25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

IRAN oo lagu eedeeyey inay ka dambeyso qorshe halis ah oo ka dhan ah Soomaaliya

Tehran (Caasimada Online) – Iiran ayaa lagu eedeeyay inay gadaal ka riixayso isku dayga socda ee wada-shaqeyn ay ku yeelanayaan kooxda ay taageerto ee Xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Sirdoonka Maraykanka ayaa dhowaan sheegay in ay ogaadeen in Xuutiyiinta Yemen ay ka wada hadleen sidii hub loo siin lahaa kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo qariyay magacooda in la xuso ayaa hadda wakaaladda wararka ee AFP u  sheegay in Iiran ay qeyb ka tahay qorshaha Xuutiyiintu hub ku siin karaan kooxda Al-Shabaab.

Warbixin ayaa lagu sheegay in Iiran ay doonayso inay xoojiso saamaynteeda gacanta Cadan, si weerraro ka dhan Maraykanka looga geysto halkaas.

Maraykanka waxa uu sheegay in qorshaha Iiran ay ku doonayso in Xuutiyiintu ay al-Shabaab siiyaan ilo cusub oo hub ah, ay keeni karto in Al-Shabaab ay gacanta u galaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, si ay ugu weeraraan bartilmaameedyada Mareykanka.

Hadda, kooxda Soomaalida waxay heli karaan oo keliya gantaallo, hoobiyeyaal iyo miinooyin, oo ay u adeegsato dagaalka ay kula jirto dawladda Soomaaliya – hub yar balse dilaa ah. Xuutiyiinta, marka la barbardhigo, waxay haystaan hubka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka, oo ay ku jiraan kuwa biyaha hoostooda mara.

Mareykanka ayaa uga digayay dalalka gobolka iskaashigan suurtagalka ah toddobaadyadii la soo dhaafay, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka. Dalalka Afrika ayaa sidoo kale billaabay in ay si firfircoon ula soo xiriiraan Mareykanka, si ay u gudbiyaan walaacooda, oo ay u helaan macluumaad dheeraad ah.

“Tani waa wada hadallo joogto ah oo aan la yeelanayno dalalka labada dhinac ee Badda Cas,” ayuu yiri qof xog-ogaal ah. “Oo waxaa loo eegayaa si dhab ah.”

Heshiiska suurtagalka ah wuxuu dhaqaale cusub u yaboohi karaa Xuutiyiinta.

“Inaad awood u yeelato inaad iibiso hubka qaar waxay ku siineysaa dakhli aad loogu baahan yahay,” ayuu yiri sarkaalka sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Biden.

Dhanka al-Shabaab, waxay siin kartaa fursad ay ku hesho ilo cusub oo hub ah – oo ay ku jiraan suurta-galnimada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) – kuwaas oo aad uga casrisan hubkooda hadda, waxayna siin kartaa kooxda awood ay ku weeraraan bartilmaameedyada Mareykanka.

Macallin dugsi iyo xaaskiisa oo gurigooda lagu dhex dilay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay dil argagax leh uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug, kaas oo loo gaystay Macallin Dugsi Qur’aan iyo xaaskiisa, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Allaha u naxariistee Macallinka iyo Xaaskiisa oo ku sugnaa gurigooda ayaa lagu dilay deegaan lagu magacaabo Bulacle oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyaad hubeysan ay toogasho ku dileen labada marxuum, iyaga oo ku dilay gogoshooda, waxayna kadib ka baxsadeen goobta.

Dilkan foosha xun ayaa lala xiriiriyay aano qabiil oo ka taagan deegaano dhaca bariga magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo ay isku geysanayaan beelaha wada daga halkaas.

Dhacdadan ayaa sidoo kale argagax ku reebtay dadka deegaanka, waxaana si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada, iyada oo dadweynuhu ay tilmaameen inay tahay wax laga xumaado.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray halka ay mashaqadu ka dhacday, waxaana haatan ay howlgallo lagu baadi goobayo maleeshiyaadka dhibaatada geystay ka bilaabeen agagaarka Dhuusamareeb.

Falkan argagaxa leh ayaa kusoo beegmay, ayada oo haatan Dhuusamareeb ay taallo gogol nabadeed oo ay dhigtay Galmudug, taas oo lagu heshiisinayo beelo dhowaan ku dagaalamay waqooyiga gobolka Galgaduud, kuwaas oo ay iska dilay in ka badan 50 qof.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa ku badan colaadaha beelaha, waxaana horay dhacdo tan lamid ah ay uga dhacday isla gobolka Galgaduud, kadib markii lagu dilay Macallin Dugsi Qur’aan iyo Dhaqtar walaalo ahaa, inkastoo lasoo soo qabtay raggii ka dambeeyay dilkaasi oo la maxkamadeeyay, kadibna ay dil toogasho ku fulisay Galmudug.

DF oo ciidan horleh diyaarado ku gaysay GEDO + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo horleh u dirtay gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya, kuwaas oo ka howlgeli doono gudaha degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ciidamadan oo ah milatari ayaa laba diyaaradood lagu geeyay degmada Ceelwaaq, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen saraakiisha gobolka joogta iyo mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland.

Ujeedka ciidamadan ayaa ah inay ciidamada howlgalka ATMIS kala wareegaan fariisamaha ay ku leeyihiin magaaladaas oo la filayo inay ka baxaan.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee la wareegitaanka amniga Ceelwaaq ayaa haatan ka socota halkaasi waxaana goobta ku sugan madax ka socota Jubbaland iyo dowladda dhexe.

Ceelwaaq ayaa waxaa muddo dheer ku sugnaa ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo haatan baxaya, wuxuuna qorshahan qayb ka yahay bixista ATMIS.

Horay ciidamada shisheeye ayaa uga baxay xerooyin dhowr ah, waxaana ugu dambeysay oo ay maalin kahor banneeyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle.

Sida uu qorshuhu yahay dhammaadka sanadkan ayaa lagu wadaa inay dalka isaga baxayaan ciidamada ATMIS ee nabad ilaalinta u jooga dalka, waxaana beddeli doono ciidamo cusub, sida ay ku heshiiyeen dowladda federaalka iyo Ururka Midowga Afrika.

Howlgalka cusub oo ay hugaamin doonaan Midowga Afrika ayaa noqon doono mid diiradda lagu saarayo, sidii Soomaaliya looga kaalmeyn lahaa baabi’inta ururka Al-Shabaab.

Golaha Amniga ee Midowga Afrika ayaa sheegay in howlgalkaan uu si gooni ah u noqon doona “mid amni ku soo dabaala Soomaaliya, muhiimadiisuna tahay in lagu ilaaliyo dadka rayidka ah.”

Sawirro: Madaxda DF iyo Jubaland oo tegay furimaha iyo qorshaha wejiga 2-aad

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta tegay furimaha dagaalka kooxda Al-Shabaab ka socda maamulka Jubbaland.

Wasiir Xoosh oo ay wehliyaan wasiirro ka tirsan dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa indhaha soo saaray xaaladda magaalada Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose oo dhawaan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa la hadlay hay’adaha amniga, geesiyaasha xoogga dalka iyo bulshada deegaanka, xilli uu howl-galka lagu qabtay magaaladan oo 90KM dhanka galbeed kaga beegan Kismaayo uu bilow u yahay qorshaha wejiga labaad ee dagaalka looga bilaabayo deegaanada maamulka Jubbaland.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalmo kahor sheegtay inay si hordhac ah u bilowday wejiga labaad ee dagaalka, uuna ka socdo aagga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada Hoose.

Sidoo kale waxaa dhawaan ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland usoo gacan galay illaa 4 kamid ah horjoogayaashii Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Buulo-Xaaji, ee hadda ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.

Kadib xoreynta Buulo Xaaji, ciidamada ayaa la qorsheynayaa usii ruqaansadaan aagga degmada Badhaadhe oo hadda ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Gobollo badan oo dalka ku yaalla ayaa waxaa ka socda howl-gallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana kamid ah HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Golaha Ammaanka oo kulan ka yeelanaya dalabxasaasi ah oo uga yimid Soomaaliya

0

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midooba ayaa lagu wadaa inay maalinta Isniinta ah ee beri ay kulan xasaasi ka yeeshaan xaaladda Soomaaliya, kaas oo si gaar ah looga doodi doono dalab uga yimid dowladda federaalka.

Kulankan oo sidoo kale ah is xog-wareysi iyo wadatashi ah ku saabsan Soomaaliya ayaa waxaa warbixin looga dhageysan doonaa ku simaha Ergeyga QM ee Soomaaliya, James Swaniyo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahan madaxa ATMIS Mohammed El-Amine Souef.

Labada mas’uul ayaa faah-faahin ka bixin doono xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, gaar ahaan horumarada la gaaray iyo qorshaha bixista ciidamada howlgalka ATMIS.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Golaha Ammaanka ay kulankooda diiradda ku saaraan codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha howlgalka cusub ee beddela ATMIS, kaas oo ay maalgelintiisa ka cago jiidayaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.

Kulankan wuxuu kusoo aadayaa, ayada oo Midowga Afrika uu aqbalay dalabka dowladda Soomaaliyeed ee dhismaha ciidamada cusub ee beddela ATMIS oo haatan baxeysa, waxaana golaha nabadda iyo ammaarka ururka uu soo dhaweeyay go’aanka dowladda.

Midowga Afrika ayaa si weyn u taageeray dhismaha howlgal cusub oo hoostagaya ururkooda, maadaama howlgalka ATMIS uu dhamaanayo bisha December ee sanadkaan.

Howlgalka cusub ayaa diiradda saari doono taageeridda dowladda federaalka Soomaaliya, si dalka looga xoreeyo kooxaha argagixisada ah, sida lagu sheegtay warbixinta.

Waxaa kale oo uu howlgalka bilaabanaya mudnaan lagu siinayaa ilaalinta rayidka Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale dowladda dhexe ka caawi doonaa xasilinta iyo amniga dalka, iyadoo awood la siinayo mudnaanta dowlad-dhiska, sida lagu sheegay warbixinta.

Faah-faahin ku saabsan ciidanka cusub ee Soomaaliya ka howlgali doona kadib ATMIS

Addis-Ababa (Caasimada Online) – War-murtiyeed ka soo baxay Golaha Amniga ee Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in hawlgalka oo ay hugaamin doonaan Midowga Afrika uu noqon doono mid diiradda lagu saarayo, sidii Soomaaliya looga kaalmeyn lahaa baabi’inta ururka argagixisada ah ee al Shabaab.

Golaha Amniga ee Midowga Afrika ayaa sheegay in hawlgalkaan cusub uu si gooni ah u noqon doona “mid amni ku soo dabaala Soomaaliya, muhiimadiisuna tahay in lagu ilaaliyo dadka rayidka ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay golahaan in hawlgalku diiradda saari doono kaalmeynta amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.

“Hawlgalkaan uu hugaaminayo Midowga Afrika waa in uu gacan ka gaystaa xasiloonida iyo amniga Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Inkasta oo aan la xusin tirada ciidamada hawlgalkaan qaybta ka noqon doona ayaa war-murtiyeedka oo ka soo baxay Addis Ababa 20 kii bishaan waxaa lagu sheegey in ciidamadaan door ka qaadan doonaan hawlgallada ka dhanka ah argagixisada, iyaga oo lahaan doonaan, “Kanaalo cad oo xiriir, nidaam wadajir ah oo wax loo qorsheeyo, talis dhexe, iyo qaabab xogta la isula wadaago,”.

War murtiyeedka ayaa waxa lagu sheegay in goluhu uu go’aan ku gaaray in ay muhiim noqon doonto in hawlgalka imaan doona la siiyo sharciyad siyaasadeed oo aad u xoogan iyo waqti waaqaca Soomaaliya u qalma oo uu ku sii socon karo.

“Waqtiga iyo sharciyada hawlgalka ATMIS ka dib waa in uu ka turjumaa waaqaca amni iyo kan siyaasadeed ee Soomaaliya, lana siiyaa waqti macquul ah oo xaqiiqada ku qotoma,” ayaa lagu yiri warka.

Maxay uga dhigan tahay Soomaaliya?

Dawladda Soomaaliya ayaa horay u qorsheysay in ay dalka isaga baxaan ciidamada ATMIS, oo markii horaba hawlgalkooda loo sameeyay sidii hawlgalkii ka horeeyay ee Amisom uga bixi lahaa Soomaaliya, kadib markii dawladdu sheegtay in ay isku filnaasho ka gaartay dhanka la wareegista amniga iyo ciidamada.

Axmed Kaboole, oo ah khabiir ka faalooda amniga Soomaaliya ayaa qaba in Soomaaliya haatan ay wax badan iska badaleen marka la eego fursadaha ay u heli karto qalabeynta ciidamadeeda, maadaama dhawaan laga qaaday cunaqabteyntii hubka ee tobanaanka sano saarneed. Sidoo kale dhismaha ciidanka Soomaaliya ayuu sheegay in ay wax badan iska badaleen tan iyo markii uu bilowday hawlgalkii Amisom ee dhawr sano ka hor noqday ATMIS.

Balse waxa uu sheegay in aysan wali ciidamada Soomaaliya gaarin isku filnaasho buuxa oo ay ku haysan karaan guud ahaan dalka oo dhan, ama meelaha muhiimka u ah amniga qaranka.

“Wali waxaad moodaa in ay jirto baahidii iyo caawinaadii ay dawladda Soomaaliya u baahneed, inta ay ka qabsaneyso xuduudaha dalka oo dhan, dhismaha siyaasadda gudaha hanoqoto iyo la dagaalanka al-Shabaab,” ayuu yiri Kaboole.

Waxa uu sidoo kale xusay in khatarta ururka al Shabaab ay tahay mid wali taagan, sidaas daraadeedna ay tahay lagama maarmaan in la helo caawimaad dibadda ah.

Tan iyo markii hawlgalka ATMIS bilaabay in uu isaga baxo bilo ka hor Soomaaliya, ayaa waxa uu ku wareejiyay ciidamada Soomaaliya saldhigyo ku yaalla qaar ka mid ah gobolada dalka. Saldhigyadaas qaar ayaa waxaa weeraro ku qaaday al Shabaab, qaarkoodna waxa ay noqdeen kuwa aan cidina joogin.

Dawladda Soomaaliya oo aan isku daynay in aan wax ka waydiino mawqifkeeda ku aadan hawlgalkan cusub ee ay hormuudka ka tahay Midowga Afrika iyo waxa ay ka damacsan yihiin mustaqbalka ayaynan noo suuragalin inaan helno.

Midowga Afrika ayaa waxaa uu ka dalbaday Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in ay kaalin ka qaataan sidii dhaqaale loogu helaa hawlgkaan si uu u noqdo mid taabo gal ah. Warka ayaa waxaa lagu sheegay in si loo geeyo Soomaaliya hawlgalkaan loo baahan doono, dhaqaale, qiimeyn, iyo xasilooni. Waxay sheegeen in codsigaan loo gudbindoono xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Golaha ayaa dhanka kale sii adkeeyay in ATMIS ay si habsami iyo taxadar leh uga bixi doonto Soomaaliya, iyada oo hawlgalka cusubi uu markiiba badali doono.

Dhanka kale waxay aad u adkeeyeen in Midowga Afrika uu doonayo in ay marwalba garab istaag u muujiyo Soomaaliya, kuna caawiyaan doonistooda nabad waarta, amni xasilooni iyo barwaaqo. Taas oo ay sheegeen in ay faa’iido ugu jirto geeska Afrika iyo qaaradda guud ahaanba.

Isha: BBC

Daawo: Kulane Jiis oo loo haysto dilka Ikraan Tahliil, xil. Aamina, Yariisow iyo Galaal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa dunuub adag ku eedeeyey Xildhibaan Cabdullahi Kulane Jiis, isagoo sheegay inuu dilay Guddoomiye Cabdiraxmaan Injineer Yariisow, Jeneraal Galaal, Ikraan Tahliil iyo Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.

Wuxuu sheegay in shalay uu afkiisu soo qabtay Injineer Yariisow isagoo iska dhigay nin jaceyl walaalnimo u qabay, balse wuxuu sheegay in isagu uu wax ka soo qorsheeyey dilkiisa.

“Dhamaan dadka aan soo tiriyey waxaa dilkooda qorsheeyey dad qalatadii uu Kulane u adeegi jiray ee Farmaajo u weynaa, waxaan xaqiijinayaa in dadka aan soo tiriyey ay laayeen ragaas, waxaan maanta ku tilmaami lahaa dad qalato,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabeelle ayaa dowladda federaalka ka codsaday in Cabdullahi Kulane iyo raggii kale ee dilalka geystay xasaanadda laga qaado oo la maxkamadeeyo, isagoo sheegay inay ku cadyihiin dilalka dadkii uu soo tiriyey iyo kuwo kale oo la waayey.

Cabdullahi Kulane ayaa xalay ka hadalay qabuuraha ay Iskuul Buluusiya ka rareyso dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in Xasan Sheekh iyo kooxdiisa u uku dhacay qamaam, isla markaana ay dhacayaan cid kasta oo dhul leh.

Sheekh Cismaan Barre ayaa u jawaabay “War ina Kulanow qabuuraha aad ka hadleyso dadkii aad leysay ayaa ku duugan, qaar gacantaada ayaad ku dishay, qaarna adigaa sababay inay dhintaan, dhiig ayaad faraha kula jirtaa markaas ayaad qabuuro ka hadleysaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale guddoomiye hore Sheekh Cismaan ayaa sheegay inay banaantahay in qabuurahaas Meesha laga saaro, maadaama dhulka ay u soo baahatay dowladda oo markii hore laheyd, Ahaana dhul danguud ah.

“Anigu culimada ayaan ka mid ahay, dhulkaas in la baneeyo waxaa fatwootay culimada, mana banana in meydka lagu duugo dhul aadan milkiyadiisa laheyn ama aan la waqfin, marka abaabulka ka dhaafa dadkaan dowladoodu waa ixtiraameysaaye, umadda Soomaaliyeed haka digtoonaato nimankaan,” ayuu yiri Sheekh Cismaan Barre.

Hoos ka daawo

Wada-hadal xasaasi ah oo u bilowday Soomaaliya iyo QM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu faah-faahiyay wada-hadallo cusub oo haatan u billowday dowladda federaalka iyo Qaramada Midoobay, kaas oo ujeedkiisa uu yahay sidii loo soo geba gebeyn lahaa howlaha xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobey ee magaciisa loo soo gaabiyo UNSOM.

Wada-hadalladan ayaa ku bilowday qaab u hordhac ah, waxaana kulan toos ah oo taariikhi ah isugu yimid guddiyo farsamo oo ka socda labada dhinac.

Soomaaliya waxaa wada-hadalladan ku hoggaaminayo xubno ay ka mid yihiin mas’uulyiin ka socda xafiisyada madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha, wasaaradaha arrimaha dibadda iyo amniga qaranka, waxaana horkacaya Danjire Yusuf Garaad Cumar ee dhinaca UNSOM.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Muqdisho, 23, June 2024: Kulan taariikhi ah ayay shalay isku hor fariisteen Guddi farsmo oo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay howshaa u xilsaartay iyo Guddi farsamo oo ka socda UNSOM.

Wadaxaajoodkan oo hadda billow ah ayaa toddobaadyada soo socda sii xoogeysan doona, iyada oo labada Guddi looga fadhiyo in ay dejiyaan jadwal UNSOM looga wareejinayo howlaha ay ka fuliso Soomaaliya.

Howlaha xafiiska siyaasadda Qaramada midoobay waxaa qaarkood la wareegi doonta Dowladda Soomaaliya, qaar kalena waxaa sii wadi doona Xafiiska Qaramada Midoobay ee kan beddeli doona oo ah mid la nooc ah xafiisyada QM ay ku leedahay dalalka caalamka badankood.

Guddiga farsamo ee Soomaaliya oo ay xubno ka yihiin mas’uulyiin ka socda Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Amniga Qaranka, waxaa hoggaaminyay Danjire Yusuf Garaad Cumar, dhinaca UNSOM, inkasta oo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, Danjire James Swan uu khadka telefoonka New York uga qeyb galay, waxaa Hoggaamiayay George Conway oo ah ku Xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay.

Tallaabadani waxay astaan u tahay horumarka ay gaartay Dowladnimada Soomaaliya, iyada oo sannadka soo socda ee 2025 ay Soomaaliyaa xubin ka noqon doonto Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay.

Ruushka oo bam ku dhuftay magaalo ku taalla Ukraine

Kharkiv (Caasimada Online) – Ugu yaraan 3 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 52 kalana ay ku dhaawacmeen kaddib marki bambooyinka nuuca la hago lagu qarxiyay dhisme ay dad rayid ah daganyihiin oo ku yaalla magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa tusiyay burbur xoog leh oo soo gaaray qeybo ka mid ah dhisme ka kooban shan dabaq oo ku yaalla magaalada Kharkiv.

Weerarkaasi ayaa dhaliyay in markiiba uu madaxweyne Volodymyr Zelenskiy ku baaqo in lala soo gaaro gargaar iyo saanadaha hubka si ay isaga difaacaan halista Ruushka.

Qoraal uu ku baahiyay barta Telegram ayuu madaxweynaha Ukraine ku yiri “Bambaanooyinka la hagayo ee Argagaxisada Ruushka waa in la joojiyaa waana la joojin karaa, waxaan u baahanahay go’aano adag oo ka yimaada saaxiibadayada si ay noogu suurtagasho inaan joojino argagixisada Ruushka ”

Kharkiv ayaa ah magaalo kaliyah 30 km u jirta xadka Ruushka. Waxaa ku nool 1.3 oo ruux, waxay ka mid tahay magaalooyinka dhibanah u ah weerarada Ruushka ee Ukraine.

Ruushka ayaa weeraray Ukraine bishi Febraayo ee sannadki 2022-ki. Muddo 28 bil kaddib, waxaanan wali muuqan dhamaadka dagaalka Ruushka iyo Ukraine, kaas oo ay ku dhinteen tobnaan kun oo ruux.

VOA

Sawirro: Ciidanka xoogga oo fashiliyey dhagar halis ah oo Shabaab ay soo maleegeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta weerar ku qaaday goobo ay gabaad ka dhiganayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa ka dhacay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya magaalooyinka Galcad iyo Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa cagta mariyay goobihii gabaadka u ahaa cadowga, kadib markii heleen xogta Khawaarijta isku uruursaneysa aaggaas.

Al-Shabaab waxaa maanta howlgalkaas lagu gaarsiiyey jab xoog leh, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay Taliyaha Ururka 86-aad Guutada 77 Cabdinuur Yuusuf Qadaaye oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaysa howlgalkaas.

Deegaanada maanta lagu weeraray Al-Shabaab waxaa ka socday abaabulka maleeshiyaad ay doonayeen inay ku weeraraan ciidanka jooga Mesegawaa iyo Ruun-nirgood, sida ay noo sheegeen saraakiishu.

Ciidamada ayaa weerar kala hormaray kooxda, waxaana halkaas ka dhacay kala firxad, waxayna u carareen dhanka deegaanka Cawsweyne, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiisha ciidamada DF.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku xoogan howdka u dhaxeeya Mesegawaay, Galcad iyo Ruun-nirgood, waxayna halkaas ka abaabulaan weerarro culus, sida weerarkii ay maalmo ka hor ku qaadeen Ceeldheer.

Sidoo kale kooxda ayaa si joogto ah ula kulanta weerarro duqeyn ah oo howdkaas ka dhaca, waxaa loo diiday fursad ay isku abaabulaan, waxayna halkaas ku yihiin go’doon, markii ay toos u soo weeraraan ciidamo waxay u cararaan gudaha gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku xoogan yihiin.

Daawo: DF oo si adag ugu jawaabtay mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta u jawaabay dad uu sheegay inay xanuun ka qaadeen guulaha ay gaareyso dowladda federaalka Soomaaliya.

“Dadka aan sheegayo meelaha waxay la soo fariistaan deegaanadii Shabaab laga xoreeyey dib ayey u qabsadeen, waa beentood maanta gaarigii Muqdisho ka baxa Jabuuti ayuu toos u tegayaa isagoon Shabaab arkin, waa guuleystay dagaalkii ay dowladdu qaaday labo sano ka hor,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wasiirka ayaa sheegay in dadkaas ay ka xanuunsadeen maanta markii ay arkeen arday imtixaanka dowladda ku geleysa Ceeldheer iyo Aadanyabaal, sida uu hadalka u dhigay.

“Markii ay arkaan amniga iyo dhismaha Muqdisho waa xanuunsanayaan kuwa aan sheegayo, war Soomaali waa idin taqaane maxaad la xanuunsaneysaan, maanta la idiinma baahna dalkaan waxaa u kacay dhalinyaro difaaceysa oo furimaha ku ciideysa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Jaamac.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dadka uu sheegayo ay aad uga naxayaan guulaha isdabajooga ah, “Laakiin horaan u soconeynaa dalkaan dhaqaalihiisa waa sii kobcayaa, doorasho qof iyo cod ah ayaa ka dhaceysa, dastuurkiisa waa dhameystireynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka difaaca DF.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in dadkaasi ay guryahooda la jiifaan xanuun aysan ka soo bogsa doonin, sida uu hadal u dhigay, khudbadaan ayuu maanta wasiir Jaamac ka jeediyey kulan looga hadlayey doorka haweenka ee dagaalka Al-Shabaab.

Hadalkaan ayaa jawaab u ah mucaaradka dowladda federaalka oo xarkaha goostay maalmihii lasoo dhaafay, kadib markii dowladu ay gashay qaladaad badan, sida qodistii qabuuraha iyo dagaalka Al-Shabaab.

Hoos ka daawo

Fowziya Yuusuf oo jawaab soo saartay kadib buuqii ka dhashay hadalkeeda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan oo qoraal kooban ku daabacday barteeda Twitter-ka ayaa jawaab ka bixisay buuq ka dhashay hadal ay dhowaan jeedisay, xilli ay ka hadleysay damaceeda ku aadan kursiga Midowgaa Afrika.

Fowziya ayaa xilligaas ka dhawaajisay hadal aysan siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin badan ku dhiiran, kaas oo ku saabsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Xildhibaanadda oo deegaan doorashadeedu tahay Gobollada Waqooyi, ayaa shaacisay in mas’uuliyiinta maamulka Somaliland aysan xaqiiqda ka hadlin marka ay ka hadlayaan Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo ifisay in mas’uuliyiinta Somaliland ay marin habaabiyaan shacabka oo xaqiiqda aysan ka hadlin marka soo hadal qaadayaan Soomaaliya, iyadoo kafishtay in xiriir wada shaqeyn ay ka dhaxeyso wasaaraddaha Somaliia iyo Somaliland oo ay iska war qabaan.

Mar kale oo ay soo jawaabtay ayaa sharraxaad ka bixisay ujeedkeeda iyo damaca kaga jiro kursiga ay u sharraxan tahay ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in dadka qaar ay ku eedeeyeen inay la safaneyso Somaliland, kuwa kale ay sheegeen inay u shaqeyneyso Soomaaliya, taas oo ay ku tilmaamtay inayba meesha oolin, shaqada xilkan aysan queseyn go’aamo noocaas oo kale ah.

“Waxan Ummadda Somaliyeed Meel ay joogaanba uga mahad naqayaa sida weyn ee ay ii garab istaageen. Qadiyadani waa qadiyad Somaliyeed iyo magaca Iyo maamuus.  Nasiib darro dad aan badnayn ayaan fahmin qadiyaddan, kuwaas oo qaarna igu eedaynayaan Somaliland ayay goynaysaa, qaar kalena leeyihiin Somalia ayay u shaqaynaysaa Somaliland ayay ka horjeeddaa” ayay ku tiri warsaxaafadeedka ay soo saartay.

Xildhibaan Fawziya ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in Midowga Afrika uu ka shaqeeya kaliya mideynta dalalka qaaradda Afrika iyo horumarinteeda.

“Waxaa ogaataan kursigaasi ma aha mid go’aanada noocaasi u yaallaan . Wuxuu ku shaqeeyaa amar kasoo baxa Shirka Madaxweynayaasha. Midda kale qodobada tartankuba waa midaynta Afrika oo dhan iyo horumarinteeda. Somali magaceeda iyo jiritaankeeda ayaan isu taagay” ayay mar kale tiri Xildhibaan Fawziya Yuusuf Xaaji Aadan.

Haweeneydan oo horay usoo noqotay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa haatan la kulantay cadaadis uga yimid madaxda sare ee dalka, kaas oo ku aadan inay ka tanaasusho kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika.

Ugu dambeyn Fowziya ayaa iska diiday inay ka tanaasusho kursigaasi, iyada oo sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ay si cad ugu yiraahdeen “iskaaga har tartanka, una tanaasul musharraxa Jabuuti ay wadato”.

Daawo: DF oo war culus ka soo saartay wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, ayada oo sheegtay inuu haatan ka billowday deegaanada Jubbaland, sida uu shaaciyay wasiirka amniga, Cabdullahi Ismaaciil Fartaag.

Wasiirka oo hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay dowladdu qaaday wajiga labaad ee dagaalka, uuna ka socd aagga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada Hoose.

Fartaag ayaa sheegay in ciidamada ay dhaq-dhaqaaqeen, kuna sii socdeen aagga degmada Badhaadhe oo hadda ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

“Wajiga labaad ayaa bilowday, Kismaayo ayuu ka socdaa Buulo Xaaji ayaa la marayaa, waxaana lagu socdaa Badhaadhe oo waxyar ayaa kasii dhiman” ayuu yiri Fartaag.

Sidoo kale wuxuu u jawaabay dadka eedeynaya dowladda federaalka, gaar ahaan wararka ku aadan in dib looga soo baxay deegaano badan, kadibna ay qabsadeen Al-Shabaab.

Cabdullahi Ismaaciil Fartaag ayaa xusay in wararkaasi ay yihiin waxba kama jiraan, wuxuuna sheegay in ciidamada huwanta ay kusii siqayaan deegaano horleh.

“Kuwa meelaha mar maraayo ee dhahayo meelihii laga kiciyay Khawaarijta waa kusoo noqdeen waa beenaalayaal weeye” ayuu kusii daray wasiirka amniga Soomaaliya.

Gobollada badan oo dalka ku yaalla waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana kamid ah HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Daawo: Arday imtixaanka maanta billowday ku galeysa xabsiga – Maxaa dhacay?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Deegaanada maamulka Somaliland maanta waxaa si rasmi ah uga billowday imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee deegaanada maamulkaasi, kaas oo uu daah-furay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Imtixaanka ayaa waxaa sanadkan ka qayb-galaya illaa 38489 Arday, kuwaas oo kala ah 15542 arday oo dugsiyada sare ah iyo 22947 arday oo dugsiyada hoose/dhexe ah, waxaana lagu gelayaa 129 goobood oo dalka oo dhan ah, sida ay shaacisay Somaliland.

Waxaa sidoo kale ardayda maanta u fariisatay imtixaanka kamid ah laba arday oo ku jira xabsiga wayn ee Gabiley, kuwaas oo xabsiga loogu geeyay imtixaanka, sida uu shaaciyay taliyaha xabsigaasi Khaalid Sheekh Xuseen Nuuriye oo la hadlay warbaahinta.

Taliyaha ayaa sheegay inay xiriir la sameeyeen guddiga waxbarashada, kadibna ay ka aqbaleen in labadaas arday imtixaanka loogu geeyo xabsiga, iyaga oo xiran.

“Imtixaanka shahaadiga ah ayaa maanta billowday saas daraadeed waxaan la xiriirnay guddoomiyaha waxbarashada Jaamac Raage oo runtii kal horana nagala shaqeeyay labadan maxabuus oo midna Wajaale ah, midna Hargeysa uu yahay waxbarashadoodana waa sii wataan oo maanta waxay u fariisteen imtixaanka” ayuu yiri taliyey xabsiga Gabiley.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay xaq u leeyihiin imtixaanka, uuna u ogolaanayo sharciga, iyaga oo fududeeyeen, sida sheegay taliye Khaalid.

“Xaq waa u leeyihiin inay xabsiga kusii dhex wataan waxbarashadooda, waayo waxaa na faraya sharciga annaga oo dabaqeysa shuruucda xabsiga” ayuu sii raaciyay.

Dhankiia guddoomiyaha waxbarashada gobolka Jaamac Raage oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in markii labaad ay tahay in arday xiran imtixaanka looga qaado xabsiga Gabiley, wuxuuna arrintaas si gaar ah ugu amaanay taliska ciidamada ee gacanta ku haya.

“Taliyaha Jeelka haysta ee Gabiley waa markii labaad ee uu suurageliyay inaan arday kaga qaadno imtixaanka iyaga oo xiran, labadan arday waa fasalka 8-aad” ayuu yiri Jaamac.

Si lamid ah imtixaanaadka shahaadiga ah waxay maanta uga bilowdeen koonfurta, kawaas oo ay u fariisteen in ka badan illaa 37 kun oo arday, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan xariga uu qoorta isaga xiray, inta uusan isku marjin, yaa ka furaya?

24 Juun 1812 ayuu Napoleon Bonaparte kala gudbay xuduuda wabiga Neman, ciidankiisa Grande Armée, si’uu usoo qabsado Ruushka oo ballamo uga baxay, uguna soo dhigo cashar Czar Alexander 1, boqorkii Ruushka.

Qaar kamida wasiiradiisi ayaa udigay oo kuyiri Ruushku waa dal ballaaran mana wada qabsan karno, balse Napoleon oo ahaa nooca insaanka u sameysan inuu mar walba isla saxsan yahay, wuxuu yiri guushu waaba ii muuqataa, Ruushna waa dad aan laheyn disibiliin.

Wuxuu doortay wakhtiga xagaaga si’uu caws ugu helo 150 kun faras ee ciidanku wattay, wuxuuna diyaarsaday qorshe uu ku dagaal gelinayo 450 kun oo ciidan ah iyo 150 kun oo kashaqeysa sahayda, wadartu waxay aheyd 650 kun ciidankii ugu ballaarnaa ee uu Napoleon dagaal geliyo dagaaladiisi loo yaqaanay Napoleonic wars.

Dhanka Ruushku roobabkii xagaaga ayaa sii burburiyay wadooyinki liitay oo dhiiqo noqday, kadibna waxaa hoos udhacay jaanqaadkii ciidanka iyo fardihii oo cunay cows uu cayayaan kujiray. Taasi waxay sababtay in ay dhintaan 10 kun oo faras iyo cuduro ciidanka dilay.


Reer baadiyihii Ruushka waxay gubeen wixii ay cows iyo raashin haysteen. Fardooleydii baadiyaha Ruushka loo yaqaanay Cossacks waxay maalintii kudhufo-kadhaqaaq kudili jireen 900 askari.

Calaa kulli xaal Napolean wuxuu islahaa ciidanka rasmiga ee Ruushku, magaalada Smolensk ee Moskow u jirta 100km ayay kugula dagaalami doonaan, mise magaaladii waa gubeen, waana u baneeyeen. 

Borodino oo ah duleedka Moskow, ayay dagaal adag kula galeen Ruushka, kadibna Moskow intii ay dab qabadsiiyeen, tuubooyinkii biyahana xireen, ayay uga baxeen. Halka Napoleon islahaa calan-cad iyo caleemo ayaa lagugu soo dhaweyn, magaalo gubaneysa oo hal nafar joogin ayuu qabsaday isaga iyo ciidankiisi oo ay kasoo hareen 100 kun askari.

Shan maalin markuu Moskow oo gubaneysa ku sugnaa, ayuu 19 October 1812 go’aansaday inuu dib isaga noqdo. Waxaa jidka u galay fardooleydii Cossacks, ciidankii Faransiiska ee bilowga ahaa 650 kun askari, waxaa la xusaa 25-kun ee kasoo badbaadday dagaalka Ruushka, in ay qaarna dhinteen, qaarna curyaanimo iyo cuduro la jiifeen muddo.

Napoleon jabkaas dib ugama soo kaban, Ruushkuna waxay noqotay qabriga xukunkiisa, kadibna waxaa loo tarxiilay jaziieradi Elba.

Hadda waxan la nool nahay dhacdadaas mid lamida oo waliba ka qaab iyo qorshe liidata. Dagaal u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh keligii iyo kooxda Alshabaab ee cadow ku ah Soomaali oo idil.

Wuxuu  xukunka qabsaday bilaa qorshe iyo aragti la’aan uusan wakhti u helin una heyn, loona abuurinba inuu wax nidaamsan la yimaado, waayo Madaxweynaha waxay xiiqdii iyo dacaskii kaga soo dhamaadeen mucaaradnimadii Marinaayo, ee Madaxweynihii hore Farmaajo oo dalka qarka usaaray dagaal sokeeye.

Waxaa uun safarkiisi 21 Juun 2022 laga warhelay kaambeyn dagaal, 10 cisho kadib caleemo saarkiisa isagoo Abu-Dabi la fadhiya Maxamed Bin Zayed iyo 2-3 July Ankara isagoo la jooga MW Erdogan oo haddana khudbo u akhrinaya ciidan-arday kujira xero Sparta kutaal, lacagna u qeybinaya! 

Waagaas Madaxweynuhu, sidii Profosoor jaamacad cashar ka akhrinaya wuxuu usheegayay Soomaalida iyo dunida labo kalmadood oo aad moodday inuu markaa bartay; xakameyn-iyo-hoos-udhigid argagaxisada (containment iyo degrading). Wuxuuna afka kasheegay inuu watto siyaasad kudhisan tirtirid, feker kala dagaalamid iyo cunaqabateyn dhaqaale.

Uma qorneyn mana haysan Madaxweynuhu wax kabaxsan micneynta kalmadahaas af-ingiriisiga ah oo ula muuqday casharadii uu kadhigi jiray jaamacaddii Simad. Majirin qorshe mideyn siyaasadeed, mid istiraatiji dagaal-ciidan, mid juquraafi, mid mukhaabaraad, mid taaktiik, mid howl-galeed ama kaambayn guud oo dalka, dariska iyo dibadda u dajisnaa, waa uun iska hadaafayay sida uu Mall-ka BBS ee Nairobi udhex hadaafayay oo kale.

Iska hadaafidaas ayaa lagula jalbooday, ciddii si macquula u dhaliishana jigraar iyo tuhun argagaxisnimo ayaa lagu shaabadaynayay. Waa dhaqan lamid ah midkii uu Madaxweyne Farmaajo iyo NN-tiisi dalka ku hayeen, cidii kaa feker duwan shaabadee, cayayaan kukici, dalgal ama safar udiid, dalka dhan kadhig dukaan-xaafadeed (corner shop) adigu leedahay oo dollarka carabta lagu sarifo.

Iyadoo qorshe-xumadu sidaa tahay, ayuu haddana Madaxweynuhu helay ciidamo 5000 si adag loogu soo tababaray Eriteria, Danab, Gorgor, Haramacad, Macawiisleey, dhowr kun oo loo kala diray Uganda, Masar iyo Eriteria.

Inkastoo sida magacyadu ay ugu egyihiin bahallo, aysan ciidamadaasi disibilin iyo kala danbeyn uga dhex jirin, loona sameyn, balse loo sameeyay in dadka lagu waabsado, baraha bulshadana lasoo dhigo iyagoo ku fiican sida loo dhaanteeyo ama heeso uun loo qaado.

Haddana, sidaas oo ay tahay, waxaa la qiyaasaa iskudhaf ciidan dhan 30-40 kun askari inuu Madaxweynuhu haystay, markaana Alshabab waxaa lagu qiyaasi jiray 7 kun. Alshabaab waxay go’aansadeen qorshe ah in aysan gelin dagaal fool-ka-fool ah, una dagaalamaan sidii Ruushku ula dagaalameen Napolean 1812, oo ah u firaaqee, gub meel walba, kadibna kudhufo-kana dhaqaaq. 

Xusuus dhow waa xasuuqii ka dhacay Cowsweyne, Masagawaa, Budbud, Wabxo, Galcad, Galhareri oo illaa hadda dadka laga qariyo. Ciidankii Gorgor ee ugu hubka iyo tababarka fiicnaa intoodi badneyd  waxay ku la’deen Cawsweyne, qaarna firxadkiisi Yurub ayay qaxootinimo isaga dhiibeen. Kuwii Ariteria-na waaba la xasuuqay.

Maanta sida ka muuqata video-yada dhoolatuska AS iyo warbixinada caalamiga ah iyo walwalka Pentagon, kooxda argagaxisada waa ka hub badan yihiin, waa ka tababar iyo tayo fiican yihiin, waana ka disibilin wacan yihiin sidii hore.

Su’aashu waxay tahay Madaxweyne XSM ma isagaa AS ku sameeyay (containment iyo degrading) mise isaga iyo Ciidankii Xoogga Dalka ayaa sidaas lagu sameeyay? Mise qorshuhuba sidaas ayuu ahaa oo uu rabay?

Madaxweynaha iyo kooxdiisa DJ (Dam-Jadiid) waxaas oo dhan dan kama laha, waxaana siyaasad, qorshe, diblomaasiyad oo dhan loo fahmay “loo joojin maayo”. Sidii qolodii hore NN, kalmadaas siday ugu hayeen ugu danbeyntii bohol kadhacay.

Wuxuuse qolodan danbe, uga sii liitaa markii uu ka adkaan waayay kuwii joogay dhulka dushiisa ee shiddada ku hayay dadka iyo duunyada, wuxuu udhacay lafihii marxuumiinta dhulka hoostiisa kujiray!. Waxaana walwal ba’an laga qabaa Soomaaliya in ay ka dilaacdo wixii Edinburgh-UK ka dilaacay sanadkii 1832 ee ay bilaabeen William Burke and William Hare, loona yaqaanay Burking, oo ah in lafaha dadka geeriyooda laga beecmushataro, xubnahoodana la iibsado, ganacsi-cusub 

Intaa waxaa dheer, in Madaxweynihii 2022 lahaa waxan AS kusoo afjareynaa 2 usbuuc, uu Oslo Forum 11 Juun 2024 kacadeeyay inuu isdhiibay, kana adkaan waayay AS oo uu diyaar uyahay maanta iyo barriba laxaajood AS, waliba sedexda dal (Qatar, Norway iyo Finland oo mashruucan watta) ka dalbaday in ay kasoo dhaadhiciyaan AS wada-hadlid!.

Arrintan oo jugweyn ku ah qof walba oo suud-siyaasadeed usoo toshay ka ceyshidda Soomaaliya, gaar ahaan labada koox DJ iyo NN iyo inta la halmaasha ee iyagu ka beecmushtarayay 15-kii sano lasoo dhaafay siyaasadda Soomaaliya ee kudhisan Petrodollar-ka Carabta. Waa yaabe, haddan Soomaali nahay manoo bidhaami weyday caqliyad aan labadan qolo aheyn?

Yurubiyaanku markii ay u taag-waayeen waalidii Napoleon oo ciidamadii Faransiiska ugu badnaa xasuuqay, waxay waalidiisa isaga soo xireen, kuna soo afjareen Jazeeradii uu 1821 kudhintay. Laakin dadka dunida jooga waxay u akhriyaan inuu ahaa halyeey taarikhda Dunida galay, xaqiiqduna waa inuu faashil ahaa, dunida dad badan xasuuqay sidii Hitler.

Inaga hadda yaan u duceynaa oo inaga qaban kara Dr. Madaxweyne Xasan Shiikh inta uusan isku ceejin xariga qoorta u suran ama aysan isaga kuceejin Soomaalida dhulka dushiisa saaran iyo kuwa dhulka hoostiisa kujira? Kadibna, markaan dowlad noqono oo yara weynaano waxan dunida u akhrineynaa inuu Dr. Madaxweyne Xasan Sheekh halyeey ahaa!.

Laakiin nasiib darro Soomaaliduna ilbax uma aha sida Yurubiyaanka, Dr. Xasan Sheekh istiraatijiiste uma aha sidii Napoleon, laakin waxaa hubaala inuu XSM u halaagay ciidamadii Soomaalida sidii Napoleon u halaagay ciidamadii Faransiiska. Madaxweynow, askari aabihii ka horreeyay ciidan ahaa oo aad qabrigii aabihii qodaneyso, sidee qori kuugu qaadayaa?

Ilaahay ha xifdiyo Soomaali, danahooda ha u tuso meel walba oo ay dunida ka joogaan.

W/Q: Luqmaan-Xakiim Xuseen
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Daawo: Macawiisleyda oo jab culus gaarsiisay Shabaab

0

Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ay howlgal culus ka sameeyeen degmada Ruun-nirgood iyo deegaanada hoos yimaada ee gobolkaasi.

Taliyaha ciidanka Macawiisleyda ee aggaasi Cabdi Taakow oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgalkooda, wuxuuna sheegay inay cagta mariyeen goobo iyo talisyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd halkaasi.

Cabdi Taakow ayaa xusay inay howlgalladan ku gaareen dhulka hawdka ah ee u dhexeeya deegaanka Daarunimca iyo degmada Ruun-nirgood, ayna isku fureen waddooyin xiran.

“Waxaan howlgal qorsheysan kusoo qaadnay howdka degmada Ruun-nirgood annaga oo kasoo dhaqaaqnay Daarunimca, hadda meesha aan taaganahay waa waddada isku xirta Ceel Bacad iyo Ruun-nirgood waxaana soo marnay deegaano badan” ayuu yiri taliyuhu.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Lix nin illaa sideed nin oo ka tirsan Khawaarijta ayaa ilaalisa koontaroolada ay meeshaan ku lahaayeen Al-Shabaab”.

Taliyaha Macawiisleyda degmada Ruun-nirgood oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in awoodda Al-Shabaab ee deegaanadaas ay aad u yartahay, wuxuuna tilmaamay inay sii wadi doonaan halgankooda, iyaga oo kaashanaya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Howdkan wax joogo oo laga cabsado ma joogaan, waxaan rabnaa inaan horkacno ciidanka Xoogga dalka” ayuu mar kale yiri taliye Cabdi Taakow.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo deegaanada u dhexeeya xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Soomaaliya oo ka jawaabtay go’aanka Midowga Afrika

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo jawaab ka bixisay tallaabada Ururka Midowga Afrika ayaa soo dhaweysay go’aanka Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee ururkaasi oo aqbalay codsiga Soomaaliya ee ku aadan bixista ATMIS iyo dhismaha ciidamada cusub ee beddelaya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika Danjire Cabdullahi Maxamed Warfaa ayaa ka warbixiyey aqbalaadda codsiga Soomaaliya iyo waxa uu ka dhigan yahay, isaga sheegay in go’aanada kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ay yihiin kuwa masiiri ah oo saameynaya Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay inay masiiri yihiin, isla markaana ay wax badan ka beddali doonaan nabadgelyada Soomaaliya, maadaama ay la wareegayaan ciidanka qaranka.

“Qaraarada kasoo baxay Midowga Afrika waa go’aano masiiri ah oo nabadgelyada Soomaaliya saameyn ku leh, wax badana ka beddalaya sida ay wax u socdeen, sidoo kalena abuuraya jawi cusub oo ka duwan sidii hore oo ay wax u socdeen” ayuu yiri Danjire Warfaa.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Afrika ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in la gaaray xilligii isku filnaashaha Soomaaliya, ayna amnigeeda ku filan yihiin ciidankeeda.

“Soomaaliya inta badan waxay aad ugu tiirsaneed ciidamadan baxayo, hase yeeshee waxaa la gaaray waqti ay Soomaaliya go’aankeeda qaadan karto oo ay rabto inay isku filnaato ciidamadeeda ay ku filnaadaan, ayna la wareegaan nabadgelyada dalka” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Sanadihii u dambeeyay waxaa socday wada-hadallo u dhexeeyay Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya, waxayna ku saabsanaayeen sida mas’uuliyadda waddanka loogu wareejin lahaa dowladda dhexe”.

ATMIS ayaa la filayaa inay dalka ka baxdo dhammaadka sanadkan 2024-ka, waxaana haatan si tartiib ah u socda qorshaha bixista ciidamada ku jira howlgalkaasi.

Dhinaca kale Midowga Afrika ayaa taageeray in la sameeyo howlgal cusub oo ururkooda hoostaga, maadaama howlgalka hadda socda ee ATMIS uu dhamaanayo bisha December ee sanadkaan 2024.

Midowga Afrika ayaa warbixinta ay soo saareen ku sheegay in howlgalka cusub ay diiradda ku saari doonaan taageeridda dowladda federaalka Soomaaliya, si dalka looga xoreeyo kooxaha argagixisada ah.

Howlgalka bilaabanaya ee ATMIS bedelaya ayaa mudnaanta lagu siinayaa ilaalinta rayidka Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale dowladda dhexe ka caawi doonaa xasilinta iyo amniga dalka, iyadoo awood la siinayo mudnaanta dowlad-dhiska, sida lagu sheegay warbixinta.

Fowziya iyo kursiga AU-da – Maxay tahay xaqiiqda?

Fowziya Yuusuf Xaaji Aden waa gabar karti badan oo xilal qiima badan ka soo qabatay dalkaan, waana ka soo dhalaali karta xil kasta oo ay qabato mid qaran iyo mid caalamiba. Kurisiga AU waa kursi muhiim ah oo dalka ay dano badani ugu jiraan, waana mudan yahay in loo tartamo, laakiin akhriste dalku wuxuu leeyahy hortabyo qofka ka muhiimsan kuwaas oo la rabo inay dowladda iyo dadkaba ay qimeyn karaan.

Waxaa baraha bulshada iyo shir jaraa’id oo Marwo Fowziya qabatay ka muuqday inay arrinkan shakhsiyadeynayaan siyaasiyiin la hubo inay runta iyo xogta dhabta ah ee arrinaan ay ogyihiin, laakiin dano siaasadeed oo tii naga dhaxesay ee ka dalka uga sokeeya iyaga ka dhex arkay.

Madaxda dalka waa aamninsan tahay inay u qalanto jagadaas ay hadda daba joogto ee Xoghayaha Guud ee AU xildhibaan Fowziya. Laakiin waxaa masakaxshiil iyo maanka oo si qarameysan loo gedgediyo u baahan inaan dhinacyo badan ka fiirinno fursafaha iyo caqabadaha ku gadaaman kuisgaan kuwee badan?

Jagada waxaa xogahaya guud ee African Union, waa jago muhiim oo siyaasadeed oo cid walba oo codkeeda ku siineysaa kaa sugeyso inay wax kaaga badalato ama aadan ku dhibeyn marka aad qabatid ama aysan idinka dhaxeyn colaad kale. 

Haddaba, ma jiraan caqabadda keeni kara inay kursiga naga hor joogsadaan marka aynu isu soo taagno kuwaas oo aan xuman ahayn laakiin dano daleed ah oo keeni kara inaan ku guuldarreysanno, kadibna ay nooga yimaadaan dhibatooyin waaweyn oo dalkeena jiritaankiisa saameya, in dalka lakala gooyo?

Haa waxaana ka mid ah:

Qodobka kowaad: Soomaaliya waxaa jooga ciidan ka kooban 12 dal oo Afrikaan ah oo taageera dowladda Somaliyeed taas oo ay waddamada qaar u arkaan inaadan ka noqon karin dhexdhexaad go’aanada qaar ama uu go’aankeennu uu noqdo mid jilicsan ama jihaysan oo janjeer leh. Taas waxay noo keeni kartaa inaan kuriska weyno oo waddamada nala tartamaya ay doodooda ku dhisaan qodoobkaas, codkana aan ku weyno.

Qodobka labaad: Waxaa qeybsamaya codadka dalalka Afrika, taasina ay hiil u noqoto inuu soo baxo qof annaga dhib nagu ah kaas oo la hubo inuu noqon doono qof saameyn ku dhex golaha, kadibna dhiirrigelin kara inuu wax ka badalo qodobka midnamadeenna ilaaliya hadda oo ah “In xuduudaha Afrika loo dhaafo sidii uu gumeysiga uga tagay.” Waxaana ka mid shakhsiyaadka qaba in Soomaaliya la kala gooyo oo musharraxa ruug caddaaga reer Kenya ee Raila Odinga oo ah tartame dalkiisa iyo isgaba ay cukus yihiin ah. Halkaan ka daawo isago leh Soomaaliya waa in la jaraa https://saxafimedia.com/raila-odinga-somaliland-quest-recognition/.

Qodobka seddexaad: Waxaan Afrika codsannay inay nagu taageeraan kursiga xubinimada aan joogtada ee golaha ammaanka kaas oo wax badan ka awood badan kan AU-da, waxayna siyeen dhamaan codadka AU. Ogow taas hadiyad Soomaali lala jeclaaday ma ahayn ee waxay ku timid dadaallo siyaasadeed oo isdaba texnaa, waxaana ka mid ahaa in wax na lookaga badasho oo aan ka harno kursigan AU, walow aan hadda kor lo sheegeyn.

Haddaba dadka maanta rabaa inaay arrinkaan ka dhigaan mid gabar iyo qof gaar ah loogu dan leeyahay waa doqonimo weyn oo u baahan in dib loo eego galalkooda taariikheed dadka ku doodaya arrimahan oo uu Fahad Yasiin ka mid yahay.

Ugu dambeyn dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed waa inaysan fududeysan inuu kursigaan yimaado ruux raba inuu Soomaaliya kala gooyo si awooddeeda daleed loo wiiqo.

Sidaas darteed, dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, siyaasiyiinta iyo dadka Soomaaliyed waa inay qaataan go’aan ay caadifadda ka maran tahay oo ay Soomaaliya ka tanasushaa kursiga AU codkeedana ku biirisaa musharraxa dalka aan walaalaha nahay ee Jibuuti oo mar waliba u taagan midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, waa wasiirkiisa arrimaha dibadda ee Djibouti muddo 15 sano ah Maxamud Cali Yuusuf.

Ogow Musharraxa reer Djibouti, waxaa uu heli karaa codadka Afrikaanka ku hadla luqadda Faransiiska oo tiradoodu badan tahay iyo kuwa ku jira Jamacadda Carabta, laakiin haddii ay Soomaaliya tartanto waxay kala qeybin kartaa codadkaas waxaana si fudud ku soo bixi kara Raila Odinga oo la hubo inaan maalin ka shallaay doonno haddaan caadifad ku shaqeyno oo aan xisaabta dhinac fiican manta la eegin.

Dowladda waxay sameysay dadaal aad u weyn sida ay Fowziya ku sheegtay shirkeeda:

1- Inay waraaqo u qirtay 50 dal oo Afrikaan ah, hal dal oo kaliya ayaa ku soo jawaabay inay codsigeenna texgelin doonaan.

2- Qiimeyn ay dowladda sameysay waxaa u soo baxday kursigii Golaha Amaanka ka dib inay xaalado badan is badaleen.

3- Tartan oo markii hore ay Kenya Raila soo sharraxatay ma jirin waddo ay Soomaaliya ku ogolaan kartay inay Raila taageerto, waxayna soo shaarxday Marwo Fowziya laakiin markii ay Jibuuto soo dhigtay Muasharaxeeda ayaa waxaa dowladda u soo baxday inay codadka kala jabi karaan oo uu Raila heli karo fursad uu ku soo baxo.

Marka dadaalkaas dheer ayey dowladd u gashay kursiga kadibna ay u aragtay inuu Soomaaliya danaheeda dhaawacayo.

Gabagabadii walaasheen Fawziya waxaan ka sugeynay inay tiraahdo waan u tanasulayaa dadkeyga iyo midnimada aan weligey u taagnaa waxaana la ololeynayaa walaakey Maxamud Cali Yusuf oo codadkeyga ku biirinayaa.

Sabatuna waa tan: Fowziya waxay noqon lahayd halyeeyad mustaqbal hogaamineed u soo istaagi karta dalkan waa qof qaadan kara go’aan kharaar waayo waxay leedahay taariikh mug weyn leh oo ay ka dhaxashay laba waddani oo ay guri kula noolaatay Gen. Abukar Aftooje iyo xurmadle Yuusuf Xaaji Allah ha u naxariistee oo maanta haddii ay joogi lahaayeen ku oran lahaa Fowziya ka joog waa siriq iyo booraan hadimo oo noo soo dhuman karta keenina karta waxaan u noleyn inay halkaas ka baxaan taas oo midnimadii aan u so halgannay.

W/Q: Cabdiraxmaan Gacal 
Muqdisho, Soomaaliya 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Qoor Qoor oo isku keenay beelihii dagaalamay + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta dagaal beeleedkii dhawaan ka dhacay waqooyiga gobolka Galgaduud, kaas oo dhaliyay dhimasho badan.

Qoor Qoor ayaa maanta hal goob isugu keenay labada beelood ee dagaalamay, wuxuuna ku qaabilay xarunta madaxtooyada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay odayaal, dhalinyaro iyo waxgarad ka socday beelahaasi, isaga oo kala hadlay arrimaha nabadeynta ee uu wado maamulkiisa.

“Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulammo kala duwan qasriga madaxtooyada kula qaatay odayaal, dhallinyaro iyo wax garad kasoo kala jeeda laba beel oo walaal ah oo dhawaan ku dagaallamay waqooyiga Gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada maamulka Galmudug.

Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay in kulankan uu billowday shirka dib u heshiisiin ah oo ay Galmudug u qabaneyso beelaha diriray, si xal loo kala dhex dhigo.

“Kulamada madaxweynaha ayaa horudhac u ah shirka nabadeynta labadan beel oo dhawaan ka furmi doona Dhuusamarreeb” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.

Dagaal beeleedka gobolka Galgaduud ayaa noqday midkii ugu khasaaraha badanaa, waxaana hal maalin ay beelahaan ay iska dileen in ka badan illaa 50 qof, halka ay iska dhaawaceen ku dhowaad 100 kale, kadib dagaallo ka dhacay waqooyiga Galgaduud.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa muddo dheer ka taagan colaad beeleedyo saameyn ku yeeshay nolosha shacabka, waxaana usii dheer dilal ay isku gaysanayaan beelaha.

Maxay ka dhigan tahay in imtixaanka DF lagu galo degmooyinkii la xoreeyay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadhaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo khudbad ka jeediyay kulan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo waxa ay ka dhigan tahay in imtixaanka qaran lagu galo degmooyinkii la xoreeyay.

Ugu horreyn wasiirka ayaa u jawaabay dad uu sheegay inay ka xun yihiin horumarada laga gaaray howlgallada xoreynta ee ka socda dalka, wuxuuna ku eedeeyay inay mar walbo niyad-jebinayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka, iyaga oo baraha bulshada ku faafinayo warar been abuur ah, sida uu hadalka u dhigay.

Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in dadkaasi oo uusan cararb baabin in ay ka xun yihiin horumarka maanta la gaaray, maadaama degmooyinkii la xoreeyay maantadan la geeyay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare, kaas oo qay qaadeyso dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa meesha ka saaray in inta badan dib loo qabsaday deegaanadii iyo degmooyinkii lagu xoreeyay wajigii koowaad ee ay dagaalka Al-Shabaab.

“Waxaan aragnaa baraha bulshada iyo meelaha doodaha ka furan yihiin deegaanadii la xoreeyay Al-Shabaab ayaa dib u wada qabsaday. Hadda oo idinla hadlayo Ceeldheer imtixaan gabdho iyo wiilal Soomaaliyeed oo tobanaan sano kahor ugu dambeysay ayaa ka socda, Aadan Yabaal 700 oo arday ayaa iyaguna imtixaanka ku jirto” ayuu yiri Jaamac.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Horumarka uu shacabka Soomaaliyeed gaaraayo maxaa looga xanuunsanaa? maxaa loo jecelyahay in cadowga uu ina qabsado?”.

Wasiirka gaashaandigga oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale boggaadiyay ciidanka qaranka iyo kuwa deegaanka ee Al-Shabaab la diriraya, wuxuuna ku amaanay halganka ay ugu jiraan xoreynta dalka.

“Maanta furimaha dagaalka wiilal iyo gabdho ayaa ku ciiday oo ilmahooda iyo waalidiintooda ka fogaaday”. ayuu mar kale yiri wasiirka gaadhaandhigga.

Waxaa kale oo uu kusii daray  “Shacabka Soomaaliyeed wuu dhaqaaqay, tareenkiisana wuu dhaqaaqay ciddiika hartay nasiibkeed, horay ayaan usoconeynaa Shabaab ayaa dhameyneynaa”.