27.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Turkey oo sheegtay arrin ay isku raaceen Soomaaliya iyo Itoobiya kadib wada-hadalkii

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkey ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay isku raaceen in ay wsii wadaan wada-hadallada shalay ka dhacay Ankara ee aysan wax natiijo la taaban karo ah ka soo bixin.

Wada-hadallada ayaa si aan toos aheyn u dhex-maray wasiirada arrimaha dibedda labada dal Axmed Macallin iyo Taye Atske Selassie.

Dowladda Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri “Wadahadalka ayaa si weyn loogu kala aragti duwanaa, gaar ahaan Dowladda Soomaaliya oo mawqifkeedii hore ee ahaa in dawladda Ethiopia ay ka noqoto MoU-gii sharcidarrada ahaa ku adkaysatay iyo in aan wax gorgortan laga galeyn ilaalinta madaxbanaanida dhuleed ee dalkeenna oo u ah dowladda Soomaaliya lama taabtaan.”

Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Hakan Fidan ayaa sheegay in wada-hadallada aysan aheyn fool ka fool balse labada dhinac ay si kala gooni gooni ah u fadhiyeen oo loo kala dab qaadayey.

“Wasiirradu, iyada oo loo marayo fududaynta Turkiga, waxay awood u yeesheen inay si gooni gooni ah u yeeshaan wada-hadal daacadnimo, niyad sami iyo aragti fog oo ku saabsan khilaafaadkooda iyo sahaminta aragtiyo ku wajahan sidii wax looga qaban lahaa hab la wada aqbali karo,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Hakan Fidan.

“Wasiirrada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku celceliyay inay ka go’an tahay in si nabad ah lagu dhammeeyo khilaafaadka, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay Turkiga fududeeyaan.”

Fidan ayaa sidoo kale sheegay in wasiirrada ay isla garteen in la sii wado wada-hadallada socda si loo xalliyo arrimahooda, loona xaqiijiyo xasilloonida gobolka.

Wasiirada ayaa isku raacay in ay ku kulmaan Ankara 2-da September 2024 si ay u yeeshaan wareeg labaad oo wadahadal ah, sida uu sheegay Fidan.

“Labada dhinacba waxay dadaalkan uga mahad-celiyeen Mudane Recep Tayyip Erdoğan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Inkasta oo Soomaaliya iyo Turkey ay bayaano kasoo saareen wada-hadallada, haddan waxaan weli ka hadal Itoobiya.

Xasan Sheekh oo ka hadlay wadahadalka la sheegay in ay u furmeen DF iyo Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa khudbad ka jeediyey munaasabad lagu soo gunaanaday dabaal-degyadii toddobaadka xoriyadda ayaa ka hadlay waxa ka jira wadahadaladii la sheegay in dowladda Soomaaliya ay la fureyso Khawaarijta Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in aysan jirin habayaraatee wax ay dowladdu kala hadli karto Al-Shabaab, isagoo hoosta ka xariiqay in uusan jirin xal aan aheyn in kooxdaasi ay hubka dhigto oo dowladda isku dhiibto.

“Maalmahaan waxaa baraha bulshada qabsatay dowladdu waxay wadahadal la fureysaa Al-Shabaab, waxaan idiin cadeynaa Shabaab iyo anaga wax naga dhaxeeya ma jiraan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Maxaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in kooxdaas aan la toosi karin, dowladuna aysan u baahneyn, “Hadii ay jiri lahaayeen waxyaabo aan dhihi karno sidaan ayaan rabnaa iyo waxaan ayaan idinka qaldan waa la hadli laheyn, waana hor fariisa laheyn,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa balanqaaday hadii Soomaali ay wadahadal la fureyso Al-Shabaab oo wax la isla ogyahay kala hadli doonto dowladdu.

“Hadii la helo wax aan isla qirno waan la hadleynaa, laakiin maanta wadahadalna ma jiro wax naga dhexeeyana ma jiraan weli,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday in shakigaas ay ka baxaan, isagoo u cadeeyey in dowladdu aysan kaligeed qaada doonin go’aan hadii ay noqoto in wadahadal lala furo Khawaarijta.

Qatar, Imaaraadka, Sacuudiga oo farriin usoo diray Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladdaha Qatar, Imaaraadka Carabta, Sacuudi Carabiya, Kuwait, Yemen iyo Cummaan ayaa dhambaal hambalyo ah soo gaarsiiyay shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa u dabaal-degaysa xuska munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan sannad-guuradii 64-aad ee kasoo wareegtay markii gobollada Koonfureed ee dalka ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga, sidoo kalena ay la midoobeen gobollada Waqooyi.

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa hambalyo ku aadan sanad-guurada xorriyadda dalka usoo diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u rajeeyay dadka Soomaaliyeed nabad iyo barwaaqo.

Sidoo kale, dhambaal kasoo baxay Boqortooyada Bahrain ayaa lagu sheegay in Boqor Xamad Bin Ciisa Al Khaliifa uu la wadaagay madaxweyne Xasan hambalyada munaasabadda 1-da Luulyo ee xornimada gobollada Koonfreed iyo midnimada labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Boqorka ayaa sidoo kale wuxuu u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed nabad, barwaaqo iyo xasillooni.

Suldaanka Cummaan, Haitham bin Tariq oo isna kamid ah madaxda carbeed ee maalmaha xoriyadda la qaybsanaya madaxda iyo shacabka Somaaliyeed ayaa dhambaal hambalyo ah usoo diray.

Sidoo kale, madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed iyo labadiisa ku-xigeen ee Maxamed bin Raashid iyo Sheekh Mansuur bin Zayed ayaa ugu hambalyeeyay umadda Soomaaliya munaasabadda kowada Luulyo iyo sannad guuradii 64-aad ee kasoo wareegtay markii Soomaalidu yeelatay dowlad madax-banaan.

Bayaan kasoo baxay dowladda Yemen oo lagu faafiyay wakaaladda wararka dalkaas ayaa isna waxaa lagu yiri; “ Madaxa Golaha Sare isagoo ku hadlaya magaciisa, kan xubnaha golaha, xukuumadda iyo shacbiga Yemen, waxa uu hambalyo kal iyo laab ah u diraya madaxweyne Xasan, wuxuuna u rajeynaya shacabka Soomaaliya amni, xasilooni iyo barwaaqo.”

Amiirka dalka Kuwait, Sheekh Mishcal Al-Axmed ayaa sidoo kale usoo diray madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed fariin hambalyo ah, oo ku aaddan munaasabadda kowada Luulyo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa isna waxaa lagu sheegay in Boqor Salmaan bin Cabdicasiis iyo Dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed bin Salmaan ay dhambaal hambalyo ah usoo direen madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed, kaasi oo lagu muujiiyay in hoggaanka Boqortooyada Sacuudiga ay la qaybsanayaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda iyo dabaal-degga maalinta kowda Luulyo.

DF oo shaacisay qodobka fashiliyey wada-hadalkii ay Ankara kula gashay Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo faahfaahin looga bixiyey waxahadalka la sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya uu u bilowday ayaa lagu sheegay in Dawladda Turkiga ay magaalada Ankara ku casuuntay wafuud kala matalaysa Soomaaliya iyo Ethiopia, si looga wadahadlo xiisadda taagan.

“Kulamada labada dhinac ma ahayn kuwa fool ka fool ah, maadaama ay Dawladda Soomaaliya meel adag ka taagantahay qadiyadda la xiriirta ilaalinta midnimada iyo madax-banaanida Qaranka, inkastoo gabagabadii shirka ay goobjoog ka wada ahaayeen labada wafdi warmurtiyeedka wadajir ah oo uu soo jeediyey dhexdhexaadiyaha wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraalka DF.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in kulankaan uu ahaa kii koowaad, isla markaana lasoo gabangabeeyey, waxaana lagu balamay wareeg labaad oo wadahadal ah labada September 2024, in kastoo aan la cadeyn sida uu u dhacayo wadahadalka dambe, maadaama kan la isku fahmi waayey.

“Wadahadalka ayaa si weyn loogu kala aragti duwanaa. Gaar ahaan Dawladda Soomaaliya oo mawqifkeedii hore ee ahaa in Dawladda Ethiopia ay ka noqoto MOU-gii sharci darrada ahaa ku adkaysatay iyo in aan wax gorgortan laga galeyn ilaalinta Madaxbanaanida dhuleed ee Dalkeenna oo u ah dawladda Soomaaliya lama taabtaan,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa si weyn ugu mahadcelisay Dawladda Turkiga oo sida qoraalkana lagu sheegay kaalin wanaagsan ka qaadatay xasiloonida Geeska Afrika – saaxiibka ugu weyn ee Turkigu Geeska Afrika ku leeyahay waxaa lagu tilmaamaa Soomaaliya.

Markii kulanka lagu kala tegay ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkey oo ay garbihiisa taagan yihiin wasiirrada dhiggiisa ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiir Hakan Fidan ayaa sheegay in kulamadu ay sii socon doonaan, dibna la isugu soo laaban doono labada bisha September ee sannadkan 2024.

Itoobiya ayaa cadaadis la kulmeysay tan iyo markii ay heshiiska la saxiixatay Somaliland, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa abuurtay xiisad diblumasiyadeed oo adag, taas oo Itoobiyaanka ku kallifay inay raadiyaan dowlado wadahadashiiya iyaga iyo Soomaaliya.

Mareykanka: Maxkamadda sare oo Trump ka gaartay go’aan uu ka qeyliyay Biden

New York (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa soo saartay xakun xasaanad ballaaran siinaya madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, taasoo ka dhigan in dib u dhac uu ku imaan doono maxkamadeynta Trump ee kiiska rabshadihi ay qaar ka mid ah taageerayaashiisa ku weerareen xarunta Coongareeska horraanti sannadki 2021-ki.

Dacwadda la xiriirta in Trump uu isku dayay inuu dhinac kale u rido doorashadi looga guuleystay ee sannadki 2020-ki, ayaa tan iyo sannadki hore ka socotay maxkamad ku taalla magaaladan Washington D.C, waxana loo ballansanaa in la qaado ka hor doorashada 5-ta Novemebr.

Xakunka Maxkamadda Sare ayaa waxaa aqbalay 6 garsoore, halka ay saddex kasoo horjeesatay. Waxa uu laalayaa go’aankii maxkamadda hoose ee lagu diiday sheegashadii Trump ee aheyd inuu leeyahay xasaanad madaxweyne oo ka hor istaageysa in hey’adaha federaalka Mareykanka ay dacwad ku soo oogaan isaga.

Maxkamadda Sare ayaa 9-ka garsoore eel eh awoodda ugu sarreysa ay 6 ka mid ah yihiin Jamhuuri, halka saddex-da kale ay dimoqraaddi yihiin.

Maxkamadda Sare ayaa go’aamisay inaanan Trump loo maxkamadeyn karin ficillada uu ku dhaqaaqay inti uu heystay awoodda dastuuriga ah ee madaxtinimo, balse lagu soo oogi karo danbiyada gaarka u ah.

Go’aankaan taarikhiga ah ayaa ka dhigan guul weyn oo siyaasadeed oo u soo hoyatay madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump.

Qoraal uu soo dhigay barta X ee horay loo dhihi jiray Twitter, ayuu Trump ku muujiyay dabaal-daggiisa go’aankan, isaga oo yiri “GUUL WEYN”.

Madaxeyne Joe Biden oo arrintan war kasoo saaray ayaa go’aanka maxkamadda sare ee Mareykanka ku tilmaamay mid tusaale khatar ah u jideynaya xakunnada Mareykanka.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa horay u diidday dadaallo lagu doonayay in Trump laga mamnuuco codbixinta, sababo la xiriira ficilladiisii ka dib doorashadii 2020-ka.

Donald Trump, madaxweynihi hore ee Mareykanka ayaa hadda ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka ee Bisha November, wuxuu la baratami doonaa, madaxweynaha xilligaan Joe Biden, oo ah murashaxa xisbiga Dimoqraadiga.

Israel oo ku dhaqaaqday tallaabo uga sii dareysa GAZA

Gaza (Caasimada Online) – Milatariga Israa’iil ayaa xalay ku amray dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool degmada Khan Yunis ee bartamaha Marinka Gaza inay isaga baxaan, tallaabadaasi oo u muuqata mid direysa in Israa’iil ay mar kale weerari doonto magaalada labaad ee ugu weyn Gaza.

Amarkan ayaa muujinaya in Khan Yunus ay noqoneyso bartilmaameedka ugu danbeeya ee dagaalka ay Israa’iil ka waddo Gaza tan iyo horraanii October ee sannadki hore.

Ciidanka Israa’iil ayaa horay u burburriyay inta badan Khan Yunus, hase yeeshee shacabka ayaa dhawaan dib ugu soo laabtay kaddib weerarkii ay Israa’iil ku qaadday magaalada kale ee Rafax.

Dadka lagu amray in ay ka baxaan Khan Yunus ayaa sheegay, in farriin qoraaleedyo ay ciidanka Israa’iil ugu soo direen telefoonnadoodu loogu sheegay in ay aadaan degmada Muwasi ee dhinaca xeebta badda Meditareeniyaanka, halkaas oo ay horay ugu barakaceen boqollaal kun oo ruux.

Dhanka kale, kooxaha Islamic Jihad iyo Xamaas ee ka dagaallama Gaza ayaa sheegay in ay Isniintii shalay gantaallo ku weerareen deegaanada ku yaalla koofurta Israil ee xadka Gaza.

Millatariga Israa’iil ayaa sheegay in ilaa 20 gantaal oo lagaga soo tuuray dhanka Gaza aysan cidna wax ku noqon.

Hase yeeshee weerarkaasi ayaa muujiyay in wali ay kooxaha Falastiiniyiinta ee Gaza ay leeyihiin awood, kaddib muddo 9 bilood ah oo ay dagaal kula jiraan ciidamada Israa’iil.

Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku kala tegay wada-hadaladii Turkey – Maxaa dhacay?

Ankara (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in uu natiijo la’aan ku soo dhammaaday kulan la isugu keenay wakiillo kala matalayay Soomaaliya iyo Itoobiya oo la rabay in xal looga gaaro khilaafka labada dal.

Ilo wareedyo ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in wafdiga dawlada Soomaaliya ay ku adkaysteen in aysan gorgortan ka galaynin arrimaha uu khilaafku ka taagan yahay oo ah heshiiskii badda ee sida sharci-darrada ah ay Itoobiya ula saxiixatay Somaliland.

Kulankan ayaa ahaa mid ku yimid codsi ay Itoobiya soo marsiisay dalalka Qatar, Mauritania iyo Turkey oo ay ka dalbatay inay dhex-dhexaadiyaan iyaga iyo Soomaaliya.

Markii la isugu tegay miiska wada-hadalka dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay mowqifkeedii ahaa “in Itoobiya ay ka laabato heshiis beenaadkii ay la gashay Muuse Biixi, si loo guda-galo wada-hadalka.”

Wasiirka arrimaha dibadda Turkey Hakan Fidan oo garbihiisa ay taagan yihiin wasiirrada dhiggiisa ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa sheegay in kulamadu ay sii socon doonaan, dibna la isugu soo laaban doono labada bisha September ee sannadkan 2024.

Dawladda Soomaaliya ayaa mawqif adag ka taagan difaaca madax-bannaanida dalka, waxaana go’aankeedaas oo ay meel walba ka caddeysay loo arkaa inuu caqabad ku noqday Itoobiya, oo cadaadis caalami ah kala kulmay heshiiskii Somaliland.

Heshiiska badda ayaa Itoobiya quus caalami ah geliyay, kadib cadaadiska diblumasiyadeed, taasi oo Itoobiyaanka ku kallifay inay raadiyaan dowlado wada-hadashiiya iyaga iyo Soomaaliya.

Qorshaha xiriirka Al-Shabab iyo Xuutiyiinta oo abuuray walaac caalami ah (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil sare oo ka tirsan Waaxda Difaaca ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay xiriir iskaashi la billaabeen kooxda Xuutiyiinta Yemen, si ay isugu dayaan in awoodooda ay ku ballaariyaan Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada difaaca Mareykanka oo codsaday in aanan la magacaabin ayaa sheegay in Al-Shabaab ay la shaqeeyaan Xuutiyiinta, isagoo ku tilmaamay wax la yaab leh oo laga walaaco.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in Xuutiyiinta, oo ah koox gacan ka hesha dowladda Iran ay doonayso in ay abuurto jiho cusub oo badweynta Hindiya ah oo Al-Shabaab ay ka heli karaan gantaalada casriga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Haddaba xiriirka iyo iskaashiga la sheegayo inay xuutiyiinta oo shiico ah doonayaan inay la yeeshaan kooxda suniga sheegata ee Al-Shabaab, muxuu uga dhigan yahay Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika?

Axmed Kaboole oo falanqeeya arrimaha ammaanka ayaa arrintaan uga waramay VOA, isagoo ku sugan dalka Sweden ayuu sheegay in xiriirka Shabaab iyo Xuutiyiinta uu sii kordhinayo weerarada iyo beegsiga ay Shabaab ka wadaan gobolka.

“Al-Shabaab waxay u baahantahay hub casri ah, Xuutiyiinta waa heystaan, sida diyaarado iyo gantaalo halis ah oo Iran iyo saaxiibadooda kale ay ka heleen, hubka ay Xuutiyiintu heli karaan hadii uu gacanta Shabaab galo, caqabad weyn ayey dowladda Soomaaliya ku noqon doontaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale falanqeeye Axmed Kaboole ayaa sheegay in Shabaab ay xuudadaha dalka ka gudbi doonaan, hadii ay helaan awood intaan ka badan, “waxaa halis loogu jiraa inay helaan hub casri ah oo ka fiican midka dowladdu heysato, mar kasta oo ay awood teeshaan culeys weyn ayaa soo kordhaya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Kaboole.

Inkastoo kooxahaan ay kala yihiin Shiico iyo Suni, waxaa xiriirkooda loo sababeynayaa in Shabaab ay aad u rabaan hub casri ah, halka Xuutiyiintu ay daneynayaan inay awood u yeeshaan maamulka Badweynta Hindiya.

Falanqeeye Axmed Kaboole ayaa dowladda Soomaaliya u soo jeediyey inay ka fikirto sidii ay uga hortegi laheyd in xiriirka Shabaab iyo Xutiyiinta uu dhaqan galo, iyadoo kaashaneysa caalamka, sidoo kale wuxuu ku taliyey in badaha Soomaaliya laga difaaco Al-Shabaab, si aysan hub ula soo degin.

 Hoos ka dhageyso wareysiga.

Dowladda JABUUTI oo si adag ugu jawaabtay MUUSE BIIXI, digniin culusna siisay

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa ka jawaabtay eedeyntii uu ujeediyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, taasi oo uu ku sheegay in Jabuuti ay marti-galineyso jabhad kasoo horjeeda maamulkaasi.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland aysan fileyn in Jabuuti looga dhawaaqi karo koox ka soo horjeeda jiritaanka Somaliland, balse arrintaas ay la noqotay la-yaab, isagoo ku goodiyey in maamulkiisa aysan waxba ka qaadi karin kooxo lagu aas-aasay waddamo kale.

Eedeyntan ayay gebi ahaanba beenisay dowladda Jabuuti, ayada oo ku tilmaamtay mid aan sal iyo raad toona laheyn, iyaddoo sheegtay in Jabuuti ay ka shaqeyso nabadda gobolka oo aysan kicin xasaraddo.

Wasiirka Maaliyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale oo arrintaan uga jawaabay qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweynaha Somaliland uu eedeyn culeyskaan leh u jeediyo Jabuuti.

“Waxaan ka xumahay eedaynta aan raadka lahayn ee nooga timid madaxda Somaliland, Jabuuti waa goob u taagan wada-jirka iyo is dhex-galka gobolka, waa barada nabada gobolka, wax kale kama shaqayno,” ayuu Wasiir Ilyaas ku yiri qoraalka.

Dowladda Jabuuti ayaa ku faantay in aanay marnaba dhex-gelin arrimaha gudaha ee jaarkooda, wuxuuna wasiirka uga digay madaxweyne Biixi iyo maamulkiisa in Jabuuti kusoo lifaaqan xasaradaha gudahooda ka taagan.

“Sidaas awgeed fadlan Jabuuti ha dhex-galinina siyaasadihiina guddaha ama ajendayaashiina, xasuuso shalay waxa nalagu eedeeyay in aanu Somaliland gacan ka siinay dagaalkii gobolka SSC,” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay dalka Jabuuti ku sugan yihiin madaxda maamulka dibad-wareega ee la baxay Awdal State, kuwaasi oo halkaasi ku qabsaday xaflad, taasi oo ay hanjabaad uga soo direen maamulka Somaliland.

Sida muuqata xiriirka Somaliland iyo Jabuuti oo wanaagsanaa sanadihii lasoo dhaafay ayaa hadda xumaaday kadib heshiiskii badda ee ay Somaliland la gashay Itoobiya, kaasi oo dowladda Jabuuti ee horkacayo Geelle u aragto khatar dhaqaale, maadaama ay lacag adag ka hesho adeegsiga Itoobiya ee dekeddeheeda.

Murugo: Qaraxii Beledweyne oo hal qoys ka galaaftay Aabe, Hooyo iyo Gabar

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa isisoo tareysa murugada uu reebay qaraxii Axadii ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, dadkii ku dhintay qaraxaas waxaa ka mid noqday qoys ka koobnaa Hooyo, Aabe iyo Gabadhooda.

Qaraxaas ayaa goor galab ah ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee galbeedka magaalada Beledweyne, waxay masuuliyadiisa sheegatay Khawarijta Al-Shabaab, bartilmaameedku wuxuu ahaa xero ay ka guurayeen ciidanka Jabuuti ee Hiil-walaal, balse waxaa fashiliyey oo meel fog uga hortegay ciidanka Ilaalo Qaran ee xoogga dalka oo xeradaas kala wareegay ATMIS.

Aabe Xasan Cabdi Aadan iyo xaaskiisii Muslimo Maxamed waxaa la geeriyootay gabadhooda oo 7 sano jirtay, markii uu qaraxu haleelay waxay ka yimaadeen beer ay ku lahaayeen duleedka magaalada, sida ay Caasimada Online u sheegeen ehellada reerka.

Feylow Cabdi Aadan oo ay walaalo ahaayeen Aabaha reerkii lagu laayey qaraxaas ayaa warbaahinta u sheegay in reerkaas oo ka yimid beertooda oo mararka qaar ay aadi jireen uu haleelay qaraxa ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne.

“Waxa aan tagnay meeshii ay dhibaatadu ka dhacday, runtii waxa ay ahayd wax aan la qiyaasi karin hilbihii ehelkeenna oo googo’ay ayaan Meesha kasoo aruursannay”, ayuu Feylow Cabdi oo BBC uga waramay dhacdadaan xanuunka badan.

Xasan iyo Muslimo waxa ay ifka kaga tageen 7 carruur ah oo kale oo hadda ku sugan magaalada Beledweyne, sida laga soo xigtay walaalkiis Feylow Cabdi oo aad uga walaacsan nolosha carruurta uu adeerka u yahay ee la dilay Aabahood, Hooyadood iyo walaashood.

Beledweyne ayaa lagu tilmaamaa magaalada labaad ee Soomaaliya ugu qaraxyada badan, marar badan oo Shabaab ay qaraxyo ka geysteen magaaladaas, waxay ku xasuuqeen boqolaal qof, kuwaas oo mar kasta loola soo cararo caasimada Muqdisho, maadaama isbitaal weyn oo dadka dhaawacma daryeeli kara uusan ku oolin magaaladaas.

Qaraxii maalin ka hor ka dhacay magaalada waxaa lagu sooratay gaafi Home ama Caasi ah, kaas oo nin naftiisa haligay uu waday, wuxuuna ka dhacay afaafka hore ee xerada ciidamada Jabuuti ku lahaayeen Xaafada Howlwadaag, iyadoo askartii ugu dambeysay ee ciidanka Jabuuti isaga guureen xerada ayuu qaraxu dhacay, waxaana ka hortegay oo fashiliyey ciidanka qaranka Soomaaliya oo u diyaarsanaa inay la wareegaan amniga xeradaas.

Xogta kulan xasaasi ah oo Qoor-Qoor uu la yeeshay beelihii dagaalamay + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye(Qoor-Qoor) ayaa maanta la kulmay odayaasha iyo waxgaradka labada beel ee kasoo kala jeeda Xeraale iyo Cabudwaaq ee dhawaan dagaalamay.

Qoor-Qoor ayaa labada dhinac ku bogaadiyay heshiiska horudhaca ah ee ay gaareen, isaggoo kula dardaarmay in si buuxda loo dhammeystiro qaybaha haray heshiiska.

Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa kulanka xubno ka tirsan baarlamaanka dowladda federaalka, mudanayaal ka tirsan goloyaasha dowlad-goboleedka Galmudug iyo odayaashada labada beel iyo culimaddii garwadeenka ka aheyd heshiiska.

Kulankan ayaa qeyb ka ah bilowga shirka dib u heshiisiin ah oo ay Galmudug u qabaneyso beelaha diriray, si xal kama dambeys ah looga gaaro colaadda.

Qoor-Qoor ayaa dhawaan shaaciyay in la hayo xogta dadkii ka dambeeyay hurinta dagaalka, isaggoo caddeeyay in uusan iska dhicin dagaalka labada beelood ee uu ahaa mid ay ka dambeeyeen siyaasiyiin ka dhex raadinayay dano siyaasadeed, islamarkaana ay hay’addaha ammaanka hayaan caddeymaha dadkii ka shaqeeyay arrinkaasi, lana soo bandhigi doono.

Waxa uu markaas sheegay in waqtiga ku habboon lasoo bandhigi doono dadka uu sheegay inay ka dambeeyeen hurinta colaadda ay ku baxeen dadka badan.

Si kastaba, Dagaal beeleedka gobolka Galgaduud ayaa noqday midkii ugu khasaaraha badanaa, waxaana hal maalin ay beelahaan ay iska dileen in ka badan illaa 50 qof, halka ay iska dhaawaceen ku dhowaad 100 kale, kadib dagaallo ka dhacay waqooyiga Galgaduud.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa muddo dheer ka taagan colaad beeleedyo saameyn ku yeeshay nolosha shacabka, waxaana usii dheer dilal ay isku gaysanayaan beelaha.













Xasan Sheekh iyo xaqiiqada dagaalka oo is khilaafsan – Maxay yihiin isdiidooyinka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadkan ku khudbeeyay in aysan jirin goob ay ciidanka dowladda ka qabsadeen argagixisada oo ay kadibna dib uga soo baxeen, taas oo aad uga fog xaqiiqada dagaalka ee taalla dhulkii lagu diriray.

Degmada Ceelbuur iyo deegaanafa Wabxo, Caad, Cowsweyne, Camaara, Ceela-helay, Ceel-garas, Galcad iyo deegaano kale oo ciidanka dowladda qabsadeen, qaarkoodna ay rag badan oo muhiim ah ku dhinteen qabashadooda ayaa dib looga soo baxay, oo ay dib ula wareegtay argagixisada.

Madaxweynaha isaggaa horey ugu baaqay in aan dagaalka la siyaasadeyn, balse sida muuqata isaga ayaa asbuucan isku dayey inuu siyaasadiisa iyo waxgaradkiisa ku xoojiyo wax ka fog dhabta dagaalka ee taalla furimaha, xilli ay xukunkiisa ka harsan tahay hal sano iyo toban billood.

Iyada oo aanay jirin dhibaato argagixisada ka daran oo taalla Soomaaliya, haddana madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la gudboon inuu umadda Soomaaliyeed runta u sheego, waxa qaldan u sheego, danihiisa siyaasiga ah iyo xaalka dagaalkana kala sooco.

Dadka Soomaaliyeed waxay sugayaan in dib loo bilaabo dagaalka. Argagixisada waxay heshay nafis dhowr dhinac ah, tan iyo markii uu istaagay dagaalkii tooska ahaa ee ay dowladda iyo dadka deegaanka ku hayeen argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa weli wasiirka gaashaandhiga u ah Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), halka uu taliyaha xoogga u yahay Ibraahim Sheekh Muxiyadiin. Labadaas nin oo ay si weyn u masuugsan yihiin ayuu madaxweyne Xasan Sheekh weli kaga fadhiya fulin, qorsheyn iyo guul dagaal.

Markii la fiiriyo labadaas nin ee ay shacabka iyo ciidanka sida weyn u masuugsan yihiin iyo dalaaliinta kale ee dagaalka ee madaxweynaha ku hareeraysan waxaa shaki ka galayaa in daacad laga yahay in lasoo afjaro argagixisada.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa la yaab ku tilmaamay sida ay isku khilaafsan yihiin hadalka madaxweyne Xasan Sheekh iyo xaqiiqada dagaalka.

Dadka Soomaaliyeed ee wax-galka ah ee la socda xaalka dhabta ah ee dalka iyo culeyska argagixisada, waxay ku talinayaan in diirada la saaro muddada yar ee madaxweynaha u dhiman in kooxda ugu yaraan 80% la wiiqo.

Tan oo macnaheedu yahay in laga howl-galo deegaanada ay kaga harsan yihiin Galmudug iyo HirShabelle, kadibna loo gudbo deegaanada ay ka joogaan Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda aad ugu xoogan tahay, welina aan shaqo laga qaban.

Waqtigii uu madaxweyne Xasan Sheekh horey u qabsaday inuu kusoo afjari doono kooxaha argagixisada ayaa suurtoobi waayay.

DF oo dib u dhigtay dhaqan-galka arrin ay mamnuucday iyo sababta ka dambeysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dib u dhigtay go’aan ay ku mamnuucday ka ganacsiga iyo isticmaalka bacaha halka mar la isticmaalo.

Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya ayaa shaacisay inay muddo saddex bilood dib u dhigtay dhaqan-galka go’aankaasi kadib codsi uga yimid ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa sheegtay in iyada oo tix-gelinayso codsiga ganacsatada ay qaadatay go’aankan cusub, islamarkaana uu go’aanka mamnuucista bacaha laga dhigay bisha September ee sanadkaan 2024.

“Ganacsatadu waxa ay wasaaradda ka codsadeen in loo kordhiyo wakhtiga maadaam ay heshiisyo ganacsi (contracts) ay horay u galeen, kuwaas oo dhaqaale kaga maqan yahay islamarkaana ay u suurto gali wayday in wakhtiga loo qabtay (30-ka Juun 2024) ay kusoo dhameystaan hawlahaasi,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya.

Sidoo kale waxay fartay cid kasta oo ay khusayso arrimaha la xiriira bacaha halka mar la isticmaalo inay u hogaansamaan ku dhaqanka wareegtada, ayada oo sheegtay in aan wax ka beddel lagu sameyn qodobaddii horey ugu soo baxday wareegtadi mamnuucista bacaha.

“Wixii ka dambeeya 30 bisha September 2024 waxaa la joojiyay soo dejinta, dhoofinta, soo saaridda, ka ganacsiga iyo isticmaalka bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo. Wareegtadu waxa ay si buuxda u dhaqan-galeys 1-da bisha Octoobar 2024.”

Wasaaradda ayaa adkeysay in kadib taariikhda cusub ee ay mudeysan aan laga ganacsan karin bacahaasi, oo guud ahaan la mamnuucay. kahor ay tahay in ganacsatu suuqa uga saaran.

Daawo: Xasan oo ka qeyb-galay dhoola-tuskii ugu cajiibsanaa ee ciidanka ee 1-da Luulyo

0

Muqdisho (Caasimada Online) –
Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabadda xuska sannad guurada 64-aad ee xornimada iyo Midnimada dalkeenna.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan wada-jirkooda, islamarkaana ay xajistaan dhaxalka awooweyaashood.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf kaga qaatay Taalada Daljirka Daahsoon cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida oo gaardis kusoo maray qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha ubax dhigay Taalada Daljirka, si loo maamuuso halyeeyadii Soomaaliyeed ee naftooda iyo maalkoodaba u huray gobanimada Soomaaliya.

Dabbaal-degga munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay diyaaradaha qumaatika u kaco ee ciidamada Cirka.

Waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa dabaabadaha iyo gaadiidka dagaalka ee ciidanka xoogga dalka iyo booliska, kuwaas oo soo bandhigay sida ciidamada qalabka sida ee dalkeennu ay ugu diyaarsan yahay difaaca qarankeenna, ilaalinta amniga, midnimada iyo gobanimada dalkeenna.

Waa bandhigii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ah oo magaalada Muqdisho lagu qabto tan iyo burburkii dowladdii dhexe kadib, waxayna muujineysa horumarka wayn ee gaartay Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Kuuriyada Waqooyi oo gantaal uga jawaabtay tallaabaddii Mareykanka

Pyongyang (Caasimada Online) – Millatariga Kuuriyada Koofureed ayaa ku warramay in Kuuriyada Waqooyi ay aroornimadi hore ee maanta ay xeebteeda bari ka ridday gantaal nuuca riddada dhexe ah.

Tallaabadan ayaa imaaneysa maalin kaddib markii ay Pyongyang wacad ku martay inay jawaab adag ka bixin doonto dhoolatus cusub oo Mareykanka ay si wada jir ah ula fuliyeen millatariga Kuuriyada Koofureed iyo Japan.

Xafiiska Taliska ugu sarreeya ciidamada qalabka sida ee Kuuriyada Koofureed ayaa sheegay in wax u eg laba gantaal ay aroornimadi hore Kuuriyada Waqooyi ka tuurtay degmada Jangyon ee xeebta koonfur bari ee dalkaasi ka go’doonsan dunida inteeda kale.

Taliyaha guud ee ciidamada ayaa sheegay in militariga Kuuriyada Koonfureed uu sare u qaaday howlaha ilaalinta xadka, islamarkaana ay si dhow xogta isu weydaartaan Mareykanka iyo Japan.

Kuuriyada Waqooyi ayaa inta badan tijaabisa gantaallo kala duwan oo u badan kuwa xanbaara madaxyada niyukleerka, gaar ahaan xilliyada ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kuuriyada Koofureed ay sameeyaan carbisyada millatari.

Gantaalada ballistic-ga ah ee Kuuriyada Waqooyi iyo barnaamijka hubka Nukliyeerka waxaa horey u mamnuucay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Laakiin tani kama joojin marnaba in Pyongyang ay sii waddo horumarinta hubkeeda iyo inay qabato dhoola-tus milatari oo aad u wanaagsan, si ay u muujiso awoodeeda.

A/Midoobe oo war culus ka soo saaray bixitaanka ATMIS

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo xalay khudbad ka jeediyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ka hadlay arrimo ku aadan qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS.

Axmed Madoobe ayaa soo dhaweeyay bixista ciidamada howlgalka ATMIS, wuxuuna sheegay inay ku baxayaan jadwal qorsheysan oo ay tahay in loo diyaar garoobo.

“Waxaan ku talinayaa ciidamada ATMIS oo horay loo oran jiray AMISOM oo ku baxaya jadwal qorsheysan inay tijaabo u tahay ciidanka Soomaaliyeed iyo dowladda Soomaaliyeed oo aan u diyaar garowno ATMIS dhulka ay ajendaha iyo jadwalka kaga baxayso inaan la wareegno” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhinaca kale saluug ka muujiyay diyaar garow la’aan uu sheegay inuu jiro, haddii ay baxaan ciidamada ATMIS, wuxuuna sheegay in bixitaankooda uu yahay tijaabo lagu sameynayo dowladda iyo ciidanka Soomaaliyeed.

“Arrintan waa jadwaleysan tahay waa qorshe waxna laga waydiin maayo waa baxayaan jadwal ayayna ku socdaan, annaga diyaar garowgeena wuu liitaa, waana tijaabo oo ay way baxayaan fashilka ka yimaadaa waa mid xukuumadda taabanaya & ciidanka” ayuu raaciyay.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay dagaalka adag ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo uu ugu baaqay shacabka inay ka qayb-qaataan howlgallada xoreynta ee haatan socda.

“Waxaan rabaa inaan baaq u diro dada ku nool meelaha ay haystaan Al-Shabaab inay u diyaar garoobaan oo ay ka qayb qaataan ololaha Shabaabka lagaga xoreynayo deegaanada ay ku nool yihiin” ayuu mar kale khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa imaanaya, ayada oo shalay ciidamada ATMIS ay wareejiyeen saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Cabdale Biroole, kaas oo lagu wareejiyay ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeeda.

Xarunta ay wareejiyeen ciidamada ATMIS ayaa ah tii afaraad, inta uu billowdey wajiga seddexaad ee dhimista Ciidamada ATMIS ee Midowga Afrika.

ATMIS ayaa horay u wareejisay dhowr saldhig oo ku kala yaalla HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana haatan ka howlgala ciidamada Xoogga dalka.

Daawo: DF Soomaaliya oo diyaarado dagaal maanta ku soo bandhigtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay maanta diyaarado dagaal oo ay leedahay kusoo bandhigtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliy-, kuwaas oo lagu arkay iyaga oo socda hawada sare ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Diyaaradahan ayaa ka qayb-qaadanayo dabaal-degga xuska maalinta kowda Luulyo oo ah markii ay xornimada qaateen Gobollada Koonfureed iyo midowga labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo maanta ku beegan.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo warbaahinta kula hadlay fagaaraha uu ka socda badhiga ayaa sheegay in diyaaradaha ay soo iibsatay Soomaaliya ay tahay guul wayn oo ay gaaray dowladda dhexe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in tani ay tahay farriin cad oo ay direyso Soomaaliya, maadaama ay sameyneyso soo kabasho aad u wayn oo dhanka milatariga ah.

“Markii ugu horeysay diyaarado dagaal oo dalka leeyahay ayaa maanta lagu soo bandhigayaa Taalada Daljirka,f ariin cad ayeyna dirayaan, rumeysta ama ha rumeysanina” ayuu yiri guddoomiye Yabooh.

Waxaa kale oo uu intaasu kusii daray “Kowdii Luulyo ee lasoo dhaafay ma jirin waxa maanta lasoo bandhigaayo dabcan tan soo socotana way ka fiicnaan doontaa”.

Yabooh oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ay xoogeysaneyso awoodda dowladda Soomaaliyeed, sidoo kalena la dhisay ciidamada Soomaaliyeed oo tayo leh.

“Badhigga diyaaradahan waxa na tuseysaaa awoodda dowladnimada sidoo kalena kor u kacday, ciidamadii qalabka sida oo dhismahoodii uu xoog u socdo” ayuu sii raaciyay.

Bandhigga socda waxaa sidoo kale qayb ka ah gaadiid dagaal oo ay ku jiraan kuwa gaashaman iyo ciidamada sameynayo dhuulatus aad u wayn.

Waa bandhigii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ah oo Muqdisho lagu qabto tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee kadib, waxayna muujineyaa horumar wayn oo la gaaray

Maxaa laga ogyahay kulanka Soomaaliya iyo Itoobiya uga furmaya dalka Turkiga?

Ankara (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa dirtay wasiirka Arrimaha Dibedda Axmed Macallin Fiqi oo maanta u safray Turkiga, waxaana la sheegayaa in Addis Ababa ay iyaduna Turkiga u dirayso wasiirka Arrimaha dibedda.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay, in “Dowladda ay ka go’an tahay mabaadi’deeda ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.”

Turkiga ayaa Soomaaliya u sheegay inuu diyaar u yahay inuu xalliyo khilaafka Muqdisho iyo Addis Ababa, waxaana dhawaan madaxweynaha Soomaaliya uu Ankara kula kulmay wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga Hakan Fidan.

Haddaba maxaa laga ogyahay kulankan?

“Kulanka oo ah mid hal maalin soconaya ayaa waxaa labada dhinac ku kala matalaya Wasiiradooda arrimaha dibadda ayaa waxaa aan fahamsanahay in Itoobiya ay codsatay kulanka, waxaana fududeynaya dowladda Turkiga oo labada dhinac isku keeneysa,” ayuu yiri Maxamed Mukhtar oo ka faallooda arrimaha geeska horayna u soo noqday wasiirka batroolka Soomaaliya.

“Mowqifka Soomaaliya ayadoo qoraal ahna wey gudbiyeen marar badanna wey sheegeen in arrinta qaranimada aysan marnaba gorgorton ka galeyn iyo midnimada dhulka Soomaaliyeed, balse wixii kale oo wadahadal ah oo wada ganacsi ah ama wada shaqeyn ah ay diyaar u yihiin,” ayuu intaas ku daray.

“Marka la eego Turkiga isaga laftirkiisa waa dal ay ku nool yihiin dad Kurdiyiin ah oo doonaya inay go’aan, marka dowladda Turkiga mabdi’iyanba ma aaminsana in dal qeyb ka mid ah la gooyo sababtoo ah iyaga laftooda maanta ma jecla inay Kurdiga ka go’aan marka dhankaas marka ay timaaddo dowladda Turkiga waxay la mowqif tahay dowladda Soomaaliya.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in hadda Turkiga uu doonayo in diiradda shirkan lagu saaro sidii looga laaban lahaa heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la gashay Soomaaliya iyo sidii xiriirkooda looga dhigi lahaa mid shaqeeya.

“Itoobiyaanka waxa ay la imaan doonaan oo miiska ay saari doonaan lama oga sababtoo ah Abiy Axmed waxaa lagu bartay inuu yahay qof aan la qiyaasi karin waxa uu rabo iyo waxa uu sameynayo balse barrito marka ay imaadaan waxa ay miiska soo saaran iyo waxa ay la yimaadaan ayaan arki doonnaa haddii Alle yiraahdo,” ayuu sidoo kale yiri Maxamed Mukhtar.

Maxaa ka soo bixi kara kulanka?

“Haddii Itoobiya ay miiska soo saaraan inay arrintan ka laabanayaan markaas waa suurogal wax kasta oo wadahal ah, ama ha noqoto maalgashi ama Turkida, Soomaalida iyo Itoobiyaanka oo ka wada hadla dekadaha Soomaaliya sidii looga wada faa’iideysan lahaa halaga wada hadlo, sida loo wada maal-gashan lahaa halaga wada hadlo marka waxyaabo badan ayaa suurogal ah, balse haddii barrito ay miiska soo saaraan arrintaas gorgorton malahan ma filaayo markaas inay jiraan wax laga sii wadi hadli karaba marka waxay ku xiran tahay waxa ay miiska soo saaraan,” ayuu sheegay Maxamed Mukhtar. 

Dawladda Soomaaliya waxay ku sheegtay qoraalka kooban ee wasaaradda Arrimaha dibadda ay soo dhigtay barta X in ay “ka go’an tahay inay si adag ugu taagnaato mabaadii’deeda ay ku ilaalinayso madax banaanideeda dhuleed.”

DAAWO: Dabaal-deg aan caadi aheyn oo nooc cusub ah oo ka socda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka socda dabaal-deg wayn oo aan caadi ahayn, kaas oo lagu xusayo maalinta kowda Luulyo oo ah markii ay xornimada qaateen Gobollada Koonfureed iyo midowga labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Munaasabad lagu xusayo sanad guurada 64-aad ee maalintan qaran ayaa haatan ka socota magaalada Muqdisho, taas oo si heer sare ah loo soo agaasimay.

Sidoo kale waxaa la xiray waddooyinka halbowlaha ah ee caasimada oo lagu soo daadiyay ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaas oo hakad-geliyay dhaq-dhaqaaqa.

Ciidamada ayaa gaadiidka iyo dadka ka celinaya waddooyinka muhiimka ah, si ay u sugaan amniga inta uu socdo dabaal-degga xuska kowda Luulyo.

Waxaa kale oo ay ciidamadu sameynayaan bandhig cajiib ah oo lagu muujinayo qiimaha maalinta xoriyadda dalka, kaas oo ka socda taalada Daljirka Daahsoon ee Muqdisho, waxaana halkaasi lagu arkayaa gaadiidka dagaalka iyo ciidamo oo dhuulatus sameynaya.

Dhinaca kale madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay Munaasabadda Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo oo ku astaysan 64 sano guurada xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Hambalyo Dadka Soomaaliyeed munaasabadda Calan-saarka sannad guurada 64-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen gobollada koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, habeenkii xornimada iyo midnimada ee 1-da Luulyo 1960-kii.” ayuu yiri taliyaha Xoogga oo qayb ka ahaa calan saarka xalay ee kowda Luulyo

Munaasabadan waxaa ka horreysay midda 26 June oo iyana horay loogu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana sanadkan ay dowladda u diyaar garowday si ka duwan sanadihii hore.

Waxa dhici doona haddii DF ay Itoobiya dekad u ogolaato wada-hadallada Turkey

Dalka Soomaaliya burburkii kadib waxaa soo gaaray dhibaatooyin aad u waaweyn oo gumeysigii soo jireenka ahaa uu helay fursad aad u weyn uu kala qeybin karo soomaalida.

Dalalka Itoobiya iyo Kenya waxay hore innaga heysteen dhul aad u ballaaran laakiin maadaama aan leheyn dowlad adag waxay ogaayeen inay iman doonto waqti ay soomaalidu dib u midoobi doonto balse rajadaasi waxay burburtay markii aan dowladdeennii duminnay.

Kenya waxay isku dayday inay beddesho qaabkii dhuleedkii Soomaaliya iyadoo isleh Soomaaliya aad ayey u nugushahay awoodna ma leh waxay sheegatay inay leedahay dhowr iyo boqol miles oo baddeennii ka mid ah inkastoo aysan ku guuleysan inay baddii qaadato 100% misena waxaa ay qaadatay marin biyood ay Mombasa ku tagto taasoo aysan leheyn markii hore.

Haatan waxaa taagan xaaladda Itoobiya ay baddeennii tiri waxaan qaadanayaa illaa 50 miles oo bad ah kana dhisanayaa Deked aan anigu maamulo iyo saldhig military oo aan ciidanka badda u dhiso.

Isweydii haddii Itoobiyaan uu dhisto deked ay iyadu leedahay oo dowladda Itoobiyana ay maamusho ka fikir maxaa ka dhalan kara ?

Jawaabtu waa mid kooban waxaa dhici doonta inay xirmaan dekedihii Soomaaliyeed ee waqooyiga Soomaaliya ee Berbera iyo Jabuuti taasoo dekedahaasu aheyd isha keliya ay shacabkaasi dhaqaale ka heli jireen noloshooduna ku tiirsaneyd.

Maadaama Itoobiya ay bad heshay waxay ka maarmi doontaa adeegsigii dekedaheenna taasina waxay keeni doontaa soo wajihi doona shacabkii Soomaaliyeed ee waqooyiga oo markii horeba la daalaa dhacayey faqri iyo shaqo la,aan.

Tan ku saabsan inay Itoobiya rabto inay saldhig ciidan badeed ka sameysato Soomaaliya waa mid khatarteeda leh waxaa iska fudud inay timaaddo baddeenna si kastaba haku timaaddee balse waxaa adkaan doonta in laga saaro dhulka Soomaaliyeed.

Waxaad mooddaa in dowladdii Soomaaliyeed ee dalkan xukuntay ineysan uba jeedin khatartan aadka u weyn ee Soomaaliya ay wajihi doonto sanooyinkan soo socda iyadoo had iyo jeer aan maqleyno waxaa la  wada hadashiisiinayaa Itoobiya iyo Soomaaliya arrinta ku saabsan heshiiskii badda ee Muuse la saxiixday Itoobiya.

Haddii ay Soomaaliya oggolaato inay la hadasho Itoobiya arrinta badda maxaa diiday inay dhici doonto halheyskii ahaa *ku qabso ku qadimeyside* Waxaan dowladda Soomaaliyeed kula talin lahaa ineysan lumin heybaddii iyo sharaftii Soomaalida lagu yiqiin ayna ilaaliyaan karaamadii Soomaaliyeed.

Wabillaahi Towfiiq
Qore: Maxamed X Seeraar