25.6 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Xogta weerar khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay GALGADUUD

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo ku sugan bariga gobolka Galgaduud ayaa xalay weerar gaadmo ah ku qaaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku sugnaa tuulada Xuseen Cagey oo hoostagta magaalada Masagawaa.

Ciidamada oo ka war helay dhaq-dhaqaaq ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka wadeen halkaas ayaa weerar kala hortegay, waxaana kadib halkaas ka dhacay dagaal culus.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay inay waddada u galeen xubnaha Al-Shabaab, xilli ay qorsheynayeen inay weerar soo qaadaan, kadibna ay halkaas ku gaarsiiyeen khasaare lixaad leh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in dhankooda aanu soo gaarin wax khasaare ah, isla markaana ay is xirfadeysan u fuliyeen howlgalka lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka dhex-maray labada dhinac uu ahaa mid xoogan, waxaana looga adkaaday Al-Shabaabka ku socdaalayay waddada, kuwaas oo kasoo baxay dhinaca deegaanka Xuseen Cagey oo dhaca bariga gobolka Galgaduud.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda.

Galgaduud ayaa waxaa haatan isku haya labada dhinac, waxaana ahayd todobaadkii hore markii ay Al-Shabaab weerareen degmada Ceeldheer, balse laga hortegay.

Weerarkaas oo saacado badan qaatay ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoogleh oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana mid kastaa uu soo bandhigay khasaaraha uu gaarsiiyay kan kale.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo weli deegaano iyo degmooyin ka jooga gobolladaas oo hoostaga Galmudug.

Howlgal la isugu furayo Koonfur Galbeed iyo Jubaland oo billowday

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa billowday howlgallo ballaaran oo la’isugu furayo waddooyinka go’doonsan ee isku xira deegaanada maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Howlgal gaar ah oo ay fulisay guutada 8-aad ee qeybta 60-aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howgal sifeyn ah waxay ka sameeyeen wadooyinka xiriiriya gobollada Baay, Bakool iyo Gedo, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in inta uu socday howlgalka lagu burburiyey goobo gabaad u ahaa Al-Shabaab, laguna dhibaateyn jiray dadka rayidka ah.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen inay si wadi doonaan gulufkooda, isla markaana ujeedka uu yahay in la’isku furo saddexda gobol ee Baay, Bakool iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Xaaladda deegaanada laga sameeyay howlgalka ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac.

Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, waxaana la filayaa inuu dhowaan gaaro wajiga labaad ee dagaalka ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya.

Wajiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab waxaa lagu xoreeyay deegaano badan oo ku yaalla HirShabelle iyo Galmudug, waxaana khasaare badan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Ujeedka Xasan Sheekh u tegay Switzerland + Sawirro

0

Luzern (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Switzerland uga qeyb galay shirka nabadda iyo ganacsiga oo muhiim ah Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo ku saabsan arrimaha nabadda, amniga caalamiga ah iyo ganacsiga.

Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay khubaro ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adda Nabadda Adduunka Interpeace iyo Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO).

Madaxweynaha ayaa iftiimiyay dadaallada socda ee dhismaha nabadda Soomaaliya,  taas oo ku salaysan aragtidiisa “Soomaaliya Heshiis ah, dunidana heshiis la ah” waxa uuna xusay caqabadaha gudaha iyo dibedda ee weli saameynta taban ku leh dadaalladaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda in ay xoojiso dib u heshiisiinta iyo dadaallada lagu xasilinayo deegaanada laga xoreeyey argagixisada, kuwaas oo baahi weyn u qaba adeegyada aas-aasiga iyo isdhexgalka bulsho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey hay’adaha iyo ururrada ka soo qayb galay kulankan, doorka ay ka qaadanayaan nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Sidoo kale Madaxweynahaa ayaa la wadaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta nabadda, daris-wanaagga iyo horumarka gobolka.

Axmed Rashiid oo mar kale ka soo muuqday maxkamad iyo dilka 41 qof oo loo heysto

0

Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa dib u furtay dhegeysiga kiiska Axmed Rashiid oo ahaa sarkaal ka tirsan booliska Kenya, ninkaan ayaa loo heystaa in 7 sano kahor uu maalin cad dilay labo wiil oo yaryar oo aan hubeysneyn.

Axmed Rashiid ayaa muuqaal laga duubay isagoo tooganaya labada wiil, iyagoo dhulka jiifa, goobta ay toogashadaaai ka dhacday ayaa aheyd waddo mashquul badan oo ku taalla caasimadda Nairobi, March 31, 2017 ayuu dhacay dilkaas.

Dilka uu dhalinyaradaas u geystay Axmed Rashiid waxaa ka dhashay dibadbaxyo ka dhacay gudaha dalka Kenya, waxaana booliska Kenya lagu eedeeyey dilal aan sharci ahayn.

Shacabka Kenya ayaa dalbanayey in maxkamad lasoo taago Axmed Rashiid iyo Booliska kale ee dilalka bareerka ah geysanaya, intaas kadib dowladda ayaa tallaabo qaaday waxaana bilaabatay maxkamadeynta Axmed Rashiid.

Axmed Rashiid ayaa hadda mar kale kasoo muuqday maxkamadda, iyadoo fadhiga lagu dhageysanayey kiiskaan ay soo buux dhaafiyeen dad badan, iyadoo sidoo kale la hor keenay maxakamadda qof marqaati ah.

Maxkamadda ayaa sheegtay in weli ay socoto dhegeysiga kiiska. Ugu yaraan toddobo kale oo marqaati ah ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ka soo muuqdaan maxakamadda.

Qaraabada ugu yaraan 41 qof oo la rumeysan yahay inay dhibbane u yihiin eedeymaha loo heysto Axmed Rashiid ayaa joogay maxkamadda oo ku taalla deegaanka isku raranka Kibera ee magaalada Nairobi.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa booliska Kenya ku eedeeya inay awood adeegsadaan, dilal sharci darro ahna u geystaan shacabka, dilalka lagu eedeeyo booliska ayaa intooda badan ka dhaca deegaannada ay dadka saboolka ah deggan yihiin.

Waxaa sidoo kale lagu eedeyn jiray inay beegsadaan dadka xuquuqda aadanaha ka shaqeeya iyo qareennada baaraya tacaddiyada la sheegay inay booliska geystaan.

 

Sawirro: Saraakiil Soomaali ah oo dal kale uga qalin-jebiyay heerka 2-aad ee Jaamacada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa dalka Rwanda uga qeybgalay Xaflad ay ku qalinjabinayeen Saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliyed.

Saraakiishaan ayaa bartay hoggaaminta ciidanka, maamulka iyo maaraynta, nabadda iyo xal u helidda Xasaradaha, waxana ay qateen shahaadada heerka 2-aad ee Jaamacadda dalka Rwanda.

Tirada saraakiisha qalinjabisay ayaa dhan 34 sarkaal, waxana qeyb ka ahaa saraakiil ka kala socotay qaar kamid ah dalalka Afrika.

Tirada Saraakiisha qalin jibisay oo ahayd 34 Sarkaal ayaa  ka kala socday wadamada kala ah:- Somalia, Botswana, Kenya, Lesotho, Malawi, Rwanda, Namibia, South Sudan iyo Tanzania.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa ku socda dhisme xoog leh, waxayna tababarro ku qaataan dalal ay ugu horeyso Jabuuti, sidoo kale Rwanda ayaa hadda tababar loogu soo xiray saraakiil Soomaaliyeed.

Sidoo kale ciidamada kale ee qaranka Soomaaliya ayuu ku socdaa dhisme xoog leh, gaar ahaan militeriga oo tababarro ku qaata dalal kala duwan.

Wadamada Turkiga, Eritrea, Uganda iyo Mareykanka ayuu ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku qaataa tababarro is dabajoog ah, waxaana weli socda dhismaha ciidanka.

Dowladda Soomaaliya oo ka soo kabaneysa burburkii dalka ku dhacay ayaa taakuleyn dhanka tababarrada ciidamada ah ka heshay dalalka ugu muhiimsan caalamka, sidoo kale waxaa jira dalal dhanka dhaqaalaha ka taageera ciidamada Soomaaliya.

Daawo: Dhaqaale xumada Muqdisho oo maanta mareysa meeshii ugu darneyd

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka oo bilihii dambe laga dareemayay dhaqaale xumo baahsan ayaa xilligaan waxay mareysaa meeshii ugu darneyd.

Caaqilka Mudulood oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in maanta Muqdisho ay mareyso in xitaa marka shaaha la cabo boonada laga kala dhuunto, taasi oo muujineysa in meeshii u darneyd uu mareyso dhaqaalihii caasimadda.

“Maanta magaalada Muqdisho waxay mareysaa shaaha marka la cabo hoteelada in boonada laga kala dhuunto, oo qofku dhaho musqushaa aadaa oo horey u baxo. Dadka gobolkaan ku nool dulmi uma yara oo wax kasta waxaa looga qaatay canshuur,” ayuu yiri Caaqilka oo la hadlay Shabelle Tv.

Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in maanta ay dowladda ula timaado dadka sidaas u dhibaateysan haddana la yiraahdo lafihii faaga, “arrintaas arrin fool xun waaye oo aan qaban bulshada gobolka Banaadir.”

“Iyada oo dhaqaalihii gobolka Banaadir uu 0000 maraayo, looma baahno in culeys lasii saaro bulshada, waxaan leenahay madaxweynaha bulshadaan culeyska ka dulqaada.”

Caaqilka ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in dhaqaale xumada ka jirta magaalada Muqdisho ay qeyb ka tahay dowladda oo dad gooni ah u xirtay wixii yimaadda, islamarkaana looga baahan yahay inay wax ka qabato.

“Canshuurta waa xad dhaaftay, ganacsiyada qaar waa xirmeen, madaxweynoow adiga shalay bulshadaan lagu doortay oo Kutub Qur’aan ah gacanta u saaray ee madaxweynoow hoos u fiiri dadkaan goonida ee dowladnimada loogu xiraayo qeyb qeyb.”

Hoos ka daawo

Falcelin aan caadi aheyn oo ka dhalatay tallaabaddii uu xalay qaaday Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay magacaabay hoggaano iyo talisyo cusub oo ku soo biiray taliska guud ee ciidanka xoogga dalka.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in qorshaha lagu magacaabay talisyadaan uu ku yimid dib u habeyn iyo dardar-galin lagu sameynayo awoodda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale qorshahaan ayaa waxaa soo jeediyey wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, waxaana xalay lagu soo saaray xeer madaxweyne.

Talisyada cusub ee lagu soo biiriyey Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kala ah, 1-Taliska Ciidanka Gaarka ah ee CXDS, 2-Taliska Tababarada CXDS, 3-Taliska Sahanka & Wardoonka CXDS, 4-iyo Taliska Taakulada Guud ee CXD.

Tallaabadan ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, ayada oo dadka qaarkii ay saluug ka muujiyeen kaalinta magacaabistan ay ku leedahay wasaaradda gaashaandhiga, halka kuwa kale ay soo dhaweeyeen, maadaama ay tahay tallaabo horey loogu qaaday dardar-gelinta dagaalka Al-Shabaab.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Ilyaas Guure ayaa waxa uu yiri “Alle ceeb badnaa oo isku dhex yaac weynaa, dib u habeyn ciidan taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa laga rabaa wasaaradda gaashaandhiga shaqo kuma lahan kaliya siyaasada, sharciyada, hub casriya inay caalamka ka keento ama heshiishyo ciidan dowladaha la gasho shaqadeeda waa midaas.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxyaaba keenay furimaha in laga soo baxo waa dagaalka ka dhaxeeya wasiirka gaashasndhiga iyo taliyaha xoogga.”

Haaruun Kuusow ayaa isna waxa uu yiri “Afarta talis ee cusub waxaa la rabay in aan ciidanka la qorin, in la dhiso inkasto ay soo daaheen maanta ayaaba loogu baahi badan yahay waa hadeey sida sharciga waafaqsan ushaqeeyaan.”

“Away taliyaha ciidanka tan kale intee buu kasoo galaa magacabis ciidan wasirka gashaandhiga tan kale taliyaha cidanka xooga hadii wax magacabi karin ama latashi suubin karin maxuu u jogaa,” ayuu yiri Ciise oo kamid ah dadka ka fal-celiyay tallaabada madaxweynaha.

Axmed Warsame Wardheere: “Waa waxaan macnahooda la fahmi karin waxay u badan tahay in rag hore u magacownaa awoodooda lagu wiiqayo.”

“Muhiimadu waa in dalka la xoreeyo, alla haka dhigo kuwii dalka nabadeeya,” ayuu sidoo kale yiri Bishaar Axmed.

Cabdullaahi Muxumed Maxamed ayaa waxa uu yiri “Runtii tallaabo fiican bay caawa sameysay madaxtooyadu dal dhan oo aan lahayn “military intelligence” waa ceeb marar badan ayaana lagu taliyey in taliskaas la magacaabo.”

Waxa uu intaas kusii daray Cabdullaahi “Tan kale ma ahayn in la isa saaro sahanka iyo sirdoonka military-ga waa labo qaybood oo kala madax-banaan, haddii aad akhrisay buugta ka hadasha dagaalada mid walba shaqadeeda waad ogaan kartaa iyo faa’iidada ay leeyihiin.”

Qorshaha bixista ATMIS ee dowlad goboleedkii u horreeyay oo gaba-gabo maraya

0

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa heer gaba-gabo ah maraya qorshaha bixitaanka ATMIS ee maamulka HirShabelle, sida lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay kulan dhacay Madaxtooyadda maamulka.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xafiiskiisa wuxuu kulan kula qaatay madaxa howl-galka ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Danjire Mohamed El-Amine Souef, kaas uu kuurgalayo ciidamada ATMIS ee ka howl-galo deegaanada dowlad-goboleedka HirShabelle.

Danjire Mohamed El-Amine oo ay ku wehlinayeen kulankaas saaraakiil ATMIS ayaa xaqiiyey inay meel wanaagsan mareyso dhammeystirka ka bixitaanka ATMIS ee Hirshabelle.

Madax howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay inay soo dhawaatay waqtiga ay ciidamada wareejin lahaayeen goobaha ay ku sugan yihiin.

Cali Guudlaawe ayaa dhankiisa sheegay in maamulkiisa uu si dhow ula socda qorshaha ka bixitaanka ciidamada ATMIS, isaggoo xaqiijiyay inay diyaar u yihiin ammaanka goobaha ay ka baxaan ciidanka Midowga Afrika.”

“Dowlad-goboleedka Hirshabelle waxa ay si dhow ula socotaa arrimaha ka bixitaanka ciidamada ATMIS. Waxaan diyaar u nahay xaqiijinta ammaanka goobaha ay faarujin doonnaan. Aad ayaan ugu mahad-celinayaa kaalintooda shaqo,” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.

Ugu dambeyntii madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa danjiraha kaga mahad-celiyay soo gaaritaankiisa magaalada Jowhar iyo magaallooyinka kale ee HirShabelle.









Maxaa kasoo kordhay kiiska Axmed Rashiid oo mar kale maxkamad ka soo muuqday?

Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamad Kenya ku taalla ayaa dhowaan dib u furtay dhegeysiga kiiska Axmed Rashiid oo ahaa sarkaal ka tirsan booliisa Kenya kaasi oo lagu eedeeyay in toddoba sano kahor uu maalin cad dilay labo wiil oo yaryar oo aan hubeysneyn.

Axmed ayaa muuqaal laga duubay isagoo tooganaya labada wiil iyagoo dhulka jiifa waddo mashquul badan oo ku taalla caasimadda Nairobi March 31, 2017.

Dhacdadan ayaa sababtay dibadbaxyo ka dhacay gudaha dalka, iyadoo booliiska Kenya mararka qaar lagu eedeeyo dilal aan sharci ahayn balse ay yar tahay in qof maxkamad loo soo taago.

Rashiid ayaa Arbacadii kasoo muuqday maxkamadda oo laga buuxay, iyadoo sidoo kale la hor keenay maxakamadda qof marqaati ahaa.

Maxkamadda ayaa sheegtay in weli ay socoto dhegeysiga kiiska. Ugu yaraan toddobo kale oo marqaati ah ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ka soo muuqdaan maxakamadda.

Qaraabada ugu yaraan 41 qof oo la rumeysan yahay inay dhibbane u yihiin eedeymaha loo heysto Axmed Rashiid ayaa joogay maxkamadda oo ku taalla deegaanka isku raranka Kibera.

Kiiskii tobanka sano

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa aalaaba booliiska Kenya ku eedeeya inay awood xooggan adeegsadaan ayna dilal sharci darro ah fuliyaan, gaar ahaanna deegaannada ay dadka saboolka ah deggan yihiin.

Waxaa sidoo kale lagu eedeyn jiray inay beegsadaan dadka xuquuqda aadanaha ka shaqeeya iyo qareennada baaraya tacaddiyada la sheegay inay booliiska geystaan.

Waxaa jiray oo keliya kiisas yar oo saraakiil booliis oo loo soo qabtay inay geysteen dilal.

Tan ayaa imaaneysa iyadoo baarlamaanka Kenya ay sanadkii 2011 aasaaseen Waaxda Caalamiga ah ee Korjoogteynta Booliiska (IPOA) si shacabka looga difaaco waaxdan awoodda badan. Hase yeeshee, waaxdan ayaa qudheeda lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa aad u difaacay wax qabadka IPOA, iyagoo sheegay in booliisku ay aalaaba hagar-daaciyaan baaritaannada ayna diidaan inay waaxda la shaqeeyaan.

Kiiska Axmed Rashiid “wuxuu jebin doonaa dhaqanka waxaana rajeyneynaa inuu rikoor cusub ka sameyn doono isla xisaabtanka qalalaasaha booliiska”, ayuu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay agaasimaha Amnesty International ee Kenya Irungu Houghton.

“Kan wuxuu noqonayaa kiiska tobanka sano marka la eego sida uu cakiran yahay,” ayuu sheegay, isagoo kala jeeday booliiska maxkamadda loo horkeenayo kiisas ayaga ka dhan ah.

Ugu yaraan 118 qof ayaa sanadkii lasoo dhaafay u dhintay dilalka dharci darrada ah ee ay booliisku geysteen, sida ay kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ee gudaha iyo kuwo caalami ah ku sheegeen warbixin ay soo saareen bishii April.

Sida laga soo xigtay Missing Voices, oo ah koox u kuur gasha dilalka sharci darrada ah ee Kenya ka dhaca, waxaa jiray ugu yaraan 1,350 dhimasho oo booliiska gacantooda ku dhintay iyo 350 qof oo la waayay tan iyo markii ay xog-ururinta bilaabeen sanadkii 2017.

Dhanka kale, qeyb kamid ah shacabka ku nool xaafadda Islii ee magaalada Naiorbi ayaa ku ammaanay Axmed Rashiid inuu si wanaagsan wax uga qabtay amni darrada jirtay, gaar ahaan xilliyada habeenka.

Waxa ay ku doodeen in baacsiga kooxda Super Power uu horseeday inay yaraadaan weerarrada ay fulin jireen dhallinyaradaas u badan Soomaalida ee adeegsada toorida iyo hubka kale.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha, gaar ahaan Amnesty International ayaa warbixinno hore oo ay qoreen ku sheegay in Kenya ay ku badan yihiin dilalka sharciga ka baxsan ee ay geystaan laamaha amniga.

Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Ruto ayaa wacad ku martay inay wax ka qaban doonto arrinkaas, waxaana bishii October ay dowladda kala dirtay unug loo yaqaanay Special Services Unit oo lagu eedeeyay inay dileen dad shacab ah oo ay kamid yihiin laba muwaadin oo u dhashay Hindiya.

Isha: BBC

Kooxda Xasan oo si yaab leh u maareynaysa buuqa qabuuraha, una riixaysa dhanka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ayaa dib usoo faagay qorshe horey u socday oo la xiriiray qabuuraha Afisyoone, kuwaas oo xilligaan ay fadeexad xooggan ka taagan tahay.

Inkasta oo culimada sababeeyen ujeedka bixinta maydadka, haddana dowladda waxaa lagu haystaa inay ka maarmi kartay oo ay heli kartay dhulal kale oo la dejiyo ciidanka badda.

Taliska madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in nidaamkii ay xukunka ka qaateen ee Farmaajo inuu mar damacsanaa in qabuurahan deegaan iyo ganacsiyo u beddelo, laakiin ay culimada ka diiday inay u fatwooto, maadaama aan halkaas lagu qabaneynin wax dan-guud ah.

Eedeyntan oo abuurtay dood labada dhinac ah ayaa waxaa soo jeediyay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Xogo intaas ka dheeri oo soo baxaya ayaa sheegaya in xilligii madaxweyne Farmaajo ay dhulkaan damaacisay mid kamid ah shirkadaha shidaalka ee fadhiga ku leh magaalada Muqdisho, taas oo rabtay inay halkaasi ka dhigto goob ay maraakiibtu ka qaataan shidaalka, maadaama dhulkaasi saaran yahay badda.

Xogo kale oo aan weli lagu kalsooneyn waxay sheegayaan inay shirkadaasi ogolaansho ka heshay madaxweyne Farmaajo, balse uu buuq ka yimid dhinaca maamulka gobolka Banaadir.

Kooxda madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa iska bari yeeshay eedeyntan culus, waxayna dowladda Xasan Sheekh ugu baaqeen inay joojiso fulinta faagida qabuuraha.

Dhinaca kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda u beenisay wararka sheegaya in lacago laga qaadayo dadka dib ula baxaya maydadka ehelkooda ku aasna qabuuraha Iskuul Buluusiya.

Xubin sare oo u hadlay maamulka gobolka Banaadir ayaa isna sheegay in la xiray hal askari oo ku kacay falkaas lacag qaadashada ah.

Dhanka kale, bahda caafimaadka iyo qaar kamid ah Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa weli ka digaaya dhibaatada caafimaad ee ka imaan karta dib u faagida qabuurahan, gaar ahaan marka ay gacanta ula tagaan dadka ehelkooda ay halkaasi ku aasan yihiin.

Maydadka halkaasi ku aasan waxaa u badan dad xanuuno halis ah u dhintay, sida Corona Virus. Dib u taabadhada maydadka xanuunada u dhintayna waxaa la aaminsan yahay inay xanuuno kale ka dhalan karaan.

Dowladda Soomaaliya waxaa loogu baaqay inay arrintaan masuuliyad iska saarto oo haddii aanay go’aankeeda ka laabaneyn inay goobta geyso dhakhatiir, qalab caafimaad, face mask, gacmo gashi iyo daawooyinka jeermiska dila.

Dadka ehelkooda halkaasi ku aasan yihiin ayaa maalintii afaraad ku guda jira inay la baxaan maydadka, iyada oo lix cisho ka harsan tahay xilligii ay dowladda u qabatay in halkaasi looga wada saaro maydadka.

Maxaad ka ogtahay labada waqti ee Hindiya ogolaatay inay Soomaalida fiisaha ku siiso?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka Soomaaliyeed ee ku safra baasaboor Soomaaliga waxay sanado badan wajahayaan caqabado la xiriira dal ku galka dalka India oo ah meesha ugu badan oo Soomaalida caafimaad ahaan u aado.

Iyada oo adeegyada caafimaad ee Soomaaliya ay aad u liitaan, haddana waxaa jiray waqti fog caqabado dadka raadinaya caafimaadka kala kulmayaan dalalka ay damcaan inay caafimaad u aadan.

Waxaa lagu dhibaa fiisaha. India oo kaalinta koowaad kaga jirta halka ay bulshada Soomaaliyeed caafimaadka u aado ayaa fiisaheeda laga bixin magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaalida.

Dadka Soomaaliyeed ee doonaya fiisaha India waxay tagaan magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi, laakiin sidaas oo ay tahay caqabaduhu waa kuwo aad u daran.

Muddada la sugaayo, kharashka iyo shuruudaha waraaqaha dadka laga rabo ayaa dhamaan ah kuwo mararka qaar sababa bukaanno xaaladoodu deg deg aheyd oo uu fiisihii kasoo daahay.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi wuxuu shalay la kulmay safiirka India u fadhisa Soomaaliya Marwo, waxaana kulanka guud ahaantiisa diirada lagu saaray xiriirka labada waddan, gaar ahaan arrinta dal ku galka dadka Soomaaliyeed ee sida joogtada ah caafimaadka ugu doonta waddanka India.

Madaxda sare ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo aan la hadalnay waxay sheegeen inay safiiraddu ballan-qaaday in asbuuc lagu bixin doono wixii hadda ka dambeeya fiisaha Hindiya, iyada oo aanay cidna u dhaxeynin labada dhinaca.

Waxay kale oo safiiraddu ballan-qaaday in saddex maalmood lagu siin doono fiisaha dadka uu xaalkoodu deg-degta yahay.

Ma cadda inay wax iska beddeli doonaan qiimaha ay dadka baasaboor Soomaaliga ah sita ku helaan fiisaha Hindiya oo aad qaali u ah, balse in waqtiga la boobsiiyo oo dhexdana laga saaro dalaaliinta dhibaateeyay shacabka danyarta ah waa wax weyn oo lagu amaani karo wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Cagjar oo ‘beegsi ku haya’ dadka laba gobol oo ka hor-yimid damaca ITOOBIYA

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inuu gabood-falo u geystay dad rayid ah oo aan dembi lahayn, kana soo jeeda Harawo iyo Awdal.

Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa eedeyntan u jeediyay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, isagoo cambaareeyay dilka ay ciidamada deegaanka Soomaalida ee ka amar qaata Mustafe Cagjar ay shalay magaalada Lafaciise ugu geysteen dad rayid ah oo deegaanka ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dilka dadka rayidka ah ay wada fuliyeen ciidamada Liyuu Booliska iyo kuwa militeriga Itoobiya, islamarkaana lagu beegsaday dadka laba gobol oo si adag uga horyimid damaca guracan ee Itoobiya.

“Waa gabood-fal kutalo-gal ah oo lagu bartilmaameedsanayo dadka ka soo jeeda Harawo iyo Awdal, waxaana ay u muuqataa in bulshadaas lagu ciqaabayo sida ay uga soo horjeensadeen damaca dhul-boobka Itoobiya ee ku wajahan xeebaha waqooyiga Soomaaliya,” ayuu yiri Xildhibaan Ayuub.

Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweyne Cagjar uu hormuud u noqdo xad-gudubka Itoobiya ka dhanka ah ee dadka Soomaaliyeed iyo dhulkooda.

“Waa wax laga xumaado in Mustafe Cagjar oo horay uga caban jiray in nidaamkii hore ee dawlad deegaanka Soomaalida iyo ciidamada Itoobiya ay gaboodfallo u geysteen xubno ka mid ah qoyskiisa, uu isaguna maanta tii oo kale ku samaynayo dad rayid ah oo aan dembi lahayn.”

Hoos ka aqriso qoraalka Ayuub

Waxaan cambaaraynayaa dilka ay ciidamada deegaanka Soomaalida ee ka amar qaata Mustafe Cagjar ay shalay magaalada Lafaciise ugu geysteen dad rayid ah oo deegaanka ah. Dilka dadka rayidka ah waxaa wada fuliyey ciidamada Liyuu Booliska iyo kuwa militeriga Itoobiya.

Waa gaboodfal kutalogal ah oo lagu bartilmaameedsanayo dadka ka soo jeeda Harawo iyo Awdal, waxaana ay u muuqataa in bulshadaas lagu ciqaabayo sida ay uga soo horjeensadeen damaca dhul-boobka Itoobiya ee ku wajahan xeebaha waqooyiga Soomaaliya.

Waa wax laga xumaado in Mustafe Cagjar oo horay uga caban jiray in nidaamkii hore ee dawlad deegaanka Soomaalida iyo ciidamada Itoobiya ay gaboodfallo u geysteen xubno ka mid ah qoyskiisa, uu isaguna maanta tii oo kale ku samaynayo dad rayid ah oo aan dembi lahayn.

Sidoo kale, Mustafe waa ku ceeb in uu hormuud u noqdo xadgudubka Itoobiya ee ka dhanka ah dadka Soomaaliyeed iyo dhulkooda. Haddii uu dareemayo waxa ugu yar oo masuuliyad ah ama damiir uu ku hadhay, waa in uu joojiyo gaboodfalka, isla markaana wax ka qabto dilalkii hore ee gardarrada ahaa.

Dadka reer Awdal waxaa la gudboon in ay dilkan u arkaan mid hordhac u ah waxa lala damacsan yahay oo ay xilli hore baraarugaan. Waa in ay ka diyaargaroobaan dhagarta loo maleegayo ee ku soo wajahan

Cuba oo ka carootay hadal Mareykanka uu kasoo saaray Soomaaliya oo ku saabsan…

Havana (Caasimada Online) – Havana ayaa Khamiistii diiday, oo sheegtay in aysan ku filneyn, hadal dhawaan ka soo baxay Mareykanka oo ku saabsanaa masiirka labo dhaqtar oo Cuba u dhashay oo shan sano ka hor ay kooxda Al-Shabaab ka soo afduubteen Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bishii February sheegtay in dhakhaatiirta kala ah; Assel Herrera iyo Landy Rodriguez lagu dilay isla bishaas duqeyn uu Mareykanku ka geystay magaalada Jilib.

Hase yeeshee Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa warbixin uu dhawaan soo saaray ku sheegay in dib u eegis lagu sameeyay xogta la hayo ay muujisay in “Weerarkii cirka ee Mareykanka uu fuliyay Feberaayo 15, 2024 aysan ka dhalan wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah”.

Wargeyska Granma, oo ku hadla afka dowladda Cuba, ayaa maqaal uu daabacay Khamiistii ku sheegay in qoraalka AFRICOM “aanu si cad u xusin dhakhaatiirta Cuba.”

Sidoo kalena, wasiirka arrimaha dibadda Bruno Rodriguez ayaa sheegay Arbacadii in warbixinta Maraykanku “aysan soo kordhinayn wax cusub,” isaga oo intaa ku daray in Havana ay sugaysay tan iyo bishii April “jawaabta codsi ay Cuba si rasmi ah u ugu dirtay AFRICOM oo ku saabsan weerarada meelo ka mid ah Soomaaliya.”

Sheegashada kooxda Al-Shabaab ee ah in dhaqaatiirta Cuba lagu dilay weerar ay fuliyeen Mareykanka ayaan si madax-banaan loo xaqiijin karin.

Dhakhaatiirtan ayaa qayb ka ahaa guuto caafimaad oo Cuban ah oo ka kooban 100 xubnood oo uga shaqaynayey Kenya heshiis laba geesood ah, markii la afduubtay bishii April 2019.

Cuba waxay leedahay guutooyin caafimaad oo ku sugan in ka badan 50 waddan, taasi oo oo qayb ka ah waxa loogu yeero “diblomaasiyadda jaakadda cad.”

DF Soomaaliya oo sameysay qiimo dhimis waxbarasho, farriina u dirtay shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa war ka soo saartay lacago laga qaadi jiray ardayda geleysa imtixaanka dowladda, kuwaas oo laga dhaafay lacago badan oo laga qaadi jiray, si ay imtixaanka u galaan.

“Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxaa sharaf wayn u ah in ay markasta ka dulqaaddo muwaadiniinta culeyska dhaqaale ee uga yimaado adeegga Wasaaradda Waxbarashada ay bixiso,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda.

Qoraalka wasaaradda ayaa intaas ku sii daray, “Sida aad la socotaan sanadkii 2022-kii waxa ay Wasaaraddu Waxbarashada joojisay lacagtii shahaadada Dugsiga Sare laga qaadi jirtay, sidoo kale laga billaabo sannadkii 2023 waxa ay Wasaaradda Waxbarashada joojisay qarashkii ardayda looga qaadi jiray kaarka gelidda imtaxaanka dugsiga sare.”

Wasaaradda ayaa qoraalkaan ku shaacisay in qofka ardayga ah laga rabo 25 dollar oo kaliya, taas oo isugu jirta shahaadada dugsiga sare iyo tasdiiqda shahaadada jaamacadda.

“Waxa kaliya oo la qaado waa dakhli ay leedahay Wasaaradda Maaliyadda, kaas oo ah shan Dollar ($5) oo shahaadada dugsiga sare ah iyo labaatan Dollar ($20) oo ah tasdiiqa shahaadada jaamacadeed, lacagtaas oo siday u dhantahay si toos ugu dhacda Khasnadda Midaysan ee Wasaaradda Maaliyaddu Maamusho,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Dhinaca kale Wasaaradda Waxbarashada ayaa bulshada Soomaaliyeed ku wargalisay in aysan jirin shirkad gaar loo leeyahay oo ay heshiis lacag qabasho kula jirto.

“Wasaaradda Maaliyadda waxa ay xafiis lacag qabasho ku dhex leedahay xarumaha adeegga tasdiiqinta ay ka bixiso Wasaaradda Waxbarashada, mana jiro wax isbeddel ah oo ku yimid lacagaha aan kor ku xusnay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii wasaaradda waxbarashada oo iska fogeysay wax kasta oo musuqmaasuq ah ayaa balan-qaaday inay bixi doonto adeeg hufan, isla markaana ay sharciga la tiigsa doonto cidii ku xad-gudubta adeegyada ay wasaaradu bixiso.

“Wasaaradda waxbarashada oo ah goob ka caaggan musuqmaasuqa iyo wax isdaba mariska, waxay u ballan qaadaysaa bulshada Soomaaliyeed adeeg hufan, waxa ayna sharciga la tiigsanaysaa ciddii ku xadgudubta adeegyada wasaaradda waxbarashada ay dadweynaha u qabato,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhiillada Iskuul Buluusiya: Ayeeyday waxaa shan sano kadib dib u aasnay lafaheeddii

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa-soo taraya wararka dhiillada ah ee laga soo warinayo qabuuraha Iskuul Buluusiya tan iyo markii ay dowladda federaalka Soomaaliya ay dalbatay in maydadka looga saaro 10 cisho gudahood.

Dadka ehelladooda halkaas ku aasan yihiin ayaa weli wada sidii ay xabaalaha uga soo saari lahayeen maydadkooda oo ay meelo kale ugu aasan lahayeen, ayada oo maydkii ugu horreeyey ee la soo saaray xabaalaha Iskuul Buluusiya oo halkaas ku aasnaa muddo shan sano ah ay eheladiisu ka dhoofiyeen garoonka Muqdisho.

Marxuumad Warsan Xaaji Maxamed ayaa waxay daba-yaaqadii 2019-kii ku geeriyootay magaalada Muqdisho, iyada oo lagu aasay qabuuraha dib loo faagayo, waxayna ehelkoodu la aadeen magaalada Caabudwaaq oo dib loogu aasay marxuumadda.

Warsan ayaa ku geeriyootay da’da boqolka, iyada oo intoi ay hadli kartay ka dardaarantay in aan lagu aasin magaalada Muqdisho, oo lagu aaso Caabudwaaq, oo hadda shan sano kadib dib loogu aasay, sida uu sheegay Sade Bulle oo ayeeydiis aheyd marxuumadda.

“Waxay dar-daarantay ayeeyo in aan lagu aasin Muqdisho, intii ay sariir saarka ahayd ee ay hadli kartay ayey sidaa dalbatay laakiin nasiib xumo annagu lama aannan garan,” ayuu yiri Sade oo la hadlay BBC.

Waxa uu intaas kusii daray “Sababo la xiriira xilligaas oo soo xoogaysanayey cudurkii saf-marka aha ee Covid-19 iyo annaga oo is dhahnay waxba uma dhaxeeyaan Muqdisho iyo halka ay ka dar-daarantay oo an is dhahnay qabuuraha dadkaas muslimiinta ku aasan yihiin ha lala aaso.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in illaa hadda aysan ka go’in maskaxdiisa oo ay ku soo noq-noqonayaan xasuusta hadaladdii ayeeyo, “Waxaa iigu naxdin iyo murugo badnayn markii qolkii aan ayeeyo oo isku taalla maydkeeda ka qaadnay aan mar kale iyadoo lafo-lafo ah dhignay isla qolkii.”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddo 10 cisho ah u qabatay in dadka ay ehelladooda ku aasan yihiin qabuuraha Iskuul Buluusiya ay meydadkooda kula baxaan, si dowladda ugu isticmaasho xero ciidan oo lagu tababaro ciidamada badda.

Go’aankan oo si weyn looga qeyliyay, ayna madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ugu baaqeen dowladda inay ka laabato, ayaa u muuqata mid aan dhag-jalaq u siineyn baaqyada iyo wararka dhiilladda iyo qaracanka ah ee kasoo yeeraya dib u faagida qabuurahan.

Turkiga iyo Mareykanka oo saxiixday heshiis xasaasi ah

Ankara (Caasimada Online) – Turkiga iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday qandaraas Ankara looga iibinayo diyaaradaha dagaalka ee F-16 ka dib markii Washington ay aqbashey heshiiskan oo ku kacaya 23 bilyan oo dollar.

Heshiiska ayaa yimid ka dib bilo wada xaajood ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Turkiga Khamiistii.

“Qandaraaska waa la saxiixay, wufuud ka kala socota labada dhinac ayaa ka wada xaajoonaya faah-faahintiisa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda.

Sida ku cad heshiiska, Turkigu wuxuu heli doonaa 40 diyaaradood oo cusub oo ah F-16 iyo in loo casriyeeyo ilaa 79 ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee hadda jira.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa toddobaadkii hore bogaadisay “tallaabo weyn oo hore loo qaaday” oo ah iibsashada Turkiga ee diyaaradaha cusub ee F-16 oo ay ku tilmaantay “F-16-kii ugu horumarsanaa ee abid la sameeyo lagana iibiyo oo kaliya xulafada ugu dhow iyo saaxiibkooda la ologa ah”.

“Tani waa tusaalaha ugu dambeeya ee sii wadidda ballanqaadka Mareykanka ee iskaashiga amniga ee Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay baraha bulshada.

Sida sharcigu dhigayo, Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxay ogeysiisay Congress-ka heshiiska bishii Janaayo, iyo sidoo kale $8.6 bilyan oo gaar ah oo looga iibinayo 40 diyaaradood oo nooca F-35 dalka Greece.

Maraykanku ma aqbalin wax kala iibsigan ilaa Turkiga uu ka ansixiyey xubinnimada Sweden ee NATO.

Baarlamaanka Turkiga ayaa bishii Janaayo ansixiyay xubinimada Sweden ee NATO kadib in ka badan hal sano oo dib u dhac uu ku yimid, taasi oo ka careysiisay reer galbeedka si ay ugu midoobaan dagaalka Ruushka ee Ukraine.

Erdogan ayaa lagu wadaa in bisha soo socota uu ku biiro shir madaxeedka NATO ee ka dhacaya magaalada Washington.

Waxaa loo qorsheeyay inuu wadahadal la yeesho dhiggiisa Mareykanka Joe Biden bishii hore, kaasi oo noqon lahaa kulankoodii ugu horreeyay ee Aqalka Cad balse dib ayaa loo dhigay sababo la xiriira jadwallada labada dhinac.

Sababta loo aamini la’yahay go’aannada dowladda Xasan Sheekh ee dhinaca…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa dhawaan koox Culimo ah oo dowladda la shaqeysa geysay qabuuraha Iskuul Buluusiya, oo ay dowladda rabto inay dhul ahaan u qaadato.

Halkani oo kumanaan ruux ku aasan yihiin ayay dowladda si rasmi ah u amartay in maydadka lagala baxo. Waxaa u fatwoodday in maytadaas dib loo soo faago culimo ay kamid yihiin Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo kamid ah culimada dowladda xiriirka furan la leh ama sida uu Cali Wajiis dhowr jeer sheegay ay qaar la-taliyeyaasha u yihiin.

Dhulkaan oo kal hore laga saaray maydka Allaha u naxariiste Majaajilistihii caanka ahaa ee Cabdi Muriidi Dheere Ajakis ayaa xilligaas dowladda iyada oo fadeexad ka carareysa waxay reerka Ajakis ku qasabtay inay arrinta ka dhigaan go’aan ay reerka si iskood ah u qaateen, laakiin ugu dambeyn dowladda waa soo bareertay shalay.

Dadka ehelkooda halkaa ku xabaalan yihiin waxaa loo qabtay toban cisho inay kula baxaan maydadka.

Wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa halkaa ku wehliya culimadda gacan-saarka la’leh dowladda.

Dhawaqa arrintaan ayaa gil-gilay shacabka Soomaaliyeed si aan hore loo arag ayaana loogu dhalleeceyay madaxweyne Xasan Sheekh tallaabadan lagu saarayo maydadkii halkaas lagu aasay 30-kii sano ee lasoo dhaafay.

Dowladda waxay sheegtay inay halkaas u rabto inay ka dhisto xarun ciidan, gaar ahaan ciidanka badda, laakiin dadweynaha waxa ay ku doodayaan inay dowladda heli kartay dhul kale oo badda saaran oo ciidanka la dejiyo, waaba haddii ay dhab tahee.

Waxaa jira dhulal badan oo badda saaran ama u dhow oo dowladda ay leedahay oo ay xoog ku haystaan siyaasiyiin iyo ganacsato. Laakiin dowladda waa u bareeri weysay dhinacyadaas, waxaana u sahlanaatay meytada.

Inta badan dadweynaha ma aqbalaan wax walba oo dhul ku saabsan marka uu xukunka joogo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Inkasta oo wasiirka gaashaandhiga sheegay in halkaas ciidanka badda loo dhisi doono, haddana shacabka weli ma liqin middasi.

Haddii aad isweydiinayso sababta aan marka madaxweyne Xasan Sheekh xukunka hayo aan loo aaminin waxkasta oo dhulalka ay ka tiraahdo dowladdiisa, waa dhacdooyin hore oo dhulal la xiriiray oo si qaldan loo maareeyay.

Horey waxaa u dhacday dhulal ay dowladda lahaan jirtay oo dad shacab ah laga saaray, oo markii horena doonistooda laga dhigay inay dowladda isticmaali doonto in kadib la qeybsaday oo ganacsato iyo siyaasiyiin laga iibiyay, taasina waxay dhashay in aanay marnaba dadweynaha aaminin sababaha ay dowladda sheegto inay dhulalka u rabto oo tii qabuuraha Iskuul Buluusiya ugu dambeysay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli dhexda uga jira dhacdooyinka quusta badan ee dhulalka la xiriira, kuwaas oo weli dadweynaha kasii niyad-jabinaya xukunkiisa.

Xogta RAG afar dal ka soo jeeda oo Sacuudiga usoo xiray kiis la xiriira XAJKA

0

Makkah (Caasimada Online) – Ugu yaraan 14 qof oo u dhashay waddamada Hindiya, Masar, Pakistan iyo Indonesia ayaa lagu xiray boqortooyada Sacuudiga.

Raggan ayaa lagu eedeeyay inay xayaysiinayeen kaararka aqoonsiga Xajka oo been abuur ah, sida ay shaacisay shabakadda wararka Xaramka ee Inside Haram.

Ciidamada ilaalada goobaha barakeysan ayaa soo xiray shakhsiyaadkan lagu eedeeyay iibinta kaaararka been abuurka ah, iyada oo la sheegay inay Sacuudiga ku joogeen dal-ku-gal booqasho.

Dowladda Sacuudiga ayaa horey digniino adag uga soo saartay dadka ka been abuuraya adeegyada Xajka, si ay dhaqaale uga sameeyaan.

Shakhsiyaadka lagu qabto musuq-maasuqa Xajka ayaa muteysan doona xarig, musaafurin, ganaax lacageed, maxkamadeyn iyo la wareegid hantidooda, sida ay horey u sheegtay dowladda Sacuudiga.

Ilaalada Xujeyda ayaa sidoo kale ka digtay in xujeydu ay ka socdaan iyada oo aan wadan aqoosigooda.

Illaa hadda, in ka badan 1.3 milyan oo Xujey ah ayaa gaaray Boqortooyada Sacuudiga.

Fursad ay bixisay dowladda madaxweyne Xasan oo sii naaxinaysa Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa toddobaadyadii u dambeeyay kor u kacay weerarada ay kooxda Al-Shabaab kusoo qaadayaan deegaanadii hore looga xoreeyay iyo xeryaha ciidanka.

Weeraradan ayaa waxa uu dowladda u dirayaan hal farriin, taas oo ah “waa in aan la sugin argagixisada.”

Dowladda wax dagaal culus ah kuma qaadin kooxda wax toban bilood ku dhow, marwalba oo aan kooxda weerar ku socon waxaa dhaceysa inay iyagu duullaan soo qaadan, sida dhacday xalay iyo maalmo kaleba.

Xalay waxay maleeshiyaadka Al-Shabaab weerar ku qaadeen deegaanka Buula Xaaji oo ay maalin kahor qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta ee maamulka Jubbaland, isla-markaana uu aad ugu farxay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo soo dhaweeyay xoreynta deegaankaasi.

Xubno ka tirsan kooxda ayaa lasoo wariyay in weerar aarbushaad ah ay ku qaadeen deegaankan oo hoostaga magaalo xeebeedka Kismaayo, waxaana kadib xigay dagaal kooban oo dhex-maray labada dhinac.

Khubarada amniga waxay leeyihiin ciidanka amniga difaac iskagama jiri karaan ee waa in la dadajiyaa sidii loo bilaabi lahaa wejiga labaad ee dagaalka.

Fursadda dagaal la’aanta ee ay bixiso dowladda Soomaaliya waxay argagixisada u leedahay faa’iido badan oo ay ku raadsanayaan dhalinyaro cusub, abaabulka weeraro gaadmo ah iyo inay maskax ahaan usoo kabtaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dhowr jeer sheegay inuu ku laabanayo furimaha dagaalka oo uu dib u hoggaamin doono dagaalka, laakiin weli waxba ma hirgelin.

Maalin walba oo uu dib usii dhaco duullaanka ay qorsheynayso dowladda Soomaaliya, argagixisada waxay ku qabtaa faa’iido. Waxaa madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya loogu baaqay inay ruuxdii dagaalka dib u kiciyaan, si loo soo afjaro argagixisada waqtiga badan dhibaatada ku haysay umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay saraakiil militari iyo hoggaano cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dikreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu magacaabay hoggaano iyo talisyo cusub oo ku soo biiray taliska guud ee ciidanka xoogga dalka.

Qorshaha lagu magacaabay talisyadaan ayaa ku yimid dib u habeyn iyo dardargalin lagu sameynayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale qorshahaan waxaa soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waxaana lagu soo saaray Xeer Madaxweyne.

Talisyada cusub ee lagu soo biiriyey Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kala ah, 1-Taliska Ciidanka Gaarka ah ee CXDS, 2-Taliska Tababarada CXDS, 3-Taliska Sahanka & Wardoonka CXDS, 4-iyo Taliska Taakulada Guud ee CXD.

Talisyadan ayaa waxaa loo kala magacaabay S/Guuto Axmed Cadullaahi Sheikh (Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah)

G/Sare Axmed Ciise Axmed (Taliyaha Taliska Tababaradda),

G/Dhexe  Axmed Cabdulaahi Nuur Beeryare (Taliyaha Taliska Sahanka & Wardoonka),

G/Dhexe Ibraahim Maxamed Maxamuud (Taliska Taakulada Guud ee CXDS).

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay in ay halkaas ka sii amba-qaadaan dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka.