26.9 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Sawirro: Taliyaha NISA oo gaaray Maxaas + Ujeedka

0

Matabaan (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA, Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Sanbaloolshe ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya xildhibaanno iyo siyaasiin ay kamid yihiin madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha ciidamada deegaanka Cali Jeyte Cismaan, xildhibaan Cabdiraxmaan Gurey iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax.

Mas’uuliyiintan waxa ay marka ay tageen magaalada kusoo dhaweeyay maamulka demada Maxaas mas’uuliin kala duwan saraakiil ciidan iyo boqolaal dadweyne ah.

Ujeedka taliyaha NISA iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ah dhameestirka shirweynaha mid kamid ah beelaha degan gobolka Hiiran oo ka socdey degmada Maxaas, isla markaana uu go-gosha shirka uu dhigay Taliye Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Gogoshaas nabadeed oo uu taliyaha horay ugu dhigay jifadiisa hoose ee Cali Madaxweyne ee beesha Xawaadle ayaa lagu macneeyay mid aayo ka tashi ah oo ay ku sameysanayaan hoggaamiye dhaqameed ay isku raacsan yihiin.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in markii hore beeshaan uu Nabadoon u ahaa Cilmi Hagar Guure oo lagu dilay dagaaladii Al-Shabaab iyo beesha Xawaadle ku dhexmaray gobolka Hiiraan.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray  in jufadiisa Cali Madaxweyne ay talo iyo towfiiq lahaayeen markii ay galeen dagaalkii Al-Shabaab, balse hadda aysan jirin wax talo ah.

Hiiraan ayaa ah halka uu ka billowday kacdoonka dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab, kaas oo haatan ku fiday qaybo badan oo kamid ah dalka.

Wasiir Jaamac oo eedeyn yaab leh u jeediyay Farmaajo iyo kooxda NN oo afka furatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladdii hore ee uu hoggaaminayay madaxweyne Farmaajo.

Jaamac oo ka hadlayay xaaladda ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya oo ay dowladdu amartay in lagala baxo maydadka ayaa sheegay in hadda laga rabo in laga dhiso xarun dan guud ah oo loogu adeegayo Ummadda Soomaaliyeed, sida uu ku dooday wasiirka.

Isaga oo u jawaabayay siyaasiyiinta qaylo dhaanta ka muujiyay arrintan ayaa waxa u sheegay in dowladdii hore ay isku deyday inay burburiso qabuurahaasi, iyada oo ka leh dano gaar ah, balse laga diiday, kadib markii ay ka horyimaadeen culimada iyo shacabka.

“Dowladdii hore kuma kicin anaa beeninaayo, inta ay ku kacday ayay Private u aaday ayaa culimada ka hor istaagtay ciddii rabtana way soo baari kartaa” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa ku eedeeyay Farmaajo iyo kooxdiisa inay rabeen inay dhulkaasi ka dhisaan hoteelo balse ay ku fashilmeen, maadaama ay wadeen dano gaar ah.

“Xukuumaddii, xukuumaddan ka horreysay ee madaxweyne Farmaajo dalab ayay culimada Soomaaliyeed u gudbisay waxay codsadeen in culimada ay Ummadda Soomaaliyeed u sharraxdo, kadib culimada way wadiisay waxa meesha lagu qabanaayo waxa ay yiraahdeen hoteelo ka dhiseynaa iyo deegaan wayna diideen culimada,” ayuu sii raaciyay.

Intaasi kadib waxaa wasiir Jaamac usoo jawaabay afhayeenka Farmaajo oo sheegay in warka uu sheegay uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

“Warka uu sheegay Wasiirka Gaashaandhiggu waa mid aan sal iyo raad toonna lahayn oo laga leeyahay dano gurracan, waxayna ka tarjumaysaa sida dowladda hadda joogta ay u caadaysatay been abuurka iyo musuqmaasuqa xargaha goostay” ayuu yiri afhayeenku.

Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ah agaasimihii hore ee warfaafinta madaxtooyada, welina afhayeen u ah Farmaajo ayaa sheegay in dowladda hadda jirta lagu wareejiyay iyada oo la dhowray dhammaan dhulalka danta guud ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

“Ummadda Soomaaliyeed way ka dheregsan yihiin labada madaxweyne, midka ay caadada u tahay musuqmaasuq, wayna xusuustaan in Maxadweyne Farmaajo wareejiyey dhulkii danta guud iyada oo la dhawray iyo Madaxweynaha hadda xilka haya oo isaga oo aan sannad joogin xafiiska dhaxal wareejiyey inta badan dhulkii danta guud” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Haddii Eebbe idmo 24-ka saac ee soo socda ayaan ka bixin doonaa jawaab waafi ah warkan been abuurka ah ee ka soo yeeray Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh”.

Arrintan ayaa sii murjineysa xaaladda ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya oo qaylo dhaan wayn laga muujiyay, waxaana eheladu ay bilaabeen inay maydadkooda kala baxaan.

Xog: Askarigii Muqdisho ku toogtay saraakiisha Imaaraadka oo xog yaab leh laga helay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xog cusub laga helay marxaladihii uu soo maray askarigii weerarka toogashada ah ka geystay xerada ciidanka xoogga dalka ee Jeneraal Goordan oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Halkaas waxaa lagu laayey saraakiil Imaaraad ah, 3 sarkaal oo dhalatay dalka Imaaraadka Carabta iyo hal sarkaal oo u dhashay dalka Baxreyn ayaa ka mid ahaa saraakiishii iyo ciidamadii uu xerada Jeneraal Goordan ku laayey askarigaas.

Ninkaas waxaa lagu magacaabi jiray Mustaf Mukhtaar Aadan, inta uusan ku biirin ciidamada dowladda wuxuu ka shaqeysa jira suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, halkaas oo dagaal uu ku gulay.

Xogtaan waxay sheegeysaa in Mustaf uu daqar-weyn ka soo gaaray dagaalkii uu ku galay suuqa Bakaaraha oo uu ka shaqeysa jiray, wuxuu galay isbitaal, markii uu ka soo baxana wuxuu mag-dhow u raadsaday ehelka ninkii daqray, balse waxaba waa la sii diiday.

Intaas kadib wuxuu u dacwooday Khawaarijta Al-Shabaab oo qoyskii xoog uga qaaday dhiigii ninkaas, intaas kadibna wuxuu ka tegay suuqa Bakaaraha oo Dhar uu ku wareeji jiray, wuxuuna iska aaday gobolka Bakool.

Dhamaadkii 2022 ayuu magaalada Xudur ee gobolka Bakool uga soo biiray ciidanka xoogga dalka, waxaana lagu tababaray xerada Jeneraal Goordan ee Muqdisho, tababarkiisa oo wanaagsanaa waxay u fududeysay inuu ka mid noqdo unug qoryo la siiyey oo loo xil-saaray waardiyaha xerada.

Kooxda Al-Shabaab markii uu dhacay weerarkaasi waxay soo bandhigtay muuqaalka ay horay uga duubeen Mustaf oo ku hanjabaya inuu weerar geysa doono, inkastoo xiligaas uusan shaacin bartilmaameedkiisa.

Ilaa hadda lama ogaan goorta uu ninkaasi ku biiray kooxda, waxayna su’aalo ka taagan yihiin in markii hore ee Bakaaraha uu Dharka ku wareeji jiray uu ka tirsanaa Shabaab, in markii uu u dacwooday si ninkii dilay ay dhiigiisa uga qaadaan ay ku tashkiiliyeen inuu la shaqeeyo iyo in markii uu noqday askariga kadib uu ku biiray.

Sarkaalkii ugu sareeyey howlgalkii Imaaraadka ee koonfurta Soomaaliya G/Sare Maxamed Mubaarak ayaa ka mid ahaa saraakiishii uu laayey ninkaas, dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsatay inay si buuxda u faahfaahiso sidii uu u dhacay weerarkaas.

Xog: NISA oo xabsiga dhigtay timo-jarayaashii Kaaraan iyo arrin yaab leh oo loo haysto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay xiray oo albaabada isugu dhuftay xarumihii baalbayeeriyaasha ama Timaha lagu jara jiray ee ku yaalay qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Ciidamo ka tirsan NISA oo wata gaadiidka dagaalka ayaa xabsiga u taxaabay dhammaan timajarayaashii ay ugu tageen goobahooda shaqada.

Howlgalkaas waxa uu ka dhacay laga soo billaabo isgoyska Sanca ilaa Xaliimo Hiite ee degmada Kaaraan.

Qaar ka mid ah dadka ay arrintan samaaysay ayaa sheegay Caasimada Online u sheegay in aysan jirin sharraxaad ay ciidamadu ka siiyeen tallaabadan, isla markaana aysan garaneyn sababta loo xiray timajarayaashii ka shaqeynayey degmada Kaaraan.

Xogo ay Caasimada Online heshay ayaa sheegaya in lagu haysto qaabka ay tinta u jaraan, booliska Soomaaliya ayaa dhowaan sheegay inay dhalinyarada ka mamnuuci doonaan in si xun ay tinta u jartaan, balse askarta ayaaba u xiirta habka la dhaliilayo.

Hay’adda NISA, boos kuma laha canshuuraha, toosinta anshaxa guud iyo dhowridda kala dambaynta, waxayna ehellada dhalinyarada la xiray qabaa tabasho weyn, maadaama la iska xirtay rag u shaqo tegay nolol maalmeedkooda oo canshuur bixiyaal ah.

Waajibaadka NISA, waa inay dabagasho, soo qabato, oo haddii loo baahdana la dagaallanto nabad-diidka, sida Al-Shabaab iyo Daacish, waa marka ay joogto mukhabaaraadka gudaha, dibadana waa inay xooraan ka keento dowladaha cadowga ah ee doonaya inay carqaladeeyaan nabadda wadanka.

Wasiir Jaamac iyo James Swan oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa magaalada Muqdisho ku yeeashay kulan laba geesood ah.

Kulankaan ayaa waxay labada dhinac diirada ku saareen dagaalka kooxda Al-Shabaab, dhimista ciidamada howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS iyo dib u habeynta ammaanka.

Wasiirka Jaamac oo ergeyga uga warbixiyay horumarka baaxadda leh ee laga gaaray howl-galadda ciidamada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dalka kaga xoreynayaan Al-Shabaab ayaa dhanka kale tilmaamay muhiimada xilligan ay leedahay xoojinta taageerada UNSOM.

Amb. James Swan ayaa dhankiisa dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ku ammaanay sida naf hurnimada leh ee ay uga go’an tahay inay dalkooda ka xoreeyaan kooxaha argagixisada ah ee dhibaatada ku haya Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo uu maalmihii dambe waday James Swan, tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii loo soo magacaabay wakiilka QM ee Soomaaliya.

Swan ayaa horey xiriiro ula sameeyay madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaasi oo ay ka wada-hadleen isbeddeladii ugu dambeeyay ee dalka dhacay iyo sida looga shaqeyn karo horumarka Soomaaliya.

Wada-hadalladan ayaa qayb ka ahaa wada-tashiyo uu maalmahan James Swan la yeelanayo daneeyayaasha siyaasadda, si uu xog wareysto xaaladda guud ee dalka, sida lagu sheegay bayaan kal hore kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee loo yaqaano UNSOM.

Xilliga ay diyaarada Egypt Air billaabeyso duulimaadyda tooska ee Muqdisho-Qaahira

0

Qaahir Caasimada Online) – Shirkadda diyaarada Masar ee Egypt Air oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay inay bilaabeyso duulimaadyo ay ku imaaneyso magaalada Muqdisho ee caasimada dalka,  waxayna soo saartay wargelin ku aadan duulimaadyadeeda.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Twitterka ee shirkadda Egypt Air ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradahooda ay isaga kala gooshi doonaan Qaahira, Muqdisho iyo Jabuuti.

“War xiiso leh! Diyaaradda Egypt Air waxay bilaabaysaa khad cusub oo ay ku tagi doonto Jabuuti iyo Muqdisho. Soo ogow dhaqamada iyo muuqaalka meelahan cajiibka ah.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay shirkadda.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in duulimaadyadooda ayaa billaabanayaan wixii ka dambeeya 11-ka bisha July ee sanadkaan, ayna tagi doonaan Soomaaliya iyo Jabuuti.

Sida lagu sheegay qoraalka todobaad kasta laba maalmood ayay diyaaradahooda kasoo duuli doonaan Qaahira, iyaga soo gaarayo Muqdisho, kadibna kusii hakanaya Jabuuti.

“Laga bilaabo 11-ka July 2024, kasoo duul Qaahira Khamiis iyo Sabti kasta. Qaahira illaa Muqdisho oo ku sii hakanaya Jabuuti.” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Soomaaliya ayaa waxaa bilihii u dambeeyay kusoo xirmayay duulimaadyo caalami ah oo hadda yimaada Garoonka Aadan Cadde, kuna sii xira dalalka kale ee caalamka.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli diyaaradda Fly Dubai oo kamid aheyd diyaaradaha caalamiga ah ee yimaada Muqdisho ay ku dhowaaqday inay joojineyso duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Muqdisho wixii ka dambeeya 11-ka bishaan June oo shalay ku beegneyd.

Laba arrimood ayaa loo sababeeyay arrintaan, balse mid kamid ah labadaasi qodob waxaa ku hareeraysan waxyaabo daciifinaya. Labada qodob mid waa suuqa midna waa siyaasadda.

Maxaa ka socda qabuuraha Iskuul Booliisiya? – Qalbi taabad iyo qarracan

Waxaan maanta tagay qubuuraha Iskool Boliisiya oo aan u raacay nin saaxiibkey ah oo doonay meydka walaalkiis oo ku dhintay qaraxii Tiyaatarka. Waxaan ka lugeynay iskuulka 21ᵏᵃ Oktoobar, maadaama uu jidku u xirmay jaam ka dhashay gawaari ambalaas u badan oo meydad ka soo qaaday qubuuraha.

Intii aan sii lugaynayay waxaan jidka ku sii arkay dad wada barooranaya oo salli ku wado meydadka waalidkood, walaalahood, iyo awlaaddooda.

Qol yar ku dheggan iridka laga galo isbitaalka Yardameeli waxaa fadhiya koox ka socoto Gobolka Banaadir oo boono laga soo jaranayo. Sandaqadaha ka soo horjeedo isbitaalka waxaa hor tuban wariyayaal kaamirooyin sita oo loo diiday in ay qubuuraha galaan.

Iridka darbiga lagu wareejiyay quruubaha waxaa ku jaran gaari Cabdibile ah. Askar tobaneeye ah oo dadka handadeysa ayaa saaran gaariga. Luuq yar oo bannaan ayay ka galayaan dadka boonooyinka wato ee ay fasaxaan.

Inta aadan qubuuraha galin waxaa lagu marsiinayaa baaritaan adag, si loo hubiyo in aadan moobeel wadan, si aadan u soo duubin qarracanka gudaha ka jira. Anigu wariyaha Shabeelle TV, saaxiibkey Zakariye Ahmed Muse oo ka mid ah wariyayaasha bannaanka tuban ayaan moobeelkii u dhiibtay.

Askari akhyaar ah balse aan go’aanka lahayn ayaa ku jiro. Sarkaal gadaal taagan oo arxandaran ayuu u sheegayaa codsiyada dadka aan boonooyinka haysan. Iridka hore ee qubuuraha waxaa dhooban boqolaal dad ah.

Dadka halkan taagan waxaa ka mid ah hooyo waayeel ah oo ku calaacalaysa in fursad loo siiyo in ay gudaha u gasho qubuuraha, si ay u soo hubsato qabriga wiilkeeda oo askari ahaa, ka dibna ay soo raadsato kharashkii ay kula bixi lahayd. Balse lagama aqbalin.

Qubuuraha ayaan gudaha u galnay. Waxaa nagu soo kala orday xoogsato badiillo sidata oo u tartamaya in ay qabriga noo faagaan iyo darawallada gawaari ambalaas ah oo u soo shaqategay in ay maanta halkan ka shaqeystaan.

Xoogsade iyo ambalaas kasta ma gali karaan ee kuwaan waxaa keensaday Gobolka Banaadir. Qiimuhu ma go’ana balse faaqista qabrigu celcelis ahaan waa $70, kirada ambalastuna waa $40.

Waxaan dul tagnay qubuurihii. Dhinac kasta qabri la faagayo ayaa iiga muuqdo. Ehelladii ayaa dul taagan. Tiro ma leh dadka barooranaya ee ii muuqda oo dumar u badan, oo qarracmay markii bannaanka loo soo dhigay meydadkii aan sanado ka hor aaseen. Walaaca ay dadka ugu badan qabaan waa in aysan garaneyn qabriga meydkooda, maadaama aysan qabriyada badankood calaamad lahayn.

Waxaa dhinacyadeenna yaacaya dad salli ku daddaaminaya meydadka dad ay jeclaayeen oo ay soo faageen. Waxaa la yaab leh in ehellada qaar loo soo saaray meydkii oo sidiisii ah, qaarna ay qalfooftii kaliya ugu tageen qabriga.

Qoysas badan waxaa caawa u yaallla murugada iyo qarracanka waalid iyo walaal ay sanado ka hor duugeen oo maanta lagu qasbay, lacagna looga qaatay in ay soo bixiyaan, waxayna caawa la hoyanayaan naxdin iyo uurkutaallo ka daran tacsidii u taallay maalinkii ay meydkan aaseen.

20kii sano ee la soo dhaafay oo ay Muqdisho martigelisay dhacdo kasta oo qarracan leh ayaan u soo joogay. Maantase waxaan soo arkay dhacdooyinkii ugu naxdinta iyo argagaxa badnaa ee aan waligey arkay.

Waxaa layaab iyo amakaag leh in uu amarkaas ka soo baxay dowlad Soomaaliyeed oo ay u fatwoodeen wadaaddo calooshood-u-shaqeystayaal ah. Wasiir Axmed Macallin Fiqi wuu ka runsheegay markii uu shalay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay ayax dalka ku habsaday. Ayaxii maantana waa kaas qabriyada faagaya. Eebbe ha naga dulqaado.

Xuseen Sabriye

MAREYKANKA oo beeniyey arrin Shabaab ay sheegeen oo la xiriirta dhaqaatiirtii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inaysan mas’uul ka ahayn dilka la sheegay in loo gaystay laba dhakhtar oo u dhashay Cuba oo al-Shabaab ay soo jeediyeen eedayn ah inay ku dhinteen duqayn uu gaystay Maraykanku 15-kii Febraayo ee sannadkan.

Qoraal Al-Shabaab ka soo baxay 17-kii Febraayo ayaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday 15-kii Febraayo, abaare 12:10 am ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, kuna dhinteen Assel Herrera iyo Landy Rodriguez. Al-Shabaab ma shaacin haddii dad kale ay ku dhinteen duqeynta.

Taliska Maraykanka ee Afrika AFRICOM waxay qiimaynta saddexdii bilood ee u dambaysay ee ay sameeyeen ay ku xaqiijiyeen in duqayn ay ka gaysteen nawaaxiga Jilib 15-kii Febraayo, hase yeeshee waxay sheegeen in qiimaynta iyo dib u eegista ay sameeyeen kadib ay go’aamiyeen in duqaynta ay ciidamada Mataykanku gaysteen 15-kii Febraayo aysan sababanin wax dhimasho oo rayid ah.

AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay inay dhammaystireen qiimaynta laba dhacdo oo kale oo kala dhacay Janaayo 25-keedii iyo Febraayo 22-keedii sannadkan, oo ka kala dhacay nawaaxiga Galhareeri iyo Kurtunwaarey, iyadoo loo jeediyey eedayn ah in duqaymaha Maraykanku gaysteen ay waxyeello kasoo gaartay rayid.

Maraykanku waxay sheegeen in qiimayn iyo dib u eegis kadib aan Maraykanku wax hawlgal ka samaynin waqtiga iyo meelaha la cayimay.

AFRICOM waxay sheegtay inuu jiro kiis furan oo weli qiimayntiisa ay wadaan, kaasi oo macluumaadkiisa lagu dari doono qiimaynta tan xigta.

Ilo-wareedyo ku dhow dowladda Soomaaliya ayaa dhanka kale ku eedeeyey kooxda Al-Shabaab ay ayaga dileen labada dhaqtar, kadib markii ay sanado badan ka faa’iideyteen oo ay dhaqaatiir u tababareen.

Dhaqaatiirtan ayaa sanadkii 2019 waxay Al-Shabaab ka soo afduubteen magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, halkaasi oo ay ka wadeen howlo caafimaad.

Muddadii Al-Shabaab ay gacanta ku haysay dhaqaatiirta, waxaa fashilmay isku dayo iyo wada-hadallo la doonayey in lagu soo daayo.

Doon ay la socdeen 115 qof oo Soomaali ah, kana baxday Soomaaliya oo ku degtay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka IOM ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in doon ay la socdeen tahriibayaal isugu jiro Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa Isniintii lasoo dhaafay ku degtay xeebaha dalka Yemen.

Doonta degtay ayaa waxaa la socday illaa 260 tahriibayaal ah, waxaana dhintay 49 qof, halka 140 kalena lagu la’yahay xeebaha Yemen oo ah halka uu shilka ka dhacay.

115 kamid ah tahriibayaashan waxa ay ahaayeen Soomaali, halka 145 kalena ay ahaayeen Itoobiyaan, kuwaas oo kusii jeeday dhinaca waddanka Yemen.

Sidoo kale waxaa lasoo badbaadiyay ugu yaraan 71 qof oo kamid ah tahriibayaasha, kadib gurmad loo fiyay, sida ay sheegtay hay’addaha socdaalka ee Qaramada Midoobay.

Dadka la badbaadiyay waxaa ku jiray lix carruur ah, halka kuwa kale iyo hooyooyinkooda ay ku dhinteen badda gudaheeda, marka ay degtay doonida.

Xaalad tahriibayaasha ayaa ah mid aad u adag, waxaana haatan la tacaalaya shaqaalaha gurmadka deg-dega ah ee soo bad-baadiyay, halka baadi goobayo kuwa kale ee maqan.

Xeebaha Yemen ayaa kamid ah marinada ay halista badan ku wajahayaan tahriibayaasha sanad kasta kasii tallaaba badda cas, kuwaas ka baxsanaa colaadda iyo dhaqaale xumada.

Si kastaba, IOM waxay horay u sheegtay in ay diiwaangalisay ilaaa 1,350 dhimasho ah oo ku dhintay marinka socdaalka badda tan iyo 2014, oo aan ku jirin sanadkan 2024-ka.

Ciidamada DF iyo Jubaland oo kaabiga ku haya degmo ay ku sugan yihiin Shabaab

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay howlgallo culus ka wadaan qaybo kamid ah gobolkaasi oo ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa haatan kaabiga ku haya degmada Badhaadhe oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka kooxda Al-Shaabaab, halkaas oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo culus.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay xoreynta degmadaas, si looga saaro xoogaga Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Al-Shabaab oo ka war heshay gulufka ciidamada isbaheysanaya inay ka guurtay fariisimo muhiim ah oo ay ku lahayd gudaha degmadaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana sidoo kale howlgalkan door wayn ka qaadanaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinayo inuu dagaal ka qarxo halkaasi, maadaama ay sii xoogeysanayaan dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan labada dhinac.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa maalin kahor la wareegay deegaanka Buulo Xaaji oo hoostaga magaalo xeebeedka Kismaayo, halkaas oo ay kasii dhaqaaqeen ciidamada huwanta.

Jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana haatan ku wajahan wajiga labaad ee howlgallada xoreynta ee ka socda gudaha dalka.

Kheyre oo weerar culus ku qaaday dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal xasaasi ah ka soo saaray amarka ka soo baxay dowladda ee lagu fagayo qabuuraha Iskuul Buluusiya ee degmada Xamarjajab.

Kheyre ayaa yaab iyo amakaag ku tilmaamay amarka dowladda, sidoo kale wuxuu la yaab ku tilmaamay in lacag laga sii rabo dadkii lagu amray inay meydadka la baxaan, inkastoo dowladdu ay si adag u beenisay in lacag laga qaaday meydadka.

Sidoo kale Xasan Cali Kheyre ayaa ku taliyey in dowladdu ay ka laabato amarkaas oo ay soo saarto raali-gelin, si qalbiga loogu qaboojiyo ehellada iyo dadka Soomaaliyeed ee ka argaagaxay artintaan.

Hoos ka akhriso qoraalka Xasan Cali Kheyre:

Waxaan aad uga damqanayaa, jirkeyguna la jiriricoonayaa amarka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ee lagu amray in la faago meydadkii ku aasnaa qubuuraha Iskool Polizia.

Waa amar gurracan iyo fal argagax leh oo ceeb iyo cambaar ku ah madaxda dalka iyo guud ahaan dowladnimada Soomaaliyeed, taariikhdana ka geli doono baal mugdi ah.

Waxaa xusid mudan in mowtada qubuurahaas ku aasan ay u badan yihiin masuuliyiin dowladeed iyo saraakiil ciidan oo dalkan naftooda u soo huray, halkaasna loogu aasay duruufo amni.

Waana nasiibdarro in maanta loogu abaalgudo in ehelladooda lagu qasbayo in ay faagaan qabriyadooda, lacagna looga qaato in ay meydadka la baxaan.

Waxaan qoysaska iyo ehellada dadka qubuurahaas ku aasan uga tacsiyeynayaa falkan uur-ku-taallada ah.

Waxaana madaxda dalka ugu baaqayaa in la xurmeeyo meydadka, si degdeg ahna loo hakiyo fulinta amarkan gurracan, raalligelin buuxdana la siiyo ehellada mowtada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee la anfariirsan warkan dhiillada leh.

Jeneraal Zakiya oo shaaca ka qaaday in xilkii laga qaaday iyo sarkaalka lagu bedelay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii labaad ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa xilkii laga qaaday, sida ay shacisay caawa, waxayna sheegtay in lagu bedelay Jeneraal Cabdalla Cabdalla, iyadoo qoraalkeeda ciwaan uga dhigtay “Xilku waa meerto Difaaca qaranka waa joogto.”

“Adeerkeey Gen Abdalla Abdalla Maxamed waxaa leeyahay soo dhawoow, dhaqsana ku soo laabo aan xilka kugu wareejiyee!” Ayey Jeneraal Zakiya ku tiri qoraalka ay ku shaacisay in xilka laga qaaday.   

Jeneraal Zakiya ayaa Alle uga mahadcelisay fursadda ay u heshay inay shaqeyso muddo ku dhow lix sano, “Rabbigii fursad ii siiyay in intaas oo madax ah aan la soo shaqeeyo, intaas oo mashaariic aan hirgeliyo oo hada i fasaxay anigoo eed la ii heysan ayaa mahad oo dhan leh,” ayey ku tiri qoraalkeeda.

Waxay sheegtay in xili adag ay ku soo biirtay booliska Soomaaliya, balse maanta la joogo heer aad u sareeya, iyadoo sheegtay in dadaal badan ay ku bixisay hormarinta booliska.

“Waxaa shalay Boliiska ku soo biiray iyadoo sareeyasha ay lebiska ku watan bac iyagoo baqaaya in la dilo. Waxaana maanta ka tagaayaa iyagoo ku faani karo Boolisnimada iyo Bulsho oo haysato meel Boliis kala xiriiraan iyo kala xisaabtamaan,” ayey tiri Zakiya Xuseen.

Taliyaha ayaa u mahadcelisay dadkii ku garab istaagay in 5 sano iyo 10 bilood ay Taliye ku xigeen ka ahaato booliska Soomaaliya.

“Dadkii igu garab istaagay inaan gaaro guulaha kor ku xusay, abaalkiina ma gudi karo. Inta yareed oo aaminsaneed in caqabo ku ahaa danahooda gaarka ah, garoonka waa idiin baneeyee dhoolatuskiina gala,” ayey qoraalkeeda ku tiri Jeneraal Zakiya Xuseen.

Waxay sheegtay in hadda kadib ay u diyaarsan tahay inay u sii qidmeyso qaranka, isla markaana ay diyaar u tahay shaqo kasta oo loo diro, sida ay ku cadeysay qoraalkeeda.

“Hada is weydisaan Gaabeey xagee hada ka dhici doontaa? Waxaa idin leeyahay Gaabeey waa Gabar Soomaliyeed oo weli Generaal ah welina Heegan Buuxa ugu jirta u khidmeynta Dalkeeda, Dadkeeda & Diinteeda,” ayey qoraalkeeda ku tiri Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed.

Ugu dambeyntii taliye ku xigeenkii labaad ee booliska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen waxay soo bandhigtay waxyaabihii ay ku guuleysatay mudadii ay xilka heysay, kuwaasi oo kala ah:

5 sano iyo 10 bilood khidmeyn sare

2 Madaxweyniyaal

3 Raisul-Wasaare

3 Wasiiro Amni

3 Taliyaal Boliis

Hirgelinta qadka 991

Abuurid koox (50) gabdho ka mid ciidanka gaarka

Hirgelinta ILA WADAAG FORUM (Bolis &Bulshada)

Hirgelinta Operation 3G (Haweenka & Amniga)

Ragga Soomaliyeed baro micnaha TALISO.

Dhallinyaradii TikTik oo loo gudbiyay maxkamad iyo shan QODOB oo loo haysto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa maanta qaaday tallaabadii ugu horreysay ee ka dhanka ah dhalinyarada caanka ahayd TikTok-ga ee ay dhawaan soo xir xireen Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Xeer-ilaalinta oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay inay maanta maxkamadda gobolka Banaadir u gudbisay illaa 19 eedeysane oo ay ku jiraan gabdhihii dagaalka qabiilka ka waday baraha bulshada ee Internet-ka, waxaana loo haystaa inay wadeen kicin bulsho.

“Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay 19 eedeysane oo loo heysto in Social Media ay ka wadeen kicin bulsho iyo falal kale” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhalinyaradan ayaa lagu eedeeyay 5 qodob oo culus, sida ay soo bandhigtay xeer-ilaalinta qaranka oo iyadu kiiskan maanta gaysay maxkamadda gobolka, si loo guda-galo.

“Xafiiska Xeer-Ilaaliyha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa Sharci ayaa Maxkamadda Gobalka Banaadir  u gudbiyey Eed waafaqsan Qod. 71 X.H.C.S oo lid ku ah 19 Eedeysane oo dhammaantood loo heysto ku lug lahaanshaha Dagaal isir sifayn ah, Khalkhal gelin amni, Naceyb, Kicin Bulsho iyo Aflagaado, ayagoo isticmaalaya Baraha Bulshada gaarka ah ee barta TikTok” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo intaasi lasii raaciyay “Xafiisku waxa uu Maxkamadda Gobalka Banaadir ka codsaday inay soo mudeyso dhageysiga kiiskaas.

Dhinaca kale, xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa digniin culus u diray dadka sida khaldan u isticmaala baraha bulshada, gaar ahaan kuwa faafiya dhaqan-xumada.

“Hadaba Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu degniin adag u dirayaa dadka Baraha Bulshada u isticmaala dhaqamada xun xun oo liddiga ku ah dhaqanka suuban ee Islaamka iyo dhaqanka Bulshada Soomaaliyeed, Dhaqan xumadaas oo ah Aflagaadeynta, Iskudirka Bulshada, Been abuurka, naceybka iyo kicinta bulshada” ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Howlgalka ka dhanka ah dhalinyarada baraha bulshada ayaa soo bilowday bishii hore ee May, waxaana lagu soo xiray dhalinyaro lagu eedeeyay kicin bulsho iyo anshax xumo.

Hadal-heyn xoogan ayaa sidoo kale ka dhalatay xarigga dhalinyaradaan, maadaama ay yihiin kuwii ugu caansanaa barta TikTok, waxaana badan dadka qaba in la suuliyo dhaqanka ay wadeen ee qabyaaladda ah, kaas oo kicinaya bulsho nabad ku wada degan Muqdisho.

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Jonas Gahr oo shir caalami ah guddoomiyay

0

Oslo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Oslo ayaa maanta isaga iyo ra’iisul wasaaraha dalka Norway, Jonas Gahr Støre waxay si wadajir ah u guddoomiyeen Madasha Caalamiga ah ee Nabadda ee Oslo Forum oo ka furantay magaalada Oslo.

Waxaa madashan la aasaasey sannadkii 2003, waxaana lagu casuumaa ama ka soo qeybgala hoggaamiyeyaasha caalamka, dhex-dhexaadiyeyaasha colaadaha, qeybaha isku haya khilaafaadka iyo khubaro kala duwan oo halkaasi ku dersa mashaakilaadka ka jira caalamka, isla markaana taageera wadahadal iyo in la abuuro hannaan nabadda lagu gaari karo.

Sidoo kale waxaa Madashan  si wadajir ah u soo qabanqaabiya Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Norway iyo Hay’adda Wadatashiga ee Centre for Humanitarian Dialogue (HD).

Waa markii ugu horreysay ee shirkan wax ka guddoomiyo madaxweynaha Soomaaliya oo hadda booqasho rasmi ah ku jooga Norway, taas oo qaadan doont muddo saddex cisho ah.

Dhinaca kale waxaa shirkan ka horreeyay kulan kale oo gaar ah oo saaka wada yeesheen  madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr Støre, wuxuuna madaxweynaha uga warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo sida dowladda federaalka ee Soomaaliya ay uga go’an tahay ka lib keenidda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo xaqiijinta xasiloonida dalka iyo tan gobolka.

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu ka mahad-celiyay taageerada dhinacyada kala duwan ee Norway u fidineyso Soomaaliya, taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Norway ayaa isaguna bogaadiyay horumarka ay DFS sameyneyso, waxaana uu ballan-qaaday in dalkiisu sii wadi doono iskaashiga iyo taageerada Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Norway ayaa waxaa la dhexeeya xiriir wanaagsan oo qoto dheer, iyadoo socdaalka Madaxweynaha uu haatan ku tegay Norway uu muujinayo sida labada dal ay uga go’an tahay xoojinta xiriirkooda iyo Iskaashiga ka dhexeeya.

Sawirro: DF oo maanta ku dhowaaqday go’aan culus oo ku saabsan ciidamada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhowaaday go’aan culus oo ku aadan dhismaha iyo tababarada ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay bixiyaan dowlado kala duwan oo ay ugu horreysay dowladda Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta booqday kuliyadda tababarka TurkSom ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay mideynayso dhammaan tababarrada kala duwan ee ciidanka qalabka sida, ee ay bixiyaan dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.

Xamza ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidanka qalabka sida loo dajinayo hal manhaj oo mideysan taasi oo xoojineysa gudashada waajibaadkooda.

Sidoo kale wuxuu saraakiisha iyo ciidanka kula dardaarmay inay yihiin rajada dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin, isla markaana ay u diyaargaroobaan ciribtirka Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu raiisul wasaaruhu ballan-qaaday in dowladdu abuureyso hey’ad u xil-saaran daryeelka agoonta ciidamada qalabka sida, isla markaana maalin qaran loo asteyn doono sanad walba maalinta shuhadada.

Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyay dowladda Turkiga, oo si weyn u xoojisay taageerada isugu jirta qalabeynta iyo tayeynta ciidankeena, iyo dhinacyada caafimaadka iyo gargaarka xaaladaha degdegga ah.

Soomaaliya ayaa haatan sameyneyso dib u kabasho dhanka milatariga ah, waxayna heshay ciidamo badan oo ay usoo tababareen dowlado kala duwan, sida Turkiga, Eritrea, Jabuuti, Uganda iyo dalal kale oo waa wayn.

Grave exhumations spark public outrage in Mogadishu

0

Mogadishu, Somalia – Officials from the Somali government issued an order late Monday permitting the exhumation of graves of individuals buried for decades at the Police School Academy, which people have been using as a cemetery.

“The relatives of the deceased should remove the buried individuals from here within 10 days,” stated Mohamed Ahmed Diriye, the Deputy Mayor of Mogadishu. No further conditions for the grave exhumations have been announced by the government.

On Tuesday morning, many gathered at the Police School Academy cemetery to retrieve their loved ones. They were instructed to obtain a certificate from the local government, costing $20-25, which posed a financial burden on the victims, already distressed about identifying the burial sites of their relatives.

“I work as a construction worker, earning an average of $7 a day. I can’t afford to pay $25 to exhume my father, who was killed seven years ago in Mogadishu; he was a member of the government forces,” lamented one individual, recalling the sorrow of burying his loved one years ago.

Another man in his 30s expressed to reporters that he could not afford the costs associated with exhuming the bodies buried there.

“My father, who served the nation, my wife, and my younger child are buried here. I am tortured while I try to dig them out. And I am also a member of the government forces,” he said, desperately stating that he would sue the Armed Forces Court.

Many people are unable to identify where their loved ones are buried and are confused about the bodies’ identities.

They appealed to the government not to mistreat the remains.

“I don’t know where he is buried. I am asking the government of Somalia, especially President Hassan Mohamud, not to throw his remains into the sea,” said a middle-aged woman, crying from sadness and anger.

The Federal Government of Somalia has previously denied intentions to seize the cemetery at the Police School Academy. A famous comedian’s son, who exhumed his father’s body, claimed he did so voluntarily under government pressure.

The government faces criticism for its handling and acquisition of public lands, perceived as creating economic benefits for those close to top officials.

Prominent politician and MP of the lower house, Abdirahman Abdishakur Warsame, described the decision as undermining public trust in the government.

“Trust is crucial between the people and the government. Without it, the government cannot function. The son of the late Abdi Muridi Dheere (AJAKIS) was coerced into denying that the government ordered the exhumation and wanted the land. Instead, he left on his own,” he stated.

Warsame also criticized the clerics supporting the government’s stance.

“Knowing they are not trusted, government leaders have enlisted clerics to gain trust. It’s regrettable that clerics become a channel for legalization.”

Sheikh Abduqadir Somow, a moderate Sufi religious leader, condemned the government’s decision and criticized other supportive clerics. He likened the act to Al-Shabaab’s removal of Sufi priests’ graves, calling it a misunderstanding of religious fundamentalism.

By Abubakar Mohamed Ali

SHARIIF oo ka hor-yimid tallaabadii ay qaaday DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka horyimid tallaabada ay qaaday dowladda federaalka, isla-markaana lagu soo faagayo qaabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Sheekh Shariif ayaa waxa uu ku sheegay inuu aad uga xumaaday in maydadka laga soo saaro qabuurahaasi kadib amarka kasoo baxay dowladda.

“Waxaan aad uga xumahay arrinta dib u faagista qubuuraha Iskool Boolisiya ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku aasan yihiin dad badan oo shacab ah oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay lagu aasayay” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Waxaan la dareen ah bulshada ay ehelkooda ku aasan yihiin qabuurahan ee hadda lagu qasbaayo in lasoo faago”.

Shariif ayaa xusay in hadda aysan jirin baahi dhuleed oo ay qabto dowladda Soomaaliya, wuxuuna ayaan darro ku tilmaamay sida loola dhaqmayo maytada.

Madaxweynihii hore ee dowladda KMG ka ahayd ayaa sidoo kale dowladda ku eedeeyay inay si sharci darro ah ku bixisay dhulal dan-guud ah iyo xeryo ciidan, haddana la’isla qaaday dhulkii qabuuraha.

“Waxaa taasi kasii xanuun badan in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo bixineysa xeryihii ciidamada, dhulalka danta guud, kuna bixineyso hab aan waafaqsaneyn sharciga ay hadda kasoo yeerto dowladda in ay u baahato dhul ay ku aasan yihiin maydad muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan qaarkood awoodin in ay dib dib u aastaan maydadkooda” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda inay ka laabtaan go’aankan, isla markaana ay maareeyaan xaaladda ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya.

“Waxaan mas’uuliyiinta dowladda usoo jeedinayaa inay hakiyaan fulinta go’aanka faagista qabuuraha, lana yimaadaan xal kale oo lagu maareynayo xaaladda taagan” ayuu ku daray.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maanta ehellada maydadka ku aasan halkaas ay bilaabeen inay kala baxaan, si ay meel kale ugu aastaan maydadkooda.

Mas’uul ka tirsan maamulka gobolka GEDO oo ka bad-baaday qarax lagu dili rabay

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday qarax bambaano ah oo xalay lagu qaaday guddoomiye ku xigeenka labaad ee maamulka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.

Bam-gacmeed ayaa lagu dhuftay hoy uu magaaladaasi ka dagan yahay guddoomiyaha oo lagu magacaabo Cal Shire, waxaana ku dhaawacmay 1 askari oo kamid ah ilaaladiisa, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen jugta qaraxa iyo rasaas xigtay oo ay kadib fureen ciidamada ammaanka ee ku sugan halkaasi.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaacisay in ujeedka uu ahaa in la khaarijiyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee degmada Beledxaawo.

Weerarka kadib ciidamada ammaanka ayaa iyaguna sameeyay howlgallo baaritaano ah, balse ma jirto illaa iyo hadda cid ay usoo qabteen weerarkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada, kan gobolka iyo saraakiisha amniga oo ku aadan dhacdadaasi.

Gedo waxaa horay weeraro kala duwan uga fuliyay Al-Shabaab oo qarax ku dishay taliyihii NISA ee gobolkaas Bakaal Kooke iyo mas’uuliyiin kale oo ka howlgalayay gobolkaasi.

Daawo: Qoysaskii tegay qabuuraha Iskuul Booliisiya oo arrin aysan fileyn la kulmay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta qabuuraha Iskuul Booliisiya ee magaalada Muqdisho buux dhaafiyey qoysaskii ugu badnaa oo baadi goobaya maydadka dad ehelladooda kamid ah oo sanado kahor lagu aasay dhulkaas oo ay hadda dib u dhisaneyso dowladda Soomaaliya.

Arrintan ayaa timid kadib markii uu shalay amar guud kasoo baxay dowladda, kaas oo lagu faray ehellada inay maydadka muddo 10 cisho ah ugala baxaan halkaasi, ayada oo sababta lagu sheegay in dowladdu ay usoo baahatay dhulkaasi.

Qaar kamid ah dadweynaha tegay qabuuraha ayaa walaac ka muujiyay amarka dowladda, waxayna sheegeen in uu yahay mid aan laga fiirsan oo ay si wayn uga naxeen.

Sidoo kale dadkan ayaa qaarkood tilmaamay inay mar kale la mururgoonayaan xanuunka iyo tiiraanyada dadkii ay jeclaayeen oo ay sanado dheer kahor aaseen, balse haatan mar kale dib loo soo saarayo maydadkooda.

Waxa kale oo ay dadkan markii ay tageen goobta la kulmeen arrin kale oo cusub oo ah inay bixiyaan lacago tiradooda lagu sheegay 20 dollar iyo inay warqad ogolaanshaha kasoo qaataan maamulka gobolka, sida ay ku warrameen qaar kamid ah ehellada oo tegay qabuuraha.

Dadkan ayaa sidoo kale ku dooday in aysan wada awoodin lacagtan, ayna dalbanayaan in loo ogolaado inay la baxaan maydadka, si ay meel kale ugu aastaan.

“Saaka ayaan imaanay waxay na dheheen warqad ka doonta Gobolka Banaadir, dowladda amarkeeda lama diidi karo, laakiin waxaan ka codsaneynaa inay warqaddaas nagadhaafto” ayay tiri gabar kamid ah ehellada tegay qabuuraha.

Tan iyo markii uu soo baxay go’aankan waxaa si weyn uga fal-celiyay bulshada Soomaaliyeed, ayada oo badankooda muujiyeen sida ay uga xun yihiin tallaabadda dowladda qaaday, xilli la heli karay dhul kale oo dowladda danaheeda ku fushato.

Soomaaliya oo dalab cusub u gudbisay Sacuudi Carabiya xilli ay cabasho taagan tahay

0

Makkah (Caasimada Online) – Wasiirka awqaafta iyo arrimaha Diinte XFS Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay wasiirka xajka iyo cumrada dowladda Sacuudiga Towfiiq Binu Fowsaan.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac iyo in xujeyda Soomaaliyeed ay helaan adeeg aad u sarreeya.

Wasiirka Mukhtaar Roobow oo uu wehliyo madaxa xafiiska arrimaha xajka wasaaradda awqaafta Dr Khadar Xaaji Daahir ayaa wasiirka Xajka Sacuudiga la wadaagay in dowladda Soomaaliya ay u baahan tahay in la kordhiyo tirada xujeyda Soomaaliyeed.

Tirada Xujeyda Soomaaliyeed ayaa hadda ah kaliya 11 kun iyo shan boqol, taas oo ka dhigan in Sacuudigu u aqoonsan yahay bulshada Soomaaliyeed inay tahay 12 Milyan.

“Waxaan u sheegay wasiirka in bulshada Soomaaliyeed ay ka badan tahay intaas balse aan tira koob lagu sameyn waqti-dhow, tusaalena waxaa noogu filan markii ugu dambeysay ee tirakoob lagu sameeyo bulshada Soomaaliyeed qoyska reer Roobow waxaa uu ahaa 12 ruux maantana boqol ayuu kor u dhaafay,” ayuu yiri wasiirka awqaafta iyo arrimaha Diinta.

Wasiirka Xajka iyo Cumrada dowladda Sacuudiga ayaa dowladda Soomaaliyeed ku bogaadiyay dadaalka ay ku bixisay adeegga xajka, isagoo ballan-qaaday in ay kala shaqeyn doonto sidii loo sii hormarin lahaa.

Dalabkan cusub ee wasiirka u gudbiyay Sacuudiga ayaa imanaya xilli ay Xujeyda Soomaalida qaarkood ay cabasho ka muujiyeen adeegga Xajka ee dowladda wakiilka uga tahay wasaaradda awqaafta.

Qaar kamid ah xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa ka cawday adeeg xumo ay sheegeen in mas’uul ka tahay dowladda, kuwaas oo ay kala kulmeen goobihii la dajiyay

Xujeyda qaar ayaa sheegay in hoteelo fiican aan la dejin, islamarkaana kuleyl daran ay ku wajahayaan magaalada Maka oo cimiladeeda ay aad u kulushahay.