24.9 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Who is a better alternative to Hassan Sheikh Mohamud?

Those criticising Hassan’s leadership are not offering a better alternative vision for the country

Politicians tend to think short-term, focusing on decisions that are popular or easy. They avoid anything that is controversial or difficult, so goes the observation. A politician who takes a controversial decision does so early in their term of office, hoping to accumulate some political capital by the time elections come round and the political dividends start to pay off.

This explains why Hassan Sheikh Mohamud (HsM) wanted to insert an executive presidency clause into the constitution. It reflects his ambition to return to office, free from the constraints of a meddling parliament and “cash-for-motion” scenarios. It is a risky move too: an executive presidency requires a personal brand and HsM has an image problem. Failure to deliver on security and jobs means the executive presidency he designs for himself might well be enjoyed by a successor. At this point, we should be seeing HsM obsessing with policy delivery for his legacy (he is not) and political opponents putting forward alternative visions (they are not). Instead, what we have is a pointless debate about things that do not matter.

Most Somalis would like to see a stable government without the fissiparous tendencies of the past. For this reason, what HsM has done could be what the country needs and should be applauded. The criticism that HsM is indulging in his worst instincts, by changing the constitution, is therefore disingenuous and wide of the mark.

Which is why the deafening crescendo and the irrelevant scrap about the constitution is pointless. The chorus of disapproval of HsM – “the person” – is reaching the point where it is beginning to drown out the real pertinent questions about his government’s policy and achievements. We are no longer talking about security, economic delivery and stabilisation of the country, but focusing on why HsM is such a dreadful occupant of Villa Somalia intent on building a dynasty. It is one thing to scrutinise HsM’s leadership, quite another to indulge in outright HsM rejectionism. By focusing on the person, rather than the policy, we risk leaving the door open to dangerous self-serving charlatans much worse than  HsM. The fateful choice in 2017 is illustrative here, lest we have short memories and forget it again at our peril.

Your enemy’s enemy is not your friend

Another important point is mistaking HsM – “the president” – for the country’s national interest. Take Puntland leadership’s politics of petulance. It is fine to take issue with the government but not at the expense of becoming the extended arm of Ethiopia and subverting the country’s national interest. By keeping the Ethiopian consulate open, weakening the Somali government’s assertion of sovereignty, the Puntland leadership is actively undermining the country’s national interest from within at the worst possible moment just to make HsM look bad. It is a classic case of Somalis showing to the world, not least to Ethiopia, their unity in disunity and doing incalculable damage to the country in the process.

Your enemy’s enemy could be your shared enemy, not your friend – a fact lost on some Somalis. The irony is that those who claim to be the alternatives to HsM and say they have Somalia’s interest at heart, are the first ones to descend into mutual self-loathing, preferring Ethiopian embrace over Somalia’s national interest – as appalling as it is dangerous indeed. It is precisely the purpose for which the “Maamul Goboleed” were designed, if this were ever in doubt, to make the country ungovernable.

That is also why linking the government’s work on the constitution to HsM’s perceived plan for a dynasty is dishonest at best. We need to cut HsM some slack for the things he does well. The focus should be on whether he is delivering on security and jobs, not undermining him at every turn for defending the country’s sovereignty or completing a constitution that was, for decades, nothing more than a cashflow project.

What is the alternative to life after HsM?

HsM has done well to arrest the decline he inherited from his predecessor. However, relying on a predecessor’s deplorable record is not a governing strategy. He has not grasped what he needs to do to shift the dial on a number of critical areas for the country.

Start with his government of low expectations which is drifting, pretending it has a purpose. While he has taken some steps to deal with the threat from terrorism, there is no strategic cohesion in execution. He has provided no answers to the difficult economic challenges the country faces and does not see rampant corruption, which is thriving in plain sight, as the cancerous tumour it is.  Under his leadership, lofty ideas of economic development hardly translate into real actions. Not a single school, hospital or road has been built and there would be no legacy to speak of by the time his term ends. He has created more ministers and advisers than there are hospital beds in the country.

He has squandered a great opportunity to reform the delivery of public services and failed to unleash private investment to create jobs. There is far too much symbolism – from debt relief, membership of economic blocs to attending every forum under the sun – but little substance in translating any of these into concrete economic opportunities. We have a helicopter president who has spent more time in the air than at home.

A snail’s view of the world pervades the government’s thinking, perpetuating the belief that Somalia is helpless without external help, thus limiting the government’s ambition to be bold in its policies. It is a government of mediocrities that is content with foreign hand-outs, rather creating opportunities for the country. A hedge against foreign interference and bullying is creating economic dividends that pay for the country’s bills and build military strength, not reliance on foreign handouts.

The points above could be added to the long list of issues HsM’s government is failing to address, including Mogadishu which is in a much bigger political, economic and security rut. For someone who came in with prior experience, his first two years have seen huge opportunities squandered.

These points matter to the country and should be rich pickings for HsM’s political opponents. However, their current obsession with personality politics is more likely to blindside us to another incompetent, if not power-crazed wannabe dictator. We have been here before in 2017 and cannot risk repeating the same mistake.

In that context, the country needs to see a credible alternative and ideological contests based on policies and delivery, rather than a cantankerous debate about HsM and this background noise about the “constitution”.

Despite HsM’s failings to deliver on core priorities, we still see no credible better alternative. This is the real tragedy which is not good news for Somalia.

Abdi Ali
[email protected]

Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. 

Taliye lagu dilay dagaal dhex maray ciidamo beeleed iyo ciidamada DF Soomaaliya

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta iska hor imaad hubeysan uu ka dhacay deegaanka Xaaji Cali ee gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyay ciidanka booliska Soomaaliya iyo maleeshiyaad hubeysan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen labada ciidan, waxaana goobta ka dhacay is rasaaseyn sababtay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dadka ku dhintay dagaalkan waxaa kamid ah laba xidigle Cabdulqadir Maxamed Xaashi (Juuqlaawe) oo ahaa taliyaha ururka daraawiishta Booliiska ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Marxuumka ayaa watay ciidamo boolis ah oo ay dowladda dhexe gaystay gobolkaasi, si ay ukala dhex-galaan beelo horay ugu dagaalamay halkaasi.

Dilka taliyaha ayaa yimid, kadib markii uu isku dayay inuu hub ka dhigis ku sameeyo maleeshiyaad deegaanka, balse ay isku dhaceen labada ciidan, kadibna dhaawac soo gaaray uu u dhintay Taliye Cabdulqadir Maxamed Xaashi (Juuqlaawe).

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay HirShabelle iyo dowladda federaalka oo ku aadan shaqaaqada lagu dilay taliyaha

Waa taliyihii labaad ee dagaal lagu dilayo isla todobaadkan, waxayna ahayd Sabtidii markii isna la khaarijiyay taliyaha saldhigga degmada Bardaale ee gobolka Baay, Caliyow Boorow oo ku dhintay dagaal dhex-maray booliska iyo maleeshiyaad ku sugan halkaasi.

HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa haatan ka taagan colaad beeleedyo sababay khasaarooyin, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka.

ITOOBIYA oo ku celisay in marnaba aysan ka tanaasuli doonin damaceeda badda

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Itoobiya oo war cusub kasoo saartay kiiska badda ayaa mar kale ku celisay in aysan marnaba ka tanaasuli doonin damaceeda badda cas, ayna ka go’an tahay sidii ay ku heli lahayd bad ay adeegsato.

Agaasimaha fulinta machadka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Jacfar Bedru oo hadalkan ka dhawaajiyay ayaa sheegay in helitaan bad ay muhiimad wayn u leedahay Itoobilya, wuxuuna sheegay in aysan ka laaban doonin doonistooda badda cas, xilli ay weli taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiska badda ee ay la galeen maamulka Somaliland.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in muddo dheer ay soo wadeen halganka ay ku doonayaan in ku helaan bad, balse waxa uu xusay inay kasoo horjeedaan waddamada dariska ah.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray inay isku xiran tahay inay bad helaan iyo jiritaanka Itoobiya, sida uu ku dooday madaxa fulinta machadka arrimaha dibadda ee dalkaasi.

“Itoobiya iyo badda cas waxaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah. Itoobiya waligeed waxay halgan taariikhihi ah ugu jirtay Badda Cas, waana arrin ku xiran jiritaankeeda. Waddamada dariskeenna ah waxaa ka go’an inay meesha ka saaraan doonisteenna Badda Cas” ayuu yiri Jacfar Bedru.

Dhinaca kale, wuxuu ku eedeeyay wuxuu ugu yeeray cadowga Itoobiya ee taariikhiga ah, inay maleegayeen sidii Itoobiya looga saari lahaa wada hadallada ku saabsan badda cas.

Hadalkan ayaa Jacfar Bedru wuxuu ka sheegay wada-hadalladii labaad ee badda cas oo ka dhacay Addis Ababa, waxaana hal ku dhig u ahaa baahida iskaashi goboleed ee Badda Cas.

Si kastaba, waxaa weli halkeeda ah xiisadda u dhexeysa Addis Ababa iyo Muqdisho ee ka dhalatay heshiiska badda, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xog: Madaxweyne Xasan oo Xaadoole farriin culus ugu dhiibay beesha ABGAAL

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay in garoon diyaaradeed kan ugu weyn laga dhiso inta u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Warsheekh.

Aagga degmada Warsheekh waxaa ku yaalla dhul ay horay u sahmisay dowladda Soomaaliya, intii uu xafiiska joogay madaxweyne Farmaajo, waxaana dhulkaas hadda ka hor kormeer ku tegay madaxweynaha wasiiro, xildhibaano, saraakiil iyo injineero ay dirtay dowladda federaalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay arrintaan kala hadlay Xildhibaan Cismaan Xaadoole iyo xubno kale oo la socday oo qadiyadda Daarusalaam uu ka qanciyey, kuwaas oo Madaxweynuhu uu u cadeeyey sida ay uga go’an tahay in la dhiso garoonkaas.

Jufooyin ka tirsan beesha Abgaal oo dega aagga degmada Warsheekh, gaar ahaa Galmaax, ayaa diiday oo ciidan badan soo dhoobay deegaanka markii ay ogaadeen qorshaha dowladda oo dooneysay in la bilaabo dhismaha garoonka.

Xasan Sheekh oo xalay ka faa’iideystay kulankii uu la yeeshay guddi ka socday Abgaal oo Xildhibaan Xaadoole uu hoggaaminayey ayaa u dhiibay farriin ku socota beesha, isagoo dalbaday inay dowladda ku garab siiyaan dhismaha garoonkaas.

Madaxweynaha ayaa dhinacyo badan ka tusaaleeyey sida garoonkaasi uu muhiim ugu yahay dalka iyo sidoo kale hormarka ugu sugan deegaanka, isagoo ka dalbaday beesha Abgaal in wax shuruud ah aysan ku xirin dhismaha dhulka ay dowladdu ka hirgelineyso garoonka.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa Xaadoole kala hadlay tabasho dhanka awood qeybsiga ah oo beeshiisu ay qabto, isagoo ka balan qaaday in xilal muhiim ah uu u qorsheynayo beesha, si looga daaweeyo tabashadooda.

Sida aan xogta ku helnay Madaxweynaha ayaa codsaday in waqti ay siiyaan, si uu u xaliyo tabashada beesha, arrinta Daarusalaam oo ah kiiska ugu weyn ee guddigaasi uu kala hadlay ayuu madaxweynuhu u xaqiijiyey in waxaba aysan dowladdu ka qaba karin.

Xog: Khilaaf ka dhaxeeya madaxweyne Xasan iyo Lafta-gareen oo soo shaac baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa muuqata inuu banaanka usoo baxay khilaaf ka dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Khilaafkan ayaa waxaa soo saaray qorshaha ay dowladda federaalka ku dooneyso in dalka looga saaro ciidamada Itoobiya, oo badankood ku sugan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Laba maalin ka hor ayaa Xuseen Sheekh Cali, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in marka uu dhammaado muddo xileedka ATMIS oo ku eg December 2024 ay dalka ka bixi doonaan ciidamada Itoobiya, halka kuwa kale ee Afrikaanka ahna ay muddo sanad ah ku sii joogi doonaan howlgal kale.

Warkan ayaa waxaa aad ugu riyaaqay Soomaalida badankood, saabo la xiriira xiisadda ka dhaxeysa laba dal iyo xadgudubka ay Addis-Ababa ku sameysay qarannimada Soomaaliya.

Hase yeeshee, waxaa yaab leh in xildhibaano aad ugu dhow Lafta-gareen oo ay ka mid yihiin Cali Saciid Fiqi iyo Xasan Cabdinuur ay u ololeeyaan joogitaanka ciidamada Itoobiya, ayaga oo baraha bulshada soo dhigaya qoraallo ka dhan ah dowladda Xasan Sheekh, oo qaarkood ay la socdaan hanjabaado.

Ma cadda haddii khilaafkan ku siman yahay kaliya arrinta ciidamada Itoobiya iyo haddii ay jiraan arrimo kale oo qarsoon oo ay isku hayaan labada dhinac.

Madaxweyne Xasan iyo Lafta-gareen ayaa sanadkii hore ku heshiiyey in muddo xileedka Lafta-gareen oo ku ekaa December 2023 lagu daro hal sano, ayada oo madaxweynaha Soomaaliya uu arrintaas ku qanciyey mucaaradka Koonfur Galbeed ee Shariif Xasan uu hoggoomiyo.

Si kastaba, ayada oo December 2024 ay soo siqeyso ayaa waxaa muuqaneysa in Lafta-gareen uu galayo xeendaabka Itoobiya ama uu ku jiro, taasi oo mid adag ka dhigeyso in kursiga laga dejiyo, oo markii horeba uu ku imid awooddooda.

Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo loo jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa lagu eedeeyay in ay dantooda shaqsiga ka hor mariyeen midda ummaddeed ee loo soo doortay, ayna noqdeen adeegayaal cid gaar ah.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa labada nin ku eedeeyay inay jeebka u galeen Villada, ayna fulinayaan wixii loo soo yeeriyo iyo rabitaanka gaarka ah madaxweyne Xasan Sheekh.

“Guddoonkii labada Aqal ee baarlamaanka ay macnihii ka qaadeen baarlamaanka oo sharaftii ay ka qaadeen oo awooddiisi xil-gudasho, la-xisaabtan, daba-gal iyo kor-joogtayn meeshiiba ka baxeen,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa la qiimo tiray labadii Aqal ee baarlamaanka, waxayna guddoonkii jeebka u galeen Madaxtooyadda oo ay ka shaqeeyaan wax aleele iyo wixii ay rabeen, waxaana meeshaasi ku dhintay isla xisaabtankii.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Xildhibaannada intooda badan ay ka shaqeynayaan danahooda gaarka ah, oo qaarkoodna loo sameeyay ballan-qaadyo u muuqda “afka naga hayso”.

“Xildhibaannadii yaa dhamaantood dhihin ee intii u badneyd tooda lee raacdan, haddii ay tahay mid xil lagu sasabay, mid xoolo la siiyay, haddii ay tahay mid dhul hanti-qaran ah lagu laaluushay iyo haddii ay tahay mid la yiri waxaa ku jirtaa liiska doorashada qof iyo cod ee halka deegaan ah.”

Dhinaca kale, waxa uu Xildhibaanka carabaabay in dadka reer Muqdisho laga maadsanayo, oo waqtiga looga lumiyay wax macno laheyn oo qabiil u ek inay maanta oo dhan isku haystaan.

“Shacabka sidaas u daalan ee u dhibaateysan waxaa meel kasta lala taagan yahay wax la yiraahdo canshuur xadhko goosatay, oo aan la garaneyn jeebka ay ku dhacdo.”

Waxa uu intaas sii raaciyay “Dowladda waxay ku dhisan canshuurta muwaadinka laga qaado nooc kasta oo ay tahay laakiin waxaa muwaadinka canshuurta looga qaado in looga adeego, marka waxaa islaheyn xadka canshuurta la qaado iyo adeega wax lagu qabto.”

Caqabad awood leh oo soo wajahday qorshaha ay DF ku xireyso xafiiska UNSOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Caqabad awood leh ayaa soo wajahday qorshaha ay dowladda federaalka ku dooneyso in lagu xiro xafiiska QM ee Soomaaliya (UNSOM) marka la gaaro bisha December ee sanadkan, caqabaddaas oo ah dowladda Mareykanka. 

Sida lagu baahiyay bogga Waaxda Arimaha Dibadda Maraykanka, xoghaye Antony Blinken ayaa Jimcihii khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka Matthew Miller ayaa sheegay in Blinken iyo Xasan Sheekh ay ka wada hadleen kaalinta muhiimka ah ee uu leeyahay Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). 

Maraykanku waxa uu doonayaa in uu sii shaqeeyo Hawgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, sida uu sheegay Afhayeenka Waaxda Arimaha Dibadda Matthew Miller. 

Maraykanka ayaa xiriir dhaw la leh Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ka caawiya arrimo ay kamid yihiin amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo kaalmada gargaarka. Waxa muuqata in uu cadaadis ku saarayo dawladda inay ka laabato go’aankeeda ah in la soo gabagabeeyo hawlgalka UNSOM.

Dad badan ayaa rumeysan suurta-galnimada in dawladdu dib uga laabato go’aankeeda, marka la eego cadaadiska uga imaanaya beesha caalamka oo u dambeeyay kan Maraykanka ka yimid.

Feysal Deri oo ka faallooda arrimaha siyaasadda oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in soo magacaabistii James Swan, loo soo magacaabay in uu hoggaamiyo si kumeel gaar ah xafiiska UNSOM iyo daneynta Maraykanka ee xiisadda gobolka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixsada ay dhammaantood keeni karaan, in dowladda Soomaaliya aqbasho codsiga uga imaanaya beesha caalamka oo uu Maraykanku ugu horreeyo. 

“Dawladda Soomaaliya runtii waxa dhab ah in ay aad ugu tiirsan tahay saaxiibadeeda beesha caalamka, xataa haddaad fiiriso dhimista ciidamadan hadda laga wadahadlayo, dawladda Soomaaliya marna may oran ciidamadu gabi ahaan Soomaaliya ha ka baxeen ee waxa la isku haystaa qaabka iyo waajibaadka ay ku sii joogayaan ciidamadan iyo magaca loo bixinayo, marka haddaad isku soo wada duubto waxa lafdhabar u ah dawladda Soomaaliya jiritaankeeda waa saaxiibada ay ku leeyihiin beesha caalamka, Maraykankuna qayb ayuu ka yahay saaxiibadaas,’’ ayuu yiri Feysal Deri.

Feysal waxa kale oo uu sheegay “marka waxan filayaa in ay jiri doonaan wadahadallo dheeraada si loogu heshiiyo meel dhexdhexaad ah beesha caalamkuna ku qanacdo, dawladda Soomaaliyana u aragto in danaheeda gaarka ah uu ku jiro.” 

Ma cadda go’aanka ay dowladda federaalka ka qaadan doonto cadaadiska ka yimid Mareykanka.

Sawirro: Puntland oo howlgal ka dhan ah Daacish xalay ka fulisay magaalada Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Onlin)  –  Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada ammaanka Puntland ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaas oo ahaa mid ka dhan ah Daacish.

Howlgalkan ayaa ujeedkoosa waxa uu ahaa mid lagu xoojinayay amniga magaaladaas oo mararka qaar ay weeraro ka fuliyaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Saraakiisha amniga Puntland ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan lagu soo qabtay illaa saddex nin oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Daacish, kuwaas oo lagu hayo baaris.

Xubnaha lasoo qabtay ayaa si gaar ah loogu eedeynayaa inay Daacish u qaabilsan yihiin  hanjabaada ganacsatada ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Sidoo kale waxaa saraakiishu ay intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan howlgallada amniga xaqiijinta, si looga hortago weerarada ka dhaca magaalada Boosaaso.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, inkastoo howlgalladan si wayn looga dareemay magaaladaasi, sida ay soo wariyeen dadka deegaanka.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Puntland ayaa kordhiyay howlgalladooda ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

MADAALE oo la xisaabtan ku bilaabay gudoomiyeyaasha degmooyinka + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa haatan bilaabay la xisaabtan dhab ah oo uu ku sameynayo dhammaan guddoomiyeyaasha degmooyinka ee gobolka Banaadir, si loola socda shaqooyinkooda.

Madaale ayaa maanta kulan isla xisaabtan iyo dardargelin shaqo la yeeshay heerarka kala duwan ee maamulada Xamar Jajab iyo Waaberi oo ay u jiraan guddoomiyeyaasha.

Sidoo kale waxa uu warbixin la xariirta horumarada iyo caqabadaha dhinaca shaqooyinka ka dhageystay qeybaha kala duwan ee Maamulada Degmooyinka Xamar-Jajab iyo Waaberi, isaga oo kula dardaarmay dardargelinta adeegyada loo haayo Bulshada, La-dagaalanka Maandooriyaha, Anshax xumada, Nadaafada iyo in laga fogaado musuqa.

Waxaa kale oo uu faray madaxda maamulada degmooyinka Xamar jajab iyo Waaberi in si dhaw looga war haayo bulshada ku nool Degmada, si caruurta ay u helaan waxbarasho, dadka dantayar la gar-gaaro, isla markaana bulshada lagu wacyigeliyo ka shaqeynta horumarka iyo Amniga Degmada.

Shalay kulan kan lamid ah oo la xisaabtan ah waxa uu la yeeshay heerarka kala gedisan ee guddoomoiyeyaasha degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan, isaga oo kala hadlay shaqada.

Sidoo kale wuxuu ku adkeeyay dardargelinta adeegyada loo haayo Bulshada, La-dagaalanka Maandooriyaha, Anshax xumada, Nadaafada iyo in laga fogaado musuqa.

Qorshahan la xisaabtanka ee uu bilaabay duqa Muqdisho ayaa kusoo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay uu maamulka gobolka kordhiyay dadaallada lagu hormarinayo caasimada.

Yaa kusoo baxay doorashadii ka dhacday dalka Mexico?

Mexico (Caasimada Online) – Xisbiga talada haya ee dalka Mexico ayaa sheegtay in doorashadi Axaddii shalay ka dhacday dalkaasi ay ku guuleysatay murashaxi iyaga matalayay oo ah haweeneyda lagu magacaabo Claudia Sheinbaum.

Xisbiga MORENA ayaa guushani sheegtay saacado yar kaddib marki lasoo xiray doorashada xalay fiidkii xilliga Mexico, iyaga oo sheegay in Claudia Sheinbaum ay codad aad u badan ku horreyso taasoo waddada u xaareysa in ay noqoto madaxweynihi u horreeyay oo dumar ah oo hogaamiyo Mexico.

Ra’yi ururin ay sameysay xarunta Parametria ayaa sidoo kale muujineysa in Sheinbaum ay doorashada ka heli doonto codad dhan 56%.

Sida kaso muuqatay codadka ilaa iyo hadda la tiryay, murashaxa xisbiga mucaaridka Soojit Galvez ayaa heshay 30%.

Inkasta oo aanan wali la dhameystirin guud ahaan tirinta codadka, haddana Galvez ayaanan qiran in laga guuleystay, iyada oo u sheegay taageerayaasheeda in ay dulqaad yeeshaan ilaa looga dhawaaqayo natiijada rasmiga ah.

Xog: Beesha Waceysle iyo DF oo gaaray go’aan culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab

Mesegawaa (Caasimada Online) – Beesha Waceysle ee Abgaal ayaa gaartay go’aan dhabar jab ku ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo suurtageli kara in deg deg looga xoreeyo deegaanada ay beesha Waceysle ka degto gobolka Galgaduud oo intooda badan hadda ku jira gacanta Al-Shabaab.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shir xasaasi ah oo maalmahaan u socday hoggaamiyaasha Macawiisleyda beeshaas ayaa lagu soo gabagabeeyey deegaanka Mesagawaa ee gobolka Galgaduud, waxaana lagu gaaray go’aano culus.

Shirka waxaa qeyb ka ahaa saraakiil ka socota madaxtooyada Soomaaliya oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, ujeedkiisa ugu weyn shirkaas wuxuu ahaa in meesha laga saaro khilaaf u dhaxeeyey qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamisa ciidamada deegaanka ee beesha Waceysle.

Waxaa lagu heshiiyey saddex qodob oo kala ah:

1 – In la dhameeyo oo Meesha laga saaro wixii madax-madow ah oo u dhaxeeyey hoggamiyayaasha ciidamada deegaanka ee beesha Waceysle, waxaana la sameeyey hoggaan ay ku mideysan yihiin ciidanka Macawiisleyda Waceysle iyo saraakiishooda.

2 – Inay isku tashato beesha Waceysle oo siyaasiyiinta, ganacsatada iyo waxgaradka beeshaas ay garab istaagaan ciidamada, halka markii hore ciidanka dib u xoreynta deegaanka beesha Waceysle ay dowladda kaliya garab ka sugi jireen, iyadoo ay xusid mudan tahay in beeshaas ay ka soo jeedaan ganacsato iyo siyaasiyiin badan oo wax badan tari kara ciidanka xaq u dirirka ah ee beesha.

3 – Iyo in dowladda Soomaaliya ay balan qaaday in si buuxda ay u garab siineyso ciidanka dib u xoreynta deegaanka ee beesha Waceysle, waxayna saraakiishii dowladda meteleysay balan-qaadeen in ciidanka beesha lagu taakuley doono wax kasta oo ay u baahsaan.

Shirka Mesegawaa waxaa lagu dejiyey qorshe ay iska kaasha doonaan dowladda iyo beesha Waceysle ay ku xoreynayaan guud ahaan dhulka beesha, gaar ahaan Mesegawaa, Galcad, Cawsweyne ilaa Xarardheere.

Xog: Xasan iyo Xaadoole oo ka shiray xiisada Daarusalaam + Mowqifka Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo farogeliyey khilaafka beeleed ee ka taagan degmada cusub ee Daarusalaam, wuxuuna qaabilay xubno uu hoggaaminayey Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan golaha shacabka.

Beesha uu kursiga ku metelo Xildhibaan Cismaan Xaadoole ayaa tan iyo markii degmo loo aqoonsaday Daarusalaam waxay bilowday kacdoon, iyadoo dalbaneysa in degmadaas loogu yeero magacii hore ee deegaanka la dhihi jiray ee Ratiweyne.

Guddi ka socda beesha oo xildhibaan Cismaan Xaadoole uu hoggaaminayo ayaa madaxtooyada kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh, kadibna waxay la wadaageen tabashada ay qabaan, iyagoo ku dooday in Daarusalaam aysan laheyn beesha loo sharciyeeyey.

Caasimada Online ayaa heshay xogta kulanka Madaxweynaha iyo guddiga uu hoggaaminayey Xildhibaan Cismaan Xaadoole, wuxuuna madaxweynuhu u cadeeyey in arrinta Daarusalaam aysan dowladdu waxaba ka qaban karin, maadaama uusan u muuqan qalad ah.

Madaxweynaha ayaa guddigaas u cadeeyey in mudadii uu joogay xafiiska iyo wixii ka horeeyaba uusan wax is qabqabsi ah ka maqlin Daarusalaam, dadkuna ay ku qanacsanaayeen magaca iyo maamulkii ka jiray deegaaanka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in deegaankaas ay dowladdu kala macaamili jirtay beel gaar ah, isla markaana aysan jirin wax dhib ah oo dowladdu ay ku qabtay amniga deegankaas, maamulka iyo dhaqanka bulshada degan.

In degmo loo aqoonsado Daarusalaam waxaa u ololeeyey siyaasiyiinta iyo ganacsatada beesha Duduble ee Habargidir, kuwaas oo si casri ah u dhistay deegaanka, kadibna gaarsiiyey heer ay dowladda ku qanciyaan inay degmo u aqoonsato.

Sida ay sheegeyso xogta ay Caasimada Online ka heshay kulankaas, Madaxweyne Xasan ayaa guddigii uu hoggaaminaayey Xildhibaan Xaadoole u sheegay in arrintaas aysan dowladdu waxaba ka qaba karin, wax la isku heystana aysan uga muuqan meesha, isla markaana ay tahay in si nabad, walaalnimo iyo niyad sami ah loo qada deganaado.

Mareykanka oo doonaya in uusan meel-mar noqon go’aan ay ka laba-labeynayso DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa weli ku qanacsaneyn in meesha laga saaro shaqada xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Mareykanka ayaa u ololeynaya sii wadida xafiiskan, sida lagu sheegay hadal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka, kadib wada-hadal shalay dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken.

Labada nin ayaa si gaar ah uga wada-hadlay sii wadista howl-galka Qaramada Midoobay intii socday kulankooda, isaga oo Blinken soo jeediyay in Mareykanka uu doonayo inuu sii shaqeeyo xafiiska, sida uu shaaciyay Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Mareykanka.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Blinken uu ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo “in la dhimo khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalka deriska ah ee Itoobiya,” kaasi oo ka dhashay heshiis beenaadkii badda ee Itoobiya la gaartay Somaliland.

Inkasta oo dowladda federaalka Soomaaliya ay dalbatay in la xiro xafiiskan, hase ahaateen markii dambe ayaa waxay dabac ka muujiso go’aankaasi, taasi oo keentay in la aado guddi dhex-dhexaadin iyo in qiimeyn lagu sameeyo xafiiska.

Soomaaliya ayaa markii hore ku doodeysay in la joogo waqtigii ay Soomaaliya u madax-banaanaan lahayd howlaheeda gaarka ah. Waxaa intaas kadib si toos ah u wada-hadlay madaxweyne Xasan Sheekh iyo xoghayaha guud ee QM oo sameeyay xiriir khadka taleefoonka ah, iyaga oo heshiis ku gaaray magacaabida guddi gaar ah oo dib u qiimeynaya shaqada xafiiska UNSOM.

Xoghaye Antonio Guterres ayaa maalmo kooban kadib si kumeel-gaar ah ergeyga cusub ee QM ugu soo magacaabay Danjire James Swan, oo ah diblomaasi Mareykan ah oo ruug-caddaa ah, ahna nin aan ku cusbeyn Soomaaliya oo si weyna u fahamsan Soomaalida iyo siyaasadeeda, isagoo aqoon fiicana u leh madaxda Soomaalida.

Sawirr: Maxay tahay arrinta muhiimka ah ee QATAR ay u ballan-qaaday Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ballan-qaad cusub ka heshay dowladda Qatar, kadib kulan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle oo xarunta dhexe ee SODMA kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya, Dr Cabdullahi Binu Salem Al Nuaimi, ayaa waxay Qatar ku ballan-qaaday in mashaariic cusub ka hirgelin doonta dalka.

Kulankaan oo looga hadlay waxyaabaha ka fulay mashariicdii ay dowladda Qatar hay’adda u ballanqaadday, dhameestirka waxa ka dhiman ayaa waxa uu safiirka ku wargeliyey in ka dowlad ahaan hay’adda ay la fulin donaan mashaariic cusub oo hor leh.

Mashaariicdan cusub ee Qatar ay dhaqaale maaliyadeed ku taageerayso ayaa waxaa kamid ah adkaysiga aafooyinka, soo kabashada iyo xalalka waara, sida ay shaacisay hay’adda maaraynta musiibooyinka qaranka ee SODMA.

Mashaariicdaan ayaa hay’adda SODMA waxay ka saacidi doonaaan helista gadiidka gurmadka deg-degga ah, diyaarinta goobaha biyo keydinta, qodista ceelal biyoodyo iyo in gargaar la gaarsiiyo barakacyaasha dib u dajina loo sameeyo goobihii ay ka yimaadeen.

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka Maxamuud Macallin ayaa uga mahad-celiyay dowladda Qatar garab istaaggeeda walaalnimo, waxaana intaas kadib kormeer ku tageen xarunta qaran ee ka digista halis-wadareedka hay’adda.

Qatar ayaa kamid ah dalalka Carbeed ee taageera Soomaaliya, waxayna ka fulisa dalka mashaariicyo kala duwan, iyada oo sidoo kale ka qayb qaadata taageerada ciidamada iyo dhanka arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliya.

Koonfur Galbeed oo ka hor-timid qorshaha DF ay dalka uga saareyso ciidanka Itoobiya

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeer ayaa si cad uga horyimid qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan bixitaanka ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka.

Wasaaradda amniha Koonfur Galbeed ayaa been abuur ku tilmaamtay hadal kasoo yeeray la-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macallin Maxamuud oo sheegay in dhammaadka sanadkan 2024-ka ciidamada Itoobiya ay isaga bixi doonaan guud ahaan Soomaaliya.

“Dabcan annaga halka aan ka taaganahay ka dawlad Soomaaliya ahaan, waan caddeyney ciidanka Itoobiya kama mid noqon doono ciidamada sii joogi doona dalka, Diiseembar sanadkan wixii ka dambeeya, arintaasi waa arin dawladda Soomaaliya go’aan ay qaadatay,’’ ayuu horay u yiri Xuseen Macalin.

Sidoo kale wasaaradda amniga gudaha Koonfur Galbeed oo soo jawaabtay ayaa waxba kama jiraa ku tilmaamtay hadalka Xuseen Macallin ee ku saabsanaa doorka ay ciidamada Itoobiya ku yeelan doonaan howlgalka beddelaya ciidamada ATMIS.

Koonfur Galbeed ayaa dhinaca kale u mahad-celisay ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanadeeda, ayada oo ku amaantay kaalinta ay ka qaataan amniga iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa abuuraya xiisad horleh, maadaama Koonfur Galbeed ay si cad uga hortimid qorshaha dowladda federaalka ee ciidanka Itoobiya oo hadda ku sugan gobollada Baay iyo Bakool ee maamulkaasi.

Itoobiya ciidamada ka jooga Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa isugu jiraan labo ciidan; ciidan hoos yimaada hawlgalka kumeel gaarka ah ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo ciidamo aan ka tirsaneyn hawgalkaas oo toos u hoostaga wasaaradda difaaca ee Itoobiya.

Si kastaba, waxaa haatan socdo la tashiyo ku aadan ciidanka badali doona hawgalka ciidamadaATMIS kuwaas oo isugu jira kuwo siyaasadeed, muwo dhaqaale iyo arimo farsamo.

Safaaradda Jarmalka oo war kasoo saartay qoraal fadeexad weyn ku ah DF oo la faafiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku beenisay qoraal si weyn loogu baahiyay baraha bulshada oo ka hadlayay aqoon-darro dhinaca luuqadda Ingiriiska ah oo haysata qaar ka mida wasiirada iyo mas’uuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warqadda ayaa waxaa ku qornaa mas’uul ka tirsan safaaradda oo ka cabanaya is-fahan darro ka dhex-taagan ayaga iyo mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya, oo uu u sababaeeyey luuqaddooda Ingiriiska oo aad u liidata.

Wuxuu si gaar ah u xusayaa, sida warqadda ku qoran, wasiirka difaaca Soomaaliya oo mar ka carooday kadib markii ay is-fahmi waayeen, kadibna uu wax ka sheegay luuqaaddiisa Ingiriiska.

Si kastaba, qoraalka Safaaradda Jarmalka ayaa lagu caddeeyay in Qoraalka (MEMO) ee laga faafiyay Safaaradda Jarmalka uu yahay been abuur la dhoodhoobay, isla markaana qofka magaciisa lagu xusay qoraalka uu sanado ka hor ka tegay safaaradda.

“Safaaradda Jarmalka waxay si rasmi ah u caddeyneysaa in Qoraalka lagu sheegay inuu kasoo baxay xafiiskeenna uu yahay been-abuur. Qofka magaciisa ku xusan Qoraalkana uu safaaradda ka tagay sannado ka hor,” ayaa lagu yiri warka safaaradda Jarmalka ee Somaliya.

Qoraalka ayaa waxaa faafintiisa ka qeyb qaatay taageerayaasha xubno caan ka ah baraha bulshada, kooxda nabad iyo nolo lee madaxweyne Farmaajo iyo shacab kale.

Ma cadda xaqiiqda dhabta ah ee warqadda, haddii ay abuureen xubno kasoo horjeeda dowladda federaalka, iyo haddii uu dhab yahay balse markii fadeexadda dhacday la beeniyey.

Ahmadinejad oo mar kale isu soo taagay xilka madaxweyne ee IRAN – Maxaa socda?

Tehran (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Iran, Mahmoud Ahmadinejad ayaa isu diiwaan-geliyay inuu u tartamo doorashada madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacaysa 28-ka June, kadib geeridii madaxweynihii hore ee Iran Ebrahim Raisi oo ku dhintay shil diyaaradeed bishii hore.

Ahmadinejad, oo horey uga tirsanaan jiray Ilaalada Kacaanka Iran ayaa markii ugu horreysay loo doortay madaxweynaha Iran 2005-tii, isaga oo ka dibna xilka isaga dagay markii ay dhammaatay muddo xileedkiisii sannadkii 2013-kii.

Golaha Ilaalada ayaa ka mamnuucay inuu ka qeyb galo doorashadii 2017, sanad kadib markii hoggaamiyaha sare ee Ayatollah Ali Khamenei uga digay inuu ka qeyb-galo doorashada “aan ahayn mid ay ku jirto danta dalka iyo isagaba”.

Khilaaf ayaa soo kala dhex-galay labadooda kadib markii Axmadinejad uu si cad ugu dooday in la hubiyo awooda ugu dambaysa ee Khamenei.

2018, dhaleecayn naadir ah oo loo jeediyo Khamenei, ayuu Ahmadinejad u qoray isaga oo ugu baaqaya doorashooyin “xor ah”.

Si kastaba ha ahaatee, Ahmadinejad ayaa laga hortegi karaa inuu codbixinta ka qeyb-galo, maadaama Golaha Ilaalada Kacaanka ee Iran ay iyagu kala saari doonaan musharixiinta.

Golahan ayaa soo saari doonaan liiska kama dambeysta ah ee musharixiinta xaqa u leh inay tartamaan doorashada 11-ka Juun.

Reuters + Voa

Xisbiga Sheekh SHARIIF oo war culus kasoo saaray arrin ay ku kacday DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo war culus soo saaray ayaa walaac ka muujiyay cadaadis uu sheegay in dowladda federaalka ay ku hayso warbaahinta madaxa bananaan.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Himilo Qaran ayaa lagu sheegay in xisbiga uu diiwaangeliyay dhacdooyin dhowr ah oo lid ku ah xorriyadda hadalka oo ay ku kacday dowladda dhexe.

Sidoo kale wuxuu xisbigu sharci darro ku tilmaamay dhismaha Golaha Warbaahinta Qaranka oo ay ka horyimaadeen inta badan warbaahinta iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Hoose ka akhriso:

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa xayiraadaha iyo cadaadiska sii kordhaya ee ay la kulmayaan warbaahinta madaxa bannaan iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed. Sida uu qeexaayo Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobadiisa 18aad iyo 32aad, warbaahinta iyo suxufiyiintuba waxay leeyihiin xuquuq lama taabtaan ah oo uu si cad u dhowray Dastuurka KMG ah.

Dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhanka ahaa xorriyatul qowlka, xuquuqda suxufiyiinta, iyo caqabadaha lagu hayo ururrada u dooda xorriyadda warbaahinta madaxa banana ee dalkeenna waa kuwo nasiib darro ah oo aan la aqbali karin.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu diiwaangaliyay dhacdooyin dhowr ah oo lid ku ah xorriyadda hadalka iyo saxaafadda madaxa bannaan, sida dhismaha Golaha Warbaahinta Qaranka ee sida sharci darrada ah loo dhisay, iyadoo la baalmaray qaab dhismeedka ku qeexan qodobka 14aad ee Wax-ka Beddelka Xeerka Warbaahinta, sidoo kale, Xisbiga Himilo Qaran wuxuu diiwaangaliyay xayiraadda la saaray Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo xarigga soo laalaabtay ee suxufiyiinta loo geysanaayo. Falalka noocaan ah waxay wiiqayaan doorka muhiimka ah ee saxaafadda madaxa bannaan ku leedahay dowlad dhiska Soomaaliya iyo wacyi gelinta bulshada.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu u xaqiijinayaa dhammaan suxufiyiinta iyo hawlwadeennada warbaahinta dalkeenna inay yihiin tiirka dimuqraadiyadda, ayna kaalin sharfan ku leeyihiin dadaalka loogu jiro dowlad dhiska dalkeen, waxayna mudan yihiin in ay si xor ah u gutaan waajibaadkooda, mana la aqbali karo in xuquuqdooda dastuuriga ah la duudsiiyo.

Waxaan ugu baaqeynaa hay’adaha dowladda federaalka in ay ka daayaan cadaadiska iyo caburinta ay ku haayaan warbaahinta madaxa bannaan iyo ururrada suxufiyiinta.

Ugu dambayn, Xisbiga Himilo Qaran wuxuu bogaadinayaa isla markaana garab taaganyahay dhammaan saxafiyiinta Soomaaliyeed ee doorka muhiimka ah kasoo qaatay dowladnimada aan maanta heysano, kuna soo shaqeeyay duruufo naf hurnimo xilli adag, waxaana alle ugu baryeynaa intii ku dhimatay halganka dowlad dhiska dalkeena inuu Jannadiisa ku irsaaqo, intii ku dhaawacantayna caafimaad sariic ah siiyo.

Dhammaad

DF oo ciidamadii ugu badnaa u dirtay degmo laga bixin waayay kooxda Al-Shabaab

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamadii ugu badnaa oo ka baxay magaalada Muqdisho ay gaareen gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan difaaca hore ee loo dhigay Al-Shabaab.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gaaray deegaano hoostaga degmada Ruun-nirgood, halkaas oo uu ka socdo dagaal ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ujeedka ciidamadan oo ay dirtay dowladda Soomaaliya ayaa ah inay xoreeeyaan degmada Ruun-nirgood oo muddo dheer laga saari la’yahay kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa ka warbixiyay howlgalladooda, wuxuuna sheegay inay kaabiga ku hayaan degmada Ruun-nirgood, ayna sugayaan amarka madaxda sare, si ay gudaha ugu galaan.

“Ciidan aad u xoog badan ayaa joogo, laakiin weli gudaha looma gelin degmada, waxaana la yiri illaa amar guud oo ka yimaada taliyaha Xoogga iyo madaxweynaha yaan la gelin” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Al-Shabaab intooda badan ay ka baxeen gudaha degmada, maadaama ay ka war heleen gulufka kusoo wajahan iyo ciidamada gaaray halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu dagaal ka qarxo aagga degmada Ruun-nirgood oo ay hadda ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab, wajigii koowaad ee dagaalka, waxaana looga qabsaday dhul ballaaran oo ay kamid tahay degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal.

Taliyaha NISA Sanbaloolshe oo u baxay safarkii u horreeyay oo dibadda ah + Dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa u baxay safarkiisa u horreeyay oo dibadda ah tan iyo markii loo magacaabay xilka.

Taliye Sanbaloolshe ayaa safarkaan ku tegay dalka Imaaraadka Carabta, xilli uu sidii hore aheyn xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.

Socdaalka Sanbaloolshe ayaa ku soo aaday, iyada oo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu bilihii la soo dhaafay mugdi galay, islamarkaana Imaaraadka uu joojiyey mushaarkii iyo agabkii kale ee ay ciidanka siin jireen.

Horraantii sanadkan ayay aheyd markii Muqdisho lagu dilay saraakiil u dhalatay Imaaraadka oo ahaa saraakiishii qaabilsaneyd howl-galka tababarka ciidamada Soomaaliya.

Imaaraadka iyo dowladda Xasan Sheekh ayaa bilowgii muddo xileedkan cusub lahaa macaamil aad u wanaagsan, inkasta oo uu markii dambe gadaal iska beddelay kadib dhacdooyinkii u dambeeyay.

Imaaraadka ayaa sidoo kale waxa uu Soomaaliya ka taageera dhismaha ciidanka iyo tayeyntiisa, ayada oo labada dhinac ay hore u gaareen heshiis iskaashi oo si gaar ah u quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la-dagaalanka argagaxisada.

Si kastaba, dib u gurashada Imaaraadka ee Soomaaliya ayaa la fahamsan yahay inay qeyb ka yihiin dhacdooyin ay kamid yihiin; musuq lagu sameeyay dhaqaalihii ay siinayeen ciidanka, xubnihii Muqdisho looga dilay iyo saameynta Turkiga ee arrimaha Soomaaliya oo sii xoogeysatay.