26.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Xasan Sheekh oo war culus kasoo saaray doorashada 2026-ka iyo dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, labadiisa Aqal ayaa ka hadlay arrimo ku aadan doorashooyinka iyo dastuurka dalka.

Xasan Sheekh ayaa ku adkeystay in doorasho qof iyo cod ah uu qabanayo 2026-ka, si ay codadkooda u dhiibtaan dadka Soomaaliyeed, una soo doortaan hoggaankooda.

“Maanta waxaa nalaga sugaa inaan daka u jiheyno doorasho toos ah oo qof iyo cod ah oo guud ahaan shacabka qaybihiisa kala duwan siisa fursad ay ku codeeyaan iyaga oo xor ah, waana siineynaa shacabkeenna fursaddaas, insha allah” ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan fursad ay wax ku dooran karaan, laguna dooran karo, si looga gudbo doorashooyinkii dadbanaa ee soo maray Soomaaloya.

“Waxaan kusii siqeynaa in muwaadinka Soomaaliyeed uu helo fursad uu wax kuu dooran karo, laguna dooran karo, waxaan filayaa in doorashooyinkii dadbanaa aanay ahayn kuwa loo xiiso qabo” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday arinta dastuurka isagoo baarlamaanka ku boggaadiyay tallaabado ay u qaadeen dhameystirkiisa, mudd 12 sano ah kadib.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay sii wadi doonaan doodaha ku saabsan arrimaha dastuurka, si loo dhameystiro qodobada kale ee weli harsan.

“Waxaa kale oo iyadana ahmiyad wayn ah leh sii wadida cutubyada ka dhiman dastuurka, si uu dalka uga baxo hubanti la’aanta dastuuriga ah” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli ay taagan tahay cabashada kasoo yeereyso xubnaha mucaaradka iyo Puntland oo kasoo horjeestay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan doorashada soo socota iyo tallaabada loo qaaday wax ka beddelka dastuurka dalka.

Xildhibaanada mucaaradka ee barlamanka oo soo saaray go’aanno culus (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwooda mucaaradka ah ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo ay kusoo aadiyeen furitaanka kalfadhigooda 5-aad.

Xildhibaannadan oo sheegay inay shilrar ku yeesheen Muqdisho ayaa soo saaray go’aanno culus oo ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen wax-qabad la’aan.

Maxamed Ibraahim Macallimuu oo kamid ah xildhibaannadaas ayaa akhriyay warsaxaafadeed ay soo saareen, kaas oo ay ku sheegeen in la joogo waqtigii isla xisaabtanka, meeshana looga saari lahaa isku milanka baarlamaanka iyo xukuumadda.

“Kadib kulamo in muddo ah u socday xildhibaanno badan oo ka tirsan labada gole ee BFS ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeen in la gaaray xilligii si dhab loo sixi lahaa isku milanka taaba galay hay’adaha fulinta iyo xeer dajinta, taas oo ay ugu wacnayd guddoonka baarlamaanka oo garan waayay shaqadii ahayd in lala xisaabtamo xukuumadda ” ayuu yiri.

Macallimuu ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in la marin habaabiyay shaqadii muhiimka ahayd ee wasaaradda arrimaha dibadda, ayan jiraan heshiisyo sharci darro ah oo lasoo galay.

“Waxay hay’adda fulinta marin habaabisay siyaasadii arrimaha dibadda waxay xukuumaddu gashay heshiisyo caalami ah oo aan loo marin dariiiqii sharcigaa ahaa” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu yiri “Waxaa la baabi’iyay ciidamadii qalabka sida, waxaana cadowga loo loogay saraakiil geesiyaal ahaa, taas oo Soomaalida oo dhan ay marqaati ka tahay”.

Dhinaca kale waxa uu tilmaamay in uu kasii daray musuq-maasuqa ka dhex jira hay’adaha dowladda, ayna jiraan shirkado gaar ah oo lagu wareejiyay shaqadii laga rabay dowladda.

“Waxaa laba lixaadsaday musuq-maasuqa hay’adaha dowladda dhexdooda, ayada oo la abuuray shirkado gaar loo leeyahay oo aan ku imaan hab daah-furan, kuwaas oo qabanayo adeegyadii ay dowladda u xilsaarnayd, ayada oo ujeedka uu yahay in lagu naas nuujiyo shaqsiyaad saaxib gaar ah la ah madaxda dalka” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Macallimuu.

Ugu dambeyn waxay xildhibaannadan hoosta ka xariiqeen in xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza oo ku fashilinatay shaqadii loo igmaday iyo ballan-qaadyadii ay horay u horgeysay baarlamaanka Soomaaliyeed.

“Xukuumadda fadhiidka ah ee isku magacowday Dan-qaran ee ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre waxa ay ku guul darreysatay hirgelinta ballanqaadyadii iyo qorshayaasha ay laba sano kahor soo hordhigeen baarlamaanka Soomaaliya” ayuu kusii daray xildhibaanku

Axmed Madoobe oo qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka ka socda degmada LUUQ

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay ee ku aadan dagaal beeleedka haatan ka socda gudaha degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa ugu horreyntii baaq nabadeed u diray beelaha ku diriraya oo uu dagaalkoodu sababay dhimasho, dhaawac iyo in la gubo suuqii weynaa ee degmadaasi.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in xilligan aan loo baahneyn dagaal dhex mara beelaha walaalaha ah, ayada oo xaalad ag markii hore ka jirtay gobolka.

“Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay tahay wax aan loo baahnayn dagaalka u dhexeeya dadka walaalaha ah ee ku nool degmada luuq iyadoo dadka deegaanka ay kasoo kabanayaan saamaynta fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay sanadkii hore walina ay jirto saamaynta ay xaaladaas ku reebtay nolosha bulshada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhibaatada ka dhalatay colaaddan ay saameyneyo dhinacyada dagaalamaya iyo dadka rayidka ah ee degan magaalada.

“Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in khasaaraha ka dhashay dagaalkan ee naf iyo maalba leh ay taabanayso dhammaan dhinacyada loona baahan yahay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo joojiyo dagaalka” ayaa lasii raaciyay.

Axmed Madoobe ayaa dhinac kale digniin u diray ciidamada ku sugan Gedo ee ku biiraya dagaalka, isaga oo sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono.

“Madaxweynahu wuxuu digniin adag u diray askarta ku milmaysa shaqaaqadan isagoo xusay in askariga ku lug yeesha dagaalkan talaabo adag laga qaadi doono” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu danbayn madaxweynaha Jubbaland ayaa faray maamulka gobolka Gedo, kan Degmada luuq iyo hay’adaha amniga oo kaashanaya odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay u istaagan sidii shaqaaqadan loo joojin lahaa.

Dagaalka Luuq oo shalay soo bilowday ayaa u dhexeeyo labada beelood oo wada dega degmadaasi, wuxuuna sababay khasaare xoogan iyo barakaca dadka deegaanka.

Madaxweyne Xasan oo u jawaabay Abiy: Itoobiya iyadaa cuneysa oo cabaadeysa

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad u jeediyay labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag ugu jawaabay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo dhowaan ka hadlay xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiska uu la galay Somaliland.

Abiy Axmed ayaa markale ku celiyay muhiimada ay Itoobiyaanka u leedahay helitaanka bad, isaggoo xusay in xitaa Soomaaliya ay badda kaga beddelan karto wax soo saarkooda khudaarta.

“in qarashka dowladda Soomaaliya uga baxaya safarka dibadda uu ku wanaagsan yahay dhismaha iskuul ku fadhiya 1KM oo Muqdisho laga dhiso oo ay ka faa’iideystaan shacabka waxaad imaan kartaan Addis Ababa, diyaar ayaa u nahay in aan idinla hadalno, mana rabno in Soomaaliya burburto ama kala qeybsanto,” ayuu horay u yiri ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabay hadalkaas ayaa sheegay in waxa wareegaya caalamka ay tahay Itoobiya oo khaladka gashay, wuxuuna ku eedeeyay inay jebisay darisnimadii iyo xeerarka caalamiga ah ee looga dhaqmo adduunka.

“Dowladda Itoobiya iyadaa caalamka wareegeysa iyada oo ka carareysaa qaladkii ay shalay gashay ee diblumaasiyadeed iyo kii xeerarka caalamiga ahaa ee dunida ilbaxa ah ay ku dhaqanto maanta” ayuu ku jawaabay madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Itoobiya aanay weligeed Soomaaliya ugu imaanin darisnimo iyo wanaag, isla markaana ay weli diidan tahay waddada saxda ah.

“Shalay iyada ayaa jebisay darisnimadii iyo ku dhaqanka xeerarka caalamiga ah, maantana iyada ayaa weli diidan inaan u noqono waddada saxda ah. Itoobiya weligeed inta darisnimo noogu timaaday nagalama hadlin arrimaha maanta taagan nasiib darro iyadaa wareegeyso oo leh hanala heshiisiiyo Soomaaliya” ayuu kusii daray madaxweynuhu.

Sidoo kale waxa uu yiri “Soomaaliya ma’aha midda xadgudubtay ama diidan heshiis, xaalka Itoobiya waa hasha iyadaa cuneyso oo cabaadeyso., Soomaaliya waxay diyaar u tahay nabad iyo heshiis”.

Madaxweynaha oo soo hadal qaaday wada-hadalladii ka dhacay dalka Turkiga ayaa sheegay in ay ku yimaadeen dalab ka yimid Itoobiya, isla markaana ay isla iyada fashilisay, isaga oo sheegay inay diiday inay ka laabato mowqifkeeda ku aadan heshiiska badda.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay u diyaar u tahay heshiis, nabad iyo darisnimo, si loogu wada noolaado xasilooni waarta.

Ciidamada dowladda oo ku biiray dagaalka LUUQ iyo xaalada oo faraha ka baxday

0

Luuq (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa xaaladda kacsan ee degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana mar kale dib uga qarxay goordhow dagaal culus oo u dhexeeyo maleeshiyaad beeleed ku wada sugan halkaasi.

Dagaalka ayaa sii weynaanayo, waxaana uu ku sii fidayaa goobo horleh ayada oo la’isku adeegsanayo hub culus, sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka

Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac Shimbir oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Luuq ay ka billowdeen isku dhacyo qabiil isla markaana dad badan oo ay ku jiraan haween lagu dilay shaqaaqooyin ka dhacay halkaasi.

“Xaaladda gobolka Gedo xoogaa isku dhac qabiil ayaa ka jiro laba beelood oo dadkii meesha daganaa ah ayaa isku dhacay dadna waa la laayay illaa 4 qof meelahaas, guryo badana waa la gubay” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalka uu yeeshay weji cusub, ayna ku biireen ciidamadii joogay degmada Luuq, kadib markii ay lasoo safteen dhinacyada dagaalamaya.

“Dhibaatada ugu wayn ee meesha ka jirto waxaa weeye ciidamo dowladeed ayaa joogo oo milatari u badan oo meesha fariisin ku lahayn oo fasax ku jooga iyagaa shidada daraf ka ah oo qabiilka la socda haddii lasoo duu duubo intaas ayaa meesha ka jirta” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dambiga dadka kama wada dhexeeyo dadbaa gaystay waana la garanayaa, iyaga ayaana qaadayo mas’uuliyadda”.

Guddoomiye Cabdullahi Shimbir ayaa ugu dambeyn baaq nabadeed u diray dhinacyada dagaalamaya, wuxuuna ka codsaday inay ilaaliyaan nabadda iyo darisnimada.

Waxaa ugu baaqayaa shacabka xasiloonida iyo deganaashaha inay ilaaliyaan dagaal waxba micno ma sameynaayo, waxaana dhihi lahaa nabadda ilaaliya” ayuu mar kale yiri.

Dagaalkan sii xoogeysanaya ayaa ka bilowday laba askari oo kamid ahaa ciidamada jooga halkaas, kuwaas oo murmay ayada oo mid kamid ah goobta lagu dilay, sida ay sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Kadib xaaladda ayaa kasii dartay waxaana la gubay suuqii weynaa ee degmada iyo kaam barakac oo ku yaalla halkaasi, taas oo keentay in dagaalku uu yeesho saameyn xoogan.

Si kastaba, xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana gurmadyo helayo dhinacyada dagaalamaya oo haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada qaybo kamid ah gobolka Gedo.

Yaa Muqdisho kasoo dejiyay hubkii cuslaa ee ay soo bandhigtay dowladda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dabaal-degii 1-da Luulyo kusoo bandhigtay hubkii ugu cuslaa oo ay qeyb ka yihiin gadiid gaashaman, taasi oo lagu muujinayay isbeddelka awoodeeda ee ciidanka Soomaaliya.

Ciidamada ayaa maalintaas sameeyay bandhig cajiib ah oo lagu muujinayo qiimaha maalinta xoriyadda dalka, kaasi oo lagu soo bandhigay gaadiidka dagaalka iyo ciidamo aad u diyaarsan oo dhuulatus sameynaya.

Gaadiidka gaashaman iyo hubka maalintaas lagu soo bandhigay dabaal-degga ayaa waxaa inta badan dowladda Soomaaliya ku taageeray dalka Turkiga oo kasoo dejiyay magaalada Muqdisho, sida uu maanta shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo maanta ka qeyb-galay munaasabadda xiritaanka qalin-jabinta dufcadda 6-aad ee leyliga saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu tababaray dugsiga Turksom, ayaa dowladda Turkiga ku ammaanay kaalmada ay siiso dalkeenna.

Waxa uu sheegay in Turkiga uusan dano gaar ah ka laheyn kaalmada ballaaran ee uu la garab joogo dowladda Soomaaliya, ayna mar uun u abaal-gudi doonto Soomaalida.

“Waxay nagu garab istaageen qalab oo furimaha la joogno oo maalin dhaweydna soo bandhigeynay, sidoo kale Turkiga wuxuu nagu garab istaagay goobta dagaalka. Waa walaalo naga mudan mahad-celin, oo sharaf iyo karaamo u hayno. Maalin maalmaha kamid ah Ilaahay idinkii umadda Soomaaliyeed waa u abaal-gudi doonta dalka Turkiga,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa xusay in dalalka qaar ee kaalmeeya dalkeenna ay ka leeyihiin dano gaar ah, halka uu middaasi ka duway Turkiga oo uu ku tilmaamay “walaalka dhabta ah ee Soomaaliya leedahay”.

“Kaalmo badan xargo badan ayaa gadaal uga xiran oo mar walba dhinac loo jiidayo, laakiin midda Turkiga sharaf iyo karaamo ayaa la jirta. Xargo gaar ah iyo dano gaar ah oo diblomaasiyadeenna iyo dowladnimadeenna lagu kala dhantaalayo ama lagu hagayo kuma jirto,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Ra’iisul wasaare Xamza oo 4 qodob kala hadlay dhiggiisa dalka Ciraaq + Sawirro

0

Baqdaad (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo haatan ku sugan dalka Ciraaq ayaa maanta soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Xukuumadda ee Baqdaad, wuxuuna kadib kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa wadkdanaasi Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani.

Labada ra’iisul wasaare kulankooda waxa ay kaga wada-hadleen afar qodob oo ka ah xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada dal.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Xamza ayaa dhiggiisa la wadaagay horumarada ay gaartay dowladda Soomaaliyeed ee ku aadan amniga, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada oo halis ku haya labada dowladda.

Kulamada ayaa sii socon doonaan ayada oo diiradda lagu saari doono sii xoojinta iskaashiga ka dhexeeya xukuumadaha Muqdisho iyo Baqdaad, si ay u yeesheen xiriir ballaaran.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha waxaa ka mid ah wasiirrada arrimaha dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi, maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cig  Isbeddelka Cimillada Marwo Khadiija Maxamed Al—Makhzoumi iyo taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Wasiirada ayaa sidoo kale kulamo duceedyo la yeelan doono wasiirada dhiggooda ah ee Ciraaq, si ay uga wada-hadleen arrimaha quseeya wasaaradahooda iyo wada shaqeyn dhex marta labada dhinac.

Ra’iisul wasaaraha ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay safaro ku bixinayay qaar kamid ah waddamada saaxibka la ah Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyay booqashadii uu dhowaan ku tegay dalka dariska ah ee Kenya.

Waxaa sidoo kale oo uu ubaxay safaro kale oo dibadeed, isaga oo ka qayb-galayay shirar caalami ah oo uu ku metalay dowladda federaalka aha ee Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan diiradda saartay horumarinta xiriirka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda, ayada oo door muuqda ku leh fagaareyaasha caalamka, si ay wax ula qaybsato dalalka lamid ah ee dhiggeeda.

Laftagareen iyo James Swan oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta qaabilay Ergeyga kumeel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Lafta gareen iyo Swan ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan siyaasada, amniga, mashaariicda, bini’aadanimada iyo daadejinta adeegyada dowladda.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo kulanka ka hadlay ayaa faah-faahiyeen qodobada ay ka wada-hadleen labada dhinac, isaga oo uga mahadceliyey Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan Booqashadiisa Magaalada Baydhabo iyo taageerada ay la garab taagan yihiin dowlada iyo shacabka Koonfur Galbeed.

“Waxaan ka wada-hadalnay arrimaha samafarka iyo gargaarka iyo sidii wax looga qaban lahaa culeysyada soo noq-nqoday, sidaas oo kale waxaan ka wada-hadalnay arrimaha amniga iyo la dagaallanka argagixisada” ayuu yiri madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka wada-hadeen in laga wada shaqeeyo dowladnimada iyo in horay loo socdo, si loo gaaro Soomaaliya oo barwaaqo iyo ami ah.

“Waxaan kale oo aan isla garanay in laga wada shaqeeyo hormarada dowladda, horayna loo socdo wax allaala wixii wanaag ahna la taaba geliyo” ayuu sii raaciyay madaxweynuhu.

Kulankan waxaa madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ku wehlinayey Wasiiro, La Taliyaal iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed.

Maalmihii u dambeeyay James Swan oo mar kale loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa waday kulamo wada tashi ah oo uu la qaadanay madaxda Soomaaliyeed, si hore loogu wada shaqeynta dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo Qaramada Midoobay.

 

Ciidanka DF oo la wareegay degaano laga soo abaabuli jiray weerarada Al-Shabab

0

Xudur (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka sameeyay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kaas oo ay guullo ka sheegteen saraakiisha milatariga.

Ciidamada ayaa howlgalkan ku gaaray deegaano ay horay u joogeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana la wareegay Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 9-aad ee fadhigoodu yahay degmada Xudur.

Deegaanada ay la wareegeen ciidamada dowladda oo dhaca galbeedka magaaladaasi ayaa kala ah deegaanada Eedanow iyo Ceelahaley oo ay horay fariisin ugu lahaayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan aaggaasi ayaa sheegay in deegaanada ay wareegeen laga soo abaabuli jiraan weerarada ay Al-Shabaab kusoo qaadaan aagga degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalladooda, ujeedkana uu yahay in Al-Shabaab ay ka sifeeyaan meelaha ay ka joogaan gobolka.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guula ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka.  Xaaladda ayaa weli ah mid aa u kacsan, ayada oo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo halkaasi.

Xudur ayaa kamid ah magaalooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab oo gacanta ku haya inta badan deegaanada hoostaga degmadaasi.

Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inuu dhowaan ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, kaas oo ujeedka uu yahay in looga xoreeyo gobollada Baay iyo Bakool.

Doorashada madaxtinimada IRAN oo lagu kala baxay – Yaa ku guuleystay?

Tehran (Caasimada Online) – Mascuud Bezeshkiyaan oo ah qunyar-socod ah aanan magac weyn ku laheyn siyaasadda Iran ayaa ku guuleystay doorashadi ku celiska aheyd ee Jimcihi shalay ka dhacday dalka Iran.

Wasaaradda arrimaha gudaha Iran ayaa maanta ku dhowaaqday in Pezeshkian doorashada kaga guuleystay Saciid Jalili oo ah murashax taageero buuxda ka heystay hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran.

Madaxweynaha la doortay ayaa helay codad dhan 16.3 milyan, halka Jalili uu keenay 13.5 milyan oo cod. Wasaaradda gudaha Iran waxay sheegtay, in guud ahaan ay codadkooda dhiibteen ilaa 30 milyan oo ruux.

Pezeshkian oo ballan qaaday inuu Iran u furi doono dunida inteeda kale isla markaana gaarsiin doono shacabka xorriyadda ay in badan ku taamayeen, ayaa ah dhaqtar 69 jir ah oo ku taqasusay qalliinka wadnaha.

Wuxuu sidoo kale horay u ballan qaaday inuu horumarin doono siyaasad dibadeed oo dhab ah, si uu u yareeyo xiisadaha wada-xaajoodyada hadda hakadka ku jira ee quwadaha waaweyn ee khuseeya soo nooleynta heshiiskii nukliyeerka ee 2015.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay taageerayaasha Pezeshkian oo waddooyinka ku qoob-ciyaaraha halka qaarkoodna ay yeerinayeen hoonka baabuurta dhowr magaalo oo waddanka ka tirsan.

Magaalada uu kasoo jeedo ee Urmia ee dhacda waqooyigalbeed ee Iran, dadweynaha ayaa qeybinayay macmacaan si ay u muujiyaan farxadda doorasho u muuqato inuu ku guuleystay wiilka degmadooda.

Doorashadan ayaa aheyd mid waqtigeeda laga soo hormariyay, kaddib marki uu shil helikobtar ku geeriyooday madaxweynihi hore ee Iran Ibrahim Ra’iisi.

Howlgal culus oo ka socda waddada Balcad iyo Jowhar

Balcad (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ka bilaabay inta u dhexeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamadan oo dhawaan la wareegay xeryihii ay halkaas ku lahaayeen ciidamada ATMIS ayaa haatan howlgallo ka wada halkaasi, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Ujeedka ayaa ah in ciidamadu ay xaqiijiyaan amniga waddadaas oo ay inta badan weeraro dhabagal ah ka fuliyaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ayaa sheegay inay gaareen deegaano horleh, isla markaana ay isku furi doonaan waddooyinka Balcad iyo Jowhar, si loo xaqiijiyo amniga.

Al-Shabaab ayaa ku sugan deegaanada u dhexeeya labadan magaallo, waxayna taasi saameyn ku yeelatay isku socodka tooska ah ee caasimada Muqdisho iyo HirShabelle.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Balcad oo ah halka ay ka dhaqaaqeen ciidanka dowladda.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa weli ka socoda guluf ka dhan ah Al-Shabaab, waana halka uu ka billowday wajiga koowaad dagaalka ay hoggaamineyso dowladda Soomaaliya

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay LUUQ laguna gubay…

0

Luuq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan dagaal beeleed uu kasoo cusboonaaday gudaha degmada Luuq ee gobolkaasi, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo mid hantiyeed.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa Jimcihii shalay ka qarxay bartamaha magaalada, waxaana illaa iyo hadda dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa gudaha magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka bilowday laba askari oo kamid ahaa ciidamada deegaanka kuwaas oo murmay, ayada oo goobta lagu dilay mid kamid ah, sida ay sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ugaas Cabdirashiid Ugaas Bilow Ugaas Xandulle oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee deegaanka ayaa VOA uga warramay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in dagaalka lagu dilay ugu yaraan 5 qof oo ay ku jiraan hooyo iyo gabadheeda, sidoo kale a la dhaawacay saddex qof oo kale.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in la gubay suuqii weynaa ee degmada iyo kaam barakac oo ku yaalla halkaasi, kadib markii ay faraha ka baxday xaaladda guud.

“Waxaa dhacday marka in la gubo ay meel kaam ah oo dad barakacayaal ah ay dagan yihiin adigu dhimashadu waa illaa 5 qof iyo 3 dhaawac ah ayaa la sheegayaa waxaa kale oo la gubay Bacadlihii waynaa ee magaalada” ayuu yiri Ugaas Cabdirashiid Ugaas Bilow.

Dhinaca kale waxa uu tilmaamay in dagaalkan kahor Luuq ay ka taagnayd xiisad ka dhalatay muran ka dhashay dhul ku yaalla degmadaas oo ay isku qabsadeen 3 beelood.

“Maalmahan dhul baa la’isku haystay magaalada dhexdeeda oo beel baa lahayd anagaa lahayn, laba beel oo kalena waxa dheheen waxbaa ka leenahay” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn Ugaas Cabdirashiid Ugaas Bilow ayaa baaq nabadeed u diray dhinacyada isku haya degmada Luuq, wuxuuna ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan, ayna wada-hadlaan.

Annaga haddii aan nahay odayaasha waxaan ku baaqeynaa in la joojiyo dagaalka iyo dhibaatada kasoo korortay degmada Luuq” ayuu mar kale yiri Ugaas Cabdirashiid.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana is horfadhiya maleeshiyaadka ku dagaalamay halkasi, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka iyo kan Jubbaland.

Yaa kusoo baxay maanta doorashadii dalka IRAN?

Tehran (Caasimada Online) – Mascuud Bezeshkiyaan oo ah qunyar-socod ah aanan magac weyn ku laheyn siyaasadda Iran, ayaa ku guuleystay doorashadi ku celiska aheyd ee Jimcihi shalay ka dhacday dalka Iran.

Wasaaradda arrimaha gudaha Iran ayaa aroornimadi hore ee Sabtidi saakay shaacisay, in Pezeshkian doorashada kaga guuleystay Saciid Jalili oo ah murashax taageero buuxda ka heystay hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran.

Madaxweynaha la doortay ayaa helay codad dhan 16.3 milyan, halka Jalili uu keenay 13.5 milyan oo cod. Wasaaradda gudaha Iran waxay sheegtay, in guud ahaan ay codadkooda dhiibteen ilaa 30 milyan oo ruux.

Pezeshkian oo ballan qaaday inuu Iran u furi doono dunida inteeda kale isla markaana gaarsiin doono shacabka xorriyadda ay in badan ku taamayeen, ayaa ah dhaqtar 69 jir ah oo ku taqasusay qalliinka wadnaha.

Wuxuu sidoo kale horay u ballan qaaday inuu horumarin doono siyaasad dibadeed oo dhab ah, si uu u yareeyo xiisadaha wada-xaajoodyada hadda hakadka ku jira ee quwadaha waaweyn ee khuseeya soo nooleynta heshiiskii nukliyeerka ee 2015.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay taageerayaasha Pezeshkian oo waddooyinka ku qoob-ciyaaraha halka qaarkoodna ay yeerinayeen hoonka baabuurta dhowr magaalo oo waddanka ka tirsan.

Magaalada uu kasoo jeedo ee Urmia ee dhacda waqooyigalbeed ee Iran, dadweynaha ayaa qeybinayay macmacaan si ay u muujiyaan farxadda doorasho u muuqato inuu ku guuleystay wiilka degmadooda.

Doorashadan ayaa aheyd mid waqtigeeda laga soo hormariyay, kaddib marki uu shil helikobtar ku geeriyooday madaxweynihi hore ee Iran Ibrahim Ra’iisi.

Kalfadhiga BF oo maanta furmaya iyo Xasan Sheekh oo khudbad ka jeedinaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta oo Sabti ahi waxaa xarunta golaha shacabka ee Villa Hargeysa ka furmaya kalfadhigga 5-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furaya kalfadhigga, isagoo ka jeedi doona khudbad la wada sugayo.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in kulanka maanta uu ka jeediyo khudbad xasaasi ah, wuxuu mar kale si adag uga hadli doonaa damaca Itoobiya uga jira badda Soomaaliya iyo arrimo kale oo masiiri ah, sida dastuurka.

Maalmaha soo socda waxaa dib u bilaabaneysa doodii dastuurka, baarlamaanka Soomaaliya ayaa qorsheynaya inay meel mariyaan cutubyo hor leh, ilaa 5 cutub ayaa hadda diyaarsan, kuwaas oo golaha la marsii doono maalmaha soo socda, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaciyay in kalfdhiyada soo socda ee baarlamaanka lagu dhameystiri doono arrimaha dastuurka, xilli ay xiisad xooggan ka dhalatey 4-tii cutub ee baarlamaanku horey u meel-mariyay.

Aadan Madoobe oo ka gaabsaday inuu shaaciyo qodobadda sida gaarka ah loo horgeynayo baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay inay yihiin kuwo muhiim ah oo qeyb ka ah dhameystirka dastuurka.

“Mudaneyaasha waxay xilliyada soo socda ka doodi doonaan hindise sharciyeedyo wax ku ool ah oo gaaraya illaa 14,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka qeyb-galay wareysi siiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kal-fadhiyadii hore lagu ansixiyay shuruuc badan oo ay kamid ahaayeen la-dagaalanka argagixisada, kuwo khuseeyay arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo kuwo kale.

Guddoomiyaha ayaa uu ugu dambeyntiina wuxuu faray shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan cadowgooda, isla markaana ay gacan wax ku ool ah ka geystaan horumarka dalka.

Daawo: Xasan Sheekh oo shaaciyey arrin ay Soomaalidu ku gudi karto abaalka Turkiga

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay abaalka ay dowladda Turkiga u gashay Soomaaliya, hadalkaan ayuu maanta Xasan Sheekh ka jeediyey xarunta TurkSom ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday in Soomaaliya ay maalin un gudi doonto abaalka ay u gashay dowladda Turkiga, isagoo ku amaanay sida ay goor kasta u garab taagan yihiin qaranimada Soomaaliya.

“Turkigu xili adag ayey nagu dhiirigeliyeen inaan wax qabsa karno, waxay nala soo garab istaageen agab, qalab iyo aqoon, maalintii aan difaac o baahanay oo cadow nagu habsaday inaan iska dul qaadno aan go’aansanay waa nasoo garab istaageen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dowlado badan ay taageeraan Soomaaliya, balse Turkigu uu Soomaalida kaga dhowyahay dowladaha dhan, isagoo ku amaanay sida ay u dhowraan sharafta iyo karaamada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Walaalaha Turkiga waxay naga gacan siiyeen dhinacyo badan sida dagaalka Khawaarijta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedna way u abaal celin doonaan Turkiga goor ay ahaataba, Soomaalidu waa dad ku haboon in abaal la gashado,” Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay dadka Soomaaliyeed ee u safra dalka Turkiga inay dhowraan sharciga, sharafta iyo karaamada ay ka mudan yihiin dadka Turkida ah, si lamid ah sida ay u dhowreen shatciga iyo kala dambeynta Soomaaliya.

“Abaalka ay Turkigu noogaleen waxaan ugu gudi karnaa in waxa ay na bareen aan si fiican uga faa’iideysano iyo markii aan dalkooda tagno in kala dambeyn aan muujino oo dhaqankooda iyo shuruucda dalkooda aan aad u dhowrno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa maanta hadalkaan ka jeediyey dugsiga tababarada ciidanka xoogga dalka ee TurkSom, halkaas oo tababar uu ugu soo xiray dufcadii 6-aad oo saraakiil Gorgor ah, kuwaas oo sanado uu tababar culus uga socda dugsiga TurkSom, madaxweynaha ayaa saraakiishaan kula dardaarmay in furimaha dagaalka ay wax badan ka bedelaan.

Hoos ka daawo

Somaliland oo sheegtay in natiijo aan laga gaareyn wada-hadallada DF iyo Itoobiya

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland oo ka hadashay wada-hadallada maalmihii lasoo dhaafay Ankara ku dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya ee natiijo la’aanta kusoo idlaaday ayaa sheegay in wadadaas aan wax looga qaban karin xaaladda taagan.

Wakiilka Somaliland ee Kenya Maxamed Barwaani ayaa sheegay in Itoobiya aysan aheyn cidda wax bixisay ee ay tahay Somaliland, sidaas darteedna lagama maarman tahay in lala hadlo Somaliland haddii walaac laga qabo heshiiska badda.

“Waxaanu u aragnaa in xalka meel aanu ku jirin laga dayayo, hadii xalka meel aanu ku jirin laga dayana waligeed lama gaarayo,” ayuu yiri Barwaani oo la hadlay idaacadda BBC.

Waxa uu intaas kusii daray “Somaliland iyada ayaa Itoobiya heshiis la gashay, iyada ayaa degan oo maamusha badda cas iyo gacanka. Marka inta Soomaaliya ay Itoobiya la hadlayso waa in ay Somaliland la hadasha, waayo anaga ayaa heshiiska galnay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay heshiis ka gaari karin ama wax is-fahan ah arrimaha gacanka cadmeed iyo badda Cas, oo uu ku dooday inay si toos ah u maamusho Somaliland, una madax-banaan tahay, wallow uu taasi caalamka u aqoonsaneyn.

Barwaani oo wax laga weydiiyay heshiiskii Soomaaliya iyo Jabuuti ku dhex-maray daba-yaaqadda sanadkii hore ayaa eedda dusha ka saaray dowladda dhexe, oo uu sheegay inay ka been abuuratay heshiiskaasi, ayna sheegtay in midnimo lagu heshiiyay, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda Soomaaliya iyadaa ka baxday heshiiska oo sheegtay in midnimo lagu heshiyya, sida si lamid ahna horey waxay Soomaaliya uga baxday dhamaan heshiisyadii la gaaray wada-hadalladdii hore ee labada dhinac.”

Wasiiradda arrimaha dibada ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo dhawaan isugu tegay dalka Turkiga ayaa wada-hadallo ay Ankara ku yeesheen ku kala kacay, ayada oo dowladda Turkiga sheegtay in markale la isugu soo laaban doono bisha September ee sanadkaan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa meel adag iska taagay qadiyadda madax-banaanida dalka, iyada oo diiday in dabac ka muujiso go’aankeeddii ahaa in marka hore ay Itoobiya ka laabato is-afgaradka Somaliland, taasi oo weli xukuumadda Abiy ay ka meer-maareyso.

Sawirro: Xasan oo tababar usoo xiray saraakiil sanado lagu diyaarinayay TURKSOM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar usoo xiray saraakiil iyo saraakiil xigeenno cusub oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Saraakiishan ayaa muddo saddex sanno ah lagu diyaarinayey dugsiga tababarka ciidamada ee TurkSom ee magaalada Muqdisho.

Saraakiisha iyo xiggeenada maanta loo soo xiray tababar ayaa ku soo biiray hoggaanka ciidanka dalka, iyada oo shahaadooyin iyo abbaal-marrinno kale guddoonsiiyay madaxweynuhu. Saraakiishan ayaa noqonaya dufcaddii 6-aad ee muddo sanado ah qaata tababar aqoon kororsi ah.

Madaxweynaha oo saraakiisha kala hadlay xaaladda dalka ee lagu jiro iyo howlaha muhiimka ah ee sugaya, isaggoo ku adkeeyay in ay si daacadnimo ah oo ay ku dheehan tahay Soomaalinimo u gutaan waajibaadka culus ee horyaalla.

“Qofku haddiyadda uu bixiyo waxaa ugu qaalisan naftiisa waxaadna dalkiina iyo dadkiina u hurteen noloshiina, sidaa daraadeed ogaada cadow aad u caqli liita ayaan dagaal kula jirnaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay saraakiisha tababarka dhameystay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay dowladda Turkiga iyo madaxweynahooda, isaggoo ku ammaanay in ay gacan weyn ka geysteen yagleelidda dhismaha dowlad Soomaaliyeed.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee maanta qallin-jabiyay ayaa isugu jira kuwo ka yimid ciidanka badda, dhulka iyo cirka.

Xiisadda dastuurka oo kasii dareysa iyo A/Madoobe oo shaaciyay arrin xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaciyay in kalfdhiyada soo socda ee baarlamaanka lagu dhameystiri doono arrimaha dastuurka, xilli ay xiisad xooggan ka dhalatey qodobaddii uu horey u meel-mariyay baarlamaanka.

Aadan Madoobe oo ka gaabsaday inuu shaaciyay qodobadda sida gaarka ah loo horgeynayo baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay inay yihiin kuwa muhiim ah oo qeyb ka ah dhameystirka dastuurka.

“Mudaneyaasha waxay xilliyada soo socda ka doodi doonaan hindise sharciyeedyo wax ku ool ah oo gaaraya illaa 14,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka qeyb-galay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kal-fadhiyadii hore lagu ansixiyay shuruuc badan oo ay kamid ahaayeen la-dagaalanka argagixisada, kuwo khuseeyay arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo kuwo kale.

Guddoomiyaha ayaa uu ugu dambeyntiina wuxuu faray shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan cadowgooda, islamarkaana ay gacan wax ku ool ah ka geystaan horumarka dalka.

Sida ay horey u baahisay Caasimada Online, furitaanka kal-fadhiga 5-aad ee baarlamaanka ayaa waxa qorshuhu yahay inuu meel-mariyo sharciyo dhowr ah oo kamid yahay kan doorashooyinka, guddiga doorashooyinka iyo xeerka lagu dhisayo iyo weliba sharciga axsaabta.

Madaxtooyadda oo gacan ka helaysa guddoonka baarlamaanka ayaa qorsheynaysa in sharciyadan ay marsato baarlamaanka marka la furo kal-fadhiga 5-aad, xilli ay xildhibaannada qaar muujinayaan saluug iyo balamihii hore loo fulin.

Villa Somalia ayaa horey u marsatay baarlamaanka afartii cutub ee dastuurka ee mucaaradka ka qeyliyay iyo heshiiskii Turkiga ee illaa hadda baarlamaanka aqoonin wax ku qoran, kuwaasi oo dhamaantood ku gacan isiyay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba, arrimahan ayaa uga sii dari doona xiisadda dastuurka ee u dhaxeysa madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha mucaaradka oo qeyb ka yihiin madaxweynayaashii hore ee dalka, kuwaasi oo meel adag qorshaha wax ka beddelka dastuurka ee gadaal ka riixeyso Villada.

Nin dil argagax leh Muqdisho ugu geystay soddohdiisa, dhaawaceyna xaaskiisa iyo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo argagax leh ayaa laga soo warinaya degmada Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaasi oo nin uu tooreey ku dilay soddohdiis.

Ninkan ayaa sidoo kale dhaawacay xaaskiisa iyo gabadh la dhalatay oo dumaashidii ah iyo nin oday ah oo la sheegay inuu ku baxay dadka uu leynayo, si uu uga qabto ninkaan oo illaa hadda la xaqiijin inuu madax ka jiranaa iyo inkale.

Ninka dilka geystay oo ahaa aabaha reerka, ayaa waxaa uu muran soo kala dhex galay xubnaha kale ee uu dilka iyo dhaawaca u geystay ee qoyskiisa kamidka ah.

Ninkan ayaa waxaa hadda gacanta ku haya laamaha amniga, iyada oo haweenka uu dhaawacay xaaladooda lagu dabiibayo gudaha degmada, halka qaar kalena loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Taliyaha ururka 1-aad ee Daraawiishta Koonfur Galbeed Xaashi Maxamuud Bulaale oo hoggaaminayay ciidankii ku baxay falkaan ayaa waxaa uu sheegay inay gacanta ku hayaan ninka dhibta geystay.

“Qof noocaas ah oo dhacdadaas sameeyay waa caafimaad qabay ani ahaantay isma lihi laakiin hadda waxaa ku socota baaris,” ayuu yiri Taliyaha oo la hadlay Shabelle Tv.

Waxa uu intaas kusii daray “Gargaar caafimaad ayaa loo fidiyay dhaawaca, inta badana Xamar ayaa loo soo qaaday.”

Taliyaha ayaa falkaan ku tilmaamay dhacdo ugub ah, “Waxaan isleeyahay xaaladan waa xaalad caafimaad darro ku imaan karta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay isaggoo ka argagaxay baaxada dhibta uu geystay ninkaan.

Dhacdooyinka argagax leh ayaa kusoo badanaya gudaha dalka, iyada oo bil ka hor Shabeellaha Hoose uu wiil dhalinyar ah ku dilay aabihii, halka uu sidoo kale dhaawacay hooyadii iyo walaashiis, si dhab ahna looma oga illaa hadda waxyaabaha keenaya falalkan noocan ah ee kusii kordhaya gudaha bulshada Soomaaliyeed.

Kadib dhex-dhexaadintii Soomaaliya iyo Itoobiya, Turkey oo qaaday tallaabo cusub

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa ku dhowaaqday inay diyaar u tahay dhex-dhexaadinta Ruushka iyo Ukraine, si loo soo afjaro colaadda daba dheeraatay, xilli maalmo kahor ay Ankara ku marti-gelisay wada-hadallo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha dowladda Turkiga, Racep Tayyip Erdogan ayaa u sheegay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin in Ankara ay diyaar u tahay in ay kaalin ka qaadato dhameynta colaadda Ruushka iyo Ukraine.

Hase ahaatee dalabka Erdogan ayaa waxaa ku gacan-seyray Ruushka, kadib markii afhayeen u hadlay Putin uu sheegay in Erdogan uusan dowr dhex-dhexaadineed ka ciyaari karin soo afjaridda dagaalka 28-ka bil socda.

Erdogan oo la hadlayay Putin mar ay ka wada qeyb-galeyeen shir madaxeedka Ururka Iskaashiga Shangahai ee (SCO) ee ka socda Kazakhstan ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in nabadeyn caddaalad ah oo ku habboon labada dhinac la sameyn karo.

Laakin afhayeenka Putin, Dmitry Peskov ayaa arrintaasi meesha ka saaray. Mar uu la hadlayay TV laga leeyahay Ruushka, ayuu sarkaalkan ku gaabsaday “Maya” suurtaga ma ahan.

Ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah oo ku aaddan sababta Ruushka uu ku diidayo in Turkiga uu dhex dhexaadiyo labada dhinac waa Kyiv iyo Mosco.

Madaxweyne Erdogan ayaa dhanka kale sheegay in isaga iyo Putin ay ka wada-hadleen dagaalka Gaza iyo sida ugu habboon ee loo soo gaba gabeyn karo colaadda Siiriya.