25 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

SOOMAALIYA oo loo doortay kursi caalami ah iyo mas’uulka ku meteli doona (Warbixin)

0

Geneva (Caasimada Online) – Shirka Caafimaadka Adduunka kisii 77-aad oo si rasmi ah uga furmay magalaada Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxaa Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam loogu doortay inuu noqdo madaxweyne ku-xigeenka golaha shirwaynaha caafimaadka adduunka.

Golahan oo sanad walba mar ku kulma xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva ayaa wuxuu lafa-guraa hawlaha hortabinta u leh caafimaadka aduunka, waxaana lagu gaaraa go’aamo masiiri ah oo saameeya waddamada adduunka oo dhan.

Sanadkan waxyaabaha shirkan adduunku kaga doodaya ayaa waxa ugu horeeya hindise ay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya soo jeedisay, kaasi oo ujeedadiisu tahay in adduunka uu u midoobo yaraynta dhimashada Hooyada iyo Dhallaanka.

Soo jeedintan ayaa ku qotonta sidii loo gaari lahaa hadafka guud ee golaha taasi oo muujinaysa in Soomaaliya ay ciyaareyso door muhiim ah oo ka dhax muuqda guud ahaan golaha iyo miiska arrimaha caafimaadka ee adduunka.

Dhanka kale, waxaa aad looga doodi doonaa qabyo-qoraalka heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga xanuunnada awooda u leh in ay faafaan ee keena cudur-dilaaca taasoo dhibaato ba’an ku heysa guud ahaan dunida wadamo badan oo xaaladahaasi la daalaa dhacayana ay hadda miiska joogaan.

Arrinta ayaa sidoo kale muujinaysa in dunida meel qura kaga soo jeesatey xal u helida xaalad kasta oo caafimaad, midaasi oo soo dhaweynaysa xalka mushkiladaha caafimaad ee adduunka.

Wafdiga Soomaaliya ee uu wasiirka hogaaminayo waxaa kamid ah agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Guuleed Cabduljaliil, agaasimaha machadka caafimaadka Dr. Xuseen Muhiyadin, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Jubbaland, agaasime waaxeedyo iyo la-taliyayaal.

Sawirro: Xamza iyo Swan oo kulmay – Maxaa laga hadlay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay ergeyga kumeel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo maanta booqasho ugu tegay.

Labada mas’uul ayaa waxa ay kulankooda uga wada-hadleen xoojinta wadashaqeynta hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Xamza oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale uga mahadceliyey hay’adaha Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray inay diyaar u yihiin in si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha bini’aadamtinimada, horumarinta bulshada iyo xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta.

Dhankiisa Ergayga aya ka mahadceliyey soo dhawaynta loo sameeyey, isagoo sheegay in Qaramada Midoobay diyaar u tahay in dowladda Soomaaliya ay gacan ka siiyaan barnaamijyada hortabinta u leh qorshaha Xukuumadda DanQaran.

Swan oo dhowaan Muqdisho yimid ayaa wada kulamo xasaasi ah oo uu la yeelanayo madaxda dowladda dhexe, isaga oo horay ula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, oo ay ka wada-hadleen dhisidda guddi farsamo oo wadaag ah oo kala matalaya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo ujeedkooda shaqo uu yahay unkidda Xafiis Qaramada Midoobey ku yeelato dalka.

Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen sare u qaadida iskaashi wax-ku-ool ah iyo iskuduwid sarraysa si loo gaaro ujeeddooyinka wadaagga ah ee ka shaqaynaya hannaanka kala guurka ee la qorsheeyay.

Waa markii labaad ee uu James Swan qabanayo xilkan, balse markan waa kusime, isaga oo si KMG usii hayn doono, waxaana uu dhameystiri doonaa howsha xafiiska UNSOM oo la qorsheynayo in sanadkan dib u eegis lagu sameeyo.

Isku soo wada duubo, Swan oo horay xilka Ergeyga QM ee Soomaaliya u soo qabtay sanadihii 2019-2022, si fiicana u yaqaana madaxda Soomaalida ayaa waxaa hadda hortaalla sidii uu dhinacyada isugu soo jiidi lahaa, si miiska wada-hadalka la iskugu yimaado, waana mid kamid ah shaqooyinka adag ee imaatinkiisa uu markaan la koowsanayo.

Booliska miyaa ku qasba eedeysanaha inuu xirto dharkii uu muuqaalka ku duubay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska magaalada Muqdisho ayaa soo xiray dad ka badan 30 qof todobaad kii ugu dambeeyay, kuwaas oo ku eedeysan falal lidi ku ah amniga, kicin dadweyne iyo faafin anshax xumo.

Dadkan oo dhammaantood horey uga soo muuqday telefishano maxali iyo baraha bulshada ayaa jeediyay haddallo ay ku durayaan go’aanno maxakamadeed oo soo baxay, hanjabaado loo jeediyay madaxda dowladda iyo warar u muuqaday kicin qabyaaladeysan.

Dadka la soo xiray qaarkood ayaa dhigay bannaanbaxyo rabshado wata kuwaas oo ay ku diidanaayeen degmo cusub oo looga dhawaaqay xaafadda Daaru-Salaam ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha booliska Soomaliya Janaraal Sulub Axmed Firin oo ka hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay kordheen dhaliyarada u isticmasha barraha bulshada sida aan saxda ahayn.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in boolisku xaq u leeyahay in uu soo qabto, isla markaana uu geeyo saldhigyada, muwaadinka sameeya wax sharciga ka baxsan, lana waydiiyo sax ahaanshaha wixii uu ku hadlay.

“Qofka makarfoonka qaatay ama muuqaal iska duubay baraha bulshada ama dadka Soomaaliyeed hortooda wax ka sheegay, wuxuu sheegay ayaa laga rabaa in uu caddeeyo, wax kale oo loo haysto oo loo geysanayo ma jirto, hadduu cadeyn waayo sharciga ayaa la horgeynayaa, wixii uu ka helo ayuuna leeyahay,” ayuu yiri taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Janaraal Sulub.

Taliyaha ayaa ugu baaqay dhalinyarada qaar ee isticmaasha barraha bulshada in ay ku badallaan muuqaalada kicinta iyo anshax xumada, kuwa dadka iyo dalka wax taraya.

Sidee ku dhacday eedeysanayaasha la soo xiray in lagu soo qabto dharkii ay muuqaallada isaga duubeen?

Sawirrada eedeysanayaasha uu baahiyay Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa muujinaya iyagoo xiran isla dharkii ay muuqaallada isaga duubeen, iyagoo siyaabo kala duwan uga hadlaya dhacdooyin ay kamid yihiin xukunno ay gaareen maxkamaddaha dalka, diidmo amarro horey dawladda uga soo baxay, iyo hanjabaado loo jeediyay madaxda dawladda iyo kuwa garsoorka.

Dadka barraha bulshada isticmaala ayaa aad u hadal haya waxa isku beegay dharka lagu soo xiray iyo kii ay wateen markii ay hadallada xanafta leh jeedinayeen.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Korneyl Mahdi Cumar Muumin oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in si eedeysanaha loo dareensiiyo in aan dambigan looga hareynin oo maalin loo soo qabanayo lala sugo isla dharkii uu muuqaalka isaga duubay, halka qaar kale la soo xiro iyagoo gacanta kula jira falka.

‘’Dadkan sida aad la socotidba way iska hadlayaan, markii ay hadlaana waxay rabaan ayay isaga hadaaqaan, uma haystaan in ay dambi galeen, iyagoo fal dambiyeed galaya ayay duurka iska galaan,” ayuu yiri taliye Mahad.

“Marka si loo dareensiiyo in aan dambigan looga hareyn oo maalin uun loo soo qabanayo ayaa lala sugaa, in ay subixii iska yimaadaan oo maalin kale iska yimaadaan, markii ay dharkii soo qaataan oo caadi yihiin baa la helaa, waana lala sugaa,” ayuu sii raaciyay taliyaha.

Qaar kale waxa la qabtaa iyagoo hawsha ku jira, sidaas ayaana loogu soo xiraa dharka ay muuqaallada isaga duubeen, sida uu sheegay taliyaha.

“Kuwo qaarkood marka fal dambiyeedka ay galeen isla markii ayaa la helaa, iyagoo muuqaal soo dhigay ama bannaanbax ka hadlaya ayaa la soo helayaa,’’ ayuu yiri Mahdi.

Dadka 30-ka qof ka badan ee boolisku soo xiray, intooda badan waxa lagu soo xiray isla dharkii ay xirnaayeen markii ay muuqaalladooda soo dhigayeen barraha bulshada, taasi oo fal celin badan ay ka sameeyeen dad kale duwan.

Warbixintan qeybo kamid ah waxaa laga soo xigtay BBC.

Xogta sida keliya ee ciidanka DF Soomaaliya ay howl-gallo uga fulin karaan Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay Axaddii sheegtay in 20 xubnood oo ka tirsan maleeshiyadda argagixisada in lagu dilay deegaanka Caalmadow ee maamulka Puntland.

Sida ay faafisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa weerarkaasi iska kaashaday ciidanka dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xog ay heleen ciidanka dowladda Soomaaliya oo sheegaysay in koox argagixiso ay isku aruursanayaan Caalmadow inay sababtay in la duqeeyo argagixisadaasi, taasina ay dhashay geerida 20 maleeshiyo ah oo ku jiraan horjoogayaal.

Laakiin Puntland ayaa diiday libintaasi ay sheegteen ciidanka dowladda Soomaaliya. War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta ee Puntland ayuu maamulka ku beeniyay inay ciidan taabacsan dowladda federaalka joogaan ama wax howl-gal ah ka sameeyeen deegaanka Caalmadow ee maamulka Puntland.

Maamulka waxay been abuur ku tilmaameen farriinta kasoo baxday dowladda federaalka, waxay intaas ku dareen in deegaanadooda aanay joogin ciidan ka tirsan xoogga dalka ama kuwo taabacsan dowladda dhexe, iyaguna Puntland ahaan ay amnigooda masuul ka yihiin.

Laakiin Puntland ma aanay beenin mana xaqiijin inay duqeyn ka dhacday Caalmadow. Maadaama ciidan ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya aanay joogin deegaanada Puntland waxay dad badani isweydiinayaan sidee ayay macquul ku tahay inay dowladda federaalka ku lug yeelato weerarkan, laakiin waxay ugu lug yeelan kartaa sirdoon ahaan.

Inta badan ciidanka dowladda Soomaaliya iyaga ayaa bixiya xogaha duqeymaha oo siiya saaxiibada caalamiga ah, xogtaasi ayaana badi lagu fuliyaa duqeymaha, kadibna dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faafisa natiijada duullaanka.

Marka sidaas loo eego dowladda federaalka waa sheegan kartaa ku lug lahaanshaha duullaanada nuucaan ah meel walba oo dalka kamid ah oo ay ka dhacaan.

Farriinta maamulka Puntland waxay u muuqata mid weli baalka ku haysa khilaaf siyaasadeedka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland. Laakiin waxaa fiicnaan laheyd in siyaasadda laga fogeeyo la-dagaalanka argagixisada, maadaama ay argagixisada tahay cadow dhib ku haya guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Laamaha amniga ee heer federaal iyo kuwa heer maamul goboleed waxaa hortaalla inay qaatan masuuliyad ka weyn isriix-riixa siyaasiyiinta oo ay wada-jir ula dagaalamaan argagixisada naafeysay nabaddii iyo horumarkii umadda Soomaaliyeed.

Sawirro: Saraakiil xul ah oo Muqdisho loogu soo xiray tababar hubka culus ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno ka tirsan ciidanka dhulka XDS oo loo soo xiray tababar lagu barayay isticmaalka hubka culus.

Taliye xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed Gen. Maadeey Shekh Nuur Ufuroow oo uu wehliyo taliyaha ciidanka dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa tababarka usoo xiray saraakiishan oo laga soo xulay guutooyinka iyo qeybaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Saraakiishan ayaa muddo la barayay isticmaalka hubka culus oo Llagama maar-maan u ah dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, xilli uu dalka ka socda howl-gallo lagu beegsanayo Al-Shabaab.

Taliye xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed ayaa taliska ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu horkacayay Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ku amaanay dadaalada aqoon kororsiga ah ee lagu tayeeynayo saraakiisha iyo saraakiil xigeenada ka tirsan qaybaha Iyo guutooyinka ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa xusay muhiimadda ay ciidanka xoogga dalka xiligaan u leedahay inuu helo saraakiil iyo saraakiil xigeeno maarayn kara hubka culus aqoon dheeraadana u leh.

Sidoo kale taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Dayax Cabdi Cabdulle oo munaasabadda xiritaanka ka hadlay ayaa saraakiisha iyo saraakiil xigeenada qaatay tababarka kula dardaarmay in laga sugayo ka mira-dhalinta dadaalka iyo waqtiga la geliyay ee ku aadan qaadashada tababarka muhiimka ah.

Intaas kadib taliyaasha ayaa si wadajir ah u kormeeray qeyb deegaameed cusub oo loo hirgeliyay taliska ciidanka dhulka, oo tiir-dhexaad u ah ciidanka xoogga dalka iyo bar hogaamineedka howl-galka dalka looga sifeynayo Khawaarijta.

Madaxweyne Ruto oo sawir qaldan ka gudbiyey Somalia – Muxuu u sheegay Mareykanka?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in Al-Shabaab ay qabsa doonaan Soomaaliya, haddii ciidamada ATMIS ay ka baxaan dalka, ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah howlgalka ATMIS.

Ruto oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa codsaday in loo istaago oo Mareykanku hoggaamiyo qorshe looga hortegayo in Shabaab ay qabsadaan Soomaaliya.

Wuxuu si cad u sheegay in xaaladii ka dhacday Afgaanistaan mid lamid ah ay ka dhici doonto Soomaaliya, hadii aan la helin qorshe ka duwan sida ay hadda wax ku socdaan, wuxuu sheegay in nabadda Soomaaliya oo mar kale lunta ay qaribi karto guud ahaan Geeska Afrika.

“Kenya waxay ka hortageysaa caqabadaha amni ee Geeska Afrika, waxaan xiriir la sameeyay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana heysata caqabad dhanka ammaanka ah, sababtoo ah jadwalka ATMIS ooh adda dhigaya in la gaaray waqtigoodii bixitaanka waa mid aan ku saleysneyn shuruudihii loo baahnaa, marka waa in la helo qorshe deg deg ah,” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.

Ruto wuxuu khudbadaas uga codsaday Mareykanka inay soo faro-geliyaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan qorshaha bixitaanka ciidanka ATMIS ee soo gabagabeynaya howlgalkoodii nabad ilaalinta, iyadoo isku filaansho amni aysan gaarin dowladda Soomaaliya, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Anagu waxaan rabnaa in dowladda Maraykanka ay soo farageliso arrinta, si loo beddelo jihada qorshaha, talaabo deg deg haddii aan la qaadin oo ciidanka ATMIS aan kala baxno Soomaaliya, waxaa dalka la wareegi doonta argagixiso,” ayuu hadalkiisa ku sii daray William Ruto.

Inta uusan Mareykanka aadin Madaxweynaha Kenya wuxuu Nairobi kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, isagoo kala hadlay xaaladaha ku xeeran safarkaas iyo waxyaabaha uu ula tegayo madaxda Mareykanka oo casuumaad uu ka helay.

Ma cadda in Xasan Sheekh iyo William Ruto ay isla ogyihiin hadalka uu maanta ka sheegay Mareykanka, balse waxay qaateen wadahadal ku saabsanaa waxyaabaha uu Ruto la shir tegayo ee quseeya danaha labada dal.

Masar oo war cusub ka soo saartay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya, kuna dhawaaqday…

Qaahira (Caasimada Online) – Dawladda Masar ayaa mar kale ka hadashay muhiimadda ay leedahay in la xaqiijiyo amniga, xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya, iyadoo hoosta ka xariiqday in Soomaaliya oo intaas hesha ay horseedi karto amni iyo xasilooni ka hirgasha gobolka oo dhan.

Masar waxay mar kale si buuxda u xaqiijisay garab istaageeda Soomaaliya, xilli uu circa isku sii shareerayo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya, markii uu soo shaac-baxay heshiis beenaadkii uu Muuse Biixi badda ku siiyey Itoobiya, waxay Masar degdeg ula safatay Soomaaliya.

Masar ayaa aad uga carootay heshiiskaas oo dhigayay in 20 KM oo dhul badeed ah laga kiraynayo Itoobiya, si ay uga dhisato saldhig ciidamo badeed, Itoobiya ayaa heshiiskaas Somaliland uga bedelatay balanqaad ah inay aqoonsa doonto.

Masar oo waayo badan uu khilaaf adag kala dhexeeyey Itoobiya, marar badana ay ku sigteen in dagaal toos ah uu ka dhex-qarxo ayaa ayaa aad uga xumaatay fursadda ay heleyso Itoobiya, waxayna deg deg isku garab taagtay mowqifka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku diidan tahay damacaas.

Markii uu heshiiskaas ka dhacay Addis Ababa 1-dii Janaayo, Masar waxay cod dheer ku sheegtay in ay muhiim tahay in la xushmeeyo midnimada iyo madax-banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo si buuxda u diiday tallaabo kasta oo lagu xagal daacinayo midnimada Soomaaliya.

Dawladdda Soomaaliya oo aad uga carootay heshiiskaas ayaa Itoobiya u raadsatay garab ka difaaci kara, Masar waxay ku jirtay dowladihii cududa militeri u balan-qaaday Soomaaliya, hadii dagaal toos ah ay la gasho Itoobiya.

Shirar kala duwan oo ay qabteen IGAD iyo Midowga Afrika oo looga arrinsanayay khilaadka labada dhinac, ayaa lagu cadeeyey xadgudubka Itoobiya, waxayna Soomaaliya qadiyadaan caalamka uga heshay taageero lama filaan ah oo ka nixisay Itoobiya.

Dowladda Masar ayaa saacadihii lasoo dhaafay mar kale u xaqiijisay Soomaaliya, in ay wali garab taagan tahay xasiloonada iyo midnimada dalka, kadib markii safiirka Soomaaliya ee dalka Masar Ilyaas Sheekh Cumar uu kulan gaar ah la yeeshay ra’iisul wasaaraha Masar Mustafa Madbouly.

Ra’iisul wasaaraha Masar ayaa u xaqiijiyay safiirka iyo dawladda Soomaaliya-ba sida ay dowladda Masar u garab taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya, maadaama ay leeyihiin labo dal oo xiriir taariikhi ah leh.

Saddexda arrin ee xalka uga baahan Swan ee ay ku jirto xiisadda DF iyo Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjire James Swan ayaa shalay kusoo laabtay Soomaaliya, si uu markale u hoggaamiyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Ninkan Ameerikaanka ah ayaa arrimaha Soomaaliya ku lug lahaa tan iyo 1993-dii. Waxaa lagu tilmaama mid macalin ku ah maareynta xaaladaha kala guurka ah iyo xalinta mushkiladaha siyaasiga ah.

Saddex xaaladood oo buuq badan ayaa hadda yaalla Soomaaliya, labo Soomaalida ayaa isku haysa, midna wuxuu la xiriira xafiiska loo soo magacaabay Swan.

1. Dowladda dhexe iyo Puntland xiisadooda xal ma u heli doona?

James Swan si wanaagsan ayuu u garanayaa Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi Deni. Wuxuu lasoo macaamilay iyagoo isku saf ah, hadda’se xalkooda ayaa xeelad uga baahan.

Saciid Deni ayaa ka baxay Golaha Wadatashiga Qaran, maamulkiisa ayaa qaadacay isbeddelka dastuurka, waxayna gunaanadkii kalsoonida kala laabteen dowladda dhexe.

Gabadha British-ka ee Swan uu shaqada ka beddelay ayaa dhowr jeer isku deyday inay dhinacyada xaliso, laakiin kuma guuleysan. Dowladda dhexena waxay ka dareentay inay dhanka Puntland u badan tahay.

Khilaafkani xal uma ahan Soomaaliyada raadineysa inay cagaheeda ku istaagto. Haatan waxaa la eegayaa Swan iyo sida uu u maareeyo xiisadda Saciid Deni iyo Xasan Sheekh ee isku rogtay xiisadda Puntland iyo dowladda dhexe.

2. Dastuurka

Mucaaradka waxay ku doodayaan in guud ahaan uu madaxweyne Xasan Sheekh beddelay dastuurkii lagu doortay, taasina ay shaki-gelinayso sharciyaddiisa. Halka uu madaxweyne Xasan Sheekh ku doodayo inuu ku howlan yahay dhameystirka dastuurkii hore oo uusan mid cusub sameynin.

Danjire James Swan wuxuu hoggaaminayaa xafiiska UNSOM oo maareynta khilaafyada noocaan ah uga wakiil ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Weli madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku adkeysanayaa inuu dhameystiro 15 cutub ee dastuurka, mucaaradkuna diidmo ayay la hortaagan yihiin, waxaana la eegaya sida uu James Swan isugu soo dhaweeyo dhinacyada ama u qaato sax ahaanshaha hal dhinac.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa weli si cad u taageerin isbeddelka madaxweyne Xasan Sheekh ee dhanka dastuurka.

3. Qorshaha Soomaaliya ee xiritaanka xafiiska UNSOM

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan sheegtay damaceeda ku aadan xiritaanka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Inkasta oo warqaddii hore ay deg deg ula laabatay Soomaaliya oo kadibna ay mid ka dabacsan dirtay, haddana Muqdisho waxay weli naawileysa in xafiiskan laga dulqaado ama awoodihiisa la dhimo, kaasi oo dowladda Soomaaliya ay u aragto mid dhantaalaya madax-banaanida dalka.

James Swan sida uu arrintaan u qaabeyn doono ayaa iyadana il-gaar ah lagu eegi doona, wallow ay jiri doonaan la-tashiyo badan oo lala yeelan doono dhamaan dhinacyada Soomaalida oo ay ku jiraan dowladda dhexe, maamul goboleedyada, mucaaradka iyo bulshada rayidka ah.

Fal-celin aan caadi aheyn oo ka dhalatay maxkamadda lasoo taagay Waa-Gariiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Hanad Cabdiraxmaan Maxamed oo loo yaqaan Waa-Gariiray oo shalay kasoo muuqday maxkamadda gobolka Banaadir ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan.

Ninkan oo shalay maxkamadda u fariisatay dhagaysiga garmaqalka kiis dacwadeed uu eedeysane ka yahay, ayaa waxaa loo haystaa faafinta muuqaalo iyo sawirro khilaafsan dhaqanka suuban ee bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa soo bandhigay muuqaalo iyo sawirro uu baraha bulshada ku faafiyay ninkaan, ayada oo Waa-Gariiray ku eedeysay in waxyaabaha uu baahiyey ay kasoo hor jeedaan dhaqanka suuban ee bulshada Soomaaliyeed.

Waa-Gariiray waxaa toddobaadyo ka hor soo xiray booliska Soomaaliya, ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ku socday baaritaano culus oo ku saabsan dhaqankiisa.

Kiiska ninkaan iyo kasoo muuqashadiisa maxkamadda ayaa hadal-heyn badan ka abuuray baraha bulshada, ayada oo dadka qaar ay soo jeediyeen in xukun adag lagu rido si ay tusaale ugu noqoto kuwa lamidka ah ee caadeystay anshax xumada.

Maxamed Shiikh Cabdulle: “Howl badan ayaa u taalla wasaaradaha diinta iyo warbaahinta, dadka in la soo xero u baahan wey badan yihiin.”

“Ninkaan mudo dheer ayuu fasahadinaayay dadka, xukun dheer ha lagu rido haddii kale kuwo kale ayaa soo baxaayo,” ayuu yiri Khaalid Hurre.

Cabdiraxmaan Cabdi ayaa waxa uu yiri “Alxamudulilah dowladnimo Soomaaliyed ayaa so muuqatay!. Wixii diinta, dhaqanka Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyed ku xad-gudbaya ha la maxkamadeyo.”

Bilan Cabdilahi ayaa sidoo kale waxay tiri “Waligay nin ka dhaqan xun maan arag.”

Nuur Cabdule Logaab ayaa isna waxa uu yiri “Dowlada dadka iyo dalka ayadaa ka masuul ah waxkasta oo dhaqan xumo ah waa in laga hor tagaa mar walba.”

“War meesha ha lagu haayo hadda ayuu nin u ekaaday!,” ayay tiri Ifraax Cabdikariin Cusmaan.

Axmed Faarax Shiil: Waar ninkii waa-gariire waxbaa ku dhacay.”

Luul Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale iyadna tiri “Waa in la xukumaa oo la eedsiiyaa dhaqan xumadii uu umada ku dhex faafinayey.

Si kastaba, Booliska Soomaaliya ayaa wixii ka dambeeyey markii Waa-Gariiray la soo xiray wuxuu sidoo kale soo xiray inta badan dhalinyaradii baraha bulshada ka waday ‘qabyaaladda, dhaqan xumada iyo aflagaadada.’

Sida ay xubno ka tirsan garsoorka Soomaaliya u sheegeen Caasimada Online, maxkamadeynta Waa-gariiray ayaa bilow u ah maxkamadeynta xubno caan ka ahaa baraha bulshada, balse hadda loo heysto waxyaabihii ay baahin jireen.

Shidaalka Soomaaliya oo la sheegay in suuq madow lagu iibinayo Xasan Sheekh oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane oo loo yaqaano (Kulane Jiis) oo war qoraal ah soo saaray ayaa eedeyn culus u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh.

Kulane ayaa sheegay in shidaalka Soomaaliya suuq madow lagu kala iibsanayo, iyada oo shacabka iyo baarlamaanka Soomaaliyeed laga qarinayo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in madaxweyne Xasan uu muddooyinkii dambe magaalada Nairobi ee dalka Kenya ugu laab-laabanayay socodsiinta heshiis qarsoodi ah oo lagu iibinayo shidaalka Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) oo ku qornaa luuqada Ingiriiska ayuu ku sheegay arrintaan, isagoo intaas kusii daray in madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta Nairobi u tegi doono si uu heshiiskaas qarsoodiga ah usoo gaba-gabeeyo.

“Waxaa la xaqiijiyey: iyada oo gebi ahaanba la iska indho-tiray shuruucda dalka iyo tii baarlamaanka u degsan in ay baaran iyo weliba xaqa ay shacabku u leeyihiin in ay ogaadaan, waxaa lagu xaraashayaa shidaalka suuq madow,” ayuu ku yiri qoraalka.

Waxa uu intaas kusii daray “Madaxweyne Xasan Sheekh waa uu ku hawlanaa heshiis ku saabsan iibinta baloogyada shidaalka, waana sababta ugu weyn ee uu safarro dhowr ah ku tagay Kenya oo uu haddana maanta u safri doono Nairobi, si uu heshiiska u soo gabagabeeyo!.”

Soomaaliya ayaa horey u gashay heshiisyo shidaal qodis, halka ay kuwa kalena burisay, kuwaas oo ugu dambeeyay heshiis ay kula gashay dowladda Turkiga.

DF oo qaaday tallaabadii u horeysay kadib go’aanno uu Sacuudiga kasoo saaray Xajka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qabatay shir gaar ah oo looga hadlayo arrimaha sanadkan kasoo kordhay Xajka, kaas oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda Soomaaliya.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Xafiiska Arrimaha Xajka Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha diinta dowlada federaalka Soomaaliyeed ee Makkah ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray go’aanno cusub oo ay soo saartay wasaaradda Xajka ee Boqortooyada Sacuudiga.

Dowladda ayaa shirkan isugu yeertay mas’uuliyiinta Xamladaha Shirkadaha Xajka ka shaqeynaya iyo masuuliyiinta xafiiska arrimaha Xajka, waxayna ka wada arrinsadeen sidii loo dhaqan gelin lahaa go’aannada kasoo baxay wasaarada Xajka ee dalka Sacuudiga.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaaday sidii Xujeyda Soomaaliyeed loo wada gaarsiin lahaa Kaarka Xaajiga ee Nusuk, loo Tayeyn lahaa Soo dhoweynta Xujeyda Soomaaliyeed, sida loogu diyaar garoobi lahaa maalmaha Xajka ee na soo aadan, loona nidaamin lahaa biyaha Zam-Zamka ee ay qaadanayaan Xujeyda marka ay dalka dib ugu laabanayaan.

Waxaa kale oo laga wada-hadlay sidii loo hagaajin lahaa Hadyiga oo ah neefka Xoolaha uu gowracayo Xaajiga, Xilliga Xajka, iyadoo Wasaarada Xajka Dowlada Sacuudiga ay soo jeedisay in la hagaajiyo Habka loo bixinayo Hadyiga.

Kulankan waxa uu daba joogaa kulamo iyo dadaalo uu wado xafiiska Arrimaha Xajka wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, kuwaasi oo si is daba joog ah u dhaca.

Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowlada federaalka Soomaaliyeed ayaa dardar xoogan ku wada diyaar garoowga iyo Nidaaminta howlaha Xajka ee Sanadkan.

Qorshe lagu baajinayo bixista ciidanka ATMIS oo bilowday iyo dhinacyada riixaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Midowga Afrika ayaa joogay Soomaaliya tan iyo 2007-dii. Mar waxay ku howl-gali jireen magaca AMISOM maantana magaca ATMIS.

Waxqabadkooda 17-kii sano ee Soomaaliya ay joogeen waa lagu kala aragti duwan yahay. Waxaase dhowrkii sano ee ugu dambeysay dhinaca Soomaalida ka socday dalab ah in lasoo gaba-gabeeyo howl-galkan oo ay masuuliyadda amniga la wareegaan Soomaalidu, hadda’se waxaa gobolka ka bilaabatay dood taas ka duwan.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa dhawaan isaga oo ku sugan Aqalka Cad waxa uu sheegay in haddii ay Soomaaliya ka baxaan ciidanka ATMIS inay toos u qabsanayaan argagixisada, taasina aanay cidna faa’iido ugu jirin.

Waxa uu sheegay inay dhawaan kulmeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayna ka wada-hadleen culeysyada amni ee jira iyo halista ka dhalan karta bixitaanka ATMIS.

William Ruto wuxuu weydiistay Mareykanka inuu soo faro-geliyo arrintan. Kenya waxay kamid tahay dalalka ololaha ugu jira inay ciidanka ATMIS sii joogaan Soomaaliya.

Sida loo qorsheeyay bixitaanka ciidanka ATMIS waxaa lagu saleeyay heshiis sanadeed ee laguma saleynin xaalado, micnaha majiro hiigsi amni oo haddii la gaaro laga maarmayo ciidankan ka socda Midowga Afrika, balse waxaa la qorsheeyay in dhamaadka 2024 ay dalka ka baxaan, waana midda keentay walaaca.

Dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto argagixisada ayaa xooga horumar ah laga sameeyay sanadkii koowaad ee xukunka labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin sanadkii u dambeeyay dagaallo badan ma jirin waana midda keentay doodda ku saabsan in amniga Soomaaliya uu joogo marxalad laga maarmi karo ciidanka Midowga Afrika.

Dalalka gobolka waxay ku doodayaan in haddii ay marxaladan kaga soo baxaan Soomaaliya inay dalalkooda amni ahaan saameyn doonta oo ay argagixisada soo xoogeysan doonto. Waxayna olole aan qarsooneyn ugu jiraan in arrintaas dib loo dhigo oo la sameeyo qorshe kale.

Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay arrintaan soo fara-geliyaan. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu ku laabto Kenya, iyada oo ujeeddooyinka safarkiisa ay ku jirto arrinta ciidanka ATMIS.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa weli tababar ahaan, saanad ahaan iyo dhaqaale ahaanba ku tirsan dalal shisheeye, waxaana jira walaac ku saabsan sida uu xaalka noqon karo haddii ay dalalkaas gacmaha ka laabtan.

Si walba, hadda waxaa muuqata in dood kasoo laabatay inay ciidanka ATMIS dhamaadka sanadkaan ka baxaan Soomaaliya.

Sawirro: Muqdisho oo looga dabaal-degay aqoonsi uu bixiyay madaxweyne Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ka dhacday munaasabad ballaaran oo lagu dabaal-dagay aqoosiga degmonimo ee uu bixiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo xalay ka dhacday degmada cusub ee Gubadley.

Xafladdan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qayb-galay duqa magaalada Muqdisho, ra’iisul wasaare hore Cali Maxamed Geedi, golayaasha dowladda, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Ugu horreyn waxaa munaasabadda ka hadlay guddoomiyaha maamulka deegaanka Gubadley, Cabdullaahi Nuur Kaalibey oo madaxda qaranka uga mahadceliyay aqoonsiga degmonimo, wuxuuna sheegay inay tahay guul wayn oo usoo hoyatay reer Gubadley.

Cali Maxamed Geeddi oo isna hadal kooban ka jeediyay madasha ayaa ka sheekeeyay marxaladaha ay soo martay degmadan oo la aas aasay sanadkii 1985, wuxuuna sheegay in macno wayn ay ku fadhiso in Gubadley loo magacaabo degmo rasmi ah, isaga oo ku boggaadiyay madaxweyne Xasan Sheekh, duqa Muqdisho iyo wasiirka arrimaha gudaha.

Intaas kadib Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo hadalka qaatay ayaa qiray in shacabka Gubadley ay dulqaateen, balse ugu dambeyn ay guuleysteen, wuxuuna kula dardaamay inay ka wada shaqeeyaan horumarinta degmada.

“Deegaanka Gubadley waa dulqaatayoo caawa degmo ayuu u dabaal-dagayaa. Xamar waa isku cakiran tahaye aan u wada duubano” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Todobaadkii hore ayaa madaxweynaha Soomaaliya ansixiyay saddex degmo oo kala ah Gubadley, Garasbaaley iyo Daarusalaam oo gobolka Banaadir ka dhigay 20 degmo, waxayna tallaabadan kusoo aaday, xilli loo diyaar garoobayo doorasho qof iyo cod ah.

MUUSE BIIXI oo la yimid qiil ay caalamka ‘ku taageeri karaan’ heshiiska Itoobiya

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in heshiiska ay saldhig ciidan badeed ku siinayaan Itoobiya uu xaqiijin doono amniga Badda Cas iyo “isu socodka maraakiibta si xor ah.” 

Muuse Biixi ayaa wareysi uu siiyey wargeyska Financial Times ku sheegay in heshiiska Itoobiya uu “Somaliland u ogolaan doono inay taageerto dadaallada caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo isu socodka xorta ah ee maraakiibta ee Gacanka Cadan iyo Badda Cas”, halkaasi oo dhowaanahan ay kooxda Xuutiyiinta weeraro ku qaadayeen maraakiibta. 

Waxa uu sheegay in naqshadda dhulka Itoobiya laga siinayo aagga Berbera ay ku jiraan dekad iyo saldhig ciidan oo ka hortagi doona halisaha badda, sida uu hadalka u dhigay. 

“Itoobiya waxay dhisan doontaa saldhig ciidan oo badda ah waxayna yeelan doontaa maraakiib ganacsi, beddelkeedana Itoobiya waxay na siin doontaa aqoonsi – taasi waa aas-aaska,” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Hadalka Muuse Biixi ayaa loo arkaa mid uu taageero uga raadinayo dalalka Reer Galbeedka oo heshiiskan diiday. 

Muuse Biixi waxa kale oo uu sheegay in heshiiskani uu yahay tallaabo muhiim ah oo uu ku xaqiijinayo riyada qarankiisa iskiis isku magacaabay ee ah madax-bannaani buuxda.

“Heshiiska taariikhiga ah ee is-afgaradka ah ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya waxa uu ina siin doonaa dariiq cad oo loo maro aqoonsiga caalamiga ah,” ayuu yiri isaga oo ku sugan Hargeysa. 

Itoobiya ayaa raadinaysay inay hesho bad tan iyo 1993-kii markii ay ka go’day Eritrea, taasi oo ka dhigtay dal aan bad lahayn.

Waxay u aragtaa heshiiska Somaliland inuu yahay mid lagu dhimi karo ku tiirsanaanta Jabuuti ee dhinaca badda, inkastoo Mareykanka, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo Masar – oo ay ku muransan yihiin Itoobiya biyo xireenka Niilka Buluugga ah – ay ka digeen qorshahan inuu sii huriyo colaadda gobolka.

Sarkaal sare oo Itoobiyaan oo ku lug lahaa wada-hadallada Somaliland ayaa sheegay inuu “ku rajo weyn yahay” in heshiis kama dambeys ah uu hirgalo, isagoo intaas ku daray: “Waa arrin siyaasad dhab ah oo lama huraan ah.”  

Omar Mahmood, oo ah falanqeeye sare oo Bariga Afrika u qaabilsan hay’adda xasaradaha caalamiga ah ee Crisis Group, ayaa sheegay in, in kasta oo heshiiska uu la kulmay “diidmo xooggan”, haddana Itoobiya aysan doonayn in ay “si buuxda uga tanaasusho”. 

Heshiiska ayaa waxaa si xooggan uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya oo xiriirkii diblomaasi u jartay Itoobiya, ayada oo dalka ka cayrisay safiirkii Addis-Ababa u fadhiyey Muqdisho.  

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay inay dagaal ka xigaan in heshiiskan la dhaqan-geliyo.

R/W Xamza oo Sweden hordhigay dalabka hanaanka doorasho ee la diidan yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday dalka Sweden, kaasi oo uu hordhigay dalab la xiriira doorashooyinka qof iyo cod ee xukuumaddiisa ay qorsheynayso.

Wafdigan oo uu horkacayo Wasiiru-dowladaha wasaaradda caddaaladda ee dalka Sweden Anders Hall ayaa ra’iisul wasaaraha waxay ka wada-hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliy iyo Sweden.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee Sweden ay ka taageerto Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku qotoma danaha labo geesoodka ah ee labada dal.

“Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyey dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal uu xafiiska ra’iisul wasaaraha kasoo saaray kulankaan.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyey (Sweden) in ay gacan ka geysato dadaallada xukuumadda Dan-Qaran ee la xiriira horumarinta iyo dimuqraadiyeynta dalka,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Mr. Anders Hall ayaa intii uu socday kulanka waxa uu ku ammaanay dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay dhinacyada amniga iyo caddaalada, gaar ahaan dadaalladeeda la xiriira cirib-tirka kooxaha argagixisada, si loo xaqiijiyo Soomaaaliya xasilloon oo ka caaggan argagixiso.

Dowladda Sweden oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa waxa ay kamid tahay dalalka Soomaaliya ka taageera dhanka mashaariicda iyo kaabayaasha dhaqaalaha, sidoo kale waxay kaalin muuqata ka qaadata gurmadka xaaladaha bini’aadannimo ee gudaha dalka.

Daawo: Xaadoole oo si adag uga hadlay qadiyada Daaru-Salam, una jawaabay Dhegey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo xaflad uga qeyb galay degmada cusub ee Gubadley ayaa u jawaabay Xildhibaan Yuusuf Dhegey Ugaas oo habeeno ka hor sheegay in aqoonsiga la siiyey degmada Daarusalaam uu uga dhiganyahay inuu helay degmadii uu doorashada ka soo geli lahaa.

Xaadoole ayaa sheegay in maalmahaan uu ka maqnaa Muqdisho, balse intii uu maqnaa uu hadlay Xildhibaan is xijiyey degmada Daarusalaam oo Xaadoole uu magaceeda ku sheegay Ratiweyne oo ah xaafad ka mid ah degmadaas dhowaan la aqoonsaday.

“Hadalka xildhibaankaas inaan ka jawaabo ma rabin, laakiin hadana waxaan metelaa dadkii isoo doortay, aniga kursigeyga degmo kasta oo Muqdisho ka tirsan ayaa deegaan doorashadiisa ah, Mudulood hadii baari uu ahaan jiray hadda waxaa soo baxday dhalinyaro aad ugu xiran Socail Media-ha ee yeysan idin kala dafin,” ayuu yiri Xildhibaan Xaadoole.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay dhibtay kelmeda ah “Xamar yaa leh” isagoo dalbaday in dadka la soo wado oo la tuso daafaha Muqdisho sida loo degan yahay, si ay u ogaadaan cidda Xamar iska leh.

Xildhibaan Xaadoole oo sii hadlaayey ayaa sheegay in xadgudub iyo war xumo tashiil uusan ogoleyn, balse uu jeclaan lahaa in la is xushmeeyo, “Yaan cidna lagu xad gudbin, laakiin hala xisaabtamo, Xasan Sheekh oo madaxweyne Soomaaliyeed ah, ma ahan in xuquuqda Mudulood ay dartiis u lunto,” ayuu yiri.

Maamulka Degmada Gubadley ayaa caawa qabtay munaasabad loogu mahadcelinayay Madaxda Qaranka, maadaama dhowaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu Gubadley u aqoonsaday degmo rasmi ah oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Masuuliyiin uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil, Odayaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay munaasabadda mahadcelinta aheyd ee caawa lagu qabtay degmada Gubadley.

Hoos ka daawo

DF iyo Puntland oo war is-khilaafsan kasoo saaray arrin xasaasi – Maxaa la isku hayaa?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa ka horyimid qoraal shalay kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay howlgal culus oo ka dhacay buuraha Calmadow ee maamulkaasi, kaas oo ay dowladdu sheegtay inay fuliyeen ciidanka Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah, laguna dilay in ka badan 20 ka tirsan Shabaab.

“Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa muddooyinkaan si weyn ula socday dhaq-dhaqaaqyada cadowga Khawaarijta ah ay ka wadeen deegaannada buuralayda ah ee Puntland” ayaa lagu yiri bayaanka shalay kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Puntland ayaa beenisay sheegashada dowladda ee fulinta howlgalkaasi, waxaana war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta maamulkaasi lagu sheegay in uusan jirin howlgal ay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen deegaanada Puntland.

“Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland, waxay bulshada Puntland, guud ahaan Soomaaliya iyo Adduunkana la wadaagaysaa in an waxba kama jiraan tahay wararka ay faafisay Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasi oo ay ku sheegeen in ciidanka SNA ay howlgal amni ka fuliyeen deegaanada Calmadow ee Puntland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Puntland ayaa ku dooday in amnigeeda ay ku filan tahay, isla markaana deegaanadeeda aysan joojin ciidan ka tirsan dowladda dhexe.

“Dowladda Puntland iyadaa amnigeeda ka shaqeysa, waxaana deegaanada Calmadow ku sugan ciidanka difaaca dowladda Puntland, sidaas darteed ma jiro wax ciidan SNA ah oo ka howlgala ama ku sugan Puntland” ayaa mar kale lagu qoraalka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay ” Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay u taagan tahay in dalka laga caribtiro Argagxisada”.

Dowladda dhexe iyo Puntland ayaa waxaa horay uga dhexeeyay khilaaf siyaasadeed oo saameeyay wada shaqeynta labada dhinac, ayada oo gebi ahaan uu go’an xiriirkooda.

Maxay tahay arrinta DF loo haysto inay si ula kac ah u sameysay ee loo jeediyay BF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay ka gaabsatay u hiliinta shacab ka badan 8,000 oo Muslimiin ah oo lagu xasuuqay dalka Boosniya, kadib markii khamiistii la soo dhaafay Golaha loo dhan yahay ee QM ay u codeeyeen in 11-ka July loo aqoonsaday maalinta caalamiga ah ee xuska xasuuqii Srebrenica ee sanadkii 1995.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in dowladaha adduunka ay cod aqlabiyad leh ugu hiiliyeen gabood falka loo gaystay muslimiintaasi, balse dowadda Soomaaliya ka gaabsatay, isla markaana gebi ahaan ay ka baaqatay kulanka codeynta, si ula u kac ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu shaki xoogan ka muujiyay kulan gaar ah oo magaalada Muqdisho ku dhex-maray ra’iisul wasaare Xamza iyo ergeyga gaarka ah ee Seerbiya u qaabilsan Geeska Afirka,isaga oo sheegay inuu caasimada u yimid ololaynta qadiyaddaas.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay baarlamaanka in arrintan uu soo farogeliyo, si madaxda sare ee dalka wax looga waydiiyo falkan oo uu tilmaamay inay ula kac u sameeyeen.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:-

Shacabka Soomaaliyeed gaboodfal taariikhi ah ayey ku tahay in magaciisa loogu hiillin waayo qadiyad ay leeyihiin dad shacab ah oo Muslim ah. Khamiistii la soo dhaafay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyey in 11-ka July loo aqoonsaday maalinta caalamiga ah ee xuska xasuuqii Srebrenica ee sanadkii 1995-kii ay ciidamada Serbiyiinta ku dileen in ka badan 8,000 oo muslimiin Boosniyaan ah, kuna kufsadeen kumanaan kun oo haween ah.

Dawlada Soomaaliya ayaa si ulakac ah uga maqnaatay goobta codaynta, iyadoo aan wax sabab ah ama cudurdaar la aqbali karo lahayn. Xukuumadu waa in ay shacabka u fasirtaa sababta ku bixisay falkaas gurracan.

Guddiga arrimaha dibadda ee labada aqal ee Baarlamaanka waxaa waajib ku ah, haddiiba ay nafi ku harsantahay in ay xukuumadda waydiiyeen xiriirka ka dhexeeya kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo ergeyga gaarka ah ee Seerbiya u qaabilsan Geeska Afirka ee dalka u yimid ololaynta qadiyaddaas.

Inkasta oo ay Soomaaliya xadgudubkaas ku dhacday, haddana inta badan dawladihii adduunka cod aqlabiyad ah ayey ugu hiilliyeen dalka Boosniya.

Baraha bulshada ayaa lagu faafiyey Madaxweynaha dalka Seerbiya, Aleksandar Vučić’s oo ka ilmaynaya codaynta ka dhanka ah xasuuqa uu dalkiisa gaystay.

Xogta kulamo uu Swan ka bilaabay Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa bilaabo kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo madaxda sare ee dalka.

James Swan ayaa booqasho ugu tegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo ay yeesheen wada-hadallo gaar ah.

Ugu horreyn wasiir Fiqi, ayaa ugu hambalyeeyay James Swan xilka mar kale loo magacaabay, isaga oo u rajeeyay inuu ka soo dhalaalo mas’uuliyadaha loo igmaday.

Intaas kadib labada mas’uul ayaa kulankooda iskula eegay dhisidda guddi farsamo oo wadaag ah oo kala matalaya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo ujeedkooda shaqo uu yahay unkidda Xafiis Qaramada Midoobey ku yeelato dalka.

Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday kulankan sare u qaadid iskaashi wax-ku-ool ah iyo iskuduwid sarraysa si loo gaaro ujeeddooyinka wadaagga ah ee ka shaqaynaya hannaanka kala guurka ee la qorsheeyay.

Swan waa markii labaad ee uu xilkan qabanayo, balse markan waa kusime, isaga oo si KMG usii hayn doono, waxaana uu dhameystiri doonaa howsha xafiiska UNSOM oo la qorsheynayo in sanadkan dib u eegis lagu sameeyo.

Isku soo wada duubo, Swan oo horay xilka Ergeyga QM ee Soomaaliya u soo qabtay sanadihii 2019-2022, si fiicana u yaqaana madaxda Soomaalida ayaa waxaa hadda hortaalla sidii uu dhinacyada isugu soo jiidi lahaa, si miiska wada-hadalka la iskugu yimaado, waana mid kamid ah shaqooyinka adag ee imaatinkiisa uu markaan la koowsanayo.

Ninkan ayaa sidoo kale lagu xasuustaa doorkii uu kulahaa doorashadii adkeyd ee murankeeda soo jiitamayay illaa 15-kii May 2022, ayaa waxaa xilligaan horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horeyso isku soo dhaweynta madaxda Soomaalida ee sii kala fogaanaya.

Guutada Al-Qasam ee Xamas oo gacanta ku dhigay askar cusub oo Israa’iiliyiin ah

Gaza (Caasimada Online) – Guutada Al-Qassam ayaa sheegay in ay ku qabsadeen askar Israa’iliyiin ah waqooyiga Gaza. Afhayeenka guutada Al-Qassam oo ah garab militeri ee Xamaas, Abu Cubeyda, ayaa ku dhawaaqay in askar cusub lagu qabsaday marinka Gaza.

Muuqaal fidiyoow ah oo laga soo duubay Abu Cubeyda ayuu ku sheegay in dagaalyahannada Al-Qassam ay ku qabsadeen askar Israeliyiin ah marinka Gaza.

“Mujaahidiinteenu waxaa u suuragashay in Jabal-Cali ay ku qabsadaan askarta,” ayuu yiri. Wuxuu intaa ku daray Afhayeenka in ciidamada la qabtay ay isugu jiraan kuwa geeriyooday, kuwa dhaawac ah iyo kuwa la qabtay.

Afhayeenka ciidamada Israel, Daniel Hagari, ayaaa bartiisa X ku beeniyay in askar la qabasaday. “Ma jiraan askar la qabsaday”.

Ciidamada Israel ayaa weli duqeynaya Gaza iyo hareeraha magaalada Rafax. Shaqaalaha caafimaadka ee Falastiin waxay sheegeen in dad ka badan 40 qof lagu dilay weeraradan oo ka dhacay qeybo kala duwan oo Gaza ka tirsan.

Dhinaca kale, Xamaas ayaa sheegtay in ay gantaallo ku weerartay dhinca Tel Aviv markii ugu horeysay ku dhawaad afar bilood.

Ugu yaraan sideed gantaal oo laga soo tuuray agagaarka Rafax ee koonfurta Gaza ayaa laga hortagay sida ay sheegeen militeriga Israel. Lama soo sheegin in ay cid wax ku noqotay.

Dhawaqa digniinta in gantaalo soo dhacayaan ayaa laga maqlayay magaalooyin ay ka mid yihiin Herzliya, Petah iyo Tikva.

Warbaahinta Israel ayaa baahisay muuqaallo firirka gantaaalada oo ku soo dhacay beerta dhismo ku yaal Herzliya.

Sidoo kale muuqaal la soo dhigay baraha Bulshada ayaa muujinaya god weyn uu sameeyay madfac ku soo dhacay meel bannaan oo u dhow magaalada Kfar Saba.