25.5 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Xubno ka tirsan kooxda DAACISH oo isa soo dhiibay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta xubno ka tirsan kooxda Daacish ay isku soo dhiibeen ciidamada ammaanka Puntland ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Xubnaha isa soo dhiibay oo labo ah ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay deegaanka Balidhidhin ee gobolka Bari, halkaas oo ay kusoo bandhigeen ciidamada daraawiishta Puntland.

Labada xubnood ayaa watay hubkooda iyo dareeska ciidanka, waxaana ay sheegeen inay tababar kusoo qaateen goobaha ay gacanta ku hayso Daacish ee deegaanada Puntland.

Wareysiyo laga qaaday labada nin ayaa waxa ay ku sheegeen inay muddo saddex cisho ah soo lugeynayeen, si ay uga soo baxsadaan kooxda ay muddada dheer ka tirsanaayeen, ayna ku furaxsan yihiin in lagu soo dhaweeyay Puntland.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen inay ku qanci waayeen habka ay wax u waddo kooxdaan, isla markaana uu isbeddalay fakirkooda, ayna goosteen inay isaga soo baxaan kooxdaasi.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dareen inay ka qayb-qaateen dagaallo dhexmaray Daacish iyo Al-Shabaab, maadaama ay sheegeen in loo tababaray u dagaalidda kooxdaasi.

Inta badan labada kooxood oo ku wada sugan buuraleyda gobolka Bari ayaa dagaallo ay waxa ay ku dhex maraan halkaasi, waxayna isku haystaan gacan sarreynta dhulkaasi.

Kooxda Daacish ayaa bishii April ee sanadkan sheegtay inay dagaal ku dishay 50 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab kadib dagaal ay kula gashay buuraha Calmiskaad.

XAMZA oo war culus kasoo saaray dagaalka LUUQ

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa looga hadlay dagaal beeleedka maalmaha qaatay ee ka socda gudaha degmada Luuqa oo ka tirsan gobolka Gedo.

Xamza ayaa baaq deg-deg ah kasoo saaray dagaalkaasi, wuxuuna ka dalbaday labada beelooed inay dirirta joojiyaan, si looga hortegi dhiigga macno darrada ah ee daadanayo.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa maamulka Jubaland ay qaadayso tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo degenaanshaha degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale faray  Ciidamada Qalabka Sida in ay u istaagaan ka hortagga dagaallada iyo colaadaha sokeeye oo uu tilmaamay fursad u noqon karaan Al-Shabaab oo weli ku sugan qaybo badan oo kamid ah dalka.

“Wada-xaajood iyo dib-u-heshiisiin ayaa ah furaha nabadda iyo horumarka. Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha iyo dagaallada sokeeye ee dalka in ay degdeg u joojiyaan, kana fogaadaan dabinka Khawaarijtu ay ku doonayaan in ay ku cimri-dheeraystaan si ay u sii dhibaateeyaan dadkeenna” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre.

Waxaa kale oo uu Xamza faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaloya in ay dardar geliso qorshaha dhab-u-heshiisiinta Qaran, si looga gudbo duruufaha horseedaya xasillooni darrada iyo dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday gobollo badan oo kamid ah dalka.

Xaaladda Luuq ayaa maanta deggan, inkastoo ay weli is horfadhiyaan maleeshiyaadka ku dagaalamay magaaladaas oo dagaalkoodu sababay khasaare aad u wayn.

Si kastaba waxaa dagaalkan oo socdo ku dhowaad todobaad ayaa lagu dilay illaa 20 qof, wuxuuna u dhaxeeyaa labo jifo oo ka soo kala jeeda beelaha Mareexaan iyo Raxanweyn.

Natiijo lama filaan ah oo kasoo baxday doorashada shalay ka dhacday France

Paris (Caasimada Online) – Natiijo lama filaan ah ayaa kasoo baxday wareegi labaad ee doorashadi baarlamaaniga aheyd ee Axaddii shalay ka dhacday Faransiiska, kaddib marki uu isbaheysiga bidixda ku guuleystay, inkasta uusan helin aqlabiyadda baarlamaanka.

Natiijada ayaa muujineysa in isbaheysiga bidixda ay ku guuleysteen 182 kursi, xisbiga dhextaalka ee Macron ayaa helay 168 kursi, halka xisbiga midigta fog ee NR ee ay hogaamiso Marine Le Pen uu ku guukeystay kuraas dhan 143.

Taasi ayaa ka dhigan in xisbina uusan u dhaweyn aqlabiyadda, waayo waxaa xukuumad soo dhisi kara xisbigi keena kuraas dhan 289. Baarlamaanka Faransiiska ayaa ka kooban 577 xildhibaan.

Cod-bixiyayaasha ayaa dhabar-jebin siyaasadeed qoorta u suray xisbiga RN ee midigta fog ee ay hogaamiso, haweneyda mayalka adag Marine Le Pen.

Ra’iyi ururinti la sameeyay ka hor doorashada ayaa muujisay in La Pen ay kaalinta koowaad geli doonto, hase yeeshee waxay u dhacday kaalinta saddexaad, taasoo lid ku ah natiijadi wareeggi hore ee doorashada oo ay kaalinta koowaad kasoo gashay.

Natiijada doorashada ayaa sidoo kale dharbaaxo iyo waji-agabxnimo ku ah, xisbiga siyaasaddiisu ay dhexda u janjeerto ee madaxweyne Emmanuel Macron.

Macron ayaa horay u iclaamiyay doorashadan oo uu waqtigeeda kasoo hormariyay, kaddib guulihi uu xisbiga midigta fog ee La Pen kasoo hooyay doorashooyinki baarlamaanka Yurub.

Hadda waxa uu u xuub siibtay, in uu dhexda uga dhacay baarlamaan aad u kala qeybsan siyaasad ahaan, bidix, midig iyo dhexda, kuwaas oo uusan midna heysan aqblabiyadda.

Dagaalkii ugu cuslaa oo ka socda Luuq iyo khasaaraha ka dhashay oo sii kordhaya

Luuq (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa mar kale maanta ka qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo, dagaalka ayaa saakay ka bilowday bartamaha magaalada, wuxuuna u dhaxeeyaa labo maleeshiyo beeleed oo wada dega degmada Luuq.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in ugu yaraan 4 qof oo kamid ah dhinacyada dagaalamaya ay ku dhinteen dagaalka, halka 7 kale oo isku jira ciidan ku soo baxay dagaalka iyo rayid ay ku dhawaacmeen.

Qoysaskii ugu dambeeyey ayaa maanta ka qaxaya degmada Luuq, iyagoo ka baxsanaya in waxyeelo ay ka soo gaarto dagaalka socda.

Dagaalka ayaa saaka dib u bilowday kaddib markii ay soo rogaal celiyeen koox shalay dib uga guratay dagaalka, waxaana sii adkaatay xaaladda Luuq.

Ciidamo isku dayey inay kala dhexgalaan beelaha dagaalamaya ayaa ku guul-dareystay inay dagaalka joojiyaan, doorka dhaqanka iyo siyaasiyiinta ayaa ku soo aruuray baaqyo nabadeed oo loo jeediyay maleeshiyaadka isku awood sheeganaya.

Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dilay dagaalka oo ku dhowaad toddobaad ka socda gudaha iyo hareeraha degmada Luuq, wuxuuna u dhaxeeyaa labo jifo oo ka soo kala jeeda beelaha Mareexaan iyo Raxanweyn.

Magaalada Luuq waxaa ku wareegsan Wabiga Jubba, waxaana laga galaa hal irid, maleeshiyaadka dagaalamaya oo saakay isku fara-saaray gudaha magaalada, iyadoo markii dambe la iskula baxay banaanka magaalada, xaaladda Luuq caawa waa mid colaadeed, mana jirto cid u diyaarsan inay kala dhexgasho dhinacyada dagaalamaya.

 

Daawo: 3 qodob oo muhiim ah oo Xamza uu la tegay Ciraaq

Baqdaad (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta kulan la qaatay Hoggaamiyaha Xisbiga Dacwa ee dalka Ciraaq, Mudane Nuuri Al-Maaliki, sidoo kale isla maanta wuxuu kulan kale la yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka dalkaas.

Xamsa markii uu tegay Ciraaq waxaa ku soo dhoweeyey Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, wafdiga Soomalaiya ayaa madaxda dalka Ciraaq kala hadlaya xiriirka labada dal, iyadoo mudnaanta siiyey wadatashiyada ku saabsan isdhaafsiga khibradda, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo in Soomaaliya ay wax ka barato qaabkii dowladda Ciraaq uga adkaatay, ugana xoreysatay dalka kooxihii argagixisada ahaa.

Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Jimcaale ayaa ka warbixiyay saddex qodob oo muhiim ah oo ay ku saleysan tahay booqashada rasmiga ah ee Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo wafdigiisa ay ku joogaan magaalada Baqdaad ee Jamhuuriyadda Ciraaq.

Qodobada ayaa kala ah:

1-Xoojinta cilaaqaadka ka dhexeeya labada wadan, iyadoo diiradda la saaray sidii loo cusbooneysii lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Ciraaq, sida ganacsiga iyo dhaqaalaha.

2-Arrimaha amniga oo muhiim u ah Soomaaliya ayaa looga hadlay kulamadii madaxda labada dal, Ciraaq iyo Soomaaliya waxay ka mideysan yihiin burhurkii qaranimada, balse Ciraaq ay ka soo kabatay, kana adkaatay argagixisadii ka dilaacday dalkaas, halka Soomaaliya ay weli la tacaaleyso dowlad-dhis iyo la dagaalanka argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa safarkaan ku wehliya Taliyaha NISA, waxayna Soomaaliya ka baraneysaa Ciraaq duruus ku saabsan sida loo xaliyo marxaladaha ay ka siman yihiin labada dal, balse Ciraaq ay ka soo kabatay.

3-Qodobka 3-aad waa in R/Wasaare Xamsa uu madaxda Ciraaq la wadaago guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay arrimaha dagaalka argagixisada, dhaqaalaha, deyn cafinta, cunaqabateyntii hubka iyo guulaha kale ee dowladda Soomaaliya ay gaartay labadii sano ee xukunka uu hayey madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo

Sawirro: Xasan oo UK kala hadlay arrimo xasaasi ah, fariina u diray R/W Britain

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya, Michael Nithavrianakis, kulankaan ayaa ka dhacay aqalka madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wadahadlay iskaashiga istiraatijiyadeed ee Soomaaliya iyo UK oo dhinacyo kala duwan leh.

Madaxweynaha ayaa intii uu kulanka socday waxa uu sidoo kale hambalyo kal iyo laab ah u diray ra’iisul wasaaraha cusub ee UK Sir Keir Starmer.

Dhinaca kale, Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta la kulmay Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Richard H. Riley.

Kulankaas oo ka dhacay gudaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo ku taalla xerada Xalane ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.

Wasiirka oo uga mahad-celiyey taageerada dowladda Mareykanka ay siiyaan Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo, iyada oo mudnaanta la siinayo tayeynta iyo tababarrada ciidanka, si ay u xaqiijiyaan in dalka laga xoreeyo argagixisada.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku saxiixay buugga tacsida guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Allaha u naxariiste Prof. Jawaari ayaa 28 Juun 2024 ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ayada oo aas qaran loogu sameeyay isla caasimada, kaasi oo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin, ehellada marxuumka iyo shacab fara badan.

Buugga tacsida ayaa maalmo ka furnaa gurigii uu ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Jawaari, iyada oo maanta ugu dambeyntii uu Madaxtooyadda ku saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sawirro: Xasan oo maanta madaxtooyada ku saxiixay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku saxiixay buugga tacsida guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Allaha u naxariiste Prof. Jawaari ayaa 28 Juun 2024 ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ayada oo aas qaran loogu sameeyay isla caasimada, kaasi oo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin, ehellada marxuumka iyo shacab fara badan.

Buugga tacsida ayaa maalmo ka furnaa gurigii ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Jawaari, iyada oo maanta ugu dambeyn uu Madaxtooyadda ku saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Jawaari ayaa waqtigiisii ugu badanaa soo geliyay dowlad dhiska Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed.

Prof Jawaari ayaa ku dhashay magaalada Afgooye sanadkii 1945-tii, wuxuuna ku koray yaraantiisii degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay.

Wuxuu cilmiga sharciga ka bartay jaamacadii umadda Soomaaliyeed, intii u dhexeysey 1979-1985 waxa uu soo noqday sanadkii 2012-kii guddoomiyaha Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Barlamaankaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee lagu doorto gudaha dalka oo ay odoyaasha dhaqanku soo xulleen.

Sanadkii 2017-kii ayuu mar kale noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka balse xilkaas ma dhammaysan muddo xileedkiisa ka dib markii uu iska casiley.

Hadda wuxuu ka mid ahaa guddi madaxweyne ee uu Xasan Sheekh u magacaabay difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka dib khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.



DF iyo Mareykanka oo wada-hadal xasaasi ah ku yeeshay Xalane + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta la kulmay Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Richard H. Riley.

Kulankan oo ka dhacay gudaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo ku yaalla xerada Xalane ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.

Wasiirka oo uga mahad-celiyey taageerada dowladda Mareykanka ay siiyaan Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo, iyada oo mudnaanta la siinayo tayeynta iyo tababarrada ciidanka, si ay u xaqiijiyaan in dalka laga xoreeyo argagixisada.

Danjire Richard ayaa dhankiisa sheegay in dowladdiisu ay sii xoojin doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga oo mudnaan gaar ah u leh dowladda.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida weyn ugu garab istaagay dowladda federaalka dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna hub iyo saanad ciidan soo gaarsiiyay dowladda federaalka Soomaaliya tan iyo markii uu billowday dagaalka argagixisada.

Dowladda Mareykanka ayaa horey u sheegtay in taageeradeeda dhinaca saanada hubka ee uu la garab taagan yahay dowladda Soomaaliya ay laf-dhabar u tahay oo xoojin doonto tayada ciidamada gaarka ah oo wax weyn ka bedesho, islamarkaana ay sare u qaadi doonto iskaashiga iyo la-dagaalanka argagixisada.

Tan iyo markii ay bilowdeen howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab waxay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka weeraro ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, inkasta oo bilihii dambe uu hoos u dhac ku yimid duqeymahaas oo badi lagu beegsan jiray xubnaha iyo saraakiisha sar-sare ee kooxda.

Mareykanka ayaa sidoo kale tababara islamarkaana bixiya mushaharka ciidamada Danab ee xoogga dalka Soomaaliya ee la dagaalama Al-Shabaab, lana rumeysan yahay inay yihiin ciidamada ugu waxtarka fiican kuwa Soomaaliya ay hadda leedahay.

Miyaa la gaarin xilligii lacagta badan ee xafladaha loo wareejin lahaa dhinaca…?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalada qabiilka ayaa dib usoo cusboonaaday dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay.

Inkastoo Soomaalida ay weligeedba qabiil isku dileysay, haddana mardhexe ayay xooga hoos u dhaceen dhibaatooyinka, laakiin sanadahan dambe waxaa muuqata inay xawaare ku dhaqaaqeen.

Gobollada Galgaduud, Mudug, Shabeellaha Hoose iyo Bay ayaa dhamaantood sanadkaan gudahiisa waxaa ka dhacay dagaallo qabiil oo ay dad badan ku dhinteen. Qaarkood weli xal rasmi ah lagama gaarin.

Waxaa la yiraahda qabiilada Soomaalida toos uma heshiiyaan ee waan-waantooda xabada labaad ayey daahisay. Macnaheedu ma ahan in aan la xalin karin mushkiladan, laakiin weli ma isweydiisay yaa isku xil-saaray inay 100% soo afjaraan taxanahan.

Dalka waxa uu qaatay nidaam federaal ah, taas oo macnaheedu yahay in deegaan walba ka jiro maamul goboleed, waxaa kale oo jirta wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee dowladda federaalka. Dhamaantood waxay ka shaqeynayaan mashaariic afka baarkiisa ah iyo xaflado laga dhaxlo sawiro qurxoon.

Wax dhab u heshiisiin ah oo xididada loogu siibayo tixanaha dagaallada qabiilka miiska lama soo saari 24 sano ee lasoo dhaafay. Marwalba waxaa la qaata heshiis kumeel-gaar ah. Waxaa arrimahana si dowli ah ugu milmay dad xoolo doon ah oo beddelay kaaba-qabiiladii.

Waxaa aad la iskugu raacsan yahay inay colaadahan u baahan yihiin madax Soomaaliyeed oo xalkooda uu dhab ka yahay.

Afarta sano ee la doorto madaxda heer goboleed iyo kuwa heer federaal midkoodna 5% oo waqtiiga kamid ah ma galiyo soo afjarida dagaallada qabiilada. Qaarkoodna wuxuu waqtiga ka dhamaada iyaga oo aan hal maalin daaweynin boogaha keena colaadaha qabiilka.

Caksigeeda magaalada Muqdisho ee caasimada oo qy dowladda dhexe fadhiso waxaa xoolihii umadda lagu gubaa xaflado joogto ah oo laga dhaxo hadallo marmarka qaar sii kala fogeeya bulshada iyo sawirro.

Gobollada qaar argagixisada ayaa qabiilada isku dirta, si ay iyagu u noqdaan xalka loo baahan yahay ee wax kala dhihi kara labada qabiil, taas mar waxay ku muujinayaan baahida loo qabo inay sii joogaan deegaanka, marna waxay muujinayaan in aysan jirin cid aan iyaga aheyn oo ahmiyad siinaysa nabadda beelaha.

Dowladda waa inay halkan baraarug ka qaadataa. Sanadkan dagaalada qabiiladdu maadaama ay bateen madaxda Soomaaliya ee heer federaal iyo kuwa heer maamul goboleed waa inay ugu yaraan 5% oo waqtigooda kamid ah galiyaan dib u heshiisiinta bulshada oo dib loo soo nooleeya dhaqankii idmanaa oo waqti iyo xoolaba la galiyaa is-cafinta iyo dib u walaaleynta umadda Soomaaliyeed, oo ay madaxda joojisa shirarka iyo xafladaha aan waxba soo kordhineynin ee lagu bur-burinayo xoolihii umadda.

Xogta shir u dhaxeeya DF iyo dowlad goboleedyada oo ka furmaya Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in dhawaan uu magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug uu ka furmo shir u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Shirkan oo si gaar ah u dhex-mari doona wasiirka beeraha iyo waraabka xukuumadda federaalka iyo wasiiradda heer dowlad-goboleed, kaasi oo diirada lagu saari doono wax soo saarka gudaha, gaar ahaan beeraha.

Wasiirka Beeraha iyo waraabka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo faah-faahin ka bixiyay safarka wasiirrada labada heer ee qasaaraddaas ay ku tagayaan Galmudug, ayaa sheegay inuu u daaran yahay u kuur-galida tacbashada beeraha ee maamukkaasi.

“Socdaalkan aan Galmudug ku tegayno waa mid aanu ugu kuur gelayno xoojinta tacbashada beeraha Dalka, Galmudug Ayaan ka billownay qorshaha Istaraatiijiyadda ee wasaaradaha labada heer,” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Waxa uu intaas kusii daray wasiirka “Dalka meel weliba Beero ayaa lagu beeray, Galmudug Beeraley ayay noqotay.”

Wasaaradaha veeraha iyo waraabka xukuumadda federaalka & dowlad-goboleedyada ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa u socday kulamo kala duwan waxa ay ku ballameen in xarumaha maamul goboleedyada.

Horraantii sanadkan ayey aheyd markii Soomaaliya ay heshiis maal-gelin la saxiixatay Snduuqa Horumarinta Beeraha Caalamka (IFAD), kaasi oo lagu horumarinayo beeraha dalkeenna.

Si kastaba, horumarinta beeraha Soomaaliya ayaa xilligaan muhiimad gaar ah u leh kor u qaadista wax soo saarka dalagyada kasoo go’a beeraha, si looga baaqsado masiibooyinka ay abaartu ka mid tahay, oo dhowr jeer kusoo laab-laabtay dalkeenna.

Muuse: Ninka saxiixiisa aan wada-hadalkiisa loo ogoleyn iyo arrinta ay muujinayso

Hargeysa (Caasimada Online) – Muuse Biixi ayaa Addis Ababa heshiis ku saxiixay 1-dii Janaayo ee sanadkaan. Waxaa lagu heshiiyay in 30 cisho gudahood heshiiska rasmi loogu beddelo, Itoobiya ay timaado xeebaha Lughaya, Somaliland aqoonsi la siiyo kadibna saami laga siiyo Somaliland diyaaradda Ethiopian Airlines.

Maalintii heshiiskaasi la galay waxaa laga jooga 6 bilood iyo 6 cisho. Muuse Biixi waraaqihii laga qaatay dib wax loogama weydiin, howshuna waxay yeelatay albaab kale. Albaabkaas kale waxaa la yiraahda dowladda federaalka Soomaaliya.

Mareykanka, Midowga Yurub, IGAD, Midowga Afrika, Turkiga iyo dhamaan dowladdaha deriska ah ayaa kusoo baxay qadiyadan. Laakiin qofna hal telefoon uma dirin Muuse Biixi, loogamana wicin hal miis oo qadiyadan looga hadlayo.

Asbuucii tegay waxaa magaalada Ankara ee waddanka Turkiga wada-hadal loogu qabtay Soomaaliya iyo Itoobiya. Laakiin nasiib darro mowduuca la isku haysto ninkii saxiixay oo ah Muuse Biixi Cabdi, tallo, tusaalo iyo xitaa wargelin ma haysto.

Nimankii uu Muuse Biixi siiyay heshiiska ee Itoobiya waxay leeyihiin dowladda federaalka Soomaaliya ma noo sharciyeyn kartaa saxiixa Muuse Biixi.

Arrintii aqoonsiga waa ka gaabsatay Itoobiya, dhawaan hadal uu arrintaasi aqoonsiga ka yiri wasiiru-dowlaha dekeddaha ee dowladda Itoobiya ayaa la tiray. Waxaana Itoobiya kusoo qanacday in aanu jirin maamul goboleed dhul iyo bad bixin kara oo ka jira Soomaaliya.

Marka siyaasadda, dowladnimada iyo qabkaba laga hadlo ma ahan farriin fudud in saxiixaagii aan wax tallo ah lagaa weydiinin, oo aan xitaa kor-joogteyn lagaaga ogoleyn wada-hadalka qadiyad aad markii hore aaminsaneyd in aad adigu go’aan ka gaari kartid.

Haddaba, waa maxay nuxurka halkan ku jira?

Farriinta halkan ku jirta waxay tahay waxaa jira wax la yiraahdo Soomaaliya. Ma jiro maamul kale oo wax ka oran kara, saxiixi kara ama bixin kara bad iyo dhul Soomaaliyeed.

Maamullada ka jira gobollada Soomaaliya waxay awooddaan inay ka shaqeeyaan arrimaha hoose ee la xiriira horumarinta bulshada, amniga iyo wacyi-gelinta, laakiin wixii intaas ka badan Waqooyi iyo Koonfurba adduunka midka kale lama hadlayo oo aan aheyn dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxay sidoo kale farriintan niyad-jab ku tahay maamullo kale oo Soomaaliya ku yaalla oo isku dayi lahaa inay iska dhigaan gooni u daaq. In 33 sano kadib Somaliland aan xitaa saxiixeeda waxba laga weydiineyn, waa faham fudud oo la xiriira inuu dalka leeyahay hal dowlad, loona baahan yahay in taas la iimaansado, lagana heshiiyo wixii tabashooyin ah oo Soomaalida dhexdeeda ah.

Waxaa kale oo laga baranayaa mowduucan in aanay dunida maanta u bisleyn in Soomaaliya lasii kala jaro, taas oo aan illaa hadda ka tanaasulin dhulalkii horey uga maqnaa ee jiray dhinacyada Itoobiya iyo Kenya.

Madaxweyne XASAN oo shaaciyay arrin ka dambeysa dagaal beeleedyada dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag kaga hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday gobollo badan oo kamid ah dalka, isaga oo shaaciyay cidda ka dambeysa.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalladan soo noqnoqday uu kamid yahay qorshaha ay Al-Shabaab isaga horkeeneyso beelaha Soomaaliyeed, si ay uga dhex faa’iideysato.

Ujeedka waxa uu tilmaamay inuu yahay inay isaga jeediso dagaalka culus ee looga xoreynayo dalka, kaas oo ay ka qayb qaadanayaan ciidanka iyo dadka deegaanka

“Baryahaan dagaalada ahliga ah ee soo noqnoqday, waa qayb ka mid ah qorshaha cadawga iyo argagixsada ay iskaga horkeenayaan shacabka Soomaaliyeed, si aan uga sii jeesanno ka xoreynta dalka Khawaarijta” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka dowlad goboleedyada ee ku aadan daminta colaaddaasi, wuxuuna xusay in cid kasta looga baahan yahay inay qaadato kaalinteeda.

“Waxaan bogaadinayaa dowlad goboleeyda ku howlan damminta colaadaha ka jira degaannada qaarkood. Waana waajib dhamaanteen ina saaran inaan u guntano joojinta coladahaas. Waxaan sidoo kale bogaadinayaa siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka,culimada iyo ururrada bulshada ee iyagane ku howlan damminta colaadaha.

Waxaa kale oo uu yiri “Dalkeenna waan nabadaynaynaa, Khawaarijtana dalka waan ka saaraynaa”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dagaal ugu dambeeyay uu ka socdo degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed, waxaana uu sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo baaxad leh.

Xildhibaanada mucaaradka cusub oo dalbaday in Sheekh Rusheeye la geeyo BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fasax kadib soo noqoshadii xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay kalfadhigoodii 5-aad wuxuu ku furmay dood, ayada oo xubno kamid ah golaha ay ku dhawaaqeen inay yihiin mucaarad bannaanka taagan.

Xildhibaannadaas oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa dhaliil xoogan u jeediyay xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza, waxayna ku eedeeyeen wax-qabad la’aan, ayaga oo wacad ku maray inay hadda kadib u istaagayaan isla xisaabtan dhab ah.

Cabdiraxmaan Cabdow oo kamid ah xubnahaasi ayaa faah-faahiyay qorshahooda, wuxuuna sheegay in maanta kadib uu dalka ku curtay mucaarad cusub, sida uu hadalka u dhigay.

“Xildhibaanada gadaasheyda taagan iyo anigaba mucaarad cadeystay ayaa nahay marka shacabka Soomaaliyeed maanta laga bilaabo mucaarad ayaa idin curtay” ayuu yiri xildhibaan Cabdoow.

Sidoo kale waxa uu dood ka keenay shaqada baarlamaanka, isaga oo sheegay in shaki ay ka qabaan, sida ay u socdaan howlaha baarlamaanka, ayna dalbanayaan in la geeyo Sheekh Rusheeye, si buu yiri loo soo celiyo ‘maanka xildhibaannada oo maqan’.

“Waxaan kale oo rabaa in guddoomiyaha baarlamaanka aan halkan farriin uga diro guddoomiyow shaki badan ayaa na haayo baarlamaankan waa ka shakisanahay, maxaa yeelay waxyaabaha halkan la mariyay wax macquul ma’ahan maskaxdeyda qaar waa diidan tahay waxaan rabnaa marka baarlamaanka la imaanaayo in Sheekh Rusheeye aan keeno baarlamaanka lana rusheeyo xildhibaanada la rusheeyo say iyaga usoo noqdaan barkey waa maqan yihiin ” ayuu mar kale yiri xildhibaanki.

Waxaa kale oo uu yiri “Shacabka Soomaaliyeed khayr iyo barwaaqo ayaa idin rajeyneynaa noo soo duceeya xaqiina ayaan u taaganahay duco kaliya ayaa idinka rabnaa”.

Arrimahaan waxa ay kusoo aadayaan, ayada oo haatan ay taagan tahay xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda, taas oo ay horay ula daala dhaceysay dowladda federaalka, waxaana hadda ugu darsoomay kicinta xildhibaannada.

DAGAL culus oo dib uga qarxay dgemada LUUQ

0

Luuq (Caasimada Online) – Wararka aynu ka heleyno degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka dib usii laba qarxay dagaal labadii maalmood lasoo dhaafay ka socday gudaha degmadaas, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalka oo galay maalintiisii saddexaad ayaa haatan ka socda bartamaha magaalada oo ay isku hayaan labada dhinac, waxaana lasoo wariyay in xaaladdu ay faraha kasii baxeyso.

Ciidamada dowladda ee ku sugan aaggaas ayaa lasoo wariyay in dagaalka ay ku biireen, taas oo waji cusub u yeeshay xiisadda ka taagan halkaasi.

Sidoo kale waxaa guul darreystay dadaallo nabadeed oo la doonayay in xabad joojin lagu kala dhex dhigo labada dhinac kuwaas oo ay wadeen maamulka iyo waxgaradka degaanka.

Labada dhinac ayaa isku weydaarsanayaa gudaha degmada hub culus, waxaa sidoo kale dagaalka barbar socda madaafiic lagu garaacayo aagga lagu dagaalamayo.

Khasaaraha dhimashada, dhaawac iyo burburka ka dhashay dagaalkan ayaa sii kordhiyay, ayada oo horay loogu gubay suuqii weynaa ee degmada Luuq.

Xaaladda ayaa weli ah mid cakiran, waxaana dhinacyada diriraya ay helayaan gurmadyo iyo ciidamo dheeraad ah, taas oo keentay in dagaalka uu kasii daro.

Si kastaba, wuxuu dagaalkan markii hore ka billowday laba askari oo murmay, ayada oo goobta lagu dilay mid kamid ah, waxaana dhacdadaas kasii horeysay xiisad ka dhalatay muran dhul ku yaalla halkaas oo ay isku haystaan beelaha ku dagaalamaya degmada Luuq.

Falcelin ka dhalatay soo qabashada ASHRAF Cali Nuur oo loo haysto dambi culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa soo xiray wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Ashraf Cali Nuur, kaas oo isticmaala baraha bulshada.

Booliska oo soo bandhigay ninkan ayaa ku eedeeyay anshax darro liddi ku ah dhaqanka iyo diinteenna Islaamka, waxaana boolisku sheegay in la horgeyn doono sharciga.

“Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa soo xiray eedeysane Ashraf Cali Nuur Sahal 24 jir kuna eedeysan Anshax-daro. Ciidanaka Boliiska Soomaaliyeed waxa ay u taaganyihiin fal-kasta oo wax u dhibaya dhaqankeena suuban iyo diinteena sharafta leh” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Xarigga wiilkan dhalinyarada ah oo caan ka ah baraha bulshada ayaa waxaa ka dhalatay falcelin xoogan, waxaana kamid ah dadka ka hadlay hooyadiis oo faah-faahisay wiilkeeda iyo wax uu qabto.

Hooyada oo wareysi bixisay ayaa sheegtay in wiilkeeda uu ka shaqeeyo goob ganacsi oo ay leedahay walaashiis, isla markaana aanu shaqo ku lahayd eedda culus ee loo soo jeeiyay.

“Wiilkaas waa Xaafidul Qur’aan oo 114 kor ka xifdiyay waana nin ahlu diin ah, wuxuu sidoo kale ka baxay Jaamacadda Soomaaliya oo waa aqoonyahan ma’ahan erayada iyo waxa xun-xunka ah ee wiilkeyga lagu eedeynaayo” ayay tiri hooyada dhashay Ashraf Cali Nuur.

Sidoo kale waxa ay dalab u diray dowladda “Waxaan dowladda ka codsanayaa inay ii soo dayso waa masaakiin hooyadiis anaa ah, bari ayuu ka yahay waxa lagu eedeynaayo”.

Dhinaca kale waxaa ariinta wiilkan oo 24 sano jir si aad ah looga hadal baraha bulshada, ayada oo si weyn loogu falanqeeyay xaaladda wiilkan iyo falka lagu soo eedeeyay.

Bashiir Salaad “Booliska Soomaaliya sheeg sheega dadka miyey wax ku fahmaan?. Cid walba oo bulshada qatar ku ah ka hor inta aysan bulshadu soo bandhigin ayaa laga rabaa Boolisku inay ka howl galaan ee maahan kii baraha bulshada la keenaba in ay dib ka raadiyaan”.

Ramlo Maxamed “Qofka haddii aadan caddeyn ku heynin sharafkiisa iyo cirdigiisa ha u gefina”.

Cabdikariin Xuseen “Dowlada shaqo aad u fiican bey heysaa waana ku bogaadinaa shaqada aadka u fiican ee bilooyinkii ugu dambeeyy ay ku dhiiratay”.

Xayaat Cabdulle ” War bal suga maxaa qaldan wiilka ha u gafina, ninka mustaqbalka ha uga ciyaarina ma faankiisa run uga dhigteen?”.

Isaaq Sheekh Aadan ayaa isuguna yiri  “Shaqo wacan baad haysaan, waana idinkaaga mahadcelinaynaa”.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Itoobiya u diray baaq culus oo la xiriira shirka Ankara

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale si adag uga hadlay xiisadda Soomaaliya kala dhaxeysa dowladda Itoobiya, wuxuuna bidhaamiyey heerka uu gaarsiisan yahay damaca ku jira Itoobiya.

Ugu horeyn madaxweynaha oo ka hor-hadlayey labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadiisa oo cuskaneysa qaraarkii baarlamaanka JFS  ay fagaare kasta oo caalami ah geysay damaca waalan ee Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya.

“Aniga, xukuumadda iyo cid kasta oo naga mid ah waxay gole kasta iyo goob kasta u tagtay sidii aan u muuji laheyn qadiyadeena, dowladda Itoobiya ayadaa caalamka wareegeysa, iyadoo ka carareysa qaladkii ay gashay ee diblomaasoyadeed oo xad-gudub ku ah xeerarka caalamiga ah ee maanta dunida looga dhaqmo,” ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in Itoobiya ay caalamka ku wareegeyso iyadoo aan wax xal ah ogoleyn, isagoo tusaale u soo qaatay wadahadlkii ugu dambeeyey ee fashilmay markii la isugu tegay Ankara.

“Toddobaadkii lasoo dhaafay Turkiga ay noogu yeeray inaan aqbalno gogol, ay Itoobiya codsatay, nasiib darro mowqifkii Itoobiya waxaba iskama bedelin, taasi waxay sababtay in gogosha mar kale dib loo dhigo, iyadoo aan la is horfariisan, gogoshaan Itoobiya ayaa codsatay in dib loo dhigo,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya ay sidaan oo kale ugu fashilantay gogol ay dhigtay Kenya, “Gogol bilow aheyd oo Nairobi ka furantay ayay Itoobiya dib u dhigtay, kadibna waa ku guul-dareysatay, “waxaan rajeynayaa tana in aysan lamid noqon gogoshii hore, oo aysan ka bixin balantii aan lasoo galnay walaalaheena Turkiga,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa mar kale ku celiyey in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed aysan wax colaad ama naceyb ah u qabin shacabka Itoobiyaanka ah, balse madaxda dalkaas ayuu ugu baaqayo inay u hoggaansamaan sharciga iyo deris wanaagga, “Shacabka Itoobiya waxaan u rajeynayaa in ilaahey ka saaro dhibaatooyinka heysta,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Soomaaliya oo hortaagan baarlamaanka dalka ayaa si cad u sheegay in Itoobiya ay diiday inay ku dhaqanto sharciga, “Inta si derisnimo ah noogu timid wali nagalama hadlin arrimaha maanta taagan, hadana nasiib darro meel kasta ayey wareegayaan, iyagoo dhahaya Soomaaliya nala heshiisiiya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Kenya

0

Gaarisa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo maanta ciidamada milatariga dowladda Kenya iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ku dhex maray qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo howlgallo ka waday xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay isku dhaceen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaas, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay  sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Inta ka xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay ugu yaraan illaa 5 xubnood oo isugu jiro labada dhinac, waxaana sii dheer khasaare dhaawac ah oo intaas ka badan.

Labada dhinac ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalka, waxaana mid kastaa uu baahiyay inuu jab gaarsiiyay garabka kale, balse ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashadooda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aagga lagu dagaalamay ee xadka waddamada Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya oo ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya ayaa weeraro kala kulanta kooxda Al-Shabaab oo badana beegsata deegaanada dhaca xadka labada waddan.

Muddooyinkii u dambeeyay weerarada Al-Shabaab ee Waqooyi Bari ayaa sii kordhayay, waxaana sidoo kale gobolka ciidamo badan oo milatari ah kusoo daabushay Kenya, si ay u xaqiijiyaan amniga guud ee waddankaasi.

Xogta howl-gal culus oo Al-Shabaab looga qabsaday deegaan istaraatiiji ah

0

Kismaayo (Caasimada Online) – ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland oo is kaashanaya ayaa kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaan istaraatiiji ah oo lagu magacaabo Filfile.

Deegaankan laga qabsaday kooxda ayaa dhaca waqooyiga deegaanka Buulaxaaji ee gobolka Jubbada Hoose oo sina dhowaan laga xoreeyey Khawaraijta.

Saraakiisha ciidanka howl-galka sameeyey ayaa sheegay in deegaankaas uu Shabaab-ka u ahaa meel ay xoolaha baadda ah uga qaadaan dadka shacabka ah, islamarkaana ay ka gaysteen dhibaatooyin badan.

Saraakiisha hoggaamineysa howl-galkaan ayaa sidoo kale waxay sheegeen in ay sii wadi doonaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo weli deegaano badan ugu harsan maamulka Jubbaland.

Wejiga koowaad ee dagaalka ayaa markii uu bilowday laga gaaray guullo wax ku ool ah, ayada oo ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan ay dagaal adag la galeen kooxda, iyaga oo ka xoreeyay deegaan iyo degmooyin muhiim ah.

Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa inuu si rasmi ah looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda ku xoogan tahay.

Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa xilligaan maraya meel xasaasi ah, waxaana socda dadaallo horleh oo dowladda ku dardar-gelinayso howl-gallada ka dhanka ah kooxda oo muddooyinkii dambe uu gaabis ku yimid.

Wararkii ugu dambeeyay duqeynta Israel ee GAZA + Khasaaraha

Gaza (Caasimada Online) – Ugu yaraan 16 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerar cirka ah oo ay ciidamada Isra’il Sabtidi ku bartilmaameed-sadeen dhisme iskuul oo ay ku noolyihiin qoysas barakac ah bartamaha Gaza.

Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in madaafiicda cirka ee lagu garaacay iskuulka Al Nuseyrat ay sidoo kale ku dhaawacmeen in ka badan 50 ruux oo Falastiiniyiin ah. Isra’il ayaa weerarka ku sheegtay mid ay ku bartilmaameedsatay malleeshiyaadka.

Milatariga Isra’il waxay sheegeen in ay taxaddir dheeraad ah muujiyeen ka hor inta aysan weerarka fulinin, si bay yiraahdeen ay u yareeyaan khasaaraha rayidka, isla markaana u duqeeyaan malleeshiyo ay ku sheegeen in ay aaggaasi kasoo weerareyeen. Hase yeeshee Xamaas ayaa beenisay in dagaalyahannadeedu aysan halkaasi joogin.

Waaxda caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 24-ki saac ee lasoo dhaafay ay ciidamada Isra’il duqeyn ku dileen ugu yaraan 29 qof oo Falastiiniyiin ah, halka ay dhaawaceen in ka badan 100 qof.

Dagaalka sagaalka bil socda ee Gaza, ayaa la xaqiijiyay in tirada dadka ay Isra’il dishay ay gaareen in ka badan 38,000 oo ruux oo u badan dumar iyo carruur.

War cusub oo kasoo kordhay wada-hadalka DF iyo Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay wada-hadalka la sheegay in lala galayo kooxda Al-Shabaab, waxaana arrintan si faah-faahsan uga hadlay madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta daah-furay kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, kadibna khudbad u jeediyay xildhibaanada labada Gole.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa beeniyay in dowladda federaalka ay haatan waddo qorshe guud oo wada-hadal lagula galayo kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in aanay jirin wax ajende ah oo ay dowladda Soomaaliyeed ka leedahay arrintaasi.

Madaxweynaha ayaa gebi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ku aadan wada-hadalka labada dhinac oo maalmihii dambe ay tabineysay warbaahinta.

“Ma jiro qorshe aan wadno oo wada-hadal kula galeyno argagixisada oo aqoonsaneynba dowladda Soomaaliyeed, arrintaas waxaan rabaa inaan caddeeyo ma’aha mid jirto” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu ku hadlay dagaalka ay dowladdiisa kula jirto kooxaha Khawaarijta, isaga oo sheegay in guullo waa wayn laga gaaray, isla markaana sanadkan imtixitaanka shahaadiga ah lagu galay degmooyin dhawaan uun laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna ballan qaaday inay sii wadi doonaan howlgallada xoreynta ee ka socda dalka.

“Waxaan kusii socon doonaa la dagaallanka Al-Shabaab, illaa dalkeenna oo xor ka noqono” ayuu sii raaciyay madaxweynuhu.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday dalka, isaga oo sheegay inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab, balse ay ka hortegi doonaan, si loo nabadeeyo deegaanada ay haatan kasoo cusboonaadeen dagaallada sokeeye.

Beryahan dagaallo sokeeyo oo ahli ah ayaa kusoo noqnoqday deegaanada qaarkood waa qayb kamid ah qorshaha cadowga argagixisada oo rabta iska horkeenidda shacabkeenna, si aan uga jeesano ka xoreynta dalka Khawaarijta, taasina ma dhaceyso dalkeena waa nabadeyneynaa Khawaarijta dagaalkeedana waan waa wadeynaa” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay wadaan guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo haatan ka socda inta badan gobollada dalka.