26.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Wararkii ugu dambeeyay ee natiijada doorashada France

Paris (Caasimada Online) – Natiijo hordhac ah oo kasoo baxday wareega koowaad ee doorashada baarlamaaniga dalka Faransiiska ee dhacday Axaddii shalay ayaa muujineysa, in uu ku guuleystay xisbiga midigta fog ee RN ee ay hogaamiso haweeneyda mayalka adag Marine Le Pen.

Inkasta oo natiijada rasmiga ah ay ku xirnaan doonto maxsuulka wareegga labaad ee doorashadan oo la qaban doono todobaadka danbe, ayaa haddana sida ay warbaahinta maxalliga ah ee Faransiiska iyo kuwa caalamiga ahba ay ku warramayaan, in xisbiga RN uu doorashadi shalay ka helay codad dhan boqolkiiba 34.

Tani ayaa dhabarjab weyn oo siyaasadeed ku ah madaxweyne Emmanuel Macron oo horraantii bishaan iclaamiyay doorashadan laga soo hormariyay waqtigeedii caadiga ahaa, kaddib jabki dharbaaxadi xisbigiisa kasoo gaartay doorashadii Baarlamaanka Yurub.

Isbaheysiga Wadajirka ee uu qeybta ka yahay xisbiga madaxweyne Macron ayaa lagu wadaa in doorashadi shalay ay ka helaan codad dhan 20.5% ilaa 23%. Isbaheysiga NFP ee dhinaca bidixda ayaa iyaguna doorashada ka helay codad dhan 29% sida ay muujinayaan natiijooyinka hordhaca ah.

Sida la saadaalinayo, xisbiga RN ee midigta fog ee ay hogaamiso Marine La Pen ayaa la filayaa in doorashada todobaadka danbe ee wareegga labaad uguna danbeeya uu guulo kale ka keeno.

Warbaahinta Faransiiska ayaa ku warrantay, in La Pen ay awoodi doonto in ay xukuumad soo dhisto, haddii ay heshiis awood qeybsi ah la gaarto mid ka mid ah axsaabta kale.

VOA

Muuse Biixi oo Jabuuti ku eedeeyey inay dhistay jabhad ka soo jeeda gobolka Awdal

0

Hargeysa (Caasimada Online) –Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo la kulmay masuuliyiinta maamulkaas ee ka soo jeeda gobolka Awdal iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqan Gobolkaas ayaa jeediyay hadal uu eedeymo culus ugu jeediyey dowladda Jabuuti.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Jabuuti ay dhistay ‘jabhad’ ku goodineysa inay Somaliland ka xoreynayaan gobolka Awdal, isagoo sheegay in taasi aysan dhaceyn.

Madaxweyne Muuse ayaa sheegay in Somaliland aysan fileyn in Jabuuti looga dhawaaqi karo koox ka soo horjeeda jiritaanka Somaliland, balse arrintaas ay la noqotay layaab, isagoo ku goodiyey in maamulkiisa aysan waxaba ka qaadi karin kooxo lagu aas-aasay wadamo kale.

“Maalmahan waxaan arkeynay qolo jabhad ah oo Jabuuti ka dhex hadleysa oo leh Awdal ayaan xoreyneynaa, Jabuuti taas kama filaneyn, hadeysa sidaas la noqotay wixii ka dhasha ee guud weynu arki doonnaa” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay iIn siyaasiyiinta Somaliland ay ka mideysanyihiin mabda’a ilaalinta qaranimada Somaliland, balse ninkii aragtidiisu ay taas ka duwanaato uu yahay mid soo raacaya cadawga, sida uu hadalka u dhigay Muuse Biixi.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada laga arkay rag badan oo deegaan ahaan ka soo jeedaan gobolka Awdal oo isku abaabulay gudaha Jabuuti, kuwaas oo toos uga horyimid go’aanada Muuse Biixi, si cadna u sheegay in aysan ogoleyn heshiiskii uu Muuse badda ku siiyey Itoobiyaanka.

Sawirrada siyaasiyiinta uu ka hadlay Muuse Biixi ayaa la baahiyey iyagoo booqanaya safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti, iyaga oo la kulmay Danjire Salaad Cali Jeelle, sidoo kale waxay mar tageen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ragaani waxay mar walba sheegaan in aysan ogolayn in dhul xeebeen laga kireeyo dawladda Itoobiya, balse marna ma aysan sheegin in ay Jabhad yihiin iyo in kale, Muuse Biixi ayaa hadalkiisa u dhigay, carabkana ku adkeeyey in ragaasi ay jabhad yihiin.

Wax kacdoon dadweyne ah hadda kama jiraan gobolka Awdal iyo deegaanada kale ee dhaca xadka Jabuuti iyo Somaliland, balse waxaa jira guux dadweyne oo lagu diidan yahay damaca Itoobiya, halka Somaliland ay muujineyso feejignaan ay kaga hortegeyso wax kasta oo kacdoon ah.

Daawo: Amar la dul-dhigay ciidamada DF iyo xogta kiis loo heysto askar lasoo xiray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska booliska Soomaaliya iyo xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa soo saaray amar wadajir ah oo ay ku cadeynayaan in caawa inta loo dabaal-degayo 1-da Luuliyo aan xabado la ridi karin.

Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida Cabdullahi Buulakamey iyo Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay ku soo saareen amarkaan.

Ugu horeyn Afhayeenka booliska ayaa sheegay in qofkii xabad rida lasoo xiri doono dushana laga saari doono wixii khasaare ah oo caawa dhaca, isagoo hoosta ka xariiqay in xabado la rido inta lagu jiro munaasabadaha toddobaadka xoriyadda Soomaaliya.

Booliska Gobolka Banaadir ayaa maalmo ka hor shaaciyey in la soo xiray 9 askari oo jebisay amar ahaa in “xabado aan laga ridi karin Muqdisho” askarta lasoo xiray ayaa habeenkii calan saarka ee 26-kii Juun kor u riday xabado.

Xabadihii habeenkaas la riday ayaa Muqdisho ku dilay ugu yaraan labo qof iyagoo dhaawacay dad kale, taas oo khasabtay in lasoo qabto askartii xabadaha riday intooda badan.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada Jeneraal Cabdullahi Buulakamey oo shirkaan jaraa’id la qabtay afhayeenka ayaa sheegay in askartii lasoo xiray ay u gudbiyeen xabsiga dhexe, iyadoo dhowaan lasoo taagi doono maxkamad.

Wuxuu sheegay in askartaas loo heysto dadkii xabadaha ku dhintay iyo kuwii dhaawacmay habeenkii 26-kii Juun iyo amarkii booliska oo ay jebiyeen, Buulakamey ayaa ku goodiyey inay maxkamad soo taagi doonaan 9-ka askari ee lasoo qabtay.

Hoos ka daawo

Dad badan oo lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Beledweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan afar qof oo ay ku jiraan askar militariga Soomaaliya ka mid ah ayaa lagu dilay qarax galabta ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halka ugu yaraan 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxaas ayaa ka dhacay meel u dhow saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin duleedka magaalada Baledweyne, sida uu sheegay gudoomiyaha maamulka magaalada Baledweyne Cumar Calasow.

Guddoomiyaha oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in qaraxaas loo adeegsaday gaari Home ama Caasi ah, kaas oo qof naftiisa haligay uu waday.

Gaariga ayaa soo istaagay goob u dhow saldhig ay maanta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed kala wareegeen ciidanka ATMIS ee ka baxaya Soomaaliya, waxaana la ogaaday inuu qarax sido, balse wuxuu u cararay dhinaca suuq ay dad shacab ah ku sugnaayeen halkaas ayuuna ku qarxay.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxaa ku jirta askartii dooneysay inay qaraxa fashiliyaan, waxaana lasoo werinayaa in dhaawacyadu ay aad u badan yihiin, balse waxaa la xaqiijiyey dhimashada afar qof oo askar ay ku jirto.

Dadkii dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaallada, waxaana saacadaha soo socda lagu wadaa in Muqdisho la keeno dhaawacyada daran, xaaladda magaalada Beledweyne ayaa caawa cabsi badani ay ka jirtaa.

Ciidamada amniga ayaa kuujinaya feejignaan dheeri ah, maamulka degmada iyo shacabka ayaa dhaawacyada u fidinaya gurmad xoog leh, waxayna dadka goobjoogayaal ah Caasimada Online u sheegeen in qaraxaas sida uu u weynaa iyo khasaaraha uu geystay ay aad u kala fogyihiin.

Inkastoo dad badan oo afar qof gaaraya ay dhinteen, tobaneeyo kalena ay dhaawacmeen, hadana waxaa la soo werinayaa in qaraxaas uu burburiyey dhul aad u baacad weyn, maadaama uu qarxay gaari weyn oo Caasi ah.

 

Safiirka Somalia ee Libya oo si weyn loogu dhalleeceyay arrin uu sameeyay + Sawirro

Tripoli (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Liibiya Cabdi Aadan Diiriye ayaa kasoo muuqday warbaahinta isaggoo xiran dhar u muuqda kuwa dhaqameedka dalkaasi, xilli laga guddoomayay warqadaha aqoonsiga danjirannimo.

Danjire Diiriye ayaa si weyn loogu dhalleeceeyay arrintaan, iyadoo dad badan oo ka fal-celiyay ay sheegeen in ugu yaraan ay aheyd inuu xirto dharka dhaqan ee dalka uu metelayo ee Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee Liibiya ayaa waxaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay madaxweynaha golaha Madaxtooyadada Liibiya Dr. Maxamed Yuunis Al-Manfi.

Caasimada Online oo idin soo aruurisay fal-celinta ka dhalatay sawiradda la baahiyay ee danjire Diiriye ayaa waxaa kamid ah;

Maxamed Cadnaan: “Malaha safiirka Soomaali uma eeka!.”

Shuceyb: “Waxa iiga daran muu dharka dhaqankiisa ku labisto kuna faano inta uu ku labisan lahaa dhar umad kale dhaqankooda ah.”

“Waa Safiir Soomaaliyeed ma waayay dharka Dhaqanka u ah Soomaalida? Ma Liibiyaan baa iyagaa dharkaan xirta?. Dal burburay iga dheh,” ayuu yiri Sakariye Maxamed Isticmaar.

Axmed Jaamac: “Hadda labadaas qof kuma u eg Liibiyaan. Wallaahi waan ka naxay dharka uu xidhay safiirku.”

Cabdicasiis Yuusuf Cigaal oo kamid ah dadka ka fal-celiyay ayaa isna waxa uu yiri “Maxay Safiirnimaddiisa taraysaa hadiiba uusan hal ruux magafe ka sii dayn karin, bal waxa aad noola imaateen eegga!!.”

Si kastaba, Soomaaliya iyo Liibiya ayaa leh xiriir wanaagsan, ayada oo dhawaan ay labada dhinac yeesheen wada-hadallo dhabaha u xaaraya sidii dalka dib loogu soo celin lahaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo sanado ku dhibaateysan xabsiyada dalkaasi.

Liibiya ayaa sidoo kale waxaa ku sugan dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo sanado magafe uu ku haysto dalkaasi, waxaana ku haysata xaalado nololeed oo aad u daran.

Doorashada madaxtinimo ee IRAN oo yeelatay weji cusub

Tehran (Caasimada Online) – Natiijadii kasoo baxday doorashadi madaxtinimada ee Jimcihi ka dhacday dalka Iran ayaa muujisay in uusan murashaxna helin codad ku filan si uu unoqdo madaxweyne.

Tan ayaa ka dhigan in labada musharrax ee ugu sarreysa ay ku loollami doonaan doorasho ku celis ah oo dalkaasi ka qabsoomi doonto 5-ta bisha Luulyo.

Wareegga labaad ee doorashadan ayaa waxaa isugu soo baxay Massoud Pezeshkian oo ah xildhibaan qunyar socod ah iyo Saciid Jalili oo ah murashax heysta taageerada hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in midkoodna uusan helin boqolkiiba 50 oo lagu daray hal cod, kaddib marki la tiray codadki ay dhiibteen ilaa 25 milyan oo cod-bixiye.

Hase yeeshee Pezeshkian ayaa codad dhan ku dhawaad nus milyan ka horreeya Jalili.

Labadani nin ayaa midki guuleystaa baddali doona, madaxweynihi hore Ebrahim Raisi oo dhawaan ku dhintay shil hellikobtar.

Jagada madaxweynaha Iran ayaa ka dhigan awoodda fulinta, maadaama awoodda iyo go’aannada kama danbeysta ah ee qaranka uu leeyahay hogaamiyaha ruuxiga ah Ayatollah Ali Khamenei.

Xasan oo dhisay sanduuq ay horey u laheyn Soomaaliya iyo waxa uu qabanayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhisay sanduuqa qaran ee cimilada.

Madaxweynaha oo ka duulaya dib u habaynta iyo horumarinta qorshaha qaran ee isbeddelka cimilada ayaa xeer madaxweyne LR.235, ku dhisay sanduuqa saran ee cimilada.

Xasan ayaa u magacaabay Mudane Liibaan Daahir Obsiiye in uu noqdo agaasimaha fulinta ee sanduuqa qaran ee cimilada.

Liibaan ayaa khibrad durugsan u leh siyaasadda maaliyadda, sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha oo lagu baahiyay bogga Villa Somalia.

Sanduuqa Qaran ee wax ka qabashada isbeddelka cimilada ayaa ka kooban labo heer oo kala ah;

    1. Heerka Guddiga Maamulka Sare
    2. Heerka Fulinta

Qaab dhismeedkan ayaa la jaan-qaadaya hannaanka daah-furnaanta, sida lagu yiri wareegtada madaxweynaha ee daabacday Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale caddeeyay in xilligaan ay dowladda dadaal badan ku bixinayso ka hortagga, la qabsiga iyo xakamaynta isbeddelka cimilada, maadaama ay saameyn toos ah ku leedahay duruufaha nololeed ee dalkeenna iyo musiibooyinka soo noq-noqday ee abaaraha iyo fatahaadaha.

Xilliga uu furmayo kal-fadhiga BF oo la muddeeyay iyo qorshaha Villa Somalia – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Furitaanka kal-fadhiga 5-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa la muddeeyay inuu furmo 6-da bisha July 2024 oo ku beegan maalinta Sabtida.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddoonka labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in muddeynta kal-fadhiga ay ku timid kulan wada-tashi oo guddoonka ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee BJFS.

“Waxaa laga wada-hadlay maalinta la qaban karo kulan wada-jir ah oo lagu furayo kal-fadhiga 5-aad ee baarlamaanka 11-aad. Guddoonku waxay isku raaceen in kal-fadhiga uu furmo maalinta Sabtida,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Furitaanka kal-fadhiga 5-aad ee baarlamaanka ayaa waxa uu qorshuhu yahay inuu meel-mariyo sharciyo dhowr ah oo kamid yahay kan doorashooyinka, guddiga doorashooyinka iyo xeerka lagu dhisayo iyo weliba sharciga axsaabta, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxtooyadda oo gacan ka helaysa guddoonka baarlamaanka ayaa qorsheynaysa in sharciyadan ay marsato baarlamaanka marka la furo kal-fadhiga 5-aad, xilli ay Xildhibaannada qaar muujinayaan saluug iyo balamihii hore loo fulin.

Villa Somalia ayaa horey u marsatay baarlamaanka afartii cutub ee dastuurka ee mucaaradka ka qeyliyay iyo heshiiskii Turkiga ee illaa hadda baarlamaanka aqoonin wax ku qoran, kuwaasi oo dhamaantood ku gacan isiyay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Horey waxaa buuq badan ka dhashay ansixinta cutubyada hore ee dastuurka, kaasi oo illaa hadda diidan yihiin mucaaradka wax ka beddelka dastuurka oo ay ku jireen qodobo culus oo qeyb ka tahay nooca doorasho ee la aadayo, taasi oo illaa hadda wax tallaabo ah loo qaadin.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana muuqata in markaan Villada ay rabto inay dhameystirato qorshaha qabyada ka ah, kaasi oo diidan yihiin Xildhibaannada qaar oo la safan mucaaradka.

Wafdiga DF ku metalaya wada-hadallada Itoobiya oo u baxay Turkiga – Maxaa socda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdi culus u dirtay dalka Turkiga, si uu uga qayb-galo wada-hadallo cusub oo u bilaabanayo dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaana ay martigelineyso xukuumadda Ankara.

Wadiga maanta u baxay Turkiga ayaa waxaa hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda, Mudane Axmed Macallin Fiqi, kaas oo ka qeyb-galayo wadahadallo cusub oo ay xiisadda taagan ka yeelanayaan Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ka dhalatay heshiiskii badda.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Twitter-ka ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Turkiga uu dhexdhexaadinayo wada-hadaladan, balse lagu sheegin wax ajendi ah marka laga tego inay isugu tegayaan magaalada Ankara.

“Wasiirka arrimaha dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u safray caasimadda Ankara ee dalka Turkiga, oo ay uga qeyb-geli doonaan wada-hadallo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay dhex-dhexaadineyso dowladda Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Dowladda Federalka Soomaaliya waxaa ka go’an mabaadi’deeda adag ee ilaalinta midnimada dhuleed”.

Wararka kale oo madax bannaan ayaa sheegaya in ujeedka wada-hadalladan uu yahay in lagu soo afjaro xiisadda ka dhalatay is-afgaradka ay Itoobiya la gashay Somaliland ee lagu sheegay in ay ku aqoonsaneyso, ayada oo uga bedeleneysa dhul-badeed ay ka dhisato dekad iyo saldhig ciidan badeed. 

Sidoo kale waxaa wada-hadalladan oo muddo ay ka taagnayd caqabad ayaa waxaa labada dal ogoleysiiyey dowladda Turkiga oo muddo bilo ah wadday dadaal ay isugu keeneyso Muqdisho iyo Addis-Ababa, waxaana jira warar sheegaya in sidoo kale ay dalal kale gadaal ka riixayaan, oo Mareykanka uu ka mid yahay. 

Waxaa dhinaca Soomaaliya u matalaya wafdi uu horkacayo wasiirka arrimaha dibedda Axmed Macallin Fiqi, halka Itoobiya uu wakiil u yahay wasiirka arrimaha dibedda Taye Atske Selassiem kaas oo shalay gaaray Ankara.

Xogta Caasimada Online ayaa sheegeysa in Itoobiya ay diyaar u tahay in ay ka laabato is-afgaradka Somaliland, halka Soomaaliya la filayo in ay Itoobiya u ogolaato in ay ka kireyso dekad ganacsi. Soomaaliya marna ma ogolaan doonto saldhig ciidan badeed. 

Waxaan caddeyn habka loo maamuli doono dekaddaas. Itoobiya ayaa sida la sheegay dooneyso in ay dekaddaas ayada maamusho, balse weli ma cadda haddii ay Soomaaliya ogolaan doonto iyo in kale.  Xogta ayaa sheegeysa in Itoobiya ay isha ku hayso dekadaha Baraawe iyo Hobyo midkood.

Mareykanka oo sheegay in Al-Shabaab ay la wareegi karaan Soomaaliya haddii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM General Michael Langley oo ka hadlayay marxaladda kala guurka Soomaaliya oo la filayo inay ka baxaan ciidamada howlgalka ATMIS ayaa walaac ka muujiyay khatarka kooxda Al-Shabaab.

General Michael Langley ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ka faa’ideysan karto ​​bixitaanka ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee jooga gudaha Soomaaliya, isla-markaana ay isku dayi doonto inay la wareegto talada dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Saameyn way ayay ku yeelan kartaa bixitaanka ciidamaa Midowga Africa amniga gudaha Soomaaliya, waxaaana Al-Shabaab weeraro ka fulin kartaa Muqdisho iyo meelo kale, balse waxaan ku rajo waynahay in dowladda Soomaaliya ay fahansan tahay khatarta amaan doonto xiliga kala-guurka lagu jiro,” ayuu yiri taliyaha ciidanka Mareykanka ee Afrika.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Soomaaliya ay haatan mareyso marxalad lamid ah tii  Taliban ay kula wareegeen Afghanistan sanadkii 2021 kadib markii ay ka baxeen ciidamadii NATO iyo kuwa Mareykanka.

Michael Langley ayaa dhinaca kale xusay in laga hortagi karo halista Al-Shabaab, haddii ay shacabka Soomaaliyeed taageeradaan dowladooda, kuna garab istaagaan dagaalka socda.

Waxaa kale oo uu ballan-qaadan in Mareykanka uu sii xoojin doono taageerada uu siiyo dowladda federaalka, isla markaana uu sare u qadi doona joogitankisa milatari ee gudaha Soomaaliya sababo la xirira horumarada ay sameynayaan Al-Shabaab iyo Daacish.

Hadalkan kasoo yeeray taliyaha AFRICOM ayaa kusoo aadayo, xilli todobaadkii hore uu gudaha magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka wada-hadleen dagaalka Al-Shabaab iyo qorshaha bixitaanka ciidamada howlgalka ATMIS.

Soomaaliya ayaa la filayaa in dhammaadka sanadkan ay ka baxaan ciidamada shisheeye, waxaana beddali doono howlgal kale oo cusub oo isna hoostagi doono Midowga Afrika.

Sacuudiga oo Soomaaliya ka furatay ururka OPEC

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa Soomaaliya ku taageertay lacag dhan $36 Malyan oo ahayd deyntii Sanduuqa OPEC uu Soomaaliya ku lahaa, lacagtaan ay Dowladda Saudi Arabia ka bixisay Dowladda Soomaaliya waxaa loo yaqaanaa (Bridge Loan). Sida lagu daabacay bogga Al-Carabiya.

Heshiiskaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC ay wada gaareen ayaa waxaa qeyb libaax leh ka qaadatay Dowladda Sacuudiga oo fududeysay wada xaajoodka deyn cafintaan xalka looga gaaray iyo habkii loo maray xalinteeda oo muddo ku taagnayd Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda ee dowladda Federalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa Soomaaliya ku matalalay kulankaas oo ka dhacay magaalada Vienna ee magaalo madaxda dalka Austria.

Dhanka OPEC waxaa heshiiska ku matalayay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Caalamiga ah ee ururka OPEC Dr. Cabdulhamid Alkhalifa xilli uu goob joog ka ahaa heshiiska Dr. Mohamed Al-Jadaan oo ah Wasiirka Maaliyadda Dowladda Sacuudi Carabiya.

Wasiirka Maaliyadda ayaa yiri, “Waxa aan heshiis ka gaarnay Deyntii Sanduuqa OPEC si aan u xallino deymaha uu nagu lahaa Sanduuqa oo gaaraysay $36 Milyan. Waxa aan ka mahadcelineynaa taageerada Dowladda Sacuudiga ee fududeysay dhabaha loo maray xalinta deyntaan. Tani waa guul kale oo laga gaaray wada-xaajoodyada Deyn Cafinta Soomaaliya, ee lagu guuleystay ee taageeraya xasilloonida dhaqaale ee Soomaaliya”.

Maxay tahay deyntan?

“Waa deyn ay Soomaaliya qaadatay toddobaatameeyadii ilaa siddeetameeyadii xilligii dowladdii kacaanka waxaana ku lahaa waddamo ama shirkado kala duwan oo ay u weyn yihiin koox loo yaqaano Paris Group ah oo waddamo isu tagay, waxaana horkacayay deyn cafinta Soomaaliya IMF iyo Bankiga Adduunka, marka sannadkii dhamaaday waxaa Soomaaliya laga cafiyay lacag dhan 4.5 milyan oo doollar, laakiin wixii ka dambeeyay waxaa soo baxayay oo deynta qeyb ahaan ku lahaa dhinacyo kale kuwaas oo aanan ku jirin Paris Group,” ayuu Dr Shaafici Shariif Maxamed oo falanqeeya arrimaha dhaqaalaha.

“Waxaa jiray waddamo kale oo Soomaaliya ka cafiyay deymihii ay ku lahaayeen, tusaale sannadkan dhexdiisa Ruushka ayaa Soomaaliya ka caifiyay deyn uu ku lahaa ka dib shirkii xiriirka Ruushka iyo Africa, sidaas si la mid ah Ingiriiska ayaa bil iyo bar ka hor ku dhawaaqay in Soomaaliya lacagtii uu ku lahaa ka cafiyay haddana waxaan arkaynaa OPEC oo ku dhawaaqday in 36 malyan ay iyadana ka cafisay dabcan waddamo kalana waa ay soo bixi doonaan.”

Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay deyntan laga cafiyay?

Heshiiskan magaalada Vienna ay ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC oo sida la sheegay wadxaajood iyo heer kala duwan soo maray ayay khuburadu sheegeen in Soomaaliya ay uga dhigan tahay inay fursad u heli doonto mustaqbalka dhaw in ay qayb ka noqoto deeqaha iyo mashaariicda horumarineed ee Sanduuqa OPEC uu siiyo si la mid ah dalalka soo koraya ee Afrika.

“Waxay fursad u tahay oo Soomaaliya uga dhigan tahay in lacagaha laga cafiyo, dabcan waddan lacag lagu leeyahay sidiisaba lacag kale lama deymin karo, kii lacag kugu lahaana lacag kuma deyminayo, kii aan kuugu lahayna xataa hadduu ogaado in deyn laguugu leeyahay kuma siinaayo marka Soomaaliya laba fursadba waa ay heleysaa oo kuwii hore deynta ka cafiyay waxay ka heli karaan deyn cusub kii aan lacag ku lahayna marka uu ogaado inaan Soomaaliya deyn lagu lahayn waxa uu siinayaa deyn,” ayuu yiri Dr Shaafici

“Middaan OPEC sida gaarka ah u quseeysa, waxay leeyihiin sanduuq loogu talagay mashaariicda hormarinta oo aan ahayn arrimaha saliidda kaas oo loogu talagalay waddamada dhaqaalahoodu hooseey, marka Soomaaliya awood uma lahayn markii hore ay ku codsato dhaqaalaha OPEC ee hormarinta maaddaama ay ku jirto “Black list” ama liiska Madow sidaas darteed ma codsan karin lacago cusub inay hesho, marka hadda waxay fursad u heshay inay lacag cusub ka codsan karto OPEC taas oo loo isticmaali karo mashaariicda hormarineed ee Soomaaliya,” ayuu yiri sidoo kale Dr Shaafici.

Isha: BBC

Muxuu madaxweyne Xasan ka shaaciyey kulankii xalay lagu qabtay Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabad lagu xusay madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya AUN Aadan Cadde ayaa si qota-dheer uga hadlay taariikhda wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed ay uga tageen Aadan Cabdulle Cismaan iyo Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday in Maktabad Qaran loo dhisayo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari oo ku geeriyooday Muqdisho, maantana lagu aasay.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo kulanka joogay ayuu Xasan Sheekh faray inuu keeno dhulkii laga dhisi lahaa Maktabadda Jawaari, isagoo fasiraad ka bixiyey, sida ay muhiim u tahay in qofka magaciisa meel lagu xuso, si uusan u lumin.

“Qofkii garoonka Aadan Cadde ka soo dega wuxuu dhahaa magacaan muxuu ahaa? Si lamid ah qofkii Buug ka iibsaday Maktabadda Jawaari waa inuu dhahaa magacaan muxuu ahaa, si loo baro halyeygaas abaalka gashaday umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri “Waxaan dhiseynaa Maktabad Qaran oo lagu xusuusa doono Prof. Jawaari, wasiirka waxbarashada ayaa arintaas u xil-saaran, waa uu joogaa caawa, waxaana farayaa inuu dhulkii keeno, waa dhiseynaa, hadii guri dhisan la helana kaba sii fiican.”

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay taariikhdii Allaha u naxariistee Madaxweyne Aadan Cadde, isagoo ku sifeeyey halyey tusaale wanaagsan u ahaa Soomaalida iyo guud ahaan umadaha Afrika.

“Aadan Cabdulle wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay Afrika ee doorasho ku yimid, doorashana xafiiska uga tegay, 1960-kii wuxuu ahaa sanadkii Afrika, Aadan Cadde wuxuu ahaa madaxdii taariikhda dhigtay, wax badan ayey nooga tageen Aabayaasheen oo Aadan Cadde ugu horeeyo, wax waa naga lumeen waxna weli waan heysanaa, diinta, dhaqanka, afka, taariikhda iyo waxyaabo kale oo muhiim ah ayaan weli heysanaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday oo ku dhowaad 30 daqiiqo ka hadlaayey wanaagii ay dalkaan ku lahaayeen Aadan Cadde iyo Jawaari, munaasabadaan ayaa ka dhacday Hotel Jazeera, Xasan Sheekh oo la filaayey in arrimo kale uu ka hadlo ayaan dhinacna uga bixin mowduucaan.

Sawirro: Aadan Madobe oo furay buugga tacsida Jawaari

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta furay buugga tacsida ee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Buugga tacsida ayaa mudo seddax maalmood ah waxay ka furnaan doona gurigii uu ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe ayaa guud ahaan qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Prof Jawaari ayaa shalay aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho, kaas oo Jimcihii ku geeriyooda gudaha caasimada, waxaana lagu aasay qabuuraha Sheekh Suufi, ayada oo aaska ka qayb-galeen mas’uuliyiin, ehellada marxuumka iyo shacab fara badan.

Jawaari ayaa waqtigiisii ugu badanaa soo geliyay dowlad dhiska Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed

Prof Jawaari ayaa ku dhashay magaalada Afgooye sanadkii 1945-tii, wuxuuna ku koray yaraantiisii degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay.

Wuxuu cilmiga sharciga ka bartay jaamacadii umadda Soomaaliyeed, intii u dhexeysey 1979-1985 waxa uu soo noqday sanadkii 2012-kii guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Barlamaankaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee lagu doorto gudaha dalka oo ay odoyaasha dhaqanku soo xulleen.

Sanadkii 2017-kii ayuu mar kale noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka balse xilkaas ma dhammaysan muddo xileedkiisa ka dib markii uu iska casiley.

Hadda wuxuu ka mid ahaa guddi madaxweyne ee uu Xasan Sheekh u magacaabay difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka dib khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

DF oo soo dhoweysay diyaaradda ay soo iibsatay Premier Airlines + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada Bashiir Macalin Cali ayaa si weyn usoo dhaweeyey tallaabadii ay shirkadda Premier Ailiness kusoo iibsatay diyaarad cusub oo diyaar u ah inay la tartanto diyaaradaha adduunka.

“Waxaa dhiiro-gelin iyo bogaadin mudan Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhiiratay Maal-gashiga Iyo Iibsiga Diyaaradaha” ayuu yiri agaasime Bashiir Macalin Cali oo saxaadda la hadlay.

Agtaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in maalgashiga ay sameysay shirkadda Premier Airliness ay ka dhigan tahay horumar weyn oo uu dalkeena ku tallaabsaday, wuxuuna sheegay inay taas keeni doonto koror dhaqaale iyo fursad shaqo abuur u noqon karto dhalliyarada Soomaaliyeed.

“ Diyaaradaha ay milkiyaddoodu leeyihiin Ganacsatada Soomaaliyeed sido kalana haysta Taarikada Soomaaliya- waxay u duuli doonaan caalamka intiisa kale, sida Diyaaradaha Dowladaha kale ay u yimaadaan Dalkeenna- Tani waxay fursad muhiim ah siineysaa fududeynta isu socodka Iyo is dhaafsiga Duuliimaad-yada” ayuu hadalkiisa kusoo daray.

Wuxuu sidoo kale hadalkiisa sii raaciyey agaasimaha  “Waxaan markale bogaadinayaa tallaaba taariikhiga ah ee Shirkadda Premier Ailiness kusoo iibsatay Diyaadda cusub si ay ugu tartanto suuqa Iyo Khadadka Duullimaad ee Dunida.

Ugu dambeyntii agaasimaha ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay maalgashi ku sameystaan arrimaha Transport-ka Dhulka iyo Cirka, sidoo kalana ay ka faa’iideystaan Maal-gashiga Garoomada Diyaaradaha, Jidadka Iyo Buundooyinka.

Shirkadda Premir Airlines oo ay ku mideysan yihiin ganacsato Soomaaliyeed ayaa shalay Muqdisho kasoo dajiyey diyaarad leh calanka Soomaaliya isla markaasna ka shaqeyn doonto qeybo kamid ah dunida, waana markii ugu horeysay oo diyaarad leh calanka Soomaaliya la hirgeliyo kadib burburkii dowladda hore ee Soomaaliyeed.

PUNTLAND oo diiday inay xirto qunsiliyadda Itoobiya ee Garoowe hal sabab darteed

0

Garowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku gacan seertay dalab horay uga soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadanaa in la xiro qunsiliyadda Itoobiya ay ku leedaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in aysan xiri doonin qunsuliyadda Itoobiya, isaga oo sheegay inuu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo maamulka Addis Ababa.

Sidoo kale wuxuu ku dooday in qunsilayadduu ay keli ka shaqeyso danaha labada shacab iyo laba dowlad, sida uu hadalka u dhigay.

Maxamuud Caydiid Dirir oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Itoobiya uu kala dhexeeyo iskaashi ganacsiga, isla markaana ay isku furan yihiin xuduudahooda.

“Qunsiliyaduhu waxay qabtaan danaha dadyowga ay metalaan iyo dowladaha ay martida u yihiin danaha ka dhexeeyo ayay horta qabtaan, waad la socotaa Itoobiya xuduud dheer ayaan leenahay keena iyo kooda wuu isku furan yihiin” ayuu yiri Maxamuud Caydiid.

Mar wax laga waydiiyay sababta ay uga dhega adeegayaan dowladda dhexe ayaa waxa uu sheegay in aynan aqoonsaneynba, maadaama ay horay u cadeeyaan mowqifkooda.

“Horta maxaa amarkeeda la fuliyaa dowladi maba jirtee waad ogtahay qaraarkii kasoo baxay dowladda Puntland wuxuu ahaa inaanay aqoonsaneyn hay’adihii hore ee federaalka ee lumiyay dastuurkii uu dalku lahaa” ayuu mar kale yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Dhinaca kale waxa uu wasiirku uu weerar afka ah ku qaaday xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada Puntland ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay gabeen mas’uuliyaddii saarnayd iyo metaaladdii looga baahnaa.

“Annaga xaqeena ayaa ka hadleynaa xildhibaanada iyaga ayay u taallaa waxa ay ka hadlaayaan iyo meesha ay geynayaan metalaadooda, ma jiro dunida qof xildhibaan ah oo la doortay oo haddana mucaarad ku noqday meeshii laga doortay” ayuu sii raaciyay.

Puntland ayaa horay xiriirka ugu jartay dowladda federaalka, sababo la xiriirka meel marintii wax ka beddelka dastuurka oo uu si wayn uga carooday madaxweyne Deni.

Sawirro: Ciidanka xoogga oo ATMIS kala wareegay saldhig istiraatiji oo ku yaalla…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska ciidamada howlgalka ATMIS ayaa maanta saldhig kale oo muhiim ah ku wareejiyay ciidamada Xoogga dalka, kaas oo ku yaalla deegaanka Cabdalle Biroole oo hoostaga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wareejinta saldhiggan ayaa waxaa goob joog ka ahaa taliyaha qeybta 2-aad ee ATMIS, Sar. Seif Saalim Rashiid, mas’uuliyiinta deegaanka Cabdalle Biroole, taliyaha la wareegay hoggaanka saldhigga Cabdalle Biroolle, Gaashaanle sare Maxamed Xasan Gaboobe iyo saraakiil kale oo ka tirsan ATMIS, UNSOS iyo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika, Sivuyile Bam oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ATMIS ay ka go’an tahay taageerida qorshaha kalaguurka ee Soomaaliya, si loo soo celiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Dhankiisa sarkaal ka tirsan xafiiska qorshaynta kala guurka ee UNSOS oo lagu magacaabo Santosh Koka, ayaa sheegay in UNSOS ay sii wadi doonto bixinta taageerada saadka si loo xaqiijiyo in uu kala-guurku guuleysto.

“UNSOS waxay CXDS ugu deeqdey Matoorada korontada dhaliya, biyo nadiifiyeyaal, taangiyada biyaha, ceel riig ah, iyo looxyada wax lagu xakameeyo” ayuu yiri Koka.

Waa xaruntii afaraad ee ay la wareegaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, inta uu billowdey wajiga seddexaad ee dhimista Ciidamada ATMIS ee Midowga Afrika.

ATMIS ayaa horay u wareejisay dhowr saldhig oo ku kala yaalla HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana haatan ka howlgala ciidamada Xoogga dalka.

 

War cusub oo kasoo kordhay dagaal beeleedka MUDUG

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda dowladda Puntland Maxamed Faarax Maxamuud oo booqasho ku tegay isaga iyo mas’uuliyiin ka socday Galmudug deegaanadii lagu diriray ee gobolka Mudug ayaa sheegay in laga gaaray xal hordhac ah.

Maxamed Faarax ayaa tilmaamay in dadaallo ay sameeyeen labada maamul iyo waxgarad deegaanka kadib lagu guuleystay in dhaqan-geliyo xabad joojin rasmi ah, wuxuuna tilmaamay inay sii socon doonaan dadaallada, si meel la’isugu keeno labada beelood.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan ogolaan doonin in xabad dambo ay ka dhacdo halkaasi, xooggana ay saari doonaan amniga iyo sidii nabad loogu wada noolan lahaa.

“Waxaannu xoogga saarnay sidii loo heli lahaa amni xabad dambena aysan halkaan uga dhici lahayn, waxaannu isla garanay in xabad joojintii bilaabay ay sideedii sii noqoto dhammaanteenna aan dammaanad qaadno xabad kale sidii aysan u dhici lahayn, inaan qof dambe halkaan nooga dhiman, nooga dhaawacmin, dhaqaale aan ku bixin lahayn meelo kale oo ka muhiimsanna aanan ku iibsan xabad aan isku dilno”, ayuu yiri Wasiir Maxamed.

Beelaha dagaalamay oo kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland ayaa isku haya dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi, waxayna iska dileen dad badan, kadib dagaal dhexmaray.

Xaaladda ayaa haatan mid deggan, waxaana deegaanada ay colaadda ka taagan tahay la geeyay ciidamo kala dhex-galay maleeshiyaadka.

Gobollada dhexe ayaa waxaa ka taagan xaalad qasan oo ka dhalatay dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh oo dib uga qarxay gobolladaasi, kuwaas oo gaystay khasaarooyin

Dagaalladan ayaa kusoo aaday, xilli halkaasi ay weli ka socdaan howlgallo lagula dagaalamayo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo laga xoreeyay dhul ballaaran.

Wararkii ugu dambeeyay doorasho taariikhi ah oo ka dhaceysa Faransiiska

Paris (Caasimada Online) – Dalka Faransiiska waxaa maanta oo Axad ah ka dhaceysa doorasho baarlamaani ah oo waqtigeeda laga soo hormariyay.

Wajiga koowaad ee doorashadaan ayaa laga yaabaa in ay kasoo baxdo natiijo la yaab leh, haddii ay codadka ugu badan helaan xisbiyada midigta fog.

Haddii axzaabta midigta ay doorashada maanta dhaceysa ku guuleystaan, ayaa waxay taasi ka dhigi doontaa in marki ugu horreysay tan iyo dagaalki labaad ee Dundia ay Faransiiska ka dhalato dowlad leh afkaaraha midigta fog ee xag-jirka.

Natiijada doorashadan iyo wajiga labaad oo isna dhacaya 7-ba bisha July ayaa lagu wadaa in ay jiho kale u baddasho siyaasadda Faransiiska. Madaxweyne Macron ayaa wacad ku maray inuu guul ka keeni doono doorashada.

Madaxweyne Macron oo ka niyad jabay natiijadi uu xisbigiisa ka keenay doorashadi baalamaaniga ee Midowga Yurub, ayaa horraantii bishaan ku dhawaaqay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay.

Dadka ka faallooda siyaasadda ayaa go’aankaasi ku tilmaamay qar-iska-tuurnimo siyaasadeed oo uu Macron ku dhaqaaqay, isaga oo raja ka qaba in uu libin kasoo hooyo doorashadan, balse waxaa aad loo saadaalinayaa in uu ku guul-dareysan doono.

Taasi waxay ka dhignaan doontaa, in muddo xileedkiisa oo ay uga harsantahay saddex sano oo kale uu soo gaba gaboobi doono, haddii laga guuleysto.

VOA

Somalia pays tribute to statesman who dedicated his life to nation-building

0

Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia solemnly commemorated the passing of Mohamed Sheikh Osman (Jawari), former Speaker of the Somali Parliament, with a state funeral held today in Mogadishu. Jawari passed away unexpectedly at his residence in the capital yesterday.

The funeral proceedings, conducted with utmost protocol, began with a national farewell at the Dhagah Tuur statue. Subsequently, funeral prayers were held at the principal mosque of the Isbahaysiga, attended by dignitaries including the President, the Speaker of the Lower House, the Prime Minister, the Governor of Benadir Region, government ministers, members of both houses of Parliament, and other prominent figures who esteemed Jawari.

In his tribute, the President lauded Jawari’s pivotal role in advancing state development, national progress, and the establishment of governmental institutions in Somalia. He acknowledged Jawari’s extensive service to the nation across various leadership roles and his profound contributions to rebuilding the government.

The President extended heartfelt condolences to Jawari’s family, many of whom were present, offering prayers for solace and fortitude during their time of grief and praying for Jawari’s eternal rest in Jannatul Firdowsa, the highest abode in paradise.

Following the ceremony, Jawari was laid to rest at the Sheikh Ali Sufi cemetery, with the funeral attended by government officials, relatives, and numerous mourners.

Born in Afgooye in 1945 and raised in the Bur-Hakaba district of the Bay region, Jawari dedicated a significant portion of his life to the development of Somalia’s government. He pursued legal studies at the Somali National University in the 1970s and assumed the role of Speaker of the Parliament of Somalia in 2012, marking the first parliamentary election in over four decades. He later served as Speaker of the House of the People until his resignation under pressure from the administration of President Mohamed Abdullahi Farmajo.

More recently, Jawari contributed to a committee appointed by President Hassan Sheikh tasked with safeguarding Somalia’s independence and territorial integrity following a controversial maritime MoU between Somaliland, the breakaway region of Somalia, and the neighboring country, Ethiopia.

May Mohamed Sheikh Osman (Jawari), a stalwart leader who devoted his life to the betterment of Somalia, rest in peace.

By: Abubakar Mohamed Ali

Xogta qodobo xasaasi ah oo looga hadlay kulamo Qaahira uga socda Masar iyo DF

0

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta kala hadlay caqabadaha ka jira gobolka Geeska Afrika.

Wasiir Fiqi oo hadda ku sugan dalka Masar, ayaa maanta la kulmay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul Gheit, oo uu kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga, isku duwidda iyo adkaynta taageeridda qarannimada Soomaaliya.

Intii kulanka lagu guda-jiray, Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta taageerada Jaamacadda ee joogtada ah iyo garab-istaaggeeda dhowridda midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay qotodheeraynta iskaashiga iyo xoojinta ujeedooyinka wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta u dhexeeya.

Labada masuul ayaa hoosta ka xariiqay in si firfircoon looga shaqeeyo dejinta istiraatiijiyado wax ku ool ah oo looga hortago caqabaha heer gobol.

Sidoo kale kulanka lagu faaqiday xaalidihii ugu dambeeyay gobolka Geeska Afrika iyo mowqifyada caalamiga ee labada dhinac muhiimadda gaarka ah u leh.

Si gaar ah wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa diiradda saaray gardarada Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, isagoo Jaamacadda Carabta ku amaanay sida ay Soomaaliya ugu garab istaageen qadiyadaas.

Ugu dambeyntii Wasiir Fiqi ayaa dalalka Carabta ka codsaday inay xoojiyaan garab istaagooda Soomaaliya oo wajaheysa marxalado kala duwan, sida gardarada Itoobiya, argagixisada, dhaqaale yari, dowlad-dhiska iyo caqabado kale.

Dhinaca kale, Wasiir Fiqi ayaa maanta kula kulmay Magaalada Qaahira, dhiggiisa dalka Masar Sameh Shoukry, oo uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta fursadaha cusub ee iskaashiga si kor loogu qaado dano wadaagga labada dal ee walaalaha ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray dhinacyo badan oo muhiim ah sida dhaqaalaha, amniga, waxbarashada, dhaqanka, tababbarada, iyo caafimaadka, waxaa kale oo la iskula eegay furidda khad duulimaad toos ah oo labada dal dhexmara bisha Luulyo ee soo aaddan iyo in Soomaaliya laga furo laanta Bankiga Masar, waxaa intaasi sii dheer in lagu faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee arrimaha geeska afrika, gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dhinac muhiimadda gaarka ah u leh.

Soomaaliya ayaa la leh Masar xiriiri iskaashi xooggan oo qoto-dheer oo taariikhi ah, waxa ayna u aragtaa saaxiib istiraatiiji ah.