25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Soomaaliya iyo Qatar oo ka hadlay laba qodob + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr Cabdullahi Bin Salem Al Nuaimi.

Fartaag ayaa danjiraha Qatar kala hadlay laba qodob oo kala ah horumarinta xiriirka labada dal iyo xoojinta taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dowladda Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay warbaahinta qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wasiirka amniga gudaha oo uga mahad-celiyey taageerad Qatar ay siiso Soomaaliyaa yaa sheegay in Dooxa ay tahay saaxiib dhow oo Soomaaliya ka taageerada dhinacyo kala duwan oo horumarinta dalka ah.

“Waxaa muhiim innoo ah in wasaaraddu ay si dhow ugala shaqeyso sidii ay usii xoojin lahaayeen taageeradooda ku aaddan hey’adaha amniga ee hoostaga wasaaradda amniga gudaha” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qatar ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, waxayna mashaariicyo muhiim ah ka fulisaa dalka, sida dhimaha waddooyinka muhiimka ah.

Si kastaba, xiriirka Muqdisho iyo Dooxa ayaa sii xoogeysanayay sanadihii ugu dambeeyay, ayada oo dowladdan iyo tii ka horeysayba la lahayd wada shaqeyn wanaagsan oo dhanka diblumaasiyadda ah.

Xogta sababta uu Ismaaciil Cumar Geelle u casuumay hoggaamiyaha Khaatumo

Jabuuti (Caasimada Online) – Waxaa ku sugan caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti hogaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo xubno maamulkiisa ka tirsan. Booqashadan ayaa lagu sheegay mid shaqo, waana tii ugu horreysay ee hogaamiyahan ku tago Jabuuti tan iyo markii uu qarxay dagaalka gobolka Sool bilowga sanad kii hore ee 2023.

Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo xubnaha la socda waxay kula kulmeen qasriga madaxtooyada Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wadahadlay xaaladda gobolka iyo xoojinta nabadgalyada Geeska Afrika.

Firdhiye ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha Jabuuti xaaladda deegaannada SSC-Khaatumo, gaar ahaan maamul dhisidda iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee ku burburay dagaallada.

Wasiirka warfaafinta Maamulka SSC-Khaatumo Najiib Barkhadle ayaa sheegay in booqashadani uga dhigan tahay guulweyn.

“Maamulka SSC-Khaatumo in ay Jabuuti martiqaaddo oo uu casuumaad rasmiya helo, hogaanka sare waxay nooga dhigan tahay horumarka aan ka sameynayno dawlad dhiska iyo in ay muuqato awoodda aan ku leenahay geeska afrika, oo aan ku sameynayno in qiblada siyaasadeed ee horukaca geeska, aynu ku yeelanay minbar fiican iyo talaabo fiican oo aan soo gaarnay,’’ ayuu yiri wasiir Najiib.

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa hadda sheegaya in Jabuuti ay gacan ka geysan doonto, dawlad dhiska deegaannada ay maamulaan, si la mid ah taageerada Jabuuti ku garab taagan tahay Soomaaliya inteeda kale ee lagu xoojinayo hay’adaha dawladda.

‘’Waxaa xoogaa laga yaabaa in dadku ay isha ku hayeen arrimaha dagaalladii laga soo baxayay, marka si uun nabadgalyo looga helo gobolka ayay had iyo gooraale, dawladda aan dariska nahay, waa dawlad ka shaqeyneysay dhismaha maamul ama dawladeed ee Soomaaliya, sidaa daraadeed maamulka SSC-Khaatumo oo kamid ah maamullada dawladda federaalka waxa ay lamid tahay dhismihii ay ku haysay maamullada kale,’’ ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Maxaa iska badalay aragtida dadka qaar ee taageera SSC-Khaatumo ka qabeen Jabuuti?

Intii lagu jiray dagaalladii lagu hoobtay ee ka dhacay Laasacaanood sanad kii hore, waxa jiray dad taageerayay qadiyadda SSC oo ku eedeynayay Jabuuti in ay la safneyd Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Laakiin dooddaas dadka riixayay marna ma aysan soo bandhigin caddeyn ku saabsan eedeynta ay Jabuuti u jeediyay.

Wasiirka Warfaafinta SSC-Khaatumo Najiib Barkhadle ayaa ku jawaabay: ‘’eed gaar ah oo Jabuuti ay ku eedeysnayd burburinta iyo in ay qayb ka ahayd dagaalkii qoladan fallaagada ah, waxay iska ahayd aragti fadhi kudirirrada lagu buunbuuniyay, laakin wax eed ah oo SSC-Khaatumo toos ugu jeedisay dawladda Jabuuti ma jirin’’.

Xiriirka dhaw ee dhexmaraya Jabuuti iyo SSC-Khaatumo ayaa loo tiirinayaa isabadallada iyo kihilaafyada ka soo kordhay Geeska Afrika.

Barfasoor Maxamed Xuseen oo bare ka ah Jaamacadda Muqdisho ayaa sheegaya in markii hore ay Jabuuti u arkaysay, Somaliland oo wadajirta in ay ku jirto danta gobolka, maadaama ay xuduud dheer oo bad iyo bari lehba wadaagan. Si taasi aanay uga caraysiin Muqdisho, waxay ku daadlaysay in la wadahadalsiiyo Somaliland iyo Dawladda Federaalka, wayna dhacday taasi.

Laakin wax kasta waxay isbadalleen markii heshiiska is af-garadka ah ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland billowgii sanadkan, sida uu qabo Barfasoor Maxamed Xuseen.

‘’Arintu waxay is badashay markii Somaliland heshiis la saxiixatay Itoobiya oo bad iyo saldhig milatari la siinayo, Jabuuti waxay u aragtay in taasi khatar weyn ku tahay amnigeeda qaran iyo kan badda casba, sidoo kalena uu dhaqaalaheeda dhaawac weyn ku yahay, sidaa daraadeed aragtidii ay ka qabtay Somaliland way isbadashay’’.

Wadaxaajoodyada maxabiista lagu kala qabsaday dagaalkii Laasacaanood

Wafdiga SSC-Khaatumo ee jooga Jabuuti waxa kale oo ay la kulmeen xoghaye ku xigeenka urur goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Waare. Waxaana labada dhinac ka wadahadleen arinta maxaabiista.

Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in xubnaha Khaatumo ay kala hadleen arimo ay ka mid yihiin khilaafka SSC-Khaatumo iyo Somaliland.

‘’Waxa kale oo aan ka wadahadalnay khilaafka Somaliland iyo Khaatumo, gaar ahaan maxaabiista dagaalka, daryeelkooda iyo badqabkooda, iyo kaalinta IGAD ka ciyaari karto sii deyntooda, isla wadahadalkaas waxaan la yeelan doonaa Somaliland marka ay suurtagal noqoto,’’ ayuu yiri xoghaye kuxigeenka guddiga fulinta ee IGAD.

Dhanka SSC-Khaatumo, waxay sheegeen “waxyaalaha la isla soo qaaday waxaa ka mid ahaa arimaha maxaabiista, arrimaha maxaabiistuna waa kiis caalami ah, annagana si gaar ah saameyn noogu leh, labo dhinac marka loo kala qaado, waxaa ku jira dad dambiilayaal ah oo waaweyn oo iyagoo gacanta dambiga iyo dhiigga kula jira la qabtay, dadkaas maxkamad uun bay sugayaan’’ ayuu yiri wasiir Najiib.

Wadahadal labada dhinac dhexmara ayay shardi uga dhigeen Khaatumo in Somaliland ogolaato in loo wadaxaajoodo labo maamul oo daris ah, nabadna ay qaataan.

Xogta saraakiil Shabaab ah oo ay ku jiraan ajaaniib oo lagu duqeeyay SH/HOOSE

0

Kunyabarow (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo diyaaradeed oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo lala beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ee Al-Shabaab.

Duqeynta oo ka dhacday agagaarka deegaanka Kunyabarow ayaa waxaa lala eegtay saraakiil sar sare oo ka tirsan kooxda, xilli ay ku dhuumaaleysanayay halkaasi.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in xubnaha la duqeeyay ay ku jiraan saraakiil ajnabi ah oo ka barbar dagaalameysay Al-Shabaab, kuwaas oo kasoo jeeda waddamo ka tirsan Carabta iyo Afrika.

Illaa saddex gantaan ayaa lasoo wariyay inay ku dhacday meel u dhow magaalada, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubanaha lagu duqeeyay oo ay ku jiraan kuwa sar sare.

Inta la xaqiijyay ugu yaraan illaa 6 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeynta, halka lagu dhaawacay tiro kale oo intaasi ka badan.

Ma jiro illaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah oo iska kaashada weerarada cirka ah ee lagu beegsado Al-Shabaab.

Xaaladda goobta ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana ku sugan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada aaggaasi.

Shabeelaha Hoose ayaa waxaa badanaa ka dhaca duqeymo iyo dagaallo xoogan oo dhex mara ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka ATMIS ee dalka u jooga nabad ilaalinta.

Shalay ayaa ugu dambeysay labada dhinac ayaa ku dagaalamay deegaanka Bariire, kadib weerar aysoo qaadeen Al-Shabaab, kaas oo ay guul wayn ka sheegatay dowladda dhexe.

Daawo: Shacab lagu laayay BARIIRE kadib markii…

0

Bariire (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in khasaare badan uu kasoo gaaray dad shacab ah dagaal ka dhacay duleedka deegaanka Bariire, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo Al-Shabaab, kadib markii madaafiic lagu gaaracay halkaasi.

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa la sheegay inay ku dhaceen xaafado ka tirsan tuulada Balow oo hoostagta Bariire waxaana ku dhammaaday dad shacab ah oo aan waxba galabsn.

Ku dhowaad 15 qof oo rayid ah, una badan dad beeraley ah ayay waxyeelo kasoo gaareen hoobiyeyaasha ku dhacay halkaasi, kuwaas oo dhaawacyadooda la keenay Muqdisho.

Laba kamid ah dhaawacyada lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho ayaa isbitaalka ku geeriyooday, halka kuwa kale haatan lala tacaalayo xaaladdooda caafimaad.

Sidoo kale dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxaa ku jira dad isku qoys ah, sida carruur iyo waalidkood.

Aabe Ibraahim Siidow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in 4 kamid ah carruurtiisa ay ku dhinteen hoobiyeyaasha, halka wiil kale, hooyadiis, aabihiis iyo xaaskiisa ay dhaawac yihiin.

“Carruuteyda 5 ayay ahaayeen 4 waa iga dhimatay midna waa dhaawac, sidoo kale hooyo, aabe iyo xaaskeyga waa dhaawac halis ah” ayuu yiri Aabe Ibraahim Siidow.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dowladda Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday inay gurmad deg-deg ah u fidiso, maadaama uu yahay nin beeraley ah oo aan waxba haysan.

“Dowladda Soomaaliya waxaan ka codsanayaa amarkan waa dhacay nin beeraley ayaan iska ahay oo masaakiin ah waxba aan haysan oo xoogsade ah waxaan ka codsanayaa taakuleyn deg-deg ah in la’isoo gaarsiiyo” ayuu sii raaciyay.

Dhacdooyinkan ayaa kusoo laa laabtay Bariire, waxaana horay sidaan oo kale loogu laayay dad shacab ah, kadib duqeymo ay diyaarado dagaal ka fuliyeen gudaha deegaankaasi.

Xaaska amiirkii Daacish Abu Bakar Al-Baqdaadi oo dil toogasho lagu xukumay

0

Baqdaad (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla dalka Ciraaq ayaa dil toogasho ah ku xukuntay xaaskii hoggaamiyihii kooxda Daacish ee la dilay, Abu Bakar Al-Baghdadi, oo lagu soo oogay dacwado la xiriira dilka haween Yazidi ah, sida ay Arbacadii sheegtay waaxda garsoorka.

Xaaska Baghdadi ayaa dib loogu soo celiyay Ciraaq kadib markii lagu xiray dalka Turkiga, ilo dhanka garsoorka ah ayaa sidaas u sheegay wakaalada wararka ee AFP, iyagoo qarinaya magacooda sababo la xiriira in aan loo ogoleyn inay saxaafadda la hadlaan.

“Maxkamadda dambiyada ee Karkh (galbeedka Baqdaad) ayaa dil toogasho ku xukuntay xaaska argagixiye Abu Bakar al-Baghdadi oo lagu helay dambi ah inay la shaqaynaysay kooxda argagixisada ah ee Daacish iyo inay gurigeeda ku xirtay haween Yazidi ah,” ayay Golaha Sare ee cadaaladda ku sheegeen website-kooda.

Xaaska hogaamiyaha la dilay ayaa xirtay haweenka Yazidi-ga ah oo “kadib ay afduubteen” dagaalyahanada Daacish ee ku sugan degmada Sinjar ee waqooyiga Ciraaq, ayay raacisay.
Ilo-wareedyo garsoor ayaa ku sheegay magaceeda Asma Mohammed.

Washington ayaa ku dhawaaqday bishii October 2019 in ciidamada Mareykanka ay ku dileen Baghdadi howlgal ka dhacay waqooyi-galbeed ee Suuriya, shan sano ka dib markii uu isku magacaabay “Khaliifka” guud ee Suuriya iyo Ciraaq.

Intii lagu guda jiray muddo ay xoog ku qabsadeen waqooyiga Ciraaq 2014, Daacish ayaa waxay si gaar ah u doorteen Yazidi-ga aan Muslimka ahayn, iyagoo si qorsheysan u dilay kumanaan rag ah, dumarkana ku qasbay addoonsi galmo.

Muddo dhowr sano ah, maxkamadaha Ciraaq waxay ridayeen boqolaal xukunno dil ah iyo sidoo kale xabsi daa’in iyadoo la raacayo xeerka ciqaabta ee xubinnimada “koox argagixiso”.

Dadka lagu xukumay Ciraaq ayaa waxaa ka mid ahaa in ka badan 500 oo ajaanib ah rag iyo dumar isugu jira oo lagu helay inay ku biireen Daacish.

Ciraaq ayaa bishii Febraayo ku dhawaaqday inay xaqiijisay “dib u soo celinta qoyska” Baghdadi, iyadoo ilo garsoor ay u sheegeen AFP in xaaska Baghdadi, “oo lagu xiray Turkey,” dib loo soo celiyay iyada iyo caruurteeda.

Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay xilli uu TV-ga laga leeyahay Sucuudiga ee Al Carabiya baahiyey wareysi uu la yeeshay “Xaaska Baghdadi”. Waxaa magaceeda lagu sheegay Asma Mohammed.

Bishii November 2019, Turkiga ayaa sheegay in ay xireen xaaska Baghdadi, oo warbaahinta Turkiga ay ku sheegtay Asma Fawzi Mohammed Al-Qubaysi, bishii Juun 2018.

VOA

Daawo: Ciidamada DANAB oo deegaan istaraatiiji ah ka qabsaday Al-Shabaab

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta howlgal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ciidamada huwanta ay kula wareegeen deegaanka Harboole oo ah mid istaraatiiji ah, iskuna xira gobollada Jubbooyinka.

Ciidamada ayaa gudaha u galay deegaankaasi, waxayna kadib isku fidiyeen tuulooyinka u dhow, si ay uga hortagaan soo rogaal celinta maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Deegaankan ayaa u dhexeeyo degmada Afmadow iyo deegaanka Janaay Cabdalle, waxaana marta waddo muhiim u ah oo isku xirta gobolka Jubbada Hoose iyo gobolka Jubbada Dhexe.

Saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in qabashada deegaanka Harboole uu dhabar jab wayn ku yahay Khawaarijta, isla markaana ay kala go’ayaan Al-Shabaabka ku sugan labada gobol ee Jubbooyinka oo ay ku xoogan tahay kooxda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli ciidamada ay kusii siqayaan deegaano horleh oo ku yaalla gobolkaas, si ay uga fara maroojiyaan Al-Shabaab.

Maalmihii u dmabeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa kordhiyay howlgallada ka socda aaggaas, waxayna la wareegeen Buuloxaaji iyo deegaano kale.

Si kastaba, Jubbaland ayaa waxaa si rasmi ah uga billowday wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, kaas oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Sawirro: COL. David Haskell oo ka degay Kismaayo lana kulmay Axmed Madoobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magaalada Kismaayo ku qaabilay Taliyaha howl-gallada gaarka ah ee wadajirka ah ee bariga Afrika Kornayl David Haskell oo booqasho ku yimid Jubbaland.

Kulanka ayaa lagaga hadlay howl-gallada ay wadaan ciidamada Jubaland iyo tageerada dhinaca amniga ee dowladda Maraykanka ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta.

Taliyaha hawl-gallada gaarka ah ee wadajirka ah ee bariga Afrika Kornayl David Haskell ayaa bogaadiyay howl-gallada ay wadaan ciidamada Jubbaland ee lagu xoreeyay deegaanada Joore gaar ahaan deegaanka Buuloxaaji iyo deegaanada ku xeeran.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in guulaha laga gaaray howl-galladii u danbeeyay ay muujinayaan sida dowladda Jubaland ay uga go’antahay xoreeynta deegaanada wali ay ku harsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Waxaa madaxweynaha Jubbaland kulanka ku wehlinayay Taliyaha Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubaland Mudane Maxamed Axmed Sabriye iyo Taliyaha Ciidamada Darawiishta Jeneraal Ismaciil Saxardiid.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida weyn ugu garab istaagay Soomaaliya dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna hub iyo saanad ciidan soo gaarsiiyay dowladda federaalka Soomaaliya tan iyo markii uu billowday dagaalka argagixisada.

Tan iyo markii ay bilowdeen howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab waxay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka weeraro ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, inkasta oo bilihii dambe uu hoos u dhac ku yimid duqeymahaas oo badi lagu beegsan jiray xubnaha iyo saraakiisha sar-sare ee kooxda.

Bridging the future: A study tour in Turkey and the promise of public-private partnerships in Somalia

As the sun set over the vibrant cityscape of Istanbul, I found myself reflecting on the profound insights and experiences gathered during our study tour in Turkey. Representing a delegation of government officials from various ministries and private sector leaders from Somalia, our mission was clear: to explore and understand the intricacies of Public-Private Partnerships (PPP) and envision how these partnerships could be harnessed to fuel Somalia’s ambitious plan, the National Transformation Plan (NTP) 2025-2029.

Our journey took us through the heart of Turkey’s infrastructure marvels, from the impressive Northern Marmara Highway and the 3rd Bosphorus Bridge to the world-renowned Ankara Bilkent City Hospital, Ankara Airport and the cutting-edge Eurasia Tunnel. Each of these projects is a testament to the transformative power of PPPs, where the collaborative eff orts between the public and private sectors have resulted in infrastructure that not only meets but exce eds global standards.

We began our tour with a warm reception by Mr. İlhan Hatipoğlu, the Deputy Minister of Treasury and Finance, at the Ministry of Treasury and Finance, Emek Campus in Ankara. The Somalia delegation, led by Hon. Abdiqafar Elmi Hange, Deputy Minister of Finance, expressed our collective enthusiasm for the potential of PPPs. In his remarks, Hon. Abdiqafar hinted that it is the right time for Somalia to take PPPs forward as part of its post-HIPC strategy, emphasizing the importance of leveraging these partnerships to accelerate our national transformation agenda.

The opening sessions provided a comprehensive overview of Turkey’s PPP legal framework and regulatory environment. Turkey has strategically employed various PPP models tailored to specific sectors to drive infrastructure development and improve public services. The Build-Operate-Transfer (BOT) model in the transport sector, Build-Own (BO) in the energy sector, and Build-Lease-Transfer (BLT) in the health sector have been pivotal.

In contrast, the Philippines and Malaysia use the BLT model for airports and public transport, the US and India employ the BO model for the energy sector, and Brazil and South Africa effectively use the Transfer of Rights model for transportation. While different countries apply different models, they commonly use PPP to create value for money and efficient risk transfer. 

Relevance to Somalia: PPPs as Catalysts for Transformation

The relevance of PPPs to Somalia cannot be overstated. As we embark on the ambitious path laid out by the NTP, the focus on private investments, job creation, and improved government performance is paramount. PPPs offer a structured framework to achieve these goals by leveraging private sector expertise, efficiency, and capital.

Somalia has long considered implementing PPPs, but it is now, under the visionary leadership of His Excellency Prime Minister Hamza Abdi, that we see a committed drive to move forward with these initiatives. This momentum aligns seamlessly with the broader Vision 2060 spearheaded by His Excellency President Hassan Sheikh Mohamud, which aims to propel Somalia into a new era of sustainable development and economic prosperity.

logistics infrastructure: The Promise of PPPs in Somalia’s NTP

One of the most promising areas for PPPs in Somalia is the logistics infrastructure sector. Our discussions in Turkey highlighted the critical importance of modern and efficient transport networks in supporting economic activities. In Somalia, establishing a separate lab focused on logistics infrastructure under the NTP can pave the way for significant advancements in this sector.

Imagine modern airports that facilitate increased trade and tourism, ports that become gateways for international commerce, and highways and bridges that connect remote areas, fostering inclusivity and development. Additionally, building new fishing ports will bolster our fishing industry, providing more employment opportunities and contributing to food security.

The construction of regional roads that connect all regions will not only enhance domestic trade but also increase trade volumes with neighboring countries. This connectivity is crucial now that Somalia has joined the East African Community, as it will enable our goods to reach broader markets, fostering regional economic integration and growth. Each of these projects can attract substantial private investments, driving job creation and economic growth. The collaborative efforts in these labs will ensure that these projects are not just dreams but achievable milestones, bringing in investors and stakeholders who share a common vision of a prosperous Somalia.  

Energy Sector: Powering Economic Transformation

Somalia’s energy sector is another critical area where PPPs can drive transformative change. Our nation is energy-hungry, and a reliable power supply is essential for economic development. The NTP prioritizes energy infrastructure, recognizing that access to affordable and sustainable energy is a cornerstone of industrial growth, improved living standards, and overall economic resilience.

Through PPPs, Somalia can attract investments in renewable energy projects, such as solar and wind farms, which are abundant given our geographical location. Additionally, modernizing existing power plants and expanding the electricity grid to rural areas will provide the much-needed energy for households and industries. These initiatives will not only meet the current energy demands but also ensure future growth and sustainability. The PPP model allows for shared risks and rewards, making large-scale energy projects viable and attractive to private investors.

Healthcare: Transforming Somalia’s Health Infrastructure

During our tour, one of the standout visits was to the Ankara Bilkent City Hospital. This massive healthcare facility, with a bed capacity of 4,050 and indoor space of 1.3 million square meters, is the largest hospital in the world constructed as one piece. It stands as a model for how PPPs can deliver state-of-the-art healthcare infrastructure. In contrast, Somalia’s healthcare infrastructure is in dire need of heavy investments. Many of our citizens are forced to travel abroad for medical treatment, incurring significant costs. By developing similar healthcare facilities through PPPs, we can drastically reduce these costs, provide quality healthcare at home, and improve the overall health outcomes of our population.

Tourism Facilities: Unlocking Economic Potential

Another area ripe for PPPs is tourism. With its rich cultural heritage, stunning landscapes, and historical significance, Somalia has immense potential to become a sought-after tourist destination. By developing world-class tourism facilities through PPPs, we can not only attract more visitors but also create numerous job opportunities, boost local economies, and promote cultural exchange.

Consider the former government-owned hotels like Juba and Uruba in Mogadishu. Revitalizing these hotels and transforming key government-owned installations into hotels, apartments, malls, and offices can generate significant revenue, create jobs, and contribute to security. This not only revives our tourism sector but also ensures that these historical landmarks are preserved and utilized effectively.

Addressing Unemployment and Security through PPPs

One of the most pressing challenges in Somalia is youth unemployment, which significantly contributes to insecurity. By creating job opportunities through PPP projects, we can address this challenge head-on. Whether it’s constructing new hospitals, developing tourism infrastructure, or modernizing logistics networks, these projects will require a skilled workforce, thereby providing employment to thousands of young Somalis. This not only boosts the economy but also enhances security, as gainfully employed youth are less likely to be drawn into activities that threaten national stability.  

Key Projects and Insights from Turkey

During our tour, we had the privilege of visiting several key projects that exemplify the success of PPPs in Turkey:

  • Ankara Bilkent City Hospital: This massive healthcare facility, with a bed capacity of 4,050 and indoor space of 1.3 million square meters, is the largest hospital in the world constructed as one piece. It stands as a model for how PPPs can deliver state-of-the-art healthcare infrastructure.
  • Northern Marmara Highway and 3rd Bosphorus Bridge: These projects showcase the efficiency and scale achievable through PPPs, significantly improving connectivity and reducing traffic congestion in Istanbul.
  • Eurasia Tunnel: This undersea tunnel linking the European and Asian sides of Istanbul is a marvel of engineering and a testament to the transformative power of PPPs in urban infrastructure.

The Way Forward: Embracing PPPs for Sustainable Economic Transformation

The lessons learned from Turkey’s successful PPP projects provide a valuable blueprint for Somalia. By embracing PPPs, we can accelerate our infrastructure development, attract private investments, and create a conducive environment for economic growth. The separate lab dedicated to logistics infrastructure will be a critical step in this direction, focusing on airports, ports, roads, highways, and bridges.

Moreover, PPPs will play a crucial role in Somalia’s post-HIPC strategy, ensuring that we build a resilient and diversified economy. The positive effects of PPPs on sustainable economic transformation are manifold – from improving public services and infrastructure to fostering innovation and creating jobs. 

As we return to Somalia, we are more determined than ever to implement the insights and strategies gleaned from our Turkish counterparts. With the committed leadership of President Hassan Sheekh and Prime Minister Hamza Abdi, Somalia is poised to harness the full potential of PPPs, driving forward our National Transformation Plan and paving the way for a brighter, more prosperous future.

Author: Abdirizak Ibrahim, Deputy PS, Office of the Prime Minister, Federal Government of Somalia

Contributors: 1- Abdullah Adan (Tarey), Director General, Ministry of Water and Energy, Somalia. 2- Amina Osman, Private Sector Led Growth Advisor, Office of the Prime Minister, Somalia.

Taliska xoogga oo war culus ka soo saaray dagaalkii Bariire ee maanta lagu dilay Taliyaha

Marka (Caasimada Online) – Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa ka warbixiyey dagaal maanta ka dhacay duleedka deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo lagu dilay xubno badan oo Shabaab ka tirsanaa, halka ayaguna ay dileen taliyihii ciidanka Gorgor ee deegaanka Bariire iyo askar kale.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan oo ku sugan Sh/Hoose ayaa sheegay in dagaalkii maanta looga guuleystay kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in ‘baqtigooda uu daadsan yahay’ goobihii lagu dagaalamay maanta.

Afhayeenka Xoogga ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee maleeshiyaadka dagaalkaas looga dilay Al-Shabaab, balse wuxuu faahfaahintiisa ku soo daray in horjoogayaal ay ku jireen, kuwaas oo hoggaaminayey duulaanka kooxda, laakiin ku baxay gacanta ciidanka Qaranka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalkaas wuxuu saakay ka bilowday duleedka deegaanka Bariire, kadib markii ciidanka Gorgor oo ku sugnaa saldhig ay kala wareegeen ATMIS oo Bariire ku yaalla ay ka war-heleen in Shabaab duulaan ah ay ku soo wajahan yihiin.

Qorshaha Al-Shabaab wuxuu ahaa inay cagta mariyaan saldhigga, balse ciidanka oo ka warhelay duulaanka kooxda ayaa ka hortegay weerarkaas, waxaana duleedka Bariire ka qarxay dagaal bilowday saakay waaberigii oo soo gaaray maanta duhurkii.

Jab culus ayaa la gaarsiiyey Al-Shabaab, waxayna saraakiil la hadlay Caasimada Online noo sheegeen in meydkooda oo tira beel ah uu daadsan yahay howdkii lagu dagaalamay.

Ciidanka Gorgor ee xoogga dalka khasaare badan ayaa ka soo gaaray dagaalkaas, waxaana ku dhintay taliyihii ugu sareeyey militeriga ku sugan Bariire oo lagu magacaabi jiray Cabdisalaan Jaamac iyo askar kale.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in geesiyaashii Shahiiday maanta ay xaqiijiyeen mid kamid ah labadii hadaf ee qofka Soomaaliga ah ku waajibay, kuwaas oo kala ah in Shabaab la dilo ama ay ku dilaan.

Afhayeen Sheekh Abuukar ayaa sheegay in labadaas wax ka dhexeeya aysan u fureyn maanta dadka Soomaaliyeed, si gaar ah ciidamada qaranka ee hubka u qaatay inay dadka ka xoreeyaan argagixisada.

Hoos ka daawo

Sawirro: Xamza oo booqday Masjidka taariikhiga ah ee Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani

Baqdaad (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday Masaajidka taariikhiga ah ee Shiikh Cabdulqaadir Jeylaani ku yaalla caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay maamulka iyo culimada masaajidka gacanta ku haysa, wuxuuna uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyay Masjidka iyo guud ahaan dalka Ciraaq.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu soo wareejiyay afarta qaybood ee masaajidku ka kooban yahay oo lagu baran jiray afarta madhab ee Xanafiya, Shaaficiya, Maalikiya iyo Xambaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dul istaagay taariikhda iyo muhiimadda Masaajidka Shiikh Cabdulqaadir Jeylaani, oo sanad walba Muslimiin badan oo caalamka Islaamka ka socda ay soo booqdaan.

Xamsa Barre ayaa sheegay in Shiikhu ahaa caalim Sunni ah oo diinta Islaamka faafiyay, una horseeday dad badan inay raacaan jidka xaqa ah.

Culimmada Masaajidka Shiikh Jeylaani ee magaalada Baqdaad ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Booqashadiisa, waxayna ugu duceeyeen shacabka Soomaaliyeed nabad iyo horumar.

Weli wafdiga xukuumadda Soomaaliya ayaa ku sugan dalka Ciraaq oo casuumaad ay ku tageen, ra’iisul wasaaraha waxaa safarkaas ku wehliya wasiirada arimaha dibadda, maaliyadda, deegaanka, taliyaha NISA, iyo xubno kale oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Sawirro: Kadib amarkii Xasan Sheekh, taliyaha xoogga oo maanta tallaabo qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa maanta guddoomiyay shir muhiim ah oo ay yeesheen  qaybaha kala duwan ee saraakiisha Xoogga dalka, kaas oo looga hadlay dagaalka Al-Shabaab.

Kulankan aya daba socday amarkii madaxweyaha ee ku aadanaa xoojinta iyo dardargelinta dagaalka adag ee lagula jiro maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Iyadoo laga duulayo xoojinta amarkii Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa  dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaa maanta Taliyaha Ciidanka XDS Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin waxuu kulan la qaatay dhammaan hoggaanada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa kulanka kadib la faray dhammaan hoggaannada ciidanka Xoogga dalka in looga baahanyahay hoggaan walba inuu kordhiyo shaqadiisa, lagana doonayo inuu diyaar u noqdo waajibaad Qaran oo rasmi ah.

“Waxaan Taliska ciidanka ku soo kordhinay talisyo iyo hoggaana cusub, waxaana laga doonayaa inay qeyb weyn ka qaataan qorshaha socda ee ku saabsan dagaalka Argagixisada, dhismaha ciidanka, taakuleynta iyo sare u qaadista tayada ciidanka Xoogga dalka” ayuu yiri Taliye Ibraahim Sheekh Muxudiin.

Qorshaha ayaa ah in mar kale dib boorka looga jafo ciidamada Xoogga dalka, si ay u qaadaan duulaan culus oo ka dhan ah Al-Shabaab oo wajigii koowaad ee dagaalka looga xoreeyay dhul ballaaran, kadib weeraro ay ku qaadeen Xoogga dalka iyo Macawiisleyda.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso inay la wareegto amnigeeda, marka ay baxaan ciidamada howlgalka ATMIS oo haatan si tartiib u wareejinayo mas’uuliyaddooda

Xasan oo soo afjaray safarkii dalka Eritrea + Natiijada

0

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho kadib booqasho laba maalmood ah oo uu ku tagay Eritrea.

Madaxweyne Xasan ayaa intii uu joogay Eritrea waxa uu la kulmay qaar kamid ah askarta Soomaaliya ee dalkaasi Eritrea ku qaadanaya tababarka dhinaca ciidanka cirka.

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemani Meskel ayaa ku sheegay bartiisa X (ex-Twitter)  in madaxweynaha Soomaaliya uu ammaanay kaalinta ay Eritrea ka qaadanayso dib u dhiska ciidanka Soomaaliya, iyo wadajirka ay u muujisay qaranka iyo dadka Soomaaliya, sida uu ku sheegay qoraalka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dalkaasi tagay shalay ayaa dhinaca kale madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ay ka wada-hadleen xiriirka labada waddan.

Madaxweynaha Eritrea ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda xoojinta xiriirka labada waddan iyo sikaashiga labada dhinac ee siyaasadda, amniga, militariga, dhaqaalaha, dhaqanka iyo arrimaha bulshada, sida uu sheegay Meskel.

Horraantii sanadkan unbey aheyd markii madaxweynaha uu safar ku tegay Asmara, maalmo un kadib markii Itoobiya iyo Somaliland ay heshiis is-afgarad ku gaareen Addis Ababa, kaasi oo madaxweyne Muuse Biixi uu Itoobiyaanka ugu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Si kastaba, Eritrea ayaa sannadihii u dambeeyey lagu tababarayey ciidamo kumannaan ah oo Soomaali ah kuwaasi oo qaarkood soo laabteen, haatanna ay qayb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

MAREYKANKA oo soo faro-geliyay amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si toos ah usoo faro-gelisay amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo haatan ay gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika.

Mareykanka ayaa wafdi culus oo qaabilsan amniga garoomada usoo diray Muqdisho, kaas oo maanta la kulmay mas’uuliyiinta maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wafdiga oo ka tirsan hay’adda TSA ayaa si gaar ah ula shiray saraakiisha amniga garoonka iyo hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, waxayna ka wada-hadleen amniga guud ee garoonka Aadan Cadde.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta amniga garoonka Muqdisho oo kamid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wafdiga Mareykanka ayaa qiimeyn ku sameeyay howlaha sugida amniga garoonka iyo sida ay u shaqeeyaan hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale mas’uuliyiinta ka socota hay’adda TSA ayaa dalka joogi doona muddo saddex maalmood ah, iyagoo kulamo la qaadan doono dhammaan qeybaha kala duwan ee ka howlgala garoonka Aadan Cadde, kulamadaan ayaa lagu qiimeynayaa heerka wanaagsan ee hey’adaha amniga Soomaaliya ay gaarsiiyeen sugidda amniga garoonka.

Si kastaba kulanka mas’uuliyiinta maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, hay’adaha amniga garoonka iyo hay’adda duulista rayidka oo dhinac ah iyo hay’adda TSA ay ku yeesheen xafiiska maamulka garoonka ayaa gogol xaar u noqon doona sidii lagu gaari lahaa in diyaaradaha ka duula garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho ay si toos ah uga degaan garoomada diyaaradaha dalka Mareykanka.

Garoonka magaalada Muqdisho ayaa u shaqeeyo si maalinle ah, waxaana kusoo xirmay duulimaadyo caalami ah, taas oo sare u qaaday heerka shaqo ee garoonkan oo marin muhiim u ah dadka ka dhoofaya iyo kuwa kasoo dagaya gudaha magaalada Muqdisho.

Madaxweyne XASAN oo u tegay ciidamada cirka ee loo tababarayo Somalia + Sawirro

0

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Eritrea  ayaa isaga oo uu weheliyo Madaxweynaha dalkaas Mudane Isaias Afwerki waxa uu kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan ciidanka Cirka Soomaaliya oo tababar ku qaadanaya xarunta ciidanka Cirka ee Ereteriya (EAF) ee magaalada Asmara.

Ugu horreyn Xasan Sheekh ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidanka isagoo intaas kadib u kuur-galay xaaladaha ay ku sugan yihiin, wuxuu warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta uu tababarka u socdo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa intaas kadib soo gaba gabeeyey Socdaalkii uu ku joogay Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale la filayaa inuu wadahadal la yeesho dhiggiisa dalka Eritrea iyaga oo ka wada-hadli doono xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimo badan oo muhiim u ah iskaashiga labada dal.

Horraantii sanadkan unbey aheyd markii madaxweynaha uu safar ku tegay Asmara, maalmo un kadib markii Itoobiya iyo Somaliland ay heshiis is-afgarad ku gaareen Addis Ababa, kaasi oo madaxweyne Muuse Biixi uu Itoobiyaanka ugu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Is-afgaradka ay la gashay Itoobiya ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20KM ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.” Hase yeeshee weli heshiiskan mana noqon mid dhaqan-gala.

Xiriirka Eritrea iyo Itoobiya ayaa xumaa tan iyo markii uu dhammaaday dagaalka gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, oo ay heshiiyeen xukuumadda Abiy iyo Jabhadda TPLF, waxayna Soomaaliya xilligaan u aragtaa saaxiib muhiim ah.

Xog: Xildhibaano Aadan Madoobe ugu tegay qorshe ka dhan ah Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe la kulmay ayaa u sheegay in aan ajendaha Villa Somalia lagu sii wadi karin howlaha baarlamaanka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in illaa labaatameeyo xildhibaan oo ka tirsan golaha ay Aadan Madoobe si cad ugu sheegen in guddoonka baarlamaanka looga baahan yahay inuu ka baxo jeebka madaxtooyadda iyo xukuumadda.

Xildhibaannada ayaa ka digay in haddii guddoonka uu sii wado afduubka uu ku haayo howlaha baarlamaanka ay qasab noqon doonto inuu xirmo fadhiyada baarlamaanka, wixii mas’uuliyad ah ee ka dhasha uu qaadayo guddoonka.

Kal-fadhiga 5-aad ee baarlamaanka oo furmay horraantii toddobaadkan ayaa waxay Villa Somalia qorsheynaysa inuu meel-mariyo sharciyo dhowr ah oo kamid yahay kan doorashooyinka, guddiga doorashooyinka iyo xeerka lagu dhisayo iyo weliba sharciga axsaabta, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxtooyadda oo gacan ka helaysa guddoonka baarlamaanka ayaa qorsheynaysa in sharciyadan ay marsato baarlamaanka inta lagu jiro kal-fadhiga 5-aad, xilli ay xildhibaannada qaar durba muujiyeen sida ay uga soo horjeedan qorshaha Villa Somalia ay usoo xambaarineyso guddoonka baarlamaanka.

Villa Somalia ayaa horey u marsatay baarlamaanka afartii cutub ee dastuurka ee mucaaradka ka qeyliyay iyo heshiiskii Turkiga ee illaa hadda baarlamaanka aqoonin wax ku qoran, kuwaasi oo dhamaantood ku gacan siiyay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Horey waxaa buuq badan ka dhashay ansixinta cutubyada hore ee dastuurka, kaasi oo illaa hadda diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka, maadaama ay ku jireen qodobo culus oo qeyb ka tahay nooca doorasho ee la aadayo, taasi oo illaa hadda wax tallaabo ah loo qaadin.

Si kastaba, weli ma cadda sida ay wax noqon doonaan, waxaana muuqata in markaan Villada ay rabto inay dhameystirato qorshaha qabyada ka ah, kaasi oo diidan yihiin xildhibaannada qaar oo la safan mucaaradka.

Magacaabista Asad Diyaano: Xasan iyo Xamza midkee diidan reer Puntland? – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaanka booliska Soomaaliya ayaa la filayaa inuu isbeddel ku dhaco. Wararka la xiriira in xilkaan la siinayo taliyihii hore ee ciidanka PSF Jeneraal Asad Cusmaan Diyaano ayaa noqday kuwo soo noq-noqday dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay.

Kursiga hadda waxaa ku fadhiya Jeneraal Sulub oo si gaar ah isku xisaab ku yihiin ra’iisul wasaare Xamza. Gudaha saami-qeybsiga reerka uu Xamza ku metelo 4.5 ayaa dheelinaayay muddooyinkii lasoo dhaafay, iyada oo ra’iisul wasaaraha uu hal dhinac marsaday xilkiisa iyo xilal kale oo kamid yihiin;

  1. Taliyaha booliska
  2. Safiirka Itoobiya
  3. Safiirka Imaaraafka
  4. Ergeyga Xasillinta iyo
  5. Hoggaanka dhowr hay’adood oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo marwalba lagu eedeeyo inuu qabo colaad gaar ah oo reerka Puntland deg ah ayaa hadda la eegaya haddii uu dib u sixi karo saami-qeybsiga, gaar ahaan haddii uu ra’iisul wasaarihiisa ku qancin karo inuu dadka la dhashay wax u hanbeeyo.

Xasan Sheekh oo laba jeer madaxweyne noqday wuxuu magacaabay afar ra’iisul wasaare. Hal mar ayuu qalinkiisu qabtay qof reer Puntland ah waana Cumar Cabdirashiid, kaas oo isna la sheegay inay safaaradda Mareykanka soo jeedisay magacaabistiisa, maadaama uu Xasan Sheekh xilligaasi aad u rabay inay Mareykanka la shaqeeyaan.

Macnaheedu waa in reer Puntland ay weli u dhadhami la’yihiin madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadda iyo taliyaha booliska

Wararka ah inuu kursiga u dhowyahay dhinaca Asad Diyaano waa kuwo saxan. Waxaase la sheegay inuu ra’iisul wasaare Xamza dagaal badan u galay inuu Sulub sii joogo taliska booliska.

Xubno badan oo siyaasiyiin ah oo reer Puntland oo madaxweyne Xasan Sheekh dhowr jeer kala hadlay mowduucan, ayuu Xasan u sheegay inay xaggiisa diyaar ka tahay, balse wuxuu farta ugu fiiqay dhinaca xafiiska ra’iisul wasaaraha, kadibna waxay xubnahaasi u sheegeen Xasan Sheekh inuu isagu soo xaliyo ra’iisul wasaarihiisa.

Xogihii u dambeeyay ee kursigan waxay sheegayaan inay Xasan Sheekh iyo Xamza ka wada-hadleen in kursiga la siiyo Asad Diyaano, oo hoos loo dhigo colaaddii ay ku mideysnaayeen ee reer Puntland.

Xamza waxaa la sheegay inuu hadda halkii hore kasoo dabcay oo uu ogol yahay in la beddelo Sulub, si loogu diyaar garoobo marxalada labaad ee xukunka Xasan Sheekh oo hadda laba jirsaday.

Haddaba, waa maxay muhiimadda loo qaadanayo Asad Diyaano?

Midda koowaad: Xasan Sheekh waa kasoo qancay in aanay isaga iyo Saciid Deni dib isku aamini karin. Deni hadda diyaar uma ahan sida la sheegay inuu Xasan Sheekh waxba badan la wadaago, wuxuuna bilaabay inuu yiraahdo “nuuca doorashada iyo inay waqtigeeda ku dhacdo unba Xasan Sheekh ka rabna”.

Haddii aadan Deni haysan, waa inaad Asad Diyaano haysatid marka dan ka leedahay Puntland.

Midda labaad: waa macaamilka hay’addaha amniga ee caalamka. Taliyaha hadda xilka jooga Sulub iyo taliyaha la saadaalinayo inuu beddeli doono Asad Diyaano masaafo dheer ayaa u dhaxeysa xagga xiriirka hay’addaha amniga ee caalamka.

Midda saddexaad ee Asad Diyaano loo qaadanayo waa dib u nooleynta shaqada booliska oo hadda u muuqata inay si weyn uga hoos martay heerkii laga rabay, gaar ahaan sida uu booliska u samata-bixin karo umad colaad kasoo kabaneysa.

Wararka waxay intaas ku darayaan in tobanka cisho ee soo aadan la magacaabi karo Asad Diyaano hadddi aanay wax kale isbeddelin oo uusan markale madaxweyne Xasan Sheekh ka boodin reer Puntland.

Ismaaciil Cumar Geelle oo qaaday tallaabo farriin dagaal cad ah u dirtay Somaliland

Jabuuti (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Hoggaamiyaha ayaa madaxweyne Geelle uga warbixiyay xaaladda guud ee SSC-Khaatumo, nabadda iyo xasilloonida ka jirta deegaannadaasi, maamul dhiska iyo hiigsiga dhaw ee dibu dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay SSC-Khaatumo.

Firdhiye ayaa sidoo kale si weyn uga mahad-celiyey soo dhawaynta diirran ee shacabka iyo dowladda Jabuuti ku soo dhaweeyeen wafdiga uu horkacayo ee SSC-Khaatumo.

“Hoggaamiyaha ayaa bogaadiyay doorka dowladda Jabuuti ee dowlad dhiska Soomaaliya iyo guud ahaan iskaashiga amniga ee gobolka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay SSC-Khaatumo

Madaxweyne Geelle ayaa dhankiisa bogaadiyey booqashada hoggaamiyaha iyo wafdigiisa ku yimaadeen dalka Jabuuti, isagoona xusay in Jabuuti tahay dal iyo dowlad xarun u ah Soomaali oo laga jecel yahay dhammaan dadka Soomaliyeed.

Shalah ayey aheyd markii uu Firdhiye dalka Jabuuti uu kulan muhiim ah kula qaatay madaxda u saraysa urur-goboleedka IGAD, oo uu hoggaaminayey Xoghaye ku-xigeenka sare ee IGAD Maxamed Cabdi Waare oo ah madaxweynihii hore ee HirShabeelle.

Madaxda IGAD ayaa hoggaamiyaha kala hadlay sidii Geeska Afrika looga heli lahaa nabad waarta oo ku dhisan is qadarin iyo deris-wanaag, iyada oo Firdhiye u cadeeyey madaxda IGAD in shacabka iyo maamulka SSC-Khaatumo ay diyaar u yihiin ka shaqaynta nabadda iyo deris wanaagga.

Si kastaba, socdaalka hoggaamiye Firdhiye ee dalka Jabuuti ayaa imanaya xilli ay xiisad xooggan ka dhaxeyso hoggaanka Somaliland iyo Jabuuti, islamarkaana ay dowladda Jabuuti marti-gelisay jabhad kasoo jeeda gobolka Awdal oo rabta inay dagaal la gasho maamulka Muuse Biixi.



Xasan oo markii labaad ka dhuuntay shacabkiisa iyo sumcad xumo uu ka dhaxlayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta shacabkii deganaa xaafada Dab-demiska way ilmeynayaan, madaxweyne Xasan Sheekhna wuxuu ka degay waddanka Eritrea.

Waxyar maskaxdaada dib u celi. Maalintii loo dhaqaaqay fulinta go’aankii xabaala faaga ee qabuuraha Iskuul Buluusiyo, iyaduna madaxweynaha wuxuu ka degay waddanka Norway.

Waxaa jira cilaaqad caan ah oo ka dhaxeeya fulinta go’aamada taabanaya shacabka iyo dhuumashada madaxda. Marwalba oo la fulinaayo go’aan taabanaya shacabka weliba markii awood ciidan la adeegsanayo sidii shalay ama go’aanka sharci darro yahay waa ku adag tahay madaxda inay xafiisyadooda ku sugaan fal-celinta go’aankooda.

Xilliyadan oo kale waxaa xafiisyada madaxda tega dad raadinaya madaxda oo dalbanaya ka noqoshada go’aannada nuucaan ah ama raba inay tallo ka bixiyaan fal-celinta taban ee ka imaan karta arrinta maanta ama mustaqbalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bixiyay amar ah in lasoo faago qabuurihii Iskuul Buluusiyo. Wuxuu fulinta ku aadiyay markii uu ka degay waddanka Norway, isaggoo aaday shir heer wasiir ah oo ay qabatay madasha Oslo Forum.

Xilligaas ayaa la sheegay inuu madaxweynaha amray in howsha laga falxasho inta uusan dalka kusoo laaban. Dhowr maalmood ayuu madaxweynaha ku qaatay waddanka Norway, balse intaasi kuma dhamaanin howshii qabuuro faagu.

Wuxuu aaday haddana dood heer hoose ah oo ka dhaceysay Switzerland, laakiin xiisaddii qabuuraha waa sii taagneyd. Wuxuu go’aansaday inuu sii aado Turkiga, laakiin madaxweyne Erdogan ayaa u sheegay inuu fasax Ciideed ku jiro oo uusan cidna qaabileyn xilligan.

Kadibna wuxuu Xasan Sheekh la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee waddanka Turkiga, laakiin dhowrkii maalmood ee maadashada aheyd kuma dhamaanin howshii qabuuraha Iskuul Buluusiyo, kadibna wuxuu madaxweynaha sii aaday Jabuuti, balse intaas waa ku dhamaan weysay oo illaa maanta dad ayaa weli la baxaya maydadka ehelkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu intaasi ka maadanaayay fal-celinta shacabkii ka gadoodsan maydadkii ehelkooda ee dib loo soo faagay, ama inuu qaabilo dad arrintaasi ergo ka ah ama xitaa inuu telefishanada kala socdo ilinta shacabka Soomaaliyeed ee isagu sababay.

Markale shalay wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh amray in duullaan lagu qaado xaafadda Dab-demiska oo awood looga saaro dadkii halkaas deganaa, wuxuuna kadib u dhoofay waddanka Eritrea.

Waa markii labaad ee isla xirfadaan uu adeegsanayo madaxweyne Xasan Sheekh mana is arkayaan isaga iyo dadka ergada ka ah fulintaan hubeysan ama kuwa isaga u diir-naxaaya ee raba inay u sheegaan sumcad darrada uu ka dhaxlayo dhaqamada nuucaan ah.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa badi fahamsan inuu madaxweynahoodii ka cararaayo inuu dhageysto dareenkooda, ilintooda, baahidooda iyo gar-dhigashadooda.

Madaxweynaha cusub ee Iran oo qaaday tallaabadii u horeysay oo Israel ka dhan ah

Tehran (Caasimada Online) – Madaxweynaha la doortay ee dalka Iran Masoud Pezeshkian ayaa Isniintii shalay mar kale xaqiijiyay taageerada Jamhuuriyada Islaamiga ah ee kooxda Xizbullah ee dalka Lubnaan, wuxuuna cambaareeyay ficillada Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta.

Bayaan uu soo saaray madaxa ururka Xizbullah Xassan Nasrallah oo lagu soo daabacay wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa waxa uu ahaa mid ka mid ah hadalladii ugu horreeyay ee siyaasadda arrimaha dibadda ee ka soo baxay Pezeshkian tan iyo markii uu ku guulaystay doorashadii ku celiska ahayd ee Jimcihii.

Tehran waxa ay taageero dhaqaale iyo mid milatariba siisaa Xizbullah, taasi oo lagu abuuray hindisaha Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ka dib markii ay Israel ay dul-martay Beirut 1982-kii intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee Lubnaan.

Isagoo tixraacaya Xizbullah iyo kooxaha xulafada ah, Pezeshkian wuxuu yiri: “Taageerada wax iska caabinta waxay salka ku haysaa siyaasadaha aasaasiga ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.”

Waxa uu sheegay in uu ku kalsoon yahay in “dhaq-dhaqaaqa iska caabinta” uu joojin doono “siyaasadaha dagaal doonka iyo dambiyada” Israa’iil ee Gaza, halkaas oo Israa’iil ay sagaal bil dagaal kula jirto kooxda Xamaas.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza, Xizbullah iyo Israa’iil ayaa si maalinle ah isku weydaarsanayey gantaallo isaga gudba xuduudda, taasi oo caalamka ka abuurtay cabsi ah in dagaal weyn uu qarxi karo.

Horaantii Isniintii, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran Nasser Kanani ayaa sheegay in Tehran “aysan ka waaban doonin taageerada qaranka Lubnaan” Israa’iilna “waa inay ka warqabto cawaaqibka fal kasta oo halis ah oo ka dhaca gobolka, gaar ahaan mid ku wajahan Lubnaan.”

Pezeshkian oo isbeddel doon ah ayaa doorashada madaxweyne ee Iran kaga adkaaday Saeed Jalili muxaafid weyn ah, horeyna u ahaa wada-xaajoodihii Nukliyeerka Iran, kadib markii uu shil diyaaradeed helicopter ah ku geeriyooday madaxweyne Ebrahim Raisi.

Codeynta ka dib, wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in natiijada doorashadu ay tahay “farriin cad oo ku saabsan baahida isbeddelka iyo mucaaradnimada” oo ka imanaysa shacabka Iran.

Sabtidii Nasrallah ayaa ugu hambalyeeyay Pezeshkian guushiisa doorashada wuxuuna adkeeyey doorka Tehraan oo ah taageeraha “xooggan’ ee kooxaha “iska caabinta” gobolka.

Jubaland oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta dagaalka LUUQ (Sawirro)

0

Luuq (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Luuq, halkaas oo uu ka qarxay dagaal u dhexeeyo laba beelood.

Jubbaland ayaa maanta wafdi culus u dirtay degmada Luuq, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee maamulkaasi Mudane Maxamuud Sayid Aadan, kaas oo maanta ka dagay degmada Luuq oo ah halka uu dhiigga badan ku daatay.

Maxamuud Sayid Aadan waxaa safarkan ku wehlinayo n wasiiro iyo Xildhibano, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay maamulka degmada Luuq.

Ujeedka socdaalkooda ayaa ah nabadaynta beelaha ku dagaalamay halkaasi oo weli is horfadhiyo, kadib dad badan oo ay iska dileen.

Inta ay mas’uuliyiinyan joogaa Luuq waxa ay la kulmi doonaan maamulka iyo qaybaha kala duwana ee bulshada si xal loogu helo sababtii keentay dagaalka ka qarxay halkaasi.

Xaaladda ayaa maanta iyo shalay deggan markii loo fiiriyo maalmihii ka horreeyay oo dagaallo lagu hoobtay ay labada dhinac ku dhex mareen halkaasi.

Dagaalka ayaa waxa uu markii hore ka bilowday muran soo kala dhex-galay laba askari oo mid kamid ah isla goobta lagu dilay, waxaana kadib ay arrintu ay isku bedashay laba qabiil.

Sidoo kale waxaa ka horreeyay gacan ka hadalkaas muran dhinac dhulka ah oo u dhexeeyay labada beelood oo kasoo kala jeeda Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Si kastaba, colaadan ayaa uga sii dartay xiisadaha haatana ka taagan gobollo badan oo kamid ah dalka oo ay ka qarxeen dagaallo sokeeye, xilli u socdo dagaalka Al-Shabaab.