25.6 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

WAR CULUS: Nin Soomaali ah oo noqday amiirka guud ee ISIS – Kadib maxaa dhacay?

Washington (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka ayey suurta-gal tahay inay dileen hoggaamiyihii guud ee kooxda Daacish ee caalamka Cabdulqaadir Muumin, sida lagu sheegay warbixin cusub.

Cabdulqaadir Muumin ayaa ahaa bartilmaameedka duqeyn uu Mareykanka 31-kii May ka fuliyey meel 50-mile koonfur bari kaga beegan magaalada Boosaaso, sida ay saddex sarkaal oo Mareykan ah u sheegeen NBC News.

Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsanaa Daacish, sida lagu sheegay bayaan xilligaas ka soo baxay AFRICOM.

Si kastaba, saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in weli aysan go’aamin in Muumin uu ka mid ahaa kuwa lagu dilay howlgalka.

Muumin ayey Mareykanku si shaacsan u sheegeen inuu yahay madaxa Daacish ee Soomaaliya, hase yeeshee laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa hadda shaaca ka qaaday in uu si hoose ugu gudbay xilka hoggaamiyaha guud ee Daacish ee caalamka oo dhan, sanadkii tegay.

Amiirkii Daacish ee isaga xilka kaga horreeyey Abu al-Hasan al-Hashimi al-Qurashi ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay Suuriya bishii November 2022.

Daacish ayaa waxa ay Soomaaliya ku leedahay 100 illaa 200 oo mintidiin ah oo badankood ku sugan waqooyiga, gaar ahaan gobolka Bari, hase yeeshee waxaa jira kooxo kale oo ku fidsan qaaradda Afrika, oo ay ku jiraan dalalka Libya Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo iyo Mozambique.

Kooxda argagixisada ayaa weli haysata kumannaan argagixiso oo ku kala sugan adduunka oo dhan, iyadoo badankooda ay ku badan yihiin waqooyiga Ciraaq iyo waqooyi bari Suuriya, sida ay sheegeen hay’adaha sirdoonka Mareykanka.

Balse sababtoo ah Maraykanka oo si wax ku ool ah u beegsaday hoggaanka Daacish ee Ciraaq iyo Suuriya, hoggaamiyeyaasha ISIS waxay u arkaan Afrika “meel ay tahay inay maal-gashadaan, halkaas oo ay awood u leeyihiin inay si fiican oo xor ah uga howl-galaan, waxayna doonayaan inay ballaariyaan unugga Daacish ee halkaas,” ayuu yiri sarkaalka sare oo ka tirsan gaashaandhigga Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in Muumin uu mas’uul ka yahay weerarro lagu hoobtay oo ka dhacay guud ahaan Soomaaliya tobankii sano ee la soo dhaafay, oo ay ku jiraan dil sannadkii 2019-kii lagu khaarijiyey mas’uul ka tirsanaa hay’adaha garsoorka ee gobolkiisa.

Mareykanka ayaa 2016 ku daray liiska argagixisada caalamiga ah, ayaga oo sheegay inuu halis ku yahay amniga qaranka Mareykanka, siyaasadda arrimaha dibedda iyo dhaqaalaha Mareykanka. 

In Muumin uu la wareegay xilka madaxii ugu sarreeyey ee Daacish ayaan si weyn loo ogeyn, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Mareykan ah.

Waxa uu xilka kala wareegay Abu al-Hasan al-Hashimi al-Qurashi, oo lagu dilay dagaal ka dhacay Suuriya dabayaaqadii 2022.

Labadii madax ee hore ee Daacish, oo uu ku jiro hoggaamiyihii ugu caansanaa, Abu Bakar al-Baghdadi, ayaa is dilay markii ay hareereeyeen militariga Mareykanka kadib weerar lagu qaaday.

Waa ayo dowladaha cadowga Soomaaliya ah ee Cali Wajiis uu la xiriiriyey CC Shakuur?

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culumada ugu caansan Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu saaxiib la yahay dhinacyo dhibsanaya mashruuca dowlad dhiska Soomaaliya. 

“Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxaan ugu cudurdaareynaa inuu saaxiibo la yahay, sida muuqata, dhinacyo badan oo mashruuca dowlad dhiska Soomaaliya iyo heshiiska taariikhiga ee Soomaaliya iyo Turkiga dhibsanaya,” ayuu yiri Cali Wajiis. 

Sheekh Cali Wajiis ma shaacin dhinacyadaas ama dowladaha uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur xiriirka la leeyahay. 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ah siyaasi caan ku ah mucaarado joogto, ayada oo aan weli la arag isaga oo taageersan ama ku qanacsan nidaam dowladeed oo dalka soo maray haddii aanu xubin ka aheyn. 

Haddaba yey noqon karaan dhinacyada uu Cali Wajiis la xiriiriyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur? 

Inkasta oo liiska dowladaha ay dhibeyso dowlad dhiska Soomaaliya uu dheer yahay, haddana kuwa dhibsanaya heshiikii Soomaaliya iyo Turkey ayaa ah kuwa kooban, taasi oo fikrad naga siin karta dowladaha uu ka hadlayo Cali Wajiis. 

Midda ugu horreyso uguna cad waa Itoobiya, maadaama heshiiska Soomaaliya iyo Turkey loo saxiixay in Addis-Ababa looga difaaco badda Soomaaliya kadib heshiiskii xaaraantaa ahaa ee ay la gashay Somaliland. 

Dowlad labaad oo iyana cad in ay diidan tahay heshiiska Muqdisho iyo Ankara, waa Imaaraadka Carabta, oo marar badan ay Turkey ku loolameen siyaasadda gobolka, lana tuhunsan yahay in ay gadaal ka riixeysay heshiiska Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi. 

Marka ay noqoto Itoobiya, ma jiro diiwaan ama taariikh muujineysa in

Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu xiriir wanaagsan weli la yeeshay, inkasta oo ay dhici karaan waxyaabo badan oo aan shaacsaneyn. 

Hase yeeshee hal mid ah oo hubanti ah; waa in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu muddo xiriir wanaagsan la lahaa Imaaraadka Carabta, welina la leeyahay. Waxaa la rumeysan yahay in xilligii dowladda Farmaajo ay siin jireen dhaqaale uu ku riixo ololihisia mucaaradada ee ka dhanka ahaa madaxweynihii hore.

Siyaasigan ayaa sidoo kale ka mid ahaa musharaxiin ay Imaaraadka Carabta doonayeen inay taageeraan doorashadii uu ku guuleystay Xasan Sheekh 2022, balse markii ay go’aamiyeen in uusan bulshada iyo xildhibaanada ka gadmi karin ay dib uga gurteen. 

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay siiyeen dhaqaale qancin ah oo kooban, balse aanu ku filneyn inuu doorashada ku guuleysato. 

Sidoo kale waxaa xusid mudan, in mucaarada Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ka dhanka ah dowladda Xasan Sheekh oo aad u xoogeysatay bilihii dhowaa ay la kowsatay markii uu mugdi galay xiriirka Xasan Sheekh iyo Imaaraadka Carabta, taasi oo abuureysa tuhun aad u weyn. 

Sidaas darteed, waxay u badan tahay in dhinacyada uu Cali Wajiis ka hadlayo ay yihiin Imaaraadka Carabta.

W/Q: Cabdinaasir Maxamuud Axmed

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Sawirro: Muqdisho iyo dalka oo dhan oo si weyn looga ciiday iyo madaxda sare oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya maalinta koowaad ee Ciidul-Adxa, ayada oo inta badan salaadda ciida lagu dukaday goobaha fagaaraayaasha.

Magaalada Muqdisho ayaa kamid ahaa goobihii lagu dukaday salaadda ciida, oo qaarkood ay bulshada dukashada salaadda ciida kala soo qeyb-galeen madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa saxmad ahaa saaka waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, ayada oo indhahaaga ay qabanayeen caruur iyo waalid gacanta haya oo u socda goobaha loo diyaariyay ciida iyo tamashleynta.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo masuuliyiin uu kamid yahay ku-simaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa salaadda Ciidda Carafo boqolaal kamid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ah ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidda Carafo, isaga oo xujayda sanadkan gudanaya waajibaadka xajka Alle uga baryey in uu ka aqbalo acmaashooda suubban.

Mudane Xamza ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay isku naxariistaan isla markaana ay is caawiyaan, si farxadda Ciiddu ay u wada gaarto dhammaan bulshada gaar ahaan inta nugul.

Guddomiye Sheekh Aadan Madoobe oo isna salaadda Ciidda kadib la hadlay dadweynihii masaajidka ku sugnaa ayaa ugu hambalyeeyay munaasabada Ciidda, isaga oo dadka Soomaaliyeed ku booriyay garab istaagida dadka danta yar.

Ugu dambeyn guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed midnimo, wadajir iyo in ay taageeraan horumarka dowladnimo ee dalka.

Isku soo wada duubo, Munaasabadda Ciidul-Adxa ayaa si weyn looga dabaal-degay guud ahaan magaalooyinka dalka, waxaana laga dareemaya saxmad waddooyinka waaweyn iyo goobaha ay iskugu imaadan dadweynaha.

Sawirro: Ciidamada DANAB oo salaadda Ciidda ku oogay jiidda hore ee dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Kumaandooska DANAB, gaar ahaan Guutada 16-aad ayaa maanta waxay Salaadda Ciidda ku oogeen Jiidda hore ee howdka.

Ciidankan oo muddooyinkii dambe ku sugnaa howdka degmada Ruuni-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa maanta ku ciidday halkaasi oo ay ka waddaan howl-gallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Bartamaha sanadkii hore ee 2023-ka ayey aheyd markii ciidanka xoogga dalka si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmada Ruun-nirgood iyo deegaanno hoosyimaada oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Marar badan ayey Al-Shabaab ciidamada dowladda ku soo weerareen Ruun-nirgood oo ah degmo istaraatiiji ah, waxaana hadda socda guluf culus oo la doonayo in aaggaas looga nadiifiyo kooxda.

Kooxda ayaa degmada iyo deegaanada ku teedsan aad u jecel, maadaama ay yihiin dhul howd ah, waxaana marar badan ay isku dayeen inay dib u qabsadaan, taasi oo kusoo dhamaatay fashil

Degmadaan oo dhacda halka ay iska galaan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud ayaa sanadkii tegay kamid noqotay magaalooyinkii kooxda Al-Shabaab, uuna illaa hadda ka socda howdkeeda howl-gallo lagu baacsanayo maleeshiyaadka kooxda.

Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa xilligaan maraya meel xasaasi ah, waxaana socda dadaallo dowladda ku dardar-gelinayso howl-gallada ka dhanka ah kooxda oo muddooyinkii dambe uu gaabis ku yimid.









Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo codsi u diray dadka baraha bulshada ka weerara

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farriin u diray dadka baraha bulshada ku faafiya been abuurka iyo aflagaadada dadka kale, iyagoo ka raadinaya dhaqaale, sida uu sheegay Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn dadkaas ugu duceeyey in ilaahey meel kale irsaaqad ka siiyo, si ay isaga dhaafaan been abuurka ay wax ku raadinayaan.

“Kuwa beenta sheega, kuwa dadka caaya iyo kuwa irsaaqada ka raadiya inay dadka aflagaadeeyaan waan u duceyneynaa, walaal inaad been dhaqaale ku raadiso waxaa ka macna badan inaad baahnaato adigoo run sheegaya,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin boogo badan oo in la damqiyo ay fududahay, “dhalinyaro yaan la damqin boogahaas, kuwa beenta sheegow ka jooga oo u soo noqda qiimaha ay leedahay diinteena suuban,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalkaan ayuu madaxweynuhu caawa ku dhex sheegay farriintiisii hambalyada ciidda, wuxuuna ku soo aadayaa iyadoo baraha bulshada uu ka socdo weerar ku wajahan siyaasadda uu ku hoggaamiyo dowladda, kaas oo xoogeystay markii ay dowladdu amartay in lasoo faago qabuurihii Iskuul Buluusiya.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wajaheysa mucaaradad isisoo tareysa, xili ay gashay sanadkii 3-aad, waxaana baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha uga socda weerar iyo doodo xoog leh.

Inta badan doodaha ay wajaheyso dowladda Xasan Sheekh uu hoggaamiyo ayaa ku qotoma guul darooyinka dagaalka Al-Shabaab, waxka bedelka dastuurka, doorashooyinka dowlad goboleedyada oo dib u dhac weyn uu ka jiro iyo arrinta qabuuraha uu ugu dambeysay.

Madaxweynaha ayaa u muuqda inay gaartay farriinta shacabka, wuxuuna codsaday in la joojiyo hadallada xanafta leh, isagoo si cad u sheegay in dadka qaar ay aflagaadada iyo been abuurka dhaqaale ka sameeyaan.

Hoos ka daawo

Dadka reer GAZA oo maanta u ciidaya si ka duwan ciiddii hore – Maxaa isbeddelay?

Gaza (Caasimada Online) – Xagaagi hore, dadka reer Falastiin ee ku nool Marinka Gaza ayaa si farxad leh ugu dabaal-dagay maalinta Ciidul Adxaa, iyaga oo qoysaska, qaraabada iyo asxaabta ay wadaageen farxadda maalintan barakeysan.

Carruurta ayaa ku ciiday dhar qurxoon, haddiyooyin ayaa loo wadaajiyay, qoysaska kuwa wax heysta xoolihi udxiyada ee ay gowraceen ayay la qeybsadeen qoysaska tabarta daran.

Laakiin, sannadkaan kaddib siddeed bilood oo dagaal lagu hoobtay oo ay ciidamada Isra’il ku ekeeyeen Marinka Gaza iyaga oo sheegay in ay baacsanayaan Xamaas, ayay qoysas badan quud ahaan u cunayaan cunto gasacadeysan oo aanan ku filneyn isla markaana ku nool teendhooyin ciriiri ah.

Ma jiro hilib laga helayo kawaanka ama suuqyada maxalliga ah, carruurtuna ma heystaan dhar ay ku ciidaan ama haddiyooyin ay ka heleen qoyska iyo qaraabada, kaliyah dagaal, gaajo iyo darxumo, iyadoo aysan muuqan xilliga uu dagaalkani dhamaanayo.

Nadiya Xamuuda oo ah hooyo gabadheedii looga dilay Gaza, ayaa iyada oo ku sugan teeno ku taala degmada Deyr Al-balax sheegtay in aysan sannadkaan u jirin ciid ay u dabaal dagaan.

“Marka aan maqalno aadaanka salaadda, waanu oynaa waxaan waxaan soo xusuusannaa kuwa aan dagaalka ku weynay iyo waxyaabaha kale ee aan luminnay, waxa nagu dhacay iyo sida uu xaalkeenna aha aka hor dagaalka.”

Gaza waxay aheyd mid liidata oo go’doonsan xittaa ka hor dagaalka, laakin dadka wali waa ay u dabaaldagi ijireen ciidaha, iyaga oo ka farxi jiray carruurta, isla markaana qoysaska iyo guud ahaan dadka ay isugu hambalyey jireen munaasbadda ciidda.

Hadda inta badan Gaza waa la burburiyay, shacabka magaalada ee gaarayay ku dhawaad 2.3 milyan oo ruux ayaa intoodii badneyd ka qaxay guryahooda, wixi ka danbeeyay dagaalki ay Isra’il ku qaaday Marinka Gaza, kaas oo daba socday weerarki ay isla bilowgi October Xamas ku qaadeen koofurta Israil.

Xamaas ayaa weerarkaas ku dishay ilaa 1,200 oo Israa’iiliyiin ah halka ay soo afduubteen ilaa 250 kale. Ciidamada Isra’il ayaa dagaalka ay ku qaadeen Gaza ku dilay in ka badan 37,000 oo ruux oo u badan dumar iyo carruur.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ka digay in in ka badan hal milyan oo qof – ku dhawaad kala bar dadka Gaza ay qarka u saaran yihiin in todobaadyada soo socda ay gaajada heysa gaari doonto halka ugu sarreysa.

Horay Qaramada Midoobay waxay uga digtay macluul ka billaabatay qeybaha waqooyi ee Gaza.

Horaantii bishii May, Masar ayaa xirtay marinka Rafax qeybta soo xigta xadkeeda, kaddib marki Israa’iil ay qabsatay dhinaca Falastiiniyiinta. Arrintaasi waxay keentay inuu gabi ahaanba xirmo dariiqa kaliya ee ay dadka kasoo gali jireen ama uga bixijeen Gaza.

Waxay kale oo ay taasi keentay in xajki sannadkaan uusan qof ka mid ah dadka reer Gaza aadin, sababtoo ah marinka Rafax oo ay uga gudbi jireen Masar ayaa xirmay bishaan Carrafo.

Lama oga xilliga uu dhamaa doono dagaalka Gaza, waxaase muuqata in dad badan oo rayid ah ay ku sii dhiman doonaan, inta ay wali Gaza ku dagaallamayaan ciidamada Isra’il iyo Xamaas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta ee hubeysan.

Siddeed kamid ah ciidanka ISRAEL oo lagu dilay GAZA – Sidee wax u dhaceen?

Gaza (Caasimada Online) – Sideed kamid ah ciidamada Israel ayaa Sabtidi shalay lagu dilay koofurta Marinka Gaza, sidaasi waxaa xaqiijiyay millatariga Israel, xilli ay ciidanka Israel wali ku sii siqayaan gudaha iyo hareeraha magaalada koofureed ee Rafax.

Milatariga Israel ’il waxay sheegeen in dhammaan askarta la dilay oo ka wada tirsanaa cutubka injinneeriyada, uu baar ay la socdeen oo ahaa kuwa gaashaaman laagu dhuftay walxaha qarxa.

Waxay kale oo sheegeen, in weerarka uu ka dhacay aagga Tel Al-Sultan ee galbeedka Rafax aroortii hore ee shalay.

Garabka hubeysan ee Xamaas ayaa sheegtay in gaariga ay la socdeen ciidamada Israel ay u dhigeen miino lagu diyaariyay aaggaasi.

Taangiyda Israel ayaa kusii siqay xaafadda Tel al-Sultan, islamarkaana madaafiic ku garaacay aagga xeebta halkaas oo ay u qaxeen kumannaan qoys oo Falastiiniyiin ah.

Dhanka kale duqeymo ay ciidamada Israel ku bartilmaameedsadeen koofurta Gaza ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 19 Falastiiniyiin ah.

U.S. targets Somali new ISIS global leader

Washington (Caasimada Online) – The U.S. military recently carried out an airstrike in Somalia aimed at Abdulqadir Mumin, the global leader of ISIS, but confirmation of his death remains unverified.

On May 31, U.S. Africa Command (AFRICOM) announced an airstrike against ISIS militants in a remote area 81 kilometers southeast of Bosaso, Somalia.

The strike resulted in the deaths of three militants. However, AFRICOM did not specify the identities of those killed or the primary target of the operation.

Mumin: From local to global leadership

Abdulqadir Mumin, previously known as the leader of ISIS in Somalia, had reportedly ascended to the global leadership of the terror group, according to US officials. 

This elevation came after the death of the former ISIS leader, Abu al-Hasan al-Hashimi al-Qurashi, in late 2022.

Mumin’s new role, though not widely publicized, signifies ISIS’s strategic shift towards expanding its influence in Africa.

Despite being relatively small, with an estimated 100 to 200 fighters, ISIS in Somalia has been more effective in certain operational aspects compared to other terror networks in the region. This includes sophisticated evasion tactics and inter-group coordination, particularly in financing.

ISIS’s presence is not confined to Somalia. The group has established cells in various African countries, including Libya, the Democratic Republic of the Congo, and Mozambique.

These expansions are part of a broader strategy driven by the leadership’s directive to invest in regions perceived as more permissive and conducive for operations.

This strategy emerges from the significant losses ISIS has faced in its traditional strongholds in Iraq and Syria.

Mumin’s impact and threats

Abdulqadir Mumin has been linked to several deadly attacks in Somalia over the past decade. Notably, in 2016, he orchestrated the capture and occupation of a city in Puntland. He was behind the assassination of a judicial official in 2019.

His designation as a specially designated global terrorist by the U.S. in 2016 underscored the threat he posed to U.S. national security and interests.

A senior defense official highlighted the effectiveness of U.S. operations against ISIS leadership in the Middle East, which has forced the group’s strategic pivot to Africa.

“Africa is seen as a more permissive environment where ISIS can operate more freely,” the official noted. The cells across the continent have grown due to strategic directions from ISIS leadership.

Mumin’s Biography

Abdulqadir Mumin was born in Puntland, Somalia, and initially became known for his work as a radical preacher.

Before his affiliation with ISIS, Mumin was part of al-Shabaab, an al-Qaeda-linked militant group in Somalia. However, in 2015, he pledged allegiance to ISIS, leading a faction of al-Shabaab fighters to break away and form an ISIS affiliate in Puntland.

Mumin’s leadership style and strategic acumen have made him a formidable figure in the jihadist world. Under his command, ISIS in Somalia carried out several high-profile attacks, including the 2016 capture and occupation of Qandala, a coastal town in Puntland.

His group has also been responsible for numerous assassinations, bombings, and raids targeting Somali security forces, government officials, and civilians.

In 2016, the U.S. designated Mumin as a specially designated global terrorist, emphasizing the significant risk he posed to U.S. national security and interests.

His ability to evade capture and continue leading ISIS operations in Somalia has been a testament to his operational skills and the challenges faced by counter-terrorism forces in the region.

Biixi oo markii ugu horreysay calaameeyey dhul badeedka ay siinayaan Itoobiya (Arag)

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi cabdi ayaa mar kale ka hadlay heshiiska ay dhul badeedka ku siinayaan Itoobiya, isaga oo markii ugu horreeyey shaaciyey halka uu dhulkaas noqon doono. 

Muuse Biixi oo wareysi siiyey wargeyska The Economist ayaa sheegay in dhul xeebaadkaas oo dhan 20x20km uu teedsanaan doono Lughaya illaa Bulhar, halkaasi oo Itoobiya ay ka dhisi doonto saldhig ciidamada badda ah. 

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in baahida weyn ee ay u qabaan aqoonsi ay ku qasabtay in ay dhulkaas bixiyaan.

“Waxa aanu u halgamaynaa sidii aanu u heli lahayn madax-banaanideena, sida dalalka kale ee qaaradda ay sameeyeen,” ayuu yiri Muuse Biixi.  

“Waxay u baahan yihiin bad sida aan ugu baahanahay aqoonsi,” ayuu sharaxay. “Diyaar ayaan nahay.”

Itoobiya ayaa sheegtay inay ka fiirsan doonto mowqifkeeda ku aadan aqoonsiga Somaliland, balse ma aysan bixin dammaanad qaad shaacsan oo ku aadan aqoonsiga. Labada dhinac ayaa weli diyaarinaya heshiiska rasmiga ah. 

Xitaa haddii ay Itoobiya aqoonsato Somaliland, lama mid ahan in dalal kale ee qaaradda ay ku dayan doonaan.

Dalal badan oo caalamka ah ayaa teegeero buuxda u muujiyey Soomaaliya, oo 6-dii June xubin aan joogto aheyn ka noqotay Golaha Ammaanka ee QM. 

Soomaaliya ayaa sidoo kale heshiis difaac la gashay Turkey kaasi oo dhigaya in Ankara ay ka ilaaliso cid kasta oo ku soo xadgudubta madax-banaanida iyo qarannimadeeda. 

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyey heshiiska Addis-Ababa iyo Hargeysa, sheegayna in uu arbushi karo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Maxay Maraykanku uga soo horjeedaan arrintan?” ayuu Muuse Biixi si caro leh u weydiiyey. “Weligood iima aysan sharxin.” 

Daawo: Madaxweyne Xasan oo farriin culus u diray Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa hadlay ayaa ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda ciida Carafo, sidoo kale madaxweynaha ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabada ugu weyn ee Soomaaliya heysata hadda ay tahay kooxaha Khawaarijta ah, isagoo wacad ku maray in dowladdu ay soo afjari doonto argagixisada mar aan dheereyn.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa farriin u diray dhalinyarada la qalday ee ka tirsan Al-Shabaab, isagoo ugu gacan haatiyey inay ku soo laabtaan dowladda iyo shacabkooda.

“Dalkeenu wuxuu ka soo kabanayaa duruufo adag, dhalinyarada la qalday waxaan ugu baaqayaa inay dadkooda ku soo noqdaan, dambiilayaal dalalkoodii ka soo cararay yeysan idinku laheyn dadkiina, soo noqda dhalinyaro waa sii dhacayaa gabalka Khawaarijta, mustaqbal ma jiro dhankaas ee ka soo noqda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo farriin u diray dhalinyarada ka tirsan Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa waalidiinta dhashay dhalinyarada u dagaalanta Al-Shabaab wuxuu ku dhiirigeliyey in carruurtooda ay ka soo reebtaan cadowga isagoo ka balan-qaaday inay dowladda ka heli doonaan nolol ay ku farxaan.

“Waalidiinta waxaan leeyahay dhalinyarada ka soo reeba Khawaarijta, ninkii ka soo hara Khawaarijta cafis ayuu helayaa, dowladuna noloshiisa ayey ka shaqey doontaa,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa dadka fuqarada ah ugu laab qaboojiyey inay ku sabraan imtixaanka Alle, isagoo dadka wax heysta ka codsaday inay u gargaaraan walaalahood oo ay wax sadaqeystaan.

“Farriinteydu waxay ku socotaa dadka wax heysta, walaalayaal deriskiinu yeysan gaajoon, carruurta qoyska kula degan ayeysan gaajoon kuwaaga oo dhergan, markii aan dhulka isugu kaalmeyno ayuu ilaahey samada nooga soo kaalmey doonaa,” ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Hoos ka daawo

Dagaal duleedka Muqdisho ku dhex-maray Al-Shabab iyo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada ATMIS oo xalay ka dhacay degmada Balcad oo qiyaastii 30 kiilo mitir u jirta Muqdisho, kaas oo laga helayo faah-faahino dheeraad ah.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar toos ah ku qaadeen saldhig ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ay ku leeyihiin halkaasi.

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka oo dhacay xilli habeen ah ay ku beegsadeen xero ay ku sugnaayeen ciidaka shisheeye, gaar ahaan kuwa ATMIS.

Al-Shabaab ayaa guul ka sheegatay dagaalka, waxayna shaacisay inay khasaare culus gaarsiisay ciidamada Burundi, balse ma shaacin tiro rasmiga ah.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay howlgalka ATMIS oo ku aadan weerarkaas iyo dagaalka xigay ee guulaha ka sheegteen maleeshiyada Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana Balcad iyo nawaaxigeeda ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS oo howlgallo ka wada halkaasi.

Balcad ayaa waxaa badanaa weeraro kusoo qaada kooxda Al-Shabaab, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Si kastana HirShabelle ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab wajigii 1-aad ee dagaalka, balse mar kale ayay u muuqataa in kooxda ay kusoo rogaal celisay maamulkaasi.

Saciid Deni oo Xasan Sheekh ku qaaday weerar culus oo la xiriira kiiska qabuuraha

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya, kadib markii dowladda Soomaaliya ay amartay in maydadka lagala baxo qabuurahaasi.

Saciid Deni ayaa nasiib darro ku tilmaamay faagista qabuuraha, wuxuuna weerar toos ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in aysan jirin baahi keeni karta in la faago qabuuraha, isla markaana aysan jirin dhul la’aan, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waxa aan leeyahay maytida u dhimri, dhul la’aan ma jirtee, dalka oo dhan waa dhul dowladeed.” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay dowladda dhexe in ay horay u iibisay xarumo dan-guud ah, iyada oo looga faa’iideysanayo si shaqsi ah.

“Waxaan ognahay xarumihii dowladda iyo xeryihii dowladda in la yiri  waa laga maarmay oo waala iibinayaa, haddana laleeyahay qabuuraa laga maarmi waayay waa la faagayaa, waa arrimo aan is qaban karin,” ayuu sii raaciyay madaxweyne Siciid Deni.

“Baahi dhuleed maanta Soomaaliya uma qabto inay qabuuro faagto. Dhulka Soomaaliya 70% waa banaan yahay, dadkiisa waa yar yahay.”

Horay waxaa sidaan oo kale arrinta qabuuraha uga horyimid siyaasiyiinta mucaaradka oo ay ku jiraan madaxweynayaashii hore ee dalka,  kuwaas oo eedeymo huwiyay madaxda sare ee dalka.

Si kastaba, waxaa haatan la faagay inta badan qabuuraha oo laga saaray maydadkii, kadib markii ay la baxeen ehelladooda oo u hoggaansamay amarka dowladda, waxayna ku aasteen goobo kale.

Wasiirka Gaashaandhiga DF oo war ka soo saaray saraakiishii maanta la dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa war ka soo saaray geerida Taliyihii guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo maanta lagu dilay qarax miino.

Gaashaanle Maxamed Nuur Sheegow (Mad Dheere), iyo saraakiisha kale oo la shahiiday ayaa maanta duhurkii lagu dilay inta u dhaxeysa degmooyinka Aw-diinle iyo Berdaale ee Koonfur Galbeed, xili ay ku jireen howlgal sifeyn ah.

“Qoyska, ehelada, Ciidanka Xoogga Dalka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaan uga tacsiyeynaynaa Geerida shahiid Maxamed Nuur Sheegow, Taliyahii Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad iyo saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee inaga shahiiday, waxaana Alle uga baryeynaa inuu Janadii Firdowso ka waraabiyo inta dhaawaca ahna uu alle caafiyo,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS.

Allaha u naxariistee Taliyahii Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le Maxamed Nuur Sheegow iyo saraakiisha kale ee la socotay iyo guud ahaan naftood hurayaasha CXDS ee horay inooga Shahiiday waxa ay naftooda u hureen in Dalka, Dadka iyo Diinteenna suuban ay ka badbaadiyaan Cadowga Khawaarijta ah.

Guddoomiyihii hore ee degmada Diinsoor oo ahaa sarkaal ciidan iyo tiro kale oo saraakiil ah ayaa qaraxaas lagu laayey, sidoo kale askar badan ayaa geeriyootay maanta, in kalena dhaawacyo culus ayaa soo gaaray.

Ciidankaan waxay ku jireen howlgal muddo 3 maalmood ah, waxayna ku howlanaayeen inay isku furaan wadooyinka ay Shabaab go’doomiyeen ee isaga kala goosha gobollada Bay, Bakool iyo Gedo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta agga Berdaale qarax miino kula beegsatay kulanyadii ku jirtay howlgalka, ilaa 3 gaari ayaa la sheegay inay isku mar miinooyinku haleeleen, kuwaas oo goobta ku basbeelay, waxaana ku dhamaatay askar iyo saraakiil badan.

Madaxweynaha K/Galbeed iyo guddoomiyaha golaha shacabka oo maanta war ka soo saaray dilka Taliyaha iyo saraakiisha kale ayaa uga tacsiyeyey dhamaan umadda Soomaaliyeed, geeridaan ayaa maanta aad u taabatay dadka Soomaaliyeed ee rajada weyn ka qaba in laga adkaado kooxaha argagixisada ah.

Al-Shabaab oo QARAX ku dilay taliye Maxamed Dheere

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Awdiinleh iyo degmada Bardaale ee gobolka Baay, kaas oo lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray Gaashaanle Maxamed Nuur oo loo yaqiinay (Maxamed Dheere) iyo ciidamo kale oo la socdey.

Marxuumka ayaa hadda ahaa taliyahii guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka, waxaana xilliga la dilayay uu kasoo laabtay howlgal ka dhacay halkaasi.

Allaha u naxariistee Maxamed Dheere ayaa hoggaaminayay howlgallo waddo furis ah oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ka wadaan halkaasi, kuwaas oo uu ujeedkoodu  yahay in la’isugu furo gobollada Baay, Balool iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxa lagu dilay taliye Mahad Dheere.

Gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxaa weli ku xoogan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro culus ka fuliya gobolladaas oo haatan ay howlgallo ka wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Daawo: Xasan oo ogolaaday arrin uu muddo diidanaa oo la xiriirta Al-Shabaab

0

Oslo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee  Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galayay shir ka dhacay dalka Norway oo uu booqasho ku tegay ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan kooxda Al-Shabaab.

Xasan Sheekh oo wax laga waydiiyay in dowladdiisa ay wada-hadal la fureyso Al-Shabaab ayaa ku jawaabay inay diyaar u yihiin, si wax kasta loogu dhameeo miiska wada-hadalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhammaadka Al-Shabaab uu yahay wada-hadal, isla markaana dowladda Soomaaliyeed ay ku dadaali doonto, sidii loo wada-hadli lahaa.

“Waxaan rumeysanahay in dhamaadka Al-Shabaab uu yahay wada-hadal, goormee ayay diyaar yihiin? dowladda Soomaaliya waa diyaar” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wada-hadalkaas uu waqti dheer qaadan karo, balse ay ku dadaalayaan sidii loo abuuri lahaa wada xaajoodkaas, kadibna looga miro dhaliyo.

“Waxaan rajeyneynaa inay arrintaasi diyaar u noqdaan, marka ay diyaar noqdaan waan wada-hadli doonaa, wada xaajoodkaas wuxuu qaadan karaa waqti, laakiin ugu yaraan waxaan abuuri doonaa waddo cusub” ayuu sii raaciyay madaxweynaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda dhexe ay dagaal culus kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaas oo deegaano badan looga xoreeyay kooxda.

Dagaalkan ayaa sii xoogeystay kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh ee 15-kii May ee sanadkii 2022-kii, waxaana Al-Shabaab lagu qaaday dagaal saddex jiho ah.

Si kastaba, dagaalka ayaa hadda yare istaagay marka loo eego dardarkii uu billowday, waxaase weli socda qorshaha wajiga labaad oo ay kusoo biiri doonaan ciidamo cusub.

Sheekh Cali Wajiis oo jawaab cajiib ah siiyey CC Shakuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Maxamuud Wajiis ayaa jawaab kulul ka bixiyay qoraal weerar ah oo uga yimid Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame, kaasoo ku saabsan dhulka Qabuuraha Iskuul Polizia iyo war uu Sheekha ka sheegay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Injineer Cabdiraxmaan Yariisow.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri  “Hadda Sheekh Cali Wajiis markii uu dadkii noolaa kula dhici waayey ayuu Allaha u naxariiste saaxiibkeey Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow u saariyey isku day eed qabuuro faagis ah.”

Sheekh Cali Wajiis ayaa qoraalkiisa jawaabta ah ku difaacay Marxuum Yariisow, wuxuuna Cabdiraxmaan Cabdshakuur ku eedeeyay inuu saaxiib la yahay dhinacyo ka horjeeda dowlad dhiska Soomaaliya oo aanu magacaabin.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA SHEEKHA

Ma rabo inaan la tirsado Cabdiraxmaan Cabdishakuur dhowr sababood dartood:

1- Guddoomiye Cabdiraxmaan Yariisow AUN, Annagu ka culuma ahaan waxaan ku amaaneynaa inow culumadii la tashaday qaatayna Taladoodii waana sharaf iyo amaan.

2- Guddoomiye Yariisow AUN annaga asagaa na soo weydiiyay su’aasha laakin dabcan dowlad ayuu xubin ka ahaay ee wax shakhsiya ma uusan sameyneyn.

3- Mr. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame markow badda Soomaaliya saxiixayay wexey ehayd inow culumada la tashado si loogu sheego in aysan banaaneyn laakiin waa ka il duufyay mudanuhu, waxaasa ka dabategay dowladdii ka danbeysay oo madaxweyne Xasan Sheekh hoggaaminaayay oo Maxkamada caalamigaa geysay malafkii.

4- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxaan ugu cudurdaareynaa inuu saaxiiba la yahay sida muuqata dhinacyo badan oo mashruuca dowlad dhiska Soomaaliya iyo heshiiska taariikhigaa ee Soomaaliya iyo Turkiga dhibsanaya.

5- Ugu danbeyn waxaan mudanaha kula talinaayaa inow markaan beddelo siyaasaddii uu ku cireystay ee madhaleeska ehayd oo ah “dowlad kastaba dagaal ula taagnaaw ama u turjimneed: Cadkaanoow walee ama ku cunay ama ku ciideeyay

Mudanaha salaan qaaliya heyga gudoomo.

Daawo: Hoggaamiyaha Ahlu-sunna oo war culus kasoo saaray dagaalka Galgaduud

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha guud ee Ahlu-sunna Waljamaaca Macallin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaal beeleedka lagu hoobtay ee kasoo cusboonaaday waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka..

Macallin Maxamuud ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay inay is laayaan dad walaalo ah oo haddana muslimiin ah, ayna iska dilaan dad badan oo aan waxba galabsan.

“War Maxaa la’isku leynayaa maxaa dadka loo dilayaa maxaa dhibaatadaas loo gaysanayaa hadda wax aan cid ka xanuunsaneyo la arag ugu yaraana dhowr boqol oo qof ay ku dhimanayaan waa dhibaato xaqiiqi ah” ayuu yiri Macallin Maxamuud Sheekh Xasan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in culimada Soomaaliyeed ay ka gaabiyeen doorkii ay ka qaadan lahaayeen colaadaasi, wuxuuna ugu baaqay inay u istaagaan xalka.

“Dhibaatada jirto ayaa waxa ay tahay doorkii culimada ayaa meesha laga waayay, waxaana leeyahay culimada doorkoodii hasoo celiyaan” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Waxaan leeyahay qaddiyooyinka noocaas oo kala ah waxaan waydiisaneynaa mar dambe in aysan ka dhicin dadka muslimiinta ah waa dad aan meel kala aadeyn”.

Hoggaamiyaha Ahlu-sunna ayaa ugu dambeyntii baaq culus u diray beelaha dagaalamaya, wuxuuna ka dalbaday inay ka waantoobaan dagaalka ay isku laynayaan.

“Waxaan soo jeedineynaa oo magaca Ahlu-sunna Waljamaaca kusoo jeedineynaa ummaddu inay ka waantowdo waxaan oo kale, dib dambana aysan uga dhicin” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli ay socdaan dadaallada lagu heshiisiinayo beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamayaa agga deegaanka Laadheer oo u dhexeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Daawo: SACIID DENI oo go’aan cusub ka soo saaray khilaafka DF Soomaaliya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxwweynaha dowlad goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta furay Kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiilada maamulkaasi ayaa mar kale ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeyo dowladda Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa shaaca ka qaaday in weli halkiisii uu yahay khilaafka, isla markaana, isaga oo madaxda dowladda federaalka ku eedeeyay inay la wareegeen awooddii dalka oo dhan.

“Waxay Puntland ku talineysaa in laga fogaado siyaasadaha gurracan ee ku dhisan in talada dalka la maroorsado, isla markaana ay koox dano gaar ah wadata ay dalka iyo dastuurka u afduubnaado” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Sidoo kale wuxuu ku adkeystay go’aankiisii hore isaga oo sheegay in Puntland ay u dhaqmi doonto si madax bannaan, inta ay sharciga kusoo noqonayaan madaxda sare ee dalka, waa sida uu ku dooday madaxweynuhu.

“Dowladda Puntland waxay ku dhaqmi doontaa awoodaha uu siinaya dastuutka Puntland iyo dastuurka KMG ah ee Soomaaliya inta ay hoggaanka sare ee hay’adaha dowladda federaalka kusoo noqonayaan xeyndaabka sharciga ee lagu heshiiyay” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale waxa uu tilmaamay in maamul ahaan ay diyaar u yihiin in la furo wada-hadal looga gudbayo marxaladda is faham waaga ah ee ka dhex taagan labada dhinac.

Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay in arrimaha khilaafaadka siyaasiga ah iyo midka sharci looga gudbi karo mabaadii’ ku saleysan wada-hadal ku qotoma wadar ogol, isla markaana la ixtiraamayo ku dhaqanka sharciga oo uu ugu horreeyo dastuurka” ayuu yiiri.

Waxaa kale oo uu yiri “Puntland waxay juhdi badan gelisay sidii loo xaqiijin lahaa dowlad Soomaaliyeed oo sal xasilan, oo amni ah oo horumarsan”.

Hadalkan ayaa meesha ka saaray filashadii ku aadaneyd inuu jiro isku soo dhawaasho labada dhinac ah, kadib markii dhowaan Puntland loo fasaxay mashaarciid ka xayirnayd.

Lafta-gareen iyo Aadan Madoobe oo ka hadlay saraakiishii qaraxa lagu dilay

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay qarax miino oo maanta ka dhacay gobolka Baay, kaas oo lagu dilay Alle ha u naxariistee Taliyihii Guutada 8-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashanle Maxamed Dheere, Guddoomiyihii hore ee Degmada Diinsoor Abdisalaan Xaaji Siidow iyo askartii kale oo la socotay.

Laftagareen ayaa tacsi tiraanyo leh u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed iyo ehellada ay ka dhinteen saraakiisha iyo askarta lagu dilay weerarkaasi qaraxa ah.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Taliyihii guutada 8-aad qeybta 60-aad ee CXD iyo saraakiil kale oo shahiiday iyagoo  ku jira hawl-gal lagu beegsanayey kooxaha Khawaarijta ah” ayuu yiri madaxweyne Lafta-gareen.

Dhankiisa waxaa qaraxan mas’uuliyiinta lagu dilay ka hadlay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ka tacsiyadeeyey geerida Gaashaanle Maxamed Nuur Sheegow (Maad Dheere) oo ahaa Taliyihii Guutada 8-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiisha kale ee dhintay.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa marxuumiinta Alle uga baryay in uu naxariistiisii Janno ka waraabiyo, dhammaan qoysaska iyo ehellada ay ka baxeena uu samir iyo iimaan ka siiyo.

sidoo kale waxa uu caafimaad deg-deg ah u rajeeyay dhammaan askarta kale ee ku dhaawacantay qaraxaas oo ka dhacay inta u dhexeysa Awdiinle iyo Berdaale.

Allaha u naxariistee Maxamae Dheere ayaa xilliga la diayay hoggaaminayay howlgallo waddo furis ah oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ka wadaan halkaasi, kuwaas oo uu ujeedkoodu  yahay in la’isugu furo gobollada Baay, Balool iyo Gedo.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac.

Gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxaa weli ku xoogan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro culus ka fuliya gobolladaas oo haatan ay howlgallo ka wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya.

DF oo shaacisay qorshaha garoon diyaaradeed cusub looga dhisayo Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inuu socdo qorshe garoon diyaaradeed cusub looga dhisayo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in waqtiyada soo socda magaalada Muqdhisho ay yeelan doonto garoon diyaradeed cusub, oo laga heli karo adeegyada u baahan yihiin dhammaan nuucyada diyaaradaha ee u kala goosha gudaha iyo dibadda dalka.

Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in dhismaha garoonka cusub ee diyaaradaha laga hirgalin doono Ceel-macaan, kaasi oo uu sheegay inuu fududeyn doono in laga baxo ciriiriga iyo dhibaatooyinka kale ee hadda ka jira garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

“Istaraatijiyo ayaa u degsan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza, markii xukuumadda la doortay madaxweynaha wuxuu amar ku siiyay in aan la imaano qorshe lagu dhisayo garoon cusub oo ay yeelaneyso caasimadda,” ayuu yiri Mareeyaha oo ka hadlay sida uu ku yimid qorshaha garoonkan cusub.

Waxa uu intaas kusii daray “Sahan badan oo ay sameysay hay’adda duulista rayidka waxaa noo hirgashay in aan helno dhul ku habboon garoon cusub in laga dhiso oo la yiraahdo Ceel-macaan, kuna yaala dhul siman oo baddana saaran.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in garoonka cusub ee la qorsheynayo dhismihiisa uu noqonayo mid baaxad weyn, si taxadar lehna loo hubiyay bad-qabka dhulkaasi, kadib muddo ay darseen jawiga iyo badqabka garoonka Ceel-macaan, isla markaana ay xaqiijiyeen in halkaasi tahay meel ku haboon adeegga diyaaradaha.

Si kastaba, garoonka Addan Cadde ee magaalada Muqdisho oo hadda ah kan keliya ee caasimadda leedahay ayaa mararka qaar laga dareema cariiri iyo dhibaatooyin kale oo meesha ka bixi doona haddii garoonka cusub lagu guuleysto hirgelintiisa.