25 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Somaliland Leader: Deal with Ethiopia boosts Red Sea security

Hargaisa (Caasimada Online) – A deal that Somaliland has struck with Ethiopia to lease land near the southern entrance to the Red Sea will help “secure freedom of navigation” for shipping that has faced attack along the busy waterway, according to the breakaway country’s President.

Somaliland President Muse Bihi Abdi emphasized that this agreement, announced in January, is a crucial step towards supporting international efforts to ensure safe passage through the Gulf of Aden and the Red Sea.

The accord grants Ethiopia access to territory on the Gulf of Aden in exchange for formally recognizing Somaliland’s self-declared independence. President Bihi Abdi told The Financial Times “Ethiopia will build a naval military base and have commercial ships, and in exchange, Ethiopia will give us recognition — that’s the basics.”

Strategic interests and regional reactions

Ethiopia, landlocked since its 1993 split with Eritrea, views the Somaliland deal as a strategic move to reduce its dependence on Djibouti for sea access. A senior Ethiopian official involved in the talks expressed optimism, noting, “It’s just a matter of realpolitik and necessity.”

However, the agreement has sparked significant opposition. Somalia’s President has vehemently opposed the deal, asserting that “not an inch” of Somalia’s territory would be signed away.

Additionally, the US, EU, Arab League, and Egypt have raised concerns that the deal could escalate conflicts in a region already troubled by terrorism and war.

Omar Mahmood, a senior analyst for Eastern Africa with Crisis Group, acknowledged the “blowback” the deal has created but noted that Ethiopia is reluctant to abandon it.

Despite its instability, the Horn of Africa, rich in strategic value, has attracted interest from global powers, including China, Russia, Turkey, and the UAE.

Economic impact and investments

The partnership between Somaliland and Ethiopia, particularly the significant investments from Dubai-based DP World, is expected to have a substantial economic impact.

DP World has invested $300 million into Berbera and its broader economic zone, which represents about 75% of Somaliland’s government revenue. The UAE, which controls the airport in Berbera, is also setting up a naval base there.

President Bihi Abdi envisions that international recognition could unlock a wave of investments into Somaliland’s $3.4 billion economy, which relies on sea trade, remittances, and camel livestock. “Recognition would be a transformative economic catalyst,” he confidently stated.

Historical context and challenges

Somaliland’s quest for recognition began in 1960 when it gained independence from Britain before uniting with the former Italian colony of Somalia.

After a decade-long independence war and the fall of Somali dictator Siad Barre, Somaliland declared independence again in 1991.

Despite achieving relative stability for its 5.7 million people, Somaliland faces challenges, particularly in its eastern regions where some clan leaders want to rejoin Somalia.

The breakaway region has its army, elected parliament, and currency and issues passports. However, Mogadishu considers it part of Somalia, and no country has formally recognized its independence.

The Ethiopia-Somaliland deal has not been without its challenges. It has faced domestic opposition, including from Somaliland’s defense minister, who resigned in protest.

There are also concerns that the agreement could lead to new conflicts in the already unstable region, where Somalia is battling the al-Shabaab insurgency, and Ethiopia is recovering from a civil war in Tigray.

The US, an ally of Mogadishu, expressed concern that the agreement could disrupt efforts against Islamist militancy.

President Bihi Abdi dismissed these concerns as “baseless,” stating that the deal could prevent potential conflict between Ethiopia and Eritrea by providing Addis Ababa with needed sea access.

“We’ve been working towards international recognition of our independent status for over 33 years,” Bihi Abdi said. “We’re ready.

Somali TikToker faces legal action for cross-dressing in videos

Mogadishu (Caasimada Online) – The Banadir Regional Court in Somalia has initiated legal proceedings against Hanad Abdirahman Mohamed, also known as Waa Gariire, for allegedly disseminating inappropriate videos and images that violate Somali cultural norms.

During the hearing, the Office of the Prosecutor General presented the controversial videos and images as evidence, asserting that they contravened societal values. However, his lawyers argued that the accused was not the person in the videos, suggesting instead that the videos featured someone resembling Hanad.

The case, numbered 562/2024, is notable as it marks the first prosecution in Somalia related to the broadcasting of such content and is part of a broader crackdown by Somali authorities on social media content deemed inappropriate.

Recently, the Somali Police Force arrested numerous young social media influencers, particularly on the Chinese app, TikTok, for incitement and disrupting security. Among those detained was Farhiya Zona, who was later released on bail because she was breastfeeding her newborn baby, as reported by Caasimada Online.

This crackdown occurs against a backdrop of high unemployment and a large youth population in Somalia, with many young people turning to social media for income. Critics argue that the government’s actions are an attempt to curb freedom of speech and expression.

In the past, the government has shut down social media accounts for journalists and influencers and sites for media organizations, prompting accusations of repression from press freedom advocates.

By Abubakar Mohamed Ali

Sawirro: Waa-Gariiray oo maxkamad la hor-geeyey iyadoo loo heysto kiis yaab leh

Muqdisho (Caasimada Online) –Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u farriisatay dhagaysiga garmaqalka kiis dacwadeed uu eedeysane ka yahay Hanad Cabdiraxmaan Maxamed oo loo yaqaan Waa-Gariiray.

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha guud Qaranka uu kusoo eedeeyey faafinta muuqaalo iyo sawirro khilaafsan dhaqanka suuban ee Bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa soo bandhigay muuqaalo iyo sawirro uu baraha bulshada ku faafiyay ninkaan.

Xeer ilaalinta ayaa Waa-Gariiray ku eedeysay in waxyaabaha uu baahiyey ay kasoo hor jeedaan dhaqanka suuban ee bulshada Soomaaliyeed.

Maxkamadda ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga kiiskaan, waxayna ka soo saari doontaa go’aan rasmi ah.

Waa-Gariiray waxaa toddobaadyo ka hor soo xiray booliska Soomaaliya, waxaana maalmihii lasoo dhaafay ku socday baaritaano culus oo ku saabsan dhaqankiisa.

Kiiska ninkaan ayaa hadal-heyn badan ka abuuray baraha bulshada, wixii ka dambeeyey markii isaga la soo xiray booliska Soomaaliya wuxuu sidoo kale soo xiray dhamaan dhalinyaradii baraha bulshada ka waday ‘qabyaaladda, dhaqan xumada iyo aflagaadada.’

Sida ay xubno ka tirsan garsoorka Soomaaliya u sheegeen Caasimada Online, maxkamadeynta Waa-gariiray ayaa bilow u ah maxkamadeynta xubno caan ka ahaa baraha bulshada, balse hadda loo heysto waxyaabihii ay baahi jireen.

Soomaaliya oo lumin karta taageerada caalamiga iyo xulafadeeda hal arrin darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalalka Carabta, gaar ahaan Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qatar ayaa dhamaan dib uga gurtay nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh, kadib markii ay Villa Somalia heshiis baaxaddiisa weyn tahay la gashay dowladda Turkiga.

Sidoo kale Masar oo iyadu aheyd dalkii markii hore heshiiska lala gali rabay, balse looga baxay ayaa sidoo kale dib uga guratay Muqdisho.

Muddo fog ayuu soo jiray xifaaltanka dowladdaha waaweyn ee gobolka Geeska Afrika. Soomaaliya oo ku jirta dalalka aan weli isticmaalin keydka kheyraadkooda ayaa dhex taalla loolan culus oo Turkiga, dalalka Khaliijka, Mareykanka iyo dalalka Yurub u dhaxeeya.

Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya wuxuu banaanka keenay qeyb kamid ah loolankii qarsoona. Hadda Muqdisho waxay markale u ruqaansatay dhanka Ruushka.

Dhawaan waxay dowladda Ruushka qamadi gargaar geysay magaalada Muqdisho, kaasi oo wararka qaar ay sheegayaan in la musuqay.

Markale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan Villa Somalia kula shiray Danjiraha Ruushka u fadhiya Soomaaliya Makail, kaas oo la sheegay inay iska wareysteen xaaladda Soomaaliya, midda gobolka iyo kaalinta Ruushka ee guud ahaan arrimaha gobolka.

Intaas laguma simin ee waxaa markale Safiirka Ruushka la geeyay wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya, halkaas oo uu ku qaabilay wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Labada nin ayaa ka wada-hadlay la-dagaalanka argagixisada iyo heerka ciidamada Soomaaliya. Ruushka wuxuu kamid yahay dalalka saameynta kulahaa ciidanka Soomaaliya tan iyo 1960-kii, gaar ahaan dhinacyada; tababarada, saanada iyo hal abuurka.

In Ruushka loo furo albaabada Muqdisho oo loo muujiyo miisaan intaan le’eg waxay sida iska cad dareen galineysa dalalka reer Galbeedka, sida Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub, kuwaasi oo ay hadda si weyn ugu tiirsan tahay dowladda Soomaaliya dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo amni ahaan.

Waqtiga ay Soomaaliya xoojineyso xiriirka Ruushka ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli adduunka uu go’doon galiyay Moscow, kadib duullaankii ay ku qaadeen Ukraine.

Waxay u muuqataa hanfasho siyaasadeed iyo mid reer Galbeedka ku beeraysa inay dib u qiimeeyaan nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxay kale oo tallaabadan kusoo beegmaysa xilli uu magaalada Washington uu joogo madaxweynaha Kenya William Ruto, kaas oo noqday 16 sano kadib madaxweynihii ugu horreeyay ee African ah oo Aqalka Cad ka hela State-Visit.

Waxaana sida iska cad uu Mareykanka ka wareysanaya madaxweyne William Ruto guud ahaan arrimaha Afrika, gaar ahaan waxa ka socda Bariga Afrika.

Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in aan la joogin xilligii ay Muqdisho si weyn iskugu siin laheyd Ruushka.

Madaxweyne Guudlaawe oo buriyay go’aan Dabageed uu shaqada uga joojiyay…

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa maanta buriyay go’aan uu horey madaxweyne ku-xigeenka maamulka Yuusuf Dabageed uu shaqada uga joojiyay wasiirro dhowr ah.

Guudlaawe oo fasaxay laba wasiir oo kamid ahaa afar wasiir oo bilowgii bishaan shaqada uu ka joojiyay Dabageed, ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ku sheegay in go’aankan uu ku yimid la tashiyo uu la sameeyay madaxweyne ku-xigeenka.

“Madaxweynaha ayaa markii uu arkay qoddobada 56-aad iyo 57-aad iyo howlaha ku hor-gudban waxa uu xayiraada shaqo ka qaaday Wasiirrada Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Beeraha oo ay kala hoggaaminayeen Mudane Aadan Maxamed Muuse iyo Maxamed Faarax Cali,” ayaa lagu yiri wareegtada dib loogu fasaxay wasaaradahan.

Waxa sidoo kale lagu yiri qoraalka “Madaxweynaha ayaa talaabadani kala tashaday madaxweyne ku-xigeenka dowladda HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, kaas oo horay shaqo-joojin ugu sameeyay 4-xubnood oo ka mid ah Gollaha Wasiirrada dowladda HirShabelle, kuwaas oo laba kamid ah ay maanta shaqaddooda dib ugu laabanayaan.

Madaxweye Cali Guudlaawe ayaa ugu dambeyntiina faray wasiirrada wasaaraddaha warfaafinta iyo beeraha inay si hufan u gutaan shaqooyinkooda.

Wasiirada kala ah ganacsiga iyo warshadaha Sakariye Khaalid Cabdi iyo wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Raxma Maxamed Guulle oo kamid ah wasiiradda horay shaqada looga joojiyay ayaa weli loo fasaxin howlahooda shaqo.

Wareegtadan ayaa isla maanta dhaqan-gal noqotay kadib markii uu saxiixay madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).

Sawirro: Jubaland oo Gedo ka wada abaabul ciidan iyo qorshe ka socda xuduudda

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo maalmahan safar shaqo ku jooga degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa halkaas ka wada kulmo iyo wadatashi ku saabsan sidii loo xoojin lahaa amniga degmada Ceelwaaq oo ay la wareegyaan ciidanka dowlad-goboleedka Jubbaland.

Safarka shaqo ee Madaxweynaha ayaa daarnaa ka shaqeynta sida loola wareegi lahaa amniga degmada Ceelwaaq, halkaas oo ay isaga baxayaan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah ATMIS.

Waxaa dib u habeyn iyo qalabeyn lagu sameeyey ciidamada Jubaland ee ku sugan Ceelwaaq, sidoo kale waxaa la tayeeyey maamulka degmadaas, si bulshada deegaankaas ay uga taahadaan aayahooda, ugana maarmaan ciidamada ATMIS.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa maalmahan halkaas ka waday abaabulidda iyo wacyigelinta qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo helo iskaashi mideysan iyo midnimo dadka deegaankaasi ay gaaraan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan looga hadlayay xiriirka iyo xog wadaaga la yeeshay masuulyiinta sare ee dowlada Kenya u jooga aagga degmada Ceelwaaq.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland ayaa kula dardaarmay laamaha ammaanka, saraakiisha iyo masuulyiinta kale Soomaaliya iyo Kenya ee Ceelwaaq ku sugan in ay xoogga saaraan ka shaqeynta amniga xaduudaha iyo midnimada bulshada walaalaha ah.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa uga

mahadcelinay saraakiisha dowladda Kenya taageerada ay ka geysteen sidii loola dagaali lahaa kooxaha Khawaarijta ah, isagoo kula dardaarmay in iskaashiga xuduuda lasii labo jibaaro.

Jubbaland ayaa dib u abaabuleysa oo tayeyneysa ciidamada degmooyinka xuduuda xiga, si looga hortago weerarrada Al-Shabaab oo mararka qaar ka gudba xuduuda labada dal, taas oo sameyn xun ku yeelatay isku socodka bulshada labada dal.

Kadib imaatinka Muqdisho ee James Swan maxay tahay tallaabada xigta ee QM?

Muqdisho (Caasimada Online) – James Swan oo dhawaan si ku meel gaar ah loogu soo magacaabay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa soo gaaray Muqdisho, xilli xasaasi ah.

Mr Swan ayaa markaan xafiiska si KMG usii hayn doono, waxaana uu dhameystiri doonaa howsha xafiiska UNSOM oo la qorsheynayo in sanadkan dib u eegis lagu sameeyo.

Magacaabidda KMG ee Swan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa kadib markii dhowaan dowladda federaalka Soomaaliya ay dalbatay in la xiro xafiiska UNSOM.

Ninkan oo lagu xasuusto doorkii uu kulahaa doorashadii adkeyd ee murankeeda soo jiitamayay illaa 15-kii May 2022, ayaa waxaa xilligaan horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horeyso isku soo dhaweynta madaxda Soomaalida ee sii kala fogaanaya.

Shaqada adag ee xilligan hortaalla ayaa ah u kala dab-qaadida dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedka Puntland, xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan hannaanka doorashada oo si weyn mucaaradka u diidan yihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradka ayaa kal horey isku seegay arrimaha dastuurka, kadib markii uu baarlamaanka marsaday hanaan doorasho oo mucaaradka uu diiday, halka uu dhawaan heshiis “aan kala daneyso ah” uu la gaaray afar madax goboleed.

Xasan iyo afarta madax goboleed ee Axmed Madoobe, Qoor-Qoor, Guudlaawe iyo Lafta-gareen ayaa bishaan Villa Somalia ku gaaray heshiis u muuqday muddo kororsi dadban, taasi oo laftigeeda ay ka qeylo dhaamiyeen madaxweynayaashii hore ee Farmaajo iyo Sheekh Shariif.

Isku soo wada duubo, Swan oo horay xilka Ergeyga QM ee Soomaaliya u soo qabtay sanadihii 2019-2022, si fiicana u yaqaana madaxda Soomaalida ayaa waxaa hadda hortaalla sidii uu dhinacyada isugu soo jiidi lahaa, si miiska wada-hadalka la iskugu yimaado, waana mid kamid ah shaqooyinka adag ee imaatinkiisa uu markaan la koowsanayo.

Xogta kulan xasaasi ah oo maanta Gedo ku dhexmaray saraakiil Kenyan ah iyo…

0

Garbaharey (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidanka difaaca (KDF) ee ku sugan degmada Ceelwaq ee gobolka Gedo iyo saraakiil Soomaali ah oo uu horkacayo madaxweyne ku-xigeenka dowlad-gobaleedka Jubbaland ayaa halkaasi ku yeeshay kulan xasaasi ah.

Kulankan oo ahaa mid mira-dhal ah ayaa waxa uu ka qabsoomay xerada ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Ceelwaq.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa diirada lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa amniga iyo xasiloonida degmada iyo sidoo kale sidii ay ciidanka Kenya usii labo jibaari lahaayeen dadaalkooda.

“Madaxwayne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland ayaa ugu mahad-celiyay madaxda, saraakiisha ciidanka iyo shacab-weynaha dowlada aan dariska nahay ee Kenya doorkoodu naf-hurnimada ah ee ay ka qaadanayaan dib usoo celinta nabadi iyo xasiloonada Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada dowlad-gobaleedka Jubbaland,” ayaa lagu yiri bayaan ay Jubbaland kasoo saartay kulankaan.

Waxaa madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku wehlinayay kulankaan wasiirka arimaha gudaha Jubbaland, wasiirka amniga, wasiirka dekadaha iyo gaadiidka bada Junbaland iyo  wasiiru-dowlaha wasaarada amniga Jubbaland iyo taliyaha ciidanka daraawiishta Jubbaland ee gobalka Gedo.

Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdigiisa oo shalay gaaray degmada Ceelwaq ee gobalka Gedo, ayaa sidoo kale wuxuu halkaasi kula kulmay maamulka iyo saraakiisha amniga ee degmadaasi.

Si kastaba, Kenya oo xiriir hoose oo xoogan la’leh dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa si weyn u taageerta Axmed Madoobe, ayada oo sidoo kale ay ciidamo dheeraad ah oo milatarigeeda ay ku sugan yihiin gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, kuwaasi oo taageera hoggaanka Jubbaland, sidoo kalena qayb ka ah dagaalka Shabaab.

Mucaaradka madaxweyne Xasan Sheekh oo sabab yaab leh u bixiyay fursad weyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa u dhamaatay labo sano, waxaana u hartay labo kale oo maalmo dhiman.

Dalka kama muuqdaan wax dhaq-dhaqaaq ah oo ay kursi doonka sameynayaan. Nidaamkii hore ee Farmaajo waxaa la xasuusta markii uu hal sano jiray inuu wajahayay mucaaradad xoog leh.

Madaxweynaha hadda tallada haya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu mucaaradnimada ku bilaabay nidaamkii Farmaajo markii uu jiray hal sano iyo lix bilood. Laakiin maanta lama kulmaayo wax u dhigma intii uu falay.

Mucaaradnimada marwalba waa dheelitir dowladeed, laakiin hadda mucaaradka wax hal abuur ah ma hayaan, ma keeni karaan qaladaad wax ku ool ah oo ay dowladda ku sugan tahay, qataraha waaweyn ee ku jira heshiisyadii la galay 24-kii billood ee lasoo dhaafay iyo wax dowladda ku qasbi kara inay shaqadeed laba jibaarto, qaladaadka iska yareyso oo ay xisaabtan ku shaqeyso.

Saddex arrimood ayaa loo badinayaa sababta uu mucaaradka u dansan yahay.

1. Qeyb ka dambi badan Xasan Sheekh

Mucaaradka waxaa ku jira kooxo ka dambi badan madaxweyne Xasan Sheekh marka laga hadlayo dhibaatada lagu geystay dowladnimada.

Waxaa kamid ah kooxda uu Farmaajo hoggaamiyo. Si walba oo uu Xasan Sheekh wax u qaldo waxaa la aaminsan yahay in uusan gaareynin xadkii Farmaajo, kaasi oo loo haysto inuu isku dayay inuu dilo madaxweynayaashii hore ee dalka.

Si aad u eedeyso ninka xukunka jooga ama u toosiso waa inuu ku sugan yahay xaalad taadii ka daran, laakiin haddii uu weli ku dhaamo aamusnaanto waa dow.

2. Kuwo iska ilaalinaya dhiig-bax iyo in cid kale ka macaashto dagaalkooda

Waxaa jira xubno mucaaradka kamid ah oo aan iyaga eed badan loo haysan, awoodna u leh inay Xasan Sheekh la dhigtaan, laakiin waxaa dhexdooda taalla dood ah yaa ka faa’iidaya dagaal xooggan oo siyaasadeed oo lala galo Xasan Sheekh.

Kooxdan qaar kamid ah oo dagaalkii Farmaajo ku jiray waxay sheegayaan in aanay waxba ka faa’iidin dagaal siyaasadeedkii hore, haddana haddii ay iyagu bilaaban waxay ka walaacsan yihiin in qolo kale ay xukunka u salaxaan.

Sidaas darteed waxay eegayaan in la helo cid kale oo si fiican iskugu biimeysa Xasan Sheekh. Halkan waa la isku dhakan yahay.

3. Dadka Soomaaliyeed oo ka niyad-jabay farqi la’aanta siyaasiyiinta Soomaalida

Soomaaliya afartii sanaba shaqsiyaadka ayaa isbeddela, laakiin aragtida dowladnimada iyo jihada dalka loo wado wax badan iskama beddelaan.

Kooxo kooban oo la yaqaano ayaa isku eryada xukunka, kuwaasi oo la yaqaano aqoontooda dowladeed, itaalkooda iyo halka ay wax gaarsiin karaan.

Shacabka waxaa ka muuqda niyad-jab, waxaa laga dareemayaa inay ka daaleen qof qof ku beddelka aan waxba u kordhineynin qaranka.

Saddexdaas arrimood marka la isku geeyo waxaa muuqata inuu Xasan Sheekh oo hadda qaatay labo sano oo buuq la’aan, inuu heli karo sanad saddexaad oo uusan jirin mucaarad macno badan oo kasoo horjeeda.

DF oo shaacisay madax Al-Shabaab ka tirsan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahisay howl-gal culus oo ka dhacay deegaannada maamul goboleedka Puntland.

Bayaanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in howl-galkan lagu dilay in ka badan 20 Al-Shabaab ay oo ay ku jiraan saddex horjooge.

“Tiro intaasi ka badanna waa lagu dhaawacay hawlgalka oo ay iska kaashadeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka, kaasi oo ka dhacay buuraha Calmadow ee deegaannada Puntland,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Howl-galka ayaa lagu bar-tilmaameedsaday xero ay dagaal-yahaanno Al-Shabaab ah isku aruursanayeen, taasi oo ku taalla buuraha Calmadow, ayada oo halkaasi lagu jabiyay dhagartii ay u maleegayeen shacabka ku nool deegaannada Puntland, sida lagu yiri qoraalka.

“Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa muddooyinkaan si weyn ula socday dhaq-dhaqaaqyada cadowga Khawaarijta ah ay ka wadeen deegaannada buuralayda ah ee Puntland.”

Bayaanka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in dowladda ka go’an tahay dhamaystirka argagixisada, si dadkeenu ugu noolaadaan nabad iyo barwaaqo.

“Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka waxay ku guulaysteen inay ka hortagaan dhagarro badan oo cadowgu diyaarinayeen.”

Howl-galkan ayaa noqonaya midkii ugu cuslaa ee muddooyinkan dambe lagu beegsado Shabaab-ka ku dhuumaaleysanaya deegaannada maamulka Puntland, xilli qeybo kamid ah dalka dib looga abaabulayo dagaalka dhanka ah kooxda.

Mareykanka oo digniin kasoo saaray weeraro ka dhaca Muqdisho + Bartilmaameedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa mar kale digniin culus kasoo saartay suurtagalnimada weeraro argagixiso oo ka dhaca gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kuwaas oo ay gaysan karaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay inay suuragal tahay in weeraradaas lagu beegsado garoonka Aadan Cadde iyo dekedda wayn ee Muqdisho.

Sidoo kale Mareykanka ayaa ka digay in la tego goobaha ay isugu yimaadaan dadweynaha iyo xarumaha xukuumadda, sida lagu sheegay farriintan digniinta ah.

Mareykankanku waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay adeegsan karto baabuur laga suu buuxiyay walxaha qarxa ama is-miidaamiin toos ah.

Waxaa kale oo warbixintan lagu caddeeyay in digniintan ay tahay mid khatarteeda ay aad u sarreyso, loona baahan yahay in la sameeyo feejignaan dheeri ah.

“Waxaa suuragal ah inay dhacaan weeraro argagixiso waxaa ku jiro in la adeegsado gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo qaraxyo ismiidaamin ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale yareysay dhaq-dhaqaaqa howlwadeenneedda ku sugan safaaradda magaalada Muqdisho, si looga taxadaro amnigooda.

Digniintan ayaa la gaarsiiyay level-4 oo lagu macneeyay in aan loo soo socdaali karin Soomaaliya, iyada oo muwaadiniinta Mareykanka looga digay safaradaasi.

Si kastaba, waxaa xusid mudan in inta badan digniinaha Mareykanka ay xigaan weeraro, inkasta oo mararka qaar ay weeraradaas ka dhacaan meelo aan aheyn goobaha laga digay.

Koofi oo war kasoo saaray go’aanka kiiskiisa iyo cidda ka dambeysa xukunkii la riday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ah agaasimihii hore ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Banaadir oo bari yeeshay isaga iyo agaasimihii ka dambeeyay ee Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo agaasimihii waaxda canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda Muxidiin Xasan Jurus (Saabey) oo dhammaantood lagu soo eedeeyay musuq-maasuq, gaar ahaan xatooyo xoolo dadweyne.

Koofi ayaa ugu horreyntii soo dhaweeyay go’aanka kasoo baxay maxkamadda gobolka, wuxuuna sheegay in maxkamadda ay garab istaagtay xaqa, uuna ku faraxsan yahay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhammaan eedeymaha loo jeediyay ay ahaayeen kuwaa lasoo dhoo-dhoobay oo la doonayay in lagu sumcad dilo isaga, loogana hor istaago damaciisa ku aadan doorashada soo socda ee dowlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale Maxamed Aadan Koofi ayaa u mahadceliyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay diideen in la’isku dulmiyo magaca dowladnimada.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

GO’AANKA MAXKAMADDA G/BANAADIR AY IIGA BARI YEESHAY EEDEYMIHII LA SOO ABAABULEY

Waxaan ku faraxsanahey, soona dhoweynayaa go’aanka Maxkamadda Gobolka Benaadir ay iiga bari yeeshey eedeymihii la soo abaabuley.

Go’aankaani wuxuu garab istaagey xaqa, wuxuuna igu sii dhiiri gelinayaa xoojinta halganka aan ugu jiro difaaca qarankeyga, iyo u adeegidda dadkeyga Soomaaliyeed. Diidmada maxkamadda ee eedeymiha la soo abaabuley oo xariir la lahaa hammigeyga ku wajahan madaxtinimada Galmudug, waxay caddeyn u tahey in Madaxda Qaranka iyo Hay’adaha Garsoorkuba aysan ogolaaneyn in la isku dulmiyo awoodda dowladnimada.

Sooyaalkeyga waxaa ku dhiggan in aan si hagar la’aan ah oo daacadnimo ku jirto ugu adeegay dadkeyga Soomaaliyeed, ugana qeyb qaatey difaaca dalkeyga, aniga soo qabtey xilal iyo masuuliyado kala duwan oo isugu jirey amni, difaac, socdaal iyo qaar kale. Mudadaas aan qarankeyga u shaqeynayey waxay nafteydu halis gashey in ka badan toban jeer, iyada oo dhaawacyadii qaarkood iga soo gaarey aan weli la tacaalayo.

Waxaan dadkeyga Soomaaliyeed u ballan qaadayaa in aanan ka siiban doonin dhaqanka hufnaanta iyo daacadnimada ee la igu yaqaaney, wax saameyn ahna aysan igu yeelan doonin eedeymaha aan sugneyn ee la iga sameeyey, kuwaas oo maanta ay maxkamaddu meeshaba ka saartey.

Waxaan u mahadcelinayaa qareenadeyda sida hagar la’aanta ah ii difaacey iyo garsoorka maxkamadda oo iyaguna caddaaladda fuliyey. Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa xaaskeyga Dr. Asma Cabdullaahi Sheekh iyo sidoo kale, asxaabta iyo taageereyaasha i garab taagnaa muddada ay dacwadu socotey.

Mahad badan

Dr. Maxamed Aadan Koofi

James Swan oo soo gaaray magaalada Muqdisho iyo UNSOM oo war soo saartay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – James Swan oo dhawaan loo soo magacaabay inuu noqdo ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawl-galka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa maanta soo gaarey magaalada Muqdisho.

Sida lugu sheegay bayaan kasoo baxay UNSOM, Mr. Swan ayaa waxa uu imaatinkiisu diirada saari doona sidii dowladda Soomaaliya iyo bulshadeeda loogu gacan siin lahaa arrimaha hortabinta u leh, oo ay ugu horreyso nabadda iyo amniga.

“Mr. Swan wuxuu diirradda saari doonaa in uu Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ka taageero in ay horumariyaan arrimaha mudnaanta hortabinta leh ee nabadda, amniga, horumarinta iyo qaran-dhisidda,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska UNSOM.

Waxa uu intaasi kusii daray qoraalka UNSOM “Ka hor inta uusan soo gaarin magaalada Muqdisho wuxuu kulamo ballaaran la soo qaatay madaxda xarunta-dhexe ee Qaramada Midoobay.”

Waa markii labaad ee Swan uu shaqo u yimaado Soomaaliya, isaga oo horey usoo ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan iyo Madaxa UNSOM laga soo bilaabo 2019 ilaa 2022, kadib markii uu muddo dheer ka soo shaqeeyay adeegga diblomaasiyadda ee dalka Mareykanka.

14-kii bishan May ayaa Xoghayaha Guud ee QM António Guterres ku dhawaaqay magacaabista Swan.

Ninkan oo ah diblomaasi khabiir ah oo aqoon durugsan u leh siyaasadaha Afrika, ayaa sidoo kale aqoon fiican u leh arrimaha Soomaalida, maadaama uu muddo badan ka shaqeynayay gudaha dalka, islamarkaana si dhow ula shaqeeyay dowladda federaalka iyo maamullada dalka.

Sawirro: Raggii dhibaatada ka gaystay MUQDISHO oo gacanta lagu soo dhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska gobolka Banaadir ayaa maanta gacanta kusoo dhigay laba nin oo burcad ah, kuwaas oo dhowaan dhaawac iyo dhac ka gaystay degmada Garasbaaley.

Booliska oo qoraal soo saaray ayaa baahiyay magacyada iyo sawirrada labada nin oo kala ah Dable Xoogga dalka Cabdullahi Mustaf Maxamed iyo Ismaaciil Cali Ibraahim oo isna ah darawal mooto Bajaaj, sida lagu sheegay warsaaxaafadeedka kasoo baxay Booliska.

Raggan ayaa loo haystaa inay dhaawac iyo dhac ay isugu dareen ganacsato ku suganayd Garasbaaley oo kamid ah degmooyinka cusub ee gobolka Banaadir.

“Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Booliiska Garasbaaleey ayaa maanta soo xiray Laba eedeysane oo lagu kala magacaabo 1-D/le CXD C/laahi Mustaf Maxamed 2-Ismaaciil Cali Ibraahim iyo mooto Bajaaj ay wateen kuwaas oo ku eedeysan in ay taariikhda 21-5-2024 ay dhac iyo dhaawac u geesteen labo muwaadin oo ganacsi ku leh Dagmadda Garsbaaleey” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska booliska gobolka.

Sidoo kale taliska ayaa ballan qaaday in labada eedeysane laga qaadi doono tallaabo sharci ah, isla markaana loo sii gudbin doono maxkamadda ku shaqada leh.

“Waxaana la horgeydoonaa Maxkammadda awooda u leh insha-Allah” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhinaca kale booliska ayaa farriin u diray shacabka Muqdisho, wuxuuna ka dalbaday inay kala shaqeeyaan ammaanka iyo sidii loo soo qaban lahaa cid kasta oo dambi gaysata.

“Muwaadin haddii aad la kulanto falal ammaanka liddi ku ah la xariir xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991” ayaa lasii raaciyay.

Maalmihii u dambeeyay ciidanka booliska Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada ka socda caasimada, kuwaas oo lagu qabtay burcad badan iyo dad ku eedeysan anshax xumo.

Sawirro: KENYA oo WAFDI culus usoo dirtay Muqdisho

0

Nairobo (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray wafdi culus oo ay soo dirtay dowladda Kenya, kaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wafdigan oo xildhibaano ah ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Aadan Daa’uud Maxamed, Xildhibaan Ugdoon Siyaad kunno iyo Xildhibaan deeqow Maxamed Barrow oo dhammaantood baarlamaanka Kenya ku metala Soomaalida ku dhaqan gudaha dalkaasi.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ay wehliyaan Wasiirro, Xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan hey’adaha Dowladda, ayaa xildhibaannada kusoo dhaweeyay Muqdisho oo ay ka bilaabi doono kulamo xasaasi ah.

Sida uu qorshuhu yahay xildhibaanada ka yimid Kenya ayaa la shiri doono madaxda sare ee dalka iyo sidoo kale iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Imaanshaha xildhibaanadan ayaa kusoo aaday, xilli muddooyinkii u dambeeyay uu sii xoogeysanayay xiriirka labada dal oo iska kaashaday amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.

Labada dowladood ayaa heshiis taabanaya ganacsiga, amniga iyo dhaqaalaha ku gaaray Nairobi oo ay dhowaan booqashooyin ku gaareen madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul wasaaraha Xamza Cabdi Barre oo labaduna uu qaabilay madaxweyne William Ruto.

Kenya ayaa maalin kasta qaad fara badan usoo dhoofiso Soomaaliya, sidoo kale waxay ciidamo ka joogaan gudaha dalka, kuwaas oo la dagaalama kooxda Al-Shabaab.

Josep Borrell oo weerar ku qaaday Israel, dalab culusna u diray Midowga Yurub

Brussels (Caasimada Online) – Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa sheegay in Midowga Yurub uu wajahayo doorasho adag, oo ku aaddan in ay kala doortaan taageerada hay’adaha caalamiga ah amaba taageeradooda Israel.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in dalalka xubnaha ka ah ururka looga baahan yahay in ay qeexaan mowqifkooda kaga aaddan amarka ka soo baxay Maxkamadda Cadddaaladda Caalamiga ah ee Israel lagu faray in ay joojiso weerarka ballaaran ee deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

“Waa inaan kala dooranaa taageeradayada hay’adaha caalamiga ah iyo sharciga ama taageerada aan siino Israel. Waxay noqon doonaan kuwo aad u adag in la is waafajiyo,” ayuu yiri Josep Borrell.

Isagoo ka hadlayay kulan uu kaga qaybgalay Magaalada Florence ee dalkaasi Talyaaniga ayaa wuxuu yiri “Aan aragno tallaabada uu Midowga Yurub ka qaadi doono go’aanka ka soo baxay Maxkamadda ICJ, kaas oo noqon doono mowqifkayaga.”

Waxa uu sheegay in dalalka Midowga Yurub ay horaan ku kala qaybsameen, marka ay noqoto jawaabcelintooda duulaanka Israel ee Marinka Gaza.

“Waxaa jiray khilaaf aad u qoto dheer oo ka dhashay go’aan qaadashada dalalka Midowga Yurub ee dagaalka Gaza. Hadda waxaan joognaa inaan kala doorano taageerada hay’adaha caalamiga ah amaba taageeradayada Israel,” ayuu yiri Josep Borrell.

Borrell ayaa ku baaqay in wax laga bedelo habraaca go’aamada Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibadda, taas oo u baahan in si wadajir ah loo taageero dhammaan 27 hoggaamiye amaba aqlabiyaddooda.

Hungary ayaa dhawaan si gaar ah u hakisay hindiseyaal muhiim ah, oo dalal badan oo ka tirsan Midowga Yurub ay ku doonayeen inay uga jawaabaan dagaalka, oo ay ku jiraan in Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu lagu khasbo in uu joojiyo duulaanka Rafah iyo cunaqabateyno ka dhan ah Israeliyiinta xagjirka ah ee rabshadaha ka wada dhulka ay Israel deegaameynta ka sameysay ee Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.

Go’aanka Hungary ayaa saameeyay aqlabiyadda, waana sababta uu Josep Borrell u soo jeediyay in wax ka bedel lagu sameeyo habraacii ay muddada dheer ku dhaqmayeen ee siyaasaddooda arrimaha dibadda.

Kororka dhimashada iyo dhaawaca faraha badan ee shacabka Falastiiniyiinta ee sida tooska ah looga daawanayo barraha bulshada ayaa soo dedejisay in ay baraarugaan bulshada Qaaradda Yurub, taas oo dowladahooda ku riixday in ay dib u eegaan xiriirka ay la leeyihiin Israel.

Hoggaamiyeyaasha reer galbeedka qaarkood ayaa ka careysan, sida ay israel uga dhego fureysaneyso baaqyada Midowga Yurub, Mareykanka iyo Qaramada Midoobey ee looga dalbanayo inaysan ciidamadeedu beegsan dadka aan waxba galabsan iyo kaabeyaasha rayidka, isla-markaana ay fasaxdo gargaarka aadka loogu baahan yahay.

Bulshada reer Yurub ayaa barraha bulshada kaga falcelinaya baaqa ka soo yeeray Borrell, iyadoona aad arki karto, sida hadalkiisa uu ugu kordhiyay carradii ay markii horeba u qabeen Israel. Carrada dadka qaaradda ayaa qayb ka ah carrada caalamiga ah ee ka dhalatay duulaanka Israel ee Marinka Gaza.

Israel iyo inta badan dalalka caalamka ayaa horey ugu kala fogaaday dhiigga ay gacmaha kula jiraan, waxaana hadda cad in ay kala furfuranayaan reer Yurub.

Arbacadii, Dowladaha Norway, Spain iyo Ireland ayaa ku dhawaaqay inay si rasmi ah 28-ka bishan u aqoonsanayaan Dowladda Falastiin.

Dilalka aan aan kala sooca lahayn ee ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan Marinka Gaza ayaa horseeday in Tel Aviv ay mucaaradad xoog leh kala kulanto shacabka Mareykanka. Mareykanka ayaa muddo dheer ahaa dalka ugu weyn xulafada reer galbeedka ee taageera Israel.

Xog: Bulshada qeyb ka mid ah Muqdisho oo dhibaato ku qabta baaritaanada amni

Muqdisho (Caasimada Online) – Gaadiidleyda degmooyinka Wadajir, Kaxda iyo Dharkenley ayaa dhibaato weyn ku qaba baaritaanka ciidamada amniga ee ku sugan halka loo yaqaano isgoyska Korontada ee degmada Wadajir, halkaas iskuday badan oo la sameeyey waxaba laga bedeli waayey.

Dhibaatada halkaas wa jirta waa baaritaanka ay isku soo gaarayaan gaadiid badan, taasi oo sababta in saacad kasta ay saf-dheer ku jiraan gaadiidleyda isticmaasha wadadaas.

Sida caadiga ah Muqdisho waxaa ku yaalla baro lagu baaro gaadiidka oo ciidamada amniga ay u dhigteen qaab istaraatiiji ah, balse barta koontrol ee u dhow isgoyska korontada ee degmada Wadajir waa mid ka duwan baraha kale ee lagu hubiyo gaadiidka.

Ma jirto wax u gooni ah ama gaabis dhanka ciidanka ah, hadana gadiidku waxay galaan saf-dheer, dadku waxay ka daahaan shaqooyinka iyo danaha kale ee magaalada ay u aadayaan.

Ciidamada amniga oo ku dadaalaya in la yareeyo qatarta iyo saxmadda ayaa la yimid nidaam aan jaamkii jiray waxaba ka bedelin, balse xalka goobtaas ay u arkeen, kaas oo ah in gaadiidka lagu feyliyo luuq, inta laga leexiyo laamiga.

Gaari kasta oo ku yimaada jidka dheer wuxuu geliyaa luuqa, kadibna wuxuu soo gelayaa saf-dheer, ciidamada ayaa mar kasta isku daya inay dedejiyaan baaritaanka, si loo yareeyo saxmadda gaadiidka iyo dhibaatada gaadiidleydu ay ku qabaan feylkaas dheer.

Ma jirto meel ay gaadiidleyda Muqdisho ka necebyihiin feylka ka jira isgoyska Korontada, inta badan dadka shaqooyinka leh ayaa soo jarmaada subax hore, balse waxay halkaas ka soo gudbaan iyagoo ku daahay feylka.

Sababta uu jidkaasi jaamka u yahay waxaa lagu sheegay in gaadiidka ka yimaada degmooyinka la isku yiraahdo Madiina, ee Wadajir, Dharkenley iyo Kaxda ay u furan tahay halkaas wado, taas oo sababta in dhowrkii daqiiqaba ay baaritaanka isugu yimaadaan gaadiid badan, halka ciidamada ammaanku ay ku dadaalaan inay kala fududeeyaan saxmadda, iyagoo gudanaaya waajibkooda baaritaanka.

Xaaladda Marinka Gaza oo sii xumaatay kadib tallaabo ay qaadeen ciidanka Israel

Gaza (Caasimada Online) – Ciidamada Isra’il ayaa Sabtidi shalay sii xoojiyay duqeymaha iyo weerarada ay ka wadaan koofurta iyo bartamaha Gaza, iyada oo dhanka kalana ay soo baxayaan warar sheegaya in todobaadkaan dib loo amba-qaadi doono wadahadallada lagu raadinayo xabbad-joojin ka dhaqan gasha Marinka Gaza.

Weeraradi ugu danbeeyay ee ay ciidamada Israil ka fuliyeen Gaza shalay iyo xalay ayaa yimid, maalin kaddib marki ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ku amartay Isra’il in ay si deg deg ah u joojiso duullaanka ay ku qaadday magaalada Rafax ee Marinka Gaza.

Israel waxay ku adkeysaneysaa in ay dooneyso in ay xididadda u siibto dagaalyahannada Xamaas, gaar ahaan beey tiri kuwa ku sugan Rafax, isla markaana ay soo badbaadiso Israa’iiliyiinta ay Xamaas iyo koxaha kale ee Falastiiniyiinta ay ku hayaan Gaza.

Hase yeeshee, weerarkeeda magaalada koofureed ee Gaza ayaa dhaliyay qeyladhaan caalami ah, oo ay bulshada caalamka uga soo horjeesatay weerarka Rafax.

Rafax oo ku taalla xadka Gaza ay la wadaagto Masar ayaa waxaa ku nool inta badan qaxootiga iyo barakacayaasha Gaza, inkasta oo ay dhawaan dib uga carareen ku dhawaad 900 oo kun oo ruux.

Waqooyiga Gaza oo ay mar kale ciidamada Isra’il dhawaan dib u galeen, kaddib marki ay halkaasi dib ugu soo laabteen dagaalyahannada Xamaas ayayey saraakiisha caafimaadku sheegeen, in duqeyn ay Isra’il Sabtidi ka geysatay ay ku dishay ugu yaraan 17 ruux oo Falastiiniyiin ah.

Isra’il waxay sheegtay in ay baareyso warka ku saabsan weerarka iskuulka.
Ilaha caafimaadka Falastiiniyiinta ayaa sheegay in 24-ki saac ee lasoo dhaafay ay ciidamada Israil dileen in ka badan 45 qof oo Falastiiniyiin ah.

Sawirro: DF oo abaabul ka dhan ah qorshaha Somaliland ka bilowday dalka UK

London (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiirka waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee XFS oo howlo shaqo u jooga dalka UK ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka UK ayaa munaasabad soo dhaweyn ah u sameysay masuuliyinta ka socota dowladda Soomaaliya, waxaana halkaas laga jeediyey kalmado dardaaran, mahad-celin iyo guubaabo isugu jiray.

Ugu horeyn Guddiga Difaaca Qaranimada, Madax-banaanida iyo Wadajirka Dhuleed ee Soomaaliya oo sheegay in waajib ay tahay difaaca qaranimada Soomaaliya ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ugu baaqay inay dowladda ku garab istaagaan ilaalinta difaaca dalka iyo ilaalinta midnimada.

Sii hayaha safiirka Soomaaliya ee dalka UK, ahna safiir ku xigeenka safaaradda Danjire Dayib Sheekh Axmed ayaa masuuliyiinta soo dhaweeyey, isagoo jaaliyadda Soomaaliyeed uga mahadceliyey kasoo qeyb-galka xafladaan.

Danjire Dayib ayaa sheegay in tan iyo markii dib loo furay safaaradda ay door muhiim ah ka qaadatay u adeegidda bulshada Soomaaliyeed iyo ka shaqeynta danaha dowladda Soomaaliya, sida xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee dalkeena uu la leeyahay boqortooyada UK.

Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah guddiga difaaca ayaa jaaliyadda faahfaahin ka siiyey shaqada guddiga, isagoo sheegay in howshaan ay tahay mid qaran, qof kastana ay waajib ku tahay inuu garab istaago dowladiisa.

Ergeyga Badda Cas, Danjire Yuusuf Garaad Cumar Axmed, xubina ka ah guddiga difaaca ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ka codsaday inay doorweyn ka qaataan qadiyadda inaalinta badda iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya

Ugu dambeyntii wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa uga mahad celiyey safaaradda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka UK, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay ilaalinta iyo difaaca Qaranimada, Madax-banaanida iyo Wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda.

Culimada Soomaaliyeed oo la dhacay go’aan uu qaatay taliye SULUB + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Soomaaliyeed ayaa si weyn ula dhacay go’aan uu ku dhowaaqay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin, kaas oo ah in qofka xaafidul Qur’aanka ah ee ka mid noqonaya Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed uu la mid yahay qof haysta Shahaado Dugsi Sare ah.

Qaar kamid ah culimada oo maanta kulan la yeeshay Taliye Sulub ayaa ku amaanay go’aankiisa iyo sida uu u xormeeyay Qur’aanka Kariimka, maadaama uu ballan qaaday in xushmad gooni ah la siinayo qofka xifdiyay ee ku biiriya Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Culimada ayaa tilmaamay in tallaabadan ay tahay mid muhiim ah, isla markaana wax ka beddeleyso ciidanka, maadaama la helayo dad leh aqoon, laguna xushay cilmi iyo diini.

Dhinaca kale culimada la kulantay taliyaha ayaa ka hadlay arrimo ku aadan howlgallada ay wadaan ciidanka amniga ee lagula dagaalamayo dadka sameeya anshax xumada iyo kuwa shaqeynaya isku dirka beelaha Soomaaliyeed ee haddana isticmaalayo baraha bulshada.

Waxay culimadu bogaadiyeen shaqada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ay ka qabteen dadkii anshax xumada ka faafinayey baraha bulshada.

Dhankiisa taliye Sulub Ahmad Firin ayaa guud ahaan culimada Soomaaliyeed ka codsadey in ay gacan ka geystaan wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana howlgallo aad loo taageeray ay ciidamada dowladda ka bilaabeen Muqdisho, kuwaas oo lagu soo xir xiray dad badan.

Dadka lasoo xiray waxaa kamid ah gabdho caan ka ah baraha bulshada, dad rabshado ka sameeyay Daarusalaam, oday ‘u gefay’ garsoorka dalka iyo wiil ku goodiyay inay ‘afgembi ku sameynayaan dowladda’ haddii xukunka dil toogashada ah lagu fuliyo Sayid Cali Macallin Daa’uud oo lagu helay inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed.