New York (Caasimada Online) – Safiirka Suudaan ee Qaramada Midoobay Al- Harith Idriss Al- Harith ayaa weerar afka ah ku qaaday Imaaraadka Carabta shir Golaha Ammaanka.
Safiirka ayaa ku eedeeyay dowladda Imaaraadka Carabta inay colaad ka dhex hurineyso dalkiisa, eedeyntaasi oo ergayga Imaaraadk Carabta uu si cad u diiday.
Muddo bilo ah, ayaa ciidanka Sudaan waxay ku eedeynayeen Abu Dhabi inay taageerto xoogaga RSF ee dagaalka kula jira ciidanka qalabka sida ee Sudan.
Bishii Abriil, Suudaan waxay codsatay kulan deg-deg ah oo Golaha Amaanka oo ku saabsan eedeeyntaasi kaas oo aan meel marin.
Sudan ayaa cagaha la gashay dagaalka sokeeye bishii April 2023-kii oo ay iska hor-ymaadeen militariga caadiga ah ee uu hogaamiyo taliyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhan iyo xoogaga RSF ee uu hogaamiyo ku xigeenkiisii hore Mohamed Hamdan Daglo.
Qaraar la ansixiyay todobaadkii hore oo lagu dalbanayay in lasoo afjaro “go’doominta” RSF ee El-Fasher ee gobolka Darfur ee Suudaan ayaa golaha ammaanka wuxuu ugu baaqay dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay “iska ilaaliyaan fara-gelin dibadeed”.
Sidoo kale golaha ammaanka ayaa wuxuu ku booriyay in la ixtiraamo cuna-qabateeynta hubka ee Suudaan.
Si kastaba, Xaaladda Suudaan ayaa weli ah mid cakiran, iyada oo dagaalka dhinacyadan uu billowday xilli aan laga fileyn oo dadka ay si caadi ah u wateen hawl-maalmeedkooda.