27 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Roobow oo si yaab leh uga jawaabay eedda loo jeediyay: Dalxiis ma ahan XAJKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo shir jaraa’id ka qabtay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan Xajka sanadkan oo mar kale cabasho xoogan ay ka timid.

Qaar kamid ah xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa ka cawday adeeg xumo ay sheegeen in mas’uul ka tahay dowladda, kuwaas oo ay kala kulmeen goobihii la dajiyay

Xujeyda qaar ayaa sheegay in hoteelo fiican aan la dejin, isla markaana kuleyl daran ay ku wajahayaan magaalada Maka oo cimiladeeda ay aad u kulushahay.

Wasiirka oo ka jawaabayay arrintaasi ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad gaar ah oo fashilinaya Xajka, iyaga oo ka raadinaya dano kale, sida u hadalka u dhigay.

“Waxaa nasiib darro ah in mararka qaar la arkayo qof dhahaya Xajkaan fashilinayaa, subxaanalaah, war xajka waa rukni ka mid ah arkaanul islaam” ayaa yiri Roobow.

Isaga oo ka hadlayay dayaacadda la sheegay in lagu sameeyay xujeyda Soomaaliyeed ayuu ku jawaabay “Ummadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaa ogaada Xajku dalxiis ma’ahan”.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa kula dardaarmay guddiga haatan shaqada wada iyo shirkadaha Xajka in looga baahan in ay daacad ka noqdaan shaqadooda, isla markaana ay Alle uga baqaan adeegga ay u hayaan shacbka.

“Mukhtaar waa tagayaa ama waa la taksiinayaa ee shaqadiina ha’iska haleynina, Ilaaheyna uga baqa” ayuu sii raaciyay wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta ee Soomaaliya.

Si kastaba, tirada xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan ayaa gaareysa illaa 11,500 oo xaaji, waana tiro ka ag dhow tirada xujeydii sanadihii lasoo dhaafay u soo xajisay Soomaalida, maadaama dal kasta xajka looga qoondeeyey tiro go’an oo la isla ogyahay, Soomaalida ayaa safka hore uga jirta xujeyda qiimaha ugu badan ku tagta Xajka.

Xogta wada-hadallo dhex maray Shariif, Farmaajo iyo James Swan + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo weli sii wada kulamadiisa gaar gaarka ah ayaa xalay wada-hadal khadka taleefoonka ah la yeeshay madaxweynaashii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo Sheekh Shariif  Sheekh Axmed, isaga oo kala hadal arrimo xasaasi ah.

Wada-hadalladan ayaa qayb ka ahaa wadatashiyo uu maalmahan James Swan la yeelanayo daneeyayaasha siyaasadda, si uu xog wareysto xaaladda guud ee dalka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee loo yaqaano UNSOM.

“Isagoo sii wada xiriirada uu la samaynayo daneeyayaasha Somaaliyeed ayaa  Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan uu khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”, ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM.

Farmaajo iyo James Swan ayaa waxa ay si gooni ah uga wada-hadleen isbeddeladii ugu dambeeyay ee dalka dhacay iyo sida looga shaqeyn karo horumarka Soomaaliya.

“Waxay ka wadahadleen is baddalladii  ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo fursadaha lagu horumarinayo mudnaanta Qaranka” ayaa lagu sii raaciyay warka qoraalka ah ee UNSOM.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo isla noocaan ah oo ay xalay wada yeesheen madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya kaas oo isna ahaa khadka taleefoonka ah.

Shariif iyo Swan ayaa si gaar ah uga wada-hadlay arrimo ku aadan horumarada dalka ka socda iyo sida loo sii ambaqaadi lahaa horumarka jira.

“Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan ayaa maanta magaalada Muqdisho khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Waxay ka wada hadleen horumarada dalka ka socda iyo sida loo sii ambaqaadi lahaa horumarka jira” ayaa lagu yiri qoraal kale oo kasoo baxay UNSOM.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho kulamo ka waday James Swan oo markii labaad loo soo magacaabay wakiilka QM ee Soomaaliya, isaga oo horey usoo ahaa ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM iyo madaxa UNSOM laga soo bilaabo 2019 ilaa 2022, kadib markii uu muddo dheer ka soo shaqeeyay adeegga diblomaasiyadda ee Mareykanka.

 

 

Xog: 4 nin oo lagu qabtay dagaalkii Ceeldheer oo loo soo qaaday Muqdisho iyo askari…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil ku sugan degmada Ceeldheer oo Sabtidii dagaal qaraar uu ka dhacay, waxaa jira rag nolosha lagu qabtay oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaas loo soo qaaday Muqdisho, si baaritaan loogu sameeyo.

Ragaas waxay gaarayaan afar nin, waxaana qabtay ciidanka dowladda oo sii raacdeysanaya Shabaab-kii soo weeraray Ceeldheer oo dagaalka lagu jebiyey.

Saraakiisha noo warantay waxay sheegeen in ragga la qabtay ay wateen gaari yar oo Suuksuuki ama Kabtabuud ah, waxayna ka yimaadeen dhinaca deegaanka Cowsweyne oo hoos taga Ceeldheer.

Ciidanka ayaa soo jeebeeyey ragaas, waxayna keeneen Ceeldheer, isla Sabtidii waxaa lagu soo qaaday diyaarad military oo keentay Muqdisho, si baaritaan loogu sameeyo, inkastoo aan weli xog laga helin waxa ka soo baxay baaritaanka ragaas.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya ragga la qabtay, saraakiisha qaar waxay noo sheegeen inay ahaayeen Shabaab gurmad ah, halka qaar ka mid ah dadka deegaanka ay noo sheegeen in ragaasi ay raadinayeen qoryo ay bililiqeystaan.

Sidoo kale xogaha aan dadka deegaanka ka helnay waxay sheegayaan in ragga lagu qabtay duleedka Ceeldheer ay ka mid yihiin shacabkii qoryaha ciidanka dowladda ku bililiqeystay Cawsweyne, markii lagu jabiyey ciidanka qaranka Shabaab-na ay isaga carareen deegaanka.

“Ragaan inta aan ka naqaan Shabaab ma aheyn waxay iska ahayeen reer miyi, balse waxay barteen bililiqo oo dagaalkii Cawsweyne ayey dhowr qori ka heleen, marka sidii oo kale ayey rabeen inay Ceeldheer qoryo ka helaan markii la jebiyo ciidanka dowladda, balse waxaa qabtay ciidankii oo sii ceyrsanaya firxadka Al-Shabaab,” ayuu yiri nin aan magaciisa u qarinay sababo amnio o Ceeldheer ku sugan.

Dhinaca kale, dadka deegaanka waxay noo sheegeen in hareeraha degmada Ceeldheer ay buuxaan meydadka Shabaab-kii lagu laayey dagaalka, ilaa seddax goobood ayaa la sheegay in meydadku ay toban-toban u yaalaan.

Arrinta murugada leh ayaa ah in askari ay Shabaab nolosha ku wateen duleedka magaalada laga helay meydadka isaga iyo raggii afduubtay oo lagu laayey jid-gooyo ay u dhigeen ciidamada GorGor ee xoogga dalka, oo aad uga dagaalamay gudaha iyo hareeraha degmada Ceeldheer.

Ardeydii ugu badneyd oo maanta Muqdisho u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga billowday imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad.

Imtixaanka ayaa waxaa u fariistay maanta illaa 35,307 arday oo dhigata 656 iskuul, sida uu shaaciyay gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa si rasmi ah u daah-furay qaadista imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir oo ay u fariisteen ardeydii u badneyd.

Ardayda maanta imtixaanka u fariisatay ayaa isugu jirta 19,766 wiil iyo 15,541 gabdhood. Maamulka gobolka Banaadir ayaa sannadkii 5-aad qaadaya imtixaanka dugsiga dhexe ee fasalka 8-aad.

Mr Yabooh oo ku hadlay afka Duqa Muqdisho maadaama uu ka maqnaa goobta waxa uu Ardayda ku dhiirra-geliyay in ay dedaalkooda waxbarashada ka mira-dhaliyaan.

“Waxaan u mahadceliyay dadkii ka shaqeeyay ama isku dabariday xarumahii lagu gali lahaa imtixaanka iyo xarumaha saaka lagu galaayo oo ay ugu horreyso jaamacadda ummada  sida ay uga qeyb qaateen na aad ayaan uga mahadcelinaayaa,” ayuu yiri guddoomiye Yabooh.

Ardeyda maanta imtixaanka shahaadiga ee fasalka 8-aad u fariisatay ayaa waxaa qayb ka ah ardeyda baahiyaha gaarka ah qaba (naafada) kuwaasi oo iskuullo gaar u ah wax ku barta.

Gantz oo is-casilay iyo Israel oo wajaheysa cadaadis weyn

Tel Aviv (Caasimada Online) – Benny Gantz oo ka mid ahaa wasiirrada xukuumadda dagaalka ee ra’iisal wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii shalay is casilay, tallaabadaasi oo cadaadiska ku sii kordhineysa Netanyahu.

Gantz ayaa ahaa xubinta kaliyah ee xisbiyada siyaasaddoodu dhex-dhexaadka tahay ee ku jiray xakuumadda ay majaraha u hayaan isbaheysiga midigta fog ee Isra’il.

Gantz ayaa waxa uu xukuumadda Israel ka tirsanaa tan iyo inti uu billowday dagaalka Gaza muddo hadda laga joogo siddeed bilood.

Is-casilaadda Gantz ayaanan khatar deg deg ah hadda ku aheyn dowladda Isra’il, hase yeeshee yeelan karta cawaaqib halis ah, isla markaana ka dhigtay xukuumadda Isra’il ee hadda jirta mid ay isugu soo hareen wasiirro gabigoodba ah kuwo mayal adag oo si aada ah u jira dhinaca midigta fog.

Benny Gantz ayaa horay uga digay is casilaadiisa haddii uusan Natanyahu la iman istaraatiijiyad cad oo ku aaddan Gaza, xilli Isra’il ay sii wadday dagaal millatari oo ay ku dishay tobnaan kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.

Netanyahu ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada oo uu uga jawaabayay is cazillaadda Ganz ku sheegay, in aanan hadda la joogin waqti laga tago dagaalka.

Puntland struggles for fair aid amidst federal tensions

Garowe, Somalia – President Said Abdullahi Deni of Puntland has issued a pressing appeal to Somalia’s bilateral and multilateral partners, urgently calling for a fair and equitable humanitarian and development aid distribution.

The appeal, directed to various international bodies and nations, underscores the immediate need to address what Deni describes as the escalating politicization of donor assistance by the central government in Mogadishu.

In a letter dated June 9, 2024, President Deni expressed deep concern over using donor funds for political purposes. “We have observed a troubling trend of Mogadishu using donor aid for politically motivated agendas,” he stated.

Deni claims that the politicization of Puntland State’s earmarked projects, programs, and budgetary support has been ongoing for the past 18 months.

He argued that such actions not only undermine the core purpose of development aid, which is to improve the lives of citizens and foster sustainable progress, but also directly harm the people of Puntland.

“This politicization not only undermines the core purpose of development assistance, which should be to improve the lives of our citizens and foster sustainable progress, but also inflicts direct harm on the people of Puntland,” Deni added.

The President noted that little progress has been made despite Puntland’s efforts to address these issues constructively with multilateral development banks and Mogadishu.

Accusations of disinformation

He accused Mogadishu of launching a campaign of disinformation aimed at destabilizing Puntland.

“Mogadishu has initiated a campaign of disinformation and misinformation, blaming Puntland for not being flexible and open to collaborate,” Deni stated.

“However, the reality is that Mogadishu’s true goal appears to be the destabilization of the Puntland State.”

Deni emphasized the urgency of an inclusive process involving foreign aid, trade, treaties, and natural resources, which he believes are critical for the interests of all Federal Member States, including Puntland.

He argued that if left unchecked, Mogadishu’s actions could disregard the constitutional mandate and overlook the nation’s fragile state, potentially jeopardizing Somalia’s stability and unity.

“Given the nature of Somalia’s political instability, weak institutions, security challenges, and the lack of national agreement on key issues, Mogadishu’s actions could disregard the constitutional mandate and overlook the fragile state of the nation,” Deni said.

Appeal for direct support

In his appeal, Deni requested the establishment of a clear and transparent alternative mechanism that would enable multilateral development banks to directly support Puntland State, free from what he termed as Mogadishu’s politicization.

“We appeal to our bilateral and multilateral partners to recognize the gravity of this situation and to provide their support in ensuring that Puntland State receives the necessary donor assistance and grant budgetary support, free from Mogadishu’s politicization,” he urged.

President Deni, deeply committed to the welfare of the Somali people, reaffirmed Puntland’s dedication to working with all stakeholders to find solutions that ensure and safeguard national interests.

He earnestly called on international partners to support efforts to build a more prosperous Puntland State and Somalia.

“I urge you to use the influence of your office to safeguard democracy, uphold the rule of law, and promote peace throughout Somalia,” he concluded.

This appeal comes amid ongoing tensions between Puntland and the central government in Mogadishu, highlighting the complexities of ensuring equitable distribution of international aid in Somalia’s politically sensitive environment.

Withdrawal from the federal system

The current tension follows Puntland’s declaration on March 31, 2024, of withdrawal from Somalia’s federal system.

The semi-autonomous state announced it would govern itself independently until constitutional amendments passed by the central government are approved in a nationwide referendum.

The federal parliament in Mogadishu had approved several constitutional changes, including introducing direct presidential elections and allowing the President to appoint a prime minister without parliamentary approval.

Critics argue that these changes concentrate power in the hands of the executive.

“Puntland will act independently until there is a federal government with a constitution that is agreed upon by a referendum in which Puntland takes part,” stated the Puntland Council of Ministers at the time.

This rift adds to the challenges faced by President Hassan Sheikh Mohamud, who is contending with an al Qaeda-linked insurgency, a resurgence in piracy, and efforts to assert federal authority over the breakaway region of Somaliland, which has leased a port to Ethiopia.

Sawirro: Soomaaliya oo loo doortay hoggaanka midowga…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa maanta loo doortay guddoonka wakiiladda joogtada ah ee dalalka Afrika (Africa Group) ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xilkan ayaa waxa Soomaaliya ku meteli doona Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, islamarkaana ah Wakiilka Joogtada ah ee UNON, UNEP & UN-Habitat, Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Danjire Jabriil iyo howl-wadeenada safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa hoggaamin doona qorshe howleedka waddamada ku bahoobay Africa Group, iyada oo safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ay hoggaan u noqon doonto kooxda Afrika.

Danjiraha ayaa uga mahad-celiyay dalalka Africa Group kalsoonida ay u muujiyeen dalka Soomaaliya, gaar ahaan hoggaanka safaraadda Soomaaliya, isagoo ballan-qaaday in uu si buuxda ula shaqeyn doono wakiillada dalalka Afrika.

Soomaaliya ayaa sanadihii dambe horumar ballaaran oo dhanka xiriirada caalamiga ah ku tallaabsaneysay, ayada oo maalmo kahor ay aheyd markii ay ku guuleystay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qarmaada Midoobay.

Soomaaliya ayaa Khamiistii kamid noqotay shanta xubnood ee cusub ee buuxinaya kuraasta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inta u dhaxeyso sanadka 2025 iyo 2026-ka.

Golaha ayaa u codeeyay shanta dal ee kala ah Soomaaliya, Pakistan, Denmark, Greece iyo Panama. Soomaaliya ayaa xubin aan joogta ahayn ka noqotay golaha, iyada oo ku matali doonto labada sano ee soo socota qaarada Afrika.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan gelisay kursigan golaha ammaanka iyo sidii ay ku heli lahayd, taasi oo ugu dambeyntii mira-dhal noqotay.

Tens dead in fresh fight in central Somalia

Abudwak, Somalia – The death toll from the ongoing civil war in the Galgaduud region has surpassed 50 as tribal conflict continues to escalate. Reports indicate that violence erupted yesterday in the Landheer area, located in the northern part of the region.

The clashes involve two tribal militias vying for control over grazing land between Caabudwaaq and Xeraale. The confirmed number of fatalities has now reached 50, with an additional 60 individuals reported injured following intense fighting yesterday.

Both militias have access to war vehicles and heavy weaponry, which can prolong the conflict and result in significant casualties and destruction.

In response, both the federal member state and Somalia’s central government have intensified efforts to restore peace. Security forces have been dispatched to the area to intervene between the warring parties.

A ministerial committee, comprising five members appointed by Ahmed Abdi Kariye, the state’s leader, is now working towards a resolution of the tribal dispute.

Despite recent stabilization and ongoing peace initiatives aimed at preventing further violence, the risk of renewed and bloody conflict remains high in the region. Tribal militias continue to face off against each other, with no significant deterrent to halt the fighting.

The primary cause of this deadly conflict is competition over grazing land, as no other substantial resources appear to be driving the violence.

The resurgence of tribal conflicts in Galmudug has had a devastating impact on local communities, particularly in central regions. Clan warfare and targeted killings have compounded the crisis, further destabilizing the area.

Abubakar Mohamed Ali

Farmaajo oo war culus kasoo saaray dagaalka ka socda Galmudug farriina u diray DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war-saxafaadeed ka soo saaray dagaal culus oo belaha Mareexaan iyo Dir ku dhexmaraya inta u dhaxeysa magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Farmaajo ayaa baaq nabadeed ka soo saaray dagaalkaas, isagoo ku tilmaamay “murugo iyo nasiib darro aan indhaha laga qarsan karin” isagoo beelaha dagaalamaya xusuusiyey inay yihiin “ehel iyo walaalo wada dhashay.”

Sidoo kale Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dadka reer Galgaduud uu ka tilmaamay bulshada Soomaaliyeed maanta looga baahnaa inay iskaashadaan, balse nasiib darro ay dib ugu noqdeen dagaaladii sokeeye.

Farmaajo ayaa ku baaqay in loo istaago joojinta colaada ka soo cusboonaatay gobolka, wuxuuna dowladda federaalka xusuusiyey inay masuuliyadi ka saran tahay “badqabka iyo ilaalinta amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed.”

Hoos ka aqriso bayaanka uu Farmaajo ka soo saaray colaadda Galgaduud:

Colaadda sokeeye ee sanadahan danbe ku soo noqnoqonaya gobolka Galguduud waa murugo iyo nasiib darro aan indhaha laga qarsan karin.

Reer Galguduud, waxaad tihiin ehel iyo walaalo wada dhashay oo maanta laga sugayey in ay iska kaashadaan horumarinta deegaankooda, lana tartamaan gobollada Soomaaliyeed ee u jihaystay nabadda, wadajir iyo dhismaha kaabeyaasha nolasha.

Aqoonyahanka deegaanka, waxgaradka, odeyaasha dhaqanka gobolka iyo Galmudug oo idil waxaan ku boorrinayaa in loo istaago dagaalkaas macno darrada ah, wiil iyo gabar danbane aysan nooga dhiman.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay saaran tahay masuuliyadda badqabka iyo ilaalinta amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay mudnaan siiso nabadda, xasilloonida iyo dib u heshiisiinta deegaannada muddadan ay ka soo cusboonaadeen colaadaha sokeeye ee gobollada dalka.

ILAAH HA INOO NABADEEYO DALKEENNA

Muuse BIIXI oo maleegaya shirqool siyaasadeed xasaasi ah ka hor doorashooyinka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad sanadeedka dastuuriga ka horjeediyay golaha baarlamaanka ayaa dib usoo celiyay xiisadda buurta Gacan Libaax, taasi oo horey uga heshiiyeen xukuumadda iyo odayaasha dhaqanka.

Muuse Biixi ayaa waxa uu sheegay in wixii dhacay 11-kii bishii August 2023-kii aysan iloobin xukuumadda, islamarkaana ay cadaaladda horkeeni doonaan maleeshiyaddii ka dambeysay.

“Iyada oo Qaranku uu u midaysan yahay difaaca dalka ayaa waxa dhacday 11-kii Bishii August 2023-kii Shir-qoolkii Buurta Gacan-libaax ee lagu laayey Ciidankii Booliska, dhagartaas laga galay qaranku waxay ahayd mid ugub ku ah Somaliland. Qaranku dhagartaa kuwii gaystay Caddaalada ayuu horkeeni doona,” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Waxa uu intaas kusii daray “Arrintaasi waxay keentay in qayb ka mid ah odayaasha dhaqanka Somaliland ay soo jeediyaan in la qabto doorashooyin isku sidkan. Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay markay qiimaysay xaaladda gudaheenna waxay qaadatay inaga oo difaacii ku jirna in la qabto doorashooyinkaas la soo jeediyey. Waa laba arrimood oo culayskooda dhaqaale iyo bulsho leh.”

Dib usoo celinta xiisadda xilli ay xukuumadda Somaliland ay kal horey cafisay ciidankii hubeysnaa ee galay buurta Gacan Libaax ayaa waxaa lagu tilmaamay shirqool uu maleegayo madaxweyne Biixi, si markale carqalad u dhacdo kahor doorashada loo balansan yahay bisha November ee sanadkaan.

Warqad kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland 5-tii bishii September ee sanadkii hore ee 2023-kii ayaa lagu cafiyey jabhadddii buurta Gacan Libaax, hase yeeshe waxaa maanta heshiiskii hore iyo warqadaasi buriyay madaxweyne Biixi oo ku dhawaaqay in maxkamad la soo taagayo dhammaanba jabhaddii Gacan Libaax.

Si rasmi ah looma oga waxa keenay isbeddelka go’aankii hore ay xukuumaddu cafiska ugu fidisay dhammaan xubnihii jabhadda, haddana waxaa soo baxeyso in shirqool siyaasadeed foolxun uu ka leeyahay Muuse Biixi oo wajahaya loolan adag xilli billooyin ka harsan tahay doorashooyinka.

Sababta ka dambeysa in ay shirkadda Fly Dubai joojiso duulimaadyadi Muqdisho – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradda Fly Dubai oo kamid aheyd diyaaradaha caalamiga ah ee tega magaalada Muqdisho ayaa ku dhowaaqday inay joojineyso duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya wixii ka dambeeya 11-ka bisha June.

Macaamiisha diyaaradda, gaar ahaan kuwa ganacsiga ayaa lala wadaagay email rasmi ah oo lagu xaqiijinayo arrintaan, sidoo kale hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya xubno ka tirsan ayaa sheegay inay diyaaradda system-keeda ka saartay duulimaadyaddii Muqdisho wixii ka dambeeyay 11-ka bishan.

Laba arrimood ayaa loo sababeeyay arrintaan, balse mid kamid ah labadaasi qodob waxaa ku hareeraysan waxyaabo daciifinaya. Labada qodob mid waa suuqa midna waa siyaasadda.

Kooxaha diyaaraddaha qaar waxay sheegayaan in diyaaraddan suuq xumo kala kulantay magaalada Muqdisho, sidaas awgeedna u joojisay duulimaadka, laakiin markii dhinaca suuqa la eego lalana barbar dhigo diyaaradda Qatar Airways oo iyaduna Muqdisho tegta waxaa labada diyaarad suuq fiican haysata Fly Dubai.

Sidoo kale go’aankan ay diyaaradda ku joojineyso duulimaadka Muqdisho in uusan suuq xumo la xiriirin waxaa sii xoojinaya in aanay diyaaraddan joojin duulimaadyaddii ay ku tegi jirtay magaalada Hargeysa.

Labada magaalo ee Muqdisho iyo Hargeysa waxay macaamiil badan ka heli jirtay diyaaraddan magaalada Muqdisho. Sidaas awgeed waxaa la leeyahay arrintan lama xiriirto macaamil xumo.

Doodda labaad ee la xiriirta go’aanka ay diyaaraddan ku joojineyso safaradeeddii Muqdisho iyo Dubai waa arrimo siyaasadeed.

Sida caadiga ah diyaaraddaha Qatar, Fly Dubai iyo Turkish Airlines keliya arrimo ganacsi uma tagaan Soomaaliya ee waxaa ku lifaaqan siyaasadda oo dowladduhu waxay rabaan inay nuuc walba u muujiyaan saameyntooda Soomaaliya ama usoo jiitaan dowladda ama dadka Soomaaliyeed.

Dhowrkii billood ee lasoo dhaafay Imaaraadka waxay hoos u dhigeen cilaaqaadkii joogtada ahaa ee dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

Saraakiil muhiim ah ayaa Imaaraadka looga dilay magaalada Muqdisho, iyagana waxay jarteen kabkii maaliyaddeed ee ciidanka dowladda, waxaana muuqata in aanay labada dhinac hadda isla haysan.

Dadka qaar arrinta diyaaradda waxay ku xirayaan heer kulka siyaasaddeed ee labada waddan. Dhawaan dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Taliyaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe u dirtay waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta si uu xaaladda sidii hore ugu soo celiyo, laakiin wararka qaar waxay sheegayaan in aanay wax badan oo isku soo dhawaansho ah jirin.

Kheyre oo war culus ka soo saaray xiisadda Galgaduud, dalab deg-deg ahna u diray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay colaadda kasoo cusboonaatay gobolka Galgaduud, taasi oo haatan uu sii kordhayo khasaaraha dhimashada ee ka dhashay dagaal beeleedkii dib uga qarxay deegaanka Laandheer ee waqooyiga gobolkaasi.

Kheyre ayaa sheegay inuu ka xun yahay colaadda Galgaduud ee dadka walaalaha ah ay isku dilayaan, isagoo musiibo qaran ku tilmaamay “in aan weli isu dilayno aano iyo dagaal qabiil, oo ay hal maalin tiro badan nooga geeriyoodeen, in badanna nooga dhaawacmeen.”

Waxa uu ku baaqay in beelaha dagaalamaya ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah ay u joojiyaan colaadda, islamarkaana wixii ka dhaxeeya ay ku xaliyaan miiska wada-hadalka.

“Waxaan si gaar ah ugu boorrinayaa odayaasha dhaqanka, culimada, iyo ganacsatada in ay u istaagaan nabadeynta bulshada iyo xasilinta deegaanka,” ayuu Xasan Cali Kheyre ku yiri baaqan uu soo saaray maanta.

Sidoo kale waxa uu madaxda dowlada federaalka ugu baaqay inay sida ugu dhaqsaha badan ay kaalintooda uga qaatan dib-u-heshiisiinta bulshada oo mudnaan iyo muhiimad gaar ah u leh wada-jirka ummadda.

“Waxaan guddiga uu Madaxweynaha Galmudug u magacaabay xal-u-helidda xiisaddan kula dardaarmayaa in ay si qotodheer u darsaan tiirarka colaadda, si xal waara looga gaaro dagaalladan soo noqnoqday ee wiiqaya horumarka dadka iyo deegaanka.”

Hoos ka aqriso qoraalka Kheyre

Waxaan ka xumahay dagaallada ka soo cusboonaaday waqooyiga Gobolka Galaguud ee u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee Soomaaliyeed. Waa musiibo qaran in aan weli isu dilayno aano iyo dagaal qabiil, oo ay hal maalin tiro badan nooga geeriyoodeen, in badanna nooga dhaawacmeen.

Waxaan ugu baaqayaa beelaha dagaallamaya in ay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u joojiyaan colaadda, wixii ka dhexeeyana ay ku xalliyaan miiska wadahadalka. Waxaan si gaar ah ugu boorrinayaa odayaasha dhaqanka, culimada, iyo ganacsatada in ay u istaagaan nabadeynta bulshada iyo xasilinta deegaanka.

Waxaan guddiga uu Madaxweynaha Galmudug u magacaabay xal-u-helidda xiisaddan kula dardaarmayaa in ay si qotodheer u darsaan tiirarka colaadda, si xal waara looga gaaro dagaalladan soo noqnoqday ee wiiqaya horumarka dadka iyo deegaanka.

Waxaan sidoo kale Madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqayaa in ay kaalin hoggaamineed ka qaataan dib-u-heshiisiinta bulshada oo mudnaan iyo muhiimad gaar ah u leh wadajirka ummadda iyo geeddi-socodka dowladnimada, bulshadana u jiheeyaan la dagaallanka argagaxisada.

Nabaddu waa aasaaska nolosha iyo horumarka. Waxaan dadka deegaannadaas ku dhaqan u rajaynayaa in ay ku naaloodaan xasillooni waarta, waxaana Alle uga baryayaa in uu colaadda nabad ugu beddelo, uguna deeqo horumar iyo barwaaqo.

Aadan Madoobe oo qaaday tallaabo xasaasi ah ka hor furitaanka kal-fadhigga BF

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa shir-guddoomiyay kulanka banbaxa guddiga ah ee Golaha Shacabka oo maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaaladda Kismaayo ee caasimadda KMG ah dowlad-goboleedka Jubbaland.

Kulanka oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaaladda Kismaayo ayaa xubnaha Guddiga Joogtada waxa ay uga hadlayeen ajendayaasha kal-fadhiga shanaad ee golaha shacabka.

Inta kulanka uu socdaa ayaa waxaa lagu ansixiyay laba qeybood oo kala ah ajendayaasha guud ee kal-fadhiga shanaad iyo qeybta labaad oo ah in hoos loo daadago, islamarkaana loo wajaho sida ay ajendayaasha horutabinta u kala leeyihiin.

Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka hadlay in kal-fadhiga shanaad lagu sii amba-qaado islamarkaana lagu dhameystiro inta ka hartay ajendayaashii kal-fadhigii afaraad ay xukuumadda soo gudbisay iyo kuwo cusub oo ay kal-fadhiga shanaad soo gudbisay kuwaas oo hada Golaha horyaala.

Shirka Guddiga Joogtada oo maanta si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada waxa ay isku raaceen in kal-fadhiga shanaad xoogaa lagu saaro ajendayaasha muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyntiina xubnaha Guddiga Joogtada ah uga mahad-celiyay maalmihii shirka uu socday dadaalkii Iyo howlkarnimadii ay muujiyeen, waxaa uuna dhanka kale u mahad-celiyay madaxda Iyo shacabka dowlad-goboleedka Jubbaland soo dhoweyntii ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Kulanka maanta ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-gashay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Furitaanka kal-fadhiga shanaad ee baarlamaanka ayaa waxa uu qorshuhu yahay inuu meel-mariyo sharciyo dhor ah oo kamid yahay kan doorashooyinka, guddiga doorashooyinka iyo xeerka lagu dhisayo iyo weliba sharciga axsaabta, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxtooyadda oo gacan ka helaysa guddoonka baarlamaanka ayaa qorsheynaysa in sharciyadan ay marsato baarlamaanka marka la furo kal-fadhiga shanaad, xilli ay Xildhibaannada qaar muujinayaan saluug iyo balamihii hore loo fulin.

Villa Somalia ayaa horey u marsatay baarlamaanka afartii cutub ee dastuurka ee mucaaradka ka qeyliyay iyo heshiiskii Turkiga ee illaa hadda baarlamaanka aqoonin wax ku qoran, kuwaasi oo dhamaantood ku gacan isiyay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya. Waxaana hadda isha lagu hayaa sida ay wax noqon doonaan.

Muuse Biixi oo si yaab leh barlamaanka uga hor difaacay heshiiska Itoobiya ee badda

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad sanadeedka dastuuriga ka horjeediyay golaha baarlamaanka ayaa si yaab leh u difaacay heshiiskii Itoobiya ee badda.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu sheegay in is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland dhex-maray 1-dii Janaayo ee sanadkaan ay sal u tahay “sinnaan laba dal oo midna aqoonsi helaayo, midna saldhig ciidan baddeed oo kiro ah helaayo.”

“Nuxurka wax-wada-qabsigu waa horumarinta ganacsiga, iyada oo dekedda Berbera u adeegi doonta dadka iyo dalka Itoobiya. Itoobiya waa ta ugu dadka badan dalalka aan badda lahayn ee adduunka. Sidoo kale, waa dalka 7-aad ee ugu dhulka weyn dhammaan dalalka aan badda lahayn ee adduunka,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Muuse Biixi ayaa ku dooday in dowladda dhexe ee Muqdisho ay hagratay aqoonsiga Somaliland, sidaas darteed ay dalalka deriska oo Itoobiya ugu horreyso u raadsadeen wixii ay ka waayeen Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa noo cadaatay in dowladda Xamar ka dhisani ay iska idho-tirayso in aanu nahay laba dal oo siman oo ku midoobay 1960-kii raadinta 5-tii Soomaaliyeed. Mar haddii ay xaqiiqadii diidan tahay Soomaaliya waxa hubaal ah in aanay faa’iido yeelanayn shirar dambe oo aanu iskugu nimaadnaa,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Sidaa darteed, waxaannu ka tashannay danta Somaliland, waxa lagama-maarmaan noqotay in la-raaco halka ay ku jirto danta Somaliland. Danta Somaliland waxay ku jirtaa dowlad kasta oo ka garaabaysa qaranimada Somaliland iyo madax-bannaanideeda.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dal kasta oo ogol in Somaliland si siman wax u wada qabsadaan ay diyaar ula tahay saaxiibtinimo ku fadhida is-ixtiraam iyo is-qadarin.

“Halkaa (heshiiska Addis Ababa) waxa ka cad in labada dal ay is-weydaarsadeen danno waaweyn oo midna helayso aqoonsi caalami ah, midna helayso saldhig ciidan badeed iyo adeegga dekedda Berbera oo ah mid la isku hallayn karo,” ayuu Muuse Biixi ku yiri khudbadda uu maanta kahor jeediyay golaha baarlamaanka.

Hadalkaan ayaa imanaya xilli ay Somaliland sheegtay in laba bil gudahood lagu soo gaba-gabeynayo dhameystirka heshiiskan, halka xukuumadda Abiy ay muujinayso taasi bedelkeed kadib cadaadis diblumaasiyadeed oo ay wajaheyso.

Si kastaba, heshiiska is-afgaradka oo ay Janaayo 1, 2024 kala saxiixdeen ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa dhaliyay dood weyn oo heer gobol iyo mid caalami ah, kadib markii ay si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.

XASAN oo maanta u baxay safar dibadeed + Qorshaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Norway, halkaas oo uu ku tagi doono booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Oslo, waxaa wada-hadallo laba geesood ah uu la yeelan doonaa ra’iisul wasaaraha Norway, si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxa uu khudbad muhiim ah ka jeedin doona shirka sannadlaha ah ee Oslo Forum 2024.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inta uu ku sugan yahay magaalada Oslo Madaxweynaha inuu kulamo kala duwan la yeesho Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Norway.

Xasan ayaa Jaaliyadda kala hadli doona xaaladda guud ee dalka iyo kaalintooda ku aadan dib u dhiska dalka, sida ay sheegeen xubno qeyb ka ah safarkaan.

Safarkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyey ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagayo dalka Norway tan iyo markii dib loo doortay ee 15-kii May 2022, wallow uu safaro kala duwan ku tagay qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub.

Xasan ayaa inta uu joogo xafiiska galay safaro badan, taasi oo qeyb ka ah dhaliilaha ay mucaarad u jeediyaan madaxweynaha, xilli gudaha ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo salka ku haysa wax ka beddelka dastuurka iyo heshiiskii u dambeeyay ee Xasan iyo madax goboleedyada.

Dhacdadii horseeday in madaxda Shabaab oo isa soo dhiiba raba ay ka laabtaan

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Sheekh Cali, ayaa sheegay guul darradii ciidanka dowladda ka soo gaartay dagaalkii Cowswayne in ay sabab u noqotay in madax katirsan Shabaab oo isa soo dhiibi rabay ay helaan fursad ay ku baxsadaan. 

La-taliyaha amniga qaranka oo bixinayay wareysi ayaa sheegay, maalmo ka hor dagaalkii Cowswayne in ay dowladda lasoo xiriireen madax katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo uu sheegay inay diyaar u ahaayeen inay dowladda iskusoo dhiibaan.

Xuseen Sheekh Cali wuxuu wareysiga ku sheegay, in wax walba ay isbeddeleen markii uu dhacay dagaalkii Cowswayne, kaas oo ciidamada dowladda ay khasaare weyn kala kulmeen.

“Cowswayne, usbuucyadii ka horraysay macluumaadka aan helaynay wuxuu ahaa, in nimanka waawayn ee Shabaab oo meesha jooga ay dowladda soo wada wacayeen oo ay kala hadlayeen sidii ay iskusoo dhiibi lahaayeen. Nasiib darro, qaladaad militari ayay ahayd waxay dhacay,” ayuu yiri. 

La-taliyaha amniga qaranka waxa uu sheegay in waqtigii Shabaabku dhihi lahaayeen “ibixiya” ay soo dhowdahay. Hase ahaatee wuxuu caddeeyay in ay jiraan dad siyaasiyiin ah oo doonaya in Shabaab aan laga adkaanin. 

“Waa nasiib darro in dad Soomaaliyeed ay aaminsan yihiin in haddii Shabaab la wiiqo ay siyaasadooda khatar ku tahay,” ayuu yiri la taliyaha amniga qaranka Xuseen Sheekh Cali. 

Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta sheegashada Xuseen Macallin, hase yeeshee waxaa dhab ah in maalmihii hore ee dagaalka si weyn jab loogu gaarsiiyey Al-Shabaab, askar bandanna looga dilay. 

Si kastaba, dowladda ayaa kadib ka gaabisay dagaalkii, taasi oo horseeday in Al-Shabaabka ay dib u dhiiradaan ayna dib u qabsadaan qaar badan oo ka mid ah deegaanadii horey looga saaray.

Dowladda ayaa bilooyinkii ugu dambeeyey ku cel-celineysay in dib loo billaabi doono dagaalka, islamarkaana bilo looga adkaan doono Al-Shabaab, balse weli kama aysan dhabeyn.

War cusub oo kasoo kordhay culimadii Ahlu-Sunna ee ay afduubteen Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah ehellada culimo ka tirsan Ahlu -Sunna Waljamaaca oo Jimcihii lasoo dhaafay dagaalyahannada kooxda  Al-Shabaab ay ka afduubteen gudaha deegaanka Laantauuro ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa haatan xog cusub ka bixiyay, sida ay wax u dhaceen iyo dadaallada la sameeyay illaa iyo hadda.

Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Faarax Cabdi, isla markaana wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday in culimada la afduubtay oo xer ahaa ay ku dhow yihiin illaa 30 wadaad, isla markaana ay u gacan galeen kooxda Al-Shabaab.

Maxamed Faarax ayaa sheegay in dadkan ay weli ku jiraan gacanta Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in markii ugu war dambeysay la geeyay dhulka howdka ah ee Jilib Marko.

‘Wiilal iyo akhayaar badan oo xer ah oo Laantabuuro Siyaaro u aaday ayaa la afduubtay, waana dad ku dhawaad 30 gaaraya, wax lasii daayay ma jiraan weli gacanta Al-Shabaab ay ku jiraan” ayuu yiri Maxamed Faarax Cabdi oo kamid ah ehellada dadkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaa sii raaciyay “Warkii ugu dambeeyay wuxuu sheegayaa in dadkaas la geeyay Jlib Marko, kadibna war lagama helin”.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in haatan ay socdaan dadaallo ay wadaan waxgaradka deegaanka, isla markaana nabadoono ay aadeen dhanka Al-Shabaab, si loo soo daayo culimada Ahlu-Sunna ee ay afduubteen ee Al-Shabaab.

“Maanta waxaa maqalnay in la diray nabadoono Shabaab xaggiisa inay jiraan waa la sheegay, si ay usoo daayaan dadka la afduubtay” ayuu markale yiri Maxamed Faarax Cabdi.

Xaalad jaho wareer ah ayey abuurtay arrintaan, waxaana laga cabsi qabaa in Shabaab ay laayaan culimadaan ka tirsan dariiqada Ahlu-Sunna, maadaama ay isku hayaan caqiido ahaan.

Iyadoo kooxda Al-Shabaab ay dil ugu xukuman tahay qof kasta oo aan ku aragti aheyn, hadana markii la eego culimada Ahlu-Sunna ayey ugu necebyihiin umadda, maadaama ay yihiin raggii markii ugu horeysay la dagaalay oo farta ku fiiqay fidnada ka soo socota Shabaab-ka.

Daawo: Xaafad ku taalla MUQDISHO oo gubatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay xaafadda Tookiyo oo ka tirsan degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, kaasoo gaystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh.

Dabka oo markii hore ka kacay guri kamid ah xaafadda ayaa sii fiday, taas oo kordhisay khasaaraha, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Xaafadda uu dabka ka kacay ayaa ah isku raran, waxaana daganaa qoysas danyar ah oo dhibaato xoogan ay kasoo gaartay dadkaasi.

Ugu yaraan illaa 7 guri ayaa ku bas beelay dabkan, waxaana ku baaba’ay dhammaan hantidii taalay, sida uu xaqiijiyay mid kamid ah dadka deegaanka oo gurmad sameeyay.

“Ninyahow meeshaan dab ayaa ka kacay hantid fara badana waa ku gubatay ummaddan Ilaah ayaa u maqan, ugu yaraan 7 qol ayaa gubatay” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray gaadiidka dab damiska oo iyaguma ka qayb qaatay howlaha gurmadka, kadibna waxaa sidaas lagu baqtiijiyay dabka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Howlwadaag iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dabkaasi uu khasaaraha kasoo gaaray shacabka.

Muddooyinkiii u dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada.

Aaxmed Madoobe iyo Lafta-gareen oo isku rogay Xasan – Maxaadan ogeyn oo dhacay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa soo baxeysa inay ballanka uga baxeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay isku rogeen.

Saddexdan nin ayaa heshiis ka gaaray arrinta maalmahan dambe xiisadeeddu banaanka timid ee qorshaha dalka looga saarayo ciidamada Itoobiya, kaasi oo labadaasi maamul diidan yihiin in ciidankaas laga saaro dalka.

Shirkii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran ee ka qabsoomay Muqdisho ayaa waxay labada nin ee Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen ku saxiixeen qorshaha bixista ciidanka Itoobiya, balse ay gadaal iskaga rogeen madaxweyne Xasan Sheekh, ayada oo weli si rasmi ah loo ogeyn sababta ka dambeysa arrintaan.

Balse diidmada labada hoggaamiye goboleed ayaa banaanka keenaysa cabsida ay ka qabaan haddii ciidanka Itoobiya baxaan inay sii xajisan karaan xukunka, xilli ay dowladda dhexe siisay madax goboleedyada muddo kororsi dheeri ah, si uu meelmar u noqdo qorshaha Villa Somalia ee doorasho dadweyne.

Villa Somalia ayaa dhankeeda iska fogeysay in qorshaha bixista oo markii hore wada-ogol lagu gaaray ay ku hoos jiraan qorshayaal kale sida; dano siyaasadeed ama kuwo lidi ku ah labadaasi nin.

“Ma garanayo siyaasiyiinta labadaas maamul waxa ay biyaha hoostooda ka arkeen, laakiin waxaan ognahay in aysan jirin wax qalalaase ah oo Villa Somalia laga abaabulaayo oo Baydhaba ku socda,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud oo la hadlay Universal Tv.

Waxa uu intaas kusii daray “Inta aan ka ogahay xiriirka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdicasiis Lafta-gareen wax dibindaabyo ah ma jirto ama dowladda federaalka ay ka damacsan tahay Koonfur Galbeed, xiriir kalsooni ka dhisan ayaa ka dhaxeeya labada masuul.”

La-taliyaha Madaxweynah oo markale ka hadlay ka warqabka go’aanka bixista ciidanka Itoobiya iyo inay wax ka saxiixeen Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen ayaa yiri “Lafta-gareen iyo Axmad Madoobe waa ogyihiin, weyna taageereen qorshaha ciidamada Itoobiya looga saarayo Soomaaliya, ma ogi waxa cusub ee ku soo kordhay, laakiin go’aankaas waxaa lagu gaaray shirkii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga qaran.”

Inkasta oo la-macaamilka dowlad kale, deris ama mid fog middii ay tahay wax door ah aysan ku laheyn maamul goboleedyada, haddana waxaa muuqata inay Itoobiya go’aansatay in madaxweyne Xasan Sheekh ay kula dirirto gudaha dalka.

Si kastaba, diidmada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ee bixitaanka ciidamada Itoobiya waxay kusoo aadeysa xilli ay Itoobiya go’aansatay inay qaadato qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya.

Tirada dhimashada dagaal beeleedka gobolka Galgaduud oo kor u dhaaftay 50 qof

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in haatan uu sii kordhayo khasaaraha dhimashada ee ka dhashay dagaal beeleedkii shalay dib uga qarxay deegaanka Laandheer ee waqooyiga gobolkaasi.

Dagaalka ayaa u dhexeeyay laba maleeeshiyo beeleed oo wada daga deegaankaasi oo u dhexeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud, waxayna isku haystaan dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi.

Inta la xaqiijiyay tirada dhimashada ayaa kor u dhaaftay illaa 50 qof, halka ay dhaawacmeen 60 kale, kadib dagaal qaraar oo shalay dhex-maray labada dhinac.

Maleeshiyaadka diriraya ayaa helay gaadiid dagaal iyo hub, taas oo keentay in dagaalka uu saacado badan qaato, isla markaana uu dhaliyo khasaare baaxad leh.

Dowladda federaalka iyo Galmudug ayaa saacadihii ugu dambeeyay sameeyay dadaallo dheeraad ah, waxaana lasoo wariyay in ciidamo Boolisa ah iyo Nabad-Sugid la geeyay deegaanka lagu dagaalamay, kuwaas oo kala dhex-galay labada beelood ee is diriraya.

Sidoo kale xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana soconaya dadaallo nabadeed oo lagu qaoobinayo colaadda kasoo cusboonaatay halkaasi.

Waxaa kale oo uu jiro guddiga wasiiro ah oo ka kooban illaa 5 xubnood, kuwaas oo uu madaxweyne Qoor Qoor u xilsaaray inay xalka keenaan dagaal beeleedkaasi.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana saameynta ugu badan ay ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobollada dhexe.

Waxaa sidoo kale dagaal beeleedyadan barbar socda dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay isku gaysanayaan beelaha dagaalamaya, taas oo iyana xaalad kale ka abuurtay gobolka