26.5 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

ISRAEL oo weerarkii ugu dhimashada badnaa maanta ka fulisay Marinka GAZA

Gaza (Caasimada Online) – Saraakiisha Falastiiniyiinta ee Gaza ayaa sheegay in dad ka badan 200 oo Falastiiniyiin ah lagu dilay, weerar isugu jiray cirka, dhulka iyo badda oo ay Isra’il Sabtidi shalay ku qaadday bartamaha Gaza.

Weerarkan oo lagu tilmaamay kii ugu dhiig-daadashada badnaa tan iyo marki uu billowday duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza muddo hadda laga joogo 8 bilood, ayay ciidamada Isra’il ku sheegeen inuu qeyb ka ahaa howlgal ay ku soo badbaadiyeen afar qof oo ka mid ahaa la heystayaasha Isra’il ee ay Xamaas iyo kooxaha kale ku hayaan Gaza.

Millatariga Isra’il waxay sheegeen in howlgalkan ay ku soo furteen afarta qof uu ka dhacay xerada qaxootiga Nuseyrat ee bartamaha Marinka Gaza, halkaas oo ka mid ah meelaha ugu dadka badan Gaza.

Saraakiisha Gaza iyo ilaha caafimaadka ayaa sheegay weerarka ciidanka Israil ay shalay ku qaadeen xerada Nuseyrat ay ku dileen in ka badan 2010 ruux oo Falastiiniyiin ahoo ay ku jireen dumar iyo carruur.

Dhaqaatiirta aan Xuduudda laheyn ee (MSF) ayaa sheegtay in in isbitaalka Al Aqsta ee bartamaha Gaza ay ka tan bateen dhaawacyada, kuwaas oo u badnaa bay tiri hey’adda dumar iyo carruur. Dhaawacyada ayaa laga keenay Kaamka Nuseyraat.

Afhayeen u hadlay Isra’il ayaa sheegay in ay ogyihiin in khasaaraha weerarki ay ku qadeen Nuseyrat uu ka yaryahay 100 qof, balse aysan gareyn inta argagixiso ka ah dadkaasi ay dileen.

VOA

GALMUDUG oo war ka soo saartay dagaalkii la isku riiqmay ee Ceeldheer (Dhageyso)

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaalkii maanta ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo waaberigii hore ee saakay ay weerar culus ku qaaday kooxda Al-Shabaab.

Mid ka mid ah dagaaladii ugu cuslaa ayaa ka dhacay Ceeldheer, waxaana caawa magaaladii gacanta ku haya ciidanka qaranka iyo kuwa deegaanka oo iska difaacay Khawaarijta Al-Shabaab, jab culusna gaarsiiyey.

Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Aadan Gaboobe oo dagaalka uga waramay idaacadda VOA ayaa sharaxay sidii u uku bilowday dagaalkaas, isagoo sheegay in Shabab ay Ceeldheer wax aysan maleysaneyn.

“Khawaare weyn ma soo gaarin ciidankeena, laakiin waxaa halkaas lagu laayey Al-Shabaab, waana ku guul dareysteen wixii ay damacsanaayeen, jab culus ayey kala noqdeen halkaas, khasaarihii ay rabeen inay geystaan ayaa iyaga la gaarsiiyey,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in in dagaalka ay ka qeyb qaateen diyaaradaha dagaalka, kuwaas oo duqeymo culus u geystay kooxda, “Shabaab qorshahooda ma aheyn inay magalaada qabsadaan ee waxay rabeen inay khasaare geystaan taasna waa laga hortegay,” ayuu yiri.

Degmada Ceeldheer ayaa ku taalla cirifka bari ee Galmudug, wasiirka amniga waxaa la weydiiyey sababta ay qoysaska qaar ugu laaba waayeen Ceeldheer, wuxuuna qiray inay jirto cabsi ay qabaan dadka qaar.

Sidoo kale wasiirka amniga Galmudug ayaa sheegay in loo diyaar garoobay dagaalka, mar dhowna ay qorsheynayaan in dalka laga xoreeyo kooxda, gaar ahaan wuxuu carabka ku dhuftay deegaanada Galmudug iyo HirShabeelle oo lagu xoreynayo wajiga koowaad ee dagaalka oo hadda wax badan laga bedelay, sida uu sheegay wasiirku.

Dowladda Soomaaliya oo war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saartay khasaaraha ka dhashay weerarkii saakay ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa sheegtay in 47 xubnood kooxda looga dilay dagaal la isku riiqmay oo ilaa saddex goobood ka dhacay, sidoo kale dowladda ayaa shaacisay in shan askari ay kaga shahiideen dagaalka.

Hoos ka dhageyso wareysiga 

DF oo ka hadashay go’aanka Jubaland iyo K/G ku diideen in Itoobiya laga saaro dalka

Muqdisho (Caasimada Onlne) – La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud ayaa mar kale ka hadlay qorshaha dalka looga saarayo ciidamada Itoobiya, isagoo xog cusub ka bixiyey go’aanka la sheegay in Jubbaland iyo K/Galbeed ay ku diidan yihiin in ciidankaas laga saaro dalka.

Xuseen Macalin ayaa sheegay in Axmed Madoobe iyo Laftagareen ay saxiixeen qorshaha ciidanka Itoobiya looga saarayo dalka, markii la isugu yimid shirkii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga qaranka ee Muqdisho lagu qabtay.

Wuxuu yiri “Laftagareen iyo Axmad Madoobe waa ogyihiin, weyna taageereen qorshaha ciidamada itoobiya looga saarayo Soomaaliya, ma ogi waxa cusub ee ku soo kordhay, laakiin go’aankaas waxaa lagu gaaray shirkii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga qaran.”

Wuxuu intaas ku sii daray in go’aanka lagula macaamilayo caalamka ay leedahay dowladda federaalka Soomaaliya, “Xafiiska Amniga Qaranka ayaa madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwa qaranka u soo gudbiyey intii lagu guda jiray shirka, marka si dhameystiran ayey u ogyihiin go’aankaas, una taageereen,” ayuu yiri Xuseen Macalin.

La-taliyaha amniga qaranka ayaa sidoo kale sheegay in madaxda u hadashay K/Galbeed iyo Jubbaland oo kala ah, madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo wasiirka amniga K/Galbeed ay dib ugu laabtaan madaxda ka sareysa oo intii ay Muqdisho joogeen ogolaaday qorshaha ciidanka Itoobiya looga saarayo dalka.

Xuseen Macalin Maxamuud oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal ayaa la weydiiyey waxa ka jira wararka sheegaya in dowladda federaalka ay damacsan tahay markii ciidanka Itoobiya laga saaro dalka inay dooneyso in K/Galbeed ka qabato doorasho loogu awood sheeganayo Laftagareen

Xuseen ayaa ku jawaabay, “Inta aan ka ogahay xiriirka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdicasiis Laftagareen wax dibindaabyo ah ma jirto ama dowladda federaalka ay ka damacsan tahay K/Galbeed, xiriir kalsooni ka dhisan ayaa ka dhaxeeya labada masuul.”

Wuxuu intaas ku sii daray, in kulankii ugu dambeeyey looga tashaday sidii doorasho ay uga dhici laheyd dalka, “Ma garanaayo siyaasiyiinta labadaas maamul waxa ay biyaha hoostooda ka arkeen, laakiin waxaan ognahay in aysan jirin wax qalalaase ah oo Villa Somalia laga abaabulaayo oo Baydhaba ku socda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xuseen Macalin Maxamuud.

Hoos ka daawo

DF oo shaacisay tirada Al-Shabab looga dilay dagaalkii Ceeldheer iyo askarta shahiiday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saartay khasaaraha ka dhashay weerarkii saakay ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu laayey kooxda, sida kucad bayaankaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Dowladda ayaa sheegtay in 47 xubnood kooxda Al-Shabaab looga dilay dagaal la isku riiqmay oo ilaa saddex goobood ka dhacay, sidoo kale dowladda ayaa shaacisay in shan askari ay kaga shahiideen dagaalka.

Hoos ka akhriso bayaan DF

Ciidamada Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka oo xog dhameystiran ka hayay isku day cadowga khawaarijta ah ay ku soo weerarayaan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa u degay qorshe difaac oo lagu burburiyay kooxdii naf la caariga ahayd ee weerarka gaadmada ah soo qaaday.

Dagaalka koowaad waxaa uu ka dhacay banaanka magaalada oo marka hore ay isku fara saareen ciidan loo diyaariyay maleeshiyadii la soo khaldey, waxaana halkaas lagu dilay ilaa 9 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.

Dhagarqabayaashii oo ku jabay goobta dagaalka ayaa dib uga baxsaday magaalada, iyaga oo u kala firxaday qeyba kala duwan.

Geesiyaasha deegaanka iyo ciidanka Qaranka oo dabin u diyaariyay ayaa ku helay tuulo u dhaxaysa deegaanka Cali Yabaal iyo xarunta degmada, waxaana halkaas ay ku dileen ilaa 18 ka tirsanaa maleeshiyaadkii habqanka ahaa ee ku soo jabay dagaalkii Ceeldheer, waxaana ay ka qabsadeen gaadiid iyo saanad kale.

Sidoo kale, intii ka hartay Khawaarijta waxaa duqeyn dhinaca cirka ah lagula beegsaday deegaanka Cali Yabaal,  waxaana xogta horudhaca ah ee laga helay ay sheegaysaa in lagu laayay in ka badan 20 Khawaarij ah oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogayaal.

Meydadka Khawaarijta ayaa wali daadsan goobihii ay ka dhaceen dagaaladii ay ku hoobteen cadowga, waxaana wadarta guud ee khasaaraha horudhaca ah uu muujinayaa in 47 xubnood laga dilay cadowga.

Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka ee cashirka lama ilaawaanka ah u dhigay Khawaarijta, waxaa ka shahiiday 5 xubnood oo naftooda u huray baabi’inta cadowga ku soo gardarooday dadkooda iyo dalkooda.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa weli ku dabajooga maleeshiyaadkii cararey oo qaarkood ay dhaawacan yihiin, waxaana dowladdu si joogta warbixin uga siin doontaa dadweynaha hadba sida ay xaaladdu noqoto.

Xubno Shabaab ka tirsan oo nolosha lagu soo qabtay iyo kuwa kale oo la dilay

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen agagaarka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Cumar Baarey oo hoostaga magaalada Afgooye ee gobolkaasi.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan lagu dilay ugu yaraan 2 xubnood, sidoo kalena lagu soo qabtay 13 kale

“Labo ka tirsan maleeshiyaadka khawaarijta ah ayaa lagu dilay deegaanka Cumar Baareey oo qiyaastii 8-KM u jira degmada Afgooye, waxaana gacanta lagu dhigay 13-kale oo ka tirsanaa Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xubnaha Al-Shabaab ay doonayeen inay gaadiidka iyo dadka safareyda ah ay waddada u galaan, balse laga hortegay.

“Maleeshiyaadkaan Khawaarijta ah ayaa isku dayay inay jidka u galaan dadka safarka ah, si ay uga furtaan waxa ay wataan” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ka dhacay duleedka degmada Afgooye.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya aagga deegaanka Cumar Baarey oo ah halka uu howlgalku ka dhacay.

Shabeelaha Hoose oo ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa badanaa ka dhaca weeraro iyo dagaallo kala duwan oo gaysta khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dowladda oo war culus kasoo saartay dagaal beeleedka ka socda GALGADUUD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya aya looga hadlay dagaal beeleed maanta dib uga qarxay waqooyiga gobolka Galgaduud, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi.

Dagaalka ayaa maanta si gaar ah uga dhacay deegaanka Laandheer oo ku yaalla inta u dhexeysa magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee gobolkaasi.

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa baaq loogu diray beelaha ku dagaalamay halkaasi, ayada oo wasaaradda arrimaha gudaha ka dalbaday inay fursad siiyaan wada-hadallada nabadda.

“Waxaan ugu baaqeynaa inay si deg-deg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay fursad siiyaan nabadda iyo wada-hadalka” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda.

Sidoo kale dowladda federaalka ayaa ugu baaqday Galmudug iyo waxgaradka deegaanka inay kaalintooda ka qaataan daminta dagaal beeleedka ka socda halkaasi.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 20 kale, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Maleeshiyaadka dagaalamayaa ayaa sidoo kale haystay gaadiid dagaal, waxayna dhinacyadu helayaan gurmad, taas oo uga sii dareysa xaaladda.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana saameynta ugu badan ay ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobollada dhexe.

Waxaa sidoo kale dagaal beeleedyadan barbar socda dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay isku gaysanayaan beelaha dagaalamaya, taas oo iyana xaalad kale ka abuurtay gobolka

 

 

 

 

 

Safiirka cusub ee Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta oo tallaabadii u horeysay qaaday

0

Dubai (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u dirtay dalka Isu Tega Imaaraadka Carabta Danjire Xuseen Xalane ayaa maanta qaaday tallaabadiisii ugu horreysay tan iyo markii dhowaan loo magacaabisay xilkaasi.

Danjire Xuseen Xalane ayaa maanta warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay Kaaliyaha Xog-hayaha Hab-maamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Saif Abdulla Alshamisi, oo ku sugan magaalada Dubai ee caasimada dalka Imaaraadka Carabta

Saif Abdulla ayaa u rajeeyay safiirka cusub inuu ku guuleysto howlaha shaqo ee loo igmaday iyo xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Dhankiisa Danjire Xuseen Xalane ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in dalkiisa uu ku metalo dalka Isu Tegga Imaaraadka oo kamid ah waddamada Khaliijka Carabta.

Sidoo kale waxa uu ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta iskaashiga labada waddan iyo horumarinta danaha labada dowladood ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Xiriirka Muqdisho iyo Dubai ayaa haatan ah mid wanaagsan, wuxuuna sii xoogeystay dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh ee 15-kii May ee sanadkii 2022-kii.

Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka fuliyaa mashaariic kala duwan, isaga oo sidoo kale taageeta ciidamada.

Lafta-gareen oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta ciidanka Itoobiya + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanada maamulkaasi, xilli dowladda dhexe ay qorsheyneyso in gebi ahaanba ciidamadaas laga saaro dalka, kuwaas oo hadda qayb ka ah howlgalka ATMIS.

Lafta-gareen ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay ciidamada Itoobiya iyo saraakiishooda, kaas oo looga hadlay amniga guud ee deegaanada Koonfur Galbeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada maamulkaasi.

“Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan looga Hadlayey Amniga guud Deeganada Koonfur Galbeed la qaatay Saraakiisha Ciidanka Itoobiya ee Qeybta ka ah Howlgalka ATMIS” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimo la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo la filayo in wajigiisa labaad uu dhawaan ka billowdo gobollada Baay iyo Bakool.

Kulankan ayaa imaanaya, ayada oo maalmo dhaweyd dowladda Soomaaliya ay shaacisay go’aan ka dhan ah ciidamada Itoobiya, kuwaas oo ay sheegtay in laga saarayo dalka, hase ahaatee waxaa arrintaas ka horyimid Koonfur Galbeed oo ay ka howlgalaan deegaankeeda.

Koonfur Galbeed ayaa ku dooday in ciidamadan ay ka gacan siiyaan amniga iyo dagaallanka Al-Shabaab, isla markaana ay sii joogi doonaan deegananadeeda.

Sidoo kale waxa ay u mahad-celisay ciidamada Itoobiya, ayada oo ku amaantay kaalinta ay ka qaataan amniga iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Arrimahayan ayaa abuuraya xiisad horleh, maadaama Koonfur Galbeed ay si cad uga hortimid qorshaha dowladda federaalka ee ku aadan ciidanka Itoobiya ee jooga dalka.

Itoobiya ciidamada ka jooga Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa isugu jiraan labo ciidan; ciidan hoos yimaada hawlgalka kumeel gaarka ah ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo ciidamo aan ka tirsaneyn hawgalkaas oo toos u hoostaga wasaaradda difaaca ee Itoobiya.

Si kastaba, waxaa haatan socdo la tashiyo ku aadan ciidanka badali doona hawgalka ciidamadaATMIS kuwaas oo isugu jira kuwo siyaasadeed, muwo dhaqaale iyo arimo farsamo.

Dibad-bax ballaaran oo ka dhacay Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka qabsoomay dibad-bax ballaaran oo uu soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, kaas oo ka dhacay xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar.

Ujeedka dibad-baxan ayaa ahaa mid lagu soo dhaweynayay guusha Soomaaliya ee ku biirista golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana loogu mahadcelinayay madaxda qaranka.

Waxaa dibad-baxa ka qayb-galay dad u badan shaqaalaha gobolka Banaadir, guddoonka dhalinyarada gobolka, haweenka iyo mas’uuliyiinta maamulka sare ee gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo hadal kooban ka jeediyay madasha ayaa sheegay guushan ay tahay guul Soomaaliyeed oo la gaaray 72 sano kadib.

“Guusha aan u dabaal-dageyno waa kamid noqoshada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay marka guusha la gaaray ee maanta xubin ka noqono golaha ammaanka 72 kadib, waana guul usoo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Soomaaliya ayaa Khamiistii lasoo dhaafay xubin aan joogta ahayn ka noqotay golaha, iyada oo ku matali doonto labada sano ee soo socota qaarada Afrika.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan gelisay kursigan iyo sidii ay ku heli lahayd, taasi oo ugu dambeyntii maanta mira-dhal noqotay.

Soomaaliya iyo afarta dal ee kala ah Denmark, Greece, Pakistan iyo Panama ayaa waxay beddeli doonaan dalalkii horey ugu fadhiyay kuraasta ee kala ah Mozambique, Switzerland, Malta, Japan iyo Ecuador.

Guushan wayn ee ay gaartay Soomaaliya ayaa kor usii qaadeyso dowladda federaalka oo sanadihii ugu dambeeyay ku guuleysatay barnaamijyo waa wayn, sida qaadista cuna-qabateynta hubka, deyn-cafinta iyo ku biirista dalladda bulshada bariga Afrika ee EAC.

Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha weerarka Al-Shabaab ee CEELDHEER

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay weerar ku billowday qaraxyo ee ay saaka kooxda Al-Shabaab ku qaadeen gudaha degmada Ceeldheer ee bariga gobolka Galgaduud, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka oo 4 jiho ay Al-Shabaab uga soo qaadeen magaalada ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday.

Dhimasho badan ayaa lasoo warinayaa inuu ka dhashay weerarka, waxaana dadka dhintay ku jiray saraakiil ay kamid yihiin Yoonis Xassan Sabriye iyo Korneyl Cabdulle, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale labada dhinac ayaa guullo ka kala sheegtay weerarka iyo dagaalka xigay ee saaka ka dhacay gudaha degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Kooxda Al-Shabaab oo war kasoo saartay howlgalkan ayaa sheegtay inay kula wareegtay fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada iyo xarumo muhiim ah oo ku yaalla halkaasi.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya oo iyadana warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in la jabiyay Al-Shabaabkii weeraray Ceeldheer, khasaare culusna la gaarsiiyay.

“Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo Ciidammada Deegaanka ayaa saakay jab xooggan u geystay Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah oo waaberigii hore ee saakay weerar kusoo qaaday fariisimmo ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo deegaanka ku leeyihiin degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidammada ayaa horey u hayey xogta iney maleeshiyaadku Khawaarijtu qorsheynayeen Weerarkan taasi oo keentay in Ciidammada Xoogga Dalka iyo Ciidammada Deegaanka oo aad u feejigan islamarkaana difaacyo uga jira meel ka baxsan fariisimihii lagu yaqiinay ay qaflad ku qabtaan Maleeshiyaadkii qorshahoodu ahaa iney wax dhagraan taasina ay sahashay in Maleeshiyaad badan halkaasi lagu laayo”.

Ceeldheer oo kamid ah magaalooyinka laga xoreeyay Al-Shabaab ayaa waxaa haatan ku sugan ciidamada Gorgor, kuwa Danab iyo ciidamada Macawiisleyda.

Xukunka kiiska xatooyada $250 milyan ee Soomaalida Minnesota oo lagu dhawaaqay

Minneapolis (Caasimada Online) – Xeerbeegtida ayaa dambi ku helay shan qof oo Soomaali ah oo degan Minnesota, waxayna ku waayeen labo qof oo kale Jimcihii, doorarkii ay ku lahaayeen shirqool lagu xaday in ka badan $40 milyan oo qeyb ka aheyd barnaamij loogu talo-galay in lagu quudiyo carruurta intii uu socday Coronavirus.

Kiiskan ayaa soo jiitay dareen badan ka dib markii qof uu isku dayay in uu laaluusho xeerbeegti, isaga oo u keenay shandad ay ku jirto lacag dhan $120,000 oo caddaan ah.

Xeerbeegtigaas ayaa la beddelay ka hor inta aan la guda gelin go’aan gaarista, waxaana sidoo kale la eryay xeerbeegti labaad oo arrintaas loo sheegay. Baaritaanka FBI-da ee isku dayga laaluushka ayaa sii socda, iyadoo aan la shaacin cid loo qabtay.

Ka dib markii la akhriyay xukunnada, kaaliyaha xeer ilaaliyaha Mareykanka Joe Thompson ayaa isku dayga laaluushka ku tilmaamay “weerar lagu qaaday nidaamkeena cadaaladda dembiyada,” wuxuuna u sheegay suxufiyiinta in mas’uuliyiintu ay baari doonaan.

Ma bixin wax faallo ah oo kale oo arrintan ku saabsan, wuxuuna muujiyay inuu ku qanacsan yahay xukunnada kiiskan khiyaanada ah.

“Been ayey sheegeen waxayna si khiyaano ah u sheegteen inay malaayiin cunto ah ku quudinayeen carruurta Minnesota intii uu socday COVID-19. Eedaysanayaashu waxay ka faa’iidaysteen masiibada COVID-19 si ay khiyaameeyaan gobolka Minnesota waxayna xadeen tobanaan milyan oo dollar,” ayuu yiri Thompson.

“Dhaqankani ma ahayn dambi oo kaliya, ee wuxuu ahaa dhaqan xumo iyo nacasnimo.”

Qareennada difaaca ayaa ku dooday intii ay maxkamadda socotay in kalyantigooda ay cunto dhab ah siiyeen dad dhab ah.

Toddobada qof ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee 70 eedeysane oo la soo taago maxkamadda waxa dacwad oogayaasha federaalku ay ugu yeereen mid ka mid ah khiyaanooyinkii ugu weynaa ee la xiriira lacagaha lagu lunsaday COVID-19 ee Mareykanka.

In ka badan $250 milyan oo lacagta federaalka ah ayaa lagu lagu xaday Minnesota guud ahaan, iyadoo kaliya $50 milyan oo ka mid ah la soo celiyay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Gargaarka cunnada ayaa ka yimid Waaxda Beeraha ee Mareykanka, waxaana maamulayay gobolka, kaasi oo lacagta cuntada ku shubi jiray hay’ado aan macaash doon ahayn iyo ururo ku xiran kuwaas oo maamulayey, qorshuhuna ahaa inay caruurta ku quudiyaan.

Eedaysanayaasha ayaa lagu eedeeyay in ay soo saareen qaan sheegadka cunnooyin aan waligood la bixin, ayna abuureen shirkado been ah, sidoo kalena sameeyeen been xalaaleyn lacag iyo khiyaanooyin kale.

Dacwad-oogayaasha federaalka ayaa sheegay in kaliya wax aad u yar oo ka mid ah lacagtii dowladda ay bixisay loo adeegsaday in lagu quudiyo caruurta qoysaska saboolka ah, halka inta kale loo adeegsaday in lagu iibsado baabuur raaxo, dahab, guryo iyo safarro.

Xubnaha dambiga lagu helay ayaa kala ah; Abdiaziz Shafii Farah, Mohamed Jama Ismail, Abdimajid Mohamed Nur, Mukhtar Mohamed Shariff iyo Hayat Mohamed Nur, kuwaas oo lagu helay inta badan dacwadihii lagu soo oogay.

Dacwad-oogayaasha ayaa ku sheegay Abdiaziz Farah inuu hoggaaminayey kooxda xatooyada sameysay, waxaana lagu helay 23 ka mid ah 24-kii dacwad ee lagu soo oogay.

Said Shafii Farah iyo Abdiwahab Maalim Aftin ayaa lagu waayey dhammaan dambiyadii lagu soo oogay.

Xukunka xabsiyada ay wajahayaan kuwa dambiga lagu helay ayaa la waqtiyeyn doonaa goor dambe.

Fiqi oo shaaciyay xog burisay sheegashadi kooxda Farmaajo ee guusha Golaha Amniga

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo markale ka hadlay guusha taariikhiga aheyd ee Soomaaliya gaartay Khamiistii ayaa shaaciyay xogta sida uu kusoo bilowday ololaha kursigan.

Fiqi ayaa sheegay in codsiga kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ku guuleysatay ay dowladda Xasan Sheekh gudbisay codsigiisa sanadkii 2022-ka, kaas oo keenay guusha Khamiistii la gaaray.

Waxa uu tilmaamay in codsigii kursigan ee dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo gudbisay 2018-kii la siiyay Mozambique, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

“Soomaaliya 2018-kii ayay gudbisatay inay u tartanto kursigaas, kadibna Mozambique ayaa la siiyay kursigaas, kadib ayaa codsi kale Soomaaliya 2022-kii gudbisay inay u taagan tahay kursigaas, kadibna loo qoondeeyay dowladdihii bariga Afrika ka tirsanaa oo markii dambe lagu qanciyay in Soomaaliya loo daayo,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Waxa uu intaas kusii daray “Sidaas ayuu ururka Midowga Afrika u iclaamiyay inay Soomaaliya tahay musharaxa keliya ee u taagan kursigan, taasi waxay keentay in adduunka intiisa kale loo galo olole, kaasi oo ugu dambeyn mira-dhalay.”

Inkasta oo wasiirka uu qiray dadaalka dowladdii hore ee kursigan, haddana waxa uu sheegay in guushan ay ku timid dadaaladdii u dambeeyay ee dowladda Xasan Sheekh oo ayadu gudbisay codsigii dambe ee loogu tartamay kursigaan, looguna guuleystay.

“Si tartan la’aan ah ayaa naloogu coddeeyay oo codkii loo baahna waa ka gudubnay oo waxaa caddeeyay 185 dowladood, intooddii badnaa marka laga 6 waa helnay codkoodii, taasina waxay muujineysa dadaalkii xoogganaa ee lagu jiray sanadihii lasoo dhaafay inuu mira-dhalay.”

Soomaaliya ayaa Khamiistii ku guuleysatay kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Soomaaliya ay 2025-2026 ku meteli doonto dalalka Afrika.

Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqotay shanta xubnood ee cusub ee buuxinaya kuraasta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo ay hoggaankiisa la wareegi doonto horraanta 2025-ka.

Dad badan oo ku dhintay dagaal beeleed ka socda gobolka GALGADUUD

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in saaka dagaal beeleed xoogan uu dib uga qarxay waqooyiga gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi.

Dagaalka oo illaa iyo hadda socda ayaa ka qarxay deegaan u dhexeeya magaalooyinka Caabduwaaq iyo Xeraale ee gobolkaasi, waxaana la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid xoogan, waxaana ku dhintay dad aad u badan oo isugu jiro labad dhinac iyo dad shacab ah.

Ku dhowaad 10 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen dhowr iyo toban kale, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Maleeshiyaadka dagaalamayaa ayaa sidoo kale haystay gaadiid dagaal, waxayna dhinacyadu helayaan gurmad, taas oo uga sii dareysa xaaladda.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug oo ku aadan dagaalka dib uga qarxay waqooyiga gobolka Galgaduud.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana saameynta ugu badan ay ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobollada dhexe.

Waxaa sidoo kale dagaal beeleedyadan barbar socda dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay isku gaysanayaan beelaha dagaalamaya, taas oo iyana xaalad kale ka abuurtay gobolka

Xog: Kooxda Al-Shabaab oo afduubatay 20 ka mid ah culimada Ahlu-Sunna

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa afduubatay ku dhawaad 20 ka mid ah culumada Suufiyada ee Ahlu-Sunna Waljameeca, halka culimo kale oo aad u badan ay si dirqi ah uga badbaadeen afduubkaas, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Arrintaan waxay ka dhacday deegaanka Laantabuuro ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo culimada la afduubtay ay ku dhigayeen sayaarada Shiiqoodii diinta soo baray oo geeriyooday.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, culimada ay Shabaab Afduubteen ayaa ka kala timid Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka, sida Bay, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose qeybo kamid ah, waxayna halkaas ku dhigayeen siyaaro ay sanad kasta isugu yimaadaan.

Afduubkaan wuxuu dhacay subaxnimadii hore ee Jimcaha, culimada oo habeenkii ku dhafartay Alle bari, quraan akhris iyo digri ayaa la soo weeraray markii ay tukadeen salaada subax, waxaana halkaas cagahooda uga baxsatay culimada badan.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in qiyaastii 20 ka mid ah culimada oo carari waayey ay gacanta u galeen kooxda Al-Shabaab oo halkaas ka kaxdysatay, lana aaday dhulka howdka ah.

Sida ay sheegayaan xogaha hordhaca ah ee aan ka heleyno afduubka culimada, Al-Shabaab waxay la aadeen dhanka deegaanka Jilib-Marka, halkaas oo kooxdu ay saldhigyo ku leedahay.

Xaalad jaho wareer ah ayey abuurtay arrintaan, waxaana laga cabsi qabaa in Shabaab ay laayaan culimadaan ka tirsan dariiqada Ahlu-Sunna, maadaama ay isku hayaan caqiido ahaan.

Iyadoo kooxda Al-Shabaab ay dil ugu xukuman tahay qof kasta oo aan ku aragti aheyn, hadana markii la eego culimada Ahlu-Sunna ayey ugu necebyihiin umadda, maadaama ay yihiin raggii markii ugu horeysay la dagaalay oo farta ku fiiqay fidnada ka soo socota Shabaab-ka.

Jubaland oo soo bandhigtay hub culus, tababarna u xirtay ciidankii u badnaa (Sawirro)

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa tababar heer sare ugu soo xiray ciidan cusub dugsiga tababarka ciidanka Darawiishta Jubbaland ee Akadeemiyo.

Guutada Birjeex ee ciidamada Darawiishta Jubbaland oo mudooyinkii u dambeeyay uu tababar u socday ayaa diyaar u ah howl-galo ay dhawaan ciidamada Jubaland bilaabayaan oo lagu cirib-tirayo Khawaariijta, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka.

Axmed Madoobe u mahad-celiyay sarakiisha iyo askarta tababarka dhamaystay iyo sidoo kale macalimiinta dugsiga tababarka dadaalkii ay ku bixiyeen sidii ay usoo saari lahayeen ciidamo jir ahaan iyo maskax ahaanba diyaar u ah xoraynta dalkooda.

Waxaa madaxweynahu uu sheegay in howl-galada dhawaan bilaabanaya ay ciidankan laf dhabar u yihiin isla markana guulo wax ku ool ah ay keeni doonan.

Sidoo kale waxaa ciidankan tababarka loo soo xiray lala soo bandhigay hub culus, kaasi oo ay u adeegsan doonaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka bilaabanaya maamulkaasi.

Dhinaca kale, Axmed Madoobe ayaa isla shalay xariga ka jaray wajiga koobaad ee dhismaha Isbitaalka ciidanka Jubbaland.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Isbitaalka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinayay wasiirka caafimaadka Eng Ismaaciil Garas, wasiir ku-xigeenka amniga gudaha Aadan Xaaji, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka, saraakiisha ciidamada kala duwan iyo qaar kamida howl-wadeenada Isbitaalka ka howlgali doona.

Isbitaalkan ayaa si guud ugu wada shaqayn doona dhammaan ciidamada kala duwan iyadoo lagu samayn doono qaliinada kala duwan iyo daaweeyntooda isla markana laga heli doono dhammaan qalabka muhiimka u ah adeegyada caafimaadka.

Axmed Madoobe ayaa ballan-qaaday in isbitaalkan la balaadhin doono isla markana qeybo cusub lagu kordhin doono iyadoo dhakhatiir cusub oo tayo leh lagu soo kordhin doono.

Waxaa uu intaas ku daray hoggaamiyaha Jubbaland in sababta loo sameeyay Isbitaalkan ay tahay in ciidamada ay helaan daryeel gaar ah oo lagaga kaaftoomo in la geeyo Isbitaalada dadweynaha loogu adeego.

Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo saaka ku qaaday Ceeldheer

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xoogan oo qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen gudaha degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud halkaas oo uu ka dhacay dagaal culus.

Maleeshiyaad ka tirsan kooxda ayaa afar jiho ka wareeray magaaladaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Xoogga dlaka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka iyo qaraxyada si weyn looga dareemay magaalada, isla markaana ay maqlayeen hubka ay is waydaarsanayeen labada dhinac.

Kooxda Al-Shabaab oo war kasoo saartay howlgalkan ayaa sheegtay inay kula wareegtay fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada iyo xarumo muhiim ah oo ku yaalla halkaasi.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya oo iyadana warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in la jabiyay Al-Shabaabkii weeraray Ceeldheer, khasaare culusna la gaarsiiyay.

“Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo Ciidammada Deegaanka ayaa saakay jab xooggan u geystay Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah oo waaberigii hore ee saakay weerar kusoo qaaday fariisimmo ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo deegaanka ku leeyihiin degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidammada ayaa horey u hayey xogta iney maleeshiyaadku Khawaarijtu qorsheynayeen Weerarkan taasi oo keentay in Ciidammada Xoogga Dalka iyo Ciidammada Deegaanka oo aad u feejigan islamarkaana difaacyo uga jira meel ka baxsan fariisimihii lagu yaqiinay ay qaflad ku qabtaan Maleeshiyaadkii qorshahoodu ahaa iney wax dhagraan taasina ay sahashay in Maleeshiyaad badan halkaasi lagu laayo”.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aaga degmada Ceeldheer ee bariga gobolka Galgaduud.

Ceeldheer oo kamid ah magaalooyinka laga xoreeyay Al-Shabaab ayaa waxaa haatan ku sugan ciidamada Gorgor, kuwa Danab iyo ciidamada Macawiisleyda.

Five Somalis convicted in $40m Minnesota fraud scheme

Minneapolis (Caasimada Online) – A Minnesota jury convicted five individuals and acquitted two others on Friday for their involvement in a scheme that siphoned over $40 million from a program meant to provide meals to children during the COVID-19 pandemic.

The case garnered considerable attention due to an attempt to bribe a juror with $120,000 in cash, leading to the juror’s dismissal before deliberations commenced. A second juror informed about the bribe was also dismissed.

The FBI continues to investigate this attempted bribe, but no arrests have been announced.

Assistant U.S. Attorney Joe Thompson condemned the bribery attempt as “an attack on our criminal justice system,” vowing a thorough investigation using all available resources.

Despite the scandal, Thompson expressed satisfaction with the fraud convictions, emphasizing the severe impact of the defendants’ actions.

The convicted individuals lied about providing millions of meals to Minnesota children during the pandemic, exploiting the crisis to defraud the state and steal tens of millions of dollars.

Thompson described their actions as not only criminal but also depraved and brazen. In contrast, defense attorneys argued that their clients delivered real meals to real people.

These seven defendants were the first to face trial among 70 individuals indicted in what federal prosecutors have dubbed one of the largest COVID-19-related frauds in the country.

The relaxed regulations designed to prevent economic collapse during the pandemic were manipulated, allowing more than $250 million in federal funds to be stolen, with only $50 million recovered.

The mechanism of the fraud

The fraudulent operation involved funds from the U.S. Department of Agriculture, which were administered by the state through nonprofit organizations and other partners.

The accused allegedly submitted false invoices for meals that were never served, ran shell companies, laundered money, committed passport fraud, and accepted kickbacks.

According to federal prosecutors, only a small portion of the funds received through the Feeding Our Future nonprofit went towards feeding low-income children, with the majority being spent on luxury cars, jewelry, travel, and real estate.

The defendants faced multiple counts, including conspiracy, wire fraud, money laundering, and federal programs bribery.

Each was charged based on their specific roles and had individual legal representation, resulting in a mixed verdict from the jury.

Abdiaziz Shafii Farah, Mohamed Jama Ismail, Abdimajid Mohamed Nur, Mukhtar Mohamed Shariff, and Hayat Mohamed Nur were found guilty on most counts.

Abdiaziz Farah considered a ringleader, faced the most charges and was convicted on 23 of the 24 counts against him. Said Shafii Farah and Abdiwahab Maalim Aftin were acquitted of all charges.

Defense and legal reactions

Following the verdict, Andrew Garvis, representing Aftin, acknowledged the case’s complexity and appreciated the jury’s thorough consideration.

Steven Schleicher, Said Farah’s attorney, expressed his client’s gratitude for the acquittal. Other defense attorneys either declined to comment or did not respond to requests for comments.

Sentencing hearings for the convicted defendants will be scheduled later.

This case is part of a broader issue highlighted in an Associated Press analysis, documenting how thieves nationwide plundered billions in federal COVID-19 relief funds.

Fraudsters potentially stole over $280 billion, with another $123 billion wasted or misspent, amounting to 10% of the $4.3 trillion disbursed by the government.

The Bribery Incident

The bribery attempt in this case further complicated the proceedings. After a juror reported the attempt, the judge ordered the surrender of all seven defendants’ cell phones for investigation.

All defendants were taken into custody, and the jury was sequestered.

According to an FBI affidavit, a woman delivered a gift bag containing $120,000 in cash to the “Juror #52” home in Spring Lake Park, urging the juror to vote “not guilty.”

The juror immediately reported the incident to the police. The list of people with access to juror information included prosecutors, defense lawyers, and the seven defendants.

Following the bribery incident, FBI agents conducted a search at Abdiaziz Shafii Farah’s residence.

While the FBI confirmed their presence in the city, they did not disclose any details about the search’s connection to the bribery investigation.

The federal charges for bribing or influencing a juror carry a maximum penalty of 15 years in prison, a potential outcome that is eagerly awaited by the public.

Eighteen additional individuals have pleaded guilty in the broader $250 million fraud scheme.

Among those awaiting trial is Aimee Bock, founder of Feeding Our Future, who maintains her innocence, asserting that she never stole and saw no evidence of Fraud among her subcontractors.

Xasan oo isaga oo xubin ah markii u horreysay ka qeyb-galay kulan madaxeedka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habka fogaan aragga ah kaga qayb galay kulanka 23-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey Madaxda dalalka ku bahoobay Dalladan garab istaagga iyo u qareemidda codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hadal jeedintiisa ugu horreysay ee Shir madaxeedkan kaga hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka dhexeeya waddamada xubnaha ka ah EAC, gaar ahaan dhinacyada nabadda, amniga, ganacsiga, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya dhowaan ay soo direyso wakiilladeeda labada gole ee Baarlamaanka iyo Maxkamadda Caddaaladda Bulshada Bariga Afrika.

“Maanta, Soomaaliya waxa ay u tahay meerto taariikhi ah, inaga oo ka qeyb galnay shir madaxeedkeenii ugu horeeyay innaga oo ah xubin rasmi ah oo ka tirsan Dalladdan,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri “Soomaaliya waxa ay dhowaan soo direysaa wakiilladeeda labada Gole ee Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika iyo Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika.”

Madaxweynaha ayaa ku booriyey madaxda kale ee EAC in la sii ambaqaado qorshayaal cad oo lagu xallinayo caqabadaha amniga iyo dhaqaalaha ee hortaagan gobolka, isagoo sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo xiriirka ka dhexeeya dowladaha xubnaha ah ee EAC.

Soomaaliya ayaa dhowaan ku guuleysatay inay noqoto dalkii ugu dambeeyey ee ku biira daladda iskaashiga dhaqaalaha ee bulshada Bariga Afrika, dalal ay ku jirto Itoobiya ayaa hadda raadinaya fursad ay ugu biiri karaan daladda.

Xog: Maxay kala ahaayeen labada arrin ee ay codsadeen raggii lagu toogtay Dh/mareeb?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Fagaaraha magaalada Dhuusamareeb waxaa shalay lahu toogtay saddex nin oo lagu helay inay dileen Macallin Liibaan Xasan Cismaan iyo Dr Axmed Xasan Cismaan oo walaalo ahaa, ragga la toogtay waxay dilkaas ka geysteen deegaan dhanka bari ka xiga Guriceel, balse iyagoo baxsad ah ayaa lagu qabtay degmada Cadale ee gobolka Sh/Dhexe.

Labo arrin ayey dalbadeen ragaasi, waana loo fuliyey intii aan la toogan, taasi oo inta badan aan fursad loo siin maxaabiista la tooganayo, markii ay maxkamaduhu xukumaan.

Ugu horeyn dhalinyarada markii fagaaraha toogashada la keenay intii aan lagu xirin tiirka waxay dalbadeen in la siiyo weyso iyo sali ay ku tukadaan salaad sunno ah, kadibna waala siiyey.

Markii ay tukadeen tiirka ayaa lagu xiray, kadibna mar kale waxay codsadeen in fursad loo siiyo inay la hadlaan Aabaha iyo Hooyada dhalay wiilashii walaalaha ahaa ee horay ay u dileen oo goobta ku sugnaa.

Waa loo ogolaaday, waxayna ka codsadeen inay cafiyaan si ilaahey raali uga noqdo markii la qisaaso kadib, labadii waalid ayaa wiilasha  u cadeeyey inay cafiyeen xaqana ay ka oofsanayaan, sidaas ayaa lagu toogtay 3-dii wiil iyagoo aan qabin wax codsi ah oo u haray.

Arrinta la yaabka leh waxay aheyd in dhalinyaradaasi ay toogashada ay u diyaarsanaayeen oo waalidiinta wiilashii ay horay u dileen aysan ka codsan in laga baajiyo, balse markii tiirka lagu xiray kaliya waxay ka codsadeen inay u cafiyaan dembigii ay ka galeen, xaqana ka oofsadaan.

Qisada wiilashaan ayaa si weyn uga yaabisay bulshada, waxaana aad loogu falanqeeyey baraha bulshada, dad badan waxay qabeen in la cafiyo, maadaama ay kuwii horay loo dilay iyo kuwa loo tuuganayo ay ka dhasheen jufooyin walaalo ah oo ka soo wada jeeda Beesha Cayr ee Habargidir.

3-da dhalinyarada ah ee shalay Dhuusamareeb lagu toogtay waxaa lagu kala magacaabo jiray Nuur Cabdi Maxamed, Shucayb Maxamed Faarax iyo Bile Cabdullaahi Xasan, kuwaas oo 27-kii Febraayo ee sannadkan ay dil toogasho ah lagu xukumay maxkamadda gobolka Galgaduud.

Goorma ayaa la furi doonaa waddooyinka weli xiran ee magaalada Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho waddooyin badan ayaa u xiran dad madax ah, kuwana si guud ayay dowladda u xirtay si aanay uga soo gudbin baabuurta qaraxyada sida.

Laakiin hadda madaxda laamaha amniga maadaama ay ku faanayaan inay farsamo ku xaliyeen qaraxyadii, waxay dadka magaalada isweydiinayaan oo baahina u qabaan furitaanka waddooyinka xiran, kuwaas oo xal u noqon kara saxmadda ka jirta magaalada, sahlina doona isku socodka, dhinaca kalena abuuri doona fursaddo dhaqaale.

Boqolkii cisho ee lasoo dhaafay dalka waxa uu yeeshay wasiir amni oo cusub iyo taliye nabad-sugid oo cusub waa Sanbaloolshe iyo Fartaag. Waxaa la xasuusta in horey wasaaradda amniga gudaha, hoggaanka ciidamada iyo xitaa ra’iisul wasaaraha sheegeen in deg-deg loo furi doono waddooyinka xiran ee caasimada, si loo sahlo nolosha iyo isku socodka bulshada caasimadda. Laakiin weli waxba kama dhaqan-gelin ballankaasi.

Hoggaanka cusub ee wasaaradda amniga iyo taliska NISA ayaa la eegaya sida ay xaaladdan u wajahaan. Sidoo kale dowladda hoose ee Xamar oo la filaayo inay yeelan doonto hoggaan cusub ayaa iyadana maamulkeeda looga baahan yahay inay xal u raadiyaan.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay ku doodaysaa inay ku filnaan karto amnigeeda, haddii ay ciidamada shisheeye ka baxaan dalka daba-yaaqadda sanadkaan.

Waxyaabaha la rabo in taas laga dareemo waxaa kamid ah magaalada Muqdisho. Inta ay waddooyinkii caasimadda sidan u xiran yihiin, sheegashada dowladda ee ah inay ka maarmi karaan ciidanka Midowga Afrika waxaa la gelin karaa su’aal.

Sidoo kale waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho waxay si weyn u dileen bilicdii caasimadda, dowlad walba oo timaadana waxay ballanteeda koowaad ku darsataa inay keeni doonto xal amni oo looga maarmo dhagxaantan.

Weli reer Muqdisho waxay isweyiinayaan goorma ayaa la furi doona waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho.