27 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Wararkii ugu dambeeyey ee fal-celinta go’aanka DF ee qubuuraha Iskuul Boolisiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabasho xooggan ayaa ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho kadib markii dowladda Soomaaliya muddo 10 cisho ah u qabatay dadka eheladoodu ku aasan yihiin inay meydadka ugala baxaan.

Masuuliyiinta dowladda ayaa sheegay in dhulkaan loo adeegsan doono howlaha danaha qaranka, iyagoo cadeeyey in dhulkaas la deji doono ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya, midaasi oo fajaciso ku noqotay dad badan, xilli ay horey u beenisay arrinkaan.

Tan iyo markii uu soo baxay go’aankan waxaa si weyn uga fal-celiyay bulshada Soomaaliyeed, ayada oo badankooda muujiyeen sida ay uga xun yihiin tallaabadda dowladda qaaday, xilli la heli karay dhul kale oo dowladda danaheeda ku fushato.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Cabdullaahi Maxamed Aadam: “Dawladda afkeeda iyo dhegaheeda isma maqlan shalay maxay lahaayeen maantana maxay noo sheegoyaan.”

Cali Daahir: “Dadkii noolaa idinka baxsan waayay haddane dadkii hoygooda saxda ahaa ku jiraan wallee dowlad majirto.”

Daahir Cumar Daadda ayaa waxa uu yiri “Halkaas ayey mareysaa, waxa qarsoon ayaa ka badan.”

“Inta isku raacday in la faago kumanaan meyd ah ayagana ha sii ogaadaan in midaas iyo mid ka ihaano badan ay sugeeeyso markay dhintaan,” ayuu yiri Cabdulbaasid Sheekh Abuukar.

Xafsa Cabdi Cali ayaa sidoo kale iyadna waxay tiri “Umadan mayna iimaan lahayn bisinkee. Ilaahay ka cabsada oo qalbiyada qaraabada dadka ilaaliya.”

“Taariikh xumo iyo foolxumo bay ku dambaysay dowladdii,” ayuu yiri Maxamed Aadan oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrinkaan.

Maxamed Cabdiraxmaan: “Aduun nin joogo maxaa aragti ku laaban baan maqli jiray kawaran kuwa ku nool gobolada Soomaaliya ee eheladoda qubuurahaas ku xabaalan ee Xamar aan daganeyn tolow sidee dareemayaan kuwa Xamar jooga lamid iyagana wallaahi waa xanuun.”

“Ceeblooma dhinto meedkii xitaa maka xishoo weysiin,” ayuu yiri Daahir Caruush.

Xasan Waddani ayaa isna waxa uu yiri “Subxanallaah ma haddana dadkii dhintay maa loo soo dhigtay bal kawaran dadkii noolaa, aaway dadkii noolaa.”

“Ciidamada markii hore ma laheyn miyaa dhul iyo xarun u gaar ah?,” ayuu yiri Maxamed Daahir Faarax.

Siciid Ahmed Xirsi: “Dhulka dhan baa banaan ee booba dhul inta dadka dhintay qaburahooda la aadayo.”

XASAN oo ballan-qaad muhiim ah ka helay Norway kadib kulan ka dhacay Oslo

0

Oslo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Oslo, Ra’iisul wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr Støre.

Madaxweynaha ayaa Boqortooyada Norway uga warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo sida dowladda federaalka ee Soomaaliya ay uga go’an tahay ka lib keenidda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo xaqiijinta xasiloonida dalka iyo tan gobolka.

Waxaa sidoo kale uu madaxweynuhu ka mahad-celiyay taageerada dhinacyada kala duwan ee Norway u fidineyso Soomaaliya, taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr Støre ayaa bogaadiyay horumarka ay DFS sameyneyso, waxaana uu ballan-qaaday in dalkiisu sii wadi doono iskaashiga iyo taageerada Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Norway ayaa waxaa la dhexeeya xiriir wanaagsan oo qoto dheer, iyadoo socdaalka Madaxweynaha uu haatan ku tegay Norway uu muujinayo sida labada dal ay uga go’an tahay xoojinta xiriirkooda iyo Iskaashiga ka dhexeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Norway ku jooga booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah, ayaa sidoo kale waxa uu qasriga boqortooyada Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway, Boqor Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus.

Safarkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyey ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay dalka Norway tan iyo markii dib loo doortay ee 15-kii May 2022, wallow uu safaro kala duwan ku tagay qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub.

Dowladda Xasan Sheekh oo ku kacday arrin fajaciso noqotay oo si weyn loogu weeraray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay ku dhowaaqday go’aan ay muddo ka meer-meeraysay shaacintiisa, kaasi oo lagu dalbanayo in deg deg qabuuraha Iskuul Buluusiya looga saaro meydadka ku aasan.

Masuuliyiinta dowladda ayaa sheegay in muddo 10 cisho ah meydadka looga saaro qabuuraha Iskuul Buluusiya, iyagoo cadeeyey in dhulkaas la deji doono ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya, midaasi oo fajaciso ku noqotay dad badan, xilli ay horey u beenisay arrinkaan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo tallaabadan ay dowladda qaaday ku tilmaamay mid luminaysa aaminaadda shacabka iyo dowladda u dhaxeeya, ayaa si weyn ugu weeraray madaxda dowladda arrinkaan, oo uu sheegay inay meesha ka saareyso is-aaminaaddii.

“Aaminaadda waa cunsurka ugu wayn ee shacabka iyo dowladda u dhexeeya, haddii la waayana aysanba dowladnimadu shaqayn karin,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaanka ayaa soo qaatay dhacdaddii bil kahor ay dowladda ku qasabtay wiilka uu dhalay AUN Ajakis inuu beeniyo in amarka dowladda uu ku baxshay maydka aabihii.

“Waxay madaxda dowladda maanta caddeeyeen in aan qowlkooda la aaminaynin, lana aami doonin. Waxa keli keli ah ee u haray ayaa ah in ay maalin kasta raadiyaan cid ay kaarkooda xoqdaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan

Aaminaadda waa cunsurka ugu wayn ee shacabka iyo dowladda u dhexeeya, haddii la waayana aysanba dowladnimadu shaqayn karin.

Wiilka uu dhalay AUN Cabdi Muruudi Dheere (AJAKIS) markii uu maydka aabihii la baxay, waxaa lagu qasbay in uu beeniyo in dowladdu ay ku amartay arrinkaas oo ay dhulka doonaysay, laakiin taa bedelkeeda uu iskiis ula baxay.

Maadaama ay ogyihiin in la aaminaynin, ayey madaxdii dawlada iska soo hormariyeen culimo si loo aamino. Waa arrin laga xumaado in culimadu ay noqoto marin wax lagu xalaalaysto.

Waxay madaxda dowladda maanta caddeeyeen in aan qowlkooda la aaminaynin, lana aami doonin. Waxa keli keli ah ee u haray ayaa ah in ay maalin kasta raadiyaan cid ay kaarkooda xoqdaan.

Waxay joogaan halkii uu Suubanaheennu (NNKH) ka yiri; “Haddii aadan sariig lahayn, waxaa doonto fal”.

Saddex arrin oo xasaasi ka ogow wada-hadalladii Shariif, Farmaajo iyo James Swan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba madaxweyne oo hore ayuu durba toos ula xiriiray Ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan.

Labada nin ee mar wada shaqeeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa waayahan dambe siyaasad ahaan isku aragti ka ahaa inay qaldan tahay jihada uu dalka u wado madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Markii QM si kumeel-gaar ah usoo magacawday Danjire James Swan waxaa durba bilaabatay dood ku saabsan in caalamka dareensan yahay culeyska kasoo socda Soomaaliya, halkaas oo aan haatan isku aragti laga aheyn qadiyaddaha waaweyn sida; dastuurka, haykalka dowladnimada iyo hanaanka doorashooyinka soo aadan.

Xafiiska QM ee Soomaaliya wuxuu sheegay in Danjire Swan uu kala hadlay Farmaajo iyo Sheekh Shariif xaaladdihii ugu dambeeyay ee dalka iyo sidii loogu midoobi lahaa mudnaanta.

Laakiin marka indhaha siyaasadda lagu eego xiriiradan waa inay saddex arrimood kugu soo dhacaan.

1. Waqtiga

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu dhawaan iyada oo la diidan yahay uu meel-mariyay afar cutub oo kamid ah dastuurka, haddana waxa uu durba u dhaqaaqay dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sharciga doorashooyinka.

Waa ogyahay madaxweyne Xasan in qodobbada uu hadda u socdo inay yihiin kuwo buuq badan oo aan ka dhib yareyn dastuurka, mucaaradkuna waa kasii digeen.

Inuu xilligaan Ergeyga QM raadiyo madaxdii hore ee dalka waxay muujineysa in beesha caalamka si dhab ah u qaadatay digniinaha laga bixinayo xukunka madaxweyne Xasan Sheekh iyo halista ka dhalan karta haddii aan laga heshiinin arrimaha waaweyn ee masiiriga.

2. James Swan Part 2

Kal hore Danjire James Swan wuxuu si dhow ula shaqeeyay mucaaradkii Farmaajo, illaa uu nidaamkaasi la gaaray in cadaadis caalami ah lagu saaro inay kasoo laabtan dariiqi ay ku socdeen, madaxweyne Farmaajo laga wareejiyo maamulkii doorashada dalka.

Hadda waxaa muuqata bilaabashada isjiid-jiid kale oo uu isla James Swan garwadeyn ka yahay.

3. Guda-galka marxaladdii mucaaradnimada

Sida ay sheegayaan wararka aan ka haleyno dhanka mucaaradka, xubnaha banaan jooga ah ee mucaaradka Soomaaliya ayaa damacsan inay toos ugu wareegaan gudaha dalka wixii ka dambeeya bisha July ee sanadkaan.

Xiriirada nuucaan ah waxay hordhac u yihiin muujinta in madaxweyne Xasan Sheekh ay kusoo food leeyihiin mowjado mucaarad ah oo waaweyn.

Xog: Maxaa keenay in Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen ay isku rogaan Xasan Sheekh?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Buuqa ka dhashay qorshahay ay xukuumadda federaalka ah ku dooneyso inay ciidanka Itoobiya uga saarto dalka ayaa weli taagan.

Labada hoggaamiye ee Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, Cabdicasiis Lafta-gareen iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay si buuxda markii hore u aqbaleen qorshaha xukuumadda ee bixitaanka ciidamada, balse ay isbeddeleen markii ay deegaanadooda ku laabteen.

Shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran waxaa la xasuusto in hal maalin la siiyay sharaxaad amni oo ay soo diyaariyeen xafiiska la-taliyaha amniga qaranka iyo wasaaradda gaashaandhiga.

Qeyb kamid ah sharaxaadaas waxay ka hadleysay bixitaanka ATMIS iyo sida ay dowladda damacsan tahay in loo maareeyo deegaanada ay ka baxayaan ciidanka, gaar ahaan deegaanada ay ka baxayaan kuwa Itoobiyaanka.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya oo wareysi bixiyay ayaa sheegay inay labadaasi maamul wax ka gaareen go’aanka ayna aqbaleen sida loo qorsheeyay fulinta bixitaanka ciidanka Midowga Afrika.

Dowladda federaalka waxay sheegtay in aanu qorshuhu aheyn in goobaha ay baneyn doonaan ATMIS inay la wareegto argagixisada, balse taas beddelkeeda uu socdo qorshe kale oo lagu geynayo ciidamo kale oo ka socda Midowga Afrika.

Midda gaarka la iskugu hayo oo ah Itoobiyaanka wuxuu La-taliyaha amniga ee madaxweyne Xasan Sheekh ku adkeystay inay Itoobiyaanka ka baxayaan dalka wixii ka dambeeya 31 December ee sanadkaan, oo aanay dalka sharci iyo sharci darro midna kusii joogi doonin.

Hal shardi ayaa jira oo Itoobiyaanka qeyb kaga ahaan karaan ciidanka cusub ee kasii howl-gali doona Soomaaliya, kaasina waa inay ka laabtaan heshiiska ay la galeen Somaliland ee la xiriira arrimaha badda.

In Lafta-gareen iyo Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa heshiiska lagu bixinayo ciidanka shisheeye inay dib iska beddelaan waxaa lagu fasiri karaa mid muujinaysa saameynta ay Itoobiya ku leedahay gudaha dalka.

Koonfur Galbeed iyo Jubbaland waa labada maamul goboleed ee ugu badan ee ay joogaan ciidanka Itoobiya.

Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen wuxuu dorraad la kulmay taliska ciidanka Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda amniga ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo sida loo sii dardar-gelin karo.

Kulanka Lafta-gareen iyo Itoobiyaanka ayaa muujiyey sida uu maamulka Lafta-gareen u diidan yahay inay Itoobiyaanka baxaan.

Marka halka sharciga caalamiga ah la eego waa adkaan doonta inay ciidanka Itoobiya iska joogaan Soomaaliya, oo ay diidaan amarka dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Mana cadda inay dhinaca kale aqbali doonaan shuruudda lagu xiray ee ah inay ka laabtaan heshiiska ay la galeen Somaliland, si uu ciidankooda uga sii howl-gallo Soomaaliya oo ay sheegeen in haddii ay kasoo wada baxaan inay halis ugu jiraan in argagixisada ay gudaha usoo gasho dalkooda.

Diyaarad siday madaxweyne ku-xigeen oo la la’yahay

Lilongwe (Caasimada Online) – Diyaarad milateri oo uu la socday madaxweyne ku xigeenkii Malawi Saulos Klaus Chilima ayaan la ogayn meel ay jaan iyo cidhib dhigtay.

Arrintan ayaa timid kadib markii ay lumisay xidhiidhkii ay la lahayd isgaadhsiinta goobaha laga hago duulimaadyada ee dalka Malawi, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay dawladda dalkaas.

Diyaaradda ayaa duushay barqonimadii wakhtiga dalka Malawi, waxaana duulimaadkaas la socday madaxweyne ku xigeenka iyo sagaal xubnood oo kale.

Diyaaradda ayaa ka duushay caasimadda dalka Malawi ee Lilongwe, hase ahaatee waxay ku guuldaraysatay inay ku degto garoonka caalamiga ah ee Mzuzu oo qiyaastii 370Km woqooyi ka xiga caasimadda dalkaas.

Dawladda Malawi ayaa sheegtay in dhammaan dedaaladii ay sameeyeen saraakiisha hay’adda duulista hawadu, inay ku guuldaraysteen inay helaan xidhiidhka diyaaradda.

Madaxweynaha dalka Malawi ayaa baajiyey safar uu dhowaan ku tegi lahaa dalka Bahamas oo uu booqasho rasmi ah ku tegi lahaa, waxana uu ku baaqay gurmad degdeg ah oo lagu baadigoobayo diyaaradda.

Maxaa looga hadlay kulanka madaxweyne Xasan iyo boqorka Norway? + Sawirro

0

Oslo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga boqortooyada Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway, Boqor Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus.

Madaxweynaha iyo Boqorka ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway, iyagoo diiradda saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha, amniga, isbeddelka cimilada adduunka iyo arrimaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey Boqorka iyo shacabka Norway taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo ay ku jirto dib u dhiska dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la wadaagay Boqor Harald V horumarka iyo isbedelada waaweyn ee ka socda Soomaaliya, isagoo xusay dadaallada dowladda ee ku aaddan nabadeynta, kobcinta dhaqaalaha, iyo hagaajinta adeegyada bulshada, isagoo adkeeyey nabdda iyo horumarka gobolka.

Xasan Sheekh oo Norway ku jooga booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah, ayaa waxa uu wada-hadallo laba geesood ah la yeelan doonaa madaxda sare ee dalkaasi, si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa khudbad muhiim ah ka jeedin doona shirka sannadlaha ah ee Oslo Forum 2024.

Safarkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyey ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay dalka Norway tan iyo markii dib loo doortay ee 15-kii May 2022, wallow uu safaro kala duwan ku tagay qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub.

Ethiopia responds to Somalia’s troop withdrawal demand

Addis-Ababa (Caasimada Online)—Ethiopia has formally responded to Somalia’s demand to withdraw its troops from the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) by the end of 2024.

Nebiyu Tedla, the spokesperson for the Ethiopian Ministry of Foreign Affairs, stated in a recent press release that Ethiopia had yet to receive any official communication about this withdrawal.

He emphasized that there has yet to be diplomatic communication from the Somali side regarding the matter.

The recent “Sea Gate” agreement between Ethiopia and Somaliland has further complicated the situation, reportedly angering the Somali government.

The “Sea Gate” agreement

Signed in January 2024, the “Sea Gate” agreement, also known as the Maritime Security and Economic Cooperation Agreement, allows Ethiopia to lease a 20-kilometer stretch of Somaliland’s coastline, with plans to establish a naval base.

The agreement is part of Ethiopia’s broader strategy to secure its maritime interests and combat piracy in the region. However, Somalia views this agreement as a direct infringement on its sovereignty and territorial integrity.

Although Somaliland declared independence in 1991, it remains internationally recognized as part of Somalia.

The Somali government sees the agreement as a violation of its territorial claims and an attempt to undermine its authority over Somaliland.

The “Sea Gate” agreement has sparked significant controversy, with critics arguing that it undermines Somalia’s sovereignty.

It is perceived as an attempt by Ethiopia to extend its influence in the region through strategic maritime access, which has heightened tensions between the two countries, adding another layer of complexity to an already volatile relationship.

Somalia’s decisive response

In response to the “Sea Gate” agreement, Somalia’s Cabinet of Ministers, led by Prime Minister Hamza Barre, expelled Ethiopian Ambassador Muktar Mohamed Ware and ordered the closure of Ethiopian consulates in Garowe and Hargeisa.

The Somali government accused Ethiopia of interfering in its internal affairs and violating its sovereignty.

“The plain interference of Ethiopia’s government in the internal affairs of Somalia is a violation of the independence and sovereignty of Somalia,” stated the office of Somalia’s Prime Minister.

Somalia’s actions reflect a broader strategy to assert its sovereignty and respond decisively to perceived external threats.

By expelling the Ethiopian ambassador and closing consulates, Somalia is sending a clear message that it will not tolerate what it views as violations of its territorial integrity.

This move is intended to pressure Ethiopia to reconsider its actions and engage in more respectful diplomatic practices.

Demanding troop withdrawal

In addition to the diplomatic measures, Somalia has demanded the withdrawal of all Ethiopian troops by the end of 2024.

Ethiopian forces are currently stationed in Somalia under the African Union Mission in Somalia (ATMIS) and through bilateral security agreements.

The Somali government’s demand has raised concerns about potential security vacuums that militant groups such as al-Shabab could exploit.

Some Somali regional officials have expressed the need for a strategic and gradual withdrawal to ensure regional stability and security.

The demand for troop withdrawal is a significant escalation in the diplomatic row between the two nations.

The Horn of Africa has long been fraught with political and territorial disputes. The recent escalation between Ethiopia and Somalia over the “Sea Gate” agreement is the latest in complex regional dynamics.

Historically, Ethiopia and Somalia have had a turbulent relationship marked by border disputes and intermittent conflicts. The current situation underscores the ongoing challenges in achieving lasting peace and stability in the region.

DF oo war culus ka soo saartay mashaariic ay Puntland joojisay oo hadda dib loo fasaxay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay dib u bilaabista mashaariicdii hormarineed ee ka socotay deegaanada dowlad goboleedka Puntland oo joogsaday wixii ka dambeeyey dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene), ayaa soo dhaweeyay dib-u-bilaabista mashaariicda horumarineed ee horay uga socday deegaanada Puntland, kuwaas oo maamulka Puntland hakiyay, balse hadda ogolaaday in dib loo bilaabo.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan aragno dib-u-bilaabista mashaariicda Barwaaqo iyo Mashruuca Xoojinta Nidaamka Cuntada Soomaaliya (SFSRP) ee Puntland, taasoo dhiirigelinaysa dadaalka lagu horumarinayo nolosha dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Beenebeene.

Wasiir Beenebeene ayaa hadalkiisa sii raaciyay  “Mashaariicdani waxay muhiim u yihiin kobcinta horumarka waara iyo xaqiijinta mustaqbal adkeysi leh dhammaan Ummadda Soomaaliyeed.”

Mashruuca Barwaaqo, oo ah mashruuc  dhammeystiran oo ku saabsan maareynta biyaha iyo horumarinta kaabayaasha, iyo mashruuca SFSRP oo ujeeddadiisu yahay  in lagu xoojiyo nidaamyada cuntada ayaa dhammaan laga hirgeliyaan dowlad goboleedyada, iyadoo la xaqiijinayo sugnaanta cuntada iyo kor u qaadista dhaqamada beeraha.

Labada mashruuc ee Barwaaqo iyo SFSRP waxaa loogu talagalay dhammaan dowlad goboleedyada dalka, balse dowlad  goboleedka Puntland ayaa si iskeed ah uga hakisay fulintooda deegaanada uu ka arrimiyo markii uu xumaaday cilaaqaadkii kala dhexeeyey dowladda federaalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, waxaa ka go’an in aan la siyaasadayn hawlaha gargaarka iyo horumarinta ee dalka oo dhan, waxaana ku dadaaleynaa in mashaariicdan loo fuliyo si hufan oo caddaalad a,” ayuu yiri wasiirka qorsheynta DF.

Wasiir Beenabeene ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ay ka go’antahay in la gaarsiiyo mashaariicda hormarineed ee dalka kuwa u baahan, iyadoo oo aan loo eegin aragtiyo siyaasadeed.

Mashruuca Barwaaqo waxaa daahfuray Dowladda Federaalka Soomaaliya bishii Janaayo 2023, waxaana xigay Mashruuca Xoojinta Nidaamka Cuntada Soomaaliya (SFSRP) bishii Juun 2023.

 

Sawirro: Booliska oo soo bandhigay shabakadii ugu halista badneyd Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Qeyta Guud ee Boliiska Gobalka Banaadir oo kaashanaya Hay’adaha kale ee ammaanka ayaa gacanta ku soo dhigay rag badan oo ku dhowlanaa dhaca dadweynaha Muqdisho.

Ragga lasoo bandhigay ayaa lagu soo qabtay howlgal ay ciidamadu ka fuliyeen degmooyinka Dharkenley, Wadajir, Garasbaaley iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Waa 16 eedeysane oo loo heysto inay geysteen falal isku jira dil, dhaawac iyo dhac dadweyne, kuwaas oo hadda lasoo bandhigay iyagoo maxaabiis ah.

Ragga lasoo bandhigay waxaa ku jira shabakado abaabulan oo burcad ah, taliska booliska ayaa sheegay baaritaan uu ku socdo eedeysanayaasha, iyadoo baaritaan kadibna Maxkamad la horgey doono.

Sawirrada 16-kaan eedeysane oo magacyadooda iyo dunuubta loo heysto lagu soo dul qoray ayuu baahiyey booliska Soomaaliya oo gacanta ku haya ragaas.

Ragga lasoo bandhigay qaarkood waa odayaal, sidoo kale intooda badan waxay ku hubeysan yihiin tuutaha ciidamada dowladda iyo qoryo AK 47 ah, halka qaarkood ay wataan Tooreeyo ay dadka ku dhici jireen.

Booliska ayaa sheegay in la hayo taleefano lacag iyo agab kale oo ragaan ay ka soo dhaceen dadkii lahaa, qof kasta oo wax laga dhacay ayaa lahu war-geliyey in booliska uu la xiriiro.

Muddooyinkii dambe booliska Soomaaliya ayaa go’aansaday in la fadeexeeyo oo bulshada loo soo bandhigo qofkii qalad gala ee muteysta xarig, waxaana lagu sawiraa astaanta booliska isagoo maxbuus ah, waxaana bulshada lala wadaagaa dembiga loo heysto.

Hoos ka eeg sawirrada ragga lagu soo qabtay dhaca dadweynaha Muqdisho.

Dowladda oo war cusub ka soo saartay tirada Shabaab-kii lagu laayey CEEL-DHEER

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha Deegaanka oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku hawlanaa baadi goobka haraadiga Khawaarijtii lagu laayay dagaalkii ay ku jabeen ee ka dhacay degmada Ceeldheer ay heleen meydadka ilaa 10 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijtii soo weerartay magaalada waaberigii Sabtidii tagtay.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay tiro maleeshiyaad ah, intii lagu jiray baadigoobka iyo sifeynta Khawaarijta dagaalkii Ceeldheer kadib, sida lagu sheegay warkaan ka soo baxay dowladda.

“Ciidamada Dowladda ayaa ku hawlan aasidda meydadka la helay, waxaa sidoo kale ay sii wadaan hawlgalka uruurinta, maadaama ay jiraan maleeshiyaad kale oo dhaawac ahaa oo daryeel xumo qaarkood u dhintay, wadarta guud ee maleeshiyaadka la dilay ayaa ilaa hadda kor u dhaafay 60 xubnood oo ay Horjoogayaal ku jiraan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday waalidiinta Soomaaliyeed ee ay carruurtooda qaldeen Al-Shabaab in ay kala soo baxaan.

“Dowladda waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, dhalinyarada ay qaldeen waxa ugu yeeraynaa in ay si deg deg ah uga soo baxaan nabad-diidka arxanka darran, inta aysan ku bixin gacanta Ciidinka Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka, si lamid ah kuwii la midka ahaa ee alle ku ciqaabay gacanta ciidamadeenna,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Warbaahinta dowladda ayaa barta Telegram ku faafisay sawirrada meydadka kooxda Al-Shabaab ee shalay lagu laayey duleedka Ceeldheer, kuwaas oo saraakiil la aqoonsaday ay ku jiraan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay lagu jebiyey weerar gaadmo oo ay ka fulisay degmada Ceeldheer, kadib markii ay aad u dagaalameen ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Ceeldheer.

Dhowr jidgooyo ayaa loo dhigay kooxda Al-Shabaab markii ay ka firxadeen Ceeldheer oo looga taag roonaaday, taasi oo sababtay in lagu laayo dhulka howdka ah oo meydadkooda ay weli daadsan yihiin, sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Daawo: DF oo amartay in 10 cisho meydadka looga saaro qabuuraha Iskuul Buluusiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Booliska, guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee gobolka Banaadir iyo culimo ay ka mid yihiin Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa galabta shir jaraa’id ku qabtay qabuuraha Iskuul Buluusiya ee degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Masuuliyiintaan oo dhamaantood la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey amar ka soo baxay dowladda, kaas oo lagu dalbanayo in deg deg qabuurahaas looga saaro meydadka ku aasan.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in muddo 10 cisho ah meydadka looga saaro qabuuraha Iskuul Buluusiya, iyagoo cadeeyey in dhulkaas la deji doono ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in wararka la faafi doono inta la iska dhaafo loo hoggaansamo awaamiirta dowladda, maadaama dhulkaan loo qorsheeyey howlo dan-guud ah oo la deji doono ciidanka ilaalada xeebaha dalka.

Dhankiisa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Yabooh ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir oo qoysaska eheladooda ay ku aasan yihiin qabuurahaas ay ka gacan sii doonaan sidii ay ula bixi lahaayeen.

Yabooh ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay saari doonaan meydadka hadii la waayo ehello kala baxa qabuurahaan loo bedelayo xerada ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya.

Culimadii joogtay goobta oo ay ugu waaweynaayeen Sheekh Bashiir iyo Sheekh Cali Wajiis ayaa diiniyan uga hadashay arrintaan, iyagoo sheegay inay banaan tahay in meydadkaan laga saaro qabuuraha, hadii loo soo baahday dhulka oo dan-guud lagu qabanayo.

Sidoo kale culimada ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqday inay u hoggaansamaan awaamiirta dowladda, maadaama dowladdu ay masuul ka tahay dadka iyo dalka, dhulkii ay u soo baahatana ay waajib tahay inay hesho.

Hoos ka daawo

Shanta tallaabo ee uu Qoor-Qoor u qaaday dagaalka lagu hoobtay ee Galgaduud

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Khasaaraha dagaal beeleed qaraar oo ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa aad u kordhay, ayada oo dhinacyadu dhowr jeer isku laabteen shalay.

Dadka haya xogta dagaalka waxay warinayaan geerida ku dhowaad 40 qof iyo dhaawac intaas ka badan. Dagaalka u dhaxeeya beelaha walaalaha ah ee wada dega gobolka Galgaduud ayaa rejo xumo ku abuuray dad badan oo filaayay in loo sii dhawaanayo marxalad ay dadka reer Galmudug ka guuri doonaan khilaafka dhexdooda ah oo ay u midoobi doonaan la-dagaalanka argagixisada.

Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Qoor-Qoor ayaa qaaday dhowr tallaabo oo lagu badbaadinayo dhiigga walaalaha ku dagaalamaya deegaankaas.

Mid kamid ah tallaabooyinka ugu muhiimsan waa in maamulka ciidankiisa ku amray inay kala dhex galaan labada beelood oo ay ku guuleysteen in xabadda la joojiyo.

Illaa saddex askari oo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen intii ay shalay ku howlanaayeen inay xabadu joogsato. Cambaareynta iyo tacsidu waxay ahaayeen mid uu maamulka ku kabay qoraalkiisa.

Waxaase kale oo bogaadin leh inuu Qoor-Qoor deg deg u magacaabay guddi heer wasiir ah oo si buuxda u kala dhex gala labada reer, xaaladdana soo gaarsiiya marxalad wada-hadal ah.

Hoggaamiyaha Galmudug ayaa sidoo kale waxa uu gogol nabadeed dhigay magaalada Dhuusamareeb, si loo soo afjaro xiisadda labadaan beelood ee walaalaha ah. Dagaal sidaan u qaraar oo u khasaare badan waayahan kama dhicin deegaanada Galmudug.

Hoggaanka maamulka Galmudug ayaa sidoo kale lasoo wariyay inay ku mashquulsan yihiin bixinta gurmad caafimaad oo la siinayo dhaawacyada labada dhinac.

Ku baaqida nabadda, dhiig joojinta ciidanka maamulka ee loo diray goobta dagaalka, dhismaha guddiga xal doonka ah iyo gogosha uu Qoor-Qoor dhigay magaalada Dhuusamareeb ayaa dhamaan si togan wax uga beddeli kara xaaladda.

Waxaana maamulka Galmudug laga rabaa inuu la yimaado aragti si buuxda usoo afjareysa colaaddan.

Dagaalkan u dhaxeeya labada beelood ee walaalaha ah ee kasoo kala jeeda magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale wuxuu kusoo aadaya iyada oo la qorsheynayo inay dhowaan deegaanada Galmudug dib uga bilowdaan dadaaladda lagu soo afjaraayo kooxaha argagixisada.

Waxay dhacdooyinka nuucaan ah culeyska ku baddinayaa maamulka Galmudug iyo ciidankii loogu tala-galay inay la dagaalamaan argagixisada.

Dadka walaalaha ah ee halkaa ku dagaalamaya waxaa la gudboon inay wax u reebtaan Islaamnimada, Soomaalinnimada iyo derisnimada, ayna dhinaca kale fursad siinin argagixisada, oo marwalba iyagu faa’iido ka dhex raadiya colaadda qabaa’ilka.

Kadib GUUSHII maanta la gaaray, R/Wasaare Xamza oo sameeyay ballan-qaad culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta kooxda Al-Shabaab ka xoreeyey deegaanka Buulo-Xaaji oo 90KM dhanka galbeed kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Buulo-Xaaji, ayada oo howl-galkan ay ka fuliyeen deegaankaasi ay ku bur-buriyeen fariisimo ay kooxda Al-Shabaab baada uga qaadi jireen dadka shacabka ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Jubbaland guusha ay ka gaareen dagaalka kooxda Al-Shabaab looga sifeynayo deegaannada Jubbaland.

“Waxaan ku ammaanayaa Ciidammada halyeeyada Qaranka ee sida geesinnimada, dadaalka iyo daacadnimadu ku jirto uga xoreynaya Khawaarijta deegaannada fara kutiriska ah ee ay gacanta ku hayaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaruhu hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay gacanna kula dirirayso Khawaarijta gacanna ay ku daryeelayso shacabkeeda.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ballan-qaaday in sida ugu dhaqsaha badan goobaha la xoreeyey la gaarsiin doono adeegyadii aas-aasiga ahaa sida waxbarasho, caafimaad iyo nabadgalyo, si la mid ah deegaanadii kale ee laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa xilligaan maraya meel xasaasi ah, waxaana socda dadaallo dowladda ku dardar-gelinayso howl-gallada ka dhanka ah kooxda oo muddooyinkii dambe uu gaabis ku yimid, kaasi oo uu qeyb ka yahay howl-galka saaka lagu xoreeyay deegaanka Buulo-Xaaji oo 90KM dhanka galbeed kaga beegan Kismaayo.

Daawo: Hooyada Ikraan oo hadashay, farriin culusna u dirtay Xasan iyo Sanbaloolshe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo maanta warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in kiiska gabadheeda aan wax laga qaban sidii ay u timid dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo ka dhigan in muddo saddex sano ku siman ay weli cadaalad raadineyso.

Qaali ayaa waxay sheegtay inay xaalad caafimaad oo adag la soo deristay sidii ay cadaaladda inanteeda u daba joogtay, “Wax ka qabsoomay weli ma jiraan, waa iska dhibanahay oo ma seexdo, sonkor iyo dhiigkar ayaa igu dhacay illaa haddana wax ii damqaday ma jirto.”

Sidoo kale waxay ka dalbatay madaxda sare ee dalka, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe oo hadda jooga hay’addii gacanteeda lagu waayey Ikraan Tahliil inay kiiskaan wax ka qabtaan.

“Waxaan halkaan baaq ugu dirayaa madaxda dalka oo ugu horreeyay madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Xamza, Aadan Madoobe oo dhamaantood ay ballan-qaadeen arrintaan, waxaa ka codsanayaa in ay kiiskaan wax ka qabtaan,” ayey tiri Hooyo Qaali.

Waxay intaas kusii dartay “Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa halkaan baaq uga dirayaa oo isagu hadda jooga taliskii Nabad-sugidda, waa meeshii lagu waayay gabadheyda waaye, in uu arrintaas wax ka qabto ayaa ugu baaqayaa.”

Sidoo kale waxay sheegtay in maxkamadda ciidamada qalabka sida ay dacwo cusub u geysatay, ayna xilligaan uga fadhido madaxda sare ee dalka inay arrintaas meel-mariyeen, si cadaalad u hesho gabadheeda.

“Kiiskaas qof walba oo Soomaaliyeed ayaa isha ayuu ku haaya, wey iga aamusan yihiin oo wax la iiqabtay ma leh oo wal-bahaar ayaa la noolahay. Waxaan ka codsanayaa inay arrintaas meel-mariyaan si ay umadda Soomaaliyeed u badbaadan oo dhibaato loogu geysan.”

Hooyo Qaali ayaa ugu dambeyntiina rejo wanaag ka muujisay in sida ugu dhaqsaha badan looga soo jawaabi doono baaqeeda, “Waxaan jeclahay in wax laga qaban doono arrintaan.”

Si kastaba, kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo horay dalka uga dhaliyay xiisad siyaasadeed xooggan ayaa illaa hadda meel lagu sheegin, ayada oo xilalka u sareeya dalka ay qabteen siyaasiyiintii shalay u qeylinayay in cadaalad hesho Hooyo Qaali Maxamed Guhaad.

Hoos ka daawo

Mareykanka iyo Sacuudiga oo qarka u saaran heshiis dhabar-jab weyn ku ah Falastiiniyiinta

Washington (Caasimada Online) – Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhow inuu dhameystiro heshiis lala galo Sacuudi Carabiya, kaasi oo u ballan qaadaya in Mareykanka uu difaaco boqortooyada.

Heshiiskan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah heshiis looga gol leeyahay dhiiri-gelinta xiriir diblomaasiyadeed oo dhex-mara Riyadh iyo Israel, sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal oo oo soo xiganaya saraakiil Mareykan iyo Sacuudiyaan ah.

Heshiiska suurto-galka ah oo ay si weyn uga shaqeeyeen Maraykanka iyo mas’uuliyiin kale muddo toddobaadyo ah, ayaa qayb ka ah xirmo ballaaran oo ay ku jiraan heshiis nukliyeer oo dhex-mara Maraykanka iyo Sucuudiga.

Tallaabooyin loo qaadayo dhismaha dawlad Falastiin ah iyo soo afjarida dagaalka Gaza ka socda ayaa qeyb ka ah, halkaasi oo dadaallo xabad joojin oo bilo socday ku guuldareysteen in ay nabad keenaan.

Ansixinta heshiiska oo Wall Street Journal, uu sheegay in loo yaqaan heshiiska isahaysiga istaraatiijiga ah ayaa u baahan doonaa saddex-meelood laba-meelood codka aqlabiyadda Senate-ka Mareykanka, taasi oo ay adkaan doonto in la helo haddii aan heshiiska lagu xirin xiriir dhex-mara Israa’iil iyo Sucuudiga.

Heshiiska qabyada ah waxaa loo qaabeeyey si u eg heshiiska amniga wadajirka ah ee Washington ay la gashay Japan, sida uu wargeysku ka soo xigtay saraakiisha Mareykanka iyo Sacuudiga.

Ayada oo dhaafsaneysa ballan-qaadka Mareykanka ee ah in uu gacan ka gaysto difaacidda Sacuudi Carabiya haddii la soo weeraro, qabyo qoraalka heshiiska ayaa Washington u ogolaanaya in ay adeegsato dhulka iyo hawada Sacuudiga, si ay uga ilaaliso danaha Mareykanka iyo saaxiibadiisa gobolka, sida uu wargeyska ku warramay.

Sidoo kale waxaa laga damacsan yahay in uu Riyadh si dhow ugu xiro Washington, ayada oo laga mamuunayo Shiinaha inuu saldhigyo ka dhisto boqortooyada ama uu iskaashi amni la galo Riyadh, ayuu Wall Street Journal ka soo xigtay saraakiisha.

Aqalka Cad, Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka iyo safaaradda Sacuudiga ee Washington ayaan si deg deg ah uga jawaabin codsi ah in ay arrintan ka hadlaan.

Reuters + Voa

Itoobiya oo jawaab ka bixisay go’aanka ay DF ka qaadatay ciidankeeda jooga Soomaaliya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa maanta jawaab rasmi ah ka bixisay go’aanka dowladda Soomaaliya ee ku aadan in ciidamadeeda ay kala baxdo gudaha Soomaaliya, kaas oo uu dhawaan shaaciyay Xuseen Macallin Maxamuud oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Nabiu Tedla oo soo jawaabay ayaa sheegay in illaa iyo hadda aysan wargelin ka helin Soomaaliya oo ku aadan inay la baxaan ciidamadooda qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrka ee lagu magacaabo ATMIS.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan waxba ka ogeyn arrintan, gaar ahaan hadalka kasoo yeeray la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in uusan jirin xiriir diblumaasiyadeed oo rasmi ah oo kasoo gaaray dhanka Soomaaliya oo ku aaddan arintaan, amaba lala soo wadaagay.

Nabiu Tedla ayaa xusay inay sii wadayaan howlgalada amni ilaalinta ee ay ka hayaan Soomaaliya, isaga oo ku dooday in weli uu yahay qorshaha bixista, maadaama aan la helin ciidamadii bedeli lahaa ATMIS.

Hadalkan kasoo baxay Itoobiya ayaa imaanaya, ayada oo dhowaan la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya uu shaaca ka qaaday in dhamaadka December ee sanadkaan 2024-ka la qorsheeyey in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka bixi doonaan Soomaaliya.

‘’Dabcan annaga halka aan ka taaganahay ka dawlad Soomaaliya ahaan, waan caddeyney ciidanka Itoobiya kama mid noqon doono ciidamada sii joogi doona dalka, Diiseembar sanad kan wixii ka dambeeya, arintaasi waa arin dawladda Soomaaliya go’aan ay qaadatay,’’ ayuu horay u yiri Xuseen Macalin. 

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa haatan ka dhexeysa xiisad xoogan oo ka dhalatay heshiiska badda ee uu bilowgii sanadkan Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland, kaas oo ay carooray dowladda federaalka Soomaaliya.

Caro ka dhalatay go’aan siyaasadeed la xiriira Xajka oo Sacuudiga uu ku dhowaaqay

Riyadh (Caasimada Online) – Caro iyo dhaleeceyn xooggan ayaa ka dhalatay kadib markii wasiirka Xajka iyo cumrada Sacuudiga uu ku dhowaaqay in boqortooyada aysan ogolaan doonin “hal-ku-dhigyada siyaasadeed” inta lagu jiro xajka, isaga oo ula jeeda ficillada garab is-taagga loogu muujinayo Falastiiniyiinta.

Tawfiiq Al-Rabiah oo warbaahinta kula hadlay magaalada Riyaad ayaa sheegay in Xajka “loo yaqaan hab cibaado, waxaana aad u daneyneynaa inaan xaqiijino nabadda si qof walba uu si fudud ugu guto cibaadadiisa.”

Waxa uu intaa ku daray “Sidaas darteed, Xajku waa cibaado ee maaha mid loo adeegsado hal-ku-dhegyo siyaasadeed, taasina waa waxa ay hoggaanka boqortooyada doonayaan in ay xaqiijiyaan – in Xajku ka kooban yahay astaamaha ugu sarreeya ee khushuuc, xasillooni iyo diin.”

Hadalladan ayaa waxa ay dhaliyeen caro badan oo ka timid dad badan oo Muslimiin ah oo caan ka ah baraha bulshada, kuwaas oo su’aal ka keenay sida aan caddayn ee hadalka loo dhigay, kaasi oo u muuqday mid tixraacaya mudaaharaadyada caalamiga ah ee lagaga soo horjeedo dagaalka burburka leh ee lagu hayo Gaza iyo qul-qulka taageerada Muslimiinta ee qadiyadda Falastiin.

“Islaamku waa hab nololeed, ma kala qaybsana qaybta ‘siyaasadda’ iyo ‘cibaadada’ ee Islaamka. Nebi Muxamed NNKH wuxuu siyaasadda iyo istiraatiijiyadda dagaalka uga hadli jiray masjidka,” ayuu yiri qof qoraal soo dhigay baraha bulshada.

Mid kale ayaa waxa uu iftiimiyay in Xajku yahay xilli lagu fekerayo nuxurka Muslimnimada, oo ay ka mid tahay “diididda dulmiga”.

Qaar kale waxay xuseen in inkasta oo oo uu yahay dal miisaan siyaasadeed ku leh gobolka, haddana Sacuudi Carabiya ay sii waddo mawqifka la dhimay ee ka qaybgalka diblamaasiyadeed, taas oo wiiqday diinta iyo qiyamka qoyska boqortooyada al-Sacuud.

“Iyadoo uu socdo xasuuqa Gaza, aamusnaanta maamulka Sucuudiga waa wax uu ka naxo qof kasta oo bani’aadam ah iska daa Muslim,” ayuu yiri qof kale.

Qaar ayaa iftiimiyay waxa ay u arkayeen in ay tahay laba wajiyeynta mas’uuliyiinta Sucuudiga iyaga oo xusay in ammaanida amiirka dhaxal-sugaha ah aan loo qaadan doonin dhibaato ‘siyaasadeed’.

Dhaleeceyntaas waxaa ka mid ahaa, Saami Xamdi oo ah falanqeeye dhanka siyaasadda oo hadalka Rabiic su’aal geliyay, wuxuuna weydiiyay: “Maxay tani la macno tahay? Ha ka hadlin xasuuqa Gaza marka aad ku sugan tahay Baydka Allah?”

Dhaleeceyntan ayaa waxaa ka jawaabay akoonka Inside the Haramain, oo ah kan rasmiga ah ee labada Masjid ee xaramka.

“In loo duceeyo Falastiiniyiinta, gaar ahaan walaalaheen Gaza la ma mamnuucin, tani gabi ahaanba waa been abuur, waxa la mamnuucay waa hal-ku-dhegyo siyaasadeed, hadday tahay waddan iyo gobol kasta, keliya xuska Allah ayaa lagu soo qaadi karaa labada Masjid ee barakeysan,” ayaa lagu qoraal ay Inside the Haramain soo dhigeen barta X.

Bilihii la soo dhaafay, mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa lagu soo warramayaa in ay sare u qaadeen howlgallada ka dhanka ah shaqsiyaadka dhaleeceynaya duullaanka Israa’iil ay ku hayso Gaza, iyadoo heshiis diblomaasiyadeed oo ay la gasho Israa’iil uu weli miiska u saaran yahay.

Daawo: Shabakad gaadiid ka dhacday MUQDISHO oo gacanta lagu soo dhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa laba jibaaray howlgallada amni xaqiijinta ah ee ay haatan ka wadaan caasimada iyo deegaanada u dhow, si looga hortego falalka amni darrada ah.

Afhayeenka Booliska, Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qatay wariyeyaasha ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalladan iyo natiijada laga gaaray.

Cabdifitaax ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen shabakad isku xiran oo dhac baahsan ka wadday magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

Sida uu sheegay afhayeenka kooxdan ayaa waxaa horkacayay laba askari oo horay laga eryey ciidanka Xoogga, wuxuuna sheegay inay dhaceen gaadiid iyo moobeelo.

“Laba ruux oo horay looga ruqseeyay ciidanka Xoogga dalka oo lahaa shabakad dadka dhacda ayaa waxa ay muwaadiniin Soomaaliyeed ku dhaceen gudaha degmada Dharkenley, waxay qaateen mooto, moobeello, kadibna waxay galeen degmada Garasbaaley” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in laba gaari oo kale ay ka dhaceen degmada Garasbaaley iyo deegaanka Ceelasha Biyaha, kadibna ugu dambeyn laga daba tegay

“Ciidamada booliska Garasbaaley ayaa daba galay degmada waxay ka dhaceen gaari waxayna la aadeen Ceelasha Biyaha oo ay rabeen inay ku dhuumaaleystaan, gaarigii markii ay taargada booliska baafiyeen lagu daba taagnaa ay dareemeen in aysan baxsan karin waa ay ka tageen gaarigii, hadana waxa ay gaari labaad kasoo dhaceen Ceelasha Biyaha” ayuu mar kale yiiri.

“Sidoo kale waxay muwaadin Soomaaliyeed ka dhaceen bistoolad uu sifo sharci ah ku watay, bistooladaas waxay ku dhaawaceen muwaadin kale” ayuu sii raaciyay.

Afhayeenka ayaa xusay in sidoo kale kooxdan ay taleefano badan ka dhaceen degmada Dayniile, kadibna ay ka baxsadeen kadib falkaasi.

Waxaa kale oo uu tilmaamay inay soo gacan galeen labadan nin iyo lab kale oo caawiye u ahaa, isla markaana isku bahaystaan inay dhac ka gaystaan magaalada Muqdisho

“Dhammaantood labadii ruux iyo laba kale oo kal-kaaliyeyaal u ahaa afartoodaba gacanta ayaa lagu soo dhigay, waxayna ku xiran yihiin saldhigga” ayuu kusoo gabagabeeyay.

Warqad sir ah: Saciid Deni oo u qeyliyey beesha caalamka, xilli ay dhuun qabatay DF

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qeylo-dhaan uu u diray saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa u ku dalbaday inay xaqiijiyaan in si cadaalad ah oo siman loo qaybsado deeqaha iyo gargaarka horumarineed, isaga oo eedeyn culus u jeediyey dowladda federaalka.

Codsigan oo loo diray hay’ado iyo dalal badan oo caalami ah, ayuu Deni hoosta kaga xariiqay welwelka weyn ee uu ka qabo wax uu ugu yeeray “siyaasadeynta sii kordheysa ee deeqaha” ee dowladda federaalka.

Saciid Deni waxa uu qeylo dhaan ka muujiyay lacagaha ka yimaada deeq bixiyayaasha caalamka oo uu sheegay in dowladda federaalka ay adeegsato ajandayaal siyaasadeed, taasi oo uu ku andacoonayo inay socotay tan iyo markii isaga dib loo doortay.

“Siyaasadeynta mashaariicda Puntland loo qoondeeyay, barnaamijyada iyo taageerada miisaaniyadeed waxay socotay 18-kii bilood ee u dambeeyay,” ayuu yiri Saciid Deni.

Saciid Deni ayaa sheegay in la isku dayey in uu arrintan xal kala gaaro dowladda federaalka iyo bankiyada horumarinta balse aanu ku guuleysan.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyey dowladda federaalka inay billaabeen olole war xumo tashiil ah iyo warar been abuur ah, oo la doonayo in lagu qalqal geliyo dowlad goboleedka Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

Deni ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la helo hanaan loo wada dhan yahay oo ku saabsan deeqaha dibadda, ganacsiga, heshiisyada, kheyraadka dabiiciga ah, iyo arrimo kale ee waaweyn ee saameynta ku leh danaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, oo ay ku jirto Puntland.

Waxa uu ku dooday in falalka Muqdisho ay iska indha tirayaan waajibaadkii dastuuriga ahaa, iyo xaaladda taagta daran ee qaranka, taasi oo halis gelin karta xasiloonida iyo midnimada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka la eego xaaladdan halista ah, waxaan ka codsanaynaa saaxiibadeena caalamiga ah inay garwaaqsadaan culeyska xaaladdan,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

“Waxaan codsaneynaa in la sameeyo hannaan beddel ah oo awood u siinaya bankiyada horumarinta inay si toos ah u caawiyaan oo ay u taageeraan Puntland, kana madax-banaan siyaasadda Muqdisho.”

Qeylo-dhaanka Deni ayaa imaneysa ayada oo Puntland ay wajaheyso xaalad dhaqaale xumo oo liidata, xilli ciidamada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha maamulka aan mushahar la siin muddo bilo ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda federaallka ay Deni ka jartay qaar ka mid ah qoondadii Puntland ay ku laheyd deeqaha caalamiga ah, halka qaar kalena lagu dhibo.

Puntland ayaa horey u sheegtay inay u macaamileyso si ka madax-banaan dowladda federaalka, hase yeeshee beesha caalamka ayaa weli deeqaha u soo marisa dowladda federaalka.