24.9 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Xiisadda ka taagan degmada BARDAALE oo yeelatay weji cusub – Maxaa soo kordhay?

Bardaale (Caasimada Online) – Xiisadda colaadeed ee ka taagan gudaha degmada Bardaale ayaa kasii dareysa, waxayna haatan yeelatay weji cusub, kadib tallaabo ay qaaday Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka amniga gudaha Koonfur Galbeed, Xasan Cabdulqaadir Maxamed oo si kulul uga hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Bardaale ee lagu dilay taliyihii degmadaasi ayaa sheegay inay ka dambeeyeen kooxda Al-Shabaab.

Xasan Cabdulqaadir ayaa meesha ka saaray waxa dagaalamay ay yihiin maleeshiyaad iyo ciidanka amniga, balse waxa uu tilmaamay in Al-Shabaab ay soo qaaday weerarka, kadibna laga hortegay.

Dhinaca kale waxaa warkan mid ka duwan soo saaray siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanka oo ugu horreyntii ka tacsiyeeyay geerida ku timid taliyaha la dilay.

Wasiirkii hore ee haweenka Soomaaliya Xaniifa Xaabsade oo qoraal soo saartay ayaa tiri “Marka hore waxaan ka tacsiyeynayaa dhamaan intii kudhimatay dagaalkii maanta dhacay degmada Berdaale oo uga horeeyo teliyihii saldhiga Berdaale . Intii dhimatay Allah haunaxariisto intii dhaawac ahna caafimaad deg deg Allah hasiiyo”

Sidoo kale waxay sheegtay in waxa dagaalamay ay yihiin wiilal ehel ah, ayna horay uga digeen in lasii huriyo colaadda beelaha.

“Dagaalkan waa laga baaqsan karay mudana waan ka digaynay in wiilasha ehelka ah laisku dhamaynin, nasiib daro maamulka muda xileedkisa dhamaaday waa ka dhega adeegay!”ayay mar kale sii raacisay.

Labada dhinac ee dagaalamay ayaa weli is horfadhiya, waxaana lasoo warinayaa in maleeshiyaadka ay weli joogaan bannaanka magaalada, halkaas oo ay ka sameysteen fariisimo cusub.

Bardaale ayaa waxaa muddo dheer ka taagan colaad beeleed, waxaana marar badan ka dhacay dagaallo qaraar oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiye ku-xigeen lagu dilay magaalada Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil ay xalay kooxo hubeysan ka gaysteen gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo ahaa mid qorsheysan oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado.

Dilka ayaa waxaa loo gaystay Mukhtaar Nuur Geesey oo ahaa guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka deegaanka Lafoole oo dhaca duleedka magaalada Muqdisho, sida ay innoo i sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Marxuumka ayaa waxaa lagu dilay afaafka hore gurigiisa oo ku yaalla gudaha degmada Dharkenley, kadib markii rag hubeysan ay ku fureen rasaas, wuxuuna ku dhintay isla goobta.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay soo qaadeen maydka marxuumka oo ay geeyeen xarunta laanta dambi baarista ee C.I.D, si baaris loogu sameeyo dhacdadaasi.

Kooxda dilka gaysatay ayaa sida caadada ahayd goobta ka baxsatay, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah Muqdisho kula beegsato mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha ciidamada, balse ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda dilka guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada ee deegaanka Lafoole.

Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falal ammaam darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay gudaha caasimada, haddana waxaa socda howlgallo ay wadaan ciidamada dowladda.

R/W Xamza oo u baxay dalka Koonfur Kuuriya + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay safar dibadeed, isaga oo kusii jeeda dalka Koonfurta Kuuriya.

Xamza ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya qaar kamid ah golihiida wasiirada, waxayna ka qayb-geli doonaan shir madaxeedka Jamhuuriyadda Koonfur Kuuriya iyo Afrika

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa magaalada Seoul ee caasimada dalkaasi ka qabsoomi doono inta u dhexeyso  4 Iaa 5 Juun ee sanadkam 2024-ka.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saari doonaa xiriirka soo jireenka ah ee Koonfur Kuuriya iyo dalalka Afrika, gaar ahaan dhinaca iskaashiga oo ay ugu muhiimsan tahay horumarinta ganacsiga.

Waxaa sidoo kale lagu eegi doonaa sidii iskaashi looga yeelan lahaa dhinacyada Ganacsiga, hormarinta kabayaasha dhaqaalaha dalalka qaarada Afrika, isbadalka cimilada ay ku yeelatay qaarada Afrika iyo arrimo kale.

Ra’iisul wasaare Xamza oo shirkan ku metalaya Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedin doono madasha, taas oo uu uga hadli doono fursadaha maalgashi ee xilligan ka jira dalka iyo arrimaha muhiimka ah ee horyaallo dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu kulan doceedyo la qaadan doonaa madaxada kasoo qayb-galeysa shirkan oo uu kala hadli doono xaalado quseeya arrimaha Soomaaliya.

Shirkan ayaa kusoo aaday, xilli Soomaaliya laga cafiyay daymihii lagu lahaa muddada dheer, ayna hadda diyaar u tahay maalgashi caalami ah, taas oo ah fursad muhiim ah.

Qorshaha ay DF dalka uga saareyso ciidamada Itoobiya iyo sida uu ku hirgeli karo

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Soomaaliya, Xuseen Macallin ayaa sheegay in dhamaadka December ee sanadkaan 2024-ka la qorsheeyey in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka bixi doonaan Soomaaliya.

Xuseen Macalin ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka Itoobiya aysan hadda kadib ilaali ka sii ahaa doonin xarumaha muhiimka ah ee dowladda Soomaaliya, isla markaana la qorsheeyey in gabi-ahaantood laga saaro dalka dhamaadka sanadkaan.

‘’Dabcan annaga halka aan ka taaganahay ka dawlad Soomaaliya ahaan, waan caddeyney ciidanka Itoobiya kama mid noqon doono ciidamada sii joogi doona dalka, Diiseembar sanad kan wixii ka dambeeya, arintaasi waa arin dawladda Soomaaliya go’aan ay qaadatay,’’ ayuu yiri Xuseen Macalin. 

Sababta Dawladda Federaalka aanay u dooneynin in ciidamada Itoobiya ay qayb ka sii ahaadaan hawgaladda nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayuu ku sheegay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya xiriirka sii xumaanaya ee u dhaxeeya labada wadan.

‘’Sababahana waad garaneysaan xaaladda iyo xiriirka dawladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay hadda maanta la leeyihiin Itoobiya ayeysan suurtagal noqonaynin in ay ma aragtay cidamadaas Itoobiya ay Soomaaliya sii joogaan.’’

Sidee qorshahan u hirgeli karaa? 

Ciidamada Itoobiya ee jooga Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxay isugu jiraan labo ciidan; ciidan hoos yimaada hawlgalka kumeel gaarka ah ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo ciidamo aan ka tirsaneyn hawgalkaas oo toos u hoostaga wasaaradda difaaca ee Itoobiya.

Dooddaha iyo shirrarka lagu gorfeynayo hawgalka cusub ee badali doona kan ATMIS oo ay dawladda Soomaaliya garwadeen ka tahay, ma dooneyso in ciidamada Itoobiya ay qayb ka noqdaan hawgalka cusub, sida uu sheegay La-taliyaha Amniga Qaranka. 

Hase yeeshee dad badan ayaa is weydiinaya haddii maamul goboleedyada qaar ay codsadaan in ciidamada Itoobiya ee aan ku jirin hawlgalka ATMIS ay sii joogaan deegaankooda waxa dhici kara. 

Maxamed Mukhtaar oo ka faallooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in loo baahan yahay in dawladdu abuurto kalsooni ay maamul goboleedyadu ku qabi karaan amaankooda kaddib ka bixitaanka ciidamada Itoobiya.

‘’Runtii arintu waxay ku xiran tahay wax badan kalsoonida Muqdisho iyo dawlad goboleedyadaasi ka dhaxeeya, waxay ku xiran tahay diyaar garowga ciidanka Soomaaliya ay u diyaar san yihiin inay amniga la wareegaan, sidoo kale ciidamada kale ee imaanaya, xiliga ay imaanayaan iyo arintii dhaqaalaha ciddii bixin lahayd in meel saaro, wax kasta waa suuragal laakiin wax badan waxay ku xiran yihiin mudda hartay sida looga hawlgalo iyo sida ay isu fahmaan dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada,’’ ayuu yiri wasiir hore Maxamed Mukhtaar. 

Mar la weydiiyay La-taliyaha Amniga Qaranka, sida looga talo galiyay madaxda maamul goboleedyada qorshaha wixii ka dambeeya hawgalka ATMIS marka la soo gabagabeeyo, waxa uu sheegay in shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka lagu siiyay warbixinta arintaasi la xiriirta.

‘’Dabcan haa, dee dawlad goboleedyada shirkii hadda la isugu yimid, warbixinaa laga siiyay, waana ka war hayaan, ciidamada ka hawlgala dawlad goboleedyadana, madaxda dawlad goboleedyadu aad ayay ula falgalaan, wayna ka war hayaan, marka qaabka iyo hawshan ATMIS kaddibna, qayb bay ka yihiin,’’ ayuu yiri Xuseen Macallin. 

Wali waxa socdo la tashiyo ku aadan ciidanka badali doona hawgalka ciidamadaATMIS kuwaas oo isugu jira kuwo siyaasadeed, muwo dhaqaale iyo arimo farsamo.

Arrimaha siyaasadda ayaa sida uu sheegay la-taliyaha Amniga Qaranka waxa kamid ah sida dawladdu dooneyso in ciidamada Itoobiya aanay qayb ka noqon hawlgalka cusub.

Ruushka oo duqeyn culus ka fuliyey Ukraine + Khasaaraha

Washington (Caasimada Online) – Ruushka oo qaaday weerar gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn maanta oo Sabti ah ayaa waxyeelo u geystay xarumaha tamarta iyo kaabayaasha muhiimka ah ee guud ahaan dalka Ukraine.

Weerarkaasi ayaa ku kaliftay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy inuu soo saaro codsi cusub oo ku saabsan gargaar dheeri ah oo difaaca hawada ah oo uu dalkiisa ka helo awoodaha reer galbeedka ee taageera oo uu Mareykanka ugu horeeyo.

Intii uu waday duqeeynta Ruushka gobolo dhoowr ah oo Ukraine ah, ayaa waxa socday digniinaha dadka loo jeedinayo inay gabaad ka galaan muddo socdeen sedax saacadood ah.

Warbaahinta iyo baraha bulshada qaar ayaa soo bandhigay muuqaalo muujinya dadka oo goor habeen ah u cararaya meelo gabaad ah.

Barasaabka gobolka Lviv Maksym Kozytskyi ayaa sheegay in afar qof ay ku dhaawacmeen weeraradan.

Sidoo kale waxay waxyeelo soo gaartay illaa saddex xarumood, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha ee gobollo ku yaal xadka Ukraine ay la wadaagto Poland, isagoo aanan bixin faah faahin intaasi dheer.

Daawo: Taliska xoogga oo qabsaday waqti kooban oo Shabaab ay ku soo afjarayaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed Generaal Maadeey Sheekh Nuur Ufuroow ayaa galabta ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, isagoo sheegay in bishaan lagu jiro ee Juun aysan la dhaafi doonin kooxda Al-Shabaab.

Jeneraal Ufurow ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay gaareen dhamaan goobihii ay duulaanka ka qaadi lahaayeen, isagoo balan qaaday, inay maalmo gudahood ay ku soo qabqaba doonaan kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa hadalkaan ka sheegay kulan maanta uu furay Ra’iisul Wasaaraha XFS, kaas oo ku saabsanaa barnaamij loogu magac daray “Hooyo u Hiilli Qarankaaga,” oo lagu muujinayo kaalinta muhiimka ah ee hooyooyinka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin amniga iyo xasillinta dalka.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed maanta waxay sugayaan kaliya in la dhaho xabadda bilaaba, xiligaan aan idinla hadlaayo ciidanka qeyb kasta meeshii loogu talagalay ayey ku sugan tahay, guusha waxay haya Allaah, laakiin anaga iyo Shabaab bishaan Juun islama dhaafi doono insha allah,” ayuu yiri Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidankii ugu dambeeyey ee xoogga dalka ay maalmo ka hor Muqdisho ka baxeen, “Mudane Ra’iisul Wasaare, ciidan aan rabno inay dagaal galaan maanta Xamar nagama joogaan, waxaa loo jiheystay furimaha dagaalka, waxay sugayaan amarkii ay xabadda ku bilaabi lahaayeen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliyaha.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo barnaamijka “Hooyo u Hiilli Qarankaaga” daahfuray ayaa si qoto dheer uga hadlay sida ay haweenku u yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dhisidda nabadda iyo amniga, waxuuna tilmaamay in Hooyooyinku ay leeyihiin awood gaar ah oo ay ku baraarujiyaan bulshooyinka, una horseedaan xasillooni iyo is-aaminaad.

Waxa uu sheegay in kooxaha Khawaarijta ah iyo qabylaaddu ay yihiin hooyada danbiyada iyo xumaanta, loona baahan yahay in wadajir loogu istaago ciribtirkooda, isaga oo ku adkeeyey hooyooyinka Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan sidii guryaha looga soo saari lahaa kuwa danbiyada geysanaya ee ku dhex dhuumanaya shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay haweenka Soomaaliyeed in ay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan dagaalka Khawaarijta, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay diyaar u tahay in ay taageerto haweenka, si ay u gaaraan himilooyinkooda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in hooyooyinku ay yihiin furaha horumarinta iyo badbaadada Qarankeenna. Wuxuuna ugu baaqay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada in ay garab istaagaan hooyooyinka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah oo horumarsan.

Hoos ka daawo

Sawirro: Booliska oo soo bandhigay 10 dhalinyaro ah oo loo heysto dilka hal wiil

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka booliska saldhigyada degmooyinka Dharkenley iyo Wadajir ayaa howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay 9 dhallinyaro ah oo ku eedeysan dil wadareed ay u geysteen Marxuum Cabdi-Maalik Cali Cismaan oo 18 jir ahaa.

Taliska booliska gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in ragaan lagu bilaabay baaritaan adag, isla markaana lagu maxkamadey doono dilka loo heysto inay geysteen.

“Dadkaan waxaa ku socota baaris, waxaana la horgey doonaa Maxkamadda awokda u leh. Muwaadin hadii aad lakulanto fal danbiyeed ama uu kusoo gaaro waxaad la xariirtaa xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991 ama kusoo hagaaji [email protected].” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliska gobolka Banaadir.

Booliska gobolka Banaadir ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay kordhiyey howlgallada ka dhan ah dembiyada abaabulan iyo anshax-xumada lagu baahiyo baraha bulshada.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa booliska ku amaanay sida ay u gudanayaan waajibaadkooda, maadaama ay bilaabeen ka hortagga dhaqan xumo ka socotay baraha bulshada oo muddo dheer laga digaayey.

Ugu yaraan 40 qof oo loo heysto dembiyo u badan in baraha bulshada ay ku baahinayeen muuqaalo anshax xumo ah ayaa loo taxaabay xabsiga toddobaadyadii lasoo dhaafay, kuwaas oo maxkamad sugayaal ah.

Taliska booliska Soomaaliya ayaa cadeeyey in dadkaas la horgey doono maxkamad, kadib markii ay ku sameeyaan baaritaan, dadka qaar ayaa hadda xiran in ka badan labo toddobaad.

Xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in booliska Soomaaliya uu qorsheynayo in dadkaan 45 cisho oo sharciga baaritaanka uu u ogolaanayo xabsiga lagu haayo, iyadoo kadibna la eegi doono sida laga yeelayo, balse hadda loo jaray xabsi ku heyn 45 cisho ah.

            

Muxuu yahay barnaamijka cajiibka ee Xamza uu ka daah-furay Muqdisho? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya maanta waxaa laga daah-furay barnaamij cajiib ah oo loogu magac daray “Hooyo u Hiilli Qaran-kaaga,” kaas oo lagu muujinayo kaalinta muhiimka ah ee hooyooyinka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin amniga iyo xasillinta dalka, waxaana furay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Ujeedka ah ayaa in kor loo qaado doorka haweenka ee ku aadan ka qayb-qaadashada howlaha hortebinta u leh dalka.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa si qoto dheer uga hadlay sida ay haweenku u yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dhisidda nabadda iyo amniga, waxuuna tilmaamay in Hooyooyinku ay leeyihiin awood gaar ah oo ay ku baraarujiyaan bulshooyinka, una horseedaan xasillooni iyo is-aaminaad.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxaha Khawaarijta ah iyo qabylaaddu ay yihiin hooyada danbiyada iyo xumaanta, loona baahan yahay in wadajir loogu istaago ciribtirkooda.

Waxaa kale oo uu ku adkeeyey hooyooyinka Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan sidii guryaha looga soo saari lahaa kuwa danbiyada geysanaya ee ku dhex dhuumanaya shacabka.

Xamza ayaa ku boorriyay haweenka Soomaaliyeed in ay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan dagaalka Khawaarijta, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay diyaar u tahay in ay taageerto haweenka, si ay u gaaraan himilooyinkooda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in hooyooyinku ay yihiin furaha horumarinta iyo badbaadada Qarankeenna.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada in ay garab istaagaan hooyooyinka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah oo horumarsan.

Madaxweyne Xasan iyo Antony Blinken oo wada-hadal xasaasi ah yeeshay maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xiriir khadka taleefoonka ah la sameeyay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka, Antony Blinken, iyaga oo ka wada-hadley xiriirka labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka ayaa wada-hadalladooda diiradda ku saaray arrimo ay ka mid yihiin la-dagaalanka kooxaha argagixisada iyo qorshayaasha Dowladda Soomaaliya ee howgalka Midowga Afrika ee ATMIS marka uu dhammaado kadib.

Blinken ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku boggaadiyay dadaalka uu galiyay la dagaallanka Al-Shabaab, maadaama laga gaaray guullo waa wayn, lana xoreeyay dhul aad u ballaaran.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday arrimaha amniga iyo xasiloonida Geeska Afrika, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Dhinaca kale Xasan Sheekh iyo Antony Blinken ayaa ka hadlay doorka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), kaas oo dhawaan loo soo magacaabay wakiil KMG ah.

Wada-hadalladan dhex-maray dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla markaana dowladda Soomaaliya ay waddo qorshayaal ballaaran oo ku aadan horumarinta dalka, maadaama bilihii u dambeeyay ay gaartay guullo waa wayn.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageero Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka qayb-qaata dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka.

NISA oo soo xirtay ganacsato la-macaamilay Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee (NISA) ayaa war culus kasoo saartay howlgal qorsheysan oo si gaar ah loogu beegsaday ganacsato la macaamishay kooxda Al-Shabaab, isla markaana siiyay lacago baad ah.

Qoraal kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in ciidanka NISA ay soo qabteen ganacsato, si gaar ah ula macaamilay Al-Shabaab, kadib markii ay soo waydiisteen lacago baad ah.

Hay’addu ma shaacin magacyada iyo tirada ganacsatada lasoo xir xiray ee lagu eedeeyay inay xiriir iyo macaamiil la sameeyeen kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka oo si dhow ula socday isku dayo ay Khawaarijtu si dhuumaaleysi ah baad ugu waydiisaneysay xubno ganacsato ah gacanta kusoo dhigay shaqsiyaad macaaliil la sameeyay kooxda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale ayaa uga digtay ganacsatada Soomaaliyeed inay la macaamilaan kooxaha argagixisada, waxayna sheegtay in dhaqaalaha ay siiyaan lagu dhibateynayo shacabka.

“Hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugida qaranka waxa ay uga digeysaa ganacsatada inay u dhego-nuglaadaan isku daya daciifka ah ee Khawaarijta ay ku dooneyso inay ku boobto hatntidooda” ayaa lagu yri warqadda kasoo baxay taliska guud ee hay’adda NISA.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “HSNQ waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta hantida, sumcadda iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed”.

Hay’adda NISA ayaa dhinaca kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in aysan xiriir la sameeyay Al-Shabaab, sidoo kalena ay ka fogaadaan goobaha ay joogaan.

“Waxaa la farayaa dadweynaha Soomaaliyeed inay ka fogaadaan xiriirka iyo goobaha ay ku sugan yihiin Khawaarijta” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Taliye DEGMO oo dagaal lagu dilay iyo xaaladda oo faraha ka baxday

0

Bardaale (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ka socda gudaha degmada Bardaale ee gobolka Baay, kaas oo u dhexeeyo ciidanka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay weerar ku qaadeen degmada Bardaale oo ay ku sugnaayeen ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid xoogan, isla markaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.

Dagaalkan ayaa sababay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana kamid ah dadka dhintay saraakiil sar sare oo uu ku jiro talihii degmada Bardaale Marxuum Aliyow Boorow.

Taliyaha ayaa waxaa markii hore soo gaaray dhaawac halis ah, kaas oo uu saacado kadib u geeriyooday, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana sii xoogeysanaya dagaalka, ayada oo gurmadyo ay helayaan labada dhinac.

Sidoo kale dagaalkan ayaa saameyn ku yeeshay shacabka ku dhaqan magaalada oo argagax wayn dareemay, maadaama lagu kor dagaalamayo.

Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday oo u abaabulan hab beeleed ayaa horay magaalada looga saaray, kadib dadaallo la sameyay, si loo soo afjaro colaadda ka taagan halkaasi.

Bardaale ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka taagnayd colaad beeleed saameyn ku yeelatay shacabka ku dhaqan gudaha degmadaas oo ka tirsan gobolka Baay.

Khaatumo ‘oo si gaar ah’ ula macaamileysa Turkey + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo fadhiggiisu yahay Laascaanood ayaa haatan bilaabay inuu si gaar ah ula macaamilo dowladda Turkiga.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye ayaa booqday xurunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, halkaas oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

Hoggaamiyaha SSC ayaa kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mud. Amb. Alper Aktaş iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Safaaradda oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah, gaar ahaan macaamiilka tooska ah ee labada dhinac.

Sidoo kale waxay ka wada-hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan xaaladaha deegaannada Maamulka SSC-Khaatumo, sida lagu sheegay qoraal laga soo saaray kulanka.

Turkiga ayaa ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale dhowaan lagu wareejiyay difaaca badda Soomaaliya, kadib heshiis uu la galay dowladda dhexe.

Khaatumo oo weli ah maamul curdun ah ayaa wadda dadaallo dheeraad ah, waxaana dhowaan hoggaamiyahadeed uu u baxay safar dibadeed oo ku aadan hormarka maamulka.

Xaaladda deegaanada SSC ayaa weli cakiran, waxaana deegaanada qaar laga dareemayaa raadadka dagaalkii cuslaa ee ay la galeen ciidanka milatariga Somaliland.

Labada dhinac ayaa sidoo kale weli dhaq-dhaqaaqyo ka wada degmooyin kamid ah gobolka Sool, ayada oo mar kasta la filan karo in dagaalka uu dib usii qaraxo.

Muqdisho: Waddooyin xirnaa 16 sano oo la furay + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib loo furay waddooyin ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo xirnaa muddo ka badan 16 sanno.

Maamulka degmada Dharkenley oo howlgal culus qaaday ayaa ku guuleystay inay furaan waddooyin ku yaalla degmadaas oo ay shaqsiyaad gaar ah ay guryo ka dhisteen.

Guddoomiye Yuusuf Xundubey oo howlgalkan horkacaya ayaa sheegay in dhammaan waddooyinka xiran ee degmada Dharkenley ay furi doonaan, si loo isticmaalo.

“Waxaan kasoo shaqeynay oo aan ka rarnay dad deganaa jidadka oo guryo ka dhistay, haddana waxaa noo dhiman waddooyin kale oo aan ka shaqeyn doono” ayuu yiri Xundubey.

Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu sii raaciyay “Qorshaheena waxaa waayay inaan furno dhammaan waddo kasta oo uu roob xiray iyo waddo kasta oo uu xiray Cali Garoob iyo ciddii sharcu darro ku degtaba inaan baneyn dhahno”.

Dhinaca kale shacabka ku dhaqan degmada Dharkenley ayaa soo dhaweeyay tallaabadan uu qaaday maamulka degmada ee lagu furay waddooyinka muhiimka ah ee degmadaasi.

“Haddii aan nahay shacabka waan ku qanacsanahay, waana ku faraxsanahay dowladnimada aan aragnay waddooyin 16 sano u xirnaa si sharci darro ah ayaa maalmahaan gobolka Banaadir furitaankooda usoo jeestay degmada Dharkenley ayaa ku guuleystay inuu furo waddooyinka ku yaalla degmada” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka.

Waxaa kale oo uu xaqiijiyey in la furay illaa saddex waddo oo muhiim ah “Saddex ayaa la furay, weliba maamulka howlgalka waa wadaa, shacabkana waa tilmaamayanaa”

Maamulka gobolka Banaadir ayaa haatan wada qorshayaal guud oo lagu hormarinayo caasimada, laguna furayo waddooyinka halbowlaha ah ee ku yaalla Muqdisho.

DF oo ku dhowaaqday go’aan ka dhan ah ciidamada Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya kama sii mid ahaan doonaan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ee ka howlgala Soomaaliya, waxaana dhamaantood laga saari doonaa dalka, si ka duwan wadamada kale ee ciidamada ATMIS ay ka socdaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ciidanka ATMIS ee dalka ka baxaya lagu daro gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka jooga gudaha Soomaaliya, sida uu sheegay La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud.

La-taliyaha amniga qaranka ayaa sheegay in dhamaadka December ee sanadkaan 2024-ka la qorsheeyey in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka bixi doonaan Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya ee dalka jooga ayaa aad u badan lagamana hayo tiro rasmi ah, maadaama ay jiraan cutubyo aan ka tirsaneyn ATMIS oo si ka madax-banaan howlgalka Midowga Afrika u jooga dalka.

Xuseen Macalin ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya aysan hadda kadib ilaali ka sii ahaa doonin xarumaha muhiimka ah ee dowladda Soomaaliya, isla markaana la qorsheeyey in gabi-ahaantood laga saaro dalka dhamaadka sanadkaan.

Hadda ciidamada Itoobiya goobaha ugu muhiimsan ee dalka ay uga sugan yihiin waxaa ka mid ah Baydhaba oo madaxtooyada maamulka K/Galbeed ay degan yihiin, Gedo, Bakool iyo Hiiraan, dowladda Soomaaliya ayaa hadda shaacisay inay ka go’antahay in bilo gudahood dalka looga saaro dhamaan ciidanka ka jooga Itoobiya.

Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya waxay saaxiibada caalamiga ah kala xaajoonaysaa in la helo ciidamo ka socda Midowga Afrika oo ka hawlgeli doona Soomaaliya muddo hal sano ah oo ku beegan Janaayo 2025-ka.

Sida u qorsheysan dowladda Soomaaliya ciidamada cusub ee Janaayo 2025 ka howl-bilaabaya dalka kuma jiraan kuwa Itoobiya, waxayna u badan tahay in qiyaastii 10,000 oo ciidanka ATMIS ka tirsan ay sii joogi doonaan, kuwaas oo wax laga bedelayo hanaanka ay u shaqeeyaan iyo magaca ay ku howlgalaan.

Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cirka isku shareertay, waxayna gaartay heer labada dal ay kala xirtaan safaaradaha, iskuna hanjabaan, Soomaaliya ayaa raadsatay garbo caalami ah, waxayna muujisay in dhanka diblomaasiyadda ay uga adkaatay Itoobiya, sidoo kale Soomaaliya ayaa u diyaar garowday hadii Itoobiyaanku wax ku raadiyaan gacan ka hadal.

Awooda ugu weyn ee Soomaaliya ay ku tashaneyso waa Turkiga oo saxiixay in 10 sano uu difaaci doono badda Soomaaliya, mudadaas waxaa lagu dhisi doonaa ciidamada badda Soomaaliya, sida lagu xusay heshiiska, waxaana lasoo saari doonaa shidaalka Soomaaliya.

Shiinaha oo jawaab adag ka bixiyay arrin ay sameysay Somaliland – Maxaa cusub?

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa markii u horreysay jawaab adag ka bixisay wafdi ay dhawaan Somaliland u dirtay Taiwan, kuwaasi oo qeyb ka ahaa caleemo saarka hoggaamiyaha Taiwan oo dhacday 20-kii bisha May.

Afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in Shiinaha mowqifkiisu yahay “in Somaliland ay qeyb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

“Shiinaha uma arka Somaliland dal, wuxuuna raacsan yahay xaqiiqada aas-aasiga ah ee ah in Somaliland ay ka tirsan tahay dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay afhayeenka in dowladdo badan, hoggaamiyayaal siyaasadeed iyo shakhsiyaad kale inay aaminsan yihiin mabda’a Shiinaha ee ka dhanka ah gooni isu-taagga Taiwan.

Hadalka kasoo yeeray Shiinaha ayaa imanaya xilli uu sanadihii dambe kor u kacay xiriirka Taiwan iyo Somaliland, oo labaduba sheegta inay yihiin dalal madax-banaan, taasi oo keentay in Hargeysa ay martiqaad heer sare ah ka hesho munaasabadda caleemo saarka hoggaamiyaha Taiwan ee dhawaan la doortay.

Dowladda Shiinaha ayaa xurguf adagi kala dhaxeysaa Somaliland, maadaama ay is aqoonsadeen maamulka kale ee ka go’ay Shiinaha ee Taiwan, sidoo kale Shiinuhu waa mid kamid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya.

Shiinaha iyo Somaliland ayaa horey marar badan hawada isku mariyay hadallo kul-kulul, ayada oo xiisaddooda kasii dartay markii ay xukuumadda Hargeysa ee u hoggaamiyo Muuse Biixi xiriir la yeetay Taiwan oo Shiinaha u aqoonsanyahay qayb kamid ah dhulkeeda.

Xogta heshiis cusub oo ay ISRAEL aqbashay iyo Joe Biden oo farriin u direy Xamas

Washington (Caasimada Online) – Xilli ay ciidamada Israa’iil ay sii wadaan duqaymaha ay ka geysanayaan gudaha magaalada Rafax ayaa madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden uu ku dhowaaqay heshiis cusub oo Israel ay aqbashay.

Heshiiskan oo Biden uu gadaal ka riixayo ayaa ah mid xabbad-joojineed oo saddex weji leh, kaasi oo ay aqbashay Israa’iil, waxaana heshiiskaas ku jira in marka hore la joojiyo dagaalka muddo lix toddobaad ah, taasi oo looga gudbi doono wejiyo kale oo sahli doona in la gaadho heshiis xabbad-joojineed oo rasmi ah.

Wajiga koowaad waxaa ku jiri doona “xabad joojin buuxda oo dhameystiran,” ayuu sheegay Biden, xilli uu hadal ka jeedinayey Jimcihii Aqalka Cad ee Maraykanka.

Heshiiskan haddii la isla afgarto ayay ku jirtaa in ciidamada Israa’iil ay ka baxaan dhammaan goobaha ay dadku ku badan yihiin ee ku yaalla marinka Gaza, lana sii daayo qaar ka mid ah la haystayaasha, oo ay ku jiraan haweenka, waayeelka, dadka nugul iyo muwaadiniinta Maraykanka ah, halka dhinaca kalena la sii dayn doono boqollaal falastiiniyiin ah oo ku xidhan jeelasha Israa’iil.

Intaa waxaa dheer, Israa’iil inay ogolaan doonto in gargaar bini’aadannimo oo dheeri ah la geeyo marinka Qaza iyo in muwaadiniinta Falastiiniyiintu ay dib ugu laabtaan guryahooda laga barakiciyey oo ay ku jiraan Woqooyiga Qaza.

Marka la dhaafo heshiiska xabbad-joojinta ee soconaya muddada lixda toddobad ah, Biden ayaa ka digay in hore loo socdaa inay noqon doonto mid aad u adag.

Wuxuu sheegay in haddii uu si daacad ah u hadlo jnay jiraan waxyaabo kala duwan oo oo ay tahay in laga wada-hadlo si looga dhaqaaqo wejiga koowaad, looguna gudbo wejiga labaad.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in illaa inta wada-xaajoodyadu ay socdaan, si kasta oo ay ahaataba in xabbad-joojintu ay socon doonto, xittaa haddii wada-hadaladu ay soo jiitamaan muddada lixda toddobaad ee hore ee la qorsheeyey, isaga oo wacad ku maray in dhexdhexaadiyayaasha ka kala socda Maraykanka, Masar iyo Qatar inay sii wadi doonaan illaaa laga gaadhayo heshiis rasmi ah.

Biden ayaa sheegay in wejiga labaad lagu sii dayn doono dhammaan la haystayaasha gacanta ugu jira Xamaas, oo ay ku jiraan ciidamada laga qabsaday Israa’iil.

Halka ciidamada Israa’iil ay iyaguna ka bixi doonaan marinka Qaza. Biden ayaa intaas raaciyey in Israa’iil ay si dhamaystiran u joojin doonto colaadda, illaa inta Xamaas ay ka soo baxayso ballaanqaadyadeeda.

Biden ayaa sheegay in wejiga saddexaad oo ah kan ugu dambeeyaa inuu ka kooban yahay qorshe ballaadhan oo dib loogu dhisayo marinka Qaza, iyada oo meydadka la haystayaasha wixii ku hadhay dhinaca Qazana loo gudbin doono eheladooda.

Toddobaadyadii ugu dambeeyey waxaa la isku mari waayay wada-hadalada u dhexeeyey labada dhinac, iyada oo dhinac waliba uu ku eedaynayey dhinaca kale.

Khamiistii ayay ahayd markii ay Xamaas sheegtay inay dhexdhexaadiyayaasha ku wargelisay inay diyaariyeen heshiis dhamaystiran oo ay ku jiraan in maxaabiista la isdhaafsado, haddii Israa’iil ay joojiso dagaalka.

Biden ayaa ugu baaqay Xamaas inay aqbalaan heshiiskan cusub.

Inkasta oo Maraykanku uu soo bandhigay in la gaadho heshiis nabadeed ama ay hore uga digeen in Israa’iil ay weerarto Rafax, ama xataa maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay uga digtay Israa’iil inay sii waddo weerarka Rafax, haddana waxaa xaqiiqo jirta in Israa’iil ay sii ballaadhinayso weerarkeeda, iyada oo ciidamadoodu ay sheegayaan inay halkaas ka socdaan hawl-gallo kala duwan.

Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn cusub oo uu ka fuliyey Puntland + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in 31-kii bishan May lagu dilay duqeyn cusub oo ka dhacday deegaan ka tirsan maamulka Puntland 3 dagaal-yahan oo ka tirsan Daacish.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntan ay iska kaashadeen dowladda federaalka Soomaaliya.

Duqeyntan ayaa waxa ay ka dhacday deegaan fog oo ku dhow deegaanka Dhardhaar oo qiyaastii 81-KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

“Soomaaliya ayaa weli muhiim u ah ammaanka Bariga Afrika. Ciidamada Maraykanka ee Afrika waxay sii wadi doonaan tababaridda, la-talinta iyo qalabaynta ciidamada saaxiibada la asih, ay u soo qabtaan ISIS,” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM.

Ma jiro wax khasaare ah duqeyntan kasoo gaaray dadka rayidka ah, sida ay sheegtay AFRICOM.

Duqeyntan cusub ayaa imaneysa xilli toddobadkii hore ay dowladda federaalka Soomaaliya sheegatay duqeymo ka dhacay buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag, balse Puntland ay beenisay jiritaanka weerarkaasi ay masuuliyadiida sheegatay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Goor-dambe waxaa la xaqiijiyey in duqeymaha ay sheegtay dowladda federaalka ay buuraleyda Caalmadow ka dhaceen, balse Puntland ayaa beenisay oo sheegtay in dowladda federaalka aysan howlgal ka fuli karin dhulka Puntland.

Beenintaas ayaa timid kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegatay in duqayn ay iska kaashadeen saaxiibada caalamiga ah, ay ku dileen saddex ka mid ah horjoogeyaasha kooxaha Khawaarijta ah iyo 20 maleeshiyaad ah.

Arag: Sawirka ugu hadal-haynta badnaa baraha bulshada iyo sida uu ku billowday

Nairobi (Caasimada Online) – Sawir AI ama macmal ah oo muujinaya xeryo teendho ah oo Falastiiniyiin ah oo barakacayaal ay ku suganyihiin iyo hal-ku-dhigga ‘Indhaha oo dhan waxa ay kusii jeedaan Rafax ayaa si weyn u dhex socda baraha bulshada.

Sawirka waxaa la isticmaalay in ka badan 47 milyan oo jeer kuwaas oo ahaa isticmaaleyaasha Instagram oo ay ku jiraan dadka caanka ah sida Dua Lipa, Lewis Hamilton iyo Gigi iyo Bella Hadid iyo ciyaartoyda kubadda cagta qaarkood.

Muuqaalka iyo halku-dhigga ayaa noqday mid faafa ah ka dib markii ay Israa’iil duqaymo ka geysatay xero ay ku nool yihiin dad Falastiiniyiin ah oo ku barakacay magaalada Rafax ee koonfurta Qasa horaantii toddobaadkan.

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in ugu yaraan 45 qof ay ku dhinteen duqaymahaas boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Israa’iil waxay sheegtay inay beegsatay laba taliye oo Xamaas ah, waxaana laga yaabaa in dab khasaare badan dhaliyay uu ka dhashay qarax labaad.

Waxaa jirtay cambaareyn caalami ah oo si weyn loo cambaareeyay weerarka Israa’iil.

Dhacdadan ka dib, sawirka ayaa noqday mid si weyn loo arkayo ka dib markii nin dhalinyaro ah oo ku nool Malaysia uu soo dhigay bartiisa bulshada, BBC Arabic ayaa ogaatay.

Haddaba sidee buu sawirkani ku yimid?

Halkee buu ka bilaabmay hal-ku-dhegga indhaha oo dhan waxa ay ku jeedaan Rafax?

Dhacdadii dhimashada lahayd ee horraantii toddobaadkan ka dhacday Rafah ayaa horseeday in dadku soo dhejiyaan muuqaallada Richard Peeperkorn, oo ah wakiilka Ururka Caafimaadka Adduunka ee dhulka la haysto ee Falastiin, isagoo hadlaya bishii Febraayo.

Wuxuu u sheegay saxafiyiinta xilligaas in “indhaha oo dhan ay ku wajahan yihiin Rafah”, isagoo ka digay ciidamada Israa’iil ee weeraray magaalada.

BBC

Sawirro: Ciidamada DF oo fashiliyay qarax ay kooxda Al-Shabaab ku diyaarisay…

0

Buulo-mareer (CaasimadaOnline) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeedm gaar ahaan ururka 26-aad guutada 6-aad ee qaybta 60-aad ee ku sugan Shabeelaha Hoose ayaa maanta ka hortegay weerar qarax ah oo ay soo maleegeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa fashiliyay qarax ay kooxda ku diyaarisay waddada aada dhinaca beeraha ee magaalada Buulo-mareer oo ka tirsan gobolkaasi.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga ayaa lagu sheegay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa in qaraxaas ay ku dhibaateeyaann dadka mara waddadaasi, balse la fashiliyay.

“Miinadan ayey khawaarijtu damacsanaayeen in ku dhibateeyaan Shacabka Beeralayda ah ee ku dhaqan Buula Mareer balse damacii khawaarijta waxa hal bacaad lagu lisay ka dhigay geesiyaal ka mida Ururka 26-aad Guutada 6-aad qaybta 60-aad ee sugan Magaalada Buulo Mareer, kuwaas oo si nabad ah ku soo bixiyey Miinadii” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale taliska ayaa intaasi ku daray in ku guuleysteen in soo saaraan miinada, kadibna ay qarxiyaan, ayada oo aan gaystan wax khasaare ah.

Sawirrada miinadan ayay soo bandhigeen ciidamada howlgalkan sameeyay, kuwaas oo si xirfadeysan usoo furay miinada ay dhigeen Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 26-aad, guutada 6-aad, qaybta 60-aad Dhamme Faarax Xiirsi Cabdulle oo isna la hadlay warbaahinta wuxuu boggaadiyay ciidanka howlgalka sameeyay, wuxuuna sheegay inay sii wadi doonaan dadaalkooda ku aadan la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo inta badan weeraro ku qaado saldhigyada ciidamada dowladda.

Wararkii u dambeey dagaal culus oo ka socda degmada….

0

Bardaale (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka qarxay degmada Bardaale ee gobolka Baay, kaas oo u dhexeeyo ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad beeleed hubeysan.

Dagaalka ayaa hadda ka socda gudaha magaalada, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay weerar ku qaadeen degmada Bardaale oo ay ku sugnaayeen ciidanka Koonfur Galbeed.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka, kaas oo leh dhimasho iyo dhaawac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale dagaalkan ayaa saameyn ku yeeshay shacabka ku dhaqan magaalada oo argagax wayn dareemay, maadaama lagu kor dagaalamayo.

Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday oo u abaabulan hab beeleed ayaa horay magaalada looga saaray, kadib dadaallo la sameyay, si loo soo afjaro colaadda ka taagan halkaasi.

Bardaale ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka taagnayd colaad beeleed saameyn ku yeelatay shacabka ku dhaqan gudaha degmadaas oo ka tirsan gobolka Baay.

Si kastaba, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanada maamulkaasi.