25.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Maxaa sababay in Soomaaliya ay daba fariisato KENYA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa qormo cajiib ah ka qoray booqashada taariikhiga ah ee uu madaxweynaha Kenya, William Ruto ku tegay waddanka Mareykanka.

Siyaasigan oo qoraalkiisa diiraddda ku saaray waxa uu ka dhigan yahay safarkan, ayaa is barbar dhig ku sameeyay dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Cabdiraxmaan Cabdishkuur ayaa su’aal ka keenay sababta ay Soomaaliya xilligan arrimaha ay ka rabto Mareykanka ugu daba fariisatay Kenya, oo aan o xornimada ka hor qaadanay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu buuqashadii ugu dambeysay ee uu ku tegay Kenya ujeedkeeda uu ahaa mid uu ugu muraaday in uu faylal Soomaaliya quseeya aqalka cad ugu sii dhiibo, William Ruto oo casuumaad rasmi ah ka helay Joe Bide.

Hoose ka aqriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Kenya weli xor ma noqon, gacanta gumaystaha ayeyna ku jirtay markii uu Madaxweynihii Maraykanka ee xilligaa John F. Kennedy aqalka cad ee ku casuumay AUN RW C/rashiid Cali Sharmarke. Si la mid ah sida uu maanta Joe Biden ugu qaabilay Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Waxaa laga joogaa 64 sano, laakiin haddii aad daalacato diiwanka hadalladii ay is dhaafsadeen Kennedy iyo Sharmarke, waxba ma dooriyaan kuwa ay maanta is dhaafsadeen Biden iyo Ruto.

Soomaali waxay ku maahmaahdaa “lax waliba shillinkii ay is dhigto ayaa lagu gawracaa”.

Su’aasha ugu wayn ee inna dul hoganaysaahi waa maxaa sababay in Kenya halkaa gaarto oo ay weliba wakiil naga noqoto, iyo in uu Madaxweynaheena dad ku dhow u sheego in kulankii isaga iyo Ruto dhexmaray uu ugu muraaday in uu faylal Soomaaliya quseeya aqalka cad ugu sii dhiibo?

Waxaa ina dhigay in garashadeennu ka gudbi la’dahay xayndaabka beesha, deegaanka  iyo kooxda, in aan diracnimada qofeed mid qaran ka dhigi waynay, haybtii qabiil ka gudbi la’nahay, weli dhex ma quurayno ficiltankii yo baratankii beelaha, in aan ka dayuusownay masayrkii iyo sariigtii qaran, in aan damacii shakhsiga iyo dantii gaabnayd dhaafi waysanahay, iyo in aan  tuugsi iyo tuuganimo meheradeena noqotay.

In aan xaalka aan maanta ku suganahay ka gudunbo oo aan asaaggeen la tartannaahi waxaa bilow u ah in fikirka aan dawladnimo ka qabno iyo fahamka aan nolosha ka haysano isbeddelaan.

Garaad qaangaar ah ayaa qaran dhisi.

Banadir court acquits former senior officials in landmark ruling

Mogadishu (Caasimada Online) – The Banadir Regional Court has acquitted three former government officials in a significant ruling. The individuals cleared of all charges are:

• Mohammed Aden Koofi, former Director of the Immigration and Naturalisation Agency.
• Abdulkadir Elmi Ali, also a former Director of the Immigration and Naturalisation Agency. • Muhiyidin Hassan Jurus, Director of Land Tax at the Ministry of Finance.

The court has ordered the authorities to restore all rights that were suspended during the trial.

This decision marks a pivotal moment in the legal proceedings involving these officials, ensuring their reinstatement and the restoration of their previously held positions and privileges. Further details on the case and its implications are expected to follow.

Somali courts have recently handed down various sentences to individuals found guilty of misappropriation and misuse of public property. This move has been welcomed by the people, who view it as a sign of positive change and progress within the country’s judiciary.

However, many people are skeptical about whether these actions will effectively curb corruption within government institutions. Concerns persist as the newly appointed officials make money and become wealthier, which suggests that corruption remains deeply rooted.

Scholars and economic experts advocate for greater transparency, recommending that officials disclose their assets prior to appointment. This, they argue, would ensure accountability and efficiency when the positions are vacated.

Somalia currently ranks high among the most corrupt countries, but successful accountability measures could improve its reputation.

Abubakar Mohamed Ali

Wararkii ugu dambeeyay DAGAAL culus oo maanta ka qarxay gobolka GALGADUUD

0

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta dagaal beeleed lagu hoobtay uu ka dhacay bariga gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyay maleeshiyaad ku sugan halkaasi, waxaana ka dhashay kasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa ka qarxay deegaanka Ceel-barafaange oo dhaca duleedka Dhuusamareeb, waxaana uu qaatay muddo ka badan saacad, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan illaa 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen 10 kale, kuwaas oo kamid ah maleeshiyaadka labada dhinac ee dagaalamay.

Dhaawacyada lagu soo warramayaa in la kala geeyay magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, halkaas oo lagu dabiibayo xaaladdooda.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo xooganaa qayb ka ahayd kooxda Al-Shabaab oo lagu eedeeyay inay sii hurineyso colaadda ka taagan halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo wariyay in labada dhinac ay heleen gurmad saacadihii ugu dambeeyay gaaray deegaanka lagu dagaalamayo.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Galmudug, kuna aadan dagaalkaas khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay deegaanka Ceel-barafaange ee bariga gobolka Galgaduud.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka taagan colaad beeleedyo saameyn ku yeeshay shacabka, waxaana sidoo kale ka socda howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shababaab.

Maxkamadda G/Banaadir oo maanta riday xukunka kiiskii KOOFI, Cabdul iyo Saabey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Sabti ah go’aan rasmi ah ka gaartay kiiska dacwadii musuq maasuqa ee loo heystay mas’uuliyiin ay ku jiraan agaasimayashii hore ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Agaasimihii hore ee Canshuraha Bariga iy qaar kamid Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada iyo Hey’adda Socdaalka.

Maxkamadda ayaa ku dhowaaqday in wax dambe ah lagu waayay agaasimeyaashii hore ee hay’adda Socdaalka Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo Mudane Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo haatan maqane ah.

Sidoo kale waxaa isna dambi lagu waayay Muxudiin Xasan Jurus (Saabey) oo ahaa Agaasimihii hore ee Canshuraha Bariga oo isna maqane ah, sida ay ku dhawaaqday maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Banaadir.

Saddexdan mas’uul oo dhammaantood dalka isaga baxay kadib eedeyntaan musuq ee loo jeediyay ayaa la fasaxay maanta, sida uu ku dhowaaqay guddoomiyaha maxkamadda, maadaama lagu waayay dhammaan eedeymihii cuslaa ee loo soo jeediyay.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Saalax Dabaan ayaa sidoo kale faray hay’adaha ay ka tirsan yihiin mas’uuliyiintan inay usoo celiyaan xuquuqdooda sharci, maadaama dambi lagu waayay.

“Waxay maxkamaddu fareysa dhammaan hay’adaha ay ka tirsan yihiin eedeysanayaasha ay maxkamadda dambiga ku waysay in xuquuqdooda sharci ay usoo celiyaan” ayuu yiri.

Xukunka ay maanta shaacisay maxkamadda ayaa ahaa mid la sugayay, maadaama muddo dhowr bilood ah ay soo socotay maxkamadeynta mas’uuliyiinta maanta la fasaxay.

Daawo: Macawiisleyda oo hub kasoo furtay Al-Shabab

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo maanta ciidanka Macawiisleyda ee ku sugan bariga Galgaduud ku qaadeen Al-Shabaab, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda, hub badana looga soo furtay.

Howlgalka ayaa ka dhacay tuulada Geerille oo u dhexeysa deegaanada Baraak Sheekh Caamir iyo Xuseen Cagey, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay ciidanka.

Macawiisleyda ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, halkaas oo uu ka dhacay dagaal foolka fool ah oo lagu jabiyay kooxda.

Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in khasaare culus ay gaarsiiyeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, ayna kasoo furteen hub iyo saanad ciidan.

Muuqaal ay soo duubeen ciidanka howlgalka sameeyay ayaa lagu soo bandhigay hubka laga soo furtay Al-Shabaab oo uu ku jiray qoray AK47 ah, kaas oo lagu wareejiyay isla ninkii kasoo furtay kooxda Al-Shabaab, taas oo lagu sheegay mid lagu dhiirogelinayo.

“Macawiisleyda joogta bariga gobolka Galgaduud saas inay u dirirto ayaan rabaa shaqo wacan, qoraygaana adaa iska leh” ayuu yiri sarkaal ka hadlay goobta.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Macawiisleyda ee ku sugan gobolka Galgaduud.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Villa Somalia oo maanta dhambaal u dirtay ERITREA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliyeed oo qoraal kooban soo saartay ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay dowladda iyo shacabka Eritrea oo maanta u dabaaldagaya sanad guuradooda 33-aad ee kasoo wareegtay markii ay xornimada qaateen.

Bayaan ay soo saartay Villa Soomaaliya oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay farxadda la qaybsaneyso Eritrea oo xuseyso sanad guurada 33-aad.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa salaan kal iyo laab ah u diray dowladda iyo Eritrea, munaasabadda sanad guurada 33-aad ee kasoo wareegtay markii ay xornimada qaateen” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale xafiiska madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay farxadda la qaybsanayaan shacabka Eritrea oo uu sheegay inay ka dhexeyso taariikh dheer iyo xiriir soo jireen ah.

“Dadka Soomaaliyeed waxa ay si wadajir ah uga qayb-qaadanayaan xuska safarkii dheeraa ee Eritrea usoo gashay madax-banaanida, ayada oo lasii aqoonsanayo taariikhada wadaagga ah iyo xiriirka waara ee ka dhexeeya labadeenna dal” ayaa la raaciyay qoraalka.

Eritrea oo kamid ah dalalka dhaca Geeska Afrika ayaa xiriir wanaagsan laleh Soomaaliya, kaas oo sii xoogeystay 7 sano ee u dambeysay oo ay laba dhinac yeesheen iskaashi buuxa.

Siidoo kale Eritrea ayaa ciidamo u tababarta dowladda federaalka, kuwaas oo ka qayb-qaata dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

DF oo war kasoo saartay tallaabo cusub oo laga qaaday madax ka tirsan Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo mar kale liiska dadka lagu soo rogay cuna-qabateynta ku daray saddex hoggaamiye oo ka tirsan Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay boggaaineyso go’aankaasi, waxaa sidaas sheegay wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay boggaadinaysaa go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku cunaqabateeyey saddex ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab codsigeenna” ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Daa’uud Aweys ayaa sheegay in saddexda hoggaamiye ay wejihi doonaan xaalad adag, isla markaana ay kamid ah tahay xayiraad dhaqaale oo ay la socoto mamnuucid.

Shakhsiyaadkan hadda waxay ku jiraan liiska cunaqabataynta ee hoos timaada Qaraarka 2713, iyagoo wajahaya xayiraad dhaqaale iyo mamnuucid socdaal,“ayuu sii raaciyay.

Saddexda hoggaamiye oo kala ah Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, Maxamed Cumar Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Mire ayaa lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen maal-gelinta, qorsheynta, fududaynta, iyo diyaarinta dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab.

“Al-Shabaab waa argagixiso rabshado badan oo mas’uul ka ah dhimashada rayidka, hawl-wadeennada, shaqaalaha gargaarka iyo suxufiyiinta, waa in lala xisaabtamo,” ayaa  lagu yiri bayaanka Golaha Ammaanka QM.

Tallaabbadan ayaa la sheegay inay timid kaddib markii ay dowladda federaalka Soomaaliya ay arrintan ka dalbatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana qeybo kamid ah dalka ka socda howl-gallo ka dhan ah kooxda oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee hubeysan, ayada oo dhawaan lagu wado inuu bilowdo wejiga labaad ee dagaalka.

Al-Shabaab oo dagaal toos ah ku qaaday gudaha Kenya

Gaarisa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar iyo dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada Kenya iyo dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay weerar dhabagal ah ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo mararay duleedka magaalada Gaarisa, gaar ahaan deegaanka Ijaara, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Saraaakiil u hadashay dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, ayna khasaare gaarsiiyeen xubnaha Al-Shabaab.

Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa dhankeedda guul ka sheegtay dagaalka, waxayna shaacisay inay gubtay mid kamid ah kolonyada ciidanka Kenya, ayna dishay askar, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa nawaaxiga magaalada Gaarisa oo ah halka lagu dagaalamay.

Kenya oo ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya ayaa weeraro kala kulanta kooxda Al-Shabaab oo badana beegsata deegaanada dhaca xadka labada waddan.

Muddooyinkii u dambeeyay weerarada ayaa sii kordhayay, waxaana sidoo kale gobolka ciidamo badan oo milatari ah kusoo daabushay Kenya, si ay u xaqiijiyaan amniga guud.

Maxkamadda ICJ oo soo saartay amar ka dhan ah Israel

Muqdisho (Caasimada Online) – Garsoorayaasha Maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay ayaa Jimcihi ku amray Isra’il, in ay si deg deg ah u joojiso weerarka ay ku qaadday magaalada Rafax ee Marinka Gaza, hase ahaatee Isra’il waxay sheegtay in ay sii wadi doonto weerarka ay ku qaadday Rafax.

Xukunka deg degga ah ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa ka danbeeyay kaddib marki ay ay dowladda Koofur Afrcia todobaadki hore maxkamadda geystay dacwad ka dhan ah duullaanka ay Is’aril ku qaadday Rafax, si loo badbaadiyo bay tiri nolosha boqollaal kun oo Falastiiniyiin rayid ah.

Isaga oo aqrinayay xakunka kasoo baxay maxkamadda, ayuu guddoomiyaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaalada, Nawaf Salaam sheegay in xaaladda dhulka Falastiiniyiinta ee Gaza ay sii xumaanaysay tan iyo xakunki ugu danbeeyay ee maxkamadda ee Isra’iil ku amray in ay qaaddo tallaabooyin ay ku joojineyso masiibada ka jirta Gaza.

“Dowladda Israel waa in ay (….) si deg deg ah u joojiso duullaanka millatari, iyo tallaabo kale oo kasta oo ay u qaaddo gobolka Rafax, taasoo ku sababi karta dadka Falastiiniyiinta ee Gaza xaalado nololeed oo ku keeni kara burbur jireed guud ahaan iyo gaar ahaanba,” ayuu yiri Nawaf.

Inkasta oo ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ aysan laheyn awood ay ku fuliso xakunnadeeda, haddana kiiskan ayaa calaamad weyn u noqonaya go’doominta caalamiga ah ee Isra’il ee ku aaddan dagaalka ay ku qaadday Gaza, gaar ahaan weerarka ay hadda ka waddo Rafax.

Mareykanka oo ah saaxibka ugu dhaw xulufada Isra’il ayaa horay dhowr jeed uga digay weerarka Rafax. Maamulka Biden ayaa sidoo kale horay ugu dhawaaqay inuu hakiyay shixnado hub ah oo loo daabuli lahaa Isra’il, kaas oo ay ku sababeeyeen in ay uga baqayaan in loo adeegsado rayidka Rafax.

Maxkamadda ICJ ayaa sidoo kale ku amartay Isra’il in ay furto marinka isku xiro Rafax iyo Masar, si gargaarka bani’aadannimo loo geliyo Gaza. Ciidanka Isra’il ayaa xiray Marinka Rafax dhawaan.

Amarka Maxkamadda ayaa waxaa ansixiyay 13 ka mid ah 15-ka garsoore ee qaadiyaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay. Waxaa diiday, garoore u dhashay Ugana iyo garsoore kasoo jeeda Isra’il.

Isra’il si adag ayay uga hortimid go’aanka maxkamadda, sidoo kalana been iyo wax lagu yaaq-yaaqsado ku tilmaantay eedda ay u jeedisay South Africa ee ah in Isra’il ay Gaza ka waddo xasuuq.

South Africa ayaase go’aanka maxkamadda soo dhaweysay. Waxaa sidoo kale soo dhaweeyay maamulka Falastiiniyiinta. Xamaas oo maamusha Gaza ayaa qeyb ahaan soo dhaweysay go’aanka ICJ, balse sheegtay in qeyb ahaan dhameystirneyn, mar haddii bay yiraahdeen ay Isra’il wali dagaal ka waddo qeybo kale oo ka mid ah Gaza.

Reuters + VOA

Kiiska KOOFI, Cabdul iyo Saabey oo maanta go’aan laga gaarayo – Maxaa dhici kara?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Sabti ah go’aan rasmi ah ka gaari doonta kiiska dacwadii musuq maasuqa ee loo heystay mas’uuliyiin ay ku jiraan agaasimayashii hore ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Agaasimihii hore ee Canshuraha Bariga iy qaar kamid Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada iyo Hey’adda Socdaalka.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 14-kii May shaacisay inay soo gabagabeysay dhageysiga kiiskan, iyadoo xiligaas ballan-qaaday inay go’aan ka soo saari doonto.

Mar kale qoraalka ka soo baxay maxkamadda ayaa lagu mudeeyey in maanta lagu dhawaaqayo go’aanka, si loola wadaago shacabka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiintan oo ka soo shaqeysay hey’adaha dowladda ee musuq-maasuqa loo heysto ayaa gaareysa illaa 12 agaasime oo ka kala tirsan hey’adda socdaalka, wasaaradda maaliyadda, bangiga dhexe iyo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

Sidoo kale masuuliyiintaan ayaa loo heystaa xatooyo xoolo dadweyne, waxayna maxkamadeyntoodu socotay dhowr bilood, iyadoo lagu soo oogay kiisas musuq xasaasi ah.

Agaasimayaashii hore ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Korneyl Koofi, Cabdul iyo agaasimihii canshuuraha beriga ee wasaaradda maaliyadda Muxudiin Saabey iyo qaar kamid Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada iyo Hey’adda Socdaalka ayaa ku jira ragga kiiskooda go’aanka laga gaarayo.

Natiijada maxkamadda ayaa ah mid isha lagu wadayo, maadaama aad loo xiiseynayo waxa dhici kara oo saameynaya rag waa wayn oo aad loo hadal hayo.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa horay sidaan oo kale go’aan uga gaartay kiiska mas’uuliyiin lagu helay masuq iyo kuwa kale oo lagu waayay dambi, balse waxaa la’isla aaday Maxkamadda Racfaanka oo la filayo inay go’aan kasoo saarto kiiska saraakiishaasi.

Daawo: Hoggaamiyaha SSC oo shaaciyey arrin xasaasi ah

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka kumeel gaarka ah ee SSC Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye oo kulan la yeeshay Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa uga warbixiyey xaaladda deegaanka, isagoo sheegay in Muuse Biixi uu qorsheynayo dagaal kale.

Firdhiye ayaa sheegay in dadka ku nool gobollada Sool iyo Sanaag ay ku faa’iideeyn dagaalkii ay la galeen maamulka Somaliland, isla markaana ay ku guuleysteen inay la midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Muuse Biixi uu hadda qorsheynayo dagaal kale, balse uu ku jebi doono, isagoo ka digay in mar kale Somaliland ay dib u soo celiso daadinta dhiigii sokeeye, kaas oo aan ku joogsan heshiis ama xabad joogin, balse iskiis u istaagay.

Firdhiye ayaa ku faanay in ciidamada Somaliland ay dagaalka uga awood bateen oo ciidamada SCC ay gudaha u galeen xuduuda Somaliland, balse markii ay xoreysteen dhulkooda ay go’aansadeen inay ka soo laabtaan dhulka uu ka taliyo maamulka Muuse Biixi ee Somaliland.

“Shacabka gobollada waqooyi waxaan leeyahay ka fogaada dulmiga Muuse Biixi uu wado, si ilaahey raali idinkaga noqdo, cid kale inaad dulmisaan yaan lagu fekerin,” ayuu yiri Firdhiye oo ka digay in colaadii Laascaanood ay mar kale soo noqoto.

Sidoo kale hoggaamiye Firdhiye ayaa sheegay in shacabka uu hoggaamiyo ee SSC ay tirsanaa in la dulmiyey oo gardarro lagu laayey, balse ay muhiimada siinayaan nabadda, wada noolaashaha iyo walaalnimada.

“In xadka aanaan dhaafin waa muhiim, maanta SSC waxay ku jirtaa xiligeedii ugu quruxda badnaa, rajo iyo yadadiilo aanaan heysan sanado ka hor ayaan maanta heysanaa, maamulka aan hoggaamiyo oo ku yimid rabitaanka shacabka waxaa ka go’an inuu xaqiijiyo rajada shacabka SSC Khaatumo oo halgan dheer soo galay,” ayuu yiri hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye.

Ugu dambeyntii hoggaamiye Firdhiye wuxuu sheegay in maamulkiisa uu ka shaqeeyey dejinta shuruucdii lagu maamuli lahaa deegaanka, isla markaana ay ka go’antahay in doorashada oo waqtigeeda ku dhaceysa ka hor uu baasgareeyo dhamaan shuruucdii lagu shaqeyn lahaa.

Hoos ka daawo

 

Daawo: Booliska oo go’aan adag ka soo saaray dadka baraha bulshada…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Sulub Axmed Firin oo qabtay shir jaraa’id ayaa ka hadlay xarigga iyo tallaabooyin ay ka qaadeen dadkii baraha bulshada ka caayi jiray bulshada, kuwaas oo xabsiga loo taxaabay maalmihii lasoo dhaafay.

Taliyaha ayaa sheegay in qof dambe aysan ka ogolaa doonin in baraha bulshada uu dadka ka aflagaadeeyo, isagoo cadeeyey in qof kasta hadii uu sheego cadeyntiisa la weydii doono.

Taliye Firin ayaa sheegay in shaqada booliska ay tahay ilaalinta sharciga iyo sharafka bulshada, isagoo hoosta ka xariiqay in waajibka saaran ay guda doonaan.

“Baraha bulshada waa ku soo badatay dhalinyaro si qaldan u isticmaasha oo aflagaadeysa dadka kale, ciidanka booliska masuuliyad ayaa ka saaran ilaalinta sharafta dadka laga caayo baraha bulshada,” ayuu yiri Taliyaha guud ee booliska Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii qof kasta oo muwaadin ah uu dalkiisa ugu heysan lahaa xorriyad iyo sharaf, intaas lagu cayaarana aysan qofna ka yeeli doonin ciidanka booliska Soomaaliyeed.

“Dalku wuxuu leeyahay shuruuc iyo kala dambeyn, wixii ka baxsan wixii qofka sharcigu u ogolyahay, waxaa naga go’an inaan ku qabsano, maadaama waajibka na saaran uu yahay ilaalinta sharciga, qof kasta oo xadkiisa soo dhaafa waxaa la weydii doonaa cadeynta waxyaabaha uu ka hadlay,” ayuu yiri Jeneraal Sulub.

Taliyaha oo sii hadlaayey ayaa sheegay inay ka hortegayaa in qofka wax aflagaadeeyey iyo qofka la aflagaadeeyey inta aysan is gaarin ay boolisku ku soo bixi doonaan wixii dhacay, taas oo fududey doonta in qofkii qalad gala sharciga lala tiigsado.

“Qofkii lasoo xiro, waxaan weydii doonaa wixii uu ku hadlay cadeymaha uu u haayo, cid aan dhibaato u geysa doono ma jirto, qof kasta waxaan ka rabnaa in xaqa muwaadinka kale uu ilaaliyo,” ayuu yiri taliyaha ee farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa cabsiga lagu guray dhalinyaro u badan reer Muqdisho, odayaal iyo haween ka soo muuqday baraha bulshada, iyagoo aflagaadeynaya dad kale, qaarkood ayaa lagu heystaa hadalo ka dhan ah dowladda iyo qabiillada qaar.

Hoos ka daawo

Badda Soomaaliya oo maanta qaaday 7 carruur ah iyo xaalad adag oo jirta

Marka (Caasimada Online) – Magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose waxay maanta baddu qaaday 7 carruur ah, sida ay Caasimada Online masuuliyiin ka tirsan maamulka degmadaas iyo qaar ka mid ah ehellada carruurta baddu qaaday.

Sida aan xogta ku helnay laba ka mid ah carruurta ayaa la sheegay in lasoo badbaadiyay maanta, halka mid kalana maykiisa laga soo saaray badda.

Hadda waxaa maqan 4 ka mid ah carruurtii baddu qaaday, waxaana lagu guul-dareystay dadaallo la sameeyey maanta oo lagu soo badbaadinayey carruurta.

Labada wiil ee laga soo badbaadiyey badda ayaa ku jira xaalad caafimaad oo liidata, waxaana lagu dabiibayaa isbitaal ku yaalla magaalada Marka ee gobolka Sh/Hoose.

Maamulka degmada, dhalinyarada iyo kalluumeysatada magaalada Marka ayaa ilaa hadda wada dadaallo ay ku baadi goobayaan carruurta 4-ta ah ee weli ku maqan badda.

Jimcihii maanta oo carruurtu ay fasaxa ka aheyd goobaha waxbarashada ayay adeen badda, sida ay ehellada carruurtaasi u sheegeen Caasimada Online, kadibna waxaa qabsatay xaalad adag, kadib markii mowjado duufaan ah ay kaceen.

Carruurta weli ku maqan badda labo ka mid ah ayaa walaalo ah, dadka ka shaqeeya badaha, gaar ahaan xeebaha koonfureed ee Soomaaliya, ayaa sheegay in marka la gaaro bishaan 5-aad ee sanad kasta ay baddku kacdo, isla markaana aan lagu dhiiran in la galo badda.

Toddobaadkii dhamaaday hay’adda Musiibooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa shaacisay in laga cabsi qabo in magaalooyinka koonfurta dalka ee saaran xeebta ay ku soo fool-leedahay duufaan xoogan oo lagu magacaabo Laly, taas oo ku dhufatay qaar ka mid ah xeebaha dalalka Bariga Afrika.

Xog ka cusub baaritaanka diyaaradii la dhacday ee uu ku dhintay madaxweynihii Iran

Tehran (Caasimada Online) – Saraakiisha dalka Iran ayaa soo saaray warbixintii ugu horeysay ee ku saabsan bur-burka diyaaradii helicopter-ka ahayd ee uu ku geeriyooday madaxweynihii dalkaasi Ibrahim Raisi.

Koox khubaro iyo farsamo-yaqaanno ah oo tegay goobta shilka ayaa waxay warbixinta hordhac ah ee baarista ah ku xaqiijiyeen in diyaaradda ay raacday wadadii loogu talay intii ay ku jirtay duulimaadka oo dhan, mana jirin wax ka leexasho waddo ah.

Hal daqiiqo iyo bar kahor shilka, duuliyihii diyaaradda helicopter-ka ee burburtay ayaa xiriir la sameeyay labo diyaaradood oo kale oo la socday. Tan ayaa ka dhigan in diyaaradda bur-burtay ee madaxweynaha uu saarna ay la socdeen illaa laba kale.

Sida ay muujineyso warbixinta hordhaca ah ee baarista kiiskaan, illaa hadda ma jirto wax rasaas ah ama raad lamid ah oo laga helay bur-burka diyaaradda helicopter-ka ahayd.

Warbixinta ayaa sidoo kale faah-faahisay “in diyaarada helicopter-ka ahayd ay gubatay kadib markii ay ku dhacday buur, maadaama deegaanka shilku ka dhacay uu yahay aag buuraley ah.”

Warbixintan aya sidoo kale hoos u dhigeysa shakiga lala xiriirinayo sababta ay diyaaraddu u dhacday, ayada oo kooxda khubaro ee wadda baaristan ayaa sheegeen in baaritaannada kadib lala wadaagi doono xog dheeri ah bulshada.

Shilkaan oo reer Iran si weyn ay uga naxeen waxaa ku dhintay madaxweynihii Iran Ibrahim Raisi iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda iyo saraakiil kale oo la socotay.

Raisi, oo ahaa 63 jir ayaa xilka madaxtinimada Iran loo doortay sannadki 2021-ki, isla markii la dhaariyay wuxuu adkeeyay qawaaniinta anshaxa isaga oo kor kala socday olole dadka looga reebayay munkarka, kaas oo sababay bannaanbaxyo looga soo horjeestay dowladda.

Waxaana hadda noqday madaxweynaha dalkaasi madaxweyne ku-xigeenka dalka Mohammad Mokhber, isaga oo xilkaan si kumeel-gaar ah u hayn doono, sida uu shaaciyay hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei.

Iran ayaa waxa ay hadda haysataa ugu badnaan 50 maalmood oo ay tahay in lagu qabto doorasho madaxweyne si loo doorto qofkii beddeli lahaa Raisi.

Israel oo qaaday tallaabo deg-deg ah oo ka dhan ah Spain kadib aqoonsigii Falastiin

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, Israel Katz ayaa maanta ku dhowaaqay inuu go’aansaday in uu jaro xiriirka ka dhexeeya ergada diblomaasiyadeed ee Spain iyo Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed ee la haysto, sababo la xiriira aqoonsiga Madrid ee fowladda Falastiin.

“Waxaan go’aansaday inaan jaro xiriirka ka dhexeeya wakiilada Spain ee Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, iyo in aan ka mamnuuco qunsuliyadda Spain ee Qudus in ay adeegyo siiso Falastiiniyiinta ka imanaya Daanta Galbeed,” Katz ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay X.

Illaa hadda ma cadda sida ay Israa’iil u fulin doonto hanjabaaddan.

Mar ay wakaaladda wararka ee AFP wax ka weydiisay wax-ku-oolnimada iyo cawaaqibka ka dhalan kara go’aanka Katz, wasaaradda arrimaha dibedda Spain si deg deg ah ugama jawaabin.

Katz waxa uu sheegay in go’aankiisa uu ahaa mid jawaab u ah aqoonsiga Spain ee dowladda Falastiin iyo baaqii Yahuud naceybka ee ka soo yeeray ra’iisul wasaare ku xigeenka Spain ee ahaa in la xoreeyo Falastiin webiga illaa badda.

Spain, Ireland iyo Norway ayaa Arbacadii ku dhowaaqay go’aan ay ku aqoonsanayaan Dowladda Falastiin 28-ka bishan May, taasi oo dhalisay carada Israel.

Xukuumadda Israa’iil ayaa dhalleecaysay tallaabadan kuna sheegtay “abaal-marinta argagixisada” iyada oo dagaalka Marinka Gaza, oo ka dhashay weerarkii Xamaas ee 7-dii October, uu ku dhow yahay bishii siddeedaad.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa Khamiistii ka digtay in xiriirka Israel ee Ireland, Norway iyo Spain uu wajihi doono “cawaaqib xun.”

Katz ayaa qoraalkiisii Jimcaha ku cambaareeyey qoraal ay X soo dhigtay wasiirka shaqaalaha Spain, kana tirsan xisbiga bidixda fog, Yolanda Diaz, taasi oo ah qofka saddexaad ee ugu sarreeya dowladda Spain.

Ayada oo soo dhaweynaysa ku dhawaaqista aqoonsiga rasmiga ah ee Dowlad Falastiin, Diaz ayaa tiri: “halkan kuma ekaan karno. Falastiin waxay noqon doontaa xor, laga billaabo webiga ilaa badda.”

Oraahadan lagu taageero Falastiin ayaa loola jeedaa xuduudaha taariikhiga ah ee Falastiin ee gumaystihii Britain, taasi oo teedsan laga soo billaabo webiga Jordan illaa badda Meditareeniyaanka, ka hor inta aan la aas-aasin Israel 1948-kii.

Dadka dhaliila oraahdan ayaa ku macneeya in loola jeedo baabi’inta Israel.

Oraahdan “webiga illaa badda” ayaa waxaa mararka qaar loo adeegsadaa hal ku dhig Sahyuuniyad oo lagu doonayo Israel ballaaran oo teedsan isla dhulkaas.

Booliska oo gacanta kusoo dhigay askari hanjabaad culus mariyay warbaahinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Soomaaliya ayaa goordhaweyd gacanta kusoo dhigay Cadaawe Cabdi Cali (Cadaawe Jiib) oo dhawaan warbaahinta ka hanjabay.

Ninkan oo ah askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa waxaa soo xiray ciidanka booliska gobolka Banaadir, gaar ahaan kan saldhigga booliska ee degmada Deyniile, waxa uuna kal hore kasoo muuqday warbaahinta isaga oo ku goodinaya dagaal iyo in uusan aqbaleyn amar burburin dhul oo ka fulay gudaha caasimada.

“Eedeysanaha oo ah askari katirsan ciidamada qalabka sida ayaa ku eedeysan is hor istaag amar Maxkammadeed iyo ku lug lahaasho kicin bulsho, wxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda Ciidamada ee ku shaqada leh howlahaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliya oo baahiyay xariga ninkaan.

Laba maalin kahor ayay aheyd markii uu booliska soo xiray Mascuud Cabdullaahi Afrax (Garweyne) oo ahaa nin oday ah, islamarkaana marar badan kasoo muuqday warbaahinta.

Booliska ayaa ninkaas ku eedeeyay inuu u gefay garsoorka dalka, islamarkaana uu waxba kama jiraan ku tilmaamay xukunno ay rideen maxkamadaha dalka. Wuxuuna booliska sheegay in la horgeyn doono maxkamadda, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Isla maalin kasii hor booliska ayaa soo xiray illaa 15 qof oo ka qayb qaatay dibad-bax rabshada watay oo ka dhacay Daaru-Salaam, kaasi oo looga soo horjeeday awood qaybsiga maamulka degmadaasi.

Waxaa kasii horreeyay oo lasoo xiray Liiban Khaliif Abtidoon oo isna ka qayb-galay dibad-bax ay dhigeen ehellada Sayid Cali Macallin Daa’uud, isaga oo ku goodiyay inay “afgembi sameynayaan”, sidoo kale waxaa xabsiga ku jira gabdhihii uu ka dhex qarxay dagaalka qabiilka ee caanka ka ahaa baraha bulshada ee Internet-ka, gaar ahaan barta TikTok-ga.

Isku soo wada duubo arrimahaan ayaa keenay in dowladda ay tallaabo qaado, ayada oo lasoo xiray maalmo gudahood dadkii ugu badnaa, kuwaas oo loo haysto kicin bulsho iyo is-hortaag amar maxkamadeed, waxaana haatan lagu wadaa in lasoo taago maxkamad.

Soomaaliya oo mar kale ku dhacday godkii fadeexadda – Muxuu sameeyay Xasan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu ku wargeliyay Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan inay iskaga harto tartanka ay ugu jirto xilka guddoomiyaha ururka Midowga Afrika.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirkii hore arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo muddo sanad ah olole ugu jirtay kursigan ayaa sida illo xogogaal sheegayaan waxaa dhawaan u yeeray madaxweynaha oo ay wehliyaan ra’iisul wasaaraha iyo xubno kamid ah golaha wadatashiga qaran, waxayna ka codsadeen in tartanka ka harto.

Dadka xogtaan nala wadaagay waxa ay sheegeen in keliya lagu yiri codka Soomaaliya waxaa ka ballan-qaadnay Ismaaciil Cumar Geele, maadaama uu xilkaan u sharaxan yahay wasiirka arrimaha dibadda ee waddanka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf.

Xilliga loo sheegay in aanu qarankeedu taageerayna ahaa niyad jab weyn ku ah Xildhibaan Fowsiya. Waxaa la sheegay inay aad u dooday oo ay sheegtay inay shaqo badan soo qabatay, dalal badan tagtay, ballan-qaadyo haysato, Wasaaradda arrimaha dibadda ay meelo badan olole uga sameysay, laakiin waxaas oo dhan waxba kama beddelin go’aanka madaxweyne Xasan Sheekh ee ah inuu musharaxa Jabuuti siinayo codka Soomaaliya.

Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, marka lala barbar dhigo musharaxa ay Jabuuti wadato waxaa la aaminsan yahay in aysan ka liidan, haddiiba aanay meelo badan iyadu ku horeynin.

Waa ra’iisul wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, aas-aase Jaamacaddeed, mid warbaahineed iyo haweenay wax badan ka beddeshay nolosha bulsho badan oo danyar ah.

Waxay leedahay waayo-aragnimo ay ku geyso kursigaan. Dad badan ayay la-yaab ku tahay inuu Xasan Sheekh ku dhiiran waayay in kursigan u raadiyo dalkiisa, in uusan ku beddelan wax cad ah oo qaranka dan u ah marka laba reebo waxa shaqsiga ah ee isaga iyo Ismaaciil Cumar Geele ka dhaxeeya iyo inuu diidmadiisa la yimid mar Fowsiya waqti, kharash iyo han badan galay.

Waxaa la sheegay inay Xildhibaannad Fowsiya madaxda sare ku tiri waqti isiiya aan kusoo fikiro, iyada oo malaha rajeynaysa in la helo cid bedeli karta go’aanka madaxweyne Xasan Sheekh.

Kenya ayaa sidoo kale tartanka ku jirta oo waxaana u sharaxan ra’iisul wasaarihii hore Raila Odinga.

Isla dhacdo middaan lamid ah dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr bilood kahor diiday inay taageerto Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo isku sharaxday madaxweynaha baarlamaanka adduunka, laakiin markaas dowladda qiil waxay ka dhigatay inay Tanzania uga beddelatay taageerada xubinnimada ururka bulshada Bariga Afrika.

Laakiin hadda in Fowsiya laga raaco Jabuuti ma jirto wax dan qaran ah oo lagu beddeshay, marka laga reebo saameynta shaqsiga ah ee Ismaaciil Cumar Geele uu ku leeyahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Muxuu yahay aqoonsiga uu bixiyay Golaha Ammaanka QM ee ay diideen 19 dal?

New York (Caasimada Online) – Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiista 11-ka July u aqoonsaday maalinta caalamiga ah ee Milicsiga iyo Xuska Xasuuqii Srebrenica ee 1995, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 8,372 qof oo Muslimiin Bosniyaan ah, ayna ka dhashen burburka iyo barakaca kumanaan kale.

“Ansixinta qaraarkan, ayaa Goluhu wuxuu sidoo kale ka codsaday Xoghayaha Guud inuu sameeyo barnaamij wacyigelin ah oo ku saabsan xasuuqii Srebrenica si loogu diyaargaroobo sannad-guurada soddonaad ee xasuuqaas sanadka soo socda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay QM.

Golah loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale wuxuu kaloo cambaareeyay “diidma kasta oo loo diido xasuuqii Srebrenica oo ah dhacdo taariikhi ah”.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladaha xubnaha ka ah inay ilaashadaan xaqiiqooyinka la aas-aasay, oo ay ku jiraan nidaamkooda waxbarasho, si looga hortago diidmada iyo qallooca, iyo inay ka hortagaan xasuuq kasta oo mustaqbalka dhaca.’

Qoraalkan oo ay soo diyaariyeen Jarmalka iyo Rwanda, ayaa waxaa codkooda ku taageeray 84 dal, halka ay diideen 19 dal, ayna ka aamuseen 68 dal.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay xasuuqii Srebrenica ayaa astaan u ahaa mid kamid ah cutubyadii ugu madoobaa ee dagaalka ka dhashay kala jabkii Yugoslavia hore.

Bishii July 1995, ciidamada Serbian ee Bosnia ayaa ku duulay Srebrenica, oo Golaha Ammaanku uu hore ugu dhawaaqay aag nabdoon, waxay “si arxan darro ah” ugu dileen kumanaan rag iyo dhalinyaro ah halkaas, waxayna ka saareen magaalada 20,000 oo qof.

Maxkamada caalamiga ah ee cadaalada iyo sidoo kale maxkamada caalamiga ah ee danbiyada caalamiga ah ee Yugoslavia hore ayaa u aqoonsatay fal xasuuq ah oo ciidamada jamhuuriyada Srpska ay ku dileen muslimiinta Bosnia ee Srebrenica.

Soomaalida Manchester oo kaalin muuqata ka gashay bulshooyinka + Sawirro

0

Manchester (Caasimada Online) – Magaalada Manchester ee boqortooyada Ingiriiska oo Soomaalida badan ay ku nool yihiin ayaa lagu amaanay inay kamid yihiin bulshooyinka ka shaqeeya nabadda iyo ka hortaga dambiyada ay ka midka yihiin dilalka iyo daroogada.

Marka la barbar dhigo magaalooyinka kale ee Ingiriiska sida London iyo magaalooyinka kale, Soomaalida ku nool Manchester aad ayey ugu yar yihiin dhalinyaradooda isu geysta ama dadka kale u geysta dilalka iyo daroogada.

Ugaas Cali Cabddulle Qaanso oo ka mid ah waxgaradka magaalada Manchester ayaa aaminsan in taasi ay ku timid dadaalka iyo wacyagelinta ay sameeyeen iyo in dhalinyarada Soomaalida loogu yeero farida wanaaga iyo diinta Alle.  

Mas’uuliyiin ka tirsan golaha deegaanka magaalada Manchester ee Boqortooyada UK ayaa abaal marin iyo soo dhoweyn lagu weyneynayo dhaqanka Soomaalida ay u sameeyeen Cali Cabdulle Qaanso (Ugaas Cali) oo mudo 20 sano ah usoo khidmeynayay Soomaalida Manchester.

Nabaddoon Ugaas Cali ayaa hoyga golaha looga arrimiyo Manchester loogu qabtay xaflad, halkaasi oo lagu guddoon siiyay haddiyado ay ka mid yihiin dharka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida caanka ku tahay iyo abaal marino kale.

Waxaana loogu mahad celiyay sida uu mudada 20-ka sano ugu shaqeynayay isku xirka bulshada Soomaaliyeed iyo maamulka deegaanka iyo weliba bulshooyinka kale ee Manchester ku nool.

Dhinaca kale, waxaa bisha July guud ahaan UK ka qabsoomi doonta doorashada Ra’iisul wasaaraha iyadoo xisbiyada Conservative-ka iyo Lebour Party ay ku dagaalamayaan sidii ay usoo jiidan lahaayeen bulshada Soomaaliyeed.

Ugaas Cali ayaa ugu baaqay Soomaalida in ay codkooda ka taxadiran ciddii ay siin lahaayeen kana fiirsadaan cidda u roon iyo kan u daran.

Daawo: Deni oo weerar ku qaaday madax goboleedyada xilli uu socdo qorshe culus

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo dhowaan ka hadlay magaalada Garoowe ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxda kale ee maamul goboleedyada dalka ooh adda la rumeysan yahay inuu khilaaf kala dhaxeyeo.

Saciid Deni ayaa saaxiibadiisii hore ku eedeeyey madaxda dawlad goboleedyada koonfurta in ay doonayaan waqti kororsi ay xafiiska ku sii joogaan, kaas oo ay kala shaqaynayso dawladda federaalka Soomaaliya.

“State hebel markaan doorasho ma galayee hal sano ayaan siiyey, labo sano ayaan siiyey, saan ayaan yeellayaa, waxay la micno tahay, sharciyadda oo burburtay oo dadkiina iska daawanayaan,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa mar uu ka hadlayey arimaha siyaasadda Soomaaliya waxaa uu sheegay inaan xoog laysku muquunin karin taas badalkeeda Puntland ay diyaar u tahay garnaqsi iyo in ay cadayso waxa ay diidan tahay.

“La isma muquunin karo, la ismana dardari karo, dalkaan meesha uu aadayo ha laga wada hadlo, Puntland waxay diyaar u tahay garnaqsi,” ayuu madaxweynaha ku sheegay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu ka jeediyey xiritaankii shirka jiheynta xukuumadda fowladda Puntland.

“Soomaalinimada cidna uga cararimayno, cidda khaldan baan qabanaynaa hadii Alle idmo, garab istaaga dadkeenna Soomaaliyeedna hore ayeenu usii wadaynaa,“ ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweynaha Puntland.

Puntland ayaa ka qaybgalin shirarka golaha wadatashiga qaran, waxayna sheegtay inay diidan tahay wax ka badelka dastuurka iyo siyaasadda dawladda federaalka Soomaaliya, iyadoo madaxda dawladda federaalka ay ku celcelinayaan inaan loo joojinayn taas oo sii xoojisay khilaafka labada dhinac.

Hoos ka daawo muuqaalka