25.4 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Xog: Qorshe lagu bedelayo taliyaha Xoogga iyo magaca sarkaalka la magacaabayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya uu qorsheynayo inuu xilka ka qaado Taliyaha ciidanka xoogga dalka, sidoo kale xogtana waxay sheegeysaa sarkaalka loo badinayo in loo magacaabo doono Taliyaha Xoogga.

Sarkaal lagu magacaabo Jeneraal Garabey oo hadda Madaxweynaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga kula sugan Turkiga ayaa la sheegay in la qorsheeyey in xilkaas loo magacaabo – Beesha uu ka soo jeedo waa Abgaal.

Jeneraal Garabey waa sarkaal caan ah, wuxuu aad ugu dhowyahay Sheekh Shariif oo xiligii uu madaxweynaha ka ahaa dalka uu lasoo shaqeeyey, ninkaan ayaa la sheegay inuu ku fiican yahay hoggaaminta dagaalka, mar ayuu caloosha ka dhaawacmay, isagoo ku jira dagaalka Al-Shabaab.

Khimiista soo socota ayay wararku sheegayaan in shirka golaha wasiirrada looga dhawaaqi doono magacaabidda sarkaalkaas loo wado Taliyaha ciidanka xoogga dalka, waxaana dhici karta in dib u dhac uu ku yimaado qorshahaan.

Taliyaha ciidanka xoogga Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa dhowaan ka hor yimid hoggaano cusub oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku soo kordhiyey taliska, arrintaas ayaa dikreetada  madaxweynaha lagu sheegay inay ku timid soo jeedinta wasiirka gaashaandhigga XFS.

Caasimada Online waxay ogaatay in Madaxweyne Xasan iyo wasiirkiisa gaashaandhigga ay Taliyaha xoogga u bandhigeen inuu shaaciyey warqadii lagu magacaabay hoggaanada cusub oo ahaa afar sarkaal, balse taliyaha ayaa diiday, waxayna u xayireed habeeno, goor dambena waxaa baahiyey wasiirka gaashaandhigga oo adeegsanaya warbaahinta dowladda.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Xoogga ayaa aad isku khilaafsan, iyagoo dhowr jeer isku qabtay shaqada ciidanka, madaxweynaha ayaa ka gaabiyey in khilaafka labadaan nin ee soo noqnoqday, caqabadana ku noqday dagaalka Al-Shabaab uu xal u helo.

Xogta aan heyno waxay intaas ku dareysaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka Taliyaha ciidanka xoogga dalka mar kale u soo bandhigay Taliyihii kan ka horeeyey Jeneraal Odawaa, balse xubnaha noo waramay waxay sheegeen in Odawaa uu magacaabistiisa ku xiray shuruudo uu hordhigay Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxaa jirta xog sheegeysa in Xasan Sheekh uu ka fekerayo in Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Xoogga uu hal qof u magacaabo, si looga baaqsado khilaafka joogtada ah ee wasaaradda difaaca qaranka iyo taliska xoogga dalka naafeeyey.

Xogta tahriibayaal Soomaali ay ku jirto oo lagu tuuray badda iyo cidda loo haysto

0

Athens (Caasimada Online) – Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa sababay dhimashada tobonaan muhaajiriin ah oo ku sugnaa badda Mediterranean-ka muddo saddex sano ah sida ay goob joogayaal sheegeen.

Muhaajiriintan baddda lagu tuuray ayaa la sheegay inay ku jiraan sagaal qof oo si ula kac ah loogu tuuray biyaha.

Sagaalkan qof ayaa kamid ah in ka badan 40 qof oo lagu eedeeyay in ay dhinteen iyadoo lagu qasbay in laga saaro biyaha Giriiga, ama dib loogu celiyay badda ka dib markii ay gaadheen jasiiradaha Giriiga, sida lagu ogaaday baaritaanka BBC-da.

Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa baaritaankeena ku sheegay in eedeymaha falalka sharci darrada ah ay yihiin kuwo sal iyo raad toona lahayn.

Waxaan tusnay muuqaalka 12 qof oo la soo saaray doon ay leeyihiin ilaalada xeebaha Giriiga, kadibna loogaga tagay doonida, taas oo loo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray ilaalada xeebaha Giriigga.

Markii uu ka kacay kursigiisii, ee uu weli makarafoonkiisu shidnaa, waxa uu sheegay in ay “sida iska cad sharci-darro tahay” iyo “dambi caalami ah”.

Dowladda Giriiga ayaa muddo dheer lagu eedeyay inay dib ugu celinayso dadka si qasab ah, iyadoo dadka dib ugu celinaysa Turkiga, halkaasoo ay ka soo gudbeen, taasoo sharci darro ah marka loo eego sharciga caalamiga ah.

Laakiin tani waa markii ugu horreysay oo BBC ay tiriso dhacdooyinka oo sheegaya in dhimasho ay ka dhalatay falka ilaalada xeebaha Giriigga.

15-kii dhacdo ee aan falanqeynay ee ku taariikhaysan May 2020-23 – ayaa sababay dhimashada 43. Ilaha waxay ahaayeen warbaahinta maxaliga ah, NGO-yada iyo ilaalada xeebaha Turkiga.

Xaqiijinta tiarada noocaan ah aad ayay u adag tahay, marqaatiyadu inta badan waa la waayaa, ama aad ayay uga baqayaan inay hadlaan. Laakiin afar ka mid ah kiisaskan waxaan awoodnay inaan xaqiijinno tiarada annagoo la hadalnay markhaatiyaal goob-joogeyaal ah.

Baaristeenna, oo lagu baahiyay dukumiinti cusub oo la yirahdo Dead Calm: Killing in the Med?, ayaa soo jeedisay qaab cad.

Shan ka mid ah shilalka, muhaajiriinta ayaa sheegay in ay si toos ah badda ugu tuureen maamulka Giriigga. Afar kamid ah kiisaskaas waxay sharraxeen sida ay uga soo degeen jasiiradaha Giriigga laakiin waa la ugaarsaday.

Dhowr dhacdo oo kale, muhaajiriintu waxay sheegeen in la saaray laashash la buufiyo oo aan lahayn matooro ka dibna aaryo baxay, ama ay u muuqdaan in la dalooliyay.

Mid kamid ah dhacdooyinka ugu daran waxaa ka sheekeeyay nin u dhashay Cameroon, kaasi oo sheegay in ay ugaarsadeen mas’uuliyiinta Giriiga ka dib markii uu ka degay jasiiradda Samos Sebtembar 2021.

Si lamid ah dhammaan dadkii aanu waraysanay, waxa uu sheegay in uu qorsheynayay in uu magangalyo doon ahaan iskaga diiwaan-geliyo dhulka Giriiga.

“Si dirqi ah ayaanu ugu soo xiranay jasiiradda, booliiskuna gadaal buu nagaga yimi,” ayuu yiri. “Waxaa jiray laba nin oo boolis ah oo ku labisnaa dhar madow, saddex kalena waxay ku labisanaayeen dhar rayid ah, wejiyada ayay duubnaayeen, waxaad arkaysay oo keliya indhahooda.”

Isaga iyo laba qof oo kale, mid u dhashay Cameroon iyo nin u dhashay Ivory Coast ayaa lagu wareejiyay doon ay leeyihiin ilaalada xeebaha Giriigga, ayuu yiri, halkaas oo dhacdooyinku ay noqdeen kuwo argagax leh.

“Waxay ku bilaabeen ninka u dhashay Cameroon. Waxay ku tuureen biyihii. Ninka reer Ivory Coast ayaa yiri: ‘I badbaadi, ma rabo inaan dhinto kadibna kaliya gacantiisa ayaa ka sarreysay biyaha, jirkiisuna waa uu ka hooseeyay.”

“Si tartiib tartiib ah ayay gacantiisu u libiqday, ka dibna jirkiisa oo dhan ayay biyihii ka kor mareen.”

Qofka aan waraysanaynay waxa uu sheegay in kooxihii afduubay ay garaaceen.

“Feer ayaa madaxayga sidii roobka ugu daadanayay, sida iyagoo xayawaan garaacaya.” Kadibna wuxuu sheegay inay isagana sidoo kale biyaha ku tuureen- iyada oo aanan xirneyn jaakada badbaadada.

Waxa u suurogashay in uu u dabaasho dhanka xeebta, laakiin maydadka labada kale, Sidy Keita iyo Didier Martial Kouamou Nana ayaa laga helay xeebaha Turkiga.

Qareennada ninka badbaaday ayaa ka dalbanaya mas’uuliyiinta Giriigga inay furaan kiis dil ah oo laba qof loo geystay.

Bishii Juun 2023, doon-jariif ah oo si xad dhaaf ah loo buux-dhaafiyay ayaa ku hor rogmatay doonta ilaalada xeebaha Giriigga. In ka badan 600 oo rag, dumar iyo carruur ah ayaa ku dhintay biyaha. Yaase mas’uul ka ah, oo ma ciidanka ilaalada xeebuhu?

Nin kale oo u dhashay Soomaaliya, ayaa BBC-da u sheegay sida bishii Maarso 2021 ay ciidamada Giriiga ku qabteen markii uu ka soo degay jasiiradda Chios, kadibna u gacan geliyey ilaalada xeebaha Giriigga.

Waxa uu sheegay in ilaalada xeebaha ay gacmihiisa ku xireen dhabarka, ka hor inta aysan ku tuurin biyaha.

“Waxay igu tuureen bartamaha biyaha anigoo xiran, waxay doonayeen in aan dhinto,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in uu ku badbaaday in uu dhabarka ku sabbeeyo, ka hor inta aanay mid ka mid ah gacmihiisu ka go’in xarigga. Laakiin baddu way kacsanayd, oo saddex ka mid ah asxaabtiisa way dhinteen.

Ninkii aan waraysanaynay ayaa waxaa u suurogashay inuu barriga yimaado halkaas oo ugu dambayntii ay ku arkeen ciidamada ilaalada xeebaha Turkiga.

Dhacdadii khasaaraha ugu badneed ee nolosha waxay dhacday- bishii Sebtembar 2022 – ka dib markii doon ay saarnaayeen 85 muhaajiriin ah ay dhibaato kula kulantay meel u dhow jasiiradda Rhodes ee Giriigga ka dib markii ay qallibantay doonidii ay saarnaayeen.

Maxamed, oo ka yimid Suuriya, wuxuu noo sheegay in ay waceen ilaalada xeebaha Giriigga si ay u caawiyaan – kuwaas oo ku soo buuxiyay doomo, dibna ugu celiyay biyaha Turkiga. Maxamed waxa uu sheegay in isaga iyo qoyskiisuba la siiyey buufin aan xitaa aanan xirmeeynin.

“Isla markiiba waxaan bilownay inaan quusno, wayna arkeen, wayna maqleen annaga oo qeylinaya, balse way naga tageen,” ayuu u sheegay BBC-da.

“Cunuggii ugu horreeyay ee dhintay wuxuu ahaa wiil uu dhalay adeerkay. kadib mid mid ayay u dhinteen. Ilmo kale, ilmo kale, ka dibna ina-adeerkay laftiisa ayaa la waayay. Subaxdii markii la gaaray waxaa dhintay toddoba ama siddeed carruur ah.”

“Carruurteyda ma dhiman ilaa subaxdi ka hor intaysan iman ilaalada xeebaha Turkiga,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Sharciga Giriigga ayaa u oggolaanaya dhammaan soogalootiga magangelyo doonka ah inay iska diiwaan-geliyaan dhowr jasiiradood oo ku yaal xarumaha diiwaangelinta gaarka ah.

Laakiin dadka aan waraysanay oo aanu la xidhiidhnay iyaga oo gacan ka helaya ururka taakulaynta muhaajiriinta ee Consolidated Rescue Group ayaa sheegay in la qabtay ka hor inta aanay tagin xarumahan.

Waxay yiraahdeen nimankan sida muuqata waxay ku shaqeyaan si qarsoodi ah, waa kuwa aan ku labisnayn dharka askarta, intooda badan wejiyada ayaa u duuban.

Hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa ku andacoonaya in kumanaan qof oo magangalyo doon ah Yurub si sharci darro ah looga soo celiyay Giriiga, loona diiday inay magangelyo weydiistaan, taasi oo waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo Midowga Yurub.

Isha: BBC

Sawirro: Ciidamada GORGOR iyo ILAALO QARAN oo isku maray deegaano dhowr ah

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka ayaa howl-gal sifeyn ah ka sameeyay daafaha magaalada Buulo-barde ee gobolka Hiiraan.

Howl-galkan ayaa waxaa la xaqiijiyay inay si wada-jir ah u fuliyay ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Gorgor iyo kuwa loo yaqaano Ilaalo Qaran.

Ciidankan ayaa isku maray qaar kamid ah tuulooyinka hoostaga degmada,si looga nadiifiyo kooxaha argagixisada ah, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dardar-galinta gulufka dagaal ee kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, ayada oo isla shalayciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ay howl-gal ku dileen ku dhowaad 30 dagaal-yahan oo ka tirsan kooxda.

Howl-galkaas oo ka dhacay deegaanno dhaca gobolka Galgaduud, ayaa sidoo kale waxaa lagu gubay gaadiid iyo saanad ciidan.

Xubnaha lala beegsaday howl-galka ayey dowladda sheegtay in si dhuumaaleysi ah kusoo galeen dhulka howdka ee lagu bartilmaameedsaday, kadibna ay ciidanka dowladda ogaadeen dhaq-dhaqaaqa maleeshiyaadkan, sidaasna lagu duqeeyay.

“Meydadkii Khawaarijta ayaa daadsan howdka deegaanka Xuseen Cageey, waxayna isaga huleeleen goobihii lagu bartilmaameedsaday iyagoo u laabtay dhanka deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa xilligaan maraya meel xasaasi ah, waxaana socda dadaallo horleh oo dowladda ku dardar-gelinayso howl-gallada ka dhanka ah kooxda oo muddooyinkii dambe uu gaabis ku yimid.





ITOOBIYA ma waxa ay qorsheyneysaa inay Doolow sheegato? – Xog xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka ku nool magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah ay soo buuxdhaafiyeen degamadaas, kuwaas oo qeyb aan ka aheyn howlgalka ATMIS.

Sida ay noo sheegeen dad ku sugan degmadaas waxaa socda qorshe culus oo la ogaaday oo Itoobiya ay ku sheeganeyso degmada Doolow, ciidamada lasoo dhoobay degmadaas ayaa hordhac u ah damaca Itoobiya uga jira Doolow.

Sidoo kale waxaa Gedo ka soo yeeraya warar sheegaya in guddoomiyaha degmada Doolow Cabdi Maxamed Lafey uu aaminsan yahay in Doolow lagu daro dalka Itoobiya, taas oo halis badan ay ka dareemayaan dadka reer Gedo, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad ku sugan Doolow.

Ciidanka Itoobiya ayaa saacadihii lasoo dhaafay isku wareejiyey degmadaas, dadka ku nool degmadaas ayaa cabsi badan ka qaba in Itoobiya ay ku dhiirato inay sheegato degmada.

In kastoo Itoobiya aysan toos u shaacin qorshahaan hadana guuxa ka jira magaalada Doolow ayaa ah in ciidamada halkaas la soo dhoobay ay hordhac u yihiin damaca Itoobiya.

Maalmahaan waxaa cirka isku sii shareereysa xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana maanta oo ugu dambeysay ay Itoobiya mar kale ku celisay in Somaliland ay aqoonsa doonto.

Sidoo kale warkaan wuxuu ku soo aadayaa xilli maanta wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya uu bartiisa Facebook ku qoran in Itoobiya aysan qaada karin dhul iyo bad Soomaaliyeed.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa Itoobiya ku macneeyey mid ku jirta “Riyo maalmeed” in kastoo uusan bixin faahfaahin intaas dheer, hadana waxaa la aaminsan yahay inay gaartay xogta cabsida ka taagan Doolow.

Sidoo kale arrintaan waxay ku soo aadeysaa iyadoo dowladda Soomaaliya ay shaacisay in bisha December ay dalka ka baxayaan ciidamada Itoobiya, balse Itoobiya ayaa diiday qorshahaan, waxaana arrinta ka taagan Doolow loo arkaa talaabo ay qaaday Itoobiya ka hor inta aan la gaarin qorshaha ay Soomaaliya isaga saareyso ciidamada dalkaas ka socda.

Xasan oo arrimo xasaasi ah kala hadlay wasiirka awooda badan ee Turkey, Hakan Fidan

0

Ankara (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Turkiga ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan.

Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa ka wada hadlay arrimaha quseeya iskaashiga labada dal iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kulankaas ku wehliyey wasiirka gaashaandhigga XFS iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga.

Kulankaas waxaa si weyn loogu gurfeeyey sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Khawaarijta Al-Shabaab.

Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, waxay Soomaaliya ka codsatay Turkiga in dhanka duqeymaha si buuxda looga taageero.

Sidoo kale xogtaan waxay sheegeysaa in Turkigu ogolaaday taas oo wax shuruud ah uusan ku xirin, iyadoo kulankaan lagu qorsheeyey sida uu noqon doono howlgalka ciribtirka argagixisada Soomaaliya ee Turkigu uu ka qeyb qaada doono.

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa si buuxda u soo gelaya dagaalka Khawaarijta, waxaa la isku afgartay inay ka howlgalaan deegaan kasta oo Soomaaliya ay Shabaab iyo Daacish ka joogaan, waxaana hagi doona diyaaradaha saraakiisha ciidamada Soomaaliya.

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ee Bayraktar TB2 ayaa natiijo weyn ka keeni kara dagaalka Al-Shabaab hadii ay soo galaan, kuwaas oo awooda in si kasta ay wax u dilaan, waxaana lagu heshiiyey inay Soomaaliya toos uga howlgalaan.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga Hakan Fidan waa nin awood badan oo dhowaan ka yimid madaxa sirdoonka Turkiga, waa gacanta midig ee madaxweynaha Turkiga Erdogan, waxaana kulankaan lagu tilmaamay mid miisaan leh.

Habeenkii 3-aad ayuu Xasan Sheekh ku hoyanayaa Turkiga, waxaana lagu wadaa in kulankaan ay natiijo weyn kala soo rogmato Soomaaliya oo Turkiga ka dalbatay inuu ka gacan siiyo dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan dhinaca duqeymaha.

Wasiir Jaamac iyo xildhibaan federal oo ay ka dhex tafatay – Maxaa la isku hayaa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Xildhibaan Dayax Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka ayey si weyn uga rhex-tafatay, iyaga oo isugu jawaabay baraha bulshada.

Labadaan nin oo sida muuqata uu ka dhaxeeyo xilaaftan siyaasadeed muddo huursanaa, ayaa waxay isku qabteen hanaanka hoggaamineed ee wasiirka gaashaandhiga iyo qaddiyada difaaca Itoobiya.

“Sidee Ethiopia ugu adkaan karnaa? Markaa adigoo TikToker ah aad wasiir difaac noo tahay, waliba aad dumin sare ku hayso ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed. Cajiib,” ayuu yiri Xildhibaan Dayax oo ka fal-caliyay jawaabta uu wasiirka ka bixiyay qoraal wasiir Itoobiyaan ah uu ku sheegay inay aqoonsanayaan Somaliland.

Wasiirka oo kasoo jawaabay qoraalka Xildhibaanka ayaa wuxuu weydiiyay xilliga uu noqday afhayeen Ethiopia, isagoo kusoo hal qabsaday xildhibaankii hore ee kursigaan ku fadhin jiray.

“Xildhibaane kursigaa ku fadhido hogaamiye Maxamed Qanyare Afrax oo qadiyadaha Soomaalinimada ahmiyad u leedahay ayaa ku fadhin jirey, adigu goormaa afhayeen Ethiopia noqotey? Cajiib,” ayu Jaamac ku yiri qoraal ugu jawaabay Dayax.

Markale ayuu haddana Xildhibaan Dayax usoo jawaabay Wasiir Jaamac, wuxuuna yiri “Horta adigu meeqo Jaamacaa tahay?!. Nin haduu dadkiisa iyo dalkiisa dhagar ka galo, si kasta oo uu daruuraha ama dayaxo u koro. nabsaa deyne ma ogtahay Jaamacow.”

Sidoo kale waxa uu xildhibaanka ku eedeeyay Jaamac in kursiga loogu hayo rabitaanka dowladdo shisheeye iyo dano gaar ah, islamarkaana uusan laheyn aqoon iyo waayo aragnimo uu ku noqdo wasiir difaac, sida uu sheegay.

“Soomaali way ogtahay in aadan lahayn aqoon iyo waayo aragnimo aad ku noqoto wasiir difaac hase yeeshee waxaysan ogeyn in dowlado iyo dano gaar ah meesha kugu hayaan,” ayuu xildhibaanka sii raaciyay qoraal uu ugu jawaabayo wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya.

Puntland oo amar deg-deg ah dul dhigtay Itoobiyaanka ah ee ku sugan Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Duqa magaalada Garoowe Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi ayaa soo saaray amar ka dhan ah Itoobiyaanka ku sugan magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Duqa ayaa wuxuu ku amray dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan Garoowe inay si deg-deg ah uga baxaan magaalada, haddii kale loo adeegsan doono awood dowladeed.

“Waxaa la jooga waqtigii magaalada Garoowe laga saari lahaa Itoobiya sharci darrada ku jooga,” ayuu yiri Duqa Garoowe oo ku hanjabay in ciddii aan amarkan u hoggaansamin ay magaalada ka saari doonaan iyagoo xir-xiran.

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “In badan waxaan ku dadaalnay in dadkaas la soo dhoweeyo, laakiin hadda waqtigeedii bey gaartay. Waxaan rabnaa inaan dadkaas u sheegno, cidda aan sharciga ku haysan magaalada inay isaga baxaay.”

Go’aankan ayaa imanaya xilli ay Itoobiyaanka si aad ah ugu soo qul-qulayaab magaalada Garoowe, islamarkaana laga muujiyay cabasho xooggan, maadaama ay magaalada soo buux dhaafiyeen, walaacna laga muujiyay hab dhaqankooda.

Itoobiyaanka ayaa sidoo la sheega inay la wareegeen shaqooyinkii ay ku tiirsanaayeen dadka muwaadiniinta ah qaarkood, kuwaasi oo si gaar ah ugu sii tiirsanaayeen qoysaska danyarta ah, oo ay kamid tahay caseeyaha ama baalashka.

Ma ahan markii ugu horreysay ee magaalo ka tirsan maamulka Puntland laga saaro dadka Itoobiyaanka, ayada oo la xasuusto inuu horey maamulka degmada Gaalkacyo uga mamnuucay magaaladaasi.

Netanyahu oo maanta qaaday tallaabo muujineysa sida uu Israel xaalka ugu xun yahay

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa kala diray golihii wasiirada ee dagaalka ee saameynta badnaa, kaasi oo u xil saarnaa inuu hago dagaalka Gaza, sida ay sheegeen saraakiisha Israel.

Tallaabadan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii xubin muhiim ah oo ka tirsanaa golaha uu ka baxay dowladda, sababo la xiriira niyad jabka ka dhashay qaabka uu hogaamiyaha Israel u maareeyay dagaalka.

Talaabada uu maanta qaaday Netanyahu ayaa si weyn loo filayey ka dib ka bixitaankii Benny Gantz ee dowladda ee horaantii bishaan, taasi oo uu sheegay inay timid ka dib markii ay sii kordheen niyad jabka ka dhashay sida Netanyahu uu u maareeyay dagaalka.

Maqnaanshaha Gantz ayaa ka dhigtay Netanyahu inuu ku tiirsanaado xulafadiisa xagjirka ah, siu u xukunka usii wado, waxaana kala dirida Golaha Wasiirada ee dagaalka ay hoosta ka xariiqaysaa in isbedel uu socdo iyadoo Israel ay sii wado dagaalka sideedda bilood ka badan socda ee Gaza.

Saraakiishan, oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo sababo la xiriira in aan loo ogolayn in ay warbaahinta kala hadlaan isbadalka dhacay, ayaa sheegay in hadda kadib Netanyahu uu madal kooban oo ka mid ah xubnaha dowladdiisa kala hadli doono arrimaha xasaasiga ah ee ku hareereysan dagaalka Gaza.

Waxaa kuwaas ka mid ah golaha amniga, halkaasi oo xulufadiisa midigta fog ee ka soo horjeeda heshiis xabad-joojoin, islamarkaana taageersan in dib loo qabsado Gaza, ay xubno ka yihiin.

Golaha Wasiirada ee dagaalka ayaa la dhisay maalmo kadib bilowgii dagaalka Gaza, markii Gantz oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee siyaasadda dhexe uu ku biiray xulufada, si loo muujiyo midnimo kadib weerarkii ay Xamas ku qaaday Israel 7-dii October.

Gantz ayaa dalbaday gole kooban oo yar in ay hagaan dagaalka, isaga oo isku dayaya inuu dhinac u riixo xubnaha midigta-fog ee dowladda Netanyahu.

Waxa ay ka koobnaayeen saddex xubnood oo kala ah Gantz, Netanyahu iyo wasiirka difaaa Yoav Gallant, waxayna si wadajir ah u qaadan jireen go’aanada intii uu socdal dagaalka.

Is-casilaadda Gantz, ayaa in kasta oo aysan halis ah toos ah ku hayn xukunka Netanyahu, waxay haddana ruxday siyaasadda Israel xilli xasaasi ah.

Madaxii hore ee militariga Israel ayaa loo arkay mas’uul xoojiyey muuqaalka Israel ee saaxiibada caalamka, xilli Israel ay ku jirto xilligeedii loogu go’doominta badnaa.

Dowladda Netanyahu ayaa ah tii ugu diin ay garab midigsaneyd abid. Hanaanka baarlamanka Israel ee kala qeybsanaanta badan, ayaa Netanyahu ku qasbay in uu caawimaad ka raadiyo xisbiyada yar yar ee midigta.

Islamarkaana ayada oo aysan jirin taageerada xisbiga Gantz, Netanyahu ayaa waxaa qasab ku noqon kara in uu usii durqo dhanka xulufadiisa midigta, kuwaas oo marar badan ballan-qaaday inay ridi doonaan dowladda haddii aan la fulin dalabyadooda.

Dadka dhaliila ayaa sheegaya in go’aanada Netanyahu ee dagaalka ay si weyn u saameeyeen xagjiriinta ku jira dowladdiisa. Netayahu ayaa beeniyey eedeymahaas, wuxuuna sheegay inuu maanka ku hayo waxa ugu wanaagsan dalka.

VOA

Xogta howl-gal culus oo Al-Shabaab looga burburiyay gaadiid iyo saanad ciidan

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo dhanka cirka ah, kaas oo maanta ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Howl-galka oo lagu beegsaday Al-Shabaab ayaa waxay dowladda shaacisay in lagu dilay ku dhowaad 30 dagaal-yahan oo ka tirsan kooxda, wuxuuna ka dhacay meel u dhow deegaanka Xuseen Cageey u dhaxeeya deegaannada Mesegawaay iyo iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.

Howl-galkan oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka ayaa sidoo kale waxaa lagu gubay gaadiid iyo saanad ciidan.

Xilliga la weeraray Al-Shabaab waxa ay qalanayeen Geel ay ugu talagaleen ciida Carafo, balse waxaa mar qura duqeyn la helay diyaaradaha dagaalka ee hawada ka taageera ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Markii la weeraray Khawaarijta waxay qalanayeen Geel ay ka soo dhaceen dadka shacabka ah ee deegaanadaas ku nool,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo lagu faah-faahiyay howl-galkan.

Xubnaha lala beegsaday howl-galka ayey dowladda sheegtay in si dhuumaaleysi ah kusoo galeen dhulka howdka ee lagu bartilmaameedsaday, kadibna ay ciidanka dowladda ogaadeen dhaq-dhaqaaqa maleeshiyaadkan, sidaasna lagu duqeeyay.

“Meydadkii Khawaarijta ayaa maanta daadsan howdka deegaanka Xuseen Cageey, waxayna isaga huleeleen goobihii lagu bartilmaameedsaday iyagoo u laabtay dhanka deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka dowladda.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa xilligan ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxaana hawada ka taageera diyaaradaha dagaalka ee saaxibada caalamiga ah.

Axmed Ismaaciil Samatar: Aqoonsi usoo socda Somaliland ma jiro hal sabab darteed

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar, sidoo kalena guddoomiyaha ururka Hilaac ayaa ka hadlay arrimo ku aadan aqoonsiga Somaliland, isaga oo dhaliil xoogan hoggaanka maamulkaasi.

Samatar oo hadalkan ka sheegay Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday in laga gaabiyay ictiraafka Somaliland, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aan la sameyn dadaalkii loo baahnaa, maddo hadda laga joogo 33 sano.

Sababta waxa uu ku sheegay in aysan jirin doodo cilmiyaysan oo qoran oo la diyaariyay si adduunka loogu qanciyo wax ay tahay Somaliland.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciyaar ciyaar uun ay ahaayeen wixii lasoo qabtay 33 sano ee lasoo dhaafay, isaga oo caddeeyay in qaddiyada Somaliland aan la gayn fagaaarihii caalamka ee loo baahnaa.

“Aqoonsi Somaliland usoo socdaa ma jiro, sabab? Waayo maynaan kasban dee, hawsheedii maynaan galin, waa ciyaar ciyaar sheekadii aynu haynay 33kii sannadood, car soo sheeg meel Somaliland qadiyadeedu ku qorantahay oo ay cilmiyaysan tahay, waxaynu nahay” ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.Prof. Samatar ayaa horay u sheegay in loo baahanyahay in la diyaariyo doodo cilmiyaysan oo ka turjumaysa rabitaanka Somaliland, si loogu qanciyo adduunka

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Somaliland muddooyinkii u dambeeyay ay dadaal gelineysay arrinta ictiraafka, waxaana aqoonsi ay hesho darteed ay heshiis badeed la gashay dowladda Itooboya.
Heshiiska kadib Itoobiya ayaa sheegtay inay aqoonsaneyso Somaliland, sida uu shaaciyay

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bulbulta oo qoraal soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

“Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid milatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta, wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya.

DF oo jawaab ka bixisay tallaabo ay qaaday Itoobiya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay hadal kasoo yeeray Itoobiya oo shaacisay go’aan la xiriira aqoonsiga Somaliland oo ay horay ula gashay heshiis la xiriira badda, kaas oo ay ka carootay Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bulbulta oo qoraal soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa waxa uu shaaciyay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi siiya Somaliland.

“Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid milatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta, wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo isna qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka, wuxuuna riyo ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Itoobiya.

Jaamac ayaa sheegay in Itoobiya aysan qaadan karin taako kamid ah dhulka Soomaaliyeed, isla markaana la yaqaano halka ay ku dhamaan doono damaceeda gurracan.

“Ethopia way ogtahay taako dhul Soomaaliyeed ka mid ah in aysan qaadan karin, qof soo jeeda oo riyooda waa la arki jiray, natiijada riyooyinka noocaas ahna waa la yaqaanaa halka ay ku dhamaadaan!” ayuu sii raaciyay wasiirku.

Somaliland ayaa dhawaan calaamadisay dhul badeedka ay siinayso Itoobiya, ayada oo madaxweyne Muuse Biixi uu The Economist u sheegay in dhul xeebaadkaas oo dhan 20x20km uu teedsanaan doono Lughaya illaa Bulhar, halkaasi oo Itoobiya ay ka dhisi doonto saldhig ciidamada badda ah.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in baahida weyn ee ay u qabaan aqoonsi ay ku qasabtay in ay dhulkaas bixiyaan.

“Waxa aanu u halgamaynaa sidii aanu u heli lahayn madax-banaanideena, sida dalalka kale ee qaaradda ay sameeyeen. Waxay u baahan yihiin bad sida aan ugu baahanahay aqoonsi. Diyaar ayaan u nahay.” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Si kastaba, arrimahan ayaa imaanaya xillobiabada dhinac ay weli diyaarinayaan heshiiska rasmiga ah iyo dhaqangalkiisa, ayada oo Soomaaliya ay weli halkeeda tahay diidmadeeda ku aadan damaca Itoobiya.

Itoobiya oo shaacisay go’aan aqoonsiga Somaliland la xiriira – Maxaa soo kordhay?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ku dhiiratay inay si shaacsan u sheegto inay aqoonsaneyso Somaliland, xilli uu socdo qorshe lagu dhaqan-gelinayo heshiiskii Addis Ababa.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bulbulta oo qoraal soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa waxa uu shaaciyay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi siiya Somaliland.

“Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid milatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta, wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya.

Somaliland ayaa dhawaan calaamadisay dhul badeedka ay siinayso Itoobiya, ayada oo madaxweyne Muuse Biixi uu The Economist u sheegay in dhul xeebaadkaas oo dhan 20x20km uu teedsanaan doono Lughaya illaa Bulhar, halkaasi oo Itoobiya ay ka dhisi doonto saldhig ciidamada badda ah.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in baahida weyn ee ay u qabaan aqoonsi ay ku qasabtay in ay dhulkaas bixiyaan.

“Waxa aanu u halgamaynaa sidii aanu u heli lahayn madax-banaanideena, sida dalalka kale ee qaaradda ay sameeyeen,” ayuu yiri madaxweynd Muuse Biixi.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxay u baahan yihiin bad sida aan ugu baahanahay aqoonsi. Diyaar ayaan u nahay.”

Arrimahan ayaa imanaya xilliabada dhinac ay weli diyaarinayaan heshiiska rasmiga ah.

Xitaa haddii ay Itoobiya aqoonsato Somaliland, lama mid ahan in dalal kale ee qaaradda ay ku dayan doonaan.

Dalal badan oo caalamka ah ayaa teegeero buuxda u muujiyey Soomaaliya, oo 6-dii June xubin aan joogto aheyn ka noqotay Golaha Ammaanka ee QM.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale heshiis difaac la gashay Turkey, kaasi oo dhigaya in Ankara ay ka ilaaliso cid kasta oo ku soo xad-gudubta madax-banaanida iyo qarannimadeeda.

Sawirro: XAMZA oo boqolaal dadweyne ah kula dabaal-degay DAARU-SALAAM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kormeer ku tagey degmada Daarusalaam.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaas waqti kula qaatay boqollaal dadweyne ah oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo u dabaal dagayey farxadda maalmaha ciidda, taasi oo muujinaysa amniga iyo nabadda ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Mudane Xamza ayaa bogaadiyey horumarka, bilicda iyo amniga ka jira degmada Daarusalaam, oo dhawaan loo aqoonsaday degmooyin buuxa oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaraha ku dhiiri-geliyey bulshada iyo ganacsatada in ay sii wadaan dadaalka ay ugu jiraan horumarinta caasimadda iyo guud ahaan dalka.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed in ay dalkooda horumarkiisa u istaagaan oo maalgashadaan, maadaama uu dalku yahay nabad, ayna jiraan fursado maalgasho oo horseedaya horumar dhaqaale iyo shaqo abuur, dalkana ka dhigaysa mid kobcaya,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale wuxuu caddeeyey in dowladda ay si buuxda u garab taagan tahay ganacsatada, si horumar loo gaaro, isla markaana lagala shaqeyn doono sidii loo abuuri lahaa fursado cusub oo ganacsi iyo maalgashi.











Wargeys Israa’iili ah oo qoray warbixin si weyn u kashiftay fashilka Israel ku haysta Gaza

Gaza (Caasimada Online) – Warbixin uu qoray Brian Bloom oo lagu daabacay wargeyska ka soo baxa Israel ee “The Jerusalem Post” ayaa cinwanaan looga dhigay “Rajada kaliya ee u hartay Israel waa Sacuudiga”. Qoraalka waxaa uu ku bilowday guul buuxda oo Israel ka gaarto Gaza waa wax aan sahal lagu gaari karin

Qoraaga waxa uu sheegay Israel waa in ay sameysaa wax ay “Wajiga ku ilaalsan karto”. Dagaalka Israel iyo Xamaas ee socday 8-da bilood laga soo bilaabo Oktoobar 7, waxaa la dhihi karaa Israel kuma guuleysan maadama guutooyinka Xamaas ah ay weli dhulka joogaan, ayna awood u leeyihiin in ay Tel Aviv duqeeyaan iyo sidoo kale in dadka la haysto ay ku jiraan xaalad bani’aadannimada ka baxsan.

Ra’yi ururin uu sameeyay Machadka Dimuqraadiyadda Israel ka hor howlgalkii sideedii June ee Nuseirat, waxay muujineysaa in 34 boqolkiiba dadkii ka qeybqaatay ay rajo fiican ka qabaan mustaqbalka ammaanka qaranka.

Bishii May, 38 boqolkiiba dadweynaha Israel waxay sheegeen in ay kalsooni weyn u qabaan suurgalnimada in ay guuleystaan halka tiro badan oo 41 boqolkiiba ay sheegeen in ay kalsooni yar ku qabanaan in Israel guuleysaneyso.

Qoraaga waxa uu isweydiiyay isbeddelka hadii aan la guuleysan ama hadii dadweynaha kalsoonidooda lumiyaan. Bloom waxa uu aaminsan yahay in si weyn looga fakaro arrinta. Waxa uu sheegay in jawaabta ay hortaalo Sacuudiga iyo Imaaraatka.

Qoraaga waxa uu sheegay in Sacuudiga uu si weyn u doonayo in uu caadi ka dhigo xiriirka uu la leeyahay Israel taasna waxaa daliil u ah madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo soo bandhigay xabad joojin saddex heer ah iyo siideynta la haystayaasha iyadoo la eeegayo rabitaanka Netanyahu ee ah in aanu ogolaan maamul Falastiin oo halkaa jooga. Sacuudiga iyo Imaaraatka way sameyn karaan qorshahaas.

Sacuudiga waxyaabo waa weyn ayuu ka doonayaa Israel oo ay ku jiraan jid laysku haleyn karo oo lagu dhiso dowladda Falastiin ah taas ah oo wax ay Israeliyiin badan iyo maamulka hadda jira ay ka horjeedaan.

Hadii Israel ay ku guuleysan weyso dagaalka ay kula jirto Xamaas waa in hab kale la maraa.

Qoraaga waxa uu rumeysan yahay hadii Netanyahu uu caadi ka dhigo xiriirka Sacuudiga waxay taasi bedelysaa gobolka oo dhan. Israel waxay gobolka ka helysaa boos ay isbahaysi kula noqoto Carabta Sunniyiinta ee ka horjeeda Iran iyo xulufadeeda. Sidoo kale waxay taasi hogaajineysaa wajiga xumaaday ee Netanyahu. Dhabtii taasi ma dhawa, isbahaysigiisa ma sii jirayo. Marka la gaaro heshiis in badan waxay noqon doonaan howlgab, waana wax aysan marna qiyaasin Carabtii hore.

Qoraaga waxa uu qabaa hadii heshiis lala galo Sacuudiga oo dagaalka Gaza la soo afjaro in taasi ay fududeynso culeyska Maxkamadda dambiyada Caalamiga ee ku hayaan Israel iyo hoggaamiyayaasheeda.

Dagaalka labada dhinac ee Netanyahu

Qoraal uu ku qoray Peter Beaumont wargeyska ka soo baxa UK “The Guardian” ayaa cinwaan uga dhigay “Netanyahu labo dagaal ayuu ku jiraa” mana muuqata in midkoodna uu dhamaanayo.

Qoraaga waxa uu muujiyay in dagaalka Israel ay kula jirto Xamaas iyo kan Xisbullah ee Lubanaan ay yihiin dagaallo iska soconayo oo aan la ogeyn xilliga ay dhammaanayaan.

Israel labo dhinac ayey dagaal ugu jirtaa. Si kasta oo ay ugu adeegsato awood iyo hub culus Gaza, hadana in la gaaro guul weyn ma cadda, waana khiyaali.

Aragtida hoggaamiyaha Xamaas, Yaxya Sinwar ee ah waxyeelada rayidka Gaza in ay tahay huris lagama maarmaan ah waa mid ay Xamaas u aragto horumarka dagaalka si ka duwan Israel.

Qoraaga waa sheegay in hoggaanka siyaasadeed iyo kan militeri ee Israel ay sanado aaminsanaayeen in ay awood u leeyihiin xakameynta dagaalka Xamas ama kan Xisbullah ee Waqooyiga. Waxay iska indho-tireen qodobka siyaasadeed ee hurin kara dagaalka. Falastiin waxay dooneysa dal iyo aayo-katalin

Xamaas iyo Xisbuulah waxay doonayaan qorshe fog. Xamaas waxay u aragta in aysan jid kale haysan oo aan ka aheyn in ay dagaalka sii wadaan.

Qoraaga waxa uu rumeysan yahay in arintu aheyn oo kaliya dagaalka Gaza. Dagaalka Xisbullah ayaa qeyb ka ah colaadda. Fakarka Israel ee ah in dagaalka ay xakameyn karto ayaa la fahmay. Xadka Lubnaan dagaalka ka socda waxa uu noqday mid weyn.

Waxyaabaha laga tagay ee dhibaatada keenaya

Wargeyska ka soo baxa Lubanaan ee ““Asharq Al-Awsat” maqaal uu ku qoray Maxamed Al-rumayhi kaas oo cinwana uu uga dhigay “Faraqa u dhexeysa carrada iyo fakarka” ayuu kaga hadlay go’aanka Golaha Ammaanka ee ah in dagaalka la joojiyo.

Jidka waa dheeryahay maadama aan waxyaabo badan xisaabta lagu darin. Qoraaga waa uu aaminsan yahay in labada dhinaca Israel iyo Falastiin ay haystaan midba rayi’ u gaar ah. Falastiin waxay u aragtaa dhulkooda oo laga qaatay halka Israel-na ay aaminsan yihiin in ay iyaga leeyihiin.

Dhibatada waxay bilaabatay marka labada dhinac loo sheegay in ay hal dhul ku heshiiyaan. Labo dal ama hal dal ay wada leeyihiin.

Qoraaga waxa uu aaminsan yahay Gaza oo dib loo qabsado in ay tahay in lagu soo laabtay halkii hore loo joogay. Xamaas oo maamulka Gaza ku soo laabatana waxay ka la mid tahay in halkii hore lagu soo laabtay.

Bulshada caalamka labada dhinac waxay ugu baaqeen xalka Labo dal ah. Taasi waxay u baahan tahay in si wadajir ah loo aqoonsado dowladda Falastiin. Xamas waxay furtay albaab taariikhi ah.

Qoraaga waxa uu ku soo afjaray maqaalkiisa isagoo tilmaamay in bulshada caalamka aysan fulin halku-dhigyadooda xamaasadeysan maadama uu Mareykanku yahay awoodda ugu firfircoon. In kuwa qaar la aflagaadeeyana ma soo dedejineyso calka

Isha: BBC

Mid ka mid ah raggii 5 milyan ka qaatay Markabka MV Abdalla oo lasoo qabtay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland oo howlgal ka sameeyay magaalada Garoowe ayaa maanta gacanta kusoo dhigay xubin kamid ah burcad badeedda Soomaalida oo horay uga qayb qaatay afduubyo ka dhacay xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.

Qoraal kasoo baxay taliska booliska Puntland ayaa lagu faah-faahiyay qaabka uu u dhacay howlgalka iyo sida lagu soo qabtay ninkan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Suufi Rasaas.

Ninkan ayaa lagu soo qabtay howlgal saacado badan qaatay oo uu hoggaamiyay taliyaha qaybta guud ee Booliska gobolka Nugaal, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

“Maxamed Suufi Rasaas oo kamid ah burcad badeedii Markabkii MV Abdalla,kana mid ahaa ragii lagacta madaxfurashada ka qaatay ayaa manta ciidanka booliska G.Nugaal ku guulaysteen iney gacanta ku dhigaan kadib howlgal qaatay saacado oo uu hogaaminaayey Taliyaha Qaybta Booliska G.Nugaal G/Sare Maxamed Ali Axmed(Marduuf)” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay booliska Puntland.

Sidoo kale booliska ayaa sheegay in Maxamed Suufi uu ku dhuumaaleysanayay gudaha Garoowe, balse ay hayeen xogtiisa, kadibna ay gacanta kusoo dhigeen.

Waxaa kale oo ninkan lagu eedeeyay inuu ka qayb-qaatay afduubka Markabka MV Room, balse uu mar dambe usoo wareegay Markabkii MV Abdalla oo malaayiin dollar ka qaateen kooxaha burcad badeedda Soomaalida.

“Waxa uu kamid ahaa afduubashaayshii markabkii MV Room isaga oo markii dambe usoo wareegay markabkii MV Abdalle oo uu kamid ahaa burcadii lagacta madax furashada ka qaadatay markabkaas” ayaa lasii raaciyay.

Puntland ayaa sidoo kale digniin adag u dirtay kooxaha kale burcad badeedda, waxayna ugu baaqday inay isa soo dhiibaan, haddii kale ay soo qab qaban doonaan.

Ciidamada  Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxa burcad badeedda ah, kuwaas oo dhibaato ku hay maraakiibta shishiiye ee isticmaala biyaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.

Tirada dadka sanadkan ku dhintay Xajka oo la shaaciyay

Makkah (Caasimada Online) – Ugu yaraan 14-qof oo u dhashay dalka Urdun ayaa ku dhintay kuleyl xooggan oo ka dhacay dalka Sacuudiga, xilli ay ku guda jireen gudashada waajibaadka Xajka, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Urdun ayaa sheegtay in 14 ka mid ah muwaadiniinteeda ay dhinteen “kadib markii ay la soo darseen xanuunno ka dhashay kulaylka ba’an” waxaana la sheegay in 17 kale la la’yahay.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AFP, hay’adda bisha cas ee Iran ayaa xaqiijisay in 5 xujey Iraniyiin ah ay sidoo kale naftooda ku waayeen, balse ma aysan cadeyn sida ay u dhinteen.

Saraakiisha Urdun ayaa sheegay in ay socdaan baadigoobka dadka la la’yahay.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Urdun ayaa lagu sheegay in ay maamulka Sacuudiga kala shaqeyneyso habraaca loo aaso ama loo daabulo meydka dadka dhintay iyada oo la raacayo rabitaanka qoysaskooda.

Baraha bulshada ayaa lagu arkayay muuqallada tiro xujey ah oo sanadkan ku geeriyooday xaramka iyaga oo la maamusayo isla markaana si nidaamsan loogu aasayo gudaha Sacuudiga.

Xajku waa mid ka mid ah gudashada acmaasha ugu waaweyn iyo isu imaatinka ugu weyn ee adduunka. In ka badan 1.8 milyan oo xujey ah ayaa sanadkan ka qeyb qaadanaya sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Sacuudiga.

Laakiin mararka qaar waxaa dhaca dhibaatooyin sababa khasaare kala duwan oo ay ka mid yihiin is buurasho iyo dab ka kaca meelaha teendhooyinka ah ee ay xujeydu ku nastaan. Laakiin sannadaha badankood, caqabada ugu weyni ayaa waxaa ka mid ahaa kulaylka daran ee Sacuudiga ka jira.

Heerkulka ayaa ka sarreeyay 46C (114.8F) usbuucan, taasoo ka dhigaysa qaar badan oo ka mid ah gudashada acmaasha lagu sameeyo bannaanka mid adag iyo in socodku uu yaraado gaar ahaan dadka waayeelka ah.

Madaxa xarunta saadaasha hawada qaranka Sucuudiga, Ayman Ghulam, ayaa todobaadkii hore ka digay isaga oo yiri: “Cimilada la filayo ee Xajka sanadkan waxa ay muujin doontaa kororka heerku sarreeya oo ka sarreeya heerka caadiga ah ee Makka iyo Madiina.”

Sannadkii hore, ugu yaraan 240 qof ayaa dhintay. Musiibadii ugu xumayd ee ka dhacday Xajka, burburkii dhacay 2015-kii ayey ahayd iyada oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 2,000 oo qof.

Xajka oo ka mid ah isu imaatinka ugu waaweyn Muslimiinta, waa mid ka mid ah Shanta Tiir ee Islaamka. Dhammaan Muslimiinta ayaa laga doonayaa inay sanadkiiba mar gutaan haddii ay jir ahaan iyo dhaqaale ahaanba awoodaan.

BBC

Aadan Madoobe oo farta ku fiiqay ‘dad dowladnimada u burburinaya danahooda gaarka ah’

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay inay jiraan dad fiirsanaya danahooda gaarka ah, kuwaas oo dacaayad la dabajooga dowladda iyo maauuliyiinta dalka.

Sidaan oo kale xalay Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh ayaa uga jawaabay weerarrada loo mariyo baraha bulshada, isagoo codsaday in la iska dhaafo been abuurka iyo hadallada damqinaya boogaha.

“Dadka faafinaya beenta raqiiska ah ee raba in danahooda kaliya loo fuliyo waa qaldan yihiin ee dadka Soomaaliyeed ha ogaadaan,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha oo hadda dalka ka ah kusime madaxweyne ayaa hadalkaan maanta ka sheegay Masjidka weyn ee Isbaheysiga Islaamka oo boqolaal shacab ah uu kula tukaday salaadii ciidda.

Aadan Madoobe ayaa sheegay dalku uu ku socdo jihadii ugu fiicneed, isagoo tusaale u soo qaatay guulo ay ku jirto deyn cafintii, kuwaas oo la gaaray intii ay xukunka joogeen isaga iyo Xasan Sheekh.

“Dhamaan bulshada Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in dowladda iyo madaxda ay u nasteexeeyaan oo garab istaagaan oo dowladnimada xafitaan, sidaas ayaa lagu wada guuleysanayaa,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in maauuliyadda uu marba qof heynayo oo dadka dhan aysan masuul halmar wada noqon karin.

“Umadda Soomaaliyeed waxay maanta u baahan tahay oo ka maqan in iftiinka dowladnimo ee maanta baxaya ay gacanta ku qabsadaan oo khilaafaadka dhan meel la iska dhigo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Aadan Madoobe.

Deni oo shaaciyey 6 qodob oo ay isku hayaan Puntland iyo DF kuna baaqay wadahadal

0

Garowe (Caasimada Online) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo shalay furay kalfadhiga 54-aad ee baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay arrimaha ay isku hayaan ee sababay khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Puntland iyo dowladda dhexe.

Sidoo kale Saciid Deni ayaa si cad baarlamaanka maamulkiisa uga hor sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in wadahadal rasmi ah ay arrimaha masiiriga ah kala yeelato dowladda federaalka Soomaaliya.

“Puntland waxay diyaar u tahay inay dowladda federaalka wadaxaajood toos ah kala gasho arrimaha masiiriga ah ee hortebinta u leh dowlad-dhiska Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Deni ayaa hoosta ka xariiqay in aysan waxaba iska bedelin mowqifkii ay Puntland qaadatay markii dowladda federaalka ay bilowday inay wax ka bedesho dastuurkii KMG ahaa ee Soomaalidu ku heshiisay.

“Sidoo kale Puntland waxay qabtaa in khilaafaadka siyaasiga ah iyo midka khilaafiga ah looga gudbi karo wadahadal, iyadoo la ixtiraamayo ku dhaqanka sharciga,” ayuu yiri Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay qorsheyneyso in iskaashi hormarineed ay la yeelato dowlad goboleedyada kale ee dalka, Puntland waxay horay juhdi badan ugu bixisay sidii loo xaqiijin lahaa dowladnimo Soomaaliyeed,” ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku taliyey in awooda dalka aysan marooqsan qolo gaar ah, isla markaana lagu dhaqmo sharciga iyo dimoqoraadiyadda, “Suurtagal maaha in lagu dhaqmo siyaasadaha guracan oo koox gaar ah ay afduubato dalka iyo dastuurka,” ayuu yiri Saciid Deni.

Sidoo kale Maxxaweynaha Puntland ayaa ku goodiyey in Puntland ay ku sii dhaqmo doonto awoodaha uu siinayo dastuurka maamulkaas iyo kan federaalka, ilaa inta ay xeyndaabka sharciga ku soo laabanayaan masuuliyiinta dowladda federaalka, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Madaxweyne Deni ayaa markii ugu horeysay cadeeyey qodobada ay isku hayaan dowladda federaalka iyo Puntland, kuwaasi oo kala ah:

1-Hirgelinta nidaamka federaaliga ah,

2-Awood wlqeybsiga

3-Nidaamka maaliyadeed ee federaalka,

4-Qaab-dhismeedka amniga qaranka,

5-Wadaagga kheyraadka,

6-Iyo Hanaanka Cadaaladda dalka.

Qodobadaan ayuu sheegay Saciid Cabdullahi Deni inay isku hayaan Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

SAYLICI oo dhabarka u jeediyay Muuse Biixi xilli xasaasi ah – Maxaa dhacay?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa shaaciyay inuu dhex-dhexaad ka yahay doorashada Somaliland, taasi oo ka dhigan in Saylici uu dhabarka u jeediyay Muuse Biixi, xilli doorasho la galayo bisha Novermber ee sanadkaan.

Saylici oo maanta la hadlay dad isugu soo baxay inay oogaan Salaadda Ciidul-Adxaa ayaa shacabka ugu baaqay inay codkooda ku aaminaan qofka ay u arkaan in uu awood u leeyahay xoojinta isku duubnidooda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in la kala fogeeyo doorashada iyo qabyaaladda, xilli dhowr bilood ka harsan yihiin doorashada madaxtinimada Somailand, oo ay ku loolamayaan saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid.

“Shacabka Somaliland waxa aan leeyahay doorashada ciddii aad doontaan u codeeya, waa in la kala fogeeyo doorasho iyo qabyaalad,” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici.

Waxa uu intaas kusii daray “In ummadda kala dhimato waxa ay ku imaan kartaa in aan loo fakirin si aan wanaagsanayn.”

Hadalka madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa imanaya xilli Muuse Biixi uu wajahayo loollan adag oo uga imaanaya mucaaradka, oo ku eedeynaya Biixi inay siyaasad xumaddiisa keentay in Somaliland ay lumiso deegaanada gobolka Sool.

Si kastaba, Saylici oo xilligaan aheyd inuu dhiso Muuse Biixi oo uu ku-xigeen u ahaa sanado badan, ayna ka wada tirsan yihiin xisbul xaakimka ayaa sida muuqata garabkiisa ka baxay. Waxaana xilligaan musharax madaxweyne ku-xigeen u ah Muuse Biixi wasiirkiisa ganacsiga Mr. Saajin.

Maxaad ka ogtahay qorshaha cusub ee madaxweyne PUTIN iyo Kim Jong Un

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la filayaa inuu booqdo Kuuriyada Waqooyi horraanta toddobaadka soo socda.

Bartamaha Bishan, Sarkaal ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa kula kulmay Wariyeyaasha goobtii uu Madaxweyne Yoon Seok-yool ka joogay Kazakhstan, wuxuuna si rasmi ah u sheegay qorshaha Madaxweyne Putin uu ku tagayo Waqooyiga Kuuriya.

Waxaa sidoo kale jira xog sheegeysa in Pyongyang ay durba bilowday isu diyaarinta booqashada Madaxweyne Putin ee Kuuriyada Waqooyi.

Haddii booqashadan Kuuriyada Waqooyi ay dhab ahaantii dhacdo, Madaxweyne Putin waxa uu booqan doonaa Pyongyang markii ugu horreysay muddo 24 sano ah tan iyo 2000, markaasoo uu xukunka hayay hogaamiyaha Difaaca Qaranka Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-il.

Bishii Sebtember ee sanadkii hore, hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un iyo madaxweyne Putin ayaa kulan gaara ku yeesha xarunta Vostochny Cosmodrome ee Bariga Fog ee Ruushka, ayuu Putin ku aqbalay martiqaadkii Kim ee booqashada Kuuriyada Waqooyi.

Haddii kulankii sanadkii hore dhexmaray Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka uu ahaa mid lagu gogol xaarayey xiriirka labada dal, dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in kulankan uu noqon doono mid muujinaya xiriirka si weyn u horumaray.

Waxaa diiradda lagu saarayaa heerka uu marayo iskaashiga ciidan ee labada dhinac ee kulankaan, waxaana la filayaa inuu noqdo fursad lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada kala duwan, sida dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka, beeraha iyo dalxiiska.

Waxa xiiso gaar ah leh in la xuso inta uu madaxweyne Putin ka xusi doono is-weydaarsiga hubka casriga ah iyo haysashada hubka Nukliyeerka ah ee Kuuriyada Waqooyi.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta aragti ah in shirkan Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka uu noqon karo ‘kulan dhacdo ahaan’ halkii laga wada hadli lahaa natiijooyinka dhabta ah.

Iskaashiga Milatari: Ruushka wuxuu u baahan yahay hub, Kuuriyada Waqooyi waxay u baahan tahay taageero farsamo

Iyadoo duulaanka Ruushka ee Ukraine uu socday in ka badan laba sano iyo bar, isku xirnaanta Waqooyiga Kuuriya iyo Ruushka ee bixinta sahayda muhiimka ah, ayaa sii xoogeysaneysa.

Bare sare oo ka tirsan jaamacadda Kuuriya qaybteeda midaynta iyo dublamaasiyadda, Nam Sung-wook, ayaa sheegay in marxaladdan, uu ajandaha ugu muhiimsan ee kulankan uu yahay “intee in le’eg oo hubka ah oo Waqooyiga Kuuriya la siinayo mustaqbalka Ruushka.”

Qaar kale ayaa sheegaya in kulankaan, ay u badan tahay inay ka gudbi doonaan heshiisyada muddada gaaban ee ku saabsan bixinta hubka caadiga ah ee Kuuriyada Waqooyi, ayna ku heshiiyaan iskaashi ciidan oo aad u dhow, sida horumarinta wadajirka ah ee hababka hubka.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in Kuuriyada Waqooyi ay rabto in ka badan cunno iyo saliid ay ugu beddesho hubka Ruushka.

Professor Nam, ayaa si gaar ah u saadaaliyay in Kuuriyada Waqooyi, oo ku guuldareysatay inay hawada sare u dirto dayax gacmeedka kormeerka hawada bishii May ee la soo dhaafay, ay kulankaan kaga hadli doonto taageerada Ruushka ee tignoolajiyada hawada sare.

Sharaxaada ayaa ah in Kuuriyada Waqooyi ay u baahan doonto caawinaad ka timaada Ruushka, oo wadan awood badan dhanka tignoolajiyada hawada sare, si ay ugu guuleysato hawada sare ee dayax gacmeedyada.

Waxa kale oo jirtay saadaal ah in Kuuriyada Waqooyi ay isku dayi doonto in ay Ruushka ka caawiso dhinaca tignoolajiyada si ay u kordhiso xallinta dayax gacmeedyada indho-indhaynta iyo maraakiibta Nukliyeerka ah.

Putin iyo Kim, ayaa kulankoodii kal hore waxay sheegeen inay xoojinayaan xiriirka labadooda dal ka dhaxeeya.

Isha: BBC