Sawirro: Booliska oo soo bandhigay 10 dhalinyaro ah oo loo heysto dilka hal wiil

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka booliska saldhigyada degmooyinka Dharkenley iyo Wadajir ayaa howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay 9 dhallinyaro ah oo ku eedeysan dil wadareed ay u geysteen Marxuum Cabdi-Maalik Cali Cismaan oo 18 jir ahaa.

Taliska booliska gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in ragaan lagu bilaabay baaritaan adag, isla markaana lagu maxkamadey doono dilka loo heysto inay geysteen.

“Dadkaan waxaa ku socota baaris, waxaana la horgey doonaa Maxkamadda awokda u leh. Muwaadin hadii aad lakulanto fal danbiyeed ama uu kusoo gaaro waxaad la xariirtaa xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991 ama kusoo hagaaji banaadir@bolice.g.v.so.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliska gobolka Banaadir.

Booliska gobolka Banaadir ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay kordhiyey howlgallada ka dhan ah dembiyada abaabulan iyo anshax-xumada lagu baahiyo baraha bulshada.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa booliska ku amaanay sida ay u gudanayaan waajibaadkooda, maadaama ay bilaabeen ka hortagga dhaqan xumo ka socotay baraha bulshada oo muddo dheer laga digaayey.

Ugu yaraan 40 qof oo loo heysto dembiyo u badan in baraha bulshada ay ku baahinayeen muuqaalo anshax xumo ah ayaa loo taxaabay xabsiga toddobaadyadii lasoo dhaafay, kuwaas oo maxkamad sugayaal ah.

Taliska booliska Soomaaliya ayaa cadeeyey in dadkaas la horgey doono maxkamad, kadib markii ay ku sameeyaan baaritaan, dadka qaar ayaa hadda xiran in ka badan labo toddobaad.

Xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in booliska Soomaaliya uu qorsheynayo in dadkaan 45 cisho oo sharciga baaritaanka uu u ogolaanayo xabsiga lagu haayo, iyadoo kadibna la eegi doono sida laga yeelayo, balse hadda loo jaray xabsi ku heyn 45 cisho ah.