25.5 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Ciidanka dowladda oo ka hortagay qorshe halis ah oo Al-Shabab la damacsaneyd…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ayaa howl-gal culus ka fuliyay dhulka hawdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Bood iyo Budbud ee gobolka Galgaduud, kaasi oo lagu beegsaday maleeshiyaad Al-Shabaab ah.

Howl-galka oo si wada-jir ah u fuliyee ciidanka guutada 26-aad ee Cali Bin Abii-Daalib iyo kuwa deegaanka deegaanka ayaa ahaa mid looga hortegayay, islamarkaana lagu fashiliyay dhagar ay kooxda usoo maleegaysay shacabka ku nool deegaanadaas, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.

Taliyaha Guutada 26-aad ee Cali Bin Abii Daalib G/dhexe Cabdiraxmaan Salaad Xujaale oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyay in howl-galka lagu bar-tilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Bood iyo Budbud ee gobolka Galgaduud.

Waxa uu sheegay in weli ay ciidanka ku raad-joogaan firxadka Shabaab-ka, isaggoo sheegay in howl-galkan uu soconaya inta kooxda laga sifeynayo dhulkaasi hawdka ah.

Dhawaan unbey aheyd markii ciidamada huwanta ay weerar ku qaadeen Cali-cadhoole oo u dhow degmada Ceeldheer, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyaga qaarkood dilay, kana soo furtay hub, sida uu markaas shaaciyay taliska xoogga.

Ciidamada ayaa weli sii wada howl-galkooda. Mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladan ay guulaha ka sheegteen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Galgaduud ayaa waxaa weli ka socda howl-gallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo iyaguna weeraro ka fuliya gobolkaasi.

Wiil dhalinyaro ah oo isku dal-dalay Hargeysa + Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kadib markii uu isku dal-dalay wiil dhalinyaro ah oo kamid ah dadka deegaanka..

Qoraal kasoo baxay ciidanka Dab-damiska Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in wiilka yar ay soo bad-baadiyeen, kadib markii ay u sameeyeen gurmad deg-deg ah.

Wiilka oo dhaawac daran ah ayaa haatan la geeyay mid kamid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Hargeysa, si loogu dabiibo xalaaddiisa caafimaad.

“Ciidanka Dabdemiska magaalada Hargeysa ayaa soo badbaadiyay Wiil dhalinyara oo isa soo dal-dalay. Ciidamada Dabdemiska ayaa markii ay dhameeyeen hawlgalkii Kaalinta Shidaalka Ee Kaah ayaa waxaa ciidanku u baxeen hawlgal kale kaasi oo ahaa wiil yar oo isa soo dal-dalay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Ciidanka Dabdemiska ayaa wiilkaas yar soo gaadhsiiyay cisbitaalka Amal Grand Hospital”.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa is dal-dalaadda wiilkan yar ama xaaladda ku kaliftay inuu nolosha is dhaafiyo, waxaase socda baaritaano ay wadaan laamaha amniga.

Taliska ciidanka Dab-damiska oo maalmahan waday howlaha gurmad ah oo ay u sameynayaan shacabka Somaliland ayaa ugu dambeyn digniin u diray dadka deegaanka waxayna fareen inay ka fogaadaan falalka halista ah ee waxyeeleyn kara noloshooda.

“Hadaba waxaanu halkan bulshada uga digaynaynaa in falalkaa halista ah ka digtoonaadaan. Fadlan soo wac 990 lambarka gurmadka degdega ah ee ciidanka Dabdemiska shirkadaha Telesom/Somtel 24 ka saacadoodba” ayaa mar kale lagu yiri.

Dhacdooyinka is dal-dalaadda ah oo dunidana ka dhaca ayaa muddooyinkii u dambeeyay kusoo badanayay gudaha dalka, taas oo argagax wayn ku reebtay dadka Soomaaliyeed.

Israel oo duullaan hor leh ku qaaday waqooyiga Gaza

Gaza (Caasimada Online) – Ciidamada Israel ayaa aad ugu sii siqay gunta magaalada ugu weyn Marinka Gaza, iyaga oo sheegay in ay la dagaallami doonaan dagaal-yahannada Xamaas oo ay sheegeen in ay halkaasi dib ugu soo laabteen.

Ciidanka Israel ayaa Isniintii ku amray dadka aaggaasi daggan in ay isaga baxaan, taasi oo keentay in kumannaan qoys ay markale si dhaqso ah uga cararaan duqeymaha ciidamada Isra’il.

Israel waxay sheegtay in markale ay ciidankoodu kula dagaalamayaan aagga waqooyi ee Gaza, halkaas oo ay ah meeshi uu ka billowday duullaanka Israel billowgi dagaalka Gaza.

Saraakiisha Xamaas ayaa ka digay in weerarka cusub ee Israel ay ka billowday Gaza uu halis ku yahay wada-hadallada xasaasiga ah ee xabbad-joojinta ee ay dowldaha Mareykanka, Qatar iyo Masar ka dhex wadaan Xamas iyo Israel.

Dadka deegaanka waqooyiga Gaza ayaa sheegay in duqeymihi cirka ee ay Israel shalay ka fulisay halkaasi ay ahaayeen mid kamid ah kuwii ugu cuslaa uguna khasaaraha badnaa tan iyo marki uu billowday dagaalka muddo hadda laga joogo 9 bil.

Dowladda Mareykanka ayaa Isnintii xaqiijisay in saraakiil sare oo Mareykan ah ay gaareen magaalada Qahira ee dalka Masar, si ay u riixaan heshiiska xabbad-joojinta ee hindisihiisu uu lahaa madaxweyne Biden.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in agaasimaha hey’adda CIA Bill Burns iyo Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Bariga Dhexe Brett McGurk la filayo in ay Qahira wada-hadallo kula yeeshaan dhigooda dalalka Masar, Israel iyo Urdun.

Hogaamiye sare oo Shabaab ah oo howlgal lagu dilay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland ka sameeyeen duleedka magaalada Kismaayo, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa fuliyay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo dhowr jiho ka weeraray deegaanka Kaamjaroon oo dhinaca koonfur galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

Weerarkan ayaa waxaa lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo uu ku jiro hoggaamiye ku xigeenkii maleeshiyaadka Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Jubbada Hoose, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay nolosha ku qabteen xubno kale oo ka tirsan kooxda, kadib markii ay maanta dhowr jiho weerar uga qaadeen.

“Jab xooggan ayaa gaaray maleeshiyaadka Argagixisada waxaana kooxda la khaarijiyay ku jira horjoogayaal sar sare iyadoo dhinaca kalana ay jireen duqeymo xooggan oo sababay in khasaarahooda uu sii bato” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha horkacayey howlgalka.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guusha ka sheegteen ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo ay haatan ka socdaan howlgallo xoreyn ah oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Si kastaba, Jubbooyinka ayaa waxaa dhowaan ka bilowday wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Ruushka oo weerarkii ugu khasaaraha badnaa ka geystay magaalada Kyiv

Kyiv (Caasimada Online) – Weerar ay saraakiisha Ukraine ku tilmaameen kii ugu sheegeen mid kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaaayaa la xaqiijiyay in ciidamada Ruushka ay Isniintii shalay ku bartil-maameedsadeen isbitaalka carruurta ee magaalada Kiyif ee caasimadda Ukraine.

Madaafiicda lagu garaacay isbitaalka weyn ee carruurta ayay saraakiisha Ukraine sheegeen in lagu dilay ugu yaraan 41 qof oo rayid ah

Weerarkan ayaa noqday kii ugu waxyeellada badnaa oo muddo bila ah ay Ruushka ka geysato Ukraine.

Waaliddiin xambaarsan carruurtooda oo kasoo baxay isbitaalka la duqeeyay ayaa lagu arkayay bannaanka isbitaalka iyaga oo ooyaya. Dad badan oo isugu soo baxay goobta ayaa caawinayay shaqaalaha isbitaalka.

Madaxweyne Volodymyr Zelenskiy, oo diyaarad uu ku safrayay ku hakatay dalka Polland, kahor inta uusan usoo dhaqaaqin magaaladan Washington D.C oo uu uga qeyb-galayo shir madaxeedka NATO, ayaa tirada ku dhamashada ku sheegay 37 ruux oo ay saddex kamid ah carruur yihiin.

Laakin tiradii ugu danbeysay ee khasaaraha weerarkaas ayaa gaartay 41. Wuxuu kale oo sheegay in dhowr weerar oo uu Ruushka shalay ka fuliyay caasimadda lagu burburiyay in ka badan 100 guri.

Wasaaradda gudaha Ukraine ayaa iyaduna xaqiijisay in ciidanka Ruushka ay duqeyn ku la beegsadeen magaalooyin ku yaalla bartamaha iyo dhanka bari ee Ukraine.

CC Shakuur: Waxaa jira xubno Xasan ‘dhul boobka’ shuraako kula ah ee 3 u diyaar garooba

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo saaray 3 qodob oo lagu sixi karo qaladaadka iyo dhul boobka ay ku kaceyso dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh, isagoo si adag uga hadlay arrinta dhulka Dabdemiska oo maanta xoog looga saaray shacabkii deganaa.

Xildhibaan CC Shakuur ayaa qoraalkaan ku sheegay in amarka madaxweynaha lagu geystay wixii maanta ka dhacay Seybiyaano iyo talaabadii todobaadyo ka hor lagu soo fagay qabuurihii Iskuul Buluusiya.

“Danyarta shacabka ah ee maanta guryahoodii laga barakiciyey, iyo maytadii toddobaadyo ka hor xabaalaha laga soo faagay amar Madaxweyne ayey ku dhaceen,” ayuu yiri Xildhibaan CC Shakuur.

Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaas ku sii daray, “Amarkiisa ayaa dhul dowladdu leedahay ganacsato looga iibiyey, waxaana lagu laalushay siyaasiyiin iyo xildhibaano.”

Wuxuu sheegay in uusan jirin xeer loo cuskanayo ama sharci loo raacayo talaabooyinka uu Xasan Sheekh qaadayo ee ‘bixinta dhulka, barakicinta shacabka iyo faagidda qubuuraha.’

“Ma jiro garsoor madax-banaan oo amar maxkamad ku joojin kara go’aanka Madaxweynaha, mana jiro Baarlamaan la xisaabtami kara xukuumadda,” ayuu yiri CC Shakuur.

Sidoo kale wuxuu farta ku fiiqay inay jiraan xubno shuraako la ah Madaxweynaha oo dhulka shacabka laga saaro laga iibiyo, la siiyo ama laga kireey, kuwaas oo sida uu sheegay isugu jira xubno (shirko la ah, taageersan, ama qaraabo la ah).

Ugu dambeyntii Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo jeediyey in la helo 3 qodob, si loo buriyo tacadiyada uu sameynayo Xasan Sheekh, kuwaas oo kala ah:

1- Awood shacab iyo abaabul dadwayne oo lagu hor istaago

2- In la magacaabo, lana canbaareeyo ganacsatada, siyaasiyiinta iyo xildhibaanada shuraakada kula ah dulmiga iyo boobka hantida.

3- In la isku diyaariyo markii muddo xileedkiisa dhammaado, burinta go’aannadii sharci-darrada ahaa ee hantida qaranka lagu bixiyey.

 

Askar iyo sarkaal muhiim ah oo ATMIS looga dilay weerar ay fulisay kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ee ka howlgala Soomaaliya ayaa sheegay in laba askari ay uga dhinteen, askar kalena ay uga dhaawacmeen qarax miino oo ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose.

Qaraxa oo loo adeegsaday miinada nooca rimuudka laga hago ayaa lala beegsaday kolonyo iskugu jirtay ciidamada Uganda iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo marayey jidka isku xira Muqdisho ilaa degmada Baraawe.

Qaraxaas ayaa dhacay shalay, wuxuuna haleelay ciidanka ATMIS oo waxaba ma gaarin ciidanka xoogga dalka oo qeyb ka ahaa kolonyada ka timid Baraawe ee u socotay Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ATMIS ayaa lagu xaqiijiyey weerarkaas, waxaana lagu sheegay warkaan in dhaawacyadii la dhigay xarumo caafimaad oo ku yaalla Muqdisho.

Qoraalka ATMIS laguma sheegin faahfaahinta askarta dhimatay iyo dalka ay ka soo jeedeen.

Wakaaladda Wararka ee Reuters oo soo xiganaysa milatariga Uganda ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan milatariga Uganda uu ku jiro askarta dhimatay, halka 6 askari oo kale ay ku dhaawacmeen qaraxaas.

Gaashaanle Patrick Opio Awany ayaa ku dhintay qaraxaas oo ka dhacay tuulada Ceel-Wareegow oo 70 KM Koonfur galbeed ka xigta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, sida uu sheegay Ibrahim Kasule Sekitto, oo ah afhayeenka u hadlay UPDF.

Afhayeanka u hadlay mikatariga Uganda ayaa weerarka ku eedeeyey inay gaysteen Khawaarijta Al-Shabaab, ciidanka la weerar ayaa laga soo bedelay Sh/Hoose, waxayna u socdeen Muqdisho.

Sawirro: Firdhiye oo qodobo xasaasi ah kala hadlay IGAD kadib kulan ka dhacay Jabuuti

Jabuuti (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Jabuuti ayaa maanta kulan la qaatay madaxda u saraysa Ururka Goboleedka IGAD.

Madaxda IGAD ee Firdhiye uu maanta kula kulmay Jabuuti waxaa hoggaaminayey Xoghaye ku xigeenka sare ee IGAD Maxamed Cabdi Waare oo ah madaxweynihii hore ee HirShabeelle.

Hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye ayaa warbixin guud madaxda IGAD ka siiyey horumarka, nabadda, xasilloonida iyo dawlad-dhiska ka socda deegaanada Maamulka SSC-Khaatumo.

Madaxda IGAD ayaa dhankooda Hoggaamiyaha kala hadlay sidii Geeska Afrika looga heli lahaa nabad waarta oo ku dhisan is qadarin iyo deris-wanaag.

Sidoo kale xubnaha IGAD oo hadda daneynaya inay qaataan door dhex-dhexaadin ah, si nabad loogu soo dabaalo gobolka Geeska Afrika ayaa hoggaamiye Firdhiye ka wareystay ‘doorka uu ururka IGAD ka qaadan karo xal u helidda arrimaha geeska.’

Cabdulqaadir Firdhiye ayaa hoosta ka xarriiqay, una cadeeyey madaxda IGAD in shacabka iyo maamulka SSC-Khaatumo ay diyaar u yihiin ka shaqaynta nabadda iyo deris wanaagga.

Sidoo kale hoggaamiye Firdhiye ayaa sheegay inay ka shaqey doonaan horumarinta adeegyada bulshada, ka qayb qaadashada dowlad-dhiska Soomaliya iyo sidoo kale nabad kula noolanshaha derisyada.

Kulanka ayaa waxaa ku weheliyey Hoggaamiyaha xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo La-taliyayaasha sare ee Hoggaamiyaha SSC Khaatumo.

Taliska Xoogga oo lacag dul-saaray madaxa xubin kasta oo Shabaab ah + Sawirro

Al-Kowthar (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qof kasta oo soo dila xubin Al-Shabaab ah u balan qaaday in la gudoonsii doono lacag dhan 5 kun oo doolarka Mareykanka ah.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo maanta gaaray degmada Al-Kowthar iyo deegaanka Daarunicma ee gobalka Shabeellaha Dhexe, ayaa hadalkaan ku dhawaaqay.

Saraakiil uu Taliye Dayax hoggaaminayo ayaa gaaray deegaanadaas, kuwaas oo kormeer iyo gudbinta awaamiir culus u tegay Sh/Dhexe, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo hoggaamiyaasha Ciidanka deegaanka ee macawiisleyda.

Taliyaha ayaa khudbad dhiirigelin ah u jeediyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan aaga hore ee degmada Al-kowthar iyo deegaanka Daaru-nicma ee gobolka Sh/Dhexe.

Sidoo kale Taliye Dayax Cabdi Cabdulle ayaa balanqaad uu ka siday madaxda sare ee Dalka la wadaagay dhiiranayaasha dhaxanta u taagan difaaca qaranka.

Taliye Dayax ayaa ciidanka u sheegay in qof kasta oo soo disha dhagarqabe Khawaarij ah la gudoonsii doono lacag dhan 5 kun oo Doolar.

Sidoo kale wuxuu balan-qaaday in qofkii hub, gaadiid ama saanad kale kasoo furta Al-Shabaab ay dowladdu u qiimey doonto oo lacag loogu bedeli doono.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa saraakiisha Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka kula dardaarmay in lasii laba jibaaro howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta.

Xogta khilaaf horleh oo ka dhex qarxay wasaaradda ciyaaraha iyo xiriirrada

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf cusub ayaa ka dhex qarxay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo xiriirrada ciyaaraha ee Soomaaliya kadib tallaabo ay qaaday wasaaradda.

Khilaafkan ayaa salka ku haya go’aan cusub oo kasoo baxay wasaaradda, kaasi oo dhigaya in xiriirrada kala duwan ee ciyaaruhu la socod siiyaan wasaaradda diyaargarowga xulalka muddo sagaashan maalmood kahor ka qayb-galka tartamada kala duwan ee caalamka.

Xiriirrada ayaa u arka inay u madax-banaan yihiin shaqadooda, halka wasaaradda ay midaasi diidan tahay, ayna rabto in korjoogteyn iyo hubin ku sameysay tallaabooyinka uu qaadayo xiriirka.

Go’aannada uu ka horyimid xiriirka ayey wasaaradda ku sheegtay mid looga gol leeyahay sidii loo ilaalin lahaa tayada ciyaartoyda iyo macalimiinta ee matalaya xulalka kala duwan ee ciyaaraha.

“Waxaa masuuliyad naga saaran tahay cidda calanka iyo magaca Soomaaliya matalaysa inaan ka warhayno oo aan ogaano, ma tahay ciddii ku haboonayd, cid u qalanta ma tahay, waxyaalahaas oo dhan ayaan ka eegeynaa,” ayuu yiri wasiirka ciyaaraha Maxamed Barre oo la hadlay BBC.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xiriirrada kala duwan ee ciyaaraha looga baahan yahay inay hannaan daah-furan u maraan qaadashada macalimiinta, ciyaartoyda iyo maamulka xullalka qaranka, iyadoo wasaaradda ku yeelanayso kaalin kor joogteyn.

Xiriirradda ayaa horey dhowr jeer u sheegay in aanay waxba u diidaneyn wasaaradda, balse ay iyagu u madax-bannaan yihiin xulista ciyaartoyda iyo xulalka u baxaya ciyaaraha caalamiga ah iyo kuwa gobolleedba, midaasi oo ay ganafka ku dhufatay wasaaradda.

Si kastaba, guul-darooyinkii u dambeeyay ee xulka qaranka iyo fadeexaddii sanadkii hore ka dhalatay gabadh loo xulay ciyaaraha oraddada ayaa buuq badan ka dhex abuurtay bulshada ciyaaraha xiiseysa ee gudaha dalka iyo dibadda.

Sawirro: Xamza oo wada-hadal xasaasi ah qasriga Baqdaad kula yeeshay Cabdi-Ladiif Rashiid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay madaxweynaha dalka Ciraaq, Mudane Cabdi-Ladiif Jamaal Rashiid.

Ra’iisul Wasaaraha oo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Baqdaad ayaa gaarsiiyey Madaxweyne Ladiif dhambaal iyo farriin uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaraha la wadaagay madaxweynaha Ciraaq horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Ciraaq ayaa soo dhaweeyay booqashada ra’iisul wasaaraha oo uu ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, laguna ballaarinayo iskaashiga gaar ahaan dhanka amniga, diblumaasiyadda iyo deeqaha waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaha Ciraaq.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan, si loo adkeeyo amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka.

Xamza oo maalmihii dambe ku sugnaa Ciraaq ayaa mudnaanta siinayey wada-tashiyada ku saabsan isdhaafsiga khibradda, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo in Soomaaliya ay wax ka barato qaabkii dowladda Ciraaq uga adkaatay, ugana xoreysatay dalka kooxihii argagixisada ahaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkaan ku wehlinaya Taliyaha NISA, waxayna Soomaaliya ka baraneysaa Ciraaq duruus ku saabsan sida loo xaliyo marxaladaha ay ka siman yihiin labada dal, balse Ciraaq ay ka soo kabatay.

Xasan Sheekh oo ka degay Asmara + Qorshaha safarkiisa (Sawirro)

0

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee Asmara waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha dalkaasi Isaias Afwerki, ayada oo kadib loo galbiyey xarunta madaxtooyada.

Labada Madaxweyne ayaa yeelan doona kulan ay kaga wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimo badan oo muhiim u ah iskaashiga labada dal.

Safarkan weli wax war ah kama soo saarin Villa Somalia, mana ahan mid horey loo sii shaaciyay, wuxuuna kusoo aadaya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Horraantii sanadkan unbey aheyd markii madaxweynaha uu safar ku tegay Asmara, maalmo un kadib markii Itoobiya iyo Somaliland ay heshiis is-afgarad ku gaareen Addis Ababa, kaasi oo madaxweyne Muuse Biixi uu Itoobiyaanka ugu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Is-afgaradka ay la gashay Itoobiya ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20KM ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.” Hase yeeshee weli heshiiskan mana noqon mid dhaqan-gala.

Xiriirka Eritrea iyo Itoobiya ayaa xumaa tan iyo markii uu dhammaaday dagaalka gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, oo ay heshiiyeen xukuumadda Abiy iyo Jabhadda TPLF, waxayna Soomaaliya xilligaan u aragtaa saaxiib muhiim ah.

Hanti-dhowrka oo xisaabiyaha qaranka iyo xafiiska RW u gudbiyay natiijada baarista…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee JFS ayaa maanta gudbiyay natiijada baarista uu ku sameeyay sannad-maaliyadeedka dhammaaday ee 31-da Diseembar 2023.

Hanti-dhowrka ayaa dulmar kooban oo ku saabsan natiijooyinka muhiimka ah ee kasoo baxay baarista xafiiska ku sameeyay sannad-maaliyadeedkaas la wadaagay maamulka sare ee xafiiska xisaabiyaha guud, xafiiska ra’iisul wasaaraha, wasaaradda maaliyadda iyo golaha shacabka.

Xafiiska Hanti-dhowrka ayaa sheegay inuu mar walba u taagan yahay xaqiijinta isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta hannaanka maaraynta maaliyadda dalka iyo xal u helidda caqabadaha dhanka u hoggaansanaanta sharciga ee haysta hay’addaha dowladda, si sare loogu qaado hufnaanta waxqabadka hay’addaha iyo dowlad wanaagga.

Hanti-dhowraha Guud Axmed Ciise Guutaale ayaa xafiisyadan iyo hay’addaha dowladda uga mahad-celiyey kaalintii wanaagsanayad ee ay ka geysteen fulinta baarista.

Maalmo kahor ayey aheyd markii uu hantidhowraha guud ee qaranka Mudane Guutaale uu shaaciyay in khasnada dowladda ay ka maqan tahay lacag ka badan $21 Milyan.

Maqnaashaha lacagtan ayaa dibada usoo baxday kadib baaris fatash ah lagu sameeyay xafiisyada ruqsadda shaqada shaqaalaha shisheeyaha ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo adeegga kordhinta dal ku jooga shisheeyaha ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda.

Lacagta malaayiinta ah ee la musuq-maasuqay ayaa qeyb ka aheyd lacag $33 Milyan ah oo xafiisyadaas ay qabteen sanadihii 2018 illaa 2023-kii.

Lunsashada lacagtan ayaa saameyn ku yeelatay dowladda dhexe, oo hanti-dhowrka uu sheegay in xitaa ay deyn u gashay sidii mushaaraadkooda loo siin lahaa shaqaalaha dowladda, ciidamada iyo xildhibaannada.

Musuq-maasuqa ayaa ah mid si weyn u curyaamiyay kor u kaca dakhliga dowladda, xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegto inay la dagaamaleyso, islamarkaana masuuliyiin qaar u maxkamadeysay kiisas musuq.

Ballan-qaadkii Xasan iyo Golaha Wadatashiga oo beenoobay – Maxaa dhacay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Rejada ah inay doorashada Soomaaliya xilligeeda ku dhici doonto waa buurna.

Xasan Sheekh iyo Farmaajo midkoodna waqtigeeda kuma qaban doorashada dalka labadii muddo xileed ee lasoo dhaafay. Farmaajo ayaa hal sano iyo saddex billood dhaafay waqtigii laga rabay inuu ku qabto doorashada dalka.

Halka Xasan Sheekh uu muddo xileedkii hore lix billood dhaafay xilligii doorashada. Dadka Soomaalidu waxay iskala qabsadeen inay madaxda dhaafto maalinta doorashada, waxaana baxay ereyo qiil ah oo la yiraahdo “waqti farsamo”.

Sida caadiga ah nuuca doorashada iyo jadwalka waxaa la dhisaa sanadka labaad ee muddo xileedka qofka xukunka haysta.

Farmaajo 2018-kii ayuu Baydhaba kusoo dhisay qorshaha doorashada, laakiin waa fulin waayay, iyada oo weliba ay maamullada u dhamaayeen go’aanka maalintii la gaaray. Xasan Sheekhna Muqdisho ayuu bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay ku dhisay hanaanka doorashada, xilli ay Puntland ka maqneyd, mucaaradkana ay diideen.

Fulinta koowaad ee heshiiskii doorashada ee Golaha Wadatashiga Qaran ay gaareen bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay ayaa ku beegna 30-ka bishii dhamaatay ee June.

Madaxweyne Xasan, xukuumaddiisa iyo afar kamid ah maamul goboleedyada oo lagu daray gobolka Banaadir ayaa ku heshiiyay shaqada koowaad ee doorashada in laga dhigo qabashada doorashada dowladaha hoose.

Laakiin wixii ay madaxda Soomaalida ku heshiiyeen ayaa fashilmay oo shaqeyn waayey. Qabasho iska daaye xitaa majiro maamul goboleed isku dayey inuu qabto oo kamid kuwii saxiixay.

Gobolka Banaadir oo ah halka ay degan tahay dowladda dhexe ayaa xitaa far loo qaadin fulinta heshiiskii uu madaxweynaha saxiixay ee uu sheegay inuu dalka doorashada ku gelinayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli ku adkeysanaya inuu qabanayo doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ah, isaga oo caasimaddii uu joogay ee Muqdisho ka qaban waayey doorashada dowladda hoose.

Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada midna kama raali-gelin shacabka Soomaaliyeed inay sameyn waayeen wixii ay ka ballan-qaadeen. Cudur-daar la’aantu waa caadada madaxda Soomaalida, waxaana loo sababeeya in uusan shacabka qiimo badan ugu fadhin.

Sidoo kale dadweynaha weli looma sheegin waqti labaad ee la qaban doono doorashadii loo ballan-qaaday ee dowladaha hoose inta aanba la gaarin midda weyn. Fashilka halkan ka dhashay wuxuu xoojinayaq eedeyntii mucaaradka ee aheyd in uusan madaxweyne Xasan Sheekh wax doorasho ah u socon.

Iyada oo aan la qaban doorashada dowladaha hoose lama qaban doono mid guud oo qof iyo cod ah. Xasan Sheekhna xujada hortaalla waa inuu caasimadda uu joogo ka qabto doorasho dadweyne, si Soomaalidu u aragto inuu qaban karo doorasho guud oo qof iyo cod ah iyo heerkiisa cadaaladda.

Fashilkaan wuxuu sidoo kale jahwareer ku riday siyaasiyiin badan oo u sharaxan hoggaanka maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kuwaasi oo illaa maanta aqoonin halka ay doorashada ka xigto iyo xilliga ay dhaceyso toona.

BOOLISKA oo faah-faahiyay howlgalka Dab-damiska

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay howlgalka lagu qaaday xaafadda Dab-damiska oo ay saaka tageen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Cabdifitaax ayaa sheegay in ciidanka Boolisku ay saaka ka halkaasi ka wadaan shaqo culus, wuxuuna tilmaamay in dib loo howlgelinayo xaruntii Dab-damiska ee uu lahaa dalka.

“Ciidanka dab-damiska Soomaaliyeed saaka waxay dab-damiska ka wadaan shaqo lagu diyaarinaayo goobtaasi, si looga dhiso xarun wayn oo magaalada Muqdisho u noqon doonta dab-damis la tacaala dhibaatooyinla dabka soo noqnoqday” ayuu afhayeenka Booliska.

Afhayeenka ayaa xusay in baahi wayn loo qabo dhismaha xaruntan, isaga oo sheegay in tirakoob uu sameeyay taliska booliska ay ku ogaadeen inay magaalada Muqdisho ku gubatay illaa 47 goobood oo ay ku gubtay hanti Soomaaliyeed, balse hadda kadib loo heli doono xal dhammaan dhibaatooyinkaasi.

“Tirakoob uu sameeyay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa gubatay illa 147 meelood oo isugu jiro meelo yaryar iyo meelo waa wayn oo ay ku baaba’day hanti Soomaaliyeed oo ay lahayd bulshada Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shacabka dagan dhulka Dab-damiska la siiyay waqti ku filan, isla markaana uu maanta ku ekeaa isaga oo tilmaamay in inta badan laga guuray, dadkii harana ay gacam siinayaan ciidamada Booliska.

“Boolisku wuxuu waqti dheer siiyay muwaadiniin daganayd halkaas, waqtigaas oo maanta ku ekaa, dadka intood badan way guureen wayna mahadsanyihiin intii kalena waxaa caawinaya booliska oo baabuur ugu deeqaayo” ayuu mar kale yiri afhayeenku.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray warbaahinta oo uu ka dalbaday inay ka shaqeeyaan horumarka iyo wanaagga dalka.

“Saxaafadda waxaan leenahay dab-damisku bulshadii daganeyd iyo boolisku ay wada shaqeeyeen wuu dhamaaday dhismihiina waa la bilabaayaa ee ka shaqeeya wanaagga” ayuu kusoo gabagabeeyay afhayeenka booliska.

Maxay tahay lacagta ururka EAC ka rabo Soomaaliya inay ku bixiso 12 bil gudahood?

Muqdisho (Caasimada Online) – Bishan July waxaa bilowday sanad dhaqaaleedka ururka bulshada bariga Afrika ee ay dhawaan xubin ka noqotay Soomaaliya, waxaana dhaman wadamada xubnaha ka ah ay bixiyaan lacago luugu talagalay in lagu guto waajibaadka ururka.

Soomaaliya oo ah dalkii ugu dambeeyay ee ku biiray ururka ayaa laga doonayaa in uu bixiyo lacag dhan 7.8 milyan oo doolarka Maraykanka ah, taas oo ah lacag ay bixiyaan dhamaan wadamada xubaha ka ah, sida uu BBC da u sheegay Cabdisalaan Hadliye, oo ah Ergeyga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arimaha ururka bulshada bariga Afrika.

Soomaaliya ayaa waxaa looga baahan yahay in ay ku bixiso lacagtaas muddo 12 bilood gudahood ah, oo ka bilaabaneysa kowda bisha July ee sanadkaan, sida uu sheegay Hadliye.

Arrintaan ayaa ka dhigan in dakhliga sanadlaha ah ee dallada bulshada bariga Afrika ay ku korortay 7.8 milyan oo dollar, taas oo ah lacagta ka imaan doonta dhanka Soomaaliya.

Sida uu ka sheegay kulanka sanadlaha ah ee Ururka, Madaxa golaha wasiiradda ee ururka bulshada bariga Afrika, Deng Aloor – Dakhli sanadeedka 2024/2025 ee dallada ayaa waxa uu ku soo aadayaa “Xilli dhaqaalaha wadamada ku bahoobay EAC uu wajahayo xaalado caalami ah oo aad u daran, taas oo ay ka tan bateen khilaafaad juquraafi iyo saameynta uu keenay isbadalka cimilada,”.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sicirka shidaalka ee cirka isku sii shareeraya iyo cuntada aan la goyn Karin qiimaheeda ee ka jira gobolka ay cadaadis xoog leh ku keeneen sarrifka lacagaha qalaad.

Balse waxa uu xusay Deng, in in kasta oo caqabado badan oo nuucaasi ah jiraan, hadana uu kordhay dhaqaalaha Dallada Bulshada Bariga Afrika.

“Sare u kaca dakhliga ururka waxa uu ka yimid 2.8% isaga oo gaaray 8.1%, dhamaan dhinacyaduna waxay sheegeen in ay wadi doonaan horumarinta kororka dakhliga”, ayuu ka yiri Kulanka Mr. Deng.

Maxaa loo adeegsan doonaa lacagtaan?

Kulanka sanadlaha ee sharciga ah ee ururka ayaa waxaa looga hadlay kobaca dhaqaalaha wadamada ku bahoobay ururkaan iyo sidoo kale hab adeegsiga dakhligii 2023/2024, isaga oo goobta ka xusay warbixinta hantidhawrka ee faahafaahineysay arrimahaas.

Waxa kale oo uu sheegay wasiirku arimaha muhiimka ah ee ay doonayaan in ay ku bixiyaan dakhliga sanadkaan, waxa uuna faahfaahiyay qoondooyinka ay kala siin doonaan arimo ay ugu waawayn yihiin amniga iyo nabadda gobolka.

Waxa uu sheegay in lacag dhan 1 milyan oo doolarka Maraykanka ah ay u qoondeeyeen in lagu bixiyo nabadda iyo amniga gobolka sidii loo sii xoojin lahaa.

Arimaha ganacsiga iyo maalgashiga ayuu sheegay in loo qoondeeyay lacag gaaraysa 7 milyan oo doolarka Maraykanka ah, halka arimaha bulshada iyo waaxyaha waxsoosaarka leh uu sheegay in lagu bixin doono lacag gaareysa 6.2 milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Horumarinta hay’adaha ayuu sheegay in ay ku bixi doonto ilaa iyo 10.4 milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Lacagta ugu badan ayaa waxa ay ku bixi doontaa xubnaha iyo hay’adaha ururka oo loo qoondeeyay lacag dhan 66.3 milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Dakhliga guud ee ururka ee sanad dhaqaaleedka 2024/2025 ayaa waxa uu yahay $112,984,442 sida uu sheegay wasiirku.

Soomaaliya ayaa ku biirtay ururka bulshada bariga Afrika bishii Maarso ee sanadkaan.

Waddamada xubnaha ka ah EAC ayaa waxa ay iska kaashadaan dhinacyo khuseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, tiknoolajiyadda iyo sharciga. Dalalka ayaa ku haminaya inay sameeyaan is dhexgal buuxa oo dhinacyo badan.

Dalalka ayaa sanadkii 2005 ku heshiiyay kastam midaysan oo ay alaabaha iyo dadka si xor ah uga kala gooshi karaan waddamada. Shuruudda ku xiran alaabahaas ayaa ah inay ka yimaadaan gudaha waddamada xubnaha ka ah EAC.

Si loo xoojiyo dhaqaalaha waddamada iyo horumarkooda, ururka EAC ayaa sameeyay suuq gaar ah oo shaqeynayay tan iyo 2010. Waddamada ayaa sidoo kale ku haminaya in sanadka 2023 ay samaystaan lacag u gaar ah.

Isha: BBC

Xizbullah oo weerar culus ku qaaday saldhig muhiim ah oo Israel ay leedahay

Beirut (Caasimada Online) – Ururka Xisbullah ee Lubnan ee taageerada ka hela Iran ayaa shaaciyay inay diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ku weerartay saldhigga Israa’iil ee Buura Hermon oo ku yaalla buuraleyda Golan Heights ee Suuriya ee ay heysato Isra’il.

Buurta Hermon ayaa waxaa ku yaalla saldhig muhiim ah oo ay Israa’iil u isticmaasho ilaalinta mandiqadda, gaar ahaan howlaha basaasidda iyo difaaca cirka.

Israa’iil ayaa halkaasi si gaar ah uga ilaalineysay dhaq-dhaqaaqa WSuuriya, Ciraaq, Urdun iyo qeybo ka mid ah Sacuudiga tan iyo 1973-di, markaas oo uu dhacay dagaalkii Isra’il iyo Carabta.

Xisbullah waxay sheegtay in weerarka bam ee ay ku qaadday Buurta Hermon uu ahaa kii ugu horreeysay, tan iyo markii ay iyada iyo Israa’iil billaabeen inay madaafiic is weydaarsadaan 8-dii bishii October, maalin kaddib markii ay Xamaas weerartay koofurta Israa’iil, weerarkaas oo dhaliyay duullaanka ay Israa’iil ku qaadday Gaza.

Xisbullah ayaa sheegtay inay joojin doonto weerarada ay ku heyso Israa’iil, marka ay Israa’iil joojiso dagaalka ay ka waddo Gaza.

Ciidanka Israa’iil ayaan weli war kasoo saarin duqeynta ay sheegtay in ay Xisbullah ku qaadday saldhiga Israa’iil ee Buurta Hermon ee dhulka la hesto ee Golan.

Weerarkan ayaa imanaya xilli dhex-dhexaadiyaasha Mareykanka, Reer Yurub iyo Carabta ay ku dadaalayaan in weerarada Israel iyo Xizbullah aanay u gudbin dagaal baahsan oo Bariga Dhexe ka dhaca, kaasi oo dunidu ay ka cabsi qabtay muddo billo ah.

Sawirro: Ciidamada DF oo burburiyay saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab

0

Xudur (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Bakool, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ay fuliyeen ciidanka guutada 9-aad ee qaybta 60-aad ayaa waxaa lagu beegsaday saldhigyo ku yaalla deegaano hoostaga degmada Waajid.

Ciidamada ayaa inta uu howlgalka socday burburiyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

“Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa maanta howlgal qorsheysan oo lagu burburiyay saldhigyadii Khawaarijta ka fuliyay deegaannada kala ah, Baar, Ceeljeedow, Ceeltuumed iyo Sijo oo ka tirsan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Howlgalka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa maamulka degmada oo uu hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka Waajid iyo Taliyaha Nabad Sugidda degmada.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo haatan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Bakool.

Koonfur Galbeed ayaa haatan isku diyaarineyso wajiga labaad ee dagaalka, waxaana howlgalladan ay qayb ka yihiin qorshaha Al-Shabaab looga xoreynayo maamulkaasi.

Kaalin intee le’eg ayuu Cali Guudlaawe ku lahaa hakinta kursigii Fahad Yaasiin?

Buug la magac baxay Garsoore Garoon aan Sharci ka Jirin oo uu qoray Guddoomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka Dadban ee loo yaqaanay FEIT Mudane Maxamed Xasan Cirro ayaa galabta lagu soo bandhigay magaalada Nairobi. 

Buuggan oo ka hadlaya dhacdooyin la yaab leh oo aan hore bulshada loogu soo tabin ayaa waxaa kamid ah kuwa ugu xiisaha badan Kursiga tirsigiisu ahaa 86 ee uu ku guuleystay Fahad Daahir Axmed balse  natiijadiisa la hor istaagay markii dambe, wuxuuna daaha ka rogayaa in Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe inuu ahaa shakhsiga qandaraaska kusoo qaatay hakinta kursigan, eedda ugu wayna uu isagu leeyahay. 

Bogagga 88 ilaa 94 ee buugga waxa uu qoraagu ku faahfaahinayaa shirqoolo loo abaabulay doorashada kursigan oo ay ka shaqeeynayeen qaar kamid ah ilaalada Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe, iyadoo iskudaygaas fashilmay markuu uu dhagartaasi la wadaagay hay’adaha amniga oo xogtan uu usoo dusiyay askri ay ehel yihiin oo kamid ah kuwa loo xilsaaray inay fuliyaan dhagartaas. 

Buuga wuxuu kaloo iftiimiyay in ilaa 3 dowladadood oo uusan magacyadooda si toos ah uusan u sheegin ay siyaabo kala duwan dhaqaale ugu bixiyeen sidii looga hortagi lahaa in kursigan uu qaato Fahad Yaasiin, taasoo ka bilaabatay afduubkii Fahad loogu gaystay Jabuuti keddib markii diyaaraddii siday lagala dagay. 

Waxaan qeybahan hoose kusoo qaadanayaa sida buuga loogu qoray wada hadalladii dhexmaray Guddoomiye Cirro iyo xubin katirsan Guddiga Hirshabelle iyo telefoon dhex maray Fahad Yaasiin iyo Cali Guudlaawe. Hoos ka akhri qeyb kamid ah qoraalka buugga. 

“Sida qof walba ogyahay doorashada awoooddeeda waxay gacanta ugu jirtay Madaxda Maamul Goboleedyada, waana siday iyagu qorteen oon cid ka daba hadlin, mana dhici karin in kursi la xannibo, ayadoo aysan la soconin raalli ahaanshaha Madaxweynaha maamulkaas. Kursigaan waa kan keliya ee uu si toos ah isu hor taagay madaxweynihii lahaa, wuxuuna ahaa cabaqadda rasmiga ah ee ka danbaysay in la xannibo kursiga.

“Fahad oo ahaa qofka u tartamay, kuna guulaystay, wuxuu ka soo badbaaday dhowr shirqool oo uu ka mid yahay xanibaaddii garoonka Jabuuti. Waxaa kale oo jiray shirqoollo kale oo khatar badnaa. Inta xogaha iga soo garay arrinta shirqoolada wakhtigi tartanka doorshada uu ku jray waxaan ka sheegi karaa sheekadaan. 

“Gabalgaab qoraxdii ay wali soo jeedo, taariiqdana waa Febaraayo 17, 2022, waxaan ku sugnaa magalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, xarun guryihii Boqoradii dowladdii Cismaaniyiinta oo dhismayaal qadiim ah oo dhagaxyo qalalan oo waaweyn ka samaysan oo buur dhakadeed ku taal. Saaxiibkay Axmed oo Turkiya igu soo dhoweeyey ayaa meesha i keenay, ujeedkuna wuxuu ahaa ogaanshaha goobaha taariikhiga ah. Annagoo meel kore oo furan taagan, dadyow kala dhalasho iyo midab duwan sawirro ku mashquulsan yihiin ayaa telefoonkayga dhowr mar soo dhacay, saaxiibkayga oo wax sharaxaya ayaanse ereyadiisa dhuuxayaa, halka uu hadba farta iigu fiiqo ayaan indhahayga u taagayaa. 

Telefoonkii wuu kala joogsan waayey, waana qabtay. Wuxuu noqday xubin muhiim ah oo ka tirsan Guddigii doorashada Hirshabeelle. Ima uusan salaamin, wuxuu ku celcelinayaa ma i maqlaysa, ma i maqlaysaa. Hadalkiisa waxaa ka muuqatay in culays badani haysto. Wuu degdegayaa, kala jarjarayaa, waxaa markiiba dhegahayga ku dhibcay “Guddoomiye xaggee joogtaa?” waxaan ka shakiyey hadalkiisa dareenka leh. Horay Guddiga Hirshabeelle wuxuu ahaa guddi kala qaybsan gartooduna marar badan ayey ii timid oon isku dayey in aan si hoose u xalliyo. Markii muran xallismo haddana mar kale ayuu dib u oogmayey, markastana waa kala cabanayeen oo khilaaf siyaasiyiinta maamulka Hirshabeelle dhex dhigeen ayaa walaaqayey, waxaan u qaatay in khilaafyadii qayb ka mid ah oo sii cuslaaday uu ii soo wacay.” 

Hadalkii ayaan u dejiyey ninkii telefoonka ku jiray, waana wareystay. Wuxuu igu yiri “Ninyow Fahad ayaa magalada yimid galabta, kursiga 086 ayuuna u tartamayaa, laakiin ninkii Guudlaawe ahaa hawl kale oo shirqool ah ayuu wadaa. Marka ay codaynta tartanka bilaabato waxaa la qorsheeyey in xabbad ka dhacdo hoolka, sidaasna laga kala cararo, laba ujeedo ayaana laga leeyahay; tan ugu muhimsan in meesha lagu khaarijiyo, haddii taas ay dhici weydana tan xigtaa waa in tartanka kursigaas loo helo qiil culus oo lagu laalo doorashadiisa, hawshaasna waa degdeg ee wixii aad igala gaban karto igala qabo. Waxaan waydiiyey warka sidee ku heshay? Jawaabtiisii waxay noqotay “nin ka mida askarta amarka hawsha la siiyey oon qaraabo hoose nahay ayaa isoo gaarsiyey.” 

Maan beensan oo wixii taxadar amniga ah markasta in aad u qaadato mid run ah ayaan dareensanahay. Waxaan ku iri hawsha ha yareysan. Waan aamusay ilbiriqsiyo, waxaan weydiiyey hawsha xubnaha kale ee Guddiga sidaas ma u og yihiin?” Maya, maya. Cid kale ma u sheegtay oo wax ma iska dhahdeen? Maya, maya ayuu yiri, waxaan u soo jeediyey talo ah in siduu warkaan ugu sheegi karo dadka ay qusayso, gaar ahaan saraakiisha amniga doorashada uu degdeg u gaarsiiyo. Waxaa kale oo u sheegay in uu Fahad laftigiisa arrinta u sheego. Wuxuu i weydiistay telefoono xubno gaar ah, lambaradii waa u diray. fariintaan uu i sheegay waxay i ilowsiisay in aan su’alihisii ka jawaabo iyo eed markuu fariinta ii sheegay ka dhalatay oo maskaxdayda ku dhex waregaysay, taasoo ahayd in wax aan ka soo dhex baxay uu iga daba keenay. Fahad Yaasiin ayaan wacay oo arrinta iyo sida xogta igu soo gartay ku war geliye. Waxaan kale oo u sheegay in xubinta guddiga ee xogta isoo gaarsiiyey uu degdeg ula xiriiro. 

Saxibkay Axmed ayaan ku soo noqday annigoo beddelan, wuu dareemay in telefoonka hawl cusub la iiga soo sheegay. Guddoomiye ma dhib ayaa jirta ayuu i weydiiyey, anigoo dhuunta candhuuf mari la’a ku khasbaya, doobta hungurigaygana kor iyo hoos ay u kala ordayso laga dareemayo in wax dhuuntayda mari la’ ligayo, ayaan u sheegay in ay tahay wax ku saabsan doorashadii. Inkastoo aan run u sheegay haddana xogta uma faahfaahin, wuxuu dareemay in wax aan ka qarinayo a jiraan. Iguma uusan soo celin war kale. Taariikhdii uu sharaxayey wuu joojiyey markuu arkay in dhiifoonaantii aan wax ku dhegeysanayey iga luntay. Cabaar ayaan aamusay, anoo is weydiinaya jawaabta ninkii aan siiyay in ay ku filan tahay wax ka qabashada arrinta iyo in kale. Boqolaal jawaabood ayaa hal mar maskadayda soo buuxiyey. Ninkii isoo wacay ayaan ku celiyey telefoonkii. Wuxuu ii sheegay in uu Fahad gaarsilyey warkii, madaxii amniga doorashada uu la hadlay. 

Si hagaagsan ayaad yeeshay ayaan ku iri, anna in culays ay keentay fariintiisii degdegga ahayd iga degtay ayaan dareemay. Habeenkii ayaan markale is wacnay wuxuuna ii sheegay in uu u tegey Fahad oo ka mid ah murashaxiinta, uuna u sharaxay dhibka jiray, isagoo la joogana uu telefoon u diray Guudlaawe, uuna kala hadlay bedgabka goobta iyo naftiisa, la islana gartay hawshii amniga goobta doorashada waxweyn laga qabtay, wuxuuse ii raaciyey hadal kaloo la yaablahaa. 

Markii Fahad aan u tegey talaabadii koowaad ee uu qaaday waxay noqotay; toos ayuu u wacay Guudlaawe, wuxuu furay sameecadda taleefoonka oo wuxuu ku yiri, “Mudane Madaxweyne, barito amniga goobta doorashada waxan filayaa inaad xil wayn iska saartay, ood hubisay wax kasta, waayo aniga adigaan isku kaa halaynayaa.” 

Sidii qof hurdo ka salalay ayuu Guudlaawe yiri, “maxaa tiri? yaah, iigu soo celi hadalka.” Kolkasuu intuu ugu celiyay farriinii ugu soo daray hadalkii, “Mudane Madaxweyne maadaama goobta hay’ado kala duwan oo ciidamada ah awood u leeyihiin in ay soo galan, anigana aad ogtahay inaan cadow badan leeyahay, waxaan ku sheegayaa inaan go’aansaday inaan kasoo tago dhammaan askarta iyo ciidanka ila socday xitaa ilaalada gaarka ah, goobta doorashadana aan soo gelayo anigoo kaligay ah. Sidaas darteed, amnigayga iyo amniga goobta adiga ayaan kugu halaynayaa, ee u xilsaar sarkaal aad ku kalsoontahay, iina soo dir magaciisa iyo telkiisa si aan ula soo xiriiro.”

Guudlaawe hadalkii ayuu ku mergeday, “haa, maya. Een een. Fiiri Eeboow, runtaa waaye cadow badan aa leedahay, walaahi wareer waaye, waxaan maxaa waaye, waayahay Eeboow, aan kugu soo laabto, ama fiiri, maan si kale u dhigno,” intaas buu halmar iska soo daba tuuray, wuxuu ku sii hadlay, “maad adigaba la wareegtid amnigaaga, oo aan kuu amro sidaas, oo hoolka iyo goobtaba u dhiibno ciidankaaga. 

Intuu Fahad ilka cadays qosol aan cod lahayn ah sameeyey ayuu ku yiri, “waa talo fiican, waadna ku mahadsantahay, sidaas baan yeelayaa ee ciidanka iyo gudiga iigu amar.”

Labaatan daqiiqo kaddib ayuu Guudlaawe soo wacay Guddigii oo isla fariintii noo sheegay, waxaana la wareegay goobtii doorashada taliyihii amniga gaarka ah ee Fahad. Hadalkii ayaa xubintaan Guddiga ah la sii dheeraaday, warar kale oo aad u cuslaa oo qalbigaygu qaadan waayey siday u suuro gal u tahay ayuu ii sheegay, wuxuuna igu soo xiray, “Cirrow Fahad haddii kursiga loo doorto ma filayo in uu isbaaro la’aan nogon doono oo Guudlaawe cadaadis daran oo wadamo shisheeye iyo meelo kala duwan uga imaanaya ayaa jira, annagu kursigaan sidii kuraasta klae doorshadooda u dhacayso ayuun baanu u qabannaynaa.” Aniguu igu cedeyey in wakhti aad u xasaasi ah aan ka tegey hawshii, ereyadiisana uma arkayn in ay muhiim ii yihiin. Alle ha idin guuleeyo, hana idin nabad yeelo ayaan ugu duceeyey, markaasaan u sheegay in aan wadanka ka maganahay. 

Kursigan doorashadiisii waxa la gabtay Febaraayo 20keedii, 2022, waxaana ku soo baxay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Guddiyadii doorashadu waa wada joogeen, si furan oo tartan ah ayaana ay u dhacday doorashadiisu, cidina cabasho kama keenin. Fahad wuxuu ku qabay kalsooni iyo isku halayn buuxda, laakiin qandaraaska ugu weyn ee in la xanibo kursigaas waxaa lahaa Guudlaawe oo qorshaha la dejiyey Rooble. Inuusan xildhibaan noqon, waxaa maal gelin dhaqaale ku bixiyey ilaa saddex dowladood oo khatar weyn ka arkayey Fahad haddii uu noqdo xildhibaan wuxuu uga sii gudbayaa Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka, taasoo sahli karta dib u doorashada Farmaajo, sababta kursigan loo xanibayna intaas ayey ahayd. 

Subaxii xigtay Raysalwasaare Rooble wuxuu bogga Guddiga ku qoray in kursiga 086 doorashadiisa la hakiyey. Hadda go’aamada Guddiga waxaa laga garaa xafiiska Raysalwasaaraha oo koox ayuu u samaystay, oo Guddoomiyiii Guddiga ee cusbaa wuxuu ku khasbayaa in amarrada kooxda xafiiska Raysalwasaaraha ka soo baxa yihiin kuwa rasmiga ah ee guddiga! Raysalwasare Rooble ayaa amar dul dhigay Guddigii, wuxuuna ugu gooddiyey in uu kala dirayo guddiga haddii ay aqoonsadaan doorashada kursiga, waa intii uu anigaba iigu goodiyey doorashadii  Xildhibaan Yaasiin Farey. Muddo ayaa muranka kursigani warbaahinta haystay. Makamadda Sare ayaa dacwadiisa dhegeysatay 19 Abril 2022. Dadku indhahay u taagayeen go’aanka dacwadda. Cidda haysata kursiga waa koox siyaasad ahaan u hor taagan oo kaashanaya shisheeye. Waxaa tariikh xumo ka qaaday koox si xishood la’aan ah u qaadatay laaluush iyo musuq oo ah Guudlaawe iyo Raywaslwasaare Rooble oo hor istagtay natijada, mana ka jawaabi karaan sababta.

Bulshadu waxay eedeysaa Gudoomiyihii Guddiga Doorashada, isaga mar horaa la qaatay awoodiisa oo cabsi gelin lagu sameeyey, wuxuuna ahaa nin mar hore iibsaday qofnimadiisii.

Makamadda Sare way degeysatay kiiskii. Halkii go’aan laga sugayey waxay soo saartay warqad ay ku sheegayso in aysan xaq u lahayn in ay dhegeysato kiis ku saabsan doorashada. In aan loo dacwoon ayaaba ka qummanayd oo kiiska cidda haysatay ayaa go’aankani u sii xalaaleeyey.

Qoraalkan oo dhammeystiran waxaa laga heli karaa Buugga Garsoore Garoon aan Sharci Ka jirin ee uu qoray Maxamed Xasan Cirro, bogaggiisa 88 ilaa 94.

Xogta shir xasaasi ah oo qeyb ka tahay NISA oo ka qabsoomay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka amniga caasimada ayaa ka qabsoomay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayay dardar-gelinta amniga caasimada oo bilihii dambe aad u wanaagsanaa.

Shirkan ayaa waxaa qeyb ka ahaa taliska NISA uu metelayay taliye Muhiyadiin Warbac, taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale.

Shirkan ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siaasadda gobolka iyo saraakiisha u xilsaaran amniga magaalada Muqdisho.

Warbixin la xariirta dhinaca amniga ayaa waxaa shirka looga dhageystay hay’addaha kala duwan ee amniga, kuwaasi oo soo bandhigay isbadalka ku dhacay Amniga Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku amaanay saraakiisha laamaha amniga sida ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin ilaalinta nafta iyo maalka muwaadinka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu kula dar-daarmay in la xoojiyo amniga ay ku nool yihiin shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta iyo xoojinta amniga caasimada, oo waayihii dambe ka nasatay falalkii argagixisada ka geysan jireen, kuwaasi oo ay ku bixi jireen tobanaan iyo boqolaal shacabka magaalada.