25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Sawirro: Xasan Sheekh oo shir xasaasi ah isugu yeeray guddiga la-dagaalanka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyay Shirka Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada.

Shirkaas ayaa galabta lagu qabtay Xafiiska Amniga Qaranka ee Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Guddiga ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixinno ku saabsan hannaankooda shaqo, guulaha laga gaaray xakamaynta ilaha dhaqaale ee Khawaarijta iyo qorsheyaasha cusub ee lagu wajahayo xeeladaha dhaqaale abuurka Argagixisada.

Sidoo kale kulanka waxaa lagu soo bandhigay xogta shaqsiyaad ka tirsan Khawaarijta oo lagu soo rogayo cuna-qabatayn dhaqaale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay muhiimadda dagaalka ka dhanka ah dhaqaalaha ee Argagixisadu u leeyahay ciribtirka Khawaarijta iyo nabad kusoo dabaalidda dalka.

Madaxweynaha ayaa faray masuuliyiinta ku mideysan Guddigan in la dardar geliyo qorsheyaasha burburinta ilaha dhaqaale ee Khawaarijta iyo ciribtirka khataraha maaliyadeed ee dalka, gaar ahaan lacag dhaqidda.

Dowladda Soomaaliya ayaa Khawaarijta Al-Shabaab la gashay dagaal dhaqaale oo aad u culus, waxaana laga gaaray natiijo weyn sida lagu soo bandhigay warbixinta guddiga.

Mar kale ayaa laga fekerayaa sidii loo dardar gelin laha dagaalka dhaqaale ee lahu hayo Al-Shabaab, kooxda ayaa hadda ku jirta dhiigbax dhaqaale, waxaana socda qorshe looga sii darayo.

ERDOGAN oo soo saaray digniin dagaal oo culus

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii sheegay in suurta-galnimada iska hor imaad toos ah oo dhexmara Ruushka iyo NATO ay tahay “mid laga walaaco”, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Hadallada Erdogan ayaa yimid iyadoo hogaamiyayaasha NATO ay isku urursadeen Washington, islamarkaana afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov uu sheegay in Ruushka uu qorsheynayo “tallaabooyin jawaab celin ah,” si loo xakameeyo “khatarta aadka u daran” ee isbahaysigan.

“Suurta-galnimada in isku dhac toos ah uu dhexmaro NATO iyo Ruushka shaki la’aan waa mid walaac ah,” ayuu yiri Erdogan oo Washington u jooga shir madaxeedka NATO. “Tallaabooyin kasta oo keeni kara natiijadan waa in si miyir leh looga fogaado.”

Erdogan ayaa hadlay maalin ka dib markii xulafada NATO ay ku dhawaaqeen inay billaabeen inay diyaaradaha F-16 ku wareejiyaan Ukraine iyagoo sare u qaadaya ballanqaadyada loo sameynayo Kyiv ee ku saabsan ka mid noqoshada isbahaysiga.

Ka hor shir-madaxeedka, Ruushku ayaa gantaallo badan ku garaacay Ukraine, halkaas oo ay ku dhinteen daraasiin qof, oo ay ku jirto Kyiv halkaas oo isbitaalka carruurta uu si weyn u burburay.

Peskov, ayaa hadallo ay daabaceen wakaaladaha wararka ee Ruushka, sidoo kale sheegay in isbahaysiga milatari ee reer galbeedka, oo shir ku leh Washington toddobaadkan, ay hadda “si buuxda ugu lug leeyihiin dagaalka Ukraine”.

Turkey oo xubin ka ah NATO ayaa isku dayay inuu isku dheelitiro xiriirka kala dhexeeya labada dal ee ay deriska ka yihiin Badda Madow ee Ruushka iyo Ukraine tan iyo markii Moscow ay si buuxda ugu duushay Kyiv.

Ankara ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u dirtay Ukraine, iyadoo dhinaca kale ka fogaanaysa cunaqabataynta ay reer galbeedku ku hayaan Moscow.

VOA

La-taliyihii Farmaajo oo soo jeediyay in Al-Shabaab loo baneeyo xukunka dalka si ay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii hore amniga qaranka ee madaxweynihii hore ee Farmaajo oo ka hadlay xiisadda ka dhalatay heshiiskii badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa soo jeedin yaab leh sameeyay.

Cabdisaciid ayaa soo jeediyay haddii madaxweyne Xasan iyo dowladdiisa ay iska dhicin karin damaca guracan ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay meesha u baneeyaan kooxda Al-Shabaab, si ay meel u saaran Itoobiyaanka, sida uu hadalka u dhigay.

“Abiy Axmed waa nin mayal adag oo xagjir ah, mana yaqaano xishood ee haddii aadan iska dhicin karin rag (Al-Shabaab) iska dhicin karaa jiree u banee,” ayuu yiri la-taliyihii hore amniga qaranka Cabdisaciid Muuse Cali.

La-taliyihii hore ee Farmaajo ayaa ku dooday in dowladnimada Soomaaliya uu gaaray dhaawac weyn, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa uu ku dhaliilay inay si adag uga jawaabin hadallada kasoo yeeraya Abiy Axmed.

“Marwalba oo ra’iisul wasaaraha Itoobiya hadlo qof u jawaaba ma lahan, ama jawaabta haddii ay timaado jawaab daciif ah waaye,” ayuu markale Cabdisaciid ku yiri wareysi gaar ah uu siiyay BBC.

Arrinta la-yaabka leh ayaa ah in ninka sidaan u hadlaya uu mas’uul sare ka ahaa dowladdii madaxweyne Farmaajo, oo ayadu lagu eedeeyo in aysan wax dagaal ah la gelin Al-Shabaab intii ay tallada haysay, middaasi oo siisay fursad ay ku naaxdo kooxda.

Al-Shabaab ayaa la sheegaa inay xiisadda ka dhalatay heshiiskii is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland oo banaanka keentay damaca guracan ee Abiy ay ku heshay dagaal-yahaano cusub, ayada oo adeegsaneysa masrixiyadda “Itoobiyaan naceybka”, xilli uu sanadkii hore hoos u dhac ku yimid kooxda, oo dagaal adag kala kulantay ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan.

Madaxweyne RUTO oo kala diray golaha wasiirrada Kenya + Sababta

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa goordhoweyd kala diray golihiisa wasiirada, marka laga reebo wasiirka arrimaha dibadda.

Madaxweyne Ruto ayaa sidoo kale xilkii ka qaaday xeer ilaaliyaha guud ee Kenya.

Ruto ayaa waxa uu sheegay in go’aankan uu qaatay kadib dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Kenya ee qasabka ka dhigay in madaxweynaha uu ka noqdo sharciga maaliyadda ee 2024 iyo ka dib markii la tix-geliyay codsiga Kenyaanka iyo weliba qiimeeyntii golaha wasiiraddiisa.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah cadaadis todobaadyadii u dambeeyay Ruto uga imanayay baarlamanka Kenya oo ka dalbanayay inuu eryo wasiiro ay ku sheegeen kuwa fadhiid ah, musuq-maasuq badan, oo aan howshii loo igmaday qaban karin.

Kenya ayaa la daala dhaceysa natiijooyinkii ka dhashay dibad-baxyo waddankaasi oo dhan qar-qiyay oo looga soo horjeeday siyaasadda dowladda Ruto ee dhinaca maaliyadda iyo canshuuraha, taasi oo markii dambe uu madaxweynuhu ka noqday.

Dibad-baxyada Kenya oo dhallinyarada ay hogaamineysay ayaa dalkaasi ka abuuray mushkiladii ugu weyneyd labada sano ee uu Ruto xukunka hayo.

Ugu yaraan 39 qof ayaa ku dhintay dibad-baxyada oo rabshado watay oo dhismaha baarlamanka Kenya muddo kooban lagu galay oo dab la qabadsiiyay bishii la soo dhaafay.

Macallimuu oo soo bandhigay fadeexo wayn oo ka taagan baarlamaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo qoraal soo saaray ayaa soo bandhigay fadeexo wayn oo ka taagan xarunta baarlamaanka.

Xildhibaanka ayaa waxa uu banaanka keenay in nadaafad darro iyo dayac wayn uu ka jiro musqulaha ay isticmaalaan xildhibaannada, ee ku yaalla xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Macallimuu ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay jirto lacag bil walba laga jaro xildhibaannada, taas oo gaareyso kumaanaan doollar, haddana aan waxba lagu qaban.

Xildhibaanka ayaa soo jeediyay in arrintan lagula xisaabtamo guddoonka sare ee golaha, isaga oo ku dooday in lacagtan ay wax badan u tari lahayd ciidamada Soomaaliyeed.

“Xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa laga jaraa bil kasta 100 $ . 275×100=27,500 bishii . Maadaama ay lacagtaasi socotay muddo ka badan labo sano wadarteedu waxa ay gaareysaa lacag buuran oo shacabka Soomaaliyeed ama Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wax ka dabooli karta” ayuu yiri Xildhibaan Macallimuu.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Guddoonka Baarlamaanka waxa la joogaa waqtigii lagula xisaabtami lahaa lacagahaa iyo kuwo kale oo Baarlamaanka loogu talagalay”.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in xittaa aanay shaqeyneynin tubooyinka ku jira musqulaha xarunta baarlamaanka, isla markaana aysan jirin cid nadiifsa ama ka shaqeysa suuliyada ay isticmaalayaan xildhibaannada iyo shaqaalaha baarlamaanka.

Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa guddoonla sare ku eedeeyay dayac badan, wuxuuna farriin u diray xafiiska hantidhowrka guud oo uu ka dalbaday inuu arrrintan soo farogeliyo, si loo ogaado halka ay ku baxaan lacagaasi.

“Wax kale iska daa tubooyinka suuliga ee lagu faraxasho Xarunta Gollaha Shacabka oo intoodii hore waa hore burburay xitaa dayactir laguma sameeyo. Maqaayadaha caadiga ah ayaa leh shaqaale nadiifiya suuliga oo u taagan, inta aan Baarlamaanka joogay ma arag hal qof oo u u taagan nadaafadda Suuliga, hade waa goob ay ku shaqeeyaan ku dhawaad 400 oo ruux oo isugu jira xubno Baarlamaan iyo shaqaale. Xafiiska Hantidhowrka Guud waa sugeynaa!,” ayuu mar kale yiri Macallimuu.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadkan uu furmay kalfadhigga 5-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna ku bilowday dood xoogan iyo xildhibaanno ku dhawaaqay mucaarad cusub iyo inay la xisaabtamayaan guddoonka iyo xukuumadda.

Somalia iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis taariikhi ah

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Jabuuti ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi wada-shaqeyn iyo mataaneyn ah warbaahinnada qaranka ee labada dal.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac iyo wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo boostada ee Jabuuti Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda saxiixa heshiiskan iskaashi.

Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta iyo isgaarsiinta Jabuuti waxaa khudbado ka jeediyey labada wasiir, iyadoo ugu horeyn wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya uu tilmaamay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo si rasmi ah loo mataaneeynayo warbaahinta qaranka labada dowladood.

Warbaahinta labada dowladood ayaa hadda kadib si rasmi ah iskaashi wada shaqeyneed u yeelan doona, ayada oo wasiirka warfaafinta Jabuuti uu soo dhaweeyay tallaabadan, isaggoo sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin fulinta iskaashigan iyo iney khibrad is dhaafsi iyo wada-shaqeyn la yeeshaan walaalahooda Soomaaliyeed, isagoo wasiirka warfaafinta Soomaaliya uga mahad-celiyey wada shaqeyntiisa.

Iskaashigan shaqo ee ay maanta ku kala saxiixdeen magaalada Jabuuti warbaahinnada qaranka labada dal waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay agaasimaha Radio Muqdisho C/fataax Daahir Jayte halka uu Jabuuti u saxiixay agaasimaha guud ee raadiyaha iyo telefishinka Jabuuti Aadan Cabdi Jaamac.

Munaasabadda waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuuti Salaad Cali Jeelle iyo Danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Maxamed Rashiid.

Dhinaca kale, wqsiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti ayaa kormeeray xarunta raadiyaha iyo telefishinka Jabuuti ee RTD, halkaasi oo loogu sharaxay sida ay u shaqeeyaan.








Golaha wasiirada oo maanta ansixiyay laba sharci oo muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka toddobaadlaha ah ee golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo uu guddoominayey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maanta lagu ansixiyey sharciyo muhiim ah.

Golaha wasiirada ayaa ansixiyay hindise-sharciyeedka sharciga canshuuraha dakhliga iyo xeer-nidaamiyaha maareynta maaliyadda guud, siyaasadda deymaha iyo hanaanka amaahashada iyo soo saarista damaanadaha.

Golaha ayaa warbixin ku saabsan horumarka iyo dhismaha kaabayaasha shaqaalaha dalka ka dhageystay wasaaradda howlaha guud oo soo bandhigtay waddooyin laga dhisayo Garoowe, Baydhabo iyo Kismaayo

Sidoo kale wasaaradda ayaa soo bandhigtay waddooyin qorshuhu yahay in laga dhiso magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb, halka magaalada Muqdisho laga hirgelin doono biyo mareenno iyo dhuumo qaada bullaacadaha.

Golaha wasiirrada ayaa ugu dambeyntiina wuxuu warbixin ka dhageystay wasaaradaha amniga gudaha iyo difaaca howl-gallada lagu cirib-tirayo kooxda Al-Shabaab ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.

Waxa uuna goluhu bogaadiyey howl-galladii ugu dambeeyey oo deegaanno dhowr ah looga sifeeyey kooxda Al-Shabaab, oo ay kamid yihiin Buurweyn iyo Show oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kuwaas oo saaka laga qabsaday kooxda.

Wejiga labaad ee dagaalka oo dhawaan bilaaban doona ayaa la filayaa in looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda ku xoogan tahay.

Itoobiya iyo Somaliland oo tallaabo kale qaaday + Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Kadib heshiiskii muranka badan dhaliyay ee dhex-maray Somaliland iyo Itoobiya ayaa mar kale maanta labada dhinac waxa ay qaadeen tallaabo kale oo xasaasi ah, kuna soo aaday, ayada oo kasii dareyso xiisadda ka dhalatay heshiiska badda.

Somaliland ayaa maanta ciidamadii ugu badnaa u dirtay dalka Itoobiya, si loogu soo tababaro, waxaana maanta ciidamadaas ay ka baxeen magaalada Hargeysa, ayaga oo kusii jeedo magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.

Taliyaha guud ee ciidamada milatariga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa sagootiyay ciidamadan oo Itoobiya ay  Somaliland u soo tababarayso, wuxuuna kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan tababarkaasi.

Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa ciidamada kula hadlay magaalada xuduuuda ku taalla ee Wajaale, halkaas oo basas looga qaaday, wuxuuna u mahadceliyay dowladda Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in tani ay sii xoojineyso iskaashiga labada dhinac oo uu sheegay inay wadaagaan dano badan oo isku xiran, maadaama ay daris yihiin, ayna ka wada faa’iideysanayaan fursadaha dhexdooda ah.

Waa tallaabo kale oo ay qaadeen Addis Ababa iyo Hargeysa oo maalmihii lasoo dhaafay aad isugu soo dhawaanayay, kadib markii ay wad galeen heshiiskii isgarad ee badda, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka Soomaaliya.

Arrinta heshiiska ayaa weli halkeedii ah, waxaana labada dhinac ay ku adkeysanayaan dhaqangelintiisa, halka dowladda Soomaaliya ay weli ka biyo diidan tahay heshiiskaas, waxaana dhowaan fashilmay wada-hadallo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka dhacay dalka Turkiga.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase xaalka sii xumeynaya tallaabooyinka dheeraadka ah ee ay sii qaadayaan Somaliland iyo Itoobiya.

Ciidanka DF oo la wareegay laba deegaan oo muhiim ah

0

Jalalaqsi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka ciidamada dowladda Soomaaloya oo kaashanaya dadka deegaanka ay la wareegeen deegaano muhiim ah oo ku yaalla gobolkaas oo dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

Ciidamada huwanta oo ka dhaqaaqay aagga degmada Jalalaqsi ayaa gudaha u galay deegaanada Buurweyn iyo Show oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay horay ugu sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha maamulka degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge (Nuur dheere) oo ka mid ah mas’uuliyiinta howlgalka hoggaaminaya ayaa sheegay inay haatan ku sugan yihiin labadaas deegaan, isla markaana ay ka wadaan howlgallo amni xaqiijin ah.

Nuur dheere oo horay u ahaa sarkaal ka tirsanaa milatariga ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalladooda, uuna ujeedka uu yahay in Al-Shabaab laga xoreeyo dhulkaasi.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka deegaanka inay garab istaagaan ciidamada, isla markaana ay ka qayb qaataan xoreynta gobolka Hiiraan.

Xaaladda deegaanada lala wareegay ayaa hadda ah mid deggan, waxaana fariisimo cusub ka sameystay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee gaaray halkaasi.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, waana halka uu kasoo billowday kacdoonka shacab ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Khawaarijta, kaas oo weli ka socda gobollo badan oo kamid ah dalka.

 

Mareykanka oo war culus ka soo saaray war ay xiisadda badda ka baahisay Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada ee Soomaalida iyo Itoobiyaanka aad loogu faaqiday sawir laga qaaday qoraal uu qoray wargayska African Heral oo ka mid ah warbaahinta ka howlgasha gudaha dalka Itoobiya.

Xogta uu baahiyay wargeyskaas oo ay iska fogeysay dawladda Maraykanka ayaa dhigeysay wax ay ku sheegeen nuxurka wadahadalka dhexmray ergayga Maraykanka u qaabilsan Afrika oo tagay Muqdisho iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wargeyskan ayaa maqaalka uu daabcay waxaa uu ku sheegay xog ay iska fogaysay dowladda Maraykanka oo ku saabsanayd in ergayga Maraykanka ee Afrika Mike Hammer uu kala hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya, taas oo ka dhalatay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee bilowgii sanadkan ay kala saxiixdeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.

Wargayska ayaa qoraalkiisa ku xusay in Ergeyga Mareykanka ee Afrika uu soo hadal qaaday in la ixtiraamo xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee sii kordhaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, iyadoo la muujinayo faa’iidooyinka ka dhalan kara xiriirkaas uu u leeyahay nabadda iyo horumarka gobolka.

Sidoo kale siyaasiyiin kala duwan ayaa barahooda internerka soo dhigay sawirka laga qaaday maqaalka Wargeyska, kaas oo ay siyaabo kala duwan looga falceliyey.

Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa barteeda twitter-ka (X) waxay ku beenisay xogta ku qoran magaalka Wargeyska Afrikan Herolad oo ay ku sheegeen mid been abuur ah.

“Wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan hadal la sheegay inuu ka soo yeeray ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer oo ku saabsan Soomaaliya waa been abuur,”ayaa lagu yir qoraalka ka soo baxay safaaradda.

Ergayga Maraykanka ee Afrika ayaa horay u cadeeyey mowqfika Maraykanka ee ku aadan xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya isagoo yiri, “Sida aan marar badan ku cecelinay Mareykanka waxa uu aqoonsan yahay madaxbanaanida, Midnimada dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ay ka mid tahay Somaliland, waxaan aaminsanahay in arrinta Somaliland ay tahay mid quseeysa dadka Soomaalida oo keliya ah” xilliga uu hadalkaan yiri Mike Hammer wuxuu ka qeyb gelaayey shirkii madaxda urur goboleedka IGAD ee bilowgii sanadkan ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Xogta weerar rogaal celis ah oo Al-Shabaab soo qaaday iyo dagaal culus oo xigay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar rogaal celis ah oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen deegaano dhowaan uun lagala wareegay oo ku yaalla duleedka magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka oo ka dhacay agagaarka deegaanka Buuloxaaji ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya kuwa Danab iyo Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, kaas oo qaatay saacado badan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu xooganaa, isla markaana ay maqlayeen daryanka hubka culus ee ay is weydaarsanayeen labada dhinac, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ugu yaraan illaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland ayaa weerarka lagu dilay, halka lagu dhaawacay tiro lale, kuwaas oo la gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Saraakiisha ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo ka hadlay dagaalkan waxa ay sheegeen inay iska difaaceen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, ayna gaarsiiyeen khasaare culus.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli ciidamada ay kusii siqayaan deegaano horleh oo ku yaalla gobolkaas, si ay uga fara maroojiyaan Al-Shabaab.

Maalmihii u dmabeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa kordhiyay howlgallada ka socda aagga magaalada Kismaayo, waxayna horay la wareegeen Buuloxaaji iyo deegaano kale.

Si kastaba, Jubbaland ayaa waxaa si rasmi ah uga billowday wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, kaas oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidamada NISA oo howlgal ku soo dilay horjoogayaal Shabaab ah kadib markii…

0

Marka (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad-suddiga Soomaaliya oo maanta qaaday weerar culus ayaa soo dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal, kuwaas oo ku sugnaa duleedka degmada Marka ee xarunta gobolkaasi.

Howlgalkan oo uu hoggaaminayay taliyaha NISA ee Marka Maxamed Sheekh Xasan ayaa waxaa sidoo kale ka qayb qaatay guutada 14 October ee fadhigoodu yahay gudaha magaaladaas, waxayna beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa howlgalka ku biiray afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Sheekh Abuukar Maxamed Xasan oo isaguna tegay jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan deegaanada ay ka socdaan howlgallada.

Taliyaha Nabad-sugidda Marka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in markii hore ay madaafiic ku garaaceen saldhigyada Al-Shabaab, kadibna ay ku qaadeen weerar toos ah, kaas oo uu tilmaamay in maleeshiyaad iyo horjoogayaal ay uga dileen.

Maxamed Sheekh Xasan ayaa sidoo kale tilmaamay inay howlgaladdooda ku gaareen deegaanada Sagaaroole, Cadceed, Farange iyo Buundo Libaax oo dhammaan hoostaga magaallo xeebeedka Marka.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda, isla markaana ujeedkooda uu yahay inay Al-Shabaab ka xoreeyaan dhulkaasi.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee guusha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyay waxaa Shabeelaha Hoose ka socday howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana barbar socda duqeymo iyo dagaallo mararka qaar dhex mara labada dhinac.

Carruur walaalo ah oo miino ay kula qaraxday Galgaduud

0

Xeraale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta carruur walaalo ah ay miino kula qaraxday magaalada Xeraale ee gobolkaasi, waxaana soo gaaray dhimasho iyo dhaawac.

Carruurta oo ahaa laba wiil iyo gabar  ayaa midka u weyn da’ahaan jiray 6 sano, waxaana ku qarxay miino ay ku ciyaarayeen, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Laba kamid ah carruurta ayaa goobta ku geeriyooday, halka mid kale dhaawac culus oo soo gaaray saacado kadib uu isna ku dhinatay isbitaal ku yaalla magaalada Xeraale.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in falkan uu ku reebay argagax wayn, isla markaana ay soo wajahday cabsi xoogan oo la xiriirta haraadiga hubka iyo walxaha qarxa oo dhulkaasi ku badan, maadaama ay ka jiraa dagaallo iyo colaado sokeeye.

“Meeshan waxaa ka dhacday ciyaal-baa miino ku qaraxday, miinada illaa iyo hadda meel ay ka keeneen lama yaqaano, hadda waxaan ku jirnaa aaska saddexda carrruuta ah” ayuu yiri.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga Galmudug oo ku aadan dhacdadaasi xanuunka badan.

Soomaaliya waxaa inta badan la soo wariyaa waxyeello ka dhalata haraadiga hubka aan weli qarxin iyo miinooyinka dhulka lagu aaso oo ay dhibaato ka soo gaarto shacabka.

Si kastaba, tan iyo dagaallada sokeeye ee wadanka ka dhacay, waxaa la arka haraadiga hubkii lagu dagaalamay oo yaallo goobo kala duwan, taasi oo inta badan ay khasaare kala kulmaan carruurta yar yar ee Soomaaliyeed.

Mareykanka oo hubkiisa ugu culus geynaya Jarmalka iyo qorshaha ka dambeeya

Washington (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka iyo Jarmalka ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay in Mareykanka uu sannadka 2026-ka billaabayo inuu Jarmalka geeyo gantaallada riddada dheer.

Warkaan ayay labada dal uga dhawaaqeen shirweynaha isbaheysiga NATO ee ka socda magaaladan Washington.

Tan ayaa waxaa loo arka tallabo weyn oo looga gol leeyahay in lagaga hortago waxa ay xulafadu ku sheegeen khatarta sii kordhaysa ee Ruushku ku hayo Yurub.

Go’aankan ayaa u diri doona Jarmalka hubka ugu awooda badan ee Maraykanka heysto, waxana ay noqon doontaa markii ugu horreysay oo uu Mareykanka hub aad u culus ku rakibto Yurub tan iyo dagaalkii qaboobaa.

Khubarrada ayaa ku sheegay tallaaban, digniin cad oo ku wajahan madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Hogaamiyaasha NATO ee ku shiraya caasimadda Mareykanka ayaa dhanka kale ballan-qaaday gargaar lacago dheeraad ah oo ay ugu deeqayaan dalka Ukraine, si ay isaga difaacaan duullaanka Ruushka.

War murtiyeed ay Arbacadi soo saareen, ayay madaxda NATO ku sheegeen in ugu yaraan 40 bilyan oo yuro oo u dhiganta ($43.28 bilyan) Ukraine loogu gado agab millatari la gaarsiin doono sannadka dambe.

ISRAEL oo amar culus dul dhigtay dadka reer GAZA

Gaza (Caasimada Online) – Millatariga Israa’iil ayaa ku amray Falastiiniyiinta ku nool magaalada Gaza in ay isaga baxaan.

Waxay fareen inay u barakacaan dhinaca waqooyi, xilli ay guluf xoog leh ka wadaan guud ahaan waqooyiga, koofurta iyo bartamaha Marinka Gaza.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in warqado ay hawada kasoo daadiyeen, ay Israa’iil ugu sheegtay dadka ku nool magaalada Gaza in ay ka baxaan oo ay maraan laba dariiq oo ay ku sheegeen in ay nabad yihiin, kuwaas oo aadaya dhanka koofurta, gaar ahaan degmada Deyr Al-balax.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa amarka daad-gureynta Israa’iil ee guud ahaan magaalada Gaza ku tilmaamay mid keenaya “dhibaato ballaaran”.

Duqeymo aanan kala go laheyn oo ay ciidamada Israa’iil saddexdii maalin ee lasoo dhaafay ku garaacayeen xaafado ka mid ah waqooyiga iyo koofurta Gaza ayay saraakiisha caafimaadka sheegeen in tobnaan qof oo u badan dumar iyo carruur lagu dilay.

Xoojinta dagaalka iyo duqeymaha ay ciidamada Israa’iil ka wadaan Marinka Gaza ayaa imaanaya, xilli dhex-dhexaadiyaasha ka socda Mareykanka, Masar iyo Qatar ay magaalada Dooxa kula kulmeen saraakiil ka tirsan Israa’iil, oo ay kala hadleen suura-gelinta heshiis xabbad-joojin oo ka dhaqan-gala Gaza.

Tan iyo bishii October, saraakiisha Falastiniyiinta ayaa sheegay in Israa’iil ay Gaza ku dishay in ka badan 38,000 oo Falastiinyiiin ah oo u badan dumar iyo carruur.

5 sano kadib doorashadi Abiy, Itoobiya oo gashay xaalad mugdi ah + 4 arrin oo sababay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo dhowr sano ka hor u muuqday xidigga Geeska Afrika, ayaa wajahaya cidlo iyo kallinmo siyaasadeed, kadib is-afgaradkii muranka dhaliyay ee 1-dii Janaayo 2024 uu la galay Maamulka Somaliland.

Billowgii xukunka Abiy Axmed ee 2018 wuxuu u muuqday nin furfuraya nidaamka siyaasadeed ee Itoobiya, u janjeera dhanka Dimoqraadiyadda , xuquuqda aadanaha iyo xoriyadda hadalka. Nin u heellan xoojinta iskaashiga Geeska Afrika, xallinaya khilaafaadkii kala dhexeeyay Eritria, Sudan iyo Masar. Waxaa la siiyay billadda nabadda Nobel Peace Prize.

Shan sano kadib, Itoobiya waxay gashay xaalad mugdi ah.

1- Dhanka xorriyadda iyo dimoqraadiyadda, wuxuu xabsiga dhigay hoggaamiyaashii qowmiyadaha kala duwan, gaar ahaan kuwii Oromada sida Jawar Mohamed iyo Lemma Megressa, oo mar danbe la soo daayay.

2- Dagaalkii ugu weynaa ee ka dhaxca geeska Afrika ayuu la galay qowmiyadda Tigreega (800kun ayaa lagu qiyaasaa dadka ku dhintay), waxaana dagaallo adag ay ka socdaan dhulalaka qowmiyadaha Amxaarda, Cafarta, Oromada iyo Soomaalida. Itoobiya waa dalka ay wali ka socdaan dagaallada ugu dhimashada badan Geeska Afrika. Todobaadkii hore boqolaal arday ah oo Qowmiyadda Amxaaraa u dhashay ayaa la afduubay.

3- Xiriirka Abiy uu la leeyahay Eretria ayaa meeshii ugu hooseeysay maraya.  Dhanka kale Abiy ayaa la jirsaday fallaagada Suudaan ee Maleeshiyaadka Xammidati, iskuna dayay inuu maja-xaabiyo dowladda uu hoggaamiyo General Burhan ee caalamku aqoonsan yahay. Xiriirka Masar ayaa isagana meeshi ugu hooseysay maraya, iyadoo colaadda labada dal ay waligeed ahayd mid ku dhisan istiraatiyadda biyaha iyo saamaynta labada dal ay ku leeyihiin Geeska Afrika.

4- Soomaaliya oo muddo dheer u muuqatay dowlad burburtay, iskana ilaalin jirtay ku milanka siyaasada gobolka, ayaa si xoog leh u gashay loollan, kadib markii uu Abiy ku dhiiraday damaca uu ku doonayo inuu ku helo Bad iyo bariba.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si aan gabbasho lahayn u muujiyay mowqifka dowladdiisa, Itoobiyana ku tilmaamay cadowga Soomaaliya.

Dad badan waxay fillayeen in Abiy Axmed maciinsan doono Imaaraadka oo siyaasaadka Geeska raad ku leh. Waxaase muuqato in Imaaraadka ka gaabsaday inuu ka muuqdo arrintan aad xasaasiga uga ah dowladda Soomaaliya dhankeeda. Badalkeeda Itoobiya waxay u dhaqaaqday dhanka dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya sida Qatar, Sacuudiga iyo Turkiga, iyadoo codsanayso in la dhexdhexaadiyo iyaga iyo Soomaaliya.

Soomaalida ayaa aaminsan in orodka Itoobiya ujeedadiisu tahay in la kala irdheeyo Soomaaliya iyo saaxiabadeed haddii ay wadahadal diiddaan, waana tan ku khasabtay in Soomaliya go’aansato wadahadl aan toos ahayn inay u tagto Ankara biloowgii bishan. Turkiga ayaa u muuqda inuu fahmay qasadka Itoobiya, horayna heshiis difaac badda ah la galay Soomaaliya.

Guuldarrooyinka Abiy ku dhacay billihii la soo dhaafay, ayaa si cad u muuqday, markii uu shalay u tagay Jeneral Burhaanka Sudan oo xarun ka dhigtay magaalada Port Sudan.

Booqashada Abiy waxay ka dhigan tahay inuu ka soo weecday jidkii maleeshiyada Dacmu Sariic ee Xamiidati uu hoggaamiyo, lana aaminsan yahay in Imaaraatku ay taageeraan, isla markaana uu la macaamilayo dowladda sharciga ah ee Sudan.

Waxaa isweydiin mudan mar haddii Abiy Ahmed uu ku dhacay heehaab siyaasadeed, Adduunkana uu go’doon ka galay, saaxibbo badan oo Gobolka ku waayay habdhaqankiisa fudeedka iyo qiyaanada ku dhisan in bal markaan inuu tallaab kale oo aan laga filaneyn inuu qaado, marka la eego culeysyada gudaha iyo dibadda ee xilligan heysta.

W/Q: Cabdicasiis Golfyare

Xasan Sheekh oo xarunta difaaca kulan xasaasi ah kula qaatay hoggaanka ciidanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga dalka kulammo kula qaatay hoggaanka wasaaradda iyo viidanka xoogga.

Saraakiisha ayaa la wadaagay madaxweynaha warbixinihii ugu danbeeyey ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan xoreynta deegaanno ka tirsan Jubbaland oo lagu guuleystay.

Sidoo kale waxay soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay ciidamada qalabka sida inay sii wadaan halganka dalka lagaga xoreyanyo kooxda Al-Shabaab, kaasi oo dhawaan geli doona wejigiisa labaad.

Madaxweyne Xasan oo horraantii bishaan tegay furimaha hore ee dagaalka ayaa dib u bilaabay dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo lagu dar-dargelinayo dagaalka, isaga oo xaqiijiyay sida dowladda ay u diyaarisay qalabka, gaadiidka, xarummaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa xoreynta dalka.

Dhawaan ayaa filayaa inuu si rasmi ah u bilowdo wejiga labaad ee dagaalka oo dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid, kaasi oo kooxda siisay nafis ay dib isugu soo abaabuli karaan, ayaga oo weeraro rogaal celin ku qaaday deegaano horey looga qabsaday.

Wejiga koowaad ee dagaalka ayaa markii uu bilowday laga gaaray guullo wax ku ool ah, ayada oo ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan ay dagaal adag la galeen kooxda, iyaga oo ka xoreeyay deegaan iyo degmooyin muhiim ah.

Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa in kooxda looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda weli ku xoogan tahay.

Muxuu yahay sarkaalka Ugandes-ka ee lagu dilay Soomaaliya ee la dhashay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Patrick Opio Away oo ahaa kabtan ka tirsan ciidamada difaaca dalka Uganda ee UPDF ayaa lagu dilay gudaha Soomaaliya, ayada oo lala dhaawacay ku dhawaad lix askari oo kale kadib markii kolonyo ciidan oo ay la socdeen ay ku qaraxday miino wadada dhinaceeda lagu aasay.

Ninkan ayaa ka tirsanaa saraakiisha ciidanka shisheeye ee Soomaaliya ku sugan, waxaana qaraxa lagu dilay uu ka dhacay tuullada Ceel-waarigoow, oo qiyaastii 70KM jihada Koonfur Galbeed kaga beegan caasimadada Muqidsho.

Kabtan Away ayaa ahaa taliyaha kolonyada ciidanka lala eegtay weerarka miino, kuwaas oo xilligii ay la kulmayeen miinada ku sii jeeday deegaanka Ceel-jaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo markii hore ka ambabaxay Muqdisho, sida uu afhayeenka ciidamada Uganda Mr. Sekitto.

“Weerarkan nama joojin doono, taas beddelkeeda wuxuu adkeyn doonaa go’aankeenna ah in aan sii wadno taageeridda dadaallada nabadeed ee Soomaaliya,” ayuu yiri Sekitto oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sarkaalkan ayaa waxay walaalo yihiin mid kamida madaxda siyaasadda ee dalka Uganda, kaas oo awood sare ku leh xisbiga tallada haye ee dalkasi, laguna magacaabo Richard Todwong.

Todwong ayaa waxa uu ku magacaaban yahay xoghayaha guud ee xisbul xaakimka haya talada dalka Uganda ee lagu magacaabo National Resistance Movement (NRM), sidoo kalena waa xubin ka tirsan golaha wasiirada ee dalkaas.

Todwong ayaa qoraal uu bartiisa X (ex-Twiter) uu soo dhigay ku muujiyay sida uga naxay geerida walaalkiisa, isaggoo xusay in Major Patrick Opio Away uu ka soo qayb-galay dagaalo fara badan oo ka dhacay dalalka Afrikada Dhexe, Bariga DRC Congo iyo Soomaaliya, uuna hawlgallo u aaday waddamadaas oo dhan, kuwaasi oo uu ku tilmaamay “howl-gallo geesinimo lahaa”.

“Noloshaadu waxay si naxdin leh u soo gaabatay saaka (7/7/2024) markii aad u adeegaysay qaaraddeena Afrika. Dhaxalkaagu ha waaro si aad u dhiiri geliso geesiyaal badan. Waligaa waxaan kugu hayn doonaa qalbiyadayada. Patrick, Wwaxaad ahayd wadani dhab ah,” ayuu yiri Todwong.

Kabtan Away ayaa sidaas ku galay liiska saraakiisha shisheeye ee dalkeenna u yimid nabad ilaalinta ee naftooda ku waayay.

Golaha wasiirada Somaliland oo maanta ku dhowaaqay in loo diyaar garoobo difaaca…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Somaliland ayaa maanta yeeshay kulan waqtigiisa laga soo hormariyay, kaasi oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uuna ku wehlinaayey ku-xigeenkiisa Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

Kulankan ayaa lagu gorfeeyay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin amniga, doorashooyinka, difaaca qaranka, caafimaadka, diyaar-garowga oddoroska miisaaniyadda 2025 iyo horumarinta kalluumaysiga.

Golaha Wasiirradu ayaa war-bixin guud oo la xiriirta amniga dalka ka dhageystay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin oo golaha uga warbixiyey amniga guud ee dalka iyo xaaladda nabad-gelyada mandaqadda geeska Afrika.

Golaha ayaa sidoo kale waxa uu caddeeyey in doorashada Somaliland waqtigeedii lagu qabanayo, deegaannada Somaliland-na si adag looga difaacayo kuwa ay sheegtay inay isu soo bahaysateen inay waxyeelleeyaan qarannimadeeda, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay kulankan.

“Somaliland waajib ayey ku tahay inay sidaa ugu diyaar garoobaan doorashada iyo difaaca qarankaba,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka Somaliland, oo loogu goodiyay dhinacyo ay sheegtay inay usoo hanjabayaan oo colaaddu u cusub tahay.

Dhinaca kale, golaha ayaa warbiximo ka dhageystay wasiirrada wasaaradaha horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo golaha xog-warran ka siiyey arrimaha dhaqan dhaqaale iyo diyaar-garowga odoroska miisaaniyadda 2025 ee dalka, horumarinta caafimaadka oo ku dheeraaday xaaladda xannuunada kala duwan ee ay ka mid ka tahay xummadda (Dengue fever) oo Somaliland ka jirtay muddooyinkii u danbeeye.

Golaha ayaa sidoo kale waxaa lala wadaagay qorshaha kobcinta horumarinta kalluumaysiga dalka oo ay baahi weyn u qabaan bulshada Somaliland iyo sidii suuqyo cusub loogu heli lahaa kalluunka dalka.

Ugu dambeyntiina golaha wasiirrada ayaa waxa taariikhda markii u horaysay loo qaybiyey qabyo qoraalka xeerka ciqaabta guud ee Somaliland, oo ay golaha keenneen wasiirka xiriirka golayaasha qaranka Cabdinaasir Buuni iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Cabdiraxmaan Hayaan.

Daawo: Qalad weyn oo ka dhacay baarlamaanka Soomaaliya kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo ay maanta lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta baaqday, waxaana guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu sheegay in uu yahay qalad wayn oo ka dhacay baarlamaanka.

Sababta uu u baaqday kulankan oo bilow u ahaa kalfadhigga 5-aad ee Golaha Shacabka ayaa la xiriira kooram la’aan, kadib markii ay soo xaadiri waayeen xildhibaanno badan.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa tilmaamay in kaliya 108 xildhibaan ay soo xaadireen, taasina ay tahay ayaan darro, maadaama ay fasax dheer kasoo laabteen xildhibaannadu.

“Maadaama saddex bilood fasax la galay maanta waxaan fileynay in si xamaasad leh loo imaanaayo oo shirka noo furmaayo oo shuruucdii kalfadhiga 4-aad dhaqaaqi waayay aan xoogga saarno oo maanta shaqadaas bilaabeyno walaalayaan waan ka xumahay in kooramkii la waayay oo la yiraahdo 108 ayaan dhaafi waynay” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ay tahay qalad wayn oo dhacay, maadaama ay baaqatay shaqadii ay Umadda Soomaliyeed ka sugayeen xildhibaannadooda.

“Saaka waxaan is leeyahay qalad wayn ayaa dhacay marka waxaan usoo jeedinayaa xildhibaannada yimid ee isa soo xilqaamay waad mahadsan tihiin waajibkiina dastuuriga ah ayaad gudateen, waana idinka mahacelinayaa” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoob.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale farriin culus u diray xildhibaanno uu sheegay inay joogaan magaalada Muqdisho, haddana ay xaadiri waayeen kulankii maanta, taas oo uu sheegay inay ceeb ku tahay, maadaama ay gudan waayeen waajibkii dastuuriga ah ee lagu lahaa.

“Xildhibaannada maanta imaan waayay kuwa dibadda jira oo aan weli imaan iyo kuwa jooga ayay kala yihiin waxaan leeyahay baarlamaanka waa la furay ha yimaadaan, xildhibaannada jooga magaalada ee imaan waayay fadhiga waa is ceebeyseen, baarlamaankana waad ceebeyseen, waana gudan wayseen waajibaadkiisa” ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa soo xiray kulankii, wuxuuna sheegay inuu u baaqday maqnaasha xildhibaannada tagi waayay xarunta Villa Hargeysa.

“Maanta sidaas ayuu shirka ku baaqday dad magaalada jooga daraadeen ayaa shirkiina daraadiis u qabsoomi waayay oo xildhibaanno ah” ayuu kusoo gabagabeeyay.