25.4 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Mareykanka oo shaaciyey xog niyad jab ku ah dowlada Soomaaliya – Maxaa cusub?

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil Mareykan ah ayaa shaaca ka qaaday in ay meesha ka baxeen dhammaan guulihii ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen Al-Shabaab markii dagaalka lagu qaaday kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in lixdi bil ee la soo dhaafay ay Al-Shabaab dhinaca kale ugu rogeen guulihi ay ciidanka Milatariga Soomaaliya ka gaareen howlgallada ay kula dagaallamayaan Al-Shabaab.

Arrintan ayaa ka dhigan in dagaalka cusub ee dowladda ay qorsheyneyso inay ku qaado kooxda uu ka dhigan yahay mid cusub oo hadda iyo kow ah.

Saraakiisha difaaca Mareykanka waxay kale oo sheegeen, in tirada maleeshiyaada Al-Shabaab ay hadda dib ugu soo laabatay tiro u dhaxeyso 12,000 ilaa 13,000 oo dagaalyahan.

Kororkaasi ayay sheegeen inuu dhacay kadib marki ay Al-Shabaab xoojisay isku daygeeda dhallinyarada ay qorato iyo dhaqaalaha soo galo kooxda, iyaga oo si gaar ah uga faa’iideystay is-afgaradki horraanti sannadkaan ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo marki danbe keenay inuu xumaado xiriirka diblamaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Mareykanka ayaa horey uga digay in Al-Shabaab ay is-afgaradkaas u adeegsan karto in ay ku qoroto dhallinyaro cusub, waxaana hadda muuqata in ay sidaas dhacday ayaga oo ka dhaadhicinaya dhallinyarada in ay dalkooda ka difaacan cadowga soo jireenka ah.

Dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku haysay Al-Shabaab ayaa hadda hakad ku jira muddo sanad ku dhow, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku mashquulay arrimo kale oo aan sidaas muhiim u aheyn.

Xogta qaar ayaa sheegeysa in dowladda Soomaaliya ay wajahday dhaqaale xumo, ayna awoodi waysay lacag ay ku maal-geliso dagaalka, taasi oo keentay hakadka ku yimid.

Ciidanka xoogga oo si rasmi ah ATMIS ugala wareegay saldhig istiraatiji oo ku yaala…

0

Bariire (Caasimada Online) – Taliska howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa saldhigga deegaanka Bariire ku wareejiyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo qayb ka ah qorshaha ku aadan bixitaanka ciidamadan oo hadda ku socdo si tartiib ah.

Munaasabad ka dhacday Bariire ayaa waxaa si rasmi ah saldhigga loogu wareejiyay cutubto ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay mas’uuliyadda amniga.

Si gaar ah waxaa ATMIS saldhigga ugala wareegay sarkaal lagu magacabao Muxudiin Axmed, oo kamid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kaas oo munaasabadda uga mahadceliyay taliska ciidanka Midowga Afrika ee muddada joogay halkaasi.

ATMIS ayaa saldhiggan oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoos gacanta ku haysay tan iyo sanadkii 2019, waxaana ay sheegtay inuu leeyahay muhiimad istiraatijiyad ah, maaddaama uu yahay goob difaac ah oo qiyaastii 60 KM dhanka galbeed kaga beegan Muqdisho

Taliyaha ciidamada Uganda ee ATMIS Anthony Lukwago Mbuusi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in mudaddii ay joogeen halkan wax badan ka qabteen Bariire, isaga oo u rajeeyay ciidamada dowladda inay gaaraan guullo kale oo waa wayn.

“Wareejinta saldhiga ciidamada Bariire kaliya ma ahan wareejinta hantida maguurtada ah, balse waxay astaan u tahay horumarka aan si wadajir ah uga sameynay howlgalka aan wadaagno,” ayuu taliyaha ciidamada Uganda ee ATMIS Anthony Lukwago Mbuusi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii garab istaagi doonaan ciidanka Soomaaliyeed, si uu amniga dalka ugu guuleysto mustaqbal dhow, maadaama ay ka baxayaan dalka.

“Waxaan si wadajir ah uga shaqeyn doonaa sidii Soomaaliya ay u heli lahayd mustaqbal ifaya, kaasoo ku dhisan iskaashi, is-ixtiraam, iyo hadafka guud ee ah in la helo nabad waarta,” ayuu yiri Mbuusi oo si rasmi ah u wareegjiyay  saldhigga deegaanka Bariire

ATMIS ayaa horay u wareejisay dhowr saldhig oo ku kala yaalla HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana haatan ka howlgala ciidamada Xoogga dalka.

Daawo: Ganacsatada oo looga digay inay hanti geliyaan Qabuuraha Iskuul Buluusiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Muqdisho ka taagan xiisadda ka dhalatay dhulka Qabuuraha Iskuul Buluusiya, kadib markii dowladda Soomaaliya ay amartay in lagala baxo maydadka, waxaana dhaqan-galay go’aankaas, ayada oo maydadkii ugu badnaa laga saaray dhulkaasi oo hadda loo rabo in laga dhiso xerada ciidamada badda.

Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ah oo ah guddoomiyaha guddiga xeer hoosaadka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay faagista Qabuuraha, wuxuuna sheegay in xilligan aysan baahi loo qabo in meytada dib lasoo faago.

Cabdisamad Macallin oo wareysi siiyay Shabelle Tv ayaa shaaca ka qaaday in dowladda looga baahnaa in marka hore ay qorshe u keento arrinta qabuuraha, kadibna ay dhaqan-geliso go’aankeeda oo uu tilmaamay in haatan uu ahaa mid degdeg ah oo lagu fududaaday.

“Haddii ay dowladdu daneyneyso qabuuraha, waa in la xiro oo labo sano iyo dheeraad ay xirnaadaan kadibna la joojiyo dadka lagu aasayo ka bacdina la daneeyo, xittaa wax aqli geli karo ayay ahaan lahayd” ayuu wareysigan ku yiri xildhibaan Cabdisamad Macallin.

Xildhibaanka ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga digay in Qabuuraha Iskuul Buluusiya iyo dhulalka ka kale ee dowladda ay iska gelin hantidooda, isaga oo sheegay inay khasaare kala kulmi karaan mustaqbalka dhow, maadaama aysan sii joogi doonin xukuumaddan.

“Dadka ganacsatada ah ee hantidooda faraha badan gelinaya dhul ay dowladdu leedahay oo aan loo marin sharciga, haddee iskama sii ahaaneyso xukuumaddan oo weligeed joogi mayso, laakiin waxaa imaan kara in khasaare fara badan ay la kulmaan” ayuu kusii daray.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in sharciyadii ay meesha ka maqan tahay, isla markaana aan hanaan sax ah loo marin dhulalka dowladda ee la iibiyay, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka laga hadlaayo dhul ay dowladda leedahay, haddana wax dadweyne ah aan dan u ahayn laga dhisayo, waxaana la rabaaa in dhulka la iibinayo loo maro sifo sharci ah” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo si weyn loogu dhaliilay dowladda federaalka go’aankeeda ku aadan faagista Qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho, kaas oo saameyn wayn ku yeeshay ehellada ay dadkooda ku aasnaayeen halkaasi.

SUDAN oo dacwo ka ah Imaaraadka Carabta kadib tallaabooyin ay qaaday

New York (Caasimada Online) – Safiirka Suudaan ee Qaramada Midoobay Al- Harith Idriss Al- Harith ayaa weerar afka ah ku qaaday Imaaraadka Carabta shir Golaha Ammaanka.

Safiirka ayaa ku eedeeyay dowladda Imaaraadka Carabta inay colaad ka dhex hurineyso dalkiisa, eedeyntaasi oo ergayga Imaaraadk Carabta uu si cad u diiday.

Muddo bilo ah, ayaa ciidanka Sudaan waxay ku eedeynayeen Abu Dhabi inay taageerto xoogaga RSF ee dagaalka kula jira ciidanka qalabka sida ee Sudan.

Bishii Abriil, Suudaan waxay codsatay kulan deg-deg ah oo Golaha Amaanka oo ku saabsan eedeeyntaasi kaas oo aan meel marin.

Sudan ayaa cagaha la gashay dagaalka sokeeye bishii April 2023-kii oo ay iska hor-ymaadeen militariga caadiga ah ee uu hogaamiyo taliyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhan iyo xoogaga RSF ee uu hogaamiyo ku xigeenkiisii hore Mohamed Hamdan Daglo.

Qaraar la ansixiyay todobaadkii hore oo lagu dalbanayay in lasoo afjaro “go’doominta” RSF ee El-Fasher ee gobolka Darfur ee Suudaan ayaa golaha ammaanka wuxuu ugu baaqay dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay “iska ilaaliyaan fara-gelin dibadeed”.

Sidoo kale golaha ammaanka ayaa wuxuu ku booriyay in la ixtiraamo cuna-qabateeynta hubka ee Suudaan.

Si kastaba, Xaaladda Suudaan ayaa weli ah mid cakiran, iyada oo dagaalka dhinacyadan uu billowday xilli aan laga fileyn oo dadka ay si caadi ah u wateen hawl-maalmeedkooda.

Shabaab oo gubay gaari ku jeeday Jowhar – Muxuu siday?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar dhabogal ah oo ay maanta maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay waddada u galeen gaari xamuul ah oo kusii jeeday magaalada Jowhar, waxayna qabadsiiyeen dab, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Gaariga ayaa lasoo wariyay inay Al-Shabaab ku tuhmeen inuu qalab u siday maamulka HirShabelle, waxayna ku gubeen agagaarka deegaanka Gololey ee Shabeelaha Dhexe.

Gebi ahaan gaariga iyo alaabta uu siday ayaa bas-beelay, waxaana kadib halkaas isaga dhaqaaqay xubanah Al-Shabaab weerarka fuliyay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo mas’uuliyiinta HirShabelle oo ku aadan weerarkaas baabuurka xamuulka ah lagu gubay.

Maalmo kahor ayay ahayd markii ay sidaan oo kale ay Al-Shabaab u gubeen 4 gaari oo ku sii jeeday Jowhar, kuwaas oo siday agab kala duwan.

Weerarada ka dhaca inta u dhexeysa Balcad iyo Jowhar ayaa aad u kordhay todobaadyadii lasoo dhaafay, waxayna saameyn ku yeesheen isku socodka labadaas magaallo.

Sidoo kale waxaa sii dheer weeraro toos ah oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab kusoo qaadaan degmada Balcad iyo saldhigyada ciidamada ee ku yaalla halkaasi.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa weli ka socdo dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab, wuxuuna kamid ah meelaha kooxda lagu jebiyay wejigii koowaad dagaalka ay qaaday dowladda.

Qorshe Imaaraadka loogu wareejinayo dekad kale oo Soomaaliya ah oo laga digay

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Xasan Gablax oo ka tirsan barlamaanka Puntland, degaan doorashadiisuna tahay gobolka Mudug ayaa ka digey heshiis ay guddiga gacanta ku haya dekedda Garacad la galaan shirkad laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta.

Gablax ayaa uga digey guddiga Wadaagsan ee dekedda maamula in ay galaan heshiis aan la shaacin, wuxuuna xusay in heshiis aan la gala tashan waxgaradka iyo bulshada gobolkaasi uu wiiqi doono xiriirka ka dhexeeya Imaaraadka iyo bulshada Soomaaliyeed.

“Anigoo ku hadlaya xilka xildhibaanimo ee laga soo doortay degmada Jarriiban, waxaan halkaan uga digayaa Guddida Shirkadda Wadagsan inay ku degdegaan heshiis aan la shaacin oo khuseeya Dekedda Garacad oo ay la galaan shirkad ay dawladda Imaaraadka Carabtu leedahay,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Gablax.

“Shirkada Wadagsan keligeed iskama leh dekedda Garacad. Odoyaasha iyo dadka aan kasoo jeedo ee Mudug, lagalama tashan hantidooda ay maalgashadeen, waxayna ka walaacsan yihiin hubanti la’aanta uu heshiiskani ka dhex abuuri karo xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.”

Imaaraadka Carabta, oo adeegsanaya shirkadda DP World ayaa waxa ay hadda heshiis maamul kula jiraan laba ka mid ah dekadaha Soomaaliya, kuwaas oo kala ah dekadda Berbera iyo dekedda Boosaaso.

Si kastaba, inkasta oo horumarin wanaagsan ay ku sameeyeen dekadda Berbera, haddana Imaaraadka qarash badan kuma bixin umana casriyeyn dekadda Boosaaso, si la mid ah tan Berbera.

Dadka reer Puntland qaarkood ayaa aaminsan in Imaaraadka aysan daacad ka aheyn inay horumariyaan dekadda Boosaaso, islamarkaana ujeedkooda markii horeba uu ahaa inay gacanta ku dhigaan si ay uga hor-istaagaan dalal iyo shirkado kale in ay la wareegaan maamulka.

Xalka Soomaaliya iyo afar qodob oo loo baahan yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo war qoraal ah soo saaray ayaa soo bandhigay 4 qodob oo haddii la helo uu sheegay inay xal u noqon karaan xaqiijinta dowladnimo sal adag oo ka hirgasha gudaha Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyay in dalkeenna uu ka lumay dhinacyo muhiim ah sida runta, daacadnimada, aaminaada, hufnaanta, cadaaladda iyo isla xisaabtanka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qaybihii kale ee bulshada ee isku taagi lahaa toosinta siyaasada iyo difaaca danta guud ay gabeen mas’uuliyadda ka saarnayd dalka.

“Haddiise la helo ganacsato ku dhac leh oo danta guud taageera, culimo akhlaaqda dowladnimada, iyo danta guud ka hadla, warbaahin xirfad iyo hufnaan ku shaqaysa, iyo siyaasiyiin xilkasnimo iyo damiir leh, haba yaraadaan dalku wuu hagaagayaa” ayuu yiri.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Siyaasadda dalkeenna waxaa ka lumay qiyamkii iyo akhlaaqdii runta, daacadnimada, aaminaadda, hufnaanta, cadaaladda, sinnaanta, xilkasnimada iyo isla xisaabtan. Qaybihii kale ee bulshada ee isku taagi lahaa toosinta siyaasada iyo difaaca danta guudna waxay u kala baxeen:-

1- Ganacsato dantooda raacda oo aan dan guud iyo  dowlad wax ku darsan, iyo kuwo dawlada la nool oo qandaraas ka qaata ama ka sugaya.

2-  NGO layaal iyo kooxo adeeg la talinta  (Consultants) ku shaqaysta oo aan waxba ka sheegi karin dowladda.

3- Culimo ku mashquulsan waano iyo wacdiga la xariira akhlaaqda shakhsiga ah ee aan ku hawllanayn akhlaaqda dowladnimo, iyo kuwo dowladda fatwada iyo u qiildeyidda ku horboodaya.

4- Warbaahin laga xoogsado oo subixii wax dhaliilaysa , galabkiina amaan tebinaysa, tabar iyo tayo la’aan ah, haatana ay ka awood bateen qaaqle dacaayad iyo aflagaado u joog ah.

Haddiise la helo ganacsato ku dhac leh oo danta guud taageera, culimo akhlaaqda dowladnimada, iyo danta guud ka hadla, warbaahin xirfad iyo hufnaan ku shaqaysa, iyo siyaasiyiin xilkasnimo iyo damiir leh, haba yaraadaan dalku wuu hagaagayaa.

Wasiir Jaamac oo si jees-jees ugu jawaabay xildhibaan federaal oo weeraray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa si jees-jees ah uga jawaabay Xildhibaan Dayax Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka oo maalmihii dambe ay isku weerareen baraha bulshada.

Labada nin oo maalmahan ay xiisad xooggan ka dhaxeysay ayaa isku qaaday weerar afka ah, ayada oo wasiir Jaamac uu kasoo jawaabay qoraal uu ku weeraray Xildhibaan Dayax, kaasi oo uu ku sheegay in wasiirka ay ku hayaan booska wasaaradda gaashaandhiga dowladdo shisheeye iyo dano gaar ah.

“Soomaali way ogtahay in aadan lahayn aqoon iyo waayo aragnimo aad ku noqoto wasiir difaac hase yeeshee waxaysan ogeyn in dowlado iyo dano gaar ah meesha kugu hayaan,” ayuu xildhibaanka ku yiri qoraal uu ku weeraray wasiir Jaamac.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa weerarkan uga jawaabay “si jees-jees ah” isaggoo Dayax ku tilmaamay mid aan caqli badan laheyn oo ay kasoo dhex hadlayaan siyaasiyiin kale oo banaanka iman karin, sida uu hadalka u dhigay.

“Mudane Afhayeen waan jeclaan lahaa Odayaasha ku soo direy iney laamiga soo istaagaan isna cadeeyaan iney raali ka yihiin in Ethiopia qaadato dhul iyo Bad Soomaaliyeed, kumase dhacaane,” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Waxa uu intaas kusii daray “Adiga waxaan kugula talin lahaa inaad masaasadaadii iyo abuu-waladkaagi isaga laabato, una sheegtid iney iyagu laamiga yimaadaan. Somaaliya Soomaali baa leh.”

Halkee ayey kasoo bilaabatay xiisadda labada nin?

Labadaan nin ayaa sida muuqata uu ka dhaxeeya xilaaftan siyaasadeed muddo huursanaa, ayada oo ay isku qabteen hanaanka hoggaamineed ee wasaaradda difaaca iyo dagaalka Itoobiya.

“Sidee Ethiopia ugu adkaan karnaa? Markaa adigoo TikToker ah aad wasiir difaac noo tahay, waliba aad dumin sare ku hayso ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed. Cajiib,” ayuu yiri Xildhibaan Dayax oo maalmo kahor ka fal-caliyay jawaab uu wasiirka ka bixiyay qoraal wasiir Itoobiyaan ah uu ku sheegay inay aqoonsanayaan Somaliland.

Wasiirka oo kasoo jawaabay qoraalka Xildhibaanka ayaa wuxuu weydiiyay xilliga uu noqday afhayeen Ethiopia, isagoo kusoo hal qabsaday xildhibaankii hore ee kursigaan ku fadhin jiray.

“Xildhibaane kursigaa ku fadhido hogaamiye Maxamed Qanyare Afrax oo qadiyadaha Soomaalinimada ahmiyad u leedahay ayaa ku fadhin jirey, adigu goormaa afhayeen Ethiopia noqotey? Cajiib,” ayu Jaamac ku yiri qoraal ugu jawaabay Dayax.

Markale ayuu haddana Xildhibaan Dayax usoo jawaabay Wasiir Jaamac, wuxuuna yiri “Horta adigu meeqo Jaamacaa tahay?!. Nin haduu dadkiisa iyo dalkiisa dhagar ka galo, si kasta oo uu daruuraha ama dayaxo u koro. nabsaa deyne ma ogtahay Jaamacow.”

Sidoo kale waxa uu xildhibaanka ku eedeeyay Jaamac in kursiga loogu hayo rabitaanka dowladdo shisheeye iyo dano gaar ah, islamarkaana uusan laheyn aqoon iyo waayo aragnimo uu ku noqdo wasiir difaac, sida uu sheegay.

PUTIN oo 24 sano kadib ka dagay Kuuriyada Waqooyi

Pyongyang (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta oo Arbacada gaaray Kuuriyada Waqooyi, kaddib markii uu sheegay in labada dal ay doonayaan inay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii ay uga gudbi lahaayeen cunaqabateynta uu Mareykanku ee saaran labada waddan.

Putin ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Pyongyang kula kulmay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, oo ay is qacan qaadeen isuna haayoodeen kadibna wada raceen gaariga Kim oo loogu galbiyay guriga martida ee Kumsusan ee Pyongyang sida ay sheegtay wakaaladda wararka Kuuriyada Waqooyi.

Labada hogaamiye ayaa kulankooda ku tilmaantay dhacdo taariikhi ah, oo muujinaysa sii waarida saaxiibtinimada iyo wadajirka labada waddan.

Putin, oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Kuuriyada Waqooyi muddo 24 sano ah, ayaa faallooyin ka soo muuqday warbaahinta dowladda saacado ka hor inta uusan ka degin Pyongyang ku sheegay in uu aad uga mahadcelinayo taageerada adag ee dalkaasi u fidiyay falkiisa milatari ee Ukraine.

Booqashadan oo ah mid naadir ah ayaa muujinaysa is dhexgalka qotoda dheer ee labada dal iyo baahida Moscow ee ah in ay hub ka hesho Pyongyang si ay u sii wado dagaalka ay ku hayso Ukraine.

Kremlin-ka ayaa duullaan ballaaran ku qaaday dalka deriska la ah ee Ukraine sanadkii 2022-kii.

Sawirro: Ibraahim Sheekh Aadan oo 16 sano ka tirsanaa Al-Shabaab oo bixiyey xog culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ibraahim Sheekh Aadan oo 16 sano ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Bakool.

Ninkaan oo magaciisa afgarashada Shabaab u yaqaanaan ku sheegay (Yowkoyow) ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamo ku sugan degmada Waajid.

Ibraahim ayaa sheegay in 16 sano uu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, taas oo ka dhigan in tan iyo markii la aas-aasay uu ka barbar dagaalamayey.

Saraakiishii uu isku soo dhiibay ninkaan ayaa u waramay Caasimada Online, waxayna sheegeen in Ibraahim uu ka soo dagaalamay dhamaan gobollada dalka, inta ay Shabaab ka joogaan.

Hadda markii uu ka soo goostay kooxda wuxuu ka tirsanaa qeybta Jabhadaha oo ah kuwa u dagaalama kooxda ee militeriga ay u yaqaanaan.

Ninkaan ayaa sheegay inuu ku noolaa waayey xaaladda adag ee duurka ku heysata kooxda, isagoo saaxiibadiis ugu baaqay inay ka soo baxaan Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa si aad isku soo dhiibeysa maalmahaan, waxayna sababta ku sheegeen xubnihii yimid inay u dul qaada waayeen duqeymaha iyo gaajada heysata.

Al-Shabaab tirada ugu badan ee dagaalyahanada ka yimid waxay iska soo dhiibeen deegaanada Koonfur Galbeed, taas oo muujineysa in kooxdu ay ku xoogantahay gobollada K/Galbeed.

Madaxweyne Biden oo soo saaraya sharci ka farxinaya Soomaalida Mareykanka

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo siyaasad cusub oo ilaalinaysa dadka magangalyo doonka ah ee dalkaas tagay muddo hore si aan loo masaafurin, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka.

Siyaasadan cusub ayaa caawin doonta kumanaan qof oo muddo 0 sano ah ku noolaa Maraykanka balse an la siin sharciga dalkaasi.

Dadkaas ayaa isugu jira kuwo iyagoo carruur ah waalidkooda si tarhiib ah kula galeen Maraykanka, kuwo qaangaar ahaa oo si sharci darraa ku galay dalkaas balse markii danbe guursaday muwaadinad ama muwaadin Maryakanka ah.

Waxaa kale oo sharcigu caawin kari doonaa dadka dalka Maraykanka ku galay Viso balse aan laaban markii uu dhacay oo muddo tobban sanaana ku noolaa dalkaasi.

Dadkaas waxaa kale oo ku jira kuwa muddo dheer wax ka baranayey Maraykanka iyo kuwo bixinayey canshuuraha oo shaqooyin ku helay sharciyo kumelgaara oo bini’aaddanimo ah.

Sharciyaqaan Aamiin Haruun oo ka howlgala magalaada Minneapolis, ayaa Idaacadda BBC u sheegay in ku dhawaad shan boqol ilaa hal milyan oo qof ayaa la rajaynayaa inay ka faa’iidaysan doonaan siyaasadan cusub ee maamulka Biden.

Waxaa jira Soomaali badan oo dalka Maraykanka ku galay qaab tahriib sanado badan ka hor kuwaas oo inta gaarta mudda 10 sanaa sidoo kale ay heli karayaan fursadan sida uu xusay garyaqaan Aamiin Haaruun.

Aqalka Cad ayaa rumeysan in in ka badan 500,000 oo xaasas ah oo haysta dhalashada Mareykanka ay ka faa’ideysan doonaan, marka lagu daro 50,000 oo dhallinyaro ah oo ka yar 21 sano oo ay dhaleen waalidiin haysta dhalashada Maraykanka.

Barnaamijku wuxuu u oggolaanayaa lammaanaha iyo carruurtaba inay codsadaan deggenaansho rasmi ah iyaga oo aan ka tagin Maraykanka, nidaamka ayaana Meesha ka saaraysa habraac dheer oo suurtagal ah haddii uu tarxiil imaan lahaa in qoysasku go’aan.

Daawo: Bashiir Macallin oo difaacay madaxweyne Xasan kadib tallaabadii uu qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Bashiir Macallin Cali oo ka qayb-galay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa si weyn u difaacay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si xoogan loogu dhalleeceeyay go’aanka lagu faagay qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalasa Muqdisho.

Bashiir Macallin ayaa u jawaabay xubnaha mucaaradka ah iyo dadka kale ee madaxweynaha ku dhaliilay tallaabada uu qaaday ee maydadka looga soo saaray qabuurahaasi, wuxuuna sheegay in laga haboon yahay in la siyaasadeeyo maydad laga soo bixiyay dhul Soomaaliyeed oo la geeyay dhul kale oo Soomaaliyeed.

Agaasimaha ayaa sheegay in dhulkaas oo dan-guud ah laga rabo xero ciidan, sidaas daraadeedna uu ka digayo in la siyaasadeed arrimaha ciidanka iyo horumarkooda.

“Waxaan rabnaa in marnaba aan la siyaasadeynin arrimaha ciidanka maalin dhaweyd waxaa la dhahay halaga baxo oo maydadka halaga saaro Qabuuraha Iskuul Buluusiya oo waxaa u baahan ciidanka waa sax waxa qabriga ku jiro waa mayd, maydkana xormuu leeyahay laakiin mayd laga saaray dhul Soomaaliyeed oo lagu duugay dhul kale oo Soomaaliyeed in la siyaasadeedyo sax ma’aha” ayuu yiri agaasime Bashiir Macallin.

Sidoo kale wuxuu agaasimuhu sii raaciyay “Ninka dhahaayo waxaan ka jiriricooday maydka ee aan haddane u hambalyeneynin guulaha ay ciidanka keeneen iyo Khawaarijta la jebiyay waxaan leenahay jiriricadaas waxba kama jiraan yaan la siyaasadeyn ciidanka.”

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ay ka go’an tahay in la dhiso, lana qabeeyo ciidanka xoogga dalka.

“Meelaha ay ciidanka dagan yihiin waa la dhisayaa diyaarado ayaa loo gaday waad aragteen, waxay u baahan yihiin garoomo u gaar ah, waxay u baahan yihiin in mushaarka loo kordhiyo,” ayuu mar kale yiri agaasimaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.

Bashiir Macallin ayaa ugu dambeyn farriin u diray xubnaha mucaaradka, isaga oo ugu baaqay inay iska daayaan arrinta qabuuraha, ayna raadiyaan dhaliil kale.

“Walaalayaalow waxyaalo kale oo madaxweynaha lagu dhaliilo hala raadiyo laakiin ciidankii uu 24 saac usoo jeeday oo furimaha uu u taagnaa meesha uu u qalabeynaayay in la siyaasadeeyo sax ma’ahan, mana la aqbali karo,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Daawo: Axmed Madoobe oo maanta tegay magaalo laga xoreeyay kooxda Al-Shabab

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo wata gaadiidka dagaalka oo tiro badan ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Buulo Xaaji oo qiyaastii 90 KM galbeed ka xigta magaallo xeebeedka Kismaayo, halkaas oo dhowaan laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa meel fagaare ah kula hadlay dadweynaha ku nool deegaanka, isaga oo kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan horumarkooda, ayna garab istaagaan ciidamada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhammaan hay’adaha dowladda ay bilaabi doonaan adeegyada bulshada gaar ahaan Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo adeega internetka oo dhawaan loo fasaxay deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa kale oo intaas ku daray in maamulka deegaanka sida ugu dhakhsiyaha badan  loo soo dhisi doono, si uu dardargeliyo howlaha horumarineed ee looga baahan yahay.

“Reer Buulo Xaajo dowlad ayaa iidn timid hadda kadib looma dacwoon karo Al-Shabaab, mana lala macaamili karo” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale balan-qaaday in ciidamada xoreeyay Buulo Xaaji ayna dib uga noqon doonin magaalada isagoo sheegay in sidoo kale deegaanka laga hirgalin doono maxkamad, isla markana aan la aqbali doonin in dacwad loo aado kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan saaka idin kuugu imid inaan kow idin xaqiijiyo in aan la’idinka noqoneynin iyo inaad heshaan adeegga dowlanimada oo la’idin sameynayo sida waxbarashadii, caafimaadkii iyo biyihii ” ayuu mar kale yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in mudo dheer khawaariijtu ay isku diraysay beelaha deegaanka, taas oo sababtay isku dhacyo dhinaca beelaha ah, balse hadda kadib laga gudbi doono dhibaatooyinkaas oo la dagay horumarkii bulshada iyo magaalada.

Dowladda Soomaaliya oo qoraneysa saraakiil cusub iyo shuruudaha oo la shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay qaadaneyso layli saraakiil cusub oo rag iyo dumarba leh.

Qoraal kasoo baxay Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu shaaciyay in arji qabashada ay bilaaban doonto 6-da bisha soo aadan ee Luulyo illaa 25-ka Luulyo.

Shuruudaha uu soo saaray taliska ayaa waxaa kow ka ah in uusan qofka horey uga soo mid noqon kooxaha argagixisada, islamarkaana ay da’diisu u dhaxeyso 18 sano ilaa 22 sano.

Saraakiisha cusub ee dowladda qoraneyso ayaa waxaa lagu tababari doona kuliyadda Turksom ee magaalada Muqdisho, ayada dowladda Turkiga ay dabooleyso dhamaan baahiyaha dhalinyarada loo laylinayo sarkaalnimada.

Hoos ka aqriso shuruudaha iyo qoraalka kasoo baxay taliska.

Taliska ciidanka X.D.Soomaaliyeed waxa uu qaadanaya layli saraakiil cusub oo rag iyo dumarba leh.

Taariikhda arji qabashada:

Ragga 06-da Luulyo ilaa 18ka Luulyo

Dumarka : 20ka Luulyo ilaa 25Ka Luulyo
Shuruudaha:

  • Waa inoo ahaada muwaadin Jamhuuriyadda Federaalka soomaaliya.
  • Waa inoo wataa Shahaado dugsi sare oo asal ah(orginal) ama wax ka sareyo.
  • Waa inay Da’da u dhaxeysaa 18 sano ilaa 22 sano jir (2002-2006).
  • Hadii uu ardayga sanadkaan dugsi sare ka qalin jabiyay aanu wali uso bixin shahaadada waxaa laga doonaya Warqad cadeynaysa inuu shahaado suge yahay oo timbaraysan.
  • Kaarka imtixaanka dowladda uu ku galay.
  • Dhalasho Iyo sugnaan oo gobolka ah ama Passport.
  • In uusan horay uga soo mid noqonin kooxaha argagixisada ah.
  • In uusan balwad lahayn.
  • Heerarka dhirika iyo culeyska waxaa lagu muujiyay Tusmada 1’aad.
  • Heerarka awoodda jirka waxaa lagu muujiyay Tusmada 2aad.
  • Maadooyinka Imtixaanka qabuulka iyo tirada su’aalaha waxaa lagu muujiyay Tusmada 3-aad.

FG: Ardayga hadii uu ku imaanayo shahaado Jaamacadeed waxa uu horay usoo qaadanayaa Shahaadada dugsi sare oo asal ah (orginal). Dhamaan ducoment-yada lagaa doonayo waa inay asal ahaadan (orginal) hadii aad fotokopi la timaado laguma qaabili doono.

“Waxaad horay usoo qaadataa dhar isbortis iyo kabo isbortis ah.”

Somaliland oo safaaradaha shisheeye ee Xalane degan ka dalbatay inay DF ku qasbaan…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa markale ka hadashay kiiska agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hey’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya Cabdinaasir Dahable oo bishii Febraayo ee sanadkaan dil shaki xooggan dhaliyay loogu geystay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Mareexaan ayaa ka dalbaday safaaradaha shisheeye ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho inay ka wardoonaan dhalinyarada Muqdisho loogu xiray dilka Cabdinaasir Dahable, oo uu sheegay in jirdil ba’an loo geystay.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka dalbaday hay’addaha xuquuqal insaanka inay soo fara-geliyaan arrintaan, si loo sii daayo dhalinyaradan oo uu sheegay in aan lagu hayn wax dambi ah, balse lagu qasbayo inay qirtaan dambiga ay hay’addaha ammaanka usoo xireen.

“Dhallinyaradii Xamar inagaga xidh-xidhnayd ee dowladda Xamar ay mu’aamaradaysay ee ninkii dhallinyarada ahaa la dilay lagu mu’aamaradeeyay ee fashilantay ee la doonayo inta la jidhdilo in danbiga la saaro, hay’addaha xuquuqal insaanku ha ka jawaabaan,” ayuu yiri Wasiir Cali Mareexaan.

“Dowladda Xamar waa ku dhici la’dahay in ay sii deyso ama maxkamad horkeento dhalinyarada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka oo dowladda Xasan Sheekh ku eedeeyay inay ka baqeyso fashil, maadaama ay jirdil u gaysteen dhallinyarada.

Hadalkan ayaa imanaya xilli dhawaan qaar kamida ehellada iyo waalidiinta dhalinyarada xiran oo reer Somaliland ay sheegeen in ciqaab daran ay ku wajahayaan xarunta dembi baarista booliska ee CID-da Muqdisho.

Allaha u naxariiste Cabdinaasir oo kasoo jeeday gobolka Awdal ayaa dhowr bil kahor waxaa lagu dilay magaalada Muqdisho, gaar ahaan qolkiisa, guri uu ka deganaa agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaan weli socota baarista kiiskan.

Sawirro: Sheekh Shariif oo ammaanay Maxamed bin Salmaan kadib markii uu…

Makkah (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ammaanay oo u mahad-celiyey dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan oo sanadkan ku marti-qaaday gudashada waajibaadka Xajka.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ku ammaanay dhaxal-sugaha iyo boqortooyada Sacuudiga is-garab taagga wadamada Islaamka oo dhan, gaar ahaana dadaallada dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo gargaarka bani’adaannimo.

Hoos ka aqriso qoraalka Sheekh Shariif

Waxay mahad u sugnaatay Allaah (SWT), oo inoo suurta geliyey inaan markale sanadkaan kamid noqonno Muslimiintii soo gudatey waajibaadkii Xajka. Waxaan uga mahadnaqaayaa madaxda Boqortooyada Sacuudiga oo ay ugu horreeyaan Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis iyo Dhaxal Sugaha Maxamed Bin Salmaan, oo  adeegyo cusub oo u fududeynaayo sannadkan usoo kordhiyey  martida Alle ee sannadkan gudanaysay acmaasha waajibaadka Xajka.

Waxaan si gaar ah, dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uga mahadcelinayaa casuumaada martiqaadka qado sharafka uu u sameeyay mas’uuliyiinta sannadkan kasoo qeybgashay gudashada Xajka oo aan kamid ahaa.

Waxaan bogaadinayaa kaalinta Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan isgarab taagga wadamada Islaamka oo dhan gaar Ahaana dadaallada dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo gargaarka bani’aadannimo ee ay muddada dheer la garab-taagnaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed uga baryayaa inuu nabad iyo barwaaqo inooga dhigo.

Maxay ka dhigan tahay inay Itoobiya ka laabatay hadalkii aqoonsiga SOMALILAND?

Addis-Ababa (Caasimada Online) –  Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bulbulta oo qoraal hadal badan abuuray soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa waxa uu shaaciyay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi siiya Somaliland.

“Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid milatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta, wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya.

Balse saacado kooban kadib waxaa hawada ka baxay qoraalkii uu soo dhigay wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha ee Itoobiya kaas oo u muuqday in gebi ahaanba la tir-tiray. 

Dad badan ayaa u fasiray in Itoobiya ay gaabsaneyso ka hadalka arrintan halka kuwa kalana ay u fasireen in sababo farsamo awgood qoraalka looga saaray barta X ama Twitter. 

Haddaba muxuu ka dhigan yahay qoraalkan? 

Maxamed Mukhtaar oo ah wasiirkii hore ee batroolka Soomaaliya ahna falanqeeye ka faallooda siyaasadda geeska gaar ahaan Soomaaliya ayaa ku tilmaamay arrinkan mid aan wax badan kasoo cusbooneysiineyn halkii ay kala taagnaayeen Soomaaliya iyo Itoobiya. 

“Wasiiru-dowlaha warshada ee Itoobiya waxa uu ka hadlayay heshiiskii ay la gaartay Somaliland in uu sax yahay, taas ayuu ka hadlayay maadaama Itoobiya arrin ay muddo dheer dooneysay, hadalkiisa waxa uu daba socday heshiiskaas ee ilama aha in uu wax cusub ka hadlay”. 

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “in qoraalka laga saaro barta X ee wasiirku uu kusoo qoray waxa ay u muuqataa in looga saaray qaab farsamo, uma maleynayo in go’aankii Itoobiya uu wax iska bedelay inta aan ognahayna kama aysan laaban laakiin waxaa jiri kara sababo kale”, ayuu sii raaciyay. 

Waxa uu sheegay in aysan jirin wax saan-saan ah oo haba yaraatee muujineysa in ay degtay xiisaddii u dhaxaysay Itoobiya iyo Soomaaliya isaga oo sheegay in Itoobiya aysan heshiis la geli karin ilaa ay aqoonsato taasina ay weli ku howlantahay. 

“Somaliland waxa aminsantahay in aqoonsigu uu u horreeyo markaa kadibna ay heshiis la geli karto dowladda Itoobiya, halka Itoobiyana ay leedahay marka dhulka nala siiyo ayaan aqoonsaneynaa, taas ayaa muuqata laakiin weli ma cada oo guddi farsamo ayaa loo saaray,” ayuu sii raaciyay wasiir Maxamed Mukhtaar. 

Bilowgii sanadkan Itoobiya ayaa qaadday tallaabooyinkii ugu horreeyay ee sharci kuwaasoo waddada u xaaraya in maalin uun dalka bad la’aanta ah ay u suurto gasho inuu isticmaalo dhul badeed kiro ah, sida ay sheegtay dowladda Itoobiya.

Waxay waxa loo yaqaanno heshiis is af-garad ah (MoU) la saxiixatay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland si ay u isticmaasho mid ka mid ah dekadaheeda.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hore adeegsiga badda ugu sheegay inay arrin muhiim ah u tahay dalkiisa. 

Hadalkiisan oo uu sheegay bishii October ayaa Geeska Afrika ka dhaliyay xiisad.

Si rasmi ah looma shaacin qodobbada heshiiska ay wada saxiixdeen madaxda Itoobiya iyo Somaliland, taasoo ah dhibaato jirta maaddaama ay ku kala duwan yihiin waxyaabaha ay tilmaameen in ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Kadib heshiiskaasi Soomaaliya ayaa muujisay caro weyn iyada oo heshiiska Itoobiya ay la gashay Somaliland ku sheegtay xad gudub cad iyo in lasoo fara geliyay madax bannaanideeda dhuleed.

Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu gubay Koonfur Afrika

0

Cape Town (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa  kasoo baxaya muwaadiniin Soomaaliyeed oo xalay lagu dhex gubay dukaankooda oo ku yaalla dalka Koonfur Afrika.

Dhacdadan ayaa si gaar ah uga dhacday xaafad ka tirsan gobolka Western Cape ee dalkaasi, waxaana ku dhintay wiil Soomaaliyeed,halka ay ku dhaawacmeen labo kale.

Marxuumka ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Cabdifitaax, waxaana wiilasha kale ee dhaawacmay hadda lagu dabiibayaa isbitaal ku yaalla halka ay mashaqadu ka dhacday.

Wararka ayaa sheegaya in falkan argagaxa leh ay ka dambeeyeen kooxo burcad Afrikaan ah oo dabka qabad-siiyay muwaadiniintaasi, xilli ay dhex jiifeen dukaankooda.

Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna xaqiijiyay dhimashada marxuumka iyo dhaawaca labada wiil ee kale.

“Allaha u naxariistee waxaa xalay dukaankooda dab la qabad-siiyay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa xaafad ka tirsan oobolka gobolka Western Cape, halkaa waxaa ku geeriyooday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdifitaax, sidoo kale waxaa dhaawacyo kale kasoo gaareen laba wiil oo kale” ayuu yiri guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in gebi ahaan u basbeelay dukaanka, ayna ku baaba’day dhammaan hantidii tiilay, maadaama la gubay xilli saq-dhexe ah.

“Dukaanka waa basbeelay, xilli saq-dhexe ah oo ay jiifeen ayaa laga war helay dukaanka oo dhammaantiis isla ololaya sidaas ayayn wax u dhaceen” ayuu sii raaciyay.

Laamaha ammaanka ee dalka Koonfur Afrika ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan falkaasi argagaxa leh, sida uu sheegay guddoomiyaha jaaliyadda.

“Laamaha ammaanka oo aan xiriir la sameynay waxa ay innoo sheegeen inay baarayaan dhacdadaasi” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhaya dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Si kastaba, Ma jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinka loo geysto muwaadiniinta Soomaalida ah ee dalkaasi u shaqo doontay, oo iyagu u badan dhaca, dhaawaca iyo dilalka loo geysto dadka ajaaniibta ah ee ku ganacsada dalkaasi.

 

 

Horjoogayaashii Al-Shabaab ee deegaanka Buulo Xaaji oo usoo gacan galay DF

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaan ay isku soo dhiibeen ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee howlgallada ka wada halkaasi.

Sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka hoggaamineyso waxaa isa soo dhiibay illaa 4 ka mid ah horjoogayaashii Al-Shabaab u qaalbilsanaa deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

Horjoogayaasha isa soo dhiibay ayaa kala ah Amiirkii deegaanka Buulo Xaaji, madaxii maaliyadda Khawaarijta ee deegaankaas, madaxii sirdoonka iyo horjooge kale oo u qaabilsanaa ooHorjoogayaashan isa soo dhiibay ayaa kala ahaa Amiirkii tuulada Buulo Xaaji, madaxii maaliyadda khawaarijta ee degaankaas, madaxii Sirdoonka iyo horjooge u qaabbilsanaa waxa ay nabad-diidku ugu yeeraan Zakawaadka.

Horjoogayaashan isa soo dhiibay ayaa kala ahaa Amiirkii tuulada Buulo Xaaji, madaxii maaliyadda khawaarijta ee degaankaas, madaxii Sirdoonka iyo horjooge u qaabbilsanaa waxa ay nabad-diidku ugu yeeraan Zakawaadka.Horjoogayaashan isa soo dhiibay ayaa kala ahaa Amiirkii tuulada Buulo Xaaji, madaxii maaliyadda khawaarijta ee degaankaas, madaxii Sirdoonka iyo horjooge u qaabbilsanaa waxa ay nabad-diidku ugu yeeraan Zakawaadka dhanka Zakawaadka.

Xubnaha isa soo dhiibay ayaa loo sameeyay soo dhaweyn, waxayna mari doonaan habraaca ay dowladda u dajisay in la marsiiyo xubnaha kasoo goosta kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa dhowaan kooxda Al-Shabaab ka xoreeyey deegaanka Buulo-Xaaji oo 90KM dhanka galbeed kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa xilligaan maraya meel xasaasi ah, waxaana socda dadaallo dowladda ku dardar-gelinayso howl-gallada ka dhanka ah kooxda oo muddooyinkii dambe uu gaabis ku yimid, kaasi oo uu qeyb ka yahay howl-galka lagu xoreeyay deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

Si kastaba, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa dhowaan ku wajahan wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxaana ujeedada ay tahay in laga xoreeyo deegaanada maamulladaasi.

Xaalada Nairobi oo oo qasan iyo wararkii u dambeeyay

Nairobi (Caasimada Online)Tiro badan oo Kenyan ah ayaa isugu soo baxay bannaanka baarlamanka Talaadadii si ay uga mudaaharaadaan kordhinta canshuuraha muranka dhaliyay, iyadoo booliiska ay adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa, islamarkaana ay xireen saddex qof.

Dalkan Bariga Afrika ugu dhaqaalaha badan ayaa la daalaa dhacayey xasarado dhanka nolosha ah, ayada oo kuwa dowladda dhaliila ay sheegayaan in ay kasii dari doonto haddii la hir-geliyo canshuur kordhinta la soo jeediyey.

Dowladda oo lacag la’aan ay hayso ayaa difaacday tallaabada — oo la filayo in ay soo xareyso 346.7 bilyan oo shilling una dhiganta ($2.7 bilyan) — kuna sheegtay mid lagama maarmaan ah, si loo yareeyo ku tiirsanaanta daymaha dibedda.

Dibadbaxa oo loogu magac daray “Qabsashada Baarlamanka” ayaa kuwa abaabulaya waxa ay baraha bulshada ku faafiyeen taleefonada xildhibaanada, ayaga oo dadka ku boorinaya in ay ku qarqaan wicitaan iyo farriin qoraaleedyo, si looga laabta sharciga canshuur kordhinta.

Qodobada ugu muranka badan sharciga waxaa ka mid ah canshuurta baabuurta, oo noqon doonta 2.5 boqolkiiba qiimaha gaariga, iyo soo celinta canshuurta rootiga.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in inkasta oo canshuurtu ay dhaawici karto dhaqaalaha, haddana sharcigan la filayo in uu meelmaro sababo la xiriira aqlabiyadda baarlamaanka ee xisbiga madaxweyne William Ruto.

Iyadoo uu jiro khilaaf sii kordhaya oo kala dhaxeeya xubno sare, Ruto ayaa ku baaqay kulan uu xildhibaanadiisa la qaato si ay u taageereen sharciga ka hor doodda baarlamaanka oo billaabanaysa galabnimada Talaadada.

Baarlamaanku waa inuu meel mariyo nuqulka ugu dambeeya ee hindise sharciyeedka ka hor 30-ka June.

Ruto ayaa xukunka ku yimid 2022 ballan-qaad ah in uu dib usoo nooleyn doono dhaqaalaha, islamarkaana uu lacag ku shubi doono jeebabka danyarta, hase yeeshee siyaasadihiisa ayaa dhaliyey qanacsanaan la’aan baahsan.

Waxa uu sare u qaaday canshuurta dakhliga shacabka, iyo lacagta qofka laga doonayo si uu u helo caymiska caafimaadka, isaga oo sidoo kalena laba laabay canshuurta shidaalka oo uu ka dhigay 16%

Canshuur kordhintii sanadkii tegay ayaa horseeday dibadbaxyo ay dhigeen mucaaradka, oo qaarkood isu beddelay isku dhacyo dhaliyey dhimasho oo dhex-maray mudaaharaadayaasha iyo booliska.