27.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Ciidamada DF oo maanta fuliyey howlgal Shabaab looga dilay dagaalyahano badan

Bariire (Caasimada Online) – Howlgal lagu dilay maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay gobolka Sh/Hoose, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka wasaaradda gaashanadhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in la dilay 10 xubnood oo Shabaab ah, iyadoo howlgalkaas lagu dhaawacay tiro kale.

Howlgalka oo ahaa sifeyn ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay maanta ka fuliyeen deegaanka Nuur-Gare oo u dhow deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  ayaa dardargaliyay howlagalada isdaba-jooga ah ee dalka looga ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee dhibaatada ku hayay shacabka ku nool gobolka Sh/Hoose iyo guud ahaan dalka,” ayuu yiri Sheekh Abuukar Afhayeenka Militeriga Soomaaliya oo ku sugan deegaanadii uu maanta howlgalku ka dhacay.

Howlgalkaan ayaa soo bilowday shalay subax sida uu sheegay Sheekh Abuukar, waxaana kooxda looga sifeeyey dhul baaxadiisu ku dhowdahay 100 KM, kooxda Al-Shabaab ayaa isaga firxatay deegaanadii ay ciidamadu cagta mariyeen.

Afhayeenka oo xalay shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Doonka ee Sh/Hoose ayaa yiri, “Saakay waxaan ka dhaqaaqnay degmada Afgooye, sidoo kale ciidan kale ayaa ka soo dhaqaaqay Walaweyn, waxaan howlgalka ugu culus ka fulinay deegaanka Waraaboole, gaadiid 20 gaaraya oo Khawaarijtu ay baad ka rabeen ayaan ka sii deynay halkaas.”

Afhayeenka ayaa sheegay in 300 oo doolar oo baad ah ay Shabaab ka rabeen gaadiidkaas, isla markaana ay halkaas ku xayirnaayeen maalmo badan, balse xogta ay heleen ciidamada qaranka ayaa fududeysay in gaadiidkaas lagu soo furto howlgalkaan.

“Howlgaladii maanta waxaa lagu qabtay dhagarqabayaal la tuhunsanaa inay ka tirsan yihiin Khawaarijta, waxaana loo gudbinayaa cadaaladda, caawa waxaan joognaa deegaanka Doonka oo Khawaarijtu ay baad uga qaada jirtay dadka shacabka ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Abuukar oo shir jaraa’id qabtay xalay.

 

Xogta dhaq-dhaqaaqyo uu madaxweyne Xasan ka bilaabay furinta + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaq-dhaqaaqyo xooggan ka wada furinta hore ee dagaalka, kadib markii uu shalay gaaray deegaanka Wargaadhi ee Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha oo u kuur-galaya xaaladda ciidamada qalabka sida iyo furimaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa deegaankaas kulan kula qaatay odayaasha dhaqanka iyo hormuudka bulshada deegaanka.

Mudane Xasan ayaa kala hadlay odayaasha Wargaadhi doorkooda ku aaddan xoreynta deegaannada ay gobolka kaga harsan yihiin kooxda Al-Shabaab, isaggoo xusay sida dowladdu ay u diyaarisay qalabka, gaadiidka, xarummaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa xoreynta dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray saldhigga milatari ee laga hirgeliyey deegaankan oo u fududeynaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed baahiyaha farsamo ee muhiimka u ah jiidda hore ee dagaalka.

Saldhigan ayaa waxa kale oo muhiim aad u yahay dhammaystirka howl-galka dalka lagaga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, kaasi uu hadda dardar-gelinayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhawaan ayaa filayaa inuu si rasmi ah u bilowdo wejiga labaad ee dagaalka oo dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid, kaasi oo kooxda siisay nafis ay dib isugu soo abaabuli karaan, ayaga oo weeraro rogaal celin ku qaaday deegaano horey looga qabsaday.

Wejiga koowaad ee dagaalka ayaa markii uu bilowday laga gaaray guullo wax ku ool ah, ayada oo ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan ay dagaal adag la galeen kooxda, iyaga oo ka xoreeyay deegaan iyo degmooyin muhiim ah.

Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa in kooxda looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda weli ku xoogan tahay.

Xasan oo sheegay in aysan muuqan ifafaalo Itoobiya uga laabaneyso heshiiska badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay wada-hadalladii maalmo kahor lagu kala kacay ee ka dhacay Ankara ayaa sheegay in aanay jirin wax muujinaya in Itoobiya ay dib uga laabanayso heshiiskii badda ee ay la gaartay Somaliland.

Xasan ayaa waxa uu sheegay in Itoobiya ay iyadu dalbatay in Turkiga oo saaaxiib dhow la’ah Soomaaliya uu dhex-dhexaadiyo xiisadda kala dhaxeysa dowladda federaalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Itoobiya ay illaa hadda qaadin tallaabo muujinaysa in heshiiskaasi is-afgarad ay ka laabaneyso, xilli ay socdaan dadaallo la doonayo in heshiiskaasi loogu rogo mid rasmi ah, sida ay dhawaan sheegeen madaxda Somaliland.

“Ma jiraan wax calaamado ah oo muujinaya in Itoobiya ay ka soo laabanayaan waddadaas,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ergada Itoobiya iyo Soomaaliya aysan wada-hadal toos ah yeelan, balse Turkiga uu dhex-dhexaad ka yahay, uuna dhinacyada u kala dab-qaaday.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya kadib markii uu natiijo la’aan kusoo dhamaaday kulankii Ankara ee dowladda Turkiga ugu kala dab-qaadeysay Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib markii ay labada dhinac isku fahmi waayeen wada-hadalka.

Wada-hadallada labada dhinac ayaa markale la isugu soo laaban doona bisha September ee sanadkaan, taasi oo Turkiga uu sheegay inay isku raaceen Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa ku adkaystay in aysan gorgortan ka galaynin arrimaha uu khilaafku ka taagan yahay oo ah heshiiskii badda ee sida sharci-darrada ah ay Itoobiya ula saxiixatay Somaliland, taas oo sida muuqata ka cago jiiday xukuumadda Addis Ababa.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa mawqif adag ka taagan difaaca madax-bannaanida dalka, waxaana go’aankeedaas oo ay meel walba ka caddeysay loo arkaa inuu caqabad ku noqday Itoobiya, oo cadaadis caalami ah kala kulmay heshiiskii Somaliland.

Heshiiska badda ayaa Itoobiya quus caalami ah geliyay, kadib cadaadiska diblumasiyadeed, taasi oo Itoobiyaanka ku kallifay inay raadiyaan dowlado wada-hadashiiya iyaga iyo Soomaaliya.

Muxuu yahay mowqifka DF ee kiiska badda kadib wada-hadalladii ka dhacay Turkey?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta khudbad ka jeediyay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee u dhexeeysa dalalka Soomaaliya & Itoobiya.

Xamza oo soo hadal qaaday wada-hadalladii ka dhacay Turkiga ee fashilmay ayaa sheegay inay markii hore ay ku yimaadeen dalab ay Itoobiya soo marsiisay Turkiga, balse aanay wax shaqo ku laheyn Soomaaliya oo uu sheegay inay ka go’an tahay difaaca baddeeda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale mar kale ku celiyay in dowladda federaalka aanay marnaba wax gorgortan ka geli doonin kiiska badda, illaa ay ka laabato Itoobiya.

“Dowladda Soomaaliya marna ma aqbaleyso horayna waa u sheegnay taako kamid ah dhulka Soomaaliya in lagu soo xadgdubo” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Dhinaca kale Xamza Cabdii Barre ayaa aad ugu bogaadiyay shacabka gobollada waqooyi sida ay uga horyimaadeen heshiiskaas, gaar ahaa damaca badda ee Itoobiya.

“Shacabka gobolada Waqooyi waan ku amaanayaa sida ay iskaga diideen damaca gurracan ee Itoobiya ku doonayso in ay ku boobto qayb ka mid ah baddeena” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda ka dhalatay heshiiska badda, waxaana natiijo la’aan kusoo dhammaaday wada-hadal ay labada dal ku yeesheen magaalada Ankara, balse waxaa lagu balamay in la’isugu yimaado kulamo kale.

Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiska badda ee Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay weli fulintiisa ku adkeysanayaan xukuumadaha Hargeysa iyo Addis Ababa.

DF Soomaaliya oo dacwad culus ka gudbisay DALAL kusoo xadgudbay BADDA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta ka qayb-galay munaasabad loogu magac daray Todobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya ayaa soo saaray go’aan culus oo la xiriira kalluumeysiga sharci darrada ah ee ay dalkeenna ku hayaan dalalka shisheeye.

Xamza ayaa shaaca ka qaaday in aan cidna laga aqbalayn kalluumeysi sharci darro ah, wuxuuna tilmaamay dowlado badan lagu dacweeyay jiriifka ay ka sameeyaan xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo ay kamid ah tahay IRAN.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in xadgudub dambe aysan aqbali doonin dowladda Soomaaliyeed, isla markaana ay diyaar u tahay difaaca baddeeda iyo dhulkeeda.

Sidoo kale wuxuu intaa ku daray in ay jiraan dowlado iyo shirkado ku jooga badda heshiis, kuwaas oo qaarkood uu waqtigu ka dhamaaday dib u eegisna lagu samayn doono.

Waxaa kale oo uu xusay in Soomaaliya ay ku taalla goob muhiim ah, isla-markaana  leh kheyraad fara badan ay suurto gal tahay in lasoo damaaciyo, wuxuuna sheegay in aysan gorgortan geli karin dhulka iyo biyaha Soomaaliya, dowladduna uu xil gaar ah ka saaran yahay ilaalinta hantideenna.

“Maadaama aan ku naalo meeshaas istiraatiijiga ah, maadaama aan haysanno kheyraad badan oo gaar ah, maadaama aanan si dhameystiran uga faa’iisan kheyraadkaas, waxaa suuragal ah in ay yimaadaan damac shisheeye oo kheyraadkaas ku foogan, sidaa darteed waa inaan u istaagnaa sidii aan kheyraadkaas u ilaashan lahayn, badeenna iyo dhulkeennu midna gorgortan ma gali karo mana galayo, dowladda Soomaaliyeedna waxay u taagan tahay ilaalinta badda, dhulka iyo kheyraadkiisa” ayuu khudbaddiisa ku yiri Xamza.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan uu Adduunku tartan wayn ugu jiro maalgashiga dalkeenna gaar ahaan badaheenna, maaddaama uu uu ku jiro kheyraad aad u fara badan oo ay tahay in la ilaashado laguna fara adeygo.

Si kastaba, arrinta badda ee Soomaaliya ayaa noqotay mowduuc taagan, maadaama ay dalal badan soo damaaciyeen sida Itoobiya iyo Kenya oo horay looga adkaaday, kadib markii ay dowladda federaalka isla tageen maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Markab dagaal oo maanta soo gaaray Puntland iyo xogta qorshe culus oo u socdo

Boosaaso (Caasimada Online) – Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Ururka Midawga Yurub, gaar ahaan howlgallada EU-NAVFOR ATALANTA ayaa soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, isagoo oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaq cusub.

Markabkan oo lagu macagaabo ESPS NUMANCIA ayaa kamid ah maraabkiibta dagaal ee ilaalada u jooga xeebaha Soomaaliya, si ay uga hortegaan weerarada burcad-badeeda, oo dib usoo rogaal celiyay.

Saraakiisha la socotay markabkan ayaa markii uu soo gaaray xeebaha Puntland, waxaa la kulmeen agaasime ku-xigeenka guud ee ciidamada PMPF Mudane Maxamuud Silaal Cumar oo ay weheliyaan saraakiisha sar sare ee ciidamada PMPF, waxayna ka wada-hadleen arrimo ku aadan howlgallada ka soconaya halkaas iyo iskaashiga labada dhinac.

Sidoo kale waxaa kulanka diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqaynta labada dhinac, dar-dargelinta howlgallada ka dhanka ah burcadbadeedda, kalluumaysiga sharcidarada ah, hubka sharcidarada ah, daroogada, ladagaalanka argagixisada iyo waxkasta oo liddi ku ah amniga iyo xasiloonida.

Labada dhinac sidoo kale waxa ay si dhow isula qiimeeyeen arrimo ku aadan wadaagista xogaha falalka burcadbadeedda iyo guulaha laga gaaray howlgallada wadajirka ah ee lagaga hortegey, kuwaasi oo horseeday in si dhow loola socdo xogtooda, lana fashiliyo weeraro ay qaadi lahaayeen kooxaha burcadbadeedka Soomaalida.

Waxaa kale oo ay ciidamada PMPF iyo howlgalka EUNAVFOR Operation ATALANTA ku ballameen in si ka dhaw sidii hore loo horumariyo howlgallada iyo iskaashiga xogaha amniga badaha, si looga hortago falalka amni darro ee ka dhicikara badda.

Soomaaliya ayaa waxaa mar kale kusoo rogaal celiyay kooxda burcadbadeedda oo bilihii lasoo dhaafay weeraro ka geystay xeebaha dalka iyo biyo fog ee caalamiga ah, inkastoo qaarkood gacanta lagu soo dhigay, kadib howlgallo ay sameeyeen maraakiibta dagaalka.

 

Karaash oo Somaliland uga digay inay maquuniso magaalo ay SSC u hanqal taageyso

0

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo haatan socdaal ku marayo gobollada Sool iyo Sanaag ayaa ka hadlay arrimo ku aadan maamulka deegaanadaas oo ay isku haystaan SSC iyo Somaliland.

Karaash ayaa si gaar ah uga hadlay arrinta magaalada Ceerigaabo, wuxuuna Somaliland uga digay in xoog ku muquuniso bulshada ka aragti duwan ee ku nool magaaladaasi.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowlad goboleedka Puntland oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolladaasi ayaa sheegay in magaalada Ceerigaabo ay ku nool yihiin bulshooyin kala duwan, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in loola macaamilo sida magaalada Gaalkacyo oo kale oo ay hadda wada taliyaan maamullada Galmudug iyo Puntland.

Hadalka siyaasigan ayaa u muuqda mid ku doonayo in Ceerigaabo ay wada maamulaan SSC-Khaatumo iyo Somaliland, ayna labada dhinac ku wada sugnaadaan halkaasi.

Arrintan waxa ay kusoo aadeysaa, ayada oo weli dhaq-dhaqaaqyo u dhexeeya labadan maamul ay ka socdaan waqooyiga dalka Soomaaliya, waxaana mid kasta uu doonayaa inuu isku ballaariyo dhulkaasi, gaar ahaan deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Xiisadda u dhexeysa SSC iyo Somaliland ayaa weli qooyan, kadib markii horraantii sanadkii hore Somaliland dagaal looga saaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Si kastaba, lama sida ay wax noqodon doonaan, mana jiro wax war ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan hadalka kasoo yeeray Axmed Karaash.

Daawo: DF oo shaacisay inay qaadaneyso 3,000 oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku dhowaaqday in ay qaadaneyso illaa 3,000 oo Macallimiin ah, kuwaas oo ka shaqeyn doono horumarinta waxbarashada dalka.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Nuura Mustaf Mukhtaar oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in ay mar kale farxad u tahay qaadashada macallimiin cusub.

“Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tactliinta Sare ee dalka waxaa mar kale farxad u ah in mar kale shaaciso qaadashada wajiga labaad ee macallimiinta Soomaaliyeed, ayada oo la qaadan 3,000 oo bare Soomaaliyeed ah” ayay tiri wasiir Nuura Mustaf Mukhtaar.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in fursaddan ay ka qayb qaadan karaan macallimiinta Soomaaliyeed ee jooga magaalada Muqdisho, dowlad goboleedyada iyo SSC-Khaatumo.

“Dhammaan waxay fursaddan u furan tahay fursadda Baranimo, iyaga oo ka qayb qaadanayo macallimiinta qaranka Soomaaliyeed ee ka shaqeyn doono waxbarashada” ayay mar kale tiri.

Waxaa kale oo ay raacisay “Barayaasha la qaadan doono waxa ay ka shaqeyn doonaan heerarka kala duwan ee waxbarashada gaar ahaan dugsiga hoose, dhexe iyo sare iyo xanaanada”.

Nuura ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqday in mudnaan gaar ah la siin doono gabdhaha macallimiinta ee soo gudbisa codsiga, si ay qayb uga noqdaan macallimiinta cusub.

“Waxaa mudnaan gaar ah lasiin doonaa barayaasha dumarka ah, ayada oo 30% ay noqon doonaan barayaasha la qaadan doono” ayay tiri wasiiru dowladaha wasaaradda.

“Ugu dambeyntii Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay shaacineysaa in uu furan yahay dalabka mareegta macallimiinta ay kusoo codsanayaan, sidoo kalena ay furan tahay fursada qaadashada macallimiinta, laga bilaabo 2/07/2024” ayuu hadalkeeda kusoo gabagabeysay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Dalka.

Somaliland oo kashiftay qorshe ay damacsan tahay Soomaaliya oo la xiriira Itoobiya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Axmed Kaahin oo xalay ka qayb-galay kulan ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu maamulkooda la galay Itoobiya, wuxuuna kashifay qorshe uu sheegay inay damacsan tahay dowladda Soomaaliya.

Ugu horreyntii wasiirka ayaa ka hadlay sababaha keenay diidmada dowladda federaalka ee ku aadan heshiiska badda, wuxuuna sheegay in Somaliland aysan u ogoleyn inay la macaamisho dariskeeda iyo waddamada kale ee caalamka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wasiirka oo garnaqsaday ayaa sheegay in horay Soomaaliya iyo Somaliland ay u galeen illaa 7 heshiis oo uu wax ka saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna su’aal la keenay waxa loogu diidayo inay heshiis la galaan Itoobiya ama dalal kale ee dariska ah.

“Soomaaliya 6 ama 7 heshiis ayaynu wada galnay Xasan Sheekh maanta madaxweynaha ah xilligii hore ee uu madaxweynaha ahaa Axmed Maxamed Siilaanyo oo madaxweyne ah labadooda ayaa wada saxiixay maxaa isbeddalay? waxaa isbeddalay heshiiska aynu wada galnay Itoobiya, iyagana 7 ayaynu wada galnay maxaa diidaayo marka inaan Itoobiya wada galno” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland.

Maxamed Kaahin oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Soomaaliya qudheeda ay kireysato baddeeda iyo dekedaheeda, wuxuuna sheegay in horay ay heshiisyo u gashay, hadana ay damacsan tahay qorshe kale oo ku aadan inay ku wareejiso dekedaha Hobyo iyo Kismaayo.

“Kaliya Geeskan Afrika ee aynu ka midka nahay dowladaha inta IGAD la yiraahdo ilaa 8 bees baa ka kireysan oo la leeyahay, maxaa kan Somaliland gooni u calaamadeeyay?. Saddex bees baa dowladda Soomaaliya ayaa iminka yaalla Soomaaliya, hadda wuxuu leeyahay afar meelood baan anigu siinayaayee, kaas Somaliland yaanay qaadan” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Wuxuu leeyahay Hobyo ayaan siinayaa, Kismaayo ayaan siinayaa, wuxuu leeyahay meel heblo ayaan siinayaa”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay doonayaan in Somaliland ay u dhaqanto sida dowlad oo kale, isla markaana ay darisnimo iyo walaalnimo kula macaamisho Soomaaliya.

“Waxaan dooneynaa inaynu laba dowladood oo walaalo ah oo Soomaaliyeed oo xiriir wanaagsan leh oo kala ganacsada oo nabad-gelyada is weydaarsada inaynu wada noqono” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiir Maxamed Kaahin Axmed.

 

CC Shakuur oo ka fekeraya in uu ka sii mid ahaado BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa saluug ma muujiyey shaqada baarlamaanka federaalka oo xubin uu ka yahay, isagoo sheegay in hadda kadib uu ka fekerayo in uusan doonan kursi xildhibaan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya aysan ka shaqeyn masuuliyadda ay u qaadeen umadda Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah u dhaliilay guddoonka.

Wuxuu sheegay in guddoonku uu afduubto golaha, halka xildhibaanadu ay xeeriyaan duruuftooda, sidoo kale xukuumadda ayuu ku eedeeyey inay ku takri faleyso awoodeeda.

“Qaabka ay siyaasadu u sameysan tahay ayaaba naga qaldan, nidaamka baarlamaaniga ah ee dalkeena waxaa loogu tala galay in xildhibaanadu xisbiyo ka kala tirsan yihiin,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay nidaamka hadda lagu shaqeeyo ay dhibaato weyn ku qabaan, maadaama looga baahan yahay metelaad, xukuumaduna ay rabto in xildhibaanka ay dan ku heysato.

“Anigu waan ka fekerayaa in kurisi dambe oo xildhibaan aan raadiyo inta shaqada baarlamaanka ay sidaan tahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wareysigaan siiyey BBC.

“Aniga Xildhibaan ayaan ahay, dadka aan metelo waa isku dhibanahay, sababtoo ah waxay rabaan inaan dowladda u soo baryo, qofkii shaqo raba, kii waxbarasho aadaya, kii caafimaad raba iyo wax kasta oo dowladda looga baahnaa, aniguna ma aqaan nidaamkaas,” ayuu yiri CC Shakuur.

Dibad-baxyada ka socda Nairobi oo sii xoogeystay iyo wararkii ugu dambeeyay

Nairobi (Caasimada Online) – Bannaanbaxyo kale oo rabshado watay ayaa Talaadadi shalay ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Booliska ayaa adeegsaday suntan dadka ka ilmeysisa isla markaana dacwado ku soo oogay dibadbaxayaal dhagxaan ku tuurayay bartamaha magaalada Nairobi, si ay isugu dayaan in ay xakameeyaan rabshadihi ugu ballaarnaa ee Kenya ka dhaca, tan iyo marki ugu yaraan tobnaan qof lagu dilay bannaanbaxyadi todobaadki hore.

Mudaaharaadyada dalka oo dhan ka dhacay ayaa muujiyay in madaxweyne William Ruto uu ku guul darreystay inuu qanciyo dhaqdhaqaaqa dhalinyarada ee bannaanbaxyada dhigaya, inkasta oo uu ka tanaasulay qorshayaashii canshuur kordhinta ee dhaliyay qalalaasaha todobaadkii hore.

Mudaaharaadyadii Talaadadii ayaa ku bilowday dareen xamaasad leh, balse waxa ay isku baddalay rabshado. Xooggooda ayaa ka dhacay tuulada ganacsiga ee bartamaha magaalada Nairobi. Ciidamo boolis ah oo xirnaa koofiyado isla markaana sitay budad alwaax ah iyo gaashaamo, ayaa ka hortahay dhallinyarada rabshadaha dhigayay.

Dukaammo ayaa la gubay, shaqaalaha gargaarka dag dagga ahna waxay ku mashquul sanaayeen daweynta dadka dhaawaca ah, halka boolisku ay xirayeen dadka waddooyinka joogay sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaasha iyo saxafiyiinta.

Meelaha kale ee ay bannaanbaxyadu ka dhaceen ayaa waxaa ka mid aheyd magaalada labaad ee ugu weyn Kenya ee Mombasa. Dadka ayaa watay laamaha geedaha timirta isla makraana yeerinyay buun caag ah, iyaga oo ku qeylinayay “Ruto ha baxo!”

Talefishinka NTV ee Kenya ayaa sheegay in laba qof lagu toogtay Mombasa, waxay kaloo baahiyeen sawirrada baabuur gubaneysa.

Warbaahinta Kenya waxay sheegtay, in sidoo kale ay bannaanbaxyo ka dhaceen magaalooyinka Kisumu, Nakuru, Kajiado, Migori, Mlolongo iyo Rongo.

Madaxweyne Ruto, ayaa wajahaya qalalaase tii ugu darneyd ee soo wajahda xakunkiisa laba sano jirka ah. Dowladdiisa ayaa dhexda u gashay lacagaha deymaha lagu leeyahay iyo midda ay ka amaahanayaan IMF iyo shacabka oo si weyn uga cabanaya sara u kaca ku yimid maciishada.

Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha ee Kenya (KNHCR) ayaa sheegay in 39 qof oo Kenyan ah lagu dilay dibadbaxyo iyo iska horimaadyo ay la galeen booliiska tan iyo 18-kii bishii June. Dadka intooda badan ayaa la toogtay xilli ay rabeen in ay xoog ku galaan xarunta baarlamaanka ee Nairobi.

 

Reueters.

116 qof oo ku dhintay dalka Hindia kadib markii ay…

Delhi (Caasimada Online) – Ugu yaraan 116 qof oo u badnaa dumar iyo carruur ayaa la xaqiijiyay in ay Talaaddi ku dhinteen isbuursi ka dhacay goob uu ka socday isu soo bax diimeed oo ay isugu tageen dadka Hinduuga, ee waqooyiga Hindiya.

Dhacdadaan ayaa lagu sheegay mid ka mid ah tii ugu dhimashada badneyd oo nooceeda oo kale ah oo sannadahaan danbe ka dhacda dalka Indiya, sida ay sheegeen saraakiisha.

Isbuursiga ayaa ka dhacay tuulada Hathras ee gobolka Utter Pradesh, oo qiyaastii 200 km dhanka koofurbari uga beegan magaalada caasimadda ah ee New Delhi, halkaas oo ay saraakiishu sheegeen inay isugu tageen kumannaan qof, xilli heer kulka uu aad u sarreeyay.

Masiibada ayaa billaabatay waxyar kaddib marki dad badan oo mintidiin hinduus ah ay is curjiyeen oo ay is riix-xiixeen si ay u taabtaan wadaad ka mid ah wadaadda diinta Hinduuga. Sidaasi waxaa sheegay wasiiru-dowlaha Uttar Pradesh, Yogi Adityanath.

Booliska Hindiya ayaa sheegay in ay billaabeen baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Daawo: Ciidanka Xoogga oo Al-Shabaab ka soo furtay gaadiid ay madax-furasho u heysteen

Afgooye (Caasimada Online) – Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan oo caawa shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Doonka ee gobolka Sh/Hoose ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal maanta Khawaarijta Al-Shabaab looga soo badbaadiyey gaadiid ay madax-furasho u heysteen.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in dhul badan laga xoreeyey Shabaab, iyadoo howlgalkii maanta looga qabtay maxaabiis, sida uu sheegay Afhayeenka oo caawa ku sugan deegaanka Doonka oo u dhaxeeya Afgooye iyo Walaweyn.

Howlgalka waxaa maanta hoggaaminayey taliyaha guutada 7-aad ee qeybta 12-ka Abriil Axmed Gaashaan, waxaana lagu guuleystay in dhul baaxad leh laga saaro kooxda Al-Shabaab, sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka.

“Saakay waxaan ka dhaqaaqnay degmada Afgooye, sidoo kale ciidan kale ayaa ka soo dhaqaaqay Walaweyn, waxaan howlgalka ugu culus ka fulinay deegaanka Waraaboole, gaadiid 20 gaaraya oo Khawaarijtu ay baad ka rabeen ayaan ka sii deynay halkaas,” ayuu yiri Taliye Sheekh Abuukar.

Afhayeenka ayaa sheegay in 300 oo doolar oo baad ah ay Shabaab ka rabeen gaadiidkaas, isla markaana ay halkaas ku xayirnaayeen maalmo badan, balse xogta ay heleen ciidamada qaranka ayaa fududeysay in gaadiidkaas lagu soo furto howlgalkaan.

“Howlgaladii maanta waxaa lagu qabtay dhagarqabayaal la tuhunsanaa inay ka tirsan yihiin Khawaarijta, waxaana loo gudbinayaa cadaaladda, caawa waxaan joognaa deegaanka Doonka oo Khawaarijtu ay baad uga qaada jirtay dadka shacabka ah,” ayuu yiri Sheekh Abuukar.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgalka maanta laga fuliyey dhul dhan 70 KM, isagoo shacabka ka codsaday in ciidamada qaranka ee naftooda u huray ay kala shaqeeyaan amniga, cadowgana ka difaacdaan deegaanadooda, si ay uga badbaadaan dhagarta argagixisada.

“Howlgalkaan wax khasaare ah nagama soo gaarin, Khawaarijtii maanta waxaa ku dhacay kala carar, iyagoo shacab iska dhigaya ayey ku baxsadeen gaadiidka dadweynaha, jihaadka ay sheegayaan hadii uu dhab yahay waa dagaalami lahaayeen, meelaha ay baada ku qaadi jireen ayaan caawa joognaa,” ayuu yiri Sheekh Abuukar.

Hoos ka daawo

Somaliland oo caddeyn soo bandhigtay kadib tallaabadii ay qaaday dowladda Jabuuti

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa mar kale arrimo ku aadan jabadda ay Somaliland sheegtay in lagu dhisay dalka Jabuuti.

Cali Mareexaan oo jawaab ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray Jabuuti oo waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta Somaliland ayaa soo bandhigay caddeymo uu la wadaagay warbaahinta, wuxuuna soo qaatay xaflad ka dhacday Jabuuti oo ay kasoo muuqdeen rag uu sheegay inay yihiin kuwa hoggaaminaya kacdoonka ka dhanka ah Somaliland ee Awdal.

“Waa kuwaa nimankii Awdal State sheeganayay waxay fadhiyaan fagaarihii waynaa 27 Juun laga xusayay, halkaana waxa fadhiisan kara uun qof lasoo martiqaaday, xaflalado waa wayn ayay qabanayaan iyaga oo abaabulaya in Somaliland iyo gobolka Awdal lagu kaco” ayuu yidhi Wasiir Warfaafinta Somaliland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay lama filaan ku noqotay inay Jabuuti hoy u noqoto jabhad kasoo horjeero Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in Jabuuti ay uga fadhiyaan inay jawaab cad ka bixiso arrinta jabhaddaas, ayada oo la ilaaliyo xiriirka iyo walaaltinimada labada dhinac.

“Jabuuti waxaynu naqaanaa in ay tahay dal cid aan dowladu ogayni anay iska soogali karin, heshiis hore ayaa jiray nabadgalyada xuduudaha ayaa la wada ilaalin jiray saxarka ayaa laga dhawri jiray, wax aanu filaynay may ahayn” ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada dowladda Jabuuti ay iska fogeysay eedeynta uga timid Somaliland ee ku aadan jabadda la sheegay inay ku sugan tahay gudaha dalkaasi.

Wasiirka Maaliyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale oo arrintaan uga jawaabay qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweynaha Somaliland uu eedeyn culeyskaan leh u jeediyo Jabuuti.

“Waxaan ka xumahay eedaynta aan raadka lahayn ee nooga timid madaxda Somaliland, Jabuuti waa goob u taagan wada-jirka iyo is dhex-galka gobolka, waa barada nabada gobolka, wax kale kama shaqayno,” ayuu Wasiir Ilyaas ku yiri qoraalka.

Si kastaba arrimahan ayaa imanaya xilli ay dalka Jabuuti ku sugan yihiin madaxda maamulka dibad-wareega ee la baxay Awdal State, kuwaasi oo halkaasi ku qabsaday xaflad, taasi oo ay hanjabaad uga soo direen maamulka Somaliland.

Faah-faahin: Qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo dhaliyay khasaare soo gaaray askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha, waxaana lala eegtay sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya oo lagu magacaabo Gaashaanle sare Cali Xaash, kaas oo qaraxa loo dhigay, xilli uu marayay halkaasi.

Cali Xaash ayaa ka bad-baaday weerarkan, waxaase ku dhaawacmay saddex askari oo kamid ah ilaaladiisa, kadib markii ay miinadu haleeshay.

Sarkaalkan ka bad-baaday qaraxa oo la hadlay Shabelle Tv ayaa sheegay in weerarka uu dhacay xilli ay kusii jeedeen shaqada, ujeedkana uu ahaa in la khaarijiyo isaga.

“Waxa ay maleegeen nimanka shar-wadayaasha ah qarax miino ah ayay noo dhigeen aniga oo shaqadeyda kusii socda waa meel waxyar ka sugeyso Suuqa Xoolaha, baahasha xoogeeda waa na dhaaftay saddex askari ayaa nooga dhaawacantay” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qaraxa uu burburiyay baabuurkii ay wateen, iyaganuna uu soo gaaray firir yar, haatana ay wanaagsan tahay xaaladooda.

“Aniga waxba ima soo gaarin waxyaalo yaryar ah oo firir ah ma ogiyee hadda waa iska fiicanahay adiga baabuurkii jug ayaa gaartay, wuuna jajabay” ayuu sii raaciyay.

Inta badan waxaa magaalada Muqdisho ka dhaca weeraro khasaare gaysta oo lagu qaado ciidamada dowladda, xilliyada isaga kala kooshayaan guda caasimada.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay daganeyd xaaladda Muqdisho oo ay howlgallo joogto ka sameeyaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh oo sameeyay ballan-qaad culus oo la xiriira doorashada soo socota

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa mar kale ka hadlay arrimo ku aadan doorashooyinka dalka, isaga oo sameeyay ballan qaad la xirira inay dalka gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka ay ka dhici karto doorasho ay ka qayb-galayaan dadweynaha Soomaaliyeed, isla markaana dowladdiisa ay taasi ka shaqeyn doonto.

“Dalka doorasho qof iyo cod ah waa ka dhici kartaa annaga ayaa nagala rabaa sida ay ku dhici lahayd inaan la imaano howl annaga noo taallo waayay ” ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay haddii ay dhici wayso doorasho qof cod ah in ay mas’uuliyadeeda qaadi doonaan inta haysa hoggaanka dalka oo uu isaga ugu horeeyo.

“Haddii ay berri doorasho qof iyo cod ah dhici wayso cilad aan annaga leenahay waayay, dalkuna malaha dadka Soomaaliyeedna malaha, dowladda Soomaaliyeed iyo hoggaamiyeyaasheeda iyo ciidamadeeda ayaa ka mas’uul ah” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri madxweynuhu “Aad iyo aad ayaa ugu kalsoonahay in doorashadaasi noocaasi ah inay dalka ka dhaceyso”.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa meesha ka saaray cabsida laga qabo ammaanka, gaar ahaan weerarada Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in aysan noqon karin mar marsiiyo arrintaas.

Dowladda federaalka ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u ballan qaaday in dalka gaarsiineyso doorasho qof cod ah, si ay dadka Soomaaliyeed ay codkooda ugu soo doortaan hoggaamiyaha ay rabaan, taas oo meesha ka saareyso in dib lagu laabto doorashooyinkii hore ee ka dhacay Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeeda dowladda ayaa si weyn uga biyo diidan qorshaha Xasan Sheekh oo ay horay ugu jeediyeen inuu isku soo koobay talada dalka.

Daawo: Lacag ka badan 20 milyan oo laga waayay qasnadda DF – Yey ku maqan tahay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hantidhowraha guud ee qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa shaaciyay xog cusub oo ku aadan baaris ay ku sameeyeen laba xafiis oo ka tirsan hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Hantidhowraha ayaa sheegay in baaris fatash ah lagu sameeyay xafiisyada ruqsadda shaqada shaqaalaha shisheeyaha ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo adeegga kordhinta dal ku jooga shisheeyaha ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, isla markaana lagu ogaaday inay ku kaceen musuq-maasuq iyo wax is daba-marin.

Axmed Ciise Guutaale ayaa sheegay in xafiisyadan ay ku maqan tahay lacag ka badan 20 milyan oo dollar, taas oo aan lagu shubin qasnadda dhexe ee dowladda Soomaaliya.

Shirkiisa jaraa’id ayuu ku sheegay in xafiisyadan ay qabteen lacag dhan $33,370,260 balse  $12,437,690 oo kaliya lagu shubay qasnadda dowladda, wuxuuna sheegay inay maqan tahay lacag gaareyso illaa $20,932,570, taas oo la waayay intii u dhexeysay sideeddii Maarso ee 2018-kii, illaa 19 April ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2023-kii.

“Lacagta dakhliga ah ee ay qabteen xafiisyada ruqsadda shaqada iyo shaqaalaha shisheeyaha ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo adeegga kordhinta dal ku jooga shisheeyaha ee hay’adda socdaalka jinsiyadda intii u dhexeysay sideeddii Maarso 2018 ilaa 19 Apriil 2023 waxa ay ahayd lacag dhan $33,370,260, hase yeeshee $12,437,690 keliya, kana mid ah dakhliga guud ee ay xafiisyadaasi qabteen intii u dhexeysay sideeddii Maarso 2018, illaa 19-koo April 2023 oo ah muddo 5 sano iyo dheeraad ah waxay u xareeyeen DFS, iyaga oo marsiiyay nidaamka SFMIS-ka” ayuu yiri Guutaale.

Waxa uu intaas kusii daray “Balse farqiga u dhexeeya dakhliga ay xareeyeen iyo kan ay qabteen waa lacag dhan $20,932,570, taas oo ah cadadka lacagta dakhliga ah ee baarista fatashka ah ay daboolka ka qaaday inay ka maqan tahay qasnadda dowladda, isla markaana aan lagu shubin qasnadda dhexe ee dowladda.”

Guutaale ayaa waxa kale uu sii raaciyay “Taas micnaheedu wuxuu yahay in lacagtaas ay ka maqan tahay dakhliga guud ee dowladda sanadihii 2018 illaa 2023, kuna maqnaatay xafiisyada ay baarista fatashku quseysay ee kor ku xusan”.

Hanti-dhowraha guud ee qaranka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in lunsashada lacagtan ay saameyn ku yeelatay dowladda dhexe oo uu tilmaamay in xittaa ay deyn u gashay sidii mushaaraakooda loo siin lahaa shaqaalaha dowladda, ciidamada iyo xildhibaannada.

“Lunsashada $20,932,570 waxay qayb ka tahay sababta dhiig baxa dakhliga dowladda iyo cajsiga ku dhacay qasnadda dhexe ee dowladda, ayada oo ay taasi horseeday in dowladda Soomaaliya qaadato dayn iyo kab, si ay u bixiso oo kaliya mushaarka shaqaalaheeda, haddii uu yahay ciidanka, haddii uu yahay baarlamaanka iyo haddii uu yahay shaqaalaha guud ee dowladda” ayuu mar kale ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Hoose ka daawo:-

Sawirro: Xasan Sheekh oo maanta ku laabtay furimaha dagaalka + Qorshaha socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray deegaanka Waragaadhi ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xasan ayaa furinta dagaalka u tegay dardar-galinta howl-gallada dib u xoreynta dalka, isaggoo halkaasi ugu safray diyaarad ay leeyihiin ciidamada xoogga dalka, taas oo dhawaan lagu soo bandhigay dabaal-deggii xuska 1-da Luulyo.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha hoggaamisa ciidamada xoogga dalka ee deegaanka ku sugan ka dhegeystay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray argagixisada.

Saraakiisha ayaa sidoo kale madaxweynaha la wadaagtay warbixinta ciidamada ay hoggaamiyaan iyo qorshaha waqtiga kooban ee kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo deegaanada haray.

Qorshaha ayaa qeyb ka ah bilaabashada wejiga labaad oo dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid, kaasi oo kooxda siisay nafis ay dib isugu soo abaabuli karaan, ayaga oo weeraro rogaal celin ku qaaday deegaano horey looga qabsaday.

Wejiga koowaad ee dagaalka ayaa markii uu bilowday laga gaaray guullo wax ku ool ah, ayada oo ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan ay dagaal adag la galeen kooxda, iyaga oo ka xoreeyay deegaan iyo degmooyin muhiim ah.

Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa inuu si rasmi ah looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda ku xoogan tahay.




Askarigii xabadda afka uga dhuftay taliyihiisi oo maanta la xukumay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukun ku ridday dable xoogga dalka Maxamed Xiireey Maxamuud oo horay u dhaawacay taliyihiisa oo lagu magacaabo Axmed Cabdullaahi Maxamed, isaga oo xabad uga dhuftay afka.

Askarigan oo muddo baxsad ahaa ayaa lagu soo qabtay gabar shukaansi ahaan ugu ballamisay goob loogu talagalay in lagu qabto, kadibna sidaas ayaa kusoo gacan galay.

Maxkamadda ayaa Maxamed Xiireey ku xukuntay Magta Dhaawaca iyo bixinta Kharashkii ku baxay taliyaha uu dhaawacay, Shan sano oo Xabsi Ciidan ah, waxaana sidoo kale maxkamadda ay ka saartay Xubinnimada Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeedka ayaa u qoranaa sidatan:-

Dable Xoogga Maxamed Xiireey Maxamuud oo ka tirsan guutada Cali bin abii Daalib, ayaa loo soo xiray inuu dhaawac culus uu u geystay taliye unugiisa oo Xabad uu afka uga dhuftay, kaasi oo lagu magacaabo Dable xoogga Axmed Cabdullaahi Maxamed, falkaan ayaana ka dhacay degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan taariikhdu markii ay aheyd Kow iyo tobanka bishii January  ee Sanadkaan.

Falka kadib Eedeysanaha oo lagu xiray Xabsi ku yaalla Guriceel, ayaa kasoo baxsaday Xabsigaasi, isaggoo soo galay Muqdisho.

Waxaana uu si dhuumaaleysiya uu in muddo ah uu ku joogay Tabeelaha Sheekh Ibraahim, Baadi goob kadib gacanta hay’addaha ammaanka ayuu soo galay Afar iyo tobanka bishii afaraad ee sanadkaan. kadib markii ay soo gacan geliyey gabar haasaawe Jaceyl la jishay, isaggoo lagu qabtay Xeebta Liido degmadda Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Seddex iyo tobankii Bisha lixaad ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda  ayaa ugu dambeyn Maanta Ku xukuntay Ex Dable xoogga Maxamed Xiireey Maxamuud, Magta Dhaawaca iyo bixinta Kharashkii ku baxay, Shan sano oo Xabsi Ciidan ah, waxaana maxkamadda ay ka saartay Xubinnimada Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida

Ciidamada dowladda oo maanta gacanta kusoo dhigay Shabaab ku dhuumanayay…

0

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta gacanta kusoo dhigay Shabaab ku dhuumaaleysanayay deegaanno hoostaga degmada Ruun-nirgood ee Sh/Dhexe.

Howl-gal ay ciidanka ka sameeyeen deegaannadaasi ayaa waxaa lagu soo qabtay Cabdullaahi Macallin Cusmaan (Ilyaas), kaasi oo ku dhuumaaleynaysay halkaasi.

Ilyaas ayaa kooxda Al-Shabaab ka tirsanaa ku dhawaad laba sano, waxaana ugu dambeyntiina uu maanta soo galay gacanta ciidanka dowladda ee aagga Ruun-nirgood.

Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ku sugan Ruun-nirgood iyo aageeda, waana dhul howd ah oo kooxda ay aad u jeceshahay marar badana ay ciidamada dowladdu kula dagaaleen.

Degmadaan oo dhacda halka ay iska galaan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud ayaa kamid noqotay magaalooyinkii ay sanadkii tegay dib uga baxeen ciidamada dowladda oo ka gadooday hoggaan xumada ciidanka.

Marar badan ayey Al-Shabaab ciidamada dowladda ku soo weerareen Ruun-nirgood oo ah degmo istaraatiiji ah, waxaana socd qorshaha guluf cusub oo la doonayo in aagga degmadaas looga nadiifiyo kooxda.

Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa xilligaan maraya meel xasaasi ah, waxaana socda dadaallo horleh oo dowladda ku dardar-gelinayso howl-gallada ka dhanka ah kooxda oo muddooyinkii dambe uu gaabis ku yimid.