25 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Nuxurka khudbadda uu R/W XAMZA ka jeediyay shirka Koonfur Kuuriya iyo Afrika

0

Seoul (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo ka qayb-galay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika ayaa ka jeediyay khudbad xasaasi ah oo uu kaga hadlay ahmiyadda ay leedahay in Jamhuuriyadda Kuuriya iyo dalalka Afrika ay iska kaashadaan dhinacyada ganacsiga, farsamada iyo tiknoolajiyada.

Xamza ayaa sheegay in Afrika ay horumar wanaagsan ka sameyneyso isbeddalka dhaqaalaha iyo horumarka bulshada, isla markaana Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika uu abuurayo fursado maalgashi iyo iskaashi dhinaca ganacsiga.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo fursadaha ay haysato, isaga oo tilmaamay in ay dhacdo goob istiraatiiji ah oo isku xireysa Afrika iyo Asia, isaga oo  sheegay in Alle uu ugu deeqay kheyraad dabiici ah.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay in dowladda Soomaaliyeed ay guulo waa weyn ka gaartay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo horumarinta nidaamka dhaqaalaha iyo weliba sharciyada ee dalka, ee fududeyneya maalgashiga caalamiga ah.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa hoosta ka xariiqay in uu rajeynayo in waaya-aragnimada Kuuriya ee dhinacyada farsamada, tiknoolajiyadda iyo caafimaadka ay door wanaagsan ka ciyaari karaan waaga cusub ee iskaashi ee u billowday Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya.

Shirkan waa kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay ka qayb-galayaan madaxda Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya, kaas oo looga wada-hadlayo iskaashiga labada dhinac.

Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyay wadday dadaallo xoogan oo kula macaamilo dalalka caalamka, maadaama laga cafiyay daynta, sidoo kalena laga qaaday cunaqabateynta hubka ee muddada dheer saarnayd.

[한-아프리카 정상회의] 튀니지 외교장관, 한-아프리카 정상회의 발언
나빌 암마르 튀니지 외교장관이 4일 2024 한-아프리카 정상회의장에서 열린 한-아프리카 정상회의 세션2에서 발언하고 있다. 2024.6.4
[2024 한-아프리카 정상회의 제공]
[한-아프리카 정상회의] 소말리아 총리, 한-아프리카 정상회의 발언
함자 압디 바레 소말리아 총리가 4일 2024 한-아프리카 정상회의장에서 열린 한-아프리카 정상회의 세션2에서 발언하고 있다. 2024.6.4
[2024 한-아프리카 정상회의 제공]

Se inaugura la Cumbre Corea del Sur-África
El presidente surcoreano, Yoon Suk Yeol (2º por la izda., frente), pronuncia un discurso de apertura, durante la ceremonia de inauguración de la Cumbre Corea del Sur-África, el 4 de junio de 2024, en la sede del evento, en Goyang, al noroeste de Seúl. (Yonhap)
(END)
Se inaugura la Cumbre Corea del Sur-África
El 4 de junio de 2024, se celebra la ceremonia de apertura de la Cumbre Corea del Sur-África 2024, en la sede del evento, en Goyang, al noroeste de Seúl. (Yonhap)
(END)
[한-아프리카 정상회의] 소말리아 총리, 한-아프리카 정상회의 발언
함자 압디 바레 소말리아 총리가 4일 2024 한-아프리카 정상회의장에서 열린 한-아프리카 정상회의 세션2에서 발언하고 있다. 2024.6.4
[2024 한-아프리카 정상회의 제공]

Daawo: CC SHAKUUR oo kashifay qorshe Xasaasi oo Xasan uu damacsan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qabtay shir jaraa’id oo dowladda federaalka uu si weyn ugu dhaliilay, isagoo ka mucaaraday dhinacyo badan oo doorashooyinka dowlad goboleedyada ay ugu horeeyaan.

Cabdiraxmaan ayaa ugu horeyn madaxweynaha ku macneeyey hogaamiye leh ‘dhaqamada kursi jaceylka’ wuxuu sheegay in sida Xasan Sheekh wax ku wado ay ula egtahay inuu doonayo in doorashada soo socota u uku shubto ama kursiga iska sii joogo oo doorasho uusan qaban.

“Madaxweynaha aqoon iyo da’ kuma yara, laakiin wuxuu waayey cid toos wax ugu sheegta, waxaan ku leeyahay mudada kooban ee kuu hartay dalka badbaadi oo dhaxal reeb, taarikhna ka tag,” ayuu yiri CC Shakuur.

Sidoo kale wuxuu dhaliilay xukuumadda Xamza Cabdi Barre, isagoo ku tilmaamay ‘fadhiid’ wuxuuna madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in mudada kooban ee u hartay uu soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka jiheyn karta.

“Waxaan kugula talinayaa in dalka aad u dhisto xukuumad tayo leh oom qaadi karta masuuliyadda hortaalla mudada kooban ee muddo xileedkaaga ka harsan, ka tag dhalanteedka iyo maaweelada aad ku jirto,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan.

Dhinaca kale wuxuu weeraray hoggaamiyaasha dowlad goboleedyada, isagoo ku tilmaamay kuwo caadeystay ‘kursi jaceyl iyo inay xukunka iska sii joogaan’ taas oo sida uu sheegay ay taageero uga heleen Xasan Sheekh, balse si adag ayuu uga digay natiijada ka dhalan karta.

“Madaxweyne ogolow in dowlad goboleedyadu ay doorasho galaan, iska dhaaf dhalanteedka ah kursiga iska jooga, idinkana hadhow igu taageera markii xilku iga dhamaado inaan iska joogo oo aan doorasho la’aadin, taasi yeysan waqti kaa lumin Madaxweyne,” ayuu yiri CC Shakuur.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa dowlad goboleedyada ka dalbaday inay doorasho galaan, “Sharciyad ayaa dal lagu dhaqaa oo dal lagu maamulaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa aad u dhaliilay guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, isagoo sheegay inay ku guul-dareysteen inay gutaan waajibaadkooda, sumcadana ka lumiyey golayaasha sharci dejinta dalka, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Hoos ka daawo

Sawirro: Guudlaawe oo dhul ku wareejiyay Mareykanka

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiillo ka socday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, kuwaas oo booqasho ku tegay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan hirgelinta saldhig ciidan oo ay ku howlgeli doonaan ciidamada Danab ee uu tababaro Mareykanka, kaas oo laga dhisayo magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle.

Cali Guudlaawe ayaa wakiilada uu la kulmay ku wareejiyay dhul ay HirShabelle ugu talagashay in laga dhiso xerada ay dagayaan ciidamada gaarka ah ee Danab, si ay uga gacan siiyaan amniga.

Madaxweynaha oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in saldhigga uu hirgelinayo Mareykanka uu wax badan ka tari doono dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab.

“Danab inay xarun ciidan ku yeeshaan HirShabelle waxa ay wax weyn ka tari doontaa dagaalka lagu dhameystirayo Khawaarijta, waxaana si rasmi ah ugu wareejiyay dhulkii ay xarunta ka dhisan lahaayeen,” ayuu yiri Madaxweynaha HirShabeelle.

Saraakiisha ka socda safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo la geeyay dhulka lagu wareejiyay ayaa dhankooda u mahadceliyay madaxweyne Cali Guudlaawe, waxayna sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo hirgelin doono xeradaasi.

Mareykanka ayaa haatan saldhigga ugu wayn ku leh garoonka Balidoogle, halkaas oo uu ku tababaro ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, sidoo kale waxa ay ka howlgalaan Jubbaland iyo Galmudg.

Qorshaha Mareykanka ayaa ah inuu sii ballaariyo xarumihiisa ciidan, isaga oo qayb ka ah la dagaallanka maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo weli ku sugan qaybo kamid ah dalka.

Dowladda Itoobiya oo maanta tallaabo cusub u qaaday fulinta heshiiska badda

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya oo weli kusii adkaysaneyso heshiiska badda ee ay horraantii sanadkan la gashay maamulka Somaliland ayaa maanta tallaabo u qaaday fulinta heshiiskaas oo ay diidan tahay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka gaadiidka iyo saadka ee xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa maanta baarlamaanka dalka Itoobiya horgeeyay heshiiskan oo ku saabsan in ay deked iyo saldhig militari ka helaan badda cas ee Soomaaliya.

Alemu Sime oo ah wasiirka gaadiidka Itoobiya ayaa baarlamaanka u sheegay in heshiiska is-afgaradka ah ee ay la galeen Itoobiya uu yahay mid dhab ah oo ka caawinayo helitaanka marin-badeedka ay muddada dheer raadinayeen.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in fulinta heshiiskan uu isbeddel wayn u keenayo Itoobiya, isla markaana uu aas aas u noqonayo iskaashi cusub.

“Tani waxay ka dhigi doontaa rabitaanka Itoobiya ee ah helitaanka marin badeed, taasoo keenaysa isbeddel aas-aasi ah waxqabadka saadka iyo iskaashi cusub,” ayuu yiri wasiirka.

Shalay dowladda Itoobiya ayaa mar kale ku celisay in aysan marnaba ka tanaasuli doonin damaceeda badda cas, ayna ka go’an tahay sidii ay ku heli lahayd bad ay adeegsato.

Agaasimaha fulinta machadka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Jacfar Bedru oo hadalkaas  ka dhawaajiyay ayaa sheegay in helitaanka bad ay muhiimad wayn u leedahay Itoobilya, wuxuuna sheegay in aysan ka laaban doonin doonistooda badda cas, xilli ay weli taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiska badda ee ay la galeen maamulka Somaliland.

“Itoobiya iyo badda cas waxaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah. Itoobiya waligeed waxay halgan taariikhihi ah ugu jirtay Badda Cas, waana arrin ku xiran jiritaankeeda. Waddamada dariskeenna ah waxaa ka go’an inay meesha ka saaraan doonisteenna Badda Cas” ayuu yiri Jacfar Bedru.

Si kastaba, waxaa weli halkeeda ah xiisadda u dhexeysa Addis Ababa iyo Muqdisho ee ka dhalatay heshiiska badda, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka Soomaaliya.

Horjoogihii sirdoonka Jubada Hoose ee Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal qorsheysan

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab oo maanta howlgal qorsheysan ka sameeyay gobolka Jubbada Hoose ayaa soo dilay horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Kaamjiroon oo 75 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Ma shaacin dowladda magaca sarkaalka la dilay, balse waxa ay sheegtay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa qeybta sirdoonka iyo aruurinta waxa ay ugu yeeraan Zakawaadka.

“Ciidanka Sida Gaarka u Tababar kumaandooska Danab XDS ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka Fuliyeen deegaanka Kaamjiroon oo 75KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu khaarijiyay horjooge muhiim u ahaa khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in ciidamada Danab ay sii wadi doonaan howlgallada iyo beegsiga ay ku hayaan maleeshiyaadka iyo saraakiisha Al-Shbaab.

“Ciidanka Kumaandooska Danab XDS ayaa ah kuwa hurdada u diida Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaariijta” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Jubbooyinka oo ay ku xoogan yihiin xubnaha Al-Shabaab ayaa waxaa badanaa ka dhaca howlgallo qorsheysan iyo duqeymo diyaaradeed oo lagu beegsado maleeshiyaadka kooxda.

Shabaabkii ugu badnaa oo soo buux dhaafiyey duleedka magaalada BALCAD

0

Balcad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay ay soo buux dhaafiyeen xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay qaybo kamid ah gobolkaasi.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu arkay nawaaxiga deegaanka Xawaadley oo qiyaastii 20 KM u jira degmada Balcad, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Kooxda ayaa durbo dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka billowday tuulooyinka kala ah Shanlow, Dhagaxow iyo Farbaraki, halkaas oo ay ka sameysteen fariimso cusub.

Taliye ku xigeenka saldhigga Xawaadley Xanafi Sheekh Isxaaq oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay inay ka war hayaan dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inay soo gaareen tuulooyinka u dhow deegaankaasi.

Xanafi ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay wadaan qorshe ku aadan sidii looga hortagi lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab ee soo buux dhaafiyay halkaasi.

“Deegaanada ay soo buux dhaafiyeen way jirtaa, haddii nimankan dhaq-dhaqaaqooda lala socon inay wax badan ku dheeli doonaan, marka annaga waan ka war heynaa, mana soo qaadi karaan wax tallaabo ah” ayuu yiri taliye ku xigeenka saldhigga deegaanka Xawaadley.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna ciidamo ka daabushay gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo saacadihii lasoo dhaafay gaaray aaga degmada Ruun-nirgood oo ay ka socdaan howlgallo xoreyn ah oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab.

HirShabelle ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab wajigii 1-aad ee dagaalka, balse mar kale ayay u muuqataa in kooxda ay kusoo rogaal celisay Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

DF oo markii ugu horreysay baraha kontorool ee Muqdisho geysay eeyo tababaran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay baraha ciidan ee laga soo galo magaalada Muqdisho waxay gaysay Eeyo baara gaadiidka soo galo caasimadda.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifataax Xassan ayaa sheegay in door weyn ay ka qaadanayaan xaqiijinta amniga magaalada iyo hareeraheeda eeyahan oo booliska uu hadda gacanta ku hayo.

“Eeyaha horey waa u isticmaali jirnay keliya waxaa hadda kusoo kordhay in kontoroolada laga soo caasimada la geeyo eeyaha walxaha qarxa uriya, waana lagu guuleystay oo hadda waxaa bar-kontorool kasta waxaa ka shaqeeya qeybta miino baarista booliska gaar ahaan K9,” ayuu yiri afhayeenka booliska.

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in qorshahan sugida amniga Muqdisho ee qeybta ka yihiin eeyaha laga gaaray guullo wax ku ool, ayna kooxaha argagixisada ku guul-dareysteen in caasimada soo galiyaan qaraxyada.

“Ammaanka Muqdisho in aan sugno waddo kasta waa u marnay. Dhamaan daafaha kontoroolada caasimada waxaa hadda jooga K9 oo har iyo habeen u taagan baarista baabuur walba oo soo galaya.”

Waxa uu sheegay in eeyaha markii hore lagu aas-aasay eeyo QM ku taageertay, balse hadda ay booliska tababareen eeyaha baara waxyaabaha qarxa, ayna gacanta ku hayaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka tirsan booliska.

“Waxaa xaqiijinayaa in guud ahaan xayawaanada walxaha qarxa uriya guud ahaan dalka oo dhan waxaa gacanta ku haya ciidanka booliska Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenka booliska Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in meesha ka baxday waqtigii badnaa iyo rafaadkii laga mari jiray baarista gawaarida caasimadda soo gala, ayna eeyaha awood u leeyihiin in wax ka yar daqiiqad ku xaqiijiyeen inuu ammaan yahay iyo inkale.

Amniga caasimadda ayaa bilihii dambe laga dareemayay isbeddel weyn, ayada oo dadka reer Muqdisho ka nasteen inta badan qaraxyada iyo arbushaada argagixisada, waxaana tallaabadan cusub ay door weyn ka qaadan doontaa xaqiijinta ammaanka caasimadda.

Cabdicasiis Lafta-gareen ma ka faa’iideysan doonaa inta aaney bixin ciidanka Itoobiya?

Baydhabo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in ciidanka Itoobiya ka baxayaan guud ahaan dalka dhamaadka bisha December ee sanadkaan.

Ciidanka Itoobiya ayaa meelo badan dalka ka jooga, waxaase ugu muhiimsan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Madaxtooyadda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sanadihii dambe oo dhan ku tiirsanaa ciidanka Itoobiya. Waxaa aad isku dhex-galay Cabdicasiis Lafta-gareen iyo saraakiisha ciidanka Itoobiya.

Waxay kooxda Lafta-gareen dhowr jeer soo dusiyeen inuu ka fikiraayo isaggoo ku xisaabtamaya ciidamada Itoobiya in uu qabsado doorasho gaaban oo uu kusoo laabanaayo.

Haddii ay ciidanka Itoobiya ka baxaan magaalada Baydhabo, Lafta-gareen ma haysan karo xukunka. Inta aanba la gaarin Xasan Sheekh waxa uu kursiga ka fadhin karin siyaasiyiinta deegaanka, maadaama uu muddo xileedkii ka dhamaaday iyo qaar kamid ah beelaha deegaanka oo si weyn u diidan xukunkiisa.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu duray hadalka Xuseen Macallin ee ah inay ciidanka Itoobiya ka baxayaan dalka dhamaadka sanadkaan.

Waxaa kale oo Xildhibaanno heer federaal ah oo laga soo doortay Koonfur Galbeed ay baraha bulshada ku faafiyeen diidmada ay ka qabaan arrintaan. Waxaana hadaladooda laga dhan-dhansaday sida uu Lafta-gareen u diidan yahay qorshahaan.

Xubno siyaasiyiin ah oo la hadlay Lafta-gareen saacado kadib markii dowladda dhexe ay shaacisay go’aankan waxa ay sheegeen in uu si weyn u diidan yahay qorshahaan dalka looga saarayo ciidanka Itoobiya.

Laakiin marka waaqica dhabta ah loo soo laabto Soomaaliya waxaa ka jirta dowlad sharci ah oo caalamka aqoonsan yahay, haddii ay mowqifkeeda ku adkeysatana waa qasab inay Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya oo ma ahan go’aan ay burin karaan maamul goboleedyo ama shaqsiyaad ka shaqeeya siyaasadda Soomaaliya.

Haddaba, maadaama aan go’aankan diidmo gaar ah lagu baajin karin, bisha December aanay dhaweyn, Lafta-gareen ma ka faa’iideysan doona inta Itoobiyaanka ay joogaan oo ma isku caano-shubi doonaa ayaa ah su’aasha ugu badan oo ay isweydiinayaan dadka ku lugta leh siyaasadda Soomaaliya.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya kuma farxin diidmada aan qarsooneyn ee kooxda Lafta-gareen ka muujisay bixitaanka ciidamada Itoobiya. Waxayna u badan tahay inuu halkaan ka curan doono khilaaf cusub oo u dhaxeeya Villa Somalia iyo Lafta-gareen.

Haddii ay ciidanka Itoobiya baxaan Lafta-gareen oo aan muddo xileed haysan, waa iska cadahay inay wax walba jihada kale aadi doonaan. Waxaana kooxaha ka faallooda siyaasadda Soomaaliya ay leeyihiin fursada Lafta-gareen hadda waa soo koobantay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shantii billood ee lasoo dhaafay waqti badan ku bixiyay inuu Itoobiyaanka uga soo adkaado fagaarayaasha caalamka, laakiin hadda waxaa muuqata in gudaha dalkiisa la isku haysto oo ay jiraan dhinacyo Itoobiyaanka ku aragti ah.

Mas’uul ka tirsan maamulka ABIY oo la dilay iyo amniga Itoobiya oo faraha kasii baxaya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Alebes Adefrash oo ahaa madaxii degmada Efratana Gidem gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday gurigiisa xilli habeen ah.

Maamulka degmadu ma sheegin cidda ka dambeysay dilka mas’uulka, mana jirto sidoo kale cid loo soo qabtay.

Dilka Alebes ayaa ah dilkii ugu dambeeyay weerarro xiriir ah oo lala beegsaday mas’uuliyiinta gobolka Axmaarada.

1-dii bishii dhamaatay ee May, gudoomiyaha degmada Lasta Getachew Melise iyo madaxa xafiiska caafimaadka Million Afewarqi ayaa lagu rasaaseeyay meel u dhow Lalibala kadib shir ay ku yeesheen magaalada Waldiya, isla weerarkaas waxaa lagu dilay qof kale, waxaana ku dhaawacmay hal qof.

Sannadkii hore bishii July 2023, Cabdi Xuseen oo ahaa madaxa amniga ee Waqooyiga Shewa ee magaalada Shewa Robit ayaa la toogtay mana jiro wax daba gal ah oo lagu sameeyay dilkiisa.

Dilka Cabdi Xuseen waxa ka horreeyay dilkii loo gaystay Kormeere Zewdu Tadele iyo ku xigeenkiisi Worku Shimelus, kuwaas oo la dilay iyaga oo ku guda jira kormeerka imtixaan ka socday bariga Gojam.

Horraantii April 2023, Girma Yeshitila, madaxii xisbiga xukuma Itoobiya ee gobolka Amxaarada iyo shan qof oo kale ayaa lagu dilay Waqooyiga Shewa.

Dadka u dhuun-duleela qalalaasaha ka socda Itoobiya ayaa maamulka Abiy Axmed ku eedeyay dilka qaar ka mid ah maamulkiisa, kuwaasi oo laga shakiyay ama muujiyay sida ay uga xun yihiin xasuuqa ka socda qaar kamid ah gobollada dalkaas.

Isku soo wada duubo, wax baaris muuqata ah laguma sameynin dhammaan dilalkii qorsheysnaa ee looga takhalusay qaar kamid ah mas’uuliyiinta gobollada, taasi oo abuurtay shaki horleh.

$120,000 oo laaluush ah – Fadeexad hareysay kiiska maxkamada Soomaalida MN

Minneapolis (Caasimada Online) – Mid ka mid ah xeer-beegtida go’aanka ka gaareysa kiiska maxkamadda Soomaali ku eedeysan inay malaayiin dollar ka xadeen dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in haweeney ay gurigeeda ugu keentay $120,000, si ay ugu codeyso inaysan dambi laheyn toddoba ka mid ah eedeysanayaasha.

Haweeneydan oo hadda laga saaray xeer-beegtida ayaa waxay sheegtay in sidoo kale haweeneyda lacagta u keentay ay u ballan-qaaday lacag dheeraad ah, haddii dambi lagu waayo toddobada qof oo ku eedeysan inay $40 milyan ka xadeen barnaamij loogu talo-galay in caruurta lagu quudiyo intii lagu jiray COVID-19.

“Tani gabi ahaanba waa ka baxsan tahay anshaxa,” Kaaliyaha xeer ilaaliyaha Mareykanka Joseph Thompson ayaa maxkamadda ka sheegay Isniintii. “Tani waa dhaqan aad looga xumaado. Tani waa wax ka dhaca filimada mooryaanta.”

Toddobadan qof ayaa ah kuwii ugu horreeyay ee 70 eedaysane oo la filayo in maxkamad la soo taago, iyadoo la rumeysan yahay in lacagta guud ee la xaday ay gaareyso $250 milyan.

Sideed iyo toban kale ayaa qirtay dambiga, waxaana mas’uuliyiinta ay sheegeen inay dib usoo celiyeen $50 milyan oo ka mid ah lacagta lagu xaday kiiskan, oo ah mid ka mid ah kuwii ugu xatooyada badnaa ee kiiska la xiriira COVID-19.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in qayb yar oo ka mid ah lacagtaas ay ku baxday quudinta carruurta dakhliga qoysaskoodu yar yahay, halka inta soo hartay lagu kharash gareeyay iibsashada baabuurta raaxada, dahab, safaro iyo guryo.

Intii lagu guda jiray maxkamadeynta oo billaabatay bishii April, qareennada difaaca ayaa su’aal galiyay tayada baaritaanka FBI-da, waxayna soo jeediyeen in tani ay noqon karto kiis la xiriira dhibaato xagga diiwaan-gelinta ah ee aanu aheyn khiyaano, ayada oo deg degta barnaamijka ku socday dartiis laga yaabo inaysan eedeysanayaasha watqi u helin inay saxaan diiwaankooda.

Toddobadan eedaysane ee bilowga ah waxay ku xirnaayeen maqaayad ka qayb qaadatay barnaamijka gargaarka cuntada. Kuwa weli sugaya maxkamadaynta waxaa ka mid ah Aimee Bock, oo ah aas-aasaha hay’adda Feeding Our Future, oo ah hay’adda xudunta u ah fadeexadda.

Xeer-beegtida 23-jirka ah ayaa sheegtay inay isla markiiba ku wareejisay boorsada lacagta ah booliska. Waxay sheegtay in qof dumar ah ay uga tagtay soddogeed Axaddii una dhaaftay fariinta ah inay heli doonto boorso kale oo lacag ah haddii ay u codayso in la sii daayo toddobada eedeysane, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska Star Tribune ee Minneapolis.

Qareenka difaaca Andrew Birrell ayaa u sheegay garsooraha in boorsada lacagta caddaanka ah ay tahay “eedeyn murugo iyo caro leh.”

Ka hor inta aan la sii wadin kiiska, garsoore Nancy Brasel ayaa su’aalo weydisiay 17 kale oo ka mid ah xeer-beegtiida, haddii ay jiraan xiriiro aan anshax aheyn oo lala soo sameeyey, balse midkoodna ma sheegin.

Lacagta la tuhunsan yahay in la xaday ayaa ka timid Waaxda Beeraha Mareykanka, waxaana maamulayey Waaxda Waxbarashada gobolka. Ururada aan macaash doonka aheyn iyo kuwa ku xiran ayaa lacag lagu siiyey inay quudiyaan caruurta qoysaska saboolka ah.

Muqdisho: Mas’uuliyiin loo haystay musuq-maasuq oo maanta la fasaxay + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa maanta oo Talaaddo ah go’aan rasmi ah ka gaartay kiiska dacwad musuq-maasuqa oo loo heystay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Maxkamadda ayaa Cabdullahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar ku waysay dhammaan eedeymihii musuq-maasuqa ee xafiiska xeer ilaalinta uu ku soo eedeeyay.

Labadaan masuul ee maanta dembiga lagu waayey ayaa horay u soo qabtay xilka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, waxaana horay sidaan oo kale dambi ugu waysay Maxkamadda gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay eedeysane Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS.

Ninkan ayey sheegtay maxkamadda in lagu helay in akoonkiisa la dhigay lacago loogu tala-galay qasnadda dowladda.

Dhawaan ayey aheyd markii maxkamadda gobolka ay ku dhowaaqday in wax dambe ah lagu waayay agaasimeyaashii hore ee hay’adda Socdaalka Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo Mudane Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo haatan maqane ah.

Sidoo kale waxaa isna dambi lagu waayay Muxudiin Xasan Jurus (Saabey) oo ahaa Agaasimihii hore ee Canshuraha Bariga oo isna maqane ah, sida ay ku dhawaaqday maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Banaadir.

Saddexdan mas’uul oo dhammaantood dalka isaga baxay kadib eedeyntaan musuq ee loo jeediyay ayaa la fasaxay , sida uu ku dhowaaqay guddoomiyaha maxkamadda, maadaama lagu waayay dhammaan eedeymihii cuslaa ee loo soo jeediyay.

Xukunnada ay shaacisay maxkamadda ayaa ahaa kuwo la sugayay, maadaama muddo dhowr bilood ah ay soo socotay maxkamadeynta mas’uuliyiinta maanta la fasaxay.

Daawo: Beesha Baadicadde oo Muqdisho ka sagootisay ciidankii ugu badnaa oo ku…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Muqdisho laga sagootiyey ciidankii ugu badnaa ee beesha Caadicadde oo ku wajahan furimaha dagaalka ee gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanada ay degto beeshaasi.

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka tirsan golaha shacabka ee BFS ayaa maanta Muqdisho ka sagootiyey ciidankaas oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay lagu diyaarinayey xeryaha Muqdisho.

“Deegaanadeena dadka ku nool waxaa laga qaadaa baad, si joogto ah ayaa loo dhibaateeyaa dadkeena, jirka Shabaab bir kama sameysna anaguna buunshe ma nihin,” ayuu yiri Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar.

Xildhibaanka ayaa ciidanka ku wajahan furimaha dagaalka ka balan qaaday inay u raaci doonaan dagaalka, oo masuuliyiinta beesha ay ka qeyb qaada doonaan xoreynta deegaanada beesha.

“Sida lagu yaqaano beesheena dagaalka ma jeclin, laakiin hadii nala qasbo waan ka guul gaarnaa, waa nagu kalifeen Al-Shabaab dagaalkaan, waana ka adagnahay, meel aan ku jabnay weligey ma maqlin,” ayuu yiri Xildhibaan Khaliif.

Wuxuu qiray in abaabul xumo dhanka beesha ah ay jirto, balse wuxuu sheegay in dagaal xumo aan lagu aqoon beesha Baadicadde, “hadda ka hor mar aan isugu tagnay Buuloburde Al-Shabaab waa qalqaleen, waxay dhaheen hadii Baadicade dagaalka soo galo waa noo dhamaatay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ciidanka beesha Baadicadde waa markii ugu horeysay oo Muqdisho laga abaabulay, waxayna maanta galeen safar dhulka ah oo Hiiraan ay ku tegayaan, halkaas oo ay ka bilaabayaan howlgal xureyn ah oo ku wajahan dhulka Baadicadde.

Tuulooyin badan oo hoos taga Buuloburde iyo Jalalaqsi oo beeshaasi ay degto ayey ku habsatay kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo intooda badan aan weligood laga saarin, balse sida qorshuhu yahay maalmaha soo socda ayaa Al-Shabaab laga saarayaa dhulka Baadicadde ka dego gobolka Hiiraan.

Hoos ka daawo

Xogta shirka R/W Xamza uga qeyb-galay Koonfur Kuuriya

0

Seoul (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ka qayb-galaya shir-madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Seoul.

Shirkan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay ka qayb-galayaan madaxda Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya ayaa ra’iisul wasaare Xamza waxa uu galabta ka jeedin doona khudbad madasha shirka.

Xamza ayaa khudbadiisa kaga hadli doono qodobo dhawr ah oo ay kamid yihiin fursadaha maal-gashi iyo iskaashi ee dhinaca ganacsiga ee ka jira Soomaaliya iyo dadaalka ay wado dowladda Soomaaliya oo horumar weyn ka sameysay xagga amniga, siyaadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa magaalada Seoul ee caasimada dalkaasi ka socon doono inta u dhaxeyso  4 illaa 5 Juun ee sanadkan 2024-ka.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saari doonaa xiriirka soo jireenka ah ee Koonfur Kuuriya iyo dalalka Afrika, gaar ahaan dhinaca iskaashiga oo ay ugu muhiimsan tahay horumarinta ganacsiga.

Waxaa sidoo kale lagu eegi doonaa sidii iskaashi looga yeelan lahaa dhinacyada Ganacsiga, hormarinta kabayaasha dhaqaalaha dalalka qaarada Afrika, isbadalka cimilada ay ku yeelatay qaarada Afrika iyo arrimo kale.

Ra’iisul wasaare Xamza oo shirkan ku metalaya Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu kulan doceedyo la qaadan doonaa madaxada kasoo qayb-galeysa shirkan oo uu kala hadli doono xaalado quseeya arrimaha Soomaaliya.

5 bil kadib maxkamadeynta Imran Khan oo dhinaca kale isku rogtay – Go’aan cusub

0

Islamabad (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee Islamabad ayaa laashay xukun lagu riday ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan iyo wasiirkiisi arrimaha dibadda, Shah Mahmood Qureshi.

Go’aanka cusub ee maxkamadda ayaa yimid kadib markii hore Imran Khan loogu xukumay kiis la xiriira in si khaldan loo maamulay sirtii qaranka.

Sida ay ku dhawaaqeen laba xubnood oo ka tirsan garsoorka maxkamadda sare, ra’iisal wasaaraha hore iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda waxaa lagu waayay kiiskii ay hore ugu xukuntay maxkamadda hoose, iyaga oo aqbalay racfaanka ay ka qaateen xukunnada hore ugu dhacay.

Go’aanka maxkamadda sare ayaa ku soo beegmaya kadib markii bishii January ay maxkamadda hoose ay ku xukuntay labadan masuul min toban sannadood oo xadhig ah, kadib markii ay maxkamadda hoose ku heshay inay si cad u shaaciyeen nuxurka xogo sir ah oo diblomaasiyadeed.

Labadan masuul ayaa ku dooday in eedaha loo soo jeediyey ay yihiin kuwo been abuur ah iyo wanjal siyaasadeed, oo aan caddaalad ku dhisnayn.

Khan ayaa markaas si cad u sheegay in looga dan leeyahay in looga hor-istaago inuu mar kale tartamo kadib markii uu ka horyimid militariga awodda badan.

Inkasta oo maxkamadda sare ay go’aankan soo saartay, haddana weli lama filayo in xabsiga laga sii daayo, iyaga oo xabsiga ku jiray tan iyo bishii August ee sannadkii hore.

Maxay tahay arrinta ay Ukraine ka cabsi qabto haddii uu guuleysto Donald Trump?

Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ka digay haddii Donald Trump uu ku guuleysto madaxweynenimada Mareykanka in uu joojinayo taageerada milateri ee Ukraine la siiyo.

Trump ayaa sanadkii hore ballan-qaaday hadii uu ka adkaado Joe Biden in uu jarayo taageerada militeri ee Ukraine, dagaalkana uu ku soo afjarayo 24 saac.

Dadka ka agdhow Trump ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay qorshe uu soo jeediyay oo lagu siinayo Ruushka gobolada bariga Ukraine iyo sidoo kale Crimea, si dagaalka daba dheeraaday loo soo afjaro.

Madaxweyne Zelensky wuxu ku adkeystay in dalkiisa uusan aqbaleynin qorshe ceynkaas ah iyo in Ruushku ku qasbanaan in dalkiisa ka haro fakarka ah in ay ku biiraan mustaqbalka NATO.

2019-kii ayuu Trump weydiisay Zelensky inuu baaro dhaq-dhaqaaqa Hunter Biden oo ah wiilka Biden.

Waxaa la aamisan yahay sida xog qarsoodi loo helay inuu ku hanjabay Trump inuu joojinayo gargaarka Mareykanka uu siiyo Ukraine hadii baarista aan lagu helin in Mr Hunuter uu xad-gudub sameeyay.

Madaxweynaha Mareykanka ee xilligaan Joe Biden ayaa si weyn isku garab taagay Ukraine, isaggoo booqashaddii ugu horreysay horraanta sanadkii hore ku tegay dalkaasi, tan iyo billowgii dagaalka, wuxuuna la kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

Biden ayaa xilligaasi wacad ku maray “taageero aan la loodin karin” oo Mareykanka ku difaacayo Ukarine, wuxuuna ku dhowaaqay hub dheeri ah oo dalkaas la gaarsiin doono.

“Waxaan ku dhowaaqayaa keenista agab kale oo muhiim ah oo ay ku jiraan rasaasta hubka lidka diyaaradaha, lidka taankiyada iyo agab kale, si shacabka Ukraine looga badbaadiyo duqeynta,” ayuu yiri Biden.

Ukraine ayaa ka cabsi qabta xilligaan in taageerada milateri iyo garab istaagii Mareykanka ay meesha ka baxdo haddii uu doorashada ku guuleysto Mr Trump, taasi oo madaxweynaha dalkaasi uu si adag uga digay.

Jubaland iyo K/Galbeed oo isku raacay qorshe culus oo dhabar-jab ku ah dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa muujiyey in aysan la dhacsanayn in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka sannadkaan.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya filayso in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan Soomaaliya dhammaadka sannadkan, marka uu dhammaado howlgalka ATMIS.

Xuseen Sheekh Cali, oo ka hadlay X Space ay leedahay Idaacadda Goobjoog, ayaa sheegay inay jiri doonaan ciidamo ka socda wadamada kale ee ka tirsan ATMIS oo sii jooga Soomaaliya, qaybna ka noqonaya hawlgalka beddelaya ATMIS oo aan weli magac loo bixin, balse la filayo inay xilka la wareegaan laga bilaabo Janaayo 2025-ka.

Hase yeeshee fikardo taas ka duwan waxaa bixiyey masuuliyiin ka tirsan labada maamul oo degaanadooda ay ka hawlgalaan ciidamada Itoobiya.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa VOA u sheegay inay arrintaasi tahay “xaalad adag.”

“Waxaa kaliya oo ka faa’iidaya waa khawaarajta, mana ahan arrin la isku raaci karo dadka wax wada leh,” ayuu yiri.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa VOA u sheegay in haddii ay ciidamo ajnabi ah ay joogayaan Soomaaliya inay jecel yihiin kuna faraxsan yihiin joogitaanka ciidamada Itoobiya.

“Haddii hadda dalka ciidankaas laga wada saarayana waxay u baahatan yahay in laga tashto oo cid keliya aysan go’aan ka gaari karin. Koonfur Galbeedna way ku faraxsan tahay inay Itoobiya sii joogto,” ayuu yiir Xasan Cabdulqaadir.

Hadalka ka soo yeeray dowlad goboleedyadaan ayaa dhabar-jab weyn ku ah qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya oo dagaal diblomaasiyadeed kula jirta dowladda Itoobiya, qorshaha dowladda waxaa ka mid ah in ciidamada Itoobiya ay ka mid noqdaan kumanaanka ATMIS ee dhamaadka sanadkaan dalka ka baxaya.

Somalia oo bilowday ololaha kursiga golaha ammaanka iyo Fiqi oo tallaabo qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bilowday ololaha kursi muhiim ah oo yaalla Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayada oo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi u safray magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Safarka Fiqi ee New York ayaa ku qotoma dardar-gelinta oloaha in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, xilli ay maalmo ka harsan tahay doorashada xubnaha cusub ee Golaha Ammaanka oo kursigaan uu qeyb ka yahay.

Fiiq ayaa halkaasi ka bilaabaya dadaallo diblumaasiyadeed horleh oo lagu doonayo in taageero loogu helo dalabka Soomaaliya, ayada oo dowladda federaalka horey u sheegtay in Soomaaliya lagu aamini karo inay hormuud ka noqoto ajendaha iyo amniga Afrika.

Golaha Ammaanka loo dhan yahay ee QM ayaa dooran doona shan xubnood oo cusub oo kamid noqon doona Golaha Ammaanka ee sanadka 2024.

“Soomaaliya waa lagu aamini kara in ay hormuud ka noqoto ajendaha nabadda iyo amniga Afrika ee UNSC iyo sidoo kale u hoggaansanaanta mabaadi’da iyo axdiga Qaramada Midoobay si loo dhiso nidaam caalami ah oo nabad ah, xasilloon oo barwaaqo ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay howl-galka Soomaaliya ee QM.

Kursigaan ay Soomaaliya u tartamayso ayaa ah kursi Afrika u gaar ah, si gaar ahna waxaa u yeelan doona waddan ku yaal Bariga Afrika.

Waddanka ku guulaysta ayaa waxa uu kamid noqon doona 10 waddan ee ku fadhiya kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka QM, muddo labo sano ah.

Damaca Soomaaliya ee kursigaan ayaa markii ugu horeysay banaanka yimid kadib markii ay Soomaaliya sheegtay inay ka tanaasushay madaxweynaha baarlamaanka adduunka, oo ay ku guuleysatay guddoomiyaha baarlamaanka Tanzania.

Kuraasta diyaarka ah ee Golah QM ee qeybta uu ka yahay kursigan ayaa waxaa loo qeybiyay sidan;

  • Hal kursi oo Afrika ah, oo hadda ay haysato Mozambique
  • Hal kursi Aasiya-Pacific, oo ay hadda haysato Japan
  • Hal kursi oo Laatiin Ameerika iyo Kariibiyaankaah (GRULAC), oo ay hadda haysato Ecuador, iyo
  • Laba kursi oo loogu tala-galay Galbeedka Yurub iyo kuwa kale (WEOG), oo ay hadda haystaan Malta iyo Switzerland.

Si kastaba, Tallaabadan ayaa imaaneysa kahor doorashada soo socota ee xubnaha Golaha Ammaanka ee QM oo la qorsheeyay 6-da June inta lagu guda jiro Kalfadhiga 78-aad ee golaha guud ee QM.

Xasan oo loo jeediyay inuu dhaqso isku daba qabto, ‘Villada sharciyad ayey rabtaa’

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo jeediyay inuu dhaqso isku daba qabto, xilli ay meel sare gaartay xurgufta isaga iyo mucaaradka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa madaxweynaha ku dhaliilay in madax goboleedyada u ogolaaday muddo kororsi, uuna isna wadadaasi ku socdo.

“Dowlad-goboleedyada inay doorasho galaan ogolow (Madaxweyne), sharciyad ayaa dal lagu maamula oo lagu dhaqaa, laakiin sharciyad la’aan xukun laguma joogi karo. Yeysan waqti ka lumin dhalateedka ah iska jooga kursiga, idinkana igu taageera hadhoo marka ay iga dhamaato oo doorasho la qaban,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaas kusii daray “Ogolow (Madaxweyne) in talo mideysan halka uu dalka ka aadi lahaa sanad iyo bar kadib doorasho qaabkee ah ayaa la galayaa, qaabkee ayaa sharciyadda lagu waasicinaya dowladnimada in lagaala yeesho.”

Sidoo kale waxa uu kula taliyay madaxweyne Xasan Sheekh in uu soo dhiso xukuumad tayo leh, uuna iska dhaafo dhalanteed uu sheegay in muddo xileedkiisa uu dalka uga lumiyo xukuumad fadhiid ah oo waxtar laheyn.

“Waxaa kugula talin lahaa (Madaxweyne) in aad dalka u dhisto xukuumad tayo leh oo qaadi karta mudadda yar ee kooban ee harsan masuuliyadaha iyo caqabadaha horyaalla, oo aad iska dhaafto dhalateedka ah xukuumad aan karti laheyn aad mudadda yar ee hartay dalka uga lumiso,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Xildhibaan.

Cabdiraxmaan ayaa ugu dambeyntiina wax lala yaabo ku tilmaamy in madaxweynaha aysan aqoon iyo waayo aragnimo ku yareyn, haddana marka fiiriso dowladdiisa sida ay wax u wado lala fajacayo, “Madaxweynaha aqoon kuma yara, waaya-aragnimana kuma yara, da’na kuma yara ee see wax yihiin. Laakin Madaxweynow cid kor wax kuugu sheegta, ama kuugula dhiirata ma jirto.”

Waxa uu intaas sii raaciyay Xildhibaanka “Waxaan kuuugu naseexeyneynaa Madaxweynow mudada kooban ee taladaada ama mudo-xileedkaada ka harsan inaad dalka badbaadiso, adigana sumcadaada badbaadiso, dhaqankaagana uu noqdo mid dhaxal-reeb oo taariikh iyo legacy ka taga.”

Hoos ka daawo muuqaalka

Dal badweynta Hindiya ku yaalla oo qaaday tallaab culus oo ka dhan ah Israa’iiliyiinta

Malé (Caasimada Online) – Dalka Badweynta Hindiya ku yaalla ee Maldives ayaa Israa’iiliyiinta ka mamnuuci doona goobtan aadka loogu dalxiiska tago, waxaa sidaas Axadii sheegay xafiiska madaxweynaha, taasi oo “lagu garab is-taagayo Falastiiniyiinta.”

Maldives, oo ah jamhuuriyad yar oo Islaami ah oo ka kooba in ka badan 1,000 jasiirado istaraatiji ah, waxay caan ku tahay xeebaheeda quruxda badan.

Madaxweyne Mohamed Muizzu “wuxuu go’aansaday inuu mamnuuco baasaboorka Israa’iil,” ayuu afhayeen u hadlay xafiiskiisa ku sheegay bayaan uu soo saaray, isagoo aan faah-faahin ka bixin xilliga sharciga cusub uu dhaqan geli doono.

Muizzu ayaa sidoo kale ku dhawaaqay olole lacag uruurin ah oo heer qaran ah oo loogu magac daray “Garab istaagga dadka Maldivian-ka ee Falastiin”.

Maldives ayaa horraantii sagaashamaadkii ka qaaday mamnuuciddii hore ee dalxiisayaasha Israa’iil, waxaanay u dhaqaaqday inay dib u soo celiso xiriirka kala dhaxeeya 2010-kii.

Hase yeehsee, xiriirka ayaa burburay kadib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Mohamed Nasheed bishii Febraayo ee 2012.
Xisbiyada mucaaradka iyo xulafada dowladda ee Maldives ayaa cadaadis ku saarayay Muizzu inuu mamnuuco Israa’iiliyiinta, si loogu muujiyo in laga soo horjeedo dagaalka Gaza.

Xogta rasmiga ah ee dowladda ayaa muujisay in tirada Israa’iiliyiinta ee booqanaya Maldives ay hoos ugu dhacday 528 afartii bilood ee ugu horreysay sanadkan, taasi oo ah hoos u dhac 88 boqolkiiba marka loo eego isla xilligan oo kale sanad ka hor.

Isaga oo ka jawaabaya xannibaaddan, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa ku boorriyay muwaadiniinta inay ka fogaadaan u safridda Maldives.

“Muwaadiniinta Israa’iil ee sii jooga dalka, waxaa lagula talinayaa inay ka fakaraan inay baxaan, maadaama haddii ay dhibaato ku dhacaan sabab kasta, ay nagu adkaan doonto inaan caawinno,” ayuu yiri afhayeenka.

Dagaalka Gaza ayaa billowday kadib markii 7-dii October ay Xamas weerar culus ku qaadeen Israa’iil, kaasi oo lagu dilay 1,189 qof. Xamaz ayaa sidoo kale qafaashay 251 qof oo 37 ka mid ah ay dhinteen, sida ay sheegeen ciidmada Israel.

Weeraro aargoosi ah oo tan iyo markaas ay ciidamada Israa’iil ka wadeen Gaza ayaa waxa ay ku dileen 36,439 oo badankood shacab ah.

Voa

Puntland oo war cusub kasoo saartay duqeyntii Mareykanka iyo howl-gallo dhacay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyay howl-gallo amni oo ka socda gobolka Bari iyo duqeymihii u dambeeyay ee maamulkaasi ka dhacay.

Tayaha Booliska Puntland Sarreeye Guuto Muumin Cabdi Shire oo wareysi gaar ah bixiyay ayaa shaaciyay in howl-galladii u dambeeyay ay ciidanka Puntland kusoo qabteen illaa 23 qof oo ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin ururka Daacish.

Shaqsiyaadkan oo weli baaris ku socoto ayaa waxay ciidanka kasoo qabteen deegaano dhaca gobolka Bari, sida uu sheegay Sarreeye Gaas Muumin Cabdi Shire.

Taliye Muumin ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in guud ahaan ay hadda baaris ku socoto dad gaaraya illaa 98 qof oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaasi oo ku xiran xabsiyada mamulka oo dhan.

Taliyaha ayaa waxa kale oo uu ka hadlay duqeymihii u dambeeyay ee ka dhacay maamulkaasi, isaggoo sheegay in duqeyntii u dambeysay ee 31-kii bishii dhamaatay laga fuliyay buuraleyda gobolka Bari khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay argagixisada.

“Duqeyntii dhacday 31-kii May waxaa lagu beegsaday ururka Daacish, waxaana ku dhintay 11 xubnood, halka ay ku dhaawacmeen xubnood kale oo gaaraya illaa 7,” ayuu yiri Taliyaha. Duqeyntan ayaa waxaa fuliyay Mareykanka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in duqeyntii dhacday 26 May aysan wax khasaare ah u geysan kooxaha argagixisada ah, taasi oo horey u dafiray maamulka jiritaankeeda.

Duqeynta Mareykanka ayaa imaneysa xilli toddobadkii hore ay dowladda federaalka Soomaaliya sheegatay duqeymo ka dhacay buuraha Calmadow, balse Puntland ay beenisay jiritaanka weerarkaasi ay masuuliyadeeda sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Beenintaas ayaa timid kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegatay in duqayn ay iska kaashadeen saaxiibada caalamiga ah ay ku dileen saddex ka mid ah horjoogeyaasha kooxaha Khawaarijta ah iyo 20 maleeshiyaad ah.