25.1 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Wiil si arxan darro ah u dilay hooyadiis oo la soo qabtay

0

Wajeer (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo Talaaladadii ka dhacday gudaha magaalada Wajeer ee dalka Kenya, kadib markii wiil Soomaali ah uu si arxan darro gudaha magaaladaas ugu dilay hooyadiis.

Falkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Cali Macow oo ka tirsan degmada Wajeer, waxaana eedeysanaha magaciisa lagu sheegay Cabdifitaax Maxamed, kaas oo lasoo xiray.

Eedeysanaha ayaa dilka u adeegsaday baangad uu qoorta kaga jaray hooyadiis, sida ay sheegeen dadka deegaanka oo si aad uga naxay falkaasi argagaxa leh.

Guddoomiyaha xaafadda uu falkan ka dhacay oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in ay goobta ay ugu tageen hooyada oo mayd ah, isla markaana uu wiilkeeda qoorta kaga baangada uu usoo qaatay.

“Annaga oo shaqo ku jirno ayaa dadka nasoo waceen waxaa nalagu soo wargeliyay yar Cabdifitaax Maxamed la dhaho in hooyadiis uu qoorta baangad uga jaray, askar ayaan soo qaatay meesha ayaan ugu tegnay maamada oo mayd ah” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ninka gaystay falkan horay loo xiray, kadib dhibaato uu ka gaystay magaalada, haatana la geeyay saldhigga, si tallaabo looga qaado.

“Mar dhow ayaa ninkan jeelka laga soo daayay, waana qabanay hadda saldhigga ayuu ku xiran yahay” ayuu kusii daray guddoomiyaha xaafadda Cali Macow ee magaalada Wajeer.

Eedeysane Cabdifitaax ayaa la sheegay inuu isticmaalo noocyada kala duwan ee maandooriyaha, horayna hooyadiis ay u sheegi jirtay inuu qatar ku yahay noloshiisa, balse ugu dambey shalay ayuu nolosha dhaafiyay,

Booliska dalka Kenya ayaa haatan la wareegay kiiska ninkan, si loo guda galo maxkamadeyntiisa, ayada oo loo haysto dilka hooyadiis.

Horay dhacdo tan lamid ah waxay uga dhacday magaalada Kismaayo ee Soomaaliya, kadib markii nin watay mindi ku gowracay hooyadiisa, kaas oo isna mar dambe la toogtay.

Hoggaamiyaha Hiiraan State oo hanjabaad yaab leh u diray madaxweyne Guudlaawe

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka la baxay Hiiraan State, Cabdullahi Cabdiraxmaan Aadan (Ganey) ayaa si adag uga hadlay safar uu shalay madaxweyne HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen ku tegay degmada Matabaan ee gobolkaasi.

Cabdullahi Ganey oo sheegta inuu yahay hoggaamiyaha Hiiraan State-ka kasoo horjeeda Cali Guudlaawe ayaa wuxuu ku eedeeyay maamulka HirShabelle inay dhibaato horleh ka abuureyso gobolka, gaar ahaan xuduud u sheegay inay u taallo maamulkooda iyo HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wixii dhibaato ah ee ka dhaca halkaasi uu mas’uuliyadeeda qaadi doono madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.

“Wixii mas’uuliyada ah HirShabelle ayaa qaadeyso, waayo waxay dhibaato keeneen xuduuda oo waxay fowdo ka sameeyeen degmada Matabaan,” ayuu yiri Cabdullaahi Ganey.

Dhinaca kale wuxuu ku hanjabay in madaxweynaha HirShabelle tegi karin Beledweyne, islamarkaana uu hadda Hiiraan kasoo garay dhinaca Galmudug, sida uu hadalka u dhigay.

“Cali Guudlaawe ma imaan karo Beledweyne, waxaa nagu maqaalo ah in uu Guriceel kasoo dagay maamulka Galmudug magan-galyo siiyay, kadibna sidaas kusoo gudbay” ayuu sii raaciyay.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac ayaa weli halkiisii ah, wuxuuna saameyn ballaaran ku yeeshay horumarkii gobolka Hiiraan ee Soomaaliya.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisaddan oo muddo soo taagnayd, maadaama reer Hiiraan ay kal hore ku dhawaaqeen maamul ay sheegeen inuu ka madax banaan yahay HirShabelle.

Muxuu Mareykanka ka yiri duqeynta ay isku haystaan Puntland iyo DF ee Sanaag?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in aysan ku lug lahayn hawlgal la sheegay inuu ka dhacay buuralayda Calmadow ee gobolka Sanaag.

Taliska AFRICOM ayaa jawaabtaan siiyey VOA oo su’aal ka weydiisay waxa ay kala socdaan duqeymaha is qabqabsiga abuuray ee ka dhacay gobolka Sanaag, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ay sheegatay labo maalin ka hor.

Dowladda Soomaaliya ayaa 26-kii bishaan soo tebisay in hawlgal ka dhacay buuralayda Calamdow lagu dilay in ka badan 20 maleeshiyaadka Al-Shabaab ka tirsan iyo seddax horjooge.

Maalintii xigtayna, mas’uul ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegay inaan la caddayn karin in waxa dhacay ay duqaymo ahaayeen.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in mamaulka Puntland ay gacanta ku hayaan degaanadaas, dawladda federaalkuna aysan kartideeda lahayn inay hawlgal ka fuliso degaanadaas, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaase qiray in la xaqiijiyey inay qaraxyo ka dhaceen dhulka ay dowladda federaalku sheegtay ee buuraleyda ah, kana tirsan gobolka Sanaag.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay inay diidan yihiin in dawladda federaalku sheegato inay fulisay ama wax ka fulisay howlgalka ka dhacay gobolka Sanaag.

Puntland ayaa muujisay inay ka xumaatay sheegashada dowladda federaalka ee howlgalkaas, halka dowladdu aysan cadeyn dowladda iska leh diyaaradaha fuliyey duqeynta, dhankiisa Mareykanka oo inta badan fuliya duqeymaha ka dhaca gudaha Soomaaliya ayaa hadda cadeeyey in howlgalkaas uusan fulin.

Sawirro: Soomaaliya oo Bahrain uga qeyb-gashay shir xasaasi oo lagu taageeray…

0

Bahrain (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa maanta caasimadda Boqortooyada Bahrain uga qeyb-galey meertada 54-aad ee shirka wasiirrada warfaafinta waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Shirkan ayaa ajendayaasha looga dooday waxaa kamid ah xasaradda ka aloosan Marinka Gaza oo Israel ay weeraro ay dad badan oo rayid ah ku dhinteen weli ka waddo iyo sidii dalalka Carabta ay u sii wadi lahayeen garab istaagga walaalahooda reer Falastiin.

Sidoo kale waxaa shirka diirada lagu saaray sidii xabbad joojin deg-deg ah looga hirgeliyo dhulka Falastiiniyiinta oo dhibaato bani’aadminimo oo aad u daran ay ka taagan tahay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay qadiyadda reer Falastiin, islamarkaana ay aamisan tahay in xalka waara ee gobolkaasi uu yahay dhismaha dowlad rasmi ah oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin.

Shirkan ayaa lagu ansixiyay dhammaan ajendaha looga dooday oo ay ku jiraan in la garab istaago qaddiyadaha waddamada Carabta oo ay Soomaaliya ka mid tahay, iyo in dalalka Carabta ay la jaanqaadaan horumarka saxaafadda caalamka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyay shacabka iyo dowladda Boqortooyada Bahrain martigelinta shirkan muhiimka ah, iyada oo Bahrain ay sannadkan tahay caasimadda Warbaahinta Carabta ee 2024.

Amiirka Iska leh Dhaxalka Boqortooyada Bahrain Amiir Salman bin Hamad Al Khalifa ayaa isna maanta Qasriga Boqortooyada ku qaabilay dhammaan wasiirrada warfaafinta ee dalalka Carabta ee ka qeybgalyay shirka 54aad ee Warbaahinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta Mr Daa’uud ayaa Amiirka u gudbiyay salaam uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Amiir Salmaan ayaa isna dhankiisa salaam gaar ah u soo diray Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliya.

Intii uu shirka socday waxaa wasiirka warfaafinta uu sidoo kale kulamo doceed la yeeshay qaar ka mid ah Wasiirrada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta ee shirka ka qeybgaley.

DF oo maanta ka qeyb-gashay shir maaliyadeed muhiim ah iyo qodobada looga hadlay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada alka Kenya ayaa ka qeyb-galay shir maaliyadeed muhiim ah, kaas oo looga hadlay saddex qodob oo waa wayn.

Shirkan ayaa  𝟐𝟏-𝐚𝐚𝐝 ee Iskaashiga Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative), wuxuuna kusoo aaday xili magaalada Nairobi uu ka soconayo shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika.

Saddexda qodob ee diiradda lagu saaray shirkan ayaa kala ah:-

  1. Dib-u-eegista iyo qiimaynta mashaariicda socda laga soo bilaabo 2019, oo aay maalgelinayaan dhammaan deeq bixiyayaasha, iyada oo la muujinayo ka tarjumaysa daah furnaanta Madashaan.
  2. Sidoo kale waxaa laga dooday nidaamka wada shaqaynta xududuudaha iyadoo warbixin laga dhagaystay quburo loo xilsaaray arkiis, maadaama hore loo ansixiyay nidaamka wada shaqeynya Xuduudaha sanadii tagtay ee 2023-kii.
  3. ⁠Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, sanadkaan waxaa ku soo biiray deeq bixiyeyaal cusub oo maalgalin doona hadafka horumarineed ee wadamada dhaca Bariga Afrika.

Wasiir Biixi oo hadal kooban ka jeediyay shirka ayaa waxa uu diiradda saaray muhiimada ay u lee dahay dhaqaalaha Soomaaliya Isku xirka Wadamada Gobolka, taas oo uu ku tilmaamay mid sare u qaadi doonto soo saarka gudaha iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale waxa uu kulamo doceeyo kala duwan la yeeshay wasiirada dhiggiisa iyo madaxda kale ee kasoo qayb-gashay shirka ka dhacay magaalada Nairobi.

Si kastana Dowladda Soomaaliya waxa ay haatan ka filaysaa natiijo dhaqaale oo aad u sareysa marka ay hirgalaan qorshayaasha Madashaan iskaashi ee dalalka geeska Afrika oo hada meel wanaagsan maraya.

Muxuu wasiirka difaaca Soomaaliya kala hadlay dhiggiisa dalka Turkiga?

0

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuura (Jaamac) ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga Yaşar Güler, kaas oo qabsoomay intii lagu guda jiray bandhiga EFES-2024.

Wasiir Jaamac oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka warbixiyay wada-hadalka uu la yeeshay Yaşar Güler, wuxuuna sheegay inay yeesheen kulan miro dhal ah.

“Waxaan maanta kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Türkiye, Yaşar Güler, intii lagu guda jiray bandhiga EFES-2024.” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu wasiirka ku amaanay sida ay dowladdiisa uga qayb qaadato dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo haatan sameysanayo dib u kabasho wayn.

“Walaalaheena Turkiga waxay kaalin weyn ka qaataan dhismaha ciidankeena, hormarintooda iyo la dagaalanka Khawaarijta,” ayuu sii raaciyay yiri wasiirka Difaaca.

Turkiga dalalka saaxiibada dhaw la ah dowladda federaalka Soomaaliya, iyada oo ka taageerta dhismaha ciidanka Xoogga dalka iyo Booliska sida gaarka ah u tababaran, si lamid ah waxa ay ka qeyb qaadataa dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Kulanka labada wasiir ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana labada waddan ay gaareen heshiis difaac oo uu Turkiga badda Soomaaliya ugu soo dirayo maraakiib dagaal.

Heshiiskan ayaa kusoo aaday, xilli ay baahi wayn u qabtay dowladda federaalka, maadaama ay baddeeda ay soo damaacisay Itoobiya oo heshiis la gashay Somaliland.

R/W Xamza oo wada-hadallo xasaasi ah la yeeshay Danjire Kubai Iringo + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho wada-hadallo xasaasi ah kula yeeshay danjiraha dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Kubai Iringo, kaas oo tegay xafiiskiisa.

Xamza iyo Kubai Iringo ayaa kulankooda uga wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka diblamaasiyadeed iyo sare u qaadida iskaashiga u dhexeeya labada dal ee dariska ah.

Ra’iisul wasaaraha oo madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in Soomaaliya iyo Kenya uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah iyo iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Xamza ayaa intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya xoojinayso fulinta dhammaan heshiisyadii dhawaan labada dhinac ku gaareen magaalada Nairobi.

Dhankiisa danjiraha Kenya ee Soomaaliya ayaa sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid soo jireen ah, islamarkaana ay muhiim tahay adkeynta iskaashiga labada dhinac.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan, waxaana sii bilihii u dambeeyay sii xoogeystay iskaashiga labada dal, kadib dadaallo ay sameeyay labada dhinac.

Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa booqashooyin ku tegay magaalada Nairobi, iyaga oo kulamo iyo heshiis lasoo yeeshay madaxweynaha dalkaasi William Ruto.

Kenya ayaa sidoo kale ka qayb qaadata dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamo badan ay ka joogaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee Soomaaliya.

PUTIN oo mar kale digniin culus u diray Reer Galbeed

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u digay reer galbeedka Talaadadii in xubnaha NATO ee Yurub ay ku ciyaarayaan dab, haddii ay Ukraine u oggolaadaan inay isticmaasho hubka reer galbeedka si ay u weerarto Ruushka, taas oo uu sheegay inay horseedi karto isku dhac caalami ah.

In ka badan laba sano oo uu socday dagaalkii ugu dhiig daadinta badnaa Yurub tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka, Putin waxa uu si isa soo taraysa uga hadlay halista isku dhac caalami ah oo aad u balaaran, iyadoo reer galbeedku ay la tacaalayaan waxa ay ka yeelayaan guulaha ciidamada Ruushka ee Ukraine.

Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa u sheegay jariidadda The Economist in tani ay furayso bog cusub oo ah u tahay in xubnaha NATO ay u oggolaadaan Ukraine inay Ruushka ku garaacdo hubka reer galbeedka, aragtidaas oo uu ku sheegay inay aamin san yihiin xubno NATO ah, laakiin aan taageero ka heysan Mareykanka.

“Xaalad kacitaanka joogtada ah waxay keeni kartaa cawaaqib xumo,” ayuu Putin ugu sheegay suxufiyiinta magaalada Tashkent ee waddanka Uzbakistan, isaga oo raaciyay “Haddii cawaaqib xumadan halista ah ay ka dhacaan Yurub, sidee buu Maraykanku u dhaqmayaa, annaga oo maskaxda ku hayna sinnaantayada hubka istiraatiijiga ah?”

“Way adag tahay in la yiraahdo – ma waxay rabaan colaad caalami ah?” ayuu Putin yiri.

Duullaankii Ruushka ee Ukraine 2022 ayaa horseeday burburkii ugu xumaa ee xiriirka reer Galbeedka iyo Ruushka muddo 60 sano ah, waxaana xiisadda cirka isku sii shareereysaa sida ay dublumaasiyiintu sheegeen inay tahay heerkii ugu halista badnaa.

Reuters + VOA

Sawirro: Madaxweyne Cali Guudlaawe oo amar culus dul-dhigay hay’adaha QM

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta kulan la yeeshay masuuliyiin ka kala socotay k UNICEF, WFP, IOM iyo OCHA ee Qaramada Midoobay ayaa amar culus dul-dhigay hay’adaasi.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa goobjoog ahaa agaasimaha guud ee Madaxtooyadda, xubno ka tiran golaha wasiirrada iyo maamulka degmada Jowhar.

Cali Guudlaawe oo madasha ka hadlay ayaa faray mas’uuliyiinta hay’adaha uu la kulmay inay xafiisyo iyo wakiilo rasmi ah ku yeeshaan deegaanada HirShabelle.

Inta uu shirka socday ayaa labada dhnac waxa ay isla soo qaadeeb howlaha ha’yaddahaasi ay ka wadaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale madaxda hay’addaha ayaa dhankooda sharraxay dhammaan mashaariicda ay ka wadaan HirShabelle, waxana ay xuseen inay dardargelin doonaan.

“Waxaan idin ku boogaadinayaa shaqadda aad la wadaan HirShabelle, si gaar ah waxaan idin kaga mahadcelinayaa mashaariicda Sabbuuni iyo Damal.” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe oo boggaadiyay madaxda hay’adaha QM ee uu maanta la kulmay.

Kulankan ayaa kusoo aaday, ayada oo haatan qaybo kamid ah HirShabelle ay ku dhufteen fatahaad uu mar kale wabiga Shabelle ka gaystay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kenya partners with EU to combat Somali piracy and maritime crime

Nairobi (Caasimada Online) – Kenya has committed to aiding the European Union in tackling maritime crime in the region, responding to the escalating threats posed by pirate activity and Yemen’s Houthi rebels.

The EU, which operates a naval force in the Indian Ocean, is increasingly concerned about the security issues affecting shipping traffic in the Gulf of Aden and the Red Sea, disrupting international trade.

The growing threats in these waters have prompted the European Union to seek Kenya’s assistance in prosecuting suspected criminals apprehended in the region.

Henriette Geiger, the EU ambassador to Kenya, highlighted the ongoing collaboration between the EU and Kenya to address maritime crime.

“Kenya is set to finalize a legal agreement with the European Union that will allow EU Atalanta to transfer seized arms, weapons, and traffickers, including those involved in arms and drug trafficking, to Kenya for prosecution,” Geiger explained.

“The Seychelles has already established a similar agreement, but as a small island nation, it cannot manage this burden alone.”

Operation Atalanta

Operation Atalanta, the EU’s military mission in the Horn of Africa, focuses on countering piracy at sea.

However, Geiger noted that the EU naval force lacks prosecutorial authority and cannot hold suspects indefinitely without charges. Therefore, cooperation with countries like Kenya is essential to bring these suspects to justice.

Isaiah Nakoru, head of Kenya’s Department for Shipping and Maritime Affairs, emphasized Kenya’s commitment to enhancing security and ensuring the free flow of goods and people.

“We must collaborate to achieve the goal of sustainable security,” Nakoru stated. “All activities threatening livelihoods and the movement of people must be addressed in partnership with all stakeholders.”

Kenya’s Legal System

The United Nations Office on Drugs and Crime reports that Kenya is currently detaining at least 120 suspected pirates and has convicted 18.

However, Kenya’s legal system has faced criticism regarding its ability to prosecute suspected pirates accused of crimes committed far from its shores.

In 2012, a Kenyan court affirmed the nation’s jurisdiction to try Somali pirates for attacks in international waters, solidifying its role in regional maritime security.

Andrew Mwangura, a maritime safety and security consultant in Kenya, has firsthand experience negotiating the release of pirate captives over a decade ago.

He acknowledges Kenya’s legal complexities in prosecuting suspects who have not committed crimes within its territory. “The challenges of prosecuting Somali pirates in Kenya persist, Mwangura said.

“These activities occur outside Kenyan waters, presenting legal hurdles. Arresting and prosecuting them is not a complete solution. We must also address illegal fishing in East African territorial waters.”

Piracy threat persists

Recent reports of piracy off the coast of Somalia have rekindled fears of a resurgence in Somali piracy, reminiscent of the early 2010s when Somali pirates hijacked numerous ships, demanding millions in ransom.

This resurgence underscores the ongoing threat and the need for robust regional cooperation.

Two weeks ago, six suspected pirates accused of attacking a merchant vessel were transferred from Somalia to the Seychelles for trial by the EU naval force.

Last Friday, the EU force successfully liberated a merchant ship and its 17 crew members from pirate captivity, showcasing the ongoing efforts to combat maritime crime.

Sawirro: Villa Somalia oo war ka soo saartay qorshaha safarka Madaxweynaha ee Nairobi

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya si uu uga qayb-galo Shirka Bangiga Horumarinta Afrika.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa ajendayaal ay ka mid yahiin wax-soosaarka iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah.

Sidoo kale qodobada shirkaas diiradda lagu saarayo waxaa ka mid ah dib-u-habaynta qaab-dhismeedka maaliyadeed ee caalamka, isbadelka cimilada iyo wadatashiyo ku saabsan sidii loo heli lahaa ilo dhaqaale oo waara oo horumarineed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi, wuxuu kulamo gaar ah la yeelan doonaa madaxda Afrika iyo masuuliyiinta Bangiga Horumarinta Afrika.

Madaxweynaha ayaa madaxdaas kala hadli doona si loo dardar-gelinayo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

Madaxweynaha waxaa Nairobi ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya oo wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale uu ugu horeeyo.

Shirka uu madaxweynuhu ka qeyb galkiisa u tegay Nairobi oo heer madaxweyne ah waxaa ka soo qeyb geli doona inta badan madaxweynayaasha dalalka Afrika.

Somali Elite Forces capture Al-Shabab members in strategic border operation

Mogadishu (Caasimada Online) – The Security Forces of Somalia, particularly the elite DANAB unit, successfully conducted a strategic operation targeting Al-Shabab insurgents along the border of the Middle Shabelle and Galgaduud regions, areas administered by the Hirshabeelle and Galmudug states, respectively.

This meticulously coordinated operation, incorporating both ground troops and aerial support, resulted in the apprehension of several Al Shabaab operatives who were attempting to cross the inter-state border.

Additionally, the forces undertook extensive minesweeping operations to neutralize explosive devices planted on critical roadways, significantly enhancing the safety and security of the region’s infrastructure.

Officials from the DANAB unit emphasized that this operation is part of a comprehensive effort to secure the border regions between Hirshabeelle and Galmudug.

By targeting and disrupting Al Shabaab’s activities and movements, the National Armed Forces aim to stabilize these critical areas, thereby contributing to broader national and regional security objectives.

These efforts are indicative of the ongoing commitment of the Somali government and its security apparatus to combat Al-Shabab fighters and ensure peace and stability within the country.

The integration of advanced tactics and coordination between various military divisions underscores a significant step towards enhancing the operational capabilities of the National Armed Forces in addressing and mitigating insurgent threats.

By: Abubakar Mohamed Ali

Dhageyso: SAABEY oo ka hadlay go’aankii maxkamada ay ka soo saartay kiiskiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee canshuuraha beriga ee wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Muxudiin Xasan Jurus Saabey oo dhawaan Maxkamadda Gobolka Banaadir ay dembi ku weysay ayaa ka hadlay sida uu u arko dacwadii loo heystay iyo sida maxkamaddu u beri-yeeshay.

Saabey iyo masuuliyiin kale oo agaasimayaashii hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda ay ku jiraan ayaa lagu waayey dembi musuq maasuq oo xafiisyada hantidhowrka iyo xeer ilaalinta qaranka ay u soo jeediyeen.

Hadda wuxuu sheegay inuu ku qanacsan yahay go’aanka maxkamadda, isagoo u mahad-celiyey garsoorka dalka, sidoo kale wuxuu sheegay Saabey inuu mar kasta filanaayey go’aanka ka soo baxay maxkamadda, maadaama uusan isku ogeyn wax dembi ah.

“Waa go’aan wanaagsan oo cadaalad ay ku dheehan tahay waana fileynay, anigu waxaan u sii adeegi doonaa shacabkeyga, arrintaana wax saameyn ah iguma yeela doonto,” ayuu yiri Muxudiin Xasan Jurus Saabey.

Sidoo kale Agaasime Saabey oo wareysigaan siiyey Idaacadda VOA ayaa la weydiiyey waxa u qorsheysan hadii mar kale ay xeer ilaalintu racfaan ka qaadato xukunka ka soo baxay maxkamadda gobolka Banaadir oo sheegtay in Saabey uusan laheyn wax dembi ah.

“Xaq ayey u leeyihiin inay racfaan ka qaataan xukunka hadii aysan ku qancin, sidoo kale inay iska dhaafaana xaq ayey u leedahay xeer ilaalintu, laakiin intaas ka badan inaan sii dhex-galo ma rabo arrimaha garsoorka, maxkamadda waan u mahadcelinayaa,” ayuu yiri agaasimihii hore ee canshuuraha beriga ee wasaaradda maaliyadda XFS.

Saabey ayaa la weydiiyey waxa u qosheysan, maadaama maxkamadii cadeysan in lagu waayey wax dembi ah, wuxuuna ku jawaabay, “Aniga waxaan u sii adeegi doonaa umadda Soomaaliyeed, markii horaba shaqaale kumaana ekeyn ee waxaan isisaaray masuuliyad dheeraad ah, sidaa ogtihiin 2018 waxaan deegaankeyga ka abaabulay ciidankii ugu horeeyey Macawiisley, anigaa bixiyey magacaas, hadana waxaan diyaar u ahay inaan howsha halkii ka sii wado,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Agaasime Saabey.

Ugu dambeyntii Saabey wuxuu sheegay in agaasimaha canshuuraha beriga oo kaliya uusan dowladda ka soo noqon, balse uu soo qabtay xilal ay ku jiraan guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, agaasimaha maaliyadda iyo agaasimaha amniga ee maamulka gobolka Banaadir, isagoo sheegay in 18 sano oo lasoo dhaafay uu qeyb ka ahaa dowlad dhiska Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Xasan oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Swan + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay ku-simaha cusub ee Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu u soo magacaabay Soomaaliya James Swan.

Kulankaas ayaa looga hadlay dardargelinta iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada bini’aadantinimada, nabadda, iyo amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Danjire James Swan la wadaagay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku bixinayso dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Ergayga warbixin ka siiyey dhinacyada kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta dalka, isagoo u rajeeyay in uu si hufan u guto waajibaadka cusub ee QM ay u soo igmatay.

Waa kulankii ugu horeeyey oo James Swan uu la yeeshay Madaxweynaha, Ergeyga ayaa maalmo ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib markii dhowaan dib loogu soo magacaabay Soomaaliya.

Ninkaan ayaa hora yuga soo shaqeyey dalka, wuxuuna ku soo aaday xili adag oo muddo kororsi markii dambe fashilmay uu isku dayey Farmaajo, kadibna waxaa daba-dheeraaday doorashooyinkii dalka, James Swan ayaa ka mid ahaa xubnihii ugu muhiimsanaa ee markaas loo daba-fadhiyey xalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa isla maanta xafiiskiisa ku qaabilay James Swan, waxayna labada masuul kulankooda uga wada-hadleen xoojinta wadashaqeynta hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Xamza oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale uga mahadceliyey hay’adaha Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray inay diyaar u yihiin in si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha bini’aadamtinimada, horumarinta bulshada iyo xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta.

Gabar u geftay madaxweyne Xasan oo laga soo xiray Mudug

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya, qaybta Galmudug ayaa maanta soo xiray gabar lagu magacaabo Fardowso Cabdi Xuseen oo maalmo kahor iska soo duubtay muuqaal ay soo dhigtay baraha bulshada, iyada oo u gefeysa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Gabdhan dhalinyarada ah ayaa lagu xiray xabsi ku yaalla koonfurta magaalada Gaalkacyo, ayada oo boolisku uu faafiyay sawirradeeda.

Fardowso ayaa muuqaalka ay iska duubtay si aad ah ugu dhaleecaysay xarigga loo geestay dhowaan wiilal iyo gabdho loo xiray faafinta dhaqan xumo iyo hadallo kicin bulsho ah oo ay barta Tiktok-ga isku dhaafsadeen.

Sidoo kale waxay gabadhan hanjabaad toos ah u dirtay madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ugu goodisay haddii uu yimaado magaalada Wisil oo ay sheegay inay ku sugnayd, balse maanta ayaa lagu xiray xabsi ku yaalla Gaalkacyo.

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waa ilaaliyaha sharciga dalka iyo muwaaddiniinta Soomaaliyeed wuxuuna markasta qeyb ka yahay horumarka bulshada Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay booliska.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Sidaas darteed waxaan bulshadeenna sharafta badan laga codsanayaa in ay ilaaliyaan sharafkooda kana dheeraadaan wax kasta oo keeni kara anshax xumada, qabyaaladda, kicinta dadweynaha IWM”.

Ugu dambeyn booliska Galmudug ayaa farriin u diray shacabka deegaanadaasi, wuxuuna ka dalbaday inay kala shaqeeyaan nabad-gelyada iyo horumarka deegaanka.

“Bulshada reer  Galmudug waxaan ka codsaneynaa in ay  la shaqeeeyaan Taliska Ciidanka Boliska Galmudug” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliska.

Xabsiyada waxaa haatan ku jira dadkii ugu badnaa oo loo haysto anshax xumo iyo isku dirka beelaha ku faafinayeen baraha bulshada.

DF oo Liibiya kala hadashay arrinta muhaajiriinta xilli dad badan laga soo furtay Magafe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaja dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilsay  Siihayaha Safaaradda Liibiya Nasr Mohamed Assanosi, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah.

Fiqi ayaa danjiraha kala hadlay laba arrimood oo kala ah xoojinta xiriirka labada wadan iyo bedqabka muhaajiriinta Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda.

“Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Siihayaha Safaaradda Dowladda Liibiya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Nasr Mohamed Assanosi, oo uu kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Inta uu socday kulanka waxaa intiisa badan xoogga lagu saaray arrinta muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Liibiya, tallaabooyinka lama huraanka ah ee lagu hagaajin karo xaaladdooda nololeed, bedqabkooda iyo  ilaalintooda.

Sidoo kale waxaa la’isla soo qaadau sidii loo soo celin lahaa muwaadiniinta danaynaysa inay si iskood ah oo nabad-qab ah ay dib ugu soo guryo-noqdaan dalkooda.

Dhinaca kale waxaa kualanka kulanka lagu faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo ammaanka dalka Liibiya, sida lagu xusay qoraalka wasaaradda.

Liibiya ayaa waxaa ku sugan dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo sanado magafe uu ku haysto dalkaasi, waxaana ku haystaa xaalado nololeed oo aad u daran.

Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aaday, ayada oo todobaadkii lasoo dhaafay Magafe laga soo badbaadiyay muhaajiriin badna oo ay ku jiraan Soomaali, kadib markii gacanta lagu soo dhigay ninkii muddada haystay, ayada oo muqaaladooda lagu faafiyay Internet-ka.

Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya oo dagaal culus uu ku dhex-maray gobolka Bakool

0

Xudur (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo saaka ka dhacay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan halkaasi, waxayna xaaladdu tahay mid cakiran.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii xoogag Al-Shabaab ay weerar ku billowday madaafiic ku qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidanka Itoobiya, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah.

Dagaalka oo saacad ka badan qaatay ayaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada dhinac.

Al-Shabaab oo war kaso saartay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyay ayaa guul sheegatay, waxayna sheegtay in khasaare lixaadleh ay u gaysatay ciidanka Itoobiya.

Dhankooda saraakiil u hadashay ciidanka la weeraray ee ku sugan magaalada Xudur ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka lagu qaaday, isla markaana haatan ay howlgallo amni xaqiijin ah ka waday aagga lagu dagaalamay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana dib u laabtay maleeshiyaadkii kooxda Al-Shabaab ee weerarka ku qaadan saldhigga ciidanka Itoobiya ee ku yaalla degmada Xudur.

Bakool ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana sidoo kale kus ugan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS.

Xog cusub: Sidee u dhacay weeararkii CAALMADOW ee Puntland ay ku dafirtay DF?

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn Axaddii ka dhacday buurta Calmadow ee maamulka Puntland.

Weerarkan oo jiritaankiisa ay dafirtay Puntland kadib markii ay dowladda federaalka Soomaaliya soo saartay bayaan ay ku shaacisay in howl-galkaas lagu dilay in ka badan 20 Al-Shabaab ah oo ay ku jireen saddex horjooge.

Duqeyntan oo ay iska kaashadeen Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, ayaa la xaqiijiyay inay ka dhacday aag ka mid ah buurta Caalmadow ee gobolka Sanaag.

Cabdirisaaq Maxamed oo ku sugan yahay deegaanka Caalmadow oo la hadlay VOA ayaa sheegay in duqeyntaasi dhacday subaxnimaddii hore ee maalintaas, uuna maqlay qaraxyo dhowr ah oo illaa saddex ah.

“Waa isku xig-xigeen oo waxay ku dhaceen aag isku dhow. Meesha duqeynta ka dhacday waxaa la dhahaa Dul oo beero ayaa ku yaallo. Waa meel xagga Gubataa usii jeeda oo waa buuro dhexdood,” ayuu yiri Cabdirisaaq Maxamed.

Sidoo kale waxa uu sheegay in duqeymo noocaan ah ay ka dhaceen dhowr jeer, “Waxaa ka dhacay duqeymo mar Al-Shabaab lala beegsaday iyo mar ay cidlo ka dhaceenba.”

Waxa uu intaas kusii daray “Ciidanka Puntland Gal-gala ayay ku sugan yihiin oo illaa 54 ayay u jiraan aagga ay ka dhacday duqeynta.”

Duqeynta ayaa lagu bar-tilmaameedsaday xero ay dagaal-yahaanno Al-Shabaab ah isku aruursanayeen, taasi oo ku taalla aaggaasi, ayada oo halkaasi lagu jabiyay dhagartii ay u maleegayeen shacabka ku nool deegaannada Puntland, sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay DF.

Howl-galkan ayaa noqonaya midkii ugu cuslaa ee muddooyinkan dambe lagu beegsado Shabaab-ka ku dhuumaaleysanaya maamulka Puntland, xilli qeybo kamid ah dalka dib looga abaabulayo dagaalka dhanka ah kooxda.

Hoos ka dhageyso:

Xogta kulan muhiim ah oo madaxweyne Xasan uu maanta uga qeyb-galayo Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shirka sanadlaha ah ee bangiga horumarinta Afrika uga qeyb-galaya magaalada Nairobi Kenya.

Shirkan oo ah mid heer madaxweyne ayaa waxaa sanadkaan diirada lagu saarayaa dib u qaabaynta qaab-dhismeedka maaliyadeed ee Afrika.

Shirkaan ayaa waxaa kasoo qeyb-geli doona madaxweynayaasha dalalka Africa qaar badan oo ka mid ah iyo madaxda bangiga horumarinta Afrika.

Soomaaliya ayaa heer fiican ka gaartay toosinta, maaraynta iyo maamulka maaliyadda, sida ay sheegtay xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Tallaabooyinka dhanka horumarka maaliyadeed uu dalkeenna u qaaday ayaa horseed u ah in dalka laga cafiyo dayntii lagu lahaa, islamarkaana hay’adaha dhaqaalaha ee adduunku sida World Bank, IMF iyo AfDB ay ku amanaan dawladda Soomaaliyeed heerkeeda maaraynta maaliyadda.

Si kastaba, Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Nairobi ayaa noqonaya kii afaraad oo muddo bil gudaheed ah uu ku tegay dalkaasi Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mid kamid ah safaradaas uga qeyb-galay shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka oo lagu qabtay magaalada Nairobi, halka uu mid kalena wada-xaajood dhanka gobolka uu kula qaatay madaxda Kenya, oo ugu horreeyo madaxweyne William Ruto.

DF oo jawaab aan la fileyn ka bixisay warbixintii Kenya ay u gudbisay Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha Kenya William Ruto oo khudbad uu Mareykanka ka jeediyey ku sheegay in Soomaaliya ay Khawaarijta Al-Shabaab ula wareegi doonto sidii Afganistaan ay ula wareegtay Talibaan, hadii dalka laga saaro ciidamada ATMIS.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimahada dibadda Soomaliya Cali Balcad ayaa qoraal kooban uga jawaabay hadalkii Ruto, isagoo sheegay in marxaladda Soomaaliya aysan lamid aheyn midii ka dhacday Afgaanistaan.

Cali Balcad oo qoraalkaan ku baahiyey bartiisa Twitter-ka ama X ayaa in Soomaaliya aysan khatar geli doonin hadii ciidanka ATMIS ay waqtigooda ku baxaan, isagoo meesha ka saaray cabsida uu muujiyey madaxweynaha Kenya.

“Kooxaha argagixisada ah ee Soomaaliya aad ayey uga duwan yihiin kuwa Afgaanistaan, bixitaanka ciidamada ATMIS ma horseedi doonto xaalad lamid ah tii Afgaanistaan, waxaan ku dadaali doonaa inuu guuleysto dadaalka ay xasilloonideeda xaqiijineyso Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimahada dibadda Soomaliya.

Intaas kadib, barta X oo inta badan ay siyaasiyiintu isticmaalaan waxaa ka furantay dood lagu falanqeynayo hadallada Ruto iyo Cali Balcad, siyaasiyiin ay ku jiraan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in hadalka madaxweynaha Kenya ka soo yeeray uu macquul yahay, khatarta uu ka digayna ay jirto.

Madaxweynaha Kenya William Ruto oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa jeediyey khudbad uu kaga hadlay xaaladda Soomaaliya, isagoo ka digay khatar soo wajihi karta dalka, hadii ay ka baxaan ciidamada ATMIS.

Ruto ayaa sheegay in xaaladii ka dhacday Afgaanistaan mid lamid ah ay ka dhici doonto Soomaaliya, hadii aan la helin qorshe ka duwan sida ay hadda wax ku socdaan, wuxuu sheegay in nabadda Soomaaliya oo mar kale lunta ay qaribi karto guud ahaan Geeska Afrika, isagoo dowladda Mareykanka ka codsaday in arrintaan ay soo farageliso.

Inta uusan Mareykanka aadin Madaxweynaha Kenya wuxuu Nairobi kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, isagoo kala hadlay xaaladaha ku xeeran safarkiisa Washington iyo waxyaabaha uu ula tegayo madaxda Mareykanka oo casuumaad uu ka helay, si gaar ah waxay diiradda saareen arrimaha quseeya danaha labada dal iyo guud ahaan gobolka.