26.5 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Farmaajo iyo Xasan Sheekh: Sida loo kala sito dhibcaha guusha ay Soomaaliya gaartay

Muqdisho (Caasimada Online) – Somaaliya ayaa markii labaad taariikhdeeda waxaa shalay loo doortay inay xubin ka noqoto 15-ka waddan ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Meertada 78-aad ee shirweynaha Qaramada Midoobay oo ka dhacay magaalada New York ee waddanka Mareykanka ayaa lagu doortay shanta xubnood ee aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka, waxaana ku guuleystay Soomaaliya, Pakisan, Greece, Denmark iyo Panama.

Soomaaliya oo metalaysa qaaradda Afrika ayaa beddelaysa Mozambique. Kursigan waxay Soomaaliya hayn doonta laba sano.

Waa markii labaad ee Soomaaliya xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Halmar ayay hore u dhacday waxayna aheyd 1971 illaa 1972.

Wafdi uu horkacayay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qeyb-galay codeynta shalay. Shanta waddan ee la doortay ma jirin wax la tartamaayay oo horey ayaa qaaradihii iyo kooxihii ay ka tirsanaayeen waxay ugu soo garteen inay kuraastan ku fadhiistaan.

Dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xareysay codsiga Soomaaliya ee xubinnimada Golaha Ammaanka sanadkii 2018-kii, waxayna dowladdaasi u bareertay inay kursigan u raadiso Soomaaliya, iyada oo musharaxnimadeeda la wadaagtay cid walba oo ay ku jiraan Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo xubnaha aan dhicin ee Golaha Ammaanka. Waxayna arrintaan kamid aheyd shaqooyinkii dhamaadka joogay ee madaxweyne Farmaajo maalintii xil-wareejinta la wadaagay madaxweyne Xasan Sheekh.

Halka dowladda hadda tallada haysa ee madaxweyne Xasan Sheekh ay iyaduna dadaalkii socday sii laba-jibaartay, nasiibna u yeelatay inay ku biiristu xilligooda kusoo aado.

Tani waxay ka dhigan tahay in dhibcaha shaqadan iyo bogaadinteedaba ay wadaagaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ah meesha lagu go’aamiyo arrimaha waaweyn ee caalamka, gaar ahaan nabadda, cuna-qabateynada, go’aamada duulaanka iyo sida dunida loogu hagayo jawi xasilloon oo damaanad qaadaya bad-qabka qof iyo qaranba ayaa ku biiristiisa Soomaaliya u leedahay macaash siyaasadeed iyo mid sumcadeed.

Laakiin dhinaca kale lama inkiri karo qataraha kaga imaan kara Soomaaliya nooca ay u gaari doonto go’aamadda waaweyn ee caalamiga ah ee lasoo hordhigi doono labada sano ee ay golahaasi fadhiso.

Shanta waddan ee shalay loo doortay xubnaha aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka waxay xilka la wareegi doonaan 1-da Janaayo 2025, waxayna shaqada hayn doonaan illaa bisha December 2026.

Saameynta ITOOBIYA ee gudaha Somalia oo si weyn u soo ifbaxday – Maxaa dhacay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay lugaha lasii galeysa mid kamid ah dhibaatooyinka laga dhaxlo nidaamka federaalka, waana barbar yaaca dowladda dhexe ama u adeegida dalal shisheeye.

Tan iyo markii ay dowladda dhexe ee Soomaaliya ku dhowaaqday inay ciidanka Itoobiya ka baxayaa dalkan daba-yaaqada sanadkaan, waxaa banaanka soo istaagay maamul goboleedyo diidan go’aankaas, ama si kale markii loo dhaho waxaa soo muuqatay saameyn Itoobiya ku leedahay gudaha Soomaaliya.

Labada maamul goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Jubbaland waxay arrinta bixintaanka ciidanka Itoobiya ka qaateen go’aan isku mid ah, kaas oo ah “waa in laga wada-hadlaa bixitaanka ciidanka Itoobiya.”

Hoggaamiye ku-xigeenka maamulka Jubbaland iyo wasiirka amniga ee Koonfur Galbeed waxay labaduba idaacadda VOA u sheegeen inuu arrinkaan u baahan yahay inay ka wada-hadlaan iyaga iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya

Tani macnaheedu waa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu haysto shaqadii uu dastuurka u baneeyay.

La-macaamilka dowlad kale, deris ama mid fog middii ay tahay wax door ah kuma lahan maamul goboleedyada, waxaase muuqata inay Itoobiya go’aansatay inay madaxweyne Xasan Sheekh kula dirirto gudaha dalka.

Diidmada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ee bixitaanka ciidamada Itoobiya waxay kusoo aadeysa xilli ay Itoobiya go’aansatay inay qaadato qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya.

Dabacsanaanta madaxweyne Xasan Sheekh ee maamul goboleedyada ayaa dhinaca kale u muuqata inay dalkii gaarsiisay in maanta la arko maamullo ku dhiiran kara inay diidaan ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya.

Koonfur Galbeed iyo Jubbaland waa labada maamul goboleed ee ugu badan ee ay maanta joogaan ciidanka Itoobiya.

Shan faa’iido oo Soomaaliya ay ka heli karto xubinnimada Golaha Ammaanka ee QM

Ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) waxay fursad muhiim ah u siinaysaa Soomaaliya in ay kor ugu qaaddo maqaamkeeda caalamiga ah, saamayn ku yeelato wax ka jaangoynta siyaasadda amniga caalamka, iyo inay wax ka qabato si gaar ah caqabadaha amni iyo dhaqaale ee ku horgudban Soomaliya iyo Dalalka Africa.

Halkan waxaan ku soo gudbinayaa falanqeyn ku saabsan faa’iidooyinka xubinnimada golaha amaanka ay dalkeena u leedahay iyo waxa ay tahay in ay Soomaaliya ay sameyso si loo gaaro faa’iidooyinkaas.

A. Faa’iidooyinka laga heli karo Xubinnimada Golaha Ammaanka:

1. Maqaamka Soomaaliya ee ku dhex leedahay caalamka oo sare u kacaya:

• Xubinimada golaha amaanka waxay sare u qaadaysaa maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay masraxyada caalamiga ah arintaa waxay inoo sahleysa in aan danaheena ka dhex fushano golahaan dhexdiisa.

• Mar hadii aan macno iyo Sharaf weyn ku dhexyeelano bulshada caalamka waxay arintaa inoo sahleysaa soo jiidashada maalgashiyo, gargaar baniaadamnimo iyo in taageero loo helo dadaalka loogu jiro gaarista Soomaali heshiis ah dunida heshiis la ah.

2. Saamaynta Arrimaha Amniga Adduunka:

• Xubin ahaan, Soomaaliya waxay door toos ah ku yeelanaysaa qaabaynta go’aannada la xidhiidha nabadda iyo ammaanka caalamiga ah, oo ay ku jiraan soo saarista go’aannada iyo waajibaad siinta hawlgallada nabad ilaalinta caalamigaa.

• Soomaaliya waxay u doodi kartaa soo saaridda go’aamo siyaasadeed oo taageeraya danaheeda amniga qaranka iyo kuwa qaaradda Afrika.

3. Awood Diblomaasiyadeed:

• Waxay Soomaliya siinaysaa fursad ay ku dhisato xidhiidh xooggan iyo heshiisyo laba geesood ah (bilateral) iyo mid dhinacyo badan leh (Multilateral), iyada oo ka faa’iidaysanaysa xubinimadeeda si loo gaaro faa’iidooyin siyaasadeed iyo dhaqaale.

4. Isbahaysiyo:

• Soomaaliya waxay fursad u heleysaa in ay si dhow ula macaamisho quwadaha waaweyn ee veto power ka leh iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah golaha Ammaanka, waxayna fursad u heleysaa abuurista iyo kobcinta xiriir diblomaasiyadeed oo horseedi kara la bahoobida iyo iskaashiyo istiraatiijiyadeysan oo la la yeesho wadamada awoodaha sare leh.

• Ka mid noqoshada golaha Ammaanka wuxuu kor u qaadi karaa saameynta Soomaaliya ay ku leedahay golayaasha kale ee caalamiga ah.

5. Kor u qaadida Awooda iyo Khibrada diplomacy yada wadankeena:

• Ka mid noqoshada golaha amaanka waxay Soomaaliya ka caawin kartaa helista khibrad diblomaasiyadeed iyo aragtiyada ay ku dhisanyihiin xiriirada iskaashi ee wadamada iyo hababka xallinta khilaafaadka.

• Hanashada waayo-aragnimadaasi waxay qiimo weyn u leedahay kor u qaadista siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo qaab-dhismeedka dawladnimadeena.

B. Maxaa Soomaaliya la gudboon oo ay tahay inay beddesho si ay fursadaan uga faa’iideysato:

1. Xoojinta shaqaalaha iyo Kaabayaasha Diblomaasiyadeed:

• In la tayeeyo aqoonta iyo khibrada shaqaalaha diplomacy yada, iyo in tiro ahaana la balaariyo kooxdeena fadhigoodu yahay New York f si ay ugu suurtogasho in ay si hufan ugu maareeyaan mas’uuliyaddooda xubinnimada golaha Ammaanka.

• In la tayeeyo aqoontada iyo xirfadaha safiirada soomaaliya u fadhiya dalalka muhiimka ah si ay u taageerooyin kala duwan ugu fadhiyaan hawl-galkeenaa caalamiga ah ee fadhigoodu yahay New York.

• iyo in dhaqaale ku filan la qoondeeyo howlgalka Soomaalida ee New York lana siiyo dhaqaalahaas si ay si hufan ugu gutaan waajibaadka loo igmaday.

2. Dejinta Ujeedooyinka Siyaasadda arimaha Dibadda:

• In la dejiyo siyaasad dibadeed yoolal cad cad leh oo waafaqsan danaha qaranka soomaaliyeed iyo mas’uuliyadda caalamiga ah ee na saaran.
• In mudnaan gaar ah la siiyo arrimaha ka tarjumaya caqabadaha iyo fursadaha gaarka ah ee Soomaaliya, sida amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta dhaqaalaha.

3. Horumarinta xasiloonida Gobolka:

• In si firfircoon looga qaybqaato hindisayaasha kor u qaadaya nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan wadamada Africa.

• Ka qayb qaadashada xalinta khilaafaadka iyo dadaallada nabad-dhisidda caalimigaa.

4. Kobcinta Maamul wanaaga iyo Xuquuqul Insaanka:

• ka dhaqangelinta Soomaaliya in dib-u-habayn baahsan lagu sameeyo hab dhaqanka dawladnimada, sharciyadaha, iyo xuquuqul insaanka, taasoo kor u qaadaysa kalsoonida dadkeena dawladooduna taasoo horseedi doonta dhaqan wanaagsana oo waara.

• Wax ka qabashada caqabadaha amniga gudaha dalka, sida argagixisada, taasoo caalamka u muujin doonta sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ka shaqeynta nabadda iyo xasilloonida dalkeeda ka hor inta aan loo gudbin nabadda iyo xasiloonida dalalaka kale.

5. Dhisidda Isbahaysiyo Istaraatiijig ah:

• In looga faa’iideysto xubinnimadaan helista xulafo lagu dhexyeesho xubnaha joogtaa ee golaha amaanka, si Soomaaliya ay taageero joogto ah ugu hesho hindisayaasheeda Daleed iyo kuwo caalamigaaba.

• In mar kasta lala kaashado hindisayaasheena wadamada ay heysato caqabadaheena kuwo la midka ah si taageero loogu helo hindisiyaasha aan soo jeedineyno.

6. Awood Dhaqaale:

• Si dalka u gaaro isku filnaan dhaqaale waxaa muhiim ah in loo bandhigto xubnaha golaha amaanka fursadaha dhaqaale ee ka jira dalkeena, sida kheyraadka dabiiciga ah iyo goobta istiraatiijiga ah ee aan dhacno, arintaas oo keeni karta soo jiidashada maalgashi caalami ah iyo iskaashi dhaqaale oo lala yeesho wadamada dhaqaale ahaan u hormarsan.

W/Q: Mohamed Abtidoon

Dood culus oo ka dhalatay kursiga golaha ammaanka ee Soomaaliya ku guuleysatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa shalay ku guuleysatay kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Soomaaliya ay 2025-2026 ku meteli doonto dalalka Afrika.

Soomaaliya ayaa maanta kamid noqotay shanta xubnood ee cusub ee buuxinaya kuraasta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasi oo ay ka dhalatay dood xooggan.

Guushan oo ah mid taariikhi ah ayaa haddana waxaa dhinaca kale dadka qaar ka keeneen su’aallo dood badan dhaliyay, kadib markii bogga Madaxtooyadda ee Villa Somalia ee Facebook lagu daabacay boggaadinta guushan ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Cabdiraxmaan Beerxood ayaa waxa uu yiri “Dal faqri ah dadkiisu tahriibayaal yihiin ma garan karno wuxuu usoo kordhinaayo kursi golaha amaanka Qaramada Midoobay aan joogtada aheyn.”

Waxa uu intaas kusii daray “Dowladda ha ka shaqeyso sidee xal ugu keeni laheed amni darada, gaajada, shaqo la’aanta. Amaan ma lahan madaxweyne dadkiisu waxay cunaan la’yihiin oo qamadi loogu deeqayo waxbarasho iyo cafimaad bilaash dowladeed aan heysan.”

Dad kale oo  ka fal-celiyay doodda Cabdiraxmaan uu kamid yahay Nuuradiin Qandac ayaa waxa uu yiri “Waa runtaa laakiin isagaa dal kuu ah hadii mid kuuu dhaama aad meel ku ogtahay adeer yeysan qoraxdu kugu soo bixin, hadii kale qanaacadu waa ku raali noqoshada, Rabi SW waxa uu ku siiyey. Mahadsanid.”

Samiir Sahal oo isna kamid ah dadka ka fal-celiyay ayaa waxa uu yiri “Kuraasta ay ku fadhiyan bay waxba ugu qaban kari waayeen dalkooddii oo faa’iido ku jirin, saa waaba mid USA iyo Europe ku tal-talaabsadaan oo ay samaysteen.”

“Wax walba oo aan UN ka noqono Somalia waxay ahaanaysaa waddan fakhri ah, aan nidaam lahayn, musuq-maasuq badan, shisheeye u taliyo, wax walbana loo meeriyo dadkiisuna ay wada fakad yihiin,” ayuu yiri Axmed Cabdikariin Geelle oo qeyb ka ahaa dodda ka dhalatay guusha taariikhiga ah ee shalay ay gaartay Soomaaliya.

R/W XAMZA oo shaaciyay arrin ay u adeegsanayaan kursiga Golaha Ammaanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay guusha ay shalay gaartay Soomaaliya, isagoo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed guusha laga gaaray kamid noqoshada in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee QM sanadaha 2025 — 2026.

Xamza ayaa ku tilmaamay tirada codadka ay heshay Soomaaliya guul kale oo taariikhi ah oo ay hanteen shacabka Soomaaliyeed, isagoo intaa raaciyay in tallaabadan ay muunjineyso sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay inay door muuqda ku yeelato masraxyada caalamiga ah iyo wax ka qabashada caqabadaha iyo dhibaatooyinka amni ee ka taagan adduunka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay fursad qaali ah dalkeenna u siinayso in uu ka qeyb qaato ilaalinta nabadda, xoojinta iskaashiga iyo sugidda ammaanka dunida.

“Guushan waa mid noo sahlaysa inaan sii xoojino xiriirka aan la leenahay caalamka iyo inaan door muuqda ka qaadanno dib u dhiska iyo horumarinta dalkeenna,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.

Hoos ka aqriso qoraalka ra’iisul wasaare Xamza

Waxaan soo dhaweynayaa guusha taariikhiga ah ee ay Soomaaliya ka gaartay doorashada xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, taas oo socon doonta muddo labo sano ah.

Waxaan maanta marag u nahay horumarka muuqda iyo kaalinta firfircoon ee Soomaaliya ay ka qaadaneyso arrimaha caalamka. Xubinnimada Golaha Ammaanka ee QM waxay fursad qaali ah noo siinaysaa inaan ka qeyb qaadanno ilaalinta nabadda, xoojinta iskaashiga iyo sugidda ammaanka adduunka.

Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa dhammaan dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, kuwa gobolka iyo kuwa qaaradda Afrika ee taageeray codsiga Soomaaliya. Taageeradan waxay muujinaysaa kalsoonida iyo taageerada caalamka ee Soomaaliya.

Guushan waa mid noo sahlaysa inaan sii xoojino xiriirka aan la leenahay caalamka iyo inaan door muuqda ka qaadanno dib u dhiska iyo horumarinta dalkeenna.

Waxaan caddeynayaa in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in ay ka shaqeyso horumarinta iyo sugidda nabadgelyada, waxaana ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed inay sii wadaan taageerada ay u hayaan dadaalka dowladda.

Waddan kale oo Yurub ah oo ku biiraya dalalka dacwadda ku soo oogaya Israel

Madrid (Caasimada Online) – Spain ayaa ku dhawaaqday inay ka codsan doonto maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay inay ku biirto kiiska Koonfur Afrika ee ku eedaynaya Israa’iil inay xasuuq ka geysatay marinka Gaza.

“Hadafkeena kaliya waa inaan joojino dagaalka oo aan horay u sii wadno hirgelinta xalka labada dowladood,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain Jose Manuel Albares.

Spain waa waddankii ugu horreeyay ee Yurub ah ee codsigaas sameeya, isagoo ku biiray 12 waddan oo kale.

Koonfur Afrika ayaa dacwadda horgeysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda sannadkii hore, iyadoo ku eedaysay Israa’iil inay ku kacday xadgudubyo ka dhan ah, heshiiskii Qaramada Midoobay ee Xasuuqa ee sannadkii 1948-kii.

Israa’iil ayaa dhinaceeda ku doodaysa inay ka fal-celinayso weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israa’iil bishii October 7-deedii, islamarkaana ay doonayso inay dib u soo furato maxaabiista laga haysto.

Spain iyo dalal kale oo reer Yurub ah, sida Ireland iyo Norway ayaa ku biiray dalalka aqoonsaday Falastiin, kuwaas oo haatan kor u dhaafaya illaa 140 waddan.

Israa’iil ayaa horey u dhalleecaysay tallaabadan kuna sheegtay “abaal-marinta argagixisada” iyada oo dagaalka Marinka Gaza, oo ka dhashay weerarkii Xamaas ee 7-dii October, uu ku dhow yahay bishii siddeedaad.

Maxay Somalia uga dhigan tahay guusha taariikhiga ah ee shalay u soo hoyatay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa shalay loo doortay xubin aan joogto ahayn oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay muddo labo sano ah, kadib codbixin ka dhacday Golaha loo dhan yahay.

Soomaaliya ayaa ku biiri doonta laba dal oo kale oo Afrikaan ah – Algeria iyo Sierra Leone – iyada oo Soomaaliya uu muddo xileedka u billaabanayo Janaayo 2025.

Haddaba, Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay guushan?

Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar oo qeyb ka ahaa wafdiga Soomaaliya ee doorashada u aaday Mareykanka, ayaa VOA u sheegay in guushan uga dhigan marqaati nool in dalkeenna uu ku tallaabsaday horumar ay dunida qireyso, Soomaaliya waxa ay 15-kii sano ee la soo dhaafay sameysay soo kabasho weyn.”

“Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waa ah hay’adda ugu sareysa ee go’aamisa, kana doodda arrimaha caalamka, waxaana Soomaaliya ay xubin ka ahayd hay’addaas muddadii u dhexeysay 1971-1972, sidaa darteen dib u soo laabashada Soomaaliya waxay marag u tahay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dowlad dhiska, duniduna waa qireysa,” ayuu yiri wasiirka.

“Soomaaliya ayaa wax ku biirin doonta jirkaas. Soomaaliya waxay khibrad u leedahay dawlad-fashilantay, dawlad jilicsan iyo arrimaha xasaradaha bini’aadantinimo. Shan iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, Soomaaliya waxay sameysay soo kabasho baaxad leh.”

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay muddo 53 sanadood ah loo doortay inay xubin ka noqoto 15-ka xubnood ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Codeyntii loo qaaday ayey Soomaaliya heshay 179, sidaas ayey uga mid noqonaysaa golaha ammanka laga bilaabo Jannaayo 2025.

Laba wajiileynta madaxda Soomaalida marka ay xukunka joogaan iyo marka kale

Soomaaliya: Siyaasiyiintu markii ay bannaanka joogana saxaafadda madaxabannaan ayey baryan, markii ay xukunka qabsadana saxaafadda madaxabannaan ayey bur-buriyan.

Madaxweyne Xasan Sheekh intii uu mucaaradka ahaa, dhowr jeer oo aan kala sheekeystay mudo xilleedkiisii hore iyo sidii ay saxaafadda isku seegeen, wuxuu ahaa nin qirsan iney farsamo xumadu dhanka Dowladdiisa aheyd.

Markale, maanta madaxweyne Xasan Sheekh kooxo dano gaar ah u socda ayaa luqunta u galinaya dagaalka saxaafadda madaxabannaan, waliba waqti casri ah, oo aaney wax badan u tari karin, kuwaas oo dhisay Gole sharci daro ah, oo ay ku collaadinayan warbaahinta, kuna bur burinayan xoriyadda hadalka ee uu fasaxayo dastuurka Soomaaliya.

Markii aan arko dagaalka madaxweynaha la galiyay ee warbaahinta madaxabannaan, waxaan ka shakiya hadalkiisa ah waxaan u socdaa doorasho qof iyo cod ah, sababtoo ah ma jiro siyaasi aan ogeyn halka dareenka shacabka loo maro in ay tahay saxaafadda madaxabannaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan lee yahay dhinaca ay kooxdaasi farta kugu fiiqday wado kaama jirto, ee dib u qiimeey danaha ay ka lee yihiin iney adiga iyo saxaafadda madaxabannan iska kiin hor keenaan.

Aadan Madoobe oo furay shir xasaasi ah iyo qorshe culus oo BF la marsiinayo – Xog

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka banbaxa guddiga joogtada oo ku qabsoomay magaaladda Kismaayo ee xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa ugu horeyn xubnaha guddiga joogtada ah kula dardaarmay in maalmaha kulanka uu u socda ay si mira-dhal ah uga doodaan ajendayaasha kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka.

Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa ka dooday sida loo wajahayo kulamada guddiga ee maalmahan ka socon doona Kismaayo.

Kulamadaas ayaa waxaa looga doodi doonaa jadwalka kal-fadhiga shanaad ee Golaha Shacabka oo lagu wado inuu furmo bisha soo aadan ee July.

Furitaanka kal-fadhiga shanaad ee baarlamaanka ayaa waxa uu qorshuhu yahay inuu meel-mariyo sharciyo dhor ah oo kamid yhay kan doorashooyinka, guddiga doorashooyinka iyo xeerka lagu dhisayo iyo weliba sharciga axsaabta, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxtooyadda oo gacan ka helaysa guddoonka baarlamaanka ayaa qorsheynaysa in sharciyadan ay marsato baarlamaanka marka la furo kal-fadhiga shanaad, xilli ay Xildhibaannada qaar muujinayaan saluug iyo balamihii hore loo fulin.

Villa Somalia ayaa horey u marsatay baarlamaanka afartii cutub ee dastuurka ee mucaaradka ka qeyliyay iyo heshiiskii Turkiga ee illaa hadda baarlamaanka aqoonin wax ku qoran, kuwaasi oo dhamaantood ku gacan isiyay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannada iyo Villa Somalia hadda waa isku dhakan yihiin, waxaana la eegayaa cidda uu qorshaheedu u hirgalo.

FARMAAJO mise XASAN?- Dowladdee ayaa leh guusha ku biirista Golaha Ammaanka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa caawa ku guuleysatay kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobey, kaas oo ay ku meteli doonto muddo sanad ah Qaaradda Afrika, kursigaan ma jirin wadan kula tartamay Soomaaliya, waxayna ku gaartay galaan-galkeeda diblomaasiyadeed.

Taageerayaasha madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweyne hore Farmaajo ayaa durba billaabay inay kala sheegtaan guusha Soomaaliya u soo hoyatay. Haddaba labada dhinac yaa leh guusha?

Guusha Soomaaliya ayaa waxaa aad ugu amaanan oo kasoo shaqeeyey danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobe ee Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baale), oo muddo Soomaaliya uga wakiil ah Qaramada Midoobe.

Si kastaba, waa guul uu qorshaheeda ay billowday dowladdii madaxweyne Farmaajo, islamarkaana dowladda madaxweyne Xasa Sheekh ay dhameystirtay.

Dalabka Soomaaliya ee ku biirista Golaha Ammaanka ayaa la gudbiyey bishii October 2018, markaasi oo dalka uu madaxweyne ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalintii uu madaxtooyada ku qaabilsay Xasan Sheekh kadib doorashadiisa, waxa uu ku wareejiyey feylka codsigii ay Soomaaliya u dirtay golaha ammaanka Qaramada Midoobey.

Farmaajo ayaa maalintaas sheegay in codsigaas uu Qaramada Midoobey u diray sanadkii 2018-kii, isagoo sheegay in 2024 loo codeyn doono, sida dhacday maanta, muddo xileedka kursigaas ayaa Soomaaliya u bilaabanaya 2025, waxayna ku fadhi doontaa muddo hal sano ah.

“Madaxweyne waxaan maanta kugu wareejiyey codsi aan u dirnay Qaramada Midoobey, oo aan uga qeyb galeyno Golaha Ammaanka, oo aan xareynay codsigaas 2018, doorashana aan u galeyno 2024, si aan u fariisano kursigaas 2025/2026, taasina waa dhaxal reeb aan uga tageyno umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo 2022 Xasan Sheekh u sharaxay marxaladaha uu mari doono kursigaas.

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa maanta waxa uu khudbadiisii xil wareejinta ka soo jartay qeybta uu kaga hadlay kursigaan, isagoo sheegay in Soomaaliya ay gaartay guushii uu ka soo shaqeeyey.

Hoos ka daawo Farmaajo

 

Somalia clinches coveted UN Security Council seat for 2025

Mogadishu, Somalia – In a historic diplomatic victory, Somalia has secured a non-permanent seat on the United Nations Security Council (UNSC) on Thursday, representing the African continent.

The achievement, which came through an unopposed bid, underscores Somalia’s growing influence in international affairs.

The country will hold the seat for a one-year term starting in 2025. This milestone results from years of strategic diplomatic efforts involving both President Hassan Sheikh Mohamud’s current administration and President Mohamed Abdullahi Farmaajo’s previous administration.

Behind the diplomatic win

The success has ignited a debate between supporters of President Mohamud and former President Farmaajo, each claiming credit for the achievement.

Central to this accomplishment is Ambassador Abukar Dahir Osman, known as Abukar Baale, Somalia’s representative at the United Nations. His tireless efforts and strategic diplomacy were crucial in securing support for Somalia’s bid.

Somalia’s journey to the UNSC began in October 2018, under President Farmaajo’s administration, which formally submitted the application. This move was part of a broader strategy to rebuild Somalia’s international presence and influence after years of internal conflict.

When President Mohamud took office, he continued to push the UNSC bid, inheriting the application process from Farmaajo. During the transition of power, Farmaajo handed over the UNSC bid file, emphasizing its importance for Somalia’s future.

“Today, I am handing you the application we submitted to the United Nations to participate in the Security Council,” Farmaajo said during the 2022 handover. “This is a legacy we leave for the Somali people, a testament to our dedication to international diplomacy.”

Implications for Somalia and Africa

Securing this seat is a significant achievement for Somalia, reflecting its progress in stabilizing and reasserting itself globally. It provides Somalia with a platform to influence crucial decisions on peace and security, particularly in Africa.

This role comes with significant responsibilities, including contributing to discussions on conflicts, sanctions, and peacekeeping missions worldwide.

While supporters of both presidents vie for credit, this victory is clearly the result of a collective national effort.

The foundation laid by Farmaajo’s administration and the ongoing push by Mohamud’s government demonstrate a united front in enhancing Somalia’s international standing.

As Somalia prepares to take its seat in 2025, it will focus on leveraging this position to further national and continental interests. The Somali government is expected to prioritize regional stability, counter-terrorism, and economic development.

This achievement marks a new chapter in Somalia’s history, offering a beacon of hope and a symbol of its resilience and ambition on the world stage. The year-long term will be crucial for Somalia to showcase its capabilities and commitment to global peace and security.

FARMAAJO iyo KHEYRE oo sheegtay guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya ay gaartay

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ayaa war ka soo saaray guusha ay Soomaaliya ka gaartay kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Soomaaliya ay 2025-2026 ku meteli doonto dalalka Afrika.

Farmaajo iyo Kheyre oo mid walba soo saaray qoraal gaar ah ayaa sheegay in guushaan ay ka soo shaqeeyeen, kadib markii ay codsi ay ku dalbanayaan kursigaan ay u direen Qaramada Midoobey.

Ugu horeyn Kheyre ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan ku faraxsanahay in uu guuleystay hayaankii iyo himilladii aan soo billownay markii Oktoobar 2018kii ay codsiga xubinnimadan gudbisay xukuumaddii aan Raysulwasaaraha ka ahaa, oo baadigoobka kursigan gelisay dadaallo diblumaasiyadeed, si ay 52 sano ka dib Soomaaliya xubin uga noqoto golaha Ammaanka.”

Kheyre oo farriin u diray Madaxda Qaranka ayaa ugu baaqay in aragti cad laga yeesho sidii looga miradhalin lahaa fursaddan taariikhiga ah, lana xoojiyo xafiiskeenna Qaramada Midoobay ee New York, si uu dalku kaalin firfircoon uga qaato Golaha Ammaanka.

Dhankiisa Madaxweyne hore Farmaajo ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu kaga hadlay guushaan ayaa ugu horeyn hambalyo u diray shacabka iyo dowladda, isagoo yiri, “Tani waxay ku timid dadaalladii diblomaasiyadeed ee aannu soo bilowney sannadkii 2018-kii, maantana uu guul taariikhi ah dalkeennu ka gaaray.”

Qoraalka Farmaajo ayaa intaas ku sii daray “Qaranka Soomaaliyeed oo ku guulaystay Kursigan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay inoogu danbaysay sannadkii 1972-kii, waxa ay dalkeenna u tahay sumcad iyo guul taariikhi ah, taas oo noo muuqatay markii aannu bilaabaynay himiladan.”

Madaxweynihii hore oo wadaniyad ku dhiirigeliyey madaxda Soomaalida ayaa yiri, “Hadaf kasta oo qaran oo lagu raadiyo wadajir, loogana shaqeeyo si daacadnimo iyo waddaniyad leh, waxaa xaqiiq ah inuu miro dhal noqonayo, waana tan laga rabo in hoggaan kasta oo Soomaaliyeed uu ku shaqeeyo.”

Hoos ka akhriso qoraalka Farmaajo

Xasan Sheekh oo war kasoo saaray guusha weyn ee ay Soomaaliya gaartay caawa

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran u soo dhaweeyey in Soomaaliya loo doortay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, muddo labo sano ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in guushan ay muujinayso horumarka iyo dowladnimada dalkeenna, waxa uuna tilmaamay qosheyaasha hagaya codka Soomaaliyeed ee fagaareyaasha caalamka, kaas oo ku salaysan ilaalinta nabadda iyo xoojinta iskaashiga.

“Guusha diblomaasi ee aanu maanta gaarnay waxa ay ka tarjumaysa sida caalamka uga markhaanti kacayo dadaalka iyo horumarka Soomaaliya, gaar ahaan dib u soo kabashada iyo dib u dhiska dalkayaga. Waa fursad aan uga faa’iideysan karno inaan ka qeyb qaadanno nabadgelyada iyo ammaanka caalamka” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyey dhammaan dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, kuwa gobolka iyo Qaaradda ee taageeray codsiga Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay in tan ay tahay fursad qiimo leh oo horseedaysa in dalkeennu uu kaalin muuqata ka qaato arrimaha amniga iyo nabadda caalamka.

Soomaaliya ayaa caawa ku guuleysatay kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobey, kaas oo ay ku meteli doonto muddo sanad ah Qaaradda Afrika, kursigaan ma jirin wadan kula tartamay Soomaaliya, waxayna ku gaartay galaan-galkeeda diblomaasiyadeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa halgan dheer u soo gashay inay hesho kursigaan, wuxuuna ololaha raadinta kursigaan soo bilowday sanadkii 2018-kii.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa hoggaaminaya wafdiga dowladda Soomaaliya ku metelaya ergada ka qeyb gashay kulanka golaha guud ee Qaramada Midoobey oo lagu doortay shan xubnood oo Soomaaliya ay ku jirto.

XASAN SHEEKH oo xeelad cusub u degay xildhibaanno badan oo ballan sugayaal ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxay sugayaan ballan ay la gashay Villa Somalia, oo saddex shaqo la qabteen, iyaga oo aan eegin danta qaranka, sidoo kalena aan aqrin waxa ku qoran waraaqaha laga dalbaday inay ansixiyaan.

Saddexdaas shaqo waa habraacii dastuurka ee xeer-jebinta ahaa, afartii cutub ee dastuurka ee ay Soomaalida si weyn iskugu khilaaftay iyo heshiiskii Turkiga ee illaa hadda baarlamaanka aqoonin wax ku qoran.

Markii la qabanaayay saddexdaasi shaqo Xildhibaannada qaar waxaa loo ballan-qaaday xilal wasaaradeed, qaar lacago, qaarna dhulal. Inta ballankoodii la fuliyay waa tiro aad u yar.

Xildhibaannada waxaa badankood ka muuqda gadood xooggan. Dhinaca Villa Somalia waxaa hadda kasoo socoto saddex shaqo oo cusub oo marna noqon karta afar shaqo, waxayna Madaxtooyadda dooneysa in isla ballan-qaadkii hore la cusbooneysiiyo oo loo adeegsado shaqooyinkan.

Kal-fadhiga 5-aad ee baarlamaanka Soomaaliya wuxuu furmayaa bisha soo aadan ee July. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu rabaa in Xildhibaannada la meel-mariyaan sharciga doorashooyinka, guddiga doorashooyinka iyo xeerka lagu dhisayo iyo weliba sharciga axsaabta.

Qorshaha maraxweyne Xasan iyo kooxdiisa waa in Xildhibaannada ballan-qaadyada sugayaa la weydiisto inay kiisaskaan cusub la meel-mariyaan Madaxtooyadda, kadibna loo fulin doono ballan-qaadkii hore.

Qaar kamid ah Xildhibaannada ballan sugayaasha ah ayaa inoo sheegay in aysan jiri doonin shaqo cusub oo aan la qaban doono Villa Somalia illaa ballantii hore la fuliyo.

“Haddii ay ballantii hore fuliyaan waa macquul in aan arrimaha soo socda kala shaqeyno, laakiin qaabka uu hadda u fikiraayo madaxweynuhu kama yeeli doonaan Xildhibaannada,” ayuu yiri mid kamid ah Mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya oo aan la hadalnay.

Haddii aad isweydiinayso sababta ay Villa Somalia laaluush ugu bixineyso shaqooyinkan jawaabtu waa inay yihiin howlo aanay Soomaalidu heshiis ku aheyn oo qof ama koox gaar ah dan uga dhex jeedaan.

Wax walba oo aanay umadda u dhameyn waa qasab in lala aado laaluush iyo dariiq aan munaasab aheyn oo dhaawacaaya muunada qaranka.

Villa Somalia iyo Xildhibaannada hadda waa isku dhakan yihiin, waxaana la eegayaa cidda uu qorshaheedu hirgalo.

Sanbaloolshe oo ku billowday lixdan cisho oo xasillooni ah

Muqdisho (Caasimada Online) – 4-tii bisha April ee sanadkaan Golaha Wasiirada ee Soomaaliya ayaa Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe u magacaabay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA.

Waxay aheyd markii saddexaad ee halkaasi la geeyo, laakiin markaan marxaladdu waa ka duwaneyd siddii hore oo wuxuu kusoo aaday hay’ad aad u kortay, sharci leh, kuna guuleysatay inay wax weyn ka qabato amniga magaalada caasimadda ee Muqdisho.

Lixdan cisho ayaa laga jooga magacaabistii Sanbaloolshe. Wuxuu ku bilowday hab shaqo oo degan, wuxuu sameeyay isbeddelo kooban, wuxuuna u muuqda inuu joogteeyay dhaxalkii taliyihii hore.

Inkasta oo uusan hadda socon dagaal toos ah oo lagula jiro kooxaha argagixisada, haddana dhinaca ugu weyn ee lagu eegayo Sanbaloolshe waa amniga caasimadda, wuxuuna u muuqda inuu helay lixdan cisho oo xasilloon oo ay hay’adda ku guuleysatay inay joogteyso amniga caasimadda.

Taliyaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe wuxuu waayahan dambe sidoo kale u badnaa gobolka Hiiraan, isagoo xoogga saaray inuu xaliyo xiisadda reerkiisa kala dhaxeysa maamulka HirShabelle iyo sida ay uga qeyb qaadan karaan markale wejiga labaad ee la-dagaalanka argagixisada.

Sanbaloolshe ayaa sidoo kale ku baxay xiisadda waayahan dowladda madaxweyne Xasan Sheekh kala dhaxeysa dowladda Isu-tagga Imaaraadka, maadaama uu ku jiro siyaasiyiinta loo xagliyo inay saaxiib la yihiin dowladda Imaaraadka Carabta.

Dalkan yar ee Khaliijka ku yaalla ayaa joojiyey lacago uu bishii ku kabi jiray ciidanka la yiraahdo Bolisiiyo-Milataaro ee ay dhigtay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana Sanbaloolshe loo diray Abu Dhabi si uu arrintaasi xal ugu raadiyo.

Iyada oo hoggaanka hay’adda NISA ay ku amaanan yihiin dadaalkooda amni, haddana shacabka Soomaaliyeed waxaa hortaalla inay door fiican ka qaatan shaqadaan socota, si buuxda loogu soo afjaro kooxaha argagixisada.

Soomaaliya oo maanta ku guuleysatay kursiga Golaha Ammanka ee Q/Midoobe

0

New York (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay ku biirto golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa maanta kamid noqotay shanta xubnood ee cusub ee buuxinaya kuraasta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inta u dhaxeyso sanadka 2025 iyo 2026-ka.

Golaha ayaa maanta u codeeyay shanta dal ee kala ah Soomaaliya, Pakistan, Denmark, Greece iyo Panama. Dalalkan ayaa wixii maanta ka bilowdo si rasmi ah uga mid noqdeen xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa xubin aan joogta ahayn ka noqotay golaha, iyada oo ku matali doonto labada sano ee soo socota qaarada Afrika.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan gelisay kursigan iyo sidii ay ku heli lahayd, taasi oo ugu dambeyntii maanta mira-dhal noqotay.

Soomaaliya iyo afarta dal ee kala ah Denmark, Greece, Pakistan iyo Panama ayaa waxay beddeli doonaan dalalkii horey ugu fadhiyay kuraasta ee kala ah Mozambique, Switzerland, Malta, Japan iyo Ecuador.

Guushan wayn ee ay gaartay Soomaaliya ayaa kor usii qaadeyso dowladda federaalka oo sanadihii ugu dambeeyay ku guuleysatay barnaamijyo waa wayn, sida qaadista cuna-qabateynta hubka, deyn-cafinta iyo ku biirista dalladda bulshada bariga Afrika ee EAC.

Muxuu yahay heshiiska is-afgarad ee golaha wasiirada ay maanta meel-mariyeen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah.

Golaha ayaa meel-mariyey dib-u-eegista xwer-nidaamiyaha aqoonsiga iyo diiwaan-gelinta dadweynaha iyo heshiis is-afgarad ee la xiriira iskaashiga siyaasadda oo ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Norway.

Shirka oo uu guddoominayey ku-simaha ra’iisul wasaaraha ahna ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale warbixinno ku saabsan amniga dalka looga dhageystay wasaaradaha amniga gudaha iyo gaashaandhigga.

Masuuliyiinta labada wasaaradood ayaa soo bandhigay warbixinno la xiriira halka uu marayo howl-gallada lagu cirib-tirayo kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish iyo xasillinta amniga dalka.

Sidoo kale, Golaha ayaa warbixinno la xiriira safarro shaqo oo ay ku tageen dalka dibaddiisa ka dhageystay wasaaradaha caafimaadka iyo daryeelka bulshada, isgaarsiinta iyo tiknoloojiyadda, maaliyadda, gaadiidka iyo duulista hawada iyo wasaaradda beeraha iyo waraabka.

Wasiiraddan ayaa intii uu socday kulanka soo bandhigay guulihii ay xaqiijiyeen safarradooda, sida lagu yiri qoraal uu xafiiska ra’iisul wasaaraha kasoo saaray kulankaan.

Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeysay sameyneysay horumar dhanka islaashiga dibadda ah, waxayna dalal waa wayn lasoo gashay heshiis muhiim ah iyo kuwa kale oo quseeya difaaca guud ee dalka.










Xizbullah oo weerar culus oo dhimasho iyo dhaawac leh maanta ku qaaday Israel

Beirut (Caasimada Online) – Militariga Israa’iil ayaa Khamiista maanta ah sheegay in askari lagu dilay weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha la socon ee kooxda Xizbullah ee ay Iiraan taageerto, taasi oo ah khasaarihii ugu dambeeyay ee isku dhacyo bilihii dhowaa ka socday xuduudda.

Refael Kauders ayaa Arbacadii “ku dhintay dagaal ka dhacay waqooyiga”, ayey ciidamadu ku sheegeen website-kooda.

Warbixin kooban oo uu siiyay warbaahinta, ayaa afhayeenka ciidamada Colonel Peter Lerner waxa uu ku sheegay in Kauders, oo 39 jir ahaa, lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha la socon ee Xizbullah ku qaadeen magaalada Hurfeish ee waqooyiga Israa’iil.

“Waxa ka dhashay natiijo xun, dabcan, oo ah askari la dilay,” ayuu yiri Lerner.

Wargeyska Times of Israel ayaa sheegay in weerarka sidoo kale lagu dhaawacay sagaal askari oo mid ka mid ah uu dhaawaciisu culus yahay.

Lerner waxa uu sheegay in “Xizbullah…sideedii bilood ee la soo dhaafay ay si maalinle ah u kordhiyeen weeraradooda ka dhanka ah Israa’iil” ayna “isku dayayaan in ay jebiyaan hababka difaaca ee Israel.”

Dhimashadii ugu dambeysay ayaa ka dhigeysa ugu yaraan 15 askari iyo 11 rayid ah oo lagu dilay waqooyiga Israel, sida laga soo xigtay militariga, tan iyo markii ay billowdeen iska hor imaadyada u dhaxeeya ciidamada Israel iyo Xizbullah, oo ah xulafada Xamas, kuwaas oo bilowday ka dib markii dagaalka Gaza uu qarxay 7-dii October.

Dhinaca Lubnaan, rabshadaha xudduudda waxaa ku dhintay ugu yaraan 455 qof, oo u badan dagaalyahanno laakiin ay ku jiraan 88 qof oo rayid ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Dagaalka Gaza ayaa billowda kadib markii Xamas ay weerar culus ku qaaday Israel 7-dii October, kaasi oo ay ku dhinteen 1,194 oo Israa’iiliyiin ah, oo u badan shacab, sida ku cad xogta AFP oo ku saleysan tiro-koobka rasmiga ah ee Israa’iil.

Xamas ayaa sidoo kale afduubtay 251 oqf, oo isugu jira Israa’iiliyiin iyo ajaaniib, kuwaas oo 120 ka mid ah weli lagu hayo Gaza, oo ay ku jiraan 41 qof oo militariga ay sheegeen inay dhinteen.

Israa’iil ayaa wacad ku martay in ay cirib-tireyso Xamas, waxayna Gaza ku qaaday dagaal dhulka iyo cirka ah, oo ay ku dhinteen 36,586 qof oo badankood shacab ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Gaza ee Xamas ay maamusho.

Sida ay sheegeen militariga Israa’iil, 645 askari ayaa la dilay tan iyo 7-dii October, oo ay ku jiraan 294 ku dhintay ololaha ka dhanka ah Xamas ee dhulka Falastiiniyiinta.

VOA + AFP

Xogta warqad la sheegay in DF ku dalbatay dhex-dhexaadinta Itoobiya hal arrin darteed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay baraha bulshada la wareejinayay warqad la sheegay inay dowladda federaalka Soomaaliya ku dalbaneyso dhex-dhexaadinta Itoobiya, sababo la xiriira ciidankeeda ku sugan gudaha Soomaaliya.

Warqaddan ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya aysan diidayn mabda’a ka qayb ahaanshaha Itoobiya ee hawl-gallada ATMIS, xilli ay dowladda federaalka dhawaan warbaahinta ka shaacisay go’aanka bixitaankooda, taasi oo uu ka horyimid maamulka Koonfur Galbeed.

Caasimada Online oo xiriir la sameysay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay noo xaqiijiyeen in warqaddani tahay mid been abuur ah.

“Warqaddan meelaha la wareejinayo ma ahan mid sax ah, ayey noo sheegeen masuuliyiin dhowr ah oo aan wax ka weydiinay arrintaan.

Warqaddan ay been abuurka ku tilmaamtay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa Tanzania looga dalbanayay inay wada-hadallo u furto Soomaaliya iyo Itoobiya, si looga hadlo dib u eegis lagu sameeyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka oo muhiim u ah amniga Soomaaliya, sida lagu yiri warqadaan ay iska fogeysay Soomaaliya.

“Sida aad la socotaan waxaa xumaaday xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii ay Itoobiya iyo maamulka Somaliland kala saxiixdeen heshiis sharci darro ah. Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa garwaaqsan doorka muhiimka ah ee ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin la-dagaalanka Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri warqadda wareegaysa baraha bulshada ee DF ay iska fogeysay, kuna sheegtay mid been abuur ah.

Tanzani ayaa hadda guddoon u ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (AU PSC).

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey meel adag iska taagtay xad-gudubka Itoobiya, ayada oo dhawaan sheegtay in dalka ka baxayaan ciidanka Itoobiya, xilli uu socdo qorshe kale oo lagu doonayo in lagu sii dheereeyo howl-galka Midowga Afrika.

Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ciidanka ATMIS ee dalka ka baxaya lagu daro gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka jooga gudaha Soomaaliya, sida uu sheegay La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud.

Sababta ay diyaarada Kenya Airways uga degi weysay Adan Cadde oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan oo wareysi siiyay BBC ayaa ka hadlay sababaha keenay in diyaaradaha shirkadda Kenya Airways ay maalmihii lasoo dhaafay uga dagi waayeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa dhalisay hadal hayn xoogan, kadib markii diyaaradahaasi ay dib uga laabteen safaro ay ku tegi lahaayeen gegida diyaaradaha ee Aadan Cadde International.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha ka baaqday garoonka Muqdisho ay ahaayeen laba diyaaradood oo kala ahaa mid rakaab ah iyo mid xamuul ahayd, kuwaas oo dib uga noqday hawada magaalada Muqdisho.

Axmed Macallin Xasan ayaa howsha baaqashada diyaaradda Kenya Airways u sababreyay ay tahay “sabab cimillo”, sida uu ku sheegay wareysiga uu siiyay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da.

“Diyaaradahan ayay ku adkaatay in ay cago dhigtaan garoonka Muqdisho sababo la xiriira dabaysha xagga danbe kaga dhacaysa ee dhanka badda ka imanaysa, waa ayna diideen in ay ka soo degaan dhanka magaalada, marka dabayshu jirto. Markaa hawshani waa wax la xidhiidha cimillada” ayuu yiri maareeyuhu.

Sidoo kale wuxuu intaasinku daray, in diyaaradaha kale ay ka degayeen maalmahaas garoonka, maadaama shirkadahoodu ay muddo dheer ka shaqaynayeen Muqdisho, isla mar ahaantaana ay la qabsadeen is beddelka cimillada, waana wax ay soo wada mareen.

“Diyaaraha kale way ku dhacday, tusaale diyaaradda Turkish Airline way ku dhacday dhacdadan oo kale, madaxdoodaa noo timi, waanu ka wada hadalnay, waxaana u sharraxnay sida dabaysha Muqdisho sannadkii isu beddesho, waaxana ay oggolaadeen in diyaaradoodu aanay dhanka badda ka soo degin ee dhanka magaalada ka soo degaan” ayuu sii raaciyay Axmed Macallin Xasan.

Diyaaradda Kenya ayaa bilihii u danbeeyey bilowday duullimaadkeeda Muqdisho, waxaana madaxda ha’yadda duullimaadyada rayidka Soomaalya ay qabaan in halowshan la xallin doono, maadaamma diyaaraddan ay duulimaadyadeedu cusubyihiin.

Diyaaradaha ka degaya garoonka Aadan Cadde, ayaa hadda waxa ay soo maraan laba jid ka hor degitaankooda mid dhanka badda ah iyo mid dhanka magaalada ah ee dhismayaasha diyaaradaha ayaana amni ahaan badanaa doorbida jidka xiga dhanka badda.

“Diyaaraduhu waxay jecel yihiin dhinaca badda oo furan toosna ah, wax dhisme ah oo ateeno ah oo taagan aanu jirin, iyo badda biyaheeda oo haddii diyaaradu dhacdo caawinaya, markaa faa’iidooyinkaas darted ayay u jecel yihiin dhinacaas” ayuu mar kale yiri Axmed Macallin, naareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya.

Marka laga soo tego shirkadda diyaaradaha Kenya Airways waxaa garoonka Muqdsho ka shaqeeya diyaaradaha Turkish Airlines, Qatar Airlines, Fly Dubai iyo Ethiopian Airlines, kuwaas oo si maalinle iyo toddobaadle ah uga dega garoonka Aadan Cadde, halka dhanka kale ay jiraan shirkado kale oo tiro ah oo sameeya duullimaadyada gudaha ah.