25.1 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Ujeedka kulan Muqdisho ku dhexmaray Soomaaliya iyo Qaramada Midoobe + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta Villa Somalia, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaaraha ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay.

Wafdigan oo ay horkaceysay agaasimaha barnaamijka Qaramada Midoobay ee deegaanka (UNEP Excutive Director) Marwo Inger Anderson oo dalka ku timid booqasho shaqo ayaa wada-hadalo saacado qaatay la yeelatay masuuliyiinta xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa la wadaagay agaasinka, duruufta adag ee ay dalkeenna u keentay isbeddelka cimilada iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in wax laga qabto.

Marwo Andersen ayaa dhankeeda ku ammaantay dowladda ahmiyadda ay siinayso wax ka qabashada xaaladaha ay sababtay isbedelka cimiladu, iyada oo sheegtay in ay dhankooda diyaar u yihiin la shaqaynta dowladda Soomaaliyeed.

Booqashada Andersen ayaa ah tii ugu horreysay ee ay ku timaado Soomaaliya tan iyo markii ay xilka qabatay.

“Ujeedada booqashadan ayaa ahayd in la xoojiyo xiriirka wada shaqeyn ee u dhexeeya UNEP iyo Soomaaliya, iyo in la dardar galiyo qorshayaasha horumarineed ee la xiriira waxkaqabashada dhibaatooyinka deegaanka iyo isbedelka cimilada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee Soomaaliya.

Inger Andersen ayaa sidoo kale kulan gaar ah xarunta wasaaaradda kula qaadatay wasiirka Wasaaaradda Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi, wasiir-dowlaha wasaaradda, agaasimaha guud ee wasaaradda iyo howl wadeenada wasaaradda.

Booqashadan ayaa ahayd mid miro dhal ah oo lagu xoojinayo xiriirka iskaashi ee labada dhinac. Wasiirka deegaanka Amb. Khadiija ayaa dhankeeda muujisay sida ay uga go’an tahay sii wadida wada shaqaynta iyo qorshayaasha wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka deegaanka iyo la dagaalanka isbedelka cimilada.

DF oo digniin u dirtay dadka baraha bulshada ku faafiya…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin kama dambeys ah siisay dadka baraha bulshada ku faafiya waxyaabaha kasoo horjeeda qawaaniinta dalka.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sheegay inay dowladda federaalka Soomaaliya marnaba raali ka ahayn habka xun ee loo adeegsanayo baraha bulshada iyo abuurada dhaqanka nuucaas ah.

”Dalkaan muddooyinkii ugu danbeysay xoriyaadda hadalka waxaa u ka joogay meel wanaagsan, qof maanta cabsi darteed awoodi waayay in uu  gudbiyo fariin u doonayay oo sax ah, sharcigana waafaqsan inuu jiro umalayn maayo sidan aaminsanahay, mabda’a xuquuqul insanka iyo xorriyadda hadalka halkaas ayuu naga yaalla,” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Al-Cadaala oo ka qeyb-galay dood looga hadlayay dadka sida qaldan u isticmaala barah bulshada ayaa waxa kale oo uu sheegay in dadka baraha bulshadda ka hadla ee dhanka qaldan u isticmaala ay saameyeen wacyi-galinta bulshada, taasi oo uu sheegay in aan marnaba la aqbali doonin.

“Waxaa la arkayaa idaacaddo ay ka socdaan Gabar qori sidata oo ku hanjabaysa in ay 200 oo dad ah dilayso, waxa nuucaas ah anshaxa iyo xeerarka saxaafadda midna ma ogola mana sameyn kartida,” ayuu yiri Al-Cadaala oo hadalkiisa si wata.

“Waa in aan kala saarno wixii anshaxa saxaafadda caalamiga ah ay isla aqoonsan yihiin iyo in aan ilaalino xorriyadda hadalkana. Dadka ay dowladda xirtay waxay ku kaceen wax ka baxsan xorriyada hadalka, anshaxa, Islaamnida, dhaqanka ummaddeed ka soo horjeeda ayeey ku kaceen, sharciga ayaana la geyn doona”.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay booliska Soomaaliya xabsiga dhigeen dhallinyaro baraha bulshada ku faafin jirtay aflagaado, anshax-xumo iyo kicin dadweyne, kaasi oo ugu dambeeyey Asmar Daahir Faarax oo xalay lagu xiray saldhigga degmada Hodan, kadib markii uu muuqaal anshax-xumo ah ku faafiyey baraha bulshada.

Xasan iyo socdaalka Nairobi: Maxaad ka ogtahay labada runta iyo halka beenta ah?

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Talaadaddii tegay magaalada Nairobi markii shanaad wax ka yar afar bilood.

Safarka madaxweynaha ayaa mucaaradka ku ladheen arrimo shidaal, balse waxaa taas beeninaya shirweynaha Bangiga Horumarinta Afrika, kaas oo leh qeyb heer madaxweyne ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inkasta oo lagu dhaliilo karo in uusan wax badan u hanbeynin ra’iisul wasaarihiisa Xamza Cabdi Barre, marka laga hadlayo safarada heerka sare, haddana safarkaan wuxuu leeyahay labo ujeedo oo isa saaran.

1. Ka qeyb-galka shirka Bangiga Horumarinta Afrika

Soomaaliya oo kamid ah dalalka dhaqaale ahaan qaaradda ugu hooseeya, raadineysana kobac cusub oo dhanka horumarka loo marayo waa u muhiim inay joogto shirkaan.

Xasan ayaa shalay ka qeyb-galay shirkaan, isaggoo ka sheegay.

2. Farriinta uu madaxweynaha Kenya ka keenay Mareykanka

Intii uusan madaxweynaha Kenya aadin waddanka Mareykanka 23-kii bishaan oo uu ka helay State-Visit, waxa uu Nairobi kula kulmay madax badan oo African ah oo uu ka qaadayay farriimo toos loo gaarsiinayo madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Waxa uu William Ruto noqday 16 sano kadib madaxweynihii u horreeyay ee African ah ee State-Visit ku tega Aqalka Cad. Waxaa ugu dambeeyay madaxweynihii hore ee Chana John Kavor, oo booqasho noocaasi ah ka helay Aqalka Cad.

Marwalba madaxweynaha hela booqashada noocaan ah waxaa laga wareystaa, farriimana loogu soo dhiiba guud ahaan qaaradda Afrika, gaar ahaan kuwa deriska la’ah waddankiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu safarkan ku jiro waxay gaar isku arki doonaan William Ruto, waxaana la filayaa inuu raadinayo natiijada ka timid Aqalka Cad, maadaama waxyaabaha Soomaaliya miiska u saaran aragtida Mareykanka looga maarmin ay kamid tahay bixitaanka ciidanka ATMIS, kuwaas oo qorshuhu yahay inay dalka ka baxaan bisha December ee sanadkaan.

Balse dowladdaha waaweyn ee taageera Soomaaliya ayaa ka walaacsan waxa ka dhalan kara bixitaanka ATMIS.

3. Kusoo noq-noqashada Xasan ee Nairobi

Midda saddexaad ee mucaaradka ku doodayaan waa in kusoo noq-noqashada Xasan Sheekh ee magaalada Nairobi inay la xiriirto faa’iido wadaag shidaal, maadaama ay Kenyanka rabaan in wax laga siiyo kheyraadka ku jira aaggii ay marhore maxkamadda cadaaladda adduunka u xukmisay Soomaaliya.

Laakiin arrintaan hadda laguma dhiiran karo oo Kenya weli ma aqbalin go’aankii maxkamadda, iyada oo aanay Kenya aqbalin go’aankaasna ma muuqato fursad looga doodi karo faa’iido wadaag xilli ay shirkado badan oo shidaal daneynayaan inay aaggaasi ka howl bilaaban.

FAHAD YAASIIN: Siyaasiga u dacwooday meytada

Doha (Caasimada Online) – Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Suxufiga isku rogay siyaasiga saameynta badan sanado yar gudahood ayaa maalmahan dib u qaatay qalinkiisa, wuxuuna dib u bilaabay qormooyinkii lagu yaqaanay isaga oo marba dhinac ka istaagaya dul-duleelada dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

Markan wuxuu Fahad Yaasiin cabasho u diray Allaha u naxariiste madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan, isaga oo ashkato ka ah madaxweynaha 10-aad Xasan Sheekh Maxamuud.

Fahad wuxuu markaan u doodaya Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh ka codsaday inay ka harto musharaxnimada guddoomiyaha ururka Midowga Afrika, si ay Soomaaliya u caawiso musharaxa ay Jabuuti wadato.

Doodda Fahad ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay daba-yaaqaddii sanadkii hore ka reebtay tartanka madaxweynaha baarlamaanka adduunka, si ay Soomaaliya u garab istaagto musharaxii Tanzania.

Labada xaalad mid Soomaaliya waxay ku sarifatay xubinnimada ururka Bulshada Bariga Afrika. Laakiin dhacdadaan cusub ee lagu caawinayo Jabuuti ma cadda waxa lagu beddeshay.

Taliyihii hore ee NISA, isaga oo la hadlaya madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan oo illaa hadda ku suntan hoggaamiyihii ugu hoggaanka iyo cadaaladda wanaagsana ee soo mara Soomaaliya wuxuu sheegay Fahad in madaxweynaha 10-aad Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay nin dadkiisi uga hiilinaya dowladdo shisheeye.

Haddii ay meytada soo jawaabi laheyd, waxaa hubaal ah in madaxda Soomaaliyeed ee mootani ay la anfariiri lahaayeen madaxweyne waddamo shisheeye uga hiilinaya dalkiisa iyo dadkii uu xukumayay, ayuu yiri Fahad oo farriintiisa ku socodsiiyay Aadan Cadde.

Ka sakow xirfada hab qoraalka, haddana waxaa dad badan ka yaabisay jihada uu Fahad usoo maray inuu dadka u sheego sida ay labadaasi dhacdo u saameynayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee uu ku jiro hanka caalamiga ah.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

DF oo wada-hadal la furtay 3 DAL oo waaweyn + Sawirro

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cise oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa kulamo kala duwan ka wada gudaha magaaladaasi oo uu uga qayb-galay shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika

Biixi ayaa kulamo doceedyo looga hadlay arrimaha dhaqaalaha dalka la yeeshay madax kala duwan oo  ka socotay dowladaha UK, Norway iyo Netherlands oo iyaguna ka qayb-galay shirweynahaasi.

Wasiirka maaliyadda ayaa si gaar ah ula kulmay Wasiirada Horumarinta Dowladaha UK iyo Norway, Mr. Andrew Mitchell Uk, Mrs. Bjørg Sandkjær Norway, waxayna wada-hadalkooda diiradda ku saareen mudnaanta dhaqaale ee Soomaaliya deyn cafinta kadib iyo taageerada horumarinta Maaliyadda.

Sidoo kale, wasiir Biixi ayaa la kulmay ergayga gaarka ah ee Bariga Afrika u qaabilsan dowladda Netherlands Mrs. Sanne Loewenhardt oo ka mid aheyd ka soo qayb galayaasha shirka Bangiga Horumarinta Afrika, wuxuuna ka hadlay arrimaha dhaqaalaha dalka.

Intii ay socdeen shirarkan gaar gaarka ah wasiirka maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay dhammaan dowladihii uu  madaxdooda la kulmay, qaabka wanagaasan ee ay uga soo qeyb qaateen geedi socodkii hannaanka isbaddalka maaliyadda Soomaaliya oo soo maray waddooyin kala duwanaa oo howl badan laga soo qabtay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dowladda federaalka ay sii wadi doonto dadaalkeeda ku aadan horumarimta dhaqaalaha dalka, ayada oo laga faa’iideysanayo dayn-cafinta oo markii hore caqabad ku ahayd maalgashiga dalkeenna.

Soomaaliya ayaa haatan kasoo kabaneysa burburkii ku dhacay dowladdii dhexe kadib, waxayna haatan qaaday dhowr tallaabooyin oo la bogaadiyay, sida deyn-cafinta, qaadista cunaqabateynta hubka iyo ku biirista suuqa bariga Afrika oo isna ah mid muhiim ah.

Kooxda Daacish oo sheegatay qarax ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegatay inay ka dambeysay weerar loo adeegsaday qarax miino oo Talaadadii ka dhacay qaybo kamid ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Daacish oo qoraalkeeda ku baahisay Internetka ayaa ku sheegtay in qaraxaasi ay la eegatay ciidamo ku sugnaa bar koontarool oo ku taalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaar isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Kooxda ayaa sheegatay inay weerarkan ay ku dishay ugu yaraan 2 askari, ayna ku dhaawacday 4 kale oo kamid ahaa ciidamadii ku sugnaa koontaroolka la qarxiyay.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay inay sii wadi doono weeraradeeda iyo beegsiga ay ku hayso ciidamada ammaanka iyo dadka kale ee u shaqeeyo dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan sheegashada kooxda Daacish ee ku aadan miinada ku qaraxday degmada Dayniile.

Inta badan Daacish ayaa weeraro gaadmo ah iyo dilal qorsheysan ka fuliso gudaha caasimada, balse wa kuwa kooban, maadaama ay dagaalyahannadeeda ay si dhumaaleysi ah uga howlgalaan magaalada Muqdisho.

Daacish, faraceeda Soomaaliya ayaa ku xoogan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka waddo dhul ballaarsi, waxayna marar badan isku dhaceen Al-Shabaab, kadib dagaallo ku dhex-maray halkaasi.

Sawirro: Xamza oo Balcad u tegay hirgelinta mashruuc ay Qatar maal-gelinayso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ku tagey Balcad kormeer lagu dardar-gelinayo billowga wajiga saddexaad ee waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay faa’iidada ay waddadan leedahay ayaa carrabka ku adkeeyay in ay tahay mid muhiim ah oo fure u ah ganacsiga, kor u qaadidda dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mashruucan dhismaha waddo uu door muhiim ah ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada aas-aasiga ah, iyada uu tilmaamay inay yareyn doonto waqtiga safarka iyo kharashka.

Mudane Xamza oo warbixin ku saabsan halka uu marayo diyaar-garowga wajiga saddexaad ka dhageystay Injineerada gacanta ku haya dhismaha waddada, ayaa uga mahad-celiyey dowladda Qatar ee maal-gelisay mashruucan, Injineerada iyo shaqaalaha dhisaya waddada, kuwaasi oo u huray naftooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa kale oo uu sheegay in Soomaaliya ay mareyso marxalad muhiim ah oo ay ka guuleysatay argagixisada, islamarkaana la xaqiijiyey guulo waaweyn oo dalka u horseedaya maalgashi.

“Si loo helo maal-gashiga waxaa lagama maarmaan u ah in dalku uu yeesho kaabayaasha muhiimka ah ee ay kamid yihiin jidadka iyo korontada,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kormeerkan ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha ku wehlijayey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Taliyayaasha Ciidamada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Safiirka Dowladda Qatar.

Si kastaba, Mashruucan ayaa ka kooban saddex qeybood oo lagu dhisayo waddooyinka isku xiraya Muqdisho-Afgooye, Muqdisho-Balcad iyo Balcad-Jowhar, iyada oo la soo gabagabeeyey labadii waji ee hore oo isku xireyey Muqdisho-Balcad iyo Muqdisho-Afgooye.

Booliska oo shaaciyay arrin cajiib ah oo ku kaliftay inuu soo xiro dadkii ugu badnaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska magaalada Muqdisho ayaa soo xiray dad ka badan 40 qof toddobaadkii ugu dambeeyay, kuwaasi oo ku eedeysan falal lidi ku ah amniga, kicin dadweyne iyo faafin anshax xumo.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo qoraal soo saaray ayaa shaaciyay in sababta ka dambeysa inay soo xiraan dadkaas aadka u badan maalmo gudahood, taasi oo uu ku sheegay inay qeyb dowladnimada kamid tahay.

“Sababta aan xooga u saareyno la dagalaanka Anshax xumada ayaa ah inaan aamisanahay in asuubta bulshada oo la dhiso ay tahay qeyb kamid ah dowladnimada,” ayaa lagu yiri qoraalka oo lagu baahiyay bogga Facebook ee Taliska Qaybta Guud ee Booliska gobolka Banaadir.

Dadkan oo dhammaantood horey uga soo muuqday telefishano maxali iyo baraha bulshada ayaa jeediyay haddallo ay ku durayaan go’aanno maxakamadeed oo soo baxay, hanjabaado loo jeediyay madaxda dowladda iyo warar u muuqaday kicin qabyaaladeysan.

Dadka 40-ka qof ka badan ee boolisku soo xiray, intooda badan waxa lagu soo xiray isla dharkii ay xirnaayeen markii ay muuqaalladooda soo dhigayeen barraha bulshada, taasi oo fal-celin badan ay ka sameeyeen dad kale duwan.

Hoos ka aqriso qoraalka booliska

Sababta aan xooga u saareyno la dagalaanka Anshax xumada ayaa ah inaan aamisanahay in asluubta bulshada oo la dhiso ay tahay qeyb kamid ah dowladnimada.

Waana qeyb kamid ah shaqooyinka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, sidaas darteed Waalidiinta Soomaaliyeed iyagana masuuliyad weyn ayaa ka saaran ubadkooda, waana in ay la xisaabtamaan kalana shaqeeyaan Ciidanka Booliiska sidii loo suuli lahaa falalka nuucaas ah

Ciidanka Booliiska waa Hooyada Ciidamada Qalabka sida, waana ciidankii ugu horeeyay ee dalkeennu yeesho, ciidanka Booliisku waa Barbaariye, dhise iyo Badbaadiye.

Wada shaqeen wacan Bulshooy.

MAHADSANIDIIN

Xog: SHARIIF iyo FAHAD oo wada-hadallo ku leh Turkey iyo isbaheysi la dhisayo

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Fahad Yaasiin, agaasimihii hore ee hay’adda NISA iyo la-taliyihii amniga qaranka madaxweyne Farmaajo, ayaa wada-hadal ku leh dalka Turkiga, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka looga hadlayo sidii isbaheysi siyaasadeed ay u sameysan lahaayeen labada dhinac kaasi oo ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh, oo hadda mudo xileedkiisu galay sanadihii dhammaadka.

Wararka ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin uu kulankan uga wakiil yahay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddii labada dhinac ay si rasmi ah u dhistaan isbaheysi, waxa uu wax weyn ka beddeli karaa saaxada siyaasadeed ee Soomaaliya, wuxuuna caqabad xooggan ku noqon karaa madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba ma cadda, haddii isbaheysigan uu ku egyahay kaliya kahor doorashada iyo haddii uu labadii madaxweyne ee hore uu mid tanaasuli doono si loo dhiso midka kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan waxaa u billowday sanadkii saddexaad ee muddo xileedkiisa, inkasta oo ay muuqdaan calaamado muujinayaa inuu doonayo muddo kororsi.

Labadii sano ee uu xilka haye madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa hareeyey eedo ku saabsan isku day muddo kororsi iyo dhul boob, halka dagaalkii Al-Shabaab ee bilihii hore dardarta ku billowday uu u muuqdo in laga tanaasulay. Si kastaba, amniga caasimadda ayaa mudadaas soo hagaagay.

Farmaajo iyo Shariif ayaa la sheegayaa inay diiradda saarayaan xeelado siyaasadeed oo mideysan oo lagu wajaho Xasan Sheekh.

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda caafimaad ee boqorka Sacuudi Carabiya

Riyad (Caasimada Online) – Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa shir guddoominayay kulanka golaha wasiirada Talaadadii, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, taasoo noqoneysa markii ugu horreysay oo boqorka Sacuudiga lagu soo warramo inuu qabtay howlo rasmi ah tan iyo markii la daweeyay in ka badan toddobaad.

Boqorka oo 88 jir ah, oo ah ilaaliyaha labada masaajid ee barakeysan, ayaa noqday hoggaamiyaha dalka ugu weyn ee dhoofinta shidaalka adduunka sannadkii 2015. Waxa uu hore u ahaa dhaxal sugaha iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka boqortooyda.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa laga dhex arkay sawirada, isagoo guddoominaya shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, kaasoo ahaa muuqaal laga soo duubay.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan ayaa sidoo kale laga arkay kulanka, isaga oo ay weheliyaan wasiirrada kale ee Sacuudiga oo uu ka mid ahaa walaalki, Wasiirka Tamarta Amiir Cabdilcasiis Bin Salmaan.

Goor hore waxaa la sheegay in Boqor Salmaan uu heli doono daryeel caafimaad sababo la xiriira caabuqa sambabada.

Amiir Maxamed bin Salmaan ayaa markii dambe dib u dhigay booqasho rasmi ah oo uu ku tagi lahaa Japan xaalad caafimaad oo boqorka awgeed.

Ilo wareedyo ayaa goor sii horeysay u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in Amiirka dhaxalsugaha ah sidoo kale lagu wado inuu booqdo Shiinaha.

Reuters + VOA

Sawirro: Xubno Al-Shabaab ah oo isku soo dhiibay NISA

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliya ee ka howlgala deegaanasa Koonfur Galbeed ayaa maanta soo bandhigay saddex xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay dowladda federaalka Soomaaliya.

Saddexda xubnood ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Ibraahim Xuseen Maxamed, Nuur Maxamed Abuukar iyo Yare Cali Xuseen oo dhammaan ah wiilal dhalinyaro ah oo ka barbar dagaalamayay kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa NISA ee jooga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweeyay xubnahan oo mari doono habraaca isa soo dhiibayaasha kasoo goosta Al-Shabaab.

Xubnahan oo loo soo bandhigay warbaahinta ayaa sheegay inay ka howlgali jireen gobollada Baay, Bakool, Shabeelaha Hoose iyo Hiiraan, isla markaana ay ka qayb qaateen dagaallo kala duwan oo ka dhacay gobolladaasi.

Sidoo kale wareysiyo laga qaaday ayaa waxa ay ku sheegeen inay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka Shabaab ku haysta duurka, waxayna saaxiibadooda ugu baaqeen inay isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana weeraro iyo qaraxyo ay ka fulisaa deegaanada maamulkaasi,

Wejiga labaad ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa haatan ku wajahan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, si looga xoreeyo dagaalyahanada kooxdaasi.

Si kastaba, xubnaha kasoo goosanaya Al-Shabaab ayaa haatan soo badanaya, waxaana loo sababeynayaa gulufka dagaal ee ay ku qaaday dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka, gaar ahaan Macawiisleyda.

Carruur walaalo ah oo ku dhintay kuna dhaawacmay dab ka kacay Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dab khasaare dhimasho iyo dhaawac gaystay oo xalay ka kacay gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland.

Dabka ayaa qabsaday guri jiingad ah oo ku yaalla xaafadda magaalo Jimcaale, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday carruur walaalo ah, sida uu shaaciyay taliska ciidanka dab damiska Somaliland.

Sacad Jimcaale Cabdi oo 3 sano jir ahaa ayaa dhintay, halka uu dhaawac kasoo gaaray dabkaas walaalkiis ka wayn Subeer Jimcaale Cabdi oo isna 5 sano jir ah, sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxay ciidanka dab damiska Somaliland.

Sidoo kale taliska ayaa sheegay inay ku guuleysteen daminta dabkaasi, kadibna ay maydka iyo dhaawaca kasoo saareen halkaasi.

“Ciidamada Dabdemiska ayaa si degdega goobtaas u gaadhay gurigaas kana koobnaa lix makhsin, waxaana ciidamadu bilowgii damiyeen dabka, intaa kadib Ciidamada ayaa Maydka Wiilka yar ka soo saaray Guriga iyo wiilka kale ee dhaawacmay oo ciidamadu gaadhsiiyeen cisbitaalka weyn ee Hargeysa. Wiilka yar ee dhintay ayaa ahaa saddex jir magaciisuna ahaa Sacad Jimcaale Cabdi iyo Subeer Jimcaale Cabdi oo dhaawacmay da’adiisuna ahayd shan jir” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa kiiskan la wareegay ciidamada Booliska Somaliland, gaar ahaan laanta dambi baarista, waxaana maydka la geeyay xarunta C.I.D, si baaris loogu sameeyo.

Dhinaca kale ciidamada dab damiska Somaliland ee sameeyay howlgalkan ayaa farriin u diray shacabka, waxayna ugu baaqeen in aan carruurta kor looga xirin guriga, marka ay laga tegayo.

“Ciidanka Dabdemisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada in aanan caruurta guryaha dusha lagaga xidhin. Sidoo kale dadweynuhu yaanay ku soo buuqin goobaha dabku ka socdo, hakana feejignaadaan halista dabka xilliga xagaaga” ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Somaliland waxaa ku badan gubashada, waxaana dhowr jeer oo hore sidaan oo kale uu dab uga kacay magaalada Hargeysa, kaas oo gaystay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo baaxad leh.

BOOLISKA oo soo bandhigay WIIL kale oo caan ah oo loo haysto kiis anshax-darro ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Hodan ayaa soo xiray Asmar Daahir Faarax oo ku eedeysan falal anshax-darro ah oo kasoo horjeeda diinteena suuban ee Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed.

Qoraal ka soo baxay Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in wiilkaan loo heysto eedeymo culus oo dhaqan-xumo ah, isla markaana sharciga la hor gey doono.

Sidoo kale booliska ayaa bulshada ka codsaday in lagu garab-siiyo la dagaalanka anshax-xumada, iyadoo lagu soo war-gelinayo booliska, si ay tallaabo uga qaadaan.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in u jeedka ugu weyn ee qorshahaan laga leeyahay uu yahay in la badbaadiyo mustaqbalka jiilka soo koraya, maadaama dhalinyarada baraha bulshada wax ku baahisay ay qaarkood faafiyaan muuqaalo anshax xumo ah, si ay daawasho badan u helaan.

“Waxaan ka codsaneynaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimada iyo hareeraheeda in ay nasoo gaarsiiyaan xogta halka ay ku suganyihiin shakhsiyaadka ku kaca falalka anshax darrada ah, si aan u wada badbaadino mustaqbalka jiilka soo koraya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Asmar Daahir oo lagu soo sawiray dharkii u uku duubay muuqaalkii ugu dambeeyey ee sababay in lasoo xiro ayaa ku biiraya koox dhalinyaro ah oo u xiran booliska, kuwaas oo loo heysto muuqaalo anshax-xumo ah oo baraha bulshada ay ku baahiyeen.

Intooda badan dhalintaasi waxay caan ka ahaayeen barta TikTok, waxayna maalmo badan ku jiraan xabsiga, booliska ayaa sheegay in la horgeynayo maxkamad, si loogu soo oogo dacwado la xiriira eedeymaha loo heysto.

Muddo dheer ayaa laga digayey in baraha bulshada ay ku fasahaadayaan dhalinyaro badan, hadda booliska Soomaaliya wuxuu fahmay shaqadiis, maadaama uu yahay ilaaliyaha sharciga, waxaa bilowday howlgal lagu soo afjarayo baahinta anshax-xumada oo dhalinyarada qaar ay caadeysteen.

Dalalka aqoonsan FALASTIIN oo ay tiradoodu gaartay 145

0

Paris (Caasimada Online) – Dagaalka ay Israa’iil ku qaadday Qaza tan iyo weerarkii 7-dii October ayaa dib usoo nooleeyay dadaalka caalamiga ah ee lagu doonayo in Falastiiniyiinta la siiyo dowlad ay iyagu leeyihiin.

Norway, Spain iyo Ireland ayaa Talaadadii noqday dalalkii ugu dambeeyay ee aqoonsada dawladda Falastiin, iyaga oo jabiyay aragtidii ay muddada dheer ay qabaan quwadaha reer galbeedka ee aheyd in Falastiiniyiintu ay heli karaan oo keliya dawlad qayb ka ah nabad lagala xaajoodo Israa’iil.

Tallaabadan oo ka caraysiisay Israa’iil, ayaa 145 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee aqoonsaday dawladda Falastiin ay ku biireen Norway, Spain iyo Ireland.

Waxaa ku jira dalalka aqoonsan Falastiin wadamo badan oo ku yaalla Bariga Dhexe, Afrika, iyo Aasiya, laakiin kuma jiraan Maraykanka, Canada, inta badan Galbeedka Yurub, Australia, Japan, iyo Koonfurta Kuuriya.

Bishii Abriil, Mareykanka ayaa u adeegsaday codka diidmada qayaxan ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si uu u hor istaago isku dayga Falastiiniyiinta inay xubin buuxda ka noqdaan Qaramada Midoobay.

Dalalkani waxay aamin yihiin in Falastiiniyiintu ay ay dhistaan dawladooda:

-1988-kii: Ku dhaawaqistii Carafaat ee asaasay dowladda Falastiin-

Bishii Noofambar 15, 1988, intii lagu guda jiray kacdoonkii Intifada ee ugu horeysay ee Falastiin, hogaamiyahii Falastiin Yaasir Carafaat wuxuu si keligiis ah ugu dhawaaqay aasaaska dawlad madax banaan oo Falastiiniyiin ay leedahay oo ay caasimad u tahay Qudus.

Arrintan ayaa lagaga dhawaaqay dalka Algeria, intii lagu guda jiray shir ay yeesheen Golaha Qaranka Falastiiniyiinta ee dibad-jooga ah, kaas oo hadaf ahaan u qaatay xal laba dawladood ah, oo ay is barbar socdaan dawlado madaxbannaan oo Israa’iil iyo Falastiiniyiin ah.

Daqiiqado kadib, Algeria waxay noqotay waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada dawlad madax-bannaan oo Falastiiniyiin ah.

Toddobaadyo gudahood, tobannnaan waddan kale ah ayaa iyaguna aqoonsaday Falastiin, kuwaas oo ay ku jiraan inta badan dunida Carabta, Hindiya, Turkiga, inta badan Afrika, iyo waddamo badan oo Bartamaha iyo Bariga Yurub ah.

Mowjadda xigtay ee aqoonsiga Falastiin ayaa timid dabayaaqadii 2010-kii iyo horraantii 2011, xilligaasi oo dhibaato ay ka jirtay hannaanka nabadda ee Bariga Dhexe.

Waddamada Koonfurta Ameerika, oo ay ku jiraan Argentina, Brazil iyo Chile, ayaa ka jawaabay baaqyada Falastiin ee lagu taageerayo sheegashadooda dawladnimo.

Arrintan ayaa jawaab u ah go’aankii Israa’iil ay ku soo afjartay xayiraaddii ku meel gaarka ahayd ee ay Yuhuuddu ku soo rogtay deegaamaynta ay ka dhisteen Daanta Galbeed ee la haysto.

-2011-2012: Aqoonsiga Qaramada Midoobay-

Sannadkii 2011-kii, iyadoo wadahadallada nabadeed ay istaageen, Falastiiniyiintu waxay horay ugu sii wadeen ololahooda ku aaddan inay si buuxda uga mid noqdaan Qaramada Midoobay si ay u dhistaan dowlad Falastiin ah.

Dadaalkaasi wuu guuldarreystay, balse tallaabo dhaxal gal ah oo dhacday 31-kii Oktoobar ee sanadkaas, hay’adda Qaramada Midoobay ee UNESCO ayaa u codeysay in Falastiiniyiintu ay xubin buuxda ka noqdaan.

Iyagoo ka jawaabaya tallaabadaas, Israa’iil iyo Maraykanku waxay hakiyeen dhaqaalihii ay siin jireen hay’addaas. Waxay si toos ah uga baxeen UNESCO 2018, inkastoo Maraykanku uu dib ugu biiray sannadkii hore.

Bishii Nofembar 2012, calanka Falastiin ayaa markii ugu horreysay laga taagay Qaramada Midoobay ee New York kadib markii Golaha Guud uu si aqlabiyad leh ugu codeeyay in sare loo qaado maqaamka Falastiiniyiinta oo laga dhigo “dal goobjooge ah oo aan xubin ka ahayn golaha.”

Saddex sano kadib, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada waxay sidoo kale aqbashay in Falastiin ay tahay xisbi dawladeed u doodaya xuquuq siyaasadeed.

-2014: Sweden oo noqotay dalkii ugu horreeyay ee Galbeedka Yuru oo aqoonsada Falastiin-

Sannadkii 2014-kii, Sweden oo ay ku nool yihiin bulsho badan oo reer Falastiin ah, ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Midowga Yurub ee Galbeedka Yurub ah oo aqoonsada dawlad Falastiin ah.

Tallaabadan ayaa timid kadib bilo ku dhawaad iska horimaadyo maalinle ah ka socdeen Bariga Quddus, oo ay la wareegtay Israel.

Lix waddan oo kale oo Yurub ah ayaa hore u aqoonsaday Dawladda Falastiin, kuwaas oo kala ah Bulgaria, Qubrus, Czech Republic, Hungary, Poland iyo Romania.

Israa’iil ayaa si caro leh uga jawaabtay tallaabada Stockholm, iyadoo wasiirkii arrimaha dibadda ee Israa’iil ee xilligaas, Avigdor Lieberman uu u sheegay Swedishka in “xiriirka bariga dhexe uu aad uga adag yahay alaabta guryaha ee IKEA”.

IKEA waa dukaan ay leedahay Sweden oo lagu iibiyo alaabaha guryaha.

-2024: Ololaha aqoonsiga cusub oo Yurub –

Duulkaanka joogtada ah ee Israel ku hayso Qaza, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 36,050 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza, iyada oo ka jawaabaysa dilka Xamaas ee in ka badan 1,170 qof oo Israa’iiliyiin ah, ayaa kordhisay taageerada Yurub ee dhismaha dawlad Falastiin.

Digniin bilo ah kadib, Norway, Spain iyo Ireland ayaa ugu dambeyntii qaaday tallaabadan, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez uu ku tilmaamay arrin “cadaalad taariikhi ah.”

Malta iyo Slovenia ayaa sidoo kale muujiyay “inay diyaar u yihiin” si ay u aqoonsadaan dawlad falastiiniyiin ah marka “xaaladuhu noqdaan kuwo habboon.”

Australia ayaa sidoo kale kor u qaaday suurtagalnimada in la taageero dhismaha dowlad Falastiin ah, halka madaxweyne Emmanuel Macron uu sidoo kale sheegay in arrinta aqoosiga Falastiin aysan hadda ka ahayn “xaaran Faransiiska,” isagoo ku adkeystay baahida loo qabo in sidaas la sameeyo “waqtiga saxda ah.”

VOA

Daawo: Xasan Sheekh oo qodobo xasaasi ah uga hadlay khudbad uu ka jeediyey Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Afrika iyo Madaxda Bangiga Horumarinta Qaaradda Afrika ayaa ka jeediyey khudbad muhiim ah oo xaaladda Soomaaliya ku saabsan.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay dhibaatooyinka ka dhashay Isbaddalka Cimillada Adduunka ee ka jira dalkeenna, kuwaasi oo ay ka mid yihiin abaaraha, daadadka iyo cimmilada sii kululaanaysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee wax ka qabashada saamaynta taban ee Isbeddelka Cimmilada Adduunka, taasi oo uu sheegay in ay u baahantahay xal wadajir ah oo heer caalami ah.

“Soomaaliya oo samayneysa horumar dhinacyo badan leh waxa ay dhawaan ku biiri doontaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, tallaabadaasi oo muujinaysa in dalkeennu horay u socdo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Shirkan oo diiradda lagu saaray dib u habeynta qaab-dhismeedka maaliyadeed ee Afrika iyo isbadalka cimilada ayaa waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Afrika, kuwaas oo goobta ku soo bandhigay horumarka iyo caqabadaha ka jiro dalalkooda, si gaar ah wada shaqeynta Bangigaga Horumarinta Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo shirkan ka hadlay ayaa madaxda Bangiga Horumarinta Afika uga mahadceliyey wada shaqeynta iyo taageerada maaliyadeed ee Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay sameyneyso horumar iyo kobac dhaqaale, taas oo ku timid hufnaanta hanaanka maaliyadeed ee dalka.

Shirkan oo muhiim u ah Soomaaliya ayaa madaxda Bangiga horumarinta Afrika ay xaqiijiyeen taageerada iyo wada-shaqeynta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa gunaanadka shirkan kadib kulan doceedyo la yeeshay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Afrika, isaga oo kala hadlay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed.

Hoos ka daawo Khudbadda

Heshiis cusub oo laga gaaray doorashada Garoowe iyo laba degmo oo kale

0

Garoowe (Caasimada Online) – Doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godab-jiiraan oo sanadkii hore la hakiyay ayaa laga gaaray heshiis cusub, ayada oo la shaaciyay goorta la qabanayo.

Doorashada saddexdan degmo ayaa la isku raacay in la qabto 1-da August ee sanadkan 2024, kadib shir xalay ay yeesheen madaxweynaha Puntland Saciid Deni, ku-xigeenkiisa Ilyaas Lugatoor iyo madaxda 8 xisbi siyaasadeed.

Sanadkii hore ayaa qorshaha ahaa in la qabto doorashada qof iyo cod ee saddexdan degmo, hase ahaatee khilaaf siyaasadeed oo xilligaas taagnaa darteed ay dib ugu dhaceen.

Puntland oo horay u qabatay doorashooyin qof iyo cod golayaasha deegaanka ayaa hadda isu diyaarineysa inay mar kale ka qabato degmooyin cusub, iyada oo aanay weli diyaar noqon ama la suura-gelin in Muqdisho iyo degmooyinka dowlad-goboleedyada kale laga qabto doorasho dadweyne.

Xisbiyada go’aankan cusub gaaray ayaa waxay kala yihiin; Mideeye, Horseed, Sincad, Ifiye, Mustaqbal, Shaqaalaha, Runcad iyo Kaah.

Kulanka lagu gaaray heshiiskan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jaamac Dabaraani.

Sanadkii hore ee isla bishaan May ayay aheyd markii Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland uu hakiyay doorashada saddexda degmo ee ku jirto Garoowe, si aanay saamayn ugu yeelan doorashooyinka kale ee ka dhacay degmooyinka kale ee Puntland, kuwaasi oo loo dareerayey xilligaasi.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo shaaciyey laba arrin oo ay Soomaaliya ku guuleysaneyso

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Nairobi ayaa kaga qeyb-galay shirka sanadeedka Madaxweynayaasha Afrika iyo madaxda Bangiga Horumarinta Afrika, kaas oo sanadkan ay martigelisay dowladda Kenya.

Shirka oo diiradda lagu saaray dib u habeynta qaab-dhismeedka maaliyadeed ee Afrika iyo isbadalka cimilada ayaa waxaa kasoo qeyb-galay qaar ka mid ah madaxweynayaasha Afrika, kuwaas oo goobta ku soo bandhigay horumarka iyo caqabadaha ka jiro dalalkooda, si gaar ah wada shaqeynta Bangigaga Horumarinta Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shirkan ka hadlay ayaa madaxda Bangiga Horumarinta Afrika uga mahadceliyey wada shaqeynta iyo taageerada maaliyadeed ee Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xariiqay laba arrin oo Soomaaliya ay kuu guuleysaneyso oo ah inay sameyneyso horumar iyo kobac dhaqaale, taas oo ku timid hufnaanta hanaanka maaliyadeed ee dalka.

Dhinaca kale, madaxda bangiga horumarinta Afrika waxa ay xaqiijiyeen taageerada iyo wada-shaqeynta dowladda federalka ah, maadaama uu shirkan muhiim u yahay.

Intaas kadib madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gunaanadka shirkan ka dib kulan doceedyo la yeeshay qaar ka mid ah madaxweynayaasha Afrika isaga oo kala hadlay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed.

Shirkan waxaa barbar socday mid kale oo ay yeesheen Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative), kaas oo uu ka qayb-galay wasiirka maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige, waxaana looga hadlay saddex qodob oo kala ah:-

  1. Dib-u-eegista iyo qiimaynta mashaariicda socda laga soo bilaabo 2019, oo aay maalgelinayaan dhammaan deeq bixiyayaasha, iyada oo la muujinayo ka tarjumaysa daah furnaanta Madashaan.
  2. Sidoo kale waxaa laga dooday nidaamka wada shaqaynta xududuudaha iyadoo warbixin laga dhagaystay quburo loo xilsaaray arkiis, maadaama hore loo ansixiyay nidaamka wada shaqeynya Xuduudaha sanadii tagtay ee 2023-kii.
  3. ⁠Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, sanadkaan waxaa ku soo biiray deeq bixiyeyaal cusub oo maalgalin doona hadafka horumarineed ee wadamada dhaca Bariga Afrika.

 

Madaxweyne Erdogan oo dalbaday tallaabo culus kadib weerarkii Israel ee Rafax

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii ugu baaqay “Dunida Islaamka” inay qaadaan tallaabo mideysan, kadib weeraradii ugu dambeeyay ee Israel ay ka fulisay Gaza.

“Waxaan hayaa kalmado aan ku iraahdo dunida Islaamka: maxaad sugaysaan si aad go’aan midaysan u qaadataan?” ayuu Erdogan u sheegay xildhibaano ka tirsan xisbigiisa AKP.

“Israel khatar kuma ahan Gaza oo kaliya balse waxay khatar ku tahay dhammaan bani’aadamka.”

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale weerar culus ku qaaday Qaramada Midoobay, isaga oo sheegay in ruuxdeeda ay ku dhimatay Gaza.

“Qaramada Midoobay xitaa ma ilaalin karto shaqaalaheeda, maxaad sugeysaan si aad tallaabo u qaadaan? Ruuxdii Qaramada Midoobay waxay ku dhimatay Gaza,” ayuu yiri Erdogan.

Hadalka Erdogan ayaa ku soo beegmay xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kulan ka yeeshay weerar lagu hoobtay oo ay Israel ku qaadday xero barakacayaal oo ku taalla galbeedka Rafah Talaadadii, kaasi oo ay ku dhinteen 21 qof, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan difaaca madaniga ah oo ku sugan Gaza.

“Ma jirto dal ammaan ah ilaa iyo inta aysan Israel raaceyn sharciga caalamiga ah oo aysan dareemeyn in uu qabanayo sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri Erdogan isagoo ku celceliyay eedeymaha ah in Israel ay “xasuuq” ka geysanayso Gaza.

AFP + VOA

Dagaalka ka dhex-qarxay ciidamada ITOOBIYA iyo Al-Shabaab oo sii xoogeystay

0

Diinsoor (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya inuu sii xoogeysanayo dagaalka ka dhex-qarxay ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyada kooxda Al-Shabaab oo mar kale dib u billaabay inay weeraraan ciidamadaasi.

Dagaal labaad ayaa muddo 24 saacad gudahood labada dhinac ku dhex-maray degmooyin ka tirsan gobolka Bakool oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamadan oo qayb ka ah ATMIS.

Al-Shabaab ayaa lasoo wariyay inay xalay weerar ku qaadeen saldhigga ciidanka Itoobiya ee degmada Diinsoor, waxaana xigay dagaal toos ah oo la’isku adeegsaday hub culus.

War kasoo baxay kooxda ayaa lagu sheegay inay dagaalka Diinsoor ku dileen askar ka tirsanaa ciidamada Itoobiya, ayna ku dhaawaceen kuwa kale, sida lagu sheegay bayaanka.

Dhankooda taliska ciidanka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay iska caabiyeen maleeshiyada soo weerartay, dibna ay u celiyeen, kadib dagaal ka dhacay halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan mid deggan, waxaana degmada Diinsoor iyo nawaaxigeeda howlgallo culus ka wada ciidamada Itoobiya oo baadi goob ugu jiro xoogagii xalay soo weeraray.

Dagaalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo shalay labada dhinac ku dhex-maray degmada Xudur, kadib markii saldhig ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ay weerareen Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa ku billowday madaafiic, waxaana xigay iska hor imaad toos ah oo labada dhinac uu kasoo gaaray khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Bakool ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana sidoo kale kus ugan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS.

Somalia eyes economic growth through the Horn of Africa Initiative

Nairobi (Caasimada Online) – The Minister of Finance of the Federal Government of Somalia, Mr. Bihi Iman Ige, attended the 21st Summit of the Horn of Africa Initiative, held during the annual meeting of the African Development Bank in Nairobi.

The Horn of Africa Initiative focuses on:

  1. Reviewing and evaluating ongoing projects initiated in 2019, funded by various donors, to ensure transparency and accountability within the Forum.
  2. Discussing the border cooperation system, with updates provided by designated officials. This system received approval in 2023.
  3. Welcoming new donors to the Forum, who have joined this year to support the development objectives of East African countries.

In his briefing, Minister Ige underscored the importance of economic integration among regional countries, highlighting that such efforts would boost domestic production and promote economic growth in Somalia.

The Somali government is optimistic about achieving significant economic outcomes through the implementation of the Horn of Africa Cooperation Forum’s plans.

After enduring over three decades of turmoil and lacking effective government institutions, Somalia is working to re-establish its position on the global stage.

The Federal Government of Somalia, with the support of international partners, has recently achieved notable improvements in its financial system, following more than a decade of dedicated efforts. This progress has resulted in partial debt relief and has positioned the country to undertake new financial commitments.

These ongoing state-building initiatives are fostering optimism among both the Somali people and the international community. There is a growing belief that Somalia, once a prominent leader among African nations, can reclaim its former stature.