25 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Xog: Xujayda Soomaaliya oo mar kale la dayacay – Sawirro muujinaya halka la dejiyey

Maka (Caasimada Online) – Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa ka cabanaya adeeg xumo ay mas’uul ka tahay dowladda Soomaaliya, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno ka mid ah xujeyda oo nala hadlay.

Xaajigan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa ka sheekeeyey dhibaatooyin ku heysta goobihii ay dejisay wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda Soomaaliya oo mas’uuliyadooda qaaday, inta ay joogaan Xajka.

Xujeyda nala hadashay waxay sheegeen in hoteelo fiican aan la dejin, isla markaana kuleyl daran ay ku wajahayaan magaalada Maka oo cimiladeeda ay aad u kulushahay.

“Adeega aan ka helnay dowladda iyo lacagta ay naga qaaday wax isku dhow maaha, sanadkaan waxaa Soomaalida la dejiyey goobo aan lagu noolaa karin, markii hore waxaa la ii sheegay in markii aan tago magaalada Mako Hoteel la i deji doono, laakiin taas ma dhicin, magaalada oo aad u kulul ayaa nala dejiyey qolal aan wax qaboojiye ah laheyn,” ayuu yiri mid ka mid ah Xujeyda sanadkaan oo la hadlay Caasimada Online.

Rajo weyn ayaa laga qabay in dowladda Soomaaliya ay wax badan ka bedesho dhibaatooyinkii haystay xujeyda Soomaaliyeed, balse taasi ma dhicin oo cabashada ayaa cirka isku sii shareertay, waxayna xujeydu sheegeen in balan-qaadkii loo sameeyey iyo adeegyada ay heleen aysan ay aheyn wax isku dhow.

“Is bedel weyn ayaa nool balan qaaday sanadkaan, lacag 50 dollar ah oo kaliya ayaa u dhaxeysa qiimaha sanadkaan iyo sanadkii hore xajka lagu tegayo, sanadkii hore waxaa dadka laga qaaday (afar kun, afar boqol, sideetan iyo dhowr doolar), sanadkaana waxaa laga qaaday $4,434 iyo sintiyaal, duulimaadyadana waxaa loo xiray hal shirkad oo adeegyo gaar ah aan soo kordhin,” ayuu yiri Xaaji kale oo la hadlay Caasimada Online.

Xujayda Soomaalida ayaa sidoo kale la dejiyey goobo aad uga fog xaramka, sida ka muuqata khariidadda hoose, taasi oo dhibaato badan ay kala kulmaan.

Mid ka mid ah xujeyda oo xog ogaal ah, dhowrkii sano ee lasoo dhaafayna ku noqnoqday xajka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay markii uu dunida ka dilaacay cudurkii Coronavirus ay dowladda Soomaaliya toos ula wareegtay maamulka adeegyada xajka, sida ka duwan sanadihii hore, taasi oo sii cakirtay xaaladii xujeyda Soomaalida oo markii horaba dhibane u ahaa dowlad la’aanta iyo duruufaha ku xeeran ee dunida kale ay uga duwan yihiin.

“Waxaa meesha la baxay tartankii shirkadaha, wax kasta waxaa la wareegtay dowladda markii laga reebo duulimaadka oo hal shirkad loo xiray, waan u dacwoonay shirkadaha, laakiin waxaba kama dhihi karaan oo anaga ayey nala mid yihiin, guryaha, hoteelada iyo teendhooyinka dowladda ayaa toos u soo faro-gelisay, waxaas oo dhan oo eed ahna waxay dusha uga dhaceysaa xafiiska arrimaha Xajka ee Soomaaliya,” ayuu yiri Xaaji la hadlay Caasimada Online.

Tirada xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan ayaa gaareysa 11,500 oo xaaji, waana tiro ka ag dhow tirada xujeydii sanadihii lasoo dhaafay u soo xajisay Soomaalida, maadaama dal kasta xajka looga qoondeeyey tiro go’an oo la isla ogyahay, Soomaalida ayaa safka hore uga jirta xujeyda qiimaha ugu badan ku tagta Xajka.

Sidoo kale, dowladda ayaa sameysay shaqaale gaaraya 415 qof oo loo sameeyey IDs oo mid walba jago ku magacaaban yahay, kuna qoran yahay xafiiska Xujeyda ama Bicthada Soomaaliya.

Waxaan halkan idin kula wadaageynaa liiska hoteellada ay dowladda Soomaaliya sheegtay in la dejin doono xujayda. Waxaan sidoo kale idin soo gudbineynaa sawirro muujinaya halka la dejiyey iyo sida ay u liidato.

PSF oo si adag ugu jawaabtay booliska, dalbatayna in deg-deg loo sii daayo Dooxo

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidanka Amniga Puntland ee PSF ayaa si adag uga jawaabtay hadal shalay kasoo yeeray Taliyaha Booliska Puntland oo sheegay inay dhibaato weyn ku qabaan ciidanka PSF oo cadow u arka booliska maamulka.

PSF waxay ayaan darro ku tilmaamtay in Taliyaha Booliska Puntland Mr Muumin inuu eedeyn aan sal iyo raad toona laheyn u jeediyo ciidamada PSF, ayada oo iska fogeysay in wixii shalay ka dhacay Boosaaso yihiin amar ciidan ama wax ay ka dambeysay PSF.

“PSF waxay u taagan tahay la-dagaalanka argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish iyo helida xogaha lagu dhibaataynayo shacabka Soomaaliyeed ee reer Puntland,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay PSF.

PSF ayaa sidoo kale waxay dalbatay in deg deg loo sii daayo afhayeenka PSF Maxamuud Jamaal Dooxo oo ay sheegtay in si sharci darro ah loo xirtay, ayada oo Taliyaha Booliska Puntland ku eedeeysay inuu ka been sheegay “afduubka loo geystay afhayeenka,” sida hadalka u dhigeen.

“Afhayeenka PSF Maxamuud Jamaal Dooxo wuxuu ku sugnaa maxkamadda xilliga lasii daayey niman qaraabo ahaayeen, waxaan caddeynaynaa in sharci darro lagu xiray laguna afduubtay, taasina ay leedahay cawaaqib xumo in qof aan dembi gacanta kula jirin la xirto. Waxaan dalbanaynaa in afhayeenka PSF xoriyaddiisi loo soo celiyo sida ugu dhakhsiyaha badan.”

PSF ayaa ugu dambeyntiina waxay sheegtay in aanay jirin xasarad ka dhaxayn karta iyaga iyo Booliska Puntland, maadaama ay kamid tahay laamaha amniga maamulka, ayna u taagan tahay la-dagaalanka argagixisada iyo sugidda amniga.

Taliyaha Booliska Puntland ayaa shalay ku eedeeyay ciidanka PSF in aysan laheyn cadow aan booliska Puntland aheyn oo ay beegsadaan, isagoo sheegay in beegsiga ay ciidanka PSF ku hayaan booliska uu soo bilowday 2022-kii, taasi oo ay beenisay PSF.

Ciidanka PSF-ta Puntland ayaan ka amar qaadan xukuumadda Saciid Deni, markii laga soo tego in sida Danab oo kale ay Mareykanka taakuleeyaan, haddana waxaa xukuma sarkaal uu khilaaf culus kala dhexeeyo madaxweynaha Puntland.

Sanad kadib oo dad loo soo qabtay dilkii Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa haatan gacanta kusoo dhigay qaar kamid ah shaqsiyaadkii ka dambeeyay dil sanad kahor ganacsato loogu gaystay bartamaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulkaasi.

Ganacsatada la dilay oo labo ahaa ayaa kasoo jeeday magaalada Cadaado, waxaana lagu kala magacaabi jiray Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed, ayada oo loo dilay aano qabiil darteed.

Laamaha amniga ayaa sheegay in dad ku eedeysan dilka labada marxuum ay soo galeen gacantooda laguna xiray saldhigga booliiska Dhuusamareeb, isla markaana si deg dega ah loo horgeyn doono cadaaladda

Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi ku dareen inay ku raad joogaan shaqsiyaad kale oo baxsad ah oo iyana ku dhuumaaleysanayo deegaano hoostaga magaaladaasi.

Soo qabashada eedeysanayaasha soo galay gacanta Galmudug ayaa waxaa ku farxay ehellada marxuumiinta oo sanad sugayay cadaalad iyo in lasoo qabto dambiilayaasha.

Dhacdadan ayaa si wayn looga dareemay Galmudug, waxaana ka dhashay cabsi xoogan, maadaama caasimadii Galmudug dhexdeeda aano qabiil loogu dilay ganacsato aan waxba galabsan.

Labada ganacsatada ah ee la dilay ayaa kamid ahaa dadka ugu magaca dheer ee magaalada, iyada oo dilkooda uu abuuray cabsi dhinaca amniga magaalada ah.

Si kastaba, dilalka la xiriira aanada qabiil ayaa ah mid soo jireen ah marka loo eego guud ahaan Soomaaliya.

Kuuriyada Koonfureed oo Soomaaliya u sameysay ballan-qaad culus + Sawirro

0

Seoul (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo haatan ku sugan Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta kulan gaar ah dhiggiisa, Han Duck-soo, kaas oo ballan-qaad culus u sameeyay Soomaaliya.

Ugu horreyn labada dhinac waxay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi ku qotoma danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed.

Inta uu kulanka socday waxay sidoo kale labada ra’iisul wasaare isla soo qaadeen muhiimadda ay leedahay in la abuuro iskaashi ku dhisan wax wada qabsi iyo kala faa’ideysi, iyada oo diiradda la saarayo dhinacyada farsamada gacanta, xirfadaha, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda.

Xamza waxaa kulankan ku wehlinayay qaar kamid ah golihiisa wasiirada oo qayb ka ah wafdigiisa, waxayna ra’iisul wasaare Han Duck-soo iyo dowladdiisa ay ka codsadeen inay ku gacan siiyaan arrimaha hortabinta u leh xilligan dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay u bandhigeen fursadaha haatan ka jira Soomaaliya, maadaama ay isku diyaarineyso maalgashi caalami ah, kadib guushii wayneyd ee laga gaaray deyn cafinta dalka.

Ra’iisul wasaaraha Kuuriyada Koonfureed oo dhankiisa madasha ka hadlay ayaa ballan-qaad culus u sameeyay Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dalkiisa uu gacan ka siin doono horumarinta adeegyada muhiimka ah ee Soomaaliya, si bulshada Soomaaliyeed ay uga fa’iideystaan.

Ra’iisul wasaare Xamza oo horay ula kulmay madaxweynaha hey’adda horumarinta caalamiga ah ee Kuuriya (KOICA) CHANG, Won Sam ayaa kala hadlay arrimo muhiim u ah horumarka ay Sommaaliya ku taamayso.

Sidoo kale Xamza ayaa ka warramay muhiimadda uu dalkeennu u leeyahay is-beddelka dhaqan-dhaqaale iyo horumarinta xirfadda dhalinyarada, isagoo tilmaamay inay xusid mudan tahay in in ka badan 70% dadka Soomaaliyeed ay da’doodu ka yar tahay 30 sano jir, taasoo muujineysa baahida loo qabo in si mug le loo maalgeliyo barnaamijyada Farsamada Gacanta (TVET).

Si kastaba, Soomaaliya oo ka qayb-gashay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika ayaa la tegtay qorsheyaal cad oo qeyb ka qaadanaya horumarka iyo dib-u-soo kabashada dalkeenna, kuwaas oo ay gacan ka geysan doonto dowladda Kuuriyada Koonfureed.

Wararkii ugu dambeeyay ee xasuuq ay ISRAEL ee Gaza

Gaza (Caasimada Online) – Isra’il ayaa Arbacadii shalay sii wadday duqeymaha cirka ah ee ay ka waddo Gaza, xilli ay sii socdaan wadahadallada caalamiga ah ee lagu xiixayo xabbad-joojin la kala dhex dhigo Isra’il iyo Xamaas.

Millatariga Isra’il ayaa duqeeyay deegaanno ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Gaza, halkaas oo la xaqiijiyay in ay ku dileen tobnaan qof.

Ciidamada Isra’il waxay sheegeen in ay qaadeen howlgal ay ku bartilmaameedsadeen qeybo ka mid ah deegaannada Bureyj iyo Deyr Al Balax ee Bartamaha Gaza.

Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in duqeyn ay ciidanka Isra’il la beegsadeen iskuul ay maamusho Qaramada Midoobay oo ku yaalla xerada qaxootiga Nuseyraat lagu dilay 27 qof. Dadka lagu dilay weerarka ayaa u badnaan qoysas gabbaad ka dhiganayay iskuulka.

Sidoo kale goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in duqeymo ay ciidanka Israil ku garaaceen xeryaha qaxootiga ee Maghazi iyo Deyr Al Balax lagu dilay 11 qof.

Dhanka kale, wakiillo ka socda maamulka madaxweyne Jose Biden ayaa gaaray Bariga Dhexe si ay u xiiraan, hindisaha xabbad-joojinta ee uu soo bandhigay madaxweynaha Mareykanka Jimcihi.

Hindisahaan oo ka kooban saddex waji, ayuu Biden ku sheegay in qeybta koowaad ay ogolaan doonto xabbad joojin lix todobaad ah iyo in la is weydaarto la heystayaasha labada dhinac, iyo in Gaza la geeyo gargaar bani’

Aadannimo.

War xalay kasoo baxay hogaamiyaha Xamaas, ayay Xamaas ku gacan-seyrtay qorshaha xabbad-joojinta Isra’il iyo Xamaas ee madaxweyne Biden.

Isra’il, horay ayay u sheegtay in aysan ku qanacsaneyn, balse ay soo dhaweyneyso.

VOA

Jeneraal Indhoqarshe oo hal arrin ku taliyey inta aysan dalka ka bixin ATMIS (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabsi iyo doodo badan ayaa ka jira xaaladda amniga ee Soomaaliya, xilli dawladdu mar kale ku celisay inay fulanayso qorshaha ay dalka uga baxayaan ciidamada hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kaas oo lasoo af-jarayo dhamaadka sannadkan 2024.

Taliyiyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) oo wareysi dheer siiyey Idaacadda VOA ayaa ka hadlay arrintaas, isagoo sheegay in dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay ka maarmaan ciidanka ATMIS hadii ay isku kalsoonaadaan oo kartidii lagu yaqiinay ay adeegsadaan.

“Hadda 5 bilood ayaa ka dhiman waqtiga ay baxayaan ciidanka ATMIS, waa ku filan tahay madaxweynayaasha gobollada ee dhahaya waxaa dhacaya firaaq amni, waxaa mudadaas ku abaabuli kartaa ciidan deegaanka ah iyo maleeyo beeleedyo u diyaarsan inay dalkooda xoreystaan,” ayuu yiri Jeneraal Indhaqarshe.

Masuuliyiinta dawladda ayaa sheegay in ciidamo ka mid ah kuwa ATMIS, oo ka kala socda Uganda, Kenya, Burundi iyo Jabuuti, ay kasii mid ahaan doonaan hawlgal kale oo beddeli doona ATMIS muddo hal sano ah, balse ciidamada Itoobiya ka socda ay bixi doonaan dhamaantood bisha Disambar ee sanadkaan 2024-ka.

Arrintaan ayaa imanaysa iyadoo su’aalo la iska weydiinayo diyaar garowga ciidanka xoogga dalka, Jeneraal Indhaqarshe oo horay sanado badan u soo xukumay militeriga Soomaaliya ayaa qaba in ciidanka hadii laga ilaaliyo siyaasadda ay ku filan yihiin amniga dalka.

Wuxuu sheegay markii uu ahaa Taliyaha xoogga in 80% dalka laga xoreeyey argagixisada Al-Shabaab, magaalooyin kooban oo Jilib, Bu’aale, Xarardheere iyo Ceelbuur ay ku jiraan ayuu sheegay inay ku harsanaayeen gacanta cadowga.

Dib u dhac weyn ayuu sheegay inuu jiro markii la eego qorshaha amniga qaranka oo mar hore ay ku habooneyd in dalka laga xoreeyo argagisada, isagoo ku baaqay in gaabiska Meesha laga saaro oo ciidanka lagu hago waajibaadkooda, isagoo kalsooni badan ka muujiyey in ciidanka xoogga Soomaaliya ay nabad ku soo dabaali karaan dalka.

Jananka ayaa ciidamada deegaanka ee macawiisley ku amaanay sida ay ugu guuleysteen xoreynta dhulkooda, wuxuu ku taliyey in ciidankaas tababar iyo taakuleyn la siiyo oo kala dambeyn loo sameeyo, si cadowga ay uga guuleystaan garabna ugu noqdaan ciidanka qaranka.

Hoos ka dhageyso wareysiga

DF oo shaacisay sabab ay Muqdisho uga degi weysay diyaaradda Kenya Airways

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay sababta kaliftay in diyaaradda Kenya Airways ay ka degi weyso garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo warar ay tebisay warbaahinta Kenya ay sheegayaan in dhowr duulimaad oo shirkadda Kenya Airways ay leedahay ay maalmihii lasoo dhaafay dib uga laabteen safarkoodii, kadib markii ay ka degi waayeen Muqdisho.

Maareyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in warkaasi uu jiro, isagoo sababta ku sheegay in baaqashada diyaaradaha shirkadda Kenya Airways ay salka ku heyso ‘sabab cimillo.’

Ugu yaraan labo diyaaradood ayaa la sheegay inay ka baaqdeen garoonka Aadan Cadde maalmihii lasoo dhaafay, labadaas diyaaradood mid waxay siday rakaab, midna xamuul, waxayna ka laabteen hawada magaalada Muqdisho.

“Diyaaradahaan ayay ku adkaatay in ay cago dhigtaan garoonka Muqdisho, sababo la xiriira dabaysha xagga danbe kaga dhacaysa ee dhanka badda ka imanaysa, waana diideen in ay ka soo degaan dhanka magaalada, marka dabayshu jirto. Marka hawshani waa wax la xiriira cimillada,” ayuu Maareeye Axmed Macalin Xasan.

Sidoo kale Maareeyaha ayaa sheegay in diyaaradaha kale ay ka degayeen garoonka maalmaha ay hawada Muqdisho ka laabteen labadaas diyaaradood, maadaama shirkadahoodu ay muddo dheer ka shaqaynayeen Muqdisho, isla marmarkaana ay la qabsadeen is beddelka cimillada, “waana wax ay soo wada mareen cabsida qabsatay kuwaas.”

“Diyaaradaha kale way ku dhacday, tusaale diyaaradda Turkish Airline way ku dhacday tan oo kale, madaxdoodaa noo timid, waanu ka wada hadalnay, waxaana u sharaxnay sida dabaysha Muqdisho sannadkii isku beddesho, waxayna oggolaadeen in diyaaradoodu aanay dhanka badda ka soo degin ee dhanka magaalada ay ka soo degaan” ayuu hadalkiisa ku sii daray maareeye Axmed Macalin.

Diyaaradda Kenya Airways ayaa dhowaan dib u danbeeyey bilowday duulimaadyadii Muqdisho, balse hadda waxaa soo baxday in maalmahaan ay ka degi la’dahay garoonka Aadan Cadde, kadib markii ay ka cabsadeen cimillada Muqdisho.

Maareeyaha Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa qaba in caqabadda heysata diyaaradaha shirkadda Kenya Airways la xali karo, hadii ay raacaan tilmaamaha la siinayo, maadaama diyaradahaas ay dalka ku cusub yihiin.

Daawo: Taliska booliska Puntland oo ka cabanaya PSF – Maxaa ka socda Boosaaso?

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliyaha Booliska Puntland Muumin Cabdi Shire oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa faahfaahin ka bixiyey weerarro uu sheegay inay kala kulmaan ciidanka PSF-ta Puntland, isagoo soo tiriyey xad-gudubyo badan oo si bareer ah ay ugu kaceen ciidankaas, sida uu sheegay.

Taliyaha ayaa sheegay inay dhibaato weyn ku qabaan ciidanka PSF oo cadow u arka booliska maamulka, sida uu hadalka u dhigay, isagoo ugu horeyn ka warbixiyey weerar ay maanta ka geysteen saldhigga booliska magaalada Boosaaso.

“Ciidanka PSF maanta waxay soo weerareen saldhigga booliska degmada Boosaaso, waxayna dhaawaceen labo askari, iyagoo xabsiga kala baxay labo eedeysano oo horay falal amni darro magaalada uga geystay,” ayuu yiri Taliye Muumin.

Taliyaha booliska Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka PSF in aysan laheyn cadow aan booliska Puntland aheyn oo ay beegsadaan, “Waxaan aad uga xunahay in ciidan Puntland ka tirsan ay maalin kasta booliska beegsadaan, weerar iyo beegsi joogto ah ayey ciidankaas nagu hayaan,” ayuu yiri Taliyaha booliska PL oo warbaahinta kula hadlay Boosaaso.

Wuxuu sheegay in beegsiga ay ciidanka PSF ku hayaan booliska uu soo bilowday 2022-kii, isla markaana uu ka bilowday weerar ay ciidankaasi ku qaadeen gaari ay ku buufsan tahay calaamadda booliska oo mararyey gudaha Boosaaso, iyagoo halkaas ku dilay hal askari toddobo kalena ku dhaawacay, sida uu sheegay Taliye Muumin.

“Mar kale ayey isla 2022-kii soo weerareen booliska, iyagoo saldhigga hortiisa ku dhaawacay askari boolis ah, 2024 sarkaal boolis ah ayey ku dhaawaceen koontrolka Boosaaso, bishii lasoo dhaafay ee May waxay ciidanka PSF ka qeyb qaateen hub si sharci darro ah looga soo dejinayey Boosaaso, iyagoo halkaas ku dhaawacay sarkaal kale,” ayuu yiri Taliye Muumin.

Ciidanka PSF-ta Puntland ayaan ka amar qaadan xukuumadda Saciid Deni, markii laga soo tego in sida Dana boo kale ay Mareykanku taakuleeyaan, hadana waxaa xukuma sarkaal uu khilaaf culus kala dhexeeyo madaxweynaha Puntland.

Ugu dambeyntii taliyaha booliska Puntland ayaa farriin u diray madaxweyne Deni, isagoo sheegay in sidaan aysan ku sii shaqey karin, “Waxaan cabasho buuxda qabnaa xaaladda ka jirta Boosaaso, is hortaag shaqo ayey nagu hayaan ciidanka PSF, shalay nin si qaldan uga baxsaday laamaha amaanka ayey shalay ku difaaceen gudaha Garowe,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

Sawirro: SOOMAALIYA oo maanta laga daah-furay biyo xireen aad u ballaaran

0

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Jowhar ee xarunta dowlad-goboleedka HirShabelle laga daah-furay mashruuca Biyo xireenka Sabuun, kaasi oo wax weyn ka beddeli doona nolosha in ka badan 300-kun oo beeraley Soomaaliyeed ah.

Mashruucan ayaa waxaa si wada-jir ah u daah-furay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Ku-simaha Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ahna ra’iisul wasaare ku-xigeen Saalax Axmed Jaamac.

Sidoo kale munaasabadda waxaa goobjoog ahaa wasiirro ka tirsan xukuumadda, masuuliyiin heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah iyo saraakiil ka socotay xafiiska Qaramada Midoobay.

Dowladdaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa gacan ka geysanayo hirgelinta dhismaha.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in hirgelinta mashruucan uu waxtar u leeyahay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka, islamarkaana uu xal u noqon doona waraabka beeraha iyo dhibaatooyinka kale ee ay sababaan fatahaadda iyo daadadka uu sameeyo wabigu.

“Mashruuca Sabuun oo guulleysto waa Soomaaliya oo barwaaqo ah, waxaan hubbaa in uu kordhin doonno wax-soo-saarka Beeraleyda.” ayuu yiri ku-simaha ra’iisul wasaaraha Saalax Axmed Jaamac.

Mudane Saalax ayaa uga mahad-celiyey dowladihii iyo hey’adihii gacanta ka geystay hirgelinta mashruuca Sabuun, isaga oo xusay in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ka shaqeynayso sidii kor loogu qaadi lahaa tabaca iyo wax-soosaarka beeraleyda Soomaaliyeed.

Sawirro: Midowga Yurub oo ballan qaad cusub maanta u sameeyay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wada-hadallo cusub magaalada Muqdisho la yeelatay Ururka Midowga Yurub, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah oo quseeya maamulka hawada Soomaaliya iyo horumarinteeda.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa Talaadadii qaabishay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, danjire Karin Johansson, ayaa kala hadashay arrimo ku aadan xoojinta iskaashiga dhinaca duulista oo uu ballan qaaday Midowga Yurub.

Kulanka kadib danjiraha Midowga Yurub ayaa booqasho ku tegtay xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Maareeyaha guud ee hay’adda duulista rayidka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa danjiraha Midowga Yurub warbixin ka siiyay howlaha shaqo ee Hay’adda oo horumarradii u dambeeyay ay gacan ka gaysteen xaqiijinta bedqabka iyo amniga hawada Soomaaliya iyo gobolka.

“Horumaradii u dambeeyay ee qalabka iyo khibrada howlwadeennada waxay sare u qaaday kobaca dhaqaalaha dalka iyo bedqabka iyo amniga hawada Soomaaliya.” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaa ku daray xoojinta iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada duulista rayidka ay gacan ka gaysanayso sare u kac ku yimaada horumarka adeegga Duulista Soomaaliya.

Adeegga Duulista Rayidka Soomaaliya oo ku jira hannaan horumarin ah ayaa ka faa’iideysanaya khibrada iyo aqoon iswaydaarsiga uu la yeelanayo ururrada caalamiga ah iyo dalalka horumarka ka sameeyay adeegga duulista.

Iskaashigan uu Midowga Yurub la yeelanayo Soomaaliya ayaa ah mid quseeya khibrad wadaag iyo horumarinta xirfadaha howlwadeennada hay’adda duulista rayidka.

Safaaradda Mareykanka ee Lubnaan oo la weeraray

Beirut (Caasimada Online) – Nin hubeysan ayaa Arbacada maanta ah rasaas ku furay safaaradda Mareykanka ee Lubnaan, waxaana uu ku dhaawacmay rasaas ay is-weydaarsadeen ciidamada ammaanka, sida ay sheegeen ciidamada Lubnaan.

Ciidamada ayaa sheegay in ninka weerarka gaystay oo u dhashay dalka Suuriya la xiray lana dhigay isbitaal si loogu dabiibo, islamarkaana ciidamada ay goobta ka baadi goobayeen rag kale oo hubeysan.

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in subaxnimadii meel u dhow albaabka laga soo galo safaaradda laga soo sheegay rasaas. Waxay intaas ku dartay in xarunta iyo shaqaaluhuba ay bad-qabaan.

Safiirka Maraykanka Lisa Johnson ayaa hadda safar ugu maqan meel ka baxsan Lubnaan, sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed.

Ilo dhanka ammaanka ah oo u dhashay dalka Lubnaan ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ciidamada Lubnaan ay ninka hubeysan ka dhaawaceen caloosha.

Ilaha ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in xubin ka tirsan kooxda ilaalada safaaradda uu soo gaaray dhaawac fudud.

Afhayeen u hadlay safaaradda ayaan ka jawaabin su’aal ay weydiisay Reuters oo ku saabsan in ay jiraan dhaawacyo soo gaaray ilaalada safaaradda.

Reuters ayaa xaqiijisay sawirada ninka looga shakisan yahay in uu weerarka gaystay oo la wareejinayey baraha bulshada, kuwaas oo lagu qaaday meel u dhow safaaradda.

Waxay sidoo kale xaqiijiyey qeyb ka mid ah qoraal carabi ah oo ku qornaa jaakad uu xirnaa oo ahaaa “Islaam”. Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Ciidamada Lubnaan ayaa baro kontorool ka sameystay aagga safaaradda, waxaana la arkayey diyaaradaha qumaatiga u kacay oo dul heehaabaya safaaradda.

Ra’iisul wasaaraha ku-meel-gaarka ah ee Lubnaan Najib Mikati ayaa sheegay in uu la socdo xaaladda, isaga oo ay wehliyaan wasiirka gaashaandhigga iyo ciidamada ammaanka.

Safaaradda Mareykanka waxay ku taal waqooyiga Beirut oo ah aag aad loo ilaaliyo oo leh jidgooyo badan oo laga soo galo.

Waxay ka soo guurtay Beirut ka dib weerar is-miidaamin ah oo dhacay 1983-kii kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 60 qof.

Bishii September, rasaas ayaa lagu furay meel u dhow safaaradda, balse cidna wax kuma noqon.

Bartamihii Oktoobar, maalmihii hore ee dagaalka Gaza, dad badan oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay bannaanka safaaradda si ay banaanbax uga dhigaan. Ciidamada amaanka ee Lubnaan ayaa u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa iyo biyo si ay u kala eryaan.

Xuduudda Lubnaan ayaa tan iyo bishii Oktoobar waxaa ka socday iska hor imaadyo u dhexeeyay Xizbullah oo ay Iran taageerto iyo Israa’iil taasi oo barbar socota dagaalka Gaza.

Tobanaan kun oo qof oo ku nool labada dhinac ee xuduudda Israa’iil iyo Lubnaan ayaa barakacy iyadoo laga cabsi qabo in dagaalku sii xoogeysto.

Mareykanka ayaa waday dadaalo diblomaasiyadeed oo lagu qaboojinayo rabshadaha ka taagan xadka.

Reuters + VOA

Maxkamadda Ciidamada oo xukun adag maanta ku ridday Maxamuud Karaama

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday eedeysane Maxamuud Maxamed Macalim Maxamuud (Karaama) oo lagu helay kamid ahaanshaha kooxda Al-Shabaab.

Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkan uu Al-Shabaab u qaabilsanaa uruurinta lagcagaha baadda ah ee magaalada Muqdisho, waxayna ku xkuntay 8 sano oo xabsi ciidan ah.

Hoose ka akhriso xukunka iyo maraxadaha uu soo maray.

Eedeysane Maxamuud Maxamed Macalim Maxamuud “Karaama” , ayaa loo soo xiray kamid ahaanshiyaha Khawaarijta, gaar ahaan inuu Qaabilsanaa aruurinta lacagaha baada ah ee Khawaarijta ay ka qaadaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladda Muqdisho.

Maxamuud oo ku dhashay degmadda Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa Khawaarijta ku biiray dhammaadka sanadkii 2020-ka, waxaana ku tashkiiliyey nin lagu magacaabo Axmed Maxamed oo Khawaarijta ka tirsanaa, kaasi oo ay isku barteen magaaladda Hargeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Eedeysane Maxamuud, ayaa argagixisada u aruurin jiray lacagaha baad ah, isaggoo Khawaarijta u gudbin jiray xogta dukaamada cusub ee laga furo degmooyinka kala ah Xamar weyne, Xamar Jajab, Waabari, Hodan, Howlwadaag iyo Boondheere, si loo handado goobahaasi ganacsi, loogana qaado lacago baad ah.

Sidoo kale waxa uu Khawaarijta u gudbin jiray Qiyaaasta qiimaha hantida taalla goobta ganacsi ee xogteeda uu gudbinayo, Numberka iyo Dukaanka magaciisa, waxaana arrimahaan uu ka shaqeynayey muddo Seddex Sano iyo Lix bilood ah, isaggoo Mushaar ahaan seddexdii biloowdba mar ay Khawaarijtu siin jireen lacag dhan Labo boqol oo Dollar,  Gacanta Hay’addaha amnigana waxa uu soo galay Sagaal iyo Laabaatankii Bisha Koowaad ee Sanadkaan 2024.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Kow iyo Labaatankii Bisha Shanaad ee Sanadkaan 2024.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Maxamuud Maxamed Macalim Maxamuud “Karaama” 8 Sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Daawo: Maxaa ka jira in uu Roobow dhacay $10 milyan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta xukuumadda Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan Xajka sanadkaan.

Roobow ayaa marka hore soo hadal qaaday eed loo jeediyay oo ku saabsan inuu Xajka ka dhacay lacag 10 milyan oo dollar ah, taas oo la sheegay inuu ka qaatay shirkadaha.

Wasiirka ayaa  beeniyay in ay jirto arrintaasi, isaga oo ka sheekeeyay hadal dhex-maray isaga iyo nin kale oo culimo ah oo kala hadlay lacagtaas lagu eedeeyay isaga.

“Maalin dhaweyd nin culima ah oo lagu tiriyo uun culimada Soomaaliyeed ayaan mar wada-hadleynay wuxuu igu yiri waxaan hubaa dhowr 10 milyan inaad Xajka ka dhacday, war saas ma jirto ayaan ku iri markaas ayuu igu yiri haddii kalena nin aan waxba la socon ayaa tehee gacantaada wax lagu cunay” ayuu yiri wasiirka diinta iyo awqaafta Soomaaliya.

Sheekh Mukhtaar oo hadalkiisa sii wata ayaa garnaqsaday, wuxuuna tilmaamay in arrintan wax laga waydiin karo shirkadaha Xajka oo uu ku dooday in xitaa aan laga qaadin hal sinti.

“Shirkadaha waa joogaan hadda ma u maleynaayo hal shirkad oo na dhihi karto hal sinti oo laaluush ah ayaa layga qaatay” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuuu hoosta ka xariiqay in wasaaraddu ay dadaal badan gelisay arrimaha Xajka, isla markaana ay shaqo wanaagsan ka qabatay, si loola dagaalamo musuqa.

“Waxaa dhici jirtay in fiisooyinka suuqa lagu iibsado, laakiin labada sano oo aan joogno lama iibin hal xabo” ayuu sii daray Roobow.

Sanad kasta ayaa waxaa qaylo dhaan kasoo yeertaa adeegga Xajka, waxaana bannaanka usoo baxa eedeyn loo jeediyo wasaaradda iyo shirkadaha qaar oo xadgudub lagu eedeeyo.

XOG: QORSHE yaab leh oo Sayid-Cali toogashada looga badbaadinayo oo bilowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa bilowday qorshe la doonayo in xabsiga looga sii daayo Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo toogasho u xiran, kaas oo labada heer ee maxkamadaha gobolka Banaadir ay dil qisaas ah ku xukumeen.

Sayid-Cali waxaa lii heystaa inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis, reerka Sayidcali waxay isku dayeen in reerka gabadha geeriyootay ay diyo ku qanciyaan, balse waxaa si cad u diiday oo in ninkaan la qisaaso dalbaday Aabaha Luul Cabdicasiis.

Warqad uu qoray Maxamed Cabdullaahi Warsame oo ah Aabaha dhalay wiilkii ay ilmaha u dhashay Luul Cabdicasiis oo isna geeriyooday, isla markaana ah Awoowaha dhanka Aabaha ee carruurta ay dhashay Luul ayaa soo shaac baxday.

Warqadda waxaa ku qoran in sida sharciga ah uu go’aanka wax ku leeyahay, isla markaana uu aqbalay inay diyo ka qaataan qoyska Sayid-cali, maadaama ay isaga saaran tahay masuuliyadda carruurtii ay ka geeriyootay Luul.

Reerka ay ilmaha u dhashay Luul waxay ka soo jeedaan beesha Xawaadle, waxaana horteed geeriyooday ninkii ay carruurta u dhashay, balse hadda waxaa kiiska soo farogeliyey ilmaha awoowgood aabahood dhalay oo dalbanaya in diyo laga qaato reerka Sayid-Cali Macalin Daa’uud.

Ninka odaga ah ee warqadda soo qoray wuxuu degan yahay dalka Sacuudiga, sida ay ogaatay Caasimada Online, dalabka awoowaha carruurta Luul waxaa la sheegay in uusan waafaqsaneyn sharciga, taasi oo ka dhigtay mid aan soco karin.

Reerka Luul Cabdicasiis oo doonaya in kiiskaan sharciga lagu xaliyo ayaa ka gaabsaday oo weli aan ka soo hadlin dalabka awoowaha labaad ee carruurta Luul ay ifka uga tagtay, waxayna kiiska u gudbiyeen maxkamadda sare ee dalka, maadaama uu mar kale racfaan qaatay Sayid-Cali Macalin Daa’uud.

Xogta aan ka helnay arrintaan waxay intaas ku dareysaa in odaga soo qoray warqadda ay ku kaceen carruurtiisa oo gabdho u badan iyo guud ahaan qaraabadiisa oo looga dacwooday, kuwaas oo sheegay in uu ceebeeyey reerka.

Doonyo ay leeyihiin Shabaab oo la gubay kadib markii..

0

Janaale (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa waxaa si gaar ah u sameeyay Ururada 66-aad iyo 83-aad ee Guutada 14-ka October ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo cagta mariyay xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen tuulooyin hoostaga magaalada Janaale, sida ay innoo sheegeen saraakiisha horkaceysay howlgalka.

Sidoo kale ciidamada ayaa howlgalladan ku gaaran tuulooyinka Sarcad, Buulo-arundi, beeraha baay iyo Siigaale, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Xooggga.

Inta uu howlgalka uu socday waxaa sidoo kale lagu gubay doonyo ay lahaayeen Al-Shabaab, kuwaas oo ay u isticmaali jireen gudbinta qaraxyada iyo maleeshiyaadjooda.

“Howlgalka oo si gaar ah looga fuliyay tuulooyinka Sarcad, Buulo-arundi, beeraha baay iyo Siigaale ayay sidoo kale geesiyaasha qaranka ku gubeen doomo ay Khawaarijta Arxanka daran u isticmaali jireen gudbinta Qaraxyada iyo daabulista Maleeshiyaadkooda ee Wabiga labadiisa dhinac” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Saraakiisha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalladooda, isla markaana qorshaha uu yahay in Al-Shabaab aga ciribtiro aagga deegaanka Janaale.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Shabeelaha Hoose ayaa waxaa weli ku xoogan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca weeraro kala duwan oo ay soo maleegaan maleeshiyaadka kooxda.

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo xukuumadda u digay – Maxay ku kacday?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa xukuumadda Muuse Biixi uga digay fara-gelin sharci darro ah oo ay ku hayaan shaqooyinka Komishanka doorashooyinka Somaliland.

Digniintan oo sidoo kale si toos ah ugu socotay xisbiga tallada haya ee Kulmiye ayaa waxaa masuuliyiinta xukuumadda iyo siyaasiyiinta xisbiga looga digay inay arrimaha doorashooyinka uga hadlaan si siyaasadaysan.

Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Muuse Xasan Yuusuf oo ay hareero fadhiyaan xubnaha kale ee guddiga ayaa digniinta u diray xukuumadda Muuse Biixi, wuxuuna yiri “Komishanka waxa uu digniin u dirayaa xukuumada iyo xisbiga Kulmiye oo caadaystay in ay uga hadlaan arrimaha doorashooyinka si siyaasadaysan oo baal-marsan qawaaniinta iyo shuruucda doorashooyinka.”

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda Muuse Biixi ay xad-gudub u geysatay howlaha iyo masuuliyadda komishanka doorashooyinka Somalilnad, “Wax ay shaqo ku laheyn ayay ka dhigteen wax ay ku ololeeyaan,” ayuu yiri Guddoomiye Muuse Xasan Yuusuf.

Guddiga ayaa waxa kale oo uu si cad ugu digay wasiiro ka tirsan xukuumadda, “Waxa aanu si gaar ah digniin ugu direyna wasiirrada iyo madaxda xisbiga Kulmiye oo maalmihii dambe olole siyaasadeed ka dhigtay howlaha komishanka qaranka uu gacanta ku hayo.”

Sidoo kale waxa uu dhamaan daneeyayaasha dooraahooyinka faray inay u hoggaansamaan shuruucda doorashooyinka, isaga oo ku goodiyay in ay talaabo sharci ka qaadi doonaan cid kasta oo ku xad-gudubta madax-banaanida komishanka.

“Maadaama la galay waqti doorasho oo xasaasi ah waxaanu dhamaan daneeyayaasha doorashooyinka ku wargelinayna in loo hoggaansamo shuruucda doorashooyinka, lana dhowro madax-banaanida komishanka doorashooyinka.”

“Cid kasta oo ku kacda arrimo baal-marsan xeerarka doorashooyinka waxa uu komishanka ka qaadi doona tallaabo sharci oo ku haboon,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka.

Si kastaba, digniinta kasoo baxday guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa imaneysa xilli mucaaradka uu xukuumadda ku eedeeyay inay rabto in ay keento qalab casri ah oo doorashada lagu galayo, taasi oo ku ololeeyay xisbiga Kulmiye xilli billo kooban ka harsan yihiin doorashooyinka.

Ninkii Soomaaliga ahaa ee hooyadiis dilay oo isna dhintay – Sidee ayey wax u dhaceen?

Wajeer (Caasimada Online) – Toddobaad ka hor waxaa magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooi Bari ka dhacay dil naxdin lahaa oo nin hooyadii uu baangad ku dilay, kaas oo isagiina la soo werinayo in uu ku dhintay cisbitaalka Wajeer oo la dhigay maalintii uu dilka geystay, kaddib markii isagana ay dad meesha ku ururay ay nabarro gaadhsiiyeen.

Ninkan ayaa maalinkii u dilka geystay ay dad badan ku soo yaaceen, kuwaas oo kolkii a dhacdada la kulmeen ninkiina iyagu ay u gacan qaaday ka hor inta aanay boolisku ka soo gaadhin oo goobtii ka kaxayn.

Wiilkan oo dilka geystay xaafadda Cali Mocow, ayaa dhimashadiisu imanaysaa ka hor intii aanu bilaaban kiiska ku aadan dilka hooyadii.

Cabdifataax Maxamed ayay masuliyiintu sheegeen in jugtii falkaa kaga dhacday ay dhimashadiisu keentay.

Cisbtaalka Wajeer ee Wajeer Referral Hospital, oo ah goobta uu ku dhintay ayaa maamulkiisu noo sheegeen in sababta dhimashadiisu tahay ”dhiig maskaxda kaga furmay” sida uu yidhi agaasime Rooble Xasan.

Gudoomiyaha xaafadda Cali Macow ee ismaamulka Wajer Maxamed Xasan oo dhacdadii horena ogaa tan danbena BBC-da uga warramay ayaa noo sheegay in dhaawacyo ka muuqdeen markii hore ee dilku geystay ka hor intii aan cibitaalka la geyn.

”Bulshadii ayaa nabarro gaadhsiisay meeshii booliska ayaa imaaday, cisbitaalka weyn ee Wajeer ayaa la jiifiyey halkaas oo dhowr beri uu joogay kaddibna uu ku geeriyooday” ayuu Maxamed Xasa u Sheegay BBC-da.

Ninkan ayaa dhintay Axaddii, sida maamulka Cisbitaalka Wajeer u sheegeen BBC-da.

Sidee dilku u dhacay?

Ninkan ayaa la sheegay in hooyadii hubkii uu isticmaalay uu ahaa baangad, taas oo uu “qoorta kaga gooyey” sida ay boolisku kaga warrameen sida wax u dhaceen.

Gudoomiyaha xaafadda Cali Macow ee uu falkani ka dhacay ayaa isna BBC-da u sheegay in halka falku uu ka gaystay ninkaan ay ahayd guriga hooyadii.

Illaa hadda lama xaqiijin sababta uu dilka hooyadii u geystay.

Guddoomiyaha xaafadda dilku ka dhacay se waxaa uu sheegay in “dadku sheegeen in uu muran dhanka lacagta ah dhex maray hooyada iyo wiilkeeda. Isaga oo wiilka dilka geystay uu doonayey inuu tahriibo”.

Ninkan ayaa sida la sheegay horey uga soo baxay xabsiga oo muddo uu ku jiray.

“Waxa uu geystay dilal dhowr ah sannadihii la soo dhaafay, waxaana laga sii daayay xabsiga,” ayuu warbaahinta gudaha u sheegay taliyaha booliiska.

“Soo bixitaankiisii hore dadkii dhaawacyada uu geystay ayaan sii daba gelin, sida oo kalena hooyada dhashay ayaa u ololaynaysay in la soo daayo” ayuu Guddoomiye Maxamed Xasan BBC-da u sheegay.

Booliiska ayaa dhanka kalena sheegay in weli kiiska baadhis ku socoto oo natiijada kama danbaysta ah ay dib ka baahin doonaan.

Dadka deegaanka ayaa la sheegay in ay markii ay qabanayeen uu isaga laftiisu ku sigtay in goobta lagu dilo illaa boolisku ka soo gaadheen oo meeshii ka kaxeeyeen, taas oo markii danbena u dhintay jugtii soo gaadhay.

Dad aad u badan oo ka cadhaysnaa falka uu ka kacay ayaana la sheegay in ay isugu soo baxeen goobtii wax ka dhaceen, kolkii uu dhacay dilka hooyadii.

Maydka hooyada dhimatay ayaa la geeyey xilligaas cisbitaalka Wajeer.

Xilli isagana booliisku daaweyn ahaan u geeyeen isla cisbitaalkaas oo markii dabe ku dhex geeriyooday.

Dhacdooyinka noocan ah ayaa ah kuwo ku cusub deegaanka Waqooyi-bari Kenya.

Isha: BBC

Digniin maata kasoo baxday Sacuudiga kadib arrin cusub oo kasoo korortay XAJKA

Makkah (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Talaadadii sheegtay in xujeydu ay filan karaan heer kul daran oo gaaraya 44 darajo Celsius (111 Fahrenheit), inta lagu guda jiro xilliga Xajka.

Madaxa Xarunta Qaranka ee Saadaasha Hawada, Ayman Gholam, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku yiri, “Cimilada la filayo ee Xajka ee sanadkan waxay ka markhaati kacaysaa kororka heerkulka celceliska hal iyo bar ilaa laba darajo oo ka sarreeya heerka caadiga ah ee Maka iyo Madiina. ”

Waxa uu intaa ku daray in saadaashu ay tilmaamayso “uumiga huurka uu yahay 25%, halka aysan jirin heerarka roobabka la filayay.”

Sannadkii hore, in ka badan 2,000 oo qof ayay lasoo deristay daal kuleyl ah, sida ay ogaadeen mas’uuliyiinta Sacuudiga, kaddib markii heerkulku uu gaaray 48 darajo Celsius (118 darajo Fahrenheit).

Ugu yaraan 240 qof oo qaar badan oo ka mid ah ay ka yimaadeen Indonesia – ayaa dhintay intii lagu jiray gudashada waajibaadka xajka, sida laga soo xigtay tirooyinka ay shaaciyeen dalal kala duwan oo aan sheegin sababaha dhimashada.

Sacuudi Carabiya dhinaceeda ma aysan bixin tirakoobka dhimashada.

AFP + VOA

Madaxweyne Qoor Qoor oo magacaabay wasiiro cusub

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxwweynaha dowlad goboleedka Galmudug, MudaneAxmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo soo saaray wareegto ayaa magacaabay wasiiro cusub oo kamid noqonayo golihiisa wasiirada.

Qoor Qoor ayaa soo magacaabay lix wasiir oo cusub, kuwaas oo kala ah 3 wasiir, 2 wasiiru-dowle iyo 1 wasiir ku xigeen Xubnaha cusub ee la magacaabay ayaa kala ah:

1.Cabdiweli Cabdullaahi Jaamac, Wasiirka Caafimaaadka iyo Daryeelka Bulshada

2.Cabdinuur Maxamud Maxamed, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada

3.Cabdiwahaab Sh. Abuukar Nuur, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

4.Cabdirisaaq Maxamed Jaamac, Wasiiru-dowlaha Maaliyadda

5.Cabdulqaadir Sh. Xasan Ismaaciil, Wasiiru-dowlaha Waxbarashada

6.Cabdulqadir Axmerd Maxamud, Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Dhinaca kale hay’adaha kala duwan ee Galmudug ayaa la faray inay la shaqeeyaan wasiirada cusub ee la magacaabay, ku garab siiyaan waajibaadka loo igmaday.

“Waxaaa la farayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowlad goboleedka Galmudug inay la shaqeeyaan wasiirada cusub, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo” ayaa lagu yiri wareegtada.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Xerand wuxuu dhaqan galayaa marka uu saxiixo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, wuuna saxiixay”,

Hoos ka akhriso:-

Sawirro: Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyo madax kale oo maanta ka dagay Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Saalax iyo wafdigiisa oo ay qayb ka yihiin wasiiro, guddoomiyaha SoDMA iyo madax kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere kusoo dhaweeyay madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Jowhar.

Ujeedka wafdigan ay u tageen Jowhar ayaa ah daahfurka Mashruuca biyo xireenka Sabuun kaas oo laga faa’iidi doono in uu hagaajiyo helidda waraab ku filan ilaa in ku dhaw 370Kun oo beeraleey ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale mashruucan ayaa yareen doono barakaca isla markaana wuxuu kor u qaadi doonaa wax soo saarka beeraleeyda gobalka, waxaa kale oo uu meesha ka saari doonaan khataraha fatahaadaha gobolka oo saameeya ilaa 1.5 Millyan oo muwaadiniin Soomaali ah.

Waxaa kale oo mushruucan yareyn doonaa saamaynta abaaraha iyo keydinta biyaha xilli roobaadka si loo isticmaalo .

Fulinta mashuuracan oo ay ku baxayso malaayiin dollar ayaa muddo dheer soo socday, wuxuuna fursad siin doonaa HirShabelle oo mar kasta u nugul fatahaadda wabiga Shabelle.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa sidoo kale la filayaa inuu kormeero xarumaha muhiimka ah ee caasimada HirShabelle, maadaam ay ka socdaan mashaariicyo kale.

Safarkan waxaa ka horeeyay mid kale oo uu dhawaan ra’iisul wasaare Xamza ku tegay degmada Balcad, halkaas oo laga sii wadi doono dhisama waddada aada Jowhar.