26.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Muuse Biixi u jawaabay koox uga soo hanjabtay Jabuuti

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa u jawaabay koox uu ku sheegay jabhad oo ‘isku uruursaneyso’ dalka Jabuuti, taas oo dhowaan hanjabaad culus usoo dirtay maamulkiisa

Muuse Biixi ayaa sheegay inuu arkay hanjabaadda kooxdan oo uu tilmaamay inay ku goodiyeen xoreynta gobolka Awdal, taas oo uu ku tilmaamay wax lala yaabo.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in Jabuuti dhexdeeda aysan ka fileyn in laga soo abaabulo wax liddi ku ah jiritaanka Somaliland, uuna aad uga xun yahay arrintaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha ayaa xusay inay ka war sugayaan sida ay xaaladda noqoto, wuxuuna sheegay in Somaliland ay mar weliba difaac ku jirto, ayna isaga filan tahay cadowgeeda.

“Waxaan arkayay jabhado jabuuti dhexdeeda ka soo dhex hanjabaya oo leh Awdal baanu xoraynaya, halkaa kamaan filayn, haday jabuuti sidaa la noqotay waxay noqoto ayaynu sugaynaya” ayuu yidhi Madaxwayne Muusw Biixi.

Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo maanta kasoo yeeray guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo isna sheegay in Somaliland looga tashaday Soomaaliya iyo Jabuuti.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in lagu  tashaday in laba jiho laga weeraro Somaliland oo kala ah dhinaca Jabuuti iyo aagga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga dalka Soomaaliya.

“Waxa lagu tashaday in dalkeenna laga soo weeraro dhinaca Jabuuti iyo dhinaca Laascaanood, sidii 1988 kii ayaa maanta markale dhiigeena la xalaashaday, waxa lagu tashaday in Somaliland la burburiyo” ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadayo ayada oo ay cirka isku sii shareertay xiisadda xoogan ee ka dhalatay heshiiska badda oo ay ka horyimaadeen dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya.

Daawo: QM oo faro-gelisay dagaal beeleedyada ka socda gobolka Mudug

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ku-simaha wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta howlo shaqo ku gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Swan ayaa xarunta madaxtooyada Dhuusamareeb kula shiray madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), isaga oo kala hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday gobollada dhexe iyo sidii xal loogu heli lahaa colaadaas oo ka taagan deegaano badan.

Madaxweynaha Galmudug oo faah-faahiyay kulanka ay yeesheen isaga iyo James Swan ayaa sheegay inay isla garteen xal u helidda dagaallada ka socda halkaasi,

“Waxaan ka wada-hadalnay beryahan dambe dagaallo qabiil ah oo kasoo cusboonaaday meelaha qaarkood kuwa Galmudug iyo dhinaca Puntland, iyagana hadda dadaalladooda meel fiican ayay marayaan, waxaana ku howlanahay in la xakameeyo” ayuu yiri.

Qoor Qoor ayaa tilmaamay in colaaddan ay ka dmabeyso kooxda Al-Shabaab oo uu ku eedeeyay inay iska horkeeneyso beelaha wada daga gobollada Galgaduud iyo Mudug.

“Waxaa kaloo rajeyneynaa inay dadku gartaan inay waxaasi yihiin xeelad iyo farsamo cadowga argagixisada ah ay ka dambeeyaan iyo dano raqiis ah” ayuu sii raaciyay.

Inta uu socday waxaa kulankan looga hadlay arrimo kale oo ay ka mid yihiin ammaanka iyo dagaalka Al-Shabaab oo weli ka socda deegaanada maamul goboleedka Galmudug.

“Sidoo kale waxaan ka wada-hadalnay arrimo kale oo muhiim ah oo ay ugu horreyso amniga iyo la dagaallanka argagixisada oo sidaan la socotaan waayo dambe guullo waa wayn laga gaaray” ayuu mar kale yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.

Wada-hadalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo faraha ay ka baxday xaaladda Galmudug, isla markaana meelo kala duwan ay ka qarxeen dagaal beeleedyo lagu dilay dad badan.

Sawirro: Jawaari oo aas heer qaran ah maanta loogu sameeyay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho, kaas oo shalay ku geeriyooda gudaha caasimada.

Ugu horreyn marxuumka ayaa habmaamuus qaran iyo sagootin loogu sameeyay taaladda Dhagax Tuur waxaa kadib salaadda Janaazad lagula tukaday masaajidka wayn ee Isbaheysiga, waxaana ka qayb galay, Madaxweynaha, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in Marxuumku uu door taariikhi ah ka soo qaatay dowlad-dhiska, horumarinta dalka iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya, isaga oo mas’uuliyado kala duwan ugu soo adeegay dalkiisa isla markaana ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska dowladnimadeenna.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen madasha janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa.

Intaasi ka dib marxuum Jawaari ayaa lagu aasay qabuuraha Sheekh Suufi, waxaana tegay oo aaska ka qayb-galay mas’uuliyiin, ehellada marxuumka iyo shacab fara badan.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa waqtigiisii ugu badanaa soo geliyay dowlad dhiska Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale  ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed.

Prof Jawaari ayaa ku dhashay magaalada Afgooye sanadkii 1945-tii, wuxuuna ku koray yaraantiisii degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay.

Wuxuu cilmiga sharciga ka bartay jaamacadii umadda Soomaaliyeed, intii u dhexeysey 1979-1985 waxa uu soo noqday sanadkii 2012-kii guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Barlamaankaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee lagu doorto gudaha dalka oo ay odoyaasha dhaqanku soo xulleen.

Sanadkii 2017-kii ayuu mar kale noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka balse xilkaas ma dhammaysan muddo xileedkiisa ka dib markii uu iska casiley.

Hadda wuxuu ka mid ahaa guddi madaxweyne ee uu Xasan Sheekh u magacaabay difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka dib khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

Mareykanka oo digniin culus kasoo saaray xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa mar kale war cusub kasoo saartay xiisadda u dhexeysa dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu Ra’iisul wasaare Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika Molly Phee oo ka hadashay xaaladda kasii dareysa ee labada dal ayaa tilmaamtay in xiisadooda ay saameysay gobolka, waxayna sheegtay in loo baahan yahay in la qaado tallaabo deg-deg ah oo xal keeni karta.

Molly Phee waxa ay sheegtay in Mareykanka uu aad uga walaacsan yahay heshiiska badda Itoobiya la gashay maamulka Somaliland, kaas oo ay ka caroortay dowladda federaalka oo sheegtay inuu xad-gudub ku yahay madax-banaanida dhuleed ee dalka Soomaaliya,.

Sidoo kale haweeneydan ayaa sheegtay in Itoobiya aysan xaq u laheyn inay ku xad-gudubta madax-banaanida Soomaaliya, waxayna ugu baaqday inay badda ay dooneyso ku raadiso qaab ganacsi, ayada oo heshiis la galeyso dalalka dariska ah.

“Itoobiya xaq uma lahan inay ku xad-gudubto madax-banaanida Soomaaliya, waa inay badaha dalalka deris qaab ganacsi oo heshiis lagu yahay u isticmaasho, taasoo u ogolaanayo sharciga caalamiga ee wadamada aan badda lahayn, balse ma ahan inay boobto bad aysan lahayn, anaga waan kasoo horjeednaa midaas,” ayay tiri Molly Phee.

Dhinaca kale waxa ay Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika  ka digtay cawaaqibka ka imaan kara tallaabooyin ay dhawaan qaadey dowladda Itoobiya ee faragelinta arrimaha Soomaaliya, taas oo ciidamo soo gelisay qaybo kamid ah dalka

Ugu dambeyn waxa ay farriin culus u dirtay dalalka gobolka Geeska Africa, gaar ahaan  Kenya, Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya, ayada oo ugu baaqday in ay kawada-hadlaan, isla-markaana xal nabadeed u raadiyaan xaaladda kasoo korortay heshiiska badda.

Hadalka kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa kusoo aadayo, ayadoo weli Itoobiya ay ku adkeysaneyo fulinta heshiiska ay la gashay Somaliland, waxaana dhinaca kale weli halkiisii ah mowqifka dowladda Soomaaliya oo meel adag iska taagtay dhaqan-gelinta heshiiskaas.

Xogta Khilaaf culus oo ka taagan Jubaland iyo Axmed Madoobe oo go’aan gaaray

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa markale gashay xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay khilaaf cusub oo soo kala dhex-galay guddoonka baarlamaanka maamulka Jubbaland iyo madaxweyne Axmed Madoobe.

Khilaafka ayaa si gaar ah uga dhex-qarxay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee  baarlamaanka Aadan Khaliif iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo doonayo in la furo dastuurka maamulkaasi, kadibna wax laga beddalo, sida ay sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Aadan Khaliif ayaa ka horyimid damaca Axmed Madoobe ee ku aadan furista dastuurka, waxaana uu horay uu soo saaray qoraal uu ku sheegay in dastuurka Jubbaland uu dhigayo in hoggaamiyaha maamulka uusan tartami karin muddo ka badan inta uu ogol dastuurka, Axmed Madoobe-na uu dhameystay muddadii uu ogolaan sharciga.

Wararka ayaa sheegaya in haatan kulan loogu yeeray xubnaha golaha wakiilada Jubbaland, kaas oo maanta dhacaya, waxaana lagu wargeliyay xalay oo loo diray fariimo gaar ah.

Kulankan ayaa qorshuhu yahay in xilka looga qaado guddoomiye ku xigeenka koowaad Aadan Khaliif oo ay is qabteen Axmed Madoobe, waxaana lagu wadaa inay codka kalsoonida kala noqdaan xildhibaanada, waxaana qorshahaas gadaal ka riixaya kooxda madaxweyne Axmed Madoobe.

Abuul xoogan ayaa haatan ka socda magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay magaalada laga dareemay dhaq-dhaqaaqyo ay sameynayaan ciidamada Jubbaland, kuwaas oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee ka taagan halkaasi.

Axmed Madoobe oo ah nin mayal adag ayaa inta badan meesha ka saara mas’uuliyiinta ay is qabtaan wuxuuna horay magaaada Muqdisho ugu soo masaafuriyay rag ay isku dhaceen.

Ninkan ayaa Jubbaland majaraha u hayo tan iyo markii la aas aasay 2013-kii, wuxuuna weli doonayaa inuu kusii fadhiyo kursiga, laakiin waxaa diidan xubnaha mucaaradka ah.

Somaliland oo eedeyn yaab leh u jeedisay DF Soomaaliya iyo waddan kale + Sababta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta ayaa eedeyn yaableh u jeediyay dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo uu tilmaamay inay maleegayaan halis ka dhan ah Somaliland.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in loo tashaday Somaliland, isla markaana uu socdo qorshe culus oo lagu burburinayo maamulkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha UCID oo carab baabay Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa sheegay inay ku tashadeen in laba jiho laga weeraro Somaliland oo kala ah dhinaca Jabuuti iyo aagga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qorshaha socda uu lamid yahay midkii 1988, isla markaana la xalaashaday dhiigooda, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa lagu tashaday in dalkeenna laga soo weeraro dhinaca Jabuuti iyo dhinaca Laascaanood, sidii 1988 kii ayaa maanta markale dhiigeena la xalaashaday, waxa lagu tashaday in Somaliland la burburiyo” ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca kale wuxuu si gaar ah madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu eedeeyay inuu isagu hoggaanka u hayo qorshahan ka dhanka ah Somaliland, ujeedkana uu yahay in laga hortego aqoonsi ay hesho Somaliland.

Waxaa kale oo uu farriin u diray madaxda iyo shacabka Somaliland, isaga oo ugu baaqay inay si wadajir ah ugu diyaar garoobaan sidii ay isku difaaci lahaayeen, ugana hortegi lahaayeen in la burburiyo maamulkooda.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan meeshii ugu xumayd ay gaartay xiisadda u dhexeysa Hargeysa iyo Muqdisho oo isku qabtay heshiiska badda ee Muuse Biixi uu la galay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya kaas oo ay ka caroortay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xogta ku saabsan wada-hadallada DF iyo Al-Shabaab ee Doxa oo soo xoogeysatay

Doxa (Caasimada Online) – Waxaa soo xoogeysanaya wararka sheegaya in wada-hadallo ay u furmi doonaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay dhex-dhexaadineyso dowladda Qatar, kana dhacaya Doxa.

Xildhibaan Cabdirixmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in xogta uu hayo ay sheegayso in dowladda Soomaaliya doonayso inay wadahadallo la gasho kooxda.

“Anniga xogta aan hayno waxaa weeye dowlada Soomaaliya markii hore way diidanayd ee ay caaboonayd ee ay Al-Shabaab la dagaalaysay laakiin hadda waa ogolaatay,” ayuu yiri

Wuxuu intaa ku daray in haddi wadahadallo dowladdu la galayso Al-Shabaab laga dhigo arrin qaran, oo laga qayb galiyaa dowlad goboleedyada iyo mucaaradka.

“Waxaan ka baqaynaa in laysku hoosaasiyo, wadahadallo argagixiso lala galay oo laysu hoosaasiyey ayaa jiray, taas ayaan ka baqaynaa sidii ku dhacday dowladdii Afqaanistaan.”

“Dowladaha Qadar iyo Norway, waa dowladdo si caadiya u wada in lala hadlo Al-Shabaab, welligoodna waa wadeen xitaa dowladdii anigu an ka tirsanaa ee madaxweyne Sheekh Shariif, waa noola yimaadeen, waxayna ka shaqeeyaanba in kooxdaas lala hadlo,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.

Isagoo ka jawaabayey su’aal ahayd inay u muuqato in Al-Shabaab ay leeyihiin xal aan ahayn wadahadal ayuu yiri “Annigu waxaan raacsanaa istaraatiijiyadii hore ee madaxweynaha ee ahayd in Al-Shabaab wadahadal lala galo markii awooddooda la wiiqo,” ayuu Xildhibaan Cabdirixmaan Cabdishakuur.

Xildhibaaan Cabdirixmaan oo mar kale aan waydiinay in dagaalo dowladdu la gashay Al-Shabaab ay dhaceen basle in lagu dayo wada hadal iyo waxa diidaya ayaa yiri.

“Haa, ha noo sheegeen in laga awood badin waaayey kooxda, annaga waxaan jecel nahay in marka kooxda la wiiqo ka dibna lala hadlo.”

Cabdirixmaan Cabdishakuur ayaa xusay in Al-Shabaab aysan ahayn dad metelaya tabasho deegaan iyo mid dadba basle ay yihiin dad fikir ku socda.

“Marka an dhahayo waa in la wiiqaa waxaa weeye in dadkii iyaga u galay inay wax tabteen iyo kuwa dano kale u galay ee an fikir ahaan la socon waa in la kala miiro” ayuu yiri Warsame.

War cusub oo kasoo kordhay geerida Prof. JAWAARI

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga qaran ee loo xilsaaray aaska guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa war cusub kasoo saaray geerida marxuumka iyo aaska oo maanta ka dhacaya gudaha magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in habmaamuus qaran iyo sagootin loogu sameyn doono taaladda Dhagax Tuur ayna ka qayb-galayaan madaxda qaranka, kadibna Janaazad lagula tukan doono masaajidka wayn ee Isbaheysiga.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in aaska uu dhici doono 1:00 duhurnimo, isla markaana marxuumka lagu aasi doono qabuuraha Sheekh Suufi.

Waxaa kale oo la go’aamiyay in warbaahinta dowladda muddo saddex maalin ah laga sii daayo barnaamijyo ku saabsan saabsan taariikh nololeedkii iyo waxqabadkii marxuumka.

Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:-

Guddiga aaska Qaran ee Allaha ha u naxriistee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Jawaari waxa uu madaxda Qaranka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ogeysiinayaa hadii uu Alle idmo in maanta marxuumka aas Qaran loogu sameyn doono Magaaladda Muqdisho,ka dib markii ay la tashadeen qoyska marxuumka

Guddiga waxa uu go’aamiyay in aaska Qaran ee Marxuum Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari mudo sadex maalmood ah Warbaahinta Dawladda laga siidaayo Barnaamijyo ku saabsan taariikh nololeedkii iyo waxqabadkii Marxuum Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari .

Dhinaca Aaska Qaranka Gudigu waxay qorsheeyeen in aasku uu u dhaco sida soo socota:

Habmaamuus Qaran Iyo sagootinta oo dhaceysa saacada marka ay tahay 12:00- duhurnimo,waxayna ka dhaceysaa taaladda dhagax tuur iyadoo ay ka qeyb galayaan madaxda qaranka ,guddiga aaska qaran,ciidanka hab maamuuska qaran Iyo qoyska marxuumka.

Salaada janaasadda waxaa marxuumka lagu dukan doonaa 12:30 duhurnimo waana masaajidka Isbaheysiga Islaamka,waxaana ka qeyb galaya madaxda qaranka ,culimaa’udiinka ,qoyska marxuumka ,xubnaha Golaha Baarlamaanka ,wasiiradda,bulshada rayidka Iyo qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed ,

Aaska Qaran waxa uu dhacayaa 1:00 duhurnimo  waxaa lagu aasi doonaa qubuuraha Sheekh Suufi ,waxaana ka qeyb geli doona culimaa’udiinka ,qoyska marxuumka,guddiga aaska Qaran Iyo dad kooban.

Intaas waxaa dheer

– [ ] Guddiga aaska Qaran waxa ay cayimi doonaan Sheekha tujin doona salaada janaasadda Iyo Sheekh ama qof ehelka marxuumka ah oo cafis dalbi doona Iyo hadii ay cid deyn ku lihi jirto.

– [ ] Buuga tacsida ee marxuum Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari wuxuu laga bilaabo beri 2:00 duhurnimo ka furanyahay gurigii uu ku geeriyooday marxuumku.

– [ ] Guddiga aaska Qaranka waxay madaxda Qaranka usoo jeedin doonaan in goob loogu magac daro Allaha ha u naxriistee Guddoomiye Jawaari .

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Waxaanu illaahey uga baryaynaa Inuu naxriistiisa ka waraabiyo marxuum Jawaari.

Xog: Wada-hadallo Ankara uga furmaya Soomaaliya iyo Itoobiya + Qorshe heshiis

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa inay wada-hadallo uga furmaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxaa sidaas Caasimada Online u xaqiijiyey ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. 

Ujeedka wada-hadallada ayaa ah in lagu soo afjaro xiisadda ka dhalatay is-afgaradka ay Itoobiya la gashay Somaliland ee lagu sheegay in ay ku aqoonsaneyso, ayada oo uga bedeleneysa dhul-badeed ay ka dhisato dekad iyo saldhig ciidan badeed. 

Wada-hadalladan ayaa waxaa labada dal ogoleysiiyey dowladda Turkiga oo muddo bilo ah wadday dadaal ay isugu keeneyso Muqdisho iyo Addis-Ababa, waxaana jira warar sheegaya in sidoo kale ay dalal kale gadaal ka riixayaan, oo Mareykanka uu ka mid yahay. 

Waxaa dhinaca Soomaaliya u matali doona wafdi ay horkacayaan wasiirka arrimaha dibedda Axmed Macallin Fiqi iyo wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Cali Balcad, halka Itoobiya ay wakiil uga yihiin xubno uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibedda Taye Atske Selassie.

Taye Atske Selassie ayaa shalay gaaray Ankara. Dhanka kalena Axmed Macallin Fiqi ayaa la filayaa inuu isna gaaro maalmaha socdo.

Xogta Caasimada Online ayaa sheegeysa in Itoobiya ay diyaar u tahay in ay ka laabato is-afgaradka Somaliland, halka Soomaaliya la filayo in ay Itoobiya u ogolaato in ay ka kireyso dekad ganacsi. Soomaaliya marna ma ogolaan doonto saldhig ciidan badeed. 

Waxaan caddeyn habka loo maamuli doono dekaddaas. Itoobiya ayaa sida la sheegay dooneyso in ay dekaddaas ayada maamusho, balse weli ma cadda haddii ay Soomaaliya ogolaan doonto iyo in kale. 

Xogta ayaa sheegeysa in Itoobiya ay isha ku hayso dekadaha Baraawe iyo Hobyo midkood.

Dagaal culus oo ka dhacay gobolka Mudug + Khasaaraha

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed xoogan oo mar kale dib uga qarxay qaybo kamida gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu xalay ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan aagga deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, balse ma cadda khasaare soo kala gaaray.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa deegaanada lagu dagaalamay, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Dhinaca kale wafdi ka socda maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa ku baxay xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka Mudug, halkaas oo iyana maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen dagaal beeleedyo ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof, ayna ku dhaawacmeen dad kale/

Wafdiga ku baxay xiisaddaas ayaa waxaa hoggaaminaya wasiirka maaliyadda Puntland iyo wasiirka amniga Galmudug, ayada oo ujeedadu tahay in la joojiyo dagaalkaasi.

Gobollada dhexe ayaa waxaa ka taagan xaalad qasan oo ka dhalatay dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh oo dib uga qarxay gobolladaasi, kuwaas oo gaystay khasaarooyin

Dagaalladan ayaa kusoo aaday, xilli Galmudug ay weli ka socdaan howlgallo lagula dagaalamayo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo laga xoreeyay dhul ballaaran.

XAMZA oo magacaabay guddi ay xubno ka yihiin wasiirro iyo taliyeyaal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo soo saaray qoraal ayaa magacaabay guddi isugu jiro wasiiro iyo taliyeyaal ciidan, kuwaas oo loo xil-saaray aaska guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shalay ku geeriyooday magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Guddigan oo ka kooban illaa 12 xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wuxuuna ka shaqeyn doonaan aaska marxuumka oo saacadaha soo socda ka dhici doono gudaha caasimada.

Xubnaha guddiga ayaa waxa ay kala yihiin:

1.Wasiirka Beeraha iyo Waraabka; Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye – Guddoomiye 2. Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag – Xubin 3. Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelaay – Xubin 4. Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Shiikh Cabdiraxmaan Beene Beene – Xubin 5 Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Mudane Maxamed Barre Maxamuud – Xubin 6. Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani– Xubin 7. Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Yusuf Al caddaala – Xubin 8. Taliyaha Ciidanka Booliiska – General Sulub Axmed Firin – Xubin 9. Taliyaha Ciidanka Asluubta – General Mahad Cabdiraxmaan Aadan – Xubin 10. Habdhowraha Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux – Xubin 11. Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) – Xubin 12 . Guddoomiyaha Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka (SodMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle – Xubin.

Dhinaca kale waxaa jira guddi kale oo uu magacaabay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, kaas oo isna war kasoo saaray aaska Jawaari, wuxuuna sheegay in marxuumka habmaamuus qaran iyo sagootin loogu sameyn doono taalada Dhagax Tuur ayna ka qayb-galayaan madaxda qaranka, kadibna Janaazad lagula tukan doono masaajidka wayn ee Isbaheysiga.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in aaska uu dhici doono 1:00 duhurnimo, isla markaana marxuumka lagu aasi doono qabuuraha Sheekh Suufi.

Waxaa kale oo uu guddig uu go’aamiyay in warbaahinta dowladda muddo 3 maalin ah laga sii daayo barnaamijyo ku saabsan saabsan taariikh nololeedkii iyo waxqabadkii Jawaari.

Allaha u naxariistee Prof Jawaari ayaa waqtigiisii ugu badanaa soo geliyay dowlad dhiska Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale  ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed.

Xuutiyiinta oo weeraray markab kale iyo wararkii ugu dambeeyay

Sanca (Caaasimada Online) – Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Jimcihii sheegtay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday markab ku gooshayay calanka dalka Liberia oo marayay biyaha badda cas, kaasoo sida ay sheegtay hey’ad arrimaha badaha ka shaqeeysa, ka badbaaday shan gantaal oo lala beegsaday.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay sidoo kale beegsadeen saddex markab oo kale oo ay ku jiraan laba markab oo marayay badda Mediterranean-ka.
Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ayaa sidoo kale sheegtay in weeraradooda ay ku qaadayaan marinnada maraakiibta ay ku garab taaganyihiin kooxda Xamaas ee dagaalka kula jira ciidamada Israel.

Yahya Saree oo ah afhayeenka milatariga xuutiyiinta ayaa hadal uu ka jeediyay telefishinka Yemen ku sheegay in kooxdan ay gantaalada balaastikada ah ku garaaceen markabka Delonix oo ah nooca shidaalka qaada. Gantaalana ay la heleen.

​Si kastaba ha ahaatee, Hey’adda Kormeerka Hawlaha Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay goor hore oo shalay ah in markabka oo lagu bartilmaameedsaday meel 172 mile waqooyi-galbeed ka xigta dekedda Xudeydah ee dalka Yemen, uusan soo sheegin wax khasaare ah oo ka soo gaaray weerarka

Sawirro: Tallaabo loo qaaday joojinta dagaalka beelaha Sacad iyo Leylkase ee Mudug

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa masuuliyiin isku dhaf ah u diray goobihii ay beeluhu ku dagaalameen ee galbeedka gobolka Mudug.

Wafdigaan oo ay kala hoggaaminayeen Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Gaboobe iyo Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa waxaa qayb ka ah Wasiirrada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug iyo Wasiirka Waxbarashada Puntland.

Masuuliyiinta ayaa kormeer ku maray deegaanadii dirirtu ka dhacday, iyagoo markii dambe isugu yimid bartamaha goobta labada ciidan isku hor-fadhiyaan.

Beelaha Sacad Habargidir iyo Leylakase Daarood ayaa ku dagaalamaya halkaas, waxayna masuuliyiinta maanta gaartay deegaankaas wadahadal u fureen dhinacyadii dagaalamay.

Wadahadal dheer kadib, 4 qodob ayaa laga soo saaray kulamadii maanta, kuwaas oo kala ah:

1. In xabad joojin ay ka dhaqan-gasho deegaanada ay ku dagaalamayaan labada beelood, si dhiig dambe uusan u sii daadan.

2. In labada maleeshiyo beeleed laga kala qaado aaga dirirtu ka dhacday, iyadoo goobta la kala geynayo iyo waqtiga la kala qaadayo farsamadeeda dib loo gali doono.

3. In guddi labada dhinac ah oo ka xaajooda arrimaha la isku hayo oo dhulku kamid yahay lasoo magacaabo, labada dowlad goboleedna ay yeeshaan kor joogteyn.

4. In Ciidan la kala dhex dhigo goobta lagu diriray, isla markaana la xaqiijiyo qodobada sare ku xusan iyo wixii kasoo baxa guddiga la magacaabi doono.

Dagaalka labadaan beelood ayaa galaaftay nolosha dad badan, waxaana sidii colaadaas loo joojin lahaa hada u kacay dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland.

Farmaajo oo war ka soo saaray geerida Prof. Jawaari

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray geerida guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, intii uu Farmaajo dalka ka ahaa Madaxweynaha waxaa isaga iyo Jawaari dhex-martay taariikh siyaasadeed oo adag.

Ugu horeyn Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Waxaan murugada geerida la qaybsanayaa, tacsi tiiraanyo lehna u dirayaa qoyska, qaraabada, Qaranka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.”

Farmaajo ayaa sheegay in Marxuumku uu inta badan noloshiisa u soo adeegayey shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed, isaga oo door muhiim ah ka soo qaatay dowlad dhiska dalka.

“Waxa uu ahaa xeeldheere sharci oo xilal kala duwan ka soo qabtay laamaha dowladaan iyo dowladdii dhexe ee dalkeenna, isaga oo guddoon ka noqday Baarlamaannadii 9-aad iyo 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa u duceeyey Jawaari, wuxuuna yiri, “Waxaan Allaah u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada, Qaranka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.”

Allaha u naxariistee Jawaari oo labo jeer oo is xigtay guddoomiye kasoo noqday baarlamaanka Soomaaliya ayuu xukunka yimid Farmaajo, dhowr bilood kadibna wuxuu weerar siyaasadeed ku qaaday guddoomiye Jawaari ilaa uu isaga tago xilka.

Sidoo kale mar kale ayey kooxda Farmaajo xumeysay Jawaari, markii isaga iyo Laftagareen ay u diideen inuu u tartamo kursigii uu ku fadhiyey ee golaha shacabka, waxaana laga horistaagay inuu tago Baydhaba.

Allaha u naxariistee Jawaari, wuxuu waayihii dambe ka mid ahaa siyaasiyiinta loo diiday inay Baydhaba u safraan, inta badan siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa u ololeyneysa in Laftagareen uu baneeyo kursiga, maadaama uu dhamaaday muddo xileedkiisii.

Kumuu ahaa Prof. Jawaari siyaasigii waqtigiisa geliyey dowladnimada ee maanta geeriyooday?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Prof. Maxamed Sheekh Cismaan guddoomiyihii hore ee BFS oo maanta geeriyooday, waxaa uu ku dhashay magaalada Afgooye sanadkii 1945-tii, wuxuuna ku koray yaraantiisii degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay.

Wuxuu cilmiga sharciga ka bartay jaamacadii umadda Soomaaliyeed, intii u dhexeysey 1979-1985 waxa uu soo noqday Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Gaadiidka dhulka iyo cirka iyo Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Sanadihii 1973-1979-kii, waxa uu agaasime guud iyo ku xigeen agaasime guud ka soo noqday Wasaaraddii Shaqada iyo arrimaha bulshada.

Markii danbena Prof. Jawaari wuxuu wasiir ka soo noqday wasaaraddaha gaadiidka, shaqada iyo shaqaalaha ee dowladdii uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Prof. Maxamed Cismaan Jawaari, waxa uu ka mid ahaa golihii Shacabka ee dowladii militariga ahayd.

Markii dalku galay burburka, allaha u raxmadee Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaa uu tagay dalka Norwey oo muddo uu ku noolaa.

Dalka Norwey, waxaa uu ka soo shaqeeyey horumarinta iyo waxbarashada. Xilliyadii ay bilowdeen shirarkii wada hadalada dowlad dhiskii Soomaaliya, ayuu ka mid ahaa dadkii ku soo laabtay dalka si qayb ugu noqdo yagleelida dowlad Soomaaliyeed.

Wuxuu guddoomiye u noqday guddigii madaxa bannaanaa ee dastuurka ee soo diyaariyay dastuurkii ugu dambeeyay ee hadda dalku haysto, isagoo muddo dheerna u ahaa guddiyada dastuurka la taliye sare.

Sanadkii 2012-kii ayuu Prof Jawaari, noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Barlamaankaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee lagu doorto gudaha dalka oo ay odoyaasha dhaqanku soo xulleen.

Sanadkii 2017-kii ayuu mar kale noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka balse xilkaas ma dhammaysan muddo xileedkiisa ka dib markii uu iska casiley.

Hadda wuxuu ka mid ahaa guddi madaxwyene Xasan Sheekh u magacaabay difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka dib khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waayadii danbe wuxuu si gooniya xoogga u saari jiray muxaadarooyin uu kula hadli jiray dhalinyarada ku jirta jaamacada dalka isagoo hoga tusaalayn jiray in ay dhexda u xirtaan horumarinta dalkooda.

Dadka yaqaanyey waxay sheegeen inuu ahaa aqoonyahay ku xeeldheer dhanka afka iyo dhaqanka Soomaalida. Wuxuu si buuxda ugu hadli jiray luuqdaha Soomaaliga, Talyaaniga, Ingiriiska, Carabiga iyo Norweyjiyanka.

Sanadkii 2022-kii ayaa ciwaano dad ku leeyihiin baraha bulshada iyo xarumo warbaahineed faafiyeen inuu geeriyooday guddoomiyihi hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cinwaan Jawaari.

Allaha u naxariistee Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhintay da’da 79 sano jir, wuxuuna ifka kaga tegay sagaal awlaad ah.

Sababaha xagal daaciyay dadaalka madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud

Doorashada Labaad Dr. Xassan Sheikh Maxamud Xilka Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) waxay aheyd dhacdo taariikhi ah, dadweynaha soo dhoweeyay si Soomaaliya uga gudubto xaaladda dowladnimada tabarta daran ee ragaadisay. Sababaha loo soo dhoweeyay doorashada labaad ee Madaxweyne Xassan waxaa ka mid ah: 

1- In Madaxweyne Xassan ballanqaaday inuu ka digtoonaan doono dhammaan qalalaadkii, dhallilihii, iyo maamulxumadii aafeeyay muddo xileedkiisii koowaad, taaso sababtay in dadweynaha Gobolka Benadir ay u dabaal-degaan guldarradisii doorashadii 2017, kuna farxaan doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo. Madaxweyne Xassan wuxuu ballan qaaday go’aan qaadasho dhellitiran, xulashada la taliyayaal (rakaab) sumcad iyo karti wanaagsan, iyo hadal iyo ficil is waafaqsan. 

2- In Madaxweyne Xassan xubin firfircoon ka ahaa mucaaradka dowladdii Madaxweyne Farmajo oo si joogta ah u tilmaami jiray maamulxumada, tacadiyada, iyo u shaqeynta dowlado shisheeye (puppet), sida ku keydsan warbaahinta Soomaaliyeed.  Muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo (2017-2022) waxaa xoogeystay damaca xukun kelitalisnimo joogto ah ee ku dhisan amar ku taakleyn, isbaheysi argagixiso, musuqmaasuq, iyo kala qaybinta bulshada. Aragtida dadweynaha waxay aheyd in xubin kasta ee mucaaradka ka mid aheyd ay ka fogaan doonto dambiyadi lama iloobaanka ahaa ee lagu eedeeyay Dowladdii Madaxweyne Farmaajo, lana dhirrigelin dono dhaqanka dowlad wanaagga iyo wax qabad dhab ah oo kalsoonida dadweynaha kor u qaada.

Labo sano kaddib, guuxa dadweynaha oo kooxo kala duwan afqaad u yihiin, wuxuu tilmaamayaa in dadaalka iyo ballanqaadkii Madaxweyne Xassan ay xagal daaciyeen sababo ay ka mid yihiin:

1Tixgelin La’aan kalsoonidarrada Shacabka Soomaaliyeed ka qabay Madaxda Sare iyo Xildhibannada Dowladda Federaalka (DFS) iyo rajoxumida hanaqaadka Dowlad waxtar ah. 20 Juun 2024, Wiil Taksiile ah oo 33 jir ah wuxuu ii sheegay “inuusan rajo ka qabin muddada noloshiisa iyo nolosha caruurtiisa in Soomaaliya ka dhalan doonto Dowlad wanaagsan, karti leh oo ka shaqeyneysa danaha dadka iyo dalka Soomaaliya.”  Tixgelinta kasbashada kalsoonida dadweynaha waa tiirka dhexaadka dowladnimada Soomaaliya.

2Kala fogaanshaha waxqabadka gaabiska ah, khilaaf abuurka ah ee DFS iyo Bartilmaameedka Higsiga 2026 oo ah “Soomaaliya oo ah dal mid ah, leh xukun baahsan, mideysan, dimoqradi ah, horumarsan, sharciga loo siman yahay, lugihiisa (awoddiisa) ku taagan, ka dhaceyso doorasho qof iyo cod, xilliyeysan, xor iyo xalaal ah.” Sababta loo aaneynayo kala fogaanshahaas waxay tahay tixgelin la’aan baaxadda iyo muhimadda dhammaan howlaha dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya iyo raacid la’aanta tilmaamaha dastuurka iyo maangalka toosan ee hogaaminaya howlahaas ballaaran ee dowlad dhiska shirkadda lagu yahay.

3Wax Ka Qabad La’aan Fowdada ka dhex jirta Hay’adaha Amniga DFS. Ma jiro isku xir shaqo wadaag iyo hogaamin ka dhexeysa hay’adaha Amniga her federal. Sidaa darted, sababta ugu weyn ee dib u dhaca gulufka ciribitirka Al Shabab waa fowdada hogaaminta dagaalka, is curyaaminta hay’adaha Amniga, iyo jiritaan la’aanta qorshe mideysan.

4Qalqalka Siyaasadda Arrimaha Dibedda DFS. Saddex dhacdo oo hoos ku faahfaahsan, caleemasaarka horjoognimada Kenya, saameynta Cutubka VII ee Axdiga QM, dhul iyo bad boobka Ethiopia, xiriirka iyo danaha is diidan ee dowladaha khaliijka ka leeyihiin Soomaaliya iyo geeska Afrika, Is dhinka deeqaha deeq-bixiyayaasha, Xasaradaha Adduunka ka socda, dhibaatooyinka haysta Wasaaradda Arrimaha Dibedda, waxay qalqal-gelinayaan madaxbannanida jaangoynta Siyaasad wax ku ool ah ee Arrimaha dibedda Soomaliya. Saddexda dhacdo waxay kala yihiin: I) Hadalkii Khadka telefoonka (1 Juun 2024) ku dhexmaray Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken iyo Madaxweyne Xassan Sheikh, kuna saabsanaa danaha amni ee ka dhexeeya labada dal sida qaboojinta xiisada Ethiopia iyo Soomaliya, ku howlanaanta la dagaalanka argagixisada, dhammeystirka qorshaha cidda beddeleysa ATMIS marka ay dalka ka baxdo, iyo tixgelinta ahmiyadad Xafiiska UNSOM; II) Ka qayb galka Madaxweyne Xassan Shirkii Oslo Forum ( Juun 11-12, 2024) kuna saabsan dhexdhexaadinta lama huraanka ah (Mediation Against All Odds), oo lagu xalaaleyay dhexdhexaadinta Al Shabab iyo DFS, ayadoo Madaxweyne Xassan 2 sano ka hor diiday taladaas, haseyeeshe Shirka hortiisa looga xaqiijiyay inuu oggol yahay dhexdhexaadintaas la filayo in dowladaha Qatar, Norway, iyo QM  hormud ka noqon doonaan;  iyo III) ka qaybgalka Madaxweyne Xassan Kulanka Guud ee ku saabsana Nabadda Ukraine ee lagu qabtay Geneva, Switzerland, 15-16 Juun 2024. Soomaaliya waxay ka mid aheyd 77 dal oo taageray Warmurtiyeedka Kulanka, halka 15 dal sida Sacuudiga, Imaraadka, India, South Africa ka gaabsadeen. Ruushka iyo Shinaha kama qaybgelin Kulanka ay dowladda Mareykanka horboodeysay, loogana soo horjeeday dagaalka u dhexeeya dowladda Ruushka iyo Ukraine. Waxaan shaki ku jirin in  Soomaaliya kala kulmi doonto cadaadis iyo dibin daabyo dalalka ka soo horjeeda  shirkaas.

5- Tixgelin la’aan ra’yiga, cabashada, iyo guux maalmeedka dadweynaha oo tilmaan ka bixinaya falcelinta xilgudasho xumida DFS. Wax ka qabasho la’aanta guuxa dadweynaha waxay sababeysa niyad xumo, quus, iyo curyaamin. Bankiga Adduunka wuxuu dhowaan Soomaliya ka hirgeliyay Sahan Ra’yi (Country Opinion Survey) si uu u ogaado aragtida Daneeyayaasha (stakeholders) isugu jira Soomali iyo Ajnabi ay ka qabaan shaqada Bankiga Adduunka ka wado Soomaaliya.  Afarta arrimood ee sahanku ku saabsanaa waxay kala yihiin: 1. Aragtida guud ee Daneeyayaasha ka qabaan xaaladda Soomaaliya; 2. Dareenka guud ee laga qabo Bankiga; 3. Aragtida Daneeyayaasha ay ka qabaan waxtarka, natiijada, shaqada, shaqo aqoonta, iyo daahfurnaanta Bankiga; 4. Aragtida Daneeyayaasha ka qabaan kaalinta mustaqbalka ee Bankiga. Haddii Bankiga Adduunka sahminaayo ra’yiga Soomaalida iyo Ajnabiga ka qabaan xilgudashadiisa, maxaa la gudboon Madaxda DFS?

6- Tixgelin la’aan itaal-darrida iyo dhib u dhaca dhismaha dowladnimada Soomaaliya ku sugan tahay. 12 sano waxaa qabyo ah dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya. Shanta (5) guulo ee DFS ka sheegato fagaarayaasha, kuwaasoo kala ah deyn cafinta, qaadista cunaqabteynta hubka, ku biiridda Ururka dalalka Afrikada Bari, iyo doorashada kursiga Golaha Ammaanka 2025-2026, gulahaasoo mudan aqoonsi, haddana waa guulo aan waxba ka beddelin xaaladda aadka u liita ee Soomaaliya ku sugan tahay xagga nabadgelyo xumida, maamulxumada dowladnimo (bad governance), argagixisada caalamiga ah, shaqo la’aanta, iyo saboolnimda. Adduunka wuxuu ku mashquulsan yahay in Soomaaliya loo helo Ciidammo nabad ilaalin ah iyo gargaar bani’aadannimo gaaraya $1.6 bilyan. Wakiilka Xoghayha Guud ee QM wuxuu Soomaalida ugu baaqay wada hadal, wada shaqeyn ku xallinayaan khilaafadkooda, kuna gaarayaan heshiis wadareed. Waxaa loo baahan yahay dhaqan dowladeed hadalka u beddeleya wax qabad xaqiijinaya midnimada, nabadgelyada, horumarka iyo maamul wanaag Soomaaliya. Sidaa darted, gguusha dhabta ah ee wax ka beddeleysa xaaladda liidata ee dalka oo muraayadiisu tahay Caasimada Muqdisho waxay ku xiran tahay dhismaha dowlad karti leh ee xaqiijisa higsiga 2026.

7- Ku tilmaamidda DFS “Madax Ka Nool,” One-Man Government.” Safarrada Madaxweynaha JFS aan caadiga aheyn waxaa ka dhashay kala soocid la’aan xilalka Madaxweynaha, RW, Wasiirrada, Xoghayayaasha, Agaasimayaasha Guud, Agaasimayaasha, iyo La Taliyayaasha, iyo xilalka kala duwan ee hay’adaha dastuuriga ah, waxayna su’aal geliyeen baahida jiritaanka hay’adaha dowladda iyo takhasuska shaqo ee hay’ad kasta loo abuuray, iyo mas’uuliyadda jaranjaro iyo isku xirnaan ee shaqooyinka dowladda. Madaxweynaha JFS iyo Barlamaanka Federaalka ayaa u xilsaaran Jiheynta siyaasadda dalka, karti siinta hay’adaha dowladda, iyo mas’uuliyadaha dabagalka iyo la xisaabtanka Xilgudashada RW, Wasiirrada, Saraakiisha, Shaqaalaha, iyo Ciidammada dowladda si loo xaqiijiyo wax qabadka qof iyo hay’ad kasta ee dowladda.  Hagaajinta Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda, hantida, shaqaalaha, Ciidammada dowladda ayaa asaas u ah la dagaalanka argagixisada, nabadgelyo xumidda, musuqmaasuqa, cadaalad-darrada, shaqo la’aanta, iyo fulinta shaqo-dowladeed ku saleysan sharci iyo habraac maamul ee loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

W/Q: Dr. Maxamud M. Culusow
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

FIQI oo ayaan darro weyn ku tilmaamay arrin kasoo yeertay HARGEYSA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ayaan darro weyn ku tilmaamay in Hargeysa looga heeso qowmiyad kamid ah Itoobiya, xilli ay dadka Soomaaliyeed u dabaal-degayaan maalmaha xoriyadda.

Fiqi ayaa sidoo kale xaalad aan la fileyn ku sheegay waxa 26-kii June ka dhacay Hargeysa, halkaas oo looga heesay in aysan Somaliland laheyn cadow uga daran Xamar, taas oo luuqdeedu u dhigneyd “Ma lihi cadow iiga daran Xamar, Garoowe iyo kuwa xintama, waxaa iga xiga Amxaar xurmo iyo sharaf igula nool”.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa muujiyay in uu aad uga xun yahay in dhallinyarada Soomaaliyeed lagu marin habaabiyay hees ka hadleysa damaca qowmiyad kamid ah kuwa dega dalka Itoobiya, oo xilligaan ay xiisad xooggan kala dhaxeyso Soomaaliya.

“Dadka Soomaaliyeed hees la sameeyay iyo kalimaad lagu raali-gelinayo dal kale oo damac leh laguma sandulleyn karo dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiirka Axmed Macalin Fiqi.

Sidoo kale waxa uu xusay waxa ka dhalan kara arrimahaasi, isagoo dhinaca kale dadka Somaliland ku ammaanay diidmada ay ka muujiyeen damaca Itoobiya iyo falalka ay caadeysteen kuwa haya hoggaanka halkaasi, oo uu kala jeedo Muuse Biixi iyo hoggaankiisa.

Hargeysa iyo Muqdisho ayaa sii kala fogaaday heshiiska Itoobiya ee badda kadib, kaasi oo Muqdisho si adag uga hortimid, midaasi oo sii fogeysay Somaliland, heer ay maanta mareyso in Hargeysa laga qaado hees noocaas ah, iyada oo lagu jiro dabaal-dega maalmaha xorriyada.

Somaliland oo u muuqata mid indhaha iyo caqliga uu tiray qaddiyada gooni-goosadka, ayna ka qaalib noqotay caadifaddu ayaa xilligaan wada dadaalo ay Itoobiya uga xod-xodaneyso inay ku dhawaaqdo “aqoonsi” si is-afgaradkii Janaayo loogu rogo heshiis rasmi ah.

Itoobiya oo laftigeedu danaheeda raacaneysa ayaa la filan karaa inay aqoonsi uga dhawaaqdo Somaliland, waaba haddii Abiy uu ku dhiiran karo inuu Itoobiya u horseedo dagaal diblumaasiyadeed caalami ah, maadaama ay horey Soomaaliya ugu taageereen mowqifkeeda ay ku ilaalineyso midnimadeeda dalalka ugu waaweyn caalamka, oo ugu horreeyo Mareykanka.

Soomaali badan ayay fajaciso ku noqotay iyo af kala qaad in Somaliland ay hoosta soo gashato Itoobiyaan la ogyahay waxa kala raacay Soomaaliya iyo inuu yahay cadow aan dhicin oo Soomaali leedahay, sida ay muujinayaan taariikhi hore.

Prof Jawaari oo geeriyooday iyo madaxda sare ee dalka oo war kasoo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariiste waxaa goordhoweyd magaalada Muqdisho ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jaeaari.

Geerida Jawaari ayaa waxaa xaqiijiyey qaar kamid ah qoyskiisa. Waxaana ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid guddoomiyihii hore ee golaha shacabka madaxda sare ee dalka, oo ay ugu horreeyaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee marxuumka uu ka soo qaatay horumarinta iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya. Isagoo ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska qarankeena.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehel iyo qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo muddo dheer u soo shaqeynayey qarankeenna, dhaxal wanaagsanna uga tagay, isagoo door muuqda ka soo qaatay dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo isna tacsi u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska iyo ehelka uu ka baxay Allaha u naxariistee Prof. Jawaari ayaa sheegay in qaranka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uu maanta ka baxay tiir aad muhiim ugu ahaa dowlad dhiska Soomaaliyeed.

Waxa u uku tilmaamay Marxuum Jawaari in uu ahaa siyaasi waayo arag ah oo muddo ka badan 60 sano ka soo shaqeeyay dowladnimada Soomaaliya, isla markaana ay ku gaamurtay maamul dowladnimo oo dhameystiran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marxuumka uga baryay Allaah (SWT) in uu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.

Xasan iyo Muuse Biixi ma waxay isku hayaan cidda Itoobiya u saxiixaysa badda mise?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu si weyn u iibinayay dhowrkii billood ee lasoo dhaafay in uusan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud diidaneyn heshiiska ay Somaliland la gashay dowladda Itoobiya, balse uu dood ka qabo cidda saxiixaysa heshiiska.

Muuse Biixi wuxuu leeyahay Xasan Sheekh isaga raba inuu heshiiska saxiixo, laakiin madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii koowaad ka jawaabaya eedahaasi ka yimid dhanka Somaliland, isaggoo hadal ka jeedinayay munaasabadda 26-ka June.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in aanay isaga iyo Muuse Biixi isku haynin saxiix, balse ay dooddiisa tahay in aan badda la bixin, mowduuca saldhiga ciidankana meesha laga saaro.

Madaxweyne Xasan wuxuu tusaale usoo qaatay heshiiska dekedda Berbera. Wuxuu xusay in heshiiskaas 69% qaadanayaan faa’iidada dowladdo ajnabi ah oo ah Imaaraadka iyo Itoobiya, halka Somaliland ay heshay 31%. Haddana sidaas oo ay tahay wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka fuqday heshiiskaas, maadaama uu yahay heshiis aan lagu qaadan karin dekedda Berbera.

Midkaan hadda la isku haystana haddii uu ganacsi ahaan lahaa wuxuu xusay madaxweyne Xasan Sheekh in aysan dhib u arki laheyn dowladda Soomaaliya. Wuxuu markale ku celiyay madaxweynaha Soomaaliya in aan la aqbaleynin nooca uu u dhigan yahay heshiiska ay Muuse Biixi iyo Abiy Axmed gaareen 1-dii bisha Janaayo ee sanadkaan, kaasi oo Itoobiya siinaya dhul, bad, saldhig ciidan iyo heshiis 50 sanno.

Addis Ababa weli waxay ku adkeysaneysa heshiiska, laakiin dhinaca kale waxaa la soo warinayaa in dowladdaha Turkiga iyo Qatar ay meel macquul ah wax u marayaan oo ay isku diyaarinayaan inay labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya arrintooda xaliyaan.

Dowladda Itoobiya ayaa habeen hore deg-deg u beenisay qoraal been abuur ahaa oo lagu sheegay inay heshiiska ka laabteen, taas oo dhinaca kale xoojisay sida ay Addis Ababa ugu diyaarsan tahay in is-afgaradkan xiisadda abuuray inuu wax u dhalo.

Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxaa hadda hortaalla inuu beddelo doodda ah Xasan Sheekh isna waa saxiix doon, oo taas beddelkeeda uu keeno aragti uu heshiiska ugu beddeli karo mid ganacsi, wallow la fahamsan yahay in Itoobiya aysan rabin heshiis ganacsi.

Villa Somalia oo sharaxaad ka bixisay arrin uu ogolaaday Xasan oo la xiriirta Al-Shabab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay hadal uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay inuu ogol yahay in wada-hadal lala furo Al-Shabaab, kadib muddo uu diidanaa arrintaas.

Xuseen ayaa caddeeyay in uusan jirin wax wada-hadal ah oo dowladda federaalka la furtay kooxda Al-Shabaab ama qorsheysan waqti dhow, uuna hadalka madaxweynaha ahaa marka ay fikirka xagjirka ah ka tanaasulan in lala fariisto.

“Dowladda federaalka Soomaaliya wax wada-hadal ah kulama jirto Al-Shabaab (Al-Khawaarij). Madaxweynuhu wuxuu soo bandhigay shuruudo cad oo ku saabsan soo jeedintan,” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa inay jaraan xiriir kasta oo ay la leeyihiin kooxaha argagixisada caalamiga ah ayna aqbalaan midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Waa inay diyaar u yihiin inay barnaamijkooda siyaasadeed si nabad ah u wataan.”

Xasan Sheekh oo horraantii bishaan June booqasho ku tegay dalka Norway ayaa mar wax laga waydiiyay in dowladdiisa ay wada-hadal la fureyso Al-Shabaab ku jawaabay inay diyaar u yihiin, si wax kasta loogu dhameeyo miiska wada-hadalka.

Madaxweynaha ayaa markaas sheegay in dhammaadka Al-Shabaab uu yahay wada-hadal, islamarkaana dowladda Soomaaliyeed ay ku dadaali doonto, sidii loo wada-hadli lahaa.

“Waxaan rumeysanahay in dhamaadka Al-Shabaab uu yahay wada-hadal, goormee ayay diyaar yihiin? dowladda Soomaaliya waa diyaar,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wada-hadalkaas uu waqti dheer qaadan karo, balse ay ku dadaalayaan sidii loo abuuri lahaa wada xaajoodkaas, kadibna looga miro dhaliyo.

“Waxaan rajeyneynaa inay arrintaasi diyaar u noqdaan, marka ay diyaar noqdaan waan wada-hadli doonaa, wada xaajoodkaas wuxuu qaadan karaa waqti, laakiin ugu yaraan waxaan abuuri doonaa waddo cusub” ayuu sii raaciyay madaxweynaha Soomaaliya.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda federaalka Soomaaliya ay dagaal culus kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaasi oo deegaano badan looga xoreeyay kooxda.