25.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Xogta kulan dhex maray MUUSE BIIXI iyo wafdi culus oo ka socday QM + Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabiley ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna isu-duwaha gargaarka bini’aadantinimada Mr. George Conway.

Masuuliyiintan ka socotay QM ayaa sidoo kale waxaa wehlinaya madaxda ugu sareeya toban hay’addood oo Qaramada Midoobay ka tirsan.

Kulankan oo lagaga wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa horumarinta kaalmada ay hay’adaha QM ka taageeraan Somaliland iyo dardar-gelinta iskaashiga wada shaqayneed, gaar ahaan dhanka arrimaha bini’aadantinimada ee sannadkan qorshaysan, si waafaqsan shuruucda dalka Somaliland iyo ta caalamiga ahba.

Sidoo kale madaxweynuhu wuxu ku booriyey madaxda wasaaradaha kala duwan ee dalka iyo hay’adaha Qaramada mMidoobay inay kuwada shaqeeyaan isfahan iyo shuruucda dalka u dejisan.

Kulankan ayaa waxa uu qeyb ka yahay la-macaamilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ay la leedahay Somaliland iyo hay’addaheeda kala duwan. Waxa uuna kusoo aadayaa xilli laga deyrinayo xaaladda nololeed ee deegaanada qaar.

Kulankaan ayaa waxaa Muuse Biixi ku wehlinayay wasiirrada wasaaraddaha shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, qorshaynta iyo horumarinta, gudoomiyaha hay’ada qaxootiga iyo barakacayaasha, gudoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland iyo agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhinaca wafdigana waxa ku wehlinayey ku-xigeenka Madaxa Qaramada Midoobay, Mr. Crispen Rukasha Wakiilka OCHA, Mr.Ruger Kahwa, Madaxa Xafiiska OCHA, Mr. Wafaa Saeed, Wakiilka UNICEF, Mr. El-Khidir Daloum Mahmoud, Wakiilka WFP, Mr. Frantz Celestin, Madaxa IOM, Mr. Charles Mballa, Wakiilka UNHCR, Mr. Abdoul Karim Bah, Madaxa Xafiiska FAO, Ms. Anna Maria Adhikari, Kaaliyaha Gaarka ah ee DSRSG/RC/HC, Mr. Nikolai Rogosaroff madaxa UNSOM iyo Abdi Askar oo ka socda Xafiiska Hargeysa.

Mareykanka iyo Kenya oo Washington ku kala saxiixday heshiis taariikhi ah + Sawirro

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka iyo Kenya ayaa qalinka ku duugay heshiis milateri, xilli uu dalkaasi booqasho rasmi ah ku tegay madaxweyne William Ruto.

Wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa shaaca ka qaaday saxiixa heshiikan, oo ah mid is-afgarad oo difaac ah, kaas oo uu la saxeexday Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ee Afrika Molly Fee.

Heshiiskan ayaa waxa uu wasiirka sheegay in ‘kor loogu qaado tallaabooyinka amniga iyo hawlgallada milatari ee wadajirka ah.’

“Heshiiskan oo ay ka mid yihiin balaadhinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo casriyaynta garoonka diyaaradaha ee Manda Bay oo ku dhow xuduudka Soomaaliya, ayaa lagu taageerayaa dadaallada ka dhanka ah argagixisada, horumarinta awoodaha shaqo, iyo in la dejiyo diyaarado waaweyn, taasi oo sare u qaadi doonta dhaqdhaqaaqa iyo dabacsanaanta ciidamada ammaanka.” ayuu Ducaale ku yiri bayaan kusoo baxay bartiisa Facebook.

Waxa uu Aadan Ducaale sheegay in heshiiskan uu “daba socday codsigii Kenya iyo ballan-qaadkii dowladda Mareykanka ee ahaa in ay maal-gelinayaan dhismaha, taasoo muujineysa iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya labada dal ee la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta nabadda adduunka.”

Mareykanka ayaa kor u qaadayo heerka iskaashiga ee Mareykanka iyo Kenya ee arrimaha gobolka iyo caalamkaba, kadib markii Madaxweyne Biden uu dhiggiisa Kenya William Ruto uu Khamiistii kusoo dhaweeyay Aqalka Cad.

Heshiiskan ayaa door muuqda ka qaadan doono dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah, ayada oo si weyn uu u saameyn doono kooxda, oo hadda uu guluf dagaal uga socdo gudaha Soomaaliya.

Burcad-badeeda Soomaaliya oo gacanta ku dhigay markab weyn oo laga leeyahay dalka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda howlgalada ganacsiga badaha ee boqortooyada Ingriiska ‘UKMTO’ ayaa sheegtay in kooxo ay gudaha u galeen Markab ganacsi oo marayey meel 420 nautical miles koonfur bari kaga beegan xeebta degmada Marka ee gobolka Shabeelada Hoose dhanka barina ka xigta magaalada Muqdisho.

Qoraalka ay soo saartay UKMTO, ayaa lagu sheegay in koox an tiradooda la garanayn oo watay laba doonyo ah ay fuuleen markabka.

Dhanka kalana war-saxaafadeed kooban oo ay soo saareeen howlgalka Atlanta ee Midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya ku sugan ayey ku xaqiijiyeen digniinta laga soo saaray weerarka looga shakinsan yahay burcad baddeed Soomaali ah ee markabka lagu qaaday.

Sida laga soo xigtay Traffic Marine, markabka ayaa lagu magacaaba BASILISK, waxaa ka dul babanaya calanka dalka Liberia.

Markabka ayaa ka soo safray magaalada dekada leh ee Mindelo oo ku taal waqooyiga jasiiradda São Vicente ee dalka Cape Verde isagoo ku sii jeeday dakadda Jabal Cali ee dalka Imaaraadka Carabta.

Mid ka mid ah maraakiibta dagaalka ee ATALANTA ee ku sugan agagaarka ayaa bixiyey jawaabtii ugu horeysay ee digniinta.

Warbixinta EUNAVFOR ATALANTA, ayaa lagu sheegay inay qaadayaan tallaabooyinka ku habboon si ay uga jawaabto si waxtar leh.

Warar ku dhaw kooxaha Burcadbadeeda ayaa sheegaya in shaqaalaha markabka saaran oo gaaraya 17 shaqaale ah ay weli ku xaniban yihiin qolka badbaadada ee markabka iyadoo  kooxda burcadbadeeda ay gabi ahaanba la wareegeen qolka howlgalka markabka iyagoo xanibay dhammaan isgaarsiinta markabka.

Bishii Maarso 2024 ayey ahayd markii Burcadbadeedu ay  heleen $5 milyan oo madax-furasho ah oo ay ka qaateen markbka MV Abdullah.

Kadib socdaalka RUTO, Mareykanka oo ku dhawaaqay inuu Kenya u xushay booska…

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay inay Kenya u xusheen inay noqdaan dalkii ugu horreeyey ee ku yaalla wadamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya.

Mareykanka ayaa Kenya u xushay inuu noqdo gaashaanbuurta ugu dhow Mareykanka marka laga saaro dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga NATO ama non-NATO member US Ally.

Tallaabadan ayaa ah mid muujinaysa sida istaraatejiyadda iskaashiga amniga ee Mareykanka ay ugu sii jihaysanayso dhinaca dalalka ku yaalla bariga Afrika, xilli ay ciidamada Maraykanku baxayaan dalka Niger, taasi oo laga yaabo inay fursad u siiso ciidamada Ruushku inay isku ballaadhiyaan.

Kenya ayaa fursad u heli doonta inay galaan-gal ama fursad u hesho taageero dhinaca milateriga ah iyo mid dhaqaale oo la mid ah kan ay haystaan xubnaha isbahaysiga NATO, hase ahaatee kama mid noqon karaan heshiiska difaaca ee uu ku dhisan yahay isbahaysiga NATO, kaasi oo isku haya dalalka xubnaha ka ah isbahaysigaasi.

Sarkaal sare oo u hadlay maamulka Biden ayaa u sheegay weriyayaasha in madaxweyne Biden uu u gudbin doono golaha Congresska arrintan, taasi oo laga yaabo inay qaadato illaa 30 maalmood, si ay u hirgasho.

Kulamada dhex-maray madaxweynayaasha Kenya iyo Mareykanka, iyo soo dhoweynta madaxweyne Ruto ayaa socotay maalinimadii Khamiista oo dhan.

Waxaana habeenkii xalay ahaa loo qabtay casho sharaf ay ka soo qayb-galeen illaa 500 oo marti ahi, oo ay ku jiraan madaxweynayaashii hore ee Maraykanka Barack Obama iyo Bill Clinton, iyo xoghayihii hore ee arrimaha debedda ee Mareykanka, Hillary Clinton.

Daawo: DF oo war culus ka soo saartay dagaalka Shabaab iyo xogta howlgallo dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyey howlaglladii ugu dembeeyey ee ciidamada qaranka ay ka fuliyeen gobollada dalka, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyey Khawaarijta.

Afhayeenka ayaa faahfaahintiisa ku bilaabay howlgal ciidanka Danab ay ka fuliyeen degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kale duqeymo ayaa maalmihii lasoo dhaafay kooxda loogu geystay howdka Ruun-nirgood.

Sidoo kale Sheekh Abuukar ayaa sheegay in labo sarkaal iyo afar maleeshiyaad ah saacadihii lasoo dhaafay kooxda looga dilay howlgal ka dhacay deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidanka guutada 77 ee ku sugan deegaanka Mesegawaa ee gobolka Galgaduud ayuu sheegay afhayeenku inay gacanta ku dhigeen gaari Leylo ah oo hub iyo saanad kale u siday kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka xoogga dalka ayaa cagta mariyey fariisin ay Khawaarijtu ku laheyd deegaan lagu magacaabo Dhagaxyaale oo dhinaca galbeed ka xiga deegaanka Mesegawaa ee gobolka Galgaduud” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Qaranka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgal kale oo ka dhacay deegaan u dhow magaalada Golweyn ee gobolka Sh/Hoose lagu dilay horjooge Cabdulqaadir Eenow, kaas oo aad u dhibay dadka deegaanadaas ku nool, ninkaas ayaa la dilay xilli uu xoog xoolo baad ah uga aruurinaayey shacabka.

“Duqeyn ka dhacday deegaanka Cali Xeyle ee degmada Ruunirgood hoos taga ayaa lagu gubay gaari Booyad ah, iyadoo halkaas lagu dilay maleeshiyaadkii watay gaarigaas, duqeyn kale oo ka dhacday deegaanka Baraag Sheekh-caamir oo u dhow degmada Galcad ayaa lagu gubay gaari Cabdibile ah iyo dhagarqabayaashii watay,” ayuu yiri Sheekh Abuukar.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa shaaciyey magacyada xubno badan oo maalmihii lasoo dhaafay ka soo goostay kooxda AL-Shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay dowladda.

Hoos ka daawo

Golaha Ammaanka QM oo cunaqabateyn saaray madax Shabaab ah + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markale liiska dadka lagu soo rogay cuna-qabateynta ku daray saddex hoggaamiye oo kooxda Al-Shabaab ka tirsan.

Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, Maxamed Cumar Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Mire ayaa lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen maal-gelinta, qorsheynta, fududaynta, iyo diyaarinta dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab

Bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka QM ayaa lagu sheegay in saddexda hoggaamiye lagu daray liiska cuna-qabateynta ee hoos yimaada qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2713.

“Al-Shabaab waa argagixiso rabshado badan oo mas’uul ka ah dhimashada rayidka, hawl-wadeennada, shaqaalaha gargaarka iyo suxufiyiinta, waa in lala xisaabtamo,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka Golaha Ammaanka QM.

Horjoogayaashan ayaa waxaa lagu soo rogay xayiraad dhanka socdaalka ah iyo weliba cuna-qabateyn ka dhan ah lacagaha ugu kaydsan bangiyadooda.

Tallaabbadan ayaa la sheegay inay timid kaddib markii ay dowladda federaalka Soomaaliya ay arrintan ka dalbatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana qeybo kamid ah dalka ka socda howl-gallo ka dhan ah kooxda oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee hubeysan, ayada oo dhawaan lagu wado inuu bilowdo wejiga labaad ee dagaalka.

Ciidan nooc cusub ah oo maanta tababar loogu soo xiray Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa maanta tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka kooban 70 askari.

Askartan ayaa kamid noqonaysa qeybta hab-maamuuska gaar ahaan ee Baanda Musikada Booliska Soomaaliyeed, sida uu shaaciyay taliska booliska.

Munaasabadda tababarka loogu soo xiray ciidankaas ayaa waxaa goobjoog ahaa taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan C/llaahi Maxamed (Kaniif) iyo saraakiil kale.

Ciidankan cusub ayaa muddo ku qaadanayay tababarka dugsiga Tababarka ciidanka booliska ee S/Guuto Kaahiye oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kaasi oo ay maanta ka qabsoomtay munaasabadda loogu soo xirayay tababarka.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sanadihii dambe si weyn loo tayeynayay qeybihiisa kala duwan, ayada oo dhowrkii billood ee u dambeysay ay soo baxeen dafcado cuusb, oo qaarkood ay tababarka ku qaateen dugsiga tababarada ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

Ciidankaas ayaa hadda qeyb ka ah booliska Soomaaliyeed, iyagoona ka qeyb qaadanaya dadaalada lagu xakameynayo, loogana hortagayo falalka amni darro ee kooxaha argagixisada ay bulshada Soomaaliyeed u soo maleegaan.

Si kastaba, ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa xilligaan dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab, ayada oo dowladda sheegtay inuu qorshuhu yahay in muddo kooban lagu soo afjaro kooxda.

Maalinta la shaacinayo go’aanka kiiska Koofi, Cabdul, Saabey iyo mas’uuliyiin kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maalinta Sabtida ah ee soo socota go’aan ka gaari doonta kiiska dacwadii musuq maasuqa ee loo heystay masuuliyiin ay ku jiraan Agaasimayashii hore ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Agaasimihii hore ee Canshuraha Bariga iy qaar kamid Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada iyo Hey’adda Socdaalka.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 14-kii May shaacisay inay soo gabagabeysay dhageysigii kiiskaan, iyadoo xiligaas balan-qaaday inay go’aan ka soo saari doonto.

Mar kale qoraalka maanta ka soo baxay maxkamadda ayaa lagu mudeeyey maalinta lagu dhawaaqayo go’aanka, taas oo ah Sabtiga soo socda oo Jimcaha berri ay naga xigto.

Masuuliyiintaan ka soo shaqeysay hey’adaha dowladda ee musuqa loo heysto ayaa gaareysa 12 agaasime oo ka soo shaqeeyey hey’adda socdaalka, wasaaradda maaliyadda, bangiga dhexe iyo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

Masuuliyiintaan ayaa loo heystaa xatooyo xoolo dadweyne, waxayna maxkamadeyntoodu socotay dhowr bilood, iyadoo lagu soo oogay kiisas musuq maasuq oo xasaasi ah.

Guddoomiyaha maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Dabaan ayaa 14-kii bishaan ku dhawaaqay in la soo gabagabeeyey dhageysiga dacwadii loo heystay ragaas, isla markaana ay hadda dhiman tahay in go’aan laga soo gaaro.

Guddoomiye Saalax ayaa maalintaas sheegay in kiiska loo gudbiyey go’aan ka gaaris, isagoo sheegay inay shaaci doonaan go’aanka maxkamadda markii la gaaro, waxaana maanta la shaaciyey in Sabtiga 25-ka bishaan lagu dhawaaqi doono go’aanka.

Agaasimayaashii hore ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Korneyl Koofi, Cabdul iyo agaasimihii canshuuraha beriga ee wasaaradda maaliyadda Muxudiin Saabey ayaa ku jira ragga kiiskooda go’aanka laga gaarayo.

Kiiskaan ayaa ku dheeraday maxkamadda gobolka Banaadir, kadib markii xeer ilaalinta iyo hantidhowrka qaranka ay eedeymo culus ku soo oogeen ragaan agaasimayaasha ka soo noqday xafiisyada qaar ka mid ah hey’adaha dowladda, isla markaana la sheegay in la lunsaday malaayiin doolar.

Waxaa la sugayaa go’aanka ay Sabtiga soo saari doonto maxkamadda gobolka Banaadir, iyadoo uu jiro tuhun iyo warar toos loo dhahay oo sheegayey in kiiskaan lagu sumcad dilayo masuuliyiinta loo heysto oo ay is hayaan rag xilal ka haya dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka eeg qoraalka maxkamadda

Qorshaha dagaal ee Muuse Biixi uu wado muxuu ka tari karaa fashilkii Laascaanood?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Muuse Biixi Cabdi, hoggaamiyaha muddo xileedka ka dhamaaday ee Somaliland ayaa la warinayaa inuu qorsheynayo dagaal labaad oo uu ku qaado magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Duullaankii hore ee magaalada Laascaanood wuxuu Muuse u leeyahay khasaare maamul iyo faa’iido shaqsiyadeed.

Muuse wuxuu duullaankii hore ku lumiyay hubkii ugu badnaa ee maamulka, ciidan badan ayaa illaa hadda maxbuus ahaan looga haysta, askar badana waa looga dilay, laakiin isagu shaqsiyan duullaankii hore wuxuu ka faa’iiday labo sano oo muddo kororsi ah.

Waa dhaqan soo jireen ah oo ay caan ku yihiin madaxda xukunka jecel inay xiisad abuuraan si ay xukunka usii joogaan. Markale Muuse Biixi wuxuu isku sharaxay xukunka maamulka Somaliland doorashada dhici doonta bisha November ee sanadkaan.

Dhaq-dhaqaaq ciidan ayaa ka jira gobolka Sool, hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye wuxuu sheegay inay hayaan xogta ah inuu Muuse Biixi duullaan kale soo wado, wuxuuna intaa ku daray inay diyaar u yihiin inay iska difaacaan.

Haddii uu duullaankii hore Muuse Biixi u dhalay muddo kororsi, duullaankan cusubna waxaa la fahamsan yahay inuu Muuse ka dhex raadinayo dib u doorasho.

Inkasta oo aan la ogeyn inay dadka reer Somaliland abaalmarinayaan hoggaamiye colaad ku suntan, haddana Muuse Biixi iyo kooxdiisa waxay rumeysan yihiin in haddii la abuuro colaad kale inay curaneyso baahi la xiriirta in mudnaanta doorashada soo socota la siiyo hoggaamiye ku haboon gaashaandhiga oo maamulka difaaci kara, halkaasna uu Muuse kaga adkaan karo Ciro iyo Faysal oo dhinaca dagaalka uu kaga fir-fircoon yahay.

Laakiin dhinaca kale, dagaalkii hore waxay Somaliland ku lumisay oo sii fogaatay rejadii ictiraafka, inay dagaal kale galaana waxay leedahay qiimo kale oo si weyn usii wiiqi karta macnihii maamulkan.

Waxaana dadka reer Somaliland hortaalla inay fahmaan in duullaanka soo socda uu la xiriiro dib u doorasho.

Muxuu yahay walaaca iska soo taraya heshiiska Xasan iyo madax goboleedyada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu soo baxay heshiiskii ay dhawaan Villa Somalia ku gaareen madaxweyne Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada, waxaa isa soo taraya walaaca laga qabo qodobada labada dhinac isku raaceen.

War-murtiyeed kasoo baxay shir maalmo u socday Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada kala ah; Galmudug Axmed Qoor-Qoor, Jubbaland Axmed Madoobe, HirShabelle Cali Guudlaawe iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa lagu sheegay inay ku heshiiyeen qodobo ay kamid yihiin; dhameystirka dib-u-eegista dastuurka iyo xoojinta dimuqraadiyeynta.

Heshiiskan ayaa muddo kororsi farsameysan siinaya madax goboleedyada, si meel-mar u noqdo qorshaha Xasan Sheekh ee teendhada Afisyoone lagu laaban maayo, xilli uu durba fashil wajahayo wejiga hore ee doorasho qof iyo cod ah, maadaama aan la qaban middii dowladaha hoose oo iba-fur u aheyd qorshahaan doorasho.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah siyaasiyiinta aan la dhacsaneyn sida ay wax u waddo Villa Somalia ayaa waxa uu sheegay in middaan ay sii xoojinayso walaaca iyo niyad-jabka bulshada Soomaaliyeed.

“Walaac xoog leh ayey leedahay sida aqoonyahan iyo dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo aan la kulmo kaga niyadjabsan yihiin dhaqan siyaasadeedka ka sii deraya ee horwaynta siyaasada,” ayuu Cabdiraxmaan ku yiri qoraal uu soo saaray maanta.

“Waxybaaha niyadjabka sii xoojinaya waxaa ka mid ah in shacabkii dushiisa lagu kala iibsado siyaasaddii, iyadoo si cad oo bareer ah taageerada Dastuurka cusub ee dalka loo sameeyey looga iibsaday madaxdii dawlad goboleedyada in ay doorasho la’aan xafiiska iska joogaan.”

Middaan ayuu sheegay in Golaha Wadatashiga Qaran ay ka dhigeyso “Naadiga Madaxweynayasha aan la dooran,” maadaama uu heshiiskan dhaawacay sharciyaddii awalba nuxuuska ahayd ee madaxda dalka.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Walaac xoog leh ayey leedahay sida aqoonyahan iyo dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo aan la kulmo kaga niyadjabsan yihiin dhaqan siyaasadeedka ka sii deraya ee horwaynta siyaasada.

Niyadjabka waxaa sabab u ah arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin fursado shaqo la’aan ah oo ay ka simanyihiin kuwooda aqoonta leh iyo kuwa aan aqoonta sare lahayn. Intaa waxaa dheer, sicirbarar xad ka bax ah, musuqmaasuqa baahsan, fursadihii shaqada, qandaraasyada iyo adeegga la talinta oo lagu bixinayo eex iyo garab ee aan loo eegaynin aqoon iyo mutaysi.

Waxybaaha niyadjabka sii xoojinaya waxaa ka mid ah in shacabkii dushiisa lagu kala iibsado siyaasaddii, iyadoo si cad oo bareer ah taageerada Dastuurka cusub ee dalka loo sameeyey looga iibsaday madaxdii dawlad goboleedyada in ay doorasho la’aan xafiiska iska joogaan.

Tani waxay dhaawacday sharciyaddii awalba nuxuuska ahayd ee madaxda dalka, iyadoo Golalaha Wadashiga Qaran ka dhigaysa “Naadiga Madaxweynayasha aan la dooran”

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay heshiisyo lala soo galay Imaaraadka iyo dal kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey hindise sharciyeed, siyaasad, xeer iyo heshiisyo iskaashi oo uu ku jiro heshiis cusub oo dhawaan lala soo galay dowladda Imaaraadka Carabta.

Heshiisyadan ayaa waxay kala yihiin;

  1. Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka,
  2. Siyaasadda Dowladda ee Bareyaasha Soomaaliyeed.
  3. Xeer-nidaamiyaha qiimeynta saameynta deegaanka
  4. Heshiiska Iskaashiga Difaaca ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya
  5. Heshiiska Is-dhaafsiga dhiirigelinta iyo dhowrista Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).

Shirka oo uu guddoominayey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale waxaa looga dhageystay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta warbixin ku saabsan duufaannada la saadaalinayo inay ka dhici karaan qeybo kamid ah gobollada dalka, sidii loogu diyaar garoobi lahaa, dadka looga wacyi-gelin lahaa.

Sidoo kale, wasaaradaha amniga hudaha iyo gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka iyo guulihii howl-gallada lagu sifeynayo kooxda Al-Shabaab.

Muddooyinkii u dambeeyay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo galeysay heshiisyo caalami ah, waxaana ugu dambeeyay kan difaaca ee ay lasoo gashay dowladda Turkiga.

Maxaa ka jira in Soomaaliay ay Kenya uga tanaasuleyso tartanka kursiga M/Afrika?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cali Saciid Fiqi oo haatan ah xildhibaan ka tirsab golaha shacabka, horayna usoo noqday safiirkii hore Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo guddoomiyihii baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan tartanka iyo loollanka ay Soomaaliya ugu jirto kursiga guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Fiqi ayaa sheegay inay jiraan warar soo baxaya oo sheegaya in dowladda fedeeraalka Soomaaliya ay ka tanaasuleyso ololaheeda musharaxnimo, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay wax laga xumaado.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha socda uu yahay uu yahay in madaxda dalka ay Fowsiyo Xaaji Aadan oo u tartameyso kursigaasi ka dalbadaan inay isaga harto, isaga oo tilmaamay in taasi ay khasaare wayn kala kulmi doonto Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa nasiib darro wararka sheegaya inay Soomaaliya ka tanaasulayso musharaxnimada Midowga Afrika” ayuu yir Dr. Cali Saciid Fiqi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in helidda kursigan uu xilligan muhiim u yahay Soomaaliya, isla markaana uu kor u qaadayo maqaamka dalkeenna, maadaama uu hoggaaminayo Afrika, haddii uu ku guuleysto xilkaasi.

“Doorka guddoomiyaha AUC wuxuu xambaarsan yahay saameyn aad u weyn, mana aha oo kaliya mid waxtar u leh dalka, laakiin sidoo kale wuxuu kor u qaadayaa maqaamkeenna qaran,” ayuu raaciyay Faqi.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in Soomaaliya ay u ogolaan doonto in ay cod weyn ku yeelato arrimaha gobolka iyo in la helo gogol looga hadlo arrimaha muhiimka u ah Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Ugu dambeyn wuxuu kula taliyay dowladda federaalka Soomaaliya in aysan ka tanaasulin tartanka, ayna ku adkeysato go’aankeeda ku aadan sidii ay u heli lahayd kursigaas oo ay kula tartami doonto dowladda Kenya.

Soomaaliya waxaa mateleyso Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo soo noqotay ra’iisul wasaare ku xigeen, taas oo horay mar hore sii billowday ololaheeda, halka Kenya uu u tartami doono Raila Odinga oo isna soo noqday madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaasi.

Si kastaba, musharraxiinta guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa la filayaa inay araajidooda soo gudbiyaan bisha August ee sanadkan, iyadoo doorashada ay ku beegan tahay bilowga sanadka soo socda ee 2025.

 

Daawo: Nabadoon Abaabul oo war ka soo saaray xiisada Daarusalaam, kuna taliyey in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho Nabadoon Cabdulqaadir Abaabul ayaa ka hadlay muranka ka dhashay aqoonsiga degmada Daarusalaam, saddexda degmo ee ku soo biirtay caasimadda iyo degmooyin kale oo hadda uu codsaday in lagu soo daro Muqdisho.

Nabadoon Abaabul ayaa ugu horeyn bulshada caasimadda ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala qoqob bulsho, isagoo maamulka iyo hey’adaha amniga ku bogaadiyey sida ay u  uga hortageen dadkii isku dayey inay xasaradda abuuraan.

Nabadoonka oo aad u soo dhoweeyey aqoonsiga ay dowladdu siisay degmooyinka Gubadley, Daarusalaam iyo Garasbaaley ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ku jirto xaalad ciriiri ah.

Cabdulqaadir Abaabul oo ku hadlay afka golaha uu hoggaamiyo ee badbaado bulsho ayaa dalbaday in Muqdisho lagu soo daro degmooyinka Afgooye, Balcad, Warsheekh iyo deegaanka Jazeera.

“Muqdisho way soo yaraatay, waxaana codsanaa in Jasiira, Afgooye, Balcad iyo Warsheekh lagu soo daro Muqdisho,3-da degmo ee cusubna waan soo dhaweynayaa” ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho Cabdulqaadir Abaabul.

Wuxuu sheegay in bulshada caasimadda afkeeda uu ku hadlayo, isagoo baarlamaanka dalka ugu baaqay inay qorshe gaar ah ka yeeshaan sidii loo fidi lahaa caasimadda Muqdisho, wuxuuna ku taliyey in lagu soo daro degmooyinka daafaha ka xiga.

Nabadoon Abaabul ayaa ku eedeeyey Suldaan Hooley inuu dab ku sii shidayo xiisadda ka taagan degmada Daarusalaam, isagoo sheegay in hadda xaaladu ay soo hagaageyso oo wadahadallo loo furay dhinacyada is haya, si loo kala saaro bulshada.

“Hadii Hooley dhaho degmada reer Hebel ayaa leh oo ana ka daba dhaho oo waayeelkii talada goyn lahaa uu beelaha kala hoggaamiyo waxa laga faa’iidaayo oo kala qeybsanaan aheyn ma jirto,” ayuu yiri Nabadoon Abaabul.

Guddoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho oo hadalkiisa sii watay ayaa raali gelin ka bixiyey hadalkii Suldaan Hooley, “Dadkaas ha fariisteen talo haka gaareen waxa dhex maray iyo sidey u wada noolaanayaan, qofkii uga dareysa xaaladda haka leexdo,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

SACIID DENI ma waxa uu ka soo dabcayaa sidii hore oo doonayaa wada-hadal?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Dani oo ka hadlayay munaasabadda xidhitaanka shirka jiheynta xukuumadda Puntland ayaa sheegay “in cidna aanay uga carareynin Soomaalinamada.”

Hadalkan ayaa imanaya muddo dhinacyadu isku diiddanayaan sida wax u socdaan, weedhaha hawada la isu marinayeyna ay ahaayeen kuwo sidan ka duwan.

Waxaana u danbeeyey go’aankii Puntland ay ku dhawaaqday bishii March oo ay ku sheegeen in ay gaadheen go’aan siyaasi ah, kaas oo golahooda wasiirrada ay kalsoonidii kala laabteen haya’addaha dowladda federalka ee Soomaaliya, xilligaas oo baarlamaanka labada aqal ee Soomaaliya meel mariyeen wax ka baddelka dastuurka.

Hadalka Deni ee maanta ayaa se u muuqday in markan uu qorshahoodu yahay wadahadal.

“Soomaalinimada cidna uga cararimayno, cidda khaldan baan qabanaynaa hadii Allaha idmo. Garab istaaga dadkeenna Soomaaliyeedna hore ayeeynu usii wadaynaa“ ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha Puntland waxa kale oo ka hadlay sida dawladdiisu diyaar ugu tahay in la wadahadlo, isla markaana ay garnaqasanayaan.

“La isma muquunin karo, la’ ismana dardari karo, dalkaan meesha uu aadayo ha laga wada hadlo, Puntland waxay diyaar u tahay garnaqsi” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Saciid Dani ayaa ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada kale in sharciga la dhawro, isagoo ku baaqay in la wadahadlo.

Muxuu ka dhigan yahay hadalkani?

Falanqeeyeyaasha siyaasadda Soomaaliya qaar ayaa ku doodaya in arrintani hadda u muuqato mid wax soo dhawaynaysa oo dhinacyadu ay ku kulmi karaan.

“Xaaladdii taagnayd marka loo eego waa war soodhaweyn ku wanaagsan. In waddada ah in la wada hadlo, in la isu yimaaddo, albaabkeeu in uu marnaba xidhmo kuma wanaagsana dawlanimada,” ayuu qabaa Axmed Shire Axmed oo ah Agaasimaha Machadka Cilmibaadhista ee Hangool ahna bare iyo cilmibaadhe ka tirsan jaamacadda PSU.

Axmed ayaana ku doodaya in markii hore labada dhinac u muuqdeen kuwo isku diiddanaa dano shakhsi ah, haddana ay u muuqdaan kuwo ka tanaasulay arrintaan.

“Midna ma sheegin, waxa ay iksu diideen ee ay ku kala kaceen, markaa waxa muuqataa in marxalad gaar ah oo labadooda u dhaxaysa ay ku kala duwanaayeen, hadda tii shkahiga ahayd in lagu soo daalay baad mooddaa. Kolkaa dawladnimadaa waa lagu kala aragti duwanaan karaa waa na la isfahmi karaa. Taasaana hadda muuqataa,“ ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed Shire.

Puntland oo lagu naaneyso “Hooyada Federaalka” ayaa waxaa jiray arrimo dhowr ah oo ay hore isugu khilaafeen dowladda federaalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin arimaha wax ka beddelka dastuurka, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo weliba dhincyo kale oo siyaasiya oo labada madaxweyne ay u ekaayeen in yihiin kuwo ku kala aragti duwan, taas oo ay ka mid tahay in madaxweyne Deni dhawr jeer ku eedeeyey Xasan Shiikh “takrifal awoodeed” iyo in macnaha laga qaadayo xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Khilaafka Puntland iyo dowladda dhexe ayaa soo bilowday muddo xilleedkii Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo ku magacdheeraa Faroole, ee soo hugaamiyay Puntland, kaas oo salka ku yahay intiisa badan qaar ka mid ah qodobada hadda dhinacyadu ay ku kal aragti duwan yihiin.

Wadashaqaynta ayaase heerkii ugu hooseyey gaartay muddadii lixda sano ahayd ee ugu danbaysay taas oo ka soo bilaamaysa muddo xilleedkii Madaxweyne Farmaajo.

Madaxda hadda ee Puntland marka laga reebo madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ma jirin madaxweyne marka uu dhamaaday muddo xileedkiisa markale soo laabtay.

Madaxweyne Saciid Cabdullahai Deni wuxuu soo afjaray diwaankii halka mudda xileed ay joogi jireen madaxdii isaga ka horeysay, isaga oo bishii January mar kale dib loo doortay.

Isha: BBC

Ciidamada Danab iyo kuwa Macawiisleyda oo dagaal uu ku dhex-maray Ceel-Baraf

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka u tababaran iyo ciidanka deegaanka uu ka dhacay degmada Ceel-baraf ee gobolkaasi, kaas oo ay kasoo baxayaan warar kala duwan.

Ilo wareeydo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in ciidamada Danab oo ka baxay Jowhar, kuna sii jeeday dhanka Hiiraan ay isku dhaceen maleeshiyaadka deegaanka ee ku sugan degmadaas, waxaana labada dhinac dhex-maray iska hor imaad toos ah.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka degmada Ceel-baraf Abuukar Axmed Cabdulle oo la hadlay Idaacadsa Kulmiye ayaa ka warbixiyay dagaalkaasi, wuxuuna eedeyn u jeediyay ciidanka Danab.

Abuukar ayaa sheegay in ciidamo watay gawaari shacab, afkana u duuban yahay ay soo galeen gudaha magaalada, kadibna ay dhibaato xoogan ka gaysteen, sida uu hadalka u dhigay.

“Degmada Ceel-baraf waxaa ka dhacday dhacdo xanuun badan xalay maqribkii ciidan hubeysan oo ku labisan dareeska ciidanka oo wata gaadiid shacab oo gafuurada u duuban yihiin ayaa meesha waxa ay ka sameeyeen fowdo iyo qalqal-gelim amni” ayuu yiri Abuukar Axmed Cabdulle.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada ay isku dayeen inay qoryaha ka furtaan dhalinyaro deegaanka ah oo ku jira Macawiisleyda, balse ay iska difaacee.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay inay argagixin ku sameeyeen shacabka degmada, inta ay ku sugnaayeen gudaha Ceel-baraf oo kamid ah magaalooyinkii laga xoreeyay Al-Shabaab.

“Meesha dhibaato ayaa ka dhacday oo israaseyn ayaa ka dhacday argagixin ayay shacabka u gaysteen illaa iyo hadda habtooda iyo meesha ay ka yimaadeen cid garaneyso ma jirto” ayuu sii raaciyay guddoomiyuhu.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan ay wadaan baaris, isla markaana wixii kasoo baxa ay ka wadaagi doonaan shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay doonayaan in lala xisaabtamo ciidankii ka dambeeyay falkaasi.

Xujeydii u badneyd ee Soomaali ahoo gaaray Makka iyo isbeddelka sanadkan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si habsami leh u socota daabulidda Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan gudaneysa waajibaadka Xajka.

Waxaa maanta magaalada Barakeysan ee Madiina ka ambabaxay gaadiid ay saaran yihiin xujey maalmahaan ku sugnaa magaaladaasi, kuwaas oo gaaray magaalada Makkah.

Xujeyda ayaa seddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Madiina, kadib markii ay ka yimaadeen dalkeena Soomaaliya waxaana ay booqdeen goobaha barakeysan ee magaalada.

Howl-wadeenada xafiiska arrimaha Xajka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowlada federaalka Soomaaliya ayaa si wanaagsan ugu adeegay xujeyda gaartay Boqortooyada Sacuudiga, sida ay sheegtay wasaaradda.

Waxaana weli socda duulimaadyada daabulaya xujeyda ee ka baxaya dalka, ayada oo maalmo kahor Wasiirka Diinta Sheekh Mukhtaar Roobow uu Muqdisho ka sagootiyey xujeyda gaartay Sacuudiga, waxaana safarkii ugu horeeyey ju baxay 500 oo xujey ah.

Guud ahaan xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan baxaysa ayaa gaareysa 11 kun, waxaana xusid mudan in sanadkaan arrimo siyaasadeed ay Puntland uga hartay qeybsiga xujeyda ka baxeysa deegaanada kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Halka Wasiir Mukhtaar Roobow uu dhankiisa sheegay in sanadkaan uu ka wanaagsanaan doono sanadihii hore, islamarkaana adeegyo muhiim ah oo dhameystiran ay heli doonaan xujeyda Soomaaliyeed, sida uu ballan-qaaday.

Lafta-gareen oo war ka soo saaray xildhibaan Shabaab ay xalay ku dileen Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dilka xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Koonfur Galbeed oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan.

Marxuumka ayaa waxaa toogasho ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, isaga oo ku sugnaa xaafadda Seybiyaano ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale kooxda dishay xildhibaanka oo mar qura rasaas ooda uga qaaday ayaa goobta isaga baxsatay, mana jiro tallaabo ay qaadeen ciidanka amniga, kadib dhacdadaasi.

Dhinaca kale madaxweynaha Koonfur Galbeed oo war kasii saaray geerida marxuumka ayaa xaqiijiyay in uu xildhibaanka ku baxay gacanta Al-Shabaab, wuxuuna ka tacsiyeeyay geeridiisa.

“Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan oo ka Tirsana Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Caawa Cadowga Khawaarijta Alshabaab ay ku dileen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xildhibaanka uu door muuqdo kasoo qaatay nabadda iyo dowlad dhiska Soomaaliya, isla markaana la dilay isaga oo u adeegayay bulshadiisa.

“Inalilaahi wainna ileeyhi raajicuun. Alle ha u naxariistee Xildhibaan Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan waxa uu door weyn kasoo qaatay nabadda, dib u dhiska Dowladnimada iyo Dib u heshiisinta Bulshada’ ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan Alle u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday”.

Dilkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya gudaha caasimada, waxaaba barbar socdo dadaal ay waddo dowladda, si looga hortago dhibaatooyinkaasi.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Alle uweydiiyey Xildhibaanka in Hoygiisa uu ka yeelo Janatul Firdowsa Ehelka, Qarabada iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeedna uu Samir iyo Iiman uu Alle ka siiyo

Sawirro: Muxuu Wasiirka Amniga Soomaaliya ku soo arkay Caabudwaaq?

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ku sugan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa kormeer ku tagey Jaamacadda Ummadda faraceeda degmada Caabudwaaq iyo xarunta Agoonta oo dhowaan la dilay Weriye Cabdikariin Bulxan oo gacanta ku hayey xaruntaas.

Wasiirka ayaa ugu horeyn markii uu tegay degmada la kulmay odayaasha dhaqanka ee degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, isagoo ka wareystay xaaladda deegaanka dagaal beeleedyada ka dhaca aagga Caabudwaaq iyo sidii nabad loogu wada noolaa lahaa deegaanka.

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo ardayda Jaamacadda Ummadda, dadaallkooda ku qotoma aqoonta iyo waxbaridda bulshada deegaanka, si jahliga looga baxo.

Wasiir Fartaag ayaa sheegay in aqoontu ay aasaas u tahay nabadda iyo dib u heshiisiinta, isaga oo ugu baaqay aqoonyahanka deegaanka in ay xoojiyaan kaalintooda muhiimka ah, si ay horseed ugu noqdaan xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga.

Dhinaca kale wasiir Fartaag oo kormeer ku tagey xarunta Agoonta degmada Caabudwaaq, ayaa warbixinno kala duwan ka dhageystay maamulka xarunta gacanta ku haya ee la wareegay markii la dilay Samafale Cabdikariin Bulxan oo muddo gacanta ku hayey agoonta ku nool xaruntaas.

Wasiirka ayaa masuuliyiinta xaruntaas ku ammaanay sida ay mudnaanta u siinayaan aqoonta iyo waxbaridda ubadka, taas oo sii xoojinaysa nabadda iyo horumarka deegaanka.

Dhanka kale, Wasiir Fartaag ayaa la kulmay  odayaasha dhaqanka degmada, waxana uu kala hadlay doorkooda ku aaddan nabadda iyo xasilloonida degmada Caabudwaaq.

Wasiirka Amniga XFS ayaa kula dardaarmay odayaasha reer Caabudwaaq in ay sii xoojiyaan kaalintooda nabadeynta deegaanka, iyadoo meesha laga saarayo colaadaha beesha degta Caabudwaaq iyo beelaha kale ee deriska la ah.

 

Sacuudiga oo $19 bilyan ku iibsanaya diyaarado cusub

Riyad (Caasimada Online) – Shirkadda Saudi Group ee Boqrtooyda Sacuudiga ayaa sheegtay inay iibsan doonaan 105 diyaaradood oo Airbus ah, iyagoo ku ammaanay heshiiska inuu yahay kii ugu weynaa ee diyaaradeed ee taariikhda Boqortooyada.

Shirkadda diyaaradaha ee Saudi Airlines ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay heli doonto 54 diyaaradood oo A321neo ah, halka shirkaddeeda Flyadeal ay heli doonto 12 diyaaradood oo A320neo ah iyo 39 A321neo.

Qiimaha heshiiska ayaa dhan $19 bilyan, sida lagu sheegay bayaan gaar ah oo ay soo saartay Future Aviation Forum, shir ka dhacay caasimadda Sucuudiga ee Riyaad, halkaas oo heshiiska lagaga dhawaaqay.

Bayaanka Sucuudiga ayaa lagu yiri, “Heshiiskan taariikhiga ah waxaa ku jira 105 diyaaradood oo la xaqiijiyey, wuxuuna u taagan yahay waqti muhiim ah oo aan ahayn warshadaha duulista hawada Sucuudiga oo keliya, laakiin sidoo kale gobolka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee baaxadda weyn.”

Iibka, oo lagu tilmaamay “heshiiska diyaaradaha ee ugu weyn taariikhda duulimaadka Sacuudiga”, ayaa ka dhigan maalgashi dheeri ah oo ay sameeyeen shirkadaha diyaaradaha Sacuudiga in ka badan hal sano ka dib markii la soo bandhigay diyaaradda cusub ee Riyad.

Boqortooyda Sacuudiga ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay qorsheynayaan dhismaha garoon diyaaradeed oo cusub oo laga hirgeliyo caasimadda Riyadh, kaasoo qaadi kara 120 milyan oo rakaab ah sannadkii.

Taariikhda shirkadda diyaaradaha Saudia oo sidoo kale oo yaqaan oo sidoo kale loo yaqaan Saudi Arabian Airlines, waxay soo bilaabatay sannadkii 1945 markii ay heshay diyaaradii ugu horeysay oo aheyd hadiyad ka timid madaxweynihii xilligaas ee Mareykanka Franklin Roosevelt.

Dhaxalsugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman ayaa u arka waaxda duulista qeyb muhiim ah oo ka mid ah ajandihiisa dib u habeynta “Vision 2030”.

Daawo: Deni oo sheegay in danta Puntland ay ku jirto wada-jirka iyo Soomaalinimada

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayay munaasabadda xiritaanka shirka jiheynta xukuumadda Puntland ayaa sheegay in cidna aanay uga carareyn Soomaalinimada.

“Soomaalinimada cidna uga cararimayno, cidda khaldan baan qabanaynaa hadii Alle idmo, garab istaagga dadkeena Soomaaliyeed-na horay ayaanu u sii wadaynaa,” ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka hadlay sida xukuumadiisu ay diyaar ugu tahay in la wadahadlo, isagoo balan qaaday inay la fariisa doonaan cid kasta oo Soomaaliuyeed oo wada xaajood diyaar u ah.

“La isma muquunin karo, la ismana dardari karo, dalkaan meesha uu aadayo ha laga wada hadlo, Puntland waxay diyaar u tahay garnaqsi,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo ka hadalkaan ka jeediyey munaasabad ka dhacday Garowe.

Saciid Dani ayaa ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada kale ee dalka inay sharciga dhowraan, isagoo ku baaqay in la wadahadlo, si gaar ah wuxuu u duray qorshaha dowladda federaalka iyo maamullada kale ay isla qaateen ee lagu dhameystirayo dastuurka dalka.

Puntland oo si adag uga soo hor jeeda qorshaha socda ee wax ka bedelka dastuurka, sidoo kale khilaaf guud uu kala dhaxeeyo dowladda federaalka ayaa muujineysa adkeysi iyo inay ka maarmeyso la falgelidda dowladda dhexe, taas caqabad weyn ku ah dowlad dhiska dalkaan.

Saciid Deni iyo Xasan Sheekh oo isku garab siiyey doorashadii kursiga madaxweynaha qaranka ayaa kala booday markii xasan Sheekh uu Ra’iisul wasaarihiisa u xushay Xamza Cabdi Barre oo ka soo jeeda Jubbaland.

Deni ayaa rabay in kursiga Ra’iisul Wasaaraha la siiyo isaga ama siyaasi uu qato, balse ma noqon, wuxuuna arrintaas kula dagaalay saaxiibkiis Xasan Sheekh oo shalay ay Farmaajo isugu tageen, markii dib loo xusuusto loolankii doorashada ee May 2022.

Hoos ka daawo