25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Soomaaliya: Qaranka uu xaalka ku xun yahay ee maalin walba xafladeynaya (6 qodob)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxaa lagu jiraa toddobaadka xoriyadda. Muqdisho illaa Hargeysa xaflado ayaa taxan, qolo walba sida ay doonto ayay u sheegaysa halgankii dhalay in calan Soomaaliyeed laga taago ciida Soomaaliya 26-kii June 1960-kii.

Gobollada Waqooyi waa uga xaq badan yihiin Soomaalida kale maalinta la yiraahdo 26 June. Waxaase jira dad badan oo dood ka qaba dabaal-degga asbuucan, kuwaas oo aaminsan inay xafladahan ka muhiimsan tahay in la iska wareysto maxaa maanta hayna haddii ay ahaan laheyd midnimo, dowladnimo, walaalnimo iyo horumar.

Jabhaddo hubeysan ayaa cagta mariyay nidaamkii kaligii teliska ahaa ee Maxamed Siyaas Barre 1991-dii. Laakiin 33 sano kadib wax xafladdo ka badan ma jiraan iyo runta oo laga dhuunto.

64 sano kadib maalintii xoriyadda ee Soomaaliya, maanta kow amni ma jiro.

1: Amni la’aan

Soomaaliya weli waa soo kaban la’dahay, nidaamkii Siyaad Barre wax badanba ha qaldee dalka amni ayuu ahaa. Maanta dagaallo qabiil, kuwo argagixiso iyo ciidan shisheeye ayaa ku lifaaqan xaalka amni ee Soomaaliya.

17 sano oo ay ciidan Afrikaan ah ilaalinayeen ammaanka Soomaaliya waxaa dhawaan markale Midowga Afrika aqbalay inuu howlgal saddeexaad ka fuliyo Soomaaliya, taas oo ka dhigan in amnigii la hanan waayay.

2: Midnimo ma jirto

Burburkii dowladddi dhexe ee Soomaaliya ee 1991-dii kadib dadka waxay filayeen in deg-deg la iskugu soo noqon doono oo uu jiri doono dal Soomaaliyeed oo mideysan oo cadowgiisa u babac dhigi kara, laakiin 33 sano kadib dalkii waa la isku keeni la’yahay.

3: Isku filnaasho la’aan

Soomaaliya 9 sano oo colaad ah kadib waxaa sanadkii 2000 loo dhisay dowlad uu caalamka kaalmeeyo. 24 sano ayaa dowladda Soomaaliya waxay caalamka ku bixinayaan sanad walba malaayiin dollar oo lacag ah, haddana weli isku filnaasho majirto, qarankiina waa loo dawarsanaya weli, dadkiisuna kama doodayaan sidii ay taas uga bixi lahaayeen.

4: Dhulkii maqnaa oo weli go’aan lagama gaarin

Soomaaliya waxaa dad iyo dhulba ka jiraan dhinacyada Itoobiya iyo Kenya. Lixdan iyo afar sano oo Soomaaliya xor tahay weli go’aan lagama gaarin qaddiyadahaasi waaweyn.

5: Dadka illaa hadda madaxdooda ma doortaan

Tan iyo 1969-kii oo aheyd markii milateriga xukunka xooggeen illaa maanta oo ah 55 sano dadka Soomaaliyeed ma doortaan madaxda hoggaamisa. Haddana rejo badan ma muuqato.

6: Qabyaaladdii oo xal loo la’yahay

Burburkii dowladda kacaanka kadib qabyaaladda ayaa meel xun la gaartay Soomaalida. Dowlad walba oo timaada Villa Somalia waa uga sii dartaa xaaladda, oo qeybta ayay sii qaladaa, maantana siyaasadda Soomaaliya waxay ku dhisan tahay hanaanka 4.5 oo u taagan inay qabiiladda kala sareeyaan.

Dalka xaaladdahaasi ku jira ayaa xafladeynaya, halkii laga dooddi lahaa xornimada kadib maxaa naga xumaaday iyo mushkiladaha na haysta maanta sidee u maareynaa.

Mushkiladahaas waaweyn ee taagan iyo soo kabasho la’aanta waxaa la isku raacsan yahay inay sababteedu tahay hoggaan xumo, wax badana isma doorin raggii madaxda ka noqday dalka tan iyo 1991, waana ku filnaan waayeen inay dalka hagaajiyaan.

Umaddii aan xaqiiqada u bareerin, xalka ma gaarto.

Somaliland oo sii fogaatay iyo waxa ka socda magaalada Hargeysa oo fajiciso noqday

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland oo muddo ka badan 30 sano u dhaqmeysay sidii dal madax-banaan, balse aan helin aqoonsi caalami ah ayaa hadda sii fogaatay, iyada oo god dheer uu ku dhacay wada-hadallo iyo isu soo dhawaansho labada dhinac ah waa dowladda dhexe iyo Somaliland.

Somaliland oo horraantii sanadkaan la xiratay Addis Ababa oo ay ka aragtay danteeda iyo wixii ay 30 sano raadineysay ayaa 1-dii Janaayo la saxiixatay heshiis ay Addis Ababa uga beddelanayso aqoonsi, halka Somaliland ay siineyso ama sida ay ugu yeertay “kireynayso” qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, islamarkaana dhaca xeebaha gacanta ku hayso Somaliland.

Hargeysa iyo Muqdisho ayaa sii kala fogaaday heshiiska badda kadib, kaasi oo Muqdisho si adag uga hortimid, midaasi oo sii fogeysay Somaliland, heer ay maanta mareyso in Hargeysa looga heeso “Ma lihi cadow iiga daran Xamar, Garoowe iyo kuwa xintama, waxaa iga xiga Amxaar xurmo iyo sharaf igula nool”.

Somaliland oo u muuqata mid indhaha iyo caqliga uu tiray qaddiyada gooni-goosadka, ayna ka qaalib noqotay caadifaddu ayaa xilligaan wada dadaalo ay Itoobiya uga xod-xodaneyso inay ku dhawaaqdo “aqoonsi” si is-afgaradkii Janaayo loogu rogo heshiis rasmi ah.

Itoobiya oo laftigeedu danaheeda raacaneysa ayaa la filan karaa inay aqoonsi uga dhawaaqdo Somaliland, waaba haddii Abiy uu ku dhiiran karo inuu Itoobiya u horseedo dagaal diblumaasiyadeed caalami ah, maadaama ay horey Soomaaliya ugu taageereen mowqifkeeda ay ku ilaalineyso midnimadeeda dalalka ugu waaweyn caalamka, oo ugu horreeyo Mareykanka.

Soomaali badan ayay fajaciso ku noqotay iyo af kala qaad in Somaliland ay hoosta soo gashato Itoobiyaan la ogyahay waxa kala raacay Soomaaliya iyo inuu yahay cadow aan dhicin oo Soomaali leedahay, sida ay muujinayaan taariikhi hore.

Somaliland oo Arbacaddii u dabaal-degtay xuska 26-ka June ayaa waxay madaxdeedu sheegeen in Somaliland iyo Itoobiya ay labadaba ka go’an tahay fulinta heshiiska, kaasi oo ay sheegeen inuu Somaliland u horseedi doono “aqoonsi iyo horumar.”

Isku soo wada duubo, heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa gobolka ka abuuray xiisad diblumaasiyadeed xooggan oo ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, ayada oo sidoo kale qaar badan oo kamid ah urur-goboleedyada caalamka ay ganafka ku dhufteen heshiiskan ay Itoobiya ku dooneyso rumeynta riyadeeda badda.

Itoobiya oo qiil u sameysay ciidankii kasoo gudbay xadka Soomaaliya ee dib loo celiyay

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay eedayn ay dhawaan Soomaaliya u gudbisay QM oo ku saabsan in ciidamo Itoobiyaan ah ay ‘si sharci darro ah ugu tallaabeen dhinaca Soomaaliya.’

Waxay sidoo kale ka hadashay qorshaha ay ciidamadooda u joogaan Soomaaliya iyo cidda iska go’aanka iyo xilliga ay ka baxayaan iyaga oo sheegay inay muddo sii joogi doonaan.

Nebyu Tedla, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya oo waraysi siiyay laanta Amxaariga ee BBC-da ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaha Soomaaliya ee ka dhanka in ciidan Itoobiyaan ah ay si sharci darro ah u galeen gudaha Soomaaliya.

“Arrintaas waa waxba kama jiraan. Sida aad ka warqabto Soomaaliya waxa noo jooga ciidammo ka tirsan ATMIS iyo kuwo aan ka tirsanayn ba. Arrintanna waxba kaga ma duwana. Waanu la hadalnay saraakiisha sarsare ee ciidankeenna ee aaggaasi ku sugan,” ayuu yiri afhayeenka.

“Xogta ay nala wadeegeen waa mid aan ka duwanayn sidii hore. Waxa uu ahaa dhaqdhaqaaq caadi ah oo laga ga hor tagayay halis amniga ka dhan ah oo laga yaabo in ay dhacdo sidii horaba u dhacday.”

Maxaa keenay xiisadda ka soo cusboonaatay Itoobiya iyo Soomaaliya?

Doodda la xidhiidha bixitaanka ciidammada ayaa in muddo ah soo jiitamaysay laga soo bilaabo heshiis is af-garad ahaa oo ay bilowgii sannadkan wada gaadheen Somaliland iyo Itoobiya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan Baalle oo ka hadlayay kulan xaaladaha Soomaaliya looga hadlayay oo ay goobjoogayaal ka ahaayeen masuuliyiinta QM iyo kuwo ka socday Midowga Afrika waxa uu Itoobiya ku eedeeyay in askarteedu ay “si sharciga baalmarsan u galeen gudaha Soomaaliya”.

Itoobiya waxa ay muddo dheer ka mid tahay waddamada ciidammada nabad-ilaalineed ee hawlgalka ATMIS ee jooga gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo tiro ahaan gaadhaya 3000 oo kun oo askari balse waxaa jira ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu qiyaaso inta u dhaxaysa 5000 ilaa 7000 oo aan ka tirsanayn hawlgalka kuwaasi oo ku sugan qaybo dalka ka mid ah.

“Sida aad ka warqabto dawaldda Soomaaliya ka sakow Villa Soomaaliya ma aha mid maamusha dalka oo dhan. Ciidankeennu waa mid mar walba isbed-beddel lagu sameeyo, gaar ahaan kuwa aan ka tirsamayn hawlgalka ATMIS. Waa middaas uun, laakiin ma jiro hawlgalka soohdinta ka tallaabsan oo aan fulinnay,” ayuu yidhi afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya.

Goorma ayay baxayaan ciidammada Itoobiya ee jooga Soomaaliya?

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda doonaysa in labada nooc ee ciidammada ah Itoobiyaanka ah ay isaga baxaan Soomaaliya sida ay sheegeen saraakiil Soomaali ah.

Dhawaan ayay ahayd markii la Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin oo ka jawaabayay su’aalo lagu weydiinayay barta X (oo horey loo oran jiray Twitter) ayaa sheegay in dhammaadka bisha Diiseembar ay gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka bixi doonaan dalka, sababo la xiriirra khilaafka labada wadan u dhaxeeya.

Afhayeenka u hadlay dawladda Itoobiya ayaa iska fogeeyay in uu jiro codsi uga yimid dawladda Soomaaliya oo ay Itoobiya kaga dalbanayso in ay ciidammadeeda ka saarto Soomaaliya.

“Sidaan kuu sheegay codsigu ma aha mid ka imaanaya Soomaaliya oo keliya. Haddii se uu yimmaado, marka aan ka soo baxno masuuliyadda na la saaray, Beesha Caalamku haddii ay danaynayso joojitaanka ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya, diyaar ayaan u nahay in aan waajibkayaga gudanno.”

“Laakiin inta ka horraysa ma doonayno in aan arrimhaasi galno. Annaga waa noo fududahay. Marka aniga iyo adigu aan u wada hadalayno sidii laba qof oo Itoobiyaan ah, ciidankeenna in aan soo celinno oo aan dejinno aag dagaalka ka caaggan/ buffer zone waa noo fududahay. Sidaas darteed, ciidanka cusub ee Soomaaliya loo diri doono weli waa xilli hore oo ay adag tahay in la saadaaliyo.”

Itoobiya waxa ay sheegtay in bixitaanka ciidamadeedu aanu qusayn keliya Soomaaliya balse ay tahay arrin u taalla Beesha Caalamka. Isaga oo ka hadlaya arrimahan Nebiyu Tedla waxa uu yidhi:

“Hawlgalka nabad-ilaalinta ee aan ku joogno Soomaaliya. Ma aha mid keliya khuseeya dawladda Soomaaliya. Waa masuuliyad caalami ah. Waa hawlgal uu maamulo Midowga Afrika oo taageero ka helaya Qaramada Midoobay. Sidaas daraadeed, marka ay arrimaha noocan ah yimaaddaan, geestayada si rasmi ayaan uga wada hadalaynaa waxna waa la iska weyddiinaynaa,” ayuu yiri.

“Sidaas oo ay tahay, hadda ma jiraan codsi rasmi ah oo odhanaya Itoobiya ha la baxdo ciidankeeda jooga Soomaaliya oo naga soo gaadhay dawaldda Soomaaliya, Midowga Afrika ama Qaramada Midoobay.”

Ururka Al-Shabaab ayaa la xasuusan yahay in sannadkii la soo dhaafay uu hawlgallo ka fuliyay gudaha Itoobiya. Afhayeenka ayaa sheegay in Itoobiya ay qasab ku tahay in ay qaaddo tallaabo kasta oo amnigeeda ay ku ilaashan karto oo ka dhan ah Soomaaliya.

“Sida aad og tahay, arrimaha ka jira Soomaaliya haddii ay halis ku noqdaan amniga qaran Itoobiya ma aha mid ay cid uga fasax qaadanayso. Waxa aan qaadaynnaa tallaabo noo gaar ah.”

Isha: BBC

Wasiir CALI BALCAD oo xil cusub loo dhiibay – Maxaa ka jira inay isku dhaceen Fiqi?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Bare ayaa Wasiiru -dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) u magacaabay xil cusub.

Cali Balcad ayaa loo magacaabay u qeybsanaha Arrimaha xiriirka Bulshada Bariga Afrika oo Soomaaliya si rasmi ah ay ugu biirtay dabayaaqada sanaddkii dhammaaday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dikreetada uu ku magacaabay Cali Balcad ku sheegay in xilka loo magacaabay wasiiru dowlaha uu muhiim u yahay Soomaaliya.

Sidoo kale, Xamza ayaa warqadda magacaabidda ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kala tashaday.

Dikreetadaan laguma cadeyn in Cali Balcad uu sii ahaan doono wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo in xilkaas laga qaaday toona.

Wasiir Cali Balcad ayaa muddo kusime ka ahaa wasaaradda arrimaha dibadda intii aan loo magacaabin wasiir Axmed Macalin Fiqi, hada warar soo baxaya waxay sheegayaan inay isku dhaceen Fiqi.

Sidoo kale Cali Balcad wuxuu saaxiib dhow la yahay madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kale Cali Balcad ayaa awood badan ku lahaa wasaaradda markii uu joogay Wasiirkii hore Abshir Haruuse.

Xog ka cusub dagaalka ka qarxay Mudug ee labada beel

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno dagaal qaraar oo shalay maleeshiyo beeleed ku dhex-maray galbeedka gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in weli dhinacyadu is horfadhiyaan.

Labada beelood ee dagaalka u dhaxeeyo ayaa weli isku horfadhiya deegaanaddii ay shalay ku dagaalameen, iyada oo mararka qaarna la maqlayo rasaas teel-teel ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen dadka deegaanka.

Waxaa sidoo kale socda dadaallo ay wadaan maamullada Puntland iyo Galmudug oo ku aaddan sidii xabadda loo joojin lahaa, islamarkaana xiisadda labada beel ee walaalaha ah loogu soo dabaali lahaa jawi nabdoon oo wada-hadal lagu xaliyo.

Dagaalka dib uga qarxay galbeedka gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac horleh oo labada dhinac ah, waxaana lasoo warinayaa in colaaddan salka ku hayso dhul daaqsimeed halkaasi ku yaalla.

Waxaa magaalada Gaalkacyo saacadihii u dambeeyay ka socday kulmo labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ay uga hadlayeen sidii loo soo afjari lahaa colaaddaan, xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ku baaqday in deg deg loo joojiyo dagaalka u dhaxeeya beelaha walaalaha ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta oo shalay bayaan soo saartay ayaa waxay muujisay sida ay uga walaacsan tahay dagaalka beelaha walaalaha ah ku dhex-maraya deegaanno ka tirsan gobolka Mudug.

“Wasaaradda waxay ka walaacsan tahay dagaalka beelaha walaalaha ah ku dhex-maraya deegaannada; Jiicboor, Saxo-Qurun iyo Meygaagta, ee ka tirsan gobolka Mudug. Waxaan ugu baaqeynaa in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda islamarkaana ay fursad siiyaan nabadda iyo wada-hadalka.”

Sidoo kale wasaaradda ayaa waxay ka codsatay odayaasha dhaqanka, culimaa’udiinka iyo bulshada inteeda kale inay nabadda u istaagaan oo ay kaalintooda ka qaataan sidii colaadda loo joojin lahaa.

Gobollada dhexe ayaa waxaa kusoo laab-laabtay dagaal beeleedyada, kuwaas oo gaystay khasaare aad u xoogan oo laga baaqsan karey, waxayn kusoo aadayaan xilli ay weli howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab ka socdaan Galgaduud iyo Mudug.

IRAN oo maanta dooraneysa madaxweyne cusub iyo musharaxiinta ugu cad cad

Tehran (Caasimada Online) – Dadka reer Iran ayaa maanta u dareeray codbixinta doorashada madaxtinimo ee lagu xulanayo cidda qabaneysa madaxweynaha dalkaasi mudada dhowrka sano ah eee soo socota.

Xarumaha  Codbixintu ayaa saaka furmay 8 subaxnimo, waxayna xirmi doonaan 6pm fiidmo, iyada oo ay suurtagal tahay in codbixinta lagu kordhiyo dhowr saacadood oo illaa caawa saqda dhexe.

Doorashooyinkaan ayaa la sheegay in ay ku tartamayaan dhowr qof, waxaana ugu cad cad Ghalibaf iyo Jalili oo u taagan inay yihiin kuwa ugu horreeya.

Labaduba waa muxaafid, inkasta oo Ghalibaf loo arko mid dhex-dhexaad ah, halka Jalili uu yahay nin adag.

Pezeshkian waa musharaxa kaliya ee matalaya siyaasada isbeddel doonka ee Iran, iyada oo musharaxiinta kale ee la midka ah aan loo ogolaan inay tartamo.

Waxaa hadda xilka madaxweyne ee dalkaasu si kumeel-gaar ah u haya Mohammad Mokhber kadib markii madaxweyne Ebrahim Raisi uu ku geeriyooday shil diyaaradaha qumaatiga u kaca ah.

Mokhber, si la mid ah Raisi waxaa loo arkaa inuu ku dhow yahay Khamenei, kaasi oo leh go’aanka ugu dambeeya ee dhammaan arrimaha qaranka. Mokhber ayaa noqday madaxweyne ku-xigeenka koowaad sanadkii 2021-kii markii Raisi loo doortay madaxweynaha.

Madaxweynaha Iran Ibrahim Ra’iisi iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda iyo saraakiil la socotay ayaa bishii May dhammaan ku dhintay shil diyaarad hellikobter ah oo ku dhacday buuralleyda u dhaxeysa gobolka Bariga Azerbaijan ee dalka Iran.

Puntland oo qaaday tallaabo culus kadib dagaalkii maanta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabo deg deg ah kadib dagaalkii saaka dib uga qarxay galbeedka gobolka Mudug.

Puntland ayaa deegaanka colaadda kasoo cusboonaatay isla maanta u diray wafdi goleyaasha dowladda ah, sida ay shaacisay Madaxtooyadda maamulka Puntlnad.

Ku-simaha madaxwaynaha dowlad-goboleedka Puntland ahna madaxwayne ku-xigeenka Ilyaas Lugatoor ayaa ku baaqay in colaadda ka socota galbeedka gobolka Mudug la joojiyo sida ugu dhaqsaha badan bilaa shuruud, islamarkaana ugu baaqay beelaha walaalaha ah ay is-xakameeyaan.

“Waxaan ku baaqaynaa in colaada ka socota galbeedka gobolka Mudug la joojiyo shuruud la’aan. Sidaasi darteed waxaan dadka walaalaha ah ee colaadu dhex-martay ugu baaqyna in la is-xakameeyo oo nabadda laga wada-shaqeeyo,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyadda oo ku saxiixna madaxweyne ku-xigeenka maamulka.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Si dhakhso loogu joojiyo colaadda oo nabadda loo xoojiyo, waxaana wafdi goleyaasha dowladda ah u dirnay deegaanka, waxaan rajeynayaa in masuuliyiinta Puntland iyo Galmudug ee wada dadaalka nabadeynta ah ay ku guuleystaan xakameynta colaadaasi.”

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale waxa uu ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday colaadaasi, isaggoo kuwa dhaawacmayna caafimaad deg-deg ah Allah uga baryay.

“Ugu dambeyn waxaan ka tacsiyeeynaynaa dadkii ku geeriyooday colaadaasi, Allaah janadii h ageeyo, kuwa ku dhaawacmayna Allaah ha u booga dhayo Aaamiin.”

Dagaalka saaka oo ahaa mid xoogan ayaa wuxuu dib uga qarxay deegaanka lagu magacaabo Maygaagta, waxaana uu udhexeeya laba beelood oo isku haysta dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi.

Labada dhinac oo horay ugu dagaalamay aaggan ayaa markale saaka is-farasaaray, kadib gurmadyo ay heleen, waxaana dagaalka la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Maamullada Puntlnad iyo Galmudug ayaa dadaal ku bixinaya sidii loo dejin lahaa xaalka, islamarkaana dadka walaalaha ah ee halkaasi ku dagaalsan looga dhex abuuri lahaa jawi xasilloon.

Sawirro: Muxuu Xasan kala hadlay siyaasiyiinta Somaliland ku metesha DF Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan Qado sharaf ah la qaatay mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda Federaalka ku matala gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay masuuliyiinta uu la kulmay dadaalka ay dowladdu ku bixinayso ka hortaga faragelinta shisheeye, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ku bogaadiyay doorkooda isku haynta bulshada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Dhankooda siyaasiyiinta ayaa Madaxweynaha la wadaagay inay ku faraxsan yihiin mowqifka uu dowladda ku jaheeyey ee difaaca dalka, gaar ahaan gobollada ay ka soo jeedaan ee Somaliland.

Sidoo kale, siyaasiyiinta Somaliland ayaa madaxweynaha ka balan-qaaday in xeelad kasta ay adeegsa doonaan si looga guuleysto damaca ay Itoobiya ku dooneyso badda Soomaaliya, maadaama ay ka soo jeedaan deegaanka.

Soomaaliya waxaa ka socda munaasabado waaweyn oo lagu xusayo toddobaadka xoriyadda, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar badan hoosta ka xariiqay in midnimada Soomaaliya ay lama huraan tahay.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa raadinaya farsamooyin lagu soo xero geli karo Somaliland, taasi oo maanta uu siyaasiyiintaan uu kala tashaday.

FARMAAJO oo farriin u direy dhowr jiho kadib dagaal culus oo dib uga qarxay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa baaq nabadeed kasoo saaray colaadda kasoo cusboonaatay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug.

Dagaalkan oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa madaxweynihii hore wuxuu ku baaqay in la joojiyo dagaalka, islamarkaana ay nabada qaataan oo gacmaha isqabsadaan.

“Dadka wada dhashay ee isku diinta, dhaqanka iyo ehelka ah ee ku dagaalamaya Galbeedka Gobolka Mudug waxaan u soo jeedinayaa in ay joojiyaan dagaalka sokeeye iyo daadinta dhiggooda, kana fakeraan aakhiradooda iyo adduunkoodaba,” ayuu yiri Farmaajo.

Waxa uu intaas kusii daray “Dagaal sokeeye waa ka soo daaleen dadkeennu, mana jirto cid guul iyo natiijo wanaagsan ka keentay, sidaas awgeed, jidka idiin furan waa in aad gacmaha isqabsataan, wada-hadal iyo walaalnimana ku dhammeysataan wixii khilaaf ah.”

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale wuxuu waxgaradka ugu baaqay inay kaalintooda sida ugu dhaqsaha badan ka qaatan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ee ku dagaalsan Mudug.

“Culumada, odayaasha dhaqanka, iyo waxgaradka waxaan ugu baqaayaa in ay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta, dhexdana ay u xirtaan sidii ay xisadda u dejin lahaayeen,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Farmaajo.

Dowladda Federaalka, Galmudug iyo Puntland ayuu iyagna ku adkeeyay “in ay si dhow uga wada-shaqeeyaan nabadaynta iyo joojinta colaadda deegannadan.”

“Waxaan Alle ka baryeynaa in uu qalbigeenna isu soo jeediyo, nabad iyo barwaaqana ku manneysto dalkeenna.”

Gobollada dhexe ayaa waxaa ka socda dagaal beeleedyo kala duwan, kuwaas oo gaystay khasaare aad u xoogan, kuwaas oo ka qarxay meelo kala duwan oo kamid ah gobolladaasi.

Sawirro: Madaale oo maanta u dhaqaaqay arrin ay muddo sugayeen reer Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga daah-furay mashruuca Nagaad ee hirgelinta naqshadeynta bulaacadaha iyo biya-mareenada caasimadda, taasi oo muddo badan ay shacabka caasimada ka sugayeen maamulka gobolka.

Mashruucan oo maanta uu ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ka daah-furay xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar, ayaa waxa uu wax badan ka tari doona dhibaatada ka taagan caasimadda xilliyada roobka oo waddooyinkeedu noqdaan biyo dageen.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa ka dhawaajiyay in heer qaran oo si wadajir ah la isaga kaashan doonno sidii xal-waara loogu heli lahaa arrimaha bulaacadaha iyo biyo-mareenada magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa isna madasha ka sheegay in dowladda Hoose ee Xamar ay sanadkaan 2024 hortabin u leedahay xal-u-helida iyo maareynta biyo-mareenada magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in sida ugu wanaagsan loogu faa’ideysan doonno mashruuca Nagaad oo uu maal-gelinayo Bangiga Aduunka (World Bank).

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS Cabdisalaan Cabdi Cali iyo Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Xasan Maxamed Jimcaale oo madasha ka hadlay ayaa dhankooda xusay in si wadajir ah la isaga kaashan doonno dar-dargelinta howlaha Naqshadeynta iyo dhismaha Biyo-mareenada magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), agaasimaha hay’adda UNOPS u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Al’aa iyo madaxda hay’adda Hydro Nova.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa; maamulaha guud ee mashruuca Nagaad Maxamed Nuur Xasan, madaxda rugta ganacsiga Soomaaliya, guddoomiyeyaasha degmooyinka, agaasimeyaal iyo mas’uuliyiin kale.

Si kastaba, mashruucan ayaa wax badan ka tari doona haddii uu noqdo mid si rasmi ah u hirgela oo aan la musuq-maasuqin mid wax badan ka tari kara dhibaatada caasimadda, oo xaalad adag gasha xilliyada roobka, oo waddooyinkeedu isku beddelaan biyo dageeno, taasi oo hakad gelisa isku socodka dadka iyo gaadiidka ee gudaha caasimadda.










ITOOBIYA oo sheegtay in go’aanka bixista ciidankeeda uusan quseyn Somalia keliya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya oo ka hadashay go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah ciidamadeeda ku sugan gudaha dalka, ayaa sheegtay in uusan jirin codsi rasmi oo dowladda Soomaaliya uga yimid oo arrintaasi la xiriira.

Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in dhamaadka bisha December ee sanadkaan ay gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka bixi doonaan dalka, sababo la xiriirra khilaafka labada waddan u dhaxeeya, oo xilligaan maraya meel xasaasi ah.

Afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaa iska fogeeyay inuu jiro codsi ay dowladda Soomaaliya uga dalbaneyso Itoobiya inay ciidankeeda ka saarto Soomaaliya, isaggoo sheegay in go’aanka ka bixitaanka ciidanka ee Soomaaliya uusan ka imaaneyn dowladda Xamar oo keliya.

“Howl-galka nabad ilaalinta ee aan ku joogno Soomaaliya ma aha mid keliya khuseeya dowladda Soomaaliya waa masuuliyad caalami ah. Waa howl-gal uu maamulo Midowga Afrika oo taageero ka helaya Qaramada Midoobay. Sidaas daraadeed, marka ay arrimaha noocan ah yimaaddaan, geestayada si rasmi ayaan uga wada-hadlaynaa waxna waa la iska weydiinayaa,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay Itoobiya.

Waxa uu intaas kusii daray “Sidaan kuu sheegay codsigu ma ahan mid ka imaanaya Soomaaliya oo keliya. Haddiise uu yimmaado, marka aan ka soo baxno masuuliyadda nala saaray, beesha caalamka haddii ay danaynayso joojigaanka ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya, diyaar ayaan u nahay in aan waajibkayaga gudanno.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dhankooda wax fudud ka tahay in ciidankooda ay soo celiyaan, ayna dejiyaan aag ka caagan dagaalka, balse ay marnaba Itoobiya cidna uga fasax qaadaneyn haddii arrimaha ka jira Soomaaliya ay halis ku noqdaan amniga qaran ee Itoobiya.

“Sida aad og tahay, arrimaha ka jira Soomaaliya haddii ay halis ku noqdaan amniga qaran Itoobiya ma aha mid ay cid uga fasax qaadanayso. Waxa aan qaadaynnaa tallaabo noo gaar ah.”

Waxa uu intaas kusii daray “Sidaas oo ay tahay, hadda ma jiraan codsi rasmi ah oo odhanaya Itoobiya ha la baxdo ciidankeeda jooga Soomaaliya oo naga soo gaadhay dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika ama Qaramada Midoobay.”

Itoobiya ciidamada ka jooga Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa isugu jiraan labo ciidan; ciidan hoos yimaada howl-galka kumeel gaarka ah ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo ciidamo aan ka tirsaneyn howl-galkaas oo toos u hoostaga wasaaradda difaaca ee Itoobiya.

Si kastaba, go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ay dalka uga saareyso ciidamada Itoobiya ayaa waxaa si adag uga horyimid madax goboleedyada ka taliya deegaanada u badan ee dalka ka joogaan waa Axmed Madoobe (Jubbaland) iyo Cabdicasiis Lafta-gareen (Koonfur Galbeed).

Farriinta Xasan u diray Abiy oo ka weyn sida Soomaalidu mooday – Maxaa ku duugan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Buuq badan ayaa ka dhashay hadal-jeedin uu Isniintii sameeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu kusoo hadal qaaday xiisada weli taagan ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Tan iyo kowdii bisha Janaayo ee sanadkaan xiisadda labada waddan ayaa meel adag taagneyd.

Xasan Sheekh ayaa marar badan waxa uu horey uga hadlay arrinta Itoobiya, laakiin hadalkiisi Isniintii ayaa wax badan ka duwanaa fariimihiisi hore.

Marka koowaad farriinta madaxweyne Xasan Sheekh ee arrinta Itoobiya waxay kusoo aadeysa iyada oo saddex xaaladood taagan yihiin. Mid waa cadaadiska labada dowladood lagu saarayo inay wada-hadlaan oo dowladdo waaweyn waddaan.

Midda labaadna waa iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya inay Itoobiya rabto in is-afgaradkii u beddesho heshiis rasmi ah, si uu berri u adkaado gorgortanka ay la galayaan Soomaaliya.

Midda saddexaadna waa iyada oo bisha July ee sanadkan uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay go’aan ka gaarayo howl-galka saddexaad ee Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo kasii mid ahaanshaha ama saarida ciidanka ka socda waddanka Itoobiya.

Marka arrimahaas la eego dowladda Soomaaliya inay dib u qeexdo booskeeda waa lagu qasbanaa oo dalalka horkacaya wada-hadalladu waxay rabaan war rasmi ah oo xalka ku dhisaan.

Itoobiya waxay isku qastay saddex dood, si ay caalamka u jahwareeriso. Mid waa inay rabaan marin ganacsi, marna waxay farta ku fiiqayaan saldhig millateri, marna waxaa kasoo fakaneysa inay raadinayaan bad ay toos u yeeshaan.

Haddaba saddexdaas maxay Soomaaliya ka ogoshahay oo dooddaha socda iyo dhex-dhexaadiyaasha ay wax ku dhisi karaan ayaa la isweydiinayay waayahan.

Laakiin madaxweyne Xasan Sheekh jid ayuu u farmuuqay cid walba oo howshaan daneynaysa inay kaalin ka qaadato. Bidhaaminta madaxweyne Xasan Sheekh waa in uusan deris diid aheyn, inuu aqbalsan yahay in la wada ganacsado oo ay dekeddaha faraha badan ee Soomaaliya suuq u baahan yihiin, Itoobiyana ay tahay suuq weyn oo ay tahay in laga faa’iideysto.

Laakiin labo arrimood oo dooddooda la geli karin ayaa farta ku fiiqay Xasan Sheekh. Mid waa saldhig ciidan oo Itoobiya ka sameysato biyaha Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu Itoobiya ku yiri taas iska ilooba dhici mayso.

Midda labaadna waa bad helid. Xasan Sheekh iyadana si cad ayuu u sheegay in aysan Soomaalida gorgortan ka galeynin. Mar haddii uu Xasan yiri saldhig warkiis majiro, qaadashana kaba daran, maxaa xigga?.

Hadda dalalka arrintaan ku mashquulsan inay ka nabad-dooneyaan waxay miiska keeni karaan aragti ah ku saabsan sidee ganacsi ahaan loo kala faa’iidi karaan, dekeddee Itoobiya wax kasoo degsan kartaa oo aad ugu dhow, ma mid cusub ayaa la dhisayaa mise kuwii hore ayaa loo sahlayaa inay qiimo jaban wax uga soo dagsadaan, ugana dhoofsadaan. Sidee noqon doona faa’iido wadaagga, ma loo baahan doonaa dowladdo shisheeye oo maal-gelinta qeyb ka noqdo iyo arrimo kale.

Waxay ka dhigan tahay inuu madaxweyne Xasan Sheekh Isniintii soo xiray doodda, dibna u qeexay mowqifka Soomaaliya ee xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya, jidna uu siiyay dalalka dhex-dhexaadinta wada, isaggoo u maray kalmadihiisa luuqad dowladeed oo aan caadifad ku dhisneyn.

Madaxweyne Xasan Sheekh inkasta oo isaga iyo dowladdiisa leeyihiin qaladaad badan oo lagu haysto, haddana marka la eego sida uu bilowgii illaa hadda u wajahayo qadiyadda Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu u muuqda maan-gal mudan in mowduucan lagu garab siiyo.

ABIY Ahmed oo war culus kasoo saaray heshiiska BADDA, kuna adkeystay…

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan heshiiska badda, kaas oo dhaliyay xiisad xoogan oo u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qoraalka uu soo saaray Abiy oo lagu daabacay bartiisa Twitter-ka ayaa ugu horreyn lagu beeniyay inay Itoobiya ka laabatay heshiiskii ay horraantii sanadkan la gashay Somaliland, kaas oo ay si wayn u diiday dowladda dhexe.

Xafiiska Abiy Axmed ayaa iska fogeeyay waraaqo saacadihii lasoo dhaafay lagu baahiyay baraha bulshada, taas oo lagu sheegay in Itoobiya ay ka baxday heshiiskii is afgarad ee ay dhowaan la gashay Somaliland.

Sidoo kale waxaa jawaabta kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha looga digay shacabka inay ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah ee wareegaya baraha bulshada.

“Xafiiska Raysal Wasaaruhu waxa uu dadwaynaha kula talinayaa in ay ka digtoonaadaan wararka been abuur ka ah ee wareegaya baraha bulshada ee ku saabsan isfahankii aanu la galnay Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalka dowlada Itoobiya.

Waxaa kale oo uu qoraalku intaasi sii raaciyay in wixii xog ah ee ku aada  arrimaha guddaha, gobolka iyo caalamkaba lagu baahiyo kaliya boga rasmiga ah ee xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed, isla markaana aanu shaqo kulahayn wararka lagu baahiyo baraha kale

“Dadka waxa aanu uga digaynaa in ay ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah iyo dadka sida xun u isticmaalaya calaamadayada” ayuu mar kale lagu yiri.

Hadalkan waxaa ka horreeyay khudbad uu isna shalay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ka jeediyay magaalada Hargeysa, wuxuuna ku heegay in labada dhinac ay ka go’an tahay in heshiiska uu hirgelo, isla markaana ay mar kastaa diyaar u yihiin sidii loo fulin lahaa.

“Somaliland iyo Itoobiya waxaa ka go’an in Agree-ga la saxiixo kadibna MoU-ga loo beddalo xeer oo uu dhaqan-galo. Aroorta haddii ay qolada kale diyaar tahay annaga diyaar ayaa nahay waa dal ballaaran mana jiro wax ka noqosho ah” ayuu khudbadiisa yiri madaxweynaha maamulka Somaliland.

Soomaaliya ayaa dhankeeda weli diidan heshiiska Abiy Axmed uu la galay Muuse Biixi, kaas oo dhaliyay inay qaraxdo xiisad u dhexeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo si weyn looga dareemay gobolka.

SSC-Khaatumo oo diiday in DF ay awood ku ogolsiiso Somaliland midnimada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan midnimada Soomaaliya, isaga oo soo hadal qaaday maqnaashaha Somaliland oo haatan u ololeyneyso inay ka go’do dalka intiisa kale.

Firdhiye ayaa diiday in dowladda federaalka ay isku deydo inay awood ku ogoleysiiso Somaliland arrinta midnimada, ayada oo weerar ku eekeyneyso maamulka Hargeysa.

Hoggaamiyaha SSC ayaa shaaca ka qaaday in laga haboon yahay adeegsiga awooddda dowladda, ayada oo Somaliland loo isticmaalo qasab iyo qoray caaraddiisa.

“Haddii dowladda Soomaaliyeed ee aynu maanta hoos joognaa ay weerar ku ekeyso gobollada waqooyi, ayada oo damacsan inay ku qasabto inay midnimadii kusoo laabtaan waxaa waajib ku ah qof kasta oo muwaadin ah oo Soomaaliyeed inuu ka dhiidhiyo, isla mar ahaantaana ka hortego” ayuu yiri Firdhiye.

Waxaa kale oo uu yiri “Sidaasi si lamid ah qof kasta oo muwaadin ah waxaa la gudboon in doonista qaybo kamid ah Soomaaliya aan la’isku dayin in lagu maquuniyo qasab iyo qoray caaradiis”.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aan midnimo iyo dowlad dhan lagu heleyn awoodd ku maquunis ee loo baahan yahay in qaabab kale xalka lagu raadiyo

“Soomaali shalay, maanta iyo berriba dowladnimada loo dhanyahay iyo midnimo lagu waayayaa kala teg iyo madax taag lagu heli maayo” ayuu mar kale yiri hoggaamiyuhu.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in SSC-Khaatumo ay aaminsan tahay in aan cidna marti looga ahayn midnimada dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed oo loo dhan yahay.

“Annagu haddaanu nahay shacabka SSC-Khaatumo aanu nahay reer waqooyi waxaan aaminsanahay midnimo aan cid marti looga ahayn iyo dowladnimo macno leh oo wada gaarta dhammaan gayiga Jamhuuriyadda Soomaaliyeed” ayuu kusoo gabagabeeyay.

Golaha wasiirada oo ansixiyay qaraar xasaasi ah oo ka kooban 8 qodob + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana guddoomiyey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Shirka oo ay inta badan goobjoog ahaayeen xubnaha golaha ayaa waxaa lagu ansixiyay qaraar xasaasi ah oo ku saabsan khataraha amniga qaranka oo warbixin guud oo qiimeyn ah uu ka diyaariyay xafiiska amniga qaranka.

Golaha ayaa ansixiyay qaraarka oo ka kooban 8 qodob oo qeexaya khataraha amniga qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayada oo oo laga duulayo aragtida cusub ee dowladda Soomaaliya ee ku saleysan amniga Qaran, si looga gaashaanto khataraha waaweyn ee halista galin kara jiritaanka, dowladnimada, midnimida dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Waxa ay kala yihiin qodobada la meel-mariyay;-

1. Argagixisada;
2. Aragtida Gooni-goosadka;
3. Dowlad-nugeylka;
4. Xuduudaha Beylahda;
5. Faragelinta Shisheeye;
6. Isbeddelka Cimilada;
7. Khatarta Tiknoolajiyadda;
8. Khataraha Bulshada;

Sidoo kale shirka ayaa warbixin ku saabsan munaasabadaha dabaaldegga maalmaha Xorriyadda, waxaa looga dhageystay Guddiga qabanqaabada oo soo bandhigay sida ay u qabsoontay munaasabaddii 26-ka Juun iyo diyaar garowga 1-da Luuliyo.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale warbixinno ku saabsan howlgalladii u danbeeyey ee xasillinta dalka iyo ciribtirta Khawaarijta waxa uu ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Labada wasaaradood ayaa shirka kusoo bandhigay guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen ciidamada Xoogga dalka oo ay sheegeen in jab xoogan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab.

DF oo bayaan culus kasoo saartay dagaalka Mudug

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bayaan deg deg ah kasoo saartay colaadda saaka kasoo cusboonaatay gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanno dhaca galbeedka gobolkaasi.

Dagaalkan oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa waxay dowladda ku baaqday in si deg deg loo joojiyo colaadda, islamarkaana ay dhinacyadu fursad siiyaan nabadda iyo wada-hadalka.

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta oo bayaanka soo saartay ayaa waxay muujisay sida ay uga walaacsan tahay dagaalka beelaha walaalaha ah ku dhex-maraya deegaanno ka tirsan gobolka Mudug.

“Wasaaradda waxay ka walaacsan tahay dagaalka beelaha walaalaha ah ku dhex-maraya deegaannada; Jiicboor, Saxo-Qurun iyo Meygaagta, ee ka tirsan gobolka Mudug. Waxaan ugu baaqeynaa in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda islamarkaana ay fursad siiyaan nabadda iyo wada-hadalka.”

Sidoo kale wasaaradda ayaa waxay codsi u dirtay odayaasha dhaqanka, culimaa’udiinka iyo bulshada inteeda kale, “Waxa aan ka codsaneyna dadka waxgaradka ah inay nabadda u istaagaan oo ay kaalintooda ka qaataan sidii colaadda loo joojin lahaa.

Wasaaradda ayaa waxay kale ugu baaqday masuuliyiinta maamullada Puntland iyo Galmudug inay kaalintooda ka qaataan, ayna u istaagaan xal u helidda colaadda.

“Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta waxay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax alle wixii kaga aaddan sidii xalwaara loogu heli lahaa colaaddan.”

Gobollada dhexe waxaa ka socda dagaal beeleedyo kala duwan, kuwaas oo gaystay khasaare aad u xoogan, kuwaas oo ka qarxay meelo kala duwan oo kamid ah gobolladaasi.

Si kastaba, dagaalladan ayaa kusoo aaday, ayada oo weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan Galgaduud iyo Mudug, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda.

Madaxweyne Xasan oo dhambaal u direy JABUUTI

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda Jabuuti iyo guud ahaan shacabka dalkaas maalinta xoriyadda ee 27-ka Juun.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka iyo horumarka ay Jamhuuriyadda Jabuuti ku tallaabsatay tan iyo markii ay xornimada qaadatay, isagoo tilmaamay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa walaalaheenna Jamhuuriyadda Jabuuti sanadguurada 47-aad ee xorriyadda. Soomaaliya iyo Jabuuti waxa ay wadaagaan taariikh dheer, dhaqan iyo dhiig. Waxaan ku faaneynaa horumarka iyo midnimada ay gaareen walaalaheenna Jabuuti, waxaana u rajeyneynaa mustaqbal ifaya iyo hurumar waara.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada, isagoo uga mahadceliyey dowlad iyo shacabba doorka ay ka qaateen dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa isna hambalyo ku aadan 47-sano guuradii kasoo waraagatay markii wadanka Jabuuti uu ka xorroobay gumeystihii Faransiiska u diray shacabka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti iyo dowladooda.

Aadan Madoobe ayaa sheegay in xorrnimada maanta ay ku naaloonayaan walaalaha Jabuuti ay usoo mareen dadaal badan iyo halgan dheer loona baahanyahay in ay ilaashadaan horumarka iyo dowladnimada ay maanta heystaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti ku amaanay horumarka ay heystaan iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarka Geeska Afrika iyo kan gobolka.

Bishii Juun 27-keedii sanadkii 1977-dii ayay markii wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda uu xorrnimada ka qaatay dalka faransiiska oo xiligaas gumeysanayay.
Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti u rajeeyay barwaaqo iyo hormar dowladnimo oo kan kasii balaaran.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo dib uga qarxay gobolka MUDUG

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka uu dib uga qarxay dagaal u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed, kaas oo hadda ka socda galbeedka gobolkaasi.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa ka qarxay deegaanka lagu magacaabo Maygaagta, waxaana uu u dhexeeyaa laba beelood oo isku haysta dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi.

Labada dhinac oo horay ugu dagaalamay aaggan ayaa mar kale saaka is-farasaaray, kadib gurmadyo ay heleen, waxaana dagaalka la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in xaaladda ay faraha ka baxday, isla markaana ay dagaalka ku dhinteen in ka badan 10 qof, halka ay ku dhawaacmeen tiro intaas ka badan.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamullada Galmudug iyo Puntland oo ku aadan dagaalkaasi oo u dhexeeyo laba beelood oo kasoo kala jeeda maamulladaasi.

Gobollada dhexe waxaa ka socda dagaal beeleedyo kala duwan, kuwaas oo gaystay khasaare aad u xoogan, kuwaas oo ka qarxay meelo kala duwan oo kamid ah gobolladaasi.

Si kastaba, dagaalladan ayaa kusoo aaday, ayada oo weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan Galgaduud iyo Mudug, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda.

Goobo ganacsi oo ku gubtay waddada Maka Al-Mukarama

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xalay ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kaas oo aad u xooganaa.

Dabka oo dhaliyay khasaare hantiyeed ayaa qabsaday maqaayad lagu magacaabo Isasaar oo ku taalla laamiga Tareebiyaano, waxaana ku gubtay maqaayadda iyo goob Madbacad ah oo ku dheggan, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Milkiilayaha maqaayadda uu dabka ka kacay oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim Isaaq ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay inuu ka dhashay koronto.

“Waxaa dab ka kacay koronto annaga oo shaqeysaneyno oo ku jiro xilliga shaqada ka bacdina jiingadihii ayaa dabka qaaday, khasaare wuxuu soo gaaray maqaayadda isa saar iyo madbacadda Rayaan” ayui yiri Maxamed Ibraahim Isaaq.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu khasaaraha ku kooban yahay hanti oo kaliya, isla markaana shaqaalihii iyo shacabkii ku sugnaa goobta ay ka badbaadeen dabka kacay.

“Khasaaraha na gaaray waa mid maaliyadeed, ma jiro wax nafeed Alxamdulilaah, kulli waa wada gubtay guriga” ayuu hadalkiisa sii raaciyay

Waxaa kale oo uu intaasi ku dareen inay gurmad deg deg ah, isla markaana ay soo gaareen gaadiidka dab damiska oo ku guuleystay inay damiyaan dabkaasi, wuxuuna u mahadceliyay dowladda iyo shacabkii usoo gurmaday.

“Waa uga mahadcelinayaa dowladda sida ay noogu soo gurmadeen ee ay noo badbaadiyeen, waayo khasaaraha intaan waa ka waynaan laha, haddii ay iyaga ahaan lahayn iyo shacabka noo soo gurmaday” ayuu mar kale yiri.

Maalmihii u dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayay gubashada goobaha ganacsi iyo guryaha ku yaalla caasimada, kuwaas oo dhaliya khasaarooyin kala duwan.

Xog: Waa kuma ninka lagu wareejiyay furaha Kacbada kadib geeridii Sheikh Saalax?

Makka (Caasimada Online) – Maamulka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqay Cabdul Wahab bin Zain Al Abidin Al Shaibi inuu yahay shakhsiga furaha Kacbada Kacbada hayn doona kadib markii uu geeriyooday Sheikh Saleh Al Shaibi.

Munaasabada lagu wareejinayay furayaasha Kacbada iyo Maqaam Ibraahim (Maqaamka Nabi Ibraahim) ayaa Isniintii lagu qabtay magaalada Makkah.

Sheikh Cabdul Raxmaan bin Salex Al-Shaibi, oo wiil uu dhalay Sheikh Salex Al-Shaibi, ayaa furaha ku wareejiyay Sheekh Cabdul Wahaab bin Zain Al-Abidin Al-Shaibi, oo ah mas’uulka 78-aad ee Kacbada.

Sheekh Abdul Wahaab oo ah qofka ugu da’da weyn qoyska Al-Shaiba, ayaa loo magacaabay inuu beddelo Sheikh Saleh Al-Shaibi, oo ahaa sii hayaha sare ee Kacbada oo geeriyooday Jimcihii la soo dhaafay. Waxaa caado ah in furaha Kacbada iyo Maqaam Ibraahim lagu wareejiyo qofka ugu da’da weyn qoyska Al-Shaiba.

Ka dib markii uu la wareegay furaha Kacbada, Sheekh Cabdul-Wahaab wuxuu yiri: “Ilaahay ha igu guuleeyo gudashada waajibaadkan iyo mas’uuliyadda labada masjid ee barakeysan.” Sheekh Cabdul-Wahaab waxa uu furi doonaa Kacbada si uu u fududeeyo dhaqidda munaasibka ah ee sanadlaha ah ee Muxaram 15, 1446.

Ilaaliyaha Kacbada waa qofka kaliya ee haysta furaha Kacbada, wuxuuna u xil-saaran yahay wax kasta oo la xiriira arrimaha Beydka Alle, oo ay ka mid yihiin beddelidda Kiswada (marada ku daboolan), dhaqidda, iyo carfinta. Tan iyo waagii Nebi Muxamed (scw) qoyska reer Banii Shayba waxa loo igmaday ilaalinta Kacbada, furaheedana ay hayaan.

Qoyska Shaiba waxay sii wadaan inay ixtiraamaan sunnadii Nebiga (NNKH) iyagoo u dhiibaya jagada ilaaliyaha (sadin) ee Kacbada xubintooda ugu da’da weyn.

Markii uu Nebigu (NNKH) galay Kacbada markuu Makka qabsaday ayuu burburiyay dhammaan sanamyadii ku jiray, wuuna mayray, albaabkiina wuu xidhay, dabadeedna wuxuu u yeedhay Cusmaan Bin Talxa oo ka mid ahaa qoyska Bani Shaiba, wuxuuna u dhiibay furihii isagoo leh, “Furayaashani way sii jiri doonaan ilaa maalinta qiyaame. Cid kaa qaadi karta ma jirto aan ahayn daalim.

Qoyska Al-Shaiba waxa ay ilaa waagaas ahaayeen kuwa ilaaliya Kacbada sida uu Eebbe u doonayey iyaga oo lagu soo dajiyay aayadda keliya ee ku soo degtay gudaha Kacbada. “Runtii, Allaah wuxuu ku amrayaa inaad u dhiibto ammaanada cidda leh.

Axmed Adan Dagaal (Axmed Safiina) oo ka faalooda taariikhda islaamka ayaa BBC Somali u sheegay: “Wakhtigii Nebigu dhashay beelaha Qureysh shaqada Xaramka way u qaybsanayd”.

“Reer Banii Haashim oo uu Nebigu ka dhashay waxay lahaayeen oo ay hayeen furaha ceelka Zamzamka iyo waraabinta xujayda oo loo yaqaanay (Al-Siqaaya). Furaha Kacbadan waxa hayay beesha reer Baniishayba,” ayuu yiri.

Dr. Saleh Al-Shaibi, oo ahaa caalim weyn, aqoonyahan iyo qoraa, waxa uu ahaa ilaaliyaha sare ee Kacbada, muddo toban sano ah. Waxa uu qabtay booska 77-aad ee furaha Kacbada kadib geeridii adeerkiis Sheikh Abdulqadir Al-Shaibi Oktoobar 2014, wuxuuna hayay booskan ilaa dhimashadiisa.

Al-Shaibi wuxuu ahaa ilaaliyaha sare ee 10-aad inta lagu guda jiro xilliga casriga ah ee Sacuudiga, wuxuuna la socday xaaladda labada masaajid ee barakeysan.

Sheikh Saleh Al-Shaibi waxaa xilka kala wareegay Sheikh Abdul Wahhab Al-Shaibi oo ahaa qofka ugu weyn qoyska.

Muxuu furaha Kacbada ka sameysan yahay?

Waxa uu sheegay in furaha uu ka samaysan yahay bir, dhererkiisuna yahay 35 sentimitir. Waa la beddelay oo la casireeyay dhawr jeer qarniyadii la soo dhafay oo dhan.

Maanta furaha iyo qufulka Kacbada waxaa laga sameeyay Nikkel oo lagu dhejiyay dahab 18-carat ah halka Kiswada gudaha ama gogosha Kacbada ay tahay cagaar.

Al-Zulfah wuxuu sheegay in qaabka furaha la bed-bedelo had iyo jeer. Dalka Turkiga waxa ku yaala madxaf ay yaallaan 48 furo oo kacbada lagu furi jiray laga soo bilaabo dawladdii Cusmaaniyiinta, halka Sucuudiga ay yaalaan laba nuqul oo furahaasi ah oo ka samaysan dahab saafi ah.

Isha: BBC