25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Xasan oo shaaciyay in uusan diidanayn in Itoobiya hesho bad iyo shuruud uu ku xiray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay si qoto dheer uga hadlay xiisada badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo salka ku haysa heshiiskii Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya aysan isku haysan in Itoobiya badda gaarto, balse ay isku haystaan sida ay Itoobiyaanka badda kusoo gaarayaan ama wadada ay usoo marayaan.

“Waxaan isku haysanaa sidee Itoobiya badda kusoo gaaree. Dadka Soomaaliyeed iyo caalamkaba waxaan rabaa in aan markale u caddeeyo Itoobiya haddii ay dooneyso xeebaha Soomaaliya soo gaarto waa soo dhaweynayna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaan rabnaa in ay usoo gaarto sida Uganda ay xeebta Kenya usoo gaarto, sida Burundi iyo Rwanda u gaaraan xeebta Tanzania, iyo sida Itoobiya laftigeeda xeebta Jabuuti u gaarto oo xeebta Kenya usoo gaarto oo kale ay Soomaaliya usoo gaarto.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in wax ka duwan midaasi aysan yeelayn Soomaaliya, islamarkaana sida keliya ee Itoobiya baddeena kusoo gaari karto ay tahay hab lamid ah kuwa dalalka deriska oo kale.

“Annaga iyo Itoobiya iskuma haysanno in ay Itoobiya badda gaarto, waxaan isku haysannaa Itoobiya sidee bay badda ku gaaraysaa, maaha dagaalku in ay Soomaaliya dowladda Itoobiya bad u diiddan tahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

“Soomaaliya mushkilad ma qabto, wax intaas ka duwan ma yeelayno, wax Soomaaliya u gaar ah oo isticmaalka baddeeda u gaar ah oo dal deris iyo mid fogba midba ka leeyihiin marnaba ma dhaceyso.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida muuqata diidan in Itoobiya la iska siiyo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, balse wuxuu ogol yahay in heshiis dekedeed la siiyo Itoobiya, si ay uga baxdo baahida badda, sida dalalka jaarka oo kale.

“Adduunyadu xeerar ayay leedahay oo ay ku dhaqanto oo dowladdaha ka dhaxeeya oo mushtamaca adduunka ku wada nool yahay, Soomaaliyana taas ay kamid tahay una hoggaansan tahay.”

Isxaaq Sheekh oo 14 sano kadib isku soo dhiibay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Isxaaq Sheekh Cali Cabdullaahi oo tirsanaa Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya.

Ninkan oo muddo 14 sano kamid ahaa kooxda Al-Shabaab ayaa waxa hadda gacanta ku haya taliska qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka, oo uu isku soo dhiibay.

Isxaaq Sheekh ayaa dagaalo badan kala qeyb qaatay kooxda, isaggoo muddo dheer kamid ahaa Shabaabka ku dhuumaaleysata gobolada Baay iyo Bakool, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Ninkan ayaa la sheegay inuu u adkeysan waayey xaaladda adag ee soo wajahday kooxda iyo sidoo kale gulufka ka dhanka ah, ee ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Isxaaq Sheekh Cali ayaa sidoo kale wuxuu saaxiibadiis kula taliyey inay isku soo dhiibaan dowladda, ayna ka faa’iideystaan fursada cafis ee loo fidiyay xubnaha ka barbar dagaalamaya kooxda.

Isa-soo dhiibista Isxaaq oo muddo dheer kamid ahaa kooxda ayaa qeyb ka ah Shabaab badan oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay u soo gacan galayey ciidamada dowladda.

Dowladda ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda oo isku soo dhiibayay, kuwaasi oo inta badan sheega in lagu qalday fikrad Diimeed ay salkeeda soo taabteen in aysan waxba ka jirin iyo inay u adkeysan waayeen gulufka ay kooxda wajaheyso.

Daawo: Arday careysan oo xirtay waddo ku taalla Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa isku dhac dhex-maray ciidamada ammaanka iyo qaar kamid ah ardayda galeysa imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare, oo ka dhacay afaafka Jaamacadda Ummadda, qaybta Gaheyr.

Isku dhaca ayaa yimid, kadib marlii ardayda oo kasoo dib dhacay waqtiga imtixaanka laga celiyay inay galaan fasalka, waxayna markaasi is qabteen ciidanka ammaanka.

Intaas kadib waxaa goobta ka bilowday fowdo iyo dibad-bax ay sameeyeen ardayda oo aad u badnayd, waxaana hakad galay isku socodka waddada laamiga ah.

Mid kamid ah ardayda oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen iyo cabashadooda, wuxuuna sheegay in culays ka jira wadooyinka ay usoo daaheen, kadibna loo diiday imtixaanka.

“Saaka halkan dhibaato ayaa ka dhacday oo weliba dhanka ardayda ah boqolaal arday ah ayaa laga celiyay imtixaanka, cilado jiro aawgeed waxay dib uga soo dhaceen waqtiga” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan la xalliyay cabashadooda, ayna galeen fasalka, kadib markii ay goobta tageen saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya.

“Magaalada waa laga dareemay oo ardayda waxa ay sameeyeen waddooyinka ayay xirteen, rabshado ayay sameeyeen taayaro ayay gubeen. Hadda waa la xalliyay waa xaroodeen” ayuu mar kale yiri mid kamid ardayda oo la hadlay warbaahinta.

Dhinaca kale hooyo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in waddooyinka oo xiran, kadib roob ka da’ay ardayda laga celiyo imtixaankooda.

“Saaka meeshaan waxaa ka dhacay wax aan la filaneyn, waalidna uusan filaneynin shalay oo dhan arday uu roob ku da’aayay in saaka albaabka laga xirto waa wax aan la qaadan karin oo laga fiican yahay” ayay tiri hooyo kamid ah dadka deegaanka.

Waxaa kale oo ay tiri “Ardaydii marka laga xirtayne waxay sameeyeen banaanbax, kaas oo gaystay khasaare oo baabuur ayaa la jajabiyay ilaahey mahaddiisa ciidamada ka hortaga rabshadaha ee dowladda ayaa meesha soo gaareen, haddana waa la xaliyay”.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay wasaaradda waxbarashada iyo saraakiisha booliska oo ku aadan dibadbaxa ay dhigeen ardaydaasi.

DAGAAL culus oo ka socda duleedka Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed goordhow ka qarxay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga soca deegaanka lagu magacaabo Taragaduud oo dhaca bariga gobolka Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka oo ah mid xoogan ku dhintay ugu yaraan hal qof oo shacab ah, halka uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana sii xoogeysanaya dagaalka ayada oo gurmadyo ay helayaan labada beeleed oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelgaras.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo ku aadan dagaalka ka qarxay aagga magaalada caasimada ah ee Dhuusamareeb.

Dagaalkan ayaa daba socda dil argagax leh oo shalay ka dhacay deegaanka Bulacle oo isna u dhow Dhuusamareeb, kaas oo loo gaystay Macallin Dugsi Qur’aan iyo xaaskiisa, waxaana lasoo wariyay inay dileen maleeshiyaad hubeysan oo kadib goobta isaga baxsaday.

Isku dhacyadan ayaa uga sii daraya xiisadaha colaadeed ee haatan ka jira gobollada dhexe, kuwaas oo noqday tusbax furtay oo kale, waxaana dhowaan dagaal lagu hoobtay uu ka dhacay duleedka Caabudwaaq, kaas oo hal maalin oo kaliya lagu dilay illlaa 50 qof.

Galmudug ayaa haatan wadda dadaallo dheeri ah, waxaana haatan gogol nabadeed oo uu dhigay  Qoor Qoor ay taallaa Dhuusamareeb, balse weli colaadda kasii dareysa.

Digniin culus oo ku socota shacabka MUQDISHO oo la soo saaray kadib markii ay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray digniin culus oo ku socota shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, taas oo ku aadan roob xoogan oo la saadaalinayo in saacadaha soo socda uu ka da’o degmooyinka gobolka Banaadir.

Afhayeenka Gobolka Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in saadaasha ay muujineyso halis ka dhalan karta roobkaas, ayna ka digayaan.

Saalax ayaa ugu baaqay bulshada degan goobaha biyo fariisadka ah iyo kuwa ku nool guryaha qadiimiga ah inay ka taxadaraan roobabkaasi.

“Digniin, waxaa bulshada ku nool Gobolka Banaadir looga digayaa inay ka feejignaadaan, isla markaana ay ka taxadaraan sadaasha laga bixinayo roob xoogan oo saacadaha soo socda kusoo food leh magaalada Muqdisho” ayuu yiri afhayeenka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa si gaar ah loogu digayaa dadka deggan goobaha biyo fariisadka ah iyo kuwa ku nool hareeraha guryaha burbursan”.

Dhinaca kale afhayeenka ayaa ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay roob xoogan oo shalay ka da’ay Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu dhaliyay dhimasho, dhaawac iyo burubur.

“Waxaa ku dumay 11 guri, waxaa ku geeriyooday canug yar ayada oo uu dhaawac fudud kasoo gaaray hal qof” ayuu mar kale yiri afhayeenka gobolka.

Afhayeenka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in waddooyin badan ay burbureen, sidoo kalena qaarkood ay biyaha xireen, isla markaana uu hakad galay isku socodka gaadiidka.

Cabdishakuur BOQOLE: Goolhayihii geeridiisu gil-gishay Soomaalida

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa shalay shil gaari ku geeriyooday Cabdishakuur Maxamed Axmed oo ku magac dheeraa Boqole iyo Cabdirixmaan Yaasiin Cali Gadhle oo labadu ahaa shaqsiyaad caan ka ahaa bahda ciyaaraha ee Somaliland.

Shilka labada marxuun ku geeriyoodeen ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Sheekh iyo Burco ee Somalilnd sida ay BBCda u xaqiijiyeen ehelladooda.

Geerida labdan ciyaaryahan ayaa si weyn u gilgishay baraha bulshada iyadoo ay dad badani muujiyeen doorka ay ku dhex lahaayeen ciyaaraha.

Cabdishakuur Boqole, ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu caansan dhulka Soomaalida ee ka tirsan ciyaaraha kubada cagta isagoo ahaa gool ilaaliye ka tirsan kooxda heerka kowaad ee wasaaradda maaliyada ee jamhuuriyada iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Guddoomiyaha Kooxda uu ka tirsanaa Boqole, Kamaal Maxamed Yuusuf oo BBCda la hadlay isagoo safar u sii ah halkii shilku ka dhacay ayaa xusay in ciyaaryahan Cabdishakuur geeriduusu ay si weyn u taabatay dhammaan bahda ciyaaraha gaar kooxdiisa.

“Wuxuu kooxda u ahaa lafdhabar, waxaana geeriduusu nagu noqotay mid naxdin leh, runtii aniga iyo kooxda inteeda kalaba way na taabay waxaase la dhaafayn qadarta” ayuu yiri Kamaal.

Boqole iyo booskii uu ugu jiray ciyaaraha kubada cagta

Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Cabdi Cabdilaahi, oo yaraantii ay garoomo ku yaalla magaalada Burco ka wada ciyaari jireen kubada Allaha u raxmadee Cabdishakuur Boqole, ayaa ku tilmaamay in uu ahaa qof lahaa hibo hibo gooniya oo kubada cagta.

“Cabdishakuur, wuxuu ahaa dhalinyaradii ciyaaryahannadii hayaanka kubadda cagta ka soo bilaabay magaalada Burco, waxaan xasuusta inuu ka mid ahaa dhalinyaradii ku ciyaari jirtay garoonka Alamze Studium ee Burco.”ayuu yiri Maxamed.

Axmed Maxamed Iidaan, waa tababaraha allah u raxmadee Cabdishakuur Maxamed Boqole, wuxuu BBCda u sheegay in kooxdiisu wayday halbowlihii isku hayey kooxda.

“Aniga naftay sida geeridiisu ii taaman horre iima taaban, qofksta oo bahda ciyaarahana waa mid taabatay, anigoo macallinkiisaa maalintii waxaan is maqli jirnay muddo badan anagoo ka wada hadli jirnay kooxda iyo nolosha adduunka ee kale” ayuu yiri.

Tababare Iidaan ayaa intaa ku daray in gool ilaaliye Boqole uu ku suntanaa qof jecel isku haynta dhalinyarada “ Kooxkasta wuxuu la ahaa saaxiib xitaa kuwa ay xifaaltamayaan ee ay ku tartagamayaan koobabka”

“Runtii waxaan dhihi karaa wuxuu ahaa qof xirfadiisa kubada cagtu ay dhaxalsiisay inuu qofkasta jeclaado, shaqsiyadiisa ayaa ahayd mid macaan oo dad isku wad leh” ayuu yiri Tababare Iidaan.

Isagoo ka hadlayey doorkiisii kooxda iyo guulaha uu la gaaray ayuu xusay inuu boos muhima u yahay kooxda.

Boqole, ayaa kooxda wasaaraddda Maaliyada ee Somalilnad ku soo biiray saddex sano ka hor isago la qaaday koobka horyaalka caasimada oo ay tobban kooxood oo heerka kowaada wada ciyaarayeen xilli ciyaareedka 2023/2024 oo ay ku guulaysteen.

Ciyaaraha gobolada Somaliland, Cabdishakuur Boqole, wuxuu u saftay gobolka Howd oo ka mida gobolada ku caana kubadda cagta ee Soomaaliland.

Boqole, ayaa ka soo ciyaaray Muqdisho, Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida isagoo sidoo kale gudaha Soomaliland ka ciyaaraha kooxaha, dowladda hoose ee Hargaysa , asluubta, iyo kooxda duulista hawada.

Kumu ahaa Cabdishakuur Maxamed Axmed ‘Boqole’

Cabdishakuur Maxamed Axmed oo loo yaqaaney Boqole, waxaa uu deegaanka Yaroowe oo u dhow magaalada Burco ee gobolka Togdheer ku dhashay dhammaadka bishii afaradad sanadkii 1996-dii, sida ay BBCda u sheegtay walaashiis Bilan Maxamed Axmed.

Marxuunka ayaa ifka ugu tagay saddex carruura, wiil iyo laba gabdhood.

Sida ay noo sheegay maamulka kooxdii uu ka tirsanaa waxaa maalinta bari lagu wadaa in lagu aaso marxuunka magaalada Burco ee gobolka togdheer.

Ka sokow inuu ahaa gool ilaaliye, wuxuu sidoo kale lahaa xirfada dhiggida garoomada rooga cagaaran ee macmalka kaas oo sidoo kale caan kaga ahaa Somaliland.

Howshii ugu danbaysay ee dhigida rooga cagaaran ayuu shaqadeeda soo dhammeeyey degaanka wadaamo go oo u dhow Caynaba sida uu BBCda u sheegay tababe Iidaan.

Iidaan, wuxuu kale oo sheegay in allaha u raxmadee Boqole, uu aha darawal xirfadaas sidoo kale ku shaqeeya oo kaxeeya gawaarida.

Isha: BBC

Daawo: DF oo ciidamo ka dajisay Kismaayo + Ujeedka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo horleh ka dajisay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo, kuwaas oo ah guuto ka tirsan qaybta 43-aad ee ciidamada Xoogga dalka.

Ciidamadan oo aad u qalabeysan ayaa waxaa Kismaayo kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta maamulka Jubbaland.

Ujeedka ciidamadan loo geeyay Kismaayo ayaa ah inay ka qayb-qaataan howlgallada xoereynta ee ka socda Jubbaland, waxayna xoojin doonaan ciidamada ku sugan halkaasi.

Qorshaha ciidamada ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah xoojinta wajiga labaad ee dagaalka oo haatan ka billowday Jubbaland, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Shalay sidaan oo kale waxaa dowladda dhexe ay laba diyaaradood oo siday ciidamo uga dajisay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kuwaas oo iyagana amniga degmadaas kala wareegaya ciidamada howlgalka ATMIS oo la filayo inay isaga baxaan halkaasi.

Wasiirka amniha gudaha Soomaaliya, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo dhowaan hadal jeediyay ayaa sheegay dowladdu qaaday wajiga labaad ee dagaalka, uuna ka socd aagga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada Hoose.

Fartaag ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ay dhaq-dhaqaaqeen, kuna sii socdeen aagga degmada Badhaadhe oo hadda ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, waxaa dhawaan ciidamada huwanta ay la wareegeen deegaanka Buulo Xaaji oo 90 KM u jira magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Shirka ururka dhaqaalaha bulshada bariga Afrika oo ka furmay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shirwaynaha xoojinta iskaashiga ee urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika ee EAC, kaas oo ay dhowaan xubin ka noqotay Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa furitaankiisa ka qayb-galay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo daa-furay kulanka, kaas oo muddo laba cisho ka socon doono Teendhada Afisyoone.

Sidoo kale waxaa shirka qayb ka ah wasiirro, xildhibaanno, safiirada caalamka, madaxda jaamacadaha dalka iyo aqoonyahanno ka socda Bariga Afrika iyo caalamka.

Inta uu socdo shirkan waxaa looga hadlayaa sidii Soomaaliya ay uga faa’iideysan lahayd ku biirista ururka dhaqaalaha ee Bulshada Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Cabdikariin Gabayre oo madasha ka hadlay ayaa yiri “Rugta Ganacsiga waxa ay xubin ka tahay rugta ganacsiga Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, ku biiradda ururka wax badan ayey u tartay ganacsatadeena”.

Gabagabada ayaa la filayaa in shirka laga soo saaro go’aanno waxtar u leh Soomaaliya iyo sida ay uga faa’iideysan karto fursaddan muhiimka ah.

Soomaaliya ayaa dhowaan noqotay xubintii 8-aad ee ku biirta urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bulshada bariga Afrika ee EAC.

Si kastaba, Soomaaliya waa mid kamid ah dalalka aan weli kheyraadkooda la isticmaalin ee ku yaalla caalamka. Waxaana dhinaca kale dalalka ku jira dalladan ay iyaguna sugayaan inay wax badan ka faa’iidaan dalkaan hodanka ah ee kheyraadkiisa weli ku nacfin.

Wararkii ugu dambeeyey ee ciidamadii ITOOBIYA ee xuduudda ka soo gudbay

0

Matabaan (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno ciidamadii Itoobiya ee Jimcihii lagu celiyey degmada Matabaan waxay sheegayaan in shalay ay dib ugu laabteen gudaha dalkaas.

Ciidankaan oo ka yimid gudaha Itoobiya ayaa Jimcihii waxaa celiyey ciidanka booliska Soomaaliya ee ku sugan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo hor istaagay kana dalbaday inay cadeeyaan sababta ay ugu gudbayaan Galmudug.

Saraakiil Soomaali ah oo ka timid dowlad deegaanka ayaa la socotay ciidankaas oo tiradiisa lagu qiyaasay ilaa 5,000 (shan kun), waxayna ku guul-dareysteen inay faahfaahin lagu qanco ka bixiyaan safarkooda, taasi oo sababtay in booliska Soomaaliya ay go’aankooda ku adkeystaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa dib uga laabtay Matabaan markii loo diiday, waxayna shalay ka gudbeen deegaanka Kalabeyr oo 20 KM waqooyi ka xiga Beledweyne, iyagoo u jaheystay dhanka dalka Itoobiya.

Dadka ku nool deegaanka Feerfeer ayaa galabta sheegay in ciidankaas ay ka talaabeen xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaana ay ku laabteen dalkooda oo markii hore ay ka yimaadeen.

Itoobiya ilaa hadda ma cadeyn sababta ciidankaas ay ugu soo dirtay Soomaaliya, dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka gaabsatay in arintaas ay faahfaahin ka bixiso, markii laga reebo in ciidamada Soomaaliya lagu amray in Matabaan aysan ka gudbin ciidamada Itoobiyaanka ah.

Maamulka degmada Matabaan oo wareystay saraakiisha Soomaalida ah ee ku jirtay ciidanka Itoobiya ayaa warbaahinta u sheegay in ciidankaas ay cadey waayeen sababta ay ugu gudbayaan Galmudug.

Ciidamo badan oo howlgalka ATMIS aan ku jirin ayaa ku sugan Soomaaliya, sidoo kale ciidamada ATMIS ayey qeyb ka yihiin, markii la isku daro waxay gaarayaan kumanaan, ku kala sugan gobollada bartamaha iyo koonfurta dalka.

Hiiraan, Bay, Bakool, Gedo iyo qeybo ka mid ah Jubbada Hoose ayey Soomaaliya ka joogaan ciidamada Itoobiya, dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in bisha 12-aad ee sanadkana dalka laga saaro dhamaan ciidamada Itoobiya.

PUNTLAND oo shaacisay natiijada howlgaladii Garowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Puntland ayaa ka warbixiyay howlgallo culus oo indhowaanahan ciidamada ammaanka ay ka wadeen gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, waxaana taliska uu shaaciyay natiijada laga gaaray.

Afhayeenka Booliska Puntland Gaashaanle Sare Xassan Cabdullahi Maxamed oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa sheegay in ujeedka howlgalladan uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga, isla markaana ay ka gaareen guullo waa wayn.

Gaashaanle Sare Xassan Cabdullahi ayaa xusay in lagu guulaystay in ammaanka Garoowe uu ku soo laabto sidii looga bartay, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgalladooda.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in howlgallada inta ay socdeen ay gacanta ku soo dhiigeen kooxo cabtooy ah, kuwa dhac u geysan jiray gaadiidka iyo shaqsiyaad watey hub sharci darro ah, wuxuuna tilmaamay in dhammaantood lala tiigsan doono sharciga.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa baaq u diray shacabka Puntland, gaar ahaan kuwa dhaqan magaalada Garoowe, wuxuuna ka codsaday inay ka gacan siiyaan amniga guud.

“Nolosha fureheedu waa in ammaan la helo, lama soo ganacsan karo, cid lama soo booqan karo waxkalena lama qabasan karo haddaan nabad lahelin, cidkasta oo dalkaan lexejeclo ka haysaana waa inuu la shaqeeyaa ciidanka”, ayuu yiri Afhayeenka boooliska Puntland.

Howlgalladan ayaa si wayn looga dareemay Garoowe, waxaana aad usoo dhaweeyay bulshada deegaanka oo u mahadceliyay ciidamada amniga iyo saraakiisha horkaceysa.

Garoowe oo caasimad u ah Puntland ayaa kamid ah magaalooyinka ugu amniga wanaagsan Soomaaliya, waxaana howlgallo joogta ah ka sameeya ciidamada ammaanka ee Puntland

Faah-faahinta weerar culus oo Ruushka ka dhacay iyo tirada dhimashada

Dagestan (Caasimada Online) – In ka badan 15 askari oo boolis ah iyo dhowr qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar ay malleeshiyo hubeysan shalay la beegsatay gobolka koofureed ee Jamhuuriyadda Dajestan ee dalka Ruushka.

Bayaan aroornimadi hore ee Isniinta maanta ah kasoo baxay guddoomiyaha Dajestan Sergei Melikov ayaa lagu sheegay in kooxda weerarka qaadday ay rasaas ku furtay kaniisad ay leeyihiin masiixiyiinta madhabta Ortodokis-ka iyo macbad ay dadka yahuudda ah ku leeyihiin halkaasi.

Weerarkan ayaa sidoo kale lagu eekeeyay bar koontarool oo ay leeyihiin ciidanka booliska.

Guddiga qaran ee la-dagaallanka argagixsiada Ruushka ayaa weerarkii Axaddi ku tilmaamay fal argagixiso.

Gobolka Dajistan oo ka mid ah gobollada ay ku badanyihiin Muslimiinta Ruushka ayaa waxaa looga dhawaaqay saddex maalin oo baroor-diiq ah oo ka billaabmeysa maanta oo Isniin ah.

Weerarka ayaa ka dhacay caasimadda gobolka Dajestaan ee Makhachkala. Mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan ilaa iyo hadda.

Howlihii garoonka Aadan Cadde oo maanta hakaday iyo duulimaadyo loo weeciyey…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayuu maanta dib u dhac ku yimid, maadaama roob xoog leh magaalada.

Sidoo kale ceeryaamo badan ayaa maanta qabsatay hawada magaalada Muqdisho, taas oo keentay in hawada Muqdisho ay diyaaraduhu soo geli waayaan.

Duulimaadyada caalamiga ah qaarkood ee Muqdisho ku soo wajahnaa ayaa loo weeciyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kala bar duulimaadyadii garoonka la joojiyay sababo la xiriira cimilada oo aan la filayn.

Roob aad u xoogan oo socday 10 saacadood ayaa Axadii maanta ka da’ay magaalada Muqdisho, kaas oo saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka gudaha.

Saacadihii la soo dhaafay roob xoog leh oo ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa keenay in ay go’aan wadooyin muhiim ah, waxaana culeys weyn ku yimid isku socodka gaadiidka dadweynaha.

Wadooyin badan ayuu roobku biyo dhigay, halka kuwa kale uu burbur u geystay, waxaana la mari waayey wadooyinka qaar.

Wadooyinka burburay waxaa ka mid ah kuwo dhowaan la dhisay, waxaana ka dhalatay hadal-heyn oo ka socota baraha bulshada.

Qiimaha lagu raaco gaadiidka ayaa kordhay, waxaana yar gaadiidka dadweynaha ee maanta shaqeynayey.

Sidoo kale roobka ayaa saameeyey maanta imtixaanka dugsiyada sare ee socda Muqdisho, waxaana ardayda lagu daabulay gaadiidka ciidamada booliska ah.

Sawirro: Nin Shabaab ah oo u dhashay dalka Yemen oo lagu qabtay Ceeldheer

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deeganka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay nin ajanebi ah oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Ninkaan ayaa lagu qabtay deegaanka Mareeg oo ah deegaan ku yaalla xeebta, isla markaana hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka Qaranka iyo kuwa xaq u dirirka ah ee deegaanka oo helay xogta dhagarqabaha ayaa howlgal baadi-goob ah ka sameeyay xeebaha gobolka Galgaduud, kuwaas gacanta kusoo dhigay ninkaan.

Saraakiisha Ciidamada ayaa Caasimada Online u sheegay in ninkaan uu ka mid yahay tiro maleeshiyaad ah oo ka lumay Khawaarijta markii ay ku jabeen dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Ceeldheer.

Dhowr habeen ayey ciidanku ku raad-joogeen ninka hadda la qabtay iyo labo kale, kuwaas oo go’doon ku ahaa howdka degmada Ceeldheer.

Ninkaan ayaa sheegay inuu ka soo jeedo dalka Yemen, sidoo kale wuxuu sheegay inay la socdeen labo nin oo mid Soomaali yahay, midna ka soo jeedo dalka Yemen, kuwaas oo maalmo badan ay duurka ku wadajireen.

Sida ay saraakiishu noo sheegeen waxaa duurka gaajo ugu geeriyooday labadii nin ee kale, xogta sheegeysa in raggii kale ay dhinteen waxaa saraakiisha ciidanka la wadaagay ninka la qabtay ee u dhashay dalka Yemen.

Sawirro: Saameynta roobka Muqdisho uu ku yeeshay imtixaanka iyo wadooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii la soo dhaafay roob xoog leh oo ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa keenay in ay go’aan wadooyin muhiim ah, waxaana culeys weyn ku yimid isku socodka gaadiidka dadweynaha.

Wadooyin badan ayuu roobku biyo dhigay, halka kuwa kale uu burbur u geystay, waxaana la mari waayey wadooyinka qaar.

Wadooyinka burburay waxaa ka mid ah kuwo dhowaan la dhisay, waxaana ka dhalatay hadal-heyn ka socota baraha bulshada.

Qiimaha lagu raaco gaadiidka ayaa kordhay, waxaana yar gaadiidka dadweynaha ee maanta shaqeynayey.

Sidoo kale roobka ayaa saameeyey maanta imtixaanka dugsiyada sare ee socda Muqdisho, waxaana ardayda lagu daabulay gaadiidka ciidamada booliska ah.

Imtixaanka ayaa saakay dib loo dhigay muddo hal saac ah, balse wuxuu bilowday roobka oo weli socda, roobkaas ayaa soo gaalay maanta gelinkii dambe.

Suuqyada waaweyn iyo mehradaha ganacsiga ayaa badidood xirnaa maanta, lamana soo werin khasaare nafeed oo ka dhashay roobka da’aya.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhaleeceyn badan kala kulmay wadooyinka uu maanta roobku ku burburiyey halka gelin, kuwaas oo dhowaan la dhisay.

Xog: Mas’uuliyiin isku dhex feeray gudaha wasaaradda maaliyadda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa waxaa ka dhex qaraxday xiisad cusub, taasi oo gaartay gacan ka hadal, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Laba masuul oo ka tirsan wasaaradda ayaa shalay galab dagaal gacan ka hadal ah uu ku dhex-maray gudaha dhismaha wasaaradda maaliyadda ee magaalada Muqdisho.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo goobjoog ah, wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda Mr Xaange iyo agaasimaha canshuuraha Faysal Xaashi ayuu gacan ka hadalkan ku dhex-maray gudaha wasaaradda.

Dagaalkaas ayaa la sheegay inuu salka ku hayay qeybsiga dhaqaalaha kasoo xarooda shirkadda gaarka loo leeyahay ee qandaraasyada ay wasaaradda ku siisay soo xareynta dakhliga gudaha.

Agaasime Faysal ayaa la sheega inuu isbido awood dheeri ah oo gudaha wasaaradda, ayada oo la xasuusto inuu kamid ahaa shaqsiyaad uu wasiirkii hore ee maaliyadda shaqo joojin ku sameeyay, taas oo markii dambe uu shaqadiisi ku waayey wasiir Cilmi, maadaama ninkan lagu tiriyo saaxiibada ugu dhow ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, xog ay heshay waxay xaqiijineysa in 70% canshuurta soo xaroota ay shirkaddu ku shubto akoonka wasaaradda maaliyadda, halka 30% ay la harto, waana middaas dhaqaalaha la isku hayo.

Qandaraaska shirkadan oo markii horeba u muuqday mid dano gaar ah oo dhaqaale laga leeyahay ayaa waxaa dad badan ka daadagi weyday sababta ay wasaaraddu ku dooratay inay ogolaato saami, iyada oo helaysa faa’iido 100% ah, haddii ay si iskeed ah usoo aruursato canshuuraha.

Soomaaliya iyo howl-gal saddexaad oo Midowga Afrika ka socda – Maxaadan ogeyn?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guud ahaan Soomaaliya walaac badan ayaa ka jiray bixitaanka ciidanka ATMIS labadii sano ee u dambeysa.

Dowladdaha deriska la’ah Soomaaliya waxay muujiyeen cabsi ku saabsan waxa dhici doona haddii ATMIS baxdo iyada oo ciidanka Soomaaliya ku filnaanin amniga guud ee dalka, balse xalay akhbaar kale ayaa ka timid dhanka Midowga Afrika.

Dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo waxay waqti gelisay dhismaha ciidanka dowladda waxayna kadib dalbatay inay ciidanka Midowga Afrika ka baxaan dalka, iyaga oo qabay kalsooni ah in ciidanka dowladda ku filnaanayaan amniga guud ee dalka.

Laakiin dhibaataddii nidaamkii hore ee Farmaajo waxay aheyd in aanay si dhab ah ula diririn kooxaha argagixisada. Dagaaladdii la qaaday labadii sano ee u dambeysay ee tallada uu joogay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa laga gartay miisaanka ciidanka dowladda iyo in weli loo sii baahan yahay gacan ciidan oo Midowga Afrika ka timaada, waxaana ay dowladda dalbatay ciidan kale oo lagu beddelo kuwa hadda jooga ee baxaya.

Golaha Ammaanka iyo nabada ee Midowga Afrika ayaa shalay ku dhowaaqay inuu aqbalay codsiga Soomaaliya ee ah in ciidan kale iyo howl-gal kale oo Midowga Afrika ah laga hirgeliyo Soomaaliya.

Goluhu ma sheegin cadadka ciidanka cusub iyo magaca howl-galka, laakiin wuxuu sheegay in howl-galkan cusub ee bilaaban doona Janaayo 2025 inuu kaabi doono ciidanka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan inuu ka qeyb qaadan doono xaqiijinta amniga guud ee dalka iyo in laga adkaado argagixisada.

Arrintaan waxay hoos u dhigaysaa walaacii laga qabay sida uu noqon doono xaalka amni ee Soomaaliya haddii ay ka wada baxaan ciidanka Midowga Afrika. Waxay kale oo tani ka dhigan tahay in Soomaaliya ay markii saddexaad aqbashay howl-gal ka socdo Midowga Afrika.

Horey AMISOM, haatan ATMIS, wixii ka dambeeya December 2024 howl-gal saddexaad ayaa bilaaban doona.

Ciidanka hadda jooga Soomaaliya ee ka socda Midowga Afrika ayaa waxa uu howl-galkooda ku eegyahay bisha December ee sanadkaan. Sanadkii 2007 ayay ciidanka Midowga Afrika tageen Soomaaliya.

17 sano oo taageero ciidan ah, wuxuu howl-galkan saddexaad ka dhigan yahay in ciidanka Soomaaliya aanay weli ku filnaanin ammaanka dalkood. Dhawaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay sheegtay in ciidanka Itoobiya aanay qeyb ka noqon doonin howl-galka saddexaad ee Midowga Afrika, laakiin arrintaasi sooma hadal qaadin golaha amniga iyo nabadda ee Midowga Afrika.

Go’aankan wuxuu kusoo aadaya, iyada oo dhawaan uu madaxweynaha waddanka Kenya William Ruto sheegay in haddii ay ciidanka Midowga Afrika ka wada baxaan Soomaaliya inay argagixisada dalka wada qabsan karto.

Drownings, destruction, and displacement as heavy rains fall in Mogadishu

0

Mogadishu (Caasimada Online) – In Somalia, over the past six years, there has been minimal rainfall or consecutive cancellations of the rainy season. Occasionally, floods have occurred, primarily affecting farmers and herders in rural areas.

Aid organizations have warned that Somalia is on the brink of drought, facing the threat of impending famine and floods. These disasters, both natural and exacerbated by climate change and environmental degradation, pose significant risks.

Mogadishu residents experienced sporadic rain in the past few hours, which intensified into a heavy downpour today. This sudden rainfall has caused substantial damage.

“You can see, from the kitchen, the pantry, the bathrooms to the bedroom, the water is sitting,” said a father carrying his 10-month-old daughter.

Another woman living in the Wajir neighborhood of Karaan district had to flee her home. She found temporary rental accommodation in another area, but not everyone can afford this.

“There is nothing left of my belongings at home; everything was drowned in the water—documents, certificates, passports, laptops, and other properties that have not yet been counted,” said Nadifo Haji, a mother whose children were saved by her neighbors who volunteered to rescue them.

Hassan Mohamed, a recently married young man and a neighbor of the flood victims, told Caasimada Online that all his belongings were flooded. He said, “I have been using this bedding for less than a month.”

Disruption of 12th grade national exams

Most of the southern regions of Somalia and the Khatumo administrative areas are currently conducting secondary school exams. For Khaatumo, it is the first time since the reunification of the national examination system ten years ago.

On the second day of these exams, thousands of students faced slight delays due to heavy rain, which caused significant traffic disruptions.

“This morning, I sat here with my clothes wet. I went through a lot of trouble to get here, but luckily, I’m ready for the exam,” said Mohamed Ali Hussein, wiping water from his face with a hopeful smile.

“Even for us, it was difficult to get here, but we are committed to our work,” said one of the teachers overseeing the students to ensure they stay focused on their exams.

Local government responses to the rain victims

Despite the local government collecting taxes from the community, there is no direct relationship between city authorities and the residents.

Calls to the authorities went unanswered. “I called the village officer, the district commissioner, and other partners, but none of them answered the calls,” said an elder who declined to be named in the media.

This is the story of one village incident, but internally displaced people, who are the most vulnerable, are facing the biggest challenge.

Caasimada Online reporters, who have made various contacts with the displaced community, have found that these people have suffered a loss. It can always be expected that the damage will increase as the rain is still falling and the community does not have enough protection.

Dagaalka Xizbullah iyo Israel oo xoogeystay – Maxay maanta sameeyeen Xizbullah?

Beirut (Caasimada Online) – Kooxda Xizbullah ee Lubnaan ayaa sheegtay Axadda maanta ah in diyaarad hubaysan oo aan duuliye la socon ay ku beegsatay goob ciidan oo ku taal waqooyiga Israa’iil, taasi oo jawaab u ahayd dilka taliye Islaami ah.

Israa’iil iyo kooxda awoodda badan ee Iran ay taageerto, ee xulufada la ah Xamaas, ayaa si maalinle ah gantaallo isugu weydaarsanayey xuduudda tan iyo markii dagaalka Gaza uu billowday October 7.

Hadallka Xizbullah ayaa yimid saacado kadib markii ay daabacday muuqaallo ay ku sheegtay in ay muujinayaan goobo ka tirsan Israa’iil iyo xogtooda, ayada oo ay jirto cabsida laga qabo dagaal aan waxba la iskula harin oo ka dhex qarxa labada dhinac.

Sabtidii, kooxda Jamaaca Islaamiya ayaa ku dhawaaqday dhimashada mid ka mid ah taliyayaasheeda, Ayman Ghotmeh, iyagoo sheegay in lagu dilay “weerar Sahyuuniyad” oo ka dhacay magaalada Khiara ee deegaanka Bekaa ee bariga Lubnaan.

Israa’iil ayaa markii dambe xaqiijisay in ay fulisay weerarka, iyadoo sheegtay in Ghotmeh uu mas’uul ka ahaa hub la siiyey kooxda Xoogagga Fajr, oo ah garabka hubaysan ee Jamaaca Islaamiya, iyo Xamaas.

Xizbullah ayaa maanta sheegtay in dagaal-yahanadeeda ay “weerar drone ah” ku qaadeen goobaha hoggaanka militari ee xerada Beit Hillel “ayaga oo ka jawaabaya khaarijinta ay cadowga Israa’iil ka fuliyeen magaalada Khiara.

Milatariga Israa’iil ayaa dhanka kale bayaan uu soo saaray ku sheegay in diyaarad nooca aan duuliyaha la socon ay “ka soo gudubtay Lubnaan, kuna soo dhacday agagaarka Beit Hillel”, iyagoo intaa ku daray in “wax dhaawac ah aan la soo sheegin”.

Xiisadda xuduudda ayaa sare u kacday maalmihii tegay, ayada oo militariga Israa’iil ay ku dhowaaqeen Talaadadii in qorshe weerar culus loogu qaadayo Lubnaan “la ansixiyey oo la sharciyeeyey.”

Hoggaamiyahan Xizbullah Hassan Nasrallah ayaa ku jawaabay hanjabaad ah in meel ka mid ah Israa’iil aysan badbaadi doonin haddii dagaal weyn uu billowdo.

Isha: VOA

Maxay ka dhigan tahay in ciidamada Soomaaliya iyo Itoobiya ay dagaal ku sigtaan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Askar hubeysan oo Itoobiyaan ah oo dhanka Feer-feer ka yimid, kuna sii jeeday dhinaca deegaanada Galmudug ayaa shalay lagu celiyay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Itoobiya waxaa dhawaan loo sheegay inay ciidankeeda Soomaaliya ka bixi doona dhamaadka bisha December ee sanadkaan. Laakiin ciidan u muuqday daan-daansi oo aad u hubeysan ayay shalay soo geliyeen dalka.

Laba ciidan ayaa Itoobiya horey kaga joogay Soomaaliya, kuwo waxay ka tirsan yihiin howl-galka ATMIS, kuwana sharci darro ayay ku joogaan xad beenaadka.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya weli kama laaban go’aanka ah inay ciidanka Itoobiya ka baxayaan dalka daba-yaqaadda sanadkaan. Waxaase Itoobiyaanka shalay sameeyeen fal ay ku tijaabinayaan dareenka Soomaalida.

Ciidan ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku sugan aagga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa celiyay Itoobiyaankii. Dadka deegaanka waxay wariyeen in qarka loo fuulay in labada ciidan isku dhacaan.

Warbaahinta maxaliga ah qaar waxay warisay in ciidanka cusub ee Itoobiyaanka ah inay diideen sababta ay u soo galeen dalka, kadibna waxay ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku amreen in Itoobiyaanka ku laabtaan halkii ay ka yimaadeen, ugu dambeyna taas wey aqbaleen.

Tan iyo markii ay dib u qaraxday xiisadda labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku suntan 1-dii Janaayo ee sanadkaan iyo heshiiskii Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, waxaa si weyn hoos ugu dhacay wada-shaqeyntii ciidan ee labada waddan.

Waxaa aad loo bogaadiyay tallaabaddii ay qaadeen ciidanka dowladda ee ku sugan Matabaan iyo hareeraheeda, waxaase dowladda federaalka ah ee Soomaaliya laga sugayaa inay arrintaasi daan-daansiga ah war kasoo saarto.

Dhawaan xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka oo la hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la dejiyo xiisadda gobolka oo loola jeedo midda Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin sida muuqata Addis Ababa iyada ayaa daan-daansi wada.

Go’aankii naga laabta ee shalay iyo degmada Matabaan wuxuu sidoo kale muujinayaa feejignaanta ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Daawo: Madaale oo dacwo ah – Maxaa lagu sameeyay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimacaale (Madaale) ayaa sheegay inuu dacwo ka yahay hal qabsiga magaciisa, marka ay dhibaato ka dhacdo magaalada Muqdisho ama wasaq lagu arko waddooyinkeeda.

Madaale ayaa sheegay in haddii la arko nadaafad darro iyo ama roob loogu qaylo dhaamiyo isaga, wuxuuna tilmaamay in dhibaatadaas oo dhan ay ku dhaceyso maamulkiisa, balse dadka qaylo dhaamiyo qudhooda ay sameeyaan qaladaadka, sida nadaafad darrada.

“Magaaladan haddii nadaafad darro lagu arki waxaa la fiiriyaa xaggaas waxaa la leeyahay aaway Madaale?, haddii biyo lagu arko Madaale ayaa la leeyahay, guryaha dumaya ayaa la leeyahay Madaale kaalay dhibka waa nagu dhacayaa? ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la’iska daayo qashinka lasoo raaciyo biyaha roobka oo uu tilmaamay in dhibaato wayn uu ku hayo bilicda caasimada.

“Qofka isaga haddii uu maareeyo inta nafaafad darrada ah ee uu soo kordhiyay magaaladeena nadiif ayay noo noqoneysaa, laakin anaga ayaa hadda kow ka ah roob ayaa da’aayo waxaa lasoo raacsinaa qashinka xaafadda oo dhan” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu duqa Muqdisho ugu baaqay shacabka inay sameeyaan isku tashi, ayna ka qayb qaataan nadaafadda iyo hurumarka ka socda caasimada Muqdisho.

“Waxaan u sheegaya shacabka Soomaaliyeed oo aan farayaa inaan isku tashi wax u wada qabsano aan wax ku dhisanyo aan ku nafiisano Muqdisho” ayuu sii raaciyay.