26.9 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Daawo: Askarigii toogtay taliyihiisa ee xabsiga ka baxsaday oo si yaab leh loo qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa manta la hor geeyey askari xabad ku dhiftay Taliyihiisii, xilli lagu sugnaa furimaha dagaalka, kiiskaan ayaa ka mid noqday kiisaskii ugu cajiibsanaa ee maxkamadda ku soo dhamaada.

Askarigaan wuxuu afka xabad uga dhuftay taliyihiisii, xilli ciidanku u uku sugnaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraa, intaas kadib waxaa loo qaaday Guriceel, si loo maxkamadeeyo.

Intii ay socotay howsha maxkamadeynta wuxuu askarigaani ka baxsaday xabsiga, wuxuu soo galay Muqdisho, kadibna wuxuu degay Tabeelaha Sheekh Ibraahim.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada, ehellada taliyihii la dhaawacay iyo dhinacyo kale oo kiiskaan ku lug lahaa waxay isku dayeen inay soo qabtaan askarigaas, waxaana loo maleegay dabin uu markii dambe ku soo dhacay.

“Waxaan helnay lambarkiisa, waxaan siinay gabar si ay haasaawe ama shukaansi ula sameyso, kadibna u soo gacan gelisok, wuxuu gabadhii ka aqbalay xiriirka, kadib wuxuu ka codsaday inay ugu timaado xaafadiisa Tabeelaha, balse waa ay ka diiday waxayna ku balamisay xeebta Liido, halkaas ayaa loogu diyaariyey ciidankii qaban lahaa, oo ku guuleystay inay soo qabtaan,” ayuu yiri xeer ilaaliyihii dacwadda ku soo oogay askarigaan.

Sidoo kale Xeer ilaalinta ayaa ku jees jeestay sida fudud ee askarigaan uu ku soo gacan galay, iyadoo la soo baray xeeladahaan oo kale, waqti iyo dhaqaale badana ay tababarkiisa gelisay dowladda Soomaaliya.

Xeer ilaalinta ayaa maxkamadda ka codsatay in askarigaan labo arrin lagu xukumo, 1-inuu bixiyo dhiiga taliyihii uu xabadda ku dhuftay ee dhaawaca daran uu soo gaaray, 2-Iyo in lagu xukumo xabsi adag, si ay ugu quus qaataan askarta kale.

Xabadda uu askarigaan ku dhuftay taliyihiisa waxay ka dhalatay muran dhanka shaqada ah oo dhex-maray kadibna askariga ayaa taliyihiisa ugu hanjabay inuu baxad ku dhufa doono, murankii oo sii dheeraaday ayaa sababay in askarigii uu afka xabad u dhafto taliyaha.

Ilkihii iyo lafihii ka faniinay afka taliyaha ayaa ku dhacay nin kale oo askari ahaa, kaas oo marqaati ahaan manta loo horkeenay maxkamadda ciidamada, ugu dambeyntii guddoomiyaha maxkamadda Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in go’aan laga soo gaari doono kiiskaan.

Hoos ka daawo

QOOR QOOR oo wacad ku maray soo bandhigista dad dhaqaale ku bixiyay dagaalka…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Qoor-Qoor oo shalay heshiis bilow u ah gogol nabadeed dhex dhigay beelihii colaadda dadka badan lagu laayey ay ku dhex-martay waqooyiga gobolka Galgaduud, ayaa shaaciyay in la hayo xogta dadkii ka dambeeyay hurinta dagaalka.

Qoor-Qoor ayaa waxa uu sheegay in uusan iska dhicin dagaalka labada beelood ee uu ahaa mid ay ka dambeeyeen siyaasiyiin ka dhex raadinayay dano siyaasadeed, islamarkaana ay hay’addaha ammaanka hayaan caddeymaha dadkii ka shaqeeyay arrinkaasi, lana soo bandhigi doono.

“Waxa dhacay waan isla ognahay oo wax baa la wada fahmayaa oo wax iska dhacay keliya ma ahanee, wax laga shaqeynayay oo fursad laga dhex raadinayo oo dano siyaasadeed laga leeyahay oo aan ka soo baxeynin meesha ayay aheyd,” ayuu yiri Qoor-Qoor.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxyaabaha dhacay hay’addaha baarista kuli waa hayaan, meelo badan oo waxyaabaha dhacay kamid ah caddeyntooda ayaa la hayaa dadkii waxaas ka shaqeeyay, colaadda huriyay, xoolana ku bixiyay caddeyntooda waa la hayaa,”

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in waqtiga ku habboon lasoo bandhigi doono dadka uu sheegay inay ka dambeeyeen hurinta colaadda ay ku baxeen dadka badan.

“Waxaa la soo bandhigi doonnaa waqtiga ku habboon, haddii Ilaahay yiraahdo. Hay’addaha amniga ayaa soo bandhigi doona, loogana hari maayo,” ayuu yiri Mudane Qoor-Qoor.

Hadalka madaxweyne Qoor-Qoor ayaa imaanaya, iyada oo deegaanada Galmudug ay ku soo laab-laabteen dagaal beeleedyada, oo kan ugu dambeeyay uu galaaftay nolosha ku dhowaad 100 qof oo labada dhinac ah, halka ay ku dhaawacmeen dad intaas ka badan.

Dowlad saaxiib la ah DF oo isku dayeysa in wada-hadal laga furo xiisadda Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar oo saaxiib la’ah dowladda federaalka Soomaaliya, sidoo kalena xiriir diblumaasiyadeed wanaagsan la leh Itoobiya ayaa isku dayeysa inay labada dal wada-hadal ka galaan xiisadda ka dhex aloosan.

Xiisaddan oo salka ku haysa heshiiskii is-afgarad ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu la saxiixday madaxweyne Muuse Biixi, kaasi oo la xiriiray damaca Itoobiya ee helitaanka dhul baddeed, taasi oo ay meel adag iska taagtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Amiirka Qatar oo wada-hadal khadka Taleefanka oo gaar-gaar la yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxay warar hoose oo soo baxaya ay sheegayaan in dowladda Qatar isku dayeyso in arrinta heshiiska ee khilaafka weyn ka dhashay in wada hadal laga galo.

Lama oga sida ay dowladda Xasan Sheekh ka yeeli doonto arrinkaan, maadaama ay horay u diidday inay wada-hadal la furto Itoobiya, iyada oo shuruud uga dhigtay in xukuumadda Abiy ka laabato heshiiskii is-afgarad ee Somaliland.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shidde iyo taliyaha sirdoonka Ridwan Hussein uu Amiirka Qatar ka guddoomay warqad ay ka wadeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Soomaaliya ayaa horey u diiday codsiyo dhowr ah oo Abiy Axmed uu dalal kale oo saaxiib la ah usoo mariyay dowladda federaalka ee xilligaan uu hoggaamiyo Xasan Sheekh, kuwaasi oo dhamaantood ay ku gacan seyrtay.

Si kastaba, Qatar ayaa kamid ah dowladaha carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, kaasi oo markale sii xoogeystay kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh ee 15-kii May ee 2022, waxayna Qatar mashaariicyo waaweyn ay ka fulisaa gudaha dalka.

Cali Xasan oo 12 sano kadib maanta usoo gacan galay ciidanka dowladda + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka ayaa maanta soo bandhigay laba xubnood oo kasoo goostay kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo usoo gacan galay dowladda.

Xubnahan ayaa waxaa kamid ahaa Cali Xasan Cali oo magaciisa afgarashada uu yahay (Cali Dheere), kaasi oo tirsanaa kooxda muddo dheer oo ku siman 12 sano.

Ninka kale ee Cali lala soo bandhigay ayaa isna waxaa lagu magacaaba Maxamed Cabdullaahi Cali, wuxuuna muddo kamid ahaa Shabaab-ka ku dhuumaalaysanaya deegaannada maamulka Koofur Galbeed.

Cali Xasan Cali ayaa kasoo qeyb-qaatay dagaalo badan oo kooxda ay gashay, halka Maxamed Cabdullaahi Cali uu isna kaga biiray Al-Shabaab deegaanka 20-jirow wuxuuna u qaabilsanaa baada shacabka ku nool gobolka Baay.

Labada nin ayaa waxaa hadda gacanta ku haya oo ay isku soo dhiibeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ee ku sugan deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Baay.

Isa-soo dhiibista xubnahan ayaa qeyb ka ah Shabaab badan oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay u soo gacan galayey ciidamada dowladda, ayada oo bilihii dambe uu hoos u dhac ku yimid gulufkii dagaal ee kooxda ay wajaheysay.

Dowladda ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda oo isku soo dhiibayay, kuwaasi oo inta badan sheega in lagu qalday fikrad Diimeed ay salkeeda soo taabteen in aysan waxba ka jirin iyo inay u adkeysan waayeen gulufka ay kooxda wajaheyso.

Cali Wajiis oo la sheegay in uu galay laba dambi oo weyn kadib eedeyntii Yariisow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka jawaabay wareysi uu bixiyay Sheekh Cali Wajiis oo uu kaga hadlay arrinta qabuuraha Iskuul Buluusiya, ayaa wuxuu sheegay inuu galay laba dambi oo waaweyn.

Cabdiraxmaan ayaa marka hore waxa uu Injineer Yariisow ka difaacay Cali Wajiis oo isagu sheegay inuu dalbaday xilligii uu guddoomiyaha gobolka Banaadir ahaa in la faago qabuuraha Iskuul Buluusiya, lagana saaro maydadka.

“Hadda Sheekh Cali Wajiis markii uu dadkii noolaa kula dhici waayey ayuu Allaha u naxariiste saaxiibkeey Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow u saariyey isku day eed qabuuro faagis ah,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo saaray maanta.

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in guddoomiyihii gobolka Injineer Yariisow uu lahaa soo jeedinta in qabuurahaas lasoo fago oo laga saaro dhulkaas, balse ay ka diideen, maadaama la sii rabay shakhsiyaad gaar ah, taasi oo maanta uu ka difaacay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu yiri “Labo danbi ayuu Sheekh Cali mowtada ka galay, markii uu fatwooday in uu qabuuraha la faago iyo markii uu nin geeriyooday oo ay argagexiso dishay eed uusan iska difaaci karin dusha ka saaray.”

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Waagii aan Naxwaha baran jirnay ayaa kitaabka Alfiyatu Ibnu Maalik, waxay culimada ka sheegi jireen in Sheekha markuu alifayey ee uu marayo tuducda فائقة الفية إبن المعطي “Way ka sarraysaa Alfiyadi Ibnu Mucdhi” ayey ka istaagtay. Ibnu Mucdhi wuxuu ahaa Sheekh hortii geeriyooday oo Kitaab Naxwaxaha alifay.

Ibnu Maalik ayaa riyada ku arkay Ibnu Mucdhi, kolkaa buu ku yiri; Ibni Maalik waan ogahay in ay kaa istaagtay Alfiyadii ee anigaa kuu furayee, waxaa tiraa والحي يغلب الف ميت “oo ah ruux nool kun dhimatay wuu ka adagyahay” taaoo uu ula jeedo, haddii aan noolaan lahaa sidaa ima tiraahdeen.

Halkaa markii ay taagan tahay, ayuu Ibnu Maalik xishooday kolkaasuu dhowrkan tuduc raaciyey tii hore ee ahayd فائقة الفية ابن المعطي

و هو بسبق حائز تفضيلا
مستوجب ثنائي الجميلا
و اللّه يقضي بهبات وافره‌
لي و له في درجات الآخره‌

“Fadli uu iiga horeeyey ayuu koobsaday
Wuxuuna mutay amaantayda
Ilaaheey hibo buuxda ha u qadaro
Aniga iyo isagaba, daroojiyinka sare ee Janada”

Hadda Sheekh Cali Wajiis markii uu dadkii noolaa kula dhici waayey ayuu AUN saaxibkeey Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow u saariyey isku day eed qabuuro faagis ah.

Labo danbi ayuu Sheekh Cali mowtada ka galay, markii uu fatwooday in uu qabuuraha la faago iyo markii uu nin geeriyooday oo ay argagexiso dishay eed uusan iska difaaci karin dusha ka saaray.

“Damiirku hadduu qallalo
Hadduu dufan-raadis yahay
Daliilka hortiisa yaal
Waxaa kaga beegan daah,
Dadkuna badi waa sidaas.”

Hadraawi

Shirka golaha wasiirada oo looga hadlay arrinta xasaasiga ee la damacsan yahay bisha…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada.

Shirkan ayaa waxaa wasaaradda gaashaandhigga looga dhageystay warbixin ku saabsan bixitaanka ciidanka ATMIS iyo qorshaha u diyaar garowga ciidanka qaranka uu kula wareegi lahaa mas’uuliyadda amniga guud ee dalka, marka ay baxaan bisha December 2024.

Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyey howl-gallada dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta ah ee ciidamada geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan gobollada dalka, gaar ahaan dagaalladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Jubbaland iyo Galmudug oo ay guulo waaweyn ka gaareen.

Sidoo kale, golaha ayaa wssaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ka dhageystay warbixin ku saabsan u diyaar garowga imtixaanka qaran ee dugsiga sare, gaar ahaan fasalka 4-aad ee sanad dugsiyeedka 2023-2024.

Imtixaanka shahaadiga ayaa si xiriir ah sanadkii 10-aad si isku mar ah looga qaadaya gobollada dalka, iyada oo sanadkaan imtixaanaadka u fariisan doonaan in ka badan 37,000 oo arday.

Shirka golaha wasiirrada ayaa sidoo kale waxaa lagu ansixiyey xeer-nidaamiyaha sharciga xafiiska hanti-dhawraha guud ee qaranka, kaas oo uu soo gudbiyay xafiiska.

Xeer-nidaamiyahan ayaa wuxuu xoojinaya dhaqan-gelinta sharciga xafiiska, kaasi oo muhiim u ah kor joogteynta nidaamka maareynta maaliyadda dalka, sida lagu sheegay xeerkan.

Halkee ku yaallaa dhulka kale ee DF u waqaftay qabuuraha Iskuul Boolisiya + Video

Muqdisho (Caasimada Online) –  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhul kale u waqaftay maydadka laga saarayo qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho, sida uu shaaca ka qaaday Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah culimada Soomaaliyeed.

Sheekha oo wareysi siiyay Universal Tv ayaa sheegay in dhulkaasi uu diyaariyay maamulka gobolka Banaadir, isla markaana uu ku yaallo xaafadda Waxar-cadde ee degmada Heliwaa.

Cali Wajiis ayaa sheegay in dhulkaasi lagu wareejin doono darbi wayn, isla markaana aan loo adeegsan doonin dano gaar ah, kaliyana uu noqon doono dhul waqaf ah oo loogu talagalay in lagu aaso dadka.

“Dhulka iyagaa sheegay annagana waa sheegeynaa wuxuu yaallaa Waxar-cadde, guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ayaaba sheegay oo xittaa Media-ha marsiiyay. Dhulku Waxar-cadde ayuu ku yaallaa waa la tegi karaa, maydkana waa lagu aasi karaa” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Qabuurahaan guddoomiye Madaale ayaa muddo dheer daba socday dhulka waa diyaarsan yahay, haddana waxaa lagu xerayaa darbi, halkaas ayaa lagu aasayaa dowladda ayaana mas’uul ka ah,”.

Dhinaca kale Sheekh Cali Wajiis waxaa la weydiiyey waxala gudboon culimada, hadii dhulka Iskuul Buluusiya laga dhigo goobo ganacsi oo shakhsiyaad la siiyo, isagoo sheegay in markaas ay ka hor imaa doonaan dadkana ay u cadeyn doonaan in balantii ay uga baxday dowladdu, balse hadda qorshaha loo sheegay oo dowladda ay ku raaceen uu yahay in dhulkaas hanaan danguud ah loo isticmaalo.

Wuxuu intaas ku sii daray, in diinta islaamka aysan baneyn in dangaar ah loo isticmaalo dhul danguud ah, inta laga saaro dadkii ku xabaalaa, sidoo kale wuxuu faahfaahin dheer ka bixiyey marka la ogolyahay in meyd laga saaro meel ee meel kale lagu aaso, isagoo ka bixiyey tusaalooyin waaweyn oo ku qanciyey in culimadu ay go’aankaas la qaadayo dowladda.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan qaylo dhaan xoogan ay ka dhalatay go’aanka kasoo baxay dowladda ee lagu faagayo qabuuraha Iskuul Buluusiya ee Muqdisho, kaas oo saameyn gaar ah ku yeeshay qoysaska ay ehelladooda ku aasan yihiin halkaasi.

Hoos ka daawo muuqaalka

Puntland oo qiratay dilka Marxuum AXMED Saxane Cabdi iyo arrin ay dalbatay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa qiraal ka sameysay dil dhowaan magaalada Garoowe loogu gaystay Marxuum Axmed Saxane Cabdi oo kamid ahaa dadka deegaanka, kaas oo uu dilkiisu dhaliyay caro xoogan.

Warqad kasoo baxday wasaaradda amniga Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in marxuumka uu ku baxay gacanta ciidamada amniga, xilli ay wadeen howlgal ka dhacay bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Wasaaradda ayaa ballan-qaaday inay dowladda bixineyso magta marxuum Axmed Saxane Cabdk iyo duugtiisa, sida ay ku caddeysay warsaxaafadeedka.

Sidoo kale wasaaradda amniga Puntland ayaa beesha uu ka dhashay marxuumka iyo ehelladiisa ka dalbatay in la aaso, maadaama dowladda ay ballan qaaday bixinta magtiisa.

“Waxay wasaaraddu amreysaa in marxuumka la aaso isla maanta, bacdamaa dowladdu xilqaadatay magta iyo duugtiisa”, ayaa lagu warka kasoo baxay xafiiska wasiirka Amniga Puntland Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xukuumaddu bixinayso dhammaan kharashaadka daawaynta dad kale ee ku dhaawacay hawlgalkaasi ciidan oo dhaliyay waxyeelada dhimashada iyo dhaawaca.

Garoowe ayaa waxaa haatan howlgallo culus ka wada ciidamada ammaanka ee Puntland, kuwaas oo dagaal adag kula jira kooxaha ka ganacsada maandooriyaha, waxaana badanaa ka dhaca isku dhacyo u dhexeeya labada dhinac, ayada oo khasaaraha ugu badan uu soo gaaro dadka rayidka ah ee aanu waxba galabsan.

Al-Shabaab oo weeraray deegaan uu qabashadiisa ku farxay ra’iisul wasaare Xamza

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen deegaanka Buula Xaaji oo ay maalin kahor qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta ee maamulka Jubbaland, isla-markaana uu aad ugu farxay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo soo dhaweeyay xoreynta deegaankaasi.

Xubno ka tirsan kooxda ayaa lasoo wariyay in weerar aarbushaad ah ay ku qaadeen deegaankan oo hoostaga magaalo xeebeedka Kismaayo, waxaana kadib xigay dagaal kooban oo dhex-maray labada dhinac.

Iska hor imaadka dhex maray ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab oo socday muddo daqiiqado ah ayaan la ogayn khasaaraha ka dhashay, waxaana dib loo celiyay dagaalyahanadii weerarka soo qaaday.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada ku sugan Buula Xaaji ayaa sheegay in weli ay joogaan magaalada, ayna wadaan howlgallo ay ku baacsanahaan xubnaha weerarka soo qaaday oo ka baxsaday goobta.

Deegaankan ayaa waxaa horay u tagay mas’uuliyiin ka tirsan  dowlad goboleedka Jubbaland iyo saraakiil ciidan, si ay u dhiirogeliyaan ciidamada xoreeyay halkaasi.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay qabashada Buula Xaaji ayaa u hambaleeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee fuliyay howlgalka looga adkaaday Al-Shabaab.

“Waxaan ku ammaanayaa Ciidammada Halyeeyada Qaranka ee sida geesinimada, Dadaalka iyo Daacadnimadu ku jirto uga xoreynaya Khawaarijta deegaanada fara kutiriska ah ee ay gacanta ku hayaan” ayuu horay u yiri ra’iisul wasaaruhu.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana weli ciidamada ay kusii siqayaan deegaano horleh, iyaga oo kaabiga ku haya degmada Badhaadhe oo weli gacanta ugu jirto kooxda Al-Shabaab.

Jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana haatan ku wajahan wajiga labaad ee howlgallada xoreynta ee ka socda gudaha dalka.

Xuutiyiinta oo wada-hadal ka leh codsi xasaasi ah oo uga yimid kooxda Al-Shabaab

Washington (Caasimada Online) – Sirdoonka Maraykanka ayaa ogaaday in Xuutiyiinta Yemen ay ka wada hadleen sidii hub loo siin lahaa kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Saddex sarkaal oo Maraykan ah oo la hadlay CNN ayaa arrintan ku tilmaamay mid welwel leh oo halis gelinaysa xasilloonida gobolka oo markii horeba ay rabshado ka socdeen.

Saraakiisha ayaa hadda raadinaya cadeymo muujinaya in hubka Xuuthiyiinta la soo gaarsiiyay Soomaaliya, waxayna isku dayayaan in la ogaado haddii Iran oo taageero ciidan iyo mid dhaqaale siisa Xuutiyiinta ay ku lug leedahay heshiiska.

Mareykanka ayaa uga digayay dalalka gobolka iskaashigan suurtagalka ah toddobaadyadii la soo dhaafay, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka. Dalalka Afrika ayaa sidoo kale billaabay in ay si firfircoon ula soo xiriiraan Mareykanka, si ay u gudbiyaan walaacooda, oo ay u helaan macluumaad dheeraad ah.

“Tani waa wada hadallo joogto ah oo aan la yeelanayno dalalka labada dhinac ee Badda Cas,” ayuu yiri qof xog-ogaal ah. “Oo waxaa loo eegayaa si dhab ah.”

Ma aha isbahaysi dabiici ah inay yeeshaan labada kooxood, kuwaas diin ahaan kala ah Sunni iyo Shiico is-neeb, islamarkaana aan horey xiriir u yeelan. Laakin waxaa kala qeybiya hal biyo oo kaliya – Gacanka Cadmeed oo istaraatiijiyad ahaan muhiim u ah – waxayna labadooduba Mareykanka ku tiriyaan cadowgooda ugu sarreeyaa.

Sirdoonka Mareykanka ayaa sare u qaaday suurtagalnimada in xiriirka danta ku dhisan uu xaaladda uga sii dari karo Soomaaliya iyo Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, halkaas oo Xuutiyiintu ay weeraro joogto ah ku hayaan maraakiibta ganacsiga iyo hantida ciidamada Maraykanka tan iyo markii uu billaabmay dagaalka Gaza.

Heshiiska suurtagalka ah wuxuu dhaqaale cusub u yaboohi karaa Xuutiyiinta, xilli saraakiisha Mareykanka ay sheegeen inay jiraan calaamado muujinaya in taageeraha koowaad ee kooxda, Iran, ay walaac ka qabto istaraatiijiyadda weerarada kooxda ee Badda Cas.

“Inaad awood u yeelato inaad iibiso hubka qaar waxay ku siineysaa dakhli aad loogu baahan yahay,” ayuu yiri sarkaalka sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Biden.

Dhanka al-Shabaab, waxay siin kartaa fursad ay ku hesho ilo cusub oo hub ah – oo ay ku jiraan suurta-galnimada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) – kuwaas oo aad uga casrisan hubkooda hadda, waxayna siin kartaa kooxda awood ay ku weeraraan bartilmaameedyada Mareykanka.

Waxaa jiray tahriibin joogto ah oo isugu jira hub fudud iyo agab ganacsi oo u dhexeeya kooxo kala duwan oo Yemen iyo Soomaaliya ku sugan muddo sanado ah. Laakin heshiis hub ah oo dhex mara Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta ayaa noqon doona mid cusub, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

“Waxay noqon doontaa calaamadda ugu cad, in laba urur oo, fikrad ahaan, si isku mid ah uu uga soo horjeedo midba midka kale – in ay mudnaanta siiyaan wax ay wadaagaan, taas oo ah cadaawadda ay u hayaan [Mareykanka],” ayuu yiri Christopher Anzalone, oo ah wax ka dhiga Marine Corps University, qaybteeda daraasaadka Bariga Dhexe.

“Waxay noqon doontaa mid aad muhiim u ah sababtoo ah waxay muujineysaa inuu jiro isbeddel dhanka labada ururba ah.”

Nooc kasta oo iskaashi milatari ah oo u dhexeeya Xuutiyiinta iyo al-Shabaab ayaa sidoo kale wiiqi kara xabad-joojin aan rasmi ahayn, oo jilicsan, oo u dhaxaysa Xuutiyiinta iyo Sucuudiga oo soo jirtay tan iyo 2022, ayuu yiri sarkaalka sare ee maamulka Biden. Waxayna si dhab ah uga hor imanaysaa nuxurka qorshaha Qaramada Midoobay ee ay soo jeedisay ee nabad waarta, ayuu yiri sarkaalku.

“Weli waxaan dan weyn ka leenahay taageeridda geeddi-socodka nabadda Yemen,” ayuu sarkaalku hadalkiisa raaciyay. “Laakin ganacsiga noocan ah ee ka dhexeeya Xuutiyiinta iyo al-Shabaab waxaa hubaal ah in ay adkeyn doonto oo wiiqi doonto dadaalkaas.”

Saraakiisha ayaa sheegay in xilligan aysan hubin nooca hubka Xuutiyiinta ay siin karaan Al-Shabaab.

Hadda, kooxda Soomaalida waxay heli karaan oo keliya gantaallo, hoobiyeyaal iyo miinooyin, oo ay u adeegsato dagaalka ay kula jirto dawladda Soomaaliya – hub yar balse dilaa ah. Xuutiyiinta, marka la barbardhigo, waxay haystaan hubka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka, oo ay ku jiraan kuwa biyaha hoostooda mara.

Mareykanka waxaa Soomaaliya ka jooga ilaa 480 askari, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah. Waxay Soomaaliya ka fuliyaan duqeymo joogto ah oo ka dhan ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Xukuumadda Ruto oo soo bandhigeysa miisaaniyaddi ugu ballaarneyd abid ee Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda Kenya ayaa lagu wadaa in uu Khamiista soo bandhigo miisaaniyaddii ugu ballaarneyd abid, oo uu la socdo sharci muran badan dhaliyey oo ay ku jiraan canshuur kordhino cusub.

Xukuumadda Madaxweyne William Ruto ayaa diyaarisay miisaaniyad afar tiriliyan oo shilin ah, oo u dhiganta $31.1 bilyan sanadka 2024/25, taasi oo ka badan 3.75 trillion oo shilin oo bishii June ee sanadkii tegay loo ansixiyey sanad miisaaniyadeedkan.

Baarlamaanka ayaa horey u ansixiyay qorshaha qarashka ee la soo jeediyay, laakiin sharciga maaliyadda ee gaarka ah ee loogu talogalay buuxinta khasnadaha dowladda ay lacag la’aanta hayso, ayaa keeni kara kalfadhi aan caadi aheyn.

Hindise-sharciyeedka oo ay dowladdu ku dooday inuu yahay tallaabo lagama maarmaan ah oo lagu dhimayo ku-tiirsanaanta daynta ayaa dhalleeceyn xooggan kala kulmay siyaasiyiinta, Kenyan-ka shaqeeya iyo kooxaha ganacsiga.

Waxa uu soo jeedinayaa tiro cashuur kordhin ah oo la filayo in lagu soo rogo adeegyada maaliyadeed, wax soo-saarka iyo qaybaha ganacsiga.

Qodobada ugu muranka badan waxaa ka mid ah; billaabista canshuurta gaadiidka oo laga dhigayo 2.5% qiimaha baabuurka, iyo dib u billaabida canshuurta rootiga.

Dadka kasoo horjeeda ayaa ka digay in tillaabooyinka cusub ay culeyska ku sii kordhin doonaan dadka markii horeba la halgamayay sidii ay nolol maalmeedkooda u dabooli lahaayeen xilli qiimaha nolosha uu aad sare ugu kacay.

Kor u qaadis canshuur oo sidoo kale la sameeyey sanadkii hore ayaa horseeday mudaaharaadyo dhowr ah oo ay ku baaqeen mucaaradka kuwaas oo mararka qaar isu bedelay isku dhacyo lagu dhintay oo waddooyinka ku dhex maray booliiska iyo dibad-baxayaasha.

Kenya waa mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha wanaagsan Bariga Afrika laakiin saddex meelood meel, 51.5 ka milyan ee qof ee dalka ku nool ayaa ku nool saboolnimo.

Sicir-bararka ayaa ahaa mid aad u sarreeya, oo ah heerkiisu ahaa 5.1 boqolkiiba bishii May, halka sicir-bararka cuntada iyo shidaalka uu gaaray 6.2 boqolkiiba iyo 7.8 boqolkiiba siday u kala horreeyaan, sida ku cad xogta Bankiga Dhexe.

Dawladdu waxay saadaalisay cel-celiska kobaca dhaqaalaha uu gaari doono 5.2 boqolkiiba inta u dhaxaysa 2024 iyo 2026.

Bankiga Adduunka ayaa warbixin uu soo saaray todobaadkii hore ku sheegay in kobaca wax-soo-saarka dhabta ah ee Kenya uu sannadkii hore sare u kacay 5.6 boqolkiiba, halka uu ka ahaa 4.9 boqolkiiba 2022.

DF iyo Hindiya oo go’aan ka gaaray arrin ay baahi weyn u qabeen dadka Soomaaliyeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka dowladda Hindiya u qaabilsan Soomaaliya.

Safiirka Hindiya Namgya Choden Khampa ayaa wasiirka kala hadashay sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya.

Sidoo kale, kulankaan oo ka dhacay xafiiska Wasiir Fiqi ayaa lagu gorfeeyey fursadaha lagu ballaari karo iskaashiga wadajirka ah ee labada dal oo ku kala yaalla qaaradaha Afrika iyo Aasiya.

Safiirka Hindiya ayaa Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya u sheegtay in ay ka go’an tahay fududeynta codsiga dal ku galka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan inay caafimaad u aadaan Hindiya.

“Waa naga go’antahay inaan hubino in ay Soomaalidu si degdeg ah u heli karaan fiisaha, iyada oo aysan jirin cid kale oo na dhexdhexaadi doonta,” ayey tiri Namgya Choden safiirka Hindiya u joogta Soomaaliya.

Hindiya ayaa safka hore uga jirta dalalka ay dadka Soomaaliyeed u aadaan caafimaadka, hadana dhibaato weyn ayaa lagu qabaa sidii qof Soomaali ah uu Hindiya ku tegi lahaa.

Inta badan Soomaalida u socota Hindiya waxay aadaa Addis Ababa – Itoobiya, halkaas ka jartaan fiidaha ama dal ku galka Hindiya, dad badan ayaa cabasho ka muujiyey wareegaas dheer, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ka dalbaday in safarada Hindiya la fududeeyo.

Hadda waxaa xaaladda sii adkeysay arrinta Itoobiya iyo Soomaaliya oo dagaal culus oo diblomaasiyadeed uu ka dhex qarxay, dadka Soomaaliyeed waa ku sii dhibtoodeen helidda dal ku galka Hindiya, balse hadda waxaa muuqata in dowladda garowsatay inay raadiso xal deg deg.

Muran dhanka xududda ah oo ka dhex qarxay Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta

Riyadh (Caasimada Online) – Muranka dhanka xuduudda ah ee u dhexeeya dalalka Sucuudiga iyo Imaaraatka Carabta, oo imika gaaray miiska Qaramada Midoobay, ayaa iftiimiyay wax lagu tilmaami karo “xifaaltan qarsoon” ama “muran ku saabsan hoggaanka gobolka” oo u dhexeeya labada waddan ee deriska ah ee Khaliijka tobankii sano ee la soo dhaafay.

Sida ku cad qoraallada iyo warqadaha loo diray Qaramada Midoobay ee labada dal waxaa muuqata in farqiga u dhexeeya labada dhinac iyo muranka soohdinta uu sii kordhay, waxana laga yaabaa in ay jiraan khilaafyo kale, taas oo keentay in la wajaho Qaramada Midoobay iyada oo ujeedadu tahay in la isku dayo “in la caddeeyo xuquuqaha madaxbannaanida, caalami ahaan,” sida ay qabaan falanqeeyayaasha.

Inkastoo khilaafkan iyo arrimo kale oo la xiriira khilaafka Sucuudiga iyo Imaaraatka, haddana dadka wax indha indheeya ayaa aaminsan inay weli jirto fursad wanaagsan oo lagu soo afjari karo farqigaas, xataa si ku meel gaar ah, iyadoo la og yahay inay jiraan dano guud oo ka miisaan culus qodobbada ay isku maandhaafsan yihiin labada dhinac.

Si dhif iyo naadir ah ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay, muranka xuduudda Sacuudiga iyo Imaaraatka ee ku aadan deegaanka “Al Yasat” uu u soo shaac baxay kadib warqad ay dowladda Sacuudiga u dirtay 18-kii bishii March Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay taa oo ku saabsaneed ku dhawaaqista Imaaraatka Carabta. “Al Yasat” oo ah meel Imaaraatka laga ilaaliyo baddeeda.

Waraaqadan, ayaa Riyad waxay ku tilmaamtay in ku dhawaaqista Imaaraadka ay ka soo horjeedo shuruucda caalamiga ah iyo in aanay tixgelin ama aqoonsanayn wax kasta oo sharci ah oo ay ku yeelanayso goobtaasi.

Imaaraatka Carabta ayaa fariin cad kaga jawaabtay 16-kii May in “Al Yasat” ay ku taallo dhul badeedkeeda.

Muranka ma waxaa uu ku kooban yahay xuduudda mise arrimo kale ayaa jira?

Warbixinnada ay qorayeen wargeysyada aan ahayn kuwa Carabta ayaa muddo dheer ka hadlayay waxa ay ugu yeereen “saaxiibka-cadowga”, taas oo ah, in Imaraadka iyo Sacuudiga, iyo tartanka juqraafiyeed iyo loolanka awoodeed ee u dhexeeya.

Abdullah Baaboud, oo madax ka ah xarunta cilmibaarista Malcolm Kerr-Carnegie ee Bariga Dhexe, ayaa sheegay in ay jiraan murano badan oo dhanka xuduudaha ah oo u dhexeeya dawladaha Khaliijka, sababtoo ah xuduudaha qaar ayaan si cad loo kala saarin, mararka qaarkoodna khilaafyadani waxay soo baxaan, gaar ahaan marka ay jiraan khilaafyo kale oo qarsoon.

Baaboud waxa uu intaa ku daray in khilaafkii dhawaan dhacay aan la eegi karin xaaladiisa guud, maadaama ay jiraan kala duwanaansho qarsoon oo u dhexeeya Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Kala duwanaashiyahan ayuu khabiirka sheegay inay la xiriiran tartan dhaqaale oo gaar ah, maadaama Sacuudiga uu isku dayayo, iyadoo loo marayo Hiigsiga 2030-ka inuu noqdo dalka ugu muhiimsan gobolka, wuxuuna isku dayayaa inuu noqdo xarunta dhaqaalaha adduunka, halka Imaaradka gaar ahaan Dubai loo arko inay u tartamayso isla meeqaamkan.

Baaboud waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dal oo ay ka mid tahay arrinta Yemen oo ay ku kala gadisan yihiin hadafka iyo taageerada ciidamada maxalliga ah, Afgaanistaan iyo loolanka saamaynta ay ku leeyihiin dalalka Geeska Afrika, Bariga Afrika iyo waliba wadamada Waqooyiga Afrika.

Cilmi-baarahan ayaa sidoo kale intaa ku daray in sidoo kale ay jiraan kala duwanaansho gudaha wadamada soo saara shidaalka ee OPEC ah, iyada oo Imaaraadku ay isku dayayaan inay muujiyaan awoodda ay ku leeyihiin gobolka, halka Sacuudi Carabiya ay sidoo kale leedahay istiraatijiyad u gaar ah.”

Mustaqbalka khilaafka iyo saamayntiisa

In kasta oo qaarkood ay isku dayayaan in ay yareeyaan saamaynta muranka soohdinta badda ee u dhexeeya Sucuudiga iyo Imaaraadku ku yeelanayo xiriirka labada dal, kuna qanacsan yihiin in ay u arkaan “farqi yar oo u dhaxeeya” oo uusan ahayn “khilaaf,” ayaa Professor Fawaz Girgis, oo Xiriirka Caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda London, waxa uu aaminsan yahay in qaabka Sucuudigu arrintan ugu gudbiyay Qaramada Midoobay “ay muujinayso baaxadda farqiga u dhexeeya labada dal, iyo awood la’aanta labada waddan inay xaliyaan murankan soohdinta badda.

Waxa kale oo ay tilmaamaysaa in xiriirkii dhowaa ee ka dhexeeyay aanu sidii hore u sii adkayn.

Girgis waxa uu intaa ku daray in xiriirka labada dal uu marayo meel mugdi ah, waxaanu aaminsan yahay in xiisadan ka dhalatay xiriirka labada dal aanay midna dan u ahayn, isla markaana ay saamayn ku yeelan doonto golaha iskaashiga Khaliijka, marka la eego baaxadda arrintan.

Sacuudiga iyo Imaaraadka Waxay ayaa waxay laf-dhabar u yihiin Golaha Khaliijka, sidaas darteed xiisadda xiriirka waxay horseedi doontaa nooc kala duwanaansho, wuxuuna khilaafakan sidoo kale sababi karaa in golahaasi ay Awoodi waayaan inuu dhaqaajiyo faylalka muhiimka ah.

Marka laga soo tago Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka, Golaha Iskaashiga Khaliijka waxaa ka mid ah Cumaan, Kuwait, Bahrain iyo Qatar, waana gole la aasaasay saddex iyo afartan sano ka hor, xaruntiisuna tahay Sacuudi Carabiya.

Muxuu sharciga ka leeyahay Yasat?

Sharci ahaan, uma taallo Qaramada Midoobay inay go’aan ka gaarto soohdinta iyo kala soocidda xudduudaha, balse waa arrin ay tahay in dalalku si laba geesood ah u xalliyaan.

Ku xigeenka afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Farhan Haq, wuxuu yiri: “Ma hayno hadda wax faallo ah oo faahfaahsan oo aanu ka bixinno, waxaan si fudud u dhiirigelinaynaa dhammaan dadaallada ay dalalku sameeyeen si caadi looga dhigo xiriirkooda laba geesoodka ah.”

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Isbeddelka Cimilada iyo Deegaanka ee Imaaraatka, aagga badda ee “Al Yasat” waxaa ku jira jasiirado badan oo leh biyaha ku hareeraysan, waxayna ku taallaa koonfur-galbeed ee Abu Dhabi, oo ku taal xeebta kala qaybisa Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka.

Taariikhda muranka xuduudka

Muranka soohdinta ee Sucuudiga iyo Imaaraadku waxa uu soo billowday sannadkii 1974-kii, markaas oo ay labada waddan kala saxiixdeen heshiis ay ku xallinayaan khilaafaadkooda xuduudeed ee loo yaqaanno heshiiskii Jiddah, kaas oo Sucuudigu ka tanaasulay sheegashadiisa qayb ka mid ah meel Saliida Qani ku ah ee loo yaqaano Buraimi Oasis.

Xuduudaha saliidda qaniga ku ah ee u dhexeeya labada dal, sida Jaziiradda Al-Huwaisat, halka Imaaraadku uu ka tanaasulay boqolkiiba 80 ceelka shidaalka ee Shaybah, iyo 50 kiiloomitir oo xeebta ah.

Sida uu dhigayo heshiiskaas, Sacuudiga wuxuu sidoo kale u aqoonsaday Imaaraadka inuu yahay dowlad madax-bannaan, tanina waxay ahayd bilowgii wejigiisii aasaaska.

Cabdul Khaleq Cabdullah, oo ah borofeesar cilmiga siyaasadda ka dhiga Imaaraadka, ayaa u sheegay in heshiiska lagu saxiixay si degdeg ah iyo duruufo adag oo dhanka hay’adaha ah, lagana yaabo in duruufahaas ay ku kaliftay in Imaaraadku saxiixdo iyada oo aan xisaabta ku dareynin tafaasiil badan oo muhiim ah.

Waxa uu intaa ku daray in isaga oo ka duulaya xogtan, Abu Dubi ay bilaabeen in ay dib u eegis ku sameeyo Riyadh si wax looga bedelo qaar ka mid ah qodobbada heshiiska, balse sacuudiga ay diidan yhiin.

Heshiiskii 1974 kii ma baabi’in xurguftii labada dal, taasoo gaartay heer ay Imaaraadku qaadacaan shirkii wasiiradda arrimaha dibadda iyo shidaalka khaliijka 1999-kii ee ka dhacay Sacuudi Carabiya, iyagoo ka soo horjeeday furitaanka goob shidaal oo ku taal gobolka Shaybah iyo ku guuldareysiga inay ku lug yeelato Abu Dhabi ka faa’iidaysiga dakhliga goobtaas.

Xiisadda ayaa sii xumaanaysay sannadihii xigay, waxayna gaartay meeshii ugu sarreysay sannadkii 2010-kii, markaasoo Imaaraadku ku eedeeyay Sacuudiga inay ku xad-gudbeen ilaalada badda ee ay ku sugan yihiin dhul-badeedkiisa, waxayna arrintu gaartay heer ay xabbado digniin ah ku riddo.

Sannadkii 2004-tii, Imaaraadku wuxuu hoggaanka Sucuudiga la soo qaaday arrinta wax ka beddelka heshiiska xuduudka, iyagoo u arkayay inay “caddaalad-darro ku tahay arrintaas,” illaa uu Madaxweynihii hore ee Imaaraadka, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, soo saaray wareegto sannadkii 2005-tii uu ku sheegayo markii ugu horeysay in “Al Yasat” ay Imaaraadka ka tirsan tahay.

Sida laga soo xigtay falanqeeyaha siyaasadda iyo lataliyaha xarunta warbaahinta iyo daraasaadka Carabta, Abdulaziz bin Razen, ma jiro khilaaf dhab ah oo u dhexeeya labada waddan, laakiin taa beddelkeeda waxaa jiri kara farqi ama kala duwanaansho xagga aragtida ah. Waxa uu sheegay in arrinta “Al-Yasat” la soo afjaray, lahaanshiyaheedana ay ku soo laabatay Sacuudiga sida uu qabo heshiiskii 1974 oo lagu qoray khariidadaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay.

Bin Razen waxa uu intaa ku daray in wareegtada Imaaraadku soo saartay 2019 ay ka hor imanayso heshiiskaas, sidaas darteedna aanay Boqortooyadu aqbali karin in heshiiskan hal dhinac laga beddelo maadaama uu dhacay.

Balse dhanka kale waxa uu rumeysan yahay in aysan saameyn xun ku yeelan doonin xiriirka labada dal.

Isha: BBC

Daawo: Muxuu Cali Wajiis ka yiri arrinta qubuuraha iyo warka laga sheegay Farmaajo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis oo ayaa si faahfaahsan uga hadlay arrinta qabuuraha Iskuul Buluusiya, isagoo si weyn u difaacay go’aanka dowladda, tusaaleyn dhanka diiniga ahna ka bixiyey qodobada uu ku difaacayo go’aanka qabuuraha looga rarayo dhulkaas.

Sidoo kale Sheekh Cali Wajiis ayaa shaaciyey in xilligii dowladii Farmaajo, ay mar sidaan oo kale isugu dayeen maamulkii gobolka Banaadir, gaar ahaan in qabuurahaas lasoo fago oo laga saaro dhulkaas, balse ay ka diideen, maadaama la sii rabay shakhsiyaad gaar ah.

Waxa uu si gaar ah u xaqiijiyey in Farmaajo iyo ra’iisul wasaareyaashiisa aanay dalban, balse arrintaas uu soo jeediyey guddoomiyihii gobolka Injineer Yariisow.

Hadda oo dowladda Xasan Sheekh ay go’aankaan la qaateen iyo xiligii Farmaajo oo ay ka diideen wuxuu sheegay Sheekh Cali Wajiis inuu jiray kala duwanaasho, maadaama dowladda Xasan Sheekh ay dhulkaas uga faa’iideysaneyso, si dan-guud ah, halka dowladii Farmaajo ay ka kirey rabtay shakhsiyaad ganacsato ah.

Shiikha oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal ayaa sidoo kale sheegay in xiligii Farmaajo ay mar kale dowladda ka diideen in dadka ku shaqeysta laga saaro dhul u badan hoteelo uu ku jiro Hotel Afrik oo dowladda u jireysan.

“Guddoomiye Injineer Yariisow ayaa noo keenay liis dheer oo qiyaastii 30 ah, kuwaas oo u kireysan dowladda oo Hotel Afrik uu ku jiro, waxaan R/Wasaare Kheyre ku dhahnay dhulkaan hadii dadka ku shaqeysta laga saaro dan-guud maka hirgelinee? Wuxuu yiri maya, ka leexo ayaan dhahnay dadka degan ayaa u xaq leh oo sanado badan laga kireeyee, waana naga aqbalay,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Sidoo kale Sheekh Cali ayaa sheegay in xiligaas ay dowladii Farmaajo ka aqbashay culimada is hortaagii ay ku sameeyeen go’aanka lagu fagi lahaa qabuuraha iskuul Buluusiya, balse hadda dowladda Xasan Sheekh ay halkaas ka fulineyso qorshe danguud ah oo dhulkaas la dejinayo in ciidanka ilaalada xeebaha dalka oo baahi weyn loo qabo.

Sheekh Cali Wajiis waxaa la weydiiyey waxa  la gudboon culimada, hadii dhulkaas laga dhigo dhul ganacsi oo shakhsiyaad la siiyo, isagoo sheegay markaas ay ka hor imaa doonaan dadkana u cadey doonaan in balantii ay uga baxday dowladdu, balse hadda qorshaha loo sheegay oo dowladda ay ku raaceen uu yahay in dhulkaas hanaan danguud ah loo isticmaalo.

Wuxuu intaas ku sii daray, in diinta islaamka aysan baneyn in dangaar ah loo isticmaalo dhul danguud ah, inta laga saaro dadkii ku xabaalaa, sidoo kale wuxuu faahfaahin dheer ka bixiyey marka la ogolyahay in meyd laga saaro meel ee meel kale lagu aaso, isagoo ka bixiyey tusaalooyin waaweyn oo ku qanciyey in culimadu ay go’aankaas la qaadayo dowladda.

Hoos ka daawo

 

Maxay ka wada-hadleen XASAN iyo Amiirka QATAR?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xiriir dhanka khadka taleefoonka ah la sameeyey Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, ayaga oo ka wada-hadlay arrimo ku aadan horumarinta xiriirka labada waddan.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale wada-hadalkooda ku soo qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee diblumaasiyadda iyo arrimaha gobolka ee geeska Afrika.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qadka taleefoonka wadahadal miro dhal ah kula qaatay Amiirka Dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, waxayna labada masuul diiradda saareen xoojinta iskaashiga labada dal”.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiir Tamiim ayaa isla gartay dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya, kuwaas oo lagu tageerayo dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliya.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, kaas oo sii xoogeystay kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee 15-kii May ee 2022.

Wadahadallada  dhex-maray Soomaaliya iyo Qatar ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay dowladda federaalka ay wadday dadaallo ay ku hormarineyso siyaasaddeeda arrimaha dibadda, gaar ahaan xoojinta dhanka diblumaasiyadda.

Si kastaba, xiriirka labada dal ayaa weli ah mid aad u sarreeya, waxaana haatan Qatar mashaariicyo waa wayn ay ka fulisaa gudaha dalka, sida dhismayaasha waddooyinka.

Fal-celin culus oo ka dhalatay jawaabta Villa Somalia ay ka bixisay baaqyadii loo diray

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa iska dhago tirtay baaqyaddii u dambeeyay ee madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka u jeediyeen, kaasi oo la xiriira xaaladda ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya, kadib markii kasoo baxay dowladda.

Agaasimaha Madaxtooyadda oo u jawaabay qaar kamid ah madaxdii hore iyo siyaasiyiinta u jeedisay in deg deg looga laabto arrinta Iskuul Buluusiya ayaa ugu jawaabay qoraal ay ka dhalatay fal-celin xooggan, kaasi oo uu ku weeraray kooxda madaxweyne Farmaajo ee Nabad iyo Nolol iyo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

“Siyaasiga kabahooda ku aasay meydka askar Soomaaliyeed oo uu xaqdaro ku laayay islamarkaana qabriyadooda ilaa maanta aysan ehelkoodu aqoon meesha ay ku yaalaan, mayahay qofkii dhihi lahaa “Waxaan aad uga damqanayaa, jirkeyguna la jiriricoonaya,” ayuu yiri agaasime Dige.

“Ma waxaa xurmada qabuuraha ka hadli kara siyaasiga askari Soomaaliyeed oo nool gacanta u galiyey cadawga maanta baddeena doonaya?. Siyaasiga baddii uu muranka geliyay la soo celiyay miyaa garan kara muhiimadda ay Qaranka u leedahay dhismaha xarunta ciidamada badda Soomaaliyeed?.”

Dadka qaar ka fal-celiyay qoraalka jawaabta ee uu soo saaray agaasime Dige ayaa tilmaamay in laga wanaagsanaa in Madaxtooyadda ay sidaan uga jawaabto baaqyaddii ka dhashay go’aanka fajicisada ku noqday bulshada Soomaaliyeed ee ahaa “in dowladda u baahan tahay dhul ay ku aasan yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, ayna tahay in looga saaro maydadka muddo 10 cisho ah.”

Haddaba, sidee looga fal-celiyay?

Xasan Boss: “Sidii la idinku aamini lahaa ayaa dhib ka taagan yahay. Dhul Airport dhiniciisa ku yaalla ayaa hadda ka hor sidaan oo kale loo sheegay in xero ciidan laga dhisayo kadibna siyaasiyiin ayaaba qeybsaday oo laga gaday.”

Maxamed Axmed ayaa isna waxa uu yiri “Agaasime, hadalka siyaasiyiinta soo dhaafa, hoos usoo daadaga, arrinta qaabka loo maareeyay aad bay u fool xuntahey, dadku waxay idinku xukumayaan waa ficilladiina & go’aannadiina ee ma ahan hadal siyaasi kale.”

“Dowladda dhul kale oo cidanka lagu tababaro miyey weyday markii la dhahayo qabuuraha hala soo faago mise qadaraas ayaa halka niga kalay,” ayuu yiri Ilyaas Muxiyadiin.

“Waad asiibtay agaasime,” ayuu yiri Maxamuud Maxamed Cabdulle.

Sakariye Maxamed Isticmaar: “Wax uun damiir ah haddii aad leedahay way ku dhibi lahayd wixii shalay ka dhacay qabuuraha Iskool Boolisiyo. Dowlada dhul ma waayin waliba daafaha magaalada ayay ka sameysan kartaa xero ciidan oo waliba amniga Muqdisho ka qeyb qaadata. Waxa kaliya aan ka naxay waa in aad Sheekh Bashiir Salaad dabin dhex dhigteen.”

“Dowladdu inay dhulkeedi ceshato waa garanay ee mayd la canshuurayo naga dhaadhiciya sida ay ku dhacday,” ayuu yiri Maxamuud Ducaale.

Axmed Cabdinuur “Warkuba waa intaas danqasho ka mahan ee waa dacaayadayn.”

“Agaasime dhulka ciidamada badda waa naqaan waa inyar oo dhanka qorax u dhac ka xigta qabuuraha ee umadda yaan been loo sheegin, dhulkaas waa lakala tuurtay inta badan dowladdii Farmaajo ayaa la isku wada qoray kaliya waxa dhiman in la rabo in ganacsatada laga iibiyo,” ayuu yiri Cabdifataax Cusmaan Xirsi.

Cali Cusmaan Xaaji ayaa isna sidoo kale waxa uu yiri “Warku waa dhan yahay.”

Sawirro: QOOR QOOR oo heshiis 3 qodob ah dhex-dhigay beelihii is laayey

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Heshiis ka kooban 3 qodob ayaa laga gaaray colaadkii dadka badan lagu laayey ee beelaha Dir iyo Mareexaan ku dhex martay waqooyiga gobolka Galgaduud, waxaana ku baxay madaxda ugu sareysa Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo hoggaaminaya wafdi culus oo maamulkiisa ka tirsan ayaa gaaray deegaanadii lagu dagaalamay maalmihii lasoo dhaafay ee u dhaxeeya Caabudwaaq iyo Xeraale.

Madaxweyne Qoor Qoor oo halkaas ka furay gogol nabadeed ayaa la kulmay odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac, isagoo kala hadlay sida ay muhiim ugu tahay in ay gaaraan xal deg deg ah iyo nabad waarta oo labada dhinac dhex marta.

Isla maanta waxaa la gaaray heshiis bilow u ah gogosha, kaas oo ka kooban 3-qodob oo kala ah:

1: In xabbad joojinta la is la qaatay, sidoo kalana lala shaqeeyo ciidammada amniga.

2: In la kala qaado maleeshiyaadka.

3: Iyo in dhinacyadu usoo diyaar garoobaan gogol nabadeed oo caasimadda Dhuusamareeb la dhigay.

Dadka ku geeriyooday dagaal maalmo kooban ka socday deegaanada u dhaxeeya Xeraale iyo Caabudwaaq waxaa ku geeriyootay ku dhowaad 100 qof oo labada dhinac ah, waxaana ku dhaawacmay dad intaas ka badan.

Deegaano ayey kala qabsadeen labada beelood, waxaana adkaatay in la kala dhexgalo, waxayna dileen askar boolis ah oo lagu amray inay dagaalka joojiyaan oo beelaha kala dhexgalaan.

 

Arrin cabsi leh oo ka soo korortay ‘dib usoo faagista’ qabuuraha Iskuul Buluusiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa-soo tareysa cabsida caafimaad ee laga muujinayo soo faagista maydadka ku aasan qabuuraha Iskuul Buluusiyo, kadib amarkii dowladda ay 10 cisho gudahood ugu qabatay dadka eheladooda ku aasan yihiin inay kula baxaan.

Yuusuf Garaad oo qoraal kasoo saaray arrinkaan ayaa sheegay inay sareyso khatarta caafimaad ee ka dhalan karta tallaabadan, maadaama dadka qaarkii ee halkaasi ku aasan ay u dhinteen Covid iyo cudurro kale oo halis ah.

“Dadka godadka fagaya, kuwo dul dhooban ee murugeysan, kuwa daawanaya ee aan shalay arkay iyo ciidanka dul tuban ma jirtaa cid hubin karta in aanay cudurro ka qaadin qabuuraha marka la faago?,” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Sidoo kale waxa uu muujiyay sida uu uga xun yahay go’aanka dowladda, waxa uuna yiri “Waan ka murugooday xaaladda ka taagan qabuuraha Scuola Polizia. Dhan kasta marka aan ka eegay waxay iigu muuqata go’aan aan aad looga fiirsan.”

Waxa uu intaas kusii daray “In ehelka meytada laga xishoon waayo, lagana horkeeno Dowladda, ma aha talo u adeegeysa danta dadka iyo Dowladda toona. Ma aha in sas la qaadsiiyo agoon iyo rajo waalidkood ku aasan yahay qabuurahaas.”

Hoos ka aqriso qoraalka Yuusuf Garaad

Waan ka murugooday xaaladda ka taagan qabuuraha Scuola Polizia. Dhan kasta marka aan ka eegay waxay iigu muuqata go’aan aan aad looga fiirsan.

Marka hore, qabuuro waa la kor degaa, laakiin waa marka sannado hore dadka lagu aasi jiray.

Qabuuro weli la adeegsado, murugadii geerida dadka ku aasan aan weli ehelkoodu ka soo kaban, ma ahan in logo yeero in ay soo fagaan meydka.

Marka labaad, meyd in la aaso waxaa ka dhib badan oo ka culus in la soo saaro lafahiisa oo dhammaystiran iyo haddii xubnihiisa kale ay wax ka hareen.

Waxay u baahan tahay farsamo iyo aqoon u gaar ah. Qofka qodayaa ma og yahay in 206 lafood ay ku jiraan jirka aadanaha? Mise og yahay sida ay u eg yihiin iyo sida uu u raadin karo?

Midda kale, dadka qaarkii waxay u dhinteen Covid iyo cudurro kale oo halis ah. Dadka godadka fagaya, kuwo dul dhooban ee murugeysan, kuwa daawanaya ee aan shalay arkay iyo ciidanka dul tuban ma jirtaa cid hubin karta in aanay cudurro ka qaadin qabuuraha marka la faago?

Muqdisho dhul Dowladeed kuma yara. Hore ayaan ugu nooleyn caasimad laga waayay beer lagu nasto, bannaan lagu lugeeyo iyo Xeeb munaasib ah oo dhismayaashu ka fog yihiin oo nadiif ah oo lagu dabaasho, lagu nasto, lagu fekero ama lagu istareexo.

In ehelka meytada laga xishoon waayo, lagana horkeeno Dowladda, ma aha talo u adeegeysa danta dadka iyo Dowladda toona.Ma aha in sas la qaadsiiyo agoon iyo rajo waalidkood ku aasan yahay qabuurahaas.

Ugu dambeyn, Soomaaliya ma aha Xamar oo keliya. Maxaa qasab ka dhigay in dhul kasta oo Federaalku u baahdo, laga doondoono Xamar gudahihiisa?

Maskaxdu ha shaqeyso, shacabkana yaan lagu dhiirran ee ha la xaqdhowro.

Ninkii Fahad ku soo oogay dacwaddii uu Farmaajo ka carooday oo xil loo dhiibay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu Jeneraal Cabdalla Cabdalla Maxamed u magacaabay Taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Ninkan oo beddelaya Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed, ayaa horey usoo noqday taliye ku-xigeenka hay’adda NISA, ayada oo shaqada laga eryay waqtigii dowladdii madaxweyne Farmaajo.

Cabdalla Cabdalla ayaa waxaa lagu xasuusta inuu shaqadiisa ku waayay dacwad uu xilligaasi ka gudbiyay Fahad Yaasiin, isaggoo sheegay inuu Fahad la shaqeeyo kooxaha argagixisada, uuna cadeymo hayo.

Madaxweyne Farmaajo oo markaasi ka carooday dacwadda uu Cabdalla Cabdalla ka gudbiyay Fahad ayaa xilligaasi ka qaaday xilkii iyo weliba darajaddii ciidannimada.

Ninkan oo dib u helay darajadiisi ciidannimo kadib dib usoo laabashadii madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa waxaa hadda loo magacaabay taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka ilaaladda gaarka ah.

Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa dhankeeda xaqiijisay in xilkii laga qaaday, uuna beddelay Jeneraal Cabdalla Cabdalla, iyadoo qoraal ay soo saartay ciwaan uga dhigtay “Xilku waa meerto Difaaca qaranka waa joogto.”

“Adeerkeey Gen Abdalla Abdalla Maxamed waxaa leeyahay soo dhawoow, dhaqsana ku soo laabo aan xilka kugu wareejiyee!,” ayey Jeneraal Zakiya ku tiri qoraalka ay ku shaacisay in Cabdalla Cabdalla lagu beddelay.

Cabdalla ayaa madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dib ugu soo celiyay dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka kadib digreeto kasoo baxday 30-kii Ogoosto 2022.

Xizbullah oo weerar culus maanta ku qaaday ISRAEL kadib dilka taliye sare

Beirut (Caasimada Online) – Kooxda Xizbullah ee ka dagaalanta dalka Lubnaan ayaa gantaalo is xigxigay ku garaacday waqooyiga Israa’iil Arbacada, ka dib markii Israa’iil ay duqeyn cirka ah ku dishay taliye sare oo ka tirsan oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan maalin ka hor.

Xizbullah ayaa si maalinle ah waxa gantaallo ka gudba xuduudda isku weydaarsanayeen Israa’iil tan iyo markii ay xulafadooda Falastiin ee Xamaas ay weerar ku qaadeen koonfurta Israa’iil 7-dii October, taasi oo dhalisay dagaalka ka socda Gaza.

Is-dhaafsiga gantaallada ayaa kordhay toddobaadyadii tegay, ayada oo Xizbullah ay sare u qaaday adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha la socon, si ay u weerarto xarumaha militariga Israel, halka Israa’iil ay ku jawaabtay weerar beegsi oo ka dhan ah kooxda.

Xizbullah ayaa sheegtay in ay “tobanaan gantaalaha Katyusha ah” ku garaacday saddex saldhig iyo xero ku taalla waqooyiga Israa’iil.

Kooxdan ay Iiraan taageerto ayaa sheegtay inay gantaallo la hagayey ku garaaday “warshad militari” ayada oo “ka jawaabeysa dilka ay fuliyeen cadowga Sahyuuniyadda.”

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in; in ka badan 150 “gantaal” looga soo weeraray koonfurta Lubnaan, kuwaas oo ka koobnaa saddex duqeymo oo xiriir ah.

“Waqti yar ka hor, ku dhawaad 90 madfac ayaa la aqoonsaday iyagoo ka soo gudbaya Lubnaan,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay ciidamada Israa’iil, oo intaas ku daray in dhowr laga qabtay hawada, balse kuwa kale ay ku dhaceen gudaha Israa’iil, ayna dhaliyeen dab ka kacay qeybo ka mid ah waqooyiga.

Duqeymihii hore ayaa waxaa xigay wareeg labaad oo duqeymo ah oo ka koobaa 70 gantaal, iyo wareeg saddexaad oo ahaa 10 gantaal.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ayaga oo ka jawaabaya ay beegsadeen goob gantaallada laga soo tuuro oo ku taalla koonfurta Lubnaan, iyo “afar xarumo argagixiso oo horey weerar gantaallo looga soo qaaday waqooyiga Israa’iil.

Weeraadan ayaa imanaya kadib markii duqeyn ay fuliyeen ciidamada Israa’iil lagu dilay taliye sare oo ka tirsan Xizbullah Talaadadii.

Kooxda Xizbullah ayaa magaca taliyaha ku sheegtay Taleb Sami Abdallah, oo sidoo kale loo yaqaan Abu Taleb, kaasi oo dhashay1969-kii.

Waxaa lala dilay saddex saaxiibadiis ahaa oo ka tirsanaa Xizbullah, weerar ay Israa’iil ku qaadday Jouaiyya, oo 15 kilometer u jirta xudduudda, sida ilo-wareedyo ku dhow kooxda ay u sheegeen AFP.

Ilo-wareedyo ka tirsan militariga Lubnaan ayaa sheegay in taliyaha uu ahaa “kii ugu muhiimsanaa ee Xizbullah lagu dilo ilaa hadda tan iyo markii uu dagaalka bilowday”.