25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Ardeydii ugu badnayd oo u fariisatay imtixaanaadka dugsiyada sare + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo gobollada dalka waxaa maanta ka furmay imtixaanaadka shahaadiga ah ee dusiga sare, kaas oo ay sanadkii 10-aad qaadeyso wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare.

Sanadkan waxaa imtixaanka ka qayb-galaya arday ka badan 37 kun, sida uu shaaciyay wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Wasiirka oo ka hadlay furitaanka imtixaankan ayaa sheegay in ay gaarsiiyeen magaalooyin cusub iyo deegaano laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

“Wax badan ayaa sanadkan lagu soo kordhiyay imtixaanka tirada ka qayb-galayaasha waxay gaartay 37038 arday, tirada xarumaha waa 136 goobood, tirada dugsiyada ka qayb-galaya 736 dugsi, tirada shaqaalaha kormeerayo 2,870 ah iyo tirada ciidanka booliska ee ka howlgalaya oo ah 2176 askari” ayuu yiri wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in imtixaanka uu sanadkan ka duwan yahay sanadihii hore, ayna ku dadaaleen dhanka tayada iyo ilaalintiisa.

“Lixdii bilood ee lasoo dhaafay waxaa aad looga shaqeeyay inuu imtixaanka ka duwanaado imtixaanadii hore dhanka tayada iyo dhanka gaarsiinta” ayuu sii raaciyay wasiirku.

Dhankiisara’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo imtixaanaadkan ka daah-furay Muqdisho ayaa farriin guud u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna yiri  “Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa inay imtixtaanka qayb ka noqdaan oo ay kala shaqeeyaan wasaaradda”.

Waxaa kale oo ra’iisul wasaaruhu boggaadiyay in sanadkan imtixaanka lagu galaayo degmooyinkii u dambeeyay ee laga xoreeyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

“”Goobo badan oo xagga amniga sanadihii hore aan imtixaanka laga gelin ayay hadda suurtagal noqotay in imtixaanka la geeyo” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaruhu.

Dhinaca kale magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle waxaa 33 sano kadib maanta looga fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaadeyso dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana imtixaanka u fariistay illaa 1,154 arday oo wiilal iyo gabdho isugu jira.

Ku dhowaad 100 tahriibe oo laga soo badbaadiyay badda Atlaantiga

Canary (Caasimada Online) – Markab nooca dalxiiska ah ayaa badbaadiyay illaa 68 qof oo tahriibayaal ah, kuwaas oo dooni ay la socdeen laga helay meel u dhaw jasiiradda Canary.
Markabka ayaa sidoo kale helay meydadka shan qof oo ka mid ahaa muhaajiriinta, sida ay sheegtay Wakaaladda Howlaha Badbaadinta Badda ee Dalka Spain, markab kuwa shidaalka qaada ah oo ka soo socdaalay waqooyi-galbeed ee Spain, kuna sii jeeday Brazil ayaa arkay Arbacadii la soo dhaafay doonidan muhaajiriinta ay saaraayeen oo dul sabeeneysa badda Atlaantigga.

Doonta ayaa mareysay meel qiyaastii 815 kiiloomitir u jirta koonfurta Jaziiradda Tenerife, oo ka mid ah todobada jasiiradood ee Jasiiradaha la isuku yirahdo Canaries, ka dibna ku wargeliyay Markabka dalxiis.

Maamulka Isbaanishka ayaa u weeciyay markabka dalxiiska ee Insignia, dhinaca Jaziiradaas si uu u badbaadiyo muhaajiriinta.

Shaqaalaha markabka Insignia ayaa sidoo kale soo saaray saddex ka mid ah shantii meyd ee saarnaa doonida kalluumeysiga, iyagoo ka soo tagay meydadka labada qof ee kale sababo dhinaca cimilada oo xumeyd la xiriira.

Doonta ay saaraayeen Muhaajiriinta ayaa aheyd nooca loo yaqaanno Pirogues oo ay isticmaalaan kalluumaysatada dalalka Mauritania iyo Senegal.

DF oo awood ciidan ku hor istaagtay ciidamada Itoobiya oo xoog ku soo galay dalka

0

Matabaan (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliya ee ku sugan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa maanta is hortaagay ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay gudaha Soomaaliya.

Ciidankaas oo wata gaadiid dagaal ayaa Soomaaliya ka soo galay dhanka deegaanka Feerfeer ee gobolka Hiiraan, waxaana lagu guuleystay in Matabaan lagu hakiyo.

Ciidanka Booliska Soomaaliya ee ku sugan Matabaan ayaa maanta hor istaagay ciidanka Itoobiya oo u socday dhanka Galmudug, gaar ahaan Dhuusamareeb.

Saraakiisha hoggaamineysa booliska hor istaagay ciidankaas ayaa Caasimada Online u sheegay inay ciidamada Itoobiyaanka ah weydiiyeen sababta ay u soo galeen dalka iyo hadii uu jiro ogolaansho ay ka heystaan madaxda qaranka.

Saraakiisha ciidamada Itoobiya ayaa sheegi diiday halka ay u socdaan iyo qorshaha ay wataan, sidoo kale waxay ku guul dareysteen inay keenaan ogolaansho ay ka heystaan madaxda dalka Soomaaliya.

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa difaac ka xirtay koontoroolka laga soo galo degmada Matabaan, waxayna u diideen ciidamada Itoobiya inay ka gudbaan halkaas.

Muran iyo isku day dheer kadib, ciidamada Itoobiya ayaa dib uga laabtay Matabaan, ma dhicin wax gacan ka hadal ah, balse dadka deegaanka ayaa noo sheegay in ciidamadu ay ku sigteen inay isku dhacaan.

Ma cadda qorshaha ciidamada Itoobiya ay u soo galeen Soomaaliya, xilli dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in guud ahaan ciidamada Itoobiya dalka laga saaro bisha 12-aad ee sanadkaan.

Howlgalka cusub ee ATMIS bedelaya oo lagu dhowaaqay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa taageeray in la sameeyo howlgal cusub oo Midowga Afrika uu hoggaamiyo, maadaama howlgalka hadda socda ee ATMIS uu dhamaanayo bisha December ee sanadkaan 2024.

Midowga Afrika ayaa warbixinta ay soo saareen ku sheegay in howlgalka cusub ay diiradda ku saari doonaan taageeridda dowladda federaalka Soomaaliya, si dalka looga xoreeyo kooxaha argagixisada ah.

Howlgalka bilaabanaya ee ATMIS bedelaya ayaa mudnaanta lagu siinayaa ilaalinta rayidka Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin.

Howlgalka cusub ayaa Soomaaliya ka caawi doona xasilinta iyo amniga dalka, iyadoo awood la siinayo mudnaanta dowlad-dhiska, sida lagu sheegay warbixinta.

Dhanka kale, Midowga Afrika waxay si adag u taageereen codsigii ka yimid Soomaaliya ee 16-kii May 2024 iyo 17-kii May 2024, kaas oo ahaa in qaab weji leh loo wajaho Wajiga 3-aad ee howlgalka Midowga Afrika.

Sanadkaan waxaa Soomaaliya ka baxaya 4,000 oo askari oo ciidamada ATMIS ka tirsan, kuwaas oo 2,000 oo askari ay baxayaan dhamaadka bisha June 2024, halka 2,000 oo kale ay baxayaan dhamaadka Sebtembar 2024.

Qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ah in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan dalka bisha December ee sanadkaan, in kastoo aan la ogeyn sida uu u dhaqan geli doono go’aankaas.

Arrintan ayaa meesha ka saaraysa cabsi laga qabay in kadib bixitaanka ATMIS oo dhammaadka sannadkan loo qabtay uu yimaado firaaq amni oo fursad siin kara argagaxisada.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu ammaanay dadaalka ay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xukuumaddiisa ku bixinayaan dhinacyada kala duwan ee hawlaha dawlad-dhiska Soomaaliya, iyadoo saaxiibada caalamkana loogu baaqay in ay joogteeyaan taageerada ay ku bixinayaan ka miro-dhalinta dadaalladan.

Waxyaabaha lagu ammaanay dawladda Soomaaliya waxa lagu sheegay inay ka mid yihiin horumarrada laga gaaray qorshayaasha amniga, joogteynta shirarka Golaha Wada-tashiga Qaran, la-dagaalanka argagaxisada iyo weliba u-diyaar-garowga la-wareegista amniga dalka, kadib marka ay baxaan ciidamada ATMIS.

Hoos ka akhriso warbixinta

Xalane mise Villada: Xagee ayuu Xasan ku qaabilay safiirka Mareykanka? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Mareykanku u soo magacowday Soomaaliya Mudane Richard H. Riley.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, munaasabad kooban oo ka dhacday xeyndaabka sida weyn loo ilaaliyo ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Xalane ayaa danjiraha looga guddoomay warqadaha, halkaasi oo diblomaasiyiinta Mareykanka loo oggoleyn inay bannaanka uga baxaan.

Danjiraha cusub ee Mareykanka ayaa madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday madaxweynaha dowladda Mareykanka Mudane Joe Biden.

Sidoo kale wuxuu uga mahad-celiyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay qorshihiisa xoojinta xiriirka diblomaasoyadeed iyo wax wada qabsiga labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyey Danjire Richard H. Riley mas’uuliyaddiisa cusub, isaga oo la wadaagay in dowladda gederaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Michael E. Langley, ayaa kala hadlay xoojinta iskaashiga amniga, dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada iyo xasilloonida gobolka.

Mareykanka ayaa sanadihii ugu dambeeyey ahmiyad gaar ah siinayey Soomaaliya, ayada oo 2-dii October 2019 dib loo furay safaaradda Muqdisho oo xirneyd ku dhowaad 30 sano, wuxuuna qeyb ka yahay dagaalka Al-Shabaab, inkasta oo muddooyinkii u dambeeyay ay hakiyeen howl-galadii dhanka duqeymaha ah ee ka dhanka ahaa argagixisada.







Kadib cadaadiska la saaray Fowsiya, yaa jaanis u helaya kursiga Midowga Afrika?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa shalay shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Muqdisho ku sheegtay in ay wejahayso cadaadis dhanka madaxda sare ee Soomaaliya ah oo ku aaddan doonisteedii in ay u tartanto kursiga ugu sarreeya Midowga Afrika.

Yaa jaanis helaya cadaadiskaas darted?

Kulankii 44-aad ee Golaha Midowga Afrika ee ka dhacay sanadkaan magaalada xarunta Midowga Africa ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in hoggaanka xiga ee Midowga Afrika uu ka iman doono wadamada dhaca bariga Africa.

Fawsiya inkasta oo sheegtay in aanay tanaasulayn, haddana way adkaan doontaa helitaanka kursigaas haddii aanay madaxda dawladda federaalku tartankaas taageeradeeda qayb ka qaadan.

Hoggaayimaha mudada dheer ee mucaaradka ah ee Kenya Raila Odinga ayaa shaaciyay in uu u tartamayo xilka guddoomiyenimada Midowga Afrika kal hore.

Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ayaa isaguna haysta jaanis fiican oo ku qaban karo xilkaas, maadaama uu yahay musharraxa Jabbuuti booskaas ugu tartami doona.

Hoggaanka haddeer xilka hayana waxaa la doortay 2021 muddo xileedkiisana waxuu ku egyahay 2025 bisha Febraayo, oo markaas xilka uu wareejin doono doorashada kadib.

Haatan waxaa xilka guddoonka Midowga Afrika haya Moussa Faki, oo ka soo jeeda dalka Chad, kaasi oo ay u dhammaaneyso muddo-xileedkiisii labaad. Muddo-xileedka kursigan ayaa ah 2025-2028.

Sidee ayay dowladuhu usoo xulaan musharraxa kursigan, qaabkee ayaana loo doortaa?

Dhammaan musharraxiinta daneynaya inay xilka guddoomiyenimada Midowga Afrika kala wareegaan Faki, ayaa laga doonayaa inay soo gudbiyaan CV-gooda iyo qoraal kooban oo ay ku sharraxayaan sida ay wax uga qaban karaan arrimaha ugu badan ee walaaca ku haya AU.

Musharraxiinta ayaa laga doonayaa inay kasoo baxaan shuruudda waxbarasho ee Midowga Afrika uu go’aamiyay sida in shahaadada sare ay ka heystaan cilmiga sharciga, xiriirka caalamiga ah, dhaqaalaha, diblomaasiyadda, maamulka, maamulka ganacsiga, sayniska siyaasadda, sayniska bulshada iyo wixii la mid ah.

Fowsiya ayaa BBC u sheegtay in dowladaha laga doonayo inay keenaan qof u qalma oo maamuli kara 55 dowladood oo Afrikaan ah.

Marka ay musharraxiinta soo gudbiyaan araajidooda, Midowga Afrika ayaa eegi doona iyadoo guddi loo saaray uu kala xulan doono musharraxiinta ugu mudan ee isugu soo haraya tartanka xilkan.

Musharraxiinta isku soo hara ayaa loo qaadaa cod qarsoodi ah.

Si musharraxu u guuleysto, waa inuu helaa labo meelood saddex codadka xubnaha guddiga ee madasha jooga isla markaana u qalma inay codeeyaan.

Haddii musharraxna uu helo waayo aqlabiyadda loo baahan yahay wareegga hore, wareegyo kale oo codbixin ayaa la qabanayaa.

Madaxa AU ayaa la doortaa afartii sanoba mar, hal jeer ayaana mar kale la dooran karaa qofkii hore u hayay. Ninka haatan xilka haya ayaa kasoo jeeda dalka Chad oo Bartamaha Afrika ku yaalla, waxaana jirta dood ah in hoggaamiyaha xiga laga soo xusho Bariga Afrika.

Isha: BBC

Kiiska Ikraan Tahliil – Maxaa xiga laba sano kadib markii Xasan uu kursiga ku fuulay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Shan eedood oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku ololeeyay doorashadii ugu dambeysay ee 2022 waxaa ku jiray kiiska Ikraan Tahliil Faarax, madaxii hore ee waaxda internet-ka ee hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee NISA.

Gabadhan ayaa lagala baxay gurigeeda 26-kii June 2021. Qoyskeedu waxay kal hore dacwad ku oogeen xubno ay kamid ahaayeen taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Cabdullaahi Kulane, madaxii hore ee shaqada iyo shaqaalaha ee hay’adda NISA oo haddana ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa kursiga waa ku fuuleen Ikraan, laakiin Hooyadeed Qaali Guhaad waxay dhawaan sheegtay in aan illaa hadda lagala hadal mowduuca gabadheeda, madaxda xukunka haysatana aanay fulin wixii ay ballan-qaadeen markii lagu jiray ololaha doorashada oo aheyd inay kiiska Ikraan cadaaladda horgeyn doonaa.

Mowduuca Ikraan Tahliil waa ballan-qaad weyn oo Xasan Sheekh u sheegay umadda Soomaaliyeed, laakiin laba sano iyo hal bil kadib madaxweynaha arrintaan ma furin, haddana saan-saanteeda lama sheegin oo haddii ay wax socdaan qoyska Ikraan ayaa laga garan lahaa.

Gabadha dhalinyaradda aheyd ee qarankeeda u adeegaysay ee maqan mowduuceeda kuma dhamaan karo inuu ahaa olole doorasho. Waxaana madaxweyne Xasan Sheekh hortaalla inuu umadda uga jawaabo sababta uu kiiskaas hoos ugu dhigay, maadaama uu ahaa mid kamid ah waxyaabihii uu sida weyn ugu eedeyn jiray nidaamkii hore ee madaxweyne Farmaajo.

Qoyska Ikraan Tahliil Faarax, saaxiibadeed iyo Soomaalida dulmi diidka ahba waxay maanta sawiranayaan in dhiigga gabadha dhalinyaradda ah uu dadka qaar ka ahaa jaranjaro xukun lagu gaari karo, waxaana in laga sii aamusnaado dhalin kartaa in mardambe aan la aaminin eedaha iyo ballamaha madaxda Soomaalida.

Muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ka dhiman hal sano iyo 11 billood, dadka Soomaaliyeed waxay isweydiinayaan inta aan doorashada kale la gaarin Ikraan Tahliil iyo qoyskeedu cadaalad ma heli karaan oo madaxweyne Xasan Sheekh ma fulin doonaa ballantii cadaaladeed ee uu horey u qaaday ee la xiriirtay kiiska Ikraan Tahliil.

DF oo war ka soo saartay eedeynta xildhibaannadii lagu dhibaateeyay Nairobi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in lagu dhibaateeyay magaalada Nairobi.

Xildhibaanada ayaa sheegay in askarta loo yaqaanno ‘dharcadka’ ay gaari ku qaateen iyaga oo looga digay in ay ku guda jiraan arrimo ka dhan ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay inay ka xun tahay in laba kamid ah xubnaha baarlamanka federaalka Soomaaliya ay soo wajahday xaalad ay sheegeen in amnigooda wax loogu dhimayey oo ku qabsadey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sidoo kale waxay si xooggan u beenisay wararka Xildhibaanadaasi ay baraha bulshada ku baahiyeeen ee ay dhacdadaasi ugu xiriirinayaan dowladda federaalka Soomaaliya.

“Dowladda federaalka ee Soomaaliya waxay u taagan tahay ka shaqaynta iyo dhiirigelinta xoriyadda hadalka, fekarka iyo siyaasadda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dastuuriga ah, meel kasta oo ay joogaan,” ayaa lagu yiri bayaankan oo ay baahisay warbaahinta dowladda.

Dowladda ayaa xubnahaasi kula talisay inay la xiriiraan laamaha ammaanka ee Kenya, si loo bayaamiyo sida ay wax u dhaceen, maadaama ay waajib ka saaran tahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo martida dalkooda ku sugan.

“Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan oo ku saleysan derisnimo wanaag iyo is qaddarin, waxaana xubnaha baarlamanka Soomaaliya ee dhacdadaasi ay soo wajahdey la gudboon inay la xiriiraan laamaha amaanka ee Kenya oo waajib ka saaran yahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo martida dalkooda ku sugan si loo bayaamiyo sida ay wax u dhaceen.”

Axmed Kooshin iyo Xasan Cabdinoor oo ah labada xildhibaan ee mudada kooban xorriyada looga qaaday Nairobi ayaa waxay sheegeen in raggani ay ahaayeen kuwo ku socday sifo qaldan oo aaney dowladda Kenya wax ka ogeyn balse lasoo adeegsaday, ayna dhacdadan kula laabanayaan dowladda Soomaaliya, taasi oo ay maanta beenisay dowladda.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale waxay sheegeen in aysan isku ogeyn wax cad ama dambiya marka laga soo tago waxyaabo ay sheegeen inay ku dhaliilsan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya.

Dadka ku dhintay XAJKA oo kor u dhaafay 1,000 – Imisa ayaa ka timid Soomaaliya?

0

Makka (Caasimada Online) – Tirada dadka ku dhintay xajka sanadkan ayaa kor u dhaaftay 1,000 qof, ayada in ka badan kala bar ay yihiin dad aan diiwaan-gashanayn oo aan wadan ruqsadii Xajka.

Dhimashada cusub ee la soo sheegay waxaa ka mid ah 658 qof oo ka soo jeeda Masar, sida uu sheegay diblomaasi Carab ah, kaasi oo sheegay in 658 Masaari ah oo dhintay, ay 630 ka mid ah ay ahaayeen xujaaj aan diiwaangashanayn.

Dadka guud ahaan ku dhintey sannadkan Xajka ayaa ka soo kala jeeda 10 waddan. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 6 kamid ah Xujeyda Soomaalidu ay sannadkan xajka ku dhinteen.

Tirakoobku ayaa lagu ogaadey hadallo rasmi ah ama diblamaasiyiin ka shaqaynayay jawaabaha dalalkooda.

Xajka, sannadkan ayaa mar kale ku soo beegmey xilli uu kulayl daran ka jiro Sacuudiga.

Xarunta qaran ee saadaasha hawada ayaa sheegtay in kuleylku ka kor mari doono 51.8 cabirka kuleylka toddobaadkan masaajidka weyn ee Mecca.

Sannad kasta tobanaan kun oo xujey ah ayaa isku daya inay xajka ku gutaan iyagoon diiwangashaneyn, maadaama aanay awoodin inay iska bixiyaan ruqsadaha rasmiga.

Maamulka Sacuudiga ayaa sheegay in boqolaal kun oo xujey ah oo aan diiwaangashaneyn ay ka nadiifiyeen magaalada Makka bishan, laakiin waxay u muuqataa in qaar badan ay wali ka qeyb qaateen cibaado Xajka oo soo bilaabatey jimcihii lasoo dhaafay.

Xizbullah oo ku dhowaaqday arrin cabsi gelisay Israel

Beirut (Caasimada Online) – Xizbullah ayaa ku hanjabtay in meel ka mid ah Israel aysan ka badbaadi doonin dagaal, kadib markii Israel ay sheegtay in ay ansixisay qorshe duullaan loogu qaadayo Lubnaan, taasi oo kicisay cabsida laga qabo in dagaalka Gaza uu fido.

Madaxa Xizbullah Sheekh Hassan Nasrallah ayaa khudbad laga baahiyey taleefishinka ku yiri “meel Israel ka mid ah kama badbaadi doonto gantaalladeena.”

Nasrallah, oo kooxdiisa awoodda badan ee Iran ay taageerto ay si maalinle leh gantaallo isku weydaarsanayeen Israel tan iyo weerarkii ay Xamas ku qaaday Israeli 7-dii October, ayaa sidoo kale u hanjabay Jasiiradda u dhow ee Qubrus haddii ay garoomadeeda diyaaradaha ama saldhigyadeeda u ogolaato in Israel “ay ka beegsato Lubnaan.”

Jasiiraddan ayaa hoy u ah laba saldhig Militari oo British ah, oo uu ku jiro saldhig ciidamada cirka ah, balse waxay ku yaallaan dhul madax-banaan oo British ah oo aysan maamulin dowladda Qubrus.

Madaxweynaha Qubrus Nikos Christodoulides ayaa beeniyay ku lug lahaanshaha dalkiisa ee dagaalka, wuxuuna sheegay in Qubrus ay “qayb ka tahay xalka”, isaga oo tilmaamay doorka ay ku leedahay marinka bini’aadannimo ee dhanka badda ee Gaza “oo ay aqoonsan yihiin dhammaan beesha caalamka”.

Cabsida laga qabo in Israel ay dagaal buuxa ku qaadi karto Lubnaan ayaa sare u kacday ayada oo militariga Israel ay Talaadadii ku dhowaaqeen “qorshe howleedka duulaan loogu qaadayo Lubnaan waa la ansixiyey lana sharciyeeyey.”

Arbacadii, Israel ayaa sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay garaaceen goobo Xizbullah ay ku leedahay koonfurta Lubnaan xilli habeen ah, halka ay sidoo kale werisay in diyaarado aan duuliye la socon ay ciidamadeeda ku beegsadeen magaalada xuduudda ku taalla ee Metula, weerarkaas oo ay sheegatay Xizbullah.

Xizbullah ayaa dhanka kale ku dhowaaqday geerida afar ka mid ah dagaal-yahanadeeda.

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Lubnaan ayaa sheegtay in Israel ay duqeysay dhowr goob oo ka tirsan koonfurta Lubnaan Arbacadii, oo ay ku jirto xaafadda ku taalla xuduudda ee Khiam.

Xizbullah ayaa dhankeedana sheegtay in ay “dhowr gantaal oo Katyusha ah iyo madafaiic kale” ku garaaceen deegaanka Kiryat Shmona ee waqooyiga Israel, si ay uga aargutaan weerarka lagu soo qaaday.

Maalin ka hor, kooxda islaamiga ah ayaa soo bandhigtay muuqaal sagaal daqiiqo ka badan oo hawada sare laga duubay oo muujinaya waqooyiga Israel, oo ay ku jiraan wax ay ku sheegeen inay yihiin goobo militari, difaac iyo tamar oo xasaasi ah oo ka tirsan magaalada dekadda leh ee Haifa ee Israel.

FAHAD oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan kadib arrin soo korortay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa si adag uga hadlay go’aanka uu madaxweyne Xasan Sheekh ka qaatay musharaxnimada Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo sheegtay inuu madaxweynaha uga hiiliyay musharax ay wadato Jabuuti.

Fahad ayaa arrintaan si weyn ugu weeraray madaxweyne Xasan Sheekh, isaggoo sheegay in nin ahlu qubuur u diir nixi waayey uusan u danqaneynin Fowsiya, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne Xasan Sheekh muddo xileedkiisaan labaad, waa markii labaad oo uu dal shisheeye uga hiiliyey gabdho Soomaaliyeed. Ileen waxaa jirtay, in mudo xileedkiisii hore uu sidaan oo kale falay, oo uu dal shisheeye uga hiiliyey gabar Soomaaliyeed. Marka ceebtiisa maahee waa caadadiis,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

Fowsiya oo shalay qabatay shir jaraa’id ayaa caddeysay in aanay ka tanaasuleyn musharaxnimada kursiga guddoomiyaha ururka Midowga Afrika, iyada oo sheegtay in madaxweyne Xasan iyo ra’iisul wasaare Xamza ay si cad ugu yiraahdeen “iskaga tartanka, una tanaasul musharaxa Jabuuti ay wadato”.

Hoos ka aqriso qoraalka Fahad

CEEBTIIS MA AHAN EE WAA CAADADIIS

Waxaan goor dhaweyd daawaday khudbadii Walaasheen Wasiir Fawsiyo Yuusuf Xaaji.

𝙆𝙤𝙤𝙬: Waligay garnaqsi ka culus oo ka degan maanan arag.

𝙇𝙖𝙗𝙤: Madaxweyne Xasan Sheekh muddo xileedkiisaan labaad, waa markii labaad oo uu dal shisheeye uga hiiliyey gabdho Soomaaliyeed. Ileen waxaa jirtay, in mudo xileedkiisii hore uu sidaan oo kale falay, oo uu dal shisheeye uga hiiliyey gabar Soomaaliyeed. Marka ceebtiisa maahee waa caadadiis.

𝙎𝙖𝙙𝙙𝙚𝙭: Ahlul Qubuur qof u diir nixi waayey oo soo faagay walluusan u danqaneynin Inanta Halgamaa Yuusuf Xaaji Aadan iyo Xaaska Jeneraal Aftooje.

𝘼𝙛𝙖𝙧: Khaladka ugu weyn ee ay Fawsiyo nafteeda ka gashay waa ineysan Xasan Sheekh fahamsiinin fursadaha dhaqaale iyo qandaraas oo ay usoo dhicin karto hadduu kursigaas la raadiyo. Haday taas fahamsiin lahayd Ciil walaal dhag jalaq uma siiyeen. Macal Asaf.

Villa Somalia oo beenisay warbixintii xasaasiga aheyd ee wakaalada wararka Reuters

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay warbixintii shalay soo baxday ee lagu sheegay in ay dooneyso in ay tartiibiso qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS ee jooga Soomaaliya. 

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in dowladda Soomaaliya ay warqad ay bishii hore u dirtay ku-simaha guddoomiyaha golaha nabadda iyo ammaanka Midowga Afrika ay kaga codsatay in illaa bisha September dib loo dhigo bixitaanka bar ka mid ah 4,000 oo askari oo lagu waday inay baxaan dhammaadka bishan June.    

Si kastaba La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin ayaa sheegay in wax-ka-bedelka jadwalka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta inay tahay mid farsamo, isaga oo ka badbadin ku tilmaamay in qorshahan la xiriiro cabsi laga qabo dib usoo kaca Al-Shabaab. 

Waxa uu ku tilmaamay qorshaha in uu yahay mid looga fogaanayo faaruq farsamo xilliga kala-guurka. 

Midowga Yurub iyo Mareykanka, oo ah labada maal-geliye ee uga sarreeyaa ee ciidamada ATMIS, ayaa lagu warramay in ay doonayaan in la dhimo tirada nabad-ilaaliyaasha sababo la xiriira walaacyo laga qabo maal-gelintooda mustaqbalka, sida ay sheegeen afar ilo-wareed diblomaasi iyo sarkaal Ugandan ah.  

Wada-hadallada ku saabsan ciidamada cusub ayaa noqday kuwa adag, ayada oo Midowga Afrika uu doonayey sharciyad ka xoog badan kan ay Soomaaliya ogoshahay, sida ay sheegeen ilo-wareedyo. 

Sidoo kale, khilaaf ayaa hoggaamin kara in ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ah howlgalka ay dalka ka baxaan. 

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in uusan jirin jadwal go’an oo ku aadan soo geba-gebeynta wada-hadallada, balse dhammaan dhinacyada ay ka go’an tahay in ay gaaran heshiis caawin kara in lagu guuleysto nabad iyo amni.

“Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay hoos u dhigista dhimista si looga hortago firaaq kasta oo amni,” ayuu u sheegay Reuters. 

Xildhibaanadii Soomaaliyeed ee laga kaxeystay hoteel ku yaalla Nairobi oo xog bixiyey

Nairobi (Caasimada Online) – Laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay sheegay in muddo kooban xorriyadda looga qaaday gudaha magaalada Nairobi oo ay sheegeen inay u joogaan fasax.

Xildhibaanada ayaa sheegay in askarta loo yaqaanno ‘dharcadka’ ay gaari ku qaateen iyaga oo looga digay in ay ku guda jiraan arrimo ka dhan ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin, iyo Xildhibaan Xasan Cabdinoor oo ah labada xildhibaan ee mudada kooban xorriyada laga qaaday ayaa ka warbixiyay sidii ay wax u dheceen.

“Anaga oo shah ka cabaneyna mid kamida hoteellada ku yaalla Nairobi gaar ahaan aagga Kilimani, ayaan go’aansannay in aan aadno hoteel kale oo aan Meesha ka fogeyn kadibna waxaa naga daba yimid gaari aan u aragnay in uu yahay mid ilaalo naga hayay wuuna nagu hor jaray,” ayuu yiri xildhibaan Axmed Kooshin.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Gaariga waxaa saarnaa shan nin mid kamid ah wuu degay wuuna tegey, waxaa ku haray gudaha hal qof oo maaski xiran saddexna wey soo degeen oo su’aalo ayey ina weydiiyeen ay kamid tahay sharciyadeenna.”

Intaa kadib xildhibaannadu waxa ay sheegeen in ay tuseen kaararka aqoonsi ee baarlamaanka Soomaaliya balse ay diideen raggii qabsaday iyaga oo sheegay in aysan wadan baasaboorradii ay dalka kusoo galeen balse ragga xildhibaannada gacanta ku dhigay ayaa diiday in iyaguna ay aqoonsiyadooda tusaan xildhibaannada.

Xildhibaannada ayaa intaa kadib loo sheegay in la geyn doono saldhigga ciidan ee ugu dhow sida ay sheegeen. Waxa ay sheegeen in uu la socday xildhibaan Cali Mahdi Qalato oo isna kamid ah xildhibaannadda Soomaaliya balse isaga lasii daayay.

“Xildhibaan Qalato ma aysan garaneyn in uu xildhibaan yahay sidaas ayey usii daayeen,” ayuu yiri xildhibaan Axmed Kooshin

Balse xildhibaan Xasan Cabdinuur ayaa yiri, “Xildhibaan Qalato ma aaminsani in ay sii deyn lahaayeen hase yeeshee gaariga ayaa buuxay, waxaana noo muuqatay in ay yihiin niman ina raadinayay oo xogteenna haya sida aan hadalkooda ka aragnay.”

Xildhibaannadu waxa ay sheegeen in raggani ay ahaayeen kuwo ku socday sifo qaldan oo aaney dowladda Kenya wax ka ogeyn balse lasoo adeegsaday, isla markaana ay dhacdadan kula laabanayaan dowladda Soomaaliya.

Mar aan weydiinnay waxa ay ku caddeynayaan in nimankani ay yihiin ciidan dowladeed ayaa xildhibaan Axmed Kooshin waxa uu yiri, “Waxa ay noo sheegeen in ay yihiin ciidan ka shaqeeya arrimaha amniga walow ay diideen in ay sharciyadooda ciidan na tusaan, aniga waxaan ka shaqeynayay arrimaha ammaanka 20 sano waxa ayna siteen qalab caddeynaya shaqadooda iyo arrimaha sirdoon.”

Waxa ay xildhibaannadu gacanta raggaasi ku sugnaayeen muddo ku dhow saacad iyagoo muddadaa is weydiinayay su’aalo labada dhinacba.

Xildhibaannadu waxa ay qabeen tuhun ah in qofkii gaariga ka degey markii ugu horreysay uu ahaa qof ciidanka hagayay.

Xildhibaannada oo ka jawaabay waxyaabaha ay isku tuhmayaan ee keeni kara in la daba galo ayaa waxa ay sheegeen in aysan isku ogeyn wax cad marka lagasoo tago waxyaabo ay sheegeen in ay ku dhaliilsanyihiin dowladda Soomaaliya.

Xildhibananadu waxa ay sheegeen in ay ka xunyihiin in weli aysan ka hadal guddoonkii baarlamanka ay ka tirsanyihiin walow ay arrinta la socodsiiyeen safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Nairobi.

“Majirto cid aan la xiriirnay marka lagasoo tago safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo xiriir inalasoo sameysay waan la ballansanahay,” ayuu yiri xildhibaan Xasan Cabdinuur.

Sidoo kale waxa ay sheegeen inay safaarada Soomaaliya dacwad u gudbiyeen, haddana ay qorsheynayaan inay la xiriiraan hay’adda amniga ee Soomaaliya.

Xildhibaannada ayaa ugu dambeyn sheegay in aysan jirin shirar ay Nairobi ku yeesheen iyo qorshayaal ay abaabuleen marka lagasoo tago in maqaaxiyo ay ku kulmaan ama shah ku wada cabaan.

Isha: BBC Somali

DF Somalia iyo Sweden oo kulan xasaasi ah ka yeeshay dagaalka iyo taageero cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xarunta wasaaradda gaashaandhigga ku qaabilay Safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta dadaalada socda, taageerada dowladda Sweden ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo kaabayaasha kale ee muhiimka u ah Soomaaliya.

Wasiirka difaaca Mr. Jaamac ayaa sharaxay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’antahay cirib-tirka kooxaha argagixisada, iyada oo dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu ku dheeraaday muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay taageerada caalamiga ah ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo dib u dhiska kaabayaasha kale ee muhiimka u ah dowlad-dhiska Soomaaliya.

Danjiraha Sweden u fadhiya Soomaaliya ayaa dhankiisa wuxuu ku amaanay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalada xooggan ay dalkooda kaga xoreynayaan argagixisada oo ah kuwa dhibaato ku haya guud ahaan caalamka.

Mr. Joachim Waerni ayaa sidoo kale wuxuu ballan-qaaday in dalkiisu uu xoojinayo taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa xilligaan maraya meel xasaasi ah, waxaana socda dadaallo horleh oo dowladda ku dardar-gelinayso howl-gallada ka dhanka ah kooxda oo muddooyinkii dambe uu gaabis ku yimid.

DF oo ballan-qaad hor leh ka heshay Midowga Yurub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa kulan muhiim ah la qaatay safiirro ka socday dalalka Midowga Yurub, kuwaasi oo ballan-qaad horleh u sameeyay Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga, cirib,tirka Al-Shabaab, arrimaha bini’aadantinimada, xasilinta iyo mashaariicda horumarinta.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladda guulo waawayn ka gaartay dhinacyada amniga gudaha iyo howl-galada wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu uga warbixiyay dadaallada adeegga lagu gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed ee iska xoreeyey heeryada kooxaha argagixisada oo ugu horreyso Al-Shabaab.

Dhankooda safiirrada ayaa qiray guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladu ka gaartay dhinacyada amniga gudaha iyo horumarinta arrimaha bulshada.

Waxay ballan-qaadeen inay dowladda Soomaaliya ka taageerayaan howl-gallada dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, oo hadda dhiig cusub lagu shubayo, si loo dardar-geliyo dagaalka, looguna gudbo wejiga labaad oo ka xoog badan midkan hore.

Safiirrada kulanka la yeeshay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa kala ahaa Safiirka EU Karin Johansson, safiirka Italy Dacco Coppi, safiirka Germany Sebastian Groth, iyo safiirka Sweden Joachim Waern.

Madaxweyne GUUDLAAWE ma isku bad-baadin doonaa billaha u haray mise…?

Jowhar (Caasimada Online) – Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa hoggaamiyaha maamulka HirShabelle loo doortay 11-kii bisha Novermber 2020, waxaana muddo xileedkiisa saxda ka ah ka dhiman afar bilood iyo labaatan cisho.

Waa hoggaamiye goboleedka qura ee maanta haysta muddo xileed xalaal, marka laga reebo Saciid Cabdullaahi Deni oo dib loo doortay.

Madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland waa dhaafeen sanadihii saxda ahaa ee loo doortay, qaar ayaa isku dayay inay iskugu daraan iyagoo marawya golahooda wakiiladda, laakiin taasi sharci ma ahan, bulsho ahaan iyo siyaasad ahaanna loogama heshiinin.

Dalka hadda wuxuu ku jiraa jahwareer doorasho oo heer maamul goboleed ah. Ma cadda waxa qabsoomi doona doorasho qof iyo cod ah iyo mid dadban.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan la kulmay madaxda maamullada waa u sheegi waayay war cad oo aan aheyn iska jooga sharci la’aan, taasina waxay kasoo horjeeda dastuurka dalka iyo wax walba oo umadda Soomaaliyeed ku heshiisay.

Madaxda mamullada qaar maanta iskuma dayi karaan inay dhisaan guddi doorasho oo iyagu go’aankooda leeyihiin oo waxaa ka hor imaan karta dowladda dhexe iyo dadka raadinaya kuraasta maamul goboleedyada.

Waxaa ku filan in la yiraahdo ma haysataan sharciyo aad ku dhistaan guddi doorasho oo waqtigii waa idinka dhamaaday, waxaana la siman tihiin daneeyayaasha kale ee doorashada.

Halkaas waxaa ka dhalan doonta in xitaa haddii la aadayo doorasho dadban in wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah inay la wareegto maamulka doorashada qaar kamid ah maamul goboleedyada.

Balse Cali Guudlaawe dhowrka billood ee soo socota waa budo gaar u tuman, wuxuu awoodda inuu iska diido in uu sharci darro sameeyo oo muddo kororsi qaato, taas oo sharaf iyo fursadba u ah.

Wuxuu maanta awoodda Cali Guudlaawe inuu dhiso guddigii doorashada maamulka HirShabelle, wuxuu kale oo kari karaa inuu waqtigeeda ku qabto doorashada. Haddii uu halkaasi ka baxo wuxuu noqonaya midka maamulaya doorashadiisa, mid sharciyaddii ilaaliyay iyo nin fursad u haysta inuu kursiga kusoo laabto.

Laakiin haddii la dhaafo 11-ka bisha Novermber ee 2024 Cali Guudlaawe waxba gacanta uguma jiraan, wuxuuna lamid noqon doona madaxda kale ee maamullada ee sharci la’aanta ku fadhiya kuraasta. Wuxuuna gunaanadka magan u noqon doona inuu sugo jihada uu rabo madaxweyne Xasan Sheekh inay wax ku dhamaadan.

Dhanka madaxweyne Xasan Sheekh waxaa jira warar sheegaya inuu rabo in kursiga madaxtinimada HirShabelle loo celiyo reer Beledweyne, halka Cali Guudlaawe iyo xisaab beeleedkiisa hoosena ay ku adkeysanayaa inay xilka madaxtinimada HirShabelle ku faro adeygaan oo Xasan Sheekh laga yeelin qorshihiisa.

Haddii Cali Guudlaawe midda dambe muhiim u arko fursaddiisa waxay ku jirtaa sida uu u dhaqmo 120 maalmood ee soo aadan oo ay weli taladu sharciyan gacantiisa ku jirto.

Tusaalaha ugu dhow ee Cali Guudlaawe uu heli karo waa Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo xilli dambe fahmay inay mucaaradkiisa rabeen inay dhaafiyaan muddo xileedka sharciga ah, kadibna kula dhagaan awoodda iyo doorashadaba maadaama uusan sharciyad haysan.

Laakiin Deni waa isbad-baadiyay oo maalmihii u haray ayuu doorashada ku qabtay, taas oo u dhashay inuu dib ugu soo laabto xafiiska.

Sida uu Cali Guudlaawe u dhaqmi doono iyo shax siyaasadeedka uu ciyaari doono 120 cisho ee soo aadan ayaa hadda indhaha lagu hayaa.

Kulankii Sanada oo kulan qaran noqday sannadkan

Dadka deggan degaanka Xamar iyo agagaarkiisa ee goofleyda ah ayaa waxay sannadkiiba mar qabtaan kulan isu soo bax ah, oo loo yaqaan Sano, oo ay bulshada ku damaashaaddo, kaas oo ay xoolo ku qashaan.  

Laakiin sannadkaan waa ka duwaneyd kuwii hore, waayo xildhibaanka beelaha dega Banadir iyo labada Shabeelle xildhibaan Cisman Xaadoole ayaa kulankii Sanada ballaariyey oo ku casuumay xildhibaanno, culimo, duubab iyo masuuliyiin dowladda ka tirsan balse aan horay uga soo qeyb gali jirin.  

Xildhibaanka oo si dhab ah u qaatay macnaha xildhibaannimo iyo metelaadda laga rabo xildhibaan umadeed, taas oo ah inuu yahay ruux ka wakiil ah bulshada uu matalo ayaa isu keenay dadkii ugu badnaa ee sannahaan ka soo qeyb gala kulan sannadeedka loo yaqaanno badgalka laguna duceysto inuu Rabbi bulahsdaan ka badbaadiyo masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dad sameega ah.  

Kulan dhaqameedkan waxaa uu ka mid yahay kulamada la isugu soo dhoweeyo bulshada degaankan Xamar iyo Shabeelloyinka ee uu xildhibaanka u yahay Cisman Xaadoole, si ay uga tashadaan aayahooda kuna xalliyaan khilaafaadka nolosha ka dhasha.  

Xildhibaanka, Col. Cisman Xaadole, ayaa muujiyey hogaamin qiimo leh oo aad loogu baahnaa, waxaanu ku mashquulsan yahay sidii loo dhameyn lahaa khilaafaadka yaryar ee ka dhexjiri kara beelaha walaalaha ah ee degaankaan camira Muqdishana u ah dhidibada ay ku taagan tahay iyo nolosha farxadeed ee lagula naaloonayo.

Xildhibaanka oo dad aad u fara badan meel fagaare ah kula hadlayey ayaaa u sheegay inay gacmaha is qabsadaan una hawlgalaan sidii loo dhisi lahaa qaran Soomaaliyeed oo mug leh, kaas oo la hubo inay cid waliba ku dheefsan doonto.

Xildhibaanka waxaa uu bulshada ku boorriyey inay gartaan awooddooda, ilaaliyaan dhaqanka suuban, dowladdana la shaqeeyaan si ammaanka loo sugo.

Xaadoole waxa uu dadkaas faraha badan u sheegay inay haystaan metelaad dhab oo uusan ka seexanayn inta qof dadka uu matalo uu hayo dhib.

Bulshadii ka soo qeyb gashay Sanada ayaa aad uga maqsuuday kulankii sanadkan la qabtay.

W/Q: Cabdiraxmaan Gacal 
Muqdisho, Soomaaliya 

Daawo: Ciidanka ATMIS oo 12 sano kadib ka baxay Jowhar – Maxaa dhacay maanta?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidanka ATMIS ayaa maanta ka baxay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, kadib muddo 12 sano ah oo goobaha muhiimka ah ee magaaladaas ay deganaayeen, si ay u sugaan amniga.

Jowhar ma joogo caawa hal askari oo ka tirsan ciidamada ATMIS, waxaana amniga la wareegay ciidamada booliska, nabad sugidda iyo xoogga dalka.

Qorshaha ay ciidankaan maanta uga baxeen magaalada Jowhar ayaa qeyb ka ah istiraatiijiyadda ciidamada ATMIS ay uga baxayaan Soomaaliya, kaas oo mar hore soo bilowday.

Taliyaha guutada 3-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Yuusuf oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee maanta Jowhar ka sagootisay ciidanka ATMIS ayaa ciidanka qaranka kula dardaarmay inay gutaan masuuliyadda amni ee saran.

Sidoo kale Taliye Ibraahim Yuusuf ayaa saraakiisha ciidanka ATMIS u sheegay in masuuliyadda ay ku wareejiyeen ciidamada qaranka Soomaaliya aysan dayacmi doonin, sidoo kale wuxuu uag mahadceliyey sidii ay ula soo shaqeeyeen 12-kii sano ee lasoo dhaafay.

Wasiirka Maaliyadda HirShabeelle Cabdiraxiin Ciise Cadow ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii sagootisay ciidanka ATMIS, isagoo halkaas ka sheegay in ciidanka qaranka ay gaareen waqtigii lagu wareeji lahaa amniga qaranka.

Wasiir Cabdiraxiin ayaa sheegay in HirShabeelle ay ku kalsioontahay ciidamada qaranka ee la wareegay amniga magaalada Jowhar, isagoo u mahadceliyey ciidanka ATMIS ee 12-sano kadib maanta ka guuray Jowhar.

Dhamaadka sanadkaan waxaa lasoo gabagabeynayaa qorshaha joogintaanka dalka ee howlgalka ATMIS, waxayna ciidamada ATMIS bilo ka hor sidaan oo kale uga soo baxeen magaalooyin kale oo ka tirsan Shabeellada Dhexe, sida Ceelbaraf.

Hoos ka daawo

Senator Maryan Faarax: Taariikh mugdi ah ayaa caawa dul hoganeysa hoggaanka DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Maryan Faarax Kaahiye oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku dhaliishay go’aanka uu Madaxweyne Xasan Sheekh tartanka kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika uu uga reebayo Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Senator Maryan ayaa la yaab ku tilmaantay go’aanka xukuumadda Xasan Sheekh ay gabadhii labaad tartan doorasho oo heer caalami ah ay uga reebeyso, iyadoo aan la shaacin wax qaranku ku bedeshay qadiyadahaas.

“Runtii waa ayaan darro in xaqa Soomaaliya lagu beddasho wax aan muuqan una qalmin ummaaddeena iyo maamuuska guud ee Qaranka,” ayey qoraalkeeda ku tiri Senator Maryan.

Hoos ka akhriso qoraalka Senator Maryan oo dhameystiran:

TAARIIKH MUGDI AH OO CAAWA DUL HOGANEYSA HOGGAANKA SARE EE JFS.

Waxa keliya ee aan sheegayo amase aan halkan Xildhibaan Fawzia Yusuf Adam

ugu soo gudbinayo ayaa ah in aan habeyn iyo maalin u taagnahay Taageeridda Go’aankeeda sharafta leh.

Xildhibaan Fowsiya waxay mudnayd lama marsiin; waxay mudnayd garab iyo gaashaan in Hoggaanka sare ee dalku u noqdo; waxay mudnayd in maanta lagu taageero hanashada Jagada ugu saraysa ee Midowga Afrika (AU).

Runtii waa ayaan darro in xaqa Soomaaliya lagu beddasho wax aan muuqan una qalmin ummaaddeena iyo maamuuska guud ee Qaranka.

Sannad gudihi, waa markii 2-aad ee Xildhibaan Soomaaliyeed oo tartan ugu jira jago sare oo Midowga Afrika laga reebo!

Waxaa yaab iyo amakaag ah, in sannad gudihi, Madaxweyne Xasan uu tartanka ka reebo laba(2) Xildhibaan (Xildhibaan Fowsiyo iyo Xildhibaan Marwo) oo weliba  hormuud u ah hablaha Soomaaliyeed dal iyo dibedba.

Gunaanadkii, waxaan mar 2-aad bogaadinayaa go’aanka walaashay Xildhibaan Fowsiyo, anigoo u rajeynaya guul iyo in ay halganka halkaas kasii waddo.

Shacabka Soomaaliyeed mar kale mala qaldi karaa?

Siyaasi fursadihiisa siyaasadeed sii yaraanayaanna si fudud ma u soo tahriibi karaa koox faraha dhiig ku leh, dalka iyo dowladnimada halis ku ah, danbiyo waaweyn u diiwaan gashan yihiin, burbur iyo kala-haadna qarankaan qarka u saaray. 

Si shacabku u dareemo caddaalad iyo xaqsoor dhab ah, horraanba, waxa ay ahayd in hay’adaha garsoorka la hor-geeyo galalka gabood-falladii siyaasadeed ee waddanka ka dhacay billowgii 2017 ilaa bartamihii 2022, wali-se, waxaa harsan waqti wax-la iska weydiin karo.

Ka saxaafad ahaan, waxaan hoggaanka dowladda dib u xasuusineynaa qaar ka mid ah shirqoolladii dhacay ee mahadhooyinka iyo xasuusaha qaraar ku reebay quluubta guud ahaan qowmiyadda Soomaalida. 

13 March 2017, bil kadib, 10 April 2017, 20 May 2018, 15 Jun 2021, 22 January 2022 iyo maalmo kale oo diiwaanka taariikhda ku dhigan, waxaa la fuliyay weerarro la fududeeyay oo lagu halaagay dhallinyaro tababar uga socday Xero-nacnac iyo kuwo doonayay in ay is-qoraan si ay qarankooda ugu adeegaan. bal sawiro ku dhawaad 10 qarax iyo hal xero. 

24 July 2019, qarax la soo maleegay ayaa gudaha loo galiyay Xarunta Gobolka Banaadir, Duqii Caasimidda Eng Yariisow iyo masuuliyiin kale ayaa ku naf-waayay. Si aan buugga raad-raaca loo furin, saraakiil boolis u badan oo baaris ku sameeyey qaraxaas ayaa si hoose loo dilay, qaar kalana xilalka ayaa laga qaaday. 

Weerar u ekaa ka aarsi saraakiil ayaa mar kale loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay wal-xaha qarxa, 9 Augusto 2020 gudaha loo galiyay Xero ay Ciidmadu ku leeyihiin aga-gaarka garoonka cayaaraha ee istaadium Muqdisho, halkaas oo lagu xasuuqay saraakiil ciidan. 

Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada waabari Calooley iyo taliye xigeenka qeybta Waliyow-cade ee Booliska Maxamuud Cagay, ayaa weerar lagu dilay 9 May 2021, halka bishii xigtay ee Juun la af-duubay Saraakalad Ikraan Tahliil oo ilaa hadda la la’yahay.

Weerar qorsheysan oo u kee mid la fududeeyay ayaa 20-kii November 2021 lagu dilay Agaasimihii Radio Muqdisho Abdicasiis Maxamuud Guuleed (Afrika) halka isla weerarkaas si xun loogu dhaawacay Agaasimahii Telefashinka Qaranka Sharmaake Maxamed Warsame. 

Maxamed Ibraahim Mucalimuu oo aad ugu dhawaa Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa 16, January 2022 lagu dhaawacay weerar aarsi u muuqday oo la soo maleegay.

Si loo fashiliyo doorashooyinkii madaxtinnimo ee 2022-kii, waxaa 23 Maarso 2022 la fududeeyay weerar rag dabley ah ku qaadeen xeyndaabka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, halka isla taariikhdaas qaraxyo siyaasadeed oo ka dhacay Baladweyne lagu khaarijiyay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo dadaal ugu jirtay caddaalad u helidda Ikraan Tahliil. 

Khaarijintii AUN, Jeneraal Maxamed Nuur Galaal, dilkii Jiijiile, shirqoolkii Dhagajuun, weerarradii degmooyinka Wadajir, Howl-wadaag, Hodan iyo Warata-nabadda, wali wax la iskama weydiin oo baaris dhammeystiran ma helin. 

Dhanka kale, gafood-fallada siyaasadeed ee kooxdaas gashay walina aan laga xisaabtimin waxaa qeyb ka ah, dhiibistii Qalbi-dhagax, weerarkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur, duullaankii howga sanatar Cabdi-qeybdiid, Xariggii musharrax Mukhtaar Roobow, is-hor istaaggii socdaalkii Madaxweynayasha, weerarkii Hotel maa’idda, dagaalladii Muddo kordhinta, rasaaseyntii bannaan-baxayasha, go’doomintii Kismaayo, dagaalladii sokeeye ee Gedo, iyo dhacdooyin kale oo waaweyn. 

Inta badan dhacdooyinka argagaxa leh waxa ay ka dhaceen Muqdisho oo xilligaas ahayd magaalo ku hoos jirtay cabsi iyo caburin siyaasadeed oo xooggan, hayeeshee, laba sano kadib, caasimaddu waxa ay ku naalooneysaa nabad iyo neecaaw amni, dadkeedu waa xor, mana jiro beegsi siyaasadeed oo ay ka cabsi qabaan, haddaba, waa weydiinti koowaad’e, shacabka Muqdisho, mar kale mala qaldi doonaa mise waxa ay noqon doonaan ummad ku dhaqan caasimad xisaabtanta oo aan xisaabtu ka qaldaneyn? 

Waa lama huraan in isla-xisaabtan rasmi ah la helo, wax-na la iska weydiiyo wixii dalka ka dhacay muddo xileedkii la soo dhaafay. 

W/D: Mohamed Nor
Email: [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.