25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

War yaab leh oo ka cusub dagaalka ka socda SUDAN

Khartoum (Caasimada Online) – Khubarro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay dhinacyada ku lugta leh colaadda sokeeye ee Sudan in ay gaajada u adeegsanayaan sida hubka lagu dagaallamo.

Warkan ayaa yimid xilli ay sii xoogeysanayaan digniinaha ay hey’adaha caalamiga kasoo saarayaan baahida daran ee ka jirta Sudan, taas oo ay ku sheegeen in ay qarka u saaran tahay in ay macluul isu baddasho.

Khubarrada warbixintan soo saartay oo si gaar ah ugu shaqeeya Guddiga Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa yiri:

“Ciidanka Millatariga Sudan iyo Kooxda Gargaarka Deg-degga labaduba waxay cunnada u isticmaalayaan hub ahaan waxayna gaajo ku dilayaan dad rayid ah, baaxadda gaajada iyo barakaca aan ku aragnay Suudaan maanta waa wax aan horay loo arag,” ayay yiraahdeen.

Khubarrada ayaa ka digay in macluusha ay hadda aad u soo dhawaatay ka gadaal marki si ula kac ah loo hor istaagay cuntooyinka gargaarka bani’aadannimo si dadka loo gaajeysiiyo, in la weeraray ururrada bulshada rayidka ah halka qaar badan oo ka mid ah dadka dhaq-dhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha la xiray.

Warbixin uu soo saaray machadka Clingendael ayaa bishii hore lagu sheegay, in ku dhawaad 2.5 milyan oo qof oo ku nool Sudan ay gaajo u dhiman karaan dhammaadka Sebtembar, iyadoo qiyaastii 15% dadka ku nool gobollada Darfur iyo Kordofan ay u badan tahay inay yihiin kuwa ugu daran.

Warbixinta ayaa labada dhinac ku boorrisay inay “joojiyaan xannibaadda, bililiqada iyo ka faa’iidaysiga gargaarka bani’aadamnimada.”

Sudan ayaa gunta u gashay dagaal sokeeye bishii April ee sannadki hore, kaddib marki muran u dhaxeeyay millatariga iyo kooxda sida milatariga oo kale u tababaran ee loo soo gaabiyo RSF uu isu baddalay gacan ka hadal.

14 bil oo dagaal ah, Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dalka Sudan lagu dilay 14,000 oo ruux, halka ay ku dhaawacmeen 30,000 oo kale. Malaayiin ayaa ku barakacay ama u qaxay dalal dibadda ah.

Dowladda Bolivia oo ka bad-baadday isku day afgambi – Sidee wax u dhaceen?

Sucre (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Bolivia Luis Arce ayaa sheegay, in Arbacadi shalay ay fashiliyeen isku day afganbi oo ay fuliyeen cutubyo ka tirsan millatariga dalkaasi, kuwaas oo muddo kooban heystay madaxtooyada iyo aqalka baarlamaanka, ka hor inta aysan dib uga soo laaban.

Goor sii horreysay oo shalay ah, ayay cutubyo ka tirsan milatariga oo uu hoggaaminayay Jeneral Juan Jose Zuniga, oo dhawaan laga xayuubiyay xilka taliyaha ciidanka xoogga, ayaa isugu soo baxay fagaaraha u dhaw qasriga Plaza Murillo, oo ay ku yaallaan madaxtooyada iyo Congress-ka.

Goob-joogayaal ayaa VOA-da u sheegay, in ay arkeen gawaari gaashaaman oo albaabka madaxtooyada xoog ku galaya iyo askar orod ku sii galeysa.

Kolonyo baabuurta gaashaamman ah oo ay saarnaayeen askarta qabsatay madaxtooyada Bolivia, ayaa iyaga oo si saf ah ku socda dib uga soo laabtay qasriga madaxtooyada, xilli ay boqollaal ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha ay si dhaqso ah ku buuxiyeen fagaaraha ku yaalla bannaanka qasriga madaxtooyada.

Iyaga oo lulaya calanka kuna heesaya astaanta qaranka Bolivia, ayaa waxaa u gacmo-haatiyay madaxweynaha oo ay hareeraha ka joogeen wasiirradiisa. Madaxweyne Arce ayaa u mahadceliyay dadki isugu soo baxay fagaaaraha. Wuxuu wacad ku maray inuu meel adag ka istaagi dooni afganbiga, isaga oo markiiba taliye cusub u magacaabay ciidanka millatariga.

Saacado yar kaddib, booliska Bolivia ayaa xiray jeneraalki ka danbeeyay isku-dayga afgani, kaddib marki uu xeer-ilaaliyaha guud uu furay dacwad ka dhan ah jeneraal Juan José Zúñiga.

Isku-daygi afganbi ee Arbacadi ayaa yimid, kaddib bilooyin ay kacsaneyd xiisadda siyaasadeed ee Boliva, kaddib marki ay madaxweyne Arce iyo madaxweynihi hore Evo Morales ay isku qabsadeen maamulka xisibiga talada haya. Arrintaasi ayaa dhalisay bannaanbaxyo sii xoogeysanaya oo ay taageerayaasha Morales dhigayaan.

Morales ayaa xakunka xoog looga tuuray sannadki 2019-ki, kaddib kacdoon dadweyne oo Bolivia ka dhacay, kaddib muddo tobnaan sano ah oo uu dalkaasi dhaca bartamaha Koofurta America soo xakumayay.

Wuxuu hadda doonaya inuu u tartamo doorashada madaxtinimada ee Bolivia ka dhaceysa sannadka 2025-ka.

DF iyo Al-Shabaab ma waxaa u bilaabanaya wadahadal? Xogta shir ka furmaya dalka Qatar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isisoo taraya war sheegaya in dowladda Soomaaliya ay wadahadal la fureyso Khawaarijta Al-Shabaab, wadahadalkaas ayaa la qorsheeyey inuu ka furmo dalka Qatar, sida ay xogtaan ku heshay Caasimada Online, waxaana gar-wadeen ka ah ilaa 3 dowladood oo waaweyn.

Xogtaan oo Caasimada Online ay ka heshay ilo xog ogaal ah oo kala duwan ayaa tilmaameysa in qorshaha wadahadalka dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ay dharaan-dhirinayaan dowladaha Qatar, Turkiga iyo Norway.

Inkastoo aan la cayimin waqti, hadana waxaan ogaanay in qorshahaan uu si hoose u bilowday, waxyaabaha la qorsheeyey ee go’aanka laga gaaray ilaa hadda waxaa ka mid ah ergada dowladda Soomaaliya ku meteleysa wadahadalkaas oo gaareysa 300 oo qof, sida aan ku helnay xogta.

Warkaan oo ilaa hadda aan toos u soo shaac-bixin, balse Caasimada Online ay u soo dusiyeen xubno muhiim ah oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya, waxaan heynaa ilo wareedyo kale oo xoojinaya jiritaankiisa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida dul-marka ah uga hadlay wadahadalka la qorsheeyey in dowladda Soomaaliya ay la yeelato argagixisada Al-Shabaab, isagoo dowladda ka dalbaday in bulshada Soomaaliyeed aan waxaba laga qarin.

“Wadahadalka la sheegay in kooxda argagexisada AS lala gelayo waa in aysan noqon khudbosir qof kaligii go’aansado. Waa in lagu wajaho talo qaran oo loo dhanyahay, shacabka wakiilka laga yahayna si daahfuran loola socodsiiyo,” ayuu yiri CC Shakuur.

Dhankiisa Taliye ku xigeenkii hore ee hey’adda NISA Cabdisalaan Guuleed oo ka mid ah siyaasiyiinta xog ogaalka ah ayaa arrintaan ka soo saaray qoraal uu ciwaan uga dhigay, “WADA HADALKII AL-SHABAAB MIYAA BILOWDAY?”

“Shir ay kasoo qayb geleyaan ilaa 300 qof oo qurbajoogta Soomaalida u badan ayaa 22-ka July ka furmaya Doha Qatar. Shirkaan waxaa soo abaabulay sida la sheegay Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya iyo safaradda Soomaalida ee Qatar. Inkasta uu yahay shir soconaya 2 maalmood, hadana ujeedkiisa lama shaacin. Dadka ka qayb geleya waxay leeyihiin ‘Aniga si hoose ayaa la iigu casuumay cidna hala wadaagin baa la igu yiri’ Waxan isweydinayaa muxuu yahay shirkaan, maxaase loo qarinayaa?” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdisalaan Guuleed.

Sidoo kale Cabdisalaan ayaa sheegay  in shir 300 oo qof oo Soomaali ay ka qayb geleyso uusan aheyn wax la qarin karo, “Mid waa iska cadahay, in Doha muujineyso saameynta iyo xariirka dhow ee dowlada xasan Sheekh ay la leedahay, sidoo kale wuxuu shirkaas tusaale u yahay in Qatar ay Soomaaliya uga dhowdahay Imaaraadka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri taliye ku xigeenkii hore ee NISA.

Maalmo ka hor Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ku tegay dalka Norway ayaa madal ay dad badani ku sugnaayeen ka sheegay inay dhici karto in colaada Al-Shabaab ay wadahadal ku soo dhamaa karto, in kastoo uu aad u soo kooban ka hadalka arrintaas, hadana waa farriin muujineysa in damac noocaas ah u uku jiro dowladda Soomaaliya.

Bilo ka hor sidaan oo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kulan Muqdisho ka dhacay ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay Shabaab wadahadal la gasho hadii ay dilka, qaraxyada iyo dhibaatooyinka kale ka dhaafayaan shacabka Soomaaliyeed.

Xogta ugu muhiimsan ee qorshahaan la qarinayo daaha ka qaadeysa waa in magaalada Dooxa ee Dalka Qatar ay ka socoto qaban-qaabada shirweyne ay Soomaali badan ka qeyb geli doonto, kaas oo ajendihiisa aan ilaa hadda la shaacin, balse Caasimada Online ay la hadleen qaar ka mid ah ergada lagu casuumay.

 

Xog: Xasan oo dib u bilaabay qorshiisa dastuurka, lana wadaagay guddoonka BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hoygooda ku booqday Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka dalka Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Sidoo kale isla maanta Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu xafiiskiisa ugu tegay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre oo ay wehliyaan wasiiro hoggaaminaya guddiga loo xil-saaray qaban-qaabada munaasabadaha toddobaadka xoriyadda.

Qoraal ay Madaxtooyadu ka soo saartay kulamadaas ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu madaxdaas ugu tegay inuu “lasoo qaybsado farxadda maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada dalka.”

Faahfaahin intaas dhaafsan lagama bixin kulamada Xasan Sheekh uu guryahooda kula yeeshay 3 masuul ee dalka ugu sareysa markii laga soo tago isaga oo madaxweynaha jamhuuriyadda ah.

Xogta ay kulamadaas ka heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in Xasan Sheekh uu masuuliyiintaas kala hadlay arrimnta dastuurka oo aad uu u daneynayo in la dhameystiro.

Madaxweynaha ayaa dib u bilaabay ololihiisa dhameysrtirka dastuurka, maadaama ay maalmaha soo socda furmayaan kulamada baarlamaanka, horay waxaa loo ansixiyey ilaa afar cutub, hadan waxaa la qorsheynayaa in golayaasha la hor geeyo cutubyo hor leh.

Sida ay ogaatay Caaasimada Online, ilaa 5 cutub oo cusub ayaa diyaarsan, kuwaas oo muhiim u ah Xasan Sheekh inay meel maraan, guddiga ka shaqeynaya dastuurka ayaan helin wax fasax ah, waxayna diyaariyeen 5 cutub, labadii bilood ee fasaxa ay ku jireen labada Aqa lee baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa labada guddoomiye ee baarlamaanka ku adkeeyey inay taageeraan qorshiisa waxkabedelka iyo dhameytirka dastuurka, waxaana la sheegay inay ka ogolaadeen, sidoo kale ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadiisa ayaa door weyn ku leh meel marinta qorshaha dastuurka ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa dhegaha ka fureystay qeylo dhaanta siyaasiyiinta mucaaradka ah ee diidan hanaanka wax ka bedelka dastuurka, 4 cutub ayaa la ansixiyey waxaana hartay 11 cutub, 5 kamid ah ayaa hadda diyaarsan sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaana la horgeynayaa kulamada ugu soo horeeya ee labada Aqal.

Sawirro: Askar jebisay amar ay bixisay dowladu oo lasoo xiray – Maxaa loo haystaa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir oo kaashanaya hey’adaha ammaanka caasimadda Muqdisho ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 9 Askari.

Askartaan ayaa ka kala tirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda, kuwaas oo jebiyey amarkii shalay ka soo baxay taliska booliska Soomaaliya.

Amarka ay askartaani jabisay ayaa ahaa in aan la ridi karin rasaas loogu dabaal-dagayo maalmaha xoriyadda Soomaaliya, maadaama ay marar hore khasaare nafeed geysteen xabadaha ay askartu u rido dabaal-degga maalmaha xoriyadda.

“Waxaa socota baaris, maadaama uu jiraan khasaare ka dhashay xabadihii sharci darada ahaa ee la riday xalay,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay booliska Soomaaliya.

Booliska Soomaaliya ayaa warkaan ku sheegay in askartaan markii uu soo dhamaado baaritaanka ku socda la horgeyn doono Maxakamadda awooda u leh inay qaado kiiskaan.

“Hay’addaha ammaanka waxa ay baadi goob ugu jiraan tiro intaan ka badan iyo gaadiid xabado riday xalay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay booliska gobolka Banaadir.

Ugu dambeyntii booliska ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara in la jebiyo amar soo baxay, sidoo kale waxaa shacabka looga codsaday qoraalkaan inay booliska ama hey’adaha kale ee ammaanka la soo wadaagaan xogta qof kasta oo caqabad ay u arkaan.

“Waxaan shacabka Caasimadda ku nool ka codsanaynaa in ay nala soo wadaagaan cid walba oo amniga lidi ku ah, adiga oo nagala soo xariiraya xafiiska Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo wacaya 991,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.

Ciidamada booliska gobolka Banaadir ayaa muddooyinkaan kordhiyey howlgallada iyo shaacinta dembiilayaal lasoo qabtay, taas oo ka dhigan in wax badan ay iska bedelayaan amniga caasimadda.

Hoos ka eeg sawirrada askarta la soo qabtay

Sawirro: Maxay tahay deynta Soomaaliya lagu lahaa ee maanta xalka laga gaaray?

0

Vienna (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige oo ku sugan Magaalada Vienna ee xarunta waddanka Austria ayaa heshiis muhiim ah la saxiixday agaasimaha guud ee Sanduuqa horumarinta caalamiga ah ee ururka OPEC Dr. Abdulhamid Alkhalifa, kaasi oo lagu xalinayo deyn uu sanduuqan kulahaa Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa waxaa goob joog ka ahaa heshiiska Dr. Mohamed Al-Jadaan oo ah wasiirka maaliyadda dowladda Saudi Arabia oo Soomaaliya ku taageertay lacag dhan $36 Milyan oo aheyd deyntii sanduuqa OPEC uu Soomaaliya kulahaa, lacagtaan ayey dowladda Saudi Arabia ka bixisay dowladda Soomaaliya, taasi oo loo yaqaano (Bridge Loan).

Heshiiska dowladda federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC ay maanta wada gaareen ayaa waxaa kaalin muhiim ah kulahaa dowladda Sacuudiga oo fududeysay wada-hadal ka arrinkan xalka looga gaaray deyntaan iyo waddii loo maray xalinteeda oo muddo ku taagnayd Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka hadlay munaasabadda ayaa waxa uu yiri “Waxa aan heshiis ka gaarnay maanta Deyntii Sanduuqa OPEC si aan u xallino deymaha uu nagu lahaa Sanduuqa oo gaaraysay $36 Milyan.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxa aan ka mahad-celineynaa taageerada Dowladda Sacuudiga ee fududeysay dhabaha loo maray xalinta deyntaan. Tani waa guul kale oo laga gaaray wada-xaajoodyada Deyn Cafinta Soomaaliya, ee lagu guuleystay ee taageeraya xasilloonida dhaqaale ee Soomaaliya.”

Heshiiskan maanta magaalada Vienna ay ku gaareen dowladda federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC oo wadxaajood iyo heer kala duwan oo shirar ah soo maray ayaa uga dhigan Soomaaliya fursad weyn oo muhiim ah.

Soomaaliya ayaa hadda wixii ka dambeeya waxay fursad u heli doonta mustaqbalka dhaw inay qayb ka noqoto deeqaha iyo mashaariicda horumarineed ee Sanduuqa OPEC uu siiyo si lamid ah dalalka soo koraya ee Afrika.

Ninkii ay Interpol ka soo qabatay Kenya oo maanta laga dejiyay Garoowe + Sawirro

0

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Garoowe ka dejiyay eedeysane Maxamed Cumar Ciise oo maalin kahor ciidanka booliska caalamiga ah ay kasoo qabteen dalka Kenya.

Hoggaanka xiriirka dibadda ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Interpol ayaa Muqdisho ka qaaday eedeysane Maxamed Cumar Ciise oo loo heysto inuu horay u dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Faarax 17-05-2024, kaasi oo horay waaran soo qabasha ah uu ugu jaray xafiiska xeer ilaliyaha guud ee qaranka.

Ciidanka booliska Soomaaliyeed qeybta arrimaha dibadda ee Interpol, ayaa eedeysanaha ku wareejiyay laamaha ammaanka gobolka Nugaal, si loo horgeeyo maxkamadda awooda u leh.

Booliska Soomaaliya ayaa shalay sheegay in ninkan oo isticmaalay magaca been abuur ah uu ka gudbay xadka Soomaaliya, kadibna ay la wadaageen Interpol oo soo qabatay.

“Waaran soo qabasho ah oo usoo jarey xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo tixgeliyey codsiga ka yimid maxkamada gobolka Nugaal ayaa hoggaanka xiriirka dibadda (Interpol) ee Booliiska Soomaaliyeed ka codsadey in lasoo qabto eedeysane Maxamed Cumar Ciise 30 jir ah, kuna eedeysan inuu dilay, Marxuum Maxamed Axmed faarax taariikhda marka ay aheyd 17-05-2023, isagoo isticmaalay Qori AK47 ah kadibna u baxsaday dalka Kenya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu yiri “Hoggaanka xiriirka dibada ee Booliiska Soomaaliyeed ayaa xogtiisa la wadaagay xafiisyada Kala duwan ee Booliska caalamigga ah ee Interpol, waxaana la ogaadey inuu ku noolyahay Kenya, uuna Isticmaalay magaca Cabduqaadir Cumar Cali si aan loo aqoonsan.”

Kahor inta aan lasoo qaban eedeysanaha ayaa 21-06-2024 tegay safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya, si uu u jarto dukuminti laabasho ah (Go Home), wuxuuna ku jartay magaca been abuurka ah ee Cabduqaadir Cumar Cali.

“Xarunta Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa si toos ah ugu soo wargelisay hoggaanka xiriirka dibadda ee Booliiska Soomaaliyeed in eedaysanaha uu kusoo wajahan yahay magaalada Muqdisho, saakana garoonka Diyaaraha Aadan Cadde laga soo qabtay ,waxaan lagu wareejin doonaa maxkamada gobolka Nugaal si loo marsiiyo cadaaladda,” ayaa lagu yiri qoraal uu Booliska shalay soo saaray.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay inuu xilka ka tegayo haddii Somaliland…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay munaasabadda 26-ka June ayaa ka hadlay arrimo ku aadan midnimada, isagoo soo hadal qaaday maqnaashaha Somaliland.

Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday inuu ka shaqeeyo midnimada dalka iyo sidii loo soo celin lahaa gobollada waqooyi, si ay mar kale u midowdo Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu diyaar u yahay inuu xilka uga tego arrinta midnimada, gaar ahaan soo celinta Somaliland oo haatan dooneysa inay ka go’do dalka.

“Xilkeyga xittaa diyaar baan u ahay inaan uga tago in Somaliland kusoo noqoto midnimada Soomaaliya” ayuu ku yiri khudbadda uu xalay jeediyay madaxweynaha Soomaaliya.

Dhinaca kale waxa soo hadal qaaday xiisadda taagan ee ka dhalatay heshiiska badda, wuxuuna sheegay in aysan ogolaan doonin in qeyb kamid dhulka Soomaaliyeed la gooyo.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in aysan kasoo horjeedin in Somaliland heshiisyo ganacsi iyo maalgashi ay la sameysato adduunka, balse waxa uu tilmaamay inay diidan yihiin in la iibsado badda iyo dhulka Soomaaliyeed, waxna loo dhimo midnimada dalka.

“Arrinta aan diidannahay ma ahan horumar iyo iskaashi la soo kordhiyo ee waa in dhulkeenna la qaato. Mitir dhulkeenna ah in la qaatana ma ogalin. Shalay Dekedda Berbera annagu ma bixin, saas oo ay tahay kama daba hadlin, waayo waxaa noo muuqatay in aan la qaadanayn oo ay ahaanayso deked Soomaaliyeed, balse maanta arrinta taagan taas waa ka duwan tahay,” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan labada dhinac ay ka dhexeyso xiisad xoogan, waxaana uga sii dartay heshiiska badda ee Itoobiya, kaas oo ay diiday dowladda dhexe, kuna tilmaamtay inuu xadgudub ku yahay madax banaanida dhuleed ee dalka.

Daawo: R/W ku-xigeenka oo guddoomiye ugu yeeray Firdhiye iyo caro ka dhalatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare kux-igeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobollada waqooyi ayaa xalay khudbad xasaasi ah oo hadal-heyn badan dhalisay ka jeediyay munaasabadda 26 June oo lagu qabtay Muqdisho.

Saalax oo ku hadal qabsaday hoggaamiyaha SSC Cabdulqaadir Firdhiye oo meesha fadhiyay ayaa ugu yeeray “GUDDOOMIYE” isaga oo ka hadlay taariikhda Somaliland iyo maalinta qaran ee 26 June oo ah markii ay xoroobeen gobollada waqooyi 64 sano kahor.

“1960 markii gobonimada la qaadanayay dareenkii jiray ma ahayn kan maanta jiray ee dadka lagu cabirayo, sida uu sheegay guddoomiye Firdhiye, gabaygana ay ka muuqatay AUN abwaan Kadiye xilli dadku quluubtoodu iyo rabitaankooda uu mid ahaa” ayuu ku yiri qayb kamid ah khudbaddiisa ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale isaga oo ka hadlayayu midnimada ayuu sheegay in loo baahan dhab ka hadal, si loo soo celiyo Somaliland oo haatan dooneysa inay ka go’do Soomaaliya inteeda kale.

“Dhab ka hadla siyaaadeed ayaan u baahanay si loo baadi goobo dadkaasi waa dadkii taariikhda midnimada ku suntanaa oo iyagu keenay halkan door wayn ayaan ka qaadan doonaa in midnimada la baadi goobo” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenku.

Dhinaca kale hadalka kasoo yeeray mas’uulkan Soomaaliyeed ayaa dhaliyay caro xoogan, waxaana ka falceliyay qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada.

Qaar kamid ah dadka ka hadlay arrintan ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Firdhiye oo meesha joogay, isla-markaana metal SSC loogu yeero ereyga guddoomiye, halka qaarkood ay tilmaameen inuu Saalax ka hadlay arrimo xasaasi ah oo jiro

Maxamed Maxamuud “Waxaan qac waa dhaftay guddoomiye Fidhiye kulaaha isagoo hortiisa fidhiyo”.

Abdirashiid Cawil “Reerkaada ku-matasho ee kuma matashid SSC-Khaatumo ee waxaa metala wixii Somalinimada ogol oo u horeeeyo Xasan iyo Xamza”.

Amiin Cabdiraxmaan ayaa isna falcelintiisa ku yiri “Gudoomiye kulaha Aar wuxu garacsana”.

Cabdiqani Cali Nuur “Waxan marqaati ka ahay nin siyaasi ah inuu yahay oo dadkiisi soo celin karo”.

Najmo Cabdiraxmaan ayaa iyaduna tiri “Gudoomiye Firdhiye miyuu yiri war ninku geesisanaa?”.

Muuse Biixi oo shaaciyay go’aanka kama dambeysta ee heshiiska badda (Daawo)

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxwweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa mar kale ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan heshiiska badda ee uu maamulkiisa la galay dowladda Itoobiya, kadib khudbad uu ka jeediyay munaasabad ka dhacday Hargeysa oo loogu dagaal-dagayay 26-ka June oo ah marka ay xoroobeen gobollada waqooyi dalka..

Muuse ayaa shaaciyay go’aankooda kama dambeysta ee ku aadan heshiiska badda oo muran badan dhaliyay, kadib markii ay ka caroortay dowladda Soomaaliya, wuxuuna ku adkeystay inay dhaqan-gelin doonaan, isla markaana u beddali doonaan heshiis rasmi ah.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Hargeysa iyo Addis Ababa ay ka go’an tahay in heshiiskaas uu hirgelo, isla markaana ay mar kastaa diyaar u yihiin sidii loo fulin lahaa.

“Somaliland iyo Itoobiya waxaa ka go’an in Agree-ga la saxiixo kadibna MoU-ga loo beddalo xeer oo uu dhaqan-galo” ayuu khudbadiisa yiri madaxweynaha maamulka Somaliland.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Aroorta haddii ay qolada kale diyaar tahay annaga diyaar ayaa nahay waa dal ballaaran mana jiro wax ka noqosho ah”.

Dhinaca kale madaxweyne Biixi ayaa soo qaaday arrinta ictiraafka oo Somaliland ku qasbay inay badda ku wareejiyo Itoobiya, waxayna uga beddalay heshiiska ay wada gaareen.

Biixi ayaa sheegay in Somaliland iyo dadkeeda ay haystaan fursad muhuum ah oo lagu aqoonsan karo, wuxuuna ku faanay in dalal badan ay daneynayaan Somaliland.

“Ictiraafku waxaa weeyey in adigu dadk ku qiimeeyo oo uu ku baahdo, ilaaheyna intaas waa na siiyay dalka meel aynu wada ognahay oo maanta adduunka nin weliba Juquraafi ahaan baahan yahay weeye” ayuu mar kale ku yiri khudbadiisa madaxweyne Muuse Biixi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli Soomaaliya ay diidan tahay heshiiska Abiy uu la galay Biixi, kaas oo dhaliyay inay qaraxdo xiisad u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweyne FARMAAJO oo war culus soo saaray, kana hadlay dagaalada ka qarxay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xuska 26-ka June, isaga oo shacabka ugu hambalyeeyay 64-guurada ka soo wareegtay markii xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee dalka oo hadda loo yaqaano Somaliand.

“Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo aad joogtaan waxaan idiin ku hambalyaynayaa xuska qiimaha badan ee 26-ka Juun oo ku aaddan 64-guurada ka soo wareegtay xorriyadda gobollada Waqooyi ee dalka” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweynihii hore.

Intaas kadib Farmaajo ayaa ka hadlay xaaladaha kasoo cusboonaday dalka, gaar ahaan dagaal beeleedyada dib uga qarxay gobollo badan oo kamid ah dalka, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo, kadibna ka xoojiyo midnimada, lana dhowro walaalnimada iyo darisnimada.

“Todobaadka Xoriyadda waxaa waajib ah in uu inoo horseedo midnimo, xoojiyana walaalnimada dhexdeenna ah, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in la joojiyo colaadaha sokeeye ee maanta ka aloosan gobollo badan oo ka tirsan dalka” ayuu mar kale yiri.

Farmaajo ayaa sidoo kale dhammaan dadka Soomaaliyeed ka dalbaday inay xasuustaan halgamayaashii dalkan usoo huray naftooda, una u dueceeyaan, maadaama lagu jiro maalmaha xoriyadda ee 26-ka June iyo kowda Luulyo.

“Malaayiinta Soomaaliyeed ee ku nool gobanimada iyo xornimada waxaan ugu baaqayaa in ay u duceeyaan halgameyaashii inoo horseeday qarannimada, kuwaas oo ay ugu horreeyaan dhaq-dhaqaaqyadii dhallinyarada Soomaaliyeed ee u midoobey xoreynta dalka, iyaga oo ka fogaaday qabyaalad iyo eex” ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray Farmaajo.

Wxaa kale oo gabagabadii uu yiri “Hambalyo, sannadkan kiisa Alle ha ina ku gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo”.

Xuska 26-ka June ayaa sanadkan kusoo aaday, ayada oo ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay heshiis ay Somaliland la gashay Itoobiya, kaas oo ay ka carootay dowladda Soomaaliya, waxaana sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa.

Soomaaliya oo la wadaagtay Mareykanka go’aan culus oo xiisadda Itoobiya ee badda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub e Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Mudane Richard H. Riley ayaa ka wada-hadlay danaha labada waddan iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ugu horreyn ra’iisul wasaare Xamza ayaa safiirka la wadaagay go’aanka Soomaaliya ee xadgudubka Itoobiya iyo sidoo kale warbixin ku aadan siyaasadda guud ee xukuumadda, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshad iyo horumarrada laga sameeyay muddadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa caddeeyay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan heshiis ku sheeggii sharci darrada ahaa ee Ethiopia, oo uu sheegay in marnaba Soomaaliya aanay oggolaan doonin taako ka mid ah dhulkeeda.

Waxa uu intaa raaciyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay Iskaashi Ganacsi, Dhaqaale, Amni iyo Isdhexgal, balse ay ku xiran tahay, isla markaana aanay marnaba aqbali doonin ilaa Ethiopia ay ka laabanayso damaceeda gurracan.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaraha la wadagaay safiirka in xukuumaddiisa ay waddo Qorshaha Isbeddelka Qaran (National Transformation Plan), kaasi oo ku saleysan hawlaha ahmiyadda u leh Xukuumadda, sida xoojinta dowlad wanaagga, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha bulshada, iyada oo door muuqda ay ku leeyihiin ganacsatada iyo maalgashatada Soomaaliyeed si ka duwan qaabkii hore.

Dhankiisa danjire Mr Riley ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha isdaba joogga ah ee ay ku tallaabsatay ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo bulshada, isagoo ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliyeed ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadka 2025 – 2026.

Safiirka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiyaan dalkeenna ee ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga, arrimaha gargaarka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, isaga oo xusay in shirkadaha Mareykanka ay si gaar ah u daneynayaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya.

Richard H. Riley oo todobaadkan uun laga guddoomay warqadaha aqoonsiga ee danjirenimo ayaa maalmihii u dambeeyay waday kulamo uu la qaadanayo madaxda Soomaaliyeed, waxaana kulankii ugu dambeeyay uu shalay la yeeshay Aadan Madoobe.

Daawo: XAMZA oo luuqad adag kula hadlay Somaliland runtana u sheegay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay ka qayb-galay munaasabadda xuska 26-ka June oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa luuqad adag kula hadlay maamulka Somaliland.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa ka hadlay sanad-guurada 64-aad ee ka soo wareegtay markii xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee dalka, wuxuuna hambalyo guud u diray shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 26-ka Juun oo ku beegan sanad guurada 64-aad ee ka soo wareegtey markii ay Gobollada Waqooyi Xorriyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, isla markaana calankeenna laga taagey dhul Soomaaliyeed oo xor ah” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ku daray “Waxay mudan yihiin dadkii Soomaaliyeed ee xorriyadda keenay meel kasta ha joogaane, in la xaqiijiyo himillooyinkii ay ka lahaayeen halgankii xornimo u dirirka, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen dadka Soomaaliyeed oo mid ah, oo walaalo ah, oo hal calan iyo hal dowlad leh”.

Intaas kadib ra’iisul wasaaraha ayaa weerar ku qaaday Somaliland, wuxuuna kula hadlay luuqad adag, isaga oo sheegay inay mar kasta ku doodaan waxaan saxeynaa taariikh naga qaldantay, balse cidda ay ka qaldantay inay tahay Ummadda Soomaaliyeed.

“Farriinta aan dirayo waxaan u dirayaa qolo kale oo riyoota, waxay dheheeen taariikhbaa naga qaldantay oo aan saxeynaa qoladaas waxaan leeyahay haddii ay cid wax ka qaldantay oo taariikhda ka qaldan tahay annaga ayuu naga qaldan yahay” ayuu yiri Xamza.

Xamza ayaa tilmaamay in haddii ay sidan kusii socoto Somaliland ay qasab ku noqoneyso dadka Soomaaliyeed inay dib u xisaabtamaan, ayna qaadan doonaan go’aan dhaxal gal ah.

“Waxaan u sheegayaa qoladaas dadka Soomaaliyeed haku qasbina inay hadlaan oo ay dib u xisaabtamaan, intaas ayaan leeyahay ha i fahmaan ama yeysan i fahmin iyaga aya u taallaa” ayuu sii raaciyay ra’iisul wasaaruhu.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan meeshii ugu xumayd uu gaaray khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Somaliland oo isku qabtay heshiiska badda ee Itoobiya.

Sawirro: Hiddo Soor oo qabatay munaasabad lagu maamuusayo hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida MN

Minneapolis (Caasimada Online) – Hay’ada hay’ada HiddoSoor ayaa sanadkasta qabato maalinta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomalida degan magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis iyo St. Paul iyo nawaaxigeeda (Twin Cities area) gaar ahaan Plymouth, Minnesota. 

Maallinti Sabtida June 22  ayaa noqotay maalin lagu asteeyay Maalinta Dhaqanka Soomaalida 2024. Munasabadan ayaa sanadkasta ka dhacdo Xarunta Hilde Performance Center ee ku taalla magaaladda Plymouth ee gobolka Minnesota, ayadoo Soomalida degan Plymouth, Minnesota iyo maagoolinka ku dhaw dhaw ay soo bandhigeen Hiddahooda iyo Hibooyinkooda iyo Ganacsigooda, ayadoo ay kasoo qayb galaan Soomaali aad u badan iyo dadyowga kale ee degan Minnesota. 

Waxaa sidoo kale munaasadaan ka soo ka qayb galay mas’uuliyiin ka kala socday Dowlada federaalka iyo Gobolka Minnesota, sida Xilibaan Ciid, Xilibaan Qaasim iyo Senator Abdixakin Halka Halka Minnesota ay kala ahaayeen Xilibaan Samakaab, Xilibaanad Ginny iyo Senator Omar Fatah iyo madax kale oo ka kala socotay hay’adaha ka howl gala gobolka Minnesota. 

HiddoSoor ayaa markasto u taagan sidii uu Hiddaha iyo Dhaqankeena u noqon lahaa mid jiilka cusub ay bartaan, isla markaana dhaqanka Soomalida uu noqdo mid taariiq ku leh aduunyada. Ugu danbayn, Maxamed Ciise oo ah agaasimaha hay’ada Hiddosoor ayaa sheegay “Maalinta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida Minnesota ay noqon doonto mid State ka oo dhan loogu dabaal dego.”

26-ka June: 64 sano ka hor: Xeyle Sallaase iyo qorshahiisa Hargeysa iyo Muqdisho

Muddo 64 sano ayaa laga joogaa 26 June 1960 oo ku beegan maalintii ay Xornimada ka qaateen Ingiriska gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, sidoo kalena aheyd markii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed. Munaasabadaasi waxaa iyadana xigtay kowdii Luulyo oo goboladii Koonfureed heeryadii gumeysigii Talyaaniga ka xoroobay iyo isku biiridii walaalahoodii Waqooyi, halkaasina ku abuurantay Jamhuuriyadii Soomaaliya.

Waayahaasi adkaa ee lasoo maray 64 sano kahor, Guushii Israacii iyo Midowga Gobollada Waqooyi iyo Koonfur 1960-kii waxay niyad jab ku noqotay xiligaasi Gumeystihii Ingiriiska oo markaasi dareemay wada jirka Soomaali ay dooneyso iney ku wada noolaadaan, waxaase Ingiriiska kasii darnaa Boqorkii Itoobiya ee Xeyle Sallaase oo markii uu maqlay Midowga Gobolada Waqooyi iyo Koonfur, beesha caalamka u muujiyay sida uu ugu xun yahay israaca labada Gobol.

Boqor Xeyle Sallaase kuma ekaan inuu ka xumaado kaliye israaca Muqdisho iyo Hargeysa wuxuu Midowgii Sofiyeeti iyo Mareykanka weydiistay taageero Milateri si uu uga gaashaanto halista ugu imaan karto Israaca Muqdisho iyo Hargeysa, wuxuuna ka dalbaday Xeyla Sallaase Mareykanka, Ingiriiska iyo Ruushka iney caqabad ku noqdaan israaca Labada Gobol.

Halgankaasi dheer ee loo soo maray iyo marxaladaha ay maleegeen Dowladdaha deriska iyo kuwa caalamka waxaa maanta horseedaya hadimadii Xeyla Sallaase oo kale mashruuca Federaalisimka ee lagu soo dhex tuuray Soomaalida, kuwa sida qaldana u adeegsanaaya oo ka biyo diidsan Soomaali mideysan awoodeedii leh, Laabtana ka jecel Gooni isu maamulka sida Somaliland.

Burburkii dawladnimadii Soomaaliya kadib, waxaa dalku uu soo maray marxalado kala duwan, burbur, hoggaamiye kooxeedyo, kooxo diineed iyo dowladdo jilicsan oo lugaha ay qabsadeen siyaasiyiin iyo maamul goboleedyo qabyaaladeysan ee magac ahaan badalay qabqablayaashii dagaalka iyo faragelinta shisheeyaha  iyo dalalka deriska.

Goboladii Waqooyi oo iyagana tashaday waxay ku dhawaaqeen inay yihiin dowlad madax bannaan oo 31 sano ay ku dhibtoonayaan aqoonsi aan ilaa weli u cadeyn inay helayaan.

Soomaaliya oo isla garatay in ay qaadato nidaamka Federalism-ka lagu soo dhex tuuray ee halbeeggana loogu dhigay maamul siyaasadeedka dalka ayaa wuxuu noqday mixno fidno ah ee la eeday. Asalkiisu wuxuu nooga yimid Shirkii Embagathi ee Meles Zenawi ku andacoonaayay inuu Soomaali halkaasi uga soo dhisay maamul federaal ah oo Ethiopia laga soo min guuriyay.

Soomaalida oo aan wax faham ah ugu bilaabnayn “Waa maxay Federalism, iyo what is Federal System” ayaa lagu yiri qaata isku maamula. Puntland oo ku andacoota inay tahay hooyadii Federaalka ayaa caqabada koowaad ee awood sheegashada iyo sida qaldan u fasiraneysay 14-kii sano lasoo dhaafay marna ku goodineysay inay tashan doonto.

Soomaaliyada maanta, waa kasoo kabaneysaa sidii hore, waxaa muuqato yadadiilo iyo horumar dhan walbo leh, waxaase aan la qaadan karin dastuurada qaldan ee maamulada habka qabiligi ku dhisan, arrimaha Federalismka iyo kala qeyb qeybsanaanta dowladda dhexe iyo maamulada qabiliga qaar ee Federalismka u arka xalkooda.

Ugu danbeyntii, 64 sano Soomaaliya oo xor ah, waxaa muuqata rajo aan horay u muuqan, inkastoo caqabada xiligaan jirta aanu dhihi karno amni darada ka imaaneysa kooxaha xagjirka dhiiga shacabka caadeystay inay daadiyaan iyo nidaamka musuqa ku dhisan ee weli dalka ka jira, balse dowladda bilowday inay la dirirto, waxaase muwaadinka Soomaaliyeed isweydiinayaa yaa la diriri doona madaxda sare ee musuqa ku macaashay?

Hambalyo 26- June iyo maalmaha Xorriyadda

Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online 

Sawirro: Xasan Sheekh oo maanta maamusay halyeeyadii naftooda huray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maamuusaya halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo halyeeyadii naftooda u huray xornimada, qarannimada iyo midnimada dalkeenna ayaa maanta ubax dhigay Taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo muujinaya sharafta iyo qiimaha ay ummadda Soomaaliyeed ka mudan yihiin geesiyaashii u soo halgamay xorriyadda dalka ayaa mid mid u dul istaagay tabbeelayaal lagu xardhay taariikhda qaar kamid ah Halgameyaashaasi.

Waxa uu ku adkeeyay shacabka Soomaaliyeed ilaalinta midnimada, dal jaceylka, wada-jirka iyo isku duubni sal adag leh, si looga mira-dhaliyo dhaxalkii ay ka tageen ee ilaalinta gobannimadeenna.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa subaxnimadii hore ee saaka hoygooda ku booqday guddoomiyaasha labada aqal ee baarlamaanka dalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xamza Cabdi Barre, si uu ula qaybsado farxadda maalmaha xorriyadda iyo midnimada dalka.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka June, isagoo xoojiyay midnimada dalka, taasi oo uu ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono iyo sidii loo soo celin lahaa gobollada waqooyi, si ay mar kale u midowdo ummadda Soomaaliyeed.

Waxa uuna bogaadiyay dadaalka iyo midnimada guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan sidii loo xaqiijin lahaa himilooyinka qaranka iyo hiigsiga ay inoo ka tageen aabeyaasheen.

Munaasabadda dabaal-degga 26-ka Juun ayaa xalay si weyn looga dabaal-degay dalka, gaar ahaan caasimadda, ayada oo lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir, taasi oo ay ka soo qeyb-galay madaxda dowlada, xildhibaano, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Ciidamada DF oo howlgal ku dilay xubno Shabaab ah kana furtay HUB + Sawirro

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay howlgal culus ka fuliyeen agagaarka degmad Ceeldheer, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa weerar ku qaaay Cali-cadhoole oo u dhow degmada Ceeldheer, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyaga qaarkood dilay, kana soo furtay hub, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska Xoogga.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarkan lagu dilay 7 xubnood, isla markaana laga soo furtay hubkii ay wateen maleeshiyaadka lagu khaarijiyay howlgalka.

“Howlgal afjar ah oo ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ay ka fuliyeen deegaanka Cali-cadhoole oo 33 KM waqooyi ka xiga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay toddoba (7) dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, waxaana lagu soo furtay hub iyo saanad ciidan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka.

Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Ciidamada ayaa ka war-helay in kooxdaasi ay si dhuumaaleysi ah ku joogto goobta lagu weeraray, waxaana u suurta-gashay inay soo afjaraan, iyagoo soo bandhigay sawirrada meydadka dhagarqabayaashii la dilay oo horjoogihii hoggaaminayey uu ku jiro iyo goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen oo lagu burburiyey howlgalka”.

Ciidamada ayaa weli sii wada howlgalkooda, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dhinaca kale  ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Galgaduud ayaa waxaa weli ka socda howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo iyaguna weeraro ka fuliya gobolkaasi.

Sawirro: Xasan oo xuska 26-ka Juun ugu garaabay reer Somaliland, hal midna diiday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka Juun oo ah maalinta xorriyadda gobollada Waqooyi ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay adkeystaan midnimada iyo madaxbannaanidooda, isagoo xusay in dowladdu ay ka go’an tahay, waajibna ay ku tahay ilaalinta qaranimada iyo jiritaanka Soomaaliya.

“Dad Soomaaliyeed oo meel intii ay ku tashadeen, kuna showray dadka waqooyi deggan ama qeyb ka mid ah aan layno ama aan la dirirno ma jiro,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Dowlad baan lahayn, dhibta iyo burburka dadka dhan buu ka soo wada gaaray, in uu idinka idiin badnaana waa qirsannahay, ma diidanin, waxaanba rabnaa in aad ka daawoowdaan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si adag uga hadlay xad-gudubka dowladda Itoobiya ee ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya, waxa uuna sheegay in heshiiska aan sharciga ahayn ee dhex-maray Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu yahay mid si toos ah uga horimaanaya qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

“Arrinta aan diidannahay ma ahan horumar iyo iskaashi la soo kordhiyo ee waa in dhulkeenna la qaato. Mitir dhulkeenna ah in la qaatana ma ogalin. Shalay Dekedda Berbera annagu ma bixin, saas oo ay tahay kama daba hadlin, waayo waxaa noo muuqatay in aan la qaadanayn oo ay ahaanayso deked Soomaaliyeed, balse maanta arrinta taagan taas waa ka duwan tahay.”

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xuso halgankii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya oo hadda loo yaqaano Somaliland ay ku bilaabeen xorriyadda dalka.

Waxa uuna bogaadiyay dadaalka iyo midnimada guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan sidii loo xaqiijin lahaa himilooyinka qaranka iyo hiigsiga ay inoo ka tageen aabeyaasheen.

Munaasabaddan dabaal-degga 26-ka Juun ayaa xalay lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir, waxaana ka soo qeyb-galay madaxda dowlada, xildhibaano, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Caynte oo war culus ka soo saaray fasiraada laga bixiyey hadalkii madaxweyne Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa difaacay hadalkii uu shalay Madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay shirkii ka dhacay Xalane, kaas oo khudbad uu ka jeediyey, shirweynahaas ayaa laga hadlayey muhiimada ay Soomaaliya ay u leedahay bulshada Bariga Afrika.

Caynte, oo ah guddoomiyaha guddiga difaaca qaranka, ayaa sheegay in hadalka Madaxweynaha laga been sheegay oo sida uu u yiri aan loo qaaday, kadib markii dadka qaar ay soo jarteen qeyb aan ka tarjumeyn micnaha iyo ujeedka hadalkiisii.

Madaxweynaha ayaa yiri, “Itoobiya waa imaa kartaa badda Soomaaliya, laakiin waxaan isku heynaa sidey ku imaanee, waa inay ku timaado sida ay ku tagtay xeebta Jabuuti iyo nidaamka ay dalalka kale ee Afrika ee dekedaha aan laheyn ay ku tagaan dekedaha dalalka kale ee caalamka.”

Dadka mucaarada madaxweyne Xasan Sheekh ayaa durba jartay qeybta hore ee madaxweynuhu uu ku yiri “Itoobiya waa imaa kartaa badda Soomaaliya” balse waxay iska reebeen fasiraadii uu madaxweynuhu ka bixiyey hadalkaas.

“Madaxweynaha hadalkiisu waa cadaa oo mugdi kuma jirin, qofkii meesha joogay ama wada dhageysta hadalkiisa wuxuu dareemi karaa mowqifkiisa in uusan is bedelin, hadii kilip laga soo jaro oo laga soo tegay biyadhicii hadalka Madaxweynaha, kama dhigna in mowqifkii madaxweynaha uu is bedelay,” ayuu yiri wasiir hore Cabdiraxmaan Caynte.

Caynte ayaa hoosta ka xariiqay in go’aankii Soomaaliya ay ka joogtay damaca Itoobiya ee badda uusan waxaba iska bedelin, isagoo dadka ugu baaqay inay xaqiiqada ka soo ogaadaan hadalkii madaxweynaha oo la helayo isagoo dhameystiran.

Sawirro: Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo la wareegay xil xasaasi ah oo loo dhiibay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaliyeed S/Guuto, Sulub Axmed Firin ayaa xilka u kala wareejiyey Taliye ku xigeenkii hore ee Ciidanka Boliiska S/Guuto, Zakiya Xuseen Axmed iyo Taliyaha howlaha gaarka ah ahna Taliye ku xigeenka 2-aad Ciidanka Boliiska S/Guuto, Cabdalla Cabdalla Maxamed.

Xil-wareejintaan ayaa ka dhacday munaasabad kooban oo ka dhacday  Taliska Ciidanka Boliiska Soomaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa ugu mahadceliyey Taliye ku xigeenkii hore ee Boliiska Jeneraal Zakiya mudadii ay xilkaas ugu adeegaysay Bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey Taliyaha Howlaha gaarka ah, ahna Taliye xigeenka cusub ee Ciidanka Boliiska.

Taliye Sulub ayaa Cabdalla Cabdalla kula dardaarmay in uu horay u sii wado shaqada balaaran ee hortaala xafiiska loo magacaabay.

Arrinta aan faahfaahinta laga bixin ee shakiga abuurtay waa “Howlaha gaarka ah” oo Cabdalla Cabdalla loo magacaabay markii laga soo tago xafiiska uu kala wareegay Zakiya Xuseen.

Jeneraal Cabdalla Cabdalla waxaa darajada iyo xuquuqda ciidanimo ka xayuubiyey madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo oo ku eedeeyey arrimo argagixiso iyo qiyaano qaran, balse Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u soo celiyey xuquuqdiisa ciidanimo.

Shakiga xilka “Howlgalka Gaarka ah” ee Cabdalla Cabdalla loo magacaabay wuxuu sii xoojinayaa shaki horay uga taagnaa “Hoggaanka Ciidanka gaarka ah” oo dhowaan laga dhex abuuray Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, howlaha hoggaanadaas ayaan ilaa hadda laga heyn wax faahfaahin ah.