24.9 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Guddoomiyaha SODMA oo afar qodob kala hadlay Lafta-gareen + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaran ee (SODMA), Maxamuud Macallin oo gaaray magaalada Baydhaba ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Maxamuud Macallin ayaa madaxweyne Laftagareen kala hadlay afar qodob oo kala ah wax ka qabashada xaaladaha taagan ee bani’aadannimo, sidii gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka Koonfur galbeed iyo u diyaar-garowga sidii loo gacan qaban lahaa dadka ay saameeyaan dagaallada dalka lagu xoreynayo Al-Shabaab iyo door ku lahaanshaha barnaamijyada xasilinta.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday dardargelinta mashaariic loogu talagalay Koonfur Galbeed oo ay hay’adda SODMA fulin doonto iyadoo kaashaneysa wasaaradda gargaarka maamulkaasi.

Mashaariicdan intooda badan waxaan maal-geliyay Bankiga Aduunka, oo Soomaaliya ka taageera dhinacyo dhowr ah

Dhinaca kale waxaa kulankaan goobjoog ka ahaa Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush oo dhowaanahan Muqdisho ka waday dhaq-dhaqaaqyo xooggan.

Ugu dambeyn madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Hay’adda SODMA iyo hoggaankeeda ugu mahad-celiyay howlaha ballaaran ee ay dalka ka waddo, gaar ahaan howlaha bani’aadannimo ee ay ka fulisay deegaannada maamulkaas.

SODMA oo hay’ad ballaaran oo ka tirsan dowladda federaalka ayaa dalka oo dhan ka fuliso mashaariic kala duwan iyo gargaar qaybin, maadaama loogu talagalay wax ka qabashada xaaladaha bani’aadanimada iyo kuwa ka dhasha musiibooyinka, sida fatahaadaha.

Xogta duqeymo culus oo ka dhacay Qandala kadib beenintii Puntland – Yaa la beegsaday?

Qandala (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanada Puntland, qeymo diyaaradeed ayaa Jimcihii maanta ka dhacay aagga degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Duqeymo cirka ah ayaa lala beegsaday saakay aroortii fariismo ay maleeshiyada Daacish ku lahaayeen dhul buuraley ah uu u dhow degmada Qandala.

Dad ku sugan aagaas ayaa Caasimada Online u sheegay in ugu yaraan labo jeer ay duqayntu ka dhacday goobihii ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Daacish ee aaggaas Qandala fariisinka ku leh.

Weli lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay duqeyntaas, balse goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in dhulka la bartilmaameedsaday ay deganeed kooxda Daacish.

Maamulka Puntland ayaan weli ka hadal duqeynta maanta ka dhacday gobolka, mana jirto cid kale oo illaa hadda sheegatay masuuliyadda ama bixisay xog faahfaahsan, markii laga reebo dadka deegaanka oo Caasimada Online u xaqiijiyey inay maqleen duqeynta.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore sheegatay duqeymo ka dhacay buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag, balse Puntland ayaa beenisay jiritaanka weerar ay masuuliyadiida sheegatay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Goor-dambe waxaa la xaqiijiyey in duqeymaha ay sheegtay dowladda federaalka ay buuraleyda Caalmadow ka dhaceen, balse Puntland ayaa beenisay oo sheegtay in dowladda federaalka aysan howlgal ka fuli karin dhulka Puntland.

Beenintaas ayaa timid kadib markii Dowladda Soomaaliya ay sheegatay in duqayn ay iska kaashadeen saaxiibada caalamiga ah, ay ku dileen saddex ka mid ah horjoogeyaasha kooxaha Khawaarijta ah iyo 20 maleeshiyaad ah.

 

Taliyaha NISA Sanbaloolshe oo shir xasaasi ah ka furay degmada Maxaas + Video

Maxaas (Caasimada Online) – Taliyaha hey’adda NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa maanta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ka furay shir aayo ka tashi ah oo gogoshiisa uu isagu dhigay.

Taliye Sanbaloolshe ayaa gogoshaas u dhigay jifadiisa hoose ee Cali Madaxweyne ee beesha Xawaadle, isagoo kula taliyey inay aayahooda ka tashadaan oo sameystaan hoggaamiye dhaqameed ay isku raacsan yihiin.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in markii hore beeshaan uu Nabadoon u ahaa Cilmi Hagar Guure oo lagu dilay dagaaladii Al-Shabaab iyo beesha Xawaadle ku dhexmaray gobolka Hiiraan.

Taliyaha NISA ayaa shirka Maxaas ka furmay ka sheegay in jufadiisa Cali Madaxweyne ay talo iyo towfiiq lahaayeen markii ay galeen dagaalkii Al-Shabaab, balse hadda aysan jirin wax talo ah.

Sababta wuxuu ku sheegay in markaas uu noolaa Nabadoon Cilmi Hagar oo beesha ku hogaami jiray dagaalka Al-Shabaab, balse markii uu dhintay ay taladii meesha ka baxday ciduna aysan laheyn wax qorshe ah.

Meelaha uu Sanbaloolshe beeshiisa ku dhaliilay waxaa ka mid ah xaaladda magaalada Beledweyne, wuxuu sheegay in aysan jirin cid masuul ka ah amniga magaaladaas, maadaama aysan deganeyn dad talo ka dhaxeyso.

Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha Cali Madaxweyne ee Xawaadle ee shirka Maxaas isugu tegay ka dalbaday inay shirkaan ka soo saaraan go’aan ay ku mideysan yihiin, si wax looga bedelo xaaladda ka jirta gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, Taliyaha NISA wuxuu beeshiisa ka codsaday inay iska iloobaan wax kasta oo khilaafaad ah oo dhexdooda ka jira, isla markaana ay la yimaadaan talo mideysan oo ay isku maamulaan, beelaha kalena ay kula dhaqmaan.

Hoos ka daawo

 

Xogta saraakiil uu Turkiga u tababaray Soomaaliya oo dhowaan kusoo wajahan dalka

0

Ankara (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa tababar aqoon kororsi ah loogu soo xiray dalka Turkiga.

Saraakiishan ayaa muddo halkaasi ku qaadanayay koorsooyin la xariira barashada qibradaha muhiimka u ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku jira halganka dalka looga sifaynayo argagixisada.

Saraakiishan oo la filayo inay dhawaan dalka ku soo laabtaan ayaa la rajaynayaa in ay gacan wayn ka gaysan doonaan horumarinta howl-galada sifaynta ee ciidanka xoogga dalka wadaan ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo dhaman howl shaqeedyada kale ee ciidanka xoogga dalka qaranka.

Turkiga ayaa kamid ah dowlahadaha waa weyn ee taageero Soomaaliya, wuxuuna ka qayb qaataa dib u dhis ciidamada qalabka sida ee dalka.

Saraakiishan ayaa door muhiim ah ka qaadan doona dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka, kaasi oo heer geba-gebo ah uu marayo wejigiisa koowaad, oo kooxda looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado dhowr ah ku jiray gacantooda.

Maalmo kahor unbey aheyd markii magaalada Muqdisho tababar isticmaalka hubka culus ah saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsan ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Saraakiishan oo laga soo xulay guutooyinka iyo qeybaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa muddo la barayay isticmaalka hubka culus oo Llagama maar-maan u ah dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, xilli uu meel xasaasi ah marayo dagaalka Shabaab.

Somalia oo laga cafiyay deyn sanado lagu lahaa + Sawirro

0

Berne (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa maanta laga cafiyay deyntii ururka Midowga Boostada Adduunka (UPU), kadib wada-hadallo ka dhacay magaalada Berne ee waddanka Switzerland.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali) ayaa Berne kulan gaar ah kula yeeshay Mr.Masahiko Metoki Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) oo halkaas xaruntooda ah.

Socdaalka Wasiirka ayaa ahaa in Soomaaliya laga cafiyo deynta lagu lahaa oo ku dhow 2 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo isugu jirta qaaraanka xubinimada oo dhan Hal Milyan doolar iyo dulsaar aruurey ayaa ka soo billaabatay Sebtember 1982-kii illaa 2018-kii.

Agaasimaha Guud ee UPU, Mr. Masahiko Metoki ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyey deyntii lagu lahaa maadaama ay buuxisay Shuruudihii laga rabay.

Deyn-cafinta kadib Soomaaliya waxay si rasmi u noqotay Xubin buuxda oo ka tirsan Midowga Boostada Adduunka (UPU) iyadoo laga qaaday xannibaadii saarneyd.

Wasiirka Isgaarsiinta Xildhibaan Maxamed Soomaali oo sharraxayay qorshaha ay Wasaaraddu u dajisay soo-nooleynta Boostada ayaa sheegay in hawlo badan laga qaban doono dajinta siyaasadihii iyo qorshayaashii lagu hagi lahaa boostada dalka, tababarka iyo tayeynta shaqaalaha boostada, helitaanka agabkii lagu shaqeyn lahaa iyo dib-dhiska xarumihii boostada ee magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Ugu dambeyntiina wasiirka ayaa uga mahad-celiyay UPU taageeradii kala duwaneyd ee ay siisay Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay, kuwaas oo ay ka mid ahayd inay fududeysay in boostadu ay dalka timaaddo.

Inkasta oo ay xayiraad dalkeena ka saaran tahay in aan dalka dibeddiisa wax u dirno iyadoo wasaaraddu ku hoolantahay in la dhameestiro Qorshahaas.






IMF oo maanta Soomaaliya u fasaxday malaayiin dollar – Maxay tahay lacagtan cusub?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga sare ee hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa soo gaba-gabeeyay dib-u-eegistii 1-aad ee dhaqaalaha Soomaaliya, kadib hannaankii deyn-cafinta.

Guddiga sare ee IMF ayaa Soomaaliya u fasaxay, una ogolaaday in Soomaaliya si deg-deg ah loo siiyo lacag dhan 10 milyan oo doolar, si ay ugu taageeraan siyaasadda dhaqaale ee Soomaaliya.

Go’aanka gaba-gabada ah ee guddigu soo saaray ayaa lagu fasaxay lacagtaan cusub oo taageero u ah horumarinta siyaasadda dhaqaalaha iyo qorsheyaasha dib-u-habaynta maaliyadda dalka.

Kadib, shirar isdaba joog ahaa oo ay wada qaateen madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa hay’adda IMF, kulamadaas oo soo socday tan iyo December 2023-kii markii ay dowladda Soomaaliya gaartay bar dhamaadka deyn cafinta, ayay hada si rami ah ugu dhawaaqeen gudda sare ee IMF “in dowladda Soomaaliya ay ku socoto dhabbaha saxda ah ee horumarinta dhaqaalaha.”

Hay’adda IMF ayaa saadaalin wanaagsan ka bixisay hiigsiga 2024-ka halka lafilayo in uu gaaro dhaqaala Soomaaliya (GDB) oo ah 3.7 boqolkiiba, marka loo eego halkii uu taagnaa sanadkii tagay ee 2023-ka oo uu ahaa 2.8. boqolkiiba.

“Soomaaliya waxay sii waday in ay horumariso barnaamijyadeeda dib-u-habeynta Maaliyadda oo u ahaa ajande xoogan oo mudnaan gaar ah lasiiyay, sidoo kale, waxaa xooga la saaray joogteynta qorshayaasha horumarinta dakhliga iyo maamul wanaaga maaliyadda,” ayaa lagu yiri warbixinta IMF.

Taageerada $10-ka Milyan ee dollar ayey sheegtay IMF in la marin doono miisaaniyadda dowladda Soomaaliya, taasi oo ka dhigaysa wadarta guud ee taageerada maaliyadeed ee IMF ee Soomaaliya $50 milyan .

Sidoo kale waxay sheegtay hay’adda IMF in taageeradan ay waafaqsan tahay qorshaha horumarinta qaranka Soomaaliya iyo hiigsiga fog ee dowladda ee ku aaddan ilaalinta xasilloonida dhaqaalaha, xoojinta dakhliga iyo maamulka maaliyadda.

13-kii December ayey aheyd markii Soomaaliya si rasmi ah looga cafiyay guud ahaan deyntii uu caalamka ku lahaa, tan iyo markaas Soomaaliya ayaa haysatay fursad wanaagsan oo ay ku heli karto deeqo caalami ah iyo maalgashi ballaaran.

Ruto oo xog cusub ka bixiyay arrin muran dhalisay oo la xiriirta safarkiisi Mareykanka

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa markii u horeysay ka hadlay muranka ka dhashay lacagta ku baxday diyaarad khaas ah oo uu u isticmaalay safarkii uu ku tegay Mareykanka toddobaadkii tegay.

Ruto ayaa sheegay in kharashka ku baxay diyaaraddaasi ay aheyd $76,000, oo aysan aheyn $1.2 milyan, sida ay weriyeen warbaahinta Kenya.

Ruto ayaa sheegay in dal saaxiib la ah Kenya uu u yaboohay diyaarad raqiis ah kadib markii uu raadin sameeyey islamarkaana uu ka fakaray inuu isticmaalo diyaaradda dalka ee Kenya Airways.

Madaxweynaha ayaa toddobaadkii tegay Mareykanka ku tegay booqasho qaadatay afar maalin, halkaasi oo madaxweynaha Mareykanka ee marti-qaaday Joe Biden oo ku ammaanay “hoggaankiisa geesinimada leh.”

Wafdiga Ruto oo ka koobnaa ilaa 30 qof, oo ay ku jireen fannaaniin, jilayaal iyo majaajiliiste, ayaa ka caraysiiyay shacabka Kenya, sababo la xiriira qiimaha ku baxay, xilli uu isaga ku baaqay in la xakameeyo kharaashaadka.

Madaxweynaha ayaa Khamiistii sheegay inuu aad u ahaa “hoggaamiye mas’uul ah.”

Ruto ayaa goor sii horeysay sheegay inuu isticmaalka diyaarad khaas ah uu ka kharash yaraa inuu ku duulo diyaaradda Kenya Airways, isaga oo aan bixin caddeymo.

Ruto ayaa ku baaqayay in la dhimo kharashaadka ku baxa dowladda tan iyo markii shacabka ay ku cambaareeyeen maamulkiisa inuu kordhiyey canshuurta iyadoo aan la dhimin kharashaadka.

Dawladda ayaa kordhinaysaa cashuuraha badeecadaha aas-aasiga ah sannad maaliyadeedka soo socda iyadoo raadinaysa inay hesho $2.3 bilyan oo dheeraad ah si loo maalgeliyo miisaaniyadda.

Horaantii May, Ruto waxa uu difaacay canshuuraha cusub isagoo yiri: “Ma doonayo in aan madax ka noqdo dal ay ka jirto dhibaato deyn ah. Waa inaan dhimnaa kharashaadkeena.”

Cali Guudlaawe oo taariikh cusub qoray – Muxuu sameeyay?

0

Matabaan (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabad ay soo qaban-qaabiyeen maamulka degmada Matabaan, taas oo ka dhacday xarunta degmada.

Shacabka degmada Matabaan ayaa ka mahad-celiyay taariikhda uu u sameeyay Madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe.

“Waxaad na tusteen heer aan qiyaas laheyn oo la xariira dowladnimada Hirshabeelle. Waxaan hambalyo leeyahay bulshada Geri-jir oo ay u ansixiyeen golaha wasiirrada dowladda HirShabelle degmanimo,” ayuu yiri nadaxweynaha HirShabelle.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa guul iyo barwaaqo u rajeeyay shacabka uu xalay kula kulmay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Golaha Wasiirrada dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa shalay ansixiyay degmanimada Geri-jir, kadib shir aan caadi aheyn oo golaha ku yeeshay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka ayaa golaha geeyay hindise degmo loogu aqoonsanayo Geri-jir oo soo buuxisay shuruudihii degmo-nimo, iyadoo golaha xukuumada ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in Gerijir ay kamid noqoto degmooyinka maamulka HirShabelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu dambeyntiina bogaadiyay maamulka iyo bulshada reer Matabaan ee muujiyay midnimo iyo wadajir kana faa’iideysatay mashaariicda waxtarka u leh bulshada deegaanka.

Mowjadaha halista ah ee dul hoganaya DF ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Dowladda Federaalka Soomaliya (DFS) ee Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud oo 2 sano jirsatay waxaa dul hoganaya mowjado siyasadeed, dhaqaale, iyo nabadgelyo oo khatar ku ah geedisocodka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS). Tilmaamaha mowjadahaas waxaa ka mid ah:

1- Hakadka iyo Walaaca Xoogan ee laga qabo Gulufka Ciribtirka Al-Shabab wejigii kowaad ee Hirshabelle iyo Galmudug. Qiimeynno ku saabsan natiijada gulufkaas oo caalamka lala wadaagay waxay taageeren saadaashii guuldarro ee ay Hay’adda Xasaradaha Adduunka (International Crisis Group) shaacisay ka hor bilowga gulufka Ciribtirka Al Shabab. Hay’adda waxay saadaalisay in DFS iyo Dowlad Goboleedyada (DG) aysan ka guuleysan karin Al Shabab sababo ay soo bandhigtay. Is barbardhig Ciidammada Soomaliya iyo Al Shabab ee uu sameyay Professor Paul D. Williams ( The Somali National Army Versus Al Shabab – A Net Assessment) bishii Abrile 2024 wuxuu sheegay in libintu raaceyso Al Shabab. Waa dib u dhac laga tabaabushan karay.

2- Waxtar Yarida Dowladnimada Soomaaliya. 12 sano kaddib, waxtarka dowladnimada Soomaaliya beesha caalaamka taagerayay weli waa liita. Waxaa la saluugsan yahay shaqo fulinta iyo adeeg bixinta Dowladda heer federal, dowlad gobol, iyo dowlad hoose iyo  kala lahaanshaha iyo kala sarreynta awoodaha sharci dejinta, fulinta, iyo garsoorka. Waxaa laga cabanaya ku takrifalka awoodda Dowladda. Inkastoo la cuskanayo nidaamka federaalka, maalin kasta waxaa kordhaya caqabadaha iyo dareenka wiiqaya rajada hirgelinta nidaamka federaalka oo u baahan qeexid degdeg ah.  

3- Bixitaanka Ciidammada Afrika ee Nabad Ilaalinta (ATMIS) iyo Kalsooni yarida lagu qabo hogaaminta, kartida, iyo dishibiilinka Ciidammada DFS ee u xilsaaran Amniga iyo difaaca dadka iyo dalka. Dalalka Deriska waxay caalamka u sheegeen inay cabsi weyn ka qabaan khataraha ka imaanaya Soomaaliya haddii ciidammada Afrikaanka ah baxaan, taaso qiil u siineysa faragelinta Soomaaliya si ay isaga badbaadiyaan khatarahaas. Dowladda Mareykanka waxay ku tilmaantay heerka khatarka Soomaaliya 4 ayadoo khatarka ugu sarreysa tahay 5. Daraasad ka soo baxday Machadka Siyaasadda ee Imaraadka bishaan Maajo 24, 2024, ciinwaankeedu yahay “Expansion of the Islamic State in Puntland: A New Round of Jihadist Infighting in Somalia” waxay dhigeysa in Soomaaliya tahay goob ay ku dagaalamayaan  labada garab ee Argagixisada caalamka ee ku kala abtirsada Al Qaacida iyo Dowladda Islaamka iyo in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Puntland kala goosteen xiriirka, isla markaana ay taag daaran yihiin. Arrimahaas waxay cudurdaar u yihiin adeegsiga Cutubka VII ee Axdiga QM.

4- Dhaqaale xumo ka dhalatay arrimo isbiirsaday oo ay ka mid yihiin qalalaasaha adduunka ka taagan oo dhaliyay sicir barar, gulufka Ciribtirka Al Shabab, dhibaatooyinka isbeddelka cimilada, dagaallo sokeeye, khilaafaadka siyaasadda, burcad badeedka, deeq bixiyayaasha oo ka daalay (fatigue) taageridda Soomaaliya, natiijada deyn cafinta oo macnaheedu yahay cun deyntii laguu cafiyay, iyo cunaqabateyn ka timada maamulxumada deeqaha dibedda. Dowladda waxaa laga sugayay  dhismaha ciidan iyo maamul hanta nabadgelyada oo kharaj farabadan u baahan.

5- Dagaalka Laas Canood iyo Hargeisa oo saameyn xoog leh ku mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya. Waxaa kaloo dagaalkaas ku lammaan nooca xiriirka dowladnimo ee Muqdisho-Laas Caanood- Garowe-Hargeisa- ayadoo la fiirinayo qodobbada 1 (JFS), 7(dhulka JFS) , 8  (shacabka Soomaaliyeed), 9 (Magaala Madaxda JFS), 48  (qaab dhismeedka DFS), 49 (Tirada DG) , iyo 50 ( Mabaadi’da ee JFS) ee dastuurka kmg. Hirgelinta Nidaamka Federaalka waa inay taagerta midnimada JFS.

6- Khilaafka ka taagan dhammeystirka dastuurka kmg iyo diyaarinta doorasho xor iyo xalaal ah. Dhammeystirka dastuurka kmg waa arrin lel mudnaanta kowaad, hase yeeshe waa howl u baahan dadaal, daacadnimo, daahfuran, degdegsiimo, aqoon dhinacyo badan ku saleysan. Dal kama jiri karaan labo dastuur ama dastuur 4 cutub ah iyo dastuur 15 cutub ah. Dastuurka waa hal dokumenti, hal sharci.

7- Khilaafka la xiriira Madaxweynayaal (hogaamiyayaal) DG oo muddo xileedkoodii dhammaday, welina xukunka haysta. Muddo kororsi waa bilowga fowdo.

8- Saameynta Siyaasiin Soomaaliyed oo marti u ah Dowlado shisheeye ee ka mid ah taagerayaasha Beesha Caalamka ee DFS. Arrintaas waxay saameyneysa Madaxbannanida siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan

9- Madax Soomaaliyeed oo dano siyasadeed, dhaqaale, iyo amni ku leh dalalka deriska la ah Soomaaliya, dalalkaasoo Soomaaliya ka leh dano qaran, taaso wiiqeysa ilaalinta danaha qaranka Soomaaliya.

10- Heshiiska Is afgaradka dhexmaray Hargeisa (Somaliland) iyo Ethiopia ee ku saabsan dhul, saldhig ciidan badeed, iyo deked Ethiopia ku qaadaneyso dhulka JFS si Ethiopia ugu aqoonsato Hargeisa dowlad gooni u goosad ah ee ka madaxbannaan Soomaaliya. Heshiiska waa waxba kama jiraan. Haseyeeshe, dowladda Ethiopia waxay ku mashquulsan tahay hirgelinta danaheeda ayadoo aaminsan in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad qaran ee ay ka jirto dowlad qof ama qabiil. Wasiiru Dowladaha DFS wuxuu sheegay in dowladaha reer Galbeed u guuxayaan in Ethiopia hesho dhul iyo bad ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya, qaab sulux ah. Waxaa xusid mudan in Dowladda Kenya oo heshiis difaac la gashay Soomaaliya aysan aqoonsan go’aankii Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda (ICJ) ee badda Soomaaliya, taaso ah arrin welwelkeeda leh. Warar ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka ka shaqeyneyso in Soomaliya ka tanaasusho qayb ka mid ah dhulka iyo baddaa loo xukumay.

11- Khilaafaadka iyo is qabqabsiga ka dhex aloosan Madaxda DFS dhinac ah iyo DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo dhinac ah, taaso dhaawacday kalsoonida iyo karaamada DFS. Dad badan waxay aaminsan yihiin in khilaafka u dhexeeya Madaxda DFS yahay mid raalli laga yahay. Madax ka mid ah DFS waxay ka shaqeeyan kooxeysi iyo fidno qabiil.

12- Khilaafaadka laga dhex huriyay beelaha Gobolka Benadir, kaaso qabsaday baraha bulshada, kana soo horjeeda nidaamka dowliga ah. Waxaa muuqda walaac iyo niyad xumo ayadoo bulshada isweydiineyso  ujeedada laga leeyahay kala isku dirka, kala fogeynta, iyo colaadda sokeeye ee bulshada Soomaaliyeed.

13- Xiritaanka Xafiska UNSOM oo loo asaasay inuu Soomaaliya ka taagero, kalana taliyo dib u heshiisiinta iyo dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya. Xafiiska wuxuu tiir dhexaad u yahay helitaanka dhaqaale xoog leh si DFS iyo DG u gaaran heer Soomaaliya uga gudubto xaaladda burburka dowladeed ee kalliftay adeegsiga Cutubka VII ee Axdiga QM. Waxaa isweydin mudan in “Soomaaliya ka gudubtay xaaladda nabadgelyo xumo iyo burbur dowladeed ee ku xusan cutubka VII?

Wax ka qabashada mowjadaha dul hoganaya DFS waxay u baahan tahay:

(1) hogaamin geed fadhi ah, dareensan mowjadaha ku meegarsan Soomaaliya iyo danaha caalamka ee is diidaya, aaminsan dastuurka kmg iyo habraaca dejinta siyaasadda dowladda, ku dheggan danta guud, iyo

(2)  adeegsiga maamul guud oo karti leh, u xilsaaran qorsheynta iyo fulinta wax qabadka dowladda, ku xisaaabtamaya la xisaabtan dhab ah, ilaalinaya sharciga iyo danta guud. Haybadda dowladnimada Soomaaliya waxay ku xiran tahay hab dhaqanka wanaagsan ee Madaxda astaanta u ah.

Madaxweynaha dalka Kenya wuxuu ku celcelinaya inaan loo dooran inuu ka shaqeeyo dib u doorashadiisa ee loo doortay horumarinta dadkiisa iyo dalkiisa. Waa tusaale Wanaagsan oo mudan ku dayasho iyo ku camalfal.

Dr. Maxamud M Culusow
[email protected] 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Booliska oo maanta soo xiray Gabar kale oo caan ah oo loo haysto anshax xumo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Soomaaliya ayaa maanta soo xiray Faadumo Sahal Shariif oo caan ka ah baraha bulshada, taasi oo loo haysto falal anshax xumo ah.

Booliska ayaa sheegay in Gabadhaan la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh sida ugu dhaqsaha badan, sida lagu cadeeyey qoraal ka soo baxay Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

“Ciidanka booliska gobolka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Booliska Hodan ayaa soo xiray eedeysane Fadumo Sahal Shariif 19 jir kuna eedeysan in ay ku kacday falal anshax-xumo ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Sidoo kale waxaa lagu yrii “Muwaadin hadii aad la kulanto ama ay kusoo gaarto falal amaanka liddi ku ah la soo xiriir xafiiska Gurmad ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.”

Xalay ayey aheyd markii uu booliska soo xiray eedeysane lagu magacaabo Yaxye Xasan Maxamed, kaasi oo isna ku eedeysan in uu ku kacay falal anshax xumo ah.

Wiilkaas uu baraha bulshada ku faafiyey muuqaallo kasoo horjeeda Diinteena suuban ee Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed,” sida uu sheegay booliska.

Ninkan ayaa bartiisa TikTok ku baahiyey muuqaalo muujinaya dhaqan xumo weyn, isagoo qaadan jiray makarafoon, wuxuuna gabadhaha jidka maraya dhihi jiray “Waan rabaa, xagasha ii laab, waan kuu baahanahay” iyo kelmado kale oo xasaasi ah, muddo dheer ayey dadka reer Muqdisho farta ugu fiiqayeen booliska si ay u soo qabtaan, balse ugu dambeyn caawa ayaa lasoo xiray.

Sidaan oo kale booliska ayaa habeen hore u soo xiray Asmar Daahir Faarax oo isna ku eedeysan falal anshax-darro ah oo baraha bulshada u uku faafiyey, waxaa xabsiga la isugu geeyey dhalinyaradii baraha bulshada ku faafi jirtay muuqaalo mararka qaar dhaqan xumo toos ah muujinaya.

Intooda badan dhalinta lasoo xiray waxay caan ka ahaayeen barta TikTok, waxayna maalmo badan ku jiraan xabsiga, booliska ayaa sheegay in la horgeynayo maxkamad, si loogu soo oogo dacwado la xiriira eedeymaha loo heysto.

Muddo dheer ayaa laga digayey in baraha bulshada ay ku fasahaadiyaan dhalinyaro badan, hadda booliska Soomaaliya wuxuu fahmay shaqadiisa, maadaama uu yahay ilaaliyaha sharciga, waxaana bilowday howl-gal lagu soo afjarayo baahinta anshax-xumada oo dhalinyarada qaar ay caadeysteen.

Sweden oo shaacisay xeelad yaab leh oo Iran u adeegsatay weerar ka dhan ah Israel

Stockholm (Caasimada Online) – Hay’adda qaabilsan amniga gudaha ee Sweden ayaa ku eedaysay Iran inay isticmaashay budhcad ku sugan gudaha Sweden, si ay u bartilmaameedsadaan danaha Israa’iil iyo Yuhuudda.

Daniel Stenling oo ah madaxa qaabilsan ka hortagga sirdoonada dibedda ee hay’adda amniga Sweden ayaa eedaymahan u jeediyey Iran, xilli uu qabtay shir jaraa’id.

Wuxuu sheegay inay arrintani ahayd isku day ay doonayeen inay ku bartilmaameedsadaan danaha Israa’iil iyo kuwa Yuhuudda ee ku yaalla gudaha Sweden.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu jiro xiriir u dhaxeeya shabakado budhcad ah iyo shakhsiyaad ka hawl’gala hay’adaha amniga ee Iran.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa isku dayday inay arrintan wax ka weydiiso wasaaradda arrimaha dibedda ee Iran, hase ahaatee uma suurogelin.

Hay’adda amniga Sweden ayaa sidoo kale ku eedaysay Iran in maamulka waddankaasi uu qaadayo tallaabooyin ka dhan ah dadka kasoo horjeeda oo ay ku jiraan qurbe-joogta Iran, iyaga oo sidoo kalena bartilmaameedsanaya danaha dalalka kale.

Donald Trump oo lagu helay dhammaan 34-kii dambi ee lagu soo oogay – Maxaa xiga?

New York (Caasimada Online) – Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo lagu helo dambi Khamiistii, markii xeerbeegtida New York ay ku heleen dhammaan dambiyadii lagu soo oogay.

Trump ayaa waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriira inuu been abuur ku sameeyay dokumentiyo, si uu u qariyo lacag lagu aamusiyay haweeney sameysa filimada galmada, oo uu la seexday, ka hor doorashadii madaxweyne ee 2016-ka.

Kadib markii ay ka doodeen muddo laba maalmood ah, 12 xubnood oo xeerbeegti ah ayaa ku dhawaaqay inay Trump ku heleen dhammaan 34-ka eedeymo ee uu wajahay madaxweynihii hore.

Xukunkan ayaa Mareykanka ku riixaya xaalad hubanti la’aan kahor doorashada madaxtinimo ee la qorsheeyay 5-ta November, markaasi oo Trump oo ah musharraxa Jamhuuriga, uu isku dayi doono inuu Aqalka Cad dib ugala wareego Madaxweynaha Dimoqraadiga ah Joe Biden.

Trump oo 77 jir ah ayaa diiday inuu wax khalad ah sameeyay, waxaana la filayaa inuu racfaan ka qaato xukunka.

“Tani waxay ahayd wax laga xishoodo, tani waxay ahayd maxkamad la musuq-maasuqay oo uu sameeyay garsoore ku lug leh musuq-maasuq,” ayuu Trump u sheegay suxufiyiinta. 

“Xukunka dhabta ah wuxuu noqonayaa 5-ta November, waxaana gaari doona dadka,” ayuu yiri Trump, isagoo raaciyay: “Waxaan ahay nin aan waxba galabsan.”

Waxa uu wajahayaa ugu badnaan afar sano oo xabsi ah, inkasta oo dadka kale ee lagu helo dambigan ay inta badan helaan xukuno gaaban, ganaaxyo iyo waxyaabo ka qafiifsan gelitaanka xabsi

Xarigu kama hor istaagayo inuu u ololeeyo, ama uu qabto xilka haddii uu ku guulaysto.

Garoosaraha maxkamadda ayaa sheegay inuu xukunka ridi doono 11-ka July, oo ah 4 maalin kahor 15-ka July inta aanay Jamhuuriyiinta isugu tegin magaalada Milwaukee si ay si rasmi ah Trump ugu calmaan inuu yahay musharaxooda madaxweyne.

Dhinaca kale, ololaha madaxweyne Biden ayaa sheegay in xukunka uu muujinayo in qofna uusan ka sareyn sharciga, laakiin wuxuu xusay in Trump uu wali awood u leeyahay inuu u tartamo madaxweynenimada.

“Weli waxaa jirta hal dariiq oo kaliya oo Donald Trump looga ilaalin karo xafiiska Oval Office-ka oo ah sanduuqa cod-bixinta,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay ololaha Biden.

Khasaare xooggan oo ka dhashay toogasho ka dhacday magaalada Minneapolis

Minneapolis (Caasimada Online) – Ugu yaaan saddex qof oo uu ku jiro sarkaal bookis ah ayaa lagu dilay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, halka dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacay bartamaha magaalada, sida ay sheegeen maamulka magaaladaasi.

Katie Blackwell oo ah kaaliyaha taliyaha booliiska Minneapolis ayaa sheegtay in sarkaalka la toogtay magaciisa la yiraahdo Jamal Mitchell, oo ahaa sarkaal ku jiray sannadkiisii labaad ee shaqada.

Wargeyska Star Tribune ee kasoo baxa Minneapolis ayaa qoray in askari boolis ah ee la dilay uu ahaa 28 jir, halka sarkaal kalena ay xaaladdiisu aad u liidato kadib markii ay rasaas isweydaarsadeen eedaysanaha.

Wargeyska ayaa intaas ku daray in afar qof oo kale ay ku dhaawacmeen rasaas ka dhacday agagaarka guri dabaq ah oo ku yaalla xaafadda Whittier.

Wargeysku waxa uu sheegay in dhacdadan ay noqotay askarigii ugu horreeyay ee ka tirsan booliiska Minneapolis oo toogasho lagu dilo isaga oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo in ka badan 20 sano.

Mas’uuliyiinta magaalada Minneapolis ayaa sheegay in weli baaritaan lagu hayo sababta ka dambeysay weerarkan.

REUTERS + VOA

Soomaaliya oo sameynaysa sharci la xiriira AI xilli uu si weyn ugu faafayo dunida

0

Geneva (Caasimada Online) – Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali) ayaa ka qeyb-galaya Madasha WSIS20 oo lagu qabtay sanadkaan magaalada Geneva ee wadanka Switzerland.

Wasiir Maxamed ayaa kulan gaar ah la yeeshay Mrs. Doreen Bogdan-Martin Xoghayaha guud ee Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee ITU, kaasi oo kala hadlay arrimo dhowr ah.

Kulankaan oo diiradda lagu saara xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo ITU, ayaa looga hadlay horumarinta Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, dhiiri-galinta kor uqaadista xirfadaha dhijitaalka, sare u qaadista ICT-da iyo sidii sharciyo iyo habraac looga samenyn lahaa maamulka garaadka macmalka AI, maadaama si xowli uu ku socdo.

Wasiirka Isgaarsiinta Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin ayaa Xoghayaha guud ee ITU la wadaagay guulaha ay Soomaaliya ka gaartay isgaarsiinta iyo teknoolojiyada xilligaana xooga la saaraayo xirfadaha Dhijitaalka.

“Wasaaradda waxa ay go’aansatey in ay kor u qaaddo xirfadaha dhijitaalka, dhallinyarada waxaa la siinayaa tababar ku saabsan xirfadaha lagama maarmaanka u ah suuqa shaqada dhijitaalka,” ayuu yiri wasiirka.

Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira dardar-galinta casriyeenta nidaamka dowliga, iyada oo xooga la saaraayo dhijitaalka iyo adeega e-commerce iyo e-government oo xilligaan baahi weyn loo qabo.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli uu isa-soo tarayo walaaca ee ku saabsan Garaadka Macmalka ah ama Artificial Intelligence, ee muddooyinkii dambe sida weyn ugu faafayey dunida.

Muxuu madaxweyne Xasan ku dalbaday farriinta uu u diray Maxamed Bin Salmaan?

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fariin qoraal ah u diray dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Dhambaalka qoraalka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya uu diray ayaa ahaa mid uu ku dalbanayey xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Danjire Daahir Maxamuud Geelle oo dhambaalkaas loogu dhiibay dowladda Sacuudiga ayaa gaarsiiyey maanta.

Ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee arrimaha siyaasadda ee Boqortooyada Sacuudiga Daljire Sacuud bin Maxamed Al-Sati ayaa maanta kusoo dhaweeyay Danjire Dahir Maxamuud Geele xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Riyadh.

Ergayga ayaa halkaas looga guddoomay dhambaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu u diray Boqortooyada Sacuudiga, kaas oo lagu dalbanayey sii xoojinta xiriirka labada dal.

Saaxiibtinimada Sacuudiga waxay Soomaaliya u tahay muhiim, waxaana xusid mudan waligiisba uu wanaagsanaa xiriirka labada dal.

Sidoo kale Sacuudiga ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, kabka miisaaniyadda dowladda, mashaariicda, deeqaha iyo wixii lamid ah.

Dhaxalsugaha uu sida tooska ah ugu socdo dhambaalka Madaxweynaha Maxamed Bin Salmaan ayaa ah nin awood badan, wuxuuna hadda toos u maamulaa dowladda, maadaama uu xanuunsan yahay Boqorka Salmaan oo hadda da’ ah.

 

Ninkii gabdhaha dhihi jiray ‘waa rabaa iyo xagasha ii laab’ oo tallaabo culus laga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir, gaar ahaan Saldhigga Booliiska Degmada Hodan ayaa soo xiray eedeysane lagu magacaabo Yaxye Xasan Maxamed, kaas oo ku eedeysan in uu ku kacay falal anshax xumo ah.

Qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska ayaa lagu sheegay in wiilkaas uu baraha bulshada ku faafiyey muuqaalo kasoo horjeeda Diinteena suuban ee Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed.

Eedeysane Yaxye ayaa Taliska Booliska Soomaaliya waxa ay sheegeen in la horgeyn doono maxkamada awooda u leh, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Muuqaallo uu bartiisa TikTok ku baahiyey Yaxye ayaa muujinaya dhaqan xumo weyn, wuxuu qaada jiray makarafoon, wuxuuna gabadhaha jidka maraya dhihi jiray “Waan rabaa, xagasha ii laab, waan kuu baahanahay” iyo kelmado kale oo xasaasi ah, muddo dheer ayey dadka reer Muqdisho farta ugu fiiqayeen booliska si ay u soo qabtaan, balse ugu dambeyn caawa ayaa lasoo xiray.

Sidaan oo kale booliska ayaa xalay u soo xiray Asmar Daahir Faarax oo isna ku eedeysan falal anshax-darro ah oo baraha bulshada u uku faafiyey, waxaa xabsiga la isugu geeyey dhalinyaradii baraha bulshada ku faafi jirtay muuqaalo mararka qaar dhaqan xumo toos ah muujinaya.

Intooda badan dhalinta lasoo xiray waxay caan ka ahaayeen barta TikTok, waxayna maalmo badan ku jiraan xabsiga, booliska ayaa sheegay in la horgeynayo maxkamad, si loogu soo oogo dacwado la xiriira eedeymaha loo heysto.

Muddo dheer ayaa laga digayey in baraha bulshada ay ku fasahaadayaan dhalinyaro badan, hadda booliska Soomaaliya wuxuu fahmay shaqadiis, maadaama uu yahay ilaaliyaha sharciga, waxaa bilowday howlgal lagu soo afjarayo baahinta anshax-xumada oo dhalinyarada qaar ay caadeysteen.

Qoraal ka soo baxay booliska ayaa lagu yiri, “Sababta aan xooga u saareyno la dagalaanka Anshax xumada ayaa ah inaan aamisanahay in asluubta bulshada oo la dhiso ay tahay qeyb kamid ah dowladnimada. Waana qeyb kamid ah shaqooyinka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, sidaas darteed Waalidiinta Soomaaliyeed iyagana masuuliyad weyn ayaa ka saaran ubadkooda, waana in ay la xisaabtamaan kalana shaqeeyaan Ciidanka Booliiska sidii loo suuli lahaa falalka nuucaas ah.”

Ethiopia’s naval ambitions in northern Somalia – A pretext for undermining Somali sovereignty: Editorial

Mogadishu (Caasimada Online) – Ethiopia’s recent Memorandum of Understanding (MoU) with the breakaway region of Somaliland to establish a naval base is a calculated maneuver aimed at destabilizing the region under the guise of bolstering maritime security. This move, championed by the leader of Somaliland, purports to address the threats posed by Somali piracy and Yemen’s Houthi militants in the Gulf of Aden. However, this rationale fails to hold water and appears more as an opportunistic exploitation of regional security concerns.

Firstly, it is essential to scrutinize the legality of this MoU. Somaliland, despite its self-declared independence, remains internationally recognized as a part of Somalia. Thus, any agreements entered into by Somaliland without the consent of the Federal Government of Somalia are inherently illegitimate. Ethiopia’s engagement with Somaliland in this capacity not only contravenes international law but also undermines Somalia’s territorial integrity and sovereignty.

The Ethiopian naval base is presented as a strategic asset to combat piracy and militant activities. While these are legitimate security concerns, Ethiopia’s motivations warrant closer examination. Historically, Ethiopia has sought to expand its influence over the Horn of Africa, often at the expense of Somalia’s stability. The establishment of a naval base in Somaliland would effectively extend Ethiopian military reach into a critical maritime corridor, giving Addis Ababa a significant geopolitical advantage.

Moreover, the timing of this agreement is highly suspect. Somalia is on the cusp of securing a seat on the United Nations Security Council (UNSC), a position that would significantly enhance its influence on international security matters, including maritime safety. By creating a narrative around piracy concerns, Ethiopia could be attempting to pre-emptively undermine Somalia’s bid for the UNSC seat, casting doubt on Somalia’s ability to manage its own security affairs.

It is also worth noting the role of external actors, particularly the United Kingdom, in this equation. The UK’s backing of Ethiopia’s naval aspirations can be interpreted as a strategic alignment to curb Somali influence in international forums. This support, coinciding with Somalia’s potential elevation to the UNSC, suggests a broader geopolitical strategy aimed at reconfiguring power dynamics in the region to favor certain interests.

Ethiopia’s pursuit of a naval base in Somaliland, under the pretext of addressing piracy and militant threats, appears to be a strategic ploy to assert regional dominance and disrupt Somalia’s ascent on the global stage. It is imperative that the international community recognizes the illegitimacy of the MoU and supports Somalia’s sovereignty and its rightful position within the UNSC. Ensuring maritime security in the Gulf of Aden should be a collaborative effort led by the legitimate government of Somalia, rather than a unilateral endeavor driven by extraterritorial ambitions.

The main purpose of this is to create piracy concerns. Undoubtedly, the UK is supporting this initiative before Somalia secures a seat on the UNSC.

Furthermore, the narrative that a naval base in Somaliland is essential for combating piracy and militant activities is a gross oversimplification. While piracy remains a challenge, the international community, including Somalia, has made significant strides in mitigating this threat over the past decade. The introduction of a new naval base, particularly by a non-coastal state like Ethiopia, raises questions about the true intent behind such a move.

The notion that Ethiopia, which lost its coastline following Eritrea’s independence in 1993, is now seeking to establish a naval presence, speaks volumes about its geopolitical aspirations. Ethiopia’s ambition to exert control over the Gulf of Aden, a crucial maritime route, aligns with its broader strategy of regional dominance. By securing a naval foothold in Somaliland, Ethiopia not only seeks to project power but also to gain strategic leverage over its neighbors, including Somalia.

The timing of this development cannot be overlooked. Somalia is poised to secure a seat on the United Nations Security Council (UNSC), a position that would significantly bolster its influence on global security issues. Ethiopia’s move to establish a naval base in Somaliland appears to be a calculated effort to undermine Somalia’s emerging role on the international stage. By creating a narrative centered on piracy and maritime insecurity, Ethiopia aims to cast doubt on Somalia’s ability to manage its own security affairs, thereby weakening its bid for the UNSC seat.

It is also important to consider the role of external actors, particularly the United Kingdom, in this equation. The UK’s support for Ethiopia’s naval ambitions raises questions about its motives. Given the timing, it appears that the UK is aligning itself with Ethiopia to counterbalance Somalia’s potential influence on the UNSC. This strategic alignment suggests a broader geopolitical maneuver aimed at reconfiguring power dynamics in the region to favor certain interests over others.

Somalia’s sovereignty and territorial integrity must be respected. The international community has a responsibility to recognize the illegitimacy of the MoU between Ethiopia and Somaliland. Any attempt to establish a naval base in Somaliland without the consent of the Federal Government of Somalia is a violation of international law and must be condemned.

Ensuring maritime security in the Gulf of Aden is a legitimate concern, but it should be addressed through collaborative efforts that involve all relevant stakeholders, including Somalia. The establishment of a naval base by Ethiopia, a landlocked country, is not the solution. Instead, the focus should be on strengthening regional cooperation and enhancing the capabilities of existing maritime forces to address security challenges in the region.

Ethiopia’s pursuit of a naval base in Somaliland under the pretext of combating piracy and militant threats is a strategic ploy to assert regional dominance and disrupt Somalia’s ascent on the global stage. The international community must recognize the illegitimacy of the MoU and support Somalia’s sovereignty and its rightful position within the UNSC. Ensuring maritime security in the Gulf of Aden should be a collaborative effort led by the legitimate government of Somalia, rather than a unilateral endeavor driven by extraterritorial ambitions.

It is important  that the international community remains vigilant and does not fall for the pretext of security concerns used to justify unlawful actions. The focus should be on fostering genuine cooperation and supporting the legitimate government of Somalia in its efforts to maintain peace and security in the region. Ethiopia’s naval ambitions in Somaliland are a clear attempt to undermine Somali sovereignty and disrupt regional stability. This must be challenged and addressed with the seriousness it deserves.

Caasimada Online Editorial Team

Soomaaliya oo kaalinta 4 ka gashay liis ay ka horeeyaan Shiinaha, Sacuudi iyo USA

London (Caasimada Online) – Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in xukunnada dilka ah ee adduunka oo dhan ay sare u kaceen sanadka 2023-kii, isla markaana oo ay gaarayaan tiradii ugu badneyd muddo ku dhow toban sano ah, iyadoo sare u kac weyn uu ka jiro dalalka Bariga Dhexe.

Inta la ogyahay 1,153 oo dil toogasho ah ayaa la fuliyay sannadkii hore, kuwaas oo ahaa kuwii ugu badnaa ee laga diiwaan geliyo Guddiga Xuquuqda Adduunka tan iyo sannadkii 2015, iyada oo tiradanina ay korortay in ka badan 30 boqolkiiba marka loo eego 2022.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana tirada waddamada dilalka fuliya ay noqdeen kuwii ugu yaraa abid, sida ay sheegtay hay’adda fadhigeedu yahay UK.

Tirooyinkan kuma jiraan “kumanaan qof” oo la sheegay in lagu toogtay Shiinaha, iyo sidoo kale xukunno kale oo la rumeysan yahay in lagu fuliyay Waqooyiga Kuuriya iyo Vietnam, halkaas oo aan laga heyn xog ku filan.

“Waddamada ugu yar ee la diiwaan geliyey ayaa fuliyay tiradii ugu badneyd ee dil ee la ogyahay muddo ku dhow toban sano,” ayay Amnesty International ku tiri warbixinteeda sanadlaha ah ee mawduucan.

Waxa ay arrintan ku sababeeysay kororka “argagax leh” ee xukunnada dilka ah ee ka dhaca Iran, halkaas oo tirooyinka ay kor u kaceen ku dhawaad 50 boqolkiiba sannadkii hore.

Agnes Callamard, oo ah madaxa hawlgallada caalamka ee Amnesty International, ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Iran ay “xoojiyeen xukunada dilka ah ee dambiyada la xiriira daroogada”, iyadoo ciqaabtu ay si aan u dhigmin u saameyneyso bulshooyinka la takooro.

Shiinaha, Sacuudi Carabiya, Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa ah afarta waddan ee kale ee sanadkii hore laga fuliyay xukunnadii ugu badanaa.

Dalka Mareykanka, waxaa sare u kacay xukunada dilka ah sanadkii labaad oo xiriir ah. Sannadkii 2022 waxaa la dilay 18 maxbuus hadlka 2023 la dilay ilaa 24.

Shan gobol ayaa fuliyay xukunka dilka ah, kuwaas oo dhamaantood loo adeegsaday cirbadda lagu dhinto.

Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaamtay in boqolkiiba 20 ay kordheen tirada xukunnada dilka ah ee laga diiwaangeliyay adduunka oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, tirooyinkan ayaa muujiyay in 16 waddan oo kaliya ay diwaan galiyeen xukunno dil ah, taasoo ah mid aad u hooseysa abid.

Pakistan waxay meesha ka saartay xukunkii dilka ahaa ee lagu xukumi jiray dambiyada la xiriira daroogada, Malaysia waxay meesha ka saartay ciqaabta dilka ah ee qasabka ah ee dambiyada kala duwan.

DF Soomaaliya oo maanta madal caalami ah geysay xad-gudubka Itoobiya ee badda

0

Beijing (Caasimada Online) – Dowaladda federaalka Soomaaliya oo ka qayb-gashey shirka madasha iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ee ka socda magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ayaa halkaasi geysay mowqifka dowladda ee xad-gudubka Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo maanta khudbad ka jeediyay shirka 10-aad ee heer wasiir ee madashaasi ayaa caddeeyay in dowladda federaalka ay meel adag ka taagan tahay xad-gudubka xukuumadda Abiy iyo damaca guracan ee lasoo shir tagtay.

Wasiirka ayaa cambaareeyay xad-gudubka Itoobiya ee ka dhanka ah madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ee ku aadan heshiis beenaadkii ay galeen Abiy Axmed iyo madaxweyne Muuse Biixi.

Heshiiskan oo 1-dii Janaayo ee sanadkaan lagu saxiixay Addis Ababa ayaa waxaa si xooggan uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya, ayadoo dagaal diblumaasiyadeed adag la gashay Itoobiya, kaasi oo cadaadis horleh saaray xukuumadda Abiy oo weli aan ka fuqin damaca guracan ee ku dooneyso badda.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay dagaal ka xigto inuu dhaqan-gal noqdo heshiiskaasi oo Itoobiya siinaya qeybo kamid ah biyaheeda.

Itoobiya ayaa raadinaysay inay hesho bad tan iyo 1993-kii markii ay ka go’day Eritrea, taasi oo ka dhigtay dal aan bad lahayn.

Waxay u aragtaa heshiiska Somaliland inuu yahay mid lagu dhimi karo ku tiirsanaanta Jabuuti ee dhinaca badda, inkasta oo Mareykanka, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo Masar oo ay ku muransan yihiin Itoobiya biyo xireenka Niilka Buluugga ah ay ka digeen qorshahan inuu sii huriyo colaadda gobolka.

Si kastaba, heshiiskan ayaa meeshii u xumeyd gaarsiiyay xiriirka labada dal, ayada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay xiriirkii diblomaasi u jartay Itoobiya, islamarkaana dalka ka cayrisay safiirkii Addis Ababa u fadhiyey Muqdisho.

Sawirro: Sidee ayuu maanta Cali Dheer ugu soo gacan galay ciidamada dowladda?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Cali Guudow Maadey oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, ayaa maanta isku soo dhiibay ururka 47-aad ee Guutada 8-aad ee Taliska qeybta 60-aad ciidanka xoogga dalka.

Ninkan oo Al-Shabaab dhexdeeda looga garan ogaa Cali Dheer ayaa waxa uu muddo ka tirsanaa kooxda, isagoo ka qeyb qaatay dagaallo ay kooxda ku qaaday gobollo ay kamid yihiin Hiiraan iyo Mudug.

Cali Dheer ayaa sheegay in u tababarro kala duwaan ku soo qaatay goboladda Baay iyo Jubbada Dhexe, isagoo intaas ku daray in u dagaallo dhowr ah oo ka dhacay qeybo kamid ah goboladda Hiiraan, Galgaduud iyo qaar kamid ah Koonfurta Mudug ay argagixisada ku soo qaaday u ka qeyb qaatay.

Haatan ayuu isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Goof-gaduud Buurey oo ka tirsan gobolka Baay

Cali Guudow Maday ayaa ugu dambeyntiina saaxiibadiis ugu baaqay inay kasoo tagaan duurka ay jiraan oo ay isku soo dhiibaan laamaha amniga dalka.

Dowladda ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda oo isku soo dhiibay, kuwaasi oo inta badan sheega in lagu qalday fikrad Diimeed ay salkeeda soo taabteen in aysan waxba ka jirin iyo inay u adkeysan waayeen gulufka ay kooxda wajaheyso.

Si kastaba, Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda looga saaray deegaano horleh, inkasta oo ay weli ku sugan yihiin qeybo kamid ah dalka, xilli uu dib u dhacay wejiga labaad ee dagaalka oo horey dowladda u sheegtay inay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.