25.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Sawirro: Safiirka Ruushka oo kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta gaashaandhigga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta xarunta wasaaradda gaashaandhigga ku qaabilay Danjiraha Ruushka u fadhiya Soomaaliya, Danjire Mikhail Golovanov.

Kulanka wasiirka iyo danjiraha ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta dadaallada socda iyo taageerada dowladda Ruushka ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in guud ahaan dalka laga cirib-tiro kooxda Al-Shabaab ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaliyeed iyo guud ahaan gobolka.

Mudane Jaamac ayaa sidoo kale wuxuu adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay taageerada saaxiibada caalamka ee ku aaddan gacan siinta arrimaha la xariira dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Danjiraha Ruushka u fadhiya Soomaaliya Mikhail Golovanov ayaa dhankiisa dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ku bogaadiyay sida isku duubnida ah ee ay u wajaheen in ay dalkooda ka cirib-tiraan kooxaha nabad diidka isaga oo sheegay in ay Ruushka ka go’antahay taageerada Soomaaliya

Safiirka Ruushka ayaa maalmihii dambe kulamo ka waday magaalada Muqdisho, wuxuuna Isniintii Madaxtooyadda Qaranka ee Villa Somalia kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Safiirka ayaa markaas sharaxaad dheer madaxweynaha ka siiyey sida dowladda Ruushka ay mudnaan u siinayso taagerada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xaqiijinta amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.

Ruushka iyo Soomaaliya oo 40 sano ka hor ahaa saaxiibo aad isugu dhow ayaa ku kala tegay dagaal xiligii uu socday dagaalkii weynaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya 1977-kii, balse hadda waxaa tartiib u soo noqonaya cilaaqaadkii labada dal.

Sawirro: Qorshaha isbedelka qaran ee 5-ta sano ee soo socota oo maanta la daah-furay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay qorshaha isbeddelka qaranka (NTP) oo beddelaya qorshaha 9-aad ee horumarinta qaran (NDP).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in qorshaha isbeddelka qaranka (NTP) tusaale u yahay hannaanka cusub ee ay qaadday Soomaaliya, kaasi oo xoogga saaraya waxqabad muuqda iyo isbeddel dhab ah.

Waxa uu xusay in isbeddelkani uu xambaarsan yahay rajo cusub iyo hiigsi fog oo ku aaddan kobaca iyo horumarka dalkeenna iyo dadkeenna, islamarkaana diiradda saaraya maal-gelinta ilaha wax soo saarka, si loo gaaro kobac dhaqaale, shaqo abuur iyo fursado horumarineed.

“Qorshahan wuxuu ku saleysan yahay in aan ka faa’iidaysanno khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si aan u gaarno horumar waara,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

“Waxa uu soo saari doonaa qorshayaal la taaban karo oo lagu maalgeliyo beeraha, kalluumaysiga, xoolaha, jidadka, buundooyinka, dekadaha, garoomada diyaaradaha iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah, si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale.”

Mudane Xamza ayaa sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in isbeddel aan la xaqiijin karin, haddii uusan qof walba naftiisa ka bilaabin isbeddelka, taasi oo lagu gaari karo yoolalka fog ee la hiigsanayo.

Soomaaliya ayuu tilmaamay ra’iisul wasaaruhu in ay ka jiraan fursado badan oo dhinacyada maalgashiga, kuwaas oo ka abuurmay shuruucdii maalgashiga shisheeye oo la hirgeliyey, deyntii oo dalka laga cafiyey iyo Soomaaliya oo ku biirtay suuqa ganacsiga bariga Afrika.

Qorshaha isbeddelka qaranka (NTP) ee ra’iisul wasaaruhu maanta daah-furay oo beddelaya qorshaha 9-aad ee horumarinta qaranka (NDP) ayaa horseedi doona hiigsiga horumarka waara, bulsho aqoon iyo xirfad sare leh oo ka tarjumaya mustaqbalka ifaya ee uu leeyahay Soomaaliya.

Saddex dal oo Yurub ah oo maanta ku dhowaaqay in ay aqoonsadeen FALASTIIN

Dublin (Caasimada Online) – Ireland, Spain iyo Norway ayaa Arbacada maanta ah ku dhowaaqay inay aqoonsanayaan Dowlad Falastiin laga billaabo 28-ka May, ayaga oo sheegay inay rajeynayaan in dalalka kale ee reer galbeedka ay ku daydaan, taasi oo keentay in Israel ay u yeerato safiiradeeda.

Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu dardargeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo xabbad joojin laga gaaro dagaalka Israel ay kula jirto Xamas ee Gaza.

“Waxaan rajaynaynaa in aqoonsigeena iyo sababaheena ay ka qayb qaataan in dalalka kale ee reer galbeedku ay wadadaas raacaan, sababtoo ah kullamaa aan badanno, waxaa sii kordhaysa awoodda aan u yeelaneyno in aan xabad joojin sameyno, si loo sii daayo la-haystayaasha Xamas, si dib loogu billaabo hanaanka siyaasadeed ee horseedi kara heshiis nabadeed,” ayuu ku yiri khudbad uu ka jeediyay aqalka hoose ee dalka.

Israel ayaa dagaalkeeda Gaza billowday iyadoo ka aargoosanaysa weerar 7-dii October ay Xamas ku qaadday oo ay ku dishay 1,200 oo qof ayna ku qafaasheen in ka badan 250 qof.

Howlgallada Israel ay ka fulisay Gaza ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 35,000 qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Spain iyo xulafadeeda ayaa muddo bilo ah ka ololeynayay wadamada Yurub, oo ay ku jiraan Faransiiska, Portugal, Belgium iyo Slovenia, si ay taageero ugu helaan aqoonsiga Falastiin.

“Maanta, Ireland, Norway, iyo Spain waxay ku dhawaaqayaan inaan aqoonsannahay Dowladda Falastiin,” ayuu ra’iisul wasaaraha Irelanad Simon Harris ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dublin.

“Mid kasta oo naga mid ah hadda wuxuu qaadi doonaa tallaabo kasta oo qaran oo lagama maarmaan u ah si loo dhaqan geliyo go’aankaas.”

Waxa uu intaa ku daray in Ireland ay si aan mugdi ku jirin u aqoonsaneyso Israel iyo xaqa ay u leedahay “inay si ammaan ah oo nabad ah kula jirto deriskeeda,” wuxuuna ku baaqay in dhammaan la haystayaasha Gaza si deg deg ah loo soo celiyo.

Magaalada Oslo, Ra’iisul Wasaaraha Norway Jonas Gahr Store, ayaa sheegay in habka kaliya ee lagu heli karo xal siyaasadeed oo dhexmara Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay tahay “laba Dal oo isku dhinac yaalla oo ku wada nool nabad iyo amni”.

Jawaabta Israel 

Isaga oo ka jawaabaya ku dhawaaqista, ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee Israel, Israel Katz waxa uu amar ku bixiyay in si deg deg ah usooo laabtaan safiirada Israel u fadhiya saddexda waddan si ay wadatashi ula yeeshaan, waxa uuna ka digay “cawaaqib xun”.

“Waxaan maanta dirayaa fariin cad: Israel ma dhayalsan doonto kuwa wax u dhimaya qarannimadeeda oo khatar gelinaya ammaankeeda,” ayuu yiri.

Israel ayaa ku dooda in sida kaliya ee lagu heli karo qarannimo Falastiin ay tahay wadaxaajood, islamarkaana haddii nidaamkan la hareer maro ay Xamas iyo kooxaha kale ee mintidka ah siinayso dhiirigelin ay ku adeegsadaan rabshado.

Qiyaastii 144 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa horey u aqoonsaday Falastiin, waxaana ku jira inta badan dalalka koonfurta caalamka, Ruushka, Shiinaha iyo Hindiya.

Hase yeeshee tiro yar oo ah 27-ka xubnood ah ee Midowga Yurub ayaa ilaa hadda tallaabadaas qaaday. Sweden ayaa noqotay waddankii ugu horreeyey 2014. UK iyo Australia waxay muujiyeen bilihii la soo dhaafay inay dhowaan ku dayan karaan.

Falastiiniyiinta ayaa raadiya Dowlad ka jirta Daanta Galbeed ee ay Israel haysato iyo Marinka Gaza, iyadoo caasimaddooda ay tahay Bariga Qudus.

Maraykanka oo ah xulufo aad ugu dhow Israel ayaa bishii hore codka diidmada qayaxan ku diiday isku day Qaramada Midoobay ay ku doonaysay inay ku aqoonsato dowlad Falastiin, isaga oo ku dooday in xal laba dawladood ahi ku iman karo oo keliya wada xaajood toos ah oo dhexmara dhinacyada.

Reuters + VOA

Sawirro: Xaalad aad u adag oo kasoo cusboonaatay Beledweyne kadib markii…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Xaalad adag oo ka dhalatay fatahaad horleh oo uu sameeyay wabiga Shabelle ayaa maanta ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo uu ka socdo barakac ay sameynayaan dadka deegaanka.

Wabiga ayaa xalay ku fatahay xaafadaha bari ee magaalada Beledweyne, kadib roobab xooggan oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay halkaasi.

Dadka deegaanka oo ay saameysay fatahaadan ayaa bilaabay barakac, waxaana intooda badan ay deegaansadeen dhulka taagga ah ee ka fog goobaha biyaha ay galeen.

Barakacayaasha ayaan weli helin wax gurmad ah, mana jiro tallaabo ay illaa iyo hadda qaadeen madaxda gobolka iyo HirShabelle oo ku aadan xaaladdaasi.

Qaylo dhaanta shacabka ayaa durbo bilaabatay, waxayna baaq culus u direen dowladda federaalka, HirShabelle iyo hay’adaha ka shaqeeya samafalka.

Fatahaadan oo horay looga digay ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn guud ku yeelato magaalada Beledweyne oo uu dhex maro wabiga Shabelle ee ka yimaada Itoobiya.

Dowladda dhexe ayaa dhowaan soo saartay digniino ku aaddan in shacabka ka fogaadaan goobaha biyo mareennada iyo toggaga sababo la xiriiro cabsi laga qabo roobab wato dabeylo iyo daad.

Si kastaba, marar badan ayay soo laa laabtay fatahaadda Beledweyne, mana muuqato qorshe cad oo wax looga qabanayo, marka laga tego gurmadka loo sameeyo shacabka.

 

Kadib go’aanka DF, tallaabo kale oo mudan in deg deg loo qaado

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay howlgallo culus oo dad badan lagu soo qab-qabtay ka fuliyay maaalada Muqdisho, waxaana gacanta dowladda soo galay eedeysanayaal tiro badan.

Dadka soo galay gacanta dowladda ayaa isugu jiro kuwa lagu soo qabtay dibad-bax rabshada watay oo ay ka dhigeen degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir, wiil ku hanjabay inay sameynayaan ‘gagembi, oday wayn oo lagu magacaabo Mascuud Garwayne oo dhaliili jiray garsoorka dalka iyo gabdho iyo wiilal baraha bulshada ka bilaabay dagaal qabiileysan.

Dhammaan tallaabooyinkan ayaa la boggaadiyay, waana kuwo lagula dagaalamayo dhaqan xumada iyo waxyaabaha liddiga ku ah amniga magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo qoraal soo saaray ayaa soo dhaweeyay tallaabooyinka ay qaadeen ciidanka dowladda, wuxuuna sheegay inay tahay shaqo haboon oo ku aadan akhlaaqiyaadka bulshada.

Sidoo kale, Cali Yare ayaa ku taliyay in hay’adda isgaarsiinta qaranka si deg-deg ah loogu soo magacaabo mas’uul dowladda ka xigsan kara culeysyada dhanka isgaarsiinta ee bulshada, si ay isula jaanqaadaan tallaabada ay qaadayaan ciidanka booliska Soomaaliya.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:

Meeshii Muqdisho aheyd gacan aamaano ah ayay gashay maalmahaan waanan u riyaaqay shaqada dowladda dhanka akhlaaqiyaadka bulshada iyo la xariirta u qaaday gaar ahaan booliska qeybta guud.

Waa laga yaabaa ineey bulshada qaarkood ay sahashadaan ama ay xaajo iska caadi ah u qaataan dadka baangadaha isku qaatay ee waddooyinka magaalada isku ballansaday, kuwa iyagoo shacab ah sheegay in ay dowladda afganbinayaan iyo kuwa degmooyin dowladdu aqoonsatay dab qabadsiiyay intaba ee Rati weyne iyo reer-koraad u kala baxay, laakiin waxaa marqaati madoonto in dowladdu ay xabsiyada ku gurtay.

Markaan tallaabada xigta ee naga dhimman waa dowladdeenna oo si degdeg ah hey’adda isgaarsiinta qaranka ugu soo magacoowda qof aan LIIDAN oo dowladda ka xigsan kara culeysyada dhanka isgaarsiinta bulshada ka heeysta, si ay iskula jaanqaadaan tallaabooyinka laamaha amnigu qaadeen iyo dagaal dhanka hey’adda isgaarsiinta qaranka looga qaado markii maareeye shaqada qaban kara la soo magacaabo.

Sidoo kale wasaarad warfaafinta oo siyaasadda dowladda bulshada u fasiri karta iyo haddiiba la heli karo nuu lagu soo nooleeyn karo telefeshinkii dowladda ee burburay.

Booliska Muqdisho oo soo xiray oday weyn oo u gefay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya oo weli si wada howlgalladooda ayaa maanta gacanta kusoo dhigay Mascuud Cabdullaahi Afrax (Garweyne) oo ah nin oday ah, isla markaana marar badan kasoo muuqday warbaahinta isaga oo dhaliilaya dowladda.

Booliska ayaa ninkan ku eedeeyay inuu u gefay garsoorka dalka, isla markaana uu waxba kama jiraan ku tilmaamay xukunno ay rideen maxkamadaha dalka.

“Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Booliiska Dagmadda Waabari ayaa soo xiray Eedeysane Mascuud Cabdullaahi Afrax(Garweyne) Eedeysanahaan ayaa ku eedeysan in uu u gafay Garsoorka Dalka  waxba kama jiraana ku tilmaamay xukunno kasoo baxay Maxkamaddaha Dalka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay booliska.

Sidoo kale taliska booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in eedeysanahan la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

“Waxaa deg-deg loo horgeyn doonaa Maxakamadda awooda uleh” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska Soomaaliya.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waa ilaaliyaha ammaanka guud iyo sareynta shariga, waxeyna markale uga digayaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan  been abuurka Hay’addaha Cadaalada Dalka”.

Shalay booliska ayaa soo xiray 15 qof oo ka qayb qaatay dibad-bax rabshada watay oo ka dhacay Daarusalaam, kaas oo looga soo horjeeday awood qaybsiga maamulka degmadaasi.

Waxaa kasii horreeyay oo lasoo xiray Liiban Khaliif Abtidoon oo isna ka qayb-galay dibad-bax ay dhigeen ehellada Sayid Cali Macallin Daa’uud, isaga oo ku goodiyay inay ‘afgembi sameynayaan’ sidoo kale waxaa xabsiga ku jira gabdhihii uu ka dhex qarxay dagaalka qabiilka ee caanka ka ahaa baraha bulshada ee Internet-ka, gaar ahaan barta Tiktik-ga.

Weerar lamid ah kuwii dalka Koonfur Afrika oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay xalay kooxo burcad ah ka gaysteen gudaha degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu beegsaday dad shacab ah.

Weerarkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Iga-dabagey ee degmadaasi, waxaana lagu beegsaday dukaan ku yaallo halkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Burcadda ayaa gudaha u gashay dukaanka, waxayna dhac baahsan uu gaysteen dukaanka, iyaga oo dhaawacay wiil iyo aabihiis oo xilligaas ku sugnaa.

Wiilka iyo aabaha ayaa haatan xaaladdooda caafimaad lagu dabiibayaa mid kamid ah isbitaallada ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho, ayada oo ehelladdu ay dalbanayaan cadaalad, maadaama dhac baahsan iyo dhaawac la’isugu daray.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in burcadda falkan gaysatay ay goobta isaga baxsatay, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi.

Weerarkan ayaa u ek kuwa lagu hayo Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika oo inta badan dhac iyo dil kala kulmo kooxo burcad ah oo ku sugan gudaha dalkaasi.

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaa inta badan ka dhaca falalka dhaca ah oo ay dhibaanayaal u yihiin shacabka Soomaaliyeed oo dhibaato kala kulma rag hubeysan iyo kuwa mindiyo wata oo xilliyada habeenkii ah ka qooleesta degmooyinka gobolka Banaadir.

Xog: Magaca taliyaha cusub ee ciidamada Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Nin cusub ayaa dhowaan loo magacaabay taliyaha guud ee ciidamada Al-Shabaab, kaas oo faahfaahin badan aan laga helin, balse la xaqiijiyey magacaabistiisa.

Taliyaha cusub ee ciidamada Al-Shabaab waxaa magaciisa lagu sheegay Guuleed Ilkacase, mana ahan nin wax badan oo faahfaahin ah laga hayo.

Ninkaan ayaa bedelaya taliyihii hore ee ciidamada Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabo Yaasir Jiis, isla markaana ah nin si weyn loo raadiyo xogtiisa.

Yaasir Jiis wuxuu ku jiraa liiska xubnaha ugu sareeya argagixisada oo dowladdu uu ugu weyn yahay Mareykanka ay aad u doon doonayaan.

La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay in Al-Shabaab ay toddobaadkaan magacaabeen sarkaal cusub.

Xuseen oo ka gaabsaday in ninka loo magacaabay Taliyaha ciidamada  Al-Shabaab uu magaciisa sheego, isla markaana faahfaahin buuxda ka bixiyo ayaa xaqiijiyey in magacaabistaas ay dhacday toddobaadkaan.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in markii ay ka yaraadeen weerarradii ciidamada dowladda Soomaaliya ay fursad u heleen inay dib u habeyn ku sameeyaan ciidankooda, ilaa ay toddobaadkaan bedeleen taliyihii ugu sareeyey.

Dhanka dowladda waxaa ka socda abaabul xoog leh, xeryaha militeri ee Muqdisho ayaa buuxsamay, waxaana maalmaha soo socda la qorsheynayaa inay gobollada dhexe dib uga bilowdaan howlgallada dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

DF oo faro-gelisay cabasho xooggan oo ka taagan eeyaha baaritaanada sameeya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si toos ah usoo faro-gelisay cabashada gaadiidleyda qudaarta ka keena gobolka Shabeelaha Hoose, oo muuddooyinkan qaylo dhaan ka muujinayay koontaroollada laga soo galo Muqdisho.

Gaadiidleyda ayaa si gaar ah uga cabanayay eeyo ay sheegeen inay baaraan gaadiidkooda, kuwaas oo ay tilmaameen in xilliyada qaar ay kusoo aadaan, iyaga oo maqan ama hurdaya, isla markaana ay saacado badan iyo maalmo ay ku qaadato inay sugaan Eeyaha.

Wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Maareeye oo ku baxay arrintan ayaa saaka booqday baraha koontarool ee ay Muqdisho kasoo galaan gaadiidkan isaga oo la kulmay beeradleyda, isla markaana xog wareystay xaaladooda.

“Saaka 6:30 am Subaxnimo waxaan kormeer shaqo ku tegay goobta ay Magaalada Muqdisho ka soo galaan Beeralayda ka timaada Gobolka Shabeelada hoose ee Qudaarta iyo dalagyada ay soo saaraan u wada suuqayada Xamar” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu la kulmay saraakiisha ciidamada, uuna ka hadlay cabashada gaadiidleyda, si loogu fududeeyo howlaha ay uga baahan yihiin ciidanka.

“Waxaan la kulmay oo ka wareystay xaaladahooda Beeraleyda wadatay gaadiidka Qudaartu saaran tahay, sidoo kalena waxaan la kulmay Ciidanka iyo Saraakiisha adeegyada amniga ku hawlan ee goobta ku sugnaa oo aan ka codsaday in ay Beeralayda u dedejiyaan adeegyada ay ka sugayaan” ayuu mar kale yiri wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya.

Maareeye ayaa sidoo kale xusay in beeraleyda uu la kulmay ay ka muuqatay dhibaatada ay sheeganayaan iyo rafaad ay ku qabaan wadooyinka ay soo maraan, mararka qaarna ay dhibaato xoog leh kala kulmaan kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Markii aad physically si dhab ah u fiiriso duruufta iyo muuqaalka Beeralayda iyo Baabuurta ay wataan waxaad ka arkaysaa in ay soo rafaadeen, waxaadna korkooda ka akhrisanaysaa inta ay le’egtahay dhibaatada Khawaarijtu ku hayso dadkeena danyarta ah” ayuu raaciyay.

Muddo aad u dheer ayay soo taagnayd qaylo dhaanta gaadiidleydaan, waxaana saameyn ku yeeshay habraaca amni ee loo dajiyay gaadiidka alaabta sida ee soo galaya Muqdisho.

Daawo: Dubbe oo farriin u direy Xasan Sheekh iyo Deni xilli uu kasii daray khilaafka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cismaan Abuukar Dubbe oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo madaxda dowladda federaalka iyo hoggaanka sare ee maamulka Puntand.

Dubbe ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay maqnaashaha Puntland oo aanu kasoo qayb-gelin shirkii ugu dambeeyay ee golaha wadatashiga qaran, balse waxa uu tilmaamay inuu rajeynayo in xal waara laga gaari doono mad-madowga u dhexeeyo labada dhinac.

“State-ka weli maqan ee aan kasoo qayb-gelin shira waxaan rajeynayaa muddo badan ayaa dhimane in taa lagu xalin doono” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray Xasan Sheekh iyo Deni oo uu ugu baaqay inay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka, kadibna ay dhammeeyaan khilaafka dhexdooda ah.

“Aaan wada-hadalno waa aan heshiino, aadna waan u boorinayayaa wada-hadalkaas” ayuu sii raaciyey Senator Cismaan Abuukar Dubbe.

Dhinaca kale Dubbe oo hadalkiisa sii wata ayaa boggaadiyay dadaalka madaxweynaha, wuxuuna sheegay inuu isfaham wayn uu ka dhexeeyo isaga iyo ra’iisul wasaaraha.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in haatan ay wanaagsan tahay wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda, sarana loo qaaday xiriirka caalamiga ah.

“Halku dhiggii madaxweynaha ee Soomaali Heshiis ah, dunidana heshiis la ah, si buuxda ayuu u dhaqan-galay, waxaadna ka garan kartaa wada shaqeynta madaxda iyo hey’adaha dowladda oo aan horay u dhici jirin” ayuu mar kale yiiri Sanatorku.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkiisii yahay khilaafka u dhexeeyo dowladda federaalka iyo Puntand iyo mucaaradka oo garab kale ah, kuwaas oo ka horyimid wax ka beddelka dastuurka oo ay ku dhaqaaqday Villa Somalia, uuna meel-mariyay baarlamaanka.

Xogta sida ay SOOMAALIYA uga baxayso ATMIS iyo howl-gal kale oo la qorsheeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa sida uu u ekaan doono howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya, markii uu dhamaado qorshaha ATMIS oo ku eg dhamaadka sanadkaan 2024-ka.

Howlgalka aan ka warameyno wuxuu Soomaaliya ka bilaaba doonaa Janaayo 2025-ka, sida la qorsheeyey, waxaana sanadkaan Soomaaliya ka baxaya mar kale 4,000 oo ka tirsan ciidamada ATMIS.

Bisha soo socota ee Juun ayaa la qorsheeyey inay baxaan 4,000 oo askari, balse waxaa la bedelay qorshahaas oo 2,000 ayaa baxaysa Juun, halka 2,000 oo kale ay baxayso bisha Sebtember ee isla sanadkaan.

Sanadkii hore 5,000 oo askari oo ka tirsanaa ATMIS ayaa ka baxay Soomaaliya, kuwaas oo howlgalkoodii laga maarmay, kuna baxay ogolaanshaha dowladda Soomaaliya.

9,000 ama ugu badnaan 10,000 oo askari oo ATMIS ah ayaa Soomaaliya ku hareysa markii la gaaro bisha December ee dhamaadka sanadkaan 2024-ka.

Qorshaha Midowga Afrika ayaa ah in ciidanka ku haraya Soomaaliya ee ATMIS ay bilow u noqdaan howlgalka la qorsheeyey inuu Soomaaliya ka bilowdo sanadka soo socda ee 2025-ka.

Ilaa hadda ma cadda in howlgalkaas oo sii ahaan doono mid hoos taga Midowga Afrika, isla markaana ogolaansho ka heli doona golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ooh adda taageera dhaqaale ku bixiya howlgalka ATMIS.

Dowladda Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, waxay ka gaabsadeen inay saxaafadda faahfaahin ka siiyaan nooca uu noqonayo howlgalka la qorsheynayo in lagu bedelo kan ATMIS iyo sida qorshahaasi uu ku suurta-geli karo.

Hoggaamiyaha MAAMULKA SSC Khaatumo oo ka digay qorshe ay waddo Somaliland

Roma (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa Somaliland uga digay in ay dagaal ku qaado deeganada SSC Khaatumo ee uu ka taliyo, Firdiiye ayaa sheegay in arrintaasi cawaaqib xumo ku noqon doonto Somaliland.

Hoggaamiye Firdhiye oo ku sugan dalka Talyaaniga, ayaa jaaliyada reer SSC Khaatumo ee magaalada Rooma uga warbixiyay xaalada SSC Khaatumo.

“Muuse Biixi hadda wuu soo xayd xaydanayaa, intii dagaalka lagu guda jiray hablaha reer Hargaysa waxa hal ku dhig u ahayd “Muusow ciidanka fasax” Muuse hadda wuxuu leeyahay ka bayra waan fasaxayaaye, inshallah wuu ku jabi haddii uu isku dayo dagaal danbe,” ayuu yiri Firdhiye.

Firdhiye waxa uu sheegay in ay ka shaqaynayaan sidii deegaanada SSC Khaatumo ay u noqon lahaayeen qaar nabad ah oo xasiloon, isla markaana loo tirtiri lahaa raadkii ay dagaaladu ka tageen.

Hadalka hoggaamiye Firdhiye ayaa imanaya maalmo kadib markii Somaliland ay xustey 18 May, oo ku beegan 33 sano ka hor markii ay ku dhawaaqdey in ay tahay dal madaxbanaan.

Jiidaha colaada ee u dhaxaysa Somaliland iyo SSC ayaa laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq ciidan.

Ciidamada Somaliland ayaa si ba’an ugu jabey dagaalkii gobolka Sool 25 Agosto, waxaana Laascaanood ku xiran maxaabiis ku dhaw 400 oo askeri oo laga qabtey cidamada Somaliland.

Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in ay si dhakhso ah gacanteeda ugu soo celin doonto deegaanadii ay ku lumisay dagaalkii kal hore ka dhacay gobolka Sool. Somaliland ay ciidan iyo saanad milatari kusoo daad guraysay, iyadoo xili kasta uu dagaal ka dhex qarxi karo labada dhinac. 

Somaliland waxay isu diyaarineysaa doorashada Madaxweynaha oo ay ka dhimantahay 5 bilood oo keliya.

QM oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xaalka GAZA

Gaza (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa hakisay qaybinta cuntada ee magaalada Rafax ee ku taalla dhinaca koonfureed ee Qaza, iyada oo ay ugu wacan tahay, saadka oo gababaabsi ah iyo xaaladdaha amni darrada oo sare u kacay.

Stephane Dujarric oo ah afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa Salaasadii sheegay in xarumaha cunto qaybinta ee hay’adaha Qaramada Midoobay ee WFP iyo UNRWA, inay noqdeen goobo aan la gaadhi karin, iyada oo ay ugu wacan tahay hawlgallada milateri ee ka socda Rafax.

Dad ka badan hal milyan oo qof ayaa haatan waajahaya xaalad macaluul oo aad u sarraysa, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Marina xuduudda ee ku yaalla magaalada Rafax ayaa mar ahaa goobaha ugu muhiimsan ee gargaarka bini’aadanimo laga geliyo marinka Qaza, hase ahaatee waxaa la xidhay, tan iyo wixii ka dambeeyey bishan May 6-deedii.

Sidoo kale muddo laba maalmooda, ma jirto wax gaadiida oo ka ambabaxay dekedda ku meel gaadhka ah ee Maraykanku uu dhisay, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Afhayeen u hadlay WFP ayaa sheegay in hawl-gallada bini’aadanimo ee Qaza inay qarka u saaran yihiin inay burburaan, isaga oo ka digay, in haddii aan dib loo soo celinin cuntadii iyo sahaydii kale, in macaluushu ay faafi doonto.

Sawirro: Booliska oo Daaru-Salaam ka soo xiray 15 qof oo arrin xasaasi ah loo haysto

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaliya ayaa degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir ka soo qabtay koox la sheegay inay fowdo ka waday degmadaas.

Dadka lasoo xirxiray ayaa gaaraya 15 qof oo iskugu jira Rag iyo Dumar, dadkaan ayaa ku eedeysan inay soo abaabuleen banaanbaxyo rabshado dhaliyey oo khasaare sababay.

Dadkii maanta banaanbaxa ka dhigay degmadaas ayaa dalbanayey in qabiilkooda la siiyo guddoomiyaha degmadaas oo dhowaan dowladda ka heshay aqoonsi rasmi ah oo degmanimo.

Booliska oo soo bandhigay sawirrada dadka lasoo qabtay ayaa sheegay in la horgey doono maxkamad, iyadoo mar kale looga digay shacabka ku nool caasimadda inay ka fogaadaan wax kasta oo amniga liddi ku ah.

Habeen ka hor ayey aheyd markii sidaan oo kale loo soo bandhigay sawirrada dhalinyaro gabdho u badan oo kicin dadweyne ka bilaabay barta TikTok, kuwaas oo dhammaantood xabsiga loo taxaabay.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka taagan xiisad wayn oo hareysay baraha bulshada ee Internet-ka , taas oo salka ku haysa arrimo qabiil, waxaana ay keentay in dhalinyarado ay noqdaan kuwo koox koox isaga soo horjeeda.

Arrintan oo sii xoogeysaneysay maalmihii lasoo dhaafay ayaa keentay in dowladdu ay tallaabo qaado, ayadoo lasoo xiray gabdho iyo wiil caan ka ah barta TikTok, kuwaas oo loo haysto kicin bulsho, waxaana haatan lagu wadaa in lasoo taago maxkamad.

Xiisadda qabiilka ee ka taagan Muqdisho ayaa hadda aad looga dareemayaa degmada cusub ee Daarusalaam, qabiilada Habargidir iyo Abgaal ayaa isku heysta maamulka degmadaas, waxaana maanta qeybo kamid ah ka dhacay mudaharaadyo rabshado wata oo ka dhashay aqoonsigii ay heshay degmada Daarusalaam.

Booliska ayaa qaaday tallaabo adag, waxaana lasoo xiray dadkii abaabulay banaanbaxaas, iyadoo ciidamo dheeraad ah la geeyey xafadaha degmada Daarusalaam, si loo demiyo rabshadahaan salka ku haya arrimaha qabiilka.

Xog: Turkiga oo Soomaaliya dhul ka siinaya Ankara, $6 milyan ugu dhisaya safaarad

Ankara (Caasimada Online) – Turkiga ayaa lagu wadaa in uu Soomaaliya u dhiso safaarad iyo dhul uu ku kacayo lacag lagu qiyaasay in ka badan $6 Milyan, sida ku cad heshiis loo gudbiyay baarlamaanka Turkiga Isniintii shalay.

Sida ku cad heshiiskii Turkiga iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen 2022-kii, Ankara waxay ku gudeysaa tallaabadaan dhul ay dowladda Soomaaliya ugu deeqday Turkiga 2015-kii, kaas oo ku yaalla xeebta badweynta Hindiya ee Muqdisho.

Dhulkii ay dowladda Soomaaliya siisay Turkiga waxaa laga dhisay safaaradda ugu weyn caalamka, warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in safaaradda Turkiga ee Muqdisho lagu dhisay lacag dhan $65 Milyan.

Soomaaliya waxaa Ankara laga siinayaa 3 markii loo dhigo 2 meel dhul la eg kii Turkiga ay ka siisay Muqdisho. Turkiga ayaa qorsheynaya in dhulka uu siinayo Soomaaliya uu ka dhiso safaarad weyn, wuxuuna heshiiskaan u ogolaanayaa Soomaaliya inay mustaqbalka iibiso dhulka iyo dhismayaasha haddii ay rabto.

Ilo xog ogaal ah ayaa warbaahinta Turkiga u sheegay in dhulka ay dowladda Soomaaliya Muqdisho ka siisay Turkiga uu wax badan ka weyn yahay dhulka hadda Soomaaliya laga siinayo caasimadda Turkiga ee Ankara, balse dowladda Soomaaliya ayaa macaasheysa dhismaha dhulkaas oo ugu yaraan 6 milyan oo dollarka Mareykanka ah ay ku baxeyso.

Dowladda Turkiga ayaa tan iyo sanadkii 2011-kii waxay si weyn u maalgalineysay Soomaaliya, iyadoo ku bixisay in ka badan $1 bilyan oo gargaar bini’aadantinimo ah, taasi oo wax looga qabtay abaaro dad badan ay ku dhinteen oo sanado kala dambeeyey ku dhuftay Soomaaliya.

Turkiga ayaa hadda awood ciidan oo xoog leh ku leh Soomaaliya, waxaana shirkado laga leeyahay dalka Turkiga ay maamulaan garoonka diyaaradaha iyo dekedda magaalada Muqdisho, kuwaas oo heshiisyo kula jira dowladda Soomaaliya.

Turkiga waxa uu tababaray in ka badan 10,000 oo askari oo Soomaali ah, una dhiganta saddex meelood meel ka mid ah ciidamada Soomaaliya, saldhig militeri oo lagu tababaro ciidamada xoogga Soomaaliya ayuu Turkigu ku leeyahay koonfurta Muqdisho, halka diyaaradaha dagaalka ee dowladda Turkiga ay ciidamada Soomaaliya ka caawiyaan dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale dowladda Turkiga ayaa ku dhawaad ​​$30 Milyan sanad kasta ku biirisa miisaaniyada Soomaaliya, halka sanadkii 2020-kii, uu Turkigu ka bixiyey Soomaaliya dayn dhan $3.4 Milyan oo hey’adda lacagta adduunka ee IMF ay ku laheyd.

Bishii Febraayo ee sanadkaan Turkiga iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiis dhameystiran oo difaaca iyo iskaashi dhaqaale ah, kaas oo faraya in Turkiga uu biyaha Soomaaliya ka difaaco argagixisada, burcad-badeedda iyo khataraha dibadda, 10-ka sano ee soo socda.

Bishii Maarso, waxay labada dal mar kale kala saxiixdeen heshiis sahamin iyo qodis shidaal ah, sidoo kale heshiiska waxaa qeyb ka ah sahmin dhameystiran oo dhulka Soomaaliya uu Turkigu ku sameynayo.

Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa isha lagu hayay markii wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu bishii November shil gaari ku dilay nin Turkish ah, shilkaas ayaa ka dhacay magaalada Istanbul, xilligaas oo Maxamed Xasan Sheekh uu watay gaari ay leedahay safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga.

Wiilka madaxweynaha oo markii hore ka baxsaday dalkaas ayaa dib ugu noqday dalka Turkiga, isagoo hortegay maxkamadda, waxaana lagu xukumay xabsi labo sano bar ah, kaas oo markii dambe u uku iibsaday lacag dhan $900 oo ganaax ah.

Maxay tahay sababta ay qaar ka mid ah dadka IRAN ugu dabaal degeen geerida Raisi?

Tehran (Caasimada Online) – Dad badan oo u dhashay dalka Iran oo ka soo horjeeda maamulka Jamhuuriyadda Islaamiga ayaa u dabaaldegay geerida madaxweynihii dalkaas Ibraahiim Raisi, dabaaldegaas ayaa is qabsaday gudaha dalka, dibadda iyo baraha bulshada.

Arrintaan ayaa la yaab ku noqotay shucuubta caalamka, maadaama dadkii la filayey inay ka naxaan madaxweynahooda shilka ku dhintay ay bilaabeen dabaal-degyo waaweyn oo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin shilkaas iyo geerida madaxweyne Ibraahim Raisi.

Mucaaradka Iran ayaa sheegay in madaxweynaha geeriyooday uu amray in la laayo maxaabiis siyaasadeed oo tira-badan sanadkii 1988-kii, tallaabadaas oo noqotay mid ay iloobi waayeen dadka Iran.

Sidoo kale dadka farxadda muujinaya ee reer Iran waxay sheegeen in madaxweynaha geeriyooday uu u adeegsan jiray awoodiisa madaxweyne, si loo caburiyo dhaq-dhaqaaqa shacabka Iran.

Gabood-falada ay shacabku iloobi waayeen ee madaxweynahoodii ay kala kulmeen waxaa ka mid ah awoodii ay dowladdu adegsatay banaanbaxyadii lagu dalbanayey xuquuqda haweenka, kuwaas oo dalka Iran ka qarxay sanadkii 2022-kii.

Waxaa la baahiyey sawirrada iyo muuqaalada dadka ku farxay geerida madaxweynihii Iran oo wadaagaya macmacaan iyo waxyaabo kale oo ay ku muujinayaan farxadda ay dareemayaan.

Magaalooyinka waaweyn ee qaaradda Yurub safaaradaha ay ku leedahay Iran, afaafkooda hore waxaa Isniintii ka bilowday xaflado ay dhigayaan mucaaradka Iran ee dalkooda dibad jooga ka ahaa, kuwaas oo ku farxay geerida madaxweynihii dalkooda oo caburin adag ay kala kulmi jireen.

Adduunka oo dhan waxaa is qabsaday muuqaalada iyo hadallo jees jees ah oo loo jeedinayo madaxweynaha geeriyooday ee Iran, kuwaas oo ay baahinayaan dadkii dalkooda Iran uga cararay xukunkii adkaa ee Madaxweyne Raisi, kuwo weli ku nool gudaha dalkaas iyo dad u dhashay dalal kale, balse necbaa xukunka Iran.

Sanadkii 2020-kii markii la dilay taliyihii ugu sareeyey ciidamada Iran Qaasin Suleybaani ayaa sidaan oo kale waxay mucaaradku ugu dabaal-degeen khaarajintiisa, taas oo la yaab ku noqotay dunida, balse muujineysa sida loo caburiyey dadka reer Iran.

Dhankooda, Hogaamiyayaasha Islaamiga ah ee Iran ayaa u fadhiya shan maalmood oo baroodiiq ah oo loogu tacsiyaynayo Madaxweynihii Iran Ebrahim Raisi oo shil diyaaradeed ku dhintay Axaddii, waxaana la dhintay wasiirkiisii arrimaha dibadda iyo masuuliyiin kale.

Somaliland oo shaacisay qaabka ay u dhaqan gelineyso heshiiskii badda ee Itoobiya

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa mar kale maanta ku celisay in dhawaan uu fuli doono heshiiskii dhex-maray iyaga iyo Itoobiya, kaas oo qeybo ka mid ah badda Soomaaliya uu ku saxiixay Muuse Biixi.

Wasiirka warfaafinta Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo u waramay BBC ayaa sheegay in markii ugu horraysay safaarad buuxda ay Itoobiya u dalacsiisiisay xafiiskeedii magaalada Hageysa.

Wasiirka ayaa la weydiiyey waxa ay ka yeelayaan go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya oo dalbatay in la xiro xafiiska ay safaaradda Itoobiya ka furatay magaalada Hargeysa.

Wasiir Cali Mareexaan ayaa ku jawaabay, “Xafiiskaan waxaa la furay iyadoo Soomaaliya aysan dowlad ka jirin, xittaa mid ku meel gaar ah, in maanta ay dhahaan meel aysan ka talin safaarad ku taalla hala xiro, adinkuba waa ogtihiin in aysan macquul aheyn.”

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay kula talinayaan in si walaalnimo iyo saaxiibtinimo leh ay u dhaqanto, isla markaana ay joojiso gardarada iyo waxyaabaha aysan awooda u laheyn oo ay faragashaneyso.

“Heshiiskii aan Itoobiya la galnay wuxuu marayaa heer gabagabo ah, madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa maalin dhoweed sheegay in la dhaqan gelinayo, maalmaha soo socda ayaad arki doontaan talaabooyin lagu dhaqan gelinayo heshiiskaas,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.

Muuse Biixi ayaa munaasabadii 18-ka May ka sheegay in Somaliland ay ka go’antahay dhaqan gelinta heshiiskii ay la gashay Itoobiya, isagoo dowladda Soomaaliya ku jees jeesay oo sheegay in aysan awood u laheyn inay hor istaagto dhaqan galka heshiiskaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay safriikii Itoobiya, balse Itoobiya oo ka jawaabeysa tallaabadaas ayaa safiir u dalacsiisay qunsulkii u joogay magaalada Hargeysa, taasi oo ka dhigan in Itoobiya oo awoodi la’ inay aqoonsato Somaliland ay hadana u magacaabaneyso safiir.

Daawo: Aabe si arxan darro lah loogu hor-dilay qoyskiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo ay xalay kooxo hubeysan ka gaysteen duleedka magaalada caasimada ah ee  Muqdisho, kaas oo loo gaystay Aabe ku dhex jiray carruurtiisa iyo qoyskiisa

Dilkan oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ayaa waxaa gaystay rag ku hubeysnaa qoryo iyo mindiyo oo weerar ku qaaday qoyskaasi.

Gabar kamid ah ehellada oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in weerarka uu dhacay xilli ay joogeen bannaanka, isla markaana lagu hor-dilay Aabaha.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in kooxda dilka gaysatay ay taleefanada ka dhaceen, kadibna ay rasaas fureen, taas oo uu ku dhintay marxuumka oo 40 sano jir ahaa.

“Waxay ahaayeen 7 ruux oo ku hubeysnaa qoryo iyo mindiyo way nasoo galeen wiilna waa naga dileen wayna dhaceen” ayay tiri gabar kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale waxay baaq cod dheer u dirtay dowladda federaaka Soomaaliya, ayada oo ka dalbatay inay wax ka qabato dhibaatooyinka oo ay sheegtay inay soo laa laabteen.

“Waxaan dalbaneynaa in nagala qabto dhalinyarada qoryaha wadata ee nagu soo soofeyso habeen walbo” ayay sii raacisay.

Inta badan waxaa Muqdisho iyo deegaanada u dhow ka dhaca dilal qorsheysan iyo dhac baahsan oo ay shacaba u gaystaan burcad hubeysan, hadda waxaa socda howlgallada ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo dhowr jeer lagu soo qabtay rag hubeysan.

DF oo ka digtay halis kusoo wajahan dalka – Maxay tahay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA) ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay duufaan ay sheegtay inay kusoo wajahan tahay qaybo ka mid ah dalka, taasoo loogu magac daray 𝗟𝗮𝗹𝘆.

SoDMA ayaa shaaca ka qaaday in duufaantan ay bilaabatay 14-kii bishan ayna ku socotay xawaare hoose oo u dhexeeya 75 illaa 100 kiilo-mitir saacadii, balse ay hadda xoogeysatay.

Hay’adda ayaa sheegtay in xawaaraha duufaanta uu maanta gaaray 85 illaa 10 kiilo-mitir saacaddii, isla-markaana saadaasha ay muujineyso inay xaaladda kasii dareyso.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay magaalooyinka ay hadda ku wajahan tahay duufaantan, kuwaas oo dhacay Koonfurta Soomaaliya, waxaana kamid ah Baydhaba, Kismaayo, Jamaame, Baraawe, Marka iyo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Sida ay hay’addu sheegtay dabeylahan ayaa dhalin kara khasaare hantiyeed mid nafeed oo ka dhaca deegaanada uu dhow xeebaha, saameyn karana doomaha isticmaala badda.

“Cabsida ugu wayn ayaa ah inay sababi karto burbur hnatiyeed sida guryaha deegaanada dhaca xeebaha iyo doonyaha kalluumeysiga iyo kuw ganacsiga ee dhex goosha marin badeedkaas” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Hay’adda SoDMA ayaa shacabka Soomaaliyeed ee deggan hareeraha xeebaha ugu baaqday inay feejignaan muujiyaan, ayna ka taxadaraan duufaanta Laly.

“Ha’yadda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) XJFS waxay bulshooyinka ku nool deegaanadaas kor ku xusan ee dalka ugu baaqeysaa inay ka taxadaraan khataraha ka dhalan kara duufaantaas” ayaa la raaciyay.

Soomaaliya ayaa waxaa dhawaan ku duftay xaaladda Elnino oo wadatay roobab daadad wata oo dhaliyay inay fatahaad ka dhacdo qaybo badan oo kamid ah dalka.

Gaari hub iyo daawo u waday Shabaab oo la qabtay + Sawirro

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo maanta howgal culus fuliya ayaa gacanta kusoo dhigay gaari hub iyo daawo u siday kooxda Al-Shabaab, xilli uu marayay xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Gaariga oo ah nooca ay Soomaalida u taqaano Laylo Calaawi ayaa lagu qabtay deegaanka Maraay-suuley oo u dhow deegaanka Mesegawaa, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.

Howlgalkan oo lagu qabtay hub, rasaas, saanad ciidan iyo daawo loo waday Al-Shabaab ayaa waxaa si gaar ah u sameeyay ururka 86-aad ee Guutada 77 ee ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan aagga xadka kala qaybiya labada gobol ee HirShabelle.

Ciidamada ayaa soo bandhigay sawirrada gaariga iyo qeybo ka mid ah agabka uu u siday kooxda Al-Shabaab.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi lagu qabtay gaariga u socday dhankooda, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid degan.

Ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab ayaa weli isku horfadhiya dhulka howdka ah ee u dhexeeya labada gobol Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo badanaa ay dagaallo ka dhacaan.

Si kastaba, Maalmihii lasoo dhaafay howlgallo is dabajoog ah ayaa ka socday tuulooyinka iyo dhulka howdka ah ee dhaca soohdinta labada gobol, si looga saaro kooxda Al-Shabaab.