25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Xasan oo loo jeediyay dalab la xiriira wada-hadallada Al-Shabaab iyo Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda Itoobiya iyo wada-hadalka la sheegay in lala galayo kooxda Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isku xiray labadaan qodob, wuxuuna tilmaamay haddii laga wada-hadalyo in loo baahan yahay in aysan noqon qudbo siro ama qof kaliya in uu go’aan qaato.

“Wadaxaajoodka Itoobiya lagala yeelanayo arrimaha Is-afgaradka, iyo wadahadalka la sheegay in kooxda argagexisada AS lala gelayo waa in aysan noqon khudbosir qof kaligii go’aansado” ayuu yiri siyaasiga caanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa looga baahan yahay in qaab qaran u wajahdo, ayada oo wakiil laga noqonayo shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena lala socodsiiyo xogta.

“Waa in lagu wajaho talo qaran oo loo dhanyahay, shacabka wakiilka laga yahayna si daahfuran loola socodsiiyo” ayuu mar kale yiri Xildhibaanku.

Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aaday, ayada oo shalay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan SHeekh Maxamuud uu sheegay in Itoobiya aysan u diidanayn inay hesho bad, balse ay rabaan inay soo marto wadadeeda sharciga ah.

“Annaga iyo Itoobiya iskuma haysanno in ay Itoobiya badda gaarto, waxaan isku haysannaa Itoobiya sidee bay badda ku gaaraysaa, maaha dagaalku in ay Soomaaliya dowladda Itoobiya bad u diiddan tahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa horay u sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay wada-hadal ay la gasho kooxda Al-Shabaab oo weli dagaal ka wadda gudaha dalka.

Nin ay Interpol bixisay xogtiisa oo maanta lagu qabtay garoonka Muqdisho (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo bandhigay nin baxsad ah oo ku eedeysan dil ka dhacay gobolka Nugaal ee Puntland, kaas oo dalka ka cararay.

Soo qabashada eedeysanahan oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Ciise ayaa waxaa iska kaashaday Booliska Soomaaliyeed iyo kan caalamiga ah ee Interpol, waxaana maanta lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii xogtiisa ay Interpol kusoo wargelisay Booliska Soomaaliya.

Ninkan ayaa ku eedeysan inuu 17-05-2023 gobolka Nugaal ku dilay marxmuum Maxamed Axmed Faarax, isaga oo kadib u baxsaday dalka Kenya oo ugu dambeyn laga soo qabtay.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ninkan oo isticmaalay magaca been abuur ah uu ka gudbay xadka Soomaaliya, kadibna ay la wadaageen Interpol oo maanta soo qabatay.

“Waaran soo qabasho ah oo usoo jarey xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo tixgeliyey codsiga ka yimid Maxkamada gobolka Nugaal ayaa hoggaanka xiriirka dibadda (Interpol) ee Booliiska Soomaaliyeed Ka codsadey in lasoo qabto eedeysane Maxamed Cumar Ciise 30 jir ah, kuna eedeysan inuu dilay, Marxuum Maxamed Axmed faarax taariikhda marka ay aheyd 17-05-2023, isagoo isticmaalay Qori AK47 ah kadibna u baxsaday dalka Kenya.” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Booliska Soomaaliya.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Hoggaanka xiriirka dibada ee Booliiska Soomaaliyeed ayaa xogtiisa la wadaagay xafiisyada Kala duwan ee Booliska caalamigga ah ee Interpol, waxaana la ogaadey inuu ku noolyahay Kenya, uuna Isticmaalay magaca Cabduqaadir Cumar Cali si aan loo aqoonsan”.

Kahor inta aan lasoo qaban eedeysanaha ayaa 21-06-2024 tegay safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya, si uu u jarto dukuminti laabasho ah (Go Home), wuxuuna ku jartay magaca been abuurka ah ee Cabduqaadir Cumar Cali.

“Xarunta Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa si toos ah ugu soo wargelisay hoggaanka xiriirka dibadda ee Booliiska Soomaaliyeed in eedaysanaha uu kusoo wajahan yahay magaalada Muqdisho 25-06-2024, aroortii hore ee saaka ayaana garoonka Diyaaraha Aadan Cadde laga soo qabtay eedeysanaha ,waxaan lagu wareejin doonaa maxkamada gobolka Nugaal si loo marsiiyo Cadaaladda” ayaa gabagabadii lagu yiri warka qoraalka ah.

Al-Shabab oo dhexdooda ku dagaalay Baay + Khasaaraha

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo maanta xubno ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab ku dhex-maray qaybo kamid ah gobolka Baay oo hoostaga Koonfur Galbeed, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay deegaanka Ufurow, kadib markii uu isfaham-waa xoogan soo kala dhex-galay maleeshiyaadka kooxda.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay isku dhaca kooxda Al-Shabaab dhexdeeda ayaa lagu sheegay inay isku qabteen lacago ay kasoo aruuriyeen shacabka.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in weli ay xaaladdu ay kacsan tahay, isla markaana dhinacyada dagaalamay ay abaabul ka wadaan aagga deegaanka Afurow ee gobolka Baay.

“Dagaalkan deegaanka Ufurow ku dhexmaraya khawaarijta ayaa ah mid salka ku haaya lacagaha baadda ahaa ee ay shacabka ka qaataan kuwaa oo ah xoolaha nool oo dadka deegaanka xoog looga qaatay, waxaana sidookale hadda jira abaabul dhaxdooda ah oo haatan ka socda deegaanka” ayaa lagu yiri qoraal ay daabacday warbaahinta dowladda.

Ugu yaraan laba xubnood ayaa lagu dilay dagaalka, mid kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray dagaalka, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “kala shaki soo kala dhex galay argagixisada oo haatan ku kala qeybsan baadda iyo xoolaha dadka deegaanka ay ka dhacaan ayaa yimid kadib markii dowlada Soomaaliya ay xooga saarta y la dagaalanka kooxaha khawaarijta ah”

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka maleeshiyaadkeeda ku dhex-maray gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba, Tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa sii xoogeystay isqaarijinta iyo kala-shakiga kooxda, iyada oo kooxda ay gulufka ka dhanka ah ku lumisay deegaano badan iyo dhaqaale ay heli jirtay, inkasta oo weli ay mararka qaar qaado weeraro rogaal celin ah.

Mas’uuliyiin hor leh oo ku biiray shirweynaha ka socda magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad magaalada Muqdisho ka soconaya shirweynaha urur-goballeedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika, kaasi oo ay maanta ka qeyb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo xildhibaannada labada aqal ee BF.

Kulanka maanta ayaa waxaa lagu lafa-guraaya dood cilmiyeedyo ku saabsan in Soomaaliya ay diyaarsato sharciga ay qeybta kaga noqoneyso xubin fircoon oo shaqeysa urur-gobolleedka iskaashiga dhaqaalaha ee bariga Afrika.

Sidoo kale, khubarada caalamiga ah ee shirka ka qeyb-galaysa ayaa dowladda Soomaaliya ka caawinaya saameynta ka dhalata isbeddelka cimilada, gaar ahaan dhinacyada hawada.

“Waxa uu maanta u daaran yahay in ay Soomaaliya ka shaqeyso sidii wada-shaqeyn dhow ula yeelan lahayd dalalka ku bahoobay urur goballeedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo dowladda kasoo saartay shirweynahan maalintii labaad galay.

Urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika ayaa xilligaan abuuraya iskaashi weyn oo laga yeesho wax ka qabashada isbeddelka cimilada, oo si weyn u saameeyay dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Shirkan oo uu shalay furay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa gaba-gabada la filayaa in shirka laga soo saaro go’aanno waxtar u leh Soomaaliya iyo sida ay uga faa’iideysan karto fursaddan muhiimka ah.

Soomaaliya ayaa dhowaan noqotay xubintii 8-aad ee ku biirta urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bulshada bariga Afrika ee EAC.

Si kastaba, Soomaaliya waa mid kamid ah dalalka aan weli kheyraadkooda la isticmaalin ee ku yaalla caalamka, waxaana dhinaca kale dalalka ku jira dalladan ay iyaguna sugayaan inay wax badan ka faa’iidaan dalkaan hodanka ah ee kheyraadkiisa weli ku nacfin.

Madaxweyne XASAN ma sumcaddii qaranka ayuu dhaafsaday dan shaqsi ah?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qofka madaxda ka ah dal, mid kamid ah shaqooyinka horyaalla waa dhismaha hanka umaddiisa, difaaca sharaftooda iyo kabka sida taariikh wax ku ool ah usoo hoyn lahaayeen.

Laakiin waa naadir in la arko qof madax ah oo ay caadi la tahay inay dadkiisa wax ku oolka ah qab jabiyo qaranka kale dantiisa.

Balse Soomaaliya labo sano gudahood laba jeer ayay ka dhacday inuu qaranka hurweyntiisa hanka leh u gacmo qabto dalal kale, taas oo ah fadeexad aan indhaha laga qarsan karin.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu labaddii sano ee ugu horreysay muddo xileedkiisi labaad la kulmay labo gabdhood oo Soomaali ah oo hankooda uu yahay in heer Afrika oo dhan ah iyo heer caalamka oo dhan ah inay xilal ka qabtaan.

Laakiin hankii labadaasi gabdhoodba wuxuu ku naf baxay albaabka guriga madaxweynaha ee Villa Somalia.

Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir waxay damacday oo ay isku sharaxday madaxweynaha baarlamaanka adduunka. Waa gabadh Xildhibaanad ah oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, deegaan ahaaana kasoo jeeda Puntland.

Wax walba markii ay meel loo qaateen ah usoo gaareen Marwo waxaa dhabar-jebisay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin doodda ay dowladda ku hor istaagtay gabadhan ayaa dadka qaar aqbaleen, iyada oo lagu dooday in Tanzania oo codkii Soomaaliya la siiyay, Marwana dartood looga reebay inay Soomaaliya uga hartay tartanka xubinta aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee QM, sidoo kalena ay Soomaaliya ku garabsiinaysay inay qeyb ka noqoto ururka bulshada bariga Afrika.

Aan xooga qiil ku siino dowladda kiiska xildhibaan Marwo oo aan dhahno dan qaran ayaa lagu beddeshay, laakiin midda Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo isku sharaxday guddoomiyaha ururka Midowga Afrika oo loo gacmo qabanayo maxaa lagu beddeshay?

Si walba oo aad maanta u aqriso xaaladaha siyaasadeed ee gobolka, mida Afrika iyo tan caalamkaba ma heli kartid wax ka badan in Fowsiya la dhaafsaday dano shaqsi ah.

Markii dowladdaha gobolka iyo kuwa caalamkaba ogyihiin in uusan jirin mowduuc weyn oo aad uga tanaasuli karto inuu dalkaaga u tartamo kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika, oo sidoo kale muwaadiniintaadana ogyihiin in aysan jirin wax dan qaran ah oo ugu beddeshay tallaabadan, oo xitaa ninka aad dalkiisa u tanaasuleyso uusan arkin wax dan guud ah oo miiska usoo saaray keliya ma aadan dilin qofka aad kursiga dhaafsiisay ee waxaad kale oo burburisay sumcaddii qarankaaga oo waxaad muujisay inuu go’aanka dalkaagu qiimo jaban joogo.

Tallaabadan lagu hor istaagay damaca ra’iisul wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan waa diiwaan madow iyo faddeexad deg deg ugu saaqday ruuxda xukun ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Qof walba oo madax ka noqday Soomaaliya wuxuu leeyahay diiwaano togan iyo kuwo taban. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud diiwaankiisa taban waxaa hareynaya kiisas iskugu jira fadeexaddo musuq, hanjab qaran iyo eex deegaan ama diidmada dad gaar ah.

Mareykanka oo digniin cusub ka soo saaray HESHIISKA Somaliland iyo ITOOBIYA

New York (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa mar kale diginin xooggan ka bixisay heshiiska badda ee ay galeen Itoobiya iyo maamulka Somaliland, waxayna taageero u muujisay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Heshiiska oo la saxiixay horraantii Janaayo 2024, ayey Somaliland ugu ogolaatay dhul-badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed, ayada oo dhaafsaneysa aqoonsi ay sheegtay inay ka heleyso Addis-Ababa, kaasi oo weli aysan xaqiijin Itoobiya.

Ku-simaha danjiraha Mareykanka ee Qaramada Madoobe Robert Wood ayaa mar kale ku celiyey sida Mareykanka uga walaacsan yahay xiisadda ka dhalatay heshiiskaas ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Saaxiibayaal, Maraykanku waxa uu weli aad uga walaacsan yahay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, iyo saamaynta taban ee ay ku yeelanayso danaha amni ee ay wadaagaan,” ayuu yiri Wood oo shalay ka hadlay kulankii Golaha Ammaanka ee QM ee arrimaha Soomaaliya.

“Waxaan ku biiraynaa Midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si aan ugu celino taageeradeena ku aadan madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Wadahadal diblamaasiyadeed ayaa ah dariiqa lagu dejin karo xiisadaha, waana dariiqa kaliya ee loo mari karo,” ayuu yiri Wood.

Robert Wood ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in xiisadaha gobolka aysan dib u dhigin dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan hindisaha muhiimka ah ee dowlad-dhisidda ama ololaha dowladda ee lagu wiiqayo al-Shabaab.

“Waxa kale oo aad muhiim u ah in xiisadaha gobolku aanay faragelin qorshaynta iyo hawlgelinta hawlgalka ka dambeeya ATMIS. Ma qaadan karno halista abuurista daldaloolo amni oo khatar ah, ama kharashyada dheeraadka ah ee la xiriira isbeddel a guud oo lagu sameeyo dalalka ciidamada ku tabaruca.”

Digniinta Mareykanka ayaa imaneysa ayada oo Somaliland iyo Itoobiya aysan weli heshiis u bedelin is-afgaradkii ay gaareen, ayada oo 3 bil la dhaafay muddadii saddexda bil aheyd ee ay qabsadeen in ay heshiiska ku saxiixayaan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo dhowaan wareysi siiyey wargeyska The Economist ayaa sheegay in dhul xeebaadkaas oo dhan 20x20km uu teedsanaan doono Lughaya illaa Bulhar, halkaasi oo Itoobiya ay ka dhisi doonto saldhig ciidamada badda ah. 

Dalal badan oo caalamka ah ayaa teegeero buuxda u muujiyey Soomaaliya, oo 6-dii June xubin aan joogto aheyn ka noqotay Golaha Ammaanka ee QM. 

Soomaaliya ayaa sidoo kale heshiis difaac la gashay Turkey kaasi oo dhigaya in Ankara ay ka ilaaliso cid kasta oo ku soo xadgudubta madax-banaanida iyo qarannimadeeda. 

Caro xooggan oo ka dhalatay hadalkii Xasan Sheekh ee damaca Itoobiya ee BADDA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan SHeekh Maxamuud ayaa shalay sheegay in Itoobiya aysan u diidanayn inay hesho bad, balse ay rabaan inay soo marto wadadeeda sharciga ah.

“Annaga iyo Itoobiya iskuma haysanno in ay Itoobiya badda gaarto, waxaan isku haysannaa Itoobiya sidee bay badda ku gaaraysaa, maaha dagaalku in ay Soomaaliya dowladda Itoobiya bad u diiddan tahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalka madaxweynaha oo kusoo aaday xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa si weyn uga carooday bulshada Soomaaliyeed qaarkood, ayada oo inta badan dadkii ka fal-celiyay hadalkaan oo lasoo dhigay bogga Villa Somalia ee Facebook ay kasoo horjeesteen, iyagoo tilmaamay in xilligaan madaxweynaha looga fadhin hadal sidaan u dabacsan.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay hadalka madaxweynaha?

Mowliid Cali Mire: “Aad iyo aad baan uga xumahay dalkeygu in uusan laheyn hogaan aragti leh ama hogaamiyaal madax-banaan iyo dad isku toosan oo aanan la xisaabtami karin hogaamiyahooda oo ku qasbi kara in uu ka laabto wixii qaldan oo uu sameeyo.”

“Sifada sharciga ah oo ay ku soo gaari karto Ethiopia badda Somalia madaxweynuhu ma cadeyn, halkaas waxaa iiga bidhaantay in madaxweynuhu uusan waxba u diidaneyn Ethiopia ee kaliya uu ka xun yahay Muuse xagiisa in laga soo maray.” ayuu yiri Maxamed Cabdiqaadir Macallin.

Maxamed Macallin ayaa waxa uu intaas kusii daray “Haddii asaga (Xasan) loo imaan lahaa uu bixin lahaa bada, haddana uu u gogol xaarayo sidii uu ugu gacan galin lahaa. Bulshada Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay tashtaan.”

Daa’uud Cabdi Ruus ayaa sidoo kale waxa uu isna yiri “Madaxweynaha hadalkaan jilicsan lagama filaneyn, laakiin maalgashiga Soomaaliya haddii sharci loo maro wey banaan tahay.”

Cabdiraxmaan Cali: “Odayga la-taliyaaal ma qabo miyaaa horta.”

“Masha Allah waa sax haddii Ethiopia ay ganacsi rabto waa diyaar lkn bad laqaato maheyno nuxurka hadalka Masha allah mudane madaxweyne,” ayuu yiri Xasan Muuse.

Kaamil Cade: “Sharci iyo sharci daraba Itoobiya bad naguma laha ma laga soo gudbay.”

Anwar Cabdi ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Xasanow awalba qayladadu ma hayn inaad Ethiopia ka celiso bada Somalia balse waxay aheyd lacagta ha ila dhafinina haddana ujeedkaga wad cadaysay awalba Somalia wax u harsana maleh ee hala gato inta hartayna.”

“Madaxweyne waa qaldan tahay sida jilican aad Ethiopia ula hadleyso si diplomacy mahan, waxaana ka muuqda cabsi iyo jileec fara badan,” ayuu yiri Sadiiq Cabdinaasir.

Maxay tahay warbixinta uu Aadan Madoobe la wadaagay Mareykanka? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta kulan la qaatay safiirka cusub ee dowladda Mareykanka usoo magacowday Soomaaliya Danjire Richard H. Riley.

Guddoomiyaha ayaa Danjiraha la wadaagay warbixinta arrimo ay ugu muhiimsan yihiin xaaladda amniga, dhaqaalaha iyo howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu Danjiraha Mareykanka la wadaagay horumarada kala duwan oo ay dowladda Soomaaliya ku talaabsaneyso iyo guulihii u dambeeyay ee ay gaartay dowladda.

Kulanka oo sidoo kale ahaa mid is xog-wareysi ah oo ay yeesheen labada mas’uul, ayaa guddoomiye Aadan Madoobe kusoo dhaweeyay Danjiraha cusub, ayada oo Mr. Riley uu uga mahad-celiyay Aadan Madoobe qaabilaada uu u sameeyay, isaga oo sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka ay wada yeesheen.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay farxad gooni u tahay in loo soo magacaabo arrimaha Soomaaliya, isaga oo ballan-qaaday inuu  ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dal.

Richard H. Riley oo saddex maalin kahor warqadaha aqoonsiga danjirenimo uu ka guddoomay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waday kulamo xog wareysi ah oo uu ka qaadanayo madaxda Soomaaliyeed, isaga oo kala hadlayo arrimaha hortabinta u leh dalka.

Horay madaxweynaha Soomaaliya ayaa Danjiraha cusub ee Mareykanka u ballan qaaday in dowladda federaalka ay ku garab istaagayso gudashada waajibka shaqo ee loo igmaday.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageera Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale tababar siiyaa ciidanka Danab, sidoo kale wuxuu qayb ka yahay dagaalka Al-Shabaab.

Dhamaad.

Soomaaliya oo xadgudub cusub ku eedeysay Itoobiya – Maxay ku dhaqaaqday?

New York (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii ku eedeeyay ciidamada Itoobiya in ay si sharci darro ah ku soo galeen xuduudka ay wadaagaan, taasi oo keentay in ay iska hor yimaadaan ciidamada ammaanka ee deegaanka. 

Ugu yaraan 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab oo ka talisa qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya. 

Illaa 5,000-7,000 oo askari oo kale oo Itoobiyaan ah ayaa ku sugan dhowr gobol, ayaga oo ku jooga heshiis ka baxsan ATMIS. 

Si kastaba, cutubyo ka tirsan askarta Itoobiya ayaa Sabtidii usoo tallaabay gobolka Hiiraan, ayaga oo sheegay in ay darsayaan halis ka iman karta kooxda Al-Shabaab, waxayna dib uga laabtee Axaddii, sida ay sheegeen qaar ka mid ah odayaasha deegaanka. 

Ciidamada Itoobiya iyo afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaan weli jawaab ka bixin arrintan. 

Danjire Abuukar Daahir Cusmaan ayaa sheegay in ‘dhacdooyinka’ Itoobiya ay ku qasabtay dalkiisa inuu dib u dhigo bixitaanka xigay ee ciidamada ATMIS ee bisha Luulyo oo hadda loo riixay September. 

ATMIS ayaa waxaa la qorsheeyey in ay dalka ka wada baxaan 31-ka December, markaasi oo la filayo in lagu beddelo ciidamo kale oo ka tiro yar. 

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xumaaday bishii Janaayo ee sanadkan kadib markii Addis-Ababa ay heshiis badeed la gashay maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya. 

Heshiiska ayey Somaliland ugu ogolaatay dhul-badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed, ayada oo dhaafsaneysa aqoonsi ay sheegtay inay ka heleyso Addis-Ababa, kaasi oo weli aysan xaqiijin Itoobiya. 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo dhowaan wareysi siiyey wargeyska The Economist ayaa sheegay in dhul xeebaadkaas oo dhan 20x20km uu teedsanaan doono Lughaya illaa Bulhar, halkaasi oo Itoobiya ay ka dhisi doonto saldhig ciidamada badda ah. 

Dalal badan oo caalamka ah ayaa teegeero buuxda u muujiyey Soomaaliya, oo 6-dii June xubin aan joogto aheyn ka noqotay Golaha Ammaanka ee QM. 

Soomaaliya ayaa sidoo kale heshiis difaac la gashay Turkey kaasi oo dhigaya in Ankara ay ka ilaaliso cid kasta oo ku soo xadgudubta madax-banaanida iyo qarannimadeeda.

Soomaaliya oo ballan-qaad culus u sameysay Suudaan + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka Suudaan u jooga magaalada Muqdisho, Camaar Axmed Baabakar Cali.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal, ayada oo guddoomiyaha uu safiirka u sameeyay ballan-qaad culus oo la xiriira xaaladda adag ee dalkaasi ka taagan.

Safiirka ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee waddanka Suudaan, waxaana guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe u sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay garab taagan yihiin walaalahooda Suudaan, si la mid ah sidii walaalaha Suudaan ay u garab taagnaayeen xiliyadii adkaa.

Suudaan ayaa weli ku jiro xaalad adag, waxaana dagaalka ka socda ku dhintay boqolaal rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen kuwa kale oo aad u badan.

Sidoo kale in ka badan 115,000 oo ka mid ah dadka Suudaa  wax ay u qaxeen dalalka deriska ah, sida ay sheegeen ururada caalamiga ah.

Dagaalka Suudaan oo salka ku haya awoodda dalka ayaa wuxuu u dhexeeyaa Taliyaha ciidamada Sudan, Jen Cabdulfataax Al-Burhan – oo ah madaxweynaha Suudaan iyo hogaamiyaha RSF Jen Maxamed Xamdan Dagalo, oo loo yaqaano Xamadi.

Doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee amniga dalka

Amniga dalkeenna Soomaaliya waxa uu muddo dheer ka mid ahaa caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla bulshada Soomaaliyeed, iyadoo dhibaatada amni ay saameyn ku yeelatay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, sida; waxbarashada, caafimaadka iyo guud ahaan baahiyaha aas-aasiga ee nolosha oo amnigu uu saldhig u yahay, iyada oo ay sidaa tahay ayaa haddana dhallinyaradu yihiin kuwo si gaar ah ugu nugul saameynta ka dhalata xaaladaha amni darrada.

Marka laga hadlayo tiro koobka dadka Soomaalida, waxaa la sheegaa in dhallinyaradu ay 70% ka yihiin bulshada. Waa fursad fiican in tiro intaa la eg ay bulsho ka noqdaan dhallinyaro, dalal badan oo dhaca qaaradda Afrika ayaan haysan fursaddaas dahabiga ah. Waxaan dalalkaas ka xusi karnaa Uganda, Niger, Angola, Mali iyo dalal kale oo ay aad u hooseeyaan tirada dhallinyaro ee ay haystaan.

Haddaba, Soomaaliya oo haysata tiro intaa la eg oo dhallinyaro ah, leh awood iyo firfircooni dheeraad ah waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadan karaan sugidda amniga iyo nabadeynta. Qormadan waxay diiradda saaraysaa doorka muhiimka ah ee dhallinyarada ay ku yeelan karaan sugidda amniga dalka, iyadoo la eegayo tusaalooyin hore iyo talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan sidii loo dhiirrigelin lahaa ka qeybqaadashadooda siyaasadda iyo sugidda amniga.

Faalladaan waxay sidoo kale sahminaysaa baahida loo qabo in dhallinyarada Soomaaliyeed la siiyo fursado ay kaalintooda ku muujiyaan, kagana qeybqaataan nabad-dhisidda iyo matalaadda sare ee siyaasadda. Waxay sidoo kale qormadu iftiiminaysaa sida looga faa’iideysan karo awoodda ay dhallinyaradu leeyihiin, sida ay ula shaqeyn karaan hay’adaha amniga iyo in ay kaalin muuqata ka qaataan howlaha kala duwan ee bulshada.

Taariikhda doorka dhallinyarada ee amniga dalka

Waxaa dhigaallo hore ku xusan dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed kuwaa oo kaalimo muhiim ah ka qaatay sugidda amniga dalka. Tusaale ahaan, intii lagu jiray dagaalladii sokeeye, ururrada dhallinyarada ee maxalliga ah ayaa qaarkood ku guuleystay inay sameeyaan barnaamijyo nabadeyn ah oo sababay in nabadgelyo iyo xasillooni lagu wada noolaado deegaannadooda.

Waxaan tusaale u soo qaadan karnaa magaalada Gaalkacyo oo aan ognahay heerka ay colaaddu gaartay, boqolaal qofood ayaa ku nafwaayay muddadii ay dagaallada sokeeye ka socdeen Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, ujeedkeennu ma aha in aan ka sheekeyno wixii ka dhacay Gaalkacyo ee waa in aan caddeyno doorkii ay dhallinyarada laba dhinac ku lahaayeen nabadeynta magaalada Gaalkacyo, waxay ku guuleysteen in magaalada oo in muddo ah kala xirneed oo aan la isaga gooshi karin, in nabad iyo xasillooni la helo, illaa markii dambe ay qabteen madal ay ugu magacdareen “Bandhigga Nabadda iyo Buugaagta Gaalkacyo” oo tiro saddex jeer ka badan lagu qabtay Gaalkacyo. Dhallinyaradaas is xilqaamay ee buuxiyay kaalintaas iyo kuwa la midka ah ee nabadda ka dhaliyay deegaannada kale ee Soomaalida waxay tusaale u yihiin bulsada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaa kale oo xusid mudan ururkii dhallinyarada ee Xamar Weyne oo iyaguna si firfircoon uga qeybqaatay dadaallo lagu xasilinayay xaafadaha Muqdisho xilliyadii ay Xamar kala xirneed, iyagoo sameeyay barnaamijyo abuuray is-dhexgal bulsho iyo nabadeyn lagu soo gaaray heerka aan maanta joogno.

Xasilloonida siyaasadeed iyo ka qeybqaadashada dhallinyarada

Waxaa laga maarmaan ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ay helaan fursado ay kaga qeybqaataan siyaasadda dalka, si ay u noqdaan cod firfircoon oo saameyn ku leh go’aannada masiiriga ah. Dhallinyarada waxay yeelan karaan ururro siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin, waxayna sidoo kale ku biiri karaan ururrada jira ee siyaasadda si ay u xaqiijiyaan in codkooda la maqlo.

Xoogga dhallinyarada oo la mideeyo ayaa looga guuleysan karaa fekerka xagjirnimada oo waqtigaan ah kan ugu daran ee dalkeenna qarribay, si loo helo barnaamijyo wacyigelin iyo waxbarasho ka saafi ah aragtiyo xagjirnimo waxaana ay taasi ku imaan kartaa in la helo manhaj aan dalal kale laga soo guurin oo si qumman uga hadlaya nolosha iyo wacyiga bulshada.

Waxaa la ogaaday in xagjirnimada ay si gaar ah u saameyso dhallinyarada, iyadoo kooxaha nabad-diidka ah ee aragtiada ku dagaallama ay si fudud u bartilmaameedsadaan dhallinyarada, iyaga oo uga faa’iideysta duruufo dhaqaale ama ka iibiya aragti qofka ku hoggaaminaysa mustaqbal mugdi ah.

Si looga hortago arrintan, waxaa muhiim ah in la sameeyo barnaamijyo wacyigelin ah oo dhallinyarada lagu barayo khataraha xagjirnimada, faa’iidooyinka nabadda iyo wadajirka bulshada. Tusaale ahaan, barnaamijka “Youth Against Violence” ee ay hirgeliyeen hay’ado maxalli ah ayaa ku guuleystay inay hoos u dhigaan heerka xagjirnimada ee dhallinyaro badan, iyagoo adeegsaday tababaro iyo wacyigelin joogto ah.

Dhallinyaradu waxa ay sidoo kale kaalin muuqata ka qaadan karaan la dagaalanka burcadda iyo kooxaha hubeysan ee dhibaatada ku haya deegaanadooda. Tusaale ahaan, dhallinyarada Boosaaso ayaa sameystay kooxo iskaa wax u qabso ah oo ka hortaga burcadda xeebaha, iyagoo la shaqeynaya hay’adaha amniga iyo maamulka deegaanka. Muqdisho oo muddooyinkii dambe ay ka jirtay nabad la mahadiyay, isla markaana ay yaraadeen dilalkii qorsheysnaa ee kooxaha bustooladaha ku hubeysan ay geysan jireen waxay khuburada amnigu qabaan in ay keentay dhallinyaro badan oo laga qoray hey’adaha amniga, gaar ahaan NISA, waliba inta badan dhallinyarada laga qoray xaafadaha ay degganaayeen, maaddaama ay fahmi karaan cidda ku cusub deegaanka iyo midka dool ku ah.

Waxa jira maqaallo hore looga qoray doorka dhallinyarada ee sugidda amniga dalka oo aad ka heli karto fikrado iyo tusaalooyin waxtar leh, anna igu dhiirrigeliyay in aan wax ka qoro fursadaha horyaalla dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa ka mid ah qoraalladaas: “Youth as Agents of Peace: Somalia” – oo uu soo saaray Bangiga Adduunka, wuxuuna diiradda ku saarayaa sida dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin muhiim ah uga ciyaari karaan nabadeynta iyo amniga dalka. Sidoo kale, “Shaping Peace Together: Somali Youth as Change-Makers” – ayaa ka mid ah oo lagu xusay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka kooban yihiin 70% bulshada, taas oo ka dhigeysa laf-dhabarta bulshada.

Talooyin guud

Amniga waxaa qeyb weyn ka qaata xog hufan oo la siiyo ciidamada ammaanka. Waxaa la dhahaa xogtu waa awood (Information is power) oo lagala jeedo xog in la helo ayaa ah awoodda amni. Soomaalidu waxay dhahaan “War helaa, talo hela”. Wax kasta xogta ayaa u ah dhabbaha koowaad ee la qaado, dhallinyarada ayaana doorkaas ka qaadan kara qeyb lixaad leh. Waxaa muhiim ah in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya dhallinyarada iyo hay’adaha kala duwan ee amniga, si ay u wada shaqeeyaan. Tusaale ahaan, in la sameeyo guddi isugu jira dhallinyarada iyo saraakiisha amniga oo si wadajir ah uga shaqeeya sugidda amniga magaalo kasta.

Talo soo jeedintaan kaliya diiradda ma saarayso in dhallinyaradu ay xog oo kaliya ku kaabaan ciidanka, ee xitaa waxaan soo jeedinayaa in ay ku biiraan Ciidanka Xoogga Dalka oo ay hiil iyo hoo ku taageeraan, sababtoo ah meel aan dhallinyaro ku jirin lagama filanayo natiijo wax ku ool ah oo lagu faani karo. Sidoo kale dhallinyarada kaxaysa bajaajta waa in ay helaan fursado ay ku gudbin karaan dhacdooyinka amniga quseeya oo ay la kulmaan, maaddama ay markasta ka dhex shaqeeyaan bulshada, waxaa kale oo muhiim ah in la kordhiyo tirada gabdhaha sirdoonka ka shaqeeya.

Gabdhaha Soomaaliyeed ayaa door muhiim ah ka ciyaari kara sirdoonka iyo amniga dalka. Iyadoo la og yahay in gabdhaha ay awood gaar ah u leeyihiin inay si fudud ugu dhex milmaan bulshada, waxay ka shaqeyn karaan meelaha ay haweenku u badan yihiin sida isbitaalada, maqaayadaha, iyo xarumaha bulshada, taas oo suurta gelinaysa inay helaan xogo muhiim ah oo la xiriira amniga.

Ugu dambeyn, waxaa laga maarmaan ah, xalna u noqonaysa amnidarro ka timaada dhallinyarada, in la hergeliyo barnaamijyo fursado shaqo u abuura dhallinyarada. Si looga hortago in dhallinyarada ay ku biiraan kooxaha hubeysan ama xagjirka ah, waa in la abuuro fursado shaqo iyo horumarineed oo ay ka faa’iideysan karaan dhallinyaradu.

Jacfar Maxamed
[email protected]
June 25, 2024

Somaliland oo si jees-jees uga jawaabtay fursada Xasan uu usoo bandhigay Itoobiya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadalkii shalay uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku shaaciyay in uusan Itoobiya u diidaneyn badda Soomaaliya, balse uu diidan yahay wadada ay u mareyso.

Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in Itoobiya aysan isku haysan inay hesho bad, balse ay isku hayaan sida ay ku gaareyso badda ay rabto, taasi oo uu sheegay inay ku heli karto oo keliya haddii ay soo marto wadada sharciga ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo hadalka madaxweyne Xasan si u muuqata jees jees uga jawaabay ayaa sheegay in aysan suurta-gal aheyn dalabka uu madaxweynaha u gudbiyay Itoobiya.

Waxa uu sheegay in Xasan Sheekh aanay gacanta ugu jirin deked aan ka aheyn midda Muqdisho, taasina ay aad ugu fog tahay Itoobiyaanka, sidaas darteedna aysan laheyn deked u dhow Itoobiya oo ay heshiis kula gali karto.

“Xasan Sheekh Maxamuud weli ma fahmin, is-fahanka Itoobiya iyo Somaliland kaliya kuma saabsana dekeddo, laakiin halka ay dekeddu ku taalo iyo gaaritaankeeda ayuu ku saabsan yahay,” ayuu yiri wasiir Maxamed Kaahin.

Waxa uu intaas kusii daray “Xitaa hadii Itoobiya ay aqbasho dalabkiisa dekedda keliya ee uu maamula waa dekedda Muqdisho oo 1600KM u jirta Itoobiya.”

Inkasta oo Somaliland ay tahay maamul ka tirsan Soomaaliya, haddana dowladda federaalka wax awood ah kuma laha gudaha Somaliland, marka laga imaado siyaasadda arrimaha dibadda, taasi oo dowladda Xasan ay dagaal adag kula gashay Itoobiya kadib heshiiskii Addis Ababa ee madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Somaliland ayaa ku doodeysa in dowladda federaalka Soomaaliya aysan heshiis kula gali karin dekeddaheeda dowladda Itoobiya, kadib hadalka kasoo yeeray shalay madaxweyne Xasan Sheekh, oo dabac diblumaasiyadeed ka muujiyay xiisadda salka ku haysa badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya.

Julian Assange, aas-aasaha WikiLeaks oo la sii deynayo 7 sano kadib + Sababta

London (Caasimada Online) – Aas-aasaha website-ka WikiLeaks, Julian Assange ayaa lagu wadaa in todobaadkaan uu qirto inuu danbi galay kuna xad-gudbay sharciga basaasnimada Mareykanka, qirashadaas oo uu ku baddalanayo in laga sii daayo xabsiga uu ku xiran yahay ee dalka Ingiriiska, kadibna dib loogu celin doono dalka uu u dhashay ee Australia.

Dacwad oogayaasha Mareykanka ayaa dukimintiyo ay shalay u gudbiyeen maxkamadda ku sheegay in Assange oo 52 jir ah uu ogolaaday in uu qirto dambiga kaliya ee lagu soo oogay oo ah in uu maleegayay in uu helo oo uu shaaciyo dukumeentiyada difaaca qaranka Mareykanka ee sirta ah.

Maxkamadeyntiisa ayaa aroornimada hore ee Arbacada berrito ah ka dhici doonta waqooyiga jasiiraddaha Mariana oo ee hoos yimaada dowladda Mareykanka, kuna yaalla waqooyiga-galbeed ee badda Baasifigga.

Muddada todobada sano ee uu xirnaa ayaa la filayaa inuu loo xisaabiyo xabsi uu qaatay, kadibna la fasaxo.

Website-ka WikiLeaks ayaa sannadkii 2010-kii baahiyay boqollaal kun oo dukumintiyo sir qaran ah oo uu leeyahay millatariga Mareykanka.

Dukumintiyadaasi ayaa u badnaa kuwa millatariga Mareykanka ee dagaalladi Afghanistan iyo Iraq. Dusinti sirta milatari ee Mareykanka ee Wikileakes ayaa noqday kuwa ugu ballaarnaa ee taariikhda Mareykanka.

Assange ayaa markii hore sannadkii 2010-ki lagu xiray dalka Britain kadib marki ay maxkamad ku taalla Sweden u jartay waaran lagu soo qabanayo, kadib markii lagu eedeeyay danbi kufsi ah oo markii danbe laga laabtay.

Kadib ayuu u cararay oo uu iska dhiibay safaaradda Ecuador ee London, kalkaas oo uu ku noolaa muddo 7 sano ah. Ugu danbeyntii sannadki 2019-ki ayaa laga soo xiray safaaradda oo loo diray xabsiga Belmarsh ee magaalada London.

Dhacdo argagax leh: Nin hal-goob ku gowracay hooyadiis iyo abtigiis, Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo naxdin leh ayaa xalay laga soo weriyey degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, kadib markii nin uu dilay Hooyadiis iyo Abtigiis.

Falkaan xanuunka badan ayaa ka dhacay xaafadda Warlaliska ee degmada Deyniile, waxaana geystay nin dhimirka ka xanuunsan.

Goobjoogayaal Caasimada Online uga waramay dhacdadaan ayaa sheegay in ninkaas uu dilka u adeegsaday Toorey, isla markaana uu Hooyadiis gowracay.

Abtigiis oo isku dayey inuu duqda badbaadiyo ayuu isna dilay, kadibna waxaa la sheegay inuu ag-seexday meydka Hooyadiis iyo Abtigiis.

Dadka deegaanka ayaa ku soo baxay guriga uu falkaani ka dhacay, kadibna waxaa la qabtay ninkii, iyadoo loo gacan geliyey hey’adaha ammaanka.

Sida ay noo sheegeen dadkii deriska la ahaa, ninka ayaa la’aa dhimirka iyo dhegaha, waxaana adkaatay in la ogaado sababta ku kaliftay inuu sameeyo falkaan argagaxa badan.

Ciidamada ammaanka ayaa sida la sheegay ninkii u kaxeeyey xarunta dembi baarista booliska ee CID-da, halkaas oo baaritaan adag uu uga bilowday.

Sidoo kale meydadka labadii marxuum ee uu dilay ayaa la geeyey CID, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo sababta ka dambeysay in ninkaasi uu halgoob ku dilo Hooyadiis iyo Abtigiis.

KHASAARE culus oo ka dhashay duqeymo cusub oo ISRAEL ay ka fulisay GAZA

Gaza (Caasimada Online) – Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in laba weerar oo cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil Isniintii ku weerareen xarumo gargaarka bani’aadannimo lagu keydiyo ay ku dileen ugu yaraan 11 qof oo Falastiiniyiin ah.

Mid kamid ah gantaallada ayaa lagu dhuftay xarunt gargaarka bani’aadannimo lagu qeybiyo oo ku taalla magaalada Gaza, gaar ahaan aagga xerada qaxootiga ee Shati, weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay saddex ruux.

Duqeynta kale ayaa lala eegtay meel u dhaw degmada Bani Suheyla ee koofurta Marinka Gaza. Ugu yaraan siddeed qof ayaa la xaqiijiyay in lagu duley duqeyntaasi.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Isra’il, oo horay loogu eedeeyay in ay beegsato xarumaha gargaarka bani’aadannimo, balse beenisay eedaahaasi, iyada oo ku eedeyso kooxaha kasoo horjeeda ee Gaza inay ka dhax dagaallamaan meelaha ay rayidka degganyihiin.

Habeenimadii xalay weerar cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay xarun caafimaad oo ku taal magaalada Gaza ayaa lagu dilay agaasimihii Ambalaaska iyo Waaxda Gurmadka ee Gaza, wasaaradda caafimaadka ee deegaanka ayaa sidaasi xaqiijisay.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in duqeyntaas ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan ururka Xamaas.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in dilka Hani al-Jacfarawi uu ka dhigay tirada shaqaalaha caafimaadka ee ay dishay Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar ilaa 500. Ugu yaraan 300 oo kale ayaa ilaa hadda la xiray.

DF oo shirka QM ka jeedisay warbixin xasaasi ah iyo go’aan ku aadan xafiiska UNSOM

0

New York (Caasimada Online) – Wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay,  Danjire Abuukar Cusmaan, oo maanta khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa iftiimiyay  horumarka laga gaaray hannaanka dowladnimada iyo arrimaha amniga ee dalka.

Danjire Abuukar Baale waxa uu carrabka ku dhuftay inuu billaawday dadaal u dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, kaas oo la xiriira sidii loosoo gabagabeyn lahaa howlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Danjiraha ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in koox farsamo oo isku dhaf ah oo ka kooban xubno ka kala socda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay bilaabeen wada tashiyo ku saabsan sidii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka ah, iyada oo ujeedadu tahay in la hagaajiyo  isuku duwidda iyo hannaanka taageeridda Soomaaliya.

Nidaamkan ayaa la filayaa inuu xoojiyo qaab-dhismeedka iyo dadaallada horumarineed Soomaaliya

Danjire Abuukar oo hadalkiisa sii wata  ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Soomaaliya ugu heelan tahay dib u habeynta lagu hirgelinayo nidaamka doorasho ee ku dhisan hal qof iyo hal cod.

Talaabadaan ayaa muujinaysa in laga guurayo habkii ku dhisnaa awood qaybsiga qabiilka, waxeyna daliil u tahay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya in la  helo maamul loo dhan yahay oo meteli kara shacabka.

Doorashooyinka soo socda ee dalka, waxaa  loo qorsheeyay in la xoojiyo awoodda shacabka.

Danjiraha ayaa sidoo kale tilmaamay howlgallada ka dhanka ah kooxda aragagixisada  ah ee Al-shabaab ee ay fulinayan  ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyaga oo taageero ka helaya saaxibada caalamaka.

Howlgalladaas waxaa ka dhashay in la xoreeyo deegaano muhiim ah oo ay hore uga talinaysay argagixisadu.

Guulahaas ay soo hoyeen ciidanku waxa ay kaalin muhiim ah  ka qaadanayaan nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya iyo xasilloonida, waxeyna albaabada u furayaan dadaallo dheeraad ah oo isagu jira dib u dhis iyo horumarin.

Danjire Abuukar Baale waxa  uu ugu baaqay Beesha Caalamka in ay sii xoojiso  taageerada  Soomaaliya iyaga oo bixinaya agabka  iyo kaalmada  farsamo ee loo baahan yahay, si loo dhaqan geliyo isbedelada la qorsheeyay iyo talaabooyinka la xiriira arrimaha amniga.

Isla falgalka dowladda iyo Qaramada Midoobay waxay astaan u tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday in dalku gaaro isku filanaansho.

Xafiiska UNSOM waxa uu ka qaybqaatay hirgelinta doorashooyin iyo guulaha laga gaaray kooxda Al-shabaab, waana arrin ka marqaati kaceysa horumarka iyo adkeysiga Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si wanaagsan uga riyaaqay warbixinta Danjire Abuukar Cusmaan (Abuukar Baale), waxeyna xaqiijiyeen  taageerada ay u hayaan hiigsiga  Soomaaliya ee nabadda iyo horumar mustaqbalka.

Ruushka oo cawaaqib adag ugu hanjabay Mareykanka kadib weerarkii looga dilay…

0

Moscow (Caasimada Online) – Kremlin-ka ayaa Isniinta maanta ah uga digay Maraykanka “cawaaqib” waxayna u yeertay safiirkeeda, maalin kadib markii Moscow ay sheegtay in weerar ay Ukraine u adeegsatay gantaal Mareykanka uu sameeyey uu afar qof ku dilay Crimea.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa ku tilmaamay weerarka Sevastopol “wuxuushnimo,” wuxuuna ku eedeeyay Washington “inay dishay carruur Ruush ah.”

Laba ka mid ah dhibanayaasha ayaa ahaa da’yar.

Peskov ayaa tilmaamay hadallo ka soo baxay madaxweyne Vladimir Putin horraantii bishan oo ku saabsanaa hubeynta waddamo ay suurtagal tahay in ay weerarro ku qaadaan bartilmaameedyada Reer Galbeedka.

“Ku lug lahaanshaha Mareykanka, ku lug lahaanshaha tooska ah, oo horseeday dilka shacab Ruush ah, ma noqon karto cawaaqib la’aan,” Peskov ayaa sidaas u sheegay suxufiyiinta.

“Waqtiga ayaa sheegi doona waxa ay noqon doonaan,” ayuu yiri.


Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa sheegtay in ay u yeertay ergayga Mareykanka Lynne Tracy Isniintii.

Bayaan ay goor dambe soo saartay ayey ku sheegtay in Washington “ay Kyiv la xambaareyso mas’uuliyadda dilalkan” islamarkaana weerarka uusan noqon doonin “mid aan la ciqaabin”.

Ruushka ayaa sheegay in weerarkii Axadii lagu qaaday magaalada Sevastopol loo adeegsaday gantaalka ATACMS ee uu Maraykanka siiyey Ukraine.

Saraakiisha maxalliga ah ee ay magacowday Moscow ayaa sheegay in gantaalku uu ku dhacay meel ka mid ah magaalada dekadda ah oo leh xeebo iyo hoteello.

Kulan uu bishan la yeeshay wakaaladaha wararka caalamiga ah oo ay ku jirto AFP, Putin waxa uu dhaleeceeyay hubka riddada dheer ee reer galbeedka ay geeyeen Ukraine.

“Haddii qof uu isleeyahay waa suurtogal in hub nocoaas ah la geeyo goob dagaal oo dhulkeena lagu soo weeraro oo dhibaato na loo abuuro, maxaa noo diidaya in aan hub la mid ah aan gaarsiino gobolo ka mid ah caalamka oo ay ka dhici doonaan weeraro ka dhan ah xarumaha xasaasiga ah ee wadamadaas (galbeedka)?” ayuu yiri Putin.

“Taasi waa, jawaabtu waxay noqon kartaa mid aan sinneyn. Waan ka fikiri doonnaa,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

Peskov ayaa sidoo kale dib ugu celiyay hadallada Putin ee ah in xogta bartilmaameedyada ay weerartay Ukraine ay bixiyeen waddamada reer galbeedka.

Crimea ayaa waxaa goostay oo ku darsaday Ruushka 2014-kii.


Andriy Yermak, oo ah madaxa xafiiska madaxweynaha Ukraine, ayaa Isniintii yiri: “Crimea waa Ukraine”.

“Ruushka waa inuu ka baxaa jasiirad u yaalka. Ciidankooda iyo agabkooda militari ee halkaas ku sugan waa inay meesha ka baxaan,” ayuu ku yiri baraha bulshada.

Kaaliyaha sare ee madaxweynaha Ukraine, Mykhailo Podolyak, ayaa sidoo kale soo jeediyay in Crimea ay tahay bartilmaameed militari oo sharci ah.

“Crimea sidoo kale waa xero militari oo weyn iyo bakhaar, oo ay ku yaalaan boqolaal bartilmaameed millatari oo toos ah, kuwaas oo Ruushku ay isku dayayaan inay qariyaan oo ay ku hoos qariyaan shacabkooda,” ayuu yiri.

Muqdisho oo ay hagradeen hoggaankeeda – Sidee loo kala qaataa dakhligeeda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho xilliyada roobka waa magaalo ay nolosha adag tahay.

Haddii uu roob socdo wax hal saac ka badan waxaa xirma waddooyin badan, iskuulo iyo goobo ganacsi. Waa waqtiga uu cambaareynta u badan la kulmo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho.

24-kii saac ee lasoo dhaafay caasimadda Soomaaliya waxaa ka da’ay roobab xooggan, waxaana ka dhashay biyo fariisimo badan, burbur iyo inay qeybo magaalada kamid ah xirmaan.

Roobabkan waxay kusoo aadeen iyada oo kumanaan ardeyda reer Muqdisho ah ay Sabtidii u fariisteen imtixaankii dugsiga sare.

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa la arkayay shalay iyaga oo gaadiidka dagaalka kaga gudbinaya biyaha qaar kamid ah ardeyda galeysa imtixaanka.

Marwalba oo uu roob da’o waa waqtiga ugu adag dhanka guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale. Caasimadda goobihii ay biyaha mari lahaayeen ama laga sameyn lahaa biyo-mareennada waxaa degay oo guryo ka dhistay dad hubeysan, maamulkuna waa ku dhici waayey inuu ka kiciyo.

Haddii maamulka uu sameyn lahaa biyo-mareenno cusubna qorshe uma hayo, haddii qorshihii la helana kharash looma hayo oo lacagta caasimadda kasoo xaroota waxaa 85% qaadata dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, 15-ka soo hartayna waxay u dhaxeysa mushaarka maamulka gobolka Banaadir iyo laaluushka laga bixiyo madaxda Villa Somalia timaada, kuwaas oo inta badan kharashka yar ee loo qoondeeyay maamulka gobolka Banaadir u adeegsada sida keyd shaqsi ah oo meel u yaalla oo ay dad gaar ah iskaga xaliyaan.

Yuusuf Madaale oo hadda caasimadda xukuma, markii labaadna fursadan helay weli sooma bandhigin xalka dhibaatada caasimadda gasho xilli roobaadyada.

Dadka qaar ayaa laga yaaba inay ku doodayaan in caasimaddo badan dhibaato la kulmaan xilliyada roobabka, laakiin farqigu waa in caasimadahaasi saacado kadib ay biyuhu ka baxaan, halka Muqdisho biyo fariisino ma ahane ayna bixin laheyn.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku dhacay markale inuu caasimadda u dhiibo duq magaalo oo wata qorshe lagu xalinaayo baahiyaha soo noq-noqday ee nuucan ah, ayaa markii uu xaalka sidaan noqdo haddii uu safar aadayo xitaa isaguna jidkiisi hore ma ahane jid kale adeegsada, oo xaaladdani waa saameyn safmar ah laakiin aan la rabin in xalkeeda si dhab ah loo wajaho.

Roobabkii saacadihii u dambeeyay ka da’ay waxay dhaliyeen burbur hanti. Weli dadka caasimadda waxay qabaan baahi la xiriirta biyo fariisinnida, waxayna marwalba oo xilligaan oo kale la gaaro soo xasuustaan magaca duqa magaalada, itaal yarida jirta iyo qorshe xumada sii jiitameysa.

Dad badan oo xal soo jeedinaya ayaan helin cid ka talo dhageysata, caasimadda iyo duqa magaaladuna waxay noqdaan kuwo isla duma xilliyada roobka.

Muuse Biixi oo ku dhowaaqay go’aan culus oo meesha ka saaraya arrin xasaasi ah

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xeer madaxweyne kusoo saaray go’aan dhigaya in fal-dambiyeedka kufsiga loo daayo maxkamadaha awoodda u leh.

Madaxweyne Biixi ayaa mamnuucay in kiisaska kufsiga la xiriira lagu xaliyo hanaan dhaqan, islamarkaana looga dambeeyo hay’addaha garsoorka, waxa uuna faray in faray taliyaha ciidanka booliska iyo xeer-ilaaliyaha guud ay xaqiijiyeen dhaqan-galka arrintaan.

Go’aankan ayaa meesha ka saaraya doorkii dhaqanka ee kiisaska noocaan ah, wuxuuna imaanayaa xilli muddooyinkan dambe ay deegaanada Somaliland ku soo badanayaan fal-dambiyeedka kufsigu, kuwaasi oo khatar ku ah nabad-gelyada guud, sida uu xusay madaxweynaha.

Hoos ka aqriso wareegtada Biixi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne ka soo saaray Wax-ka-qabashada Fal-dambiyeedka Kufsiga oo ay Golaha wasiirradu fadhigii 129aad, ee qabsoomay 13/06/2024, ku go’aamiyeen in nidaamka garsoorka loo daayo go’aan ka gaadhidda arrimaha kufsiga;

Waxaanay u dhignayd wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Wax-ka-qabashada Fal-dambiyeedka Kufsiga

Markaan Arkay: Qodobbada 90aad iyo 36aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wasiirrada ee fadhigii 129aad, ee qabsoomay 13/06/2024, fadhigaas oo uu Goluhu ku go’aamiyey in nidaamka garsoorka loo daayo go’aan ka gaadhidda arrimaha kufsiga;

Markaan Arkay: In muddooyinkan dambe ay Gobollada iyo Degmooyinka dalka ay ku soo badanayaan fal-dambiyeedka Kufsigu, falalkaas oo khatar ku ah nabad-gelyada guud ee Qaranka;

Markaan Garwaaqsaday: Muhiimadda ay leedahay in sharciga la-horgeeyo eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyeedka kufsiga;

Waxaan Go’aamiyey;

1) In fal-dambiyeedka kufsiga loo daayo Maxkamadaha dalka ee awoodda u leh, si eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyadaas loo mariyo ciqaabta sharci ee ay mutaysteen, sidoo kalena loo xaqiijiyo dhawridda xuquuqaha iyo xoriyaadka aas-aasiga ah ee muwaadiniinta.

2) Waxaan farayaa Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku ay xaqiijiyaan in eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyeedka kufsiga la horgeeyo maxkamadaha awoodda u leh, waxaana ka reeban in lagu xaliyo nidaam aan ahayn nidaamka garsoorka.

Xog: Isbitaallada Boosaaso oo maalmo u xiran DAACISH

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Inta badan isbtaalada ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Barri ayaa xiran maalmihii u dambeeyay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, isbitaalladan ayaa la xiray kadib amar kasoo baxay kooxda Daacishta Soomaaliya, kadib markii ay kooxda kusoo rogtay lacago baad ah oo fara badan.

Isbitaallada xiran oo ah kuwa gaarka loo leeyahay ayaa waxaa kamid ah National, Kaafi iyo kuwa badan oo ku yaalla magaalada, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo si dhow ula socda arrinkaan.

Waa markii ugu horreysay oo xarumo caafimaad albaabada la isugu laabo, xilli kal hore ay kooxda lacago baad ah kusoo rogtay goobaha ganacsi ee magaalada, kuwaasi oo qaarkood la xiray.

Shirkado badan oo ganacsi ayaa iyana albaabada la isugu laabay oo diiday inay bixiyaan baada kooxaha argagaxisada ah ee Daacish.

Maamulka Puntland iyo madaxweyne Saciid Deni ayaa lagu eedeynayaa in magaalada ku daawanayaan culeyska amni ee Daacishta Soomaaliya ay saartay reer Boosaaso, si gaar ahna ganacsatada, oo laf dhabar u ah dhaqaalaha maamulka.

Si kastaba, Boosaaso oo ah magaalada ugu dhaqaalaha badan maamulka Puntland ayaa muddooyinkii dambe la daala dhacaysa khatarta amni ee kooxaha argagixisada, welina wax muuqda kama qaban arrintaan maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Deni.