26.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Abiy Ahmed oo shaaciyay arrin ay Soomaaliya uga beddelan karto badda

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa markale ku celiyay muhiimada ay Itoobiyaanka u leedahay helitaanka bad, isaggoo xusay in xitaa Soomaaliya ay badda kaga beddelan karto wax soo saarkooda khudaarta.

Abiy ayaa si cad u sheegay in is-afgaradka Somaliland uusan aheyn xad-gudub ka dhan ah midnimada, wuxuuna sheegay in dalkiisa uu ixtiraamayo madax-banaanida Soomaaliya.

“Waxaad imaan kartaan Addis Ababa, diyaar ayaa u nahay in aan idinla hadalno, mana rabno in Soomaaliya burburto ama kala qeybsanto,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Itoobiya diyaar u tahay wax isdhaafsi, ayna ogoshahay in wax soo saarkeeda gudaha ay ku dhaafsato marin baddeedka ay rabto, si buu yiri kor loogu qaado wada noolaanshaha.

“Baahida ay Itoobiya qabto waa adeeg baddeed, taasina waxaan u mareynaa waddo nabad-galyo iyo wada-hadal. Soomaaliya iyo dalalka deriska waxay leeyihiin adege baddeed laakiin sida Itoobiya wax ma u beeran karaan, anagu waxaan nahay dhul caro-san iyo biyo badan leh,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Haddii Khudaarta noogu beddelaan biyaha badda waxba kuma jabna waa arrin ganacsi, waa mid faa’iido u ah guud ahaan gobolka iyo mustaqbalka caruurteenna. Haddii naloo diido tabashadayada in la dhageysto waxay noqon doonta mid xilligeeda sugto.”

Sidoo kale waxa uu ku dooday in Itoobiyaanka ay ka shaqeynayaan nabadeynta Soomaaliya, oo aysan ku howlaneyn taas bedelkeed, “Itoobiya ma rabto kala tega Soomaaliya; uma hurteen caruurteedii hadday taas rabto.”

Ugu dambeyntiina wuxuu ku taliyay “in qarashka dowladda Soomaaliya uga baxaya safarka dibadda uu ku wanaagsan yahay dhismaha iskuul ku fadhiya 1KM oo Muqdisho laga dhiso oo ay ka faa’iideystaan shacabka.”

Degmo qarka u saaran inay qabsato Al-Shabaab kadib hub la’aan soo wajahday

0

Xudur (Caasimada Online) – Degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxaa soo wajahday cabsi xaga amniga ah, xilli ay kooxda Al-Shabaab qarka u saaran yihiin inay la wareegaan gacan ku haynta degmada.

Sida uu sheegay guddoomiyaha Bakool waxay degmada iyo guud ahaan gobolka wajahayaa hub la’aan baahsan, midaasi oo sare u qaadeysa walaaca khatarta amni ee wajaheyso degmadaasi, oo horey u go’doomisay kooxda.

Sidoo kale wuxuu sheegay in kooxda ay fursad siinayaan dagaal beeleed ka taagan Bakool, halkii ay aheyd in argagixisada la isugu geeyo xoog iyo xoolaba, taasina ay kooxda u sahleyso inay si fudud ku qabsato degmada.

“Waxaan wajahaynaa khatar weyn oo ah in Al-shabaab ay la wareegaan, waxaa nagu hareereysan Al-shabaab, mana haysanno hub aan kula dagaalanno, khatar weyn ayaan ugu jirnaa in ay na dilaan maleeshiyaadka iyo maleeshiyo beeleedka” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tall.

Sidoo kale wuxuu dowladda federaalka ku dhaliilay inay ka gaabisay adkaynta amniga gobolka Bakool oo ay go’doomiyeen Shabaab, “dowladda waxba kama qaban sidii shacabka looga badbaadin lahaa dilalka joogtada ah ee dhacaya.”

Kooxda oo sanadkii hore lagu qaaday guluf culus ayaa lumisay magaalooyin istiraatiiji ah oo ku yaalla bartamah Soomaaliya, inkasta oo billooyinkii dambe uu si weyn hoos ugu dhaceen howl-gallada, midaasi oo fursad soo kabasho iyo isu-abaabul siisay kooxda.

Dowladda federaalka oo hadda wada dadaallo dhiig cusub loogu shubayo dagaalka Al-Shabaab, ayaa madaxweynaha wuxuu abaabul u tagey furinta, welina ma cadda xilliga uu bilaaban doono wejiga labaad ee howl-galka oo muhiim u ah xoreynta deegaanada ay kooxda ku xoogan tahay ee ku yaalla maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Britain oo maanta yeelatay Ra’iisul Wasaare cusub

London (Caasimada Online) – Boqorka UK, Charles III ayaa Jimcaha maanta ah si rasmi ah ugu magacaabay hoggaamiyaha Xisbiga Labor-ka Keir Starmer ra’iisul wasaaraha cusub ee Britain.

Sawirro laga sii daayey qasriga Buckingham Palace ayaa muujiyey Starmer oo gacan qaaday Boqorka, kadib markii xisbigiisa ay guul aqlabiyad xooggan leh ka gaareen doorashooyinkii dhacay Khamiistii.

Boqorka ayaa goor sii horeysay aqbalay is-casilaadda hoggaamiyaha Xisbiga Conservative-ka ra’iisul wasaare Rishi Sunak.

“Boqorku waxa uu maanta qaabilay mudane xildhibaan Sir Keir Starmer, wuxuuna ka codsaday in uu dowlad cusub soo dhiso,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay qasriga.

“Sir Keir wuu aqbalay soo jeedinta boqorka, wuxuuna dhunkaday gacmahiisa kadib markii loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha iyo Sayidka Koowaad ee Maaliyadda.”

Keir Starmer ayaa Jimcihii maanta balan qaaday in xukuumadiisa Labour-ka ay laga billaabo maalinta koowaad ka shaqeyn doonaan dib u cusboonaysiinta qaranka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ka hor inta uusan xafiiska la waareegin uu jeedi doono khudbaddii ugu horaysay isaga oo ra’iisal wasaare ah.

“Shaqada isbedelka si degdeg ah ayey u billaabmaysa. Laakiin shaki ha ka qabin, waxaan dib u dhisi doonnaa Britain,” ayuu yiri, ka dib markii Labour-ka uu soo afjaray 14 sano oo xukunkii Conservative-ka.

Ra’iisul Wasaare kasta oo dalka UK uu yeesho waa iska casilaa xilka, tan iyo wixii ka dambeeyey markii Britain ay ka baxday ururka Midowga Yurub, macada sababtu, laakiin waa caqabado soo wajaha nidaamka xukunka dalkaas.

Hadal Kheyre uu ku sheegay Minneapolis oo hadal hayn ka abuuray Mareykanka

Minneapolis (Caasimada Online) – Gudaha Mareykanka ayaa waxaa laga hadal hayaa khudbad uu jeediyay raysal wasaarihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, xilli uu ka qeybgalay munaasabadda 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Minneapolis.

Khayre ayaa ka hadlay ammaanna ujeediyay bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka ku dhaqan, gaar ahaanna xildhibaannada asal ahaan Soomaaliya kasoo jeeda.

Baaqyo ayuu usoo jeediyay dhalinyarada wax ku baratay halkaas, isagoo ku boorriyay inay dalkooda wax u bartaan.

Hase yeeshee, warbaahinta Mareykanka ayaa aad wax uga qoray qeyb ka mid ah khudbadda Khayre, taasoo uu ku ammaanay Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka.

“Xildhibaan Ilhaan Cumar oo magaca Soomaaliya qalin dahab ah ku qortay. Qaddiyadda Ilhaan ma aha mid Ilhaan, maha mid Minnesota, maaha mid reer Mareykan, qaddiyadda Ilhaan waa qaddiyad Soomaaliyeed. Guusha Ilhaan waa guusha Soomaaliyeed waxayna noo xambaarsan tahay macno weyn,” ayuu yiri Khayre.

“Waxaan idinka codsanayaa inaad hiil iyo hoo la garab istaagtaan, ku taageertaan codkiinna, deriskiinna, saaxiibbadiin iyo cid walboo aad taqaannaan u sheegtaan inay u codeeyaan Ilhaan,” ayuu intaa ku daray.

Maxaa loo hadal hayaa hadalka Khayre?

Koox korjoogteyn ah ayaa shalay cabasho ka gudbisay Ilhaan Cumar iyagoo ku eedeeyay inay anshaxa meel uga dhacday.

Ururka Isla xisaabtanka Mareykanka ee AAF ayaa sheegay in hadalka Khayre uu meel uga dhacayo sharciga ololaha doorashada heer federaal.

“Waxaan aad uga walaacsannahay isu soo baxa ololaha doorashada sharci-darrada ah ee Ilhaan ay la sameysay raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya. Ilhaan waxay leedahay taariikh dheer oo ah hadalladeeda muujinaya ku qanacsanaan la’aanta Mareykanka iyo u janjeeridda Soomaaliya, balse tan way ka shisheysaa hadallo,” ayay AAF ku sheegeen warkooda.

“Haatan ololaheeda waxaa ka dhacay in hoggaamiye ajnabi ah uu ku lug yeeshay doorasho Mareykan. Waa inay is casishaa si degdeg ah ayna soo celisaaa doollar walba oo loogu ururiyay isu soo baxeedan ceebta ah,” ayaa intaas la sii raaciyay.

Muxuu xafiiska Ilhaan ka yiri arrintan?

La taliyaha dhanka ololaha ee Ilhaan Cumar, David Mitrani ayaa hadalkaasi degdeg uga jawaabay, isagoo yiri, “Cabashadan anshaxa waa isku day kale oo kooxaha midig-fog ay ku waxyeeleynayaan haweeneyda Kongareeska.”

“Ololaha Ilhaan wax lug ah kuma laha codsashada, isku xirka, amaba ka shaqeynta ka qeybgalka Khayre amaba hadalladiisa, mana jirin in sharciga meel looga dhacay,” ayuu yiri.

AAF ayaa xafiiska anshaxa ee Kongareeska ka codsaday inuu baaritaan ku sameeyo Ilhaan.

Waxay ku eedeeyeen in Ilhaan ay “ku talogal u aqbashay kaoso muuqashada Khayre ee ololaheeda”. Sidoo kalena inuu cod u raadiyay Ilhaan.

Horraantii sanadkn, xildhibaan sare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ayaa ugu baaqay Ilhaan Cumar oo Congress-ka ku matasha gobolka Minnesota inay is casisho kadib khudbad ay ka jeedisay munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis.

Ilhaan Cumar oo 27-kii January hadal ka jeedisay xaflad ka dhacday magaalada Minneapolis oo loogu dabaal-degayay dib u doorashada madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tiri: “Intii aan aniga Congress-ka joogo biyaha Soomaaliya iyo baddeeda dad kale ma qaadanayaan. Waddanka Mareykankana kuma taageeraayo in dad kale ay annaga na dhacaan.”

Arrintan ayaa dood ka dhalisay gudaha Mareykanka, iyadoo dadka cambaareeyay hadalkeeda ay ku tilmaameen inay danaha Soomaaliya ka hormarisay kuwa Mareykanka.

“Hadallada carada leh ee Ilhaan Cumar ee Soomaaliya ay muhiimadda ku siisay waxay dharbaaxo wejiga looga dhuftay ku yihiin dadka Minnesota ee iyada loogu doortay inay u adeegto waxayna carqaladeyn toos ah ku yihiin dhaarteeda xafiiska,” ayuu yiri xildhibaan Tom Emmer oo qoraal uu soo dhigay bartiisa X. “Waa inay ceeb darteed isu casishaa,” ayuu sii raaciyay.

Ilhaan oo ah haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah ee Congress-ka loo doorto, ayaa ka hadashay arrinta la xirriirta khilaafka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyadoo sheegtay in “Mareykanku uusan taageersaneyn in Itoobiya ay qaadato dhul ka mid ah Soomaaliya”.

Muuqaalkeeda oo lasoo dhigay barta X ayaa waxaa daawaday malaayiin qof, waxaana aad loo hadal hayay gaar ahaan hadal loo tarjumay sidan: “Soomaali ahaan, mar baan ka daba tegi doonnaa dhulalka naga maqan.”

Ilhaan ayaa jawaab ay arrintaas uga bixisay barteeda X waxay ku tiri “Keliya maaha mid hal dhinac ah balse gebi ahaanba waa mid ujeeddada ka baxsan,” ayay tiri Ilhaan.

Isha: BBC

Dhacdo argagax leh: Nasra oo muddo la weysnaa oo meydkeeda laga dhex helay…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Gabadh yar oo da’deeda lagu sheegay sagaal sano jir in ay ahayd isla markaana la la’aa nolol iyo geeri muddo bil ka badan ayaa meydkeeda laga helay meel miyi ah oo u dhow degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

Gabadha oo ehelkeedu sheegeen in ay habowday ayaa muddo laga baadi goobayay dhulka howdka ah, iyado raadinteedana ay ka qayb qaateen boqollaal dad iyo gaadiid ah oo isugu jira ehelo iyo laamaha ammaanka ee deegaanka.

Gabadha yar oo lagu magacaabayay Nasro Cabdillaahi Aadan ayaa xilliga ay habaabeysay sidatay jeeg ay caano ku jiran oo loogu dhiibay guri ehelada ah oo aan aqalka ay joogtay ka fogeyn balse ay hareer martay.

Ugu dambeyn waxaa soo helay ama arkay nin geel- baadigoobayay kaas oo ugu dambeyn dhawaaqa geerida ee Nasra soo gaarsiiyay ehelada iyo maamulka deegaanka.

Dadkii halkaa tagay waxaa ka mid ahaa Xasan Maxamed Cilmi (Dhiidhaco) oo ah taliyaha saldhiga Xarfo ee Puntland waxaana uu markii horeba kamid ah dadkii raadinayay Nasra muddada ay maqneyd isaga oo BBC-da uga warramay wixii ay soo arkeen.

“Hawdka lagasoo helay meydka gabadha waa meeshii ugu dambeysay raadkeeda, anaguna waan ka raadinnay ilaa shan boqol oo qof wey galeen hawdkaas balse cid Meesha ay taallay weli tiri waan maray ma jirin, agagaarradeeda oo dhan waalla maray oo laga raadiyay oo ugu dambeyn geel-jirahan ayaa soo arkay”, ayuu yiri taliye Dhiidhaco.

Taliyuhu waxa uu sheegay in uu kusoo war geliyay laamaha ammaanka iyo ehelada intii uu yaqaannay maadaama ninku uu ahaa qof deggeen deegaanka isla markaana ogaa gabadha maqan ee la baadi goobayay.

“Meesha waxa aan ugu tagnay meydkii gabadha oo kala daatay iyada oo qalfoof noqotay waxa ay Meesha taallay in kabadan bil, waxa saarnaa dharkeediiwaxa saarnaa dharkeedii waxaana ag yaallay jeeggii caanaha ee ay la habowday”, ayuu sii raaciyay Xasan Maxamed Cilmi (Dhiidhaco) taliyaha saldhiga Xarfo ee Puntland.

Waxa uu tilmaamay in meeshu ay tahay hawd ciriiri ah isla markaana ay gawaarida dhigteen meel ka yara durugsan halka uu yaallay meydka Nasra Cabdillaahi oo ay gudaha hawdka ku lugeeyeen taas oo ay adkeyd in si caadi ah loogu dhex socdo.

Aabbaha dhalay Nasra oo BBC-da la hadlay ayaa laftiisu sheegay in baadi goobka gabadhu uu in muddo ah socday balse ugu dambeyn ay heleen warka ah in lasoo arkay meydkii gabadhiisa.

Waxa uu sidoo kale faah-faahin ka bixiyay sababta keentay geerida gabadha iyo haddii ay jiraan baaritaanno arrinkaa ku saabsan oo la smaeeyay.

“Gabadha yar waxa ay ku nooleyd meel miyi ah, kadib markii caanaha loogu dhiibtay guri kale oo eheladu ay deggenyihiin ayey habowday oo hareer martay gurigii uma maleyneyno in ay jirto sabab kale laakiin kaliya waxa ay u dhimatay harraad iyo gaajo”, ayuu yiri aabbe Cabdillaahi Aadan.

“Laamaha ammaanku waxa ay sameeyeen baaritaanno marka lagu daro wixii lasoo arkay iyo halka uu ku dambeeyay raadka gabadha ma jirto sabab kale oo inoo muuqata”, ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale waalidka Nasra waxa ay sheegeen in aysan jirin wax xanuun ah ama mid jireed ama mid dhimirka ahba oo ay ku ogaayeen in aysan jirin isla markaana ay caafimaad qabtay.

Dhinaca kale Xasan Maxamed Cilmi (Dhiidhaco) taliyaha saldhiga Xarfo ee Puntland waxa laftiisu sharraxay baaritaannada ay ku sameeyeen il aiyo haatan geerida Nasra Cabdillahi Aadan oo sagaal jir ahayd.

“Gabadhu waxa ay ahayd ilmo habaabay wadankuna hadda dhibaato amni kuma ogin, laakiin Meesha ay ku habowday ayaa ahayd hawd ciriiri ah oo aysan sahlaneyn in si fudud looga helo, Bacaadweyn Burtinle Galkacyo iyo meelo badan ayaa lagasoo gurmaday oo lawada raadiyay laakiin waxaa qorneyd in hadda lahelo”, ayuu yiri Taliye Dhiidhaco.

Nasra sida uu sheegay aabbihii dhalay waxa ay ahayd gabadh yar oo ku dhalatay kuna kortay miyiga isla markaana aan helin waxbarasho iyo fursadaha kale ee nolosha magaalada walow ay da’deedu aad u yareyd.

Isha: BBC

Xasan Sheekh iyo Al-siisi oo yeeshay wadahadal xasaasi ah, kadib markii Abiy uu ku…

Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka.

Sidoo kale labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay danaha ay wadijrka u wadaagaan Soomaaliya iyo Masar.

Labada Madaxweyne ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada shacab ee walaalaha ah.

Xasan Sheekh iyo Cabdulfataax Al-siisi wadahadalkooda ku muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amniga iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Cabdulfataax Al-siisi ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Soomaaliya munaasabadda 1-da Luulyo ee Maalinta Qarannimada Soomaaliya.

Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi ayaa u rajeeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed horumar iyo amni.

Masar iyo Soomaaliya ayaa ah saaxiib dhow, waxayna labada dowladood ka mideysan yihiin dagaalka Itoobiya, mar kastana madaxweynayaasha labada dal waxay ka wadahadlaan sidii ay u samey lahaayeen iskaashi ka dhan ah Itoobiya.

Wadahadalka Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Masar ayaa ku soo aadaya xili maanta Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ka hadlay xiisada kala dhaxeysa Soomaaliya, isagoo Soomaaliya ka dalbaday inay wadahadal ogolaadaan, isla markaana ay qudaartooda uga bedeshaan badda.

Daawo: Qoor Qoor oo war culus ka soo saaray wajiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabaab

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ka qayb galay shirka Madasha Dadaallada Xasilinta & soo kabashada deg-degga ah ee deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab, isagoo ka hadlay qorshaha Galmudug uga degsan xoreynta deegaanada ku haray gacanta kooxda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab loo diyaar garoobay, dhowaana ay geli doonaan, isla markaana la xorey doono deegaano cusub.

“Galmudug waxay hoggaami doontaa wajiga labaad ee dagaalka Khawaarijta, deegaano badan oo la xoreeyey ayaa la gaarsiiyey adeegyadii bulshada, deegaanada maqana waxaan isugu dari doonaa xoreyn iyo gurmad aan gaarsii doono shacabka ku dhibaateysan,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.

Wuxuu sheegay in Galmudug ay ka faa’iideysatay wajigii koowaad ee dagaalka oo lagu xoreeyey dhul badan, deegaanada xortaha wuxuu sheegay Madaxweynuhu inay gaartay dabeyl caafimaad, “inta aan xorta aheyn waxaa naga go’an inaan cadowga ka dulqaado, si ay bulshadooda uga mid noqdaan oo nolol u helaan,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dowladda federaalka ku amaanay sida ay uga go’antahay in Shabaab laga ciribtiro dalka, isagoo balan ku qaaday in Galmudug ay ka faa’iideysa doonto fursadda ay siineyso dowladda federaalka ee dalka looga xoreynayo argagixisada.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug ayuu madaxweynuhu kaga mahadceliyay howshii wanaagsaneed ee laga qabtay deegaannada laga xoreeyay kooxaha Khawaatijta ah, isagoo sheegay in dagaalku socon doono, kuwa kalana laga xoreyn doono argagixisada.

Shirka uu maanta Qoor Qoor hadalkaan ka jeediyey waxaa ka qayb galay wafdi ka socday Beesha Caalamka, gaar ahaan UK, US-AiD, UNSOM, UNDP, IOM iyo ATMIS, waxaana shirkaan lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Hoos ka daawo

Abiy oo sheegay in hal saac lagu dhameyn karo khilaafka kala dhaxeeya Somalia – Sidee?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo maanta khudbad u jeediyay baarlamaanka dalkiisa ayaa wuxuu qeybo kamid ah uga hadlay xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya ee salka ku haysa is-afgaradkii ay la galeen Somaliland.

Abiy ayaa wuxuu sheegay in laga maarsami karey dagaalka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya ku qaaday Itoobiya, isaggoo ku tilmaamay “mid aan loo baahneyn” sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in hal saac lagu dhameyn karo khilaafka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna sheegay in aan loo baahneyn in Soomaaliya ay ku wareegto dalalka deriska iyo kuwa kale, iyadoo ka dacwoonaysa fara-gelinta Itoobiya ku hayso midnimada Soomaaliya.

“Aad ayay u sahlan tahay sababtoo ah wax dagaal ah oo aan la galnay dowladda Soomaaliya ma jirto, Laakiin taa beddelkeeda, dowladda Soomaaliya waxay dooratay inay adduunka kusoo wareegto oo na eedeyso,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Waxa uu intaas kusii daray “Taladaydu waa lacag ha khasaarinina – Ma jirto baahi loo qabo in lagu soo wareego waddamo kale si naloo dacweeyo, iyadoo ay suurta-gal tahay in Addis Ababa noogu timaadid.”

Wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin wada-hadal, isaggoo caddeeyay in Itoobiya ay ixtiraameyso madax-banaanida Soomaaliya, halka taas beddelkeeda ay ku foogan tahay xukuumaddiisa marka xaqiiqda loo soo daadago.

“Itoobiya ma rabto kala goynta Soomaaliya; uma hureen caruurteedii” hadday taas rabto,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Ugu dambeyntiina wuxuu ku taliyay “in qarashka dowladda Soomaaliya uga baxaya safarka dibadda uu ku wanaagsan yahay dhismaha iskuul ku fadhiya 1KM oo Muqdisho laga dhiso oo ay ka faa’iideystaan shacabka.”

Ma la gaaray xilligii wada-hadal lala gali lahaa argagixisada ka dagaalanta Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay waxaa xoogeystay wararka la xiriira inay bilaabanayaan wada-hadallo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo argagaxisada ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan isaggoo jooga waddanka Nairobi la weydiiyay in kiiska argagixisada gacan wada-hadal ah lagu fiirin karo waxa uu sheegay in wada-hadalku marwalba ku xiran yahay in labada dhinac diyaar yihiin.

Waxa uu sheegay in dowladdiisa ay marwalba diyaar u tahay xal, laakiin qadiyadda Shabaab-ka waxa uu sheegay in aanay aheyn mid maanta Soomaaliya keliya ku eg, balse ay tahay qadiyad caalami ah oo u baahan talo loo dhan yahay.

Jawaabtaas kadib dadka qaar ayaa xoojiyay inuu wada-hadal socdo, laba dhinac ayaa laga sheegay wada-hadalka, mid waa dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada, wada-hadalka labaad ee la sheegayna waa mid u dhaxeeya Mareykanka, Qatar iyo Shabaab.

Laakiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu markale asbuucan magaalada Muqdisho ka sheegay in aanu jirin wada-hadal ay dowladda federaalka kula jirto kooxaha argagixisada ah oo haatan socda.

Xasan Sheekh inuu intaas yiraahdo ama mowduucaas caddeeyo waxay faa’iido weyn u tahay dagaalka ay dadka Soomaaliyeed iyo ciidanka xoogga dalka kula jiraan kooxaha argagixisada. Haddii aanay dowladda intaas caddeyn lahayn waxaa la aaminsan yahay in guuxaasi si taban u saameyn lahaa dagaalka, niyada ciidanka iyo mowqifka qabiilada.

Soomaalida dhexdeeda iyo beesha caalamkaba waxaa durba bilaabatay in laga dooddo in la gaaray waqtigii arrinta argagixisada wada-hadal lagu dhameyn lahaa, iyaddoo uusan dagaal toos ah socon tobankii billood ee lasoo dhaafay.

Kooxda waxay weli haysataa dhul ballaaran, tusaale; deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland wax shaqo ah oo ka dhan ah kooxda lagama qaban, halkaas oo la aaminsan yahay inay ku dhuumanayaan madaxda kooxaha argagixisada.

Qaar kamid ah dadka Soomaaliyeed ayaa qaba in waqti milatari, mid afkaar iyo mid dhaqaale la galiyo in kooxda itaal ahaan loo sii wiiqo, si haddii mustaqbalka wada-hadal la galaayo uu gorgortanka u fududaado, haddii heshiiska ka baxaan oo ay khiyaamo sameeyaan aanay u noqon awood wax u dhimi karta dowladda Soomaaliya iyo dadkaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu horey u sheegay in uusan kooxda la hadli doonin illaa uu 80% wiiqo awooddooda, halkii uu madaxweynaha qabsaday weli lama gaarin, wuxuuna u baahan yahay inuu dhagaha ka fureysto fariimaha dowladdaha qaar ee caawinaya argagixisada ama dhaawacaya dagaalka.

Dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya taalla maanta waa argagixisada. Waxaana in kooxda lasii wiiqo ay kabi doonta guusha dowladnimada, waxayna abuuri doonta fursado lagu hormarin karo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

DF oo qorsheynaysa miisaaniyad 50% ka timaada hal dhinac

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in miisaaniyadda dalka ay sanadaha dhow 50 boqolkiiba ka timaado kalluumeysiga, waxaaa sidaas sheegay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Xamza ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad shalay ka dhacday Muqdisho, oo uu ku daah-furay “Toddobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in la joogo xilligii ay dadka Soomaaliyeed “ka faa’iideysan lahaayeen kheyraadka ceegaaga” badda Soomaaliya.

Waxa uu yiri, in xukuumadda ay qorsheynayso in sanadaha dhow 50% miisaaniyadda dalka ay ka timaaddo kalluumeysiga, taas oo haddii xoogga la saaro ka faa’iideysigeeda, buu yiri, wax weyn ka beddelaysa dhaqaalaha dalka.

Xamza ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgelin ku sameeyaan kalluumeysiga dalka, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha ka jira suuqyada caalamiga ah ee adduunka, islamarkaana ay dowladdu “xoogga saari doonto sidii loo dhisi lahaa kaabayaashii muhiimka ahaa ee dalka, gaar ahaan dekedo iyo waddooyin isku xira” xeebaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in xukuumadda ay ka shaqayso sidii loo heli lahaa Tamarta awood leh oo qiimo jaban, si maalgashigu u fududaado, dadka maalgashiga sameynayana u helaan koronto jaban.

Waxa uu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu “in ay ka difaacdaan dalkooda iyo hantidooda cadow walba oo isku daya in uu qaato, isaga oo xusuusiyey kaalintii ay haldoorka Soomaaliyeed ka soo qaateen difaaca dalka iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.”

Abiy oo ku adkeystay helitaanka bad iyo arrin cusub oo uu shaaciyay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo hadal ka jeediyay Aqalka Wakiillada ee baarlamanka Itoobiya ayaa ku adkeystay damaca helitaan bad.

Abiy ayaa markale ku celiyay in aan meesha laga saari karin damaca Itoobiya ee ah in hesho marin-badeed, isaggoo tilmaamay inay muhiim u tahay inuu dalkiisa galaan-gal u yeesho badda.

Waxa uu xusay in fursadaas ay bixisay Somaliland, oo horraantii sanadkaan uu Addis Ababa kula saxiixday heshiis u gacan galinay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, kaasi oo ay si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Abiy ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in tallaabooyinkii u dambeeyay ee Soomaaliya ku diidan tahay heshiiskan looga maarsami waayey in wada-hadal lala yeesho Itoobiyaanka.

“Dowladda Soomaaliya waxay tamar badan ku bixisay joojinta is-fahamka Somaliland iyo Itoobiya, balse laga maarmi waayay in madaxda Itoobiya ay wada-hadal la yeeshaan,” ayuu yiri Abiy Axmed.

Abiy ayaa iska fogeeyay inuu xoog wax ku raadinayo, isaggoo sheegay in Soomaaliya iyo dalalka deriska aysan cadow ku aheyn ee ay gaashaan u yihiin, ayna rabaan wada noolaansho walaaltinimo, sida uu hadalka u dhigay.

“Eritrea, Djibouti, Kenya, Sudan iyo Soomaaliya waa walaalaheen, mana rabno xanuun. Waxaan rabnaa inaan nabad ku noolaanno – dalkani waa dal weyn oo leh ciidan badad iyo dad badan. Itoobiyana waxay lamid tahay walaalka weyn oo gaashaan u ah dhammaan dalalkan oo dhan oo jiri doona waqtiyada ay u baahan yihiin, ee ma aha cudud bur-burin.”

Sidoo kale waxa uu ku dooday in Itoobiyaanka ay ka shaqeynayaan nabadeynta Soomaaliya, oo aysan ku howlaneyn taas bedelkeed, “Itoobiya ma rabto kala tega Soomaaliya; uma hurteen caruurteedii hadday taas rabto.”

Ugu dambeyntiina wuxuu ku dheeraaday wax ugu yeeray “xaq u lahaanshaha Itoobiya inay gasho badda”, isaggoo xusay inay Itoobiya diyaar u tahay in middaasi si nabad ah oo wada-hadal ah wax looga qabto.

Maalmo kahor ayay aheyd markii ay natiijo la’aan kusoo dhamaadeen wada-hadallo dalka Turkiga ku dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana la sugayaa tallaabada xigta ee Itoobiya ay qaadayso ee ku aaddan is-afgaradka Somaliland ay la gashay.

A/Madoobe oo qaaday jid xasaasi ah iyo arrin culus oo ka dhalaneysa go’aanka Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo fog ayaa la hadal hayay in hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) u bareeri doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu qaadi doono jid is-doorasho.

Kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran ee ka dhacay magaalada Muqdisho bishii May ee sanadkan ayaa lagu gaari waayay wax qorshe doorasho ah.

Madaxda maamullada qaar waxaa laga soo xigtay inay la yaabeen fur-cadi la’aanta Xasan Sheekh, taasina ay keeni karto inuu qof waliba tashado.

Madaxweyne Xasan Sheekh waa jiheyn waayey maamullada, waxaana loo badinayaa in uusan markii horeba laheyn wax siyaasad ah oo gaar ah oo maamullada ku saabsan, damiciisa ugu weyna uu ahaa inuu isagu kursi helo.

Axmed Madoobe wuxuu Talaadaddii laalay qodobkii 70-aad ee dastuurka maamulka, kaas oo xadidaayay inta jeer ee hal qof loo dooran karo hoggaanka maamulka Jubbaland.

Laba jeer ayuu markii hore ahaa qodobku, haddii sidaas loo raacana Axmed Madoobe markale ma noqon karo madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Golaha Wakiilada maamulka Jubbaland ee waqtigu ka dhamaaday ayaa muddo xileedka maamulka ka dhigay shan sano, halka uu markii hore ka ahaa afar sano, halka ay laaleen gebi ahaanba qodobkii xadidaayay inta jeer ee hal qof loo dooran karo hoggaanka maamulka Jubbaland, waxaana laga dhigay mid aan xadidneyn.

Waa baarlamaan aan sharciyad haysan oo sharciyad bixinaaya. Tan iyo markii dib loo doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dastuurka dalka ayaa noqday mid ay cid walba ku tumato, haddii uu yahay midka heerka federaal iyo midka maamullada, madaxweyne Xasan waxa uu lumiyay jiheyntii siyaasadda gudaha dalka.

Tallaabada uu Axmed Madoobe ku beddelay dastuurka Jubbaland waxaa ku xiga dhismaha guddiga doorashada ee Jubbaland, sida ay illo wareedyo muhiim ah noo xaqiijiyeen.

Guddigan ayaa la filayaa dhismihiisa inta lagu jiro bishan July, kadibna qorshaha Axmed Madoobe waa inuu qabsadaa doorasho uu kusoo laabanayo bartamaha bisha soo aadan ee August.

Bartimihii bishii May ee sanadkaan waxaan baahinay inuu madaxweyne Xasan Sheekh lixda billood ee soo aadan uu geli doono jahwareer siyaasadeed, maamulladuna ay isku tashi aadi doonaan, isna uu saaxiibo badan lumin doono, beesha caalamkuna ay jahwareer kala kulmi doonto arrimaha Soomaaliya, xalkuna uu ugu dambeyn noqon doono in madaxweyne Xasan Sheekh lagu qasbo inuu waaqica usoo laabto.

Jihada uu maanta Axmed Madoobe u dhaqaaqay ayaa dareen galineysa maamullada kale ee dalka. Waxaana la aaminsan yahay inuu Lafta-gareen noqon doono qofka labaad ee ku dhaqaaqa isku tashi doorasho.

Jeneraal Indha-Cadde oo war culus kasoo saaray dagaallada ka socda GALMUDUG

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo kamid ah saraakiishii hore ee ciidanka Xoogga dalka ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedyada dib uga soo cusboonaaday qaybo badan oo kamid ah deegaanada maamulka Galmudug.

Ugu horreyn Jeneraal Indha-Cadde ayaa wax laga xumaado ku tilaamay dhiigga walaalaha ee ku daadanayo gobollada dhexe ee dalka, isaga oo ugu baaqay in dhinacyada dagaalamaya ay ka cabsadaan Alle SWT.

Sidoo kale wuxuu beelaha is diriraya ka dalbaday inay xabadda joojiyaan oo wax kasta ay ku dhameeyaan miiska wada-hadalka, si looga hortago inay sii fogaato colaaddaasi.

“Waxaan ugu baaqeynaa dadka walaalaha ah inay iska daayaan dhiigga daadanayo waa arrin dhib badan waa arrin xun aayaha iyo nolosha mid adduun iyo mid aakhiro ku xun, sidaas aawgeed waxaan leenahay Ilaahey ka baqa” ayuu yiri Jeneraal Indha-Cadde.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Kitaabka Ilaahey ku dhaqma qofkii qof dila sharciga hala horgeeyo waxa uu ka helo ha qaato oo dariiqaas hala maro”.

Dhinaca kale waxa uu farriin culus u diray hoggaanka Galmudug, isaga oo ugu baaqay inay farogeliyaan dagaalladan kusii baahaya deegaanada maamulkaasi, si aysan xaaladda usii adkaan, wax kastana aysan fara uga bixin.

“Galmudug waxaan leeyahay in meel ay nabad noqoto, meelna dab ka shidmo way adag tahay, waxaad la socotaan inta meel uu dagaalka ka socdo Galmudug, waxaan ugu baaqeynaa dadka dagaalamaya inay dagaalladaasi joojiyaan waxba kama faa’iidayaan” ayuu mar kale yiri Indha Cadde.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay socdaan dadaallo nabadeed oo ay iska kaashanayaan madaxda sare ee maamulka Galmudug iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo lagu doonayo in nabad lagu kala dhex dhigo maleeshiyaadka dagaalamayola oo haatan lagu guuleystay in la kala dhex dhigo ciidamo, si aysan mar kale ugu dagaalameen gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo u dhoofay Ciraaq + Qorshaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq, waxaana garoonka Aadan Cadde kasii sagootiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Sda aan horay idin-kula wadaagnay xogta safarkan wuxuu ra’iisul wasaaruhu casuumaad rasmi ah ka helay madaxda sare ee Ciraaq oo ku marti qaaday dalkaasi, si ay u wada-hadlaan.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza ayaa lagu sheegay in Xamza oo uu la kulmi dooni dhiggiisa dalka Ciraaq Maxamed Shiyaac Al-Suudaani oo ay ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo adkeynta iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Ciraaq, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Ciraaq, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay qoraalka “Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Baghdad waxa uu kulamo la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq iyo madaxda kale ee dalkaasi, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada waddan”.

Sidoo kale madaxda labada waddan waxa ay si gaar ah wada-hadalladooda diiradda ugu saari doonaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo halis badan ku haya dalalka Ciraaq iyo Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay safaro ku bixinayay qaar kamid ah waddamada saaxibka la ah Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyay booqashadii uu dhowaan ku tegay dalka dariska ah ee Kenya.

Waxaa sidoo kale oo uu ubaxay safaro kale oo dibadeed, isaga oo ka qayb-galayay shirar caalami ah oo uu ku metalay dowladda federaalka aha ee Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan diiradda saartay horumarinta xiriirka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda, ayada oo door muuqda ku leh fagaareyaasha caalamka, si ay wax ula qaybsato dalalka lamid ah ee dhiggeeda.

Waa maxay taargada iyo leysinka cusub ee dawladda Somalia ay soo bandhigayso

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay soo bandhigayso taargooyinka gawaarida oo cusub iyo ruqsadda wadidda gaadiidka (Leysinka) oo isna cusub, kana duwan kuwa haatan la bixiyo.

Arrintaas waxaa BBC u xaqiijiyey agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Bashiir Macallin Cali Xasan. Wuxuu sheegay in wasaaraddu doonayso inay casriyeyso adeegyada xagga gaadiidka.

“Waxaan rabnaa in aan samayno taargo cusub oo noocyada kala duwan ee gaadiidka ay qaadan doonaan sida gaadiidka shacabka, kuwa ciidanka, kuwa safaaradaha, ambalasyada, mootooyinka, iyo bajaajyada, sidaa darteed waxaan rabnaa taargo cusub oo casri ah oo QR code leh oo kii gobolka leh, oo arrimihii amniga sugayey leh, calaamaddii dawladda dhexe iyo tii maamul goboleedkana ay saaran yihiin.”

Ujeeddada ugu weyn ee ay dawladdu ka leedahay in ay beddesho taargada hadda la isticmaalo ayuu sheegay agaasimaha guud ee inay tahay sababo la xiriira “ka hortagga argagixisada”.

“Argagixisadu waxay aad u isticmaalaan gaadiidka oo ay qaraxyada u adeegsadaan. Haddii uu nidaamkaan casriga ah hirgalo wuxuu meesha ka saarayaa gaadiidka qaraxyada loo adeegsado, waayo haddii xogta milkiilaha la hayo, taargada aan been abuur lagu samayn karin, waxay taas suurto galinaysaa in laga hor tago we erarrada argagixiso iyo falal dambiyeedyada, waxaana sahlanaanaysa in la suurto galiyo ka daba tagga dambiyada marista waddooyinka iyo fulinta ganaaxyada gaadiidka,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray taargada cusub ay tahay mid “habeenkii iftiimaysa marka gaariga meel la dhigo.”

Waxyaabaha kale ee cusub ee wasaaraddu ay soo rogtay waxaa ka mid ah in la beddeli doono “buugga gaariga” laguna beddeli doono hanaan kombiyuutar ku shaqyanaya oo lahaanshaha gaariga iyo xogta ruuxa leh la isku xirayo, kaasoo afka qalaad lagu yiraahdo “Vehicle identification card VIC”. “Xogta gaariga iyo tan qofka milkiilaha oo la isku daray laf lagu daabacay ayaa la yiraahdaa VIC, waana mid mishiinku akhrin karo,” ayuu sii raaciyey bashiir Macallin Cali.

Mar u ka hadlayey dhinaca khibradda ay u leeyihiin fulinta hawshan ayuu sheegay in dhallinyaro gudaha dalka wax ku bartay oo ay aqoontooda aad u dhiseen ay jiraan, ayadoo kuwii ugu damaabeeyey ay ahaayeen “23 shaqaale oo aan shiinaha u dirnay oo si fiican loo soo tababaray.” “shaqaale ku filan hawshan oo dhinac kasta ah waan u haysannaa. Sidoo kale qalab casri ah ayaan ugu tala galnay in aan shaqadan ku fulinno,” ayuu sii raaciyey.

Qorshahan oo dhawaan dhaqan gali doona sida uu mas’uulkaas sheegay ayaa waxaa kaloo ka mid ah Leysinka gawaarida lagu kaxeeyo ayuu sheegay inuu noqonayo mid nidaamka caalamiga ah waafaqsan. “Waxaan doonaynaa in leysinkeennu noqdo mid dunida ka shaqeeya, shuruudihiisana ay adag yihiin, ayadoo qofka darawalka ah la marinayo imtixaan ay tahay inuu ka soo gudbo, waxaanan rabnaa in leysankeennu la tartamo kuwa dalalka caalamka ee horumaray”.

Wuxuu kaloo sheegay Bashiir Macallin in ay isku xiri doonaan kaarka aqoonsiga qofka iyo leysinka kaxaynta gaadiidka. Wuxuu sheegay in leysinkaas, meel kasta oo qofku u tago, ay suurtogal tahay in la ogaado taariikhdiisa iyo xogtiisa.

Taargada gaadiidka ee hadda la isticmaalo ayaa ah mid muujinaysa lambarka gaariga oo kaliya, oo aan ahayn mid digital ah. Barnaamijkan ayaa sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada waxa uu dhaqan gali doonaa bisha Siteembar ee sannadkan.

Xogta dagaal culus oo maanta dhex-maray Al-Shabaab iyo ciidanka Kenya + Khasaaraha

0

Wajeer (Caasimada Online) –  Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo maanta ciidamada milatariga dowladda Kenya iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ku dhex maray qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan ismaamulka magaalada Wajeer ee dalkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay weerar dhabagal ah ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo mararayay duleedka magaalada Wajeer, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Saraaakiil u hadashay dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, ayna khasaare gaarsiiyeen xubnaha Al-Shabaab.

Ugu yaraan illaa 4 xubnood ayaa kooxda Al-Shabaab looga dilay dagaalka, halka ciidamada Kenya dhankooda uu ka dhintay hal askari, mid kalena uu ku dhaawacmay, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa nawaaxiga magaalada Gaarisa oo ah halka lagu dagaalamay.

Kenya oo ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya ayaa weeraro kala kulanta kooxda Al-Shabaab oo badana beegsata deegaanada dhaca xadka labada waddan.

Muddooyinkii u dambeeyay weerarada Al-Shabaab ee Waqooyi Bari ayaa sii kordhayay, waxaana sidoo kale gobolka ciidamo badan oo milatari ah kusoo daabushay Kenya, si ay u xaqiijiyaan amniga guud ee waddankaasi.

Madaxweyne Biden oo wacad ku maray in uusan ka hari doonin…

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wacad ku maray inuu baaqi ku sii ahaan doono tartanka doorashada madaxtinimada ee dalkan ka qabsoomi doonta shanta bisha Novmeber ee sannadkaan.

Biden ayaa hadalkaasi ka shanqariyay xilli uu gelinkii danbe ee Arbacadi shalay khadka telefoonka ku wacay kooxda hormuudka u ah ololihiisa doorashada.

Arrintan ayaa u muuqata mid uu madaxweyne Biden dib ugu xaqiijinayo Dimoqraadiyiinta Aqalka Koongareeska in uu diyaar u yahay dib u doorasho, maalmo yar kaddib marki ay qaar badan oo kamid ah taageerayaasha xisbigiisa ay wal-waleen bandhigiisii dood uu Khamiisti hore la galay madaxweynihi isaga ka horreeyay Donald Trump.

Laba xubin oo magacyadooda qariyay oo og wicitaanka uu Biden wacay shalay xubnaha ololoihiisa doorashada ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay, in uu u sheegay in uusan ka tanazuleyn tartanka doorashada.

Email uu goor danbe oo shalay ah u diray taageerayaashiisa ayuu Biden sidoo kale ku yiri “Qofna ima riixayo, mana ihi qof baxayo. Tartanka waa kusii jiri doonaa ilaa dhamaadka.”

Madaweyne Biden wuxuu sidoo kale Arbacadii si toos ah iyo qaabka online-ka ahba ula kulmay ilaa 24 guddoomiye iyo duqa magaalada Washington, D.C. oo dhammaantood dimoqraadi ah, si uu ugu xaqiijiyo in ay ka go’antahay musharaxnimada xisbiga.

Saddex ka mid ah guddoomiyaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa taageeray madaxweyne Biden. Hase yeeshee in badan oo kamid ah siyaasiyiinta xisbiga Dimoqraadiga ayaa saluugsan da’da madaxweynaha.

Xamza oo su’aal ka keenay miyir-qabka Muuse Biixi

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa su’aal geliyay miyir-qabka Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, xilli magaalada Muqdisho shalay ka daah furay Toddobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayey qorshaha Itoobiya ku dooneyso inayu ku qaadato dhulka iyo badda Soomaaliya ayuu sheegay in arrintaasi aysan yeeli doonin dadka Soomaaliyeed, ayna dhacday in dadka Gobollada Waqooyi ay ka horjeesteen.

“Madax Soomaali ah qaar ka mida ayey ka suuroobeen wax aan la fileyn, waxaana heerkaas na gaarsiiyey inaan 3- sano hoos u soconnay, caqligeenii, hankeenii iyo qabkeenii burburayey…. laakiin haddii ay in khaldantay, qaar kale ayaa miyir qaba,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Mar uu si toos ah u soo qaaday Muuse Biixi ayuu sheegay inuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada cirka dowladii Soomaaliya ee Kacaanka, wuxuuna soo qaatay sheeko dhex martay nin diblomaasi ah iyo Muuse Biixi.

“Diblomaasi la kulmay Muuse Biixi ayaa ii sheegay inuu mar ay kulmeen muddo saacad barkeed ah ugu faanay dagaalkii 1977, balse markii uu weydiiyay inuu xilligaas khaldanaa oo hadda uu saxsan yahay, ay dhacday inuu aad u xaqaanay Muuse Biixi… markii uu miyir qabo…”

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya wuxuu mar kale caddeeyay inaan marna la aqbali doonin damaca Itoobiya ku dooneyso inay dhul Soomaaliyeed ku qabsato.

Waxa uu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu in ay ka difaacdaan dalkooda iyo hantidooda cadow walba oo isku daya in uu qaato, isaga oo xusuusiyey kaalintii ay haldoorka Soomaaliyeed ka soo qaateen difaaca dalka iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

XOG: Ra’iisul wasaare Xamza oo u baxayo safar dibadeed + Dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in maanta ay safar dibadeed u baxaan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kusii jeeda magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq, kadib casuumaad uu ka helay madaxda sare ee dalkaasi Carbeed.

Xamza waxaa socdaalkan ku wehlin doono xubno kamid ah golihiisa wasiirada iyo qaar kamid ah howlwadeennada xafiiskiisa, ayag oo wada-hadallo lasoo yeelan doono madaxda dowladda Ciraaq.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadli doono arrimo ku aadan xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga Soomaaliya iyo Ciraaq.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxda labada waddan ay si gaar ah wada-hadalladooda diiradda ugu saari doonaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo halis badan ku haya dalalka Ciraaq iyo Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay safaro ku bixinayay qaar kamid ah waddamada saaxibka la ah Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyay booqashadii uu dhowaan ku tegay dalka dariska ah ee Kenya.

Waxaa sidoo kale oo uu ubaxay safaro kale oo dibadeed, isaga oo ka qayb-galayay shirar caalami ah oo uu ku metalay dowladda federaalka aha ee Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan diiradda saartay horumarinta xiriirka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda, ayada oo door muuqda ku leh fagaareyaasha caalamka, si ay wax ula qaybsato dalalka lamid ah ee dhiggeeda.

Xasan oo farriin culus ka soo diray furimaha dagaalka

Wargaadhi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan furimaha dagaalka ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa soo diray farrin uu ciwaankeedu yahay “SOOMAALIYA WAA AY KA GUULEYSANEYSAA CADOWGA KHAWAARIJTA AH ALLE IDAMKII.”

Madaxweynaha oo shalay iyo maanta ku sugnaa deegaanka Wargaadhi ayaa u kuur-galay xaaladda Ciidamada Qalabka Sida iyo furimaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa deegaanka Wargaadhi ee Shabeelaha Dhexe kulamo kula qaatay odeyaasha dhaqanka, saraakiisha ciidamada iyo hormuudka bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Odeyaasha Wargaadhi, doorkooda ku aaddan xoreynta deegaannada ay gobolka kaga harsan yihiin Al-Shabaab.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa dadka reer Wargaadhi uga warbixiyey sida ay dowladdu u diyaarisay qalabka, gaadiidka, xarummaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray Saldhigga Milatari ee laga hirgeliyey deegaanka Wargaadhi, kaas oo aad u weyn una fududeynaya Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed baahiyaha farsamo ee muhiimka u ah jiidda hore ee dagaalka iyo dhammaystirka howlgalka dalka lagaga xoreynayo kooxaha argagixisada ah.

Xasan Sheekh ayaa mar kale Tuutaha u xirtay halganka xoreynta dalka, waxaa socda qorshe dib loogu abaabulayo dagaalka, waxaana dhowaan la qorsheeyey in dhowr jiho ay ciidamadu ka dhaqaaqaan, si loo gaaro goobaha ay Al-Shabaab kala dhuumaaleysanayaan gobollada dhexe ee dalka.

Madaxweynaha ayaa dhageystay baahiyaha ay qabaan ciidamada xoogga dalka ee u baxay baacsiga Khawaarijta, wuxuuna saraakiisha siiyey waajibaad dagaal, si dalka looga xoreeyo kooxaha argagixisada ah.