25.4 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Sawirro: Fiqi oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Mareykanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed ayaa maanta caasimadda Muqdisho kaga guddoomay nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Richard H. Riley.

Wasiir Fiqi ayaa yididdiilo u muujiyay Danjire Riley, isaga oo u rajeeyay in uu ku guulaysto howsha diblomaasiyadeed ee cusub iyo mas’uuliyadaha loo igmaday.

Sidoo kale waxaa uu caddeeyay muhiimadda gaarka ah ee howsha danjiraha laga sugayo inay tahay xoojinta xiriirka iyo sare u qaadidda wax wadaagga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo diirrada la saarayo suuragalnimada ka guul keenidda horumar wax ku ool ah oo laga gaaro dhammaan dhinacyada kala duwan ee iskaashiga.

Danjire Riley oo dabayaaqaddii March uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden u magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya, ayaa waxa uu beddelay Larry André Jr. oo xilkan hayey ku dhowaad laba sano.

Larry André Jr ayaa waxaa lasoo magacaabay 16-kii April 2021, isaga oo beddelay Donald Yamamoto.

Richard Riley waa diblomaasi muddo kasoo shaqeynayey wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka. Waxa uuna hayay markii la magacaabayay xilka la-taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee safaaradda Mareykanka ee magaalada Ottawa ee dalka Canada.

Mareykanka ayaa sanadihii ugu dambeeyey ahmiyad gaar ah siinayey Soomaaliya, ayada oo 2-dii October 2019 dib loo furay safaaradda Muqdisho oo xirneyd ku dhowaad 30 sano.

Mareykanka ayaa tababara islamarkaana bixiya mushaharka ciidamada Danab ee Soomaaliya ee la dagaalama kooxda Al-Shabaab, lana rumeysan yahay inay yihiin ciidamada ugu waxtarka fiican kuwa Soomaaliya ay hadda leedahay.







Itoobiya oo xeeladaynaysa shuruudda Somaliland ay ku xirtay helitaanka BAD

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladd Itoobiya ayaa ka laabatay go’aan ay dhawaan baahisay oo la xiriiray aqoonsiga maamulka Somaliland.

Hargeysa ayaa heshiis la gashay Addis Ababa horraantii bishii Janaayo ee sanadkaan, waxaana hoggaamiyaha maamulkaas Muuse Biixi uu bixinta qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya la xiriiriyay inay ku beddelanayaan in qeyb Soomaaliya kamid ah loo aqoonsado dal, halkaas oo ah gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ee hadda loo yaqaano Somaliland.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa si weyn u diiday arrintaas. 72 saac kahor wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha ee dowladda Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisa uu noqon doono dalkii ugu horreeyay ee Somaliland aqoonsada.

Ma sheegin waqtiga laakiin waxa uu sheegay inay taasi mar uun dhici doonto. Laakiin saacado kadib waa la tiray qoraalkaas. Inkasta oo aanay Itoobiya cudur-daar ka bixin hadalkaas, haddana waa ka saareen bogga uu wasiirka ku leeyahay X (ex-Twitter).

Wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha ee dowladda Itoobiya wuxuu noqday qofkii koowaad ee madax ah oo Itoobiyaan ah ee si toos ah u sheega arrinta aqoonsiga Somaliland.

Laakiin ka noqoshada hadalkii wasiirkaas waxay muujinaysa in aanay Itoobiya raadineynin inay xiisadda gobolka sii xoogeysato.

Dhawaan dowladda Mareykanka ayaa kala hadashay labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya in xiisadda gobolka la qaboojiyo, waxaa kale oo soo baxay dhawaan warar sheegaya in Turkiga iyo Qatar ay isku dayayaan inay labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya xiisadooda xaliyaan.

Horey hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in hal bil ku aqoonsan doonto Itoobiya, laakiin ku dhowaad lix billood oo laga joogo waqtigii is-afgaradka la saxiixay qofkii koowaad ee arrinta aqoonsiga Somaliland ka hadlay wuxuu noqday wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha ee dowladda Itoobiya, kaas oo isla durba tirtiray qoraalkii la xiriiray aqoonsiga.

Arrintaan waxaa lagu fasirin karaa in aysan Itoobiya hadda ku dag-dageyn aqoonsi ay siiso Somaliland, oo ay taas bedelkeeda raadineyso qaab ay kula heshiin karto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo sii dhex-mareysa dowladda kale.

Ictiraafkii Somaliland ka sugeysay dhanka magaalada Addis Ababa ayaa hadda u muuqda mid sii liicaya, mana cadda waxa uga dagsan Muuse Biixi iyo maamulkiisa mar haddii Addis Ababa si aan qarsooneyn uga cago jiiday qodobkii aqoonsiga.

Daawo: Fowsiya oo diiday tanaasul, kashiftayna sida ay Xasan iyo Xamza uga hiiliyeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa markii ugu horreysay ka hadashay cadaadis uga yimid madaxda sare ee dalka, xilli ay u tartameyso kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika.

Fowsiya oo warbaahinta la hadashay ayaa diiday inay ka tanaasusho kursigaasi, iyada oo sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ay si cad ugu yiraahdeen “iskaga har tartanka, una tanaasul musharaxa Jabuuti ay wadato”.

Inkasta oo Fowsiya ay qirtay in markii hore uu madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha garab taagnayeen, balse ay gadaal iska beddeleen wax walba si lama filaan ah.

“Bishii May bartamaheedii dhamaadkii shirka Madasha, Muqdisho waxaa ii yeeray madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Xamza iyo afar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada, odayaashaasi waxay ii sheegeen inay isla garteen in aan tanaasulo oo iskaga haro tartaankaas oo waxaas oo olole iyo howl ah usoo galay,” ayey tiri.

Fowsiya ayaa sheegtay in markii ay weydiisay sababta Soomaaliya uga hareyso jagadaasi muhiimka ay u sheegeen inuu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ka codsaday inay uga harto, si uu isagu usoo sharaxo wasiirkiisa arrimaha dibadda.

“Muddo markii aan doodda wadnay oo dhamaan ay ku adkeysteen in aan haro waxaan isku dayay in aan garnaqsado, gubaabiyo oo uga waramo danta weyn ee kursigaas ugu jirta umadda.”

Waxay intaas kusii dartay “Waxaa madaxda weydiiyay waxa lagu beddeshay magaca Soomaaliyeed si aan ugu qanco, arrintaasi la igama jawaabin. Waqti dheer iyo dood badan kadib odayadii go’aankooda ayey ku adkeysteen ana marka waxaa ka codsaday in aan 10 maalmood oo soo fikiro la isiiyo, anigoo islahaa waxba iska beddeli doona.”

Waxay ku dheeraatay faa’iidada Soomaaliya kursigan u leeyahay, ayada oo diiday inay u tanaasusho Soomaaliya, “Midowga Afrika wuxuu ku dhow yahay Jimciyada quruumaha ka dhaxeysa, waxaana dalka usoo hoyanaya maamuus, lagamana yaabo in aan ka tanaasulo musharaxnimada kursigaas.”

“Lama arag tartame ama dal lagu qasbo inuu tartanka uga haro qeyrkiis, markaa intaas oo dhan eegay waxay ila noqotay in aan ka tanaasulin kursigaas, maadaama horey la igu amray in aan u tanaasulo dowlad kale 2016-kii,” ayey tiri Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale sheegtay in hanka kursigan uu ku dhashay sanado hore, balse uu horey uga hor istaagay madaxweyne Xasan Sheekh kal xukunkiisi hore, uuna hadda markale dhabarka ka jabiyay, sida ay sheegtay.

“Madaxweyne Xasan wuxuu ku adkeystay inuu codkiisa Kenya siinayo oo aan waqti iskaga lumin, waa la qaatay markaas arrinka oo waxaa goostay in aan sugo doorashada dambe ee sanadka 2025, waxay noqotay in aan siddeed sano kale sugo oo dib isku soo sharaxo waqtigan himika ah.”

Xildhibaan Fowsiya marka lala barbar dhigo musharaxa ay Jabuuti wadato waxaa la aaminsan yahay in aysan ka liidan, haddiiba aanay meelo badan iyadu ku horeynin.

Waa ra’iisul wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, aas-aase Jaamacaddeed, mid warbaahineed iyo haweenay wax badan ka beddeshay nolosha bulsho badan oo danyar ah.

Waxay leedahay waayo-aragnimo ay ku geyso kursigaan. Dad badan ayay la-yaab ku tahay inuu Xasan Sheekh ku dhiiran waayay in kursigan u raadiyo dalkiisa, in uusan ku beddelan wax cad ah oo qaranka dan u ah marka laba reebo waxa shaqsiga ah ee isaga iyo Ismaaciil Cumar Geele ka dhaxeeya iyo inuu diidmadiisa la yimid mar Fowsiya waqti, kharash iyo han badan galay.

Isla dhacdo middaan lamid ah dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr bilood kahor diiday inay taageerto Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo isku sharaxday madaxweynaha baarlamaanka adduunka, laakiin markaas dowladda qiil waxay ka dhigatay inay Tanzania uga beddelatay taageerada xubinnimada ururka bulshada Bariga Afrika.

DF oo wax ka beddeshay qorshihii bixitaanka ATMIS

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay tartiibiso bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS, ayada oo ka digtay firaaq amni, sida ku cad dokumentiyo ay aragtay wakaaladda wararka Reuters. 

Hawlgalka ATMIS ayaa waxaa ka go’an inay dalka ka baxaan 31-ka December, markaasi oo la filayo in ciidamo cusub oo tiro yar lagu bedelo. 

Si kastaba, warqad ay bishii hore u dirtay ku-simaha guddoomiyaha golaha nabadda iyo ammaanka Midowga Afrika ayay xukuumadda Soomaaliya kaga codsatay in illaa bisha September dib loo dhigo bixitaanka bar ka mid ah 4,000 oo askari oo lagu waday inay baxaan dhammaadka bishan June.   

Dawladdu waxay hore ugu talisay, qiimayn wadajir ah oo ay la samaysay Midowga Afrika bishii March, in guud ahaan wakhtiga ka bixitaanka lagu jaangooyo “hadba heerka diyaargarowga dhabta ah iyo kartida” ciidamada Soomaaliya. 

Qiimaynta wadajirka ah, oo uu ansixiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ka digtay in “si deg deg u dhimista shaqaalaha ATMIS ay horseedi doonto firaaq amni.” 

“Weligey sidan oo kale ugama walaacin jihada dalkayga,” ayuu yiri Mursal Khaliif oo ah xildhibaan ka tirsan guddiga difaaca ee baarlamanka. 

Midowga Yurub iyo Mareykanka, oo ah labada maal-geliye ee uga sarreeyaa ee ciidamada ATMIS, ayaa doonaya in la dhimo tirada nabad-ilaaliyaasha sababo la xiriira walaacyo laga qabo maal-gelintooda mustaqbalka, sida ay sheegeen afar ilo-wareed diblomaasi iyo sarkaal Ugandan ah.  

Wada-hadallada ku saabsan ciidamada cusub ayaa noqday kuwa adag, ayada oo Midowga Afrika uu doonayey sharciyad ka xoog badan kan ay Soomaaliya ogoshahay, sida ay sheegeen ilo-wareedyo. 

Sidoo kale, khilaaf ayaa hoggaamin kara in ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ah howlgalka ay dalka ka baxaan. 

Xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaan ka jawaabin codsi ku aadan inay ka falceliyaan warbixintan. 

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in uusan jirin jadwal go’an oo ku aadan soo geba-gebeynta wada-hadallada, balse dhammaan dhinacyada ay ka go’an tahay in ay gaaran heshiis caawin kara in lagu guuleysto nabad iyo amni.

“Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay hoos u dhigista dhimista si looga hortago firaaq kasta oo amni,” ayuu u sheegay Reuters. 

Gelinka dambe ee Khamiista ayaa lagu wadaa in Golaha Nabadda iyo Ammaanka ay ka kulmaan arrimaha Soomaaliya, si ay uga doodaan dhimista iyo howl-galka xiga.

Iyadoo dhimista ay socotay oo ay dalka ka baxeen 5,000 oo ka mid ah ku dhawaad 18,500 sanadkii tegay, dowladdu waxay muujisay kalsooni. Waxa ay sheegtay in ciidamada cusub aysan dhaafin 10,000, ayna tahay in lagu koobo howlaha ay ka midka yihiin sugidda amniga xarumaha waaweyn ee dadweynaha.

Uganda iyo Kenya oo sidoo kale ku tabarucay ciidamada ATMIS, ayaa walaac muujiyey.

Henry Okello Oryem, oo ah wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Uganda, ayaa sheegay in inkastoo dadaallo xooggan oo dhanka tababarrada ah ay sameeyeen, haddana ciidamada Soomaaliya aysan sii wadi karin dagaal muddo dheer. 

“Ma dooneyno inaan galno xaalad aan kala cararno, oo la mid ah wixii aan ku aragnay Afghanistan,” ayuu u sheegay Reuters. 

Oryem ayaa sheegay in Kenya ay aqbashay dhimista ay codsadeen Mareykanka iyo Midowga Yurub, balse ay tahay in la maqlo walaaca dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya. 

Xasan Sheekh oo maanta dalka dib ugu soo laabtay iyo xogta safaraddii uu galay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Xasan ayaa toddobaadyaddii dambe ku maqnaa safaro shaqo oo dalka dibaddiisa, kuwaasi oo uu ku tagay dalalka Norwey, Switzerland, Turkiga iyo Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa magaalada Oslo ee dalka Norway uga qeyb-galey Madasha Nabadda ee Oslo, halkaas oo uu hadal ka jeediyay. Waxaa sidoo kale uu madaxweynaha uu kulamo la yeeshay Boqorka iyo ra’iisul wasaaraha Norway.

Sidoo kale wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dalka Switzerland uga qeyb-galey shir caalami ah oo looga hadlayey colaadda u dhaxeysa Ruushka iyo Ukraine.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn safarkiisa shaqo kusoo gaba-gabeeyay dalalka Turkiga iyo Jamhuuriyadda walaalaha nahay ee Jabuuti, isagoo la kulmay madaxda labadaasi dal.

Xasan ayaa intii uu maqnaa waqtigiisa ugu badan ku qaatay dalka Turkiga, halkaas oo wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Hakan Fidan uu kula kulmay.

Madaxweynaha ayaa dowladda Turkiga kala hadlay sii ay garab uga sii laheyd dagaalka Al-Shabaab, waxaana halkaas ka dhacay heshiis ay Turkigu si buuxda uga qeyb qaadanayaan dagaalka Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo xil sare magacaabay maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay La-taliyaha sare ee dhaqaalaha.

Xilkan ayaa waxaa loo magacaabay Dr Aweys Cabdullaahi Cali, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Aweys Cabdullaahi ayaa sidoo kale ah agaasimaha waaxda qorsheynta dhaqaalaha ee xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

La-taliyahan cusub ayaa qeyb ka noqonaya la-taliyeyaal dhowr ah oo horey u magacaabay ra’iisul wasaaraha, xilli qaarkood ay dood xooggan dhaliyeen, maadaama ay jiraan wasaaraddo ku shaqo leh arrimaha loo magacaabay.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna leh la-taliyeyaal badan tan iyo markii uu xilka la wareegay, oo mararka qaarkood lagu weerarayo waxa ay qabtaan.

Balse dadka ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in magacaabistan ay tahay qancis loo sameynayo beelaha iyo maamul goboleedyada qaar, oo aysan la-taliyeyaasha wax talo ah siin madaxweynaha.

Wararkii ugu dambeeyay ee dhaawaca Axmed Abshir Geedi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahimo dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhaawac xalay magaalada Muqdisho loogu gaystay Axmed Abshir Geedi oo ah nin dhalinyaro ah oo u ololeeya arrimaha qoyska iyo waxbarashada.

Axmed ayaa waxaa la dhaawacay isaga oo ku sugnaa gudaha Beerta Banaadir, waxaana ku dhacday xabad aan la garaneyn halka ay ka timid.

Dhaawaca Axmed Abshir Geedi ayaa ah mid fudud, waxayna xabadda uga dhacday gacanta midig, sida uu ku sheegay wareysi uu bixiyay.

“Xalay 7:00 fiidno aniga oo joogo Beerta Banaadir, isla markaana dhex socdo ayaa qadartan la kulmay waxaan ka war helay gacanta midigta ah oo ay xabad qabsatay oo aad u dhiig baxeyso jiho ay ka timid ma garan karo” ayuu yiri Axmed Abshir Geedi oo la hadlay Telefishinka Shabelle.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan ay wanaagsan tahay xaaladdiisa caafimaad, isla markaana lagu dabiibayo mid kamid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

“Isla markii waxaa la’iila cararay isbitaalka, haddana xaaladdeyda caafimaad aad ayay u wanaagsan tahay” ayuu sii raaciyay Axmed Abshir Geedi.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in arrintiisa ay la wareegeen laamaha amniga, ayna wadaan baaritaano, si loo ogaado cidda la dambeysay falka lagu dhaawacay.

“Qolada Booliska iyo Nabad-sugidda ayaa howsha ku jiro aniga ma kala garan karo sida ay wax ahaayeen, aniga oo dhex socdo Beerta ayay xabaddu i haleeshay” ayuu mar kale yiri.

Axmed Abshir Geedi ayaa si wayn looga yaqaanaa baraha bulshada, wuxuuna ku caan baxay arrimo qoyska, waana mid kamid ah aas aasayaasha xarunta qoyska ee Guryosamo.

Rag hubeysan oo hoteel ku yaalla Nairobi ka kaxeystay xildhibaanno ka tirsan BF

0

Nairbo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kooxo hubeysan oo xalay hoteel ku yaalla magaalada Nairobi ka kaxeystay laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka waday gudaha magaaladaasi.

Xildhibaanada la watay ayaa kala ah Xildhibaan Xasan Cabdinuur iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin oo labaduba ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana gaari ku ritay rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin laamaha ammaanka dalka Kenya.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in labada xildhibaan oo kasoo baxay hoteelka lagu hor-jaray gaari, kadibna lagu qasbay inay xoog ku raacaan, waxaana halkaas lagu waydiiyau su’aallo dheeraad ah.

Intaasi kadib waxaa lasoo wariyay in labada xildhibaan lasii daayay oo ay dib u heleen xoriyaddooda, laakiin ragga watay iskuma sheegin waxa ay ahaayeen iyo ujeedkooda.

Su’aalaha wax laga waydiiyay ayaa ku saabsanaa dhaq-dhaqaaqooda oo la sheegay inay uga soo horjeedaan hoggaanka dowladda federaalka, ayna ku howlan yihiin abaabulka mooshin, sida ay ku warrameen ilo xog ogaal ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Kenya iyo dhanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan falka lagula dhaqaaqay xildhibaannadaasi.

Arrintan ayaa walaac xoogan ku abuurtay xildhibaannada iyo xubnaha ku sugan dalka Kenya oo qaarkood dagan gudaha dalkaasi.

Nairobi ayaa waxaa ku sugan siyaasiyiin badan, waxaana magaaladaan shirar ku qabsada xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo madaxda sare ee dowladda dhexe.

Xog: Xafiiska R/W Xamza oo mashruuc muhiim ah ka afgambiyey Cali Guudlaawe

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabeelel Cali Guudlaawa ayaa lagala wareegay mashruuc muhiim ah oo hay’adaha Qaramada Midoobe ay ka fulinayaan gobolka Shabeellaha Dhexe kadib faro-gelin ka timid xafiiska ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. 

Mashruuca Jowhar offstream Storage Programme (JOSP), oo loogu talo-galay in biyo xireeno iyo kanaalo looga sameeyo webiga Shabeelle ee mara gobolka ayaa waxaa wejigiisa koowaad ku kacaya $165 milyan, isagoo guud ahaan ay ku bixi doonto $250 Milyan.

Waxaa mashruuca maal-gelinaya USAID iyo UKAID, waxaana fulinaya shan hay’ad oo kal ah FAO, IOM, UNIDO, UN Habitat, UNEP. 

Mashruucan ayaa waxaa ka wada shaqeeyey diyaarintiisa maamulka HirShabeelle iyo hay’adaha maal-gelinaya, waxaana si buuxda gacanta ugu hayey xafiiska madaxweyne Guudlaawe, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. 

Hase yeeshee, xilli la filayey in Guudlaawe uu magacaabo mas’uulka maareyn lahaa mashruuca, ayaa waxaa soo faro-geliyey shaqsiyaad ka tirsan xafiiska Xamza, gaar ahaan Axmed Nuur Uleex oo ay qaraabo yihiin ra’iisul wasaaraha. 

Ahmed Nuur Uleex wuxuu hore ugu fashilmay in ninka la magacaabay uu geeyo mashruuca, waxaa taas ka diiday wasiirkii hore ee Beeraha iyo Daaqa Hon. Axmed Madoobe Nuunow, isagoo markii dambe xilkiisa ku waayey.

Kadib, ayaa waxaa wasiirka Beeraha iyo Daaqa loo soo Magacaabay Maareeye oo xariir fiican uu kala dhaxeeyo Axmed Nuur Uleex oo ay ka wada tirsanaayeen kooxdii Xasan Cali Kheyre. 

Maareeye ayaa markii uu xilka la wareegay waxa uu ka dhaadhiciyey hay’adaha fulinaya mashruuca in wasaaradda beeraha federaalka la hoos keeno mashruuca, loogana soo wareejiyo HirShabeelle, taasi oo lagu guuleystay. 

Arrintaas waxaa Maareeye iyo Uleex kala shaqeeyey saaxiibkood Yaxye Cali Hareeri oo ay ka wada tirsanaayeen team Xasan Cali Kheyre. Yaxye oo la taliye ugu magacaaban Madaxtooyada HirShabelle ayaa qeyb weyn ka qaatay in mashruucan la hoos geeyo federaalka.

Axmed Nuur Uleex (bidix) iyo Yaxye

Uleex ayaa kadib wasiirka beeraha Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) u gudbiyey nin ay isku beel yihiin oo lagu magacaabo Mohamed Salah Abdi oo ka soo jeeda waqooyi bari Kenya, si loogu magacaabo agaasimaha mashruuca, sida ku cad warqadda magaaabista oo ay heshay Caasimada Online. 

Arrintan ayaa ka careysiisay maamulka xafiiska madaxtooyada HirShabeelle oo sanado badan ka soo shaqeynayey diyaarinta mashruuca. Waxaa sidoo kale la-yaab ku noqotay in nin aan deegaanka ka soo jeedin oo aan aqoon u laheyn hab qabiil loogu gacan geliyo mashruuc u baahan wada-shaqeynta iyo isku xirka bulshada deegaanka. 

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe oo lagu yaqaan inuu yahay nin dabacsan oo aan go’aan adkeyn ayaan illaa hadda wax tallaabo ah qaadin, si uu isaga caabiyo faro-gelinta ka timid xafiiska ra’iisul wasaare Xamza. 

Siyaasiyiin iyo dad kale oo deegaanka ah oo marar badan kula taliyey inuu arrintan ku gacan sayro ayaa laga soo xigtay inuu u sheegay inuu la-tashi ka sameynayo, balse sida muuqata ay noqon doonto xilli dambe marka uu go’aan qaato, haddiiba ay dhacdo. 

Xafiiska Xamza ayaa faro-gelin xooggan ku haya maamul goboleedyada qaarkood iyo inta badan wasaaradaha dowladda, ayada oo mashruucyo badan sidan oo kale looga soo wareejiyey.

Sarkaal horey uga tirsanaa sirdoonka Puntland oo xog xasaasi ah shaaciyey

0

Garoowe (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka Maraykanka oo soo xiganaya saraakiil Maraykanka ah, waxaa sii kordhaya khatarta ay leeyihiin Daacishta Soomaaliya, iyaga oo tilmaamay in ay hoy u noqoneyso hugaamiyaasha caalamiga ah ee ururkan argagixisada ah. 

Warkaan ayaa ku soo aadaya xilli dawladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay duqaymo ka fuliyeen buuraha ay ku sugan yihiin kooxdaas, ee ku yaalla bariga Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee magacooda loo soo gaabiyo Africom ay sheegeen dhawaan, in ay mid ka mid ah weeraradii dhinaca cirka ahaa ee lagu qaaday kooxda lagu bartilmaameedsaday ninka ugu sareeya kooxda garabkooda Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin. 

Balse ilaa iyo haatan ayaan jirin cid si madax banaan u xaqiijin karta nolosha ama geerida hugaamiyaha garabka Soomaaliya ee ururka qaybtooda Soomaaliya. 

Sarkaal sirdoon oo xog badan bixiyey 

Sarkaal horay u soo hugaamiyay sirdoonka Puntland, oo naga codsaday in aynaan magaciisa baahin ayaa sheegay in awoodda kooxda Daacish ay isi soo tareysay tani iyo sanadkii 2018 kii, ayna saldhigteen buuraha Cal-bari, halkaas oo ay dagaalo adag kula galeen ururka al Shabaab ee xulufada la ah al Qaacida.

Tan iyo sanadkii 2023 dii ayaa waxa uu sheegay in ay socdeen dagaaladaas, kadibna ay xaqiijiyeen in ay heli karaan aag amni ah oo ay si nabdoon ku joogi karaan madaxda ururka ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay sarkaalkaan in khatarta ugu wayn ee Daacishta Soomaaliya ay ahayd dagaallo uga imaan kara dhanka Shabaabka oo ay ka awood roonaadeen, sidaas daraadeedna ay haatan ku jiraan xaalad xasiloon oo u suuragalin karta in madaxdoodu ay si amni ah ku joogi karaan buuraha.

Axmed Kaboole oo isna ka faalooda amniga Soomaaliya ayaa waxa uu qabaa in buuraha Puntland ay haatan yihiin halka ugu adag ay heli karaan kooxdu, ayna mar walba iyaga oo ka soo talaabaya dhinaca badda ay madaxdooda Bariga dhexe ku soo jabay ay imaan karaan Soomaaliya.

“Saldhig waxay u yihiin bariga Afrika maadaama ay ku soo jabeen Siiriya iyo Ciraaq,” ayuu yiri Kaboole.

Dhanka kale sarkaalkaan horay u soo hugaamiyay sirdoonka Puntland ayaa sheegay in xogaha sirdoon ee uu hayo ay sheegayaan in tirada ugu badan ee xubnaha kooxda ee ku sugan Soomaaliya ay yihiin ajanabi.

“Nimankaan Daacish…boqolkiiba in ka badan ama ku dhaw lixdan waa ajaanib, ma aha Soomaali”, ayuu yiri sarkaal oo ka hadlayay Daacishta ku sugan aagga Puntland.

Marar badan ayuu dawlad goboleedka Puntland aad isugu dayay in ay ka sifeeyaan buuraha ay uga sugan yihiin deeganadooda sida uu sheegay sarkaalku balse uma aysan suuragalin.

“Dagaalo badan bay xitaa la galeen ciidamada [Puntland], ilaa saddex dagaal baa la galay xilligaan Deni,” ayuu yiri sarkaalka oo la hadlayay BBC da.

Kooxda ayaa sidoo kale waxay dhaqdhaqaaqyo ka sameysaa Koonfurta Soomaaliya, iyada oo marar badan sheegatay qaraxyo iyo dilal ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ururka ayaa sidoo kale weeraro uu ka gaystay deegaanada gobolka Bari gaar ahaan caasimadiisa Boosaaso waxa uu ku dilay ganacsato badan, sarkaalka ayaa sheegay in weeradaas kadib ay dhaqaalo ka aruuriyeen deegaanka, kuwaas oo ay u adeegsadeen maalgalinta weeraro kale oo ay ka geysteen Soomaaliya.

Sawirro: Askar Muqdisho ka gaystay dil, dhaawacyo iyo dhac oo la soo bandhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 9 eedeysane oo loo heysto falal isugu jira dil, dhaawac iyo dhac ay u geysteen dadweynaha ku nool caasimadda Muqdisho.

“Eedeysanayaashaan waxaan ku jira shabakado abaabulan, waxaa ku socota baaris, waxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda awooda u leh,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Ragga lasoo bandhigay qaarkood waa odayaal, sidoo kale intooda badan waxay ku hubeysan yihiin tuutaha ciidamada dowladda iyo qoryo AK 47 ah.

Ragga qaar waxaa loo heystaa dilal, balse lama shaacin cidda ay dileen iyo sababta ay u dileen, si gaar ah ninka ugu weyn iyo kan ugu yar ayaa loo heystaa dilalka.

Sidoo kale ragga qaar waxaa lagu shaaciyey qoraalkaan inay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda, gaar ahaan militeriga.

Sawirrada 9-kaan eedeysane oo magacyadooda iyo dunuubta loo heysto lagu soo dul qoray ayuu baahiyey booliska Soomaaliya oo gacanta ku haya ragaas.

Muddooyinkii dambe booliska Soomaaliya ayaa go’aansaday in la fadeexeeyo oo bulshada loo soo bandhigo qofkii qalad gala ee muteysta xarig, waxaana lagu sawiraa astaanta booliska isagoo maxbuus ah, waxaana bulshada lala wadaagaa dembiga loo heysto.

Hoos ka eeg sawirrada ragga lagu soo qabtay dhaca dadweynaha Muqdisho.

DF Soomaaliya oo shaacisay tirada Xujeyda sanadkan ku geeriyootay XAJKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay arrimaha Xajka ee Sanadkan oo Soomaaliya ay ka tageen 11,500 oo Xaaji, waxayna shaacisay tirada rasmiga ee ka geeriyootay Xujeyda Soomaaliyeed.

Madaxa Xafiiska arrimaha Xajka ee wasaaradda arrimaha awqaafta iyo diinta xukuumadda Soomaaliya Khadar Daahir oo shir jaraa’id qabtay ayaa xaqiijiyay dhimashada illaa lix Xaaji oo isugu jiro rag iyo dumar, kuwaas oo laba kamid ah aygeeriyoodeen intii lagu guda jiray Xaja, labada kalena ay dhinteen kahor.

Khadar Daahir ayaa tilmaamay in Xujeyda geeriyooday ay qaarkood ahaayeen dad da’ah, sidoo kalena ay xanuunsanaayeen, wuxuuna tacsi u diray ehelladooda.

“Tirada dhimatay oo Xujeyda Soomaalida sanadkan ka geeriyootay waa lix Xaaji saddex rag ah iyo saddex dumar ah waxaa ku jiray dad da’ah oo xanuuno qabay” ayuu yiri Khadar Daahir oo ah madaxa Xafiiska arrimaha Xajka ee wasaaradda arrimaha awqaafta iyo Diinta Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuy intaasi sii raaciyay “Xujeydaasi laba kamid ah Xajka inta aan la galinin ayay geeriyoodeen, afarta kalena inta Xajka lagu guda jiray ayay geeriyoodeen”

Madaxa Xafiiska arrimaha Xajka ee wasaaradda arrimaha awqaafta iyo Diinta Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in marka la eego dhimashada guud ee sanadkan ka dhacday Xajka ay aad u badnayd, sababo la xiriirka kulaylka daran ee ka jira dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, balse ay ka nabad qabeen Xujeyda Soomaaliyeed.

“Dhimashada xoogga badan ee aadka u fara badan ee la sheegayo ay sabab u tahay qorraxda maalintii ah arrintaa Xujeydeyno aadbey uga nabad qabeen” ayuu mar kale yiri Khadar Daahir.

Xajka waxaa sanadkan tirada dhimashada ay gaartay 550 Xaaji, waxaana sababta lagu sheegay kulaylka daran ee ka jira Sacuudiga oo heerkulkiisu gaarayay 51.8 Eegrees Celsius.

Axmed Madoobe oo maanta qaaday tallaabo cusub kadib…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbalanad Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, isaga oo sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis.

Axmed Madoobe oo wareegto soo saaray ayaa maamul cusub u magacaabay Baardheere, isaga oo xilal kii ka qaaday mas’uuliyiintii hore ee degmadaasi.

Aadan Muxumed Axmed ayaa loo magacaabay guddoomiyaha degmada Baardheere, halka ku xigeenna loo magacaabay Mudane Saleebaan Cabdi Badal, sida lagu sheegay wareegtada.

“Magacaabistani waxay dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay” ayaa lagu yiri wareegtada soo kasoo baxday xafiiska Axmed Madoobe.

Hoose ka akhriso:-

MADAXWEYNAHA JUBALAND OO MAGACAABAY GUDOOMIYAHA IYO GUDOOMIYE KU XIGEENKA DEGMADA BAARDHEERE.

UJEEDDO: MAGACAABIS GUDOOMIYAHA IYO GUDOOMIYE KU XIGEENKA DEGMADA BAARDHEERE.

Tix-raac: XM/DGJS/066/2024

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Markuu arkay Dastuurka Dowladda Jubaland, Cutubkiisa 4aad,
Qodobka 72 aad, Farqada (5aad) ee ku aadan
awooda madaxweynaha ee magacaabida Golaha
Fulinta.

Markuu latashaday Madaxweyne Ku-xigeenada Dowladda Jubaland.

Wuxuu u magacaabay Mudane Adan Muxumed Axmed Gudoomiyaha Degmada Baardheere.

Waxaa kale oo Madaxweynahu u Magacaabay Mudane Saleeban Cabdi Badal Gudoomiye ku xigeenka Degmada Baardheere.

Magacaabistani waxay dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay.

DHAMMAAAAD.

Daawo: Fashilka dilalkii ay Shabaab u adeegsadeen Google Map iyo rag la qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta la hor keenay nin ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo dilay Nabadoon caan aha aiyo askari ka tirsanaa booliska Soomaaliya, dilalkaas ayaa ka dhacay Muqdisho, waxaana maqan 3 nin oo kale oo dilalkaas wax ka geystay.

Cabdi Cabdulqaadir Maxamed ayaa lagu magacaabaa dilaaga maanta la maxkamadeeyey, waxaana yaab leh sida ay dilalkaas u geysteen, maadaama ay isticmaaleen aalado casri ah, si ay u raadsadaan dadka ay dilayaan.

Google Map, waa aalada ay adeegsadeen ragga uu ku jiray ninkaan maanta la maxkamadeeyey iyo ragga maqan, in la qabto Cabdi waxaa fududeeyey dhaawac soo gaaray markii ay dilka geysanayeen.

“Nabadoon iyo askari istaaf u ahaa ayuu dilay ninkaan, sidoo kale askari kale ayuu Ex control ku dilay, 3 qof dilkood ayuu qirtay ninkaan, Nabadoonka waxay ku dileen deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho,” ayuu yiri Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada oo ninkaas dacwadda ku soo oogay.

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in Nabadoonka xiliga la dilay uu gargaar u qeybinayey qoysas danyar ah oo ku nool duleedka Muqdisho, “wuxuu ahaa nin darajo iyo maamuus leh, halkaas wuxuu u tegay caawinta bulshada, wanigaa dilay nin dhahaya ayaa maanta na horfadhiya, arxan daradaas ayuu cadeystay Cabdi,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa la soo qabtay oo maxkamadda la hor keenay ninkii Mooto Bajaaj-ta ku qaaday Cabdi oo dhaawac uu u geystay askarigii la socday nabadoonka la dilay, kaas oo isna dhintay, waxaana la qabtay Mootada uu sii dhaafeysa Ceelsha Biyaha, si ninka Nabadoonka dilay loo fakiyo.

Ninka waday Mooto Bajaaj-ta waxaa ku cadaatay in markiisii hore uu ka yimid Al-Shabaab oo waalidkiis ay u gadeen Mooto Bajaaj uu Muqdisho uga shaqeysto, balse si hoose ayuu ugu laabtay kooxdii, siu u ula shaqeeyo, wuxuuna deg deg ugu gurmaday ninkaan loo heysto dilkii nabadoonka oo dhaawac culus uu u geystay askari la socday nabadoonka oo isna halkaas ku dhintay.

Hoos ka daawo

Wareysi: Sidee Puntland u qabatay taliyihii $5-ta milyan ka qaatay MV Abdullah?

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shaaciyey in lasoo qabtay Taliyihii burcad-badeeda Soomaalida ee qabsatay markabkii weynaa ee MV Abdullah, kaas oo lagu sii daayey madax-furasho malaayiin doolar ah.

Booliska Puntland ayaa shalay xaqiijiyey inay gacanta ku soo dhigeen ninkii hogaamiyaha u ahaa kooxdii burcad badeeda aheyd ee afduubatay markabka.

Ninkaas waxaa lagu qabtay howlgal ay boolisku ka fuliyeen qaybo ka mid ah waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, sida uu Idaacadda VOA u sheegay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali Jifo.

“Ninkaasi wuxuu ahaa taliyihii burcadii qabsatay markabkii MV Abdullah, wuxuuna ka mid ahaa maal-geliyeyaasha burcadda, waxaan ku qabanay magaalada Gaalkacyo,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

Bartamihi bishii April ee sanadkan ayaa koox hubeysan oo burcad badeed Soomaali ah ayaa madax furasho shan milyan oo dollar gaareysay ka qaateen Markab nooca xamuulka qaada ah oo lagu magaaco MV Abdullah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay hayaan dhammaan xogta dadkii ku lugyeeshay afduubka markabkaas, isla markaana ay Puntland mid mid u soo qaba doonto, sida uu hadalka u dhigay.

“Anagu waxaan nahay dowlad, dadkuna waa is yaqaan, burcadii markabkaas qabsatay oo dhan liiskooda waan heynaa, ninkaan waa 38 jir waxaa la yiraa Abshir Cabdi Kheyre, ina Maryan Xasan, waxaana ku qabanay dabagal ay sameeyeen ciidamada sirdoonka,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in ninkaas ay daba-socdeen saacado badan xili u uku sugnaa xaafadda Israac ee magaalada Gaalkacyo, si looga taxadaro in uusan dagaalamin, ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in ciidamadu ay heleen fursad ay ku qabtaan.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ugu yaraan hal nin oo kale ay ka qabteen burcada, taasi ii ka dhigan in hadda la hayo Taliyihii iyo xubin kale raggii burcadda ahaa ee afduubtay, madax-furashadana ka qaatay markabkii MV Abdullah eel aga lahaa wadanka Bangaaladheesh.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Sawirro: Xasan Sheekh oo gaaray dalka Jabuuti – Muxuu kala hadlay Ismaaciil Geelle?

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Jabuuti gelinkii dambe ee maanta, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweynaha waxaa dalkaas kusoo dhaweeyay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo saaxiib dhow la ah Xasan Sheekh.

Labada madaxweyne ayaa yeeshay kulan weyn oo arrimo badan ay uga wadahadleen, kuwaas oo quseeya labada dal.

Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in qodobada ay dul istaageen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ay ugu muhiimaanaayeen xiisadda gobolka ka taagan ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxay waxay Xasan iyo Geelle ka wadahadleen dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab, bixitaanka ATMIS, qorshaha difaaca badda Soomaaliya iyo fursadaha lagu sii xooji karo xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti.

“Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa isku raacay in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida Gobolka, si la jaanqaadaysa duruufaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira gobolka. Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kaalinta muhiimka ah ee uu ka qaadanayo nabadda iyo xasiloonida gobolka geeska Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal ay Villa Somalia ka soo saartay kulankaas.

Booqashada Jabuuti ayaa ah lugtii ugu dambeysay ee safar dheer oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagey dalalka Norway, Switzerland iyo Turkey.

Madaxweynaha ayaa intii uu maqnaa waqtigiisa ugu badan ku qaatay dalka Turkiga, halkaas oo wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Hakan Fidan uu kula kulmay.

Madaxweynaha ayaa dowladda Turkiga kala hadlay sii ay garab uga sii laheyd dagaalka Al-Shabaab, waxaana halkaas ka dhacay heshiis ay Turkigu si buuxda uga qeyb qaadanayaan dagaalka Al-Shabaab.


Isbeddelka baasaboor Soomaaliga iyo dalalka dal ku-gal la’aanta lagu tagi karo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii la aqbalay in Soomaaliya ay xubin ka noqoto dalalka ku midoobay Bulshada Bariga Afrika bishii Marso ee sanadkan, waxaa jiray shirar xiriir ah oo dhex-maray Soomaaliya iyo dalalka kale ee xubnaha ka’ah, kuwaas oo ku aaddanaa sidii Soomaaliya u dhammaystiri lahayd shuruudihii looga baahnaa.

Soomaaliya ayaana weli ku howlan dhameystirka waxyaabaha uga dhiman buuxinta shuruudaha iyada oo ay kamid tahay waxyaabaha la xiriira baasaboorka.

Baasaboorka Soomaaliga ah ayaa lagu wadaa in uu kamid noqdo waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga shaqeynayo si uu u noqdo mid kamida basaboorrada dalalka Bariga Afrika.

Ilaa labaatan mas’uuliyiin Soomaali ah isla markaana uu horkacayo Dr. Cabdisalaan Cumar Hadliye, oo ah ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan bulshada Bariga Afrika ayaa ka qayb galay kulamo socon doona ilaa jimcaha kuwaas oo looga arrinsanayo sidii Soomaaliya ay u dhameystiri lahayd howlahan.

Waaxda socdaalka ee Soomaaliya ayaa haatan ku howlan habeynta iyo isku duba ridka baasaboorka Soomaaliga ah.

“Baasaboorka Soomaaliga sidiisa ayuu ahaan doonaa oo waxba lagama bedeli doono kaliya waxaa lagu qori doonaa astaan muujineysa in uu yahay baasaboor laga leyahay mid kamida dalalka Bulshada Bariga Afrika,” ayuu yiri Dr. Cabdisalaan Cumar Hadliye.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in laga shaqeeyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay tagaan dalalka Bariga Afrika iyaga oo aan u baahneyn wax dalku gal ah.

Mahad Cabdi oo ah la-taliye sare oo ka howlgala hay’adda socdaalka iyo jinsadaha Soomaaliya oo BBC-da uga warramay ayaa yiri, “Waxa aan hadda ku jirnaa shaqada howl gelinta baasaboorka Bulshada Bariga Afrika ee Soomaaliya hadda shirar ayaa noo socda waana rajeyneynaa in aan ku guuleysanno.”

Waxa uu sheegay in ay qaadan karto muddo sanad ilaa labo sano ah balse haatan uu si habsami leh u socda howlaha dar-dar gelinta ah.

“Ma jiro wax kabadal lagu sameynayo baasaboorka guud ee Soomaaliga ah, balse waxa aan ka bedeli doonnaa daboolka ama qolofka sare waxaa lagu qori doonaa magaca ‘Bulshada Bariga Afrika’ midabkana waa laga bedeli doonaa sida uu qorshuhu yahay laakiin beddel gudaha ah ma jiri doono,” ayuu sii raaciyay Mahad Cabdi.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in aysan waxba iska bedeli doonin baasaboorrada seerfiska ee shaqaalaha dowladda iyo kan kale ee dibloosiga ah balse kaliya qaybta sare laga bedeli doono kan caadiga ah ee dadweynaha.

Dr. Cabdisalaan Cumar Hadliye, oo ah ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan bulshada Bariga Afrika ayaa isna ka warbixiyay waxyaabaha kale ee Soomaaliya ay ku howlan tahay si ay shuruudaha u buuxiso.

“Waxyaabaha aan ka shaqeyneyno waxaa kamid ah sidii sistamyada la’isugu xiri lahaa guud ahaan dalalka bariga Afrika, iyo in laga shaqeeyo howlaha Kastamka, si ay suura gasho in deked walba wax lagalasoo degi karo,” ayuu yiri Hadliye oo BBC-da la hadlay.

Waxaa kale oo uu sheegay in qaababka qaadista lacagta laga shaqeynayo iyo aakhirka sidii loo sameyn lahaa lacag isku mid ah taas oo uu sheegay in ay qaadan karto muddo sanado ah.

Soomaaliya si ay uga mid noqoto Bulshada Bariga Afrika waxa ay soo dooran doontaa ilaa sagaal xubnood oo ku meteli doona golaha baarlamanka ee Bulshada Bariga Afrika iyada oo haatanba uu qorshuhu socdo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaana wuxuu ka dhawaajiyay in sida ugu dhakhsiyaha badan loosoo dooran doono xubnahan iyada oo lagu wado inta aan la gaarin Bisha siddeedaad ee sanadkan.

Kadib markii si rasmi ah loogu soo dhaweeyay Soomaaliya ururka Bariga Afrika ayaa waxaa tirada baarlamaanka Bariga Afrika ay noqon doontaa 82 xildhibaan.

Ilaa 72 ka mid ah xubnahani ayaa ah xildhibaanno la soo doortay, halka siddeed ay wasiirro yihiin, xoghayaha guud ee ururka iyo xubin ah la taliyahay dhanka sharciga.

Waxaa sidoo kale Soomaaliya laga filayaa in ay soo magacaabaan garsoore ka mid noqon doona xubnaha garsoorayaasha ee maxkamada caddaaladda Bulshada Bariga Afrika.

Isha: BBC

SABABTA ka dambeysa safarrada tirada badan ee madaxweyne Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saddex shaqo oo isku xigta isku maray dalalka Norway, Switzerland iyo Turkiga oo uu hadda joogo, waxaana jira warar sheegaya inuu shaqooyin kale ku tagi dalal Afrikaan ah maalmaha soo socda.

Madaxweynaha wuxuu isku qabtaa shaqadii madaxweynaha, tii ra’iisul wasaaraha iyo middii qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Ma sahlana in madaxweyne 70 jir ku dhow inuu weli tabartaas leeyahay oo uu hal asbuuc saddex shaqo ugu safri karo saddex waddan oo masaafo isku jira, welina ka keeni karo natiijo fiican.

Dadka qaar waxay ku dhaliilan madaxweyne Xasan Sheekh inuu aado safaro aan munaasab u aheyn shaqsiyan. Laakiin weli ma isweydiisay waxa madaxweyne Xasan ku qasbaaya inuu noqdo safar u joog.

Dib u fiiri ra’iisul wasaarihiisa iyo xukuumaddii uu dhisay August 2022. Wasiirro aad u tayo liita, kuwa aaminsan inay madaxweynaha leeyihiin, kuwo u mooda in olole lagu jiro iyo qaar fahamka dowladnimada kala weyn tahay xalinta baahida qabiilkooda ayaa ku fadhiya kuraastii lagu metali lahaa dalka, laguna hormarin lahaa hay’addaha dowladda.

Inuu Xasan Sheekh yahay safar u joog sooma bandhigeyso inuu madaxweynaha safar jaceyl qabo ee waa arrin ku fahamsiineysa tayo xumada dadka uu shaqooyinkii muhiimka ahaa u dhiibtay, si gaar ah tani waxay ku siinaysa fashilka xukuumadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu muddo xileedkiisa labaad ka isticmaalay labo sano iyo hal bil. Waxay ka dhigan tahay inuu dalku galay marxaladdii u diyaar-garowga doorashada 2026, sidaas darteed waxaa muhiim ah in la helo xukuumad xaqiijin karta amniga, keeni karta hanaan doorasho oo heshiis lagu yahay, ku filan inay jiheyso maamul goboleedyada, raadin karta dhaqaalihii doorashada lagu geli lahaa, beesha caalamka la jaanqaadi karta oo madaxweynaha ka dhimi karta culeysyada saaran ee keenay safarada badan.

Xukuumadda hadda Xasan Sheekh u joogta waxaa la isku raacsan yahay in aysan arrimahaas itaal iyo faham midna u haynin. Si madaxweynaha uga nasto safarada badan iyo inuu taagnaado madal walba, loona helo inta aan kor ku sheegnay ee la xiriirta doorashada, amniga iyo isku haynta dalka.

Dadka waxay durba bilaabeen inay ka doodaan Xasan Sheekh ma iska beddeli doona xukuumaddan oo ma heli doona xukuumad hoggaankeedu hal abuur iyo karti leeyahay, wasiiradeeduna ay qaadi karaan qarankan ay daruufaha badan hareeyeen.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u furmaaya bisha soo aadan ee July. Xildhibaannada waxay bilaabeen dooddo gaar gaar ah oo ku saabsan baahida loo qabo in isbeddel lagu sameeyo xukuumadda oo la raadiyo xukuumad culeyska la qeybsan karta madaxweynaha, laakiin weli ma bisla warka Xildhibaannada oo waxaa ku jira qaar ay dhinac u ridi karaan dhaqaale yar ama xil wasaaradeed.

Wararkii ugu dambeeyay DAGAAL cusub oo dib uga qarxay degmada Qoryooley

0

Qoryooley (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo mar kale dib uga qarxay gudaha degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo u dhexeeyo labada maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi.

Dagaalka ayaa salka ku haya colaad ka dhex taagan beelaha Garre iyo Jiide oo horay isugu gaystay dilal salka ku haya aanooyin qabiil.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu kusii fiday xaafad horleh oo ka tirsan magaalada, waxaana jira khasaare leh dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkan uu daba socdo afar qof oo dhowaan lagu dhex dilay magaalada, wuxuuna sheegay in weli dagaalka uu socdo.

“Dadka is dagaalayo Garre iyo Jiide waayay, darraad ayaa magaalada dagaal ka dhacay afar qof oo Garre ah ayaa lagu dilay weli xabadda way socotaa” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalkan uu saameyn ku yeeshay degmada Qoryooley, waxaana hakad galay goobaha ganacsiga iyo guud ahaan dhaq-dhaqaaqa degmada.,

“Xaaladda magaalada waa qasan tahay ganacsiga waa la xiray, mana jiro wax ciidan ah oo kala dhex-galay labada dhinac” ayuu sii raaciyay qofka kamid ah dadka deegaanka.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka gobolka oo ku aadan dagaalka kasoo cusboonaada halkaasi.

Shabeelaha Hoose ayaa waxaa kusoo laa laab laabtay dagaal beeleedyada, waxaana xiisaddan mid lamid ah ay ka taagan tahay degmada Wanlawayn ee gobolkaasi.

Daawo: XAADOOLE oo war culus kasoo saaray Shabaab-ka soo buux dhaafiyay Balcad

0

Balcad (Caasimada Online) – Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay kulan sanadeed lagu qabtay gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Xaadoole ayaa ugu horreyn soo hadal qaaday xaaladda ka taagan duleedka degmada Balcad, isaga oo sheegay inay soo buux dhaafiyeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaanka ayaa xusay in Al-Shabaab ay joogaan deegaanada u dhow Balcad, isla markanaara ay halkaas ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo iyo weeraro beegsi ah.

“Waa kan isgoyska Gololey, Xawaadley, Shanlow iyo Dhagaxow ayay joogaan Al-Shabaab, waana Balcad afkeeda, meesha la yiraahdo kulanka haddii aad dhaafto igaarta waa lagu dilayaa” ayuu yiri Xildhibaan Xaadoole oo ka hadlay shira ka dhacay Shabeelah Dhexe.

Cismaan Xaadoole ayaa ugu baaqay dadka deegaanka inay hubka qaataan, isla markaana ay iska dhiciyaan Al-Shabaab, si looga hortago abaabulka ay ka waddo halkaasi.

“Shalay waxaa laga soo raacdeeyay ninka la yiraahdo Muriidi Xasan Gurey ee Cadowgaas ma dheer yahay? yaanan ugu simin diyaarad iyo milatari ee aan aniga ku shahaadno aana iska celinayo” ayuu sii raaciyay xildhibaanku.

Waxaa kale oo uu ballan qaaday in dowladda Soomaaliya iyo HirShabelle ay ku garab istaagi doonaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

“Beesha aan baarlamaanka ku metelo dhul kama heystaan kooxaha Khawaarijta ah, hadana waxaan diyaar u nahay in dowladda aan ku garab istaagno xoreynta deegaanada kale ee dalka.” ayuu mar kale yiri Cismaan Xaadoole oo horay u ahaa sarkaal ciidan.

Si kastaba, HirShabelle ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab wajigii 1-aad ee dagaalka, balse mar kale ayay u muuqataa in kooxda ay kusoo rogaal celisay Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.