadal toddobaadkii hore khadka taleefonka ku dhax-maray Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Masar, Abdel Fattah El-Sisi.” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Masar ayaa sanado badan saaxiib la aheyd Soomaaliya, laakiin waxay ku jirtay dowladihii ay xiriirkooda hoos iska dhigtay xukuumadii Farmaajo, balse dowladda Xasan ayaa ku soo celisay booskeedii saaxiibka dhow, taas oo dhashay in Egypt Air ay timaado Muqdisho.

Duulimaadka tooska ah ee diyaaradda Egypt Air ee la daah-furay ayaa ka dhigan tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka sare u qaadida iskaashiga dhaqaale ee labada dal, taasi oo ka tarjumaysa himilooyinka guud ee labada shacab ee walaalaha ah.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa bilihii u dambeeyay kusoo xirmayay duulimaadyo caalami ah oo hadda yimaada garoonka Aadan Cadde, kuna sii xira dalalka kale ee caalamka.

Somaliland oo dood yaab leh oo heshiiska badda u gudbisay Mareykanka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland oo qasriga madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Richard H. Riley ayaa wuxuu u gudbiyay dood yaab leh oo la xiriirta heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

Sida ay baahisay Madaxtooyadda Somaliland, Muuse Biixi ayaa safiirka Mareykanka la wadaagay in heshiiska Itoobiya uu gaar u yahay iyaga iyo Itoobiyaanka, islamarkaana uusan wax dhibaato ah u laheyn dalal deriska iyo caalamkaba.

“Madaxweynaha waxa uu safiirka u sheegay in heshiiska uu soo kordhin doono iskaashi dhaqaale, mid amni iyo isu-socodka ganacsiga, taasina ay xoojin doonto dadaaladii hore loogu jiray horumarka gobolka,” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyadda Somaliland kasoo saartay kulanka safiirka Mareykanka iyo madaxweyne Biixi.

Biixi ayaa meesha ka saaray dood uu sheegay inay Muqdisho iibgeynayso oo ah “in heshiiska is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya uu bixinayo fursad ay kusii xoogeysato Al-Shabaab.”

“Midaasi xaqiiqo maaha, waxaanu ka leenahay marka uu hirgalo waxa xoogaysanaya iskaashiga amni. Somaliland cidkasta iskaashi iyo nabad-gelyo ayey diyaar ula tahay, waxaanay u halgamaysaa qarannimada uu u ogolyahay axdiga Afrika ee qeexaya inay dowladaha afrika ee xornimada ka qaatay isticmaarkii ay ku eekaanayaan xuduudihii isticmaarka,” ayuu yiri Biixi, sida ay baahisay Madaxtooyadda Somaliland.

Doodda Biixi oo u muuqata mid boor isku qaris ah, kana dabacsan sida Madaxtooyadda u gudbisay ayaa waxba ka goyn doonin mowqifka Mareykanka uu ka qaatay heshiiska badda, maadaama ay Washington horey u caddeysay inay aqoonsan tahay madax-banaanida, midnimada dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay ka mid tahay Somaliland.

Si kastaba, Mowduuca u weyn ee kulanka safiirka Mareykanka iyo Muuse Biixi ayaa sida la fahamsan yahay ahaa arrimaha doorashooyinka iyo khilaafaadka soo noq-noqday ee la xiriira, taasi oo loo ballansan yahay inay Somaliland ka dhacdo bisha November ee sanadkaan.

Sayid oo indhaha soo saaray suuqii weyna ee ku gubtay dagaalkii LUUQ + Sawirro

0

Luuq (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xgeenka koowaad ee dowlad-goboleedka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta kormeer ku tagay suuqa weyn ee degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Suuqan ayaa ku gubtay rabshadahii maalmahii lasoo dhaafay ka jiray degmada Luuq, kadib markii laba maleeshiyo beeleed ay isku fara saareen gudaha degmadaasi.

Waxaa madaxweyne ku-xigeenka kormeerka ku wehlinayay xubno ka tirsan golayaasha kala duwan ee heer dederaal iyo heer Jubbaland iyo taliyaha qeybta saddexaad ee howl-galka ATMIS.

Dhinacyada colaadda u dhaxeysay ee ku dagaalamay degmada ayaa la faray inay qaataan xabad-joojin bilaa shuruud, ayna oo dhinacyada u diyaar garoobaan wada-xaajood lagu xalinayo mushkiladii dhacday.

“Waa in laga fogaado wax kasta oo carqaladeynaya nabadda degaanka, sida wada-hadallada socda sida kicinta bulshada,” ayaa lagu yiri qodobo kasoo baxay guddiga loo igmaday xal ka gaarista colaaddan, si xal nabadeed looga gaaro dagaalka.

Sidoo kale oo lagu yiri go’aannada guddiga kasoo baxay “In dhinacyada ku sugan Magaalada ay badbaadiyaan hantida dadka barakacay, iyada oo qofna aan dhib loogu geysan Karin heybtiisa.”

Guddiga ayaa ugu dambeyntiina ku baaqay in guud ahaan shacabka degmada Luuq ay ka wada qeyb qaataan nabadda, islamarkaana dadkii barakacay ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Xasan oo wajahaya culeys horleh iyo xildhibaannada Koonfur Galbeed oo ku…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku metela maamulka Koonfur Galbeed waxay badi u codeeyeen afar cutub oo kamid ah dastuurka lagu muransan yahay ee Soomaaliya.

Codeyntooda waxaa ku xirnaa shardi, mar ay diideen sida uu Xasan Sheekh u wado dastuurka, laakiin waa lala fariistay iyaguna shardi ayey ku xireen ansixinta, kaas oo ahaa in la siiyo ra’iisul wasaare ku-xigeen labaad.

Meel marqaati leh ayaana la sheegay inuu madaxweynaha taas kaga ballan-qaaday, sidaas ayeyna ugu coddeeyeen afartii cutub ee ugu horreysay dastuurka oo illaa maanta la aaminsan yahay inuu madaxweyne Xasan Sheekh dantiisa ku saleeyay, balse uusan danta qaranka ku saleynin.

Haddaba, aaway ballantii ra’iisul wasaare ku-xigeenka?

Asbuucan waxaa guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe u tegay xayn kamid ah xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed, waxayna u sheegeen inay dhowr billood sugayeen in la oofiyo ballantii aheyd in la sameeyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee dalka, kadibna la siiyo qof kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxay weydiiyeen Aadan Madoobe waxa uu madaxweynaha ka hayo, isaguna waxa uu sheegay in uusan fulinta ballantaas gacan ku haynin, kadibna xildhibaannadu waxaa la sheegay inay arrintaas ka caroodeen.

Xildhibaannadan waxay u muuqdaan in lagu gaaray halkii loo baahna oo aan hadda dan badan laga laheyn. Dastuurka Soomaaliya waxaa ku qoran inuu dalka leeyahay ra’iisul wasaare ku-xigeenno, sidaas awgeed waxaa la magacaabi karaa hal, labo illaa saddex ra’iisul wasaare ku-xigeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu markii koowaad tallada yimid 2012, iyada oo reer Koonfur Galbeed haystaan ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad, laakiin Xasan Sheekh waa joojiyay kursigii ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad iyo kii saddexaad oo waa isagii 2012 qaatay siyaasaddii tobanka wasiir iyo hal ra’iisul wasaare ku-xigeen.

Tobankii wasiir wax waa ku wadi waayey Xasan Sheekh oo shan iyo labaatankii wasiir ayuu u laabtay, laakiin ra’iisul wasaare ku-xigeenkii labaad ee reer Koonfur Galbeed haysan jireen sooma celin.

Ballanta cusub ee uu dhawaan la galay xildhibaannada Koonfur Galbeed ee lagu ansixiyay afartii cutub ee ugu horreysay dastuurka weli lama fulin, waana la isku haystaa.

Waxaa la isku ogaa in bil gudaheed lagu magacaabo ra’iisul wasaare ku-xigeen labaad oo kasoo jeed Koonfur Galbeed, iyaguna ay madaxweyne Xasan Sheekh la ansixiyaan afarta cutub ee dastuurka ee uu madaxweynaha dantiisa gaarka ah uga dhex jeeday.

Xildhibaannada ballantoodii waa kasoo baxeen, laakiin illaa hadda ma hayaan ballantii iyaga laga qaaday. Waxaa la sheegayaa inay hadda xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed si weyn u gadoodsan yihiin, Sheekh Aadan Madoobe waa ku adag tahay inuu Xasan Sheekh kasoo qaado ra’iisul wasaare ku-xigeenkii.

Culeyska dhinaca kale ka jira ee mowduucan la xiriira waa in xildhibaannada reer Waqooyiga diidan yihiin in la sameeyo ra’iisul wasaare ku-xigeen labaad, iyaga oo aaminsan inuu kursigooda ra’iisul wasaare ku-xigeenka koowaad uu daciifin doono.

Laakiin dhinaca reer Koonfur Galbeed waxay ku doodayaan in markii reer Waqooyiga la siinayay ra’iisul wasaare ku-xigeenka koowaad in uusan jirin aqal sare balse ay hadda haystaan guddoomiyaha aqalka sare, taas oo macnaheedu tahay in ra’iisul wasaare ku-xigeenka koowaad la dhaafin karo reer Waqooyiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hadda ayey kusoo butaacayaan dhamaan ballamaddii uu qaaday xilligii u ololeynayey meel-marinta afartii cutub ee ugu horreysay dastuurka. Fulintii ballamahaasina waa looga fadhiyaa, qofka madaxda ahna waxaa u sharaf badan inuu fuliyo wixii uu ballan-qaaday.

Dhaawac weyn oo gaaray hanka dib u doorasho ee Farmaajo – Maxaa dhacay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu soo baxay wareysiga La-taliyihii hore amniga qaranka ee madaxweynihii hore ee Farmaajo, kaas oo soo jeediyay tallada dalka loo galiyo kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhalatay dood xooggan.

Gudddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo qoraal kasoo saaray hadalka Cabdisaciid oo xukunkii Farmaajo si weyn ugu dhawaa madaxweynaha ayaa sheegay inay tani dhaawac weyn ku tahay hanka dib u doorasho ee Farmaajo.

Cali Yare ayaa sheegay in Farmaajo uu ninkaan ka dhigtay gacantiisa koowaad, balse uu god ku hubsaday maanta hoggaamiyaha N&N oo uu sheegay inuu u afduuban yahay cid gaar ah.

Hoos ka aqriso qoraalka Cali Yare

Madaxweyne hore Farmaajo wuxuu Cabdi Saciid ka dhigtay gacantiisa koowaad waxeeyna isla gaareen heer uu udhiibto saddexda kursi ee loo yaqaanno “aaminaadda ugu sarreeysa ee madaxweynaha”.

• Agaasimaha madaxtooyada
• La-taliyaha amniga qaranka
• Wasiirka arrimaha dibadda

Hadana waa qofka gacantiisa koowaad ah aniga ogaalkeey.

Cabdi-Saciid wuxuu maanta banaanka la yimid taageeradiisa lixaadda leh, aan qarsooneeyn, uun ku faanayo taageeradiisa kooxda soomaalida iyo duniduba argagixisada u taqaanno ee dadkeennii xasuuqday.

Laga soo billaabo Juun 2006 markii kooxda Al-Shabaab la aas-aasay xisbiga Nabad iyo Nolol garabka Daacishteenna ayaa noqonayo garabka kali ah ee siyaasadeed, ee soomaali ah, oo ummada Soomaaliyeed horteeda ku sheegta, una bareera, taageeradooda kooxda Khawaarijta ah ee Alshabaab.

Nabad iyo Nolol garabka Asal ah iyo abuurkii xisbiga ah wuxuu hadalka kooxda garabka Daacish u arkaa mid ka turjumaya cadownimo guun ah ee uurkooda ku daxaleeysatay kaas oo ahaa midkii aan uga digeeynay inaanu ku qatalmin hoggaamiyaha xisbiga ee hadda afduuban.

Cabdi-Saciid wuxuu maanta Farmaajo ka saaray siyaasaddii dalka iyo hankiisii soo laabashada talada dalka.

IRAN oo Mareykanka ka dooneysa $6.8 bilyan oo magdhow ah kadib markii…

Tehran (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla Iran ayaa ku amartay Mareykanka inuu bixiyo ku dhawaad 6.8 bilyan oo dollar oo ah magdhowga saameynta ay cunaqabateynta Washington ku yeelatay bukaannada qaba cudurrada maqaarka ee dhifka ah, waxaas sidaas sheegtay waaxda garsoorka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkii 2018 si keligiis ah Mareykanka uga saaray heshiiskii Nukliyeerka ee u dhaxeeyay Iran iyo quwado badan oo caalami ah. Waxa uu dib u soo rogay cunaqabatayn dhaqaale oo lagu qaaday heshiiska.

Tallaabooyinka Washington “waxay bukaannadan u diideen dawooyin iyo boomaato”, taasi oo keentay “dhimashada ilaa 20 qof,”, ayuu lagu qoray website-ka waaxda garsoorka Iran ee Mizan Online.

Maxkamadeynta ayaa billaabatay November 2021, markii 295 dacwoodeyaal, oo ay ku jiraan bukaanno, ay 30 sarkaal oo Mareykan ah maxkamadda ku dacweeyeen ayaga oo ku eedeeyey “inay ka qaybqaateen soo-rogista cunaqabateynta,” ayuu yiri Mizan.

Waxay gudbiyeen kiiska ka dib markii khubaro madax-bannaan oo Qaramada Midoobay ah ay bishii October 2021 tusaale ugu soo qaateen saameynta tallaabooyinka Mareykanka ay ku yeesheen bukaannada cudurka maqaarka ee epidermolysis bullosa.

Washington ayaa cunaqabataynteeda ka reebtay badeecooyinka bani’aadannimo, gaar ahaan daawooyinka iyo qalabka caafimaadka.

Hase yeeshee iibsashada caalamiga ah ee sahayda noocan oo kale ah waxaa hor istaagay bankiyada oo ka walaacsan in ay ganacsi la sameeyaan Iran.

Khubarada Qaramada Midoobay ayaa soo xigtay kiiska shirkad Swedish ah oo joojisay iibinta faashadda gaarka ah ee macmiilkeeda Iran.

Faashadaha noocan oo kale ah waxay gargaar muhiim ah siiyaan bukaanada qaba cudurka bullosa epidermolysis.

Bishii Maarso, Mizan ayaa soo wariyay in garsoorka Iran uu amar ku bixiyay in lala wareego saliid Mareykan ah oo qiimaheedu ka badan yahay 50 milyan oo dollar oo saarnaa markab la qabtay 2023-kii.
Waxa ay sheegtay in qabsashadani ay aargoosi u ahayd “cunaqabataynta dalalka reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka, taasi oo hor-istaagtay iibinta dawooyinka loo baahan yahay bukaannada xanuunka epidermolysis bullosa.”

XASAN oo ku dhowaaqay arrin ciqaab adag lagu muteysan karo oo la xiriirta…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhowaaqay inay dambi tahay in qofka uu xiriir wicitaan ah la sameeyo qof ay ehel ama qaraabo yihiin oo ku jira kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inay dambi tahay oo ciqaab adag lagu muteysan karo xitaa haddii uu qof qaraabada ah oo kooxda ku jira uu isaga kula soo sameeyo wicitaan.

“Kuma soo wici karo, mana wici kartid waa dambi ogow taas,“ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhowaaqay in ciqaab adag lagu muteysan karo in xiriir lala sameeyo qof ku jira ama ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu intaas kusii daray “Qofka haddii la ogaado inuu wacay qof (Al-Shabaab) ku jira ama isaga uu la soo sameeyay xiriirka maxkamad ayaa la horgeynayaa.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in arrintaan loo cuskanayo sharciga la-dagaalanka argagixisada, uuna qabanayo qofka xiriir la sameeya qof kooxda ku jira ama xitaa uu asagu soo waco.

Sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay in aan lala macaamili karin kooxda, maadama sida uu sidoo kale jiro xeer ku saabsan cunna-qabateynta xadidan oo saran ururada ka soo horjeeda dowladda, sida uu sheegay madaxweynaha.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in lala macaamilo kooxda Al-Shabaab, waxaana tallaabadan ay noqoneyso mid lagu sii xoojinayo amarka in aan wax macaamil ah lala sameyn karin kooxda ay dowladda dagaalka kula jirto.

Dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah oo wejigiisa koowaad uu dardar horleh ku bilowday, islamarkaana kooxda looga xoreeyay degmooyin iyo deegaan muhiim ah oo sanado ka talinayeen, ayaa waxaa bilihii dambe ku yimid gaabis, kaasi oo loo tirinayo hoggaan xumo haysata ciidanka.

Si kastaba, Madaxweynaha ayaa toddobaadyadii u dambeeyay bilaabay dadaal dhiig cusub loogu shubayo howl-galka, si loogu gudbo wejiga labaad ee dagaalka oo dib u dhac weyn ku yimid.

Geelle oo ficil uga jawaabay hanjabaaddii Muuse Biixi iyo arrin u furan Somaliland

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Xiisadda u dhaxeysa dowladda Jabuuti iyo maamulka Somaliland ayaa mareysa meel xasaasi ah.

Labada dhinac ayaa isla socon tan iyo markii ay Somaliland aqbashay qorshe ay isla wadeen Imaaraadka iyo Itoobiya oo ka dhan ahaa Jabuuti, kaasi oo la rabo in lagu curyaamiyo dekeddaha waddanka Jabuuti.

Wixii ka dambeeyay 1-dii Janaayo ee sanadkaan markii Muuse Biixi magaalada Addis Ababa ku saxiixay heshiiska badda oo aragtidiisa la sheego inay Imaaraadka leeyihiin, balse nacfigiisa ay waddaagayaan Itoobiya iyo Imaaraadka, laguna jabinayo Jabuuti, xiriirka u dhaxeeya Muuse Biixi iyo Ismaaciil Cumar Geelle ma fiicneyn.

Dhawaan waxaa waddanka Jabuuti tegay xubno sheegta ama u ololeeya in gobolka Awdal uu ka go’o Somaliland. Dadka gobolkaasi dega qeyb kamid ah ayaa reer ahaan kasoo jeeda waddanka Jabuuti.

Maamulka Somaliland ayaa si weyn uga carooday tallaabada ay xubnaha mucaaradka ah ee Somaliland ku tageen waddanka Jabuuti, kuna heleen soo dhaweyn.

Hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilligaasi farriin hanjabaad ah u diray dowladda Jabuuti, halka ay Jabuuti beenisay inay marti-gelisay xubno mucaarad ku ah Somaliland.

Wax walba ayaase hadda faraha ka baxay. Jabuuti oo malaha ka jawaabeysa hanjabaaddii Muuse Biixi ayaa casuumad u dirtay hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye, kaas oo siyaasad ahaan ku dhashay dagaalkii Somaliland looga saaray magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qaabilay Firdhiye, waana farriin culus oo loo diray Somaliland. Hadda Muuse Biixi oo siyaasad ahaan kal hore gacmaha u dhiibtay dowladda Itoobiya ayaa xaalka ku adag yahay.

Waxaa la eegayaa waxa ay noqoto fal-celintiisu. Jabuuti waxaa haysta oo ka taliya Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo xukunka ku fadhiya tan iyo 1999-kii, wuxuu dalka ka suuliyay mucaaradkii, waxaana lagu eedeeya Geelle inuu dowladnimaddii Jabuuti u beddelay mid qoys.

Dadka diidan xukunkiisa 25 sano jirka ah waxay sheegayaan inuu mucaaradka Jabuuti wax goyn lahaa haddii ay heli lahaayeen meel kale oo saldhig ka dhigtaan.

Dadka siyaasadda ka faallooda ayaa hadda isweydiinaya Muuse Biixi fursad iyo saldhig ma siin doona mucaaradka dibad-wareega ah ee Jabuuti oo ma ka jawaabi doona gogosha loo fidiyay Firdhiye iyo mucaaradka kasoo jeeda Awdal.

Marka la isbar-bar dhigo xagga faa’iidada, Somaliland ayaa hadda faa’iido badan ku qabta Jabuuti haddii ay tahay marin, baasabooro iyo maqaamka cilaaqaadka.

Laakiin marka laga hadlo qof walba iyo waxa laga haleyn karo, waxaa la aaminsan yahay in Somaliland laftigeedu ay Ismaaciil Cumar Geelle wax badan ka haleyn karto, maadaama Somaliland ay xad la leedahay Jabuuti.

Waxay u muuqata in xaalad cusub la galay. Itoobiya arrintaan waa ugu badisaa, waxayna heli doontaa in Somaliland ay 100% siyaasad ahaan iyo ganacsi ahaanba usoo dhacdo dhinacooda.

Egypt Air oo maanta billaabaysa duulimaadkii u horreeyey ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradda Masar ee Egypt Air ayaa maanta bilaabaysa duulimaadkeedii ugu horeeyey ee Soomaaliya, iyada oo duulimaad toos ah ka bilaabi doonto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee Masar ayaa safar ku iman doona magaalada Muqdisho, iyada sidoo kale usii gudbi doonao Jabuuti oo ay kaga qayb-geli doonaan daah-furka duulimaad ay diyaaradda Masar ka samayn doono dalalkaasi.

Daah-furka duulimaadka shirkadda Masaarida ka bilaabayso Qaahir, Muqdisho iyo Jabuuti ayaa waxaa xigi doona kulamo lagu xoojinayo xiriirka ay Masaarida la yeelanayaan dalalkaan dhaca Geeska Africa.

Sida ay horey u shaacisay Egypt Air, todobaad kasta laba maalmood ayay diyaaradahooda kasoo duuli doonaan Qaahira, iyaga soo gaarayo Muqdisho, kadibna kusii hakanaya Jabuuti.

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa si weyn iskugu soo dhawaanaya kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqday Qaahira, halkaasi oo uu wada-hadallo kula soo yeeshay dhiggiisa Cabdifataax al-Sisi.

Masar ayaa sanado badan saaxiib la aheyd Soomaaliya, laakiin waxay ku jirtay dowladihii ay xiriirkooda hoos iska dhigtay xukuumadii Farmaajo, balse dowladda Xasan ayaa ku soo celisay booskeedii saaxiibka dhow, taas oo dhashay duulimaadka tooska ah ee diyaaradeedu ka bilaabeyso Muqdisho.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa bilihii u dambeeyay kusoo xirmayay duulimaadyo caalami ah oo hadda yimaada garoonka Aadan Cadde, kuna sii xira dalalka kale ee caalamka.

Qodobo culus oo laga soo saaray dagaal beeleedkii ka socdaydegmada LUUQ

0

Luuq (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad-goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo degmada Luuq ee gobolka Gedo oo u joogay xalinta shaqaaqooyinkii maalmahan ka jiray halkaas, ayaa waxaa laga soo saaray shan qodob, si dhinacyadu u gaaraan heshiis nabadeed rasmi ah.

Qodobadan oo uu soo saaray guddiga loo igmaday xal ka gaarista colaaddii dhacday ayaa ugu horeyn waxay dhinacyada fareen inay qaataan xabad-joojin bilaa shuruud.

Hoos ka aqriso qodobada kasoo baxay guddiga:

1. Xabad-joojin aan wax shuruud ah ku xirneyn oo labada dhinac ay dhaqan geliyaan.

2. In nabadda guud ee degaanka la qaato qofkii wax geystana ay isaga u gaar tahay tallaabo wada-jir ahna laga qaado.

3. In dhinacyada dirirtu dhex-martay ay u diyaar garoobaan wada-xaajood lagu xalinayo mushkiladii dhacday.

4. In laga fogaado wax kasta oo carqaladeynaya nabadda degaanka, sida wada-hadallada socda sida kicinta Bulshada.

5. In dhinacyada ku sugan Magaalada ay badbaadiyaan Hantida Dadka barakacay, iyada oo qofna aan dhib loogu geysan Karin heybtiisa.

Guddiga ayaa ugu dambeyntiina ku baaqay in guud ahaan shacabka degmada Luuq ay ka wada qeyb qaataan nabadda, islamarkaana dadkii barakacay ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland aoo kulamo kala duwan oo xal lagaga gaarayo wixii dhacay la yeeshay maamulka degmada, hay’adaha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada ayaa baaq soo saaray.

Sayid ayaa dhinacyadii ku dagaalamay degmada Luuq ugu baaqay in la badbaadiyo hantida shacabkii barakacay iyo weliba inay qaataan xabad-joojin shuruud la’aan ah, si heshiis nabadeed rasmi ah loo gaaro.

James Swan oo la kulmay Aadan Madoobe xilli buuq ka taagan yahay barlamanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.

Kulankan oo Swan uu ku wehlinayay ku-xigeenkiisa ayaa waxaa looga hadlay shaqooyinka Golaha Shacabka gaar ahaan shuruucda horu-tabinta leh iyo arrimaha doorashooyinka.

Ergeyga ayaa dhankiisa guddoomiyaha uga warbixiyay shaqooyinka xafiiska QM ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay diyaar u yihiin xoojinta iyo dardar-gelinta wada shaqeynta xafiiska Qaramada Midoobay iyo Golaha Shacabka ee baarlamaanka dalka.

Ugu dambeyntiina guddoomiye Aadan Madoobe ayaa uga mahad-celiyay ergayga iyo xafiiska Qaramada Midoobay taageeradooda Soomaaliya joogtada ah.

Waxaa uuna tilmaamay guddoomiyaha in Golaha Shacabka kalfadhiga shanaad ee dhowaan furmayal ay horyaalaan shuruuc muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya.

Kulanka Swan iyo Aadan Madoobe ayaa kusoo aadaya xilli buuq badan ka taagan yahay baarlamaanka, ayada oo xildhibaannada qaar ay ka horyimaadeen qorshe ay Villa Somalia usoo dhiibtay guddoonka, kaasi oo la rabo in lagu meel-mariyo sharciyo ay qeyb ka yihiin kan doorashooyinka, guddiga doorashooyinka iyo xeerka lagu dhisayo iyo weliba sharciga axsaabta.

Madaxtooyadda oo gacan ka helaysa guddoonka baarlamaanka ayaa qorsheynaysa in sharciyadan ay marsato baarlamaanka inta lagu guda jiro kal-fadhiga 5-aad, kadib markii horey u marsatay baarlamaanka afartii cutub ee dastuurka ee mucaaradka ka qeyliyay.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayey xildhibaannada mucaaradka ugu baaqeen inuu kasoo baxo jeebka Villada, oo ay ku eedeeyeen inuu ku jiro, iyagoo uga digay inuu golaha usoo waarido qorshaha uu muranka badan ka taagan yahay.

Taageerayaasha BIDEN oo quus taagan kadib qalad kale oo uu ku dhacay

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa madaxweynaha Ukriane ku sheegay in uu yahay Vladimir Putin xilli quus taagan yihiin qaar kamid taageerayaashiisa.

Biden ayaa markaas doonayey inuu hadalka ku soo dhaweeyo dhiggiisa Ukriane, oo munaasabaddaasi ku sugna, waana qalad kale oo uu ku dhacay Biden xilli xasuustiisa sii daciifday.

Mr. Biden oo ka qayb-galayey shirka isbaheysiga NATO oo bar-barkiisana uu taagnaa madaxweynaha Ukriane Volodymyr Zelensky ayaa yiri “marwooyin iyo mudaneyaal waxaan hadda hadalka ku soo dhowaynayaa madaxweynaha Ukraine Putin”.

Isaga oo wax yar kadibna dib u soo laabtay si uu hadalkiisa u saxo magaca madaxweynaha uu qalday ee Volodymyr Zelenskyy.

Arrintan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan baaqyada ku aaddan in uu Biden ka hadho tartanka doorashada maaddaama uu yahay shakhi ay kala garashadiisu hoos u dhacday.

Hase ahaatee 81-jirkan afarta sano Mareykanka hoggaaminayey ayaa ku adkeysanaya in uu u tartamayo doorashada dhacaysa bisha November ee sanadkaan.

Maalmo kahor unbey aheyd markii uu madaxweyne Biden u xaqiijiyay Dimoqraadiyiinta Aqalka Koongareeska inuu diyaar u yahay dib u doorasho, maalmo yar kadib markii ay qaar badan oo ka mid ah taageerayaasha xisbigiisa ay wal-waleen bandhigiisii dooddii uu la galay madaxweynihi isaga ka horreeyay ee Donald Trump.

Daawo: Xasan Sheekh oo dalacsiiyey saraakiishii ilaalisay imtixaanka DF, kana hadlay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Munaasbad lagu abaal-marinayay Saraakiisha Ciidamada Ammaanka iyo Howl-wadeenada Wasaaradda Waxbarashada ee doorka muhiimka ah ka qaatay qabsoomidda Imxitaanka Qaran ee dugsiyada sare ee dalka.

Madaxweynaha oo munaasabadaas khudbad ka jeediyey ayaa aad u amaanay Wasaaradda Waxbarashada dalka oo ku guuleysatay inay imtixaanka xakameyso, isla markaana gaarsiiso deegaano iyo degmooyin fog oo laga xoreeyey argagixisada, taas oo dadka Soomaaliyeed aad u dhiirigelisay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dalacsiiyey saraakiisha ciidamadii sugay amniga ardayda, imtixaanka iyo howlwadeenadii ay u xil-saartay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa aad uga hadlay dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan wuxuu khudbadaan oo socotay 15 daqiiqo inteeda badan wuxuu digniin ugu diray dadka la shaqeeya Al-Shabaab.

“Dadka qaar waxay dhahayaan deegaanadii laga xoreeyey argagixisada dib ayey ugu soo laabteen, ma jirto hal degmo oo Khawaarij dib nooga qabsatay, dagaalkii aan ka bilownay daafaha Muqdisho ayaa sii maraya meesha aad aragteen, yaan lagu sirmin walaalayaal cadowga yaan loo hiilin,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa digniin u diray dadka ogaal li’ida iyo sida ku talagalka ahba uga shaqeeya Al-Shabaab, isagoo sheegay in dowladu ay soo bandhigi doonto liiska dad baaritaan ku socdo oo la shaqeeya Khawaarijta, kuwaas oo bulshada loo soo bandhigi doono.

“Khawaarijtu qaraaba maleh, iska jir akoon ha u furin, hala hadlin, waa taargad, dhaqaalaha ha u keydin, waa lagu daba jiraahe iska jir,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa aad uga digay in lala macaamilo kooxaha Khawaarijta ah.

Hoos ka daawo